go’aamo muhiim ah oo ka soo baxay kulankii golaha

8
ARBACA 4 MARCH 2009- Caddadkii 10aad, Tell:-90712246 ama 66712246 Email:[email protected] Q:-6000 ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAA OO TODOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO BARNAAMIJKA XUKUUMADA P/LAND EE 2009-2011 EEG BOGGA 4AAD ILAYS Isbedelka SomaliLand Cidina Ma is Hortaagi Karto.! S hir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Hargay- sa dhowaan Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Jamhuuriyada isku Magcawda Somaliland Mudane Jaamca Maxamuud Cumar (Sweden) ayaa waxaa uu daah rogay hadalo iyo guux siyaasadeed oo ay sii odorosayeen siyaasiyiinta Mucaaradka Somaliland. Mudo Sanad ka hor ah ayaa la sii ogaa inuu Dahir Riyaalle Kaahin uu xilka Somalind Madaxnimadiisa kororsandoono mar Labaadniyo mar Sadexaadba. Ama ha la yiraahdo waa mala awaal, amaba ha la yiraahdo waa run. Waxaa hadalkaas ka soo yeeray Gudoomiyha Gudigga Doorashda Maamulka So- maliland uu daah furay siraha daboolaa ee daaha gadaashiisa ka muuqa- nayey oo dad badni war arkooyda lahaayeen..Gudoomiyahu waxaa uu u sheegay dadkii ku faani jiray inay Soomalida kale kaga horeeyaan maam- ulka iyo dimuqaradiyadda in xukunkii loo kordhiyey Dahir Riyaalle Kaahin . ‘’ la qaban mayo doorashada 29 March 2009-ka oo maalmo yar ina xigaan. Waxaanu dib ugu dhignay qaraxyo ka dhacay Hargaysa Oct 2008’’ Markaas ayaa qofka caqliga leh is weydiinkaraa sow ruwaayadu la mid ma ahan hadalkii Maxamed Siyaad Barre ee uu ku yiri Oct 1990-kii waxaan u baajinay dabaaldegii Kacaanka sababo la xiriira dhibaatada gaartay dadka walaalaha aanu nahay ee Kuwetr oo la qabsaday. Ciraaa ayaa Kuweyt qab- satay. Hadalak Jaamac Sweden maxaa uu kaga duwan yahay kii Maxamed Siyaad Barre? Hargaysaa Qarax Oct ka dhacay…… FAALLO Garowe ,Isniin, 02 March, 2009 G olaha Wasiirada ee Xukuumada puntland ayaa Isniintii kulan aan Caadi ahayn ku yeeshay Caasimada Garowe, Kulankan oo u gu- doominayay Madaxweynaha puntland C/raxman Sh. Maxamuud Sh. Maxamed ayaa Waxaa laga soo saaray Go’aano muhiim ah. EEG BOGGA 2AAD Go’aamo Muhiim Ah Oo Ka Soo Baxay Kulankii Golaha Wasiirada Puntland EEG BOGGA 3AAD ABUUMANSUUR: BEENLOW MISE NIN LAGU BEEN ABUURTAY? H ogaamiyaha ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur) wuxuu dhowaan xa- runtiisa Bayshabo waraysi ku siiyay barnaamij lagu magacaabo Liqaa’ul Yawm (kulanka manta) oo ka baxa taleefishanka Al-Gezira qaybtiisa Carabiga. Waraysiga Abuu-Mansuur oon hubo kolka ay dad badani dhegaystaan ama akhristaan inuu ka yaabin doono, EEG BOGGA 3aad Ciidamada Marines Maraykanka Oo Burcada Badeed ku Wareejiyay P/land EEG BOGGA 2AAD Ciidamadii Badda ee Maraykanka Liverpool Oo Qasaartay, Real Madrid Oo 4 dhibcood U jirta Barca EEG BOGGA 7AAD Iimaan Axmed Guray. EEG BOGGA 5aad XUSUUSTA QALINKA

Upload: others

Post on 19-Mar-2022

2 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

ARBACA 4 MARCH 2009- Caddadkii 10aad, Tell:-90712246 ama 66712246 Email:[email protected] Q:-6000

ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAA OO TODOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

BARNAAMIJKA XUKUUMADA

P/LAND EE 2009-2011

EEG BOGGA 4AAD

ILAYS

Isbedelka SomaliLand Cidina Ma is Hortaagi Karto.!

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Hargay-sa dhowaan Gudoomiyaha Guddiga Doorashada

Jamhuuriyada isku Magcawda Somaliland Mudane Jaamca Maxamuud Cumar (Sweden) ayaa waxaa uu daah rogay hadalo iyo guux siyaasadeed oo ay sii odorosayeen siyaasiyiinta Mucaaradka Somaliland. Mudo Sanad ka hor ah ayaa la sii ogaa inuu Dahir Riyaalle Kaahin uu xilka Somalind Madaxnimadiisa kororsandoono mar Labaadniyo mar Sadexaadba.

Ama ha la yiraahdo waa mala awaal, amaba ha la yiraahdo waa run. Waxaa hadalkaas ka soo yeeray Gudoomiyha Gudigga Doorashda Maamulka So-maliland uu daah furay siraha daboolaa ee daaha gadaashiisa ka muuqa-nayey oo dad badni war arkooyda lahaayeen..Gudoomiyahu waxaa uu u sheegay dadkii ku faani jiray inay Soomalida kale kaga horeeyaan maam-ulka iyo dimuqaradiyadda in xukunkii loo kordhiyey Dahir Riyaalle Kaahin .

‘’ la qaban mayo doorashada 29 March 2009-ka oo maalmo yar ina xigaan. Waxaanu dib ugu dhignay qaraxyo ka dhacay Hargaysa Oct 2008’’Markaas ayaa qofka caqliga leh is weydiinkaraa sow ruwaayadu la mid ma ahan hadalkii Maxamed Siyaad Barre ee uu ku yiri Oct 1990-kii waxaan u baajinay dabaaldegii Kacaanka sababo la xiriira dhibaatada gaartay dadka walaalaha aanu nahay ee Kuwetr oo la qabsaday. Ciraaa ayaa Kuweyt qab-satay. Hadalak Jaamac Sweden maxaa uu kaga duwan yahay kii Maxamed Siyaad Barre? Hargaysaa Qarax Oct ka dhacay……

FAALLO

Garowe ,Isniin, 02 March, 2009

Golaha Wasiirada ee Xukuumada puntland ayaa Isniintii kulan aan Caadi ahayn ku yeeshay Caasimada Garowe, Kulankan oo u gu-

doominayay Madaxweynaha puntland C/raxman Sh. Maxamuud Sh. Maxamed ayaa Waxaa laga soo saaray Go’aano muhiim ah.

EEG BOGGA 2AAD

Go’aamo Muhiim Ah Oo Ka Soo Baxay Kulankii Golaha Wasiirada Puntland

EEG BOGGA 3AAD

ABUUMANSUUR: BEENLOW MISE NIN LAGU BEEN ABUURTAY?

Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali

(Abuu-Mansuur) wuxuu dhowaan xa-runtiisa Bayshabo waraysi ku siiyay barnaamij lagu magacaabo Liqaa’ul Yawm (kulanka manta) oo ka baxa taleefishanka Al-Gezira qaybtiisa Carabiga.Waraysiga Abuu-Mansuur oon hubo kolka ay dad badani dhegaystaan ama akhristaan inuu ka yaabin doono,

EEG BOGGA 3aad

Ciidamada Marines Maraykanka Oo Burcada Badeed ku Wareejiyay P/land

EEG BOGGA 2AAD

Ciidamadii Badda ee Maraykanka

Liverpool Oo Qasaartay, Real Madrid Oo 4

dhibcood U jirta Barca

EEG BOGGA 7AAD

Iimaan Axmed Guray.

EEG BOGGA 5aad

XUSUUSTA QALINKA

2ARBACA 4 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER

Ilays Newspaper founder. 1991 kismayo, Somalia

Abdi Shakuur Mire Aadan

Managing Editor

Omar said Mohe’d712246

EditorOmar said Mohe’d

Design and LayoutOmar Said Moh’ed

Reporter

Cali Ibraahim Qoobay

723424Maxamed C/laahi Max’ed

736992

Xuseen Xasan

KU SOO HAGAAJIYA FIKARADIHIINA

[email protected]

Go’aamo Muhiim Ah Oo Ka Soo Baxay Kulankii Golaha Wasiirada Puntland

Garowe ,Isniin, 02 March, 2009

Golaha Wasiirada ee Xukuumada puntland ayaa Isniintii kulan aan Caadi ahayn ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada ee Caasimada Ga-rowe, Kulankan oo u gudoominay-ay Madaxweynaha puntland C/rax-man Sh. Maxamuud Sh. Maxamed ayaa laga soo saaray Go’aano dhowr ah.

Kulankan oo ahaa kii saddexaad oo golaha wasiirada xukuumada p/land ay yeeshaan ayaa Madax-weyne C/raxmaan faroole waxaa warbixin ka siiyay Safarkii uu dhowaan ku tegay Degmooyinka Gobolka Mudug.

