machadka heritage ee daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha...

22
Machadka Heritage ee Daraasaadka Warbixinta Sanadka 2014

Upload: others

Post on 17-Jul-2020

4 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Machadka Heritage ee Daraasaadka

Warbixinta Sanadka2014

Page 2: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Qeybaha Warbixinta

Farriinta agaasimaha ........................................................ 3-4

Barnaamijyada ................................................................ 5-9

Cilmibaaris iyo taxliil ..................................................... 10

Saameyn ......................................................................... 11

Fal-celin .........................................................................12

Casharrada la bartay ........................................................13

Iskaashiyo.........................................................................13

Xaaladda dhaqaale ......................................................... 14-15

Ammaanka, Garsoorka iyo Xuquuqaha ........................... 16

Gargaarka iyo Horumarinta ............................................. 16-17

Ku saabsan HIPS ............................................................. 18

Xeerarka ......................................................................... 19

Lifaaqyo ...........................................................................20

Shaqaalaha & Khuburada .......................... 20

Guddiga Talinta ………...…………………… 21

Page 3: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Dadaalka hagar la'aaneed ee xubnaha machadka awgiis, Sanadka 2014 waxa uu Machadka Heritage u ahaa sanad guuleed oo wax soosaar leh. Machadku isaga oo ka duulaya guulihii sanadkii hore iyo hiigsigii isaraatiijiga ahaa ee lagu dajiyey kulanii ugu danbeeyey ee Golaha Talinta, ayuu ku dhaqaaqay qorshe dhinacyo badan leh si uu fikrado wax ku ool ah ugu kordhiyo talada dalka, kuwaas oo ku salaysan cilmi-baaris iyo xog rasmi ah iyo in uu fududeeyo in si dhab ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu cad-caddayd shaqooyinkeenna 2014-ka. Cilmi-baarayaal ka socda machadka ayaa daraasad ka sameeyey 5 magaalo, taas oo qeyb ka ahayd mashruuca Wadahadalka Qaran ee Federaalka. In kasta oo dastuurka ay ku qoran tahay federaalku, haddana Soomaaliya si dhab ah loogama fahamsana; taasina waxa ay keentay xaalad abuurtay jawi khilaaf oo ka dhex jira beelaha iyo degaanada Soomaaliyeed. Sidaas darteed ayaan cilmibaarista federaalka uga hawl-galnay annaga oo ka duulayna dareenka ah, kor u qaadista fahamka federaalka ee bulshada Soomaaliyeed iyo furidda dood-qaran oo mowduucan ku saabsan, in ay kaalin mug leh ka geysan karaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya. Intii cilmibaarista aan ku guda-jirneyna waxaan dhidibada u sii aasnay xiriiro shaqo oo macno leh oo aan la dhigannay hay'ado kale oo dalka ku baahsan gaar ahaan jaamacadaha.

Waxaa kale oo mashuurca Madasha Heritage uu noo sahlay in aan sii wadno hirgelinta in wada-hadal uu ka dhex furno dhinacyada taladu ka go'do iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra'iisul Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay waxay dhammaan sannadkan ka qayb-qaateen dood-wadaagga Madasha Aragtida ee Heritage.

Qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha cilmi-baarista iyo taxliilka xogta ku salaysan ee machadka waxa ay tahay awoodda machadku uu u leeyahay in uu soo bandhigo afti-cilmiyeed dareenka bulshada ah. Sannadka 2014-ka machadka waxaa u hirgashay in uu yeesho awood uu ku sameeyo afti-aqooneed bulshada lagu warsanayo sida ay wax u arkaan. Annaga oo kaashanayna hay'adaha wadashaqayntu naga dhaxayso, ayaa machadku Muqdisho ka hirgeliyey laba afti-aqooneed oo dadweyne, kuwaas oo labaduba noqday aasaaska laba cilmi-baaris oo qoraal ku soo baxay aadna u faafay.

Faafinta wax-soo-saarka cilmi-baariseed ee machadka ayaa tiir muhiim ah ka ah qorshaha Machadka Heritage uu ku doonayo in uu saamayn ku yeesho jaan-goynta siyaasaddaha maamulka dalka. Waxaa si baaxad leh u kordhay dadka akhrista qoraalada machadka;

Farriinta Agaasimaha

3

Page 4: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

4

waxaanna hirgelinney wargeys bille ah oo elikteroonik ah oo soo bandhiga waxqabadka machadka. Qoraalada machadka ayaa iyaguba waxay ku soo baxaan baraha internetka ee Soomaalida iyo kuwa aan Soomaalida ahayn ee caanka ah.

Dhanka kale, sanadka 2014 waxa uu ahaa sanad culaysyadiisa leh. Shaqaalaheennu waxay ku shaqeynayeen jewi amni darro ah oo joogta ah. Maaddaama in badan oo kaadirkeenna ahi ay saxaafadda si firfircoon uga dhex muuqdaan, qoraal-cilmiyeedka machadkuna ay yihiin kuwo fur-cad, in aan taxadarno ayaan ku dadaalnaa. Ol-oleynta aan Soomaaliya uga ol-olaynayno in la helo is-beddel iyo dib-u-habayn siyaasadeed, dhaqaale, mid garsoor iyo mid bulsheed, waa arrimo machadka u abuuri kara cadowyo badan. Si bii'ad sidaas u khatar badan aannu ugu shaqaynana machadku waxa uu ku khasban yahay in uu si joogta ah dhug ugu lahaado ammaankiisa.

Caqabad kalena waxa ay ahayd usoo kasbidda machadka dhaqaale la isku halayn karo oo lagu socodsiiyo. In kasta oo 2014-kii guulo laga gaaray soo xasilinta maal-gelin hay'ado ka timid iyo taageero dhaqaale oo machadku uu shaqsiyaad ka helay, haddana iyada oo guud ahaan maal-gelinta deeq-bixiyayaashu ay ahayd mid aan kobcayn, kharashka ugu badan oo machadku hawlihiisa ku kala wado waxa uu ahaa mid ka soo xarooday mashruucyo uu tartan ugu guulaystey ama uu hay'ado kale shirko kula ahaa.

Markaan hore u odorosno sanadka 2015, waxa uu u eg yahay mid Machadka Heritage u maaxanaya. Annaga oo ka sii ambaqaadayna cilmi-baarista 2014-ka, sanadka 2015 waxaan diiradda saaraynaa arrimaha doorashooyinka ama xulidda ee 2016. Hiigsiga dowladda ee 2016-ku waxa uu ku baaqayaa in ay doorashooyin qaran ka dhacaan Soomaaliya xagaaga 2016-ka, hayeeshee waxaa cad in ay liidato u diyaar gorowga doorashooyin. Hab kale oo siyaasadda iyo maamulka dalka lagu maareeyo, markii uu dhamaado waqtiga dowladdaan ayaa ah arrin lagama maarmaan ah. Machadka Heritage waxaa ka go'an in arrintaas uu talo ku darsado, uuna hirgeliyo dood-wadaag qaran oo arrintaa ku saabsan.

Qorshayaasheenna dhiiranaanta wata waxaa lagama maarmaan u ah tayaynta machadka hay'ad ahaan. Sidaas darteed, waxaa machadka ku soo biiray khuburo ka hawl gala cilmi-baarista, maamulka iyo xiriirka. Sidoo kale, horraanta 2015-ka laba xubnood oo cusub ayaa ku soo biiray Guddiga Talinta si loo sii xoojiyo awoodda kormeer oo Guddiga Talada loona sii tayeeyo wadashaqaynta maamulka iyo Guddiga Talinta.

