qalinkii: saciid cali shire - wordpress.com...3 w. a hire ragoonaya gawaari qaali ah, ku...

5
w.www.buuh.net 1 Sida uu soo guuriyo Richburg (1997) laba dhalinyaro ah, oo midna ka yimid qaaradda Aasiya midna ka yimid qaaradda Afrika, ayaa xilli ay arday ka ahaayeen jaamicad ku taalla Galbeedka sheeko-wadaag noqday. Markay waxbarashadii dhammaysteen, labadii dhalinyarada ahaa waxay dib ugu laabteen labadii waddan ee ay ka kala yimaadeen. Sanoo- yin ka gadaal, nasiib wanaag, labadii dhalinyarada ahaa mid walba waxa uu noqday wasiirka maaliyadda ee waddankiisa. Markii mid walba dhowr sano hayey xilka wasiirnimada ayaa wasiirkii Afrikaanka ahaa waxa uu booqday saaxiibkii ay sheeko wadaagta ahaayeen xilligii ardaynimada. Wasiirkii Aasaianka ahaa si fiican ayuu u soo dhoweeyey saaxiibkiis. Wuxuu keenay gurigiisii. Wasi- irkii Afrikaanka ahaa wuxuu la ashqaraaray quruxda guriga, gawaarida qaaliga ah, baraagta dabaasha iyo shaqaalaha. Isagoo yaabban ayuu saaxiibkiis way- diiyey su’aal keddis ah . “Saaxi- ibbow, waa innagii is ogayn oo labadeenna midkiisna hanti ma haysane, xaggee waxaan oo hanti ah ka keentay?” Wasiirkii Aasiyaanka ahaa wuxuu saaxiibkiis u dhaqaaji- yey dhanka daaqadda guriga markaas buu isagoo farta ku fiiqaya waddo laami ah oo cusub oo qurux badan oo ku yiri “waddadaas laamiga ah ee cusub ma u jeeddaa”. “Haa” ayuu ugu jawaabay. Intuu xabadka garaacay ayuu yiri “boqolkiiba toban”. Wasiirkii Afrikaanka ahaa, oo sida saaxiibkiis hantida ku sameeyey si fiican u fahmay, ayaa madaxa ruxay. Sanooyin ka gadaal ayaa wasi- irkii Aasiyaanka ahaa wuxuu isna markiisa booqday saaxiib- kiis, wasiirkii Afrikaanka ahaa. Si fiican ayuu u soo dhoweeyey. Wuxuu geeyey gurigiisii. Wasi- irkii Aasiyaanka ahaa waxaa indhihiisu ku dhaceen wax uusan weligiis arag: guri ku fadhiya dhowr hiktar oo dhul ah, gawaari qaali ah, baraag lagu da- baasho, garoommo lagu ciyaaro iyo shaqaale farahaa ka badan oo dhar isu eg lebbisan. Wasiirkii Aasiyaanka ahaa oo yaabban ayaa saaxiibkiis way- diiyey meesha uu waxaas oo hanti ah ka keenay. Wasiirkii Afrikaanka ahaa, intuu saaxiib- kiis gacanta soo qabtay, oo soo istaajiyey daaqad, ayuu ku yiri “ma u jeeddaa waddadaas?” Wasiirkii Aasiyaanka ahaa oo in- dhihiisu qaban la’ yihiin wadda- da saaxiibkiis u tilmaamayo ayaa ku jwaabay “waddadee?” Wasiirkii Afrikaanka ahaa intuu xabadka garaacay, ayuu isagoo islaweyni ka muuqato, ugu jawaabay “boqolkiiba boqol”! Wasiirkii Aasiyaanka ahaa oo fahmay in maalkii loogu talo galay waddada oo dhan uu wasiirku jeebka gashaday ayaa madaxa ruxaya. Malahayga, haddii Richburg, qoraaga sheekada kore uu ogaan lahaa heerka musuqmaasuqu ka gaaray Soomaaliya, saaxi- ibbada saddex ayuu ka dhigi lahaa oo wuxuu ku dari lahaa mid Soomaali ah, Aw-Soomaali, Dhib baad Afrikaay qabtaa Midkaad xil u dhiibataa Dharaartaa buu kibraa Wixii dhulka yaaley iyo Dhaqaale wixii la helay In uu dibedaha dhigtiyo Qaraabo in loo dhuriyo Wuxuu ka dhigtaa dhammaan Geel uu reerkoodu dhaqay Cabdi Muxumud Ammiin Qalinkii: Saciid Cali Shire

