buugeyga xusuusta - socca · 2016. 7. 1. · ka shaqaynaysey shaqo mushahar lagu qaato ama aad...

36
Buugeyga xusuusta Hawlwadeenkayga sooshalka: Tel: Sooshalkayga: Tel: Magac: Taariikh:

Upload: others

Post on 11-Feb-2021

1 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

  • Buugeyga xusuusta

    Hawlwadeenkayga sooshalka: Tel:

    Sooshalkayga: Tel:

    Magac: Taariikh:

  • SOCCA - Pääkaupunkiseudun sosiaalialan osaamiskeskusKäenkuja 3 a B , 1.krsPL 7409, 00099 Helsingin kaupunkiwww.socca.fiToteuttanut: Ruth TegeneKansi ja ulkoasu:Mehalet YaredPaino: Kopio Niini Oy

  • Ku soo dhawow inaad macaamiil ka noqoto Laantaarrimaha dadka waddanka u soo guurey! 2SIDA AAD U ISTICIMAALAYSO BUUGAAGA XUSUUSTA 3WAAXDA SOOSHALKA IYO LAANTA SOOSHALKAEE ARRIMAHA DADKA WADDANKA U SOO GUUREY 4BANGIGA 8XAFIISKA DIWAANGELINTA 8BAARITAANKA CAAFIMAADKA EE IMAATINKA WADDANKA 10HAY’ADDA HAWLGABKA QARANKA 11XAFIISKA ARRIMAHA U SOO GUURIDDAWADDANKA 17BOOLISKA 18DEGGENAANTA GURYAHA 24DARYEELKA CAAFIMAADKA 27XANNAANO MAALMEEDKA CARRUURTA 31DUGSIGA HOOSE/DHEXE 32WARARKA KALE 33MEELAHA LAGA SOO XIGTEY 34

    Tusmo

  • 2

    Buugaaga xusuusqta waxaa ku qoran hay’adaha muhiimka ah ee aad arrimahaaga dartood la xaajoon doonto. Waxaa kaloo buugga laguugu sheegayaa taageerooyinka kala duduwan iyo noocyada sharciyada deggenaanshaha ee jira iyo weliba qofka heli kara taageerooyinkaas iyo sharciyadaas.

    Markaad hesho sharcigaaga deggenaanshaha waddanka ee ugu horeeya, waxay noqonaysaa inaad buuxbuuxiso foomam kala duduwan, waxaadna tegi doontaa xafiisyo badan oo kala duduwan. Waxaa laga yaabaa inay waxyaabahaasi bilowga hore dhib kula noqdaan. Adigoo kaashanaya buugaaga xusuusta ayaad la socon kartaa hadba meeshay arrimahaagu marayaan.

    Waad salaaman tahayMacadka tacliinta sare ee xirfadaha ee Laurea,Ardayad barata cilmiga sooshalkaRuth Tegene.

    Ku soo dhawow inaad macaamiil ka noqoto Laanta arrimaha dadka waddanka u soo guurey!

  • Hay’’adaha dowladda mid walba markaad foomkeedacodsiga ee lagaaga baahan yahay buuxiso, khaanaddaisku talaab (X) ku qor.

    Dhinaceedana waxaad ku qori kartaa maalinta aadfoomka codsiga ah geysey ama u dirtay meeshii loogutalagalay. Xusuusta ku qor wakhtigaad go’aanka heshayiyo nooca uu go’aanku yahay.

    OHJEITA MUISTIVIHKOSI KÄYTTÖÖN

    23

    Tusaale:Codsiga lacagta caawimada ijaarka waxaad Hay’addaHawlgabka Qaranka (Kela) loo geeyey 1.1.2009,go’aanka lacagta caawimada ijaarkuna wuxuu yimi1.2.2009 waana tusaale ahaan 200 €/bishii.

    Waxaa la geeyey: 1.01.2009 Go’aan: 1.2.2009 200€/bishii

    SIDA AAD U ISTICIMAALAYSO BUUGAAGAXUSUUSTA

  • 4

    Fikradda waxqabadka ee waaxda sooshalkaWaaxda sooshalku waxay suuragal ka dhigtaa inay carruurta iyodhallinyaradu helaan koriin fiican, waxay sii xoojisaa dadka waaweyn awoodooda waxqabsasho iyo masuulnimadooda, waaxda sooshalku waxay kaloo hubisaa in dadka waayeelka ah helaan nolol nabadgelyo iyo sharaf leh.

    Laanta sooshalka ee arrimaha dadka waddanka u soo guureyLaanta sooshalka ee arrimaha dadka waddanka u soo guurey waxay hoos tagtaa oo ka tirsan tahay waaxda sooshalka ee Helsinki. Laantu waxay dadka qaxootiga ah ee Helsinki si joogto ah u soo dega u qabanqaabisaa adeegyo sooshalka ah oo taageeraya siday dadkaasi ula qabsan lahaayeen waddanka.

    Laanta sooshalka ee arrimaha dadka waddanka u soo guurey waxaa macaamiil ka ah dadka qaxootiga ah ee la siiyey sharci si joogto ah waddanka loogu deggenaan karo. Sida caadiga ah muddada aad laantan macaamiil ka ahaanaysaa waa qiyaastii saddex sano oo ka bilaabanaya maalinta aad gasho diwaanka dadka ee waddankan.