Warbixintii Madaxweynaha ka dib waxaa kulanka si aad ah loogu jeex-jeexay Amniga Gudaha ee puntland gaar ahaan xiisadaha ka jira Degaamada Cagaaran ee Burtinle iyo igidhays ee degmada Ufayn, oo ay ka jiraan dhul isku haysasho Beelaha wada dega Degaamadaas, waxaana Go’aan lagu gaaray inaan dhulka cidina sheegan karin, lagana samaysan karin Seerooyin dhul daaqsimeed-ka xoolaha, Golaha Wasiiradu waxay kaloo go’aan ku gaareen samaysanka tuulooyin cusub ay go’aan ka gaari karto oo keliya Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo D.Hoose, waxaa kaloo la Mamnuucay in la shido dhuxul oo lag gubo dhirta.

Go’aankan ayaa noqonayaa Xeer Madaxweyne, waxaana la Horgayn doonaa Golaha Wakillada Puntland.

Degaamada Cagaaran iyo igidhays waxaa ka jiray mudooyinkii dam-be xiisad Colaadeed oo ay dad ku dhinteen,dad kale ku dhaawacmeen, xiisadan oo ka bilaabatay Tuulooyin iyo dhul Daaqsimeed la’isku haysto oo dadka ku nooli qaarkood ay doonayaan in Berkedo iyo guryo ka dhistaan, qaar kalena ay diidan yihiin oo ay doonayaan in xoolahoodu u daaqo.

Arrinta Degaanka Cagaaran ee deg-mada Burtinle ayaa marar badan soo noqnoqatay inkastoo lakala xukumay Beelihii dirirtu dhexmartay.

Xukuumada cusub ee madaxw-eyne Faroole ayaa ku dadaalaysa in ay dhexdhigta Nabadgelyo waarta Beelaha degaamadaas iyadoo la kaashaynaysa Isimada, Nabadoona-da iyo culimada reer puntland.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, xukuumada p/land oo ay sugayaan Habaynta Ciidamada iyo Waaxyaha dowlada, Dhamaystirka Garoomada Diyaaradaha ee Bosaso iyo Garowe, dhismaha Kaabayaasha Dhaqa-alaha. ayaa laga yaabaa in xiisadaha Beelaha dhexdoodu ay caqab ku no-qon karaan, haddii aan si deg-deg Hogaamiyayaasha bulshadu gacan

MADAXWEYNE FAROOLE OO DHAGAX DHIGAY DUGSI CUSUBMadaxweynaha Puntland C/rax-man Maxamed Faroole ayaa shalay (03,March, 2009) dhagax dhigay Dugsi waxbarasho oo la mataano ah Dugsiga Raas Casayr ee Bosaso iyo Yamayska ee Galkacayo.

Dugsigan Waxbarasho oo qaadi kara 400kun oo arday waxaa la filayaa in albaabada loo furi doonaa Sanad dugsiyeedka 2009 ee bisha septem-ber.

Dugsigan waxaa ka koobnaan doo-na Xannaano ilaa dugsi sarre, wax-aa kaloo leeyahay Guryo la seexdo (Boarding) oo qaada 2000 qof

Xafladii dhagax dhiga Dugsigaas waxaa ka soo qayb galay Madaxw-eynaha puntland iyo Madaxweyne xigeenka puntland C/samada Cali Shire, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada ee punt-land.

Waxaa kaloo ka soo qayb galay Madax ay ka mid yihiin Gudoomiha gobolka Nugaal, Duqa degmada Ga-roowe iyo Masuuliyiin kale oo xukuu-mada puntland ka tirsan.

Dugsigan Cusub ee Dhismihiisa laga bilaabay Garowe waxaa fursad si-inayaa kumaankun arday reer punt-land.

Madaxweynaha DGPL; Ayaa Magacaabay Taliyaha Daraawiishta DGPL.

Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdulraxmaan Maxamed Fa-roole ayaa 01 March 2009 waxaa uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DGPL G/Sare Siciid Cabdi Faarax (Tuute-Weyne).

Magcaabistiisa Sarkaalkan madax-da ka noqonaya Ciidmada Daraawi-ishta DGPL ayuu Madaxweynuhu waxaa uu u cuskaday magacaabisti-isaa markuu arkay baahida loo qabo dib u dhiska ciidamada Daraawiishta DGPL iyo Waaya aragnimadiisa.

Sarkaalkan Saciid Cabdi Faarax ayaa ka mid ahaa Saraakiishii ka qayb gashay dagaalkii Somalia iyo Ethoipia dhexmari jiray 1977-kii. Waxaa uu ku dhashay Eyl Sanadkii 1952-dii Waxaa uu ciidamadii Xooga dalka Soomaaliya ku biiray 1974-tii. Waxaa uu ku biiray Sanadkii 1980-kGii Jabhadii mucaraadka ahayd ee

SSDF.Sare Siciid Cabdi Faarax waxaa uu tababaro ciidan ku soo qaatey kulli-yada Oddesia ee Midowgii Soviety.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dara-awiishta ayaa soo dhoweeyey maga-caabista G/Sare Siciid Cabdi Faarax (Tuute-Weyne) iyagoo sheegey inuu yahay nin karti u leh inuu ka soo baxo shaqada loo magacabey ee ci-idanka.

Waxaa laga sugayaa inuu isbedel mug weyn ku sameeyo ciidamada Daraawiishta DGPL oo u baahan isbedel mug weyn in lagu sameeyo, dibna loo soo nooleeyo haybadoodii iyo kaalintii ay ku lahaayeen DGPL iyadoo waqtigan qaybo ka mid ah Puntland oo ay ugu horayso maqa-nshaha Laascaanood Xarunta gobol-ka Sool laga filayo inay Daraawiishta Puntland dib u soo celiyaan

Garowe, 01 March, 2009 (Ilays)

Ciidamada Marines Maraykanka Oo Burcada Badeed ku Wareejiyay P/landBosaso, 03,March,2009 (Ilays)

Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa ku wareejiyay 03, March, 2009 , Ciidamada Amaanka ee puntland Koox burcad badeed ah oo 9 qo-food oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamo Mareykan Xili ay Burcadu ka qowlaysanaysay Marinada ay Mara-an Maraakiibta Caalamiga ah.

Markab ku dagaalka ah ooy leeyi-hiin ciidamada Mareykanka oo ka tirsan maraakiibta Caalamiga ee ka hawlgalka Badda Somalia iyo Ga-canka Cadmeed ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa d soo fariistey meel qiyaastii 7 mile u jirta dekeda magaalada Bosaaso.

Ciidamad Maraykanka ayaa ku soo qaaday Burcada Doonyo yar yar ah ooy wateen,iyadoo dekeda ay ku sugayeen ciidamada Amaanka ee p/land

Masuuliyiin amaanka Puntland ayaa la wareegay Burcadii, waxaana isla markiiba loo dhaadhicyay Xabsiga Weyn ee Bosaso, oo ay horreba ugu jireen burcad badeed farabbadan.

Waa markii ugu horraysay ee Ciidam-ada maraykanku ay ku wareejiyeen burcad badeed Maamulka puntland, iyagoo markii horre burcad u dhiibi jiray dowlada Kenya, mararka qaar-koodna iska sii dayn jiray marka kala harraan hubka ay wataan

Ciidamada Fransiiska ee ka howlgala xeebaha Somalia ayaa tiro dhow jeer ah ku wareejiyay ciidamad Amaanka p/land.

Wadamada kale ee ka howl gala Gacanka Cadmeed ayaa iyaguna Burcad badeedka ay qabtaan ku wa-reejiya dowlada Yemen.

3ARBACA 4 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER

‘’Ama ha la yiraahdo waa mala awaal, amaba ha la yiraahdo waa run. Waxaa hadalkaas ka soo yeer-ay Gudoomiyha Gudigga Doorashda Maamulka Somaliland uu daah furay siraha daboolaa ee daaha gadaas-hiisa ka muuqanayey oo dad badni war arkooyda lahaayeen..Gudoomi-yahu waxaa uu u sheegay dadkii ku faani jiray inay Soomalida kale kaga horeeyaan maamulka iyo dimuqa-radiyadda in xukunkii loo kordhiyey Dahir Riyaalle Kaahin . la qaban mayo doorashada 29 March 2009-ka oo maalmo yar ina xigaan. Waxaanu dib ugu dhignay qaraxyo ka dhacay Hargaysa Oct 2008’’Markaas ayaa qofka caqliga leh is weydiinkaraa sow ruwaayadu la mid ma ahan hadalkii Maxamed Siyaad Barre ee uu ku yiri Oct 1990-kii wax-aan u baajinay dabaaldegii Kacaan-ka sababo la xiriira dhibaatada gaar-tay dadka walaalaha aanu nahay ee Kuweit oo la qabsaday. Ciraaq ayaa Kuweyt qabsatay. Hadalka Jaamac Sweden maxaa uu kaga duwan ya-hay kii Maxamed Siyaad Barre? Har-gaysaa Qarax Oct ka dhacay……Maanta Udub, Kulmiye iyo Ucid waa dhan yihiin, Qaran sheeda ayuu ku jira. Maxaa loo sheegi karaa dadka Somali land? Aaway Hee Doorasha-dii 29 March……..!!!!!!

