mee shaqooyinku? dhabbooyinka xirfadaha · macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan xirfad barashada,...

2
BEERAHA Wakiilo, La-taliyayaal, iyo Khabiiro Xannaanada oo Beeraha ah iyo Horjoogayaasha Shaqaalaha iyo Xoogsatada Greenhouse, Habaynta Cuntada, Sharaabka, iyo Tubaakada DHISMAHA Maareeyayaasha iyo Kormeerayaasha Dhismaha Qadardaraaslayaasha iyo Horjoogayaasha, Xirfadaha Nijaaradda/farayaamo Shaqaalaha Mikiinadda Dhismaha Kuuliga iyo Xoogsatada Xirfadaha Dhismaha SAYNISKA CAAFIMAADKA Farmasiilayaasha Madaxa Kalkaalisooyinka iyo Horjoogayaasha Kalkaalisooyinka Diiwaangashan Adeegayaasha Bulshada MACLUUMAADKA, ISGAADHSIINTA, TEKNOOLAJIGA Farsamo-yaqaanada Xidhiidhka Kombiyuutarrada Maareeyaha Nidaamyada Kombiyuutarka iyo Macluumaadka Injineerada Kombiyuutarka Nashqadeeyayaasha Garaafigiska iyo Tusiyayaasha LOOJISTIGA & GAADIIDKA Hagayaasha iyo Hawlwadeenada Raadiyowga Wadayaasha Gaadiidka Waawayn Rarayaasha iyo Dejiyayaasha Maareeyayaasha Gaadiidka Kastamada, Markabka, iyo Dallaaliinta Kale WARSHADAYNTA Maareeyayaasha warshadaynta Alxanlayaasha & Hawlwadeenada Mishiinada la Xidhiidha Teknoolajiyahanada Makaanikaal Injineerinka & Farsamo-yaqaanada Injineerada DALXIISKA & SOODHAWAYNTA Shaqaalaha Marfishka Cuntada, Caawiyayaasha Jikada Horjoogayaasha Adeegga Cuntada Horjoogayaasha Ganacsiga Tafaariiqda Baar-ka-adeegayasha Soodhaweeyayaasha Diyaaradaha MEE SHAQOOYINKU? Waxaa suurogal ah inaad rabto ilmahaagu inuu doorto xirfad leh fursado shaqo oo badan, taasi oo ah sababta ay muhiim u tahay inaad fiiriso shaqooyinka jira. Qaybaha iyo xirfadaha soo socda waa ididiilo Windsor-Essex waxaana la filayaa inay sii ahaadaan ahaanshaha ididiilo mustaqbalka. Waxaad ka baran kartaa wax badan oo kusaabsan qaybahan iyo shaqooyinka haddaad booqato websaytka Xoog-maalka WindsorEssex: www.workforcewindsoressex.com Qalabkan xirfaddu wuxuu kaa caawin doonaa inaad taageerto sahaminta xirfadda ee ilmahaaga isagoo ku siinaya xeeladaha qaar xirfadda iyo is-milicsiga oo uu ku bari qaar kamid ah fursadaha shaqaalayn ee ididiilada leh Windsor-Essex ka jira. KHAYRAAD LOOGU TALOGALAY CAAWINTA ILMAHAAGA FASALKA 7/8 OO LEH HAYAAN XIRFADEED Iyadoo uu maalgaliyey Wasaaradda Waxbarashada Ontario Deeqda Gaadhista Waalidiinta, khayraadkan waxa abuuray Xoog-maalka Windsor-Essex iyagoo kaashanaya Guddida Degmo-Dugsiyeedka Windsor Essex Catholic ee Guddida Ku-Luglahaanshaha Waalidka. Ontario MINISTRY OF EDUCATION Ma u Baahan Tahay Macluumaad Dheeraad ah? La xidhiidh: Stephanie Dupley oo joogta Xoog-maalka WindsorEssex [email protected] | [email protected] www.workforcewindsoressex.com XIRFAD BARASHO: Waxaad qaban sannado tabobar lacag lagu siinayo si aad u noqoto qof Barta xirfad gaar ah. Shaqayso adigoo wax baranaya: waxaad samayn kartaa lacag inta aad waxbarashada kujirto waxaanad mutaysan kartaa deeqaha loogu talogalay xirfad-bartayaasha. Waayo-aragnimada tooska ah ee shaqada: waxaad la kulmi xirfadda dhabta ah inta aad wax baranayso. Windsor-Essex waxa taala baahi loo qabo dadka xirfadda leh. Waa inaad hesho loo-shaqeeye kuu qaadan kara xirfad-barte ahaan. Xirfad barashadu waxay horseedi kartaa noqoshada Shaqaalaha Mikiinadda ee Dhismaha, taasi oo ah shaqo ididiilo leh qaybta dhismaha Windsor-Essex ! Shaqaalaha mikiinadda Dhismuhu waxay rakibaan, joogteeyaan, hagaajiyaan, oo dayactiraan mishiinada iyo qalabka. Mushqaayadda (Mushahaarka) dhexe ee deegaanka ee xirfaddan waa $27.20 saacaddii. Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan xirfad barashada, booqo www.earnwhileyoulearn.ca KUULIYADDA: Waxaad heli diblooma oo aad sida badan baranaysaa xirfado la isticmaali karo. Dibloomada kuuliyaddu sida badan waa ka raqiisan tahay una baahan tahay wakhti ka yar marka loo eego digriiga jaamicadda. Waxaad heli aqoon toos ah waxaanad isku diyaarin shaqooyin gaar ah. Shaqooyinka ayaa u baahan kara digrii jaamicadeed. Dibloomada kuuliyaddu waxay horseedi kartaa noqoshada Farsamo-yaqaano Xidhiidhka Kombiyuutarka, taasi oo ah shaqo ididiilo leh qaybta Macluumaadka, Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Windsor-Essex ! Farsamo-yaqaanada Xidhiidhka Kombiyuutarku waxay abuuraan, hawlgaliyaan, joogteeyaan, oo abaabulaan isticmaalka xidhiidhada meelaha dhaw iyo meelaha fog (LANs iyo WANs), xidhiidhada maynfeymka, qalabka haadhweerka, barnaamijyada softiweerka, iyo qalabka kombiyuutarka ee la xidhiidha. Mushqaayadda dhexe ee deegaanka ee xirfaddan waa $27.01 saacaddii. Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan kuuliyadaha Ontario, booqo www.ontariocolleges.ca JAAMICAD: Waxaad heli digrii sida badanna waxaad baran aqoon aragti ah Dadka jaamicadda ka qalinjabiya sida qaalibka waxay sameeyaan lacagta u badan inta ay nool yihiin. Shaqooyin badan ayaa u baahan digrii jaamicadeed. Hel aqoon aragtiyeed iyo xirfadaha fekerka muhiimka ah. Sida badan ikhtiyaarka ugu qaalisan; arday intooda badan waxay galaan dayn. Digrii jaamicadeed wuxuu kuu horseedi karaa inaad noqoto Farmasiile, taasi oo ah shaqo ididiilo leh qaybta Sayniyada Caafimaadka ee Windsor-Essex! farmasiiluhu wuxu isku daraa waxaanu bixiyaa daawooyinka dhakhtarku soo qoro, kaqaybqaataa cilmibaadhista iyo horumarinta waxsoosaarka daawooyinka, waxaanu bixiyaa adeegyo la-talineed. Mushqaayadda dhexe ee deegaanka ee xirfaddan waa $53.60/saacaddii. Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan jaamicadaha Ontario, booqo visit www.ouac.on.ca SUUQA SHAQADA: Waxaad ka iman dugsi sare ilaa shaqada. Looma baahna inaad lacag u bixiso waxbarashada, markaa lacag badan ayaad dhigi kartaa. U bixi kartaa waxbarasho/tabobar dheeraad ah markaad doonto. Heli waayo-aragnimo qiime leh oo aad caalim ku noqon waxa aad ku jeceshahay iyo waxa aad ku neceb tahay xirfad Waxa dhici karta inaad buuxin waydo shuruudaha shaqooyin badan. Toos u aadista suuqa shaqadu waxay kuu horseedi kartaa noqoshada Hele-Dire, taasi oo ah xirfad ididiilo leh qaybta Loojistiga iyo Gaadiidka Windsor-Essex! Hele-Dire wuxuu raraa, dejiyaa, oo uu diiwaangaliyaa dhaqdhaqaaqa alaabta iyo badeecada isagoo u gaynaya kana keenaya ganacsi. Mushqaayadda dhexe ee deegaanka ee xirfaddan waa $18/saacaddii. Macluumaad dheeraad oo kusaabsan Shaqaalaynta Ontario, booqo www.tcu.gov.on.ca/eng/employmentontario/ *Dhammaan tafaasiisha muunadaha xirfadda waxa laga keenay Canada Job Bank. Si aad wax badan uga barato shaqooyinkan iyo xirfadaha kale, booqo www.jobbank.gc.ca Tusaalaha Dheefta Dhibta Muunadda Dhabbaha Xirfadaha DHABBOOYINKA XIRFADAHA Waxa jira afar dhabbo xirfadaha oo suurogal ah kadib dugsiga sare. Dhabbo kastaa waxay leedahay dhib iyo dheefba mid kastaana waxay qofka u horseedi kartaa shaqaalayn macne iyo ididiilo leh. Ma jirto dhabbo ka wanaagsan ama ka xun kuwa kale – dhammaan waxay ku xidhan tahay baahiyaha iyo himilada ilmahaaga. QALABKA XIRFADDA EE WAALIDIINTA