    Laanta sooshalka ee arrimaha dadka waddanka u soo guureyWakhtiyada ay furan tahay: Isniin - Jimce saacadaha 9.00- 15.00(9 subaxnimo ilaa 3 galabnimo) Cinwaan: Dagmarinkatu 6, 00100 Helsinki Laanta sooshalka ee arrimaha dadka waddanka u soo guurey telefoonkeeda heeganka ee loogu talagalay markay jiraan waxyaabo degdeg ah waa Tel: 050 5528 434

    WAAXDA SOOSHALKA IYO LAANTA SOOSHALKA EE ARRIMAHA DADKA WADDANKA U SOO GUUREY

  • 5

    Adiga ama qoyskaagu waxaad Laanta sooshalka ee arrimaha dadka waddanka u soo guurey ku leedihiin labo ilaa saddex shaqaale ah oo la idiin magacaabay, kuwaas oo ku taageeraya wakhtiga aad ku jirto la qabsashada waddanka.

    Qofka sooshalka ah (Sosiaalityöntekijä)Qofka sooshalka ah hawlihiisa waxaa ka mid ah.

    • inuu qofka macaamiisha ah ku hago bulshada Finland• qorshayaasha la qabsashada waddanka • ogaanshaha xaaladaha qoysaska• sugidda helitaanka dhaqaalaha nolosha• adeegyada carruurta aan qaangaarka ahayn ee aan waalidkood haysan

    Qofka hawlwadeenka sooshalka ah (Sosiaaliohjaaja)Qofka hawlwadeenka sooshalka ah hawlihiisa waxaa ka mid ah.

    • inuu qofka macaamiisha ah ku hago bulshada Finland• qabanqaabinta imaatinka waddanka• arrimaha baasaboorada, dukumeentiyada lagu safro iyo sharciyada deggenaanshaha waddanka• qabanqaabinta boos iskuul iyo xannaano• waxqabadka kooxeed

    Cilminafsiyaqaan (Psykologi) Cilminafsiyaqaanku waa aqoonyahanka arrimaha caafimaadka maskaxda.

  • Cilminafsiyaqaanka hawlihiisa waxaa ka mid ah.

    • ogaanshaha xaaladaha qoysaska• la talin iyo hagitaan• sii gudbin iyo warbiximo

    Xisaabiyaha dhaqaalaha (Etuuskäsittelijä)Xisaabiyaha dhaqa aluhu wuxuu gaaraa go’aamadaada qoraalka ah ee dha qaalaha caawimada nolosha.

    Laanta sooshalka ee arrimaha dadka waddanka u soo guureywaxaa kaloo jooga oo ku caawinaya shaqaale ah aqoonyannocilmiga caafimaadka iyo sooshalka.

    Shaqaalaha Laanta sooshalka ee arrimaha dadka waddankau soo guurey waxay qabanqaabiyaan wargelimo (info), sihorumar loogu sameeyo sidaad waddanka ula qabsan lahayd.

    Ka qaybqaadashada wargelimaha

    Taariikh Wargelin maxay ku saabsan

    6

  • Lacagta caawimada nolosha (Toimeentulotuki)

    Lacagta caawimada nolosha ee sooshalku bixiyo waxaad xaq u leedahay, haddii aadan shaqadaada ama si kale ku helin karin dhaqaalaha nolosha ee aad u baahan tahay. Lacagta caawimada nolosha ee sooshalku bixiyo waxaa loogu talagalay inay noqoto taageerada ugu dambaysa ee la codsado.

    Sida caadiga ah bil walba waa inaad dalbataa lacagta caawimada nolosha. Codsiga cusub samee qiyaastii laba todobaad ka hor wakhtiga aad lacagta caawimada nolosha u baahan tahay.

    Lacagta caawimada nolosha ee aad heleysaa way isbedbedeli kartaa oo waxay ku xiran tahay dakhliga kale ee ku soo gala. Tusaale ahaan mushaharka ama taageerooyinka ay Hay’adda Hawlgabka Qaranku (Kela) bixiso saamayn bay ku yeelanayaan caddadka lacagta caawimada nolosha ee aad sooshalka ka heleyso.

    Codsiga soo raaci: • warqadda mushaharka kuu soo dhacay,• go’aamada taageerooyinka Kela• heshiiska ijaarka• warqadda warbixinta akownka bangiga• wixii kale ee warkooda lagaa codsado

    Lacagta caawimada nolosha waxaa laguugu soo shubayaa akownkaaga. Haddii aadan akown lahayn, lacagta waxaa laguugu soo hagaajinayaa xafiiska lacagta, oo halkaas baad ka doonanaysaa.

    7

  • Xafiiska lacagta (Rahatoimisto)Wakhtiguu furan yahay: Isniin - Jimce 8.00- 16.15 (8 subaxnimo ilaa 4.15 galabnimo)Cinwaan: Toinen linja 4A,00530 Hakaniemi, Helsinki

    Ballanqaadka bixinta kharashka (Maksusitoumus)Ballanqaadka bixinta kharashku waa warqad ay Laanta sooshalka ee arrimaha dadka waddanka u soo guurey ku ballanqaadayso, inay bixinayso kharashka lagu heshiiyey, tusaale ahaan ballanqaadka bixinta kharashka farmashiyaha.

    Bangiga waxaad akown ka soo furan kartaa haddii aad leedahay dukumeenti aqoonsi ah oo offisahal ah, tusaale ahaan baasaboor ama kaarka aqoonsiga (henkilökortti). Lacagtaada si nabadgelyo leh baad ugu kaydsan kartaa akownka bangiga.

    Akownkaaga waxaad u samaysan kartaa kaarka otomaatiga ah ee bangiga ee otomaatigyada lagala baxo lacagta, biilalkana adigaa kaarkaas iskaga bixin kara.