Upload: others

Post on 19-Feb-2020

2 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Qalinkii: Saciid Cali Shire - WordPress.com...3 w. a hire ragoonaya gawaari qaali ah, ku raaxaysanaya hoteello qaali ah. Qofku maba aha midkii aad shalay taqaanney -faaanka, isla waynida,

w.www.buuh.net1

Sida uu soo guuriyo Richburg (1997) laba dhalinyaro ah, oo midna ka yimid qaaradda Aasiya midna ka yimid qaaradda Afrika, ayaa xilli ay arday ka ahaayeen jaamicad ku taalla Galbeedka sheeko-wadaag noqday. Markay waxbarashadii dhammaysteen, labadii dhalinyarada ahaa waxay dib ugu laabteen labadii waddan ee ay ka kala yimaadeen. Sanoo-yin ka gadaal, nasiib wanaag, labadii dhalinyarada ahaa mid walba waxa uu noqday wasiirka maaliyadda ee waddankiisa.

Markii mid walba dhowr sano hayey xilka wasiirnimada ayaa wasiirkii Afrikaanka ahaa waxa uu booqday saaxiibkii ay sheeko wadaagta ahaayeen xilligii ardaynimada. Wasiirkii Aasaianka ahaa si fiican ayuu u soo dhoweeyey saaxiibkiis. Wuxuu keenay gurigiisii. Wasi-irkii Afrikaanka ahaa wuxuu la ashqaraaray quruxda guriga, gawaarida qaaliga ah, baraagta dabaasha iyo shaqaalaha. Isagoo yaabban ayuu saaxiibkiis way-diiyey su’aal keddis ah . “Saaxi-ibbow, waa innagii is ogayn oo

labadeenna midkiisna hanti ma haysane, xaggee waxaan oo hanti ah ka keentay?”

Wasiirkii Aasiyaanka ahaa wuxuu saaxiibkiis u dhaqaaji-yey dhanka daaqadda guriga markaas buu isagoo farta ku fiiqaya waddo laami ah oo cusub oo qurux badan oo ku yiri “waddadaas laamiga ah ee cusub ma u jeeddaa”. “Haa” ayuu ugu jawaabay. Intuu xabadka garaacay ayuu yiri “boqolkiiba toban”. Wasiirkii Afrikaanka ahaa, oo sida saaxiibkiis hantida ku sameeyey si fiican u fahmay, ayaa madaxa ruxay.

Sanooyin ka gadaal ayaa wasi-irkii Aasiyaanka ahaa wuxuu isna markiisa booqday saaxiib-kiis, wasiirkii Afrikaanka ahaa. Si fiican ayuu u soo dhoweeyey. Wuxuu geeyey gurigiisii. Wasi-irkii Aasiyaanka ahaa waxaa indhihiisu ku dhaceen wax uusan weligiis arag: guri ku fadhiya dhowr hiktar oo dhul ah, gawaari qaali ah, baraag lagu da-baasho, garoommo lagu ciyaaro iyo shaqaale farahaa ka badan

oo dhar isu eg lebbisan.

Wasiirkii Aasiyaanka ahaa oo yaabban ayaa saaxiibkiis way-diiyey meesha uu waxaas oo hanti ah ka keenay. Wasiirkii Afrikaanka ahaa, intuu saaxiib-kiis gacanta soo qabtay, oo soo istaajiyey daaqad, ayuu ku yiri “ma u jeeddaa waddadaas?” Wasiirkii Aasiyaanka ahaa oo in-dhihiisu qaban la’ yihiin wadda-da saaxiibkiis u tilmaamayo ayaa ku jwaabay “waddadee?”

Wasiirkii Afrikaanka ahaa intuu xabadka garaacay, ayuu isagoo islaweyni ka muuqato, ugu jawaabay “boqolkiiba boqol”! Wasiirkii Aasiyaanka ahaa oo fahmay in maalkii loogu talo galay waddada oo dhan uu wasiirku jeebka gashaday ayaa madaxa ruxaya.