Gunaanadkii, waxaan jeclahay in aan u mahad celiyo hay'adaha aan shaqo-wadaagga nahay, maal-galiyayaasha machadka, taageerayaasheenna kuwaas oo la'aantood aannaan hawsheenna ku guulaysaneen. Kalsoonidooda aan hakadka gelin, ayaa Machadka Heritage u sahasha in uu sanadkii yimaadaba tallaabo horay u sii qaado.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi, Agaasimaha Machadka Heritage

Page 5: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Barnaamijyada MadashaAfkaarahaMadasha Aragti isweydaarsiga ee Machadka Heritage (Forum for Ideas) oo ah gole tala-wadaag ah oo tisqaadday, sanadka 2014-ku waxa uu u ahaa sanad aaran ah oo shaqo badan u qabsoontay. Toban kulan oo tala-wadaag ah ayaa sanadka machadku qabtay, halka sanadkii ka horreeyey ay sagaal ahaayeen. Waxaana ka mid ahaa saddex kulan oo afkaar-is-dhaafsi ahaa oo ay ka qayb qaateen madax miisaan ku leh siyaasadda Soomaaliya. Bishii September waxaa madasha marti ku ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ay ku beegnayd laba sano guuradii doorashadiisa. Bishii ka sii horreysey ee Ogostana waxaa madasha ka qayb-qaatay Ra'iisul Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed oo si fur-caddaan leh uga warramay culaysyada ku hor gudban dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Bishii May-na waxaa madasha ka hadlay Nicholas Kay, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey oo soo bandhigay baaqa bulshada caalamka ee ku wajehneyd helidda xasilooni siyaasadeed ee gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

5

Kulamada Aragti-wadaag ee la qabay ilaa Janaayo 2014

1. Qaababka Xukunka Soomaaliya Loogu Baahin Karo

2. Xiridda iyo musaafurinta Baahsan oo ay Kenya Kula Kacayso Qoxootiga Soomaaliya

3. Kulan khaas ah ee Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

4. Khilaafka Siyaasadeed ee Joogtoobey: Wuxuu Geystey iyo Waxa Madaxda la

Gudboon

5. Kulan Khaas ah ee Wasiirka 1-aad

6. Kulan Khaas ah Madaxweynaha Soomaaliya7. Aragtiyada Amniga iyo Garsoorka ee

Muqdisho

8. Casharrada laga baran karo macluushii

2011

9. Sida Luqadda Soomaaliga Loogu

Isticmaalo Saxaafadda Soomaalida

10. Dareenka Dadka Muqdisho ee Dimoqraadiyadda iyo Doorashooyinka

Page 6: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Sanadkaan 2014-ka qoraalada cilmi-baariseed ee kooban waxaa machadku uu soo saaray tiro ka yar kuwii sanadkii hore, waayo waxaan yaraynay taxliilkii siyaasadeed ee xarunta waxa aanna juhdi badan gelinney cilmibaaris ku salaysan afti-aqooneed (surveys), taas oo u baahan maal iyo waqti ballaaran; waxaa kale oo uu machadku soo saaray khulaasayn ku saabsan cilmi-baarisyo taxanaha ah ama waqti dheer soconaya oo machadku uu wado. Warbixintii ugu horreysey ee sanadkan uu Machadka Heritage soo saaray waxa ay ahayd soo koobid aannu ka soo dhex bixinnay cilmibaaris aan isla wadno Machadka Peace Research Institute Oslo (PRIO) iyo Humphrey School of Public Affairs oo Jaamacadda Minnesota ka tirsan cilmibaaristaas oo ku saabsan soo noqoshada sanadahan danbe oo ay dalka ku soo noqonayaan qurbe-joogta Soomaalida. Warbixinta waxaa laga soo jeediyey kulankii Qurbe-joogta Soomaalida ee Caalamka ee bishii Juun ka dhacay Istanbul halkaas oo qoraha warbixinta, Maymuuna Maxamuud, ay ka soo bandhigtay xogtii aannu ku ogaannay cilmibaaristaas.

Warbixinta labaad waxay ku salaysnayd afti-aqooneed ballaaran oo xarunta Observatory of Conflict and Violence Prevention (OCVP) ay Muqdisho ka samaysay, daraasaddaas oo ku saabsanayd aragtida dadka Muqdisho ay ka qabaan ammaanka iyo garsoorka

Warbixinnada Falanqeynta 2014

1. Soo Laabashada Soomaalida Qurbaha

2. Aragtiyada Amniga iyo Garsoorka ee Muqdisho

3. Dareenka Dadka Muqdisho ee Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka

6

caasimadda. Warbixintu waxay taxliil iyo qiimayn ku samaysay xogta ka soo baxday cilmi-baarista OVCP oo afar qoraal iyada oo ah ku jirta barta internetka ee xaruntaas, taxliilkaas oo dhaliyey in si baahsan saxaafadda caalamku ay u qaadaa dhigto warbixinta. Warbixinta saddexaad ee machadku waxay taxliil ku samayneysay afti-aqooneedkii ugu horreeyey ee Machadka Heritage uu hirgeliyey gacanna ay ka geysatey hay'adda Interpeace, kaas oo qiimayn ku samaynayey dareenka dadka Muqdisho ee doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.

Dhammaan warbixinada Machadka Heritage waxay ku soo baxaan luuqadaha English-ka iyo Af-Soomaaliga, waxaana lagu gudbiyaa email ahaan iyada oo dad kumanaan ah ay helaan, sidoo kalana waxaa si lacag la'aan ah looga daabacan karaa barta Internet-ka ee machadka.

Qoraalada Kooban (Policy Briefs)

Page 7: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Qoraalada CilmibaaristaMachadka Heritage sanadka 2014-ka waxa uu daabacay laba cilmi baaris halka mid seddexaadna uu gaba-gabo yahay, uuna soo baxaayo horraanta 2015-ka. Cilmibaarisyo kale oo sanadka oo dhan socday xogta laga helana la daabici doono bartamaha sanadka soo socda ayaa iyaguna jira. Sida warbixinada kooban oo kale ayaa cilmibarista Machadka Heritage waxaa laga helaa, iyaga oo lacag la'aan ah, shabakadda internetka ee machadka.

Habaka Baahinta Maamulka ee SoomaaliyaCilmibaaristan ee uu qoray Dr. Afyare Cabdi Cilmi, waxay bilow u ahayd qoraalo is-daba socday oo Machadka Heritage uu ka soo saaray mowduuca xukun-baahinta. Arrinta baahinta xukunka waxa ay ahayd arrin dood badan ka taagantahay tobankii sano oo la soo dhaafayna ay Soomaaliduna isku maan-dhaafsanayd. Kaddib burburkii 1991-dii dowladdii kali-taliska ahayd ee militeriga, Soomaali yar ayaa ku dhiirata in ay u ololeeyaan in dib loo soo celiyo dowlad dhexe, awood maroogsi ku dhisan oo Muqdisho awoodda ku haysata. In badan oo Soomaalida ka mid ahna, nooca uu doono ha noqdee, hannaan xukunka lagu baahinayo waxay u arkaan, lagama maarmaan, habka federaalka ayaana ahaa hannaanka ay dad badan ku baaqayeen, in kasta oo dhaqamada siyaasiyiinta iyo maamulada qaar ay aad uga fog yihiin sida federaalku qabo. Ilaa intii ay cilmibaaristan soo baxdayna Machadka Heritage waxa uu u guntaday dood-wadaag taxane ah oo qaybo badan oo dalka ah gaaray, kaas oo dadka lagu weydiinayay ra'yigooda ku saabsan federaalaynta hadda socda, kaalinta dowladda fedraalka ah ee Soomaaliya, iyo sida khayraadka Soomaalidu u wadaageyso. Qiimayn iyo dareenka cilmi-baarayaasha ee dareenka dadweynahana ay arrintaan kala kulmeenna waxaa lagu daabacay bogga aaraa'da ee barta internet-ka ee Machadka Heritage, warbixin kulminaysa nuxurka doodaha gobolada kala duwan ee cilmibaarayaasha machadku ay tageenna, iyo fiidiyow muuqaaal ahna waxa ay soo baxayaan 2015.