Upload: others

Post on 08-Sep-2019

25 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: MEE SHAQOOYINKU? DHABBOOYINKA XIRFADAHA · Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan xirfad barashada, booqo KUULIYADDA: Waxaad heli diblooma oo aad sida badan baranaysaa xirfado la isticmaali

BEERAHAWakiilo, La-taliyayaal, iyo Khabiiro Xannaanada oo Beeraha ah iyo Horjoogayaasha Shaqaalaha iyo Xoogsatada Greenhouse, Habaynta Cuntada, Sharaabka, iyo Tubaakada

DHISMAHAMaareeyayaasha iyo Kormeerayaasha Dhismaha Qadardaraaslayaasha iyo Horjoogayaasha, Xirfadaha Nijaaradda/farayaamo Shaqaalaha Mikiinadda DhismahaKuuliga iyo Xoogsatada Xirfadaha Dhismaha

SAYNISKA CAAFIMAADKAFarmasiilayaashaMadaxa Kalkaalisooyinka iyo HorjoogayaashaKalkaalisooyinka DiiwaangashanAdeegayaasha Bulshada

MACLUUMAADKA, ISGAADHSIINTA, TEKNOOLAJIGA

Farsamo-yaqaanada Xidhiidhka Kombiyuutarrada

Maareeyaha Nidaamyada Kombiyuutarka iyo Macluumaadka

Injineerada Kombiyuutarka

Nashqadeeyayaasha Garaafigiska iyo Tusiyayaasha

LOOJISTIGA & GAADIIDKAHagayaasha iyo Hawlwadeenada RaadiyowgaWadayaasha Gaadiidka WaawaynRarayaasha iyo DejiyayaashaMaareeyayaasha GaadiidkaKastamada, Markabka, iyo Dallaaliinta Kale

WARSHADAYNTAMaareeyayaasha warshadayntaAlxanlayaasha & Hawlwadeenada Mishiinada la Xidhiidha Teknoolajiyahanada Makaanikaal Injineerinka & Farsamo-yaqaanadaInjineerada

DALXIISKA & SOODHAWAYNTAShaqaalaha Marfishka Cuntada, Caawiyayaasha JikadaHorjoogayaasha Adeegga CuntadaHorjoogayaasha Ganacsiga TafaariiqdaBaar-ka-adeegayashaSoodhaweeyayaasha Diyaaradaha

MEE SHAQOOYINKU?Waxaa suurogal ah inaad rabto ilmahaagu inuu doorto xirfad leh fursado shaqo oo badan, taasi oo ah sababta ay muhiim u tahay inaad fiiriso shaqooyinka jira. Qaybaha iyo xirfadaha soo socda waa ididiilo Windsor-Essex waxaana la filayaa inay sii ahaadaan ahaanshaha ididiilo mustaqbalka. Waxaad ka baran kartaa wax badan oo kusaabsan qaybahan iyo shaqooyinka haddaad booqato websaytka Xoog-maalka WindsorEssex: www.workforcewindsoressex.com

Qalabkan xirfaddu wuxuu kaa caawin doonaa inaad taageerto sahaminta xirfadda ee ilmahaaga isagoo ku siinaya xeeladaha

qaar xirfadda iyo is-milicsiga oo uu ku bari qaar kamid ah fursadaha shaqaalayn ee ididiilada leh Windsor-Essex ka jira.

