nuxurka fikradaha shirarkii soradi ee · doorashooyinka ... xiligan labada doorsaho u dhexeeyey...
TRANSCRIPT
4
5
6
Nuxurka Fikradaha Shirarkii SORADI Ee
Geeddi-Socodka Dimuqraadiyadda Somaliland
Qoraalo La isu soo Minguuriyey
7
Xuquuqda Daabacaadda
Buuggan xuquuqdiisa daabacaadda waxa is ka leh Machadka Cilmibaadhista Bulshada iyo
Horumarka ee SORADI December 2013. Waxa reeban in buuggan si kale loo isticmaalo iyada
oo aan fasax laga haysan Machadka, marka laga reebo tix-raac kooban oo loo qaato buugaagta
iyo qoraalada. Si aad fasax iyo xog ba u hesho fadlan la xidhiidh Machadka Cilmibaadhista
Bulshada iyo Horumarka ee SORADI.
Fikradaha uu xambaarsanyahay qoraalkani waxa masuuliyadooda is ka leh qoreyaasha, mana
matalaan mawqifka rasmiga ah ee Machadka.
Wixii macluumaad intaa dheer la soo xidhiidh SORADI.
Hargeisa, Somaliland
http://www.soradi.org
Tel: +252-2-566066
8
TUSMADA
Hor-dhac ........................................................................................................................................................................ 9
Qaybta Koowaad ......................................................................................................................................................... 10
Doorashooyinka ........................................................................................................................................................... 10
Qormada Koowaad: Casharada Laga Baran Karo Doorashadii Labaad Ee Golayaasha Deegaanka Somaliland Ee
28 Nov 2012. ........................................................................................................................................................... 11
Qormada Labaad: Doorasho Xor Oo Xalaal Ah Iyo Doorka Goobjoogayaasha Caalamiga Ah ............................. 24
Qaybta Labaad ............................................................................................................................................................. 32
Dhismaha Hay’adaha Dawliga ah ................................................................................................................................ 32
Qormada Saddexaad: Falanqayn Sharci Oo Ku Saabsan Maxakamadda Distooriga Ah Ee Somaliland. .............. 33
Qormada Afraad: Aragtida Dadweynuhu Ka Qabo Golayaasha Deegaanka Somaliland ..................................... 38
Qaybta Saddexaad ....................................................................................................................................................... 59
KA QAYBGALKA SIYAASADDA IYO KOOTADA HAWEENKA ........................................................................................... 59
Qormada Shanaad: Taxanaha Raadsashada Kootada Haweenka Somaliland ...................................................... 60
Qormada Lixaad: Waayo-Aragnamadii Haweenay Isu Taagtay Doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland Ee
2005 ......................................................................................................................................................................... 73
Qaybta Afraad .............................................................................................................................................................. 81
Saxaafadda iyo Xorriyadda Hadalka ............................................................................................................................ 81
Qormada Todobaad: Saxaafadda Iyo Qurba Joogga Somaliland .......................................................................... 82
Qormada Siddeedaad: Warbaahinta Somaliland: Hab-dhaqankeeda Maanta, Xeerarka Iyo Xakamaynta Jirta 87
Qaybta Shanaad ........................................................................................................................................................... 94
Aqoonsiga Somaliland iyo Wadahadalada Soomaalida ............................................................................................... 94
Qormada Sagaalaad: Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya- Dhinaca sharciga. ............................................. 95
Qormada Tobnaad: Wadahadalada Soomaalida Iyo Xaaladda Somaliland ........................................................ 102
9
HOR-DHAC
Machadka SORADI isaga oo ka duullaya mabaadidiisa shaqo ee kobcinta Dimuqraadiyadda,
Dawlad Wanaagga iyo Xuquuqal Iinsaanka, waxa uu si xidhiidh ah u qabtay shirar sannadeedyo
isagoo la kaashanaya hay’adda Heinrich Boul Foundation (HBF) iyo taageerada maaliyadeed ee
deeqsinimada leh ee Midowga Yurub. Dhamaan shirarkaas waxa ka soo baxay buugaag la isugu
soo ururiyay qoraaladii lagu bandhigay shirarkaas. Mudadaas SORADI waxay daabacday shan
buug oo si qoto dheer loogu lafo-guray caqabadaha iyo guulaha hanaanka dawlad-dhiska iyo
Dimuqraadiyadda ee Somaliland: (1) Somaliland iyo Caqabada Doorasho Xor iyo Xalaal ah-
2009 (2) Horumarka Rubuc qarni ee Nabad waartay, dawlad-dhis iyo Dimuqraadiyada-2011 (3)
Dawladnimada iyo Aqoonsiga Somaliland iyo Wadahadalka Soomaaliya-2012 (4) Caqabadaha
Dimuqraadiyadeed: Falanqayn Doorashooyinkii Somaliland iyo Doorkii Aqoonyahanka
Madaxabanaan-2013 (5) Xoriyadda Saxaafadda: Fursadaha iyo Caqabadaha-2013.
Dhamaan qoraalada kor ku xusan waxay ku qoranyihiin luuqada Ingiriisiga. In kasta oo
aqoonyahanka, wax-garadka iyo xirfadlayda bulshadu ay aad u daalacdaan buugaagtan, haddana
waxa aan fursad u helin inay ka faaiidaystaan dadwayne tiro badan, gaar ahaan dadka ku hawlan
dawladnimada ilaa heerarka ugu hooseeya oo loogu talogalay in qoraaladani saameeyaan.
Arintanu waxay sababtay in aanay bulshada Somaliland si mug leh uga faa’iidaysan buugaagtan.
Sidoo kale arintanu waxay dabartay bulshada afka Soomaaliga kaliya ku hadasha oo wax badan
ka baran lahayd buugaagtan xambaarsan aqoonta iyo khibrada dawlad-dhiska Somaliland. Sidaa
daraadeed Machadka SORADI waxa uu go’aansaday in nuxurka qaar ka mid ah qoraaladii ugu
muhiimsanaa ee laga daabacay afartii shir lagu turjumo afka Soomaaliga.
10
QAYBTA KOOWAAD
DOORASHOOYINKA
11
Qormada Koowaad: Casharada Laga Baran Karo Doorashadii Labaad Ee
Golayaasha Deegaanka Somaliland Ee 28 Nov 2012.
Qore: Dr. Mohamed Fadal
(Raad-raaca qoraalkan la soo koobay waxa laga heli karaa buugga “Somaliland Press
Freedom: Challenges and Opportunities”).
Maqaalkanu waxa uu soo gudbinayaa waaya aragnimadaydii hawlgalkii dhowaa ee geedi
socodkii loo maray sidii ay qabsoomi lahayd doorashada degaanka, iyo caqabadihii hortaagnaa
ee laga gudbay. Sidoo wuxu maqaalku soo gudbinayaa caqadahii iyo goldaloolooyinkii ka
muuqaday qabanqaabada iyo qabashada doorashada. Waxa maqaalka ujeedadiisu tahay in marka
hore war la helo (war la helaa tao la helaa), ka dibna loo hawgalo, lagana wada tashado sidii
aynu u sixi lahayn wixii qaloocday ee aynu awoodno, wixii awoodeedu inaga maqantahay aynu
u ogaan lahayn uga gaashaaman lahayn. Mar haqddii uu yahay dareen iyo waayo aragnimo
wakhti dhaw iyo qof kelya waa lagu kala duwanaan karaa xaqiiqada iyo sida wax u dhaceen, waa
in ciddii kale aragti ka duwan lehi iayan soo bandhigtaa si wax aynu xalilano. Haddii ama
Koomishanka ama Xukuumadda amaba xisbiyada la dhaliilo, waxay ku kooban tahay hawshaa
doorashad ee mid guud ma aha, waana in wax la saxo lana wada hadlo.
I. Wadciga Jiray
Doorashadani waxay xambaarsanayd laba ujeedo oo isku miisaan ah: b) Doorashada
Xildhibaanada Golaha Deegaanka t) Ansixinta Xisbiyada Qaran. Waxa u dhaxaysay mudo sagaal
sano iyo todoba bilood ah xiligii ay qabsoontay doorashadii koowaad ee Golaha Deegaanku
bishii December 7deedii 2002 iyo doorashadan hada ugu dambaysay ee qabsoontay 28ka bisha
November 2012.
Xiligan labada doorsaho u dhexeeyey intiisa badan, gaar ahaan sanadihii 2007 ilaa 2010,
bulshada reer Somaliland iyo Dawladooduba waxay la lagdamayeen xaqiijinta doorashada
labaad ee Madaxtooyada, waxaanay si u kas ah uga gaaf-wareegeen doorashada Golayaasha
Deegaanka si ay dib ugu dhigtaan in aya waajahaan mushkiladaha tirada badan ee horyaalay
qabsoomida doorashada Golayaasha Deegaanka. Kadib markii ay si guul ah uga gudbeen
isbaaradii ugu muhiimsanayd ee qabashada doorashada Madaxwayne 26kii June 2010, indhaha
qaranku waxay u usoo jeesteen doorashadii mudo dhaaftay ee Dawladaha Hoose iyo duruufihii
siyaasadeed ee ku gadaamnaa oo ay kow ka hayd in saddexdii xisbi ee markaa jiray ay keligood
iyagu ordi doonaan doorashada iyo in saaxadda siyaasada loo furo xisbiyo cusub.
Kadib markii la qaatay go’aanka in la furo saaxadda siyaasada Somaliland, waxay ka gudubtay
isbaaradii labaad ee ugu muhiimsanayd horumarka Somaliland taas oo dhalisay in 15 Urur
12
Siyaasadeed iyo Saddexdii Xisbi Qaran ee markaa jiray ay iska diiwaan galiyaan Hay’adii
markaa la abuuray ee Gudida Diiwaangalinta iyo Ansaxinta Xisbiyada Qaran. Waxa sidoo kale si
fiican looga gudbay isbaaro saddexaad markii ay Gudidii Diiwaan Galintu ku kala saareen
ururadii iyo Xisbiyada tartamayay oo ay kasoo baxeen todoba urur siyaasadeed iyo saddexdii
Xisbi ee hore u jiray si ay u tartamaan doorashada labaad ee Golayaasha Deegaanka (inkastoo
sida look kala saaray aanay ceeb la’yn). Intaa ka dib, waxa tartanka ka hadhay Xisbigii UDUB
iyo laba urur siyaasadeed, taas oo tirada soo hadhay ka dhigtay todoba xisbi/urur siyaasadeed oo
ku tartama doorashada Golayaasha Deegaanka.
Waxa kale oo laga gudbay isbaaradii afraad ee ugu adkayd kadib markii ay doorashadii u
qabsoontay si guul ah 28kii November 2012 taas oo ay a) Gudida Doorashooyinka Qaranku ku
dhawaaqeen 353 Xildhibaan oo la doortay b) Gudida Diiwaangalinta iyo Ansixinta Asxaabtuna
ay ansixiyeen saddex Xisbi Qaran oo kala ah ( KULMIYE, WADDANI IYO UCID) 26kii
December 2012. Dadwaynaha Somaliland ayaa ku qaabilay sanadkii cusbaa ee 2013ka guulahaas
faraha badan ee ay ka gaadheen doorashooyinka, inkasta oo dhaawacyo xoogani ka soo gaadheen
dagaalkii ay ugu jireen labadii sano ee ugu dambayey xaqiijinta hawshan baaxada leh iyo inay ka
gudbaan dhamaan isbaarooyinkaas horyaalay.
Talaabo kasta oo la qaadayey marxaladan, waxay dalkan curdinka ah ee soo koraya kaga cuslayd
buuro la riixyo! Runtiina rabitaanka adag ee dadka awgii waxa la dhaqaajiyey buuro
siyaasadeed. Dhamaan himilooyinkaas la gaadhay, waxay ku yimaadeen tartamo adag taas oo
sababtay in tartamayaal siyaaasadeed oo miisaan lihi ay gaadhi waayaan ujeedooyinkoodii, oo ay
mararka qaarkood ay xaalad adag oo nabaadda iyo siyaasadaba saamaysaa timaaddo. Laakiin
ugu danbayntii waxay u tanaasuleen wadcidgii markaa taagnaa awgii oo nuxurkiisu ahaa in
dadku guud ahaan ku qanacsanyihiin in aan loo dabramin goldaloolooyinka nidaamka iyo
haya’daha dawladnimo ee maanta jira ee hore loo socdo, taas oo muujisay bisaylka soo koraya ee
dadka reer Soamliland iyo koboca nidaamka Dimuqraadiga ee ay dhisayaan.
Haddaan kelmado kooban ka idhaahdo sida uu adkaa in isbeddelkanu yimaaddo, ugu horayn,
saddexdii Xisbi Qaran ee markaa jiray waxay difaac adag ka galeen furitaanka saaxada
siyaasadda markii dadka loo bandhigay in ay ka doodaan iyo ugu danbayntiina markii ay timi
Golaha sharci dajinta, laakiin aakhirkii way ku guul daraysteen in ay joojiyaan isbeddelkii
socday, waxaanay aqbaleen natiijadii. Tan labaad, urur siyaasadeedyadii aan ku soo bixin is
reebreebkii Gudida Diiwaangalinta ayaa iyana sidoo kale waxay uga dagaalameen go’aankii
gudida siyaabo dhawr ah oo ay kamid tahay mudaharaado iyo isticmaalka dariiqa sharciyada,
laakin ugu danmbayntii waxay intooda badini aqbashay go’aankii Gudida ee kama danbayska
ahaa. Si kastaba ha ahaatee, rajadu waxa weeyaan in geediga Dimuqraadiyada Somaliland socon
doono, bulshada iyo dawladuna ay xa u heli doonaan wixii ka qaloocday si loo gaadho Is-afgarad
siyaasadeed oo hore loogu socdo laguna wada qanacsanyahay.
13
II. Caqabadaha Doorashad
1. Dhibaatooyinkii Nidaamka Liiska furan
Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee ugu horaysay waxa lagu galay nidaamka xisbiyada ee
liiska xidhan taas oo murashaxiintu kuraasta ku guulaysteen sidii ay ugu kala horeeyeen liiska
xisbiyada/ururada ay kasoo kala jeedaan. Hase ahaatee, wareegii labaad ee doorashada
Golayaasha Deegaanka, sharcigii doorashada waxa loo badalay nidaamka liiska furan. Nidaamka
hore, codbixiyeyaashu waxay u codaynayeen Xisbiga, kaas oo lahaa awoodda xakamaynta sida
uu u kala hor marinayo murashaxiintiisa. Wareegii labaad se, codbixiyeyaashu waxay toos ugu
codaynayeen Murashaxiinta, doorka xisbiguna waxa uu ahaa mid kooban uun hab-maamuus
sharciyadeed.
Nidaamka liistada furani waxa uu ku abuuray Guddida Doorashooyinka iyo daneeyeyaasha
kaleba caqabad qaban-qaabo iyo mid bulsheedba. Nidaamka liistada furan waxa loo
baahanyahay in murashax kastaa leeyahay meel loo calaamadiyo warqada codbixinta, taas oo u
baahatay in Murashax kasta la siiyo sumad u gaar ah oo ay ku garto codeeyuhu. Khibradii laga
dhaxlay doorashadii Baarlamaanka awgeed murashaxiinta iyo codbixiyeyaashu labaduba waxay
sugayeen in warqadda codbixinta lagu daabaco sawirka murashaxa, magaca iyo sumad u gaar ah
murashaxa. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo la tixgelinayo tirada xisbiyada iyo ururada tartamaya
oo ahaa tododaba isu gayn, iyo tirada murashaxiinta golayaasha deegaanka oo dhamaa (2411
murashax), in la sameeyo warqad codbixineed oo ku habooni waxay noqotay caqabad adag oo
mare fudud loo waayey. Ugu dambayntii naqshadii ay qaateen Guddida Doorashooyinka
Qaranku waxay noqotay warqad weyn oo codbixineed oo aan caadi ahayn taas oo ka koobnayd
magacyada todobada xisbi/urur oo mid kasta lagu qoray lambarada murashaxiintiisa. Warqadda
codbixintu lahayn magaca murashaxa, ama sumad khaas ah oo aan ahayn lambarka gaarka u ah.
Waxa lagu doodaa in jahwareerkii dadwaynaha ee ka dhashay nidaamkani uu door ka ciyaaray
qalalaasihii iyo wareerkii doorashada ka dib dhacay.
Habka liiska furani waxa uu sidoo kale fududeeyey kala qaybsanaanta siyaasadeed ee bulshada.
Xaqiiqdii waxa uu liddi ku yahay ujeedooyinka iyo himilooyinka nidaamka xisbiyada badan ee
haddana xadidan ee Somaliland, si loo yareeyo hoos u sii firidhka beelaha ku salaysan. Taasina
waa sababta ay dastuurka Somaliland ugu xardhantahay in kaliya saddex Xisbi Qaran u
tartamaan kuraasta doorasha kasta oo heer qaran ah. Doorka beelaha waxa loo ogolyahay inay
wax ka gaystaan horumarka nidaamka siyasadeed heerarka curinta ugu hooseeya ee ururada
siyaasada ka soo abuurmaan. Habkan Dastuuriga ah iayan waxa dheer in Sharciga
doorashooyinka Golayaasha Deegaanku uu xoojiyay fikirkan iyadoo uu meelmariyay nidaamka
liistada xidhan, taas oo ay xisbiyada qaranku ay majaraha u hayeen doorashada iyo kala
mudnaanshiiyaha liiska murashaxiintooda.
14
Doorashadii ugu horeysay ee Golayaasha Deegaanka 2005tii waxa lagu tartamay nidaamka
liistada xisbiyada. Hase ahaatee, nidaamka sida fiican loo dajiyay waxa mar dambe lagu bedelay
nidaamka liistada furan xiligii u diyaar garawga doorashada golayaasha deegaanka ee ugu
dambeeyay. Taas oo muujinaysa sidaweli aanay u sal dhigin habkeena doorashadu oo loo
baahanyahay in marba wixii qodax ah ee aynu aragno aan ka gurno.
Natiijada ugu wayn ee laga dhaxlay nidaamka liistada furani waxa uu noqday in Murashaxiintii
ay soo xusheen beelihii oo aanay soo xulanin xisbiyadii iyo ururadii. Taasi waxay sababtay kala
furfuranaan iyo tafaraaruq xooggan oo saameeyey ilaa jufooyinka hoose ee beelaha. Jufo kasta
waxay doontay inay yeelato murashax iyaga u khaas ah inay gaysato mid walba todobada
xisbi/urur ee tartamaya. Intaas waxa dheer in xisbiyada iyo ururadii ay u tartamaan
murashaxiinta si ay u buuxiyaan tirada quotada kuraasta ee 23ka degmo-codbixineed ee
Somaliland: sida 25 kursi oo Maroodijeex ah, min 21 kursi dhamaan 5ta gobol ee kale ee laga
codaynayay iyo degmooyinkii hoose. Saamaynta guud ee nidaamka liistada furani yeeshay
waxay ahayd kala tafaraaruqa jufooyinka oo sii qoto dheeraanaya iyo guud ahaan bulshada iyo
sidoo kale mudnaan-siinta saamaynta siyaasadeed ee habka qabiilka oo wiiqaya korriinka habka
dimuqraadiga ee ku salaysnaa mudnaanta dawrka xisbiyada iyo ururada siyaasadda.
2. La’aanta Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha
Diiwaangalintii codbixiyeyaasha ee ugu horaysay Somaliland waxa qarqiyay ku noq-noqosho
iyo musuq-maasuq baahsan oo nasiib daro ay qaybqaateen dhamaan qaybaha daneeyeyaasha
siyaasadda oo ay ka mid yihiin Xisbiyadii Qaranka ee xiligaas jiray, xukuumaddii iyo ugu
mudnaan nidaamkii beelaha. Kadib markii ay guul daraysteen isku dayo badan oo ay sameeyeen
farsamayaqaano caalami ahi si loo nadiifiyo si loo nadiifiyo xogtii diiwaangelinta ee
nashuushadawday, waxa lagu laalay sharci baarlamaan sanadii 2011. Hadaba, tani waxay u
gogol xaadhay in doorashada Golayaasha Deegaanka lagu galo Diiwaangalin la’aan. Waxa la
kala doortay dib u dhacyo iyo sugnaansho la’aanta wakhtiga ay ku qabsoomi doonta diiwaan
galin kale iyo in doorashada Golayaasha Deegaank lagu galo diiwaangalin la’aan. Waxaana la
doortay, oo dhamaan ay isku waafaqeen Hay’ada Fulinta, Sharcidajinta, Xisbiyada, Bulshada
Rayidka ah iyo Bulshad wayntuba arintaa danbe.
Si kastaba ha ahaatee, waxa la iska qirsanyahay in maqnaanshaha Diiwaangalinta
Codbixiyeyaashu ay fududaysay goldaloolooyinkii doorashada Golayaasha Deegaank. Iyadoo
taasi jirto, inta badan doorashooyinka Somaliland waxa lagu geli jiray diiwaangelin la’aan,
haddana heerka wax-is daba marinta iyo eedaha doorashooyinkaas hore sidaas u muu
baahsanayn. Haseyeeshee, maanta arinta muhiimka ahi waxa weeye, in ay sharci tahay in
doorashooyinka kale oo dhan lagu geli doono diiwaangelin, iyadoo la aqoonsanyahay inay tahay
diiwaangelin la’aantu sababta ugu weyn ee dhalisay baylahda doorashadii u dambaysay.
15
3. Arinta Sool iyo Sanaag Bari
Doorashadii ugu horaysay ee Golayaasha Deegaanka, inta badan beelaha Dhulbahante iyo
Warsangeli ee dega dhulka Sool iyo Sanaag Barri waa laga reebay codbixinta sababa amaan
awgood. Hase ahaatee, xiligan taasi may dhicin. Iyadoo xaalka nabadgelyadu sidii hore yahay
ama meelaha qaarkoodna kaba sii liito, ayaa haddana waxa loo qoondeeyay qalabkii doorashada
iyo shaqaalihiiba dhamaan degmooyinka goboladaas; marka laga reebo Demooyinka Badan iyo
Dhahar oo ayaamihii u ugu dambeeyey oo keliya ayay Guddida Doorashadu laaleen codbixintii
labada degmo-doorasho oo muhiim ah oo ay dagaan Warsangaligu kadib markii ciidamada
Puntland ay carqaladeeyeen. Haseyeeshee deegaamada Dhulbaahante ee ee Degmada
Ceerigaabo, Laascaanood iyo Buuhoodle waxa looga hawlgalay sidii goobo amaan. Haddii
sidaasu jiraty waaba hagaag ee runtu waxay thay in aan marka horeba lagu talagelin in codbixini
kadhacdo ee looga dan lahaa in agabka doorashada lagu qaato hadhawna loo tashado oo inta
badan inta ciidan loo dhiibay geed hoostii lagu soo buuxsaday waraaqihii.
Xukuumadda iyo ciddi kale ee arrinka ka soo horjeeddaa ha qabato guddi dhex ah oo soo
baadha. Hadaba su’aasha aasaasiga ahi waxa weeye, Guddida Doorashooyinku miyey gacanta ku
hayeen qalabka iyo agabka kale ee codbixinta iyo shaqaalaha doorashada goobahaas, maxayse
talaabo ka qaadeen xaaladaha ay xisbiyada iyo ururada siyaasadu ka cawdeen inaanay guddidu
gacanta ku haynin qalabka codbixinta iyo shaqaalah midna, gaar ahaan degmaada Ceerigaabo oo
dacwad aan la baadhini ay ka taagnayd 33 sanduuq, qalalaase bandanna ka abuuray degaankaas.
4. Dhaliilaha Sida Qoondaynta Goobaha Codbixinta
Qaabka loogu qaybiyey goobaha codbixinta gobolada iyo degmooyinka dalku kumay salaysnayn
xog-ururin lagu sameeyay bulshada ama tirakoob rasmi ah oo la qaaday intii dawladnimada
Somaliland jirtay. Sidee ayay hadaba ku yimaadeen goobuhu? Gudidii doorashada ee ugu
horaysay ayaa u kala dirtay gobolada dalka xubno ka tirsan iyaga si loo helo goobo codbixineed.
Waxa uu ahaa nidaam tijaabo ah oo ay ahayd in si buuxda dib loogu eego doorashooyinka kala
dambeeya, hase ahaatee taasi may dhicin. Kadib Markii la arkay diiwaangalintii codbixiyeyaasha
ee markii dambe baarlamaanku laaley oo tirade isdiiwaangelisay ay gaadhay ilaa 1.5 malyuun,
goobihii codbixinta waa la laba jibaaray si meel loogu helo iyadoo lagu salyanayo tiradaa soo
baxday ee codbixiye, taas oo sidoo kale ay ka dhalatay in qodob ka tirsan xeerka doorashada uu
qeexo in sanduuq kasta oo codbixineed ay ka codayn doonaan tiro aan ka badnayn750 codbixiye.
Intaa kadib, wakahtigii lagu jiray u diyaar garawga doorashada Golayaasha Deegaanka ee
2012ka, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay badaleen habayntaa hore ee codbixinta
kadib markii hoose loogu sii dhigay tirada waraaqaha codbixinta sanduuqiiba 525 waraaqood.
Arintan oo ka dhalatay sidii loo qaadsiin lahaa warqada codbixinta in lagu daabaco magacyada
todobada Xisbi/urur ee doorashada ku tartamayay iyo 2400 ee murashax taas oo balaadhisay
xajmiga warqada codbixinta. Maadaama oo warqada codbixintu ay ka waynaan doonto kuwii
16
lagu galay doorashooyinkii hore, Gudida Doorashooyinku waxay isku dayeen inay sidoo kale
badalaan tirada sanaaduuqda codbixinta ee goob kasta oo codbixineed iyagoo kordhinaya
meelaha qaar si loo saddex jibaaro, qaarkoodna hoos uga soo dhigay oo ku soo celiyey hal
sanduuq iyagoo go’aankooda ku salaynaya tirada codadka ee laga dhiibtay goob kasta
doorashooyinkii kala duduwanaa kuna fadhiisinaya tirade guud ee 525ka waraaqood ah ee loogu
talo galay sanduuq kasta. Si haddaba looga baxo jahawareerka waxa taagan baahi muhiim ah oo
loo qabo in dib loogu noqday qoondaynta goobaha codbixinta ee jira siiba meelaha miyiga ah,
lana kaabo meelah dadka badan lana koobo meelaha miyiga cidla ah.
5. Dembiyada iyo Cabashooyinka Doorashada
Doorashadan khiyaamada ugu waynayd ee la sameeyay waxay ahayd ku noqnoqoshada
codaynta. Khadka gacanta la marinayay waxa la sheegay inuu aad daciif u ahaa oo ay dadku
isticmaalayeen Jaafeer iyo kiimikooyin kale si ay iskaga gooyaan. Arintani waxay dhalisay ku
noqnoqosho xad-dhaaf ah oo ay gaysteen siiba dhalinyaradu ilaa ay ka dhamaadeen waraaqihii
codbixintu. Khiyaamada labaad waxay ahayd in shaqaalihii goobaha codaynta iyo kooxihii
kormeerku ay isku raaceen in xisbi loo ogolaado amma xisbiyada joogay in lagu shubto
waraaqaha soo hadhay ee codbixinta. Hase ahaatee khiyaamadan iyada ahi waa mid aad u adag
in la ogaado. Khiyaamada saddexaad ee dhacday ee ugu xumayd waxay ahayd in si badheedh ah
loo leexiyo qalabkii codbixinta iyada oo aanay joogin codbixiyeyaal loo calaamadsado
waraaqihii codbixinta dabadeed lagu shubto sanaaduuqda. Arintani kumay badnayn
doorashooyinkii hore ee ina soo maray, hase ahaatee waxay laba kaclaysay oo kor u kacday
doorashadii 2012ka oo ay hormuud ka ahaayeen kuwii ka masuulka ahaa inay hubiyaan
hufnaanshiiyaha iyo karaamada doorashada. Hadaba arinta ugu adag sheekada khiyaamooyinka
doorashada waxa weeyee cida ay tahay inay dabo-gal ku samayso talaabo sharci ahna ka qaado
dhibaatadan.
Xeerka doorashooyinka Somaliland waxa uu qeexayaa nidaam loo maro loona maamulo
cabashooyinka doorashada. Si kastaba ha ahaatee, Maxakamadaha sharciga Somaliland marka
laga bilaabo heer degmo oo ay shaqadooda tahay inay ka hadlaan cabashooyinkaaas wali uma
diyaarsana inay si adag u qaataan masuuliyadooda cabashooyinkana u galaan hab cadaaladi ku
jirto. In kasta oo oo xisbiyo iyo ururo amma xulafo ay u gudbiyeen cabashooyin adag
magaalooyinka Ceerigaabo iyo Saylac, ma jiraan wax lagu qanco oo talaabo ah oo ay qaadeen
maxkamadihii ay khusaysay. Arintani waxay xoojinaysaa fikirka ah in laanta Garsoorku aanay
dawlada ka madax-banaanayn sidaas daraadeedna aanay dacwada ku oogayn Xisbiga talada
haya.
17
III. Dhibaatooyinkii Lala Kulmay Xiligii Diyaargarawga Doorashada Dawladaha Hoose
b) Hawlgelinta Shaqaalaha Goobaha Codbixinta
Gudida Doorashadu waxay xili hore qaateen afar masuul oo wadi doona goob kasta oo
codbixineed iyagoo u maraya xafiisyadooda heer gobol. Gobol kasta oo kamid ah lixda gobol
doorasho dadkan la geeyay waxa laga soo xushay ardayda Jaamacadaha iyo qaar kamid ah
macalimiintooda. Dhanka kale, murashaxiinta Golaha Deegaanka iyo beelahoodii waxay ku
faraxsanaayeen inay ogaadeen inta qabiilkooda ugu jirtay shaqaalaha goobaha, waxaanay sidoo
kale u ololeeyeen in lagu daro xubno ka socda qabiilkooda. Ugu danbayntii liis kama danbaystaa
oo ka kooban wiilal, gabdho iyo macalimiin ayaa la diyaariyay gobol kasta. Liistooyinkaa waxa
loo soo diray Hargeisa. Intaa kadib dadkii waxa lagu kala daadiyay gobolo iyo degmooyin aan
ahayn halkii ay ka yimaadeen, iyadoo aan lagala tashan daneeyayaashii maxaliga ahaa gaar
ahaan murashaxiintii oo iyagu dareemay in la khiyaameeyay. Aynu tusaale usoo qaadano
Ceerigaabo sida ay uga falceliyeen dadkii aan lagu wargalin isbadalka dhacay;
Magaalada Ceerigaabo nidaamka loo qaatay shaqaalah doorashadu waxa uu ahaa mid ka fog
habsanaan. Shaqaaqooyin isku xigxiga ayaa hadheeyay hawlgalkan ka hor maalinta codbixinta.
Mushkiladii ugu horaysay waxay dhacday markii murashaxiintii deegaanku ka waayeen
inamada, hablihii iyo macalimiintii beeshooda liistadii ugu danbaysay ee gudoomiyaha iyo
gudoomiye ku xigeenada goobaha codbixinta. Liiskan waxa laga soo diray Hargeisa, maalmo ka
hor codbixinta. Afarta beelood ee ugu waawayn ee dega Ceerigaabo waxay isku buuxiyeen shaki
iyo kutiri-kuteen ah in beelihii kale ay ka badiyeen oo ay ardaydoodii jaamacadaha iyo
macalimiintoodii usoo direen inay maamulaan goobihii codbixinta, kuwoodiina meesha ka
saareen. In mudo ah waxa sidoo kale kululaaday Xisbiyada qaranka iyo masuuliyiinta ururada
Siyaasada intii aanay ka war-helin in Gudida Doorashadu isku badal ku sameeyeen liistooyinkii
gobolada. Waxay noqotay in xisbiyadu qaataan masuuliyada inay qanciyaan murashaxiintoodii
iyo waliba beelihii ay kasoo jeedeen in dhamaan ardaydii jaamacadaha iyo macalimiintii loo
qaatay inay maamulaan goobaha codbixinta in loo kala wareejiay dhamaan lixda gobol ee
Somaliland; tusaale ahaan kuwa laga qaatay Sanaag waxay tagi doonaan Saaxil Iwm. Warkan
lagu dajinayo xaalada waxa ku jiray in aan isku badalka lagu darin labadii qof eek a socday
Gudida Doorashada ee joogayay goobta codbixinta. Arintani waxay siisay murashaxiintii
daganaansho mar haddii ciduun ka tirsan beeshoodii kusoo hadhay goobihii codbixinta.
Iyadoo arintu sidaas ah, waxa dhacay wax ka yaabiyay dadkii oo dhan, kadib markii in yar uun
ka hor intaan la rarin qalabka doorashada iyo shaqaalaha ay Gudida doorashadu soo direen
liistadii kama danbaysta ahayd oo isku badal badan oo kale lagu sameeyay shaqaalihii, oo
markan ay ku jiraan labadii qof ee markii hore goobaha codbixinta lagaga tagay. Markan,
Gudidu waxay isku badaleen labada qof ee ka socda Komishanka goob walba oo ka tirsan
goobaha isla gobolkaas uun. Murashaxiinta iyo beeluhuba may garanahayn qof qudha oo kamid
ah dadka loo soo diray goobohoodii codbixinta. In kasta oo fikriyan arintani ay u wanaagsanayd
18
ku kalsoonaanta doorashada, may ahayn mid ku fadhida wadciga iyo xaqiiqooyinka yaalay
meesha in daqiiqadaha ugu danbeeya lasoo daayo liisto cusub, waxaanany khatar galisay
doorashada oo dhan; iyadoo marka horeba shaki badani dul hoganayay shaqada Gudida
Doorashada iyo Dawlada. Arinta Ceerigaabo, markii liiska lasoo diray habeenimadii 26ka
November, waxa cirka isku shareertay cadhada dhamaan qabiilooyinka iyo murashaxiintoodu
oo qolo waliba u qaadatay in Gudida Doorashadu ka xidheen dhamaan albaabadii rajada.
Waxay arintu sidaas ku jirtaba oo habeenkii oo dhan rabshado iyo dhaqdhaqaaq badani
hadheeyaan magaalada, subaxnimadii ayay wax kala cadaadeen siiba u kala cadaadeen
murashaxiintii iyo taageerayaashii Xisbiga Kulmiye. Murashaxiinta kale, siiba Mayorkii
awooda badnaa ee Ceerigaabo ayaa madashii uga faaiidaystay inay ku muujiiyaan kalsooni
darada ka haysa dhinacyada kale ee u diyaar garawga doorashada waxaanay dhigeen isu soo
bax wayn oo lagu xidhay xarunta Gudida Doorashada ee Ceerigaabo oo ay yaaleen qalabkii
doorashada ee meelaha ka baxsan Ceerigaabo oo la doonayay in subaxaa la raro. Xanibaadani
waxay socota ilaa 5:30 kii galabnimo oo aanu baabuur kaliya ka bixin xerada si loogu raro
qalabka doorashada meelaha fogfog ee qaarkood qaadan karaan maalin dhan iyo qaar ilaa
habeenkii si loo gaadho. Ugu danbayntii in yar ka hor gabal dhicii waxa kala dareeray
banaanbaxayaashii oo ay gacan ka gaysteen Mayorkii iyo xildhibaanadii kale oo wali aan
cabashadoodii la qancin.
Inta badan dhibaatooyinka kor ku xusani waa kuwo laga badbaadi lahaa haddii Gudida
Doorashadu xilkeeda gudato oo xog ku filan oo ku saabsan doorashada siiso dhamaan
daneeyayaasha, sida Xisbiyada iyo ururada siyaasada, murashaxiinta iyo masuuliyiinta heer
gobol; sidoo kale haddii Gudida Doorashadu eegi lahayd meelaha ay ka jiraan cabashooyinka
wax ku oolka ah ee bulshada ka hor intaanay doorashadu qabsoomin. Gudida Doorashadu
sideedaba way ku adagyihiin markay timaado bixinta xogta doorashada. Arintan waxa loogu
riyaaqay xiligii doorashada Madaxwaynaha, maxaayeelay gudidii ka horaysay waxa lagu bartay
inaanay is-ixtiraamin oo ay shakhsi ahaan intay saxaafada u isticmaalaan wariyaan hadalo is
khilaafsan. Hase ahaatee, xiligan doorashadani way ka murugsanayd doorashadii madaxwaynaha
waxaana loo baahnaa in ay Gudidu keento furfurnaan iyo xog-wadaag si gogol isku mid ah ay
ugu wada fadhiistaa dhamaan qaybaha kala duwani. Arintani waxa lagaga badbaadi lahaa
madax-xanuun badan oo markii danbe lala kulmay.
t) Arimaha abaabulka: qaadista qalabka codbixinta iyo shaqaalah iyo diyaar garawga goobaha
codbixinta sida uu sharciga qabo.
Dhinaca abaabulka iyo gaadiidku waxay ahayd arin kale oo caqabad ku noqotay doorashada una
baahnayd in lagu wajaho hab diyaargaraw cilmiyeysan iyo awood maamul oo firfircoon. Inkasta
oo Gudida Doorashadu hesho kaalmo farsamo oo badan, hadana abaabulkeeda shaqo waa mid
aad iskugu dhexyaacsan, marka laga reebo bixinta qandaraasyada. Inta badan kaalmada farsamo
ee ay gudidu heshaa waxay ku urursanyihin Xafiiska koowaad ee caasimada, halka
19
dhibaatooyinka intooda badani ay ka dhacayaan banaanka. Sidoo kale xaalada liidata ee
wadooyinka dalku ma aha kuwo kaalmeeya abaabulka gudida, waxaanay hoos u dhigaan
kalsoonida lagu qabo doorashada. Wax-is-daba marintu waxay caan ku tahay goobaha
magaalooyinka ka baxsan, goobo codbixineed oo ay u badanyihiin koox kaliya oo ka fog
indhaha saxaafada, waxayse caqabad noqotaa goobaha beelaha kala duwani dagaan. Caqabadaha
ugu caansan waxa kamid ah: b) Qiimaha sareeya ee gaadiidka lagu safrayo miisaaniyada
doorashada t) Caqabada in lagu geeyo lagana soo qaado qalabka doorashada iyo shaqaalaha
goobaha codbixinta ee miyiga ah mudada loogu talo galay j) Damaanad qaadka nabadgalyada
iyo hufnaanshiiyaha natiijada codbixinta, gaar ahaan goobaha codbixinta ee miyiga.
Gaynta qalabka doorashada ee meelaha fogfog inta badan nasiib bay socdaan; tusaale waxa ah in
ay xanibi karaan roobabka, daadadka, gaadiidka oo xumaada iyo xaalado amni daro la soo
gudboonaada; xaladahaas dhamaantood way badali karaan habsami u socodka nidaamka
doorashada. Intaas waxa dheer, haddiiba lagu guulaysto in qalabka iyo shaqaalaha doorashada la
geeyo goobahaasi, boqolkiiba inta badan waa la iskaga imanayay. Inta badana ma jirin
nabadgalyo ku filan, cunto iyo biyo ku filan iyo qalab ku filan oo fududeeya hawsha doorashada.
Sharciyan, codbixintu waxay dhamaataa lixda fiidnimo maalinta codbixinta, iyadoo loo
ogolaanayo inta qof ee markaa taagan safku inay codeeyaan. Intaa kadib marka tirinta codadku
dhamaato, waxa sanaaduuqda lagu soo celiyaa xarunta gobolka, halkaas oo kuwa ugu danbeeya
la filo duhurkii maalinta xigta. Hase ahaatee, waxa caado ah kadib markay dhamaato tirinta
codadku goobaha miyiga in safarka shaqaalaha dib loo dhigo inta ay wada xaajoonayaan
masuuliyiinta deegaankaasi sida laga yeelayo waraaqaha codbixinta ee soo hadhay. Saddex
xaalaba way dhacaan, mana aha wax qarsoodi ah xataa Gudida Doorashada: Xisbiyadu way ku
heshiiyaan oo qaybsadaan waraaqaha codbixinta ee soo hadha; Xisbiga ugu tunka wayn ayaa
iibsada kooxaha kale oo isagu ku shubta inta soo hadhay; xaaladaha qaarkood oo aan badnayn
waxa dhacda in kooxuhu ku heshiin waayaan kadibna ay dantu ku qasabto in loo hogaansamo
sharciga oo lasoo celiyo waraaqaha codbixinta ee aan la isticmaalin.
Marka laga hadlo tayada goobaha codbixinta: Doorashadan ku dhaqanka mabda’a codbixinta
sirta ah waxay ahayd mid aad u daciif ah. Isticmaalka tirooyinku waxay sababeen in dadka inta
badan ee waxna aan akhriyin waxna qorin ku tiirsanaadaan shaqaalaha goobta codbixinta inay u
calaamadiyeen murashaxa ay doonayaan, taas oo aan kaliya laalin mabda’a codbixinta sirta ah ee
sidoo kale fududaysay in farafareeyo codbixinta. Waxa soo ifbaxay sheekooyin badan oo
sheegaya in shaqaalah goobta codayntu calaamadiyeen murashaxa ay doonaan ee aanay
calaamadin kii codbixiyuhu doortay. Sidoo kale xaalada goobaha codbixintu waa kuwo aan ku
haboonayn inay dhaliyaan doorasho xor iyo xalaal ah. Arintani waa dhibaato baahsan oo ka jirta
magaalooyinka waawayn iyo dhulka miyiga ahba. Dhibaatooyinka waxa kamid ah goobaha oo
aan lahayn kuraas iyo miisaan ku filan shaqaalaha goobta iyo qalab codbixineedba. Malaha meel
qarsoodi ah oo ay codbixiyeyaashu ku dhiiban karaan codkooda, meelaha qaar malaha laydh
amma iftiin codadka lagu tiriyo habeenkii. Waxa arin xiiso leh noqon lahayd haddii tiro-koob
20
lagu sameeyo goobaha codbixinta ee isticmaalay laydhka telefoonka si ay u tiriyaan una
diiwaangaliyaan natiijooyinka goobahaas, xataa magaalooyinka waawayn. Qalabka doorashada
waxa la yimi tooshash iyo laydhadh loogu talo galay goobaha, hase ahaatee inta shaqaysay iyo
inta aan shaqayn waa arin u baahan in wax laga ogaado. Waxa sidoo kale marag ma doon ah in
goobaha codbixinta qaarkood ay ahaayeenba geed hoostii oo haysta inta ugu yar qalabkaas
doorashada. Hadaba su’aasha mudan in la is waydiiyaa waxa weeye, waa maxay saamaynta
golgaloolooyinkaasi ku yeesheen nidaamka doorashada iyo in lagaba tagi karo waxyaabaha
lagama maarmaanka u ah doorashada ee ku cad qodobka 6aad ee Xeer lambar 20, gaar ahaan
goobaha miyiga ah? Sidee loo yarayn karaan saamaynta khaladaadka abaabul ku keeni karaan
natiijada doorashada?
7. Doorka Dawladda ee Doorasho Nabad-galyo ah oo lagu kalsoonyahay
Marka ugu danbaysa dawladdu iyadaa masuul ka ah lagalana xisaabtamayaa inay
doorashooyinku xiligooda ku dhacaan oo xor iyo xalaal yihiin. Haddaba dawladan manta halkay
ka taagantahay inay kasoo baxdo waajibaadkeedaas? Wax badan baa la iska waydiinayaan
arintan aasaasiga ah ee in dawladu u samayso doorashooyinka jawi nabdoon oo ay ku
qabsoomaan. Haddaba, dawladu waxay la kulantay dhibaatooyin ba’an oo kaga yimi weerarkii
ciidamada Puntland kusoo qaadeen Sanaag Bari oo markaas gobolada Dhahar iyo Badhan laga
joojiyeye doorashadii. Dawladu way ku guul daraysatay inay kasii gaashaamato xaaladaas oo
kale, markii ay dhacdayna awood umay yeelan ay wax kaga qabato. Xaaladaas oo kale marakay
dhacdo, KDQ wax kale oo ay samayn kartay ma jirin balse inay laasho codbixinta goobahaas.
Dawlada waxa sidoo kale lagu eedeeyay inay is garab taagtay Xisbiga Kulmiye kuna taageertay
ku shubashada codbixinta kor ku cad ee gobolka Sanaag iyo Sida lagu soo waramay Awdal.
Waxa la adeegsaday ciidamada qalabka sida si loola wareego qalabka codbixinta iyo maamulka
doorashada ee gobolada Sanaag Bari iyo degmooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle ee gobolka
Sool. Waxa iyan warbaahinta ku soo baxay in dhacdooyin kuwaas la mid ahina ka dhaceen
gobolka Awdal. Intaas waxa dheer in wasiirada iyo shaqaalaha dawladuba ay si cad ugu
ololeeyeen Xisbiga talada haya. Waxaanay Gudida Kormeerka iyo Anshaxa doorashooyinku
qabteen dhacdooyin badan oo noocan ah una gudbiyeen dawlada iyagoo waliba u marinaya
saxaafada inay ka joojiso shaqaalaheeda inay ku milmaan arimaha doorashooyinka. Hase ahaatee
baaqa gudida iyo wareegtadii madaxwaynaha ee arintan uu ku reebayay midna dhag jalaq looma
siinin.
21
Magaalada Ceerigaabo waxa ku sugnaa afar wasiir oo ka tirsan dawladda Madaxweyne Axmed
M. Siilanyo si ay ugu hiiliyaan Xisbiga Kulmiye. Wasiiradaasi waxay gobolka ku sugnaayeen
muddo dhawr todobaad iyagoo ku takri falay wakhtigii cashuur bixiyeyaasha ay u shaqayn
lahaayeen oo wasaaradihii ay soo banaeeyeen, gaadiidkii danta guud iyo haybaddii dawladnimo
ee dadka u dhaxaysay. Waxa hogaaminayey wasiirka awoodda badan ee Duulista Hawada, oo ay
weheliyaan Wasiirka Difaaca, Wasiirka horumarinta Miyihga dhirta iyo daaqa, Wasiiru Dawlaha
maaliyadda iyo raxan xildhibaano ah.
Qalalaansihii Doorashada Dabadeed:
Habkii dawladda Somaliland ay u waajahday qalalaasihii doorashada ka dib ka dhacay Hargeisa,
waxa uu Xukuumadda u soo jiiday cambaarayn xoogan oo kaga timid bulshada iyo qurbojooga
reer Somaliland ee ku sugan dacalada aduunyada. Madaxwaynaha iyo maamulkiisu waxay ku
guul daraysteen inay la yimaadaan hogaamin iyo qorshe lagaga baxo dhibaatada waxaanay xilka
iskaga leexiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka. Intaas waxa dheer in shaqaaqooyin ka
dhasheen doorashadii Mayorada ee magaalooyin kala duwan oo Somaliland ah, taas oo markii
labaad dhalisay mudaharaadyo iyo dhimasho- Tusaale waxa loo soo qaadan karaa wixii ka
dhacay Saylac, Ceel-Afwayn, Ceerigaabo iyo tan ugu wayn oo ahayd Berbera.
Talojeedin
1. in kor loo qaado Awooda iyo La xisaabtanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Waa nasiib daro in la isku raacsanyahay in heerka shaqo iyo madaxbanaani ee Gudida
Doorashooyinka Qaranku uu aad u dhaliilnaa doorashadii ugu dambaysay. Sidaas daraadeed
layaab malaha baaqyada ka imanaya dhamaan dadwaynaha, daneeyayaasha qaranka iyo qurbo
jooguba inay Guddidu ay is casisho. In kasta oo ay leeyihiin xuquuqda ay isku casili karaan,
hadana waxa looga fadhiyaa inaanay madax ciida gelinin ee ay baadhaan wixii khaldamay
doorashadan iyo inay dib u kasbadaan kalsoonida shacabka lana yimaadaan qorshe ay dib ugu
soo noolaynayaan karaamadii nidaamka doorashooyinka Somaliland.
2. In diirada la saaro Mabaadida Doorasho Xor iyo Xalaal ah
Waxa jirta baahi loo qabo in la sameeyo Gudi heer Qaran ah oo dhexdhexaad ah oo qabata dood
qaran oo furan oo si hufan loogu lafo-guro arimaha khaladaadka doorashooyinka Somaliland.
Sanadihii 2006 ilaa 2010 bulshada Somaliland oo garabsanaysa bulshada caalamku waxay
dhidibada u taageen nidaam, shuruuc iyo xeerkaabayaal loo qaabeeyay in dhamaan
doorashooyinka Somaliland ku dhacaan si xor iyo xalaal ah. Dhamaan qaybaha kala duwan, sida
shacabka, saxaafada, Xisbiyada Qaranka, Sharci dajinta iyo ugu mudnaan dawladu waa inay ka
wada shaqeeyaan sidii loo abuuri laha dhaqan isla xisaabtan iyo hufnaan lagu waajaho kor u
qaadista geedi socodka Dimuqraadiyada iyo Dawlad dhisidda Somaliland.
22
3. Dhexdhexaadinta iyo Bogsiinta Boogaha dhibaatooyinka doorashada dabadeed
Bulshada dhaawaca soo gaadhay kamuu iman ololihii doorashada oo u dhacay si aad u fiican oo
tusaale ku dayasho mudan ah oo khubaradii ka timi dalalka jaarku ay qireen inay wax ka
baranayaan Somaliland. Bulshada dhaawaca soo gaadhay waxa uu ka yimi cadaalad darada laga
tirsanayo doorashada iyo awood darida dawlada ee ah inay masuuliyadeeda xambaarto. Haddii
aanay dawladu bilaabahayn hawshan, waxa la gudboon Xisbiyada Mucaaradka ah ee Qaranku
inay dusha u ritaan hawsha dhexdhexaadinta iyo bogsiinta boogaha bulshada.
4. In diirada la saaro saamaynta taban ee xaaladda Sool iyo Sanaag Barri ku yeesheen
Doorashooyinka Somaliland
Khilaafka ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag Barri waxa uu dhiigbax ku yahay awooda
horumar iyo degenaanshaha Somaliland. Bulshooyinka ku nool goboladaasina waxay
dhibaneyaal u yihiin khilaafkaasi. Waana axmaqnimo iyo khiyaamo haddii mar kale awoodaha
siyaasada Somaliland ay khilaafkan ugaga ka faa’iidaystaan dano doorasho. Saamaynta
nabadgalyo daro ee ka dhalatay dhaqamada noocaas ahna waxa laga dareemay gudaha caasimada
Somaliland. Sidoo kale dhaqamada noocan ahi waxay qiimo tireen horumarka qiimaha leh ee ay
Somaliland iyo dadkeedu ka gaadheen dawladnimada iyo nidaamka Dimuqraadiga ah. Waxa jirta
baahi dagdag ah oo loo qabo in Sharcidajinta iyo Xisbiyada Siyaasadu daraasadeeyaan
waxyaabihii dhacay soona saaraan miiska xal si aanay mar danbe u dhicin.
5. Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo dib u eegis lagu sameeyo goobaha codbixinta; Waa
arin sharci ah in dhamaan doorashooyinka ka dambeeyey tii degaanka oo dhan lagu galo
diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Hadaba, arinta u baahan in laga hadlaa waa sidee loo samayn
karaa Diwaangalin Codbixin oo lagu kalsoonyahay taas oo ka turjunta tirada saxda ah ee
codbixiyeyaasha Somaliland. Dhamaan daneeyayaasha doorashadu waxay maskaxda ku hayaan
sida looga foojignaanayo khaladaadkii Diiwaangalintii Codbixinta ee hore. Diiwaangelinta
codbixinta waa inaan loo adeegsan in dib loogu dhigo doorashooyinka iyo inaan geedi socodka
Dimuqraadiyada Somaliland aany la hayste u noqon. Sidoo kale waa in la darsaa tignoolajiyada
casriga ah ee sii hagaagaysa habka qaadista faraha, wajiga iyo indhaha(wiilka) waa nidaamyo
abuurmay oo hadda si baahsan loogu isticmaalo Diiwaangalinta Codbixinta iyo laamaha
Socdaalka.
6. Nidaamka Cabashooyinka – Garsoorka Somaliland waxay u baahanyihiin inay ka koraan
inay yihiin dhardhaarka ugu daciifsan nidaamka dawladnio iyo Dimuqraadiyadda Somaliland.
Haddii Hay’daha Garsoorka iyo Sharciga iyo Kala dambaynta iyo wasaaraduhu mid waliba
masuuliyadooda si adag oo madax-banaan u gutaan, inta badan waxa si fudud looga guulaysan
lahaa dhibaatooyinka haysta Somaliland. Somaliland waa inay baadhaa suurto galnimada inay
samayso Maxkamad u gaar ah cabashooyinka doorashooyinka si wax looga barto dalalka
sameeyay sida Koonfur Africa. Waxa sidoo kale dib u eegis u baahan awoodaha Garsoor ee
23
xeerka doorashooyinku uu siiyay maxkamadaha hoose iyo suurto galnimada in loo wareejin karo
cabashooyinka qaar maxkamadaha heer Qaran.
7. In dib u eegid lagu sameeyo nidaamka liistada furan: Inta badan dhibaatooyinka iyo
jahwareerka bulshadu waxa uu kasoo kacay nidaamkan sida hore ugu qeexan qoraalkan.
Hay’adaha Dawladda, Xisbiyada Siyaasadda, Bulshada Rayidka ah waxay u baahanyihiin inay
bilaabaan daraasado kana bilaabaan doodda faa’iidooyinka iyo faa’ido darooyinka nidaamka
liistada furan ka hor doorashada 2015ka.
24
Qormada Labaad: Doorasho Xor Oo Xalaal Ah Iyo Doorka
Goobjoogayaasha Caalamiga Ah
Aadan Yuusuf Abokor & Steve Kibble, Progressio
(Raad-raaca qoraalkan la soo koobay waxa laga heli karaa buugga “Somaliland: Facing
Challenges of free and fair elections”).
Hor-dhac
Tan iyo doorashadii ugu horraysay ee golaha deegaanka Somaliland laga qabtay 2002, Hay’adda
Caalamiga ee Progressio ayaa taageero muhiim ah siinaysay goobjoogayaasha doorashooyinka
ee caalmiga ah.
Maqaalkan Adan Yuusuf Abokor iyo Steve Kibble ayaa ku eegaya doorka iyo taageerada
goobjoogayaasha caalimiga ahi ka qaateen doorashooyinka Somaliland. Labada qoraa, ayaa
sidoo kale uga hadlaya caqabadaha siyaasadeed ee ka soo waajahay Somaliland dhismaha
nidaam dimuqraadi ah.
Jidka loo soo Maray Doorashada xorta iyo xaqa ah
Doorasho xor oo xalaal ahi ma aha wax iska dhaca maalinta doorashada ee ay yimaadaan
goobjoogayaasha caalamiga ahi. Isla markaa, joogitaanka goobjoogayaashu waxay dhibtaa kuwa
ku hawlani in ay xadaan doorashada. Kolleyba, cid uun baa dareemaysa haddii sanaaduuqdii
codbixinta waraaqo xaaraan ah laga buuxiyey ama haddii sanaaduuqi lumeen in tii dariiqa ay ku
soo jireen iyo haddii tiradooda is dhintay.
Cutubkan ayaa aynnu ku flanqayn doonaa odorska dhow iyo ka fog ee keena geeddisocodka
doorasho xor iyo xalaal ah. Aragtiyo guud baa laga kasbay tobanaankii sannadood ee
waayaragnimada loo yeeshay doorashooyinka Afrika, Yurub, Aasiya iyo Somaliland. Qoraalkani
kuma eeka keliya dhinaca farsamo ee doorashada sida: diiwaangelinta, in xisbiyadu helaan
fursado is ku mid ah, in ay la kulmi karaan codbixiyaasha, in la tababaro hawlwadeenada
codbixinta, iyo waciyigelinta codbixiyeyaasha. Laakiin waxaynu kale oo ku eegaynaa sida ay
arrimaha farsamo saamayn ugu leeyihin dadaalka loogu jiro hirgelinta dimuqraadiyadda iyo
caqabadaha ku iman kara hanashadeeda.
Dadka Soomaliland waxay ku hawlanaayeen ilaa 1991, siday u dhisan lahaayeen nidaam xalaal
ah iyo maamul daahfuran. Ku dhwaaqistii madaxbanaanida Somaliland ayaa keentay fursad
lagaga guuro nidaamkii musuqa ahaa, kelitaliska askarta ee aan matalaynin dadka. In kasta oo
ictiraaf la’aanta Somaliland keentay in aanay u helin taageero xagga dhismaha maamulka ilaa
25
heerka dalalka kale ee ka soo baxay dagaallada ee aduunka, haddana waxa Somaliland taasi u
horseeday in ay qaadato nidaam baahideeda daboola oo ah mid uu ku dhafanyahay
dhaqankeedu. Laba iyo tobankii sannaddood ee u horeeyey waxa wadanka ka hanaqaaday
nidaam isugu jira kii dhaqanka u ahaa oo wata ha’adihiisii iyo kii galbeedka ee casriga ahaa.
Bishi May 19keedii 1999 baa dawladu ansaxisay qayb ka mid ah qoraalka Dastuur qabyo ah oo
Somaliland ka raray nidaamkii beelaha una jahaynayay dalka nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada
badan. Xisbiyadii baa lagu xadiday saddex uun, aan ku salaysnayn diin iyo beel, oo lagu xidhay
in ay taageero ka haystaan gobollada Somaliland oo dhan. Dumarkana waxa uu Dastuurkaass u
ogolaaday codaynta, in kasta oo aan lagala tashan qoraalkiisa.
In kasta oo aftidii Dastuurka la qaaday 2001 kii, doorashooyinkii Golaha Deegaanka iyo
Madaxweynah 2003 dii; tii Golaha Wakiiladana 2005 tii, haddana dadka reer Somaliland weli
waxay qiimayn sida guulaha iyo ujeedooyinka dimuqraadiyadeed u la jaanqaadi karayaan
dhaqankeeda beelnimo ee odayaashu hoggaamiyaan. In doorashooyinka dib u dhaceen dhawrka
jeer ee sannadkii 2008 ayaa iyana iyana shaki keentay.
Ha’yada Progressio iyo Goobjoogayaasha Caalamiga ah
Hay’ada Progressio ayaa keentay dalka goobjoogayaal tiradoodu kala geddisnayd wakhtigii
doorashooyinkii kala dambeeyey ee Somaliland ka dhacay. Ila hadda tiradii ugu badnayd ee aanu
keenay baa ahayd koox ka kooban 76 Goobjoogayaal Caalami (GC) ah, iyada oo Komishanka
Doorashooyinka Qaranku (KDQ) si rasmi ah noo waydiisatay in aanu goobjoogayaasha ku soo
casuuno doorashadii Golaha Wakiilada ee 2005 kii. Ka sokow, GC ah ee ka kala yimi afar
qaraddood oo aduunka ah, waxa Iyana ka soo qaybgalay tiro qurbojoogga reer Somaliland ah iyo
qaar u shaqeeya ha’ydaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn.
In kasta ay jireen caqabado waaweyn oo dhaqaale, wakhtiga oo cidhiidhi ah iyo arimo ku lug leh
habynta doorashada, haddana KDQ oo ay taageerayaan khubaro waayaragnimo lihi waxay
qabteen doorasho wanaagsan. Haddaba, Mashaakiladii lala kulmay waxa ka mid ahayd iyadoo
aan tirokoob iyo diiwaangelinta codbixiyaha midna jirin, iyadoo dad farabadan aanay waxna
qorin waxna akhriyin iyo warqadaha codbixinta oo fahamkoodu adkaa, iyaga oo lahaa
calaaamado badan oo murashaxiintu samaysteen. Waxaa Iyana jirtay in hawlwadeenada
dawladdu adeegsanayeen gaadiidka qaranka oo aan xalal ahayn; iyo iskuday in la codeeyo wax
mar ka badan; wax iayan muuqatay in ay dahsoonaanta codbixinta dhinayd oo ay is daahfurnayd.
Arrin ay dareemeen goobjoogayaasha iyo Soomaalidii la shaqaynaysay baa ahayd tirada
murashixiinta haweenka ah ee isu taagay doorashada Golaha Wakiilada oo yarayd (Eeg cutubka
buugan ku Jira ee Aamina Maxamuud Warsame kaga hadlayso dumarka iyo doorashooyinka).
Doorashadii 2005 ee Golaha Wakiilada ayaa u qabsoontay si nabad ah, taas oo ka dawanayd tii
ka dhacaday dalka jaarka ah ee Ethiopia. Dadka qurbajoogga ah ayaa ka ciyaray door muuqda oo
26
ku soo biiriyey waayaaragnimo fara babadan. Xisbiyadu in kasto oo ay loolamayeen, haddana si
hufnaan ayey u wada dhaqmeen. Goobjoogayaasha caalamiguna way ku dhawaaqeen in
doorashadu ahayd mid xor oo xalaal ah, laakiin marwalba waxay ku nuuxnusxsanayeen in aan
habkii dimuqraadiyaynta ee socday aanuu sidaa ku dhamaan ee uu hadduun bilaabmay.
Ku Dhaqanka Dawladnimo
Iyadoo wadatashiga, dhexdhexaadinta, isutanaasulka iyo ka qaybgalka siyaasadeed ka jiraan
Somaliland, haddana dabeecadda dimuqraadiyadda ee jirta iyo sida loo ixtiraamo xuquuqda
maddaniga ah ama sida sharciyaddu u shaqayso intaba su’aalo ayaa ka tagnaa ilaa 2002 dii oo ay
jireen dacwado waaweyn, tuhun musuqmaasuq. Caqliyadii nabadsugida ee waqtigii Siyaad Barre
(iyo ku jirista dawladda hawlwadeendii wakhtigaas) ayaa wiiqayey in ku dhaqanka sharciyaddu
ka mudan yahay ficil siyaasi ah oo qof iskaga kacayo, sida adeegsiga guddiga nabadgelyadda.
Arrinkaa Wasiirada oo dhan iyo qaybo ka mid ah dawladu aad u ma fahamsana. Sidaas darteed
aanuu caadi u ahayn xidhiidhka dawladda iyo saxaafadda madaxbanaani.
Iqbal Jhazbhay oo ah khabiir reer Konfur Afrika ah ayaa ku dooday in Somaliland muujisay
kartida uu yeelan karo nidaam hoos laga soo dhisay oo ku fadhiya dhaqanka, iyo sidaa tusaale
looga dhigan karo dibudhiska dalalka dagaalka ka soo doogaya. Guushan laga gaadhay
iswaafajinta dhaqankii hore iyo nidaamka casriga ahi baa keentay degenaan wax-ku-ool ah.
Iqbal ayaa ku sii daray in arinkaasi ka horyimi fikirkii odhanayay, afrikadii ka dambaysay
isticmaarkii waxay u baahantahay dawlad dhexe oo xoog leh.
Goojoogayaasha Caalamiga ah
Goobjooganimada Doorashada ayaa si balaadhan loogu macnayn karaa shaqo socota, ficil
habaysan oo dhexdhexaadnimo leh, aan dhinacna u xaglinayn oo lagu hubinayo sidii loo ilaalin
lahaa xeerka anshaxa iyo xeerarka kale ee doorashada. Awoodaha sharci ee goobjoogayashu
waxay ka soo arooraan sharciyadda gudaha dalka doorashadu ka dhacyso iyo kuwa caalamiga ee
xuquuqal insaanka.
Shaqada Goobjoogayaashu waa ka duwantahay tan kormeerka, oo waxay ku koobantahay qorista
iyo werinta arrimaha mudan ee dadka khuseeya ee maamulka gudaha ama debeda ee doorashad.
Goobjoogenimada Mujtamaca Madaniga ahi waxaa kale oo ay ka duwan tahay ta kormeerka
wakiilada xisbiyada, ama masuuliyiinta komishanka, ama wakiilada kale ee caalamiga ah ee
hay’ad goboleedyada sida Midowga Afrika ama kuwa Caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay,
waayo Goobjoogayaasha Caalamigu waa in ay ogaadaan sababaha iyo mab’aadiida guud ee
doorashada iyo doorkooda goobjoogenimo.
27
Doorashooyinka
Doorashooyinku waa dariiqa xalaasha ah ee loo maro isbedelka awoodeed ee dalalka
dimuqraadiyaddu ka hanaqaadday. In aan dadka ka qaybqaadan nidaamka dawliga ah iyo
isxukunka ayaa sabab u noqota xasarado badan oo ka dhaca dawaladaha gudahooda.
Doorashooyinka ayaa fursad u siinaya xubnaha ka mid ah bulshada in ay ku noolaadaan tagoor
la’aan, in ay si buuxda uga qaybqaataan nolosha dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha, dhaqanka
iyo ijtimaacigaba. Ta kale, doorashada ayaa keenta qaab lagu heshiiyo iyo si loo baajiyo
xasaradaha ka dhex aloosma dadyowga ay kalaqaybsanaani aafayso.
Laakiin doorashooyinku ma damaanadqaadayaan xallinta mashaakil oo dhan. Mar mar waa ba ay
sii xoojiyaan xurguftii jirtay, oo waxay sii buunbuuniyaan aragtiyo aan debec lahayn oo dadka
intiisa badani kula kacaan inta yar. Sida qaalibka ah se doorasho waa dhaantaa doorasho la’aan,
in kasta oo raabshadahii ka aloosmay doorashooyinkii Zimbabwe, Ethiopia iyo Kenya awgood
dadka qaarkii ka hor iman karaan fikirkaa hore.
Shuruucda xuquuqda insaanka ee dunidu waxay taageeraan sharciga doorashooyinka iyaga oo ka
tixgelinaya Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka (Qod.21/3) iyo Axdiga Caalamiga ee
Madaniga iyo Xuquuqda Siyaasadda-(Qod.25b) Waxa kale oo Iyana jira heshiisiyo kale sida
Axdiga Afrika ee Xuquuqda Insaanka iyo Dadyowga ee Banjul (Qod.13(1)
Xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamahu ayaa ku beega ilalinta xuquuqaha ugu horeeya ee
geeddisocodka doorashooyinka oo ay ka mid yahiin xoriyadda hadalka, ra’yiga, isu-imaatin
nabad ah, ururka, dhaqdhaqaaqa, iyo abaabulka ururo shaqaale. Axdiyada ka hor imanaya
takoorka dumarka (CEDAW); ta kale waxa la taageeraa in haweenku ka qaybqaataan siyaasada
dalkooda.
Waxa suurtagal ah in doorashooyinku noqdaan qaar xor ah anse xaq ahayn, (free but not fair);
waa halkay ka timi odhaada:‘ guud ahaan la aqbalay’ (generally acceptable). Kelmada ‘Xor’
halkan adeegsigeedu waa aragti balaadhan oo ka ay mid yahiin xoriyaadku guud ahaan, laakiin
haddana la socdaan xoriyaadka in lays diiwaangelin karo, la codeyn karo, murashaxu istaagi
karo, fursad loo helo macluumaadka, iyo in wax la doorto.
‘Xaq’ waxaa loola jeedaa geeddiscocodka doorashada oo ay ku jirto dhexdhexaadnimada
dawladda iyo hawlwadeenadeeda, in axsaabtu fursad isku mid ah u helaan hantida iyo
warbaahinta ka hor iyo maalinta doorashadaba
Doorka Goobjoogayaasha Caalimiga (GC)
Goobjoogayaasha caalamiga ahi waxa ay taageero ka gaysan karaan sidii looga hortegi laha
iskahorimaad iyo shaqaaqo iyagoo dhexdhexaad ah hubinayana in la ixtiraamo xeerarka
doorashooyinka. GC waa in ay isku taxalujiyaan in ay joogaan dorashada ka hor iyo kadib ba,
28
laga bilaabo diiwangelinta, tirinta codadka ilaa kudhawaaqista codadka. Si ay u gutaan
waajibaadkooda shaqo, goobjoogayaashu waa in ay helaan xoriyadda dhaqdhaqaaqa iyo fursad
ay ku tegi karaan wadanka meesha ay rabaan.
Ka hor inta aan dorashada la gaadhin waa in goobjoogayaashu qiimeeyaan inay jiraan
qaabdhismeedyadii looga baahnaa in dawladu samayso si loo qabanqaabiyo doorasho xor oo xaq
ah iyo in axsaabta siyaasadeed awoodaan inay ku tartaman doorashada. 1. Waa in ay hubaan in
ay jirto Guddi Doorasho oo hawlkar ah, shaqaale xirfad leh oo isla markaana ka gaashaaman
cadaadis siyaasadeed oo ku yimaada. 2. Goobjoogayaashu waxay ogaanayaan a) in uu ka jiro
wadanka xeer ku dhow kuwa heerarka caalamiga ah, b) in dadku oggol yahiin iyo t) in garsoor
madaxbanaani jiro oo ka garnaqi kara arrimaha doorashada. 3. Goobjoogayaashu waa in ay
eegaan in rag iyo dumarba doorashu u furan tahay iyo in goobaha doorashooyinka loo sameeyey
si siman oo dadku fursad ugu wada lee yahay. 4. Waxa kale oo ay eegayaan sida diiwaangelintu
xaq u noqonayso iyo in xeer ku filan oo xakamaynaya in aan laba jeer iyo ka badan la codaynini
jiro.
GC waxay hubinayaan in aanay jirin xadidaad aan caqligal ahyan oo ku aaddan ka
qaybqaadashada dadka doorashada, ololaheeda iyo inuu jiro hehiis axsaabta gudahooda ah oo ku
waajahan qaabdhiska warqadda codaynta, sida loo sameeyey, nidaamka qolalka codeynta, sida
loo codeynayo, in cidi cid kale u codeyn karto, iyo in qaab lagu xallilo codadka lagu muransan
yahay jirto.
GC waa in ay eegaan ilaa inta ay gaadhsiisan tahay wacyigelinta codbixiyaha iyo ta madaniga ah
ee dadka gaadhay iyo in ay tahay mid waaqici ah oo aan dhinacna u xaglinaynin. Iyana waa in la
eego sida axsaabtu fursad ugu wada helaan warbaahinta iyo in aan dawladdu faafreeb ku
samaynin. Arimaha kale ee Goobjoogayaasha Caalmigu (GC) eegayaan waxa ka mid ah, sida loo
ixtiraamayo dastuurka xoriyaadkiisa, xeerarka caalamka, xeerarka xuquuqda muwaadiniinta oo
ay ku jiraan xoriyadda iscabirka; isu imaatinka; in xisbiyadu ku socdaan xeerka; in aan laga
horjoogsan ololayaashooda iyo warbaahinta; in aan dawladdu adeegsanin hantida ka dhexaysa
ummada; in ay axsaabta iyo taageerayaashooda oo dhami helaan daryeel nabadgelyo oo isku mid
ah; in dadku codeyn karo iyagoon baqayn ama loo cagajuglaynayn iyo in si qarsoodi loo codeeyo
la iskana jiro khiyaamada iyo sharcidarrada.
Goobjoogayaasha Caalamigu waa in ay la xidhiidhaan inta ugu badan ee hay’adaha ay u khuayso
si toos ah iyo si dadbanba. Waa in ay kala xidhiidhaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka
sida loo maaraynayo doorashada oo ay ku jiraan wacyigelinta codbixiyaha, hawlaha warbaahinta
iyo goobjoogayaasha caalmiga iyo gudahaba. Gobjoogayaashu waa in ay wixii warwar leh isla
markaa kala tashadaan daneeyeyaasha gudaha sida hay’adaha aan dawligi ahayn (NGOs),
hayadaha bulshada (CBOs), hogaamiyayaasha diinta, garyaqaanada iwm- oo ay eegaan
dareenkooda ku waajahan geeddisocodka siyaasadeed, doorka iyo xoriyadda warbaahinta iyo in
axsaabta oo dhami ixtiraami doonto natiijada ka soo baxda doorashada. Waa in GC la tashadaan
29
goobjoogayaasha gudaha ee la tababaray iyo wadamada saamaynta ku leh ee deeqbiyayaasha
maalgelinaya doorashada. Xalaalnimada doorashadu waxay aakhirka ku xidhan tahay sida dadka
guduhu u arkaan qaabka doorashadu u hirgashy. Waa in GC eegaan waxa la isku raaci karo
(consensus) ee aanay u doonin wax la isku wada raacsanan yahay (unanimity) markay go’aan ka
gaadhayaan wixii soo baxay. Waxa muhiim ah in doorashadii soo baxday tahay mid ka
turjumaysa-'rabitaanka umadda’
Sababaha loogu baahanyhay shaqooyinka goobjoogayaasha caalamiga ah
Iyada oo la bidayo inay samayn karaan qimayn madaxbanaan ee habsame u socdka
doorashada oo dhexdhexaad ah.
Iyaga oo dhiirrigelinaya aqbalaada natiijada doorashada
Iyaga oo kor u qaada kalsoonida codbixiyaha
Iyaga oo hubinya hufnaanta geeddisocodka doorashada
Iyaga oo dhiirigelinaya in lagu dhaqmo xeerka caalamiga ee doorashooyinka
Iyaga oo caawinaya daryeelka xuquuqda adamaha iyo xoojinta dimuqraadiyada
Iyaga oo caawinaya in la dhameeyo muranka doorshada iyo kuwa kale ba.
Iyaga oo si dadban u taageeri kara wacyigelinta ummadda
Waxay siin karaan isku kalsoon hay’adaha gudaha ee aan xoogga badan lahayn
In la siyaadiyo awoodda goobjogayaasha gudahu waa inay noqotaa tiirarka ugu muhiimsan ee
qabanqaabada doorashooyinka. Taas waxay keenaysaa in uu jiro nidaam ka dhisan dalka
gudahiisa, kaas oo awood u leh in uu kormeero geeddiscodka doorashada oo dhan. Waxa kale
oo taasi xoojinaysaa isku kalsoonida bulshada rayidka ah, iyo in ay ka hor timaaddo wixii
khiyaamo ah, iyagoo isla markiina hubinaya in aqoonta doorashooyinka la hanto, oo waxii
duruus ee laga bartay looga faa’idaysto doorashooyinka kale. Waxa iyana muhiim ah in
Goobjoogayaasha guduhu la samaysan karaan xidhiidho dhiggooda caalamiga ah.
Shaqada ugu muhimsan ee goobjoogeyaashu waa kormeerka sida codeyntu u socoto. Taas oo ay
tahay in goobjooguhu isku dayo in uu kormeero inta ugu badan ee goobo codbixineed. Waa in ay
joogaan marka la furayo goobaha codbixinta, eegaan in qalabkii loogu talogalay goobta yaalo, in
la ilaalinayo in aan laba jeer ama ka badan la codeynaynin. Goobjoogeyaashu waa in aanay soo
dhexgelin shaqada goobta haddii aan maamulku taageero ka codsanin. Wixii Dhibaatooyin ah ee
waaweyn ee jira waa in loo sheegaa maamulka Komishanka. Goobjoogeyaashu waa in ay xaadir
ku yahiin goobaha tirinta codadku ka dhacayaan ilaa inta laga xidhayo goobahaas. Waa in ay
islamarkaa hubiyaan in ay sida tirintu u socoto ay arki karaan goobjoogayaasha rasmiga ah iyo
wakiilada axsaabtu, in la tiriyey warqadahii codeynta oo dhan iyo in xor iyo xaq ku socoto tirintu
iyo in agabkii doorashadu dhan yahay.
30
Marka ay dhamaato tirintu, doorka goobjoogayaashu waa in ay si dhakhso ah go’aan uga
gaadhaan in doorashadu u dhacday si xor oo xaq ah. Taas oo u baahnaan karta in la xidhidho
goobjoogayaal kale. Goobjoogayaashu waa in ay war ku soo celiyaan dadka, laakiin waa inay
iska illaaliyaan war iska soo dhac ah oo aan laga baaraandegin oo warbaahinta la siiyo iyada oo
aan habraacii la dhamaynin (procedure).
Ayaa Door ku leh Doorashada?
Hay’do kala duwan baa door ku leh doorashooyinka.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka KDQ) ayaa doorka ugu muhiimsan ku leh
maaraynta doorashhoyinka. Xalaalnimada doorashadu waxay ku xidhantahay in KDQ
muujiso dhexdhexaadnimo, madaxbanaanani, daahfurnaan iyo masuuliyad.
Dawlada ayaa ka masuul ah in ay awoodeeda u adeegsato si xaq ah, hubisona in axsaabta
siyaasaddu si isleeg u helaan hantida umadda, adeesiga warbaahinta dawladdaa,
gaadiidka inta lagu jiro ololaha iyo u diyaargarowga doorashada. Dawladdu waa in ay
damaanadqaadaa dhawrista xoriyaadka muwaadiniinteeda iyo siyaasiyiinta marka ay u
tartamayaan doorashada. Dawaladda ayaa amaanteeda leh haddi ay dhacdo doorasho xor
oo xaq ahi.
Axsaabta Siyaasaddu waa in ay u tartamaan six xor ah oo xaq ah, waana in ay ku
boorriyaan taageerayaashooda musuuliyadooda muwaadinimo oo u codeeyaan si loo
hubiyo in dalku helo madax gaadhsiisa barwaaqo iyo horumar.
Door muhiim ah ayaa Warbaahintu ku leedahay sidii loo hanan lahaa doorasho xor oo
xaq ah. Doorkoodu waa in ay kormeer ku hayaan sida loo qaybinayo hantida qaranka iyo
in ay hubiyaan in axsaabta siyaasaddu si haboon u ololaynayaan. Waxay kale oo door ku
leh yahiin sidii wacigelinta bulshada iyo dhiirigelinta dadka laga bursado sida dumarka,
dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa laxaadka la.
Guddiyada Kormeerka ee Madaxbanaan. Guddiyada Madaxabanaan waxay ka kooban
yahiin odayaasha, culimada aqoonyahanka ah, dumarka iyo shakhsiyaadka ixtiraamka
mudan, waxaana ay leeyihiin door muhiim ah oo kormeereed iyo dhexdhexaadineed inta
ka horaysa, inta lagu guda jiro iyo doorashada kaddib intaba.
Deeqbixiyaasha. Deeqbixiyaashu waa inay ku xidhaan doorashada xor iyo xaq ah
shuruudo. Ka sokow hantida iyo taageerada ay ku bixiyaan doorashada, waxaa kale oo ay
bixinayaan taageero farsamo iyo talooyin ay siyaan KDQ iyo axsaabta siyaasadda oo ku
ay jirto aqoon korodhsi debedda loo tago.
Hay’adaha Amniga. Hay’adaha amingu waxa xil ka saaran yahay badbaadada dadka, in
aan weerar ka imanin argagaxis iyo cadaw kale.
Hay’ada Dhaqanka. Doorka hay’adaha dhaqanka ha ugu horeeyo Golaha Guurtidu,
waxa uu ka ciyaaraayaa door aad u muuqda oo uu ka odayeyn jiray degenaansho iyo
31
dhexdhexaadin ilaa intii Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideedii iyo intii
dorashooyinku jireenba.
Bulshada Madaniga ah. Waxay ku hawlanyahiin sidii haweenku doorkooda u qaadan
lahaayeen, iyo inay daboolaan adeegayda bulshada, oo dabagal ku sameeyaan
miisaaniyadda, xuquuqda aadamaha oo ay goobjooge ka noqdaan doorashooyinka.
Haweenka. Haweenka Somaliland waxay ku doodi karaan in ay horumar ka sameeyeen
xagga siyaasada in kasto oo ay qun yar u socdaan.
Gunaanad
La soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ayaa la soo kulantay mawjadii labaad ee
dimuqraadiyeed ee Afrika 1990kii. Waxaa lagu doodi karaa in Somaliland kaga horumartay dalal
kale sida ay u xalaalaysay xukunkeeda iyo aragtida dadkeedu ka qabaan. Taasina waxay ku timi
dhaqan iyo xeerar taariikhi ah oo u dhexeeya bulshadeeda reeguraaga ah. Qaabka Somaliland
xagga hoose ay bulshada uga soo dhistay ee ay dawladnimadii ugu yagleeshay, ayaa balaadhisay
saldhigii siyaasadeed ee watay isu-tanaasulka. (Ioan Lewis (1999) Pasoral Democracy: A Study
of Pastoralism and Politics). Sida uu qabo Ioan Lewis arinkan kor ku xusani waxa uu ka
suuragalaa Bulshhooyinka aanuu nidaam dhexe oo adagi ka talin, lakiin furfuran.
Sidee baa nooca dawladnimo ee jaadkaas ahi u la jaanqaadayaa fekredaha ka imanaya
mujtamaca madaniga ah ee inta badan ay saamaysay qurbajoognimadu ama dimuqraadiyada
galbeedku? Waxay u eegtahay qaar ka mid ah mujtamica madaniga ahi in ay doorbidayaan in la
ka la saaro labadan nidaam ee isku dhafan ee dhaqanka iyo kan casriga ah si hore loogu
tallaabsado horumar marka laga fiiriyo dhinacyada haweenka, dhalinyarada iyo ganacsiga. Sidee
baa kuwa dhaqanka ku dhegani uga dareen qaadan dhaqdhaaqan socda dorashadooyinka ka
bacdi? Lagama yaabo in jid fudud loo maro iswaafajinta ‘horumarka’ iyo ‘dhaqanka’. Sida
qudha ee xal loo heli karaana waa iyada oo la balaadhiyo geeddisocodka dimuqraadiyada
meerkeeda horumarka Somaliland ee danbe.
Tix-raacyo:
1. Adan Yusuf Aboker, Kibble, Steve et al. 2006. Futher Steps to democracy: The
Somlailand Parlilanatry Elections, September 2005(London: Progressio)
2. Bradbury, Mark 2008. Becoming Somaliland.
3. Max Weber 1958. The Protestant Ethic and Sprit of Capitalism, New York Scriber
4. Mohamoud Mamdani 1996. Citizen and Subject, Contemborary Africa and Legacy of
Late Colonialism, Princton, Princton University
5. Steve Kibble, Maichael Walls, ‘Tradtiioal anmd Modernity in Somailand: Beyond
polaity: negotiating a hybrid state. A paper for the ‘Confernce on Democratization in
Africa’. University of Leeds. 4-5 December 2009.
32
QAYBTA LABAAD
DHISMAHA HAY’ADAHA DAWLIGA AH
33
Qormada Saddexaad: Falanqayn Sharci Oo Ku Saabsan Maxakamadda
Distooriga Ah Ee Somaliland.
Qore: Maxamed Faarax Xirsi, Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarka.
(Raad-raaca qoraalkan la soo koobay waxa laga heli karaa buugga “Somaliland Press
Freedom: Challenges and Opportunities”).
Si ay dimuqraaddiyaddu habsami ugu shaqayso, waxa lagama-maarmaan ah inay jirto
Maxkamad Distoori ah oo si nabadgelyo leh ku xallisa murannada ( ama khilaafaadka)
distooriga ah ee soo if-baxa.
Maqaalkan Maxamed Faarax baa ku eegaya carqaladaha hor taagan sidii ay Somaliland uga
dhismi lahayd maxkamad Distoori ah oo si fiican u shaqayn karta.
Hor-dhac
John Locke buuggiisii ‘ laba doodood oo dawladda ku saabsan’ (two Treatise of Government)
wuxu ku tilmaamay in dalalka Afrika uu ka jirey nidaam ay isku maamulaan, intii ka horreysey
gumeysiga. Tusaale ahaan, Somaalidu waxay lahayd nidaam ay isku maamusho oo aad uga
duwan nidaamka ismaamulka casriga ah ee dimuraaddiyadda ku salaysan. Ma jirin dowladi,
mana jirin awood siyaasadeed oo midaysan oo meel keliya looga taliyo. Sidoo kale ma jirin
distoor qoran oo dammaanad qaadaya xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee dadka.
Xilligii gumaysiga, markii ay Somaliland noqotay maxmiyada boqortooyada Ingiriisku ka taliyo,
waxa xukumi jirey Badhasaab (Governor) ka wakiil ah Boqoradda Ingiriiska. Isaga ayaa lahaa
dhammaan awoodaha xeer-dejinta iyo fulintaba. Dagaalkii labaad ka dib – 1946kii, ayaa la
abuuray waxa lagu magacaabi jirey Golaha La-talinta (Advisory Council) oo ka kooban 48
xubnood oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee bulshada. Haseyeeshee , golahaasi ma lahayn
awoodo fulineed iyo kuwa xeer-dejineed midna. 1955kii ayaa markii ugu horreysey la abuuray
Golaha xeer-dejinta. Golahaas oo ka kooban 15xubnood, oo uu guddoominayo Badhasaabku
ayaa ugu horreeyey Somalida inay yeeshaan awood xeer-dejineed. Haseyeeshee, ma jirin
maxkamad distoori ah ama hay’ad kale oo ilaalisa ama dhowrta xuquuqda iyo xorriyaadka
dadka.
1960kii, markii Soomaalidu qaadatay madaxbannanida ee la dhalatay Jamhuuriyadda Somaliya
oo ku salaysnayd nidaamka barlamaaniga ee dimuqraaddiga ah, waxa si fiican loo kala xadeeyey
ama qeexay awoodaha dawladda ee fulinta, xeer-dejnta iyo garsoorka. Haseyeeshee muddo yar
ka dib, 1969kii, markii Siyaad Barre la wareegay xukunka, waxa meesha ka baxday awoodihii
kala xadaysnaa. Muddo dheer awoodaha xeer-dejinta fulinta iyo garsoorku gcanta keli-taliyaha
ayey ku urursanaayeen. Ka dib markii ay Somaliland la soo noqotay madaxbannaanidii, 1991kii,
34
waxay qaadatay nidaam siyaasadeed oo cusub, kaas oo Madaxweynuhu fulinta huggaaminyo,
xeer-dejintuna laba aqal ka kooban tahay. Nidaamkaas siyaasadeed ee cusub waxa lagu saleeyey
mabda’ kala xadaynta ama kala saarista awoodaha, inkasta oo aan si buuxda loo dhaqan gelin.
Haseyeeshee, 1997kii, waxa la diyaariyey distoorkii dalka oo lagu ansixiyey aftida dadweynaha
oo la qabtay May 2001kii. Distooorku wuxu si cad u kala qeexay awoodaha dawladda, isla
markaana wuxu abuuray Maxkamadda distooriga ah. Maxkamadda distooriga ah xilkeedu wuxu
yahay inay ilaaliso, kobciso oo horuumariso distoorka iyo caddaaladda distooriga ah.
Carqaladaha Qaab-dhismeedka Maxkamadda Distooriga ah.
Qod.101aad ee distoorku wuxu qeexayaaa in “ maxkamadda Sare tahay hay’adda ugu sarraysa
darsoorka, isla markaana ay tahay maxkamadda distooriga ah.” Isla markaas, qod.14aad ee
Xeerka Nidaamka garsoorku wuxu tilmaamayaa in madasha Maxakamadda Sare ay tahay
madasha Maxkmadda Distooriga ah, isla markaana Guddoomiyaha Maxkamadda Sare yahay
Guddoomiyaha maxkamadda Distoorga ah. Sidaa darted Maxkamadda Sare ee Somaliland,
waxay leedahay laba xil oo distoori ah oo kala duwan. Qaab-dhismeedkan waxad mooddaa in
laga dheegtey nidaamka distooriga ah ee Mareekanka (USA). Marka aad eegto distoorrada
dalalka Afrika, badankooda, Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Distooriga ahi waa kala
goonni. Sababta ama ujeddada ugu weyn ee loo kala saarayo labada Maxkamdood waxay tahay
si loo xaqiijiyo in la helo nidaam garsoor oo madaxbannaan oo dhexdhexaad ah. Sida ay aniga
ila atahy, waxa habboonayd in la kala saaro labada maxkamdood. Waxa jiro dhowr sababood oo
aan u doorbiday kala saarista labada maxkamadood.
Ugu horreyn, Maxkamadda Distooriga ahi waa haya’d siyaasadeed, oo xilkeedu yahay inay ka
garnaqdo muranka ka dhasha distoorka. Isla markaana Maxkmadda Distooriga ahi way ka
muhiimsan tahay maxkamadda Sare, sababta oo ah waxay go’aan ka gaadhaa arrimo muhiim ah,
sida xeerarka baarlamanku soo saaro iyo go’aannada ama tallaabooyinka xukuumaddu qaadato
inay waafaqsan yihiin distoorka iyo in kale.
Tan labaad, dalalka Afrika sida ay u badan yihiin, Guddoomiyaha Maxkamdda Sare waxa
magacaaba madaxweynaha iyada oo baarlamaanku ansixinayo. Distoorka Somaliland waa la
mid. Magacaabista iyo xil-ka-qaadista Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha Maxkamadda Sare
iyo maxkamadda Distooriga ahba waxa iska leh Madaxweynaha. Qod.105aad ee distoorka wuxu
tilmaamayaa” Madaxweynaha, isaga oo la tashanaya Guddiga Sare ee Caddaaladda, ayaa
magacaabaya Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda
Distooriga ah , isaga oo tixgelinaya heerka aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa mihnadeed, iyo
habdhaqankiisa guud. Magacaabista Guddoomiyaha Maxkmadda Sare, waxa lagu ansixinaya
fadhi wadajir ah oo labada aqal ee baalaman muddo saddex bilood gudahood ah, laga bilaabo
marka la magacaabo”.
35
Waxay ila tahay, si loo sugo madaxbannaanida garsoorka, loona hubiyo in labada waaxood ee
kale, gaar ahaan, fulintu, aanay saamayn ku yeelan go’aanada garsoorka, waxa lagama-
maarmaan ah in wax laga beddelo, hannaanka loo magacaabayo, loona ansixinayo iyo qaabka
shaqada looga qaadayo guddoomiyaha maxkamadda Sare iyo garsoorayashaba, guud ahaan.
Waxa kale oo iyana muhiim ah in Guddoomiyaha iyo garsoorayaashu leeyihiin muddo xileed
cayiman. Waraysi aan la yeeshay garsoore Maxamed Cumar Geelle, wuxu ii sheegay inaan
mucaaridka iyo dadkuba kalsooni ku qabin Maxkamadda Distooriga ah. Sababtu waxa weeye,
ilsa garsoorayaashii qaadayey dacwadaha dembiyada iyo kuwa madaniaga ah ayaa fadhiya
Maxkamaddii. Sidaa darteedna, labada maxkamadood ee isku ladhani waxay wax yeelaysaa
madaxbannaanida iyo kalsoonida lagu qabi karo maxkamdda distooriga ah.
Ugu dambayntiina, laba xil ee maxkamadda keliyi fulinayso waxay dhaawac u keenaysaa ama
xaddidaysaa madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada go’aanada Maxkamadda Distooriga ah.
Maxaa hortaagan madaxbannida maxkamadda Distooriga ah.
Mucaaridka iyo qaybo badan oo dadweynaha ree Somaliland ka mid ah waxay qabaan inaan
Maxkamadda Sare lahayn madaxbannanidii loo baahna ama lagama-maarmaanka ahayd inay
yeelato maxkamadi si ay go’aan xor ah oo aan saamaysnayn u gaadho. Waxay ku doodayaan in
Maxkamddu ay u adeegto fulinta oo iyada iska leh awoodda inay magacowdo xilkana ka qaaddo
garsoorayaasha. Marka la baadho Diiwaanka dacwadaha ee Maxkamadda Distooriga ah, ilaa
maalintii la asaasay waxay dhegeystey saddex dacwadood oo keliya. Taasi waxay muujinaysaa
inaan dadku danaynayn inay dacwado u soo gudbiyaan maxkamadda, sababtoo ah kalsooni kuma
qabaan maxkamadda.Madax-baanninada, dhex-dhexaadnima iyo saamayn-diidnimada
(impartiality) Maxkamdda Distooriga ah waxa hortaagan dhawr arrimood. Waxana ugu
waaweyn:
Distoorka laftiisa. Si sugo in go’aannada maxkamadda distooriga noqdaan yeeshaan
sifooyin madaxbannaani ah, dhexdhexaadnimo iyo saamyndiidnimo, waxa carqaladaha
ugu horreeya uguna muhiimsan ka soo baxayaan distoorka laftiisa.Wayoo, distoorku
wuxu siinayaa Madaxweynaha, oo isla markaana fulinta ka madax ah, awooddaha
magacaabista iyo xilka-qaadista Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha Maxkamadda
Distooriga ah.waxa keliya oo ku xidhan (guddoomiyaha keliya) ansixinta Baarlamanka.
Sida ay xaqiiqadu tahay, kaalinta iyo fekradda baarlamanka aad looma qadderiyo. Waxan
qabaa inaanay cidii qortay distoorku tixgelin badan siinin madaxbannaanida garsoorka.
Waxa waajib ahayd in Madaxweynaha laga wareejiyo awoodda xil-ka-qaadista
Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha Maxkamadda distooriga ah, lana siiyo Guddiga sare
ee caddaaladda iyo Golaha Wakiillada.
36
Carqaladaha maaliyadda. Maxkamaddu maaliyad ahaan ma madaxbannaan. Ma laha
miisaaniyad u gaar oo ay u madaxbannaan tahay. Waxay maamul ahaan hoos timaaddaa
wasaaradda Caddaaladda. Taasina waxay wax badan u dhimaysaa madaxbannaanideeda.
Hawl-gabka iyo daryeelka. Dammaanadqaadka hawl-gabka iyo dareyeelka garsooraha
kaalin weyn bay ku leedahay madaxbannaanida, dhedhexaadnimada iyo
saamayndiidnimada garsroodka. Sida uu ii sheegay garsoore ka mid ah garsoorayaasha
maxkamadda Distooriga ah, “ma jiraan sharci tilmaamaya hawl-gabka iyo daryeelka
garsooraha, taasina saamayn weyn bay ku leedahay madaxbannaanida garsoorka.” Waa
iska arrin caddaan ah saamaynta ay ku yeelan karto madaxbannaanida maxkamadaha,
marka ay maqan yihiin dammaanadda hawl-gabka iyo daryeelka garsoorayaasha.
Waajibaadka Maxkamadda Distooriga ah.
Sida caadiga ah distoorrada badankooda waa ku qeexan yihiin hawlaha ama waajbaadka
Maxkamadda Distooriga ah. Distoorka Somaliland arrintaas waa kaga duwan yahay distoorrada
kale. Qodobka 101aad ee distoorku wuxu tilmaamayaa oo keliya jiritaanka Maxkamadda
distooriga ah, isaga oo ka hadlaya Maxkamadda Sare. Mase tilmaamayo waajibaadkeeda iyo
hawlaha u gaarka ah maxkamadda. Arrintaas waxa caddeeyey ama qeexay Xeerka Nidaamka
Garsoorka oo soo baxay mar dambe-2006kii. Xeerkaasi (qod.15aad) isaga oo muujinaya kala-
sarraynta, awoodaha iyo waajibaadka maxkamadaha oo dhan, wuxu ku tilmaamay :
Dhegeysiga iyo go’aan-ka-gaadashada dacwadaha ku saabsan go’aanada ama
tallaabooyinka xukuumaddu qaadato ee aan distoorka waafaqsanayn ama ka soo
horjeeda, iyo xeerka ka soo baxa baarlamanka ee aan distoorka waafaqsanayn.
Tarjumadda distoorka, haddii muran ka yimaaddo.
Hakinta xeerarka aan distoorka waafaqsanayn.
Gunaanad
Hasyeeshee sida aan horeba u tilmaamay, maxkamadda distooriga ah ee Somaliland waxay ka
baaqatay inay gudato waajibaadkeedii distorriga ahaa. Khilaafyadii distooriga ahaa ee dalka ka
dhashay, sida muddo-kordhinta, iyo murankii ka dhashay kala reebista ururrada, iyo
doorashooyinka midna kaalinteedii kama qaadan. Xisbiyada mucaaradka ah iyo dadweynaha, oo
xaq leh inay dacwad u gudbistaan maxkamadda midna kalsooni kuma qabo inay si madax-
bannaan u gaadhi karto go’aan aan saamaysnayn.Tusaale kale wuxu noqon karaa markii Guddiga
Doorashooyinka qaranku tirtiray liistaddii diiwaangelita cod-bixiyeyaasha iyada oo
doorashooyinku ku cayiman yihiin inay dhacaan 2009ka, waxa la is-weydiiyey sharciyadda
tallaabada guddigu qaaday. Su’aasha markaa la hordhigi lahaa maxkamadda distooriga ah waxay
tahay “ Miyey Guddiga doorashooyinku awood u leeyihiin inay tirtiraan liistada codbixiyeyaasha
oo ku salaysnayd xeerkii baarlamanku soo saaray No.27 ee 2008kii”. Haseeyeeshee cidina
37
maxkamadda dacwad uma gudbin. Waxa loo arkayey in aanay maxkamaddu lahayn
madaxbannaandii iyo kartidiin haya’deed midna si dacwaddan oo kale uga go’aan gaadho.
Maqnaasha kaalintii Maxkamadda Distooriga ah, waxay kalliftay in khilaafaadka distooriga ah
lagu xalliyo hab-dhaqameed aan la jaan-qaadi Karin dimuqraaddiyadda.
Jiritaanka Maxkamadda Distooriga ah oo madaxbannaan, dhexdhexaad ah oo saamayn-diiddan
waxay lagama maarmaan u tahay geeddi-socodka dimuqraaddiyadda Somaliland. Waxay kale
muhiim u tahay hirgelinta, xoojinta iyo ilaalinta ku-dhaqanka xeerka (rule of law), iyo
distooriyadda (constitutionalism),kuwaas oo ah saldhiga uu ku fadhiyo nidaamka dimuqraaddiga
ahi.
Haseyeeshee , xukuumadda Somaaliland iyo beesha caalamka oo ku taageerta Somaliland
geeddisocodka dimuqraaddiyadda midkoodna ma siinin ahmiyadda ay leedahay maxkamadda
distooriga ah ee Somaliland.
38
Qormada Afraad: Aragtida Dadweynuhu Ka Qabo Golayaasha
Deegaanka Somaliland
Qoreyaal: Haroon Yusuf and Mark Bradbury
(Raad-raaca qoraalkan la soo koobay waxa laga heli karaa buugga “Reflections and Lessons of
Somaliland’s two Decades of sustained peace, State building and Democratization”).
Hor-Dhac
Doorashooyinkii golayaasha deegaanka Somaliland ee qabsoomay sannadkii 2002 waxay
ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee dimuqraadiya, kuwaas oo soo afmeeray awood qaybsigii ku
dhisnaan jiray qaab-beeleedka, waxaanay bog cusub u fureen nidaamka dimuqraadiga ah. Tani
waxay daba socotay dhaqan-galkii dastuurka ee sannadkii 2001dii kaas oo iyan uu la kawsaday
habka xisbiyada badan iyo waliba sharciyeyntii xeerka xisbiyada iyo ururada siyaasadda oo ka
dhashay Sharciga Dowladaha Hoose (2001). Marka laga yimaaddo in codbixiyayaasha la siiyay
furasadda ah inay ka qayb qaataan hab doorasho oo furan oo xor ah markii ugu horreysay soddon
sano; doorashooyinka golayaasha deeegaanku waxay kaloo muhiimad gaara u la haayeen habka
maamul daadajinta dawladnimo iyadoo awood badan siinaysa bulshooyinku inay arrimahooda
maamushaan.
Dastuurka Somaliland waxa uu sheegayaa qaab dawladeed maamul daadejin ku salaysan.
Degmooyinka ayaa la saaray masuuliyadda koowaad ee ah bixinta adeegyada bulshada
deegaankooda. Sannadkaa 2002-dii, xubnaha golayaasha deeganka iyo guddoomiiyeyaasha si
toosa looma dooran, laakin waxa laga soo dhexdoortay liisaska xisbiyada. Duqa (Meeyarka), oo
lagasoo dhex xulay xubnaha golaha ayaa waxa uu yahay masuulka ugu sarreeya golaha
deegaanka. Doorka haweenka ayaa aad u hooseeyay waxaana ku jiray laba xubnood oo kaliya
(Oo ka soo kala baxay degmooyinka Berbera iyo Gabiley).
Horumarka laga sameeyay dhanka daadejinta dhaqaale, maamul iyo shaqo qaybeedyada waxay
ahaayeen cagajiid. Ilaha dekhliga ayaa waxa ka mida: lacagaha laga qaado diiwaan gelinta
dhulka, lacagaha sannad laha ah ee laga qaado hantida ma guurtada ah, lacagaha laga qaado
sharciyaynta ganacsiyada, canshuuraha iibka, cashuuraha shaqaalaha dawladda iyo kuwa
xoolaha ee laga urursho suuqyada maxalliga ah. Sida ay sheegayso UNDP, kalabadh dakhliga
dawladaha hoose waxa uu ku baxaa mushaharka shaqaalaha iyo gunnoyinkooda (JPLG, 2011b)
Mudda-xileedka rasmiga ah ee golayaasha deegaanku waa 5 sano laakin waxay Somaliland la
daaladhacday inay qabato doorashooyin deegaan oo kale ilaa sannadkii 2007. Guul darraysigii ay
ku guul darraysteen xukuumaddii markaa talada haysay iyo Gudidii Doorashooyinka Qaranka ee
39
waagaasi inay qabtaan doorashooyinkaasi wakhtigii loo asteeyay iyo waliba mudnaantii la siiyay
doorashooyinkii Golaha Wakiilada iyo Madaxtoyada ayaa waxay qasabtay muddo dhaafka soo
noqnoqday ee golayaasha deeganka.
Guul darrooyinkii is daba hayay ee in doorashooyin la qabto ayaa waxay keentay deganaansho
la’aan siyaasadeed oo soo noqnoqda. Taasi iyana waxay dhiirri galisay in loo leexdo xallinta
jaahwareeryadaasi iyadoo la marayo wada xaajoodyo iyo isfaham guud oo dhexmara dhinacyadii
ku loo lamayay siyaasadda, halkii looga noqon lahaa dastuurka. Sidaasi darteed, Golaha
Guurtidu waxay kordhiyeen muddadii golayaasha deeganka 12-kii December 2007 ilaa 1-dii July
ee 2008da, si markaasi loo waafajiyo qodobadii ay ku heshiiyeen xisbiyada siyaasaddu ee
xalliyay khilaafaadkii siyaasadeed ee taagnaa waagaasi (Hashi, 2007). Waxa kaloo haddana
sannadkii 2010 kii la ansixiyay muddo kordhin kale oo 18 bilood dhan. Marka laga tago
walaaqidda ama rogrogidda siyaasadeed iyo waliba la’aanta hay’ado xoogan oo dhisan, sababaha
kale ee dib u dhacyada soo noqnoqday keenay waxa ka mid ahaa caqabadaha ka yimi nimaamkii
diiwaan gelinta codbixiyaha.
Qabashada doorashooyin isdabayaalla, wakhtiga loo asteeyay waxay gundhig u tahay ku
luglahaansha dadweynaha ee siyaasadda iyo ka qayb qaadashada muwaadinka ee nimaadamka
dimuqraadiga ah ee dawladaha hoose. Dib u dhacyadii tirada badnaa ee doorashooyinka
dawladaha hoose, kaliya may duudsiyin fursadii labaad ee codbixiyaashu ku muujin lahaayeen
xuquuqdooda dimuqraadiyadeed ee ay ku dooran lahaayeen gole deegaan oo cusub, laakiin
waxay kaloo ragaadisay nidaamkii maamul daadejineed iyo dimuqraadiyadeed ee Somaliland.
Tani waxay dadweynihii ku abuurtay niyadjab baahsan oo ay ka qabaan nimaadkii dimuqraadiga
ahaa ee dawladda hoose waxaanay qanac ka muujiyeen golayaashii deegaanka ee xilka hayay
kuwaas oo sharciyadoodii su’aalo layska waydiiyay.
Laga soo bilaabo sannadkii 1991, degmooyin iyo gobolo badan ayaa lagu sameeyey digreeto
madaxweyne oo badanaa salka ku haya dano siyaasadeed wakhtiyada doorashooyinka laga jiro,
ama dano laga leeyahay qabiilo ama reero. Wakhtigan hadda la joogo waxa jira 13 gobol iyo in
ka badan 80 degmo (APD, 2010). Lix gobol iyo 42 degmo oo kaliya ayaa Golaha Wakiiladu
ansixiyay. Sida ay ku doodayaan in badan oo ka mida dadka siyaasadda faaqidaa, ansixinta
goboladaa iyo degmooyinkaasi waxay noqon kartaa arrin aad u xasaasiya maadaam oo
badankoodu aanay lahayn xadayn si cad u kala saarta soohdimahooda. 42 ka degmo, 23 ka mid
ah oo kaliya ayaa ah degmo doorasheed kuwaasi oo 17 ka mid ahi ay si rasmi ah u doorteen
xubnaha golahooda sannadkii 2002-dii. Caadi ahaan ma jiro kala duwanaansho shaqo oo u
dhexeeya golayaasha la doortay iyo kuwa lasoo xulay.
Marka laga tago 300 ee xubhana la doortay ah, waxa iyana jira in ka badan 450, oo ah gudi
xubneedyo degmo oo la magacaabay (APD, 2010). Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxay u
soo xushaa xubno, (Inta badan ka kooban Duqa, Xigeenkiisa iyo Xoghaya Fulinta) dhammaan
40
degmooyinka la aqoonsanyahay kuwaasi oo ay u suuro gali wayday inay doorashooyinku ka
qabsoomaan sababa ammaan awgood. Sidoo kale degmooyinka dhowaanta la sameeyay ayaa
waxay soo xusheen gudiyo u gala halkii xubnaha golaha deegaanka. Sida iska cad
masuuliyiintaasi la soo xulay waxa la xisaabtamaysa dawladda dhexe taasi oo si joogto ah u
bedbedesha. Maadam oo ay yihiin siyaasiyiin la xushay, heerkooda aqooneed iyo xirfadooda
maamul ee ay ku kala hagayaan shaqooyinka dawladaha hoose waxay ka hoosayaan heerka kan
xubnaha golayaasha la doortay (Abdi, 2012). Sidaa darteed, sharciyadda degmooyinka
(Golayaasha aan la dooran leh) iyo gobolada cusuba waxa caqabad ku ah xilkooda aan
dimuqraadiga ahayn iyo waliba awoodda aqooneed ee xubnahooda.
Intaa waxa dheer, in badan oo ka mid ah degmooyinkaasi iyo waliba qaar ka mid ah goboladu
iskuma filna dhanka dhaqaalaha waayo malaha ilo dhaqaale iyo waxyaabo la cashuuro toona.
Degmooyinka yara roon roon ama yar magaaloobay ee leh xubno gole deegaan oo la doortay
waxa ka jira waxoogaa awood dakhli- ururineed, nidaaminta kharashaadka dawladeed iyo
hirgalinta adeegyada dadweynaha ee ay ka mid ka yihiin dayactirka waxyaabaha aasaasiga ah
(JPLG, 2011a). Laakin inkast oo ay waajibaadkooda tahay in golayaasha la doortay ay dhaqaale
ka abuuraan ururinta cashuuraha iyo ilaha kale (ay ka midka yihiin deeqaha caalamiga ah);
haddana badanka golayaasha la magacaabay waxay ku tiirsan yihiin kaabista dawladda dhexe
(Bradbury, 2011).
Daraasadda
Warqaddan ama maqaalkani waxa uu shiishka saarayaa “Dawladaha Hoose”. Faham ahaan
dawladaha hoose waxa loo yaqaan hay’adaha sharci ahaan xilku ka saaran yahay inay bixiyaan
adeegyo dhawr ah oo tilmaaman siiyanna goobo baaxad ahaan kooban oo ay maamulaan.
Somaliland marka laga hadlayo, hay’adahani waxay u jiraan qaab gole la doortay oo metelaya
dhul magaaleed ama degaan miyi ah ama gudi ay dawladi magacawday kuwaas oo masuul ka ah
maareynta arrimaha maalinlaha ah ee deegaanadaas.
Si markaas loo xoojiyo dawladnimada heer hoose ee deegaan kasta, waxa lagama maarmaan ah
in si taxadar leh loo rogrogo xaqiiqooyinka ku saabsan dawladda hoose, sida meelaha ay ku
fiican tahay iyo kuwa ay ku liidato, awooddeeda iyo kartideeda ku wajahan inay daboosho
baahiyaha adeeg ee dadweynaha iyo fursahada horumar ee dhaqaale.
Waa xaqiiqo si weyn layskula qaatay ah in saameynta ay wakaalahada iyo hay’adaha dawaladda
dhexe ku leeyihin nolosha dadweynaha intiisa badan Somaliland ay kooban tahay. Waa wax iska
caadiya in dadka badankoodu si uun ula kulmaan hawlaha dawladaha hoose ha noqoto qaab
rasmi ah, mid dhaqaneed ama mid culimada diinta bulshada la xidhiidha. Baadhistani waxay
xooga saaraysaa xidhiidhka soo ifbaxaya ee siyaasadeed ee rasmiga ah ee ka dhexeeya
muwaadiniinta iyo dawladaha hoose.
41
Ujeedada daraasaddani waxay tahay inay raadiso ama ogaato ra’yga muwaadiniinta caadiga ah
ee Somaliland ee ku wajahan waxtartka golayaasha deegaankooda mudadii sagaalkii sano ee
tagay (2002-2011). Waxay baadi goobaysaa waxtarka dawladaha hoose marka laga istaago
dhanka codbixiyaha iyadoo markaas xoogga la saarayo sida ay wax uga qabteen bixinta
adeegyada bulsho, iyo sida ay u matalayeen iyaga iyo la xisaabtankooda.
Maadaam oo waxyar laga ogyahay xidhiidhka ka dhexeeya muwaadinka iyo dawladda marka
laga hadlayo heer dawlad-hoose, baadhistu waxay cuskanaysaa su’aalo kala iftiimin ah oo is
dabataxan:
Aqoonta uu muwaadinku u leeyahay xubnaha golaha deegaankiisa
Adeegyada ama hawlaha dawladeed ee ay dadku u nisbeeyaan golaha deegaanka
Illaa heerka ay dadku u malaynayaan inay hawlahaasi- (Sida dayactirka waddooyinka,
ururinta qashinka) wax ka qabteen.
Illaa xadka ay muwaadiniintu qabaan in xubnaha la doortay ay u qalmaan ama ku
habboon yihiin inay qabtaan shaqada dawladda hoose.
Iyo sida ay tahay la xisaabtanka masuuliyiintu marka laga eego sida ay u wargelinayaan
ama ay muwaadiniinta ugula tashanayaan maareynta arrimaha maxalliga ah.
Waxay kaloo daraasaddu dadka wax ka waydiisay nooca dawlad-hoose ee ay jeclaan lahaayeen
iyo sida kor loogu qaadi karo kartida hay’adahan maxalliga ah. Daraasaddu waxay ogaatay inay
Somaliland ku naalootay degaansho wax-ku-ool ah oo ay isla markaana ku guulaysatay in ay
aasaasto maamulo salka dhigtay laakin awoodooda hay’adeed ay wali kooban tahay. Guud
ahaan, daraasaddu waxay ogaatay in muwaadiniintu faham dhab ah ka haystaan heerka
awoodeed ee kooban ee shaqooyinka dawladaha hoose, laakin waxay kalo muujisay gal-
daloolada ay leeyihiin habka go’aamo qaadashada maxalliga ah iyo waliba natiijooyinka
horumarineed ee la sameeyay.
Daraasaddu waxay u dan leedahay inay baraarujiso dadka shaqadan qabta, qaadhaan
bixiyayaasha iyo kuwa siyaasadda dejiya ee ku hawlan saaxadda maamul daadejinta iyo
dawladaha hoose. Si gaarana waxay u baraarujinaysaa dadka daneeya xoojinta dabagalka,
kormeerka iyo xaddaynta dimuqraadiga ah ee haykalka dawladaha hoose.
Natiijooyinka oo Kooban
Daraasaddu waxay heshay in guud ahaan muwaadiniintu ay aragti taban ka qabaan waxtarka ama
kartida dawlahada hoose, dhanka tayada adeegyada ay bixiyaan iyo tayada maamulba mudadii
tobanka sano ahayd. Sida la fili karo aragtidoodani (Dadweynaha) waxay saamayn ku yeelan
doontaa hab dhaqankooda cod bixineed marka la gaadho doorashooyinka soo socda.
42
Fariimaha ugu waaweyn ee laga qaadan karo daraasadda waxa ka mid ah:
Ilaa hadda muwaadiniintu ma hayaan wax is beddel ah oo muuqda oo dhanka waxtarka
ah oo laga dhaxlay doorashooyinkii dimuqraadiga ahaa
Waxa sii kordhaysa kala fogaanshaha u dhexeeya kuwa wax maamulaya iyo kuwa la
maamulayo, marka la eego degmooyinka daraasadda laga sameeyay
Waxa sii badanaysa qaabka maamul ee dawladaha hoose ee ah inay deegannadooda u
taliyaan iyagoon wax badan kala tashan dadweynahooda
Tani waxay taag tiraysaa sharciyaddii dawladaha hoose waxaanay Somaliland ka
leexinaysaa himiladii loo dhammaa ee ahayd dhidibo u taagista nidaam dawladeed oo
dimuqraadiya
Xal u helista dhibaatadani kaliya ma noqonayso in la hor mariyo xirfadaha iyo farsamada
awoodeed ee golayaasha deegaanka iyadoo lacago badan gadhka loo darayo. Waxay u baahan
tahay in la geddiyo hab dhaqanka dadkan u adeegaya dadweynaha ee ku wajahan muwaadiniinta.
Dadka ay daraasaddu waraysatay waxay soo jeediyeen siyaabo badan oo loo wanaajin karo
kartida dawladaha hoose. Farriintooda ku aaddan golayaashu waxay u cadday sidan:
Inay si dhab ah noo dhageystaan oo ka fal celiyaan baahiyaha aan qabno
Inay si firfircoon noola socdaan isla markaana ay cadaato qaabka ay lacagtayada u
isticmaalaan
In aanu la xisaabtanno
Inay nasoo gaadhsiiyaan agabyada aanu u baahannay
Wixii ka danbeeya hordhaca iyo qaabka la raacay daraasadda iyo xulashada degmooyinka iyo
dawladaha hoose ee ka qayb qaatay cilmi baadhista, warbixintu waxay soo bandhigi doontaa
natiijooyin iyo gun-dhac. Gun-dhacaas waxa uu muhiim u yahay siyaasad dejinta dawladda
dhexe iyo waliba kuwa maanka ku haya inay isku soo taagaan doorashooyinka soo foolka leh.
2. HAB DARAASADEED
Daraasaddu waxay raacaysaa qaab is barbar dhig ah oo ay isla eegayso aragtiyaha dadku ka
haysto guud ahaan dawaladaha hoose iyo sida ay u shaqayso marka layska taago dhanka siyaasad
iyo dhaqaale daadajineed, iyo sidoo kale nooca dawlad hoose ee ay jeclaan lahaayeen
mustaqbalka. Daraasaddu waxa sidoo kala qayb ka ah dib u eegis lagu sameeyay cilmi baadhisyo
hore iyo soo ururin xogo hor leh iyada oo la adeegsanayo su’aalo guud oo daba furan. Waxa ka
mid ahaa su’aalahaasi tayada adeegyada iyo tayada maamul si markaas wax badan looga fahmo
sida labadaasu iskula xidhiidhaan isuna saameeyaan.
43
Degmooyinka Daraasadda laga sameeyay
Sannadkii 2002-dii, waxa jiray 42 maamul degmood kuwaas oo 23 ka mid ahi ay ahaayeen
degmooyin doorasho, kuwaas oo iyana 18 kasii mid ah si rasmi ah loo doortay. Laga soo bilaabo
sannadii 1991, 21 degmo oo cusub ayaa lagu magacaabay digreeto madaxweyne iyadoo aan la
cayimin soohdimahoodii, dhammaantood, laba keliya ayaa golaha wakiiladu ansixiyay.1
Xogta laga soo ururiyay aragtida muwaadiniintu ka haystaan dawladaha hoose waxa laga soo
qaatay muunad shan degmo ah oo baaxad ahaan iyo hab doorsho ahaanba kala duwan (4 laga soo
qaatay 24 ka sida rasmiga ah u doortay iyo mid laga soo qaatay kuwa aan la dooran), waxaanay
kala yihiin: Hargiesa, Borame, Salaxley, Sheekh iyo Sabawanaag (Eeg shaxanka 1aad
). Mid
kastoo ka mid ah degmooyinkaasi waa la daraaseeyay. Qaabka la raacay markii la dooranayay
gole deegaanadaasi waxay ahayd iyadoo la eegaayo tirada dadka ku nool, sida ay dadkaasi ugu
kala qaybsan yihiin miyi iyo magaalo iyo waliba qaabka golaha deegaanka loo soo doortay.
Shaxanka 1aad: Astaamaha Degmooyinka Daraasadda laga fuliyey
Degmooyin Heerka La asaasay Tirada Guud
ee Xubnaha
Golaha
Deganka
Hargeysa A Ka hor 1960 25
Borame A Ka hor 1960 21
Salaxley C Ka hor 1991 13
Sheikh C 1960-1999 13
Sabawanaag
(Xubnaha Golaha
lama dooran)
D Kaddib 2007 9
Dadweynaha Daraasadda laga Qaaday
Guud ahaan 92 xidhmo-su’aaleed wareysi ayaa la sameeyay. Afartan ka mid ah ayay buuxiyeen
dadkii laga qaaday naf ahaantoodu, halka inta soo hadhay wareysiyadana loo sameeyey si fool-
ka-fool ah. Guud ahaan waxay qaadatay in la dhameys tiro hawshan, ku dhawaad saddex
todobaad.
44
Dadka xogta laga qaaday waxa si habqan ah looga soo xushay daneeyayaal kala duwan oo ay ka
mid yihiin ganacsato, aqoonyahanno, haween, dhallinyaro, waayeel, culimo, hogaamiye
dhaqameed, ururada bulshada raydka ah, ardayda dugsiyada sare iyo jaamacadaha iyo waliba
xirfadleyda (Eeg Shaxanka 2aad
). Ku dhawaad saddex meelood, hal meeli waxay ahayd haween,
taasi oo suuro galisay inaanu isu dheeli tirka jinsigu meesha ka bixin.
Qayb weyn oo ka mid ah dadka xogta laga qaaday boqolkiiba lixdan (60%) da’doodu waxay ka
hooseysey 35 sano, halka ku dhawaad saddex dalool, laba dalool ay lahaayeen heer aqooneed
dugsi sare iyo wixii ka sarreeya ah. Ardayda iyo aqoonyahanka oo ay ku jiraan macallimiinta
dugsiyada sare iyo jaamacaduhu waxay ahaayeen boqolkiiba soddon (30%) ka mida dadka la
xog wareystay.
Shaxanka 2aad:
Dadka la wareystay
Qaybaha Tirada dadka wareysiga laga qaaday
Hargey
sa
Bora
me
Sheik
h
Salaxle
y
Sabawana
ag
Tiro
Guu
d
Bulshada Raydka ah
2 2 1 5
Ganacsatada 3 2 3 2 2 12
Arday
3 4 2 5 3 17
Aqoonyahano/Xirfadley/Sharciya
qaano
4 3 2 4 2 15
Ururada Maxalliga ah 3 3 3 2 2 13
Suxufiyiin 1 1 1 3
Culimada iyo hogaamiye
dhaqameedka
3 2 1 1 3 10
Muruqmaal/Basleyaasha 2 1 3
Qaybaha Haweenka 4 2 2 1 1 10
Kooxaha Laga Tirada Badan yahay 2 1 1 4
Tirada Haweenka 8 7 5 6 4 30
Tiro Guud 26 21 14 17 13 92
45
3. Natiijooyin
Qaybta 1aad
: Nidaamka Siyaasadda Maxalliga ah
Heerka ay Muwaadiniintu yaqaanaan xubnaha golahooda deegaanka, fahamsan yihiin
doorkooda ee ay la dhaqmaan Dawladda Hoose
Aqoonta ay u leeyihiin xubnaha golaha deegaankoodu waxay ku xidhantahay baaxadda degmadu
leegtahay. Si guud, degmaba degmada ay ka dad yartahay ayay fududahay in dadku yaqaanaan
hogaamiyayaashooda. Waxay aqoontoodu weliba u sii badan tahay dumarka da’doodu ka
sarreyso 30 sano marka loo eego ragga da’daas ah, iyada oo weli ay dadkaasu u sii badan yihiin
dadka heerkooda aqooneed sarreeyo iyo kuwa hayntooda dhaqaale fiican tahay. Kuwa aqoonta
ugu yar u leh waxa ka mid ah dadka da’doodu ka hooseyso 30 sano ee dumarka ah ee heerkooda
aqooneed iyo darajadooda bulsheedna hooseyso.
Degmagada Sheekh marka la eego, dadku aqoonta ay u leeyihiin Duqa iyo xubnaha golaha
deegaanka way hooseysaa marka la garab dhigo degmooyinka yar yar ee kale. Waxa laga yaabaa
inay arrintan ugu wacan tahay is bed-beddelka badan ee guddoomiyayaasha- afar jeer ayay is
beddeleen degmada Sheekh tobankii sano ee la soo dhaafay.
Aragtiyo muhiim ah ayaa sidoo kale laga qaatay kartida waxqabad ee dawladaha hoose iyada oo
la qiimaynayo ka warqabka dadweynaha ee doorka iyo masuuliyadda golaha. Dadka xogta ka
jawaab celiyay intooda badan waxay sheegeen inay u yaqaanaan golahan, hay’adda loo xil
saaray inay maamusho hawlaha horumarineed ee maxaalliga ah iyadoo markaas metelaysa
dawladda dhexe. Waxyaabaha ay u xilsaaran tahay ee ay dadkani taxeen waxa ka mid ah arrimo
badan oo ay ku jirto qorshaynta dhulka, dhawrista nadaafadda bulshada. Si kasta oo ay tahay
haddaba, tiro fiican (Boqolkiiba Soddon iyo Siddeed) oo dadkaasi ka mid ah ayaa fahamsan
doorka ugu weyn ee golayaasha dawladaha hoose oo ah inay metelaan bulshada iyagoo markaas
ogaanaya dhibaatooyinka haysta bulshada oo ay cashuurta dadka u adeegsadaan sidii ay
dhibaatooyinkaas wax uga qaban lahaayeen. Oday dhaqameed reer Borama ah ayaa hoosta ka
xarriiqay “Xubnaha golaha deegaanka waxa loo doortay inay ka shaqeeyaan horumarka
degmada, laakin ma hubo in qaar ka mid ah goluhu wali arrintaa xasuusan yihiin"
46
Masuuliyadaha Rasmiga ah ee Golayaasha Degmooyinka
- Golayasha degmooyinku waxay leeyihiin awoodo is-maamul. Taas oo
macnaheedu yahay in masuuliyiinta degmooyinku leeyihiin awoodo maamul oo ay
ku soo rogi karaan kuna ururin karaan cashuuro, bixin karaan adeegyo isla markaana
ay hormuud ka noqon karaan mashaariic horumarineed.
-Golaha deegaanku waxa uu ka masuul yahay fulinta siyaadaha dawladda iyo
mashaariicda dawladeed. Maamulka degmooyinku waxay warbixino khuseeya sida
ay u isticmaaleen kharashaadka ay siisay dawladda dhexe, sida ay u maamulaan
dakhliga iyaga soo gala iyo horu socodka mashaariicda dawladda, u soo gudbiyaan
wasaaradda arrimaha gudaha. Il-xogeed: Somaliland in Figures, 2009
Halka boqolkiiba lixdan (60%) dadku ka yidhaahdeen bixinta adeegga biyuhu waxa uu
hoostagaa dawladda hoose, boqolkiiba konton iyo shan kaliya ayaa ogaa inay dawladda hoose
masuul ka tahay gurista qashinka. Dhanka kale, waana arrin welwelkeeda leh, boqolkiiba
todobaatan iyo shan “75%” ka mid ah dadka la wareystay ayaa aaminsan in waxbarashada
dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ay ku jirto masuuliyadaha dawladaha hoose in kast oo taasi ay
iska kooban tahay. Laakin arrinta xiisaha lihi waxay tahay in aanay dadku sheegin arrimaha
adeegga daryeelka caafimaadka taas oo ah masuuliyad ay dawladda hoose iyo ta dhexeba
wadaagaan. Kala duwanaansha degmooyinka u dhexeeya dhanka ka warqabistu waa mid aad u
weyn, iyada oo Hargeysa ay ugu sarreyso, boqolkiiba soddon(30%) ayaa ka war la’a
masuuliyadaha golaha deegaanka, Borama ayaana ugu hooseysay, boqolkiiba toban iyo shan
(15%). Degmooyinka yar yar kala duwanaansho weyni uma dhexeeyo.
Markii wax laga weydiiyay, waxa uu golaha deegaanku u qabto, waxay intooda badani ku
jawaabeen inaanu waxba u qaban. Intaa in leeg ayaa iyaguna sheegay in aanay waxba u qaban
dumarka. Waxase suurogal ah in ay dadku ka jawaabayeen su’aasha ku saabsan in ay iyagu qof
ahaan faa’iido uga soo gaadhay. Hasayeeshee, boqolkiiba soddon iyo shan (35%) waxay
sheegeen inay ka faa’iideen qashin ururinta iyo dayactirka waddooyinka.
Ganacsade reer Hargeysa ah ayaa leh “Golaha deegaanku cashuurta ayuu iga urursadaa, laakin
wax faa’iido leh oo ii qabtaa ma jiro”
Qiimeyntu waxay muujisay in kaliya boqolkiia shan iyo toban ka mid ah dadka la wareystay ay
si joogta ah u tagaan xarumaha dawladda hoose inta lagu guda jiro sannadka. Labaatan
boqolkiiba ayaa si dhif dhif ah u taga halka boqolkiiba todobaatan iyo laba aanay kaba ag
wareegin golaha deegaanka.
47
Si kastaba ha ahaatee, waxa jira kala duwanaansho weyn, oo ku xidhan baaxadda degmada;
dadka ku nool magaalooyinka yar yar waxay haystaan fursado badan oo ay ku booqdaan xarunta
golaha deegaanka, in kasta oo laga yaabo in aanay waxtarba kala soo noqon booqashadooda.
Dadkan muwaadiniinta ah ee inta badan taga dawaladaha hoose, ujeedadooda ugu weyn ee ay u
tagaan waxay tahay bixinta cashuuraha ama arrin dhul la xidhiidha.
Arday jaamacadda Hargeysa dhigta ayaa waxa uu ku doodayaa: “Wacyi gelinta liitada ee
bulshada iyo badanka xubnaha golaha deegaanka ee ka haysta doorka iyo masuuliyadaha
dawladda hoose ayaa waxay keentay karti la’aan iyo waxqabadka liita iyo mar marka qaar
fashilaadda golaha deegaanka”. Arday kale ayaa ku daray “Dadka intooda badani kama
warqabaan doorka dawladda hoose….waxa keliya ee ay yaqaanaan waxa weeye inay guud ahaan
ka mid tahay dawladda.”
Inay garan waayaan cidda ka masuulka ah bixinta adeegyada kala duwan waxay adkeyneysaa
inay muwaadiniintu ka doontaan adeegyadaasi ciddii saxda ahayd ee bixinaysay waxaanay
markaas keenaysaa in hay’ad kale eedo aanay lahayn laga saaro waxqabadka liita ee ka
yimaadda adeegyadaas. Meel kasta, in la baahiyo wacyi gelinta dadweynaha ee ku wajahan
masuuliyadaha dawladaha hoose, ayaa waxay saldhig u noqonaysaa kor u qaadista wada
xidhiidhka dawladda hoose iyo muwaadiniinteeda.
Filashada Dadka iyo La dhacsanaantooda Golayaashad Deegaanka
In ka badan boqolkiiba todobaatan (70%) ka tirsan dadka xogta laga qaaday, waxay yidhaahdeen
lama dhacsanin waxqabadka golaha deegaanka; boqolkiiba siddeetan (80%) waxay
dareensanaayeen in aanay golaha deegaanku haba yaraatee la kulmin filashadoodii wixii ka
danbeeyay doorashooyinkii 2002-dii. Boqolkiiba lixdan (60%) ka mid ah dadka xogta bixiyay
waxay intaas ku dareen in golaha deegaanku abuureen hab dhaqan aan dimuqraadi ahayn iyo
takoor dadweynaha ka dhan ah. Sidaas darteed dadka xogta bixiyey xoogoodu waxay qabaan in
golaha deegaanku aanu fiicneyn, bilaa karti yahay oo aanu dimuqraadi ahayn. Tusaale ahaan
dadka badidoodu, waxqabadka liita ee dawlaha hoose waxay aastay rajooyinkii ay ka qabeen in
heerkooda nololeed wanaagsanaan doono tan iyo markii uu dhaqan galay habka xisbiyada
badani. Wadaad culimada Hargeysa ka mid ah ayaa sidan yidhi:
“Waxa i welwel galinayaa waxa uu yahay in dadkii aanu u codaynay ee ballan qaadyada fiic
fiican sameeyay ay ka baxeen ballankoodii… waxaa la odhan karaa denbi ayay ku dhaceen ama
wax is daba marin ayay sameeyeen waayo waxa muuqata inay codkayagii xadeen sababtooda ah
may sharfin ballan qaadkoodii”.
48
Dadka badankoodu waxay golaha deegaanka la xidhiidhiyeen adeeg yaraan, musuq-maasuq,
karti darro fulinta mashaariicda ah, maroorsi iyo in aanay cidna si fiican u metelin. Waxa jira
sababo badan oo sharraxaya waxa golaha deegaanka loogu arko inaanay si fiican u metelin
dadkii soo doortay. Dad gaadhaya boqolkiiba lixdan (60%) ayaa sheegay in aanay aragba
xubintooda golaha deegaanka marka laga reebo wakhtiyada doorashooyinka. Waxa markaas jira
kala xidhiidh furan u dhexeeya dadka iyo golahooda deegaanka.
Waxooga rajo ah oo togan ayaa ka jira degmooyinka yar yar halkaasi oo xubnaha golayaasha
deegaanku ay firfircooni ka muujiyeen inay la kulmaan dadyawgii soo doortay. Tusaale ahaan,
Salaxley si isleeg (50:50) ayay dadku ugu qaybsameen ku qanacsanaanta tayada shaqada ay
goluhu qabteen iyo inay fuliyeen wixii laga filayay.
Arrinta kale ee dadka macluumadkan laga soo ururiyey aanay aad ula dhacsanayn xaga wax
qabadka golayaashooda deegaanku, waxa ay tahay iyada oo aanay golayaashu deegaanku
sharciga raacin. Dadka macluumaadka laga soo ururiyey 60% ayaa waxay la tahay in golayaasha
deegaanku ay hawsha ay u hayaan umadda uga faaiideeyaan danahooda gaarka ah. Magaalada
Hargeysa tusaale ahaan, tiradu inta aynu soo sheegnay way ka saraysaa oo ilaa 72% ayaa ku
jawaabay in si khiyaamaysan ay golayaasha deegaanku uga faaiidaystaan khayraadka, halka
magaalada sheikh laga helay tirade ugu yar oo ah 40%.
Haweenay dukaanley ah oo reer Boorame ah ayaa waxay tusaale ahaan ku jawaabtay “xubnaha
golaha deegaanku dantooda uun bay ka fakaraan. Waxay u muuqdaan kuwo harraadan,
imakana wali waxay ku hawlanyiin sidii ay u heli lahaayeen waxay rabeen. Iskumana hawlaan
inay fuliyaan wixii loo igmaday waayo wali maanaan arag wax horumar ah oo laga sameeyey
magaaladayada. Waxa suurto gal ah in aanu badalno dadkii aanu dooranay.”
Waxa iyadanu muhiim ah in la ogaado in daraasaddani ku salaysantahay rayi ururin dadka laga
soo ururiyey oo aan waxba laga waydiin dhinaca kale (golayaasha deegaanka) si ay isaga
difaacaan eedaha loo soo jeediyey. Si kastaba ha ahaatee waxa muhiim ah in la ogaado in dadku
(oo ah codeeyayaasha) ay aaminsanyihiin in golayaasha deegaanku aanay ilaalinin sharciga iyo
ku dhaqankiisa. Arrintan waxa lala xidhiidhin karaa maamul xumada, hufnaan la’aanta iyo xog
la’aan; si loo hubiyo in khayraadka looga faaiidaysatay si sax ah oo waafaqsan sharicaga.
Erayga islaxisaabtan waxa lagu qeexaa awoodda ay muwaadiniintu u leeyihiin in ay la
xisaabtamaan maamulka dawladaha hoose. Waxa lagu cabiraa marka jiritaanka hay’ado awood u
leh inay hirgeliyaan isla xisaabtanka sida doorashooyin ama dood cilmiyeedyo dadka lagu
casuumo oo ay ka qayb qaataan.
49
Labadan arrimood midkoodna kama jiro dagmoyinka dalka tobankii sano ee la soo dhaafay.
Dadka aadka u tirada yar ee aaminsan inay golayaasha deegaanku yihiin kuwo dimqraadi ah
waxay ku sababeyeen xil ka qaadista maayarka ee ay sameeyaan xubnaha golayaasha deegaank a
qaarkood. Arrintan ayaa ka dhacday dhawr Degomo oo ilaa 3 maayar laga qaaday xilka
maayarnimo, sida Boorame.
Run ahaantii wax farqi oo wayni uma dhexeeyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee laga soo
ururiyey macluumaadkan. Dadkan oo ay heerarkooda wax barasho iyo dhaqaalahooduba kala
duwanaayeen waxay Dhamaantood ku wada tiraabeen jawaab isku dhaw dhaw ama isku mid ah.
Doorka Bulshada Rayidka ah
Marka aynu eegno doorka ay bulshada rayidka ahi ku leeyiin dagmooyinkooda, waxa soo baxday
in 50% ay aaminsanyiin inay dadaalayaan laakin ay soo wajahday golayaal deegaan oo aan
diyaar u ahayn in ay la shaqeeyaan bulshada rayidka ah. Qiyaas ah 25% dadka macluumaadka
laga soo ururiyey waxay rumaysanyihiin in bulshada rayidka ah lafteedu aanay si dhamaystirna
ugu diyaar ahayn inay ka shaqeeyaan arrimo lagula xisaabtami karo wax qabadka golayaasha
deegaanka. Tusaale ahaan arday dugsi sare oo boorame ku yaal wax ka bartaa ayaa ku jawaabay
sidan “bulshada rayidka ahi waxay u qaybsantay qabiilo iyo jilibyo markaa ma awoodaan inay
hortagaan golayaasha deegaanka oo ay la xisaabtamaan”
Dadka macluumaadka laga soo ururiyey waxay aaminsanyiin in golayaasha deegaanka ee la
doortay ay cadaadis ku hayaan bulshada rayidka ah islamarkaana ay ka horjoogsadaan
hawlahooda la xdhiidha u doodista dadka. Arrinta xiisaha leh waxay tahay in bulshada rayidka
ahi ay ku xooggan tahay dagmooyinka yaryar oo aanay wax saamayn ah ku lahayn
magaalooyinka waawayn.
Jiritaanka bulsho rayid ah oo firfircoon islamarakaana kala aragti duwan waa mid ka mida
calaamadaha lagu garto jiritaanka maamul hoosaadyo wanaagsan. Ururada bulshada rayidka ah
waxay door muhiim ah ka ciyaari karaan inay dadka tusaan goldaloolooyinka maamulada
dawladaha hoose iyagoo islamarkaana khibaradooda uga faaiidaynaya golayaasha deegaanka.
Farqiga u Dhexeeya Golayaasha Deegaan ee la Doortay iyo Kuwa la soo Magacaabo.
Dadka macluumaadka laga soo ururiyey intooda badani way ku kala aragti duwanyihiin arrintan.
Waxay sheegeen in golayaasha deegaan ee la soo magacaabo ay ahaayeen kuwo khibrad iyo
waayo aragnimo le laakiin waxa la xisaabtami kara oo kaliya ciddii soo magacawday; halka
kuwa la doortay ay yihiin kuwo aan khibrad badan lahayn oo aan wax badan qabanin, laakiin
dadkii soo doortay ay la xisaabtami karaan.
50
Professor Jaamacada Amoud wax ka dhiga ayaa wuxuu leeyey “farqiga u dhexeeya waxa weeye
midi si dimuqraadiyad ahaan ayuu dadka matalaa halka ka kalana uu haysto kalsoonida umada
guud ahaan”
Waxyaabaha inta badan lagaga cawdo golayaasha deegaanka ee la doortay waxa ka mida tiro
badnaantooda; musuqmaasuq iyo inay ku loolamaan awooda maayarka oo uu wakhtigu ku lumo
tartan dhexdooda ah. Odhaahda caanka ee ka jirta Hargeisa waxa weeye “Magaaladu ma
awooddo inay yeelato 25 Maayar”. Macnaha arrinkani waxa weeye dhamaan xubnaha golaha
deegaanku waxay aamisanyihiin in si isku mid ah loogu doortay deegaanka isla markaana ay u
siman yihiin khayraadka iyo gaadhista go’aanada ugu dambeeya.
Si kastaba ha ahaatee dadka qaar ayaa aaminsan in aan khaladka la wada saarin golayaasha
deegaanka. Tusaale ahaan oday ku nool dagmada salaxley wuxuu leeyey “tartanka dhex yaala
qabiilooyinku wuxuu sababay in qaar aan wax tar lahayn ay ka mid noqdaan golayaasha
deegaanka. Arrintaana waxa ugu wacan ismuujinta qabiilooyinka iyo rabitaankooda ah inay
wax ka helaan khayraadka dawladda”
Guud ahaan golayaasha deegaanka ee la doortay waa lala xisaabtami karaa iyadoo cod lagaga
qaadayo xilka ay hayaan laakiin kuwa la magacaabo si fudud bay dawladdu shaqada uga eryi
kartaa
Qaybta 2aad: Maaliyada Dawladaha Hoose
Ka warqabida Cashuurta Dawlada Hoose Qaado.
Xogtani waxay daaha ka qaaday in 70% dadka macluumaadka laga soo ururiyey ay ogyihiin
meelaha uu dakhligu ka soo galo dawaladaha hoose. Ilaha dakhliga waxa ka mid ah cashuurta
laga qaado ganacsatada iyo hantida ma guurtada ah, waxa kale oo ka mid ah bixinta dhulka iyo
iibinta dhulka danta guud. Dadka xogta laga soo ururiyey 35% ayaa iyagu rumaysan in ay
dawladda dhexe, hay’adaha caalamagi ah iyo Qaramada Midoobay ay caawiyaan dawladaha
hoose.
Si kastaba ha ahaatee 78% dadka xogtan laga soo ururiyey ma oga sida ay dawladaha hoose u
isticmaalaan dakhliga soo gala sababo la xidhiidha xog la’aan. Aqlabiyadda dadkani waxay
sheegeen in aanay cadayn sida loo isticmaalo kharashaadka soo gala dawladaha hoose. Sida ay
ku jawaabeen dadka daraasadda laga soo ururiyey 58% waxay leeyihiin golayaasha deegaanku
dadka lama wadaagaan wax xog ah mana waydiistaan wax talo ah.
51
Intaa waxa sii dheer, 60% ayaa aaminsan in lacagta soo gasha golayaasha deegaanka aan sidii la
rabay loo isticmaalin. Xogtani waxay tilmaamaysaa in aanay dadku wax xog ah oo ku saabsan
cashuuraha la qaado iyo doorka ay ku leeyiin horumarku aanu jirin. Tusaale ahaan qof deggan
magaalada Hargeisa ayaa ku jawaabay sidan “wax xog ah oo dadku ogyiin haba yaraatee ma
jirto.”
Marka lays barbar dhigo dagmooyink yaryar iyo kuwa waawayn, ku yaryar ayaa wax badan ka
og kharaashaaadka dawladhaha hoose. Hase yeeshee marka la eego hufnaanta iyo cadaynta siday
wax u baxeen iyo furfurnaanta golayaasha deegaanka, waxa soo baxday in golayaasha
deegaanku ay u baahanyihiin inay sameeyaan horumar.
Qaybta 3aad: Xidhiidhka ka dhexeeya Dawlada Dhexe iyo Dawladda Hoose
Xidhiidhka ka dhexeeya Golaha Deegaanka iyo Dawladda Dhexe
Inta badan (55%) dadka ka qayb qaatay xogtan, waxay sheegeen in aanay garanayn xidhiidhka
ka dhexeeya dawladaha hoose iyo dawladda dhexe, laakiin waxay ka war qabaan in uu jiro
xidhiidh. Tusaale ahaan haweenay ku nool magaalada Sheikh ayaa waxay leeday “waxay ka
wada shaqeeyaan horumarka”. Dad gaadhaya 30% ayaa waxay leeyihiin in kasta oo aanay
dawladdu shaqada ka eryi karin xubnaha golayaasha deegaanka ee la doortay, haddana waxay
hoos tagaan Wasaarada Arrimaha Gudaha,
Dad tiro yar (24%) ayaa sheegay in aanay dawladaha hoose aanay ka madax banaanayn
faragalinta dawladda dhexe, iyagoo intaa ku daray tusaale ahaan wasaaradda maaliyaddu hore
uma sii dayso lacagaha dawladda dhexe siiso dawladaha hoose. Dadka sidan ku jawaabay
badidoodu waxay ku noolyihiin Magaalada Hargeysa.
Jawaabaha arrintan ay dadku ka bixiyeen waxay ina tusayaan in aanay kala caddayn xeerarka
kala hagaya ama kala xadidaya shaqada iyo doorka dawladda dhexe iya ka dawladaha hoose.
Qaybta 4aad: ka Qaybgalka dadweynaha ee talada iyo go’aamada
Si aynu u qiimayno fikaradda dadku ka aaminsanyihiin muhiiimadda ay leeday ka
qaybqaadahsha talada dalka ee heer dagmo, ayaa waxa dadka loo soo bandhigay bal in dadku si
firfircoon uga qayb qaataan hawlaha iyo maashaaariicda ay wadaan golayaasha deegaanku iyo in
kale. Dadka ka qayb qaatay daraasadda 75% ayaa waxay sheegeen in aanay ka qayb qaadan
hawlaha ay fuliyaan dawladaha hoose, dad intaa ka badan (85%) ayaa iyagu ku jawaabay in
aanay haba yaraatee wax tabarucaad ah ku darsanin hawlaha iyo mashaariicda ay fuliyaan
dawladaha hoose. Dadka ku nool magaalooyinka waaweyn badidoodu kama qayb galaan
kulamada dawladaha hoose (66% ayaan ka qayb qaadan) marka la barbar dhigo kuwa ku nool
tuulooyinka yaryare ee miyiga.
52
Dad aad u badan ayaa iyagu ku doodaya in aanay dawladaha hoose ku casuumin dadweynha inay
ka qayb galaan kulamada lagu gorfaynayo qorshaha arrimaha horumarka, qaar kale ayaa iyagu
aaminsan in golayaasha deegaanku ay mararka qaarkood dadka isugu yeedhaan si ay uga
faa’iidaystaan.
Dadweynaha reer Hargeisa (75%) ayaan ka qayb qaadan arrimaha dawladaha hoose marka la
barbar dhigo dagmooyinka kale. Waxa arrintan lagu sababayn karaa dadka ku nool Hargeisa oo
ay ka luntay kalsoonidii ay ku qabeen dawaladda hoose. Dhalinyaro gaadhaysa 60% iyo 79% oo
ka mid ah dadka laga tirada badanyahay ayaa ku jawaabay in aanay ka qaybqaadan hawlaha
dawladda hoose. Tani waxay cadaynaysaa sida ay kooxahan aan looga qayb galinin arrimaha ku
saabsan dawladaha hoose.
Dad aad u badan (65%) ayaan ku qanacsanayn sida ay bulshadu uga qaybqaadato arrimaha
dawaladaha hoose. Waxay ku andacoonayaaan in aanay dawladda hoose dadkeeda kala tashanin
arrimaha ku saabsan horumarka degmada. Waxay intaa ku dareen in wada shaqaynta qaybaha
kala duwan ee bulshada, ururada bulshada rayidka ah iyo oday dhaqameedku ay aad u yartahay.
Waxa aan jirin hab ay dadweynuhu kaga qayb qaataan hawlaha dawladda hoose. Sidaa
daraadeed dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ragga, dumarka, dhalinyarta, oday dhaqameedka iyo
ururada bulshada rayidku aad buu u yaryahay.
Araday wax ka barta Jaamacada ayaa wuxuu ku cawday sidan:
“Ma awoodno inaanu xakamayno ama ku lug yeelana go’aamada saamaynta ku le
noloshayada, waxaanu u baaahanay in dawladda hoose ay intaa nooga soo dhawaato- annaga
laftayadu waa inaanu fahamno go’aamadaas aanaan samayn Karin laakiin saamaynta weyn
nagu le”
Seddex dalool ka mida afar qof oo kasta dadka macluumadkan laga soo ururiyey waxay leeyihiin
waxba nalagama ogaysiiyo go’aamada ay gaadhaan golaha deegaanku, halka ay 15% ka mid ahi
ay iyagu sidaa ku qanacsanyihiin. Tusaale ahaan Hargeysa, xogta ay bixiyaan golayaasha
deeganku laguma qanco (70% laguma qanco), halka degmada Salaxlay ay sidaa ka yar fiicantay
(50% aanay ku qancin). Dawlada hoose ee magaalada Boorame ayaa ugu liidata oo 93%
dadwaynuhu waxay rumaysanyihiin inaan golaha deegaanku waxba kala socodsiin dadka
go’aamada ay gaadhaan.
Dumarka aad bay ugu adkaatay inay ka qayb galaan hogaanka siyaasadda ee dalka sababo badan
awgood oo isugu jira mid bulsheed, mid dhaqameed iyo sababo dhaqaale daro. Sinaan la’aanta
siyaasada ee ragga iyo dumarka waxa muujinaya xaqiiqada ka jirta dagmooyinkan. Dadka
macluumaadkan laga soo ururiyey 90% waxay rumaysan yihiin inaanay dumarku si siman
awood galaangal ugu lahayn golayaasha deegaanka iyo go’aamada ay gaadhaan. Waxa la
53
ogaaday in aanay dumarku haba yaraatee xisbiyada siyaasadda mansabyo siyaasadeed ka haynin.
Guud ahaan 375 ka xubnood ee golayaasha deegaanka waxa haween ah 2 dumar ah oo keliya.
Tan macnaheedu waxa weeye 4.6% ayaa dumar ka ah golayaasha deegaanka dalka ee la doortay.
Gunaanadka arrintani waxay tahay in kasta oo ay golayaasha deegaanku yihiin maamullada
dadka intiisa badan ay gaadhaan ama fursad u helaan inay la kulmaan, hadana waxa xaqiiqo ah
inaan golayaasha deegaanku aanay wax wada tashi ah kala samaynin dadwaynaha arrimaha
horumarka, islmarkaana aanay u soo gudbinin wax xog ah. Tani waxay muujinaysaa heerka ku
qanacsanaanta dadwaynaha ee maamulka deegaanka.
Habka ama nidaamka dimuqraadiga ah ee xisbiyada badan ee aynu qaadanay uma muuqdo mid
soo kordhiyey dhaqan dimuqraadiyadeed. Dadweynuhu guud ahaan wax badan kama filayaan
dawladda. Kama filayaan in ay dawladdu la tashato dadka waayo wax ay hore u soo arkeen ma
ahayn.
Dad badan ayaa ku doodaya in dadka talada hayaa ay ku fashilmeen ku dhaqanka
dimuqraadiyadda waayo waxay inta badan ku mashquulsan yihiin sidii ay awoodda ugu
guulaysan lahaayeen oo keliya.
Inta badan dadka macluumaadka laga soo ururiyey waxay aaminsanyihiin in aanay shacabku
garanayn ama aanay awood u lahayn in ay la xisaabtamaan golayaasha deegaanka marka laga
reebo xilliyada doorashooyinka. Dadka qaar waxay ku doodayaan in aanay dadwaynuhu arrintan
ka midaysnayn si ay u raadsadaan xuquuqdooda waayo waxay u kala qaybsanyihiin qabiilooyin,
gobolo iyo arrimo la xidhiidha siyaasad.
Qaybta 5aad: Adeegga Dawladaha Hoose
Dadka daraasadan ka qayb qaatay waxay ka hadleen tayada adeegyada ay bixiyaan golayaasha
deegaanku. Markii dadka la waydiiyey howlkarnimada golayaasha deegaanka ee bixinta
adeegyada bulshada, 11% oo kaliya ayaa ku jawaabay in golayaasha deegaanku ay bixiyaan
adeegyo tayo le. Dadka qaar (17%) ayaa iyagu leh wax adeeg ah oo ay bixiyaan haba yaratee ma
jiro, halkaa 70% ay yidhaahdeen golayaasha deegaanku ma bixiyaan adeeg bulsho oo fiican. Is
barbar dhigga shantan dagmo ee macluumaadka laga soo ururiyey, Boorame ayaa ugu sarraysay
heerka ku qanacsanaanta (25%) halka ay Hargeysa ugu hoosayso (5%);
Markii dadka la waydiiyo noocyada adeegyada bulshada ee ay golayaasha deegaanku bixiyaan,
70% dadku waxay ku jawaabeen in ay qashinka guraan iyo dayac tirka wadooyinka. Dad aad u
kooban ayaa ku daray in ay dhulka bixiyaan, xaliyaan khilaafaadka gaar ahaan kuwa la xidhiidha
dhulka iyo amniga.
54
Waxtarka hay’adahani waxa uu ku xidhan yahay tayada iyo aqoonta dadka xafiisyada fadhiya.
Sidaa daraadeed cilmi baadhistani waxay dadka waydiisatay bal in ay ka faaloodaan aqoonta iyo
khibradda ay leeyihiin golayaasha deegaanka ee la doortay.
Iyadoo dadka daraasadda ka qayb qaatay aanay xog badan haynin (in badan oo ka mid ahina
aanay garanayn), hadana qiimaynta ay ka bixiyeen dhammaan dagmooyinka daraasadda laga
qaaday, waxay ahayd mid aan fiicnayn. Dad aad u tiro badan ayaa isku raacay in golayaasha
deegaanku aanay lahayn khibrad dheeraad ah islamarkaana aanay lahayn waxbarsho ku filan.
Inta badan dadka ka qayb qaatay daraasadani waxay sheegeen in aqlabiyadda golayaasha
deegaanku aanay lahayn khibradda iyo waayo aragnimada lagu maamulo xafiisyada ummadda.
Nin ganacsade ah oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa wuxuu yidhi sidan :
“Dadweynuhu waxay rabeen inay doortaan dad firfircoon oo maskax furan oo leh aqoontii iyo
khibradii ay ku hogaamin lahaayeen ummadda islamarkaana ay ku gaadhsiin lahaayeen
horumar…… laakin waxa hor istaagay hanaankii doorashadii golayaasha deegaanka ee 2002
oo ku salaynayd habka liistada. ”
Inkastoo lagu kala aragti duwanyahay sababaha keenay in adeegga ay bixiyaan golaha
deegaanku aanu wanaagsanayn, haddana waxa dadka xogta laga soo ururiyey ra’yigooda ku
xidhiidhinayaan arrintan, jiritaanka musuq maasuq baahsan, furfurnaan iyo wadatashi la’aan,
awoodda waxbqabad ee golaha deegaanka oo liidata, saamaynta qabiilka iyo taageero la,aanta
dawladda dhexe.
Heerarka Fahamka Caqabadaha Waawayn
Si loo fahmo dareenka dadwaynuhu ka bixiyeen wax qabadka golaha deegaanka, waxa dadka
xogta laga soo ururiyey la waydiiyey bal inay carrabaabaan ama sheegaan dhibaatooyinka la soo
dersa dadka ku nool degmooyinka iyo caqabadaha hortaagan in adeeg bulsho oo ka fiican ka
hadda jira ay helaan.
Arrimaha ugu muhiimsan ee sababay dhibaatada tobankii sane ee tegay waxay yihiin:
hoggaan xumo, musuqmaasuq, adeeg bulsho oo aan jirin iyo dhaqaalo xumo sababtay shaqo
la,aan baahsan. Ku dhawaad 80% dadka xogta laga soo ururiyey waxay dareensanyiin in
dhibaatooyinkanu ay ka jiraan degmooyinkooda iyo guud ahaanba wadanka. Dadka intooda
badani waxay rumaysan yihiin inaan sidii la rabay wax looga qaban dhibaatooyinkaas.
Dhibka labaad ee jiraa waxa uu ku salaysanyahay arrimo siyaasadeed. Tan macnaheedu
waxa weeye muran u dhexeeya qabiilada oo salka ku haya kuraasta golayaasha deegaanka,
muran dhuleed iyo sinaanta ragga iyo dumarka. 60% dadka xogta laga soo ururiyey ayaa
sidaa xusay.
55
Arrinta seddexaad waxay tahay, aqoon la’aan, xirfad la’aan, maamul xumo, deegaankii
oo la dayacay iyo ka qayb galka dadwaynaha ee talada dalka oo aan jirin.
Ugu dambayntii, waxa muhiim ah in la xuso in aanuu wax farqi ah oo sidaa u wayni u dhaxaynin
jawaabaha ay dadka xogta laga soo ururiyey ee ka soo kala jeeda shantan dagmo ee cilmi
baadhista laga sameeyey ay ka bixiyeen fulinta adeegyada bulsha; in kasta oo dagmooyinka
yaryari ay war ka fiican kuwa waaweyn sheegeen.
Qaybta 6aad: Himilada mustaqbalka
Si loo ogaado rabitaanka dadweynaha iyo aragtiyahooda mustaqbalka, waxaa la waydiiyey
su’aalo ku saabsan waxay ka filayaan golayaasha deegaanka iyo nooca maamul ee ay jeclaan
lahaayeen inay helaan. Waxa soo baxday in dadku ay jeclaan lahaayeen gole deegaan oo ilaaliya
mabaadi’ida maamul wanaagga.
Dadka xogta laga qaaday 90% waxay filayaan gole deegaan oo awood leh, firfircoon, kana
go’antahay in ay wax qabtaan islmarkaana lala xisaabtami karo. Halka 50% ay intaa ku dareen in
ay filayaan gole deegaan oo fuliya balanqaadka ay sameeyaan xilliyada ololaha doorashada ay
ku jiraan. Arrimaha ay filayaan dadku waxa ka mid ah adeeg bulsho oo dhamaystiran iyo inay
golaha deegaanku gutaan masuuliyadda loo igmaday.
Dadka xogta laga soo qaaday badankoodu waxay rabaan maamul hoose oo u adeega
islamarkaana noqda mid ku astaysan maamul wanaag iyo maamul daadajin dhamaystiran. Si kale
hadaynu u dhigno waxay rabaan maamul dimuqraadi ah oo u heelan horumarinta isla markaa
bulshada ku dhiiri geliya in ay ka qayb qaataan talada dalka, kana jawaaba dareenka dadka.
Arday wax ka barta dugsiga xanaanada xoolaha ee degmada Sheikh ayaa u dhigay
sidan”Waxaanu rabnaa dawlad dimuqraadi ah oo dadkeeda aad ugu dhaw” Macalin wax ka
dhiga dugsi sare oo Borame ku yaala waxa uu isna yidhi”dawlad daacad ah islamarkaana la
tashata dadkeeda” sidoo kale ganacsade ku nool Degmada Sabawanaag ayaa isna leh sidan
“dawlad wax qaban karta oo fidin karta adeeag bulsho oo dadku ku qancaan”
Markii la waydiiyey dadka soo jeedinta talooyin si loo helo gole deegaan oo u dheganugul
dadka, waxqabad leh islamarkaana lala xisaabtami karo, waxay dadka intiisa badani ku
jawaabeen in la sameeyo hab lagula xisaabtamo goloha deegaanka si kor loogu qaado
daacadnimadooda. Si kale hadaynu u dhigno, in la dhimo musuqmaasuqa iyo wax qabad
la’aanta. Dad badan ayaa yidhi waxa loo baahanyahay in la doorto xubno tiro yar oo tayo badan.
56
Talooyinka kale waxa ka mid ah:
In la adkeeyo habka lagu soo xulayo musharixiinta golaha deegaanka
In la dhaqan galiyo sharciyada and hanaanka
In golaha deegaanku ay bishiiba daabacaan wixii u qabsoomay
In la qabto doorashooyin xora oo xalaal ah
In la kordhiyo la tashiga dadweynaha
In la xakameeyo musuqmaasuqa
In la sameeyo guddi dabagal
Markii dadka la waydiiyey si loo helo maamul deegaan oo wax qabad leh waxa ay tahay in la
bedelo, 80% dadku waxay ku jawaabeen in la bedelo golaha deegaan ee hada jira islamarakaana
la doorto kuwo aqoon iyo khibrad u leh shaqada. Boqolkiiba konton ayaa ku taliyey in kor loo
qaado aqoonta xubnaha golaha deegaanka ee hadda shaqeeya islamarkaana la kordhiyo
saacadaha shaqada
Fikradda dadka xogta laga soo ururiyey ee ku saabsan furitaanka ururo siyaasadeed waxa ka soo
baxday jawaaab togan. Dadku waxay xuseen baahida loo qabo in la helo tartan siyaasadeed oo
cadaalad ah, maxaa yeelay xisbiyada jira waxa ku dheggan aasaasayaashii oo ay weheliyaan dad
koobani. Waxa kale oo ay xuseen baahida loo qabo in la helo dhiig cusub iyo fikrado cusub oo
ku soo biira saaaxadda siyaasadda si loo helo fikir caafimaad qaba. Dad aad u kooban (27%)
ayaa ku dooday in furitaanka ururada siyaasadu ay keeni doonto kala qaybsanaan qabaa’ilada,
tartama taban iyo kacdoono.
Dadka daraasadda ka qayb qaatay waxa la waydiiyey ra’yigooda ku aaddan in golayaasha
deegaanka lagu doorto habka liistada iyo in si toosa oo shakhsi ah loo doorto, 70% waxay ku
taliyeen in lagu doorto habka tooska ah ee shakhsiga ah, halka 30% ay ku taliyeen habkii liistada
ahaa in uu fiicanyahay. In habka tooska ah ee shakhsiga lagu doorto dadku waxay ku
sababeeyeen in ay dadweynaha u fududaynayso in ay doortaan musharixiinta aqoonta iyo waayo
aragnimada leh. Habka liista ah ee xisbiyadu xushaan golaha deegaanka waxa ay dadku sheegeen
inay ku lug leedahay qabyaalad iyo musuqmaasuq siyaasadayn.
57
In loo qiimeeyo xuquuqda ay dumarku u leeyihiin inay ka qayb galaan siyaasada, waxaa dadka la
waydiiyey fikradooda ku wajahan ku biiritaanka dumarka ee golayaasha deegaanka. 60% ayaa
arrinta soo dhaweeyey kuna tilmaamay talaabo horumar leh isla markaana ku taliyey in dumarka
tiro cayiman (quota) loo oggolaado dhamaan golayaasha la doorto ee dalka ka jira. Dad badani
waxay rumaysan yihiin in ay fiicantahay in dumarku ka qaybgalaan golayaasha deegaanka
waayo waxay wax ku tari karaan horumarka degmooyinka ilaaa heer qaran. Dad aad u tiro yar oo
ay ku jiraan haween ayaa ku taliyey in fikradani tahay mid xun iyagoo ku saleeyey sababo la
xidhiidha diinta iyo dhaqanka.
4.0 Gunaanad
Waxa soo baxaya in madmadaw badani jiro marka aad eegto aragtida dadweynuhu ka qabaan
waxqabadka golayaasha deegaanka tobankii sane ee la soo dhaafay. Gabagabadu waxay tahay
tobankii muwaadinba hal qof ayaa ku qanacsan tayada adeega ay bixiyaan maamulada
dawladaha hoose.
Gunaanadka daraasadani waa sidan soo socota:
a) Marka aad eegto sida ay wax u dhaceen tobankii sane ee u dambeeyey waxa soo baxaya
in laga niyad jabay rajadii iyo himilooyinkii loo hanqal taagayey xiligii dimuqraadiyadu
ina soo gashay. Dadweynaha intooda badani waxay rumaysanyihiin in habka maamulka
deegaanku aanu fulinin himilooyinkii la filayey bilawgii.
b) Marka aad eegto kalsoonida iyo ixitiraamka dadweynaha, wax qabadka golayaasha
deegaanku wuu ka hooseeyaa halkii la filayey. Run ahaantii ma jirto waax ama qayb la
odhan karo dadweynuhu way ku qanacsanyihiin wax qabadkeeda. Golayaasha deegaanku
waxay ku fashilmeen in ay isu keenaan dadka oo ay ugu yeedhan kulamadooda iyo
go’aan gaadhista ku saabsan maamulka deegaanka, arrintaana dadwanuhu raali marnaba
kama aha.
c) Dadka macluumaadkan laga soo qaaday ee ka soo kala jeeda shanta degmo, waxay aragti
taban ka qabaan habka ay xubnaha golaha deegaanka ee la doortay ay ugu
dheganugulyihiin dadkooda
d) Dadweynuhu waxay u haystaan maamulada dawladaha hoose ha’yado daciif ah oo aan
waxqabad lahayn isla markaana aanuu dhaqan dimuqraadiyadeed ka jirin. Waxay ku
tilmaameen golahayaasha hadda jooga qaar waxma tarayaal ah, khibrad aan lahayn iyo
xubno ku sifoobay musuqmaasuq oo danahooda shakhsi uga faaiidaysta khayraadka loo
dhiibay.
e) Dadka xogta laga soo ururiyey may haynin xog ku saabsan sida loo dejiyo cashuuraha
golaha deegaanku qaado iyo maamulkooda midna. Tusaale ahaan saddex dalool ka mida
58
dadka xogta laga so ururiyey, ayaa waxay ku jawaabeen “Ma garanayno” markii la
waydiiyey inta ay leegtay cashuuraha ay ururiyaan ama miisaaniyadda ay maamulaan
dawladaha hoose.
Su’aasha is waydiinta leh waxay tahay sababta ay ku qanacsanaanta dadweynuha ee wax
qabadka golaha deegaanka ay aad ugu hoosaysaa. Marka aynu eegno waxyaabaha daraasaddan
ka soo baxay waxa arrintan lagu sababayn karaa sidan:
Waxay noqon kartaa yaraanta ama faraqa adeegga bulsho- farqiga u dhexeeya waxay dadku
filayeen iyo waxay dawladda hoose awoodday in ay fuliso.
Sabab kale waxay tahay golayaasha deegaanku uma dheganugla dadka si ay ula macaamilaan
arrimaha ay dadweynuhu u arkaan in ay muhiim tahay in wax laga qabto. Tan waxa ugu wacan
sida xogtani daaha ka rogtay jiritaan la’aanta wada tashiga dadweynaha, iyadoo sidoo kale aanay
jirin nidaam isla xisaabtan.
Sabab kale oo ay daraasadani daaha ka rogtay ayaa waxay tahay, dadweynuhu waxay
qiimayntooda ku saleeyaan tayada wax qabad ee maamulka deegaanka. Waxay ka war qabaan in
xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo maamulka deegaanku uu liito, hufnaan la’aan, jiritaanka
musuqmaasuqa iyo eexda. Arrimahan oo dhami waxay leeyihiin saamayn taban awoodda ay
golaha deegaanku ku bixin lahaayeen adeeg bulsho oo tayo leh.
Daraasaddani waxay xaqiijisay in shaqo xumada golaha deegaanka soomaliland uu sii
xumaanayo. Waa dhibaato ku qotonta dhaqanka siyaasadda Somaliland iyo xaqiiqada ka jirta
golayaasha deegaanka Somaliland. Arrimaha maamul ee ay daraasaddani soo bandhigtaa (sida
hufnaan la’aanta, xidhiidh la’aanta ka dhex jirta dadka iyo maamulka deegaanka, iyo isla
xisaabtan la’aanta) ayaa waxay wiiqaysaa mabaadiida ku dhaqanka dimuqraadiyadda.
Waxa muhiim ah in la xusuusnaado in daraasaddani ay ku salaysantay tiro koob iyo aragtiyo
muujinaya fikradaha dadka. Waxa suurto gal ah (sababo la’aanta xog kale oo dheeraad ah) in
aanay si mug leh uga tarjumin xaqiiqada ka jirta deegmooyinka iyo maamuladoodaba. Hase
yeeshee arrintani waxay saamayn ku yeelan doontaa doorashada soo socota ee golaha deegaanka.
Dadwaynuhu miyey dhalleecayn golayaasha deegaanka ee hadda fadhiya ee aan adeeg bulsho
bixin, ma waxa dhici doona isbedel siyaasadeed, mise waxay sababi doontaa hoos u dhac ku
yimaada u soo baxa doorashada sababo la xidhiidha niyad jab ay dadku ka qaadeen dawlaada iyo
hay’adaha ku hawlan arrimahooda.
59
QAYBTA SADDEXAAD
KA QAYBGALKA SIYAASADDA IYO
KOOTADA HAWEENKA
60
Qormada Shanaad: Taxanaha Raadsashada Kootada Haweenka
Somaliland
Qore: Haroon Yusuf (SORADI)
(Raad-raaca qoraalkan la soo koobay waxa laga heli karaa buugga “Reflections and Lessons of
Somaliland’s two Decades of sustained peace, State building and Democratization”).
Hor-dhac
Todobadii bishii September 2011, waxa uu madaxweynaha Somaliland soo saaray wareegto
Madaxweyne oo uu ku abuuray Guddi Qaran oo ka soo talo bixisa sida ugu haboon ee haweenka
Somaliland looga qayb gelin karo talada dalka iyo goobaha lagu gaadho go’aamada qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu magacaabay guddi ka kooban sagaal xubnood oo isugu jira labada aqal
ee sharci dejinta iyo xubno wasiiro ah oo uu u awood u siiyey in ay wadatashi qaran la
sameeyaan dhamaan qaybaha bulshada Somaliland, kana sameeyaan rayi ururin iyo talobixin, si
ay u diyaariyaan go’aan talobixin ah oo uu Madaxweynuhu u gudbiyo hay’adaha sharci dejinta
qaranka.
Horumarkan layaabka lihi waa mid ku yimi dadaalkii dheeraa ee loo galay xuquuqda haweenka
Somaliland 20kii sano ee ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ururada haweenka, Bulshada Rayidka
ah, iyo taageerada maadiga iyo macnawiga ah ee bulshada caalamka.
Dooddan in haweenka Somaliland la siiyo kooto waa mid ay sameeyeen dadka u dhaqdhaqaaqa
xuquuqda haweenka Somaliland ka dib markii si joogto ah haweenka Somaliland geed lagaga
xidhay ka qaybgalka Siyaasada dalka.
Awoodda siyaasadeed ee dhamaan qaybaha dawlada Somaliland, sida fulinta, sharci-dejinta iyo
garsoorku waxay ku jirtaa gacmaha ragga. Ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda iyo haykalka
maamul ee Somaliland waa mid aad u xaddidan. Bulshada qunyar socodka ah ee Somaliland ee
ay hoggaamiyaan raggu iyo siyaasad la’aanta dawladda in ay taageerto ka qaybgalka siyaasadda
ee haweenka oo iskaashaday ayaa haweenka ku adkeeyay in loo aqbalo in haweenku ka mid
noqdo hogaanka iyo in loo codeeyo doorashooyinka.
Iyada oo ay jiraan caqabadahaas aad u adagi, haweenka Somaliland waxay si geesinimo leh ugu
dadaalayeen in ay gaadhaan xuquuqdooda ilaa sanadkii 1991. Dhawaanahan waxaa kor u kacay
dhaqdhaqaaqyada lagu dhiirigelinayo ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka, taas oo ka dhalatay
korodhka ku yimi ururada ay hogaaminayaan haween waxbartay, khibrada\ leh, siyaasad ahaana
wacyigashan iyo dadaalka ay maalgeliyaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee lagu raadinayo
xuquuqda haweenka. Kootada haweenku waa mid ka mid ah dariiqyada la rabo in lagu gaadho
ujeedooyinkaas.
61
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka Somaliland waxay door bidayaan in la helo kooto-
taas oo ku iman karta kooto dastuuriya, kooto doorasho, iyo kooto xisbiyada siyaasada- hase
ahaatee, wali waa arin aan cadayn oo la isku maandhafsanyahay. Maqaalkani waxa uu
falanqaynayaa dadaalka haweenka Somaliland ugu jiraan helista xuquuqdooda, waxa uu
daraasayneyaa arinta kootada haweenka, waxaanu gogolxaadh u samaynayaa suurtogalinimada
hirgelintiisa, indhahana ku soo jeedinayaa cawaaqibta ka dhalan karta ka qaybgal la’aanta
siyaasadda ee haweenka.
Gogol-xaadh
Ilaa iyo xilligii la abuuray Jamhuuriyadda Somaliland sanadkii 1991, ka qaybgalka haweenka ee
go’aamada qaranku waxay ahayd ubucda dadaalka ay haweenku ku doonayaan in ay helaan
xuquuqdooda. Haweenka Somaliland oo lagu qiyaaso in ay yihiin 60% in ka badan bulshada
Somaliland waxay si firfircoon uga qaybgaleen dib u dhiska iyo horumarka dalka ilaa markii
Somaliland dib ula soo noqotay xornimadeeda. Xataa xilligii dagaalkii sokeeye ee lagula jiray
Siyaad Barre dumarku waxay door firfircoon ka ciyaareen dhaqdhaqaaqii xoraynta iyaga oo isku
hayey qoysaska. Waxay ka qaybgaleen dib u heshiisiintii iyo nabadayntii horaantii 1990kii,
markii dambana ay qayb libaax ka qaateen Dimuqraadiyadeyntii Somaliland ka dib markii la
qaatay nidaamka xisbiyada badan.
Dagaalkii sokeeye iyo khilaafaadku waxay dumarka iyo doorkooda ku yeesheen saamayn isku
dhafan. Dhaqan ahaan waxa mar walba laga fili jirey in ragga Soomaalidu ay dhaqaale ahaan
taageeraan qoysaskooda miyi iyo magaaloba. Si kastaba ha ahaatee wakhtigii raggu ay ku
foognaayeen dagaalkii hubeysnaa dumarka waxa lagaga tagey masuuliyadda in ay daryeelaan
caruurta, guriga iyo in ay isku hayaan qoyska. Shukri Bandare oo ka tirsan hay’ada Candlelight
ayaa ku sharaxday xaalka dumarka sidan “ Haweenka waxa lagu qasbay in ay ka baxaan
xayndaabka qoyska, kaas oo ahaa “ xayndaabkooda lagu yaqaano” iyagoo inta badan ku
hawlanaa ganacsiyo yaryar iyo baayacmushtar aan qiimo badan lahayn oo ay ku quudiyaan
qoysaskooda”
Haddaba, dagaalkii sokeeye ka dib, doorar badan oo ay raggu lahaayeen waxa la wareegay
haweenka. Markii laga soo noqday xerooyinkii qaxoontiga rag badani dib ugu may noqon
doorkoodii hore. Shaqo la’aanta baahsan iyo dhimashada rag badan oo ku geeriyoodey
dagaaladii awgood, tiro badan oo dumar ah ayaa noqday madaxa qoysas badan oo reer
Somaliland ah (Garner iyo El Bushra, 2004)
Arintani waxay yeelatey laba weji. Ka koowaad, waxay culeys dheeraad ah saartay haweenka,
iyadoo madaxa u saartay masuuliyado ay markii hore raggu hayeen. Ka labaad waxay haweenka
siisay madaxbanaani dhaqaale una oggolaatay in ay si siman u qaybsadaan go’aamada dhaqaale
ee heer qoys.
62
Waxa si baahsan la isula qirsanyahay in waxtarka dhaqaale ee haweenka Somaliland u geystaan
qoysaskoodu u kordhay si xawli ah ilaa maantana uu kor u socdo. Kaalintooda wax soosaar
darteed haweenku waxay heleen ixtiraam badan oo dhaqaale, hase ahaatee tani umay gudbin
awood siyaasadeed oo ay ku yeeshaan go’aamada qaranka.
Waxa kale oo aad loo amaanay doorkii haweenka ee nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta beelaha
xilligii khilaafaadka gudaha ee sanadkii 1990kii. Waxay isu xilqaameen door wax ku ool ah oo
ah in ay diyaariyaan madalaha shirar nabadeedyada waxaanay noqdeen safiiro iyo ergooyin
muhiim u ah nidaamka dib u heshiisiinta. Sidoo kale ururada haweenku waxay sameeyeen
baaqyo ay ku dalbanayaan nabad iyo isu soo baxyo ay ka sameeyeen afaafka hore ee goobihii ay
ka dhacayeen shirarka nabadaynta ( Bradbury, 1997). Waxa sidoo kale lagu majiirtaa in ay
odayaashooda iyo inamadooda ku qanciyeen inay hubkooda kaga tagaan guryaha arintan oo
markii danbe dariiqa u jeexdey hub ka dhigistii maleeshiyooyinka Somaliland.
Si kasta ha ahaatee, haweenka waxaa laga qadiyay in ay ka qayb galaan shirarkii nabadaynta;
olole kasta oo ay u galeen waxa loo diiday in ay ka qaybgalaan Shirkii Nabadeynta Qaran ee
1997 ee ka dhacay Hargeysa maxaa yeeley may matelayn beelo (Nagaad, 2008). Ugu dambayntii
lix haween ah ayaa loo oggolaadey in ay noqdaan goobjoogeyaal. Intaas waxa dheer, markii uu
shirkii nabadeynta dhamaaday ee la abuuray dawladdii, haweenka waa laga tagey nidaamkii lagu
gaadhey go’aanka. Intaas waxa dheer, dadaaladii nabadeynta jufooyinku waxay ahaayeen kuwo
siyaabo badan u dhinac maray meelna kaga dhacay xuquuqdii haweenka iyo hablahu ay
lahaayeen. Hodan Cilmi oo ka tirsan hay’ada Care International waxay soo jeedisay canaantan “
Faquuqa lagu sameeyey haweenka Somaliland waxa uu ahaa mid ka baxsan heshiisyada
caalamiga ah ee xuquuqda haweenka, kuwaas oo si adag u taageera in haweenku qayb ka
noqdaan miiska wadahadalada nabadda iyo marka khilaafka la dhamaynayo dastuur iyo
qaabdhismeedyo sharcidajin ah ee lagu abuurayo”.
Sidoo kale, nidaamka xisbiyada badan ee la qaatay sanadkii 2001, muu garab istaagin horumarka
ka qaybgalka siyaasada ee haweenka. Saamaynta baahsan ee joogtada ah ee qabiilku ku leeyahay
siyaasadda wakiilada ayaa si weyn u taageeray faquuqa haweenka. Xilliyada doorashada
haweenku iyagoo tiro badan waxay u soo baxaan inay gutaan xuquuqdooda codbixineed. In kasta
oo weli lagu codeeyo siyaasadaha qabiilka, fursadda loogu codeyn kara haweenku waa mid aad u
caato ah.
Xilligii lagu jiray ololihii doorashada Baarlamaaka 2005tii, murashaxiinta haweenku waxay la
kulmeen caqabado waaweyn. Nidaamka xulashada murashaxiinta waxa looga tagey qaab-
dhismeedka raggu hogaamiyo ee dhaqanka qabiilka kuwaas oo xaddiday fursadda haween badan
oo isu soo taagay doorashada, taas oo murashaxiintii haweenka ka soo reebtay todoba dumar ah
oo keliya oo saddexda xisbi qaran u soo saareen muunad ahaan uun. Taageerada xooggan ee
qabiilku siinayey qaar ka mid ah murashaxiinta iyo xaqiiqada inay rag uun hogaamiyaan
qabiilooyinka ayaa sababtay in ragga xagga hore la soo dhigo liiska murashaxiinta (Bradbury,
63
2008). Intaas waxa dheer, xilligii ololaha doorashada todobadii dumarka ka sharaxnaa waxa soo
foodsaartay caqabad weyn oo dhaqaale oo lagu walacsaday 239 rag murashaxiin ah oo si buuxda
taageero uga haysta beelahooda kuwaas oo siiyey taageero maaliyadeed iyo mid macnawi ahba
si ay kor ugu qaadaan fursadaha ay ku soo bixi karaan.
Iyada oo la ogyahay waxtarka wax ku oolka ah ee haweenku u geystaan qoysaskooda, haweenka
waxa soo foodsaara faquuq dhaqaale, bulsheed iyo mid siyaasadeedba. Arintan waxa u sabab ah
qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin dhaqamada iyo caadooyinka u janjeedha ragga, xaaladda
dhaqaale ee hooseysa iyo dhaqamada gacanta sare siinaya ragga. Caqabadaha kale ee haweenka
soo waajaha waxa ka mid ah awooddarrida dhaqdhaqaaqa haweenka, horumar la’aanta, iyo
fakhriga baahsan, kuwaas oo dhamaantood isku garabsada inaanay soo bixin haween badan oo
siyaasiyiin iyo hogaamiyeyaal ahi.
Dhanka kale, haweenka waxa caqabadi ka soo wajahdaa Faraqa u dhexeeya labka iyo dhediga
horumarka dhinaca waxbarashada, shaqada, shuruucda dhaxalka qoysaska, kuwaas oo
dhamaantood ka hor istaaggga in ay lacag ku bixiyaan ololeyaasha siyaasadda. Caadada guunka
ah ee shaqada loogu kala saaro hab jinsiyadeed, dhinac fikir iyo xag urur bulsheedba waa mid
guul ah, marka laga eego horumarka waxbarashada ee haweenka iyo ka qaybgalkooda bulsho.
Horumarka haweenka dhinaca siyaasadda iyo dhinacyada kale ee nolosha waxa inta badan la
sheegaa in ay caqabad wayn ku yihiin maqnaanshaha siyaasado wax ku ool ah oo arintan uga
meel yaala hay’adaheena dawladda.
Ololaha Haweenku ugu jiro Xuquuqdooda
Haweenka Somaliland iyo ururadooduba waxay dadaal dheer u galeen sanado badan in kor loo
qaado haweenka iyo hablaha si wax looga badalo xidhiidhka lamaanaha, guulo wax ku ool ahna
laga gaadho sinaanshaha lamaanaha, wax wadaagga, ka qaybgalka, iyo helista xuquuqdooda.
Ururka NAGAAD oo ah dalladda haweenka qaran oo la sameeyey sanadkii 1997 oo ka dhalatay
xaqdaradii loo geystey haweenka ka qaybgalkii shirweynihii qaran ee nabadeynta ee ka dhacay
Hargeysa (Nagaad, 2011). Sidoo kale Nagaad waxa loo aasaasay in ay u adeegto cudud
mideysan oo haweenku leeyihiin si ay ugu dagaalamaan xuquuqdooda dhaqan-dhaqaale iyo
xuquuqdooda siyaasadeed ine ay yihiin muwaadiniin la siman bulshada inteeda kale.
Ururada bulshada rayidka ah ee haweenka, ururada kale, iyo daladahuba iyagoo wata
taageerayaashooda waxay hirgeliyeen qorshayaal dhawr ah oo loogu ololeynayo haweenka si ay
uga qaybgalaan mansabyada siyaasadeed iyo madalaha lagu gaadho go’aamada qaranka. Qaar ka
mid ahi waxay xoogga saaraan dood iyo olole saxaafadeed si haweenka looga qaybgeliyo
awoodaha siyaasadda iyo go’aamada xilliyada lagu hawlanyahay in la doorto masuuliyiinta
maamulka sare, Golayaasha Deegaanka iyo magacaabista kale ee masuuliyiinta qaranka.
Haweenkani waxay ku hubaysanyihiin shuruucda caalamiga ah ee hay’adaha Qaramada
Midoobey oo dawladii Somaliland ay ka mid ahayd saxeexayaashooda. Koox iyo shakhsiyaadba
64
haweenka Somaliland waxay si dhiiran ugu soo celceliyaan helista xuquuqdooda marka ay ka
qayb galaan heshiisyada iyo shirarka heer caalami. Waxay dalbadaan in la kordhiyo tiradea
haween ah ee ku jirta hay’adaha sarsare ee dawladda oo ah meelaha lagu gaadho go’aamada
qaranka si haweenku uga dhex muuqdaan saaxadda siyaasadda.
Kooxo kale oo haween ahi waxay ku hawlanyihiin in ay la shaqeeyaan haweenka grassroot
dhanmaan qaybaha dalka. Waxay hawshooda u gutaan hab waafaqsan shuruucda dalka taas oo
ay haweenka ku dhiirigeliyaan in ay si firfircoon uga qaybgalaan siyaasadda dalka iyagoo ah
codbixiyeyaal iyo loo codeeyeyaalba xilliyada doorashada iyo saaxadda balaadhan ee
siyaasaddaba.
Dadaaladda loogu jiro kor u qaadista haweenka ee ka qaybgalka go’aammada dalka waxay ku
xardhanyihiin heshiisyada, qorshe-hawleedyada iyo himilooyinka caalamiga ah, taas oo dadka u
doodda xuquuqda haweenka Somaliland siiyey taageero xoog badan oo ah in haweenku wakiilo
ku yeeshaan xaaladaha colaad-kasoo-doogga. Iyadoo ay hagayaan sharciga UNSCR 1325(2000),
Madal-hawleedka Beijing( Beijing platform for Action), Heshiiska Cidhibtirka Dhamaan
Tacadiyada Haweenka Ka Dhanka ah ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (CEDAW),
Himilooyinka qarniga. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenku waxay ku doodaan in ay
muhiim tahay in haweenku wakiilo ku yeeshaan golayaasha sharci dejinta si ay dareen dhaw ugu
yeeshaan arrimaha haweenka khuseeya.
Laga soo bilaabo doorashadii Baarlamaanka 2005tii, waxa isa soo tarayey cadaadis xooggan oo
ay haweenka Somaliland iyo bulshada caalamku ay saarayaan xukuumadda in haweenka loo
qoondeeyo tiro cayiman kuraasta Baarlamaanka. Waxyaabaha dhiirgeliyey dadaalka haweenku
ugu jiraan hawshan waxa ka mid ah tirada faraha badan ee haween ah ee ka dhexmuuqda
saaxadda siyaasada intii la doortay dawladdan cusub bishii Juun 2010.
Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka Somaliland kuma qanacsana
guulahaas kooban ee laga gaadhay xaqiijinta himiladooda ah in haweenku si firfircoon uga
qaybgalaan go’aammada dalka. Sidoo kale kuma qanacsana haween kooban oo mansabyo loo
magacaabo wakhtiyada qaar.
Kootada Haweenka Somaliland
Dadaalada lagu doonayo in haweenka loo qoondeeyo kuraas cayiman, ha ahaato mansabyada
doorashada ku yimaadda ama kuwa la magacaabo, waxay qaadatay wakhti badan in ay gaadho
madaxda sare ee dalka. Dadaal aan kala go’ lahayn oo ay geysteen haweenka iyo ururada
bulshada ilaa 1990kii iyo kaalmada ay ka helayaan bulshada caalamka waxa lagu gaadhay in
Baarlamaanka loo gudbiyo sharci qabyo-qoraal ah oo uu sameeyey la-taliye madaxbanaani oo ku
talo bixiyey in haweenka loo qoondeeyo kuraas cayiman lana siiyo noocyo kale oo dhiirigalin ah
si kor loogu qaado ka qeybgalka haweenka ee siyaasada iyo in ay yeeshaan cid ku matasha
65
doorashooyinka. Hase ahaatee, guddidii Baarlamaanka ee loo xilsaaray qorshaynta doorashadu
waxayba diideen in ay kaba hadlaan arinkan (Abokor, et al, 2006). Sida la saadaalinayo
haweenku qayba kamay ahayn xilligii la abuurayey nidaamka xisbiyada badan.
Sababta koowaad ee dhalisey in haweenka loo xidho kuraas cayiman waa taagdaradooda
siyaasadeed ee in ay kula tartamaan murashaxiinta ragga ah kuraasta doorashooyinka qaranka.
Qoondaynta tiro cayiman oo kuraas ahi waa qorshe siyaasadeed oo damaanad qaadaya in la helo
wakiilo haweenka ku matala golayaasha sharcidejinta. Dooda sharci ee ku gadaaman qabyo-
qoraalka qodobka u qoondeynta haweenka tiro cayiman oo kuraas ahi waxa xudun u ah tirada
kuraasta ah ee loo xidhayo haweenka, waxaana lagu sababeeyay inay tahay hab lagu
badhitaarayo cududa aan dheeliga tirnayn ee siyaasadda haweenka. Dadka ka faalooda
siyaasaddu waxay sharaxeen in haweenku leeyahay dano, khibrado, aqoon iyo mihnado ka
duwan kuwa ragga, kaalinta ay bulshada kaga jiraan awgeed. Sidaas daraadeed, ay mudantahay
in markay ugu yartahay haweenku wakiilo ku yeeshaan saaxadda siyaasadda (Phillips, 1991).
Isku deygii rasmiga ahaa ee ugu horeeyey ee lagula tacaalayo dhibaatada haweenka ka haysata
ka qaybgalka siyaasaddu waxa uu soo baxay markii wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyey
sharciga Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golayaasha Deegaanka loo gudbiyey golaha
Wakiilada 7dii July 2007. Xeerkan waxa diyaariyey guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha, Difaaca
iyo Nabadgelyada aqalka Wakiilada, guddidan oo si diirran ay u soo dhaweeyaan ururada
xuquuqal insaanka Somaliland iyo Ururada Bulshada rayidka ahiba, kaas oo tiro cayiman oo
kuraas ah u qoondeeyey haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay doorashooyinka
Golayaasha Deegaanka. Sidaas daraadeed xeerkan qodobkiisa 22aad farqada “A” waxa uu
jideeyey qoondo waajib ah oo la siiyo haweenka doorashada Golayaasha Deegaanka. Si kastaba
ha ahaatee, dadka u dooda xuquuqda haweenka iyo xeel-dheerayaashuba waxay aaminsanyihiin
in si uu nidaamka qoondayntu u shaqeeyo loo baahanyahay in xisbiyada waajib lagaga dhigo in
ay liiska murashaxiintooda degmo kasta ku soo daraan tiro haween ah.
Nasiib daro, xeerkan waxa diiday Golaha Guurtida Somaliland iyagoo cuskanaya qodobo
dastuurka ku jira, taas oo ka cadhaysiisey dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka iyo
bulshada rayidka ah guud ahaan. 10kii bishii July 2007, waxay dalladda Nagaad oo mataleysa
haweenku u gudbisay Golaha Wakiilada waraaq ay ku sharaxayaan sababaha aanu xeerka la soo
jeediyay uga hor imanayn qawaaniinta qaranka, oo dastuurku ka mid yahay, si meesha looga
saaro warwarka Guurtida, iyagoo sidoo kale talobixino ka geysty sidii loo sii horumarin lahaa
sharcigan la soo jeediyey. Waraaqdu waxay sidoo kale ka hadashay in xisbiyadu hayaan furaha
ka qaybgalka siyaasadda haweenka aanay iyagu horseedi karaan ka qaybgal siman oo haweenku
ku galaan siyaasada; sidaas daraadeed in ay mudantahay in marka hore la xalliyo caqabadaha
haweenka ka haysta xisbiyada gudahooda (Nagaad, 2007). Markii dambe, Golaha Guurtidu waxa
uu aqbalay Qoondada Haweenka mabdi’iyan, waxaanu ku taliyey in la sameeyo wada-tashi
qaran oo balaadhan oo ku saabsan arrintan.
66
Xilligii lagu guda jiray doorashadii Madaxtooyada ee 2010, haweenku waxay xoojiyeen
dadaalka iyo ololaha ay ugu jiraan in ay saamayn ku yeeshaan xisbiyada qaranka si ay uga
dhaadhiciyaan in loo baahanyahay in la meel mariyo nidaamka Dimuqraadiyada. Xisbigii
Kulmiye oo siyaasadiisa doorasho ahayd in ay haweenka siin doonaan 25% kuraasta dhamaan
qaybaha dawladda, ayaa ku guulaystay doorashadii taageerada haweenka darteed qayb ahaan.
Dawladda Kulmiye waxay wax ka fulisay balanqaadkiisii iyadoo haween u magacawday saddex
jago oo ilaa heer wasiir ah iyo jagada Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqal Iinsaanka.
Kooxaha haweenka ayaa soo dhaweeyey horumarkan, waxaanay dalladda Nagaad ee haweenku
si degdeg ah ugu gudbisey dawladda qoraal talo-bixin ah oo ku aaddan arrimaha haweenka.
Sidoo kale iyadoo tixraacaya balanqaadkii xisbiga Kulmiye waxay Nagaad u gudbisay
Madaxweynaha baaq ay kaga dalbanayaan inuu fuliyo balanqaadkiisii ku wajahnaa u qoondaynta
haweenka kuraas cayiman 24kii July 2011 (Nagaad, 2011). Ka dib markii Golaha Wakiilada
Somaliland meelmariyeen Kootada haweenka, Golaha Guurtiduna aqbaleen mabdi’iyan, waxa
uu madaxweynaha Somaliland soo saaray wareegto madaxweyne 7dii September 2011 oo uu ku
magacaabayo guddi heer qaran ah oo ka talo-bixisa xal u helida sida ugu haboon ee haweenku
uga qaybgali karaan siyaasada dalka ( iyo sidoo kale kooxaha la hayb-sooco).
Kootada iyo Dastuurka Somaliland
Somaliland waxa dastuurkeeda ku xardhan ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo sinaanta
lamaanayaasha. Dastuurku waxa uu damaanad qaaday in sharciga loo simanyahay iyo in aanay
jirin kala-faquuq, iyadoo weliba ay jirto Siyaasadda Qaranka ee Lamaanayaasha oo si cad u
qeexda siyaabaha looga hortegayo isu-dheelitirnaan la’aanta bulsho, dhaqaale, iyo siyaasadeed
ee ka dhaxaysa ragga iyo haweenka.
Difaaca sharciyeed ee Kootada haweenku leedahay waa isu geynta qodobadan dastuuriga ah ee
soo socda ( Somalilandlaw, 2007);
Qeybta Sinaanshaha ee qodobka 8(1)(b) waxa uu sheegayaa in “ Dhamaan
muwaadiniinta Somaliland ay leeyihiin xuquuq iyo masuuliyad siman sharciga hortiisa
lagumana kala sareysiin doono midab, qabiil, dhalasho, luuqad, jinsi, hanti, mansab, fikir
i.w.m”
Marka laga hadlayo ka qaybgalka siyaasadda, ma aha uun codeynta, ee wakiiladda
codbixiyeyaasha, qodobka 22aad ee dastuurku waxa uu sheegayaa “1. Dhamaan
muwaadiniintu waxay leeyihiin xuquuq siman ka qaybgalka siyaasadda, dhaqaalaha,
bulshada, iyo arrimaha dhaqanka sifo waafaqsan shuruucda iyo dastuurka dalka. 2.
Muwaadin kasta oo buuxiya shuruucdaha sharciga waxa uu xaq u yeelanayaa in la doorto
waxna uu doorto.”
67
Qodobka 10(faqradiisa 2aad) ee dastuurka Somaliland waxa uu si cad u sheegayaa in
Somaliland u hogaansami doonto dhamaan shuruucda caalamiga ah ixtiraamina doonto
Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqal Iinsaanka ee 1947. Qodobka 21aad farqadiisa 1aad
ee heshiiskani waxa ay sheegeysaa in qof kasta xaq u leeyahay inuu ka qaybgalo dawlada
dalkiisa, si toos ah amma wakiilo uu si xor ah u doortey. Qodobka 21 aad faqradiisa 1aad
ee dastuurka waxa ku cad in xuquuqaha aasaasiga ah ee bini’aadamka iyo xoriiyada
dastuurka Somaliland loo fasiri doono si waafaqsan heshiisyada caalamiga ah ee
xuquuqal Iinsaanka.
Ka reebista haweenka ee iney ka qaybgalaan go’aamada dalka waxay micnaheedu tahay in
haweenku aanay ku naaloonayn xuquuqdoodii aasaasiga ahayd ee in loo dooran karo xafiis
dawladeed si ragga la mid ah. Sidaas daraadeed waxaa laga qadiyey sinaanshihii rasmiga ahaa
ee cid walba uu u dammaanad qaaday qodobka 8aad faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyada
Somaliland. Iyadoo arrintaa la texgelinayo ayey Kootada haweenka noqonaysaa kaabis la siinayo
si ay u gaadhaan sinaanshihii Dastuurku u dammaanad qaaday. Balanqaadyo ay si
mutadawacnimo ah u sameeyeen xisbiyadu in ay haween badan ku dari doonaan liistada
murashaxiintoodu ilaa hadda may tisqaadin, sidoo kale dhaqanka adag ee nidaamka qabiilka ku
salaysani weli uma diyaar aha in uu haweenka siiyo sinaanshihii rasmiga ahaa xilliga codaynta.
Xitaa haddii haweenka lagu daro liiska murashaxiinta, ma jiro sharci qabanaya heerka ay kaga
jirayaan tartanka. Guud ahaan, magacyada murashaxiinta haweenka waxa la geliyaa halka ugu
hooseysa sidaas daraadeedna aanay joogi taankoodu micno badan aanu samaynahayn.
Guddida Talo-bixinta
In kasta oo sagaalka xubnood ee guddidu ay ku jirtay hal xubin oo haween ahi, inta badan
ururada haweenka iyo ururada bulshaduba aad ayey talaabadan usoo dhaweeyeen una balan
qaadeen in ay taageerayaan hawshoodana u fududeyn doonaan. Hawsha loo igmaday guddidu
waxay ahayd in ay la sameeyaan wadatashi heer qaran ah dhamaan qaybaha bulshada
Somaliland, isku keenaan aaraa’da iyo soo jeedimaha ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda,
diyaariyaanna talo-bixin urursan oo madaxweynuhu go’aan kaga gaadhi karo arrinta kootada
haweenka.
Guddidu waxay go’aansatay in ay booqato dhammaan magaalooyinka xarumaha u ah lixda gobol
ee dalka kuna qabtaan shirar wadatashi iyo doodo ay la galaan haweenka, culima-udiinka,
hogaamiyeyaasha dhaqanka, wax-garadka, aqoonyahanka iyo dadka saamaynta ku leh bulshada.
U jeeddada shirarkani waxay ahaayeen in guddidu fahanto aaraa’da qaybaha kala duwan ee
bulshada ay la kulmayaan ee ku saabsan arinta kootada haweenka.
Guddidu waxay ku guulaysatay in ay qabato 11 dood cilmiyeed oo ay la gashay dhamaan
qaybaha bulshada ee kor ku xusan, marka laga reebo Laascaanood, gobolka Sool. Sidoo kale
guddidu waxay qabteen laba shir oo heer qaran ah: mid ay la yeesheen haweenka iyo mid ay la
68
qaateen Guddida Doorashooyinka Qarank. Guddidu waxay la kulantay dad gaadhaya 390 qof oo
isugu jiray; 125 haween ah, 100 dadka laga tirada badanyahay ah, 150 culima-uwdiin,
hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo wax-garad isku jira, 15 xubnood oo ka tirsan masuuliyiinta heer
qaran ee xisbiyada qaranka ( Warbixinta Guddida, 2011).
Si kasta ha ahaatee, ururada haweenka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenku waxay ka
dareemeen nidaamkii guddidu hawsha u wadday in guddidu leexisay qorshihii oo aanay
dhexdhexaad ahayn wakhti ay kala badh marayaan muddadii loo qabtay in ay hawsha ku
qabtaan, sidaas daraadeedna ay haweenku cabasho ka gudbiyeen iyagoo codsi u qoray
Madaxweynaha. Kooxda u Doodda Xuquuqda Haweenka oo ka kooban 28 ka mid ah haweenka
ugu mudan iyo hogaamiyeyaasha haweenka ee heer qaran, waxay cabashadooda ay
Madaxweynaha u qoreen ku sheegeen ciladahan soo socda (Kooxda u Dooda Xuquuqda
Haweenka, 2011):
Gudidu waxay ka bilowday nidaamka wadatashiga iyagoo arrintii cuyub u celiyey oo galeen
sidii ay tahay ugub, marka loo barbar dhigo sidii xaalku ahaa 1990kii; sida weydiinta in
haweenku ka qaybgalaan siyaasadda qarank iyo in kale? Waxay ku doodeen in Dastuurku uu
arimahaas hore u cadeeyey oo haweenka siiyey xuquuqo siyaasadeed. Waxa loo
baahanyahay in lagu celceliyo in dhaqamada ku salaysan in haweenku aanay ka qaybgeli
karin siyaasadda, oo ay siyaasaduna tahay wax raggu iska leeyahay ay yihiin kuwo laga
tagay oo xiligoodii dhamaaday. Sidaa daraadeed, hanaanka noocan ah ee arrinta loo wajahay
ay dib u celinayso dadaalkii muddada dheer loogu jiray xuquuqda haweenka iyo wacyigelinta
guud ee dadka.
Kooxda ugu badan ee guddidu wadatashiga la samaysay waxay ahaayeen culima-uwdiinka
iyo hogaamiyeyaasha dhaqanka kuwaas oo u badan dadka ka soo horjeeda arrimaha
sinaanshaha lamaanaha ee bulshadeena.
Su’aalaha iyo hadalada ay gudidu soo badhigteay si ay u qaybiyaan doodda waxay ahaayeen
kuwo dadka khaldaya oo ku salaysan dhaqanka lagaga soo horjeedo xuquuqda haweenka iyo
sinaanshaha lammaanaha.
Habka lagu soo ururinayey xogta may ahayn mid si loo dhanyahay loo diyaariyey, mana ay
ahayn kuwo ku filan in ay soo ururiyaan fikrado iyo aaraa’ wax dhisaysa, xog iyo warbixin
ku filan in lagu gaadho go’aammo wax ku ool ah.
Qodobada kor ku xusani waxay dhaawacayaan dadaalka loogu jiro ka midho dhalinta xuquuqda
haweenka waxaanay albaabka u xidhayaan in aad uu Madaxweynuhu ka dhabeeyo
balanqaadkiisii ahaa in uu horumarin doono xuquuqda haweenka, sida isagoo hirgeliya
kootadooda. Sidaa darted, qodobada kor ku xusan awgood, Kooxda u Dhaqdhaqaaqda Xuquuqda
Haweenku waxay cadeeyeen in aanay kalsooni ku qabin kuna qanacsanayn talo-bixinta guddida.
69
Werwerkoodu waxa uu ahaa in guddidu ku doodi doonto kuna talo-bixin doonto in haweenka
kooto loo siiyo xataa wax ka yar 10%. Ugu danbeyntii waxay madaxweynaha ka codsadeen inuu
wareegto madaxweyne ku meel mariyo kootada haweenka ee ku salaysney 25% ee uu isagu
balanqaaday taas oo salka ku haysa xuquuqda haweenka ee ku xafidan Dastuurka Qaranka.
Kadib markii ay soo afjareen hawshoodii, Guddidii Talo-bixintu waxay u gudbiyeen
madaxweynaha warbixintoodii kama danbaysta ahayd iyo talo-bixintoodii la xidhiidha arrinka
kootada.
Madaxweynuhu ilaa hadda kumuu dhawaaqin go’aankiisii wakhtiga la qoray maqaalkan.
Haweenka iyo dadka kale ee taageersani waxay ka cabsi qabaan in dadka ka soo horjeeda
kootadu Madaxweynaha ku qanciyaan in uu haweenka siiyo wax ka yar intii ay filanayeen.
Nafisa Yusuf oo ah Agaasimaha Dallada Haweenka ee Nagaad ayaa tilmaantay “ Khibradda
wadamada jaarka ah ayaa ina tusaysa in siyaasiyiinta qaar ay kootada u arkaan dariiqo haweenka
loogu muujinayo kalsooni ee aanay uba aaminsanayn in ay wax ka badalaan dheeliga jira, tusaale
ahaan iyaga oo diyaariya nidaam kooto oo aan awood badan lahayn.”
Waxyaabaha xagal-daacin kara Taabo-galka Kootada Haweenka
Waxa jiray dagaal ku salaysan mabaadi’Sanadihii badnaa ee ololaha loogu jiray xuquuqda
haweenka Somaliland oo u dhexeeyey xubnaha bulshada rayidka ah ee horu-socodka ah (oo ay
hogaaminayaan dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ee ku jira ururada haweenka) iyo
siyaasiyiin ka garaabayey halgankan oo isku dhica ah, iyo dhanka kale wadaadada siyaasadda
qunyar socodka (conservative) ah iyo dhaqanyahano u jihaysan dhinaca qabiilka.
In kasta oo hirgelinta kootada haweenka ay tahay si loo miisaamo dheelitir la’aanta lamaanaha ee
ka qaybgalka go’aamada qaranka, taas oo ay aqoonsanyihiin dadka intiisa badan, haddana
fikirkani waxa aanu weli taageero ka helin jilayaasha siyaasadda ee muhiimka ah ama waxa uu
cadaadis kala kulmaa dhaqamo guun ah oo si adag difaac ugu soo jira. Tani waxay la mid tahay
doodda ka taagan in loo baahanyahay in la qaado talaabooyin wax ku ool ah; kuwa ka soo
horjeeda kootada haweenku waxay ku andacoonayaan in ragga la takoorayo.
Arrimaha haweenka ka hor taagan in ay qabtaan mansab qaran, ha ahaado mid doorasho lagu
yimaaddo ama mid la soo magacaabo waa kuwo aad looga dooday loona diiwaangaliyey
bulshada dhexdeeda. Kuwaas waxa ka mid ah arrimaha siyaasadeed ee ka soo baxaya siyaasadda
ku dhisan ragganimada qaawan taas oo Somaliland caan ku tahay, iyo xaqiiqada jirta ee in
tartanka siyaasadeed ka dhexeeyo shakhsiyaad ee aanu ka dhaxaynin xisbiyo siyaasadeed iyo
barnaamijyo qaran, iyo iyada oo aanay jirin rabitaan dhab ah oo siyaasadeed oo lagu gaadhayo
sinaanshaha lammaanaha.
70
Sidoo kale waxa dabar ku noqday haweenku in ay siyaasadda ka qaybgalaan caqabado badan oo
leh kuwo bulsho iyo kuwo dhaqanba. Ugu horayn, arimahaas waxa ka mid ah dhaqamo guun ah
oo ku salaysan caadooyin iyo sida loo aaminsanyahay doorka ay kala leeyihiin lamaanuhu. Ma
jiro qoraal cad oo haweenka ka reebaya in ay qabtaan jago sare oo siyaasadeed. Laakiin, qaar ka
mid ah culimada Muslinka ah ayaa si adag ku reeba in haweenku ka dhex muuqdaan nolosha
bulshada, iyagoo cuskanaya dhawr sababood- Nuglaanshaha haweenka, aragtidooda ku salaysan
in haweenku si fudud u abuuri karaan fitno iyo kala qaybsanaanta bulshada (APD, 2002). Tan
labaad waa aragtida qabiilka ee ku waajahan in haweenku aanay matali karin, ilaalin karin, una
adeegi Karin danaha reerka. Ugu dambayntii, waa aragtida baahsan ee laga qabo siyaasaddu in
ay tahay wax qudhun ah oo ay tahay in laga ilaaliyo haweenka ( Nagaad, 2008).
Caqabadaha siyaasadeed, bulsho iyo dhaqan waxa ugu biiray kuwa dhaqaale iyo sharci.
Caqabadaha dhaqaale waxa aad looga dareemi karaa kharashka ololaha doorashooyinka ee aad u
sareeya kaas oo dumar badani aanay tahli karin, siiba kuwa aan lahayn madaxbanaani dhaqaale.
Caqabadaha sharci waa kuwo mar walba ka soo baxa xeerarka doorashooyinka ee la qaatay oo
aan habayaraatee lahayn hab lagu hubin karo in si dhab ah ay murashaxiintu u simanyihiin.
Waxay sidoo kale ka soo farcamaan xeerarka dhaqanka kuwaas oo sii xoojiya qaab-dhismeedka
iyo awood qaybsiga beelaha iyo reeraha.
Agaasimaha Nagaad, Nafisa Yusuf waxay carabka ku sii adkaynaysaa “ Waa in la burburiyaa
caqabadaha hadhay ee rasmiga ah, xisbiyaduna waa in ay haweenka ku dhiirigeliyaan in ay isu
soo taagaan doorashooyinka. Wakhtigan hadda lagu jiro, kootada golayaasha sharci dejintu waa
hanaanka qudha ee lagu gaadhi karo wakiilo rasmi ah oo haweenku ku yeesho Dawladaha Hoose
iyo ta dheba. Waana in aynu hore u riixnaa”.
Arinta kale ee muhiimka ah waa doorka ay ciyaaraan guud ahaan ururada bulshada iyo
hay’adaha aan dawliga ahayn ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka. In kasta oo qaybtani ay
ahayd mid aad u firfircoon, haddana ka may madhnayn goldaloolooyin iyo taag dari ay hore ugu
dhaqaajin kari waayeen kootada haweenka. Iyadoo ay jiraan tiro badan oo ururada bulshada ah
oo sheegta in ay u doodaan xuquuqda haweenka, haddana tiro yar oo ka mid ah ayuunbaa
haweenka u doodda ilaa heerar siyaasadeed. Inta badan ururada waxa soo food saarta isku xidh
la’aan iyo dhaqamo xiliyada qaar loo turjuman karo kuwo tartan ku salaysan oo aan ku
salaysnayn is-kaashi, siiba marka la eego dhinaca ilaha dhaqaalaha. In kasta oo tartanka loogu
baahanyahay wanaagga shaqada, haddana waa in aanu saamayn taban ku yeelan isku xidhka loo
baahanyahay, ama aanu horseedin in la is barbaryaaco oo shaqo isku mid ah la qabto oo ay ka
dhalato dayacaad dadaal, lacag iyo wakhti aad loogu baahnaa.
71
Tiro kooban oo ururo ah ayaa abuuray hab ay ula xidhiidhaan siyaasiyiinta, intooda bandanna ma
haystaan nidaam hufan oo ay ku saameeyaan siyaasiyiinta. Waxaana laga dheehan karaa b)
awood dari ka muuqata oo aanay haweenka u muujin karin in ay yihiin halbawlaha doorashada,
sidaa daraadeed ay hab-dhaqanka siyaasiyiinta ku saameeyaan codbixinta t) iyagoo aan lahayn
qorshe saxaafadeed oo ay bulshada ku wacyigeliyaan kuna gaadhaan dad badan, dadkana u
jiheeyaan in ay taageeraan dadaalkooda.
Dhanka kale, wada shaqaynta dhexdooda ee ururada haweenku waa mid aad u liidata.
Dhexdooda oo keliya maah ee waxaan iyana jirin wadashaqayn iyo iska-warhayn ka dhaxaysa
iyaga iyo ururada kale ee ku hawlan xuquuqda dadka iyo hanaanka guud ee Dimuqraadiyada
qaranka. Arintanu waxay dhalisay in danaha haweenku ka maqnaadaan doodaha qaran. Sidoo
kale in ay ururada bulshadu ku waayeen is-kaashigi, aqoon is waydaarisigii iyo is taageeridii ay
kala heli lahaayeen. Haddaba, waxaa loo baahanyahay ururo ku takhasusa awoodna saara
arrimaha haweenka, balse waa in aanay meel madhan kasoo bixin ee ay ka mid noqdaan dadaal
loo dhanyahay oo lagu badbaadinayo xuquuqda haweenka.
Caqbadahaas oo ay weheliyaan dhaqaala la’aan, maamul xumo iyo dimuqraadiyadda ururada
haweenka gudahooda, waxay dhaliyaan in guushoodu dadaal guud oo siyaasadeed oo iyaga ka
baxsan in la helo kaas oo meelmarinaya sinaanshaha lamaanaha sida uu qabo Dastuurku.
Nasiibdarro, kaasuna waa mid uun imika bilow ah welina ku kooban siyaasiyiin tiro yar. In
siyaasiyiintasi ay hogaamin doonaan is badalka la rabaa waa mid loo fadhiyo.
Gunaanad
Maqaalkanu waxa uu dabagal iyo faallo ku sameynayaa halganka dheer eer haweenka
Somaliland ugu jiraan in ay helaan wakiilo siyaasadda ku matala iyo kootadii haweenka ee
dhawaan la soo jeediyay in lagu dhaqmo doorashooyinka qaran iyo kuwa deegaanka ee gaadhay
mansabyada go’aanka ummada lagu gaadho.
Ka sokow halganka dheer ee haweenka Somaliland u keenay horumarka kooban ee laga gaadhay
ka qaybgalka siyaasadda, wali haweenku waa kuwo ka maqan madalaha lagu gaadho go’aamada
qaranka iyo hay’adaha qarankaba. Marka la eego khibradda laga dhaxlay halgankii haweeenka
Somaliland labaatankii sano ee ugu danbeeyey, waxa cad in habka qudha ee la hubo ee
haweenku siyaasadda kaga qaybgeli karaan uu yahay habka kootada lamaanaha. Kootada
doorashada haweenka halkan waxay ugu qeexantahay miqyaas siyaasadeed oo lagu gaadhayo
sinaansho, hadafkiisuna yahay in meesha lagaga saaro quudhsi aan wanaagsanayn oo soo wajaha
haweenka Somaliland dhinaca ka qaybgalka siyaasadda. Kootadu sidoo kale waxay fure u tahay
helitaanka siyaasado hirgelinya haweenka xuquuqdooda rayidka ah, tan bulsheed iyo tan
dhaqaale.
72
Waxa xaqiiqo ah in dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha sinaanshaha lamaanaha iyo
Dimuqraadiyadda Somalilannd ay soo foodsaartay caqabado waaqici ah iyo dhaqamo
siyaasadeed oo guun ah oo u baahan in la badelo. In la bedelo dhaqankaa siyaasadeed kaliya
maaha maslaxadda sinaanshaha lamaanaha, laakinse waxay muhiim u tahay si loo helo siyaasad
laga wada qaybgalo iyo Dimuqraadiyad dhamaystiran. Is bedel ku iman kara dhaqankaas
siyaasadeed waa geedi dheer, laakinse sida hore Somaliland looga bartay rabitaanka
Dimuqraadiyadeed waa mid xoog badan sidaas daraadeed waxa soo bixi kara natiijooyin layaab
leh oo loo riyaaqo.
Maqaalkani sidoo kale waxa uu u dan leeyahay in uu farta ku fiiqo goldaloolooyinka iyo
khaladaadka habka loo raadinayo, si loo saxo kootada, oo ay ku jirto is beddel mustaqbalka ku
yimaada xeerka doorashooyinka oo haga doorashada Baarlamaanka iyo kan iminka arrinkiisa
gacanta lagu hayo ee doorashada Goleyaasha Deegaanka, si loo helo in ka qaybgalka haweenka
ee labadan marxaladoodba ay noqdaan kuwo rumooba oo aan ahayn balanqaad beenbeen ah.
Sidaa daraadeed, in si guul ah ay ku hirgasho Kootada haweenku waxay ku xidhantahay in
dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda siiba xisbiyadu ay u
aqbalaan in ay tahay hab loo adeegsan karo in lagu gaadho sinaanshaha lamaanaha.
73
Qormada Lixaad: Waayo-Aragnamadii Haweenay Isu Taagtay
Doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland Ee 2005
Qore: Aamina H. Maxamud Warsame (Aamina Milgo)
(Raad-raaca qoraalkan la soo koobay waxa laga heli karaa buugga “Somaliland: Facing
Challenges of Free and Fair Elections”).
Araar
Doorashadii Golaha Wakiilada ee Somaliland sannadkii 2005 waxay ahayd dhacdo taariikhi ah oo
aan hore u soo marin Somaliland laba sababood awogood. Ta koobaad waa doorashadii ugu
horreysay ee si madax bannaan shacabka Somaliland u doortaan wakiiladooda; ta labaadna waa
markii u horreysay ee taariikhda Somaliland ay dumar isu soo taagaan doorshado. Haddaba
maqaalkan waxa lagu soo koobay waaya-aragnnimadii Aamina X. Maxamuud Warsame (Aamina
Milgo) iyo caqabadihii ay la kulantay markii ay isu taagtay doorashadaas.
Hordhac
Ummadda Somaliyeed ee ku nool dalalka Somaliland, Somalia, Djibouti , Kililka Shanaad ee
Ethiopia, Kenya iyo meelkasta oo ay u haajireen,waxay wadaagaan dhaqan soo jireen ah oo ay
talada ummaddu ragga oo keliya ka go’do. Siyaasadduna sidaas waxba kama duwana oo talada
iyo siyaasadda Somaliland waxay faraha ugu jiraan raga; iyaguna waxay wax ku qaybsadaan hab
beeleed. Golayaashii Somaliland ee doorashadan ka hor jiray, sida ka Guurtida iyo Baarlamaankii
hore, amaba shirarkii dib u heshiiinta beelaha Somaliland, midna dumar kumay jirin, sababta oo ah
xubnaha waxa lagu soo xuli jiray hab beeleed.
Haddaba, Habka dimoqraadiyadda Somaliland ka hana qaaday wuxuu dhaliyey in nidaamka
xisbiyada badan aynu ku galno doorashadii golayaasha deegaanka sannadkii 2002dii. Xilligaas oo
lix urur u tartameen, waxay ku doorteen 332 oo xildhibaan, balse laba keliya ayaa dumar ahaa.
Waxa taas ugu wacnaa iyadoo xisbiyadu ay habka liiska ku galeen (party list system). Taa
macnaheedu waa murashaxiinta ugu horreya liiska ururku soo gudbiyey ayaa ugu fursad roon.
Nassib darrose dumarka intooda badani meel hoose ayey kaga jireen liisaska ururradu soo
gudbiyeen, sababta oo ah weli hab beeleed baa lagu soo xulayeye murrashixiinta. Beeluhuna
waxay doorbidayeen in uu nin u sharaxnnaado.
Saddex sanno ka dib waxa dhacday doorashadii golaha wakiilada oo ay ku tartamayeen saddexdii
xisbi qaran ee ku soo baxay doorashadii deegaanka ee 2002, kuwaas oo kala ahaa UDUB, UCID
iyo Kulmiye, iyagoo u tartamay 246 kursi. Saddexdaa xisbi isku darkoodu waxay soo gudbiyeen 7
dumar ah oo keliya oo murshaxiin ah: laba UDUB ah, laba Kulmiye ah iyo saddex UCID ah .
Inkasta oo ay talaabadanu ahyd mid ugub ah oo ah markii u horreysay ee ay dumarka reer
74
Somaliland si madax banana isugu soo taagaan doorasho, ( ilaa xilligii aynu ka mid ka ahayn
Somali Republic), haddana dhibaatooyinkeedu may yarayn sidaan halkan ku iftiimin doono.
Xulashadii Murashixiinta
Sidaan hore u sheegay xulashada murashaxiintu waxay ku salaysnayd hab beeleed. Tirada gobol
waliba helayna waxay ku salaysnayd tirada dadka gobolka ku nool. Haddaba maadaam aanay jirin
tirakoob rasmi ah oo dalku lahaa xilligii doorashada, waxa la door biday in lagu saleeyo tiradii
lixdii degmo ee dorrashadii 1960 (Borama, Hargeisa, Berbera, Burco, Las Anod iyo Cerigabo) oo
lagu dhuftay 2.6 si loo tixgeliyo tirada dadka korodhay. Hadaba xulashada murashixiinta waxa
door wayn ku lahaa duqayda iyo madax dhaqameedka beelaha. Kuwaas oo iyagu xisbiyada u soo
gudbinayey magacyada murashixiinta beelhooda. Waxa dhacday in reeraha qaar ku kalifeen
xisbiyada inay beddelaan murashax ay doorbidayeen oo ku beddelaan ka odayaashuy wateen.
Xisbigii talada raaci waayaa, wuxuu halis u ahaa inuu waayo codka reekaas. Arrintaasu waxay
xisbiyada ku noqotay caqabad adag, waxaanay dhalisay in mararka qaarkood xisbiyadu ka
codsadaan murashixiinta inay soo caddeeyaan inay haystaan taageerada odayaasha reerka.
Hadaba sida taariikhdu xusayso, reeraha ama beelaha Somaliyeed waxay danahooda u wakiilan
jireen, ilaa haddana u wakiishaan ragga. Waxa caado ah in marwalba dumarka reerka ay ka
dhasheen aanuu kalsooni buuxda ku qabin oo ay ku tiriyaan reeraha ay u dhaxeen; maahmaah
baa tidhaahda dumar waa dhaxdine dhalasho maaha. Sidaa darteed way adkayd in dumarka
lagu daro liiska xisbiga waayo looma arkayn in ay gabadhu daryeeli karto ama daacad u noqon
karto danta reerka ay ka dhalatay haddii ay cidkale u dhaxday. Ka dhaxaynta labada qoys ee
midna ay ka dhalatay midna ay u dhaxday iyo fikradda dad badani qabaan ee ah in aanay dumarka
hoggaanka dalka ka qayb galin ayay ahaayeen caqabadihii ugu waawaynaa ee ka hor yimi
dumarkii lahaa damaca siyaasadeed.
Waxa dhaqanka Somaliland ka mid ah oo u caado ah in markay gabadh reer lihi qoyskooda soo
booqato xeedho lagu sooryeeyo. Xilligii aan ololaha doorashada ku jiray, markaan ragga reerka
aan ka dhashay kala hadlo doorashada iyo inaan gargaar uga baahnahay, waxay iigu jawaabi jireen
“annagga xeedho ayaad nagu leedahay, kursiga baarlamaanka naguma lihid, markaa
xeedho waan ku siinaynaa laakiin cod naga heli maysid”. Ragaas waxay si dadban ii
xusuusinayeen inaan ku ekaado gurigayga oo aanan siyaasadda hawaysan ilayn arragtidooda
siyaasaddu waa shaqadii raggee.
Reeraha qaar si badheedha ayey u horjoogsadeen inay xisbiyadu gabadh reerkooda ah liiska ku
daraan, waayo waxay u arkayeen inay kursiga ninka ay wataan khatar gelin karto. Haddaba, reerka
aan ka dhashay way ka war hayeen in xisbbiga UCID liiska igu dareen iyaga oon ka werwerin
inaan taageerada reerka haysto iyo in kale. Sidaa darted reerkaygu iskuma hawlin in ay UCID la
xidhiidhaan. UCIDna waxay isku haleeyeen inaan codka haweenka soo jiidan karo.
75
Tirada yare e dumarka marashixinta ee doorashadii 2005, waxay ka marag kacaysaa kalsooni
la’aanta ay xisbiyada iyo reeraha xagga dumarka murashixiinta ah. Xisbiyadu may hubin in
dumarku ka heli karaan cod ku filan reerka ay ka dhasheen, kay u dhaxeen ama codka dumarkaba.
Todobada dumar ahi waxay ahaayeen tijaabo ka qayb galka haweenka ee madasha siyaasadda.
Waayo-Aragnimadii Ka Qaybgalka Madal Ragga u Xidhan
Inkast oo aanan markii hore lahayn damac siyaasi ah, haddana mar walba waxaan dhibsan jiray in
dumarku ka maqan yihiin saaxadda siyaasadda ee Somaliland. Waxa caado noqotay in dumarku
ka maqnaadaan hoggaankii SNM inkasta oo ay kaalin door ah kaga jireen halgankii, oo xitaa ay
kii hubaysnaa ka qayb galeen, haddana waligood lagama qayb gelin shirarkii SNM marka laga
reebo sannadkii 1983 oo gabadh keliyi ku jirtay 151 ergay ee shirka . Golihii dhexe ee SNMna
dumar kumay jirin. Waxaan xasuustaa xilligii halgankii SNM, oo aan anigu qaxooti ku ahaa dalka
Sweden, madaxda SNM ayaa Yurub safarro ku iman jiray. Had iyo goor waxaan waydiin jiray
sababta aanay haweenku xubno ugu lahayn golaha dhexe. Marna jawaab waafi ah su’aashaa
umaan helin. Waxase ii caddaatay in ay madaxda SNM is diidsiinayaan ama aanay garowsan in
dumarku ragga la xuquuq yihiin si ay uga qayqaataan tallada dalka. Arrintaas ayuun baan
maantana weli taagan oo caqabad ku ah in haweenku ka qayb galaan siyaasadda dalka .
Somaliland waxaan dib ugu soo noqday sannadkii 1997 anigoo ka soo guuray dalka Sweden.
Waxaan ka mid noqday haween isu tegay oo sameeyey dalladda NAGAAD oo kulmisa ururro fara
badan oo haween. Ujeedada ugu wayn ee NAGAAD loo sameeyey waxay ahayd dareen ka
dhashay ka maqaanshaha haweenka ee talada iyo siyaasadda dalka. Sannadkaasu wuxuu ahaa
dhammaadkii shirweynihii labaad ee dibu heshiisiinta beelaha Somaliland; waana xilligii dib loo
doortay Madaxweyne Cigal (AHUN). Shirweynahaa dib u heshiisiinta ayaa ahaa mid laga
horjoogsaday haweenka, inkasta oo markay hadhi waayeen loo ogolaaday 12 xubnood oo
goobjoogayaal ah, laakiin aan doodda iyo codaynta toona ka qayb qaadan Karin. Xubnahaasi
waxay ku waaya arkeen dhibaatooyinka haweenka ka hortaagan ka qayb galka talada iyo
siyaasadda dalka. Markii shirku dhammaaday waxa isu yimi 25 urur oo u badan ururo haween
waxayna aasaaseen dallada NAGAAD si ay u mideeyaan codkooda uguna hawl galaan u halganka
xuquuqda haweenka guud ahaan, gaar ahaanna kuwa siyaasiga.
Sannadkii 2002 waxa haya’dda looyaqaan SOWRAG (Somaliland Women’s Research and
Action Group) oo aan anigu markaa madax ka aha samaysay cilmibaadhis ku saabsan sida loo
arko in haweenku ka qayb galaan siyaasadda dalka. Xogtaasi waxay ku soo urururtay in dad
badani qabaan inay saaxadda siyaasaddu ragga u furantahay, haweenkuna guryahooda ku
ekaadaan. Talooyinkii cilmi baadhistaa ka soo baxay wax ka mid ahayd in la sameeyo madal
siyaasadeed oo haweenku leeyahay (Women’s Political Forum). Hawlaha madashaa loo
igmaday, waxa ka mid ahaa in haweenka loo tababaro laguna dhiirigeliyo sidii ay siyaasadda uga
qayb geli lahaayeen. Intii aanu hawlahaa ku jirney waxa jiilka yaryar ee gabdhuhu na wayddiin
jireen sabata aanu qolyahayaga waawayni ugu horseedi wayney halgankaa.
76
Waxaan goostay inaan ka qaybgalo siyaasadda oo aan xubin firfircoon ka noqdo xisbigga UCID
oo aan la shaqayn jiray ilaa markii la asaasay. Shirkii golahiisa dhexe ee sannadkii 2004 waxa la
ii doortay inaan ka noqdo Guddoomiyaha Saddexaad ee UCID, sannadkii 2005na waxaan isu
taagay doorashadii golaha wakiillada. Muddadii gaabnayd ee aan ku jiray hoggaanka xisbiga
waxaan ku waaya arkay anigoo ah gabadha keliya ee ku jirta hogganka xisbiga.
In kasta oo xisbbiyada Somaliland tageerada u badan ay haweenka ka helaan, haddana doorkooda
hogaamintu waa wax aad u yar, hadduu jiroba. Waxa jirta in xisbbiyadu u arkaan haweenka
doorkoodu inu yahay, hogaaminta garabka haweenka, ololeynta iyo abaabulka codka dumarka.
Sidaa darteed dumarka hoggaanka xisbbiga ku jiraa, ugama qayb galaan siday iyagu doorbidi
lahaayeen. Ka mid noqoshada hoggaan xisbi oo wada rag ah dhib iyo dheefba way leedahay.
Dheefta aan kala kulmay waxa ka mid ahaa anigoo had iyo goor ray’gayga la i waydiin jiray
wakhti badanna la isiin jiray markaanu dood leenahay. Isla markaan ay raggaa aanu wada
shaqaynaa ixtiraam badan ii qabeen kuna dadaali jireen in aanan wax tirsanin. Dhinaca kale ma
dhib yara ka mid noqoshada madal siyaasadeed ah oo rag loo qoondeeyey. Taa waxa caddaynaysa
habka shirarka siyaasadda loo maamulaa maaha mid dumarka tixgelisa. Maadaama ragga
badankiisu qaadka cunaan, waxay doorbidaan in shirarku dhacaan markay qaadka u fadhiyaan.
Fadhi qaad waa wax aad ugu adag gabadh kaligeed ah waanu baqo gelin karaa. Markaan goosto
inaan ka qayb galo, waxay noqon jirtay inaan keligay meel gooni ah fadhiisto, marar kalena
waaban iska maqnaan jiray. Waxa kaloo jirtay marar hoggaanku fadhi qaad la yeelan jireen dad
aan xisbiga ka mid ahayn oo ay doorbidi jireen inaan ka maqnaado.
Dhacdooyinka iigu adkaa waxa ka mid ahaa markay madax dhaqameedku noo yimaadaan,
qaarkood salaanta way ila dhaafi jireen. Waxa ku adkayd gabadh rag soo dhex fadhida oo siyaasad
falanqaynaysa . Waxay ray’gooda la ahayd inay taasi khalad tahay. Waxa dhici jirtay inay iska
ilaalin jireen in indhahayagu isku dhacaan oo ay jeclaysan jireen inaan dibadda u baxo si ay uga
hadlaan arrinka ay u socdeen. Maan yeeli jirin inta badan oo waan fadhiyi jiray, laakiin marmar
baan iska bixi jiray.
Caqabadihii Murashaxnimadayda
Todobadii dumar ahaa ee isu sharaxay golaha wakiilada markii ugu horraysay taariikhda
Somaliland, waxay la kulmeen caqabado farabadan. Caqabadahaas waxay isgu jireen qaar guud oo
ay dhammaan haweenkaasu la wada kulmeen iyo qaar u gaara ah. Qaybtan waxaan kaga hadli
doona kuwii ii gaarka aha, aniga oo kuwa guudna wax ka taataaban doona.
Caqabaddii iigu horaysay waxay ahayd aniga oo fursadda aan ku soo bixi karaa aad u yarayd,
waayo jifada aan ka dhashay waxaanu ku sharaxnayn aniga iyo laba nin. Taasi saddexdayadaba
waxay ku ahayd dhibaato, anigaana ugu sii fursad yaraa. Caqabadda labaad waxay ahayd, aniga
iyo odeygeygu isku beel ma nihin. Halka aan ka sharaxnnaana waa gobolkii aan u dhashay . Hase
yeeshee tolkay waxay ii arkayeen in aanan xaq u lahayn murashaxnimada gobolka maadaam aan
77
beel kale u dhaxay. Ta saddexaad waxay ahayd in beeshayda oo xoggeedu taageersanaa xisbigii
talada hayey ee UDUB. Sidaa awgeed waxay dabataagnaayeen murashaxii UDUB oo isagu waxay
ka dalbadaan ba u heli karayey
Anigu maadaama aan dumar ahay oo aanan haysan taageeradii beesha, waxa igu yaraa kharashka
aan ugu baahnaa ololaha doorashada. Wixii aan isu keni karayey may dabooli karayn kharashka
safarka iyo baahida kale ee ololaha. Waxa intaa ii dheeraa, anigu waxaan ragga kaga duwanaa
safarka oloahaygu kuma ekayn degmada aan ka soo jeedo anigoo rajaynaya inaan degaannada kale
ee gobolka cod dumar ka soo helo. Taasi waxay keentay in halka uu raggu awooddiisa iyo
dhaqaalihiisa isugu gaynayo halka beeshiisu u badantahay, anigu waxaan u safrayey magaalo iyo
tuulo kasta oo gobolka Saaxil ka mid ah. Sida darteed waan ka baahi badnaa ragga waana ka hayn
yaraa. Ilaha aan taageero ka heli karayeyna way koobnaayeen. Dalladda Nagaad iyo asxaabtooda
ayaa olole dhaqaala ururin ah u sameeyey haweenkii murashixiinta ahaa. Waxay la xidhiidheen
shirkadaha gaarka ah, ururo caalami iyo kuwo maxali ah intaba. Waxa kale oo taageero dhaqaale u
fidiyey dumarka shakhsiyaad. Taageero kalena waxaan ka helay asxaabtayda, ehelkayga iyo urur
qurba joog ah oo la yidhaahdo Gaaroodiga.
Madaam inta badan dadku yihiin qaar aan waxna qorin waxna akhriyin, waxa la faray in
murashax waliba samaysto astaan sawir ah. Waxa dhacday lix nin oo UDUB ka tirsani astaantooda
ka dhigteen sawir qof dumar ah. Taasa jaha wareer ku riday dumar badan oo u qaatay astaantan
haweenayda ah inay gabadhi leedahay.
Haddaba caqabadda ugu waxyeellada badnayd waxay ahayd been abuur la sameeyey oo dumarka
gobolka lagu yidhi , dumarka murashixiinta ah cod ka yar ka raga ayaa lagu dooran karaa
marakaa koleyba way soo baxaysaaye codka haku khasaarinina. Dumar farabadan ayaa ii yimi
oo su’aashaa i waydiiyey. Isla markii aan ogaadasy waxaan la xidhiidhay guddoomiyaha Guddida
Doorashooyinka oo an ka codsaday inuu BBC da Af Somaliga ah la xidhiidho oo geliyo ogeysiis
uu arrintaa ku saxayo. Sababtoo ah waa idaaad dadku aad u dhagaysto. Waxba kama suuroobin oo
malaha wuu haleeli waayey.
Caqabad kale oo iga hortimi waxay ahayd warbaahinta. Warbaahintu Saaxil aad bay ugu yarayd.
TVga iyo Radio Hargeysa labaduba caasimadda Hargeisa ayey ku eekaayeen; wargeysyada badan
kooduna Hargeisa ayaa lagu daabacaa oo nuqulo tiro yar baa Berbera soo gaadha. Waxa kale oo
jirtay inay ahayd xilligii kulaylaha ee laga soo xagaa bixi jiray oo dhaqdhqaaqa dadku aad u
yaraa. Hase yeeshee meelaha aan kululayn laftooda saxaafaddu dumarka way dir sooci jirtay.
Tusaale ahaan magaalada Sheekh ayaanu aniga iyo laba murashax oo rag ah oo xisbigayga ka
sharaxnaa isku darsanay ololayntii oo isku maalin ka dhiganay si aanu dad badan u soo jiidano.
Markaanu dadka la hadlaynay waxaan ka hadlay waxbarashada, caafimaddka, dhaqaalaha,
deegaanka iwm. Waxa aad iiga yaabisay, markii wargeyskii ka warramay soo baxay, wuxuu
khudbadihii ragga ka qoray ilaa saddex bog, halka uu khudbadaydii afar sadar oo arrimaha
dumarka ka hadlayaa ka qoray.
78
Dhibaato kale oo iga hor timid waxay ahayd dagaal ay igala hor iman jireen ragga qaar markaan
ololaha ku jiray. Ugu yaraan saddex goor waxa ila dagaalamay rag aan isku beel nahay. Laba goor
oo kuwaa ka mid ah waxaan la hadlayey dumar aanu kawada hadlaynay ahmiydda (waxtarka ) ay
leedahay in dumarku ka qayb galaan siyaasadda. Maddam ay dumarka aan la hadlayey u
badanaayeen qaar uhaysta in siyaasaddu ragga u xidhantahay, waxaan kala hadlayey inay
dumarkuna xaq u leeyihiin ka qayb galka siyaasadda.
Mar waxa dhacday in uu nin da’ weyni isagoo cadhaysan igu yidhi “ma adigaa gabadha is
sharaxaysaa?”
Si deggan baan ugu jawaabay oo ugu sheegay inay aniga tahay. Intuu igu qayliyey buu yidhi xaq
uma lihid inaad gobolkan iska sharraxdid, orod iska sharax degaanka ninkaaga. Waxaad u timi
inaad codka dumarkayaga jiidatid. Odeygii baan anigo si xishmad iyo qaddarin leh ula hadlaya ku
idhi aniguna xaq baan u leeyahay inaan iska sharaxo gobolkan, dumarkan aan la hadlayaana xaq
bay u leeyihiin inay ciddi ay iyagu donaan u codeeyaan. Markii aan intaa idhi ayey dumarkii aan la
hadlayeye iyo dad kale oo nagu soo ururi intay odeygii ku qosleen anna ii sacbiyeen. Odeygii oo
cadho tii hore ka badan qaba ayaa naga tegay.
Mar kalena waxa dhacday inuu nin noogu soo galay aqal Somali aan dhawr dumar ah oo
xaaskiisii ku jirto kula hadlayey. Intuu daahii fayday buu igu yidhi dumarkayaga noo daa oo
faraha nooga qaad. Isna waxaan ku idhi dumarku maaha hanti aad leedahay, cidday doonaan
xorbay u yihiin inay la hadlaan lana fadhiistaan. Mar saddexaad anigoo gaadh la socda ayey rag
jidka dhiniciisa taagnaa intay kabii iska bixiyeen igu soo taageen. Taasi waxay i tusytay inaanay
rabin inaan gobolka iska sharaxo. Dhaqanka Somalida haddaynu eegno jaanta laysku salaama
waxay tusaysaa ku xumayn xishmad darro ku dheehantahay. Haddaan raggaa dacweyn lahaa waxa
laga yaaba in la ciqaabi lahaa.
Dhacdooyin kaas o,o dhami waxay iftiimiyeen kow in raggu xaasaskooda iyo dumarka
beeshooda u haystaan inay iyagu u taliyaan oo ciddi ay raggu rabaan dumarkuna u codeeyaan.
Taasu waxay ku xoog badantahay haweenka aan wax baran iyo kuwa dhaqaale ahaan ninka ku
xidhan. Ta labaad, sidii aan hore u soo sheegay gabadha reernimadeedu uma qeexna sida ta ninka.
Waayo waxa lagu tiriyaa beesha ninka ay guursatay inkasta oo aanay u dhalan. Taa saa ugu
wacnayd in labada nin ee aan la kulmay ay ka dhaadhacsanayd inaanan xaq u lahayn in aan
gobolka iska sharraxo. Nimankaasu nin murashax ah kumay yidhaahdeen gobolka xaq uma lihid
inaad iska sharraxdo iyo dumarkayaga noo dhaaf.
In kasta oo aanan la kulmin cid diinta u adeegsata in aanan is sharixi Karin, haddana waxaan
maqlay in waddaadada qaar khudbadii jimcaha kaga hadleen in aanay habbonayn in dumarku
siyaasadda ka qayb galaan. Waxa kale oo jirta in rag iyo dumar badani horumarka dumarka is
hortaagaan oo yidhaahdaan diintu ma oggola in dumarku siyaasadda galaan. Hase yeeshee ma
jirto meel quraanku arrintaa ku diiday. Waxa dhawr goor ii yimi dumar lagu yidhi haddaad gabadh
79
u codaysaan waa dembi. Waxaan isku deyey inaan sheego in aanuu wax dembi ahi ku jirin in ay
gabadh u codeeyaan. Umana malaynayo inay marka horeba arrintaa rumaysteen waayo wadaad
bay u tegi lahaayeen ee umay yimaadeen gabadh cod ka doonaysa.
Faa’iiddooyinkii Murashaxnimadayda
Caqabadahaa aan soo sheegay, waxa garab socday faa’iidooyin badan oo xusid mudan. Intii aan
ololaha ku jiray waxaan wax badan ka faa’iidaystay oo wax ka bartay dumar faro badan oo aanaan
si kale u gaadheen. Waxa kale oo aan fursad u helay inaan ku waci geliyo qiimaha iyo waxtarka
ay leedahay inay dumarku ka qayb galaan siyaasadda, iyo in aan u iftiimiyo xidhiidhka ka
dhexeeya noloshooda dhinac kasta oo ay noqoto iyo siyaasadda. In badan oo dumarkaa ka mid ah
waxay u ahayd markii ugu horraysay ee ay arrimahaas oo kale maqlaan. Dhinaca kale kalsooni baa
u korodhay dumar badan gaar ahaan da’yarta markay arkeen gabadh ku jirta olole siyaasadeed.
Qaar yaryarkaa ka mid ahi waxay i waydiiyeen sababta aan isu sharaxayo; anna waxaan uga
faa’iidaystay inaan u sharaxo in ragga iyo dumarku isku xuquuq yihiin oo ay is sharrixi karaan.
Bilowgii ololahayga, maan garanayn siday dadweynuhu u arkaan damacayga siyaasadda. Inkasta
oo aan baqo ka qabay in aad la iga hor iman doono, haddana wax dhibaato ah oo sidaa usii culus
lamaan kulmin, marka laga reebo odayaashaa aan tuulooyinka ku arkay sidaan hore u soo sheegay.
Cabsida iigu badani waxay iga haysay in diinta loo isticmaalo ka hor imaadkayga oo dadka lagu
khaldo in aanay diinto banaynayn in dumar loo coddeeyo. Wayse dhacday in si teel teel ama hoos
hoos ah dumarka qaar loogu majaro habaabiyeye laakiin saamayn xoog leh may yeelan.
Arrinta ugu muhiimsan ee kasoo baxday waxa weeyey dumarkii oo dayrkii kaga gudbanaa
saaxadda siyasadda jabiyey. Waxa taa u daliil aha, dumarkii oo golayaasha sharci dejinta- waa ka
wakiilada iyo ka guurtida- labadaba xubno ku leh. Inkasta oo ay tirada xubnaha haweenka ee
labadaa gole ay aad u u yartahay ( 3 ka mid ah 164), haddana waxay tani u tahay haweenka
tobankii sannadood ee u dambeeyey u halgamayey xuquuqda dumarka , tallaabo wax ku ool ah oo
rajadii dumar kor u qaadday.
Talo soo jeedeedin
Si haddaba guushan loo sii amba qaado waxaan maqaalkan gaaban ee ka hadlaya waaya-
aragnnimadaydii murashnimo ku soo gunaanadayaa talooyinkan soo socda:
Waxa loo baahanyahay in hay’adaha iyo xisbiyadu tababarro tayadooda kor loo qaado loo
sameeyo si ay dadku u fahmaan demoqraadiyadda, lammaanaha iyo xuquuda bani
aadamka.
Xisbbiyadu waa in ay samaystaan habka xulashada murrashixiinta oo si cad oo caddaalad
ku salaysan loo sameeyo.
Waa in la sameeyo taageero dhaqaale oo lagu taageero murashaxiinta dumarka ah
80
Waa in si joogto ah loogu sameeyo bulshada, gaar ahaan haweenka, wacyigelin si ay u
fahmaan demoqradiyadda, doorashada iyo xuquuqdooda.
Xisbiyadu waa in ay dumarka ka qaybgeliyaan talada iyo hoggaanka sareba.
Waa in la helaa meelo aan mafrashyada qaadka ahayn oo shirarka xisbiyada iyo ururada
siyaasiga ah lagu qabto si ay haweenka iyo ragga aan qayilni uga qayb galaan.
Dawladda Somaliland iyo xisbiyaduba waa in ay u hawlgalaan sidii dumarka loo siin lahaa
sadkooda ay siyaasadda kaga qaybgalaan. Taasu waxay waxtar u leedahay korna u
qaadaysaa sumcadda demoqraadiyadda Somaliland, waayo dimoqraadiyad dadweynaha
nuskii ka maqanyahay way kala dhantaalan tahay.
81
QAYBTA AFRAAD
SAXAAFADDA IYO XORRIYADDA HADALKA
82
Qormada Todobaad: Saxaafadda Iyo Qurba Joogga Somaliland
Qore: Zeinab Y.H. Adan
(Raad-raaca qoraalkan la soo koobay waxa laga heli karaa buugga “Somaliland Press
Freedom: Challenges and Opportunities”).
Hordhac
Tan iyo intii Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay waxay ku caano maashay saxaafad
madaxbanaan oo aan hore usoo marin tan iyo lixdankii. Taasoo gaadhsiisay inay noqoto mid ay
kaga soo mudhbaxday Afrika guud ahaan, gaar ahaanna Geeska Afrika. Waxaa u sabab ah
shacabiga reer Somaliland oo halgan adag u galay inay helaan xorriyad ay ku cabbiri karaan
ray’igooda Dawladihii kala dambeeyeyna aan ka oggolaan oo aan xorriyaddooda marnaba la
xakamayn.
Dadaalkaa iyo halgankaas wuxuu dhaliyey in si cad dastuurka loogu qeexo madaxbanaaninada
rayi dhiibashada iyo saxaafadda oo ku qeexan Qodobka 32aad faqradihiisa 1 iyo 3 sida halkan
ku cad
Faqradda 1aad: Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal,
hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.
Faqradda 3aad: Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga
ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way
reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa
nidaaminaya.
Qurba joogga Somaliland ayaa lagu tilmaami karaa udub dhexaadka horuumarka saxaafadda iyo
madax bannaanideeda. Dhinaca kale Saxaafaddu waxay qurba joogga u suuro gelisay inay
helaan saaxad ay kaga qaybgelikaraan horumarinta dalkooda. Isla markaa waxay kobcisay
garaadkooda siyaasiga ah. Waxa kale oo ay kaalin mug leh ka qaadatay isku xidka qurba joogga
iyo dalkooda Somaliland.
Haddaba maqaalkan waaxaan si kooban ugu falanqaynayaa doorka ay qurba joogga reer
Somaliland ka qaateen horumarinta saxaafadda ama warbaahinta iyo saamaynta ay warbaahinta
Somaliland ku yeelatay nolosha qurba joogga Somaliland.
83
Kaalinta Qurba Joogga
Qurba joogga Somaliland waxay kaalin mugle ka qaataan abuuridda iyo horumarinta
saxaafadda Somaliland kaalintoodaas waxa suurto geliya arrimaha soo socda
1. Waxay fursad u heleen adeegisaga teknoologiyadda warfaafinta iyo isgaadhsiinta casriga
ah (ICT)
2. Waaya aragnimo ay ka heleen dalalka ay joogaan warbaahintooda.
3. Awood dhaqaale oo u sahashay inay si mugleh uga qayb qaataan abuuritaanka qaybaha
kale duwan ee warbaahinta sida wargeysyada, ardaayada iyo mareegaha internetkaba (
list serves and websites); Asaasyashoodii ama mulkiilayaashoodii waxay u badnaayeen
qurba joog.
4. Waxay ka madaxbanaanaayeen xakamayntii maamulladii kala danbeeyey ee Somaliland
ay ku hayeen saxaafadda madaxa banaan
Hadaba waxa qurba jooga hormood u ahaa oo kaalintii ugu caansanayd ama ugu mugga waynayd
xiligii ay Somaliland curdinka ahayd ka qaatay ardaagii la odhan jiray Somaliland Forum.
Ardaaga waxa shirkii Borame ka dib ku bahoobay ilaa labatan dhalinyaro aqoonyahano ah oo
reer Somaliland ah oo u badnaa waqooyiga Amerika. Waxaanay yool ka dhigteen inay
mashaariic horumarineed ka hirgeliyaan dalka. Ardaagu si dhakhso ah ayuu u koray uguna
baahay jaaliyadaha reer Somaliland ee ku kala nool dunida daafaheeda taasaana u suuro gelisay
inay yeeshaan guddi hoosaadyo kala qaatay qaybaha kala duwan ee adeegga bulshada sida
waxbarashada, caafimaadka , biyaha, xarumo agoontii SNM lagu xanaaneeyo iwm.
Waxay markiiba bilaabeen xog uruurin ay ku dersayeen meelaha baahiyaha ugu badani jiraan iyo
kala mudnaantoodaba. Waxay bilaabeen Mashaariic farabadan oo dhaqaale uruurin ah . Kuwii
ugu horreeyey iyo kuwii ugu waawaynaa waxa ka mid ahaa kuwii ay ku taageereen Jaamacadda
Hargeisa, Edna Hospital, Jaamacadda Camoud, Jaamacadda Burco, Cusbitaalka Dhimirka ee
Hargeisa, Cusbitaalka Burco , Cusbataalka Ceergaabo , Xarunta agoomaha ee Berbera iyo qaar
kaloo badan. Waxa xusid mudan hawlahaas oo dhan waxa u sahashay warbaahinta casiriga ah.
Waxa kale oo u suurto gashay inay si joogta ah u helaan wararka ku saabsan dalkii isla markaana
la wadaagaan jaaliyadaha ku nool dalalka ay xubnahaasi joogaan.
Muddo yar ka dib waxa dhashay dhawr mareegood ( websites) oo ay lahaayeen ama saamayn ku
lahaayeen xubno ka tirsan Somaliland Forum waxa ka mid ahaa, Somalilandnet, Somaliland
Future, Qaran, Hadhwanaagnews, Jamhuuriya ( oo ahayd wargayskii ugu horreeyey ee website
samaysta, waxa hawlwadeen ka ahaa Jamal Cabdi Gabobe oo ka mid ahaa xubnihii ugu
horreeyey ee Forumka) .
Taasi waxay suuro gelisay inay saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland si cuddoon u hano
qaaddo. Horumarka ay u horseedeen saxaafadda madaxa banaana waxa garab socday saamaynta
84
ay saxaafaddu ku yeelatay qurba joogga. Haday noqoto xagga siyaasadda, dhaqaalaha ama ,
wacyi gelinta ay iska wacyi gelinayaan xaalladda dalku ku sugan yahay .
Iyagoo adeegsanaya warbaahinta kala duwan, kana faa’iidaysanaya in ay ka madax banaanyihiin
xakamaynta maamulladii kala danbeeyey, waxa u suuro gashay qaar ka mid ah qurba joogga oo
aad u danaynayey dalkooda in ay si joogta ah uga hadlaan dhibaatooyinka iyo dhalliilaha jiray
dalka iyaga oo isla markaa talooyin iyo tilmaamo u soo diri jiray golayaasha sharci dejinta iyo
Xukuumadda lafteedaba.
Saamaynta ay warbaahintu ku yeelatay qurba joogga laguma soo koobi karo maqaalkan balse si
kooban ayaan ugu soo bandhigayaa kuwa ugu waawayn.
Saamaynta Siyaasadeed :
Waxay warbaahintu kobcisay garaadka siyaasiga ah ee xubnihii Forumka. Waxay bilaabeen in si
aan hore loo arag u dardargeliyaan u doodista qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland. Guddidii
ictriaaf raadinta Somaliland ee ugu horraysay waxay ahayd guddidii siyaaasadda ee Somaliland
Forum oo ay hoggaaminaysay Allah ha u naxariistee Amina Malko xilligii ay ahayd
guddoomiyaha Somaliland Forum waa guddidii abaabushay bannaan baxyo isdaba joog ah iyo
fadhiyo la hor fadhiisanayo xarunta Golaha Ammaanka ee Qaruumaha midoobay ee magaalada
New York. Talaabooyinka ay guddidaasi qaadayso waxa si isdaba jooga loogu soo tebin jiray
xubnaha adduunka kale jooga ee ardaaga . Waxa arrintaasi dhalisay inay koox waliba dalkii ay
joogeen ka abaabulaan waci gelin ku saabsan qaddiyadda Somaliland oo ay u samaynayeen
dadka u dhashay dalaka ay ku noolyihiin.
Bisaylka siyaasadeed ee xubnahaasi gaadheen iyo kalsoonida ay ka heleen aqoon iswaydaarsiyo
ay si joogta ah u samayn jireen iyagoo adeegsanaya saxaafadda casriga ah ee soo korodhay ee ku
salaysnayd internt ka sida mareegaha iyo ardaayada (websites, list serves and e-groups), waxa u
suurto gashay in shirarka iyo doodaha caalamiga ah ee lagaga hadlo Somalia ay ka qaybgalaan
oo uga doodaan qaddiyadda Somaliland. Tusaale ahaan shirka afar sannad laha ah ee loo
yaqaano Somali Studies Conference oo la bilaabay sannadkii 1980 ayey bilaabeen inay si mug
leh uga qaybgalaan. Shirkaas oo ay isugu yimmaadaan aqoonyahno aad u tiro badan oo ka tirsan
dalal badan oo addunka ah oo ku takhasusay ammuuraha Somalida waxa hore loogu qabtay dalal
ay kamid yihiin Talyaaniga, Jarmalka, Maraykan iyo Canada. Xubnihii Somaliland Forum
waxay ku qanciyeen agaasinkiisa shirkaas in lagu qabto Somaliland sannadkii 2001.
Dhacdadaasi waxay kor u qaaday aqoonta ay aqoonyahanda calaamiga ihi u yeesheen
Somaliland iyo qadiyadda gooni isu taageeda wixii dhaliyeye iyo siday uga go’antahay
shacabkeeda. Waxay qaybgalayaasha shirkii sannadkaas 2001 ayaa xubnihii Somaliland forum
soo tuseen xabaalo wadareedka Malka Durdura ee ay ku aasanyihiin dadkii u xasuuqay
nadaamkii Siyad Barre. Qaar ka mid ahaa kaqabgalyaashaas oo ah kuwa u ololeeyaa xuquuqda
85
bani addamka ayaa qaaday olole ay ku ogeysiinayaan xafiiska xuquuqal insaanka ee qarumha
midobay (UN Commission for Human Rights) jiritaanka xabaalahaa xasuuqa kuna dhiiri galiyey
in baadhitaan lagu sameeyo. Taasi waxay dhalisay in xafiiskaasi soo diro baadhe soo xaqiijiyey
jiraataanka xabaalaha iyo xasuuqaas ay ka dhasheen.
Waxtarkooda joogtada ah ee ardaaga Somaliland Forum waxa si heer sare ah u kaabayaye
warbaahinta. Sida darted waxay xubnihii ardaagaasi kasbadeen kalsoonida maamulkii dalka ka
jiray. Taasi waxay suurto galisay in xubnaha ardaagaasi dhexdhexaadiyaan murankii adkaa ee
sannadkii 2001 dhexmaray maamaulkii Madaxweyne Cigal (AHUN) iyo salaadiinta dalka.
Kaasoo ku dhawaaday iskudhac hubaysani inuu ka dhasho
Waxay kale oo warbaahintu gaar ahaan TV yadan suurto galiyeen in qurba joogo si toos ah ula
socdaan dhacdooyinka siyaasadda ee dalka ka socda. Tusaale ahaan doorashadii ugu danbaysay
ee degaanka 2012 dadwaynaha reer Toronto , Canada waxay gaarahaan waayeelka Qurbajoogu
si xamaasad leh ula socon jireen kaambaynkii xisbiyadii iyo ururadii kala duwanaa. Waxa aad ii
xiiso gelin jiray sida islaamaha garaadkooda siyaasiga ihi u kobcay oo ay u doodi jireen. waxaa
xasuus gaar ah igu leh dood dhexmartay laba ayeeyo oo ay kaga doodayeen isna waydiinayey
sababta ay murashxiintu isaga hor iman waayeen oo u doodi waayeen si ay u soo bandhigaan
waxay dadka u qabanayaan sida kuwa dalka Canada (all candidates debates ).
Saamaynta Nolosha: Isku xidhka Qurba Joogga iyo Somaliland
Mareegaha internetka ayaa si xawli ah ugu baahay dalka gudihiisa iyo debeddisaba. Waxa aad u
sahlanaatay isu gudbinta wararka dhexmaraya qurba joogga iyo dadweynaha reer Somaliland.
Qaarkood, waxa ka dhex furan radio Af Somali ku baxaya. Waxa fududaatay war helistii.
Faa’iidooyinka ka dhashay waxa ka mid ah:
1. In dadkii waawaynaa ay helaan wararka dalkii ka imanayaa oo ay si joogta ah ula
socdaan arrimaha iyo xaaldaha dalka kusoo kordha
2. Warbaahinta layska arko ayaa door aad u weyn ka qaadatay isku xidhka qurba joogga
iyo dalkooda hooyo. Tusaale ahaan Tv- yada ku salaysan sateliteska ee loo yaqaan
Direct Broadcasting Satellites (DBS) ayey qurba joogga Somaliland si toos ah uga
daawadaan waxa ka dhacaya dalkooda iyo dalalka kale aynu jaarka nahay ee Somalidu
degto sida, Djibouti, Somalia iyo Degaanka Somalida Ethiopia.
3. Arrintaasi waxay dawaysay waayeelkii cidlada tirsanayey gaar ahaan kuwa ku nool
dalalka reer galbeedka oo inta badan waayeelku cidla deganyihiin.
86
4. Goobaha ganacsiga( sida makhaayadaha shaaha iyo kuwa laga cunteeyo, dukaamada
iyo mafrashyada qaadka) ayaa uga faa’iidyaysta telefishanada si ay u soo jiidaan
macaamiil badan. Taasina waxay keentay in ay odayaashu isugu yimaadaan meelahaas
oo ka soo baxaan guryayha ay kelida deggan yihiin. Halka ay islaamuhuna isugu
yimaaddaan kolba guriga TV Somali keenayaa yaallo . Halkaas oo iyaguna ay cidlada
kaga soo baxaan
Saamaynta Dhaqanka
Dadka waawayni siday u badan yihiin waxay aad u xiiseeyaan suugaanta. Internetku
wuxuu u sahlay siday uga bogan lahaayeen suugaanta iyo ruwaayadaha Af Somaliga ah
iyagoo adeegsanaya website-yada iyo You-Tube-ka. Maddaama ay dadka waayeelka ahi u
badanyihiin dad aan komputerka wax ka aqoon, waxay u baahdeen in caruurta ay awooga
ama ayeeyada u yihiin u furaan komputerka marka ay u baahdaan . Addeegsigaa caruurtu
waxay dhalisay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin
In caruurtii iyo waayeelkii isu soo dhowaadaan.
In caruurtii qurbaha ku dhalatay heleen fursad ay ku akhriyaan kuna dhegaystaan
radio yada Af Somaliga ku hadlaya. Taasoo dib u soo nolaysay barashada afkii
hooyo ee caruurta qurba joogga
In caruurtii Somalidu musigooda, sugaantooda iyo ruwaayadahoodaba xiiseeyaan.
Horumarinta iyo Abaabulka Bulshada
Waxa kale oo muuqda inaan saxaafaddu warbaahin keliya loo adeegsan e horumarka bulshada
iyo hawlgelintoodaba si mug leh loogu adeegsan karo. Tusaale ahaan waxa kaloo dhashay
ardaayo farabadan oo kala duwan oo ku salaysan gobolo, ama beel, ama diinta, ama kooxo isku
dano ah (interest groups). Waxay qaybahaas kala duwani bilaabeen mashaariic horumarineed,
ama taakulo cid ama gobol ay markaa danaynayaan. Waxa xusid mudan diiwaangelintii 2008kii
in beel wal oo reer Somaliland ahi isku abaabuli jirtay mareegaha internetka iyagoo dhaqaale
uruurin samaynaya. Waxa kale oo Xisbyada iyo ururadii siyaasiga ahaa dhammaantood ku
samayn jireen qurba joogga dhaqaale uruurin iyo is abaabul, iyagoo adeegsanaya
taageerayaashooda qurba joogga iyo mareegaha warbaahintooba.
Gabagabo
Saxaafadda madax banana iyo qurba joogga Somaliland waxay isu saameeyeen si talantaali ah.
Midba ka kale waxtar muuqda oo la taaban karo ayuu ku biiriyaa. Waxa kale oo caddaatay in
aan saxaafaddu warbaahinta oo keliya aanay ku koobnayn balse ay si mug leh uga qayb qaadan
karto loona adeegsan karo abbaabulka iyo horuumarinta bulshada, hirgelinta mashaariicda
horumarineed, fududaynta iyo kor u qaadista aqoonta dadweynaha.
87
Qormada Siddeedaad: Warbaahinta Somaliland: Hab-dhaqankeeda
Maanta, Xeerarka Iyo Xakamaynta Jirta
Qore: Aadan Xaaji Cali, Machadka Xalinta Khilaafaadka Jaamacada Hargeisa
(Raad-raaca qoraalkan la soo koobay waxa laga heli karaa buugga “Somaliland Press
Freedom: Opportunities and Challenges”).
Gogol-xaadh
Warqaddan waxay eegaysaa xaaladda ka jirta warbaahinta Somaliland iyo qaabka
xakamaynteeda oo ay ku jiraan: qawaaniinta, siyaasadda, dariiqooyinka cabashada iyo
rukhsadsiinta, xakamaynayteeda iyo mabaadii’da gundhigga ah ee akhlaaqiyaadka, loo
sinnaanta fursadaha la xidhiidha daabacaadda warbaahinta, Warbaahinta elektrooniyeed iyo
bulsheed, haddii ay tahay tu gaar ama tu dawladeed.
Warqadda ayaa qaadaadhigaysa itaaldarrada hay’adaha iyo dabbaqaadla’aanta xeerka iyo qaabka
xakamayneed ee warbaahinta oo ka qayb qaatay hoos u dhaca korriinka Warbaahinta Somaliland
iyo xaaladda hadda taagan. Daraasadda ayaa baadhaysa sababta qaabka xakamayneed loo
dabbiqi waayay oo u dhaqangeli waayey, iyo sida dariiqooyin sharci iyo qaab kaxakamayneed ay
gacan uga geysan karaan korriinka iyo tayada warbaahinta. Gunaanadka laga sugayo
daraasaddan oo ah in ay keento talooyin mustaqbalka lagu kobcin karo Warbaahinta Somaliland
isla markiina ku lagu adkayn difaaca xorriyadda hadalka, waayo miidiyuhu waa lafdabarta iyo
bartilmaameedka xorriyadda hadalka, taas oo ka mid ah xuquuqda asaasiga ah ee ay ku badbaadi
karto bulsho casri ahi.
Hordhac
Intii ka horraysay xorowgii Somaliland ee 1991, waxa baab’iiyey xorriyadda iscabirka iyo
warbaahinta, xukunkii caskari ee dawladdii Somaliya haystay. Waxa lagu takrifali jiray
xorriyadda saxaafadda iyo iscabirka, waxaana mamnuuc ahaa bannaanbaxa iyo dhaqdhaqaaqa,.
Waxa dhici jiray dilal maxkamadla’aaneed, jidhdil iyo qofka oo la waayo caadi ahaa
xukuumaddii Siyad Barre, in tii u dhaxaysay 1969-1991.
Isla markii Somaliland ku dhaqaaqday dhismaha dawladdeedii iyo hannaan kii nabadaynta ee
1991, waxa iyana bilaabmay warbaahinta oo ay ka midyihiin ta daabacan, ta elektroonika ahba
ay sahalayeen shacabka ka qaybgalka dhismaha hay’daha dawladda iyo xumkuudaba. Waxa
jiray, in ay koobnayeen khibradda iyo aqoonta dadku u leeyihiin Warbaahinta, waayo muddadii
dheerayd ee nidaamka diktaatooriga ahi si taban raadaysay sida bulshadu u fikirto. Sidaas oo
kale ayaa mu’sasadaha iyo kaabayaasha noloshu u liiteen isla markiina habka xakamaynta
warabaahintu uu isna meesha ka maqnaa
88
Warbaahinta Somaliland Ee Maanta
Waqti yar kaddib bayaankii ka xorowgii inta kale ee Somaliya, baa Somaliland qaadatay
dimoqraadiyad dhaqameed saamaxaysa in bulshaweyntu ku raadiso danaheeda kala duduwan
dariiqo dimoqradi ah, tan oo dhiirrigelinaysa xorriyadda hadalka, iscabirka, ururka, bannaanbaxa
iyo wixii la mid ah. Sidaa awgeed,Warbaahinta Somaliland baa iska fidsatay lugaha oo ka
faa’iidaysatay hay’adaha taagta daran ee xukuumadda ee ay sii naafaysay ictiraafla’aantu.
Ururadii bulsheed ee madaniga ahaa oo ku jiro saxaafadu ayaa qaatay doorar kala duduwan sida
u adeegga iyo nabadaynta bulshada.
In ay Warbaahinta ku biirto ururweynaha bulshada madaniga ihi, waxay ahayd tallaabo muhiim
ah oo hore loo qaaday. Sidoo kale, warbaahintu door muhiim ah bay ka ciyaartaa, marka ay
noqoto dhinacyada hoggaaminta mujtamaca, xallinta khilaafaadka iyo kaqaybqaadashada dhiska
xukumaadda. Warbaahinta oo ka kooban ka daabacan, elektrooniyeed iyo idaacada ayaa ka
qaybqaatay dhisidda iyo xoogaynta hayadaha dawladda. In kasta oo marar badan ay la
kulmaysay warbaahintu jawrfal baaxad leh oo cadaadin iyo xadhig intaba leh, haddana, waxay
badbaadisay xorridda hadalka iyo iscabirka iyadoo weli ay jiraan cagabado.
Aad baa ay muhiim u tahay in la xuso in saxaafadu ka soo qaadatay door lama-illaawaan ah
heshiisiinta lagaga dhex dhaliyay bulshadii qaybsanayd, iyadaoo kaga qaybqaadanaysa maqaallo
taabanaya oo dhayaya boogihii iskudhaca iyo dagaalka sokeeye.
III. Qiyaasta caalamiga ah ee dammaanad qaadaya xorriyadda iscabirka iyo saxaafadda
Waa kuwan soo socda mabaadii’ caalami ah oo ilaalinaya xorriyadda iscabirka iyo saxaafadda:
Qaraar Qaramada Midoobay, Golihiisa loo dhan yahay 217 A(III), ee la qaatay 10 December
1948, “Xaqbuu qof kastaa u leeyahay xorriyadda ra’yiga iyo iscabirka; xaqan oo ay ku jiraan
qabidda ra’yi oo aan lagu farogelin Karin, iyo raadinta, helidda iyo inuu mariyo war iyo fikrado
miidiyaha noocuu yahayba oo iyadoo aa xuduudo xidhayn.”
1946, ayaa Qaramada Midoobay, Golihiisa loo Dhan Yahay qaatay qaraarka 59(I) oo odhanaya:
“Xorriyadda warku waa xaq aasaasi ah oo aadameed iyo …. Waana barta la ma dhaafaanka ah ee
ku soo biyashubtaan giddi xorriyadaha Qaramada Midoobay.”
Mabda’a xorriyadda warku waxa uu hadda u gudbay qaanuun curfi oo caalami ah, oo noqday
qaanuun qabanaya Dawladaha oo dhan dhaqan caalami noqday. Axdiga Caalamiga ah ee
Xuquuqda Madaniyeed iyo Siyaasadeed,baa aad u sii ka la qeexaya xuquuqo badan oo ku dhigan
UDHR, oo ku soo rogaya waajibaad sharci ah Kooxaha Dawladeed in ay ixtiraamaan
shuruudihiisa (Michael, 2004: 25). Qodobka 19 ee ICCPR baa u dammaanadqaadaya xorriyadda
iscabirka si la mid ah sida kuweer UDHR. Nidaamyada xuquuqda aadameed ee saddex gobol baa
sidoo kale ilaalinaya sida, Qdobka 10 ee Isu-imaadka Xuquuqda Aadamaha ee Yurub (Isu-
89
imaadka Yurub), Qodobka 13 ee Isu-imaadka Xuquuqda Aadamaha ee Ameerika iyo Qodobka 9
ee Axdiga Africa ee Xuquuqda Aaadamaha iyo Dadka (OSCE:2010:8).
IV. Warbaahinta Somaliland: dhaqanka hadda ee Warbaahinta iyo hab keeda
xakamayneed
Xakamaynta Saxaafadda (Press Regulation)
Qaanuunka Somaliland ee Saxaafadda 2004, oo mar kii uu tijaabada ahaa (bill) oo dartii
Warbaahinta loogu soo oogi karayay eedo badan oo jariimadeed, baan aakhirkii lagu soo darin
ciqaabo oo loo dhaafay in warbaahintu iskood isu xakameeyaan si wafqansan xeerka anshaxa ee
saxaafadda. Qaanuunka ayaa sidoo kale qeexayay in aan saxafi lagu qaban karin shaqadiisa oo
uu gudanayo awgeed, ilaa amar ka soo baxa maxkamad awood u leh arrinka maahee
(Qodobka8(1)) iyo in qaanuun kasta oo kale oo ka baxsan Qaanuunka Saxaafaddu ka kac yahay
(Eeg qodob31).
Qaanuunka Idaacada iyo TVga (Broadcasting Law)
Caalamku waa isku raacsan yahay in la xakameeyo Idaacadaha si loogu soo dabbaalo nidaamka
mawjadaha, oo aanay la mid ahayn qaybta daabacaadda. Laakiin, waa in hay’adaha xakamaynta
Idaacadaha iyo TVgu ay ka madaxbannaan yihiin faragelin siyaasadeed iyo ganacsi kuwaas oo
wiiqi kara in ay madaxbannaanyihiin iyo in ay dhexdhexaad yihiin. Hay’adahaasu waa in aanay
iska dhigin xaariska qaybta dawladda ee ay si guud u gaadhsiiso muwaadiniinta iyo
mujtamacyada kaleba waraka danatooda saamaynat ku leh. Waqtiga xaadirka ah, ma jiro xeer
warbaahineed oo xakameeya TVyada, Idaacadaha, iyo Warbaahinta kale ee elektrooniyeed. Taas
waa arrin baahi loo qabo in sida ugu degdeg badan ee suurtagal ah loo daboolo.
Dariiqooyinka cabashada
Wakhtigan xaadirka ah, cabashooyinka liddiga ku ah Warbaahintu toos bay u tagaan
maxkamadda, waayo ma jiro dariiq kale oo dhibbanuhu ku hiran karo (haddii uu yahay
muwaadin gaar ah iyo haddii uu yahay mas’uul dawladeedba). Haddaba mar haaddii ay
madaxbannaanida warbaahintu saldhig tahay mabaad’ida xorriyadda qawlka, waxaa loo
baahanyahay in la hawlgeliyo hay’ado xakamayneed kuwaas oo warbaahinta ka ilaaliya
faragelin kaga timaadda xukuumadda, isla markiina waddo u samaysa kuwa ka cabanaya
warbaahinta, ka hor intaan la gaadhin garssoorka. Waa in ay hay’addu noqoto mid loo
dhanyahay oo ay ka wada muuqdaan qaybaha danaynaya oo dhammi, si looga fogaado in koox
gaar ah oo daneed gacanta ku dhigto haddii ay yihiin dhinaca dawladda, warbaahinta, axsaabta
siyaasadda ama bulshada madaniga ahba.
90
Si hay’adda loo dacwoonayaa ay u noqoto mid hawlkar ah, waa in ay u lahaato qaab qeexan
dariiqadda loo hawlgelinayaa oo si cad u dejiso xeerar ka nadiif ah iskudhac-daneed—oo dabcan
lagu dabbiqi karo danno siyaasadeed sida iyo dano ganacsi, si mar kaa ciddii dani ugu liqaansan
tahay warbaahinta aanay xubin uga noqonin, oo ya u helaan muddada ay xafiiska hayaan
dammaanad ka xijaabaysa in aan xilka laga qaadi karin sabab macquul ah maahee.
Liisanka iyo Diiwaangelinta
Sida hore loo soo qaaday, liisanka iyo diiwaangelintu waa daruuri haddii la doonayao la iska jiro
qaska iyo warbaahinta oo tayadeeda iyo xirfadeeduba xumaadaan. Waxa jira sababo kale oo
qotodheeri oo khasbaaya in lagu soo rogo rukhsad iyo diiwaangelin nooc kasta oo warbaahineed
sida idaacadaha/TV, ta daabacan iyo ta bulsheed; iyadoo looga jeedo in lagu horumariyo tayada
warbaahinta. Waxa iayan laga taxaddirayaa in aan warbaahinta ku amarkutaaglayn awooddeeda;
iyo in la dhiirigeliyo in ay maaliyad ahaan isku filan yihiin iyo sidaas oo kale in iyagana laga
ilaaliyo tagrifallo iyo faragelinno kaga yimaadda dhinacyada dawladda, qaybta gaarka ah iyo
kooxo kale oo abaabulan.
Somaliland, rukhsadaynta iyo diiwaangelintu waa liitaan sii ba marka ay noqoto ashkhaasta ku
soo biiraya xirfadleyda Warbaahinta. Cid kataa way ku soo biiri kartaa rukhsad la’aan iyo iyaga
oo aan wax cashuur ah siin dawladda. Taasu waxay nuqsaamisay tayada soosaarka Warbaahinta
kala duwan, waayo dad aan xirfad lahayn wax badan kuma soo kordhin karaan horumarinta
Warbaahinta; bilcakis waabay waxyeeleenayaan. Ta kale, marka laga hadlayo rukhsad iyo
diiwaangelin, Warbaahinta daabacani way ka duwan tahay idaacadda/TV marka la eego
mabaadii’da caalamiga iyo qaanuunba ee la xidhiidha xorriyadda iscabirka, shuruudaba. waa in
loo sahlaa warbaahinta daabacan amma waaba in laga dhaafaa si loo dhiirriyo in miidiyuhu iskii
isu xakameeyo.
Falanqayn Aad loogu naqdiyayo Qaanuun Saxaafadeedka Somaliland
Mabda’iyan, waa in xeerka saxaafaddu meel saaro hab sharci ah oo ku taageeraya warbaahinta
agaasinka shaqooyinkooda oo hago. Waa in uu sugo sidii saxafigu u heli lahaa war oo loo ilaalin
lahaa xaqa aasaasiyeed ee qofku u leeyahay in uu si xor ah ugu cabbiro aragtidiisa warbaahinta
daabacan. Xeerka Saxaafadda Somaliland ee 2004, oo markii uu tijaabada ahaa (bill) waxa ku
jirtay soo jeedin in lagu soo oogi karayo saxafiga eedo badan oo jariimadeed, laakiin aakhirkii
laguma soo darin oo waxa loo dhaafay in warbaahintu iskeed isu xakameeyaan si wafqansan
xeerka anshaxa saxaafadda. Qaanuunka ayaa sidoo kale qeexayay in an saxafi lagu qaban karin
shaqadiisa oo uu gudanayay awgeed, ilaa amar ka soo baxa maxkamad awood u leh arrinka
maahee (Qodobka8(1)) iyo in qaanuun kasta oo kale oo ka baxsan Qaanuunka Saxaafaddu ka kac
yahay (Eeg qodob31).
91
Haddii saxaafadu ku talaxtagto ama ku tomato xuquuqda cid kale, waa in lagu dhaqmaa xeer
kan; lagu ma qaadi karo xeer jariimadeed waayo xeer madani ah uun baa uu u qoolnaan karaa.
Qodobka 10 ee xeerka ayaa sugaya kuway yihiin hawlaha Saxaafadda ee hoos imanaya
qaanuunkan oo ah, sida dhab ahaanta waxa ay qoreen iyo weliba miisaankeeda. Xataa waa ku
jiraan arrimaha sida akhlaaqda, faallooyinka diimeed, war ciidan iwm. Qodobka 10(6) ayaa ku
daraya saxaafadda ku xadgudubta arrimaha ku sugan Qodobka (ka soo qaad, kii wal ee daabaca
maqaal aan run ahayn ama fadeexad ah) waa in loola dhaqmo sida uu dhigayo xeerka saxaafaddu
iyo qaanuunka madaniga ah ee dalka (ma aha jariimadeed) (Ibid:2).
Qaanuunka Saxaafadda ayaa baradhaafiyay shardiyada Xeerka Ciqaabta, kuwa la xidhiidha
hawlaha sharci ee saxafi ee liddi ku ah xorriyadda saxaafadda. Tusaalayaal ka mid ihi waa
jariimad qadafeed, daabacaad warar been ah, cay iyo kuwa u sii daran oo ah qawaaniinta Rocco4
ee 1930yadii ee ilaalinayay sumcadda saraakiisha dawladda sida shardiyada ka dhigaya danbi
caayda sarkaal dawladeed (Qodob268) amma xataa siyaasi ama shaqsiyad maamuleed ama
caddaaladeed ama wakiiladeed (Qodob 269), hortooda amma sabab ku lug leh waajibaad kooda.
Cidi waa ku mudan kartaa danbiyadan qoraal, keliyase, haddii iyaga loola jeedo cayda.
Nasiibdarro se ilaa hadda, faraca caddaaladdu wuu kusii dhaqmayaa xeer jariimadeedka kor ku
xusan, kaas oo uu qaanuunka saxaafadda 2004ku buriyey, xukunkii madaniga ahaana lama
dhaqangelinin haba yaraatee. Dhaqankani wuxuu liddi ku yahay mabaadii’da xorriyadda
iscabirka.
Xeerka Anshaxa Saxaafada iyo siyaasado kale
Somaliland ka ma jiro xeer anshaxeed kale oo xakameeya warbaahinta guud ahaan oo aan ka
ahayn xeerka saxaafadda 2004 iyo mararka qaarkood xeerka anshaxeed oo la xidhiidha
doorashooyinka oo loo soo saaro waqtiyada doorashooyinku socdaan. Xataa lagama soo
dheegan siyaasado kale xeerka qaanuunka saxaafadda. Dhinac baa u baahan in fiiro loo yeesho
oo xoogga la saaro waayo, qaanuunka debecsan baa ka muhiimsan qaanuunka adag siiba marka
ay noqoto hirgelinta habka lagu xakamaynayo warbaahinta.
Warbaahinta Dawladda
Markaynu ka hadlayno Somaliland, ma aha hawl sahlan xakamaynta warbaahinta dawladdu,
marka laga eego dabeecaddeedda ay u samaysantahy iyo dhaqangelinta xeerka iyo habka kale ee
xakamayneed. Marka la hadlayo xakamaynta Warbaahinta, mabadi’da xuddunta u ahi, waa
madaxbannaanida warbaahinta dawladdu. Ilaalinta madaxbannaanida ka sokow, habka
xakamayneed ee dawladdu waa in uu si cad u qeexo waajibaadka warbaahinta dawladda.
92
Xeerka idaacadaha/TV ee dawladda, badanaa waxaa ku jira arrimo cayiman sida qodobo
dhamystiran oo sheegaya dhexdhexaadnimada warka, barnaamijyo waxbarsho iyo iwm. Xeerku
waa in uu sugo ilaha lacageed ee loo hayo Warbaahinta dawladda iyo sida shacabku ula
xisaabtami karayo (Toby iyo Ali, 2006:5).
Warbaahinta Bulshadda
Si degdeg ah ayey warbaahinta Bulsheed iyo kuwa kale ee soo baxayaa u koryaan waddan kasta
oo adduunka ah wayna adagtahay in lagu xakameeyo qaababkii hore, ee soo jiray waayo
dabeecaddooda iyo sida ay u hawlgalaan baa ka duwan warbaahintii caadiga ahayd.
Somalilandna, maba jiro qaab loogu xakamayn karo oo loogu soo dabbaali karo danta dalka iyo
xorriyadda iscabirka, waayo ilaha warka oo dhammi waa ka baxsan yihiin xayndaabka garsoorka
dalka. Ikaska oo ay warbaahinta bulshadu gacan ka geystay fidinta tacliinta iyo xorriyadda
iscabirkaiyo, laakiin meelo ay ka gaabisayna waa jiraan sida kahortagga dhammaan qaababka
xakamayneed ee jira ee ku tacaddiyaya xorriyadda iscabirka. Daahiraddani ka ma dhacdo
Somaliland oo keli ah ee waxay ka jirtaa adduunka oo dhan. Markaa, waa in isbedel lagu
sameeyo xeerka xakamaynta Warbaahinta oo lagu soo daro kuwo xakamaynaya warbaahinta
bulshada iyo kuwo kale ee dhalanayaba.
Gunaanad iyo talooyin
Gunaanad
Is ku soo duuduub oo, way u baahantahay hab xakamaynaya warbaahinta Somaliland siiba
dhinacyada dawladda iyo mu’asasadaha gaarka ah oo ku jiraan xukuumadda, xeerdejinta,
mulkiilayaasha warbaahinta iyo guud ahaan mujtamacu, waayo waa habka keli ah ee ka ilaalisa
Warbaahinta faragelinta khaladka ah ee kaga imanaya daneeyaasha; ta kale waxay ka ilaalisaa
dawladda iyo daneeyeyaasha gaarka ah in miidiyuhu ku talaxtagaan awoodadhooda oo ku
tacaddiyaan xuquuqaha kuwa kale.
Markaa, Somaliland hawl badan baa u taalla oo la xidhiidha korriinka iyo dib u habynta
warbaahinta iyo xeerka saxaafadda; waa in ay sugto hab xakamayneed cusub oo u qaban kara
hawlaha miidiyaha ee kor ku sheeggan.
93
Talooyin
Aragtidayda, waa la joogaa waqtigii Xukuumadda Somaliland iyo Baarlamanku tixgelin
lahaayeen kuwan:
1. Waa in Baarlamanku hagaajiyo qaanuunka warbaahineed ee hadda jira inta uu la
talagoosto saameelayda, waayo waa loo baahan yahay; sidaa awgeed ha qaataan kaalin
tooda.
2. Waa in la helo hab abuuri kara hay’ad loo dhan yahay oo mas’uul ka noqota agaasinka
iyo dabagalka cabashooyinka liddiga ku ah warbaahinta, dariiqada rukhsadaynta,
tababbarka iyo awood dhisidda shaqaalaha warbaahinta iyo arrimaha kale ee loo baahan
yahay.
3. Tacaddiyada warbaahinta waa in loo maraa ciqaab madaniyeed oo aan ahyn mid
jarimadeed. Dacwooyinka loo haysto ha ahaadaan madani, waayo xeerka saxaafadda
ayaa burinaya qawaaniinta kale oo dhan siiba kuwa jariimadeed ee xukuma saxaafadda
iyo warbaahinta kale.
4. Waxba kuma jabna qodobada xeerka ciqaabta, laakiin waa in dib loogu noqdo oo la
waafajiyo Distoorka Somaliland iyo xeerarka kale ee cusub ee Jamhuuriyadda. Sii ba,
dhammaan qodobada la xidhiidha cay iyo qadaf jariimadeed eeku jira xeerak ciqaabta, in
tooda soo qaadaysa saxaafadda waa in la baabiyo
5. Waa la ansixin karaa xeer fudud oo madani ah oo qadafeed
6. Xeerka Saxaafadda iyo nidaamka isxkamayneed ha la xoojiyo oo yaa an la liidin. Ta kale
waa la joogaa waqtigii la dejin lahaaa xeer idaacadded.
7. Waa in lagu tababbaro xeerka xuquuqda aadamaha iyo maqaamka Warbaahinta ee
waddan dimoqraadi ah: booliska, adeegga xeerilaalinta iyo saraakiisha dawladda oo dhan
oo ay ku jiraan wasiirradu
8. Lacag waa in loo qoondeeyo komishan dib u eegis ku sameeya xeerka oo leh
halwadeeno iyo khubarro la shaqaysa dibu-habyanta xeerka awoodsiisa hanashada
shaqaale iyo khubaro dib u wada eegta xeerarkii duugga ahaa oo soona dejisa kuwo
cusub.
94
QAYBTA SHANAAD
AQOONSIGA SOMALILAND IYO
WADAHADALADA SOOMAALIDA
95
QORMADA SAGAALAAD: WADAHADALADA SOMALILAND IYO
SOMALIYA- DHINACA SHARCIGA.
Qore: Aadan Xaaji Cali, Machadka Xalinta Khilaafaadka Jaamacadda Hargeisa
(Raad-raaca qoraalkan la soo koobay waxa laga heli karaa Buugga “Somaliland Statehoood,
Recognition, and the Ongoing Dialgue with Somalia”).
1.1.Qaddiyadda Somaliland. Jidkee baa ugu fudud. Ma goonni-u-goosiga (unilateral
session) mise aayo-ka- tashiga iyada oo la cuskanayo sharciga caalamiga ah mar
haddii ay dawladdii ay ka midka ahayd burburtay .
Carqaladdahaa ugu waaweyn ee hortaagan aqoonsiga Somaliland waxa ka mid ah kana mid
ahayd weligeed in ay caddayso ama barraxdo xaaladda sharciyeed ee ay ku sugan tahay tan iyo
1991kii, markii ay ku dhawaaqday inay la soo noqotay madaxbannaanideedii. Su’aashu waxay
tahay: Sidee ayaa loo dhigayaa dhawaaqa madaxbannanida Somaliland --- Ma goonni-isu-taag
ay keligeed goosatay bay noqonaysaa? Mise dawladdii ay ka midka ahayd oo burburtay awgeed?
Sidee ayay qaddiyadda Somaliland sharciyad u yeelan kartaa iyada oo aan aqoonsi ama heshiis
ka helin dawladdii Somaliya ee ay ka midka ahayd. Aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland
wuxu u baahan yahay su’aalahaas oo dhan in laga wada jawaabo.
Marka la eego sharciga caalamiga ah goosashadu waxay yeelan kartaa dhowr weji ama sifo.
Waxaa ka mid ah in cidda goosanaysaa ay iskeed ugu dhawaaqdo inay madaxbannaan tahay
(unilateral secession), iyada oo aan kala heshiin dawladdii ay ka mid ahayd (Micheal, 2004).
Marka arrintan laga hadlayo, laba siyoodba way u dhici kartaa. Dawlad mid keliya ahayd oo kala
baxday iyo dawlado kala gaar ahaa oo midooba. Labada jeerba dawlad cusub ayaa ka dhalata.
Waxa tusaale noqon kara England iyo Scotland oo ku midoobey dawladda loo yaqaan
Biritaanyada Weyn (Great Britain.) Boqortooyadaa Midaysan (United Kingdom) mar kale, way
kala qaybsantay, waxana ka dhashay Dawladdab Ireland (Irish Free State).
Arrintaas (goosashada) waxa ka duwan waxa loo yaqaan burburka dawladda (dissolution).
Sharciga caalamiga ahi wuxu burburka u yaqaan, marka ay dawladi u kala googo’do dhawr
qaybood oo midina aanay awood u lahayn inay xukunto kuwa kale. Tusaale wanaagsan waxa u
noqon kara burburkii ku dhacay dawladdii Midowga Sofiyati, oo u kala googo’day jamhuuriyado
fara badan. (Nasir,2011kii).
Sidaa si la mid ah, Dowladda Sinigaal (Senegal) waxay ka dhalatay burbur ku dhacay
Fedaraalkii Maali (Mali federation), kaas oo mideeyey Senigaal iyo suudaan (oo ahaa Maalida
maanta) kuna dhisnaa distoorkii Faransiisku u sameeyey 1958kii. Senigaal iyo Suudaan oo
Faransiisku gumaysan jirey waxa la siiyey madaxbannaani aan buuxin oo ay ka mid ahaayeeb
Bahweynta Faransiiska (james,2006kii). Laakiin markii dambe waxa la isla af-gartay in la
96
abuuro dawlada fadaraal ah oo midaysay Senigaal iyo Suudaan. Marka la eego distoorka lagu
abuuray fedaraalkii Maali ee 1959kii, waxay dowladdaasi ka koobnayd laba xubnood oo mid
waliba qarannimadeeda leedahay isla markaana Fadaraalku qarannimadiisa leeyahay.
Haseyeeshee, markii la abuuray fedaraalka in yar ka dibba waxa soo if-baxay khilaaf adag oo
dhexmaray Senigaal iyo Suudaan. Markaana, Senigaal waxay iskeed ugu nqotay ama ka baxday
midnimadii fedaraalka bishii Ogost 20dii 1960kii. Inkasta oo markii hore ay diiddey Suudaan ka
nqoqoshada midnimada keli-goosashada ah ee Senigaal,, haddana bil ka dib, 22kii
Sebtambar1960kii way oggolaatay, markii ay iyada lafteedu qaadatay xornimadeeda buuxda
kana baxday Bahweyntii Faransiiska, iyada oo la baxday magaca Maali.
28kii Sebtambar 1960kii, Senigaal iyo Maali waxay mid waliba codsi u soo qoratay Jimaciyadda
Quruumaha Midoobey, iyaga oo ka dalbanaya inay xubno ka noqdaan. Inkasta oo xubnaha ka
tirsan Golaha Ammaanku ay siyaalo kala duwan u fasireen xaaladda markaas, haddana waxay
guud ahaan ku heshiiyeen in labada dal ee markii hore isku dawladda ahaan jirey ay iyagu
dhammasyteen khilaafkoodii, sida darteedna mid waliba uu goonnidiisa u madaxbannaan yahay,
halkaasna ay ku tirtirantay dowladdii fadaraalka ahayd ee Maali.
Arrintan kor ku xusan weli dood badan lagama yeelan, waxana lagam-maarmaan ah in
Somaliland iyo Somaliya ay si dhab ah uga wada hadlaaan si looga gun-gaadho khilaafaakooda.
Haddii kale way adkaan doontaa si guul looga gaadho aqoonsiga Somaliland iyo isku noqosho
midna.
1.2.Somaliland xaq ma u leedahay inay adeegsato aragtida aayo-katashiga (self-
determination doctrine)?
Aragtida aayo-ka-tashiga marka si ballaadhan loo fasiro, Somaliland way ku doodi kartaa.
Qodobka ugu horreeya ee ay cuskanaysaana waxa weeye taariikhdeeda, iyada oo ahaan jirtey
maxmiyad ka gaar ah Somalida kale. Maxamaiyadduna xaq sharciya bay u leedahay inay
adeegsato aayo-ka-tashiaga si ay madaxbannaani u gaadho ugana xorowdo gumeysiga. Sidaa
darted, dadka qaarkood waxay qabaan in ay Somaliland ku doodi karto ama adeegsan karto xaqa
ayaa-ka-tashiga, iyada deedfaynaysa ama ka noqonaysa midnimadii ay koonfurta la gashay.
Sababta oo ah midnimadaasi ma ahayn mid cod dadweyne ama afti loo qaaday si ay u
sharciyowdo.
Haseyee dadka arrintaas ka soo horjeedaana waxay ku doodayaan in midnimada, inkasta oo aan
afti loo qaadin, haddana ay wadeen oo huggaaminayeen madaxdii labada dal oo si dimuqraaddi
ah loo soo doortay, sidaa darteedna ay midnimada ku metalayeen shacabkooda. Dooddaas waxa
laga hor-keeni karaa mid kale oo ah, inkasta oo idnimada ay wada huggaaminayeen madaxdii
labada dal oo si dumiqaraaddi ah loo soo wada dooartay, haddana arrintaasi marna may ahayn
mid dhammays-tiran. Waayo marka hore, dadweynaha cod lama weydiin aftina lagama qaadin;
marka xigana sharcigii midnimada oo isna noqon lahaa rukunkii labaad ee sharciyadda
97
midnimada lama ansixin xilliggii midnimadu socotay.Waxa la qoray toddoba bilood ka dib
markii mdnimadu dhammaatay. Labadaas arrimoodba waxay midnimada ka dhigayaa wax aan
sharci ahaan dhammays-tirnayn.
Wejiga labaad ee Somaliland u adeegsan karto xaqa aayo-ka-tashiaga wuxu noqon karaa iyada
oo maraysa ama adeegsanaysa waxa loo yaqaan aayo-ka-tashiga daakhliga ah (internal self
determination) iyada oo dawladda Somaliyeed kala hadlaysa sidii ay aayaheeda uga tashan
lahayd. Haseyeeshee muddo dheer arrintaas suuragal uma noqon karaynin Somaliland sababta
oo ah iyada ay meesha ka maqnayd dawladdii ay la hadli lahayd. Sida runtu tahayna, qayb ama
gobol kasta oo ka mid ahaan jirey mid ka mid ah dawladaha fashilmay ama guul-darraystay
dhibaatadaasi way haysataa, sababta oo ah iyada oo aanay jirin dawlad shaqayn karta oo ay wada
hadal la galaan. Haseyeeshee manta waa suuragal, mar haddii, shirkii London ka dib, ay
bilaabmeen wada-hadaSomaliland iyo Somaliaya. Aqoonyahanna qaarkood ayaaba ku doodaya
in dawladda Somaliyeed ee fashlantay ama burburtay ay sabab xoog leh tahay oo taageeri karta
dacwadda Somaliland ay ku doodayso ee ah inay ka go’day Soomaliya, xaqna u leedahay
dawladnimadeeda. Haseyeeshee sida ay hadda xaaladdu tahay ma ah mid ku filan.
1.3. Aayo-ka-tashiga Somaliland ma leedahay asaas sharciyeed.?
Waxay u eegtahay dood shrciyeed oo lagu salayn karo ama lagu barraxo madaxbannanida
Somaliland, inay ka soo bixi karto mid ka mid ah saddexda aragtiyood ay leedahay aaya-ka-
tashigu.
Saddexdaasi waxay kala yihiin heshiis laba geesood ah oo laga wada gaadho (bilateral) ,
dhinac keliya oo goonnidiisa u goosta(unilateral) iyo xaqiiqo jirta oo aan la dafiri Karin (de
facto). Saddexdaas arrimood mid walba goonnideed ayeynu u eegi doonnaa, iyada oo la
tilmaamayo mid waliba toganaha iyo tabanaha ay u leedahay qaddiyadda Somaliland.
1.3.1. Aayo-ka-tashiga (ama goosashada) ku salaysan heshiiska laba geesoodka ah(
bilateral self-determination)
Aragtidani waxay ku dhisan tahay wada-shaqaynta ama iskaashiga labada dhinac:
dhinaca madaxbanaanida doonaya iyo dhinaca laga madaxbannaanayo ama laga
goosanayo. Waxay u baahan tahay laba arrimood. Marka hore waxaa lagama-maarmaan
ah in ay distoorka ama sharciga Somolia ay ku caddahay inay goosashadu suuragal tahay.
Marka xigana waxay u baahan tahay in Somaliland ay arrinta wada-hadal iyo gorgortan
kala gasho dowladda Somalia. Hase yeeshee waxa jira laba qodob oo carqalado ku ah
ama hortaagan dedaal kasta lagaga gungaadhi lahaa arrintan. Waxayna kala yihiin, iyada
oo dawlad la’aanta iyo burburka sharciga ee muddada dheer ka taagnaa Koonfurta uu
suuragelin waayey wax wada-hadal ah oo micne leh in lala geli karo. Tan labaadna
waxay tahay, iyada oo, xataa haddii uu yimaaddo wada-hadal, aany dawladda Somaliya
marna raalli ka noqon doonin arrinta goosashada. Hase ahaatee, mar haddii maanta ay
98
furmeen wada-hadalladii labada dhinac, waxa Somaliland u suurageli-karta in ay ku
qancin karto dhinaca kale in ay labadoodaba dantu ugu jirto, in ay laba dawladood oo
walaalo ah oo is kaashada ahaadaan.
1.3.2 Goosashada (ama aayo-ka tashiga) dhinaca keliya ah (Unilatral self-determination).
Aragtidani waxay u baahan tahay in ay jiraan saddex arrimood. Ugu horrayn waxa lagama-
maarmaan ah in la xaqiijiyo in shacbiga reer Somaliland ay yihiin dad dowladda Somalia ay kula
kacday falal liddi ku ah aadamanimada iyo xuquuqal insaanka, isla markaana aanay u
bannaanayn dariiq kale oo ahayn goosasho. Arrintani ma aha sida la moodi karo, mid fudud
amah hawl yar. Waayo waxay u baahan tahay, in la caddeeyo si aan shaki ku jirin ama
madmadow lahayn in uu dalka ka dhacay xasuuq (genocide) xilligii uu xukumayey Maxamed
Siyaad Barre. Sidaa darteed Somaliland waxay u baahan tahay in ay u hawl-gasho sidii ay u dhisi
lahayd dacwaddeeda iyada oo u ururinaysa caddaymaha iyo marag-muujinta tilmaamaya inay
dalka ka dhaceen xasuuq iyo dil-wadereedyo dowladdii Somaliyeed kula kacday shacbiga
Somaliland, kuwaas oo ah dembiyo ku liddi ah aadamannimada iyo xuquuqal Insaanka.
Somalialnd waxay kale oo u baahan tahay inay muujiso in aanay jirirn dariiq kale oo u bannaan
oo aan ahayn goosasho.
Hase yeeshee kuwa ka soo hor-jeeda qaddiyadda Somaliland doodda ay qabaan waxay tahay,
inkasta oo ay dhici karto xilligii uu jiray xukunkii Siyaad Barre,in dadka reer Somaliland laga
galay dembiyo ku liddi ah aadaminimada, haddana taasi weli ma cadda in ay noqon karto
cududrdaar ku filan goosasho. Haddii ay jiraan siyaalo kale oo lagu daaweyn karo dhibaatada
waxa waajib ah in laga horraysiiyo goosashada.
Sidaa darteed , haddii Somaliland ku guulaysan weydo in ay muujiso oo si aan shaki lahayn u
caddayso in xilligii Siyaad Barre dowladdu kula kacday dadkooda falal liddii ku ah
aadaminimada, waxa adkaanaysa dhinaca shraciga caalamiga ah in ay caddayn karto inay xaq u
leedahay aayo-ka-tashi ay iyadu keligeed goosato. Markaas waxa ku waajib ah Somaliland in ay
diyaariso oo ururiso caddaymaha iyo maragmuujinta dembiyadii uu dadka ka galay taliskii
Siyaad barre. Waxa laga yabaa in ay taasi ku adkaato Somaliland keligeed. Waxayse gacan ka
heli kartaa ururrada iyo dadka aqoonta iyo waayo-aragnimada u leh sida loo soo ururiyo loona
soo bandhigo dembiyada laga galo xuuquual Insaanka. Somaliland waxay kireysan kartaa
shirkado arrimaha khibrad u leh ama waxay taageero ka dalban kartaa dalalka ay saaxiibka yihiin
ee qaddiyaddeeda taageera.
99
1.3.2. Goosashada (ama aayo-ka-tashiga waaqaca u jira (de facto recognition)
Marka la eego waaqaca ka jira dalka tan iyo 1991kii waxa lagu doodi karaa in ay Somaliland
madaxbannaani haysato oo ay keligeed taagnayd. Hase yeeshee waaqacaas jiraa kuma filla
sharciyadda qaadiyadda Somaliland. Dooddaasi waxay toosi lahayd ama midho-dhal noqon
lahayd haddii la heli lahaa dowlado si sharci ah u aqoonsada Somaliland, muddadaas dheer ee
ay keligeed taagnayd. Hase ahaatee waxa muuqata in aanay jirin cid weli aqoonsatay.
Goosashada ama aayo-ka-tashiga Somaliland waa waaqac jira, laakiin taasi ma ah mid ku filan
sharciyadeeda. Markaa Somaliland waxaa ku waajib ah in ay laban-laabto deddaalkeeda
diblomaasiga ah si ay u hesho aqoonsi sharci ah; Kaasbaana lagama-maarmaan u ah
aqoonsigeeda.
1.4. Dhacdooyinkii sharci ee gobolka iyo sharciga caalamiga ah
Guud ahaan goosashada waxa lagu micneeyaa ama qeexaa “ marka dadweynaha deggan gobol
ka mid ah dowlad ay ka goostaan iyaga oo doonaya in ay abuuraan dowlad gaar ah, ama ku
biiraan dowlad kale oo awelba jirtay, iyada oo aanay la oggolayn ama raalli ka ahayn dowladdii
ay ka midka ahaayeen. Ogoolaanshaha dawladda ay ka midka yihiin dadkaasi, waa calamadda ay
goosashadu kaga duwan tahay ismaamulka daakhiliga ah iyo madaxbannaanidaba.
Sida ay taariikhdu muujinayso, dowladuhu ma aha wax si joogto ah meel u taagn, balse wax mar
walba ku dhaca isbeddelo iyo dhallan rog joogto ah, oo aan dhammaad lahayn. Marka la eego,
350kii sano ee ugu dambeeyey, tan iyo markii ay dawladdu ka dhalatay gobolka loo yaqaan
Westphalia (jarmalka) 1648kii, waxa muuqata in ay si is-daba-joog ah dawladuhu mar walba u
dhalanayeen, qaarna meesha uga baxayeen. Xataa marka la eego taariikhda soke, waxay
muujinaysaa is-beddelka laxaadka leh ee ku dhacay xidhiidhada caalamiga ah. Dowlado fara
badan ayaa ka dhashay markii uu dumay derbigii weynaa ee Baarliin iyo burburkii Midowga
Soofiyati. Marka laga soo bilaabo dhammaadkii dagaalkii labaad, tirada dawladaha aduunka ka
jiraa way afar jibbaarmeen, maantana (2003kii) waxay tiradoodu maraysaa191 dowladood.
Guud ahaan sharciga caalamiga ahi ma farageliyo geddi-socodka iyo hawlaha ay dawladuhu ku
dhalanayaan ama dhimanayaan. Arrimahaas waxa iska leh dadka ay arrimahaasi khuseeyaan iyo
waaqac halkaa ka jira. Sidaa darteed qaabka ay dawladuhu ku dhashaan ma aha wax khuseeye
sharciga caalamiga ah. Waxay keliya oo ku kooban tahay aqoonsiga waaqac soo baxa ee
dhalashada dawladda cusub, iyo qiimaynta xaaladeeda sharciyeed. Sidaa darted, waxa jira
dhawr arrimood oo lagama-maarmaan u ah dawladnimada, kuwaas oo kala ah: dadka
(population). Dhulka (territory) , jiritaanka is-maamul wax-ku-ool ah, iyo ugu dambayntii, iyada
oo mar walba ay ku xidhan tahay wadciga iyo duruufaha ku gedaaman, aqoonsiga caalamiga
ah(recognition).
100
Marka la eego sida adduunku ula dhaqmay dhaqdhaqaaqyada aaya-ka-tashiga ama goosahshada
wixii ka dambeeyey 1945kii, waxaan tusaale u soo qaadan karnaa saddex dhacdo: Waxa ka mid
ahaa indoonisiya. Huggaamiyayaashii Indooniisiya waxay ku dhawaaqeen Jamhuuriyadda
Indoonisiya 17kii Ogost 1945kii. Hase yeeshee muddo ayaa khilaaf milateri iyo
diblamaasiyadeed ka taagnaa, ilaa kama dambaystii dowladdii Nadarland, oo markii hore
gumaysan jirtey, ay qaranimadeedii oggoolaatay 17kii Diisambar 1949kii. Sida ay wax u
dhaceen, iskuma hawlayno, waxaynu xiisayn karnaa oo keliya xaqiiqada ah, muddadii
khilaafku ka taagnaa ee u dhexaysey ku dhawaaqidii Jamhuuriyadda iyo madaxbannaanida, waxa
la siiyey tixgelin sharciyeed oo fara badan. Waxa loo aqoonsaday waaqac ahaan (de facto)
dowlad jirta, dawladaha qaarkoodna sharciyan ayey u aqoonsadeen(de jure ).
Sidaa si la mid ah, xornimada Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Fiyatnaam waxa lagu
dhawaaqay 1945kii, hase-yeeshee waxa arrinteeda murgiyey dowladda Faransiiska oo
gumaysan jirtey ayaa midba gaarkeeda awood u siisay dowlad goboleedyo soo kala horjeeda oo
mid walib goonnideeda uu sheeganayso in metasho Fiyatnaam oo dhan. Sidii Indoonisia oo kale,
dhawr dawladood ayaa mid waliba gaarkeed u aqoonsatay sharci ahaan. Sidoo kale, Aljeeriya
waxay ku dhawaaqday inay xorowday 19kii Sebtembar 1958kii, waxayse Faransiiska oo
gumaysan jirey madaxbannaanida u aqoonsaday 3 July 1962kii ka dib markii ay muddo socdeen
dagaallo daba-dheeraday. Arrintu waxay gaadhay Shirweynaha Guud ee Qaruumaha Midoobay,
kaas oo ka soo saaray baaq nuxurkiisu yahay inay labada geesood ka wada hadlaan ama
gorgortamaan “ sidii dadka reer Aljeeriya u xaqiijin lahayeen xaqooda aayo-ka-tashiga iyo
madaxbannaanidoodu iyada oo la qaddarinayo midnimada iyo dhawrsanaanta dhulka Aljeeriya.
Aljeeriya lafteeda waxa sharci ahaan aqoonsaday dhawr dawladood, ka hor 3dii July 1960,
maalintii xornimada la siiyey.
Arrinta Somaliland marka la eego dhacdooyinka kor ku xusan way ka duwan tahay, haddana
meelaha qaar waa isage eeg yihiin. (Nasir2011). Somaliland waxay ahayd maxmiyada ay
xukunto Biritaaniya (Ingiriiska), waxayna xornimadeeda qaadatay 26kii Juun 1960kii. Hase-
yeeshee afar maalmood ka dib, waxay iyadu iskeed ugu biirtay oo la midowdey qaybtii
koonfureed ee Somalida oo Talyanigu gumaysan jirey. Muddadii yarayd ee ay jirtey waxa
dawladda Somaliland aqoonsaday in ka badan 34 dal, oo ka mid yihiin shanta xubnood ee
Golaha Ammaanka joogtada ku ah iyo kuwa kale oo badan sida Masar iyo Israaiil. Markaas
Somaliland waxay ku doodeysaa in aanay ahayn gobol ka goosanaya dawladdii uu ka midka
ahaa, balse ay tahay dawlad soo noqotay madaxbannaanideedii, iyada ka baxday midnimadii ay
la gashay koonfurta ka dib markii ay shaqayn weydey. Dhulkeeda iyo xuduudaheeduna waxay
yihiin kuwii ay ka tagtay dawladda Ingiriisku 1960kii markii ay madaxbannaanida siisay.
101
Gunaanad.
Haddii aynu soo ururinno dooddan, waxa la odhan karaa in ay fursad wanaagsan u tahay
Somaliland iyo Somaliya labadaba in ay noqdaan laba dawladood oo walaalo ah oo derisnimo ku
wada nool, iyaga oo nabadgelyo iyo wada-hadal ku dhammayn kara khilaafka iyo muranka
sharciyeed ee dhex yaalla. Sidii ay markii hore iyaga oo xor ah iskood ugu midoobeen,
maantana iskood ayey u kala bixi karaa, waayo mabda’ ayaa-ka-tashigu weligii wuu jirayaa; ma
aha mid dhammaday.
Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in la tilmaamo, in kooxda Somaliland gorgortanka iyo wada-
hadalka u qaabilsani ay si wanaagsan u fahamsantahay dhinacyada sharciga ee ay leedahay
qaddiyadda Somaliland. Waayo, 1960kii, huggamiyeyaashii iyo dadka reer Somalilandba, waxay
galeen il-duuf weyn iyaga oo ku guul-darraystay inay si farsamo iyo xisaabtan leh u sugaan
xuquuqdooda sharciyeed markii ay gelayeen midnimada. Haddii il-doofkii markii hore dhacay
uu maatana yimaaddo, waxyeello weyn oo aan laga soo kaban ayey ku yeelan doontaa aayatiinka
ummadda reer Somaliland iyo jiilalka soo socda. Markaa, waxaa la odhan karaa, guud ahaan
wadal-hadalku Somaliland waa u fiican yahay. Laakiin waa haddii ay Somaliland si fiican uga
diyaariso siyaasaddeeda iyo stratiijiyaddeeda wada-hadalka.
102
Qormada Tobnaad: Wadahadalada Soomaalida Iyo Xaaladda
Somaliland
Qore: Dr. Maxamed Fadal, SORADI
(Raad-raaca qoraalkan la soo koobay waxa laga heli karaa Buugga “Somaliland Statehoood,
Recognition, and the Ongoing Dialgue with Somalia”.
I. Midowgii 1960kii iyo Cadaalad-daradii ay tirsanayeen Waqooyigu
Midowgii 1960kii waxa uu uga dhignaa dadka reer Somaliland heshiis jar iska xoornimo. Waxa jiray
saddex xagal-daaco oo uu lahaa xisbigii dhinaca Somaliland: 1. Ma jirin qorshe cad oo loogu
gorgortamayo heshiiska. Waxa Hargeisa laga abuuray gudi kumeel gaadh ah oo xiligaa ku jiray jawi
xafladayn iyo rayn rayn oo xataa hore kasii diyaarsaday heesihii, muuisigi iyo riwaadihii midowga si
ay iskugu keenaan labada dhinac ee Somalida. Habayaraatee kamay haysan wax fikir ah sida uu u
eekaanayo midowga laba dawladood oo kala gaar ahi. Waxa sidaas oo kale aanay wax kaalmo ah ka
helin xafiiskii iyo dawladdii guumaysiga midna. 2) May kasii shaqeynin qorshe ama xeelad labaad
oo lagaga bixi karo haddii wada hadaladu guuldareystaan (BATNA - “best alternative to a negotiated
settlement”.Waxa lagama maarmaan ah wadahadal kasta inaad haysato qorshe labaad oo kuu
qarsoon oo aad ku dhaqaaaqi karto haddii wadahadaladu guuldareystaan, waxaana xaqiiqo ah inta
Xeeladaadu adagtahay waa inta badan ee aad xaqiijiso ujeedooyinkaaga iyo himilooyinkaaga aad ka
leedahay wada hadalada.
Sanadkii 1960kii hogaamiyeyaashii Somaliland waxa ku guuldaraysteen in ay u diyaargaroobaan
khatarta ka iman kartay heshiiis ama midow lagu degdegay, sidaas daraadeed waxay u ambabaxeen
Muqdisho iyagoo haba yaraatee aan wadanin qorshe ay kaga soo baxaan haddii ay ku qanci waayaan
natiijooyinka wadahadalka, kadibna waxay ku dambeeyeen xaalad ay si dhamaystiran isu dhiibaan.
Dhanka kale, dhinaca ka soo jeeda ee Koonfurtu waxay aad uga horumarsanaayeen dhinaca
maamulka dawladnimo, aadna waxay u dhexgaleen xidhiidhka awoodaha siyaasada qabiilooyinka.
Mudo toban sano ah Soomaaliya waxay ku hoos jirtay nidaamkii Talyaaniga ee ismaamulkii AFIS,
waxaanay waxgaradkoodu xoog ugu diyaarsanaayeen madaxbanaanida iyo in ay gadhwadeen ka
noqdaan dawladooda cusub; halka dawladii Somaliland ee markaa madaxbanaanideeda qaadatay
aanay madaxdeedu lahayn wax khibrad, indheergaradnimo iyo aqoon nidaam maamul xilliga ay ku
socdeen midowga.
2. Ku dhawaad Rubuc qarni dagaalo sokeeye ah
Sheekadan dahaalka waxa lagu soo celcelinayey soddonkii sano ee ugu dambeeyey walina waxay
dul-hoganeysaa dhibanayaashii iyo dadkii dhibta gaystey, sidaa daraadeed waxay mudantahay in
mar kale laga sheekeeyo inta ay jirto suurtogalnimada ah inay mar labaad soo noqoto. Sababaha
udub dhexaadka u ah khilaafkan waxa ka mid ah: Ugu horayn dareen ah in lays khiyaameeye ah sida
103
kor ku xusan oo iskudarkii lla xidhiida. Tan labaad, Faquuqid bilaabantay xili hore oo ka yimi
dhinaca xukunkii militariga kadib markii la khaarajiyey xubin sare oo Isaaq ah oo ka tirsanaydd
SRC-da iyo shaqaale badan oo sarsare oo kamid ah shaqaalihii dawlada oo laga eryey
shaqooyinkoodii. Tan saddexaad, horumarkii iyo khayraadkii oo lagu ururiyey gobolada Koonfurta
halka Waqooyiga hoos loogu dhigay sidii gobol yar oo aan muhimad ku lahayn qorshayaasha
horumarineed ee dalka. Tan afraad, xukunkii xaaladda degdega ah ee lagu soo rogey Waqooyiga
kaas oo loogu maleegay qorshe qarsoon dadkana loogu dhigey in lagu kibir jabinayo qabiil
falaagoobey (Isaaq) iyadoo la adeegsanayo qabiilooyinka kale lagulana wareegayo hantitooda, ugu
dambeyntiina lagu qaadayo dagaal loo dhanyahay ilaa heer lagu dabarjarayo.
Si kastaba ha ahaatee, tani waa xaqiiqada dhabta ah ee dhibaatooyinka bini’aadamnimo ee ay weli
noolyihiin dhibanyaashii oo laga helayo dhamaan dacalada aduunka, kuwaas oo in badan oo ka mid
ahi weli ka cabsi qabaan in tii mid la mid ahi soo noqoto. Arintani waxay si cad u qeexaysaa in
qaybaha ugu badan ee bulshada reer Somaliland ay ka gaabsadaan inay xataa ka fakaraan in ay ka
tanaasulaan inyar oo ka mid ah madaxbanaanidooda xataa haddii rajada aqoonsigu aana midho dhal
ahayn. Sheekooyinka dadka waxa kamid ah: SHEEKADA UFO: In shaqadii kooxda UFO ee
tabaruca ahayd loo rogo dambi qaran laguna rido jeelka amaankiisa aadka loo adkeeyey ee Labaatan
Jirow muddo dheer, waa xasuus nool oo ah xadgudub cad oo ka dhan ah xuquuqda aadamaha lagula
kacay kooxdan oo aan walina laga cadaalad falin. KACDOONKII ARDAYDA: Mudaharaadkii
ardayda iskuulada isla xiligaas iyo falcelintii dawladda ee dilka iyo xadhiga iskugu jiray ee lagula
kacay caruurtaasi waa xusuuso wali nool oo laga dheehan karo dariiqyada Hargeisa iyo guryaha
waalidiintoodii hadiiba iyaguna ay ka badbaadeen dagaalkii. XASUUQII XEEBTA JASIIRA:
xasuuqii loogu geystey in afartan kor u dhaaftay oo ka mid ahaa waxgaradkii dadka, ee ka dhacay
xeebta koonfureed ee Muqdisho iyadoo indhaha caalamku daawanayo iyaduna waa xasuus kale oo
wali ku duugan caqliga dhamaan dadka Soomaalida ah oo aan walina laga cadaalad falin.
XASUUQII ODAYAASHII BURCO: Waxa wali dul-hoganeysa bulsho weynta reer Burco xusuusta
dadkii isugu jiray odeyaasha, ganacsatada iy aqoonyahanka ee lagu qaaday xukunkii xaqdarada ahaa
lana diley hadhka cad iyada oo ay joogaan dadkoodii jeclaa iyo bulsho weynta reer Burco. Dhamaan
hormooyinkaa dadka ah ee la laayey amma xabsiga lagu ridey waxay ahaayeen dad rayid ah, kuwaas
oo aan wax xidhiidh ah la lahayn military keliya se ahaa isku qabiil intooda badanina aanay siyaasad
ahaanba u firfircooneyn. Kuwaas iyo kuwo badan oo kaleba, ma jirto cid u cadaalad fashay ilaa
hadda waxaana taas kasii daran cidna uguma jirto qorshaha inay ka cadaalad falaan dhibaatooyinka
loo geystey dadkaasi.Waxase iska caadi noqotay in la yidhaahdo dhibaatooyinkaas iyo kuwo kasii
xunba waxay ka dhaceen Soomaaliya iyo waliba dadkii geystey dhibka laftooda. Hase ahaatee,
kuwaas hore waxay ahaayeen dambiyo si badheedh ah loogu geystey hubkii io xooggii ciidankanka
dawladda kana duwan qabiilooyin is dilaya oo isku awood ah.
104
Dhacdooyinka naxdinta leh ee kor ku xusani waa tusaalayaal kooban oo ka mid ah ku takrifalka
awoodaha dawladda muddadii lagu heystey xukun military oo cagta hoosteeda la galiyey xuquuqda
bini’aadamnimo iyo tan madaniba ee Waqooyiga Soomaaliya. Intaas waxa dheer, tusaalayaashaa
lasoo tibaaxey inay kaliya hordhac u ahaayeen dagaalkii dawladdu ku xasuuqdey dadkeedii sanadihii
1988-1991, taas oo la mid ah danbiyada dagaalka ee ka dhacay qaybaha kale ee adduunka kuwaas oo
loo sameeyo maxakamado caalami ah. Dhimashada kontonka kun ee qof ee adduunku u
diiwaangashini waa qiyaas xaqiiqada hoos marsan oo ay sababtey cilmi-baadhis la’aan dhab ahi.
Barakaca baahsan ee kaga dhacay bulshooyinkan dhamaan xuduudaha dalka iyo saxariirka ay kala
kulmeen sanadaha badan ee ay qaxoontiga ku ahaayeen xeerooyinka qaxoontiga ee daran ee gobolka
Bari ee Soomaalida Itoobiya; iyo burburka ku dhacay magaaalooyinkoodii iyo hantidoodii iyo
dhaxalkoodii ay keydsanayeen qarniyada; dal-la’aanta iyo silica ay kala kulmeen nolosha qurbaha ee
dhamaan dacalada aduunka dhamaantood waa kuwo aan si dhab ah loo ogeyn oo aan looga hadlin
loona qiimayn karin.
Duqeyntii cirka ee Ingiriisku u adeegsaday si uu u soo afjaro dagaalkii uu kula jirey kacdoonkii
Sayyid Maxamed Cabdule Xassan 1911kii ilaa 1920, waxay gashey bogagga taariikhda markii ugu
horeysey ee diyaarado loo adeegsado dagaal Afrika ah. Sidoo kale taariikhda hore umay soo marin
in diyaarado lagu caydhsado oo duqeyn xoogan oo cirka ah loo geysto dad shicib ah si ay uga
gudbaan xuduudaha wadankooda ka hor intii aany Maxamed Siyaad Barre hawlgalin duuliyeyaashii
calooshooda u shaqeysteyaasha ahaa ee reer Koonfur Afrika si ay u barakiciyaan dadkii rayidka ahaa
ee Waqooyiga Soomaaliya. Tiro lagu qiyaasey 600,000 oo qof ayaa qaabkan loogu qasbey inay
xadka uga gudbaan deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Sanadkii 1988kii.
Hadaba, Somaliland ma sahlana in dadka lagu qanciyo inay furaan laabtooda iyo maskaxdooda si ay
midow siyaasadeed ula galaan Soomaaliya iyagoo wali dhayaya dhaawicii ay u geysteen dawladoodi
Muqdisho joogtey iyo ciidankoodii qaranku.Taa lidigeeda, dadka Somaliland waxay hubsadeen in
aaney hogaamiyeyaashoodu si fudud u baalmarin oo aanay la heshiin dhinaca Muqdisho, iyaga oo
dhidibada u aasey dastuur iyo lakabyo shuruuc foojigan oo kale si aanay mar danbe ugu dhicin
midow aan barako lahayn.
3 . Burburkii Qaranka iyo Dib u Dhalashadii Soomaaliland
Tobankii sano ee ugu horeeyey midowga, dadka reer Soomaaliland waxay isku dayeen iney bal
horta inta hore kula tacaalaan xaaladda, Suugaantooda qaniga ah, taas oo raggii ugu tunka weynaa
abwaanadu ay soo saareen riwaayado xidhiidh ah oo caanbaxey oo ka turjumaya werwerkii dadka
iyo takoorkii ay kala kulmeen awooddii dawladii midowga ahayd; iyo tan labaad ee ah caadadooda
hal-abuurnimada ee ay u lahaayeen ganacsiga ee ku dhisnaa xoolaha nool iyo ka ganacsigooda.
Hormuudkooduna waxay nasiib ku lahaayeen heerkooda aqooneed ee sareeya iyo fahamkooda
105
nidaamka si ay nafahooda wax ugaga qabsadaan eexashadii iyo qof-jeclaysigii dishoodey
shaqooyinka dawladda iyo suuqyada deeqaha waxbarasho ee Muqdisho.
Kadib intii militarigu xukunka la wareegey cabudhinta dadka reer Waqooyigu waxay noqotay
siyaasadda rasmiga ah ee dawladda.Taas oo u sii turjumantey takoor nidaamsan oo ku baahay
dhamaan qaybaha dawladda ugu dambeyntiina gaar loola baxay beesha Isaaqa oo ay noqotay
beegsiga koowaad ee takoorka.
Ugu horeyntii, hogaamiyeyaashu waxay u turjunteena isku deygii daruuriga ahaa ee dadkii la
faquuqey ay ku cawdeen nafahoodana wax ugu qabteen inay kasoo horjeedaan maamulka. Sidaa
daradeed takoorkoodii waxa uu isu badaley cabudhin. Ugu dambeyntii dadkii waxay bilaabeen
kacdoon, oo ay qaybo ka mid ah hormoodkoodii sameeyeen ururkii SNM, taas oo siisey dawladda
marmarsiiyihii ay dooneysey, waxaaney awoodeedii oo dhan isugu geysey inay burburiso qabiilkan
iyo ururkoodii curdinka ahaa, laakiin ugu danbeyntii dagaal socdey tobanley kadib, dabkii waxa uu
ku fidey Muqdisho. Kaligii taliskiina waxa uu ku jabay dagaalkii, qarankiina wuxuu burburey
Jeenawari 1991, Soomaaliland-na waxay xornimadeedii dib ula soo laabatey May 18 1991, walina
Soomaaliya waxay la kacaa-kufeysaa inay samaysato nidaam dawladeed oo ishaysta.
4 . Sida maanta xaalku yahay- labaatan sano iyo dheeraad oo horumar gaar ah
Xaqiiqada maanta jirtaa aad ayey uga duwantahay tii maalintii midowgii 1960kii jirtay. Maakaas,
Soomaaliya waxay ahayd qaran shaqeynaya oo leh dawlad firfircoon iyo nidaam siyaasadeed oo
furfuran. Somaliland waxay aheyd dawlad yar oo curdin ah oo markaas uun ka soo baxday sideetan
sano oo xukun ajaanib ah taas oo aan lahayn haba yaraatee wax khibrad ah dhinaca maamulka
dawladnimo. Waxay ku milantey dawladii Talyaanigu saamaynta weyn ku lahaa, dawladdii
Ingiriiskuna waxay faraha ka qaadday ilmaheeda yaraa ee dhiblawga ahaa (waa Somaliland e) oo ay
u tuurtey yeyda. Si kastaba ha ahaatee, labadii xaaladood way is weydaarteen maanta; Somaliland
waxay leedahay hay’ado shaqeynaya; nidaam siyaasi oo Dimuqraadi ah oo caafimaad qaba oo
furfuran; iyo bulsho xorowday oo casri ah; halka qaranka Soomaaliya uu ka durugsanyahay nidaam
shaqeynaya, waxa jiritaankeedu ku tiirsantahay ciidamo shisheeye, waxaanay wali awood badan ky
leh xoogag dawlad-diid ah, oo in badani ay si cad gaashaanka ugu daruurayaan abuuritaanka dawlad
dhexe. Riyada federaalka ay Soomaaliya ku socotaa waxba kama duwan riyadii Soomaali weyn ee
lixdankii( 1960) siday u egtahay.
Intaas waxa dheer, in labada dawladood ee Soomaaliya ay qaateen laba jiho oo kala duwan dhinaca
horumarka labaatan sano iyo googo’ii ugu danbeeyay. Soomaaliya waxay ugu horeyn noqotay
hooyada dhibaatada IGAD iyo Jaamacada Carabta, ugu danbeyna tan aduunka oo dhan. Waxay ku
caanbaxday soo saarista qabqablayaasha dagaalka; waxay soo nooleysay dhaqaalaha budhcad
badeeda taas oo aduunka intiisa kale ah sheekooyinka filimaanta oon lagu arko; waxay soo saartey
nooca Alqaacidada ugu khatarsan ee “Al Shabaab”; waxay u kala furfurantay dawlado yaryar oo u
eeg Yurubtii hore, waxay dhidibada u aastey dhaqaale xawli ku socda oo aan xad lahayn kaas oo
106
xataa qabsaday suuqyadii hore u jiray ee Bariga iyo Badhtama Afrika, dadkeeduna waxay caan ka
noqdeen dhamaan qaaradaha oo lagu bartey inay yihiin dad nolol ka yabyabi karaya deegaan kasta
aduunka oo xitaa meelaha qaar ka wanaagsanaaday dadkii u dhashay.
Si kastaba ha ahaatee, wajigeeda ugu xumi waxa weeyeen, hal-adeyga xoogagaasi u yeesheen iska
caabinta sharciga, kala dambeynta iyo awoodda dawladnimo.
Waxa jira wada dhaqan, dhaqaale iyo isu socod dad oo xor ah: Dhaqaalaha xoolaha nool ayaa wali
ah kan ugu muhiimsan hawlaha dhaqaale iyo shaqo abuur iyo jiritaan ee dadyawga ku nool dhulka
Soomaalida iyo gobolka Geeska Afrika. Dekeda Berbera waxay wali hogaanka u haysaa dhoofinta
xoolahaas ee loo diro xiliga Xajka dalalka Sucuudi Areebiya ama guud ahaan gobolka Khaliijka
Carabta. Wada dhaqanka ganacsi ee dadka Somaliland iyo Soomaaliya iyo isu socodka maciishada
iyo adeegyadu waa mid maalinba maalinta ka dambaysa kor usii socda, gaar ahaan qaybaha
adeegyada gobolada ka dhexeeya sida Isgaadhsiinta, shirkada Xawaaladaha, Diyaaradaha, iyo
nidaamka dhoofka Xoolaha nool.
Sidoo kale waxa isbeddel weyni ku dhacay isu socodka dadka iyo deegaamada markii uu hoos u
dhacay colaadii u dhexaysay beeluhu. Iyadoo weli ay socdeen dagaalo siyaasadeed gaar ahaan
Muqdihsu, dadka ka barakacaya waxa lagu soo dhaweeyaa meelaha xasiloonidu ka jirto sida
Somaliland iyo Puntland. Barakacayaashan waxa loo ogolaaday inay nolol caadi ah ka sameystaan
dhamaan gobolada Somaliland, in ay ka baayacmushtareeyaan kana faaiidaystaan adeegyada
bulshada ee xadidan oo aanay dawladdu sinaba uga cunaqabatayn hadday tacliinta, caafimaadka iyo
kuwa degaanka.
6 Somaliland Miyey La Xaajootaa Soomaaliya?
Baarlamaanka Somaliland waxa uu meel mariyey xeer sheegaya in “La oggolyahay in danaha
Somaliland laga raadiyo meelkasta iyo koox kasta oo muhiim u ah arintan”. Haseyeeshee, waxa
mudan in la cadeeyo inay dastuurka Somaliland ku xardhantahay in gooni isu taagga Somaliland
yahay mid aan gorgortan lahayn. Hadaba, waxa jira hanaan ay bulshada caalamku raacdo marka ay
noqoto in ay dhexdheaadiso khilaafka dad isku dawlad ahaa oo qaybi doonaysay in ay ku kala
baxaan. Hanaankaasi waxa uu ku dul wareegaa in labada dhinac ee iska soo horjeeda loo abuuro
jawi ah in labada dhinac ka wada hadlaan kala tag amma dib isu habayn cusub oo midow ah.
Wadciga Soomaaliya marka la eego, waxaynu wajahaynaa xaalad gaar ah oo meelaha dawladii
dhexe burburtey ay kasoo baxeen dawlado kale, kuwo kasoo baxay caasimada oo isu haysta inay
yihiin hoyga qaranimada iyo kuwo kale oo kasoo baxay hareeraha oo qaarkood ay madaxbanaani ku
dhawaaqaan sida Somaliland oo kale. Waxay u muuqataa, dariiqa ugu fudud ee bulshada caalamku
jeceshahay inay arkaan inay tahay Soomaaliya oo mid ah, taas oo ku imanaysa wadahadalo ku
dhisan qaacido awood qaybsi ah oo waliba la doorbidayo nidaam fadaraali ah. Haddii uu imanyo in
la kala go’o, waxay doorbiddaa in uu ku yimaaddo hab wada-xaajood. Laakin, Somaliland waxay
107
waxay raacday dariiqa in ay kaligeed dib ula soo noqotay madax-banaanideed. Markaa, caqabadda
koowaad ee Somaliland hor taalaaa waxa weeyaan sida ay isu waafajinayso gooni isu taageedda ku
xardhan dastuurkeeda ee aan ka noqosho lahayn iyo wadahadalada ay Somaliya la gelayso. In kasta
oo aanay jirin wax muuqda oo dadka reer Soomaaliland ay u kala saydhaan guulahoodii ku yimi
dadaalka labaatan iyo dheeraadkii sanadood ee ugu danbeeyay, waxa haddana lagama maarmaan ah
in ay wadaan wadahadalada si ay u gaadhaan ujeedadooda kamadanbaysta ah ee in la helo Aqoonsi
caalami ah.
7. U Diyaargarawga Wadahadalada
Somaliland Inay Caddayso Danaheeda iyo Himilooyinkeeda
i. Arrimaha Badbaadada iyo Nabadgelyada Shakhsi iyo Dadba
a) Bulshada Soomaalidu waa bulsho ku dhisan qabiil. Bulshada reer Somaliland waxay leeyihiin
dhaqan soo jireen ah oo ay ku xaliyaan khilaafaadka iskuna ilaaliyan oo ku dhisan xeerar
dhaqanka. Iyadoo lagu salaynayo dhaqankooda, bulshooyinka ku nool dhulka Somaliland waxay
isku waafaqeen inay samaystaan dawlad dammaanad qaadda badbaadada iyo nabadgelyeda
dhamaan xubnaha beelaha wada dega carrigan. Taa lidkeeda, inta badan dadka reer Somaliland
waxay aaminsanyihiin in dawlad kasta oo Muqdisho fadhigeedu yahay ay u gacangelidoonto
beelaha dega Koonfurta Soomaaliya. Mar haddii aanay jirin xeerar dhaqan oo u dhexeeya iyaga
iyo beelaha faraha badan ee dega Koonfurta, kuma aamini karaan badbaadadooda iyo
nabadgelyedooda dawlad Muqdisho fadhida oo aanay saaamayn lahayn una dheqanuglaanayn.
b) Bulshada reer Somaliland, gaar ahaan aqlabiyada Isaaqu si hawlyar uguma aamini karaan
badbaadadooda iyo nabadgelyedooda fikirka dawlad Soomaaliyeed. Aaminaad la’aanta bulshadani
waxay salka ku haysaa eelkii dagaalkii sokeeye ee weli raadkiisi qoyanyahay, kaas oo si walba looga
dheehan karayey isku deyga cidhib-tirka beel.
ii. Aqoonsiga:
b) Inta ay haystaan qarankan ay iyagu iska leeyihiin, dadka reer Somaliland masiirkooda iyo
mustaqbalkooduba waxa uu ku jiraa gacmahooda: Uma baahan doonaan inay kula tartamaan bulsho
weynta Soomaaliyeed fursadaha dhaqaale iyo horumarka khayraadka iyo sidoo kale kuwa
dawladeed. Xilligii midowga, isu dheeli-tirnaan la’aanta horumar ee ka muuqatay qarankii
Soomaaliya ee u dhexeeyay Waqooyiga (Somaliland) iyo Soomaaliya waa kuwo si mug leh ugu
diiwaangashan taariikhda iyo taxliilaha caalamiga ah. Woqooyigii Somlai (carriga Somaliland)
waxay noqotay daaradda dambe ee qaranka amaba gobol aan ahmiyad u lahayn horumarka weyn ee
ka socday koonfur, dadkeeduna waxay noqdeen muwaadiniinta dabaqada labaad ee qarankii ay
hogaaminaysay siyaasadii Koonfurtu.
108
t) Dadka reer Somaliland waxay aaminsanyihiin iney Muqdisho aad uga fogtahay gurigooda, sidii
hore u dhacdayna in ay iyadu (muqdisho) noqon doonto xarunta horumarka iyo awoodda dawlad
dhexe oo kasta oo la sameeyo, mid federaali ah iyo mid kaleba, sidaas daraadeed aanay ku dhicin
Karin dabinkaas mar kale. Qarankan Somaliland, xitaa haddii aan la aqoonsanin waxa uu u korayaa
dawlad qaan-gaadh ah taas oo u adeegta danaha dadkeeda oo kuna salaysan dhaqan isu tanaasul ah
oo aan ahayn is-cabudhin iyo xukun adayg.
iii. Dawladnimada
b) Dadka reer Somaliland waxay u dhidideen in ka badan labaatan sano in ay abuuraan nabadgelyo
iyo kala dambeyn iyo nidaam dawladeed oo ku salaysan hab Dimuqraadi ah. Waxay ku socdaan
dariiq kor-u-socod ah oo marba marka kasii dambaysa kordhaya kaas oo ay ku dhisayaan
nidaamkooda hay’adaha dawladnimo. Hase ahaatee, Soomaaliya hadda ayuun bay u eegtahay in
ay cagta saartay dariiqaa, imikana ay maraysaa halkii ay Somaliland maraysey 1991. Markaa
waxaa jira in la kala koray.
Waxa loo baahanyahey in dib loo milicsado taariikhda iyo duruuftii lixadnakii: Labadii
dawladood waxay ka kala yimaadeen laba hab gumeysi oo kala duwan, oo leh shuruuc iyo
dhaqan maamul oo kala gedisan. Waxa adkaatay in labada hab-dawli si siman la iskugu daro
dbadeena waxa xoogbatay nidaamkii Talyaaniga oo qarqiyey nidaamkii dawladnimo iyo dhaqan
ee dhinicii Somaliland. Maanta, nidaamka dawladnimo ee Somaliland waa mid shaqeynaya kana
horumarsan kan Soomaaliya, hase ahaatee arinta layaabka leh waxa weeyaan in dadka reer
Somaliland ogyihiin in reer Koonfureedku aanay qirsanayn horumarka Somaliland gaadhay una
diyaar ahayn inay tanaasulaan, xaalkooduna inta badan yahay “cadyahow ama ku cunay ama ku
ciideeyey”- Taa macnaheedu waa in aanuu ahayn dhaqan wax wadaag siiba markay timaaddo
xalaad awood qaybsi.
t) Goosashada Somaliland waxay garaabis ka helaysa Madaxbanaanida Djibouti. Midowgii
Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu ku salaysnaa helista riyadii ahayd Soomaali oo mid ah oo
hadhsata calan kali ah.Hase ahaatee, Djibouti oo haysatay fursadda ay kaga mid noqon karto
midowga sanadkii 1976 waxay dooratay inay gooni marto. Intaas waxa dheer, in Ingiriisku aanu
xurmaynin natiijadii aftida madaxbanaanida ee dadka Waqooyi-galbeed Kenya 1963 iyo
Ogaadeenka oo ku milmey Gobolka Soomalida ee Itoobiya kana mid noqday qoomiyadaha Itoobiya
iyo himilada horumarka ee Itoobiya. Sidaas daraadeed ma jiro wax Somaliland ku qasbaya in ay ku
laabato midowgii, kaas oo ka bixidiisu ku joogtay wax aan la qiimayn karin. Wax xaaladda beddeli
karaa weli uma eeka in ifafaalaheedii iyo wakhtigeedi midna muuqdo ama bisilyahay.
iv. Dhinaca Bulshada
Bulsho ahaan, labada mujtamac iyana way kala koreen. Dhalinyarada Somaliland oo ka kooban 70%
bulshada reer Somaliland, waxay Soomaaliya u aqoonsanyihiin dawladii shacabkooda kula kacday
109
xasuuqa iyo tacadiyada la ogyahay iminkana dooneysa in ay dumiso nidaamkooda
Dimuqraadiyadeed mar labaad.Waxay noqon doontaa wax aad u adag in la baddalo fikirkooda siiba
marka ay yihiin awoodda ugu badan ee codaysa Somaliland. Xisbina uma diyaar aha in uu ka
horyimaaddo oo lag xigsado dhalinyarada.
4. Aragtida bulshada Soomaaliya ee Gooni isu taaga Somaliland
b) Waa cudud- Awood iyo cudud qaran oo luntey. Somaliland la’aanteeda Qaranka Soomaaliya
waxa uu noqonayaa mid taag daran una nugul dawladaha kale ee gobolka: Itoobiya iyo Kenya. Intaa
waxa dheer, cabsida laga qabo in ay soo baxaan xulafooyin xun oo ka faaiidaysta danaha kala duwan
ee Soomaalida si looga faaiidaysto khayraadka dihin ee gobolka.
t) Waa saansaan dhiirinaya burburka gobolada kale ee Soomaaliya: Gooni isu taagga Soomaalilaand
waxay albaabka u furi doontaa in qaybo kale ee Soomaaliya googo’aan. Waxay hoos u dhigi doontaa
awoodda Muqdisho ee in ay noqot xarunta quwadda Soomaaliya.
j) Fursadaha dhaqaalee ee lumaya sida ka faa’iidaysiga ee dekeda Berbera: Somaliland waxay la jaar
tahay suuqyada halbawlaha u ah xoolaha nool ee Yemen iyo Boqortooyada Sucuudiga.
x) Caqli gal ma aha kala go’u, dhamaan Soomaalidu waxay soo mareen dhibaato dagaal sokeeye
imikana waxay wada dhisan karaan mustaqbal mar labaad; taas marka laga yimaado, waxa wali jira
beelo iyo kooxo ka tirsan Somaliland oo si uun u aaminsan Midowga Soomaaliy, oo lagama dhigi
karo wax isku wadaraacsanyahay.
Gunaanad iyo Halka loo dhaqaaqayo
Jawiga wadahadalada xilligan waa mid ku dhisan xaalad ay is waydaarteen horumarka labada
dawladood. Somaliland waxay aheyd socod barad 1960kii oo aan wali qaadin talaabooyinkeedii ugu
horeeyey ee dawladnimo (WSP:1996). Waxay gashay heshiis midow degdeg ah afar cisho kadib
madaxbanaanideeda. Ma jirin siyaasiyiin ruugcaddaa ah oo khibrad leh iyo hoggaan adkaadey oo
fahmi karayey habka loola midoobo dhinaca kale oo iyagoo laha khibrada toban sano oo nidaam
ismaamul iyo gardaadin dawlad reer Yurub ah oo weliba ay kusii dul ilaalinaysay Qaramada
Midoobey.Wakhti yar uun ka hor madaxbanaanida, inta badan hay’adihii dawladda maxmiyadda
Somaliland waxa maamuliyey shaqaale ajaanibka ahaa, halka xaalku ka duwanaa Soomaaliya.
Maanta waxa cad in xaaladihii labada dawladood is weydaarteen. Labaatankii sano ee ugu
dambeeyay, qaranka Somaliland waxa uu soo maray bisayl badan oo dhismaha dawladnimo ah,
wakhtigaas oo la dhisay nidaam siyaasadeed oo firfircoon iyo hay’ado dawladeed oo shaqeynaya.
Labaatankii sano ee u dambeeyey waxa Somaliland u soo kacay dabaqad siyaasiyiin qaangaadh ah
oo ku yimi nidaam isu tanaasul iyo dawlado lagu soo doortay nidaam Dimuqraadi ah. Somaliland
waxay gacanta ku heysaa dhamaan xuduudaheeda, waxay leedahay ciidan qaran oo tababaran oo
akhlaaq leh, boolis hawlkar ah iyo ciidamo amaan oo kale. Soomaaliya, dawladda dhexe waxa weli
ilaaliya ciidamada Afrikaan ah ee dawladaha jaarka, meelo badan oo ka mid ah dalkana waxay wali
110
gacanta ugu jiraan maamul goboleedyo sida Puntland amma waxa wali maamula qabqablayaal
dagaal amaba Al-Shabaab.
Xaaladda kor ku xusani waxay saamayn culus ku yeelan kartaa jawiga wadahadalada iyo natiijada
kasoo baxda. Xaaladani waxay Somaliland siinaysaa awooda inay miiska wadahadalka iskaga
dhaqaaqi karto haddii wadahadalada ay kasoo bixi waayaan wax danteeda ahi, iyadoo aan luminayn
fursad qaali ah.
Wejiyada (Scenarios) uu qaadan karo nidaamka wada hadaladu
Wajiga koowaad: Wadahadalo dhaliya Kala go’ la isku oggolyahay oo ay ka soo bixi karaan:
a. Kala go’ laakin la iska kaashado dhinacyada nabadgalyada, deegaanka, dhaqaalaha iyo arimaha
bulshada
b. Heshiis iyo iska xaalmarin dhibaatooyinkii mood iyo noolba lahaa ee ay geysatay dawladii
Soomaaliya
c. In la isu dammaanad qaado isu celinta hantida gaarka loo leeyahay in la kala sheeganayo
d. In la qaybsado hantida la wada lahaa ee ka dhaxaysa labada dawladood: Hantida ganacisga
dibada iyo kuwa diblumaasiyadeed
e. Calaamadinta xuduudaha badaha
f. Wadaagga daymaha caalamiga ah- Boqolkiiba intee ayaa Somaliland ku soo hagaagaysa? Ama
in lada wada raadiyo saamaxaadooda.
Wajiga Labaad: Wadahadalada Dawlad ku meel gaadh ah - Isu tag muddaysan
1. In dib loogu noqdo xaalku siduu ahaa 1960: laba dawladood oo madaxbanaan oo miiska wada
hadalka wada fadhiya
2. Waxay ku taxaluqdaa awood qaybsi iyo hab wadaaga khayraadka dalka
3. Mudada dib u midowgu inaanu ka badan 6 sanadood sida Suudaan oo kale
4. Wakhtigu waxa uu ku dhamaanayaa afti laga qaado dadka reer Somaliland oo ay kaga
jawaabaan hal su’aal ah: Ma madaxbanaani bay qaataan mise federal.
5. Wadahadaladu waa kuwo ay taageereen oo maaligaliyeen bulshada caalamku aanay ansixiyeen
Qaramada Midoobey iyo ururada Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.
111
Wajiga Saddexaad: Ismarin waa sii waara
Wajigani waa xaalad aan nabadna ahayn dagaalna ahayn, labada bulshoba waxay dhaxal
siinaysaa xaalada nasiib daro ah. Qaybo badan oo ka mid ah bulshada reer Soomaaliya, ayaa u
arka in Somaliland dawld qudha aqoonsan ay tahay ifafaale suurtogeliya in Somaliland ka hadho
dadaalkeeda ay ku go’ayso. Hase ahaatee taasi maaha hiigsi xaqiiqada ku fadhiya. Somaliland
sida ay tahay iyada oo aan la aqoonsan waxay si fiican ugu adeegaysaa bulshadeeda nidaam
dawlad ahaan, sidaa daraadeed ma jirto sabab loo odhan karo masii wadi karto. Hadalka oo
kooban, ma jirto wax ka wanaagsan oo muuqda oo sidaa u badali karaa. Soomaaliya, federal iyo
si kaleba, waxa horyaala dariiq dheer oo ay u baahantahay in ay dhistoi dawlad shaqaynaysa.
Shuruudda ugu sokaysaana waa in ay hesho dawlad qaran oo la soo doortay, taas oo ah talaabo
wayn oo ka kor qaadaysa nidaam-beeleedka gurracan ee hadda uu salaysanyahay
awoodqaybsigeeda 4.5ka.