Shidaalka Soomaaliya: Ma Sii Hurrinayaa Colaadda?Iyadoo ah furinta hore ee sahminta shidaalka Geeska Africa, Soomaaliya waa dal leh ifafaalo wanaagsan xagga tamarta, isla markaasna waa dal ay caqabado badan oo xagga sahanka shidaalka ah haystaan. Marka laga soo tago caqabado xagga farsamada, kaabayaasha iyo gaadiidka ah, Soomaaliya waxaa ku dahaaran culeysyo kale oo fara badan oo ay kamid yihiin siyaasad isbedbedeleysa, hey’ado aad u nugul, ammaan darro iyo mugdi baahsan oo ku saabsan xuquuqda lahaanshaha hantida.

7

Dr. Dominik Balthasar, oo ah cilmibaare Machadka Heritage u qaabilsan arrimaha horumarinta, ayaa waxa uu warbixintaan ku eegay, ilaa inta baaritaanka shidaalku uu sii kululayn karo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ee horayba u kacsanayd iyo in qodidda shidaalku ay keeni karto colaad Soomaaliya ka aloosanta. Cilmibaaristan waxa kale oo ay ahayd qayb ka mid ah qorshaha machadku uu ugu tala galay in uu ku xusuusiyo dhinacyada talada dalka saamaynta ku leh sida loo maaraynayo arrimaha la xiriira dhaqaalaha iyo federaalka iyo khayraadka dalka dhex ceegaaga.

Page 8: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Eegid Dhulalka Muqdisho ee La Isku HaystoMashruuca cilmibaaristan oo sanad socday waxaa Machadka Heritage ay ka wada shaqaynayeen Machadka Rift Valley Institute (RVI). Warbixintii oo dhammaadkii 2014-ta loo gudbiyay khuburo labada machad ka baxsan oo qiimayn ku sameeya, waxay noqon doontaa cilmibaarisaha ugu dheer ee machadku diyaariyey iyo cilmibaaristii ugu horreysey ee Machadka Heritage uu la sameeyey Machadka Rift Valley Institute.

Laylinta (Tababarka) Cilmibaarayaasha

Barnaamijka tababarka iyo laylinta cilmibaarayaasha iyo ardayda waxa uu noqday mid magac leh ayna ku tartamaan ardayda Soomaaliyeed oo in badan oo ka mid ah ay ku tartamaan afarta fursadood ee sanadkii soo baxda. Hay'ado kale oo magac iyo micno leh ayaa iyaguna muujinaya ahmiyadda ay ardayda u leedahay in ay Machadka Heritage ku jara-bartaan, iyada oo sanadkaan ay dhacday in Jaamacadda Minnesota ay ardayyaddii ugu danbeysay ee sanadkaan machadka ku tababartay hal buundo oo derejada masterka ay jaamacaddu u xisaabisay muddadii ay ku tababaranaysay kana shaqaynaysey Machadka Heritage.

Si uu machadku u suurtageliyo in Soomaalida dalka ku nool iyo kuwa qurbuhu ay si isla eg oo xaq soor ah ay uga wada faa'iideystaan fursadda khaaska ah ee tababarka iyo xiriir samaysiga isugu jirta, machadku waxa uu arday iyo cilmibaarayaal curdan ah oo tababar qaata ka soo xulaa dalka gudahiisa iyo dibaddiisa. Soomaaliya gudaheeda, machadku waxa uu ahmiyad gooni ah siiyaa ardayda ka socda hay'adaha xubnaha ka ah SomaliREN, taas oo dhidibada u sii aasaysa xiriirka uu machadka la leeyahay jaamacadaha dalka isla markaana gacan siinaysa ardaydooda aqoontooda horrayso.

8

Page 9: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Mashruuca dib u soo noolaynta Maktabadda Ummadda waxa uu ahaa mashruuca ugu hanweynaa ee ilaa iyo hadda uu Machadka Heritage u istaagay. Xarunta maktabadda oo ku taalla bartamaha caasimadda, waxa uu ahaa mid laga qaatay wixii agab ah yaalley, isla markaana burbur badan uu soo gaaray bilowgii 1990-maadkii. Waxa ayna daarta Maktabadda Ummaddu noqotay bar madow, oo ku dhextaal magaalada Muqdisho astaanna u noqotay ilaa iyo hadda maqnaanta xarun aqooneed iyo meel ay da'yartu wax ku bartaan. Machadka Heritage markii la aasaasay horraantii 2013-ka waxa uu dhabarka u ritay masuuliyadda ballaaran ee dib-u-dhiska iyo dib u hawl gelinta Maktabadda Ummadda. Toddoba qof oo magac leh ayaa loo xulay in ay noqdaan Guddiga Hoggaaminta, maareeya mashruuca dib u soo noolayna maktabaddana waa la hawl galiyey.

Baaxadda hawsha taalley -- kharshka badan ee loo baahan yahay si dhismaha loo dayactiro iyo tira-badnaanta agabka loo baahan yahay si maktabadda loo hawlgeliyo - durbadiiba waa uu noo caddaaday. Soo xasilinta kharashka loo baahan yahay si mashruuca maktabadda loo dhaqaajiyo iyada oo dhanka kale machadku ku hawlanaa in uu helo dhaqaale uu machad ahaan ku shaqeeyo - si uu ugu mira-dhaliyo cilmibaarista uu u

9

istaaagay - waxay bannaanka keentay in machadku aanu awoodin in uu ka mira dhaliyo hadafkiisii dib-u-yagleelidda Maktabadda Ummadda.

Kaddib wadatashi ballaaran oo machadku uu la yeeshay deeq bixiyayaasha, hay'ado caalami ah, dowladda Soomaaliya, waxaa si cad u muuqatay in ay habboon tahay in masuuliyadda mashruucaan ay qaaddo Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Sidaas darteedna mashruucii waxaa lagu wareejiyey wasaaradda. Guddigii Maamulka ee uu Machadka Heritage abuuray, sidiisii ayuu hawsha u sii wadayaa; maareeyaha mashruuca ayaa noqotay La Taliye Sare ee Wasaaradda Tacliinta Sare.

Sharaf ayay noo tahay in aan bilownay mashruuca dib-u-soo-noolaynta Maktabadda Ummadda oo ay u badan tahay in uu sanooyin qaadan doono, waxaana ku qanacsan nahay in wasaaradda ay ka go'an tahay ka mira dhalinta mashruuca. Machadka Heritaage waxa uu sii wadayaa in uu taageero mashruuca hirgelinta Maktabadda Ummadda, waxaanna sii wadaynaa ololaha aan saaxiibada iyo inta wada shaqayntu naga dhaxayso ugu dhiirra gelineyno gacansiinta maktabadda.

Maktabadda Ummada

Page 10: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Unugga Cilmibaarista, Taxliilka iyo Qiimaynta

Horumarka ee RAADE GroupUrurinta xog-cilmiyeedku waxay sii wiiqmeysay sonooyin ka hor intii aysanba dumin dowladdii Soomaaliya. Ilaa iyo haddana hay'adaha kala duwan ee dalka ka jiraana guulo kooban ayay ka gaareen uruurina xog baahsan oo sugan. Xitaa tirada dadka Soomaaliyeed ayaa maanta ah mid la qiyaaso.