Malahayga, haddii Richburg, qoraaga sheekada kore uu ogaan lahaa heerka musuqmaasuqu ka gaaray Soomaaliya, saaxi-ibbada saddex ayuu ka dhigi lahaa oo wuxuu ku dari lahaa mid Soomaali ah, Aw-Soomaali,

Dhib baad Afrikaay qabtaaMidkaad xil u dhiibataaDharaartaa buu kibraaWixii dhulka yaaley iyoDhaqaale wixii la helayIn uu dibedaha dhigtiyoQaraabo in loo dhuriyoWuxuu ka dhigtaa dhammaanGeel uu reerkoodu dhaqay

Cabdi Muxumud Ammiin

Qalinkii: Saciid Cali Shire

Page 2: Qalinkii: Saciid Cali Shire - WordPress.com...3 w. a hire ragoonaya gawaari qaali ah, ku raaxaysanaya hoteello qaali ah. Qofku maba aha midkii aad shalay taqaanney -faaanka, isla waynida,

2 w.www.buuh.net

Ul qalloocani hoos toosan ma yeelato!

oo meesha saaxiibbadiis heer wasiir gaareen isagu wax kasta isku darsaday. Sheekaduna, marka la soo gaaro booqashada Aw-Soomaali waxay u dhici lahayd sidaan.

Aw-Soomaali, isagoo saaxiib-badiis u turaya, ayuu ku marti qaadi lahaa guri weyn oo ku leeyahay waddammada deriska ah. Saaxiibbadiis, labadii wasiir ee midna Afrikaanka ahaa midna Aasiyaanka ahaa, iyagoo dhinacna la ashqaraarsan wey-naanta guriga iyo waxa hanti la geliyey, dhinacna dareensan in hadduu hanti intaan le’eg waddan shisheeye gashaday in uu hanti intaas ka badan waddanka gudihiisana ku leeya-hay, ayay waydiinayaan sida uu waxaas oo hanti ah ku tabcay.

Aw-Soomaali, oo aan wax dareen ah is gelin, ayaa u dhaqaaqaya, dhanka, derbi ay suran tahay khariidadda Soomaaliya oo aad loo qurxiyey lana geliyey looxad qaali ah. Labada wasiir oo sheeko uun ku maqlay in Soomaaliya lee-dahay xeebta Afrka ugu dheer, webiyo, dhulbeereed baaxad weyn, dhul daaqsinta ku fiican, xoolo iyo ugaar nooc ay yihiinba, ayaa is oranaya malaha saaxi-ibkiin wuxuu dalxiis idiin geyn doonaa meel ka mid ah xeebaha Soomaaliya oo meeshaas ayuu khariidadda idinka tusayaa.

Aw-Soomaali ayaa isagoo farta ku fiiqaya qaybo ka mid ah xee-

baha Soomaaliya oranaya “mee-shaas illaa meeshaas waxaan ka kireeyey sharikaad ajnabi ah si ay qashinka sunta ah ugu daadi-yaan”; meeshaas illaa meeshaas waxaan ka kireeyey sharikaad ajnabi ah si ay uga kalluumay-staan”; meeshaan waxaan ka kireeyey hey’ado sirdoon ah oo ajnabi ah si ay xabsiyo uga samaystaan; qaybtaan waxaan ka gaday waddan hebel si ay shidaal uga qotaan; qaybtaan waxaan ka gaday waddan hebel si ay beero uga samaystaan; qaybtaas weli waxaan ku doo-naynaa iib ama kiro; badda, qaybtaas waxaan siiyey beesha caalamka; qaybtaanna waxaan siiyey dhowr waddan oo Gal-beedka ah si ay ii ilaaliyaan oo aan maxkamad la ii soo taagin.