KHAYRAAD LOOGU TALOGALAY CAAWINTA ILMAHAAGA FASALKA 7/8 OO LEH HAYAAN XIRFADEED

Iyadoo uu maalgaliyey Wasaaradda Waxbarashada Ontario Deeqda Gaadhista Waalidiinta, khayraadkan waxa abuuray Xoog-maalka Windsor-Essex iyagoo kaashanaya Guddida Degmo-Dugsiyeedka Windsor Essex Catholic ee Guddida Ku-Luglahaanshaha Waalidka.

OntarioMINISTRY OF

EDUCATIONMa u Baahan Tahay Macluumaad Dheeraad ah? La xidhiidh: Stephanie Dupley oo joogta Xoog-maalka WindsorEssex

[email protected] | [email protected]

XIRFAD BARASHO: Waxaad qaban sannado tabobar lacag lagu siinayo si aad u noqoto qof Barta xirfad gaar ah. Shaqayso adigoo wax baranaya: waxaad samayn kartaa lacag inta aad waxbarashada kujirto waxaanad mutaysan kartaa deeqaha loogu talogalay xirfad-bartayaasha.

Waayo-aragnimada tooska ah ee shaqada: waxaad la kulmi xirfadda dhabta ah inta aad wax baranayso. Windsor-Essex waxa taala baahi loo qabo dadka xirfadda leh.

Waa inaad hesho loo-shaqeeye kuu qaadan kara xirfad-barte ahaan.

Xirfad barashadu waxay horseedi kartaa noqoshada Shaqaalaha Mikiinadda ee Dhismaha, taasi oo ah shaqo ididiilo leh qaybta dhismaha Windsor-Essex ! Shaqaalaha mikiinadda Dhismuhu waxay rakibaan, joogteeyaan, hagaajiyaan, oo dayactiraan mishiinada iyo qalabka. Mushqaayadda (Mushahaarka) dhexe ee deegaanka ee xirfaddan waa $27.20 saacaddii.

Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan xirfad barashada, booqo www.earnwhileyoulearn.ca

KUULIYADDA: Waxaad heli diblooma oo aad sida badan baranaysaa xirfado la isticmaali karo.

Dibloomada kuuliyaddu sida badan waa ka raqiisan tahay una baahan tahay wakhti ka yar marka loo eego digriiga jaamicadda.

Waxaad heli aqoon toos ah waxaanad isku diyaarin shaqooyin gaar ah.

Shaqooyinka ayaa u baahan kara digrii jaamicadeed.

Dibloomada kuuliyaddu waxay horseedi kartaa noqoshada Farsamo-yaqaano Xidhiidhka Kombiyuutarka, taasi oo ah shaqo ididiilo leh qaybta Macluumaadka, Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Windsor-Essex ! Farsamo-yaqaanada Xidhiidhka Kombiyuutarku waxay abuuraan, hawlgaliyaan, joogteeyaan, oo abaabulaan isticmaalka xidhiidhada meelaha dhaw iyo meelaha fog (LANs iyo WANs), xidhiidhada maynfeymka, qalabka haadhweerka, barnaamijyada softiweerka, iyo qalabka kombiyuutarka ee la xidhiidha. Mushqaayadda dhexe ee deegaanka ee xirfaddan waa $27.01 saacaddii.

Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan kuuliyadaha Ontario, booqo www.ontariocolleges.ca

JAAMICAD: Waxaad heli digrii sida badanna waxaad baran aqoon aragti ah

Dadka jaamicadda ka qalinjabiya sida qaalibka waxay sameeyaan lacagta u badan inta ay nool yihiin.

Shaqooyin badan ayaa u baahan digrii jaamicadeed.

Hel aqoon aragtiyeed iyo xirfadaha fekerka muhiimka ah.

Sida badan ikhtiyaarka ugu qaalisan; arday intooda badan waxay galaan dayn.