Taariikhda ayaa ka markhaati kacday in marar badan siyaasado la qaatay iyo faragelinno ka dhacay Soomaaliya in aysan ka dhallan saamayntii samayd ee looga fadhiyey. Soddonkii sano ee lasoo dhaafayna Soomaalidu waxay u soo joogeen siyaasado iyo faragelinno keenay waxyaalo aanba qorshaha lagu darsan. Tusaale ahaan faragelin bini'aadamnimo oo looga gol lahaa in looga hortago gaajo safmar ah markii dowladdu duntay ayaa waxaa ka dhashay badashada iyo bullaalidda dagaal oogayaashii Soomaaliyeed iyo dhaqanka horjoogayaasha masaakiinta inta ay meel ku ootaan afhayeenka isaga dhiga, si ay mucaawanada la siiyo uga marooqsadaan. Faragelinno badan oo milateri oo lagu doonayay in lagu damiyo khataro laga qabay muslimiin mintid ah ayaaba la oran karaa sidoo kale waxaa ka dhashay soo bixidda Al Shabaab iyo Muslimiin kale oo kuwii hore ka sii mayal adag.

Sidoo kale waxaa la oran karaa, Soomaaliya waa meel marka la eego sida bulshada caalamku ay ula dhaqmaan aanayba jirin tixraac hore, waayo siyaasado fashilmay ayaa lagu celceliyaa, siyaabo lagu guulaystayna lamaba xasuusto; hay'adaha Soomaaliya ka hawl gala oo dadka ka shaqeeyaana si joogta ah isku bedbedelaan ma noqdaan kuwo wax ka barta khaladaadka ay galaan. Dadka mashaariicda horumarineed loogu tala galayna inta badan ma helaan faahfaahin mashaariicdaas ku saabsan, fursadna uma helaan in ay qiimayn ku sameeyaan ra'yina ku darsadaan waxa lagu samaynayo ama loo samaynayo.

Qiimaynta saamaynta mashaariicda horumarineed ama faragelinta iyo weliba siyaasadaha dowladdu, waxay u baahan tahay jiritaanka xog iyo macluumaad ama arurinta xog cusub. Waxaa kale oo ay ku xiran tahay in si dhab ah loo waraysto cidda mashaariicda horumarineed, faragelinta ama siyaasadaha dowladda ay ku wajahnaynd, waayo taas ayaa lagu ogaan karaa in arrimahaasi si hufan oo waxtar ah ay u dabooleen baahida dadka; waxay kaloo sahlaysaa in casharro laga barto khaladaadkii hore.

Dhammaadkii 2014-kii Machadka Heritage waxa uu ku guuleystay maalgelin uu ka helay Somalia Stability Fund (SSF)/ Sanduuqqa Xasilinta Soomaaliya si machadku uu u sameeyo cilmibaarayaal dalka gudihiisa ah kuwaas oo si joogto ah uga shaqeeya kormeerka iyo qiimaynta mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya. Bilowga hore, Unugga Cilmibaarista, Taxliilka iyo Qiimaynta Horumarka ee (RAADE Group) waxa uu xoogga saari doonaa kormeerka iyo qiimaynta mashaariicda SSF. Mustaqbalka, unugga RAADE Group waxa uu samayn doonaa khidmad dalka oo dhan ah oo kormeer iyo qiimayn ah, isaga oo noqon doona unug shaqadiisa u madax bannaan, gacanna ka geysan doona maalgelinta mashaariicda cilmibaariseed ee machadka.

10

Page 11: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

SaamayntaDadaaladeenna ku aaddanaa baahinta xukunka iyo federaalka ayaa la oran karaa waxa ay ahayeen arrinta saamaynta ugu weyn ku lahayd qiimaynta siyaasadda Soomaaliya ee 2014-ka. Qoraalka macadka ee Noocyada Xukun Baahinta ee soo baxay Janaayo ayaa falanqaynta arrimahan soo dhex dhigay Soomaalida iyada oo Wada Hadalka Qaran ee Federaalka ee aan meelo badan oo Soomaaliya ah ka samaynayna uu faalaynta federaalka iyo xukun baahina ka dhigay mid had iyo gooraale la hadal hayo.

Cilmibaarayaal ka tirsan Machadka Heritage ayaa lagu casuumey shirar caalami ah si ay ula wadaagaan fikirka iyo aqoontooda kuwaas oo ay ka mid ahaayeen shir seddex maalmood socday oo ciwaankiisu ahaa Dhaqaalaha IGAD iyo Federaalaynta Soomaaliya, oo lagu qabtay Addis Ababa kaas oo ay ka soo qayb galeen madax sare oo dalalka IGAD oo dhan ah. waxaa kale oo machadka loo soo jeediyay in uu qayb ka noqdo Guddi Hoosaadka Hiigsiga Cusub oo ay xubno ka yihiin wakiillo ka socda Dowladda Federaalka, baarlamaanka, bulshada rayadka iyo deeq bixiyayaasha, guddi hoosaadkaas oo ku saabsan Siyaasadda Lagu Midaysan Yahay, oo qaybta ka ah ahdaafta Hiigsiga Cusub.

Daraasad uu machadku ka soo saaray kaalinta qurba joogta Soomaaliya waxaan la wadaagnay madax ku sugan Oslo, Minneapolis, Washington iyo Muqdisho. Qoraha cilmibaarista waxaa lagu casuumey kulankii 12 ee Somali Studies International Association Congress oo 2015 ka dhacay Finland. Waxaa kale oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ka codsatay Machadka Heritage in machadku uu qayb ka noqdo guddi khuburo madax bannaan ah oo gacan ka siiya sidii ay wasaaraddu u dejin lahayd siyaasad iyo qorshe ku wajahan qurba-joogta.

Markii ay soo baxday daraasadda Dareenka Dadka Muqdisho ee Amniga iyo Garsoorka, taas oo ku salaysnayd cilmibaaris ay samaysay xarunta Observatory of Conflict and Violence Prevention (OCVP), ayaa waxa ay daraasaddu noqotay middii ay saxaafadda caalamku ugu hadal haynta badnayd abid ee qoraalada machadka. Kaddib soo bixidda daraasadda wakiillo ka socda Machadka Heritage iyo Observatory of Conflict and Violence Prevention (OCVP) ayaa waxa ay la kulmeen madax dowladda federaalka iyo AMISOM si ay ula wadaagaan waxyaalaha daraasaddu ay soo bandhigtay iyo walaacyada ay dadka Muqdisho qabeen; waxaana xigtay sidii ku qornayd talooyinkii daraasaddu ay soo jeedisey in dowladda iyo AMISOM ay kulamadii amniga ee asbuuclaha ahaa ay u badaleen kuwo maalinle ah.

Maalintii la soo bandhigayey daraasaddii machadka ee ugu danbeysey sannadka, taas oo qaadaa-dhigeysay dareenka dadka Muqdisho ee doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, Ku-Xigeenka Duqa Muqdisho iyo Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Doorashooyinka ayaa tilmaamay talooyinka machadku soo jeediyay ee ku saabsanaa sanadka 2015. Weliba, Guddiga Baarlamaanka ee Doorashooyinka waxa uu ballan qaaday in ay si dhab ah u dersi doonaan talooyinka la soo jeediyey ee ku aaddan doorashooyin ka dhaca Benadir 2015-ka, isla markaana waxa uu guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee doorashooyinku uu tibaaxay in uu guddigiisa dhexdiisa uga ololayn doono in go'aamada lagu qaato kaddib markii xaqiiqo cilmi ku salaysan la helo markii ay u dhaqaaqaan dhanka diyaarinta siyaasadda doorashooyinka ee dalka, isaga oo muujiyey in daraasadda machadku ay ahayd daraasad wax ku ool ah.