War Riyaalle ma umulbaa? Ilow-sha dhowa sow ma oga dadka de-gaankaas inay diideen maamulkii Siyaad Barre. Maanta Ina Riyaale xoog wax ma ku haysan karaa. Mi-yaanu dunida la socon iyo isbedelka dhacay.? Bal hareerihiisa ma eego miyaa?. Aaway Col.Cabdulaahi Yuusuf? xagee ku dambeeyey Gen Cadde Muuse? Miyaanu ku quusan in baalashii hogaanka taariikhda ee askartu dhamaatay? Miyaanu ka war hayn inuu Sheikh Shariif Madaxw-eyne Noqday?…… Miyaanu ka war hayn in Puntland uu Madaxweyne ka yahay Dr. Cabdiraxmaan Faroole.?. miyaanu la socon waxyaabaha is bedelaya?…. Miyaanu wax akhri-san oo wax ogayn in nin madow uu ku fadhiyo kursigii hogaaminta Ma-raykanka Barak Obama….. waxaa dadka Soomaaliyeed maqli jireen hees la yiraahdo War Ninka Yaw Warama……..

Isku soo wada duubo waa qaloocsa-may Udubkii Somaliland mudo hay-ey hogaankeeda. Allahaw naxariiste waa uu dhintay Maxamed Ibraahim Cigaal(Ina Xaarxaarato).. Udub waa sii kala qaybsamay.haduu cod yar kaga guulaystay Kulmiye doorasha-dii hore. Way muuqataa inaanu ku guulaysanayn doorashada Somalil-and hogaanka Udub ee ku fashilmay siyaasada Somaliland,

Isbedelka SomaliLand Cidina Ma is Hortaagi Karto.!

isticmaalayaana sha xsiyaasadeed waqtugeedii dhamaaday’’ Cad-keerow ku cunay.ama ku ciideeyey”

Dhowaan shir jaraa’id oo uu qabtay hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamuud Siilaanyo waxaa uu carabaabay in dib u dhigida doorashooyinka uu ka dambeeyo Dahir Riyaalle, ayna cod-sanayaan inaan Somaliland Khatar la gelin. Waa hadal mug leh siyaas-ad ahaan. Waxaa muuqatay inaany hogaanka Udub wax dan ah ka lahayn saacada Somaliland ee ku sii sinqaysa in da-gaal sokeeye dib loogu noqdo. Maxaa dan ah oo ku jira in reer Somaliland mar kale magaalooyinka dhexdoo-da ku dagaalmaan. Waa dhibaato waayo oo qaro leh khaakhuul ka dhaca Somaliland oo mandaqadan laga wada dareemi karo. Hogaanka Udub weli wax ma garan iyo in qarni-gii kow yo labaataanaad lagu jiro Axmed Siilaanyo wuxuu gaashaan-ka ku dhuftay qodobka sheegaya in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu ay xilka haynayaan inta laga gaa-rayo [Apr 16, 2009], xitaa hadii looga guulaysto doorashooyinka; isagoo sheegay in taasi ay tahay mid lagu marin habaabinayo Somaliland.Kolkuu Gudoomiyaha Doorashooy-inka maamulka Somalind ku dha-waaqay in doorashadii dhici lahay 29 March 2009 dib loogu dhiga 31 May 2009 ayuu u dhoofay Dahir Riyaalle wadanka Ingriiska . kaaga darane Afhayeenka Madaxtooyada ayaa ku faanay in socodaalka Madaxweynaha Maamulka Somaliland ay ka mid yi-hiin Wasiiro iyo xubno Barlamaan. Waa su’aal furan mar dambe ma u faani doonaan dadka Somaliland Somalida kale inay dimuqaraadiyad iyo maamul wanaag astaan u yihiin. Biyaha Badda meel kasta oo aad ka dhadhamisaa waa isku dhadhan…. Keligii Taliye kastaana waa isku mid. Waxa keliya ee reer Somalil-and sugayaan waa inay ka dhiidi-yaan kelitalisnimadda Riyaale, Hadii maalahan Muqdisho Madaafiicda laisku garaacayey awooda xukunka oo la isku haysto , maxaa u diidaya Hargaysa marka Riyaalle xoog ku sheegto inuu yahay Madaxweynaha Somaliland. Dadka sharciga ay dhig-taan ayaa kala haga. Riyaalle iyo ko-oxdiisa ka hartay xukunkii Kacaankii Oktoobar ee lagu canqariyey xukun jacaylka, anigaa irrida, anigaa shar-ciga ah, anigay soconayaan waxaan doonayo. Anigaa Dastuur ah, Anigaa Barlamaan ah, aniga …… anigaa .. Anigaa wax walba ah, waa inay reer Somaliland ina Riyaale u sheegaan Now Riyaalle Isbedlka Somaliland Cidna Ma Is Hortaagi Karto……Now iyo Now Baryo Ma ahan………..

KA YIMID BOGGA 1aad

Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur) wuxuu dhowaan xa-runtiisa Bayshabo waraysi ku siiyay barnaamij lagu magacaabo Liqaa’ul Yawm (kulanka manta) oo ka baxa taleefishanka Al-Gezira qaybtiisaCarabiga. Waraysiga Abuu-Mansuur oon hubo kolka ay dad badani dhegaystaan ama akhristaan inuu ka yaabin doo-no, ayna isweydiin doonaan su’aasha ah: Sheekhu ma beenlow baa mise waa lagu been abuurtaa?.Haddaba waa kan waraysigii ee akhris wacan:

Al-Jazeera: Sheekh Abuu-Mansu-ur hadda annagu waxaan joognaa magaalada Baydhabo. Ciidamadii Itoobiyaanku way bexeen ciidamo ka socda dowladda ku meel gaar-ka ahina ma joogaan magaalada dhexdeeda. Daqiiqadaha iminka la joogaa maxay idiinka dhiganyihiin, sideese u qiimayn kartaan?

Abuu-Mansuur: Mujaahidiintu meel kastoo ay joogaan gaar ahaan mu-jaahidiinta Soomaaliya jooga waan u bishaaraynaynaa. Sidoo kale wax-aan u tacsiyaynaynaa qoysaskiii shuhadadii ku shahiiday xoreynta magaalada Baydhabo. Wixii aan u dagaallamaynay way dhaboobeen, waxayna tani bishaaro weyn u tahay muslimiinta caalamka oo nagu kaal-meeyay dareenkooda iyo ducadoo-da, nana siiyay talooyin iyo weliba qaar kamid ah oo na siiyay taageero dhaqaale. Kuwaas waxaan ku leena-hay: Bishaaro, rugtii riddadu maanta gacanta mujaahidiinta ayay ku jirtaa, waana in aan ogaanno in cadawgu aanu ku bixin rabitaankiisa ee uu ku baxay weerarrada mujaahidiinta dartood. Generaalkii Itoobiyaanka ahaa ee u yimid inuu qaabeeyo cii-damada una diyaariyo sidii ay u bixi lahaayeen isagoo dadkii iyo madax-dii joogtay madaxtooyada Baydhabo wuxuu yiri: (Halkaan markaan ka tago oon saacad keliya kasii maqa-nahay Mukhtaar Rooboow ayaa ku fariisan doona). Kurisgii kuma aanan fariisan maxaa yeelay kuwii isku magacaabayay dowladda ayaa boobay kuraastii iyo dhammaan hantidii dowladda ee magaalada ta-allay. Magaaladii waan soo galnay waxana maanta Alle mahaddiis lagu dhaqaa shareecada Ilaahay. Waxan dareemaynaa wixii aan u dagaalla-maynay inay dhaboobeen, dadkuna waxay ku jiraan nabad iyo xasillooni. Suurtagal ma ahayn maanta kahor in aad mobile-kaaga suuqa ku dhex qaadato, mana aadan awoodi karin in aad magaalada habeenkii dhex socotid. Maanta waxaad awooddaa inaad wixii aad doonto qaadato waq-tigii aad doontana socoto.

Al-Jazeera: Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab maxaa loo aasaasay, muxuuse kaga duwanyahay dhaqdhaqaaqyada kale ee ka jira Soomaaliya?.

