ilays waa wargays madaxbanaan oo toddobaadkii … · muna hotel ee magaalada bosaso, waxaa uu kaga...

8
AXAD 05 APRIL 2009 Caddadka 19aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO ILAYS INTERNET GSM SMS MASSAGE E-ADEEG OUR SERVICE OUR SERVICE Somaliland: Sawax Caynkee Ah?.(Maxaa laga filan karaa 06 April Ka Dib?). W ax ayaa guuxaya….. jabaq ayaa yeeraysa …… Maxaa hugmaya…… hadal hayn- ta beryahan dambe Soomaalida inteeda badani ka hadasho waxaa ugu badnaa doorashooyinka So- maliland….. Maxaxa loo xiisaynay- aa?.... Maa laga aamuso?....... Maya…. Maya….. in badan oo So- mali ah ayaa qabta inay Somalil- and ku dayasho mudnayd dhinaca Dimuqaraadiyadda iyo hirgelinta Ax- saabta tartanka u gashay hoggaan- ka doorashooyin xalaal ah oo lagu hoggaamiyo dalkaas iyo dadkaas. Dhamaan waanu wada eegaynay anagoo u muuqanaynay inaanu na- hay arday Somaliland ka baranaya nidaamka Dimuqaraadiyadda iyo Doorashooyinka Xorta ah. Maanta Xaalku sidaas ma ahan. Waa ka muuqaal duwan yahay. Waxaa cirka ku gadaaman daruuro Madow oo harreeyey Fagaarihii Xoriyad- da….. Ma laha ma Maxamed Siyaad ayaa soo noqday oo khudbad uga jeedinaya Hargaysa Garoonkeeda Kubbada Cagta dadka ku dhaqan magaaladaas…. Maya ….Maya …. War Noow iyo Jaaw….. Sow Isagoo beri hore geeriyooday oo xabaashiisii Garbahaaray ku taal….. Now iyo Noow . war ma Cadan ayaa laga heesayaa Mise………… Arrintu sidaas ma ahan…..Muuqaalkiisii waa kaas ii muuqada……….. EEG BOGGA 2AAD FAALLO Joocaar:- Shirkadda Somcana,Cid ay Matasho iyo Cid Ay U Shaqayso Ma Jirto “C/weli Cali taar, Waa nooga garaabi waayay, yaa ku dirsday ayaanu niri, Wadanka ayaa xil iga saaran yahay, af aanan garan, oo xummaan ah,ayuu nagula hadlay,Burcadnimo ayaan orankaraa, wax kale ma oran karo” Agaasimaha Wasaaradda Kalluumaysiga S/land Oo 4 Wariye Oo Reer Puntland ah xirtay P/land Oo 20 kun oo Dollar ku wareejisay Guddiga Abaaraha M aamulaha Shirkada ILaalada Xeebaha Puntland ee Somcana C/weli Cali Taar ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay (04,April,2009) ku qabtay Muna Hotel ee Magaalada Bosaso, waxaa uu kaga warbixiyay khilaafka soo kala dhexgalay shirkadiisa iyo Wasaaradda Kalluumaysiga MGPL, waxaana uu soo bandhigay Copy-ga ruqsadii la siiyay mid ka mid ah labada markab ee Griiga laga leeyahay iyo Warqaddii loogu ogolaaday Howlgalka lagu soo qabanayay Maraakiibtaas jariifaysay Badda. EEG BOGGA 3AAD Michella Obama oo jebisay Sharciga Ingriiska Dagaalkii Ogaadeenya EEG BOGGA 6AAD EEG BOGGA 2AAD EEG BOGGA 2AAD EEG BOGGA 2AAD Ilaysnewspaper Founder C/shakuur Mire Aadan Ilaysnewspaper Editor Omar Siciid Moh’ed E:- [email protected]

Upload: others

Post on 19-Jan-2020

9 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

AXAD 05 APRIL 2009 Caddadka 19aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh

ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAAN OO TODDOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO

Caddadka 19aad Caddadka 19aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 , Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 ILAYS

INTERNETGSM

SMS MASSAGEE-ADEEG

OUR SERVICE OUR SERVICE

Somaliland: Sawax Caynkee Ah?.(Maxaa

laga filan karaa 06 April Ka Dib?).

Wax ayaa guuxaya….. jabaq ayaa yeeraysa …… Maxaa hugmaya…… hadal hayn-

ta beryahan dambe Soomaalida inteeda badani ka hadasho waxaa ugu badnaa doorashooyinka So-maliland….. Maxaxa loo xiisaynay-aa?.... Maa laga aamuso?.......

Maya…. Maya….. in badan oo So-mali ah ayaa qabta inay Somalil-and ku dayasho mudnayd dhinaca Dimuqaraadiyadda iyo hirgelinta Ax-saabta tartanka u gashay hoggaan-ka doorashooyin xalaal ah oo lagu hoggaamiyo dalkaas iyo dadkaas. Dhamaan waanu wada eegaynay anagoo u muuqanaynay inaanu na-hay arday Somaliland ka baranaya nidaamka Dimuqaraadiyadda iyo Doorashooyinka Xorta ah. Maanta Xaalku sidaas ma ahan. Waa ka muuqaal duwan yahay. Waxaa cirka ku gadaaman daruuro Madow oo harreeyey Fagaarihii Xoriyad-da….. Ma laha ma Maxamed Siyaad ayaa soo noqday oo khudbad uga jeedinaya Hargaysa Garoonkeeda Kubbada Cagta dadka ku dhaqan magaaladaas…. Maya ….Maya …. War Noow iyo Jaaw…..

Sow Isagoo beri hore geeriyooday oo xabaashiisii Garbahaaray ku taal…..

Now iyo Noow . war ma Cadan ayaa laga heesayaa Mise………… Arrintu sidaas ma ahan…..Muuqaalkiisii waa kaas ii muuqada………..

EEG BOGGA 2AAD

FAALLOJoocaar:- Shirkadda Somcana,Cid ay

Matasho iyo Cid Ay U Shaqayso Ma Jirto“C/weli Cali taar, Waa nooga garaabi waayay, yaa ku dirsday ayaanu niri, Wadanka ayaa xil iga saaran yahay, af aanan garan, oo xummaan ah,ayuu nagula hadlay,Burcadnimo ayaan orankaraa, wax kale ma oran karo”

Agaasimaha Wasaaradda KalluumaysigaS/land Oo 4 Wariye Oo Reer Puntland ah xirtay

P/land Oo 20 kun oo Dollar ku wareejisay Guddiga Abaaraha

Maamulaha Shirkada ILaalada Xeebaha Puntland ee Somcana C/weli Cali Taar ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay (04,April,2009) ku qabtay

Muna Hotel ee Magaalada Bosaso, waxaa uu kaga warbixiyay khilaafka soo kala dhexgalay shirkadiisa iyo Wasaaradda Kalluumaysiga MGPL, waxaana uu soo bandhigay Copy-ga ruqsadii la siiyay mid ka mid ah labada markab ee Griiga laga leeyahay iyo Warqaddii loogu ogolaaday Howlgalka lagu soo qabanayay Maraakiibtaas jariifaysay Badda.

EEG BOGGA 3AAD

Michella Obama oo jebisay Sharciga Ingriiska

Dagaalkii Ogaadeenya

EEG BOGGA 6AAD

EEG BOGGA 2AAD

EEG BOGGA 2AAD

EEG BOGGA 2AAD

Ilaysnewspaper FounderC/shakuur Mire Aadan

Ilaysnewspaper EditorOmar Siciid Moh’ed

E:- [email protected]

2AXAD 05 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA

Koomishanka doorashooyinka So-maliland ayaa horay ugu sii dha-waaqay doorashadii Madaxtooyadda ee u qorshaysnayd in ay dhacdo 29ka March 2009 aanay ku dhici karayn wakhtigii loogu talo galay. Koomis-hanaka Doorashooyinku waxaa uu sheegay in Doorshadu aanay dhici karayn 29 March 2009. duruufo jira awgood. Sidaas darteed Doorasha-da la qaban doono 31 May 2009.