11

Page 12: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Fal-celinSanadka 2014 si baahsan ayaa deegaanada Soomaalida looga dareemayey talooyinka aan ku kordhinnay siyaasadda. Cilmibaarayaasha Machadka Heriage guud ahaan si wanaagsan ayay u soo dhaweeyeen maamulada ka jira Kismaayo, Baydhabo, Garoowe iyo Gaalkacyo markii aan u aadnay mashruuca taxanaha ahaa ee Wadahadalka Qaran ee Federaalka. Mararka qaarkoodna ku dhiiranaanteenna aan ku dhiirranay in aan wax u sheegno sida ay wax yihiin iyo sida aan wax u og nahay, waxaa ka dhalanaysay caqabado iyo is afgaranwaa. Safar aan doonayney in aan ku tagno Garoowe, ayaa maamulku hakad galiyay iyaga oo ka walwal qaba eedayn ay noo soo jeediyeen qaar ka mid ah bulshada rayadka ah iyo saxaafadda Puntland, kuwaas oo nagu eedeeyay in aan ka shaqaynaynay olole ka dhan ah federaalka. Kaddib markii aan wadahadal iyo is-xog-waraysi la galnay madaxda Puntland oo madaxweynuhu uu ka mid yahay, Machadka Heritage waxaa loo ogolaaday in aan wadahadalka federaalka qabanno, kaas oo noqday mid si weyn looga soo qayb galay guulna ku dhammaaday.

Daraasaddii machadku ku eegay dareenka dadka Muqdisho ee amniga iyo garsoorka ayaa waxay keentay in dadka qaarki nagu eedeeyaan in aan Muqdisho xayaysiin qurxin ah u samayneynay. Laakiin hannaanka ay cilmibaarista u martay xarunta Observatory of Conflict and Violence Prevention (OCVP) oo ahayd hannaan tisqaaday, waxa uu ahaa hab dalka oo dhan looga sameeyo afti-aqooneedyada, Muqdishana si gooni ah looguma xaglin. In kasta oo ay daraasadu tibaaxday in dadka Muqdisho ay sannadka 2014 dareemayeen in aammaanku isa soo tarayay, haddana culaysyada saaran hayadaha ammaanka ee gobolka ma aha kuwo la dhayalsan karo. Mar haddii Muqdisho xarun noo tahayna, waan ka dharagsan nahay amni darada magaalada ka jirta, si joogta ah ayaan arrintaa ugu xusnaa qoraalada iyo lakulanka saxaafadda ee machadka. Maaddaama machadku yahay, machad weli koraya, kuna shaqaynaya jewi qalafsan, mar kasta waan soo dhaweyneynaa falcelin iyo naqdin waxtar leh.

Casharada aan BarannayXaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee Soomaaliya oo mar kasta is badbaddelaysa ayaa nagu khasabtay in aan si joogto ah u qiimayno una baddelno qaabkeenna shaqo. 2014, wax soosaarka Machadka Heritage waxay noqdeen kuwa aan hadba xiisaddii siyaasadeed oo taagan aan ka falcelin balse ah daraasado doorasho ku yimid iskuna dayayay in ay darsaan gunta culaysyada siyaasadeed isla markaana soo bandhigayay xalal noqon kara kuwo waara.

Waxaan kale oo uu machadku baddelay habkii uu talooyinka u soo bandhigi jiray, iyada oo meeshii markii hore aannu oran jirnay talooyin, aannu u baddelney talooyin tixgelin mudan, kuwaas oo ku wajahan cidda ay taladu ka go'do. Waxaan kaloo bilownay in aan talooyinkaas hor dhigno dadka go'aanka leh si aan uga hadalno in talooyinkaas hadda ka hor la qaatay, saababta loo qaadan waayey iyo in ay hadda munaasab yihiin.

Waxaanna ku qanacnay in habkaan asluubaysan, isla-tashigana ah ee cilmiaarista machadka aan madaxda ula wadaagno in uu yahay hab mira dhal leh waxtarna u ah in talada lagu gaaro xog cilmiyaysan. Sidaas oo ay tahay sidii machadka asal ahaanba aragti u ahayd, waxaa naga go'an in aannan ka war-wareegin in aan dhaliilno madaxda markii ay waddo khaldan ku socdaan.

12

Page 13: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Iskaashiyo2014 waxa uu ahaa sanad iskaashi -- iyada oo machadku uu sii xoojiyay xiriiro jiray kuwo cusubna unkay. Sii ballaarinta hay'adaha aannu wadashaqynta leennahay ee dalka waxay si weyn u bileen awooddeenna in aan ka shaqayno Soomaaliya oo idil. Gaar ahaan xubin-nimada machadka uu xubin ka yahay Somali Research and Education Network (SomaliREN) ayaa waxay noo sahashay in aan si baahsan isugu ballaarinno dalka iyada oo dhanka kale nagu xirtay aqoon-leyda jaamacadaha dalka iyo ardayda aqoonta leh.

Xiriirka aan la leenahay Observatory of Conflict and Violence Prevention (OCVP) ayaa iyaduna sii xoogeysatay, taas oo dhashay daraasaddii ugu faafidda badnayd ee ilaa iyo hadda uu machadku soo saaro. Waxaan kalsooni ku qabnaa in xiriirkeenna iyo wadashaqyneenna OCVP ee sannadka 2015 ay noqon doono mid sii xoogeysta.

Horraantii 2014 Machadka Heritage waxa uu heshiis saddex-geesood ah la saxiixday Interpeace iyo Gobalka Banaadir si machadku uu uga caawiyo qorshaha dimuqraadiyeynta Gobalka Benaadir, taas oo ay ka dhalatay in machadku uu magaalada Muqdisho ka hirgeliyay afti-aqooneed ujeedadeedu ahayd in la darso dareenka dadka caasimadda ku nool ee ku wajahan dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Machadku waxaa kale oo uu is-af-garad la saxiixday International Institute for Policy Studies (IIPS) oo xaruntiisu tahay Oslo, Norway iyo Centre for Security Governance (CSG) oo ka tirsan Jaamacadda Guelph ee Canada, si aan isaga kaashanno daraasaadka machadka iyo xarumahaas cilmibaaristu ay wada danaynayaan.

Annaga oo ka faa'iideysanayna sidii daraasaddii Machadka Heritage iyo Overseas Development Institute (ODI) ay soo wada saareen 2013-kii oo ku saabsanayn kaalmada bini'aadamnimo xiligii gaajadu jirtey iyo dhulka ay Al Shabaab ka taliyaan, waxaa sannadkaan machadka iyo ODI ay wada bilaabeen cilmibaaris labaad oo eegaysa saamaynta ay Ururka Dalalka Islamka (OIC) ku leeyihiin ama ku lahaayeen arrimaha bini'aadamnimo ee Soomaaliya.

Xiriirka aan la leeynahay Peace Research Institute Oslo (PRIO) isna waa uu sii bulaalay. 2014 machadku waxa uu guda galay mashruuca cilmibaaris ee ugu cimri dheer (oo soconaya labo sano). Mashruuca Kaalinta Haweenka ee Siyaasadda Soomaaliya (GENSOM) hadda dhexda ayuu marayaa, iyada oo horraanta 2015 lagu qaban doono Nairobi shir arrintaas lagu daah-furayo.