    Xafiisyada diwaangelintu waxay qaabilsan yihiin waxyaabaha ay ka midka yihiin diwaangelinta dadka ajnebiga ah.

    8

    BANGIGA (PANKKI)

    XAFIISKA DIWAANGELINTA (MAISTRAATTI)

    MAISTRAATITMAGISTRATERNA

  • 9

    Xafiiska diwaangelinta ee HelsinkiWakhtiyada uu furan yahay: Isniin - Jimce saacadaha: 08:00 - 16:15 (8 subaxnimo ilaa 4.15 galabnimo)Cinwaan: Albertinkatu 25, 00181 Helsinki Diwaangelinta qofka ajnebiga ah (Ulkomaalaisen rekisteröinti)

    Markaad Finland timaadaba waa inaad hore iska diwaangelisaa, markaas ka dib waxaa lagu siinayaa lambarkaaga aqoonsiga. Lambarka aqoonsiga waxaa laga dalbadaa xafiiska diwaangelinta.

    Waddanka Finland lambarka aqoonsigu wuxuu ka kooban yahay taariikhdaada dhalashada iyo 4-5 oo lambarro ama lambarro iyo xarfo isku jira ah. Dadka kale yaanay kaa ogaan lambarkaaga aqoonsiga.

    Buuxbuuxi foomka diwaangelinta ee qofka ajnebiga ah laga buuxbuuxiyo.

    Waxaad foomka soo raacisaa:• laissez passer, baasaboorka ama dukumeenti kale oo lagu safro• go’aanka sharciga laguugu ogolaaday

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

    9

  • Laanta sooshalka ee arrimaha dadka waddanka u soo guurey la taliyihiisa daryeelka caafimaadka ayaa dadka toos waddanka Finland u yimaada u ballaminaya wakhtiga ay marayaan baaritaanka caafimaadka ee imaatinka waddanka.

    Baaritaanka caafimaadka ee imaatinka waddanka waxaa laguu ballamin karaa, markaad hesho lambarka aqoonsiga.

    Carruurtaadu iskuul ama xannaano ma bilaabi karaan ilaa ay ka maraan baaritaanka caafimaadka ee imaatinka waddanka.

    Wakhtiyada baaritaanka caafimaadka ee imaatinka waddanka

    Baaritaankalkaaliyahacaafimaadka

    Wakhtigaraajada

    Wakhtigashaybaarka

    (Baaritaan dhakhtar)Magac

    BAARITAANKA CAAFIMAADKA EE IMAATINKA WADDANKA (MAAHANTULOTARKASTUS)

    10

  • Hay’adda Hawlgabka Qaranka oo loo yaqaan Kela waxay sugtaa dadka xaaladahooda kala duwan ee nolosha. Daryeelka bulshadu wuxuu ka kooban yahay noocyo kala duduwan oo taageerooyin dhaqaale ah oo ay dowladdu bixiso.

    Waaxda sooshalku waxay xaq u leedahay inay kaa soo celiso qayb ka mid ah dhaqaalaha ay Keladu gadaal Magac Wakhtiga shaybaarkaWakhtiga raajada Baaritaan kalkaaliyaha caafimaadka (Baaritaan dhakhtar) kaaga soo shubto, haddii beddelkoodii hore laguu sii siiyey lacagta caawimada nolosha ee sooshalku bixiyo.

    Xafiiska Kelada ee kuugu dhow

    Cinwaan:

    11

    HAY’ADDA HAWLGABKA QARANKA (KELA)

    Daryeelka bulshada (Sosiaaliturva) Ugu horayn waa inaad dalbataa badbaadada bulshada ee deggenaansha waddanku ay salka u tahay. Ka dib ayaad xaq u yeelanaysaa noocyada kale ee dhaqaalaha ah ee Kela bixiso.

    Marka lagaa soo gaaro go’aan ogolaansho ah ka dib ayaa boostada laguugu soo dirayaa kaarka Kelada (Kela- kortti).

    Muddada uu kaarkaaga Keladu shaqaynayaa waxay ku xiran tahay wakhtiga uu sharcigaagu ku eg yahay. Marka sharciga laguu cusboonaysiiyo, xasuuso inaad kaarkaaga Keladana cusboonaysiisid.

  • Lacagaha carruurta (Lapsilisät) Ilmo walba oo da’diisu ka yar tahay 17 sano, wuxuu leeyahay lacagta carruurta (lapsilisä), lacagtaasna labada waalid (masuul) midkood baa loo soo shubaa. Caddadka lacagta carruurtu waxay ku xiran tahay carruurtu intay yihiin. Haddii aad waalid keli ah tahay, waxaad dalban kartaa qaybta kordhinta ee waalidka keligiis ilmaha haya loogu kordhiyo lacagta carruurta.

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

    Buuxbuuxi codsiga lacagta carruurta: LL1

    Buuxi codsiga: Y77

    Waxaad soo raacisaa:• dadka arrintu khusayso go’aanka sharcigooda

    12

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

  • Lacagta guri ku haynta (Kotihoidon tuki)Haddii qoysku leeyahay ilmo 3 sano ka yar oo aan ku jirin xannaano magaaladu leedahay, Keladu waxay qoyska siisaa lacagta guri ku haynta oo la siiyo dhammaan carruurta da’doodu ka yar tahay 7 sano ee aan xannaano maalmeedka dhigan. Lacagta guri ku haynta carruurtu waa dakhli canshuur laga gooyo.