Xisbiga Udub ee talada Somaliland gacanta ku hayey waxaad moodaa inuu si indho la’aan ah siyaasada u hoggaaminayey. Qasdiga Udub ayaa ahaa oo keliya in xukunka uu sii joogo Madaxweynaha Muda Ko-rorsaday ee Dahir Riyaale Kaahin. Somaliland maanta waxay maray-saa marxalad Soomaliya ka soo gudubtay . maanta Keligii taliye loogama baahna geeska Afrika . waa iska cadahay in mucaaradka So-maliland aanay aqbali dooni muda kordhintii Gollaha Guurta Somaliland ee Xafiiska xilliga Riyaale loogu da-ray 6 bilood, waa markii saddexaad ee loo kordhiyo tan oo ka dhigaysa inuu si sharciga aan waafaqsanayn Somaliland Madaxweyne ugu ahaa in ka badan xilligii loo doortay. Waa laga warhayey murankii Dorashadii hore oo wax yar uun guushu ku raac-day Udub.Maanta Udub waa kala jabaan ya-hay. Xubno badan ayaa ka goostay. Waxaa soo bixi kara in Riyaale iyo

kooxdiisu doonayaan in Somaliland burbur ku yimmaado. Waya arag-nimadda ayaa ina bartay in xukun la iska haystaa sababi karo inuu dalkaasi burburo sidii Soomaaliya oo kale.

Waxaa soo baxaya in xukunka Ri-yaale uu doonayo inuu xoog kaga hortago rabitaanka dadweynaha. Wasiir ku xigeenka Cadaaladda ayaa sheegay in sharcigu aanu ogolaan doonin in kharbudaad la sameeyo. Kaaga sii darane waxaa uu u hada-lay sidii Dawladii Kacaanka ahayd , isagoo ka dhawaajiyey inuu sharcigu yahay midka Udub u hiilinaya oo keliya.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye gebi ahaanba waxaa uu mawqidf ka qaatay go’aanka mudo kordhinta ee gollaha Guurtida , waxaanu uu ku tilmaamay mid aan sharciga waaf-aqsanayn. Maxaa xiga hadii la garo 06 Aprlie 2009. waa suaal jawaabteeda la wada dhowrayo. Somaliland Sa-waxan ayaa ka yeeraya ……Noocee ayuu noqon doonaa……. Mucaara-daka iyo taageerayashoodu ma aqbalayaan caqliga ina Riyaale iyo kooxaha u sacabtumaya……… mar-kas Hargaysa ma waxay la mid no-qon doontaa midii SNM isku soo mi-idaamisay May 1988-dii ? Dhankee looga wareegi karayaa xaaladaha Cakiran?..... Yaasinka Yaasiinka…… Minii La yabo Yaasiinka……….

Somaliland: Sawax CaynkeeAh?.(Maxaa laga filan karaa

06 April Ka Dib?).

KA YIMID BOGGA 1aad

Madaxweyne ku xigeenka DGPL Gen Cabdi-samad Cali Shire ayaa Munasabad balaaran oo ka dhac-day Xarunta Madaxtooyada DGPL ee Magaalada Garowe waxaa uu ku wareejiyay Guddiga Abaarha Lacag gaareysa 20,000 oo Dolerka taas oo loogu talagalay in wax looga qa-bto xaaladaha Abaaraha Baahsan ee ka jira Gobolka puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Punt-land oo sheegay in uu ku hadlayo Magaca Madaxweynaha DGPL iyo kiisaba ayaa Lacagtaas ku wareeji-yay Gudoomiyaha Gudiga Abaraha DGPL C/laahi C/raxman Ceyroow .

Md, C/samad Cali shire ayaa shee-gay in Deeqdani ay noqoneyso tii ugu horeysay oo ay dowlada ku wa-reejiso Gudiga Abaaraha Puntland waxayna lacagtani aheyd Qeyb loogu talagalay dadka abaartu hal-akeysay Sidii biyo Logu dhaamin lahaa.

Guddoomiyaha Hay’ada Hadma ee masiibooyinka ee DGPL C/laahi C/raxman Ceyrow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka guddoomay Lacag-taasi Madaxweyne kuxigeenka .

Sida laga warqabo, puntland wax-aa ka jira abaaro iyo biyo la’aan, waxaana ay saamaysay xoolihii iyo degaankiii, waxaana laga cabsi qa-baa in abaarta oo xoolihii mar horre dhamaysay, ay hadda dadki khatar ugu jiraan in Gaajo iyo oon u dhin-taan.

P/land Oo 20 kun oo Dollar ku wareejisay Guddiga Abaaraha

Jimce, 02, 2009

Ururka SPA oo kulan Nabada ah Qabtay

Bosaso, 02, April, 2009

Ururka Lagu Magaaco Somali Peace Action ayaa kullan Nabada looga Hadlayay ku qabtay dhismaha Amal Plaza ee magaaladan Bosaso, 02, april, 2009.

Kulankan ayaa looga hadlay horu-marinta nabadda iyo doorka bul-shadu ka qaadan karto Nabada iyo Xasiloonida degaanka.Waxaana kulankan lagu Casuumay Cullimada,aqoonyahano, siyaasiyiin, haweenka iyo dhalinyaro.

Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan oo ah prf, wax ka dhiga Jaamacada Bariga Africa ee Bosaso ayaa ku tilmaamay kulankaas mid qiimo weyn ku fad-hiya bulshada iyo Nabada.

Waxaana uu yiri” waxaa haboon in la helo sharci iyo caddaalad taasoo ay nabadu ku iman karto’

Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri “Waa inaad la socotaan inay wax badan idiinka maqan yihiin, nabad ma adan soo arag iyo kala dam-beyn”.

Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan wuxuu kula dardaarmay dhalinyarada inay ka shaqeeyaan nabadda , Nabadaas oo horre loo qaribay

Cumar ciise Faaruuq oo ah madaxa xafiiska ganacsiga iyo Suuq Qeynta ee shirkadda Golis oo ka hadlay kul-lanka Nabada ee ay soo agaasim-tay Ururankan Somali Peace action, waxaa uu ku booriyay dhalinyara-da inay ka shaqeeyaan nabadda.waxaana uu ku baaqay in la badi-yo kulamada ku saabsan nabadda maadaama bulshada Somaliyeed gaar ahaan dhalinyaradu dowlad soo arkin mudo 20 sano ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri” dhalinyarada maanta jirta in shirarkan oo kale wax loogu sheego ayaa muhiimad weyn ugu jirtaa.

Dadkii kale ee ka hadlay kulankaas waxaa ka mid ahaa Nabadoon C/ca-siis Maxamuud Yuusuf (Afguduud) oo kulanka ka hadlay ayaa til-maamay in dhalinyaradu nabada ay ka shaqeyn karaan.i

Eng: Maxamed C/qaadir Nuur (Dirir) gudoomiyaha ururka Somali Peace Action oo halkaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in ururkooda uusan ahayn mid siyaasi ah, balse uu ya-hay mid ka shaqeeya nabada iyo horumarka.

Michella obama iyo boqorada ingiriiska oo jebiyey sharciga boqortooyada,

Haweenayda u qabo M/weynaha dalka Maraykanka Barack Obama Michelle iyo boqoradda Ingiriiska Elizebeth ayaa la sheegay inay jebi-yeen hab maamuuska u yaal boqor-tooyada dalka Ingiriiska.

Michelle Obama oo safarka ku wehe-lisay odaygeeda oo dhowaan tegay Ingiriiska oo uu kaga qayb galayey shirka wadamada xagga warsha-daha horay uga maray ee G20 ayaa guud ahaan wafdiyadu waxay casho sharaf ku lahaayeen aqal boqortooy-ada ee Buckingham Palace.

Markii ay soo gaareen aqalka Buck-ingham Palace guud ahaan wufudu oo dal walba gaarkiisa ayay u qa-abishay boqoradu, xilligii sheekada waxaa si tartiiba hadalo isu way-daarsaday Michelle Obama iyo bo-qoradda ,waa isu soo dhowaadeen waxaana ay ka wada hadleen xagga

dhererka inta Michelle Obama ay kadheertahay boqoradda dabadeed si aan xeerka boqotooyada u yaala waafaqsanayn ayaa boqoradu ga-canteeda saartay dhabarka danbe ee Michelle Obama halka iyana ay garabka gacanta ka saartay.

Boqoradda aan la ogolayn in ooga-deeda la taabto marka laga reebo sa-laanta ay gacma gashiga sidato ayaa weligeed dhicin marka laga reebo R/wasaarihii hore ee Australia Paul Keating oo sanaddii 1992 garabka gacanta ka saaray.

Sawirka laga qaaday labadan haween ah ayaa lagu tilmaamay kii ugu xiisaha badnaa,waxaana la sheegay inay labaduba aysan kala jeclayn,waxana iyana la sheegay in kolkii ay kala tegayeen,is weydaarsa-deen hadalk kale oo ah in kulankoo-du ahaa mid xiiso badan.

W/Q: Mustafa xasan wabaxMudugonline

S/land Oo 4 Wariye Ku Xayirtay Garoonka Hargeysa

Hargeysa,02-April-2009:-Maamulka Somaliland ayaa iska hortaagtay suxufiyiin soomaaliyeed inay gu-daha u galaan Magaalada Hargey-sa, ka dib markii ay xalay Hay’adda Care International ku soo galisay S/land iyagoon ogolaansho ka helin waaxda socdaalka.

Wararka hordhaca ah aya shee-gaya in wariyayaal oo ka kooban 2 Wiil iyo 2 Gabdhood oo ka kala yimid Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee Puntland, oo la socday Diyaaradda Juba AIRWAYS, ayaa xalay markii ay ka soo degeen Ga-roonka Diyaaradaha ee Hargeysa, ay Waaxda Socdaalka Somaliland iska hortaageen inay soo galaan gudaha Magaaladda Hargeysa, ka dib markii laga waayay wax ogolaansho ah oo Hay’adda Care Wariyayaashan uga haysato dhinacyada ay khusayso ee Maamulka Somaliland.

W/Q:Xuseen Maxamed Xasan

AXAD 05 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA 3

Call forwardingSi aad line-kaaga ugu xawishaa Mobile-kaaga Gacanta fadlan raac habkan:�Active :*57*number-kaaga # Deactivete:#57#Callback on busySidee kuu soo wici karaa line aad rabtey oo mashquul kaa noqday markale adiga:Fadlan garaac *59# marka line-ka la dhigo ayuu adiga ku soo wacayaa :Ogaansha waqtigaFadlan garaac: #*32

GOLIS LANDLINE FEATURESSidee E-mail looga dirsan karaa Mobile-kaaga Gacanta

�Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor marinaya cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale [email protected] [email protected] �dabadeed dir fariinta.NB: dal iyo Dibadba waa isku midCALLCONFERENCESidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference �Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale garaac kadib taabo callcomference�hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana taabo carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa dhamaan dadkaad rabtay

CallwaitingSi aad line-kaaga ugu samayso adeegan: Fadlan garaac *58#Sidee laysaga xiraa adeegan #58# Wakeup timeSidee line-ka guriga ama xafiiska kuu yaal aad ugu buuxsan kartaa waqatiga aad rabto ee aad balanta leedahay:Fadlan garaa *55* iyo saacada aad rabto oo ah habka 24saac usaale:

1300# sidoo kale waxaa loo tirtiraa adeegan #55#

Maamulaha Shirkada ILaalada Xeebaha Puntland C/weli Cali

Taar ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay (04,April,2009) ku qabtay Muna Ho-tel ee Magaalada Bosaso, waxaa uu kaga warbixiyay khilaafka soo kala dhexgalay shirkadiisa iyo Wasaarad-da Kalluumaysiga MGPL, waxaana uu soo bandhigay Cop-ga ruqsadii la siiyay mid ka mid ah labada markab ee Griiga laga leeyahay iyo Warqad-dii loogu ogolaaday Howlgalka lagu soo qabanayay Maraakiibtaas jarii-faysay Badda.

Md, C/weli Cali Taar oo faahfaahina-ya qaabkii ay wax u dhaceen waxaa uu yiri” Waxaa la noo diray howlgall lagu soo furanayo Markab shidaal oo bosaso u soo rarnaa, oo mudo bil ah la haystay,Markabkaas intii aanu u sii soconay ayuu ka gudbay Biyaha puntland, kadibna waxaanu la soo xiriirnay Wasiirka Amniga, wuxuuna nagu yiri, haddii uu ka baxay biya-hada puntland ka soo laabta, soo noqoshayadii, waxaanu la kulanay Maraakiib Jiriifaysa Badda (Hadda ka hor Markabkan la Yiraahdo Greko 4), ciidamada Ilaalada Xeebaha ayaa joojiyay, Ruqsadiisa ayaanu way-diinay, wuu na tusay, waqti ayaana u dhinnaa, Ciidamada Ilaaladu Xee-buhu way ka dageen, shaqadoodii ayay sii wateen, Hadda ayaanu aragnay, waanu joojinay, ruqsadiisii ayaanu waydiinay, waxaanu ku niri ruqsadaadu 28 bishii Marso ayay dhacay, maxaad u kalluumaysanay-saa, (Dhamaan copy-ga Ruqsa-daha ay Bixiso Wasaaradda Kalluu-maysiga waa lana siiyaa) waxay ku jaawaabeen, ilaa ruqsada cusub ay nooga imaanayso, sidan ayaanu ku kalluumaysanaa,

waxaanu ka codsanay in uu istaago si aan u eegno ruqsadiisa, wuxuu nagu yiri, I suga, wuxuu u yeertay markab kale, xabad ayaana labada dhinac lanooga bilaabay.

Markii, Aanu Bender-Bayla soo gaar-nay ayaanu Xabado ku furnay, way baqeen, Bosaso dhinaceeda ayay u soo jeesteen, ka dibna Anniga Madaxweynaha iyo Wasiirka Amniga ayaa igu yiri, waa inaad Maraakiibta Bosaso soo gelisaa, amarkii ayaan qaatay, Maraakiibtiina Bosaso ay-aan soo geliyay, ilaa iyo Markaana Xabado ayay nagu wadeen. Waana Maraakiib aad u hubaysan, waxaa laga soo qabtay 9 PKM, 4 qoriga shilka ah iyo Rasaar muddo 2 sanno ah lagu dagaalami karo oo kunteenar ugu jirtay .”

Md, C/Weli Cali Taar isaga oo Hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri”Wasaaradda iyo Maraakiibtaas waxaa ka dhaxeeyay Heshiis gaar ah,maxaa yeelay waxay siiyeen Ruqsad 4 kun oo dollar oo keliya, oo Maraakiibtu ay kaga kalluumay-san karaan Badda puntland, iya-goo guranaya noockasta oo kalluun ah, sharciyan Maraakiibta Noocan oo kale waxaa laga qaadaa 60kun oo dollar, Hadalka Agaasimaha W.Kalluumaysiga uu ka sii daayay Idaacadana waa been cad, cid ku dhi-matayna ma jirto, ciidamada Ilaalada xeebaha ee shirkada Somcana ayaa labo askari ka dhaawacmeen, ”

Md,C/weli Cali Taar waxaa uu Ha-dalkiisa ku soo gunnaanaday in uu ka wardhowrayo guddi loo saaray in ay soo baaraan shilkaas, warbixin buuxda ka keenaan,