Digrii jaamicadeed wuxuu kuu horseedi karaa inaad noqoto Farmasiile, taasi oo ah shaqo ididiilo leh qaybta Sayniyada Caafimaadka ee Windsor-Essex! farmasiiluhu wuxu isku daraa waxaanu bixiyaa daawooyinka dhakhtarku soo qoro, kaqaybqaataa cilmibaadhista iyo horumarinta waxsoosaarka daawooyinka, waxaanu bixiyaa adeegyo la-talineed. Mushqaayadda dhexe ee deegaanka ee xirfaddan waa $53.60/saacaddii.

Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan jaamicadaha Ontario, booqo visit www.ouac.on.ca

SUUQA SHAQADA: Waxaad ka iman dugsi sare ilaa shaqada.

Looma baahna inaad lacag u bixiso waxbarashada, markaa lacag badan ayaad dhigi kartaa.

U bixi kartaa waxbarasho/tabobar dheeraad ah markaad doonto.

Heli waayo-aragnimo qiime leh oo aad caalim ku noqon waxa aad ku jeceshahay iyo waxa aad ku neceb tahay xirfad

Waxa dhici karta inaad buuxin waydo shuruudaha shaqooyin badan.

Toos u aadista suuqa shaqadu waxay kuu horseedi kartaa noqoshada Hele-Dire, taasi oo ah xirfad ididiilo leh qaybta Loojistiga iyo Gaadiidka Windsor-Essex! Hele-Dire wuxuu raraa, dejiyaa, oo uu diiwaangaliyaa dhaqdhaqaaqa alaabta iyo badeecada isagoo u gaynaya kana keenaya ganacsi. Mushqaayadda dhexe ee deegaanka ee xirfaddan waa $18/saacaddii.

Macluumaad dheeraad oo kusaabsan Shaqaalaynta Ontario, booqo www.tcu.gov.on.ca/eng/employmentontario/

*Dhammaan tafaasiisha muunadaha xirfadda waxa laga keenay Canada Job Bank. Si aad wax badan uga barato shaqooyinkan iyo xirfadaha kale, booqo www.jobbank.gc.ca

Tusaalaha Dheefta Dhibta Muunadda Dhabbaha Xirfadaha

DHABBOOYINKA XIRFADAHAWaxa jira afar dhabbo xirfadaha oo suurogal ah kadib dugsiga sare. Dhabbo kastaa waxay leedahay dhib iyo dheefba mid kastaana waxay qofka u horseedi kartaa shaqaalayn macne iyo ididiilo leh. Ma jirto dhabbo ka wanaagsan ama ka xun kuwa kale – dhammaan waxay ku xidhan tahay baahiyaha iyo himilada ilmahaaga.

QALABKA

XIRFADDA EE

WAALIDIINTA

Page 2: MEE SHAQOOYINKU? DHABBOOYINKA XIRFADAHA · Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan xirfad barashada, booqo KUULIYADDA: Waxaad heli diblooma oo aad sida badan baranaysaa xirfado la isticmaali

Masuuliyad/La-xisaabtan Masuuliyad saar kana xisaabi/u qabso.U oggolow inuu u dhammaystiro hawlaha ama mashaariicda si iskii ah (sida inuu ranjiyeeyo qolkiisa).

Go’aan QaadashadaU oggolow inuu qaado go’aanada u badan ee suurogal ah. Sii doorashooyin u saamaxaya inuu go’aano qaato isagoo miisaamaya ikhtiyaarada.

Dabeecad ToganKala hadal sharafta/oofinta hammigiisa kaasi oo ka soo bilaabmaya dhammaystirka hawsha. Ku ammaan dadaalkiisa (markasta maya maxsuulka) markuu dhammaystiro hawl.

Xirfaddaha HoggaamintaKu boori ilmahaaga inuu ku baro sida loo qabto wax uu ku fiican yahay ama lagu qaddariyo.Ka codso taladiisa ama jawaabcelintiisa shay.

Qorshaynta/Dhigista HadafWaydii inuu qorsheeyo socdaal ama cashada qoyska.Iyagu loo abuuro ahdaafo yaryar oo ka warhay horumarkiisa.Ku boori inuu dareen u yeesho waxa ku dhiirigalinaya inuu gaadho ahdaafyadooda iyo waxa iyagu diidayaya.

XIRFADAHA YAHAANKA XIRFADDA ILMAHAAGA Waxa hoos ku yaala qaar kamid ah xirfadaha iyo qaababka aad u caawin karto inaad ka dhisto xirfadahan ilmahaaga.