Labadii wasiir oo amakaag aw-giis afkii kala tegey, hadalna ka soo bixi la’ yahay, ayuu wuxuu hadalkii ku sii darayaa hantidii aan ka helay iibinta iyo kiraynta dhulkayga 30% waxaan ku maalgashaday sharikaad ay leeyihiin niman aan qaraabo nahay oo dalka geeya raashinka iyo daawooyinka dhacay; 30% waxaan ku maalgashaday shari-kaadka dadka nolosha u diiday; 10% waxaan ku maalgashaday sharikaadka tahriibta; intii soo hartayna waxaan guryo iyo ho-teello kaga gatay caalamka.

In kastoo sheekadu khiyaali tahay, haddana, waan hubaa in qof kasta oo Soomaali ahi gara-nayo sheeko middaas aan wax

badan ka duwanayn oo xaqiiqo ah. Qof kasta oo Soomaali ahi waa magacaabi karaa qof madax ah oo gacan ka geystey sidii badda iyo berriga Soomaaliya loogu aasi lahaa qashin sun ah. Qof kasta oo Soomaali ahi waa magacaabi karaa qof madax ah oo shirkad ajnabi ah lacag ka qaatay si ay kaluumaysi sharci darro ah uga sameeyaan badaha Soomaaliga. Qof kasta waa magacaabi karaa qof madax ah oo dhulka Soomaaliya u oggolaaday in laga hirgeliyo waxyaabo damiirka ka soo horjeeda. Tusaale ahaan, qaar ayaa lacag ka qaatay si diinta masiixiyadda loogu faafiyo; qaar ayaa lacago qaatay si daawooyin sun ah loogu tijaabiyo dadka iyo dhulka Soomaalida; qaar ayaa lacago ka qaatay si ugaarta Soomaalida loo gurto; qaar ayaa lacago qaatay si maan-dooriyayaal nooc ay yihiinba loogu fidiyo dadka Soomaalida; qaar ayaa lacago qaatay si wixii dhaxal ummadeed ahaa dibedda loogu iib geeyo. Sidoo kale, waan hubaa in qof kasta oo Soomaali ahi magacaabi karo sharikaadka uu Aw-Soomaali, hoggaanka la eeday, maalgashaday iyo hoteel-lada iyo guryaha uu ka dhistay lacagihii uu ka sameeyey dhiigga iyo dhibta shacabka.

Waxaa sidoo kale la hubaa in qof kasta oo Soomaali ahi magacaa-bi karo mid isagoon waxba haysan xil loo magacaabay. Maalmo ka dib waa kii oo ku lebbisan dhar qaali ah, ku xar-

Qofku maba aha midkii aad taqaanney -faaanka, isla waynida, is cajabinta, qu-ursiga dadka kale, dareen li’ida. Maalmo ka dib waa qofkii oo dadka uga shee-kaynaya in uu dhowr shirkadood, mid walba, waxoogaa ku darsaday; dhowr guri meelo ka dhistay; dhowr beerood gatay....

Page 3: Qalinkii: Saciid Cali Shire - WordPress.com...3 w. a hire ragoonaya gawaari qaali ah, ku raaxaysanaya hoteello qaali ah. Qofku maba aha midkii aad shalay taqaanney -faaanka, isla waynida,

w.www.buuh.net3

Saciid Cali Shire

ragoonaya gawaari qaali ah, ku raaxaysanaya hoteello qaali ah. Qofku maba aha midkii aad shalay taqaanney -faaanka, isla waynida, is cajabinta, quur-siga dadka kale, dareen li’ida. Maalmo ka dib waa qofkii oo dadka uga sheekaynaya in uu dhowr shirkadood, mid walba, waxoogaa ku darsaday; dhowr guri meelo ka dhistay; dhowr beerood gatay; waxyaabo kale oo uu maalgashi ku sameeyana raadinayo.

Qofku maba aha qofkii aad taqaanney! Sannad intaysan u buuxsamin waxaa lagu daraa liiska dadka beeshiisa ugu muhiimsan. Qofkii, haddaad magaciisa soo qaaddid dad badan ayaaba ama kaa carroo-naya ama ku dhowaanaya in ay gacan kuu qaadaan. Maalmo ka dib wuxuuba ka sheekaynayaa in uu doorashada soo socota isu diyaarinayo. Haddaadba is aragtaan, waxa ugu badan oo uu ku waydiinayo waa in aad taqaannid hey’ado ama shari-kaad danaynaya Soomaaliya. Haddiiba aad la soo qaaddid mashaariic horummarin waxa markiiba uu qaadanayaa calcu-lator si uu u xisaabiyo inta isaga ku soo aadaysa. Faa’iido kasta oo mashruucaasi ummadda u leeyahay, haddaan isaga la-cagi ugu jirin, meesha ka qaadi maayo, ama waaba hor istaa-gayaa. Qofku maba aha qofkii aad taqaannay!

Waddanka, qofkaasi madaxda

ka yahay oo uu hantidiisa, sida geel aabbihiis dhaqay, siduu rabo ugu tagri falayo waa Soomaaliya. Soomaaliyana, sida lagu soo bandhigay daraasad-dii ‘Human Development Index’ ee la sameeyey kal hore, waa waddanka dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan ugu hooseeya caalamka. Dhinaca dhaqaalaha, 82% dadka Soomaalidu waa faqri; wax ka badan 78% dadka dakhligoodu waa ka hooseeyo $2 maalintii; 54-72% dadku waa shaqo la’aan. Dhinaca nolosha waa waddan: 12-kii hooyo midi ummul raacdo; 1000-kii car-ruur ah 180 cimrigoodu uu-san gaarin shan sano; cimriga dadkiisana lagu qiyaaso 48 sano. Waddanka, dadka madaxda ahi ay hantidiisa hunguriyaynayaan waa waddanka caalamka ugu hooseeya marka la fiiriyo ti-irarka horummarka. Tusaale ahaan waxbarashada waa ka hooseeyaa 0.118, dakhliga waa ka hooseeyaa 0.253, caafimaad-kana waa ka hooseeyaa 0.486. Waa waddan, marka la barbar dhigo taxanayaasha caalamka ka dhigaya meel aan nololi ka suuroobi karin.

Waddanka sidaas ah, sida ay asbuucaan horraankiisa soo bandhigtay hey’ad Qaram-mada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya, 80% lacagta ka baxda Bangiga Dhexe waxay gashay jeebabka dad gaar ah. Kal horena, sida la soo ban-dhigay, 85% dakhliga dawladu wuxuu ku dhacay jeebabka

dhowr qof. Waxaaba la qiyaasay in intii u dhexaysay 2009-2010 in lacag madaxa la dhaafaysa $72 miyan oo deeq ah ay ku dhacday jeebabka dad gaar ah; $250 milyan oo dawladda ka soo galay dekadda, garoonka diyaaradaha iyo ilo kalena ay sidoo kale ku dhaceen jeebabka dad gaar ah.

Dhaqso ku taajirka siyaasinni-mada iyo sumcadda iyo magaca dadku ku helaan boobka hantida ummadda waxay Soomaaliya ka dhigtay waddan qof kasta oo raba in uu dhaqaale meel cidla ah ka helo uu raadiyo madaxn-imo. Maanta waxaan gaarnay heer dadkii oo dhammi, lab iyo dheddig, wadaad iyo waranle, aqoonyahan iyo jaahil, waayeel iyo dhalinyaro, qof walba ku fekerayo meeshuu ka geli lahaa luuqa ciriirka ah ee siyaasadda iyo waddaduu dhaqaale uga samayn lahaa.

Sida aan dhammaanteen ka warqabno, maanta, wax-aaba la gaarey heer waxa ugu weyn oo qof jagu loogu dhiibo aysan la xiriirin aqoontiisa, waaya’aragnimaddiisa, kar-tidiisa iyo qiyamkiisa ee la xiriirto aqoonta iyo khibradda qofkaasi u leeyahay sida xiriir fiican loola yeesho hey’adaha, sharikaadka iyo waddammada danaha ka leh Soomaaliya iyo sida uu xiriirkaas ugu beddeli karo dhaqaale dad yar jeebabka u gala.

Meeshaa waxaan ka kireeyey sharikaad ajnabi ah si ay qashinka sunta ah ugu daadiyaan”; dhinacaas waxaan ka kireeyey sharikaad ajnabi ah si ay uga kal-luumaystaan”; meeshaan waxaan ka kireeyey hey’ado sirdoon ah oo ajnabi ah si ay xabsiyo uga samaystaan......

Page 4: Qalinkii: Saciid Cali