Wasaarada KalluumaysigaAgaasimaha Wasaaradda kalluu-maysaiga C/waaxid Maxamed Xirsi (Joocaar)oo idaacada daljir ay wa-raysatay ayaa weeraray Madaxa Shirkad somcana, waxaana uu yiri “Shirkadan somcana, markab iyo qa-lab ay leedahay ayaa Dekedda yaa-lay, way baxeen, waxay u baxeen in ay soo furtaan Markab ay Yemeni leedahay, ciidamo dowladadeed ayaa la saaray, Garacad markii ay joogeen, ayay ku soo noqdeen eyl, ciidamadii dowlada ayay ku rogeen, Gawaari bay iska soo saareen, eyl bay ciidamo burcad Badeed ka soo qaateen,waa ay soo baxeen, mara-akiibtaas ruqsada haystay ayay weerareen, anniga iyo Wasiirku waxaanu la hadalnay C/weli Cali taar, oo jooga Bosaso, Waa nooga garaabi waayay, wuxuu yiri maraaki-ibta waan qabanayaa, yaa ku dirs-day ayaanu niri, Wadanka ayaa xili iga saaran yahay, af aanan garan, oo xummaan ah,ayuu nagula hadlay, Burcadnimo ayaan orankaraa, wax kale ma oran karo, waayo waxaan arrintaa u leeyahay, 270 markab oo tuugo ah ayaa badeena ku jira, had-dii qofku wax wanaajinayo kuwaas ayuu aadi lahaa, bale wixii oo dhan waxaa ka sokeeya, horta yaa wax-aan kuu dirsaday,yaase u shaqay-saa, annagii wasaaradda ahayn baa leh, markaabitaas Ruqsad bay hay-staan, waana naga garqaadan waay-ay, Fariin (Massege) ayaan u diray, markii uu telephone-kii qaban waay-ay, aan u sheegayo, xabadaas mara-akiibta ku socoto iyo wixii dhibaato gaara,masuuliyadeeda uu isagu leeyahay, Xafiiskagayaga ayaanuugu yeeray, waanu wada hadalnay,

si kulul baanu u wada hadalnay, wax-aana uu ku dhaartay inuusan cafinmaraakiibtaas, danta uu ka leeyahay maraakiibtaas ma naqaan oo gaarka ah.C/weli Cali taar, wax sharci ah uu ku weeraray Maraakiibtaas,cid uu matalayo oo dowlada Goboleedka puntland iyo cid uu shaqeeyo ma jirto, Saxaafadana waxaan u shee-gaynaa, waxaana ku dhintay askari ka tirsan ilaalada Maraakiibta, mid kalena waa ku dhaawacmay,”

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysi-ga Eng, Maxamed Faarax oo ka had-lay dhacdadaas, waxaa uu sheegay in Wasaaraddiisu ay ruqsad siisay Maraakiibtaas, shirkada Somcana weerartay, oo si sharci ah uga kal-luumaysanayeen badda puntland.

Shirkada Somcana waxaa la asaas-ay sanadii 2002,iyadoo kala wareeg-tay shirkaddii la oran jiray Hart Group oo uu madax ka ahaa khaliif Ciise Mudan, lagana wareejiyay markii C/laahi Yuusuf axmed uu puntland ka qabsaday Jaamac Cali Jaamac.

Shirkada Somcana waxay heshay Fursad qaali ah Markii Khaliif Ciise Mudan oo Taageeray oo garab istaa-gay Jaamac Cali Jaamac.

Xiif Cali Taar (Alle Ha u Naxariiste ) ayaa madax u noqday oo waday howlgalada shirkada, waxaana xiri-irada dibada u qaabilsanaa C/weli Cali taar oo Hadda Madax u ah shirkada.

Sanadkii 2005, ayaa Madaxweyne Cadde, ka wareejiyay Howlihii ilaa-linta isagoo ku wareejiyay shirkad la oran jiray Al-xabaa’ib oo muddo saddex sanno markii ay waday ku guuldaraysatay howlihii loo igmaday, waxaana dib loogu celiyay Shirkaddii Somcana Bartamihii 2008.

Joocaar:- Shirkadda Somcana,Cid ay Matasho iyo Cid Ay U Shaqayso Ma Jirto

ka Yimid Bogga 1aad

AXAD 05 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER RA’YIGA 4Islaamka iyo Reer

Galbeedka Aragti Taariikheed.

QAYBTII 7AAD

W.Q.Almis Yahye Ibrahim

ILAYS NEWSPAPER RA’YIGA ILAYS NEWSPAPER RA’YIGA

XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]

ISHA WWW.SOMALITALK.COMQore: Eng. Maxamed Cali Aadan | Minneapolis, USA | June 18,

2003

Qaybta: 2aad

XADGUDBIDA & TUUGAYSIGA QORAALADA.

Xadgudub waxaa noqon kara in qoraalka aad qortay laguu gacan dhaafo oo adiga oo aan

wax lagaa weydiin qoraalkaagii la xado, isla mar ahaan taana lagu qor-anayo magac qof kale oo aan shaqo kulahayn qoraalka.

Tuugaysi waxaa ah in qoraalada aad kusoo saartid joornaal-kaaga [wara-aq ama Internet] ee ay soo qoraan qorayaal adiga kuu soo diray uu war-geys kale [oo kusoo baxa waraaq ama Internet] uu qaato qoraalkii asa-goo lagayaabo in uu sheego qoraagii laakin uu qariyo in uu joornaal-kaaga kasoo xigtey.

Arimahaasi waxay soo hoos-gelay-aan:• Xaqiraad la xaqirayo qofkii asal ahaan qoraalka lahaa. • Xasad laxasdayo wargeyskii qoraalku kusoo baxay. • Kibir la iska kibrinayo xaqa. • Deyn la qaatay oo qofkii laga qaatay uusan ogeyn.

Dhammaan erayaas sare waxay isu-gu soo biyo shubanayaan kelmeda Afsoomaaliga ee “Bililiqo”.

BILILIQAYSIGA QORAALADA.[Waxaa ka qayb qaatay: Faysal Ci-ise - Kenya]

Qoraalada oo xaquuqdooda qoraaga laga xayuubiyo waxay u dhacaan dhawr siyaabood oo kala ah:

1. Qoraalkii oo isagoo dhan laga sii daayo idaacad ama lagu daabaco wargeys iyadoo la xusayo ama aan la xuseyn magaca qoraaga, laakiin aan laxusayn wargeyskii ama buugii ama CD-gii uu asal ahaan qoraalkaasi ku-soo baxay.

2. Qaybo muhiim ah oo qoraal-ka ah oo la soo minguuriyo iyadoo la dhex galinayo qoraal kale oo tiro badan iyadoo dadka lagu qaldo, laakiin aanba laxusayn qoraagii asal-ka ahaa.

3. Dhawr qoraal oo isku mawduuc ah ayna kala qoreen qorayaal kala duwan oo caasha la isu galayo oo kadib magac kale lagu qorto.4. Buug suugaaneed ama ta-ariikheed sidiisa loo soo raro oo cutub cutub loogu soo qoro jariirad iyadoo marna aan la xuseyn qoraagii buuga

Waxaa dhacday in buug la qoray waqti hore hadda la daabaco (sidii asalka ahaa ama wax laga bedelo), taas oo lagayaabo in qoraagii buug-ga magaciisa la qoro, laakiin qofka hadda daabacayaana uusan wax ogolaansho ah ka haysan qoraagii buugaas, kaddiban uu sidaas suuqa ugu iibgeeyo, dakhliga ka soo baxana uu toos ugu dhaco qoraaga dambe.

Waxa kale oo dhacda in siweyn loo bililiqaysto hal-abuurka suugaanta, sida gabayada, kaddibna gabaygii la bacrimiyo ama sidii uu ahaa loo tiriyo, taas oo aan la sheegayn in qof hore sidaas u tiriyey.

Xusuustii QalinkaHalgankii Yaasiin Cismaan

ee fartii Cismaaniyada W.Q.Saadiq Enow

Yaasiin wuxuu ku dhshey magaalada Hobyo 1919-kii.

Halkaas oo caruurnimadii uu ku bartey quraanka. Magaalada Xamar wuxuu yimid markuu jirey 15 sano, markaas oo uu bilaabey in uu barto carabiga iyo talyaaniga. Xilligii uu In-giriisku dalka joogey Yaasiin wuxuu bartey afka ingiriisiga. Xilliyadaas buu wuxuu u istaagey in uu xoojiyo in farta Cismaaniyada ey ku faafto dalka. 1949-kii Yaasiin wuxuu ahaa ninkii lahaa talooyinkii ey Leegada u kaalmeystey xagga dhaqanka. Talooyinkaas waxaa kamid ahaa :

1 - in la baaro lana ururiyo dham-maan buugaagta ka hadlaya af- soomaaliga, iyo in la badiyo lana faafiyo buugaagtaas.2 - in diraaso lagu sameeyo sidii loo heli lahaa xuruuf soomaaliyeed (far-soomaali) oo qoran.3 - in afka soomaaliga loo isticmaalo xiriirrada bulsho ee kala duwan.6 - buugaagta qiimaha leh oo ey dadyowga kale qoraan in lagu tur-jumo af- soomaali.9 - af-soomaaligu waa in lagu dhigaa dugsiyada dalka.10- in la baadi goobo qalabkii loo adeegsanlahaa in lafaafiyo buugaag af- soomaali ku qoran.

Waxaa nasiib darro noqdey dhaqdhaqaaqii uu Yaasiin bilaabey ee farta Cismaaniyada in uu dhexgal-ey loolankii Leegada dhexdeeda ka socdey ee 2-da xoog (qabiil) dhexyiil, kuwaas oo ahaa (xoogga Hawiye iyo xoogga Daarood). Xooggii Daa-roodka wuxuu ku yaraa maamulkii uu Talyaanigu sameeyey ee max-miyadda ahaa, sidaa darteed buu wuxuu lumiyey awoodii uu Leegada ku heystey. Bishii Meey 1949-kii Xaaji Maxamad Xuseen baa wax-aa loo doortey in uu Leegada odey (presedent) ka noqdo. Xoghayena waxaa loo doortey Cabdullaahi Ci-ise. Xaaji Maxamad Xuseen wuxuu u dhashey reer Xamar, Cabdullaahi Ciise isagu waa (Sacad - Hawiye). 2-daas masuul midkoodna marabin farta Cismaaniyada in ey noqoto mid soomaalidu ey wax ku qorato. Taasi wexey dhalisey isbeddel xoog leh ee ku yimaada barnaamijkii Leegada ee ku wajahnaa qorista afka soomaa-liga. Xaaji Maxamad Xuseen oo 3 sanadood keliya ayuu hayey xafiiskii maamulka Leegada, wuxuuna raad xoog leh ku yeeshey siyaasaddii qorists af-soomaaliga. Xaaji Maxa-mad wuxuu watey aragti u janjeerta carabta (Naasiriya). Wuxuu u safri jirey Qaahira, halkaas oo uu raadi-yaha Qaahira ka sii deyn

jirey barnaamij ah dicaayadaha reer galbeedka. Dagaalkii uu Xaaji Maxa-mad qaadey wuxuu Leegadii ku ree-bey 2 arrimood :

1 - In aan fartii Cismaaniyada loo aqoonsan xuruuf af-soomaaliga lagu qoro.2 - Af-soomaaliga in uusan noqon afka ey Leegada ku shaqeyneyso (official language),bal uu af-carab-igu noqdo afka rasmiga ah.

Bishii abriil 1950-kii, waraaq (memorandum) ka soo baxdey xafi-iska maamulka Leegada wexey sheegeysey in ey soomaalidu gud-doonsadeen in afka carabigu uu no-qdo afka Soomaaliya laga qoro, kaas oo ey dadyowga kalena isku fah-maan (internatinal language) wara-aqdaas wexey ku socotey maamulihii talyaaniga oo magaciisa la´oranjirey Fornari. Waraaqdu wexey sheegey-sey qodobadan hoos ku qoran :

1 - Xoghayaha guud ee ururka Leegada Cabdullaahi Ciise, dhow-aan wuxuu socdaallo ku soo marey dalka oo dhan. Xoghayuhu wuxuu baarey lahjadaha kala duwan oo ey soomaalidu ku had-laan, kamana uusan helin mid laga cabbir-qaadan karo si loogu qoro afka-soomaa-liga.2 - Afka carabiga oo ah mid ey xuru-ufttiisu aad u badantahay, waxaa adag in af-soomaali lagu turjumo. Haddaba haddey soomaalidu u suurto-geliweydey in ey habeysta-an afkoodii hooyo, waxaa nala haboonaatey in luqada carabiga ey noqto luqada caamka ah, taas oo soomaalida fursad u siineysa in ey is af-fahmaan dadyowga dunida kula nool. Waxaa kale oo afka carabigu u kexeynayaa (oo uu tusinayaa) dadka soomaalida ah badweyn dhaqan ah oo aan xad la-heyn. Waxaa kale oo luqada carabiga aanu ka heleynaa iskaashi dhaqan iyo mid siyaasadeed oo aannu la yee-lanno dalalka muslinka ah ee aan walaalaha nahay. Kuwaas oo aanu wada rumeysannahay Ilaah keliya, rasuulkiisa Maxamadah (s. c. w.) iyo kitaabka muqaddaska ah ee quraanka. Arrintaasi wexey baansiin kusii shubtey khilaafka aragtiyeed ee ka dhexeysey Xaaji M. Xuseen iyo Yaa-siin Cismaan. Waxii maalintaas ka dambeeyey wargeysyadu wexey

soo qori jireen maqaallo ey isaga soo horjeedaan ragga labada aragti kala qaba. Xaaji M. Xuseen wuxuu mar walba sheegi jirey in afka carabiga uusan aheyn mid ajnebi ku´ah dalka Soomaaliya, wuxuuna ku eedeyn jirey Yaasiin in uu wato aragti reer Yurub Taasaana ka dambeysa fikrad-da daafaceysa farta Cismaaniyada. ahna raggaas bey ka socotaa.

Yaasiin isaga oo taas ka jawaabaya wuxuu qoraalladiisa ku qori jirey in uu ogsoonyahay in luqadda carabiga ey tahay luqaddii diinta Islaamka, Is-laamkuna uu yahay diinta ey dadka soomaalida ahi aaminsanyihiin, laaki-in haddaan soomaali nahay carab-igu maahan luqadayadii koowaad, mana ahan afkayaga hooyo. War-geys Xamar kaas oo bixi jirey oo la´oranjirey (Corriere della Somalia), iyada oo hadalka Yaasiin dabataa-gan baa nin reeraha X.Maxamad ah wuxuu soo qorey maqaal markey ta-ariikhdu aheyd 20/6-1952-kii, kaas oo uu ku sheegayo in rerka uu Xaaji M. Xuseen ka dhashey ey mararka qaar u arkaan af-soomaaligu in uu agtooda ka yahay luqad ajnabi. 24/7-1952-kii golihii fulinta ee Leegada wexey guddoonsadeen go´aan ey faafiyeen oo ah “ luqadda carabiga waa luqadda dalkan waana luqadda ey Leegada ku shaqeyneyso waana luqadda dadweynaha soomaaliyeed. Luqaddan carabiga ah Ilaah baa ina siiyey, waana taanu ku dhexgeleyno dunida Islaamka .

Buugga layiraahdo (politics, Language and Thought) ee uu qo-rey D. D. Laitin wuxuu ku sheegey (safxadda 99-aad) in ey jirtey heshiis qarsoodi ah ee 1951-kii dhexmarey masuuliintii Leegada iyo maamulkii Talyaaniga. Heshiisku wuxuu ahaa luqadaha dalka lagaga shaqeeyo ey noqdaan Carabi iyo Talyaani.

LA SOCO QAYB KALE AXADA DAMBE

AXAD 05 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER SHEEKOOYIN 5Nabar Aan Dawoobeyn.W.Q. Cabdulqaadir M. WacaysQAYBTII 7AAD

Caawa waa habeenkii ugu dambeey-ey oo iyada iyo Shirwac ay wada hadlaan. Waxaa xigi doona kulan fool-ka-fool ah oo ay berri dambe ku kulmi doonaan garoonka diyaarada Gaalkacyo. Qiyaastii laba ama sed-dex maalmood kaddibna, waxay marwo u noqon doontaa Gacaliyeed Shirwac. Ilaahow, riyadaas ii rumee, intey niyadda iska tiri bay sariirta kor-tay. Sawirradii Shirwac intey barkinta hoosteeda kala soo baxday bay daa-washo kula dhaqaaqday…

Iyadoo weli dhex dabbaalanaysa bed-weynta fekerka iyo isla-hadalka, mar-marna ku hafanaysa mawjadaheeda waaweyn ee ka kooban farxadda iyo naxdinta, bay maqashay dhawaaqa taleefanka. Intey sariirtii si halhaleel ah uga soo boodday bay daaraddii guriga usoo baxday. Waxay eegtay saacaddeedii, mise waaba saqdii dhexe. Waxay ku boodday taleef-ankii.