Mashruuc aan isla wadno Machadka Rift Valley Institute oo muddo dheer xiriir shaqo oo naga dhexeeyay isna sanadkan dhammaadkiisa ayuu soo gabagaboobay. Cilmibaarista ugu dheer ilaa hadda oo eegaysa dhulalka la isku haysto ee Muqdisho, oo aan isla soo saari doonno Rift Valley Institute, ayaa isna u muddeysan in la sii daayo horraanta 2015.

13

Page 14: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Xaaladda Dhaqaale Guud ahaan,xaaladda dhaqaale ee machadku waa mid ka fiican sidii uu ahaa sannadkii hore. Waxaan gacan ka helnaa deeq-bixiyayaal badan oo kala duwan. Magaceenna baxayna waxa uu noo sahlay in aan ku guulaysanno in aan helno mashaariic iyo iskaashi shaqo kuwaas oo kabid fiican u noqday socodsiinta hawl maalmeedka machadka.

Sannadkiisa labaad ee shaqo, Machadka Heritage waxa uu gacan dhaqaale ka helay deeq bixiyayaal hore iyo kuwo cusub iyo iskaashiyo, dhanka kalana machadku waxa uu soo jiitay taageero dhaqaale oo toos ah oo ay shakhsiyaad siiyeen. Taageeradaas dhaqaale ee hanti-leyda Soomaaliyeed nagu garab istaageenna waxay mug iyo macne u yeelaysaa sumcadda machadka iyo ictiraafka ummaddeenna ay u hayso, in kasta oo ay noo caddahay koobnaanta deeqaha dalka gudihiisa suura galka ka ah.

Markii sannadkii hore loo barbar dhigana taageerada tooska ah ee ashkhaastu xoogaa ayay ka hooseysay tii sanadkii hore, waxaase si mug leh sannadkaan u kordhay dakhliga machadka ka soo gala mashaariicda uu fulinayey maaddaama ay deeq-bixiyayaal iyo iskaashatooyinka machadkuba ay sii badanayeen.

Xisaab-xirkii sanadka iyo xisaabi-xil-malahdii ay sameeyeen baarayaal madax bannaan, machadku waa uu ku gudbay iyaga oo baarayaashaasi xaaladda dhaqaale ee machadka iyo hannaanka loo maamulay maalka machadka mid wanaagsan ku tilmaamay. Weliba, 2015, machadku waxa uu ku hawl geli doono hannaan qiimeyn xisaabeed sax ah si loo hubiyo in kharashyada ku xeeran mashruuc kasta ama ku dadban mid kasta mashruuca leh ay xisaabtiisa gasho.

Qorshaha Istaraatiijiga ah ee 2015-2017 & Cilmibaaris Mawaadiicaysan Laba sano oo shaqada iyo wax soosaarka machadku ay kor u socotay kaddib, Machadka Heritage waxa uu diyaarsaday qorshe howleed istiraatijiyad ku qotoma oo saddex sano ah; qorshahaas oo diiradda saaraya arrimaha Soomaaliya ahmiyadda gaarka u leh, gaar ahaan siyaasad wax-midaysa, ammaanka, garsoorka, xuquuqaha, arrimaha bini'aadamnimada iyo kuwa horumarinta.

14

Page 15: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Siyaasad Dadka-midaysa

In Soomaaliya laga helo siyaasad wax midaysa, waxaa lagu tilmaamay in ay lagama maarmaan u tahay nabad ku soo dabbaalka dalka. Waxaan aaminsan nahay in ahmiyadaha ugu horeeya ee Soomaaliya, xilligan dalku ka soo kabanayo kala daadsanaanta daba dheeraatay, waa in hannaanka maamul iyo siyaasadda dalka tiirdhexaad looga dhigo siyaasad ka duulaysa dib-u-heshiisiin qaran oo dhidibada u aasaysa hannaan nabadeed oo dimuqraaddi ah. Heshiiska Somali Compact ee bulshada caalamka iyo Soomaaliya ku heshiiyeen in Soomaaliya lagu caawiyo, waxa ay siyaasadda dadka aruurinaysa ka dhigeen mid ka mid ah shanta hiigsi ee lagama maarmaanka u ah nabad iyo qaranimo laga hirgeliyo Soomaaliya. Waxayna tiirarka siyaasadda bulshada isku wadaysa ku tilmaameen, wadahadalka dowladda dhexe iyo maamulada hoose ee dalka, dib u heshiisiin bulsho, dhaqan-gelinta dastuur rasmi ah iyo doorashooyin dimuqraaddi ah. Machadka Heritage fasiraad intaa ka waasacsan ayuu ka fahamsan yahay siyaasadda ummadda isku wadda, oo daraasadda taxanaha ah ee xukun baahinta Soomaaliya waxa uu qayb ka ahayd mashaariic badan oo hoos imaanaya siyaasadda midaynta ama ummadda isku-ururinaysa.

2014, machadku waxa uu daabacay cilmibaaris ballaaran oo uu diyaariyey Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo ciwaankeedu ahaa Hababka Baahinta Maamulka Soomaaliya. Bishii June-na machadku waxa uu soo saaray daraasad kale oo uu qoray Dr. Dominik Balthasar oo ku saabsanayd saamaynta ay dib-u-heshiisinta Soomaaliya ku yeelan karto haddii Soomaaliya shidaal laga helo ama laga soo saaro. Machadku waxaa kale oo uu 2014-ka ka sameeyay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah dood-wadaagyo ku saabsan xukun baahinta federaalka. Xogta ka soo baxda wadahadalka federaalka, waxaa lagu soo ururiyey, daraasad ballaaran oo soo gudbin doonta dareenka dadka Soomaaliyeed ee hababka baahinta maamulka.

Ahmiyadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed siyaasadda laga qaybgeliyo ma aha mid la dhayalsan karo. Isaga oo machadku kaashanaya Peace Research Institute Oslo (PRIO) ayuu dhammaadkii 2014 waxa uu gudagalay mashruuca GENSOM oo ah mashruuc hiigsi dheer leh, oo diiradda saaraya kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda; waxa ay daraasaddu si gaar ah u eegaysaa, arrimaha kala ah taariikhda haweenka Somaaliyeed ee siyaasadda, fursadaha siyaasadeed ee haweenku haystaan iyo saamaynta haweenka siyaasadda ku jira.

Mashaariicda mustaqbalka ee hoos imaanaya siyaasadda wax midaysa ee Machadka Heritage uu ka hawl geli doono waxaa kamid ah:

Waxa dhici kara 2016: Waxaa isa soo taraya in ay u badan tahay in aysan dowladda federaalku ku guulaysan doonin in ay fuliso ballan-qaadkeedii ahaa in ay 2016-ka hirgelin doonto doorasho xor ah oo madax banaan. Machadku waxa uu eegayaa fursadaha iyo tallaabooyinka kale oo loo mari karo in hab nabad ah oo xalaal ah awoodda loogu wareejiyo dowladda ka danbayn doonta midda hadda jirta.

Qaabka Dhaqaalaha iyo Khayraadka ay u Wadaagi Karaan Soomaalida oo Federaal ah:In kasta oo federaalka maamulka ama deegaanka ah ay Soomaalidu xoogga saarayeen intii ay xukun baahinta ka hadlayeen, haddana weli ma bilaaban doodda ku saabsan qaabka ay Soomaaliya u maaraynayso dhaqaalaha iyo khayraadka haddii ay federaal noqoto, gaar ahaan sida loo wadaagayo khayraadka iyo dhaqaalaha dalka.