KOBCINTA XIRFADDA ILMAHAAGAIlmahaagu wuxuu waajahayaa adduun shaqo oo si joogto isku beddelaya teknoolajiga oo horumaraysa iyo isbeddellada dadka dartood. Aad ayey suurogal u tahay in ilmahaagu maalin ka shaqayn doono shaqo aan wali jirin! Waxa muhiim ah in ilmahaagu awoodo inuu garto waxyaalaha uu daneeyo iyo xirfadaha oo uu barto sida kuwan ugu habboonaan karaan shaqooyinka jira. Habkan wuxuu ka qayb yahay hayaanka xirfadeed ee ilmahaaga. Awood saarista habkan fasalka 7 iyo 8 waxay ka dhigan tahay in ilmahaagu gali doono dugsi sare oo si fiican ugu qalabaysan inuu qaato go’aano la xidhiidha koorsada iyo xirfadda.

Waa kuwan xeelado aad isticmaali karto si ay uga caawiyaan ilmahaaga afarta tallaabo ee wareeggan sahaminta xirfadda

1 IS-MILICSIMarka uu baadhayo waayo-aragnimadiisa, ilmahaagu wuxuu waydiin karaa:

� Maxaan ku jecelahay/ku necebahay waayo-aragnimadan? � Maxaa iga dhiga inaan dareemo degganaan/degganaan la’aan? � Naftayda wax ma ka bartay? � Ma jeclaan lahaa inaan tan sameeyo mar labaad?

Ilmahaagu sidoo kale wuxuu kaa waydiisan karaa caawimo tan. Waxaad ka siin kartaa faham dhinacyada kala duwan ee is-aqoonsiga sida:

� Waa maxay waxyaalaha uu ku fiican yahay? Ku xun yahay? � Maxay dadku ku ammaanaan? � Goorma ayuu u muuqdaa mid caajisan? � Muxuu uga lumaa dhabbagalka wakhtiga wax qabashadu? � Xaaladahee ama bey’adahee ayuu yahay sida ugu dabiicisan & ugu deggan?

� Waa maxay maaddooyinka uu ku fiican yahay/ku xun yahay?

Ilmahaagu sidoo kale waxa dhici karta inuu xiiseeyo galista qiimayn xirfadeed oo onlayn ah oo dadban. Waxaad ka heli kartaa Liiska Qiimaynta Onlaynka ah halkan: http://bit.do/oal

HABKAFasalka 7 iyo 8, ilmahaagu wali wuu yar yahay waxayna u dhawdahay inay wali xilli hore tahay inuu doorto xirfad, laakiin wuxuu kujiraa da’da saxda ah inuu sahamiyo xirfadaha iyo waxyaalaha uu daneeyo. Qalabkan wuxuu kaa caawin doonaa qaybta sahaminta xirfadda ee hayaanka xirfadda ee ilmahaaga. Wareegga sahaminta xirfadda waxa lagu iftiimiyey tallaabada 4 ee hoose.

IS-MILICSIGA: Milicsiga kusaabsan

waayo-aragnimada in la barto waxa qofku

daneeyo, hibooyinka, xirfaddaha, iyo shaqada/doorbidyada barashada.

SAHAMINTA XIRFADDA:

Wax ka baro xirfadaha u badan ee aad karto

oo dareen u yeelo kuwa adiga ku habboon

is-aqoonsigaa.

U DHABBAGALKA AQOONTAN: Diiwaangali oo

wax-ka-beddel inta aad naftaada wax ka

baranayso.

ISKU-DAYGA SHAYADA:

Sahami waxyaalaha aad danayso

adigoo isku-dayaya waxyaalo cusub.

1

3

24

IS-AQOONSIGAWaa maxay waxyaalaha aan jecelahay ee aan xiiseeyaa?

Waa maxay waxyaalaha aan necebahay?

Waa maxay xirfadahaygu?

Maxaan ku fiicanahay?

Maxaa igu dhiirigaliya inaan shaqo qabto?

Waa maxay xaaladaha shaqayn ee aan doorbidaa?

Waa maxay qiyamyadaydu?

Sidee ayaan sida ugu fiican u bartaa?

Waa maxay waxyaalaha aan ku xumahay?