“Hallow...xabiibi…iska warran? Sidee tahay?.”“Nabad...Qalbi…I am fine...I really missed you so much...Caafimaadka ka warran?.”

“Adiga uun baa iga maqan.”

“Anigu berri dambe waan kula joogaa haddii Alle idmo,” intuu yiri isagoo qoslaya qosol farxadeed buu yiri “Ma heshay dhambaalkaygii?”

“Haa...xabiibi…Isla galabta ayaan helay...Waan ka xumahay xarigga laguu geystay.”

“Micno malaha...xabiibi,” intuu yiri buu inteysan hadlin u daba dhigay “Xabiibi, waan ka xumay, kulama sii hadli karo, laba saac kaddib waxaan aadayaa garoonka diyaaradaha. Haddii ay suurtagal ii noqoto wax-aan kaasoo wici doonaa garoonka diyaaradaha Dubai, otherwise waa innoo berri dambe duhurradii iyo ga-roonka diyaaradaha Gaalkacyo…”

“Haye, habiibi...Eebbe haku nabad keeno...Nabadeey…I love you.”“I love you too…bye.”

Idman intey goor hore toostay bay is-diyaarin iyo is-qurxin iskula dhaqaaq-day. Waa maalintii uu gacaliyaheed Shirwac iman lahaa Gaalkacyo. Kala doorashada dharkii ay xiran lahayd ayaa waqti dheer ku qaadatay, ugu dambeyntiise intey mid uun isaga na-siibsatay bay daaradda guriga usoo baxday. Waxay ahayd goor barqo ah oo ku beegan qiyaastii 9:00 aroorni-mo. Islamarkiiba, waxaa albaabka kasoo gashay saaxiibteed Hodon oo ay xilligaas ballansanaayeen.

Ugu horreyn, waxay taleefan u direen xafiiska Daalo-airline ee Gaalkacyo si ay u hubiyaan waqtiga ay diyaaraddu imanayso, waxaana loo sheegay in 12:00 duhurnimo ay soo cagadhigan doonto garoonka Gaalkacyo. Dabadeed, intey dibedda usoo baxeen bay raaceen taksi ay Hodon horay usoo kireysey oo gu-riga hortiisa ku sugayey.

Idman iyo Hodon inteysan ku leexan waddada tagta garoonka diyaara-daha, waxay sii mareen hoteel Maanyafuulka oo ay qol ugasii qa-bteen Shirwac. Hoteello fara badan oo ka tayo fiican hoteelkaas ayaa magaalada ku yiil. Weliba ayaama-haas hoteello qurux badan oo casri ah ayaa magaalada si xad-dhaaf ah ugu soo kordhayey. Idman inkastoo ay niyadda ka jecleyd in ay gacali-yaheed dejiso mid ka mid ah hoteel-ladaas casriga ah, misana waxay dhinacna u dhaafi kari weydey taladii hooyadeed Nuuro oo aaminsanayd in xulashada hoteelka uu qofku de-gayo ay ku xiran tahay haybtiisa qabiil ama tan qofka uu martida u yahay, iyadoo taasna sabab uga dhi-gaysa in xeer-hoosaadka magaalada ee aan la shaacin uu dhigayey in reer kasta ay iyagu mas’uul ka yihiin am-maankooda iyo kan martidoodaba. Sidaas darteed, reerkii aan hoteel ku lahayn magaalada waxay ka dhig-naayeen reer hoogay oo ba’ay.

Garoonka diyaaraduhu in cabbaar ah ayuu u jirey bartamaha magaalada. Waxay mareen waddada tooska ah ee tagta garoonka. Markey dhaafeen qabuuraha Cirjiife bay kusoo bexeen niman hubeysan oo taagtaagan meel aan sidaas uga sii fogeyn. Intey qo-ryihii ay wateen kusoo fiiqeen bay ku amreen in ay istaagaan. Darawalkii taksiga intuu baabuurkii joojiyey buu nimankii gacanta u haadiyey. Mar-key hubsadeen qofka uu yahay bay ugu baaqeen dhoollacaddeyn u dhi-ganta ‘Waa lagu aqoonsaday ee soo dhaaf’. Darawalkii intuu baabuurkiisii mootaystay buu socodkiisii sii watay.Wax yar kaddib bay yimaadeen ga-roonkii diyaaradaha. Waxaa fadhiyey seddex diyaaradood oo kuwa Qaad-ka keena ah. Waxaa kaloo fadhidey diyaarad kale oo shixnad hilib Ari ah u qaadeysey magaalada Dubai. Dad fara badan ayaa garoonka dhex ho-ganayey. Garoonku ma lahayn meel loogu talagalay in ay sii fariistaan rakaabka diyaaradaha raacayey, kuwa kasoo degayey, iyo asaxaab-toodaba. Fallaaraha cadceedda ayaa sidii roobkii ugu soo da’ayey. Geed-aha hoostooda ayaa naf la bidayey.

LA SOCOD CADADKA XIGA

Ma U Jeesannaa Qiblada Dawladnimada?

W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow)

Waa markii sedexaad, laga soo bi-laabo 2000, oo dib-u-heshiin lagu soo dhisayo dawladda qaranka So-maliyeed. Waxaa la sameeyay baar-lamaan la isku karkaray oo tiradiisu gaareyso 550 xubnood iyo xukuu-mad sal balaaran oo sida muraay-adda oo kale la iska wada arkayo. Waa barlamaan sidii lagu soo dhisay la ogyahay, sidii loo xulay la ogya-hay, sidii uu u dhaqmayna la ogya-hay oo wax weyn oo lagu ammaano aan la sheegi karin. Haseyeeshee, waa ha’yadda kaliya oo leh astaantii hay’ad qaran oo haddii taas la waayo Somaaliya ku noqoneyso reernimo, kala qeybsanaan iyo mustaqbal mugdi ah oo aan la odorosi karin. Dawladda midnimada qaran ee KMG iyo Baarlamaanka KMG, dhaliil kasta oo ay leeyihiin, ayaga ayaa bilaw u ah jiritaanka dawladda qaran ee Somaaliya. Jiritaankooda ayaa sal u ah xukuumada midnimada qaran ee dhawaan lagu soo dhisay dalka Jabuuti. Shacbiga Somaaliyeed waxey ka soo daaleen xukumado fashilma iyo dawlad la’aan intaba. Waxey rajo weyn ka qabaan in xukumadaan ay guuleysato si muddada labada sano ah ka dib loogu gudbo marxa-lad cusub oo dadku soo doortaan wakiiladooda dhabta ah. Waxaa laga quudareynayaa xukumadda cu-sub iney soo celiso kala dambeynta iyo sharciga iyo iney dhaqan geliso dhameystirka hirgelinta Shareecada Islaamka. Haseyeeshee, waxaa jira cabsi xoog leh iyo welwel ay qabaan waxgaradka intiisa badan. Waxaa isha lagu hayaa, si joogto ahna loo eegayaa calaamadihii wax ku soo fashilmi jireen in dawladu ku socoto iyo iney ka leexatay. Waxaa laga fiirinayaa cuduradii fashilka iyo ca-laamadihii caafimaadka. Waxaa loo baahanyahay in si joogto ah loola dardaarmo xukumada, in si joogto ah loo xasuusiyo wadda guusha iyo wadiiqada fashilka. Taariikhda wax-aa loo xusaa in casharo laga qaato, hadaba bal aan eegno waxyaabihii fashilin jiray dawladihii hore. Waxaa ugu waaweyn waxyaabaha fashilin jiray sideedda qodob ee soo socda:

1. Madax aan sharciga dhawrin: Waxa ugu horeeya ee fashiliyay xuku-umadihii hore waxaa ugu muhiimsan madaxda qaranka (Madaxweynaha, Raisulwasaaraha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka) oo aan ku toosneyn ilaalinta dastuurka iyo qawaaniinta dalka iyo awood tooxsi keena khilaaf aan dhamaaneyn.