    Buuxi codsiga lacagta guri ku haynta carruurta: WH1

    Codsiga soo raaci: • kaarka canshuurta (Verokortti)

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

    Dhaqaalayaasha ay Keladu bixiso qaarkood waa dakhli canshuur laga gooyo, sida lacagta guri ku haynta carruurta. Xasuuso, inaad xafiiska canshuuraha ee kuugu dhow ka soo samaysato kaarka canshuurta. Haddii aadan kaarka canshuurta lahayn, dhaqaalahaaga la canshuuro waxaa laga goynayaa 60 % canshuur ah.

    Lacagta caawimada ijaarka (Asumistuki) Dadka isku dheriga ah ee dakhligoodu yar yahay waxay dalban karaan lacagta caawimada ijaarka. Isku dheriga waxaa loola jeedaa dadka guriga ku wada nool.

    13

  • Buuxi codsiga lacagta caawimada guud ee ijaarka: AT1

    Lacag maalmeedka bukaanka (Sairauspäiväraha)Lacag maalmeedka bukaanka waxaad heli kartaa, haddii jirro darteed aadan awoodin inaad shaqayso. Lacag maalmeedka bukaanka waxaad heli kartaa haddaad ugu yaraan saddex bilood ka shaqaynaysey shaqo mushahar lagu qaato ama aad saddex bilood ahayd arday maalintii oo dhan wax barta.

    Haddii shuruudda saddexda bilood ah aad buuxin weydo, lacag maalmeedka bukaanka waxaad heli kartaa markaad awood la.aan shaqo ahayd 55 maalmood oo isku xiga

    Buuxi codsiga lacag maalmeedka bukaanka: SV8

    Codsiga soo raaci:• warbixinta dhakhtarka ee caddaynaysa inaadan awoodin shaqo

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

    14

  • Qorshaha la qabsashada waddanka (Kotoutumissuunnitelma) Shaqaalaha qorsheeyaha ah ee xafiiska shaqada iyo qofka sooshalka kuu ah ayaad isla samaynaysaan qorshahaaga la qabsashada waddanka. Xaaladaha qaarkood waxaa dhici karta in qorshaha la qabsashada waddanka lagu sameeyo Laanta sooshalka ee arrimaha dadka waddanka u soo guurey.

    Qorshaha la qabsashada waddanka waxaad shaqaalaha kulaheshiin kartaa waxyaabo ay ka midka yihiin qabanqaabintawaxbarashada luuqadda Finnishka, waxbarashada dadka waaweyn iyo weliba qabanqaabinta waxyaabaha kale ee kuwaas u dhigma ee taageeraya la qabsashadaada waddanka. Lacagta taageerada la qabsashada waddanka (kotoutumistuki) waxaad heleysaa, markaad qorshahaaga ka soo baxdo.

    Qorshahaaga la qabsashada waddanka

    15

    Lacagta caawimada naafada ee qofka 16 sano ka yarLacagta caawimada naafada ee qofka 16 sano ka yar Lacagta caawimada naafada ee qofka 16 sano ka yar waxaa loogu talagalay ilmaha jirradiisu muddo dheer tahay ama naafada ah. Si loo helo taageerada, waxaa shardi ah in ilmaha jirran ama naafada ah daaweyntiisu ama daryeelkiisu keeno inay qoysku sida caadiga ah si ka badan ugu mashquulaan ilmaha jirran muddo ugu yaraan lix bilood ah

    Codsiga soo raaci: • warbixinta dhakhtarka ee caddaynaysa jirrada ama naafada

    Waa la sameeyey:

  • Lacagta taageerada la qabsashada waddanka Waxaa suuragal kuu ah inaad Kelada ka hesho lacagta taageerada la qabsashada waddanka. Helitaanka lacagta taageerada la qabsashada waddanka waxaa shuruud u ah, in la sameeyey qorshaha la qabsashada waddanka. Lacagta taageerada la qabsashada waddanka waxaa lagu dalbadaa foomka lagu dalbado lacagata taageerada suuqa shaqada (työmarkkinatuki).

    Buuxi codsiga lacagta taageerada la qabsashada waddanka / lacagta taageerada suuqa dhaqaalahai/lacag maalmeedka aasaasiga ah: TT1

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

    16

  • 17

    Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanku

    ajnebiga Finland yimaada ayuu u ogolaadaa sharciyadajoogidda waddanka

    wuxuu falanqayn ku sameeyaa codsiyada magangelyada,wuuna waraystaa, isagaana go’aannada gaaraa

    wuxuu bixiyaa baasaboorada qaxootiga iyo dukumeenti-yada lagu safro ee dadka qaxootiga ah la siiyo

    wuxuu go’aan ka gaaraa dadka waddanka laga celinayo iyo kuwa waddanka laga saarayo

    wuxuu kaloo u xilsaaran yahay codsiyada lagu soo dalbado dhalashada waddanka.

    Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanku wuxuu hoos tagaa wasaaradda arrimaha gudaha. Xafiisku wuxuu falanqayn ku sameeyaa oo go’aan ka gaaraa arrimaha la xiriira imaatinka waddanka, joogitaanka waddanka, qaxootinimada iyo dhalashada waddanka Finland.

    XAFIISKA ARRIMAHA U SOO GUURIDDA WADDANKA(MAAHANMUUTTOVIRASTO)

  • Finland gudeheeda shaqada boolisku waa inuu ilaaliyo sidii loo dhowri lahaa nidaamka iyo cadaaladda bulshada, iyo inuu ilaaliyo in aan lagu xad gudbin nidaamka guud iyo nabadgelyada, iyo weliba inuu dembiyada ka hortago, inuu dembiyada baaro iyo inuu dembiyada u gudbiyo xeerilaaliyaha si uu uga fekero.