Maxaan u malaynayaa guushu inay u egtahay?

Waa maxay macluumaadkani?

Waa maxay waayo-aragnimada

i baray macluumaadkan?

Tusaale: Waxaan jecelahay inaan noqdo hal-abuur.

Waan ku faraxsanaa markii aan dhisayey tooyga la dhiso (legos)

iyo markii aan u samaynayey warqad

sawir leh dugsiga

2 U DHABBAGALKA IS-AQOONSIGANIlmahaagu wuxuu u dhabbagali is-aqoonsigan isagoo ku diiwaangalinaya buug ama dokumenti elektarooni ah. Inta badan ee uu ka barto naftiisa, waa inta badan ee uu ku dari karo oo waxna ka beddeli karo is-aqoonsigan uuna raadin karo nidaamyo (tusaale ahaan, haddii ilmahaagu had iyo jeer uu faraxsan yahay markuu abuurayo, tani waxay noqon kartaa nidaam). Markuu helo nidaamyadan, wuxuu bilaabi karaa fiirinta xirfadaha ku habboonaan kara nidaamyadan.

3 SAHAMIN XIRFADEEDWaxay u noqon doontaa wax fiican ilmahaaga inuu la kulmo xirfadaha ugu badan ee suurogal ah si uu u ogaado ikhtiyaaradiisa una bilaabi karo inuu ka fekeo waxa ugu fiican.

Waxa jira qaabab kala duwan oo ilmahaagu u sahamin karo xirfaddahan:

� La wadaag taariikhdaada xirfadeed (guulaha, fashalyada, doorashooyinka, iwm.) ilmahaaga.

� Wuxuu waydiin karaa dadka (qaraabada, saaxiibada, iwm.) wax kusaabsan xirfaddahooga. Ku boori ilmahaaga inuu dadka waydiiyo su’aalaha sida:

Maxaad ku dooratay xirfaddan? Maxaad ku jecalahay/ku necebahay xirfaddan? Maxaad qabataa maalinta caadiga ah xirfaddaada? Waa maxay xirfadaha & waxbarashada aad u baahan tahay si aad u gasho xirfaddaada? � Aqoonso xirfadaha ku lugta leh waxyaalaha ay daneeyaan. Tusaale ahaan, haddii ilmahaagu ka helo geemiska fiidyowga, kala hadal noocyada shaqooyinka ku lugta leh abuurista iyo iibinta geemiskaas.

� Markaad dibadda bulshada la joogto, kala hadal xirfadaha kala duwan ee aad la kulanto.

� U sahami waxyaalaha ilmahaagu daneeyo qaabab kala duwan oo madadaalo ah. Daawo filimada, akhri buugaagta, ama ciyaar geemiska la xidhiidha waxyaalaha uu daneeyo si uu sahan dheeraad ah ugu samayn karo.

� Ilmahaagu wuxuu samayn karaa baadhitaano internet ee noocyo xirfado oo kala duwan (sida “xirfadaha hal-abuurka”). Ka fiiri baraha fiidyowga xirfadeed kuwaasi oo ka dhiga wax ka barashada xirfadda wax siiso badan sida:

http://www.careertrekbc.ca/ | http://www.insidejobs.com/

4 WAX ISKU DAYIDDAKani waa mid kamid ah qaybaha ugu muhiimsan sahaminta xirfadda. Ilmahaagu wuxu baran doonaa wax badan oo naftiisa kusaabsan marka uu isku dayo wax badan wuxuuna isticmaali karaa is-aqoonsigan si uu u sahamiyo xirfadaha. Sidoo kale wuxuu baran doonaa wax badan oo kusaabsan xirfadaha wuxuuna la soo bixi xirfado cusub kuwaasi oo qiime u yeelan kara isaga mustaqbalka. Waa kuwan qaababka qaar ilmahaagu ula kulmi karo waxyaalo kala duwan.

Marka ilmahaagu wax isku dayo, wuxuu ku laaban karaa tallaabada is-milicsiga oo uu milicsan karaa waayo-aragnimadaas.

� Isku dayidda hawlaha manhajka ka baxsan ama kalaabyada

� Shaqo booqashada (Tus. Gee Ilmahaaga Shaqada maalmo)

� Mutadawacnimo Samayn

� Socdaalid