Abuu-Mansuur: Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab waxa uu aasaasmay waqti aan fogayn keddib markii dadka qaar ay kasoo laabteen dagaalkii Af-Ghanistaan, lana jebiyay dow-laddii Dhaalibaan. Rag kamid ah dhaqdhaqaaqyadii Islaamiga ahaa ee dalka gudihiisa joogay ayaa kul-may. Raggaasi waxay dareemayeen in dhaqdhaqaaqyadoodu ay gaabis yihiin gaar ahaan wixiiba ku saabsan jihaadka. Waxa jiri jiray dhaqdhaqa-aqyo islaami ah oo Soomaali ah oo isku deyay inay jihaadaan, laakiin waxa kahor yimid caqabado fara badan, markaas bay iska daayeen. Raggii dhqdhaqaaqyadaas ku jiray oo isku daygaas hore sameeyay baa kulmay, go’aanna ku gaaray inay aasaasaan dhaqdhaqaaq jihaad-kana gala diintana fidiya oo jihaadkaiyo diin fidinka isku dhinac wada. Ar-rinkaasi wuu dhaboobay Allena wuu barakeeyay dadaalladaas, raggaasi-na waxay burriyeen maleegyo gaalo waddo oo fara badan oo dadkaan lala maagganaa. Rag badan oo dhaqd-haqaaqaan ka tirsanaa Alle wuxuu u doortay inay dartiis u shahiidaan. In ka badan toban qof oo kamid ahaa raggii dhaqdhaqaaqaan aasaasay manta waa shuhado. Waxaa kamid ah walaalkeen Sheekh Ibraahim Xaashi, walaalkeen Abuu-Qutayba, walaalkeen Macallin Aadan Xaas-hi (Ceyroow), walaalkeen Cumar Dheere (Abuu-Jabal) . Qaar badan oo kamid ahaa raggii goobjoogga ka ahaa kulankii lagu aasaasay dhaqd-haqaaqu way shahiideen, qofkii kamid ah oo noolina wuxuu ku dadaalayaa inuu ku dhinto wixii ay ku dhinteen kuwii isaga ka horreeyay. Dagaal-ladii ugu horreeyay ee shacbigu uu ku bartay dhqdhaqaaqa mujaahidi-inta Al-Shabaab waxay ahaayeen dagaalladii argagixiso la dirirka ee ay hoggaaminayeen sagaalkii da-gaal ooge, kuwaas oo la heshiiyay Maraykanka. Dagaal oogeyaas-haasi waqtigaas intay afduubaan is-laamiyiinta ayay u gacan gelin jireen maamulka Maraykanka, iyagoo usii marsiinaya xafiisyo uu ku leeyahaydalka Jabuuti. Waxaa kamid ahaa laba laga afduubay guriga Aadan Ceyroow. Mid kamid ahi hadda wuu joogaa wuxuuna ka qaybgalaa ji-haadka, kii kalena Hargeysa ayuu ku xiranyahay.

LA SOCO CADADKA XIGA

Waxaa Tarjumay Sabriye Macallin Muuse

[email protected] - Unites States

ABUUMANSUUR: BEENLOW MISE NIN LAGU BEEN ABUURTAY?

ARBACA 4 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 4

La Soco Cadadka Xiga

Barnaamijka Xukumadda Dawlad Goboleedka Puntland 2009-2012.

Qaybtii LabaadSIYAASADDA GUUD GOLAHA XUKUUMADDA

Waxaa si rasmi loo magacaabay 18 wasiir, 23 Wasiir-ku-xigeen iyo 2 Waasiir Dawlo taasoo jirta ayaa hadan waxaa Golaha Xukuumadda ka bannaan jagooyin aan weli la magaacaabin, dhakhsana loo soo buuxin doona markii la helo dadkii ku haboonaa, haddii Alle Idmo.Xukuumadu waa garowsan tahay dareenka shacabak Puntland ee ku aadan tirada xukuumada. Waxaa tirada xukuumada sababay duru-ufo badan iyo wacyiga lagu sugan yahay. Sidoo kale waxaa sababay in wasaarado isa saarnaa la kala qaaday, sida xanaanada xoolaha, beeraha iyo daaqa iyo daryeelka deegaanka oo u baahan wasaarado gooni ah si hawl dhab ah loo qabto.Dhanka kale, Xukuumadan aan soo dhisay ma ay wada gaari karto deegaamada iyo beelaha dham-maantood, laakiin waxay daawey-say wax tirsasho badan oo horay u jirtay. Xukuumadan waxqabadkeedu wux-uu noqondoonaa mid muuqda oo lala xisaabtamo. Waxay xukuumaddu tix gelinaysaa kala madax banaanida iyo wada shaqaynta hay’adaha daw-ladda sida, Golaha Wakiiladda,

Golaha Xukuumadda iyo Golaha Garsoorka. Waxaa ka hawlgeli doona dad aqoon, waayo aragnimo iyo karti u leh maamulidda iyo hogaaminta hay’adaha dawliga ah (Government Institutions).Hay’aduhu waxay ku hawl galayaan waajibaad shaqo oo qeexan (Job description). Ku waasoo la tilmaa-mi doono qaabka wada shaqaynta iyaga iyo hay’adaha kale oo ay isku ujeedada yihiin, sida garsoorka iyo ammniga, hay’adaha adeegga bul-shada, hay’adaha waxa soo saarka iyo dakhliga IWM.

Waa muhiim in aan leenahay siyaas-ad qorshaysan oo ka tarjumi karta danta gaarka u ah shacabka reer Puntland, midda guud ee Somaliya, xiriirka caalamiga ah iyo xiriir wa-naagsan oo aan la yeelano dawla-daha deriska ah.

Xukuumadu waxaa ay dardar ge-lineysaa gedi-socodka demoqradiya oo ay ugu horeyso dhameystirka Dastuurka cusub oo ka tarjumidoona danta shacabkeena, aftina loo qaado 18 bilood gudohood, haddi Alle idmoWaxaa kale oo ammuurtaas barbar socondoona in la qoro ugu horreyntii xerka axsaabta badan, furitanka ax-saabta, magacaabidda guddiga doo-rashooyinka iyo dejinta xeerka

dorashada (electoral commission and electoral law), taas oo loola jeedo dar-dar gelinta hanaanka geedi socodka dimuqoraadiyadda (Democratization Process). Taasi waxaa ay Puntland u horseedaysaa, Ilaah idankiis, in laga gudbo nidaamka qabaliga ah ee to-ban jirsaday, kaas oo sababay caqa-bado badan oo qaarkood la dhaafikari waayey iyo in lagu tallaabsado nabad buuxda, horumar iyo iskaashi buuxa ee dhinacayada kala duwan.

Xagga siyasadda ku wajahan Qaran Somaliyeed, xukuumada Puntland waxay ilaalineysaa nidaamka feda-ralka oo ah mid reer Puntland hore u go’aansadeen, sidaasna saldhig ugu noqday xukuumada Federalka ah ee KM ee hadda jirta oo la dhisay 2004tii.Sidaas darteed, waxaa xukuumudu aaminsan tahay daafacaadda ni-daamka Federalka ah ee Dawlad Qa-ran ee Somaliya, oo wax ka hooseeya dadkeenu marnaba aqbali karayn.

Xiriirka Puntland iyo Dawladda Feder-aalka ahi waxuu ku dhisnaan doonaa nidaamka Federaalka ah ee hadda kala dhiman oo dhameystirmidoona marka ay soo dhismaan maamullo Puntland oo kale ah oo ku wada howlgala Xeer Federal ah oo ay si buuxda

Puntland uga hawlgasho diyaarintiisa si ay u ilaashato daneheeda ku saleysan awood qeybsiga. Taasi waxay tahay inaan cid dibedda ka ah maamulka Puntland aysan ku matali doonin marnaba diyaarinta xeerkaas.Middaas oo ay hadda dhacday in diyaarinta Xeerka Federalka ah ay DFKM iyadu iskeed ugu magacaw-day dad aan maamulka Puntland soo dirsan oo aan u aragno inay ilaa-linayaan oo keliya danaha Dawladda Federalka KM.Waa muhiim, waana siyaasadda xukuumadda in aan kula dhaqanno Dawladaha aan deriska ka nahay xagga berriga iyo xagga baddaba siyaasad ku saleysan is- xurmeyn, deris wanaag iyo wax-wada-qabsi ku aadan danaha naga dhexeeya oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga ganacsiga iyo adkeynta amniga.Waxaan iyadana dardar gelineynaa xiriirka wadashaqeynta aan la leen-ahay Beesha Calaamka, ha ahaa-deen deeq bixiyayaasha (donors) ama hey’adaha kale oo calamiga ah (UN agencies and INGOs) si ay si buuxda uga hawlgalaan degaanka Puntland mar labaad, iyadoo la sugi doono haddi Alle idmo amaankooda. Taasi waxay fududeyneysa in dib loo bilaabo mashaaricdii kala go’day iyo kuwa cusubba.

XAALADA MAGAALADA BOSASO“Xaalad la fiirin karo kama jirto magaalada Bosaso,xaga

nadaafada, xaga sixada, xaga Korontada iyo biyaha”

Aduunka waxaa Magaalo ugu hor-raysay, Atens (Caasimada Gri-

iga ee Casrigan) iyo Sparta oo xad-daaradii Giriiga dhismay,kuwaasoo lagu magaacabay “Gitta”

Magaalo waxaa muhiim ah in ay leedahay, Astaamo lagu garto, waa in laga helaa wixii adeeg ah, 2009, waxaa aduunka ka hirgalay magaalooyin waawayn “Megalopo-lo”, Haddaba iyadoon la hilmaameen burburkii Somalia, ayaana haddana Puntland heshay nasiib 18 sanno oo nabad ah, Maxaa laga qabtay Magaalooyinka puntland 18 sanno.