    Markaad u baahan tahay caawimo degdeg ah, waxaad wacdaa lambarka guud ee caawimooyinka degdegga ah.

    Booliska arrimaha ajnebiga (Ulkomaalaispoliisi)Booliska arrimaha ajnebigu isagoo raacaya si waafaqsan go’aamada uu Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanku gaarey, ayuu dadka ajnebiga ah ee Finland jooga siiyaa oo u cusboonaysiiyaa sharciyada

    deggenaanshaha waddanka ee wakhtiyo go’an ku eg ee dhacaya iyo sharciyada joogtada ahba.

    LAMBARKA GUUD EE CAAWIMOOYINKA DEGDEGGA AH WAA: 112

    18

    BOOLISKA (POLIISI)POLIISI

  • Booliska arrimaha ajnebigu wuxuu kaloo qaabilsan yahay hawlaha la xiriira arrimaha kaarka aqoonsiga (henkilökortti), baasaboorka qaxootiga (muukalaispassi), dukumeentiga lagu safro iyo weliba arrimaha la xiriira dhalashada waddanka. Waxyaabaha ogolaanshaha ah ee la codsanayo codsiyadooda waa in shakhsi ahaan loogu geeyaa booliska. Waddanka dibediisa marka la joogo codsiyada waxaa loo geeyaa Safaaradda Finland.

    Booliska arrimaha ajnebiga ee MalmiWakhtiguu furan yahay: Isniin - Jimce 8 - 16.15 (8 subaxnimo ilaa 4.15 galabnimo)Cinwaan: Viljatie 2, 00700 Helsinki

    Cusboonaysiinta sharciga (Jatko-oleskelupa) Sharciga cusbioonaysiintiisa waxaa laga dalbadaa booliska arrimaha ajnebiga. Sharciga waxaa loo cusboonaysiin karaa qofka Finland sababtuu Finland u joogaa tahay tusaale ahaan inuu magangelyo ka codsaday ama uu qaxooti ku yahay.

    Buuxi codsiga sharciga deggenaanshaha:

    Codsiga soo raaci:• sawirka baasaboorka oo ah nooca ay boolisku aqbalayo• hadduu jiro dukumeenti hore oo ah nooca lagu safro• go’aamadii hore ee sharciga deggenaanshaha waddanka

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

    19

  • Sharciga deggenaanshaha ee joogtada ah (Pysyvä oleskelulupa) Qofka codsadaha ah wuxuu sharciga joogtada ah heli karaa, markuu si xiriir ah afar sano Finland deggenaado oo uu lahaa sharciga deggenaanshaha ee wakhtiga go’an ku eg.

    Sharciga deggenaanshaha ee ugu horeeyaa marnaba ma noqon karo nooca deggenaanshaha joogtada ah. Sharciyada deggenaanshaha ee ugu horeeyaa mar walba waa kuwo wakhti go’an ku eg.

    Buuxi codsiga sharciga deggenaanshaha:

    Codsiga soo raaci: • sawirka baasaboorka oo ah nooca boolisku aqbalayo• hadduu jiro dukumeenti hore oo ah nooca lagu safro• go’aamadii hore ee sharciga deggenaanshaha waddanka

    Isu keenidda qoyska (Perheen yhdistäminen) Qofka qaxootiga ah iyo qofka magangelyo darteed ama inuu badbaado u baahan yahay darteed loogu ogolaaday sharciga deggenaanshaha wuxuu dalban karaa in qoyskiisa loo ogolaado. Waxaa loo arkaa in dadka qoyska ka tirsan yihiin qofka la isqabo/ ama isqabid ahaan oo kale loo wada nool yahay iyo carruurta aan qaangaarka ahayn ee aan xaaska ahayn

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

    20

  • Buuxi codsiga sharciga deggenaanshaha:

    Codsiga soo raaci: • qofka la dalbanayo sawirkiisa oo nooca baasaboorka• warqadda dhalasahda ee qofka la dalbanayo• haddii qofkaad dalbanaysaa yahay xaaskaaga / ninkaaga, waxaa loo baahan yahay warqadda nikaaxa• haddii aad dalbanayso carruur aad soo korsatay waxaa loo baahan yahay faahfaahin ku saabsan masuulnimada• koobiga baasaboorka ee qofka wax dalbanaya• shahaadada canshuuraha (Verotodistus)• faahfaahimaha kale ee ku saabsan dakhliga qofka soo gala

    Lifaaq walba (caddayn walba) oo aadan hayn waa inaad ka soo qortaa faahfaahin. Faahfaahinta waa inaad ku soo sheegtaa sababta ay kuugu suuroobi weydey inaad lifaaqaas hesho.

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

    Qofka ajnebiga ah waa inuu lahaadaa baasaboor. Baasaboorka waddankaaga waxaad ka dalban kartaa waddankaaga safaaradiisa.

    21

  • Haddii aadan heli karin baasaboorka waddankaaga, waxaad dalban kartaa baasaboorka ajnebiga la siiyo (muukalaispassi) ama dukumeentiga safarka ee qaxootiga.

    Baasaboorka ajnebiga (Muukalaispassi)Baasaboorka ajnebigu wuxuu shaqeeyaa ugu badnaa shan sano. Codsiga baasaboorka waxaa loo geeyaa booliska qaabilsan degmadaada, booliska ayaana codsiga u sii gudbinaya Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka.

    Buuxi codsiga sharciga deggenaanshaha:

    Codsiga soo raaci:• sawirka baasaboorka oo ah nooca boolisku aqbalayo• hadduu jiro dukumeenti hore oo ah nooca lagu safro• faahfaahin ku saabsan sababaha loo dalbanayo baasaboorka ajnebiga• haddii loo baahdo wuxuu noqon karaa mid shaqaalaha maamulka ee waddankaagu bixiyey • caddayn muujinaysa in codsaduhu aanu heli karin baasaboorka waddankiisa

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

    22

  • Dukumeentiga safarka ee qaxootiga (Pakolaisen matkustusasiakirja)Dukumeentiga safarka ee qaxootiga waxaa la siiyaa qofka ajnebiga ah ee loo ogolaaday magangelyo ama qofka qaxootiga la soo qaatay ah ee aan qaxootinimadiisa la joojin ama laga noqon. Dukumeentiga safarka ee qaxootigu wuxuu shaqeeyaa ugu badnaa shan sano.

    Buuxi codsiga sharciga deggenaanshaha:

    Codsiga soo raaci: • sawirka baasaboorka oo ah nooca boolisku aqbalayo• hadduu jiro dukumeenti hore oo ah nooca lagu safro• faahfaahin ku saabsan sababaha loo dalbanayo dukumeentiga safarka ee qaxootiga• haddii loo baahdo cadday uu bixiyeye shaqaalaha maamulka ee waddankaagu oo muujinaysa in codsaduhu aanu heli karin baasaboorka waddankiisa

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

    23

  • Guuritaanka waxaa la xiriiro waxyaabo badan oo offishal ah oo ay tahay inaad samayso. Waxaa kaloo iyana wanaagsan, inaad intaadan guurin ka hor iska fiiriso gurigu siduu yahay.

    Maadaama aad adigu guriga ijaar ugu jirto waxaa ku saaran xil ah inuu gurigu xaalad fiican ku sugnaado.

    Heshiiska ijaarka (Vuokrasopimus) Qofka guriga ijaaraya iyo kan ijaaranaya waxay sameeyaan heshiiska guriga lagu ijaarayo. Markaad ogolaato inaad guriga deggeyso ka dib ayaa la sameeyaa heshiiska ijaarka.

    Heshiiska ijaarka waxaa lagaga heshiiyaa waxyaabo kala duduwan oo muhiim ah oo guriga la xiriira. Heshiiska ijaarka waxaa ku qoran tusaale ahaan, inuu heshiisku wakhti go’an ku eg yahay iyo inuu yahay mid aan lahayn wakhti uu dhammaanayo.

    Tuseela ahaan, haddii heshiisku yahay mid aan lahayn wakhti uu dhammaanayo, macneheedu waa guriga waxaa loo ijaartey in si joogto ah loo isticimaalo.

    Waajibaadka saaran qofka guriga ijaartey (Vuokralaisen velvollisuudet)• lacagta ijaarka waa in la bixiyaa bil walba ugu dambayn maalinta lagu heshiiyey in ijaarka la bixiyo. • adigaa masuul ka ah wixii khasaare ah ee aad geysato.

    24

    DEGGENAANTA GURYAHA (ASUMINEN)

  • • sidoo kale adigaa masuul ka ah khasaaraha ay dadka martidaada ahi geystaan.• ku dhaqan xeerarka nidaamka ee guryaha u degsan

    Sheegidda in guriga laga guurayo (Asunnon irtisanominen)Sida caadiga ah guryaha ijaarka ah marka laga guurayo waa in bil ka hor la soo sheegaa. Wakhtigaas waxaa waajib kugu ah inaad ijaarka bixiso.

    Heshiiska ijaarka waxaad ku dhammayn kartaa, adigoo qofka guriga kaa kireeyey u sheegaya inaad guriga ka guureyso, waxaana fiican inaad qoraal ahaan ugu sheegto.

    Heshiiska korontada/Heshiiska gaaska (Sähkösopimus/Kaasusopimus)Markaad guurto waa inaad samaysaa heshiiska korontada iyo haddii loo baahdo heshiiska gaaska laguugu soo deynayo. Heshiisyadan internetka ayaad ku samayn kartaa ama telefoon baad ku samayn kartaa adigoo wacaya shirkadda korontada iyo gaaska.

    Markaad guriga ka guureyso, xasuuso inaad joojiso heshiiskaagii oo waa inaad iska xirtaa korontada iyo gaaska.

    Isbeddelka cinwaanka (Osoitteen muuttoilmoitus) Isla markaad ogaato wakhtiga aad guureyso, waa inaad xafiiska diwaangelinta (maistraatti) iyo boostadaba u sheegtaa in cinwaankaagu isbeddeley. Sidaasna waxaad samayn kartaa adigoo buuxbuuxinaya foomka lagu sheego in cinwaanku isbeddeley. Foomka waxaad ka heleysaa boostada kuugu dhow oo kale ama internetka.

    25

  • Sheegidda soo deggidda guriga / sheegidda ka guuridda guriga (Sisäänmuuttoilmoitus/Poismuuttoilmoitus)Markaad guri cusub soo degto waa inaad ogeysiisaa wakiilka maamulka ee shirkadda guriga (taloyhtiön isännöitsijä) ama shirkadda daryeelka guriga (huoltoyhtiö).

    Ogeysiinta waxaad wakiilka maamulka ee shirkadda guriga ugu sheegeysaa dadka guriga deggan.