2. Hay’adaha garsoorka oo cury-aansan: Hay’adaha garsoorka sida maxkamadda sare iyo

maxkamadaha kale oo aan dhisneyn, awoodna laheyn. Sababtu waxey tahay inaan sharci iyo xeer midna la rabin iney shaqeyaan. Sidaas dart-eed, khilaafka dawladda laguma xal-lin karo si sharciga waafaqsan.3. Hay’adaha maamulka hantida qaranka oo hawl-gab ah: Hay’adaha maamulka iyo ilaalinta hantida qaranka oo aan dhisneyn, danna aan laga laheyn, maadaama loo heelanyahay in la boobo han-tida qaranka. Wax xisaab ah lama ogolayn, miisaaniyad lama dejinin, xisaab xir sax ah lama sameeynin.4. Waxaa la diidday hawgelinta ciidamada qalabka sida: waxaa laga soo horjeeday in la hawlgeliyo inta ka hartay ciidamada qaranka Somaa-liyeed oo welli da’a ahaan iyo caafi-maad ahaan hawlgal ah. Waxaa laga door-biday maleeshiyaad beeleedyo daacad u ah madaxda dawladda.5. Qaraaba-kiilka shaqo-siinta: Waxaa dhaqan u noqotay ruux kas-ta oo madax noqda inuu xafiiskiisa shaqo ka siinayo qaraabadiisa ayada oo lana garab marayo in shaqaalaha dawladda ay soo maaraan habka sharciga ah ee hay’adda shaqada iyo shaqaalaha. Waxaa la garab maray in muwaadniintu u sinaadaan shaqada.6. Safaarado aan ku xirneyn xukuumadda: Magacaabidda safiiro aan miisaaniyad loo qoondeyn oo farabadan oo dibadeedna u tuugsi taga dawladii loo magacaabay. Safi-iro aan ka amar qaadan wasaaradda arimaha dibadda oo wixii ay rabaan sameeya. 7. Mushaar ka qaadashada UNDP: Kaalmadda dibadda oo ay gacanta ku hayso hay’adda UNDP oo mushaaraadka xildhibaanadda, wasiisradda, booliska iyo shaqa-alaha dawladda si toos ah u bixisa ayada oo aan soo marin hay’adaha shaqada ku leh ee dawliga ah. Sa-batu waxey aheed waxaa lagu amini kari waayay xukumada iney maamu-laan wax lacag ah.8. Ku-xirnaashaha dawlada shisheeye: Madaxda dawladda oo ku kala xiraan xooggag shisheye oo markii ay iskhilaafaan lagu soo sheshiisiinayo dawladaha dariska ah, markii la rabana la isku dirayo oo khilaafkooda la kobcinayo.

Ugu dambeytii, waxyaabaha guu-sha keeni karaa, tawfiiqda Ilaah ka sokow, waa in madaxdu sharciga dhawrto, hay’adaha garsoorka iyo maamulka hantida qaranka dib-loo dhiso, in la hawlgeliyo ciidamada qalabka sida, in la joojiyo qaraaba-kiilka shaqo-siinta, in safaaradaha dib-loo habeeyo, inaan mushaar laga qaadan UNDP iyo in la dhawro haybadda qaranka Somaaliyeed.

Qaybtii 2aad

AXAD 05 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER TAARIIKHDA 6

Dagaalkii Ogaadeenya.W.Q. Dr.Sadiq EnowQormadda 6-aad

Siyaasiyiintii Soomaaliyeed, iya-ga oo ka turjumaya qab-weynida dhaqameed ee aanu hiddaha u leenahay ayay is-tusiyeen in gobol-lada ka maqan eeyan ku soo ceshan karin miis lawada fariisto iyo wada-hadal lala yeesho dowladaha ka taliya halkaas. Sidaa darteed, iyaga oo isu diyaarinaya in baadidooda maqan ay ku soo ceshadaan xoog, ayay markiiba guddoonsadeen in ay dhisaan ciidan tiradiisu dhanyahay 20.000 oo nin, isla markaasna ku qalabeysan hub casri ah.

Dowladda Soomaaliyeed, xilligaas ma eeyan lahayn dhaqaale cay-ilan oo ay ku gufeeyaan barnaami-jkooda ciidameed. Waxay ahayd dowlad sabool ah oo aanan dunida ku lahayn saaxiibo daacad ah oo u hiiliya. In ay qadiyaddooda keli ku xambaaraan waxaa khasbay geedi-socodka taariikheed oo ay umadda Soomaaliyeed ku doonayeen in ay ku mideeyaan bulshadooda xoolo-dhaqatada ah oo gumeysigu ku qeybsaday golayaal caalami ah. Axmad Ismaaciil Diiriye (Qaasim) oo kamid ahaa abwaanadii dhaqa-nka, ee ku samiyay gobanimadii Soomaaliyeed hal geel ee inoo cu-ratay, ayaa gabeygiisii Maandeeq si wanaagsan ugu qeexay aragtida hanka weyn ee aanan dabarka la-hayn oo ay dadweynaha Soomaa-liyeed ka qabeen qadiyadooda, iyo siday u arkeen madax-bannaanida dhantaalan oo ay xoogaggii gumey-satada ahayd dhaxalsiiyeen.

Dowladaha reer galbeedka ayaa xilligaas waxay xiiso u hayeen in ay taageero dhaqaale u fidiyaandowladihii dhowaan madax-ban-naanida qaatay. Laakiin mashruu-cii dowladda Soomaaliyeed ay ku doonaysay dhismo ciidan xoogan oo qalab casri ah sita, waa uu ka gadmi waayay barlamaanadii dow-ladaha reer galbeedka. Mareekanku wuxuu Soomaalida u sheegay in uu ka kaalmeynayo dhismo ciidan biliis ah oo tiradoodu dhantahay 6.000 oo nin, taas oo weliba ay shuruud adag ku xireen.

Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wux-uu booqasho ku tegay magaalada Moosko sanadkii 1962-kii. Wuxuu ku guuleystay in uu madaxdii Soofy-eetiga ku qanciyo in ay Soomaa-liya u fidiyaan taageero uu ku cus-booneysiinayo dhismaha ciidamada Soomaaliyeed. USSR waxay og-golaadeen in ay Soomaaliya siiyaan

deyn 32.000.000 oo doolar ah, taas oo lagu dhisayo ciidan 20.000 dhan iyo qalabkoodii. Waxaa weheliya tababarro aqooneed oo la siinayo saraakiisha ciidamadaas. Deynkaas oo aanan wax shuruud ah lagu xi-rin ayaa waxaa lagu heshiiyay in ay Soomaalidu ku bixiyaan muddo 20 sano ah. Goor danbe, dowladdii Soofyeetiga waxay ogolaatay in ay kordhiso lacagihii deynka ahaa oo ay gaarsiiso 55.000.000 oo doolar.

Ujeeddada ay USSR u bixisay taa-geerada intaa le’eg waxay ahayd baahi ay u qabtay in ay cagaha la hesho degaanka istraateejiga ah ee Geeska Afrika, iyada oo isla markaas uu damac ka hayay in ay Soomaaliya ka dhigato albaabkii ay ka geli lahayd qaaradda Afrika.

Mashruuca dowladda Soomaaliyeed waxaa garab socday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay wadeen qaar ka-mid ah cuqaal iyo aqoonyahanno u dhashay beelaha ku dhaqan gobol-ka Ogaadeenya. Dadkaasi waxay doonayeen in ay bilaabaan hal-gan ay kaga xoroobaan maamulka Itoobiya. Dhaqdhaqaaqaasi ayaa ku dhamaadey fadhi lagu qabtay deg-mada Xodayo bartamihii sanadkii 1963-kii. Ragga halkaas isugu yimid waxaa kamid ahaa Ugaas Biixi Fool-ey oo ka tegay magaalada Hargeysa, Ibraahim Xaashi Maxamuud oo ka tegay Xamar. Waxaa halkaas lagu gudoonsaday in la qaado halgan hubeysan oo lagula dirirayo maam-ulka ka dhisan Ogaadeenya iyo ciidamadooda oo looga taliyo Addis-ababa.

16/ 6- 1963-kii, dadkii isu yimid wax-ay soo saareen baaq xambaarsan dhismo jabhad dagaalanta, taas oo magaceeda ay u bixiyeen Dhaqd-haqaaqa Xoreynta Soomaalida

Galbeed ee Xabashidu Gumeysato. Waxaa odey ka noqday halgaamaa-gii caanka ahaa Garaad Maqtal Daahir Axmad, oo intuusan soo bax-san ahaa guddoomiyaha degmada Awaare.

Jabhaddii waxay markiiba bilow-day howlo ciidameed oo isugu jira weerararo gaadmo ah iyo jid-gooyo, kuwaas oo ay la beegsanayeen fariisimaha ciidamada Itoobiya iyo dhaqdhaqaaqooda. Xilligaas ciidam-ada Itoobiyaanka ka joogay gobolka Ogaadeenya waxaa odey u ahaa Jeneraal Ammaan Maichal Andom oo dhalashadiisu ahayd Eriteriyaan ma-siixi ah. Markii ay ku adkaatay la da-gaalanka jabhadda ayaa janankii uu Boqor Xeyle Seleasse u diray qoraal uu kaga codsanayo in uu weerar ku qaado soohdinta dowladdii curdanka ahayd ee Soomaaliya, isaga oo shee-gay in Soomaaliya ay tahay meesha laga soo hubeynayo jabhadda. Wara-aqdaas oo raggii jabhadda ahaa ay nuqulkeedii ka soo heleen xafiis ka-mid ah meelihii ay weerareen ayaa waxay ku qoreyd af-amxaaro. Nin la yiraahdo Badri Baashaa oo dhala-shadiisu tahay Harari iyo nin kale oo la yiraahdo Xaamud Axmad Faarax oo u dhashay beesha Ciise ayaa waxay waraaqdii u rogeen af-carabi iyo af-soomaali. Waxaa qoraalkeedii kamid ahaa sidan :

‘’ ………… Boqorkeygiyow, jabhad-dan hubeysan ee howdka ku jirta waxay dhibaato u geysatey ciidama-deenii iyo dadkeenii rayidka ahaa. Waxaan kaa codsanayaa, aniga oo qoorta kuu dhiganaya, inaad igu fasaxdo oo aan ku duulo meelaha laga soo hubeynayo. Waxaan kuu ballan qaadayaa in ciidamadeyda ay muddo laba casho ah ku qabta-an degmooyinka Hargeysa iyo Ber-bera. Halkaas oo ah meelaha laga soo hubeynayo ragga jabhadda ah. …………. .Waxaan ka xumahay inaan waraaq kuu soo qoro.Waa adeegahaagii kuu daacadda ahaa.Jeneraal Ammaan Maichal Andom ‘’.

Waxaa xusid mudan, boqorka Itoobi-ya Xeyle Selaesse in uu ahaa nin la gaarsiiyay darajo ka sareysa aadami-ga. Dicaayad ay gumeystayaasho abuureen ayaa faaftay oo ah in dhi-iga boqorku yahay mid dahiran oo si gaar ah loo uumey. Hadduu dibadda usoo baxo dabeyluhu waa istaagay-aan, shimbiruhu waa soo hoobanay-aan, biyaha webiguna socodka waa ay joojinayaan.

Sidaa darteed ma uusan jirin janan si toos ah waraaq ugu qori karay. Nin darajadiisu hooseeysana iskaba daa. Waraaqda Jeneraal Ammaan waxay ahayd tii ugu horeysay oo nin janan ah uu si toos ah boqorka ugu qoro. Xeyle Selaesse ayaa arintan kaga soo jawaabey in uu fasaxay in Soomaaliya lagu duulo.

Hubka casriga ah ee ciidamada Soomaaliyeed ay ka sugayeen Soofyeetiga ayaa wuxuu ahaa qodob ka cuslaa dhaqdhaqaaqa jab-hadda oo Itoobiya ku kallifayay in ay ku soo duulaan Soomaaliya. Waayo, Itoobiyaanku waxay rumeysnaayeen in Soomaalidu ay hubkaas si toos ah ula soo beegsan doonaan dagaal ay gobolka kaga kicinayaan maam-ulka Xabashida. Sidaa darted bay u arkeen fursad haboon in ay weerar qaadaan intuusan hubka soo gaarin gacanta ciidamo Soomaaliyeed.

Bishii nofember, sanadkii 1963-kii ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay heshiiskii ciidan-dhiska ahaa ee dhex-maray Soomaaliya iyo Mid-owga Soofyeeti. Tallaabadaas ayaa waxay ka danbeysay socdaalla-dii isdaba-jooga ahaa oo uu ra’iisul wasaarihii Soomaaliya iyo taliyihii ciidamada xooga dalka ay isaga danbeeyeen oo ay ku tageen dalka USSR. Bishii agosto ee sanadkaas waxaa Moosko ka degay Dr. Cabdi-rashiid Cali Sharmaarke, bishii xigtay ee sebtember waxaa isna ka degay Jeneraal Daa’uud Xirsi. Inkasta oo Ruushku uusan ku qanacsaneyn in uu taageero u fidiyo dowlad xam-baarsan aragti reer galbeed, misana waxaa u muuqatay, kaalmada uu bixinayo in ay sabab u noqon karto in Soomaaliya uu mustaqbalka ka abuuro xukun shuuci ah. Sidaa dar-teed ayuu la soo deg-degay fulinta is-kaashigii uu la saxiixday masuuli-intaa Soomaaliyeed.

Taasi waxay walaac ku abuurtay dowladdii uu hoggaamiyaha ka ahaa boqorkii dahirnaa (sida uu sheegan jiray) ee Itoobiya. Sidaas ayaa ayuu ku curtay dagaalkii ka dhex shidmay labada dowladood ee deriska ah bilowgii sanadkii 1964-kii. Boqor Xe-yle Selaesse wuxuu gudoonsaday in uu Soomaalida kala hor maro dhar-baaxada colaadeed, si uu u shiiqiyo hanka dowladnimo oo Soomaalida ku abuurmay iyo damaca ay u la-haayeen in ay bahdood gole mid ah ku ururiyaan.

LA SOCO AXADA DAMBE

TOWFIIQ COMMERCIAL CENTER

KALA XIRIIR SHIRKADA GANACSIGA EE TOWFIIQTELL:- 821111/16, OFFICE =825055/790003/790000

FOODSTAFF BUILDING=823018BUILDING MATERIAL =826107

Buugta Akhriska Buugta Iibka

& Adeegyada Bulshada

Receipt Vouchers Payment

Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards EnvelopsStickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards

KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO

& QIIME KURAALI GALIYA

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Tell :- 824299/796169/726169

BOSASO SOMALIA

HORYAAL PRINTING CENTER

ADEEGYADA DAABACADEED EE

HORYAAL DIYAARKA KUULA TAHAY

www.telcompuntland.com [email protected]

OGAYSIIS

Office Stationery

Office furnitures

Electronics and Satellite Digiitals

Renting Cars % For Selling

JOWLE ENTERPRISES

Waxaa lagu war gelinayaa dhamaan macaamiisha shirkada Telcom Puntland In shirkaddu samaysay qiimo bedel, Qiimaha gudaha puntland

Qiimaha daqiiqadii Mobile-ka ee Puntland Gudaheeda waa sidan

�Maalinkii 6:00 AM to 6:00 pm Qiimaha halkii daqiiqo waa 0.01 cents/min ( hal cent) sidiisii hore

�Habeenkii 6:00 pm to 6:00 AM qiimaha halkii daqiiqo waa 0.005 cent ( nus cents ) halka uu markii hore ka ahaan jirey lacag la’aan

�Qiimaha fariimaha qoraalka ee dibadda loo dirayo waa $0.10 cents/SMS ( Toban cents halkii fariin)

Sms-ka Local Puntland macaamiishu waxa ay isugu diri karaan lacag la’aan

Qiimayaasha Dibadda iyo Somalia waxba isma bedelin waa sidoodii hore

Qiimaha cusub waxa uu dhaqangalay 16/03/09

Mahad sanidinMarketing DepartmentTEL

COM PUNTLA

ND

Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose: Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom @hotmail.com

For more information please contact Manager of Jowle Interprises 797111