1.Biyaha oo Dowlada Holland ku de-eqday.2.Shirkadaha Telephonada iyo Xawaaladaha oo laga hirgeliyay si gaar ahna loo leeyahay (Private).

Puntland degmooyinkeeda midna wax la taaban karo lagama qaban, Dowlada Hoose ee Bosaso, Irideeda waxaa lagu iibiyaa Maandooriyaha Qaadka, Mana soo marin duq magaa-lo oo wax ka qabta ama la kaashada dadweynaha fulinta arrintaas.

Magaalo keligeed iskaga socon kar-to, Haddii aan majaraha loo hayn, Dowlada puntland waxaa looga fad-hiyaa in ay wax ka qabto arrimaha soo socda.

1. Dowlada Hoose tooskeeda ha ka qaadeen Maandooriyaha Qa-adka, Nadaafadan ha la hagaajiyo.2. Dowlada puntland ha u magacowdo Gudi sarre oo degmooy-inka habeeya. (Wasiiro, Aqoonyaha-no, Dhakhaatiir iyo culimo)- oo hoos yimaada wasaarada H.guud iyo Gur-iyeenta, sameeyana Qorshaynta

Magaalooyinka (City planning) sida wadooyinka, parkinidii Gawaarida iyo Calamad leh oo Basaka dadw-eynuhu Istaagaan.3. Waa in dowladu samaysaa Suuq la dejiyo Bacadlaha.4. Dariiqa Waqda oo deg-deg loo furo5. Qaadka oo meel Sinai ah la dejiyo, Magaaladana laga saaro.6. Boosteejooyinka Baabuurta laga rarto oo meel haboon la geeyo oo laamiga laga fogeeyo.7. Layrka, waa in dariiqyada muhiimka lagu xiraa.8. Meesha dadku Maro (Mer-sha-peide), waa in la baneeyaa.9. Nadaafada Magaalada, waa in loo xilsaaraa shaqaale joogta ah, (Isbissini-Nadiifiye Qashin)10. Bartamaha Magaalada (Cen-teral) garigacmeedyada iyo kuw dari-iqa wax ku iibiya, waa in la habeeyo.

11.Kawaanka Hilipka iyo Kalluunka waa in dhakhaatiirta xoolaha ku takhakhustay ay ka howlgalaan.12.Waa in dowladu gacanta ku qa-bataa Hubinta iyo Kontoroolka (food Control) cunnooyinka Dekedaha dalka ka soo gelaya..

GunnaadkaXaafadaha la ilaawey, Sida Raf iyo Raaxo, Biyokulule,Turjaale,Tuulo Absame, waa in ey hellaan Nal iyo biyo Joogta ah, Ugu danbayntii aanu u kacno sidii aanu magaalooyinka waxa uga qaban lahayn oo u hor-marin lahayn si aanu ugu noolaano, ilmaheenuna ku barbaaraan Degaan Nadiif ah oo billicsan.

F.G:- Yaan loo qaadan in aan qof dhaliilayo ee waa wax toosin iyo hagaajin

Dr:- Yaasiin Faarax Cartan

ARBACA 4 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 5

Iimaan Axmed Guray.Xusuustii Qallinka

Qarnigii Lix iyo Tobnaad ayaa Iimaan Axmed Guray waxaa uu

jebiyey oo ka adkaaday Boqor Aba-siini ahaa oo la oran jiray Lebna Den-gel taasi waxay marag fur u tahay geesinimadda dadka Soomaalida ee soo jireenka ahayd abid.

Iimaan Axmed Guray waxa uu ku dhashay meesha la yiraahdo Hu-bata oo u dhexeysa Harar iyo Gal-daysa sida taariikhda lagu sheego Sanadkii1500. Waxaa uu guursaday haweenay uu dhalay Boqorkii ka talinaayey Saylac gabadhaas oo la oran jiray Baati. Sanadkii 1522-kii ayaa waxaa Saylac laga soo rararay Caasumidnimadii dawlada Islaamka waxaana loo soo wareejiyey Harar .(Xigashao Buuga al-Soomaali ee uu qoray Gen.Cali Ismaaciil P45). Iimaan Axmed Guray ayaa ciidama-diisu waxay gaareen Hara biyoodka Taana Sanadkii 1533-dii ee Gobolka Goojaam. Sanadihii 1533-dii ilaa 1538-dii waxaa ciidamadiisu misna gaareen magaalada Kasala ee dalka Sudan. Boqorkii Xabashida ee Lebna Dengel waxaa uu noqday haad geed waayey. Hadba meel ayuu u cararaa ilaa uu dibad meerkaas iyo is qa-rintaas isagoo ku jira uu geeriyooday Sanadkii 1541-kii.

Boqortooyadii Burtaqiiska2 ayaa u soo hiilisay Abasiiniyiinta laga adkaa-day. Waxay ciidamo u soo direen la safta. Iyagoo racoodii ugu horeeyey ay soo gaareen degaanka Geeska Afrika Sanadkii 1541-kii. Dagaalkii dhex maray Iimaan Axmed Guray iyo ciidamadii Burtaqiiska ayaa waxaa lagu dilay hogaamiyihii ciidamadaas oo la oran jiray Chirstopher Dagama

Waxaa dhacday in Sanadkii 1543-dii uu dagaal xoogani labada ciidan dhexmaray. Walow Xabashidu gacan weyn ka helaysay Burtaqiiska. Wax-aa dagaalkaas dambe ku jebiyey oo laga adkaaday Iimam Axmed Gurey ciidamadiisii, waana la dilay Iimaam-kii. Hase ahaate waa sii socday gu-lufka colaadeed ee u dhexeeyey muslimiinta iyo masiixiyiinta ku nool Geeska Afrika.

Qarnigii Sagaal iyo Tobnaad Bilow-giisii wixii ka horeeyey sida laga dheegto taariikhda Abasiinya(Absinia History). Absiinya ma lahayn Boqor-tooyo awood dhexe ah oo miday-sa Boqortooyooyinkii kala gooni goonida ahaa ee ka jiray Abasiinya. Qoomiyadahan Masiixiga ahi waxay ahaayeen kuwa aan ururusanayn. Gobolka Tigrey oo u xiga dhinac Waqooyiga xadka Sudan. Gobolka Baqamaar(Amxaaradda). Waa dhul buuraleey ah. Galbeedka Sudan ayaa kaga aadan. Waqooyiga waxaa ka xiga Tigrey. Gobolka Goojaam

waxaa uu barbarka ku hayaa dhi-naca hoose ka xigaa Gobolka Amx-aarada. Waa dhul biyuhu ceegaga-an waxaa ku taala Hara Biyoodka Taana iyo Wabiga Niilka Blue-ga ah. Gobolka Wallo waxaa uu Konfur Bari kaga yaala Gobolka Tigrey. Sidoo kale Gobolka Shawa ayaa ku yaal Bartamaha Itoobiya.

Gobol kastaa ee ka tirsanaa Aba-siinya waxaa caada u ahayd inuu yeesho Boqor u gaar ah. Dagalka iyaga dhexdooda ah amaba midkay kula jireen dadka degaanka Geeska Afrika degan ayaa ku salaysnaa oo kelya awood helid iyo beer laxawsi Kirstaanimo si ay awooday wax ku xukuman u yeeshaan. Dantood xu-kun raadinta ah ayaa mar walba iska cadayd taaso ahayd inay dad gu-maystaan.

Sida ku cad maqaal uu ku qoray wargays la yiraahdo Geeska Afri-ka ee ka soo baxayey New Jersey Maraykanka Sanadkii1979-kii ca-dadkiisii Aprile/June ayaa Richard Chairman3waxaa uu ku iftiimiyey in boqoradii hore ee Absiinya ay ahaayeen kuwa aan lahayn maamul, magaalo caasimad u ah, waxayna ahaayeen kuwa ku nool xerya guura guura( Khaymado) waxaa kaloo uu sheegay inayan jirin awood siyaasa-deed ee isu dheeli tirayd maamulka goboladda boqortooyada. Waa sii waday cadayntiisa isagoo sheegay in laga soo bilaabo Qarnigii 12-aad ilaa 1890-kii Boqortooyadii Abasi-inya aysan lahayn Caasumad sugan oo la yaqaan. Sidaas darteed waay-ida la waayey caasimad sugan iyo baahida loo qabay xarun siyaasa-deed waxaay dhib ku noqotay in la xadado awooda boqortooyadu ku leedahay gobolada kale.

Ma Caqli galbaa in qof Dheeman heystaa uu ku badasho Maar?

Qalinkii: -Cabdixakiim Jaamac JoojeLeicester UK

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabad-gelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W).

Sida aynu la wada socono adduunk-an maanta waxa ugu qaalisan waa dheeman, taasoo qofka heystaa ay wax walba uga qaalisan yihiin. Hadd-aba ma wax dhici karaa in qof dhee-man heystaa in uu qof kale oo maar heystaa uu uga badasho. Runtii waa wax aan dhici Karin, laakiin Soomaa-li wey ka suurtowdaa, waxaana daliil u ah dulucda aan uga gol leeyahay mowduucan.