    Wakiilka maamulka ee gurigaaga (isännöitsijäsi) ama shirkadda daryeelka gurigaaga (huoltoyhtiösi) cinwaankooda waxaad ka heleysaa tabeelaha ogeysiisyada lagu dhejiyo ee ku yaalla albaabka hoose ee dhismaha laga soo galo agtiisa.

    Warqadda diwaanka dadka guriga deggan (Talonkirjaote)Warqadda diwaanka dadka guriga deggan waa caddayn ku saabsan deggenaanshaha guriga. Warqadaas waxaad u a baahanaysa tusaale ahaan, markaad Kelada ka dalbanayso lacagta caawimada ijaarka (asumistuki).

    Markaad shirkadda daryeelka guriga u sheegto inaad guriga soo degtay, ka dib ayaad dalban kartaa warqadda.

    Caymiska guriga (Kotivakuutus) Caymiska guriga waxaad caymis ku gelineysaa alaabta qoyskaaga guriga u taalla.

    Alaabta guriga waxaa ka mid ah qalabka guriga la dhigto (sariir, armaajo iwm), alaabta kale iyo mishiinada guriga (kodinkoneet). Meelaha guriga gudihiisa ah iyo derbiyada gudaha iyo guriga dhulkiisu waxay ku jiraan caymiska.

    26

  • Kharashka telefishanka (Televisiomaksu)Si gurigaaga sharci ahaan telefishan loogu fiirsan karo, waa inaad bixisaa kharashka telefishanka.

    Qolyaha baara in kharashka telefishanka la bixiyey waddanka Finland oo dhan bay ku wareegaan oo waxay yimaadaan guryaha siduu diwaanka isticimaalidu dhigayo, aan soo sheegin inay telefishan haystaa. Haddii gurigaagu aanu lahayn ogolaanshaha fiirsashada telefishanka oo shaqaynaya, waxaa dhici karta in lacag lagu ganaaxo.

    Daryeelka caafimaadka ee waddanka Finland ka jira ujeedadiisu waa in lagu dadaalo siday dadku u caafimaad qabi lahaayeen, in jirrooyinka laga hortago lana daaweeyo iyo weliba baxnaanin.

    Helsinki adeegyada daryeelka caafimaadka waxaa bixiya xarunta caafimaadka. Haddii shil ama wax kugu dhacaan ama aad xanuusato, maalmaha shaqadu jirto waxaad la xiriirtaa rugta caafimaadka ee ku qaabilsan. Rugaha caafimaadku waxay sida caadiga ah furan yihiin Isniin - Jimce saacadaha 8–16 (8 subaxnimo ilaa 4 galabnimo).

    27

    DARYEELKA CAAFIMAADKA (TERVEYDENHUOLTO)

  • Wakhtiga dhakhtarka (Lääkärin aika)Rugta caafimaadka ee ku qaabilsan ayaad hore uga qabsan kartaa wakhti aad dhakhtarka kula kulanto. Haddii ay timaado jirro u baahan in degdeg wax looga qabto, markaas dhakhtarka waxaad ka heli kartaa wakhtiga heeganka oo isla maalintaas ah.

    Wakhtiga kalkaaliyaha bukaanka (Sairaanhoitajan aika)Sida caadiga ah rugta caafimaadka waxaa jooga kalkaaliye bukaanka ah oo adigoon ballan qabsan aad u imaan karto.

    Haddii aad ballan hore laguugu qabtay la leedahay dhakhtarka ama kalkaaliyaha bukaanka, waxaad xaq u leedahay inaad turjubaan hesho.

    Haddii markuu dhakhtarku ku qaabilayo aad rabto turjubaan waa inaad hore ugu soo sheegtaa rugta caafimaadka ama isbitaalka si loo helo wakhti fiican oo turjubaan loo ballamiyo.

    Rugta caafimaadka ee ku qaabilsan (Oma terveyskeskuksesi)

    Cinwaan:

    Tel:

    28

  • Heeganka (Päivystys)Rugaha caafimaadku way xiran yihiin habeenkii iyo Sabtiyada iyo Axadaha. Wakhtiyadaas jirrooyinka degdegga ah iyo haddii shil yimaado dadka waxaa lagu daaweeya heeganka.

    Meelaha heeganka dadka waaweyn loogu talagalay ee habeenkii iyo Sabtiyada iyo Axaduhu waa:

    Isbitaalka Malmi Cinwaan: Talvelantie 6, Helsinki 70Tel: 09 310 6611

    Isbitaalka Maria Cinwaan: Lapinlahdenkatu 16, Helsinki 18Tel: 09 310 5018

    Heeganka daryeelka ilkaha ee dadka waaweyn ee maalmaha shaqadu jirto: Rugta daryeelka ilkaha ee RuskeasuoCinwaan: Mannerheimintie 172, dabaqa 4aad Wakhtiyada ay furan tahay: saacadaha 8 –15 (8subaxnimo ilaa 3 galabnimo).

    Meelaha heeganka ee loogu talagalay carruurta kayar 16 sano ee habeenkii iyo Sabtiyada iyo Axaduhuwaa:

    Isbitaalak carruurta (Lastenklinikka)Stenbäckinkatu 11, Helsinki Saacadaha 06–22 (6da subaxnimo ilaa 10 fiidnimo) Tel: 09 471 76733Saacadaha 22–06 (10 fiidnimo ilaa 6da subaxnimo) Tel: 09 47172751

    29

  • Daryeelka ilkaha ee carruurta iyo dhallinyaradaHeeganka daryeelka ilkaha ee carruurta iyo dhallinyarada ee maalmaha shaqadu jirto waxaa laga qabanqaabiyaa rugta daryeelka ilkaha ee qofka qaabilsan.