15

Page 16: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Ammaanka, Garsoorka iyo Xuquuqaha

Sharaxaad badan uma baahna ahmiyadda ay leedahay dhisidda hay'ado qaran oo si hufan u shaqaynaya, sharciga u hoggaansan, kuwaas oo Soomaaliya u horseeda xasilooni iyo horumar. Hadda oo xaaladda Soomaaliya ay ka soo raynaysana, baahi weyn ayaa loo qabaa garsoor madax bannaan dadkuna u siman yahay, si uu u dhayo cuqdadaha la kala qabo, uguna istaago ku dhaqanka sharciga. Sidoo kalana, waxaa waajib ah in ay jiraan xayndaabyo lagama xadgudbaan ah oo sugaya xuquuqda dastuuriga ah ee bini'aadamnimo ee muwaadinka.

2014 Machadka Heritage waxa uu la qoray Rift Valley Institute (RVI) daraasad ballaaran oo eegaysay hawlaha dhulka iyo dhulalka la isku haysto ee Muqdishu. Mashruucu waxa uu xoogga saaray dacfiga haysta garsoorka hadda jira iyo xuquuqda dadka barakacayaasha ah oo magaalada ku dhex nool oo u badnaa kuwo taariikh ahaan dowladihii Soomaaliya soo maray aysan u roonayn.

Mashaariicda machadku ka hawlgalayo mustaqbalka kuna aaddan amniga, garsoorka iyo xuquuqaha waxaa ka mid ah:

Qiimaynta Garsoorka Gobalka Benadir: Daraasaddii machadku ka sameeyey dhulalka la isku haysto ee Muqdisho waxaa la socday qiimayn kooban oo garsoorka magaalada ah; si arrinta garsoorka looga gungaarana waxaa machadka u caddaatay in loo baahan yahay in la sameeyo daraasad ballaaran oo si qotodheer u derista meelaha wax ka khaldan yihiin iyo sida wax loo hagaajin karo. Haddii mashruucaan lagu guulaystana, waxaa qorshuhu yahay in ay xigaan daraasado qiimeeya caddaaladda deegaanno kale.

AMISOM Qaab Noocee ah Ayay u Bixidoonaan: Xilligan la joogo, dowladda Federaalka ee Soomaaliya inta badan waxay amni ahaan ugu tiirsan tahay ciidamada AMISOM. Suura galna ma aha in la fisho in AMISOM ay Soomaaliya weligeed sii joogto. Aakhirka Soomaaliya ayaa laga rabaa in ay dalkeeda difaacato ammaanka shacabkeedana sugto. Machadka Heritage waxa uu wada hadal la bilaabay cilmi baare sare oo ku horreeya arrimaha ciidamada nabad ilaalinta, si loo sameeyo daraasad eegaysa qaabka AMISOM ay Soomaaliya uga bixi karto, hay'adaha amniga ee Soomaliyana ay u hanan karaan waajibaadka amni ee dalkooda.

16

Page 17: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Gargaarka iyo Horumarinta Musiibooyinka bini'aadamnimo ee daba-dheraaday ee soo wajahday Soomaaliya waa kuwo ugub ku ah taariikhda cusub ee dunida. Hawlgaladdii fashilmay ee Qaramadda Midoobey iyo Maraykanka ee bilowgii 1990-kii, waxa ay wax weyn ka beddeleen qaabka faragelinta bini'aadamnimo ee dunida, sidoo kalana, maanta barakacayaasha iyo qoxootiga ugu badan ee adduunku waa Soomaali.

Gaajadii Soomaaliya soo wajahday 2010-2012 waxaa lagu tilmaamay in ay ahayd tii ugu darnayd ee dunida soo martaay 25-kii sano oo ugu danbeysay. 2014-kii, laba sano kaddib, Xafiiska UN-a ee Isku-dubba-ridka Arrimaha Bini'aadamnimada waxa uu sheegay 2 malyan oo Soomali ah, oo ah shan meelood meel dadka Soomaaliyeed, in ay ku nool yihiin nolol aad u adag.

Daraasaddii ugu horreysey ee Machadka Heritage soo saaro horraantii 2013 waxay ku saabsanayd isku daygii dowladda Kenya ay ku damacsanayd in ay soo celiso qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool, oo qaar ilaa 1992-dii ay ku jireen xeryo qoxooti; machadka waxa uu markaas ku dooday in xaaladda amni ee Soomaaliya aysan munaasab u ahayn soo celinta tiro intaa la'eg ee qoxooti ah. Machadku waxa uu si joogta ah isha uga hayaa isbaddellada ku soo kordha dib-u-dejinta qoxootiga iyo barakacayaasha, waxana u qorshaysan in uu arrintaa ka soo saaro qiimayn joogto ah.

Dhammaadkii 2013-ka Machadka Heritage oo kaashanaya unugga Humanitarian Policy Group (HPG) oo ka tirsan Overseas Development Institute (ODI), waxa ay soo saareen warbixin ku saabsaneyd suuragalnimada samafalka xiligii gaajada ee deegaanada Shabaabku ka talinayay, daraasadaas oo dhalisay dood caalami ah oo si ballaran uga socotay BBC, Al Jazeera iyo VOA. 2014 Machadka Heritage waxa uu la qoray machadka ODI daraasad ku saabsan saamayta hawlaha bini'aadamnimo ee Soomaaliya uu kulahaa Ururka Dowladaha Islaamka (OIC). Dhanka kale, machadka waxaa lagu casumay shir wadatashi ah oo ka dhacay Pretoria oo loogu gogol xaarayay Kulanka Bini'aadamnimada ee Caalamka ama World Humanitarian Summit (WHS).

Mashaariicda Arrimaha Bini'aadamnimada ku saabsan ee u qorshaysan in uu daraasad ka sameeyo Machadka Heritage waxaa ka mid ah:

Daraaseyna Hannaanka Samafal iyo Horumarineed ee Turkey: Soo gelidda Turkey ee Soomaaliya oo ahayd arrin xilligeedu dhawaa, iyada oo Soomaalida lagu yaqannay tuhun iyo shaki ku wajahan ajaanibta, waxay noqotay mid si weyn dadka Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen. Machadku waxa uu soo saarayaa cilmibaaris ku saabsan waxa ka dhigay istiraatajiyadda Turkey ee Soomaaliya mid ka duwan kuwa bulshada caalamka, khataraha ku harreereysan iyo waxa ay deeq-bixiyayaasha kale ka baran karaan.

Culaysyada Dib-u-Dejineed: Markii ay Soomaaliya u sii dhaqaaqdo dhanka xasilidda, culays weyn waxa uu ka imaan doonaa dib u dejinta iyo deegaameynta barakacayaasha iyo qaxootiga baaxadda weyn. Iyada aan ka shidaal qaadan doonno sida ay arrintaan ula falgaleen dalalka kale ee culaysyo noocan ah oo kale ay soo wejeheen, machadku waxa uu daraasayn doonaa qaababka u furan dowladda iyo deeq-bixiyayaasha, si loo suura-geliyo xalal waari kara oo Soomaalida oo dhan anfaca.

17

Page 18: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Machadka HeritageMachadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda waa machad madax-bannaan kana shaqeeya cilmi-baarista siyaasadeed iyo taxliilka oo aan dhinac-gooni ah u xaglin, ahayna faa'iido doon, xaruntiisuna tahay Muqdisho, Soomaaliya, lana aasaasay Janaayo 2013.