Dhulka xeebaha ah adduunka oo idil waxaa la siiyaa mudnaan gaar ah, oo waddanka hadduu bad leeyahay waxaa la aaminsan yahay in ay Gaa-jo iyo Faqri is daayeen. Sida hadda ka hor uu sheegay Madaxweynaha Jabuuti mar la yiri dhulkaaga waa faqri, oo uu yiri Jabuuti waxey leed-ahay Xeeb ballaaran, oo waddan xeeb lehna faqri wey kala fog yihiin. Halkaas waxaad ka qaadan kartaa qiimaha ay baddu ku fadhido.

Annaga Soomaali ahaan waxeynu leenahay xeebta ugu dheer Africa. Waxaa la aaminsan yahay in bad-deena laga helo kalluunka ugu qaalisan. Waxaa intaas dheer in ay jiraan macdano kale oo qaali ah oo ku aasan baddaheena. Nasiib darro dadka soomaalida ah arimahaas uma muuqdaan. Warbixin laga qoray waddamada IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in dakadaha ugu baddan waddamada IGAD inay ku yaalaan Soomaaliya. Tiro koob la sameeyay oo la yiri illaa 12 dakadood oo IGAD ay leedahay, ayaa todoba ka mid ah waxey ku yaalaan Soomaaliya.

Arimaha ugu yaabka baddan waxa ay ka jiraan deegaamada Puntland, taa-soo waayahan danbe ay isugu faan noqotay in dadki ay soo wada de-gaan dhulka Laamiga maro, iyadoo laga soo wada guurayo magaalooy-inkii camirnaan jiray ee ay Xeebaha ahaa. Magaalooyinkii Caanka ahaa ee xeebaha sida Beyla, Caluula, Xaafuun iyo Qandala, waxaa lagu soo waramayaa in laga soo wada guuray. Warbixin uu dhawaan soo diyaariyaya weriye Shiikh Adduun, uu kasoo qoray magaalada Qandala oo uu booqasho ku tagay, wuxuu kasoo wariyay in aanay magaaladu deganeen xitaa dad gaaraya Boqol qofood.

Sida aynu la socono Qandala waxa ay soo martay heer lagu tilmaamay

Gacanka Hodanka ah ee Soomaa-liya, taasso ay ugu wacnayd iyadoo ka gaartay ganacsi heer Caalami, oo uu dhaqaalaheedu aad iyo aad u heer sareyn jiray. Qandala waxey waayo soo qaadataba maanta waa laga soo kala guuray. Haddaba wax-aa isweydiin leh, dadki magaaladan camiri jiray ee dhaqaalaha xooga leh ku heystay Halkee ayeey uga guu-reen. Waa su’aal aan jawaabteeda ka sugayo Qurbo joogta reer Qanda-la ee Yurub iyo Ameerika, iyo weliba waxgaradaka ku nool Soomaaliya.

Haddaba waxaan kula talin lahaa maamulka Cusub ee Puntland, in uu tixgalin siiyo magaalooyinkan xee-baha dhaca, oo uu bulshada reer Puntland, u sameeyo mashaariic ay kaga howlgalaan magaalooyinkaa xeebaha. Ogow mar walboo ay horu-mar sameeyaan magaalooyinka xee-baha, waxaa kordhaya dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxaa muhiim ah in dadka lagu dhiira galiyo inay bartaan xirfadaha Badda looga shaqeysto, si ay uga kaaftoomaan ku xirnaashaha gacan wax u soo dirta ama waxa loo yaqaano shaxaadka. Maamulka waxaan kaloo kula talin lahaa inuu asaaso Machadkii badda ee laga baran jiray { Fishing, Mechanic iyo navigation }. Runtii iskuulkaas wux-uu ahaa iskuul qiimo leh, oo ardeydii kasoo baxday waagaas maanta ad-duunka oo idil ayeey xirfaddaas uga shaqeystaan.

Soomaaliyeey dhulkeena aynu aami-no, oo ka faa’ideysano nimcooyinka uu Allaah inagu maneystay. Dhul-keenu wax walbuu leeyahay, oo laga helaa haddey noqoto dhul Beereed, Xoolo nool, bad, macdan kale. Hadd-aba adigoo iska leh dhulka qiimaha iska leh, oo maalintii aad suuqa u daadegtoba aad soo sameyn karto dhaqaale wanaagsan, sidee ayeey ku dhacday inaad dhul shisheeye, oo aad ka tahay shaqsi la liidayo in-aad uga soo safarto. Soomaaliyeey dhulkiina ku kalsoonaada, oo aami-na, isaga ayaad huran tahaye.

Waxaan kaloo fursaddan uga faa’ideysanayaa inaan uga mahad-celiyo Aqoonyahandii iyo ganacsati-adii isku howshay inay dib u kiciyaan Warshaddii kalluunka ee Laasqoray, oo maalgaliyay. Runtii waa tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan, wax weyn ayaad dalkii ku soo kor-dhiseen oo Allaha idinla garab galo dadaalkiina.

Ogow mar walba heybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo, ee dhulkiina waa dheemanee haku badalanin maar iyo wax ka liita.

ARBACA 4 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 6

Koboca Islaamiyiinta Somalia( Siraha Qarsoon )

Qormadii 9aadWaayihii Horu-socdka Islaamiyiinta Soomaaliya

W.Q. cabdishakuur Mire Aadam

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa wax-ay marwalba ka koobnaayeen

xubno kala qabiil ah. Halka mu-caaradkii hubaysnaa uu u muuqa-nayey qabiil qur ah oo doonaya inay awooda dalka xoog ku yimaadaan, lahayna barnaamij siyaasadeed oo wax ka bedeli kara xaaladda dhaqa-alaha iyo bulshada ee waqtigaas Soomaaliya ku jirtay.

Islaamityiintu waxay si tartiibtartiib ah bulshaweynta ugu soo bandhi-gayeen ku dhaqanka shareecadda Islaamka. Iyagoo dhexmaquurayey dadka muhiimka ah ee loo qaateen-ka ah oo dacwadda fidinteeda si fu-ran uga qayb qaadan kara. Kuwaas oo u badnaa dhaliyarra-da waxbara-tay ee lahaa rag iyo dumarba.

Mucaraadka hubaysnaa ayaa xil-ligaas u sii kala dhanbalmayeey qa-biil qabiil iyo jifo-jifo hoose oo aan dhaafsiisnay awood ku faan qabiil iyo dib ugu noqoshadii waqtigi jaa-hiliyadda. Waxaa bilaabmayey kala furfurasho jabhadihii mucaaradka ahaa ee ku midoobay SSDF oo ahayd midi ugu horeeyeysay mu-caaradka hubaysan ee Soomaaliya, dulaankana Soomaaliya uga soo qaada Itoobiya. SSDF waxaa Okto-bar 1981-kii ku midoobay Jabhadda Badbaadinta Soomaaliya (Somali Salvaition Front), Xisbiga Shaqa-laha Soomaaliyeed (Somali Workers Party) iyo Jabhadda Dimuqaraadiga Xoraynta Soomaaliya (Democratic For the Liberation of Somalia ) .

Waxaa la isweydiin karay Afgembi-gii 9 Aprile 1978-dii ee dhicisoobay lug ma ku lahayd Itoobiya?. Marka qumaati la isugu dardaro xisaa-baadka qaarkood Sirta qarsoon ee Soomaaliya ma tahay in saraakiisha qaarkood ee ka qayb qaatay afgem-bigaas inay Itoobiya dabada ka riix-aysay?. Waa la is weydiin karaa mar labaad markuu fashilmay afgem-bigaasi sababtay Itoobiya dabada ula galeen saraakiil badan oo fikrad ku lahaa afgembigaas? Ma la oran karaa waxaa jiray xiriiro qarsoon oo ka dhexeyey abid Itoobiyaanka iyo saraakiisha Soomaaliyeed qaarkood ee fulinayey qorshahaas afgembi?.

Islaamiyiinta ayaa qorshahoodu weyni waxaa uu ahaa hoos ka soo dhisid bulshada si loo helo awood

dhinac walba ka qaabaysan. Wax-ay marwalba farta ku fiiqayeen khaladaadka muuqda ee dawladii kacaanka ahayd oo waqtigaa la daa-laadhacaysay la dagaalanka mu-caaradka hubaysan ee qabyaaladu u ahayd Dastuurka.

Waxay Islaamiyiintu aad sahleen bar-itaarka burburkii dawladaas sii liicay-say xilligaas. Islaamiyiintu ayaa ka koobnaa dhowr garab oo ka kala jiray Waqooyiga iyo Konfurta Soomaaliya. Waxdada ayaa ka dhisnayd Waqooy-iga halka Jamaaca Islaamiya iyo Al-Islaax ka jireen Konfurta Soomaa-liya.

Hawshaas ay hayeen garabyada Islaamiyiinta ayaa muhiim waxay u ahayd baraarujin dhinaca diinta ee shacabka. Waxaa soo shaac bax-ay koboca siyaasadeed iyo bulsho ee Islaamiyiinta ku dhex yeesheen dadweynaha ka biya diidsan ar-rimaha muuqada ee kacaanku uu wadey. Iyadooy Islaamiyiintu heleen dhega raaricinta bulshada cabur-sanayd ee Soomaaliyeed oo xilligaas la daalaadhacaysay niyad xumadda kacaankii Oktoobar. Meesha kama maqnayn khilaaf ku kala dhex jira xooggaga Islaamiyiinta. Waxaan soo bidhaamayey kala guullan dhexdoo-da ah. Iyo sida loo wajahayo arrima-haa taagan goor kasta. Hase ahaate waxaa mar walba qarinayey inaanu soo shaac bixin khilaafkoodaasi cu-layska saaraa ee kaga soo wajahnaa dawladii kacaanka ahayd oo isku si u wada arkaysay kooxaha Islaamiyiin-ta. Inkastoo aanay Sanadihii dambe waxba ka qaban karayn awoodoo-daas sii kordheysay.

Sanadkii 1982-dii kolkii dawladii kacaanka ahayd ka soo sii daysay xabsiga Shiikh Maxamed Macal-lin Xasan ayaa dhaqdhaqaaqii Ja-maaca Islaamiya qaybta ka hartay ururukii Al-ahli una badnaa ardaydii tafsiirka Quraanka ka raacan jirtay Shiikha ayaa u soo bandhigay Shiikh Maxamed Macalin Xasan inuu noqdo hogaanka Ururka iyagoo ku yiri:-

’’ Booska hogaaminta ururka Shiikh Maxamed Macalin adiguu kuu ba-naan yahay waa booskaagii....’’

Shiikh Maxamed Macallin Xasan (Ilaahay Ha u Naariistee) waa ka

cudur daartay inuu noqdo hogaanka Jamaaca Islaamiya. Waa u duceey-ey dadkii taladaas u soo jeediyey, waxaana uu kula dardaarmay inay halkoodii ka sii wadaan ku baraaru-jinta dacwada ee dadka dhexdiisa.

Bilowgii sanadkii 1983-dii waxaa ku-lan isugu yimid hogaankii Jamaaca Islaamiya Muqdisho. Waxaa ku-lankaas lagu qaadaa dhigay dhabaha Jamaaca Islaamiya qaadanayo iyo toobiyaha Istaraatiijiyada la qaadan doono waqtiga soo socda. Mudo bil ah ayaa kulankaas loo fadhiyey ka baaraan dega iyo munaaqashada waxyaabo badan oo sal uss noqona-ya xarakada islaamiga ah.

Waxaa Jamaaca Islaamiya isku af garteen laba qodob oo kala ahaa.

•In lagala dagaalamo dadka waxy-aabaha Bidcada ah ee Diin ahaanta u haystaan.•n laga hortago Cilmaaniyada waxy-aabaha la hal-maala.

Siraha qarsoon waxaa ka mid ah kolkii kulankaas Jamaaca Islaamiya la soo gabgabeeyey ayaa waxaa dibada isa soo dhigay guux iyo ha-dalo la isla dhexmarayey oo ku saab-sanaa jihada uu qaadayo ururkan oo ahaa mid xubnahiisa muhiimka ah badankood ahaayeen ardaydii taf-siirka Quranka ka baranjirtay Shiikh Maxamed Macalin Xasan. Waxaa soo baxay hadalo suuqa la geliyey oo sheegayey in Shiikh Maxamed Macalin hogaanka Jamaaca Islaami-ya ka guureen oo ay u guureen dhi-naca Shiikh Nuur Cali Colow. Iyadoo weliba intaas lagu sii qurxiyey in la doonayo in Islamaamiyiinta lala xiri-irsiiyo Jabahadii SSDF. Waxaa la sheegaa in khilaaf soo kala dhexga-lay Jamaaca Islaamiya ku saabsan-aa isu haysashada awooda hogaan-ka cida gacanta ku haynaysay iyo weliba asaarta qabiilka oo Soomaa-lidu tahay kuwa u dhego nugul.

Ururkii la oran jiray Waxdada ee Waqooyiga iyo xarakadii Jamaca Islaamiyaa ayaa midoobay Sanadkii 1983-dii Bishii Nov, lana baxay urur-ka Al-itixaad Al-islaami, intii aanu dhi-cin midowgii labadan urur ayaa wax-aa ka horeeyey aragti is weydaarsi Jaamaca Islaamiya iyo Waxdada iyagoo wada dersayey xaaladaha

ku saabsan isla jaanqaadkooda.

Xubnihii ka midka ahaa Jamaaca Islaamiye ee socdaalka ku tegey Waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdi Dahir, Cabdiraxmaan Barre, Cabdulqaadir Nuur Faarax. Is dhex galka labadan urur ee Islaamiga ah ayaa raadinta midowgooda waxaa uu u saansaan ekaa midoowgii labadii gobol ee Soomaaliya oo Talyaaniga iyo Ingari-isku kala xukumayeen oo is raacay 1 July 1960-kii abuurayna Jamhuuri-yada Soomaaliya.

Waxaa kaloo door muuqda ku la-haa midaynta Ururadan Jabha Is-laamiya Sudan oo xiriirsiiyey labada dhinac Maarso1983-dii, waxaana xarun u ahayd intaanu dalku bur-burin magaalada Muqdisho oo uu inta badan ku sugnaa hogaamiyihii waqtigaas ee ururka Al–itixaad Al-islaami, Sheikh Cali Warsame.Urur-kaasi waxaa uu ahaa goobta miday-sa awooda in badan oo Islaamiyiinta Soomaaliya ah. Marka laga reebo ururka Al–islaax oo isaga qudhigiisu ahaa awood Islaami ah oo feer so-cota ururukaas kale.

Waxaa kaloo door muuqda ku la-haa midaynta Ururadan Jabha Is-laamiya Sudan oo xiriirsiiyey labada dhinac Maarso1983-dii, waxaana xarun u ahayd intaanu dalku bur-burin magaalada Muqdisho oo uu inta badan ku sugnaa hogaamiyihii waqtigaas ee ururka Al–itixaad Al-islaami, Sheikh Cali Warsame. Urur-kaasi waxaa uu ahaa goobta miday-sa awooda in badan oo Islaamiyiinta Soomaaliya ah. Marka laga reebo ururka Al–islaax oo isaga qudhigiisu ahaa awood Islaami ah oo feer so-cota ururukaas kale.

LA SOCO ARBACA KASTA BUUGA KOBACA ISLAAMIYIIN-

TA SOMALIA OO UU QORAY C/SHAKUUR MIRE AADAN

ARBACA 4 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER 7

Liverpool Oo Qasaartay, Real Madrid Oo 4 dhibcood U jirta Barca

Fallanqaynta Cayaaraha Horyaalada urub

LONDON —Liverpool ayaa qasaari-say fursad ay ugu dhowaan lahayd kooxda hogaanka horyaalka Ingri-iska heysa ee Manchester United markii ay qasaaro lama filaan ah kalakulantay Middlesbrough oo kaga ba-disay 2-0

Middlesbrough oo ciyaaraha hory-aalka badisa waxaa ugu danbeysay bishii November ee Sanadkii Hore, intaasi waxaa u dheer ineysan wax goal ah dhalin ilaa iyo 5 tii kulan ee la soo dhaafay , laakiin Tuncay Sanli ayaa wuxuu gool Labaad shabaqa liverbool ku hubsaday ka hor intuu-san goal iska dhalin qeybtii hore Xabi Alonso, taasoo Liverpool u keentay iney u sii dhacdo kaalinta 3-aad iya-doo sanadkaan ku hamineysay iney hanato horyaalka tan iyo 1990.

natiijadaan waxey Liverpool si-ineysaa 55 dhibcood , waxeyna wali ka hooseysaa 7 dhibcood kooxda ka sareysa ee defending champions ah, taasoo aan ciyaarin Kulanmadii hory-aalka ee todobaadkana maxaa yee-lay waxey la ciyaaraysay kooxda Tot-tenham cayaarta League Cup final.

Chelsea ayaa qasaarada Liverpool ka faaiideysatay waxeyna wax loo yaqaan goal difference kaga sara martay kooxdaasi markii ay 2-1 kaga badisay Wigan.

Arsenal ayaa ilaa iyo hada badin la’ markii ay xalay mar kale 0-0 la ga-shay kooxda Fulham , waana kulankii 4-aad oo isku xiga oo at Arsenal wax goal ah dhalin.

Arsenal natiijadaani waxey ugu

dhigantahay in mudo 15- sano ah markiiugu horeysay ay wax goal ah dhalin weyso , waxeyan hada 2 dhib-cood ka sareysaa Everton.

Everton oo labadii qeyb ee ciyaarta 2 goal oo kala duwan heshay ayaa West Bromwich Albion ku gaaracday 2-0 waxeyna wali ilaashaneysaa ra-jada ay ka qabto iney u soo baxado European competition.

Real Oo Dhinaca ku haysa Barca

MADRID (AP)— Real Madrid ayaa diiwaan gashatay guushuu 10th oo isku xigta ee league ah oo isku xigta waxeyna hada soo yareysay farqiga dhibcaha u dhaxeeyay iyada iyo Barcelona taasoo hada horyaalka ku hogaamineysa four points , Guti iyo Raul ayaa u kala dhaliyeen 2-0 ay kaga badisay Espanyol

Barca ayaa horyaalka waxey ku hogaamineysaa 60 points 24 kulan oo ay ciyaartay halka Real oo ku soo xigta ay leedahay 56 dhibcood 25 kulan oo ay ciyaartay and Sevilla third on 47.

Spanish league leader Barcelona, oo ku dhawada 3 kulan aan wax guul ah gaarin ayaa la ciyaari doonta Atletico Madrid,

Frederic Kanoute ayaa 2 goal oo uu u dhaliyay Sevilla waxey kaga badiy-ene Athletic Bilbao 2-1 in the Span-ish league iyadoo isku diyaarineysa Copa del Rey semifinal match.

labadaan koox ayaa ciyaari doona lugta labaad their Copa del Rey semifinal taasoo ka dhici doonta the

San Mames habeenimada Wednes-day, Sevilla ayaa lugtii 1-aad ku soo badisay 2-

Kooxda Atletic madrid ayaa dhulka dhinac u dhigtay Kooxda khatarta ahee Barcilona, markii ay kaga badi-say 4-3, guuldaradan ayaa tii labaad ee isxigta ee Barcilona la kulanto.

Juve Oo Dirqi kaga Fakatay Na-poli

Claudio Marchisio ayaa dhaliyay goalka kaliyaha ee Juventus ku badi-say kaasoo ah 1-0 ay kaga qaadatay 3 dhibcood Napoli in Serie A.

Juventus, oo 1-0 ay kaga soo ad-kaatay Chelsea in the Champions League, ayaa ciyaartaan xaga weer-arka ku bilowday Alessandro Del Piero iyo David Trezeguet in attack, laakiin labaduba wax goal ah waa dhalin waayeen .

Inter Milan oo horyaalka ku hogaamineysa 59 points, aya waxaa soo raacda Juventus oo leh 53 halka AC Milan ay ka leedahay 48.

Mauro Zarate ayaa Lazio’ u dhaliyay 2-0 ay kaga badisay Bologna. natii-jadaasi waxey gadhiisineysaa boos-ka 7-aad , hayeeshee waxey kaga tageysaa Bologna xaga hoose .Hakashada Inter iyo Qasaarada Mi-lan

2 goal oo uu dhaliyay Teenager Ma-rio Balotelli iyo mid kale oo uu raac-saday Hernan Crespo oo dhamaadkii ciyaarta dhashay ayaa kooxda Serie A hogaankiisa heysa ee Inter Milan waxey la gashay 3-3 AS Roma ku-lankii ka dhacay San Siro xalay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa goalal ay u kala dhaliyeen Daniele De Rossi iyo John Arne Riise waxey Roma ku qabtay hogaanka .

Nasiib darada ugu xuni waxey ku dhacday AC Milan wali ka daba jiita-meysa Inter Milan iyo Juventus in the Serie A title markii ay qasaaro xoogan kala kulantay Sampdoria 2-1.

26 kulan oo la ciyaaray Inter, ayaa waxey ku hogaamienysaa 60 points, 7 dhibcood ka badan waxey ka sar-eysaa Juventus oo 1-0 kaga badisay Napoli in Turin on Saturday.taasoo leh 53, halka AC Milan ay leedahay 48 waxaa soo raaca Fiorentina oo leh 46.

Fiorentina iyo Genoa, ayaa waxey isku heystaan booska 4-aad ee Champions League qualificationplace, laakiin labadaba waxey ku guuldareysteen inet badiyaan todo-baadkaan .

Fiorentina waxey 1-1 la gashay ko-oxda horyaalka ugu hooseysa ee Reggina, .

London:-Manchester United ayaa la hoyaaday koobka League Cup markii ay 4-1 rigoorayaal ah kaga qaaday Tottenham , taasoo u ah kooxda horyaalka English Premier League hogaankiisa heysa koobkii ugu horeeyay 5 koob oo ay ciyaar-eyso.Ciyaartaasi oo 0-0 ku dhamaa-tay xitaa xiligii lagu daray , ayaa wax-aa geysiga ciyaarta noqday United goalkeeper Ben Foster kaasoo bad-baadiyay Tottenham’s first shootoutkick oo uu laaday Jamie O’Hara iyo David Bentley oo qasaariyay laad-kii 3-aad ka hore intii uusan laadka guusha dhalin Anderson.

Guushaan waxey u tahay United tii labaad oo ay qaado marka laga soo tago bishii December’s oo ay soo qaaday Club World Cup . Si-doo kale The Red Devils waxey Premier League ku hogaamineysaa seven points, iyadoo dagaal ugu jirta Champions League iyo FA Cup.

Kulamo ka tirsanaa Premier League oo la ciyaaray ayaa , waxaa ka mid ahaa Aston Villa oo fursadeedii u soo bixitaanka Champions League mug-di yar ma la galiyay markii daqiiqadii ugu danbeysay goalkii bareejada ahaa aye ka dhalisay Stoke taasoo ku soo idlaatay 2-2 at Villa Park.

Natiijadaasi waxey ugu dhigantahay Villa iney sii jiifto booska 4-aad oo ah final Champions League slot, 3-dhibcood waxey u jirtaa Liverpool oo 3-aad ku jirta , waxeyna 6 dhibcood ka sareysaa Arsenal, oo 5-aad fad-hida.

West Ham ayaa xalay sameysay da-gaal ay kaga taqalustay 1-0 kooxda Manchester City at Upton Park taa-soo ay ku soo jiifatay boosjka 7-aad ee horyaalka.

Blackburn ayaa ka baxaday halka hoose ee horyaalka ee relegation zone markii ay 2-1 kaga badisya Hull..

M.UNITED OO HANATAY KOOB-KA LEAGE CUP EE ENGLAND

Michel Ession oo Garoom-ada ku soo Laabtay.

London:- Xiddiga reer Ghana iyo Kooxda chelsea ayaa markii u hor-raysay ciyaaray Ciyaar tijaabo ah oo la saftay ciyaaryahanada keydka ee chelsea oo la ciyaarayay kooxda keydka ee Astanvila

Ession oo mud lix billood ah ka maq-naa Garoomada ayaa waxaa la filay-aa in uu ka qayb qaato Cayaaraha Horyaalka Ingriiska iyo Cayaaraha loogu soo baxayo koobka aduunka ee 2010, oo xulkiisa Qaranku uu 29 march la yeelan doono xulka Benin

Buugta Akhriska Buugta Iibka &

Adeegyada Bulshada Receipt Vouchers Payment Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards EnvelopsStickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards

KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEEDWAQTIGA AAD RABTO, SIDA

AAD U RABTO & QIIME KURAALI

GALIYA

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Tell :- 824299/796169/726169

BOSASO SOMALIA

HORYAAL PRINTING CENTER

ADEEGYADA DAABACADEED EE HORYAAL DIYAARKA KUULA

TAHAY

Telcom Puntland ARBACA 4 MARCH 2009 ILAYS NEWSPAPER

Shirkada Telcom Puntland xarunteeda weyn waxay ku taal magaalada Boosaaso, waxaana shirkadu ay xarumo ku leedahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Wixii Faahfaahin

ah:Tell: Tel: 002524500007 AMA 143 OO AH QAYBTA QANCINTA MACAAMIISHA

Garaac si aad u dalbatid adeegyada TELCOM-PUNTLAND 141Riix si aad ugu darsato numberadda Family-ga (FN) 146Riix si aad u Dalbato adeega numberada ku gafay (Missed call) 144Riix si aad u ogaato lacagta kuugu jirta 221Riix si aad lacag ugu shubato 222Riix si aad u la xiriirto qaybta adeega macaamiisha 143Riix Si aad Qof kale lacag ugu shubto 333

QORAAL AHAAN Riix si aad Lacag ugu shubato *141*pin#Riix si aad u ogaato lacagta kuugu jirta *142#Riix si aad lacag u xawishid *143#Riix si aad u bedesho password ka *156#Riix si aad u ogaato Numberkaaga *145#Riix si aad u dalbatid deyn *149#Riix si aad u ogaato lacagta dheeriga ah *146#

•Divert all incoming calls : * 2 1 * (Phone Number) # ok •To Divert when no response: * 6 1 * (Phone Number) # ok oIn case of no access or busy * 6 2 * (Phone Number) #ok •Qaabka loo joojiyo Forwarding-ka Si aad u joojiso Forwardingka isticmaal # 21 # ok •Qaabka lacagta loo xawilo adiigo isticmaalaya qoraal *143#Password Number*1* 252 your number#•Qaabka loo badasho Password *156#Old Password#New Password#

Shirkadda Telcom Punland oo ku soo kordhisay adeega GSM-ka (Mobile-ka) Features Casri ah

Bosaso, Somalia

www.telcompuntland.com [email protected]

8