    Habeenkii iyo Sabtiyada iyo Axadaha dadka waaweyn iyo carruurtaba waxaa meesha daryeelka ee loogu talagalay looga sheegaa lambarka heeganka ee daryeelka ilkahatel: 09 310 47450.

    Haddii xannuun degdeg ah kugu soo boodo ama shil ah dhaco ama wax kale oo shil ah dhacaan waxaad wacdaa lambarka caawimada degdegga ah.

    Adeegyada dhibaatooyinka ee ajnebiga (Ulkomaalaisten kriisipalvelu)Meesha adeegyada dhibaatooyinka ee ajnebigu adiga iyo qoyskaaga ayey idiin fidinaysaa caawimo degdeg ah. Meesha adeegyada dhibaatooyinka degdegga ah waxaa kaa caawin kartaa tusaale ahaan sidaad uga gudbi lahayd dhibaatooyin ay leedahay u soo guuridda waddanku iyo dhibaatooyinka kale ee nolosha.

    Meesha adeegyada dhibaatooyinka ee ajnebiga lambarkeeda telefoonku waa: 09 4135 0501Isniin - Jimce saacadaha 9-15.00 (9 subaxnimo ilaa 3 galabnimo)

    LAMBARKA GUUD EE CAAWIMOOYINKA DEGDEGGA AH WAA: 112

    30

  • Carruurta aan gaarin da’da iskuulka waxay xaq u leeyihiin xannaano maalmeedka ay degmadu qabanqaabiso. Xannaano maalmeedka waxaa laga qabanqaabiyaa meelaha ay ka midka yihiin xannaanooyinka degmadu leedahay iyo xannaanooyinka barayfitka ah.

    Haddii aad ilmahaaga u rabto xannaano, waa inaad xannaanada aad ilmahaaga booska uga rabto wakhti fiican ka dalbataa boos. Xannaano maalmeedka waa in la dalbadaa ugu dambayn 4 bilood ka hor wakhtiga aad u baahan tahay inuu ilmahaagu xannaanada bilaabo.

    Xannaanada aad booska ka rabto toos baad codsiga xannaanada u geyn kartaa ama boostada ayaad codsiga ugu diri kartaa.

    Buuxi: Codsiga xannaano maalmeedka

    Markaad booska xannaanada hesho ka dib shaqaalaha xannaanada ayaad kala heshiin kartaa maalmaha ilmaha xannaanada lagu haynayo iyo maalintiiba inta saacadood ee la haynayo.

    Waxaa la geeyey: Go’aan:

    31

    XANNAANO MAALMEEDKA CARRUURTA(LASTEN PÄIVÄHOITO)

  • Carruurtaada sida joogtada ah Finland u deggan waxbarashadu waajib bay ku tahay. Waajibaadka waxbrashadu wuxuu bilowbanayaa sannadka ilmahaaga ay 7 sano u buuxsamayso.

    Waxbarashada diyaarinta ah (Valmistava opetus)Sida caadiga ah waxbarashada diyaarinta waxaa loo �diyaacarruurta iyo dhallinyarada da’doodu u dhaxayso 7-16 sano ee asalkoodu yahay dadka waddanka u soo guurey. Marka lagu jiro waxbarashada diyaarinta ah waxaa xoog la saaraa luuqadda Finnishka barashadeeda.

    Sida caadiga ah waxbarashaa diyaarintu waxay qaadataa halsano. Markuu ardaygu si ku �lan u barto luuqadda Finnishka,waxaa loo wareejiyaa kooxda waxbarashada aasaasiga ah ee af Finnishka wax ku barata.

    32

    DUGSIGA HOOSE/DHEXE (PERUSKOULU)

  • • www.infopankki.fi• www.kela.fi• www.hel.fi/sosv• www.migri.fi• www.pakolaisneuvonta.fi/• www.intermin.fI• www.kuluttajaliitto.fi• www.terve.com• www. papunet.net/selko/selkouutiset.html• Guri ku yaalla Finland (Koti Suomessa). (Wasaaradda Shaqada)• Maahanmuuttajanopas (Tilmaansiiyaha dadka waddanka u soo guurey). waxaa isu soo ururiyey: Alemach G. Michael

    33

    MEELAHA LAGA SOO XIGTEY (LÄHTEITÄ)

  • HELSINGIN MAAHANMUUTTOYKSIKKÖ

    LAUREA AMMATTIKORKEAKOULU

    Buugan xusuusta waxaa laguugu sameeyey, si aad ulakaashato xusuustaada. Ujeedada laga leeyahayna waainuu markaad Finland timaado bilowga hore kuu fududeeyo arrimaha.

    TEHTY YHTEISTYÖSSÄ

    Socca Pääkaupunkiseudun sosiaalialanosaamiskeskus

    PÄÄKAUPUNKISEUDUNKOTOUTTAMISTYÖN KEHITTÄMISHANKE

    Minun_muistivihkoni_somalinkielinenetukansietukansi-Toinen puolisisällysluettelosivu-2sivu-3sivu-4sivu-5sivu-6sivu-7sivu-8sivu-9sivu-10sivu-11sivu-12sivu-13sivu-14-sivu-15sivu-16sivu-17sivu-18sivu-19sivu-20sivu-21sivu-22sivu-23sivu-24sivu-25sivu-26sivu-27sivu-28sivu-29sivu-30sivu-31sivu-32sivu-33Loppu_sivu