HiigsiMachadku waxa uu hiigsanayaa gacan-ka-geysiga nabadda, ku dhaqanka sharciga iyo horumarinta dhaqan-aqooneedka Soomaaliya

HadafHadafka Machadka Heritage waa ku biirin siyaasadda iyo maamulka dalka, ra'yi ku salaysan daraasad iyo qiimayn madax bannaan, si loo helo jawi u jajaban tala-wadaagga iyo aragti laga wada qaybqaato

Mabaadii'da Machadka 1. Madaxbannaani, Xilkasnimo & DhexdhexaadnimoMachadka Heritage waxa uu u gudanayaa hawlihiisa dhammaan hannaan ay ku dhan tahay madaxbannaani iyo hufnaan. Shaqada machadku waa mid ku wajahan nabadda iyo ku dhaqanka sharciga ee Soomaaliya, isaga oo machadku eegaya caqabadaha hortaagan nabadda iyo ku dhaqanka sharciga iyo fursadaha loo mari karo hirgelinta nabadda iyo sharciga. Machadka Heritage waa machad aan cid gooni ah u xaglin aynaa cilmi-baaristiisa ku salaysan tahay xog dhab ah iyo taxliil madax bannaan.

2. Soo Dhaweyn Afkaaro kala duwan iyo Sinaan Machadka Heritage waxa uu dhiirrigeliyaa xuquuqda bini'aadamka, si loo maalo maskax kala duwanna, machadku waxa uu soo dhaweeyaa aragtiyada kala duwan oo ku saabsan arrimaha xaasaasiga u ah Soomaaliya.

3. Fur-caddaan iyo Isla-xisaabtanDhammaan hawlihiisa, Machadka Heritage waxa uu ku mintidayaa daah-furnaan iyo xilkasnimo. Barta internet-ka ee machadka waxaa laga helayaa dhammaan wax-soosaarka machadka. Warbixin-sanadeedka waxaa laga dheehan karaa waxqabadka, horumarka, xaaladda dhaqaalaha ee machadka iyo hannaankiisa maamul. Warbaahinta Bulshada (Facebook & Twitter) ayaa iyaguna ah madal fududaysa xiriirka iyo afkaar-wadaag furan. Machadka Heritage, waxaa la xisaabtama uuna hoostagaa Guddiga Talada.

4. Hufnaan Machadka Heritage waxa uu ku mintidayaa wax-qabad salka ku haya hufnaan iyo wax-soosaar tayadiisu sarrayso. Si uu machadka taas u gaaro, waxa uu soo dhaweynayaa, naqdin wax dhisaysa iyo qiimayn kasta oo ay u soo jeediyaan dhinacyada danaynaya hawsha Heritage.

5. Dhib in aan la geysanMaaddaama uu yahay machad madax-bannaan oo Soomaaliya ka dhiirri gelinaya dhaqan-aqooneedka, Machadka Heritage waxa uu si cad-cad u eegayaa arrimaha muhiimka ah si loo horumariyo nabadda iyo ku dhaqanka sharciga ee Soomaaliya, eegayana markii ay habboon tahay xaaladda Geeska Afrika. Machadku kama war-wareegsan doono in uu soo gudbiyo dhaliilo-wax-dhisaya, markii lagu helo xog-cilmi-baariseed. Laakiin, dhammaan hawlaha machadku waxa ay ahaan doonaan kuwo kas iyo kama toona aan uga sii darin xaaladda nugul ee Soomaaliya iyo tan Geeskaba.

18

Page 19: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Xeerarka Machadka Heritage waa machad sharciyaysan, xaruntiisuna tahay Muqdisho, Soomaaliya. Machadku xarumo kale waa uu ka samaysan karaa wakiilana waa uu geysan karaa meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya ama dalka dibaddiisa.

Guddiga Talinta oo ku shaqaynaya xeerarka u degsan ayaa kormeeraya shaqada, qorshayaasha iyo maamulka machadka. Guddiga ayaa ansixiya qorshayaasha machadka sida qorshe-hawleedka, warbixin sanadeedka, miisaaniyadda iyo xisaab xirka.

Maamulka Machadka Heritage waxa uu ka kooban yahay Agaasime, ku xigeenkiisa iyo intii kale ee khuburo iyo kalkaaliyayaal ah ee machadku u baahan yahay uuna awoodo.

Agaasimayaasha Machadka Heritage waxay masuul ka yihiin in ay u diyaariyaan soona hordhigaan Guddiga Talinta warbixin sanadeed ku saabsan dekhliga iyo kharashka machadka. Sanad kasta waxaa machadka lagu samaynayaa xisaab-xir iyo xisaab xil maleh madax banaan.

Dhanka maamulka iyo maaraynta, Machadka Heritage waxa uu boqolkiiba boqol ka hortagayaa musuq-maasuqa iyo wax-is-daba-marinta. Waxaana machadka loo dejinayaa / una degsan hannaan xisaabeed hufan oo horseeda in machadku uu ku shaqeeyo hannaan maamul oo heerka amaanadiisu sarrayso ayna sugnaato.

Nabadgalyada iyo ammaanka shaqaalaha waa arrin ahmiyad gaar ah u leh Machadka Heritage; machadkuna si joogta ah ayuu isha ugu haynayaa xaaladda amni si bed-qabka shaqaalaha loo sugo.

Machadka Heritage waxa uu ka raadsanayaa Soomaaliya iyo dibadeedaba maalgelin uu ku kala socod siiyo hawlihiisa, isaga oo taageero ka qaadanaya deeq bixiyaasha dowliga ah iyo dadka caadiga ahba. Deeqaha soo gaara machadka waa in ay noqdaan kuwo la jaan qaadi kara xeerarkaan iyo hadafka, hiigsiga iyo mabaadii'da machadka.

Machadka Heritage waxa uu wada-shaqyn la yeelanayaa hay'adaha leh dhaqan iyo mabaa'dii la nooc ah kuwa machadka ha joogaan Soomaaliya ama dibadeeda'e.

1)

2)

3)

4)

5}

6}

7}

8}

19

Page 20: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Lifaaqa 1: Shaqaalaha & Khuburada

Shaqaalaha

Cabdi Caynte Agaasime

Cabdirashiid K. Xaaashi Agaasime ku xigeen

Daauud Ciid Cismaan Cilmibaare Sare

Maymuuna Maxamuud Cilmibaare

Mahad Waasuge Kaaliye Cilmibaare

Cabdiraxiim Amiin Isku-duwe Mashaariic

Sacdiya Nuur Sarkaal Maamulkaiyo Maaliyadda

Khuburada

Dr. Cabdirashid Ismaaciil Jaamacadda Helsinki, Finland

Prof. Cabdulwaaxid Sheekh Cismaan Qalinle Jaamacadda Minnesota, U.S.

Dr. Dominik Balthasar European Union Institute for

Security Studies

Xasan Abuukar Qoraa

Dr. Jason Mosley Jaamacadda University of Oxford, UK

Dr. Laura Hammond School of Oriental and African Studies, UK

Dr. Maxamed DaahirAfrax Qoraa, Djibouti

Dr. Cabdirashiid Cilmi Kuwait University

Dr. Maxamed Qaasim Seneca College, Canada

20

Page 21: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu

Lifaaqa 2: Guddiga Talinta

Marika Fahlen (Guddoomiye) Safiir hore iyo Ergey hore oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden u qaabilsanaa

Geeska Afika

Dr. Cabdinasir Cabaas Amiin Khabiir Sare ICF International, Nairobi, Kenya

Maxamuud Xuseen Khaliif Agaasime ICIEC, Bangiga Islaamka Jeddah, Boqortooyada Saudi Arabia

Maxamed Cumar Carteh Agaasime Centre for Public Policy in Hargeisa, Somaliland

Cabdikariin X. Jaamac City University Muqdisho;

Dr. Khadar BashiirCali Isku-duwe Qaybaha Waxbarashada iyo Lataliye

21

Page 22: Machadka Heritage ee Daraasaadka · ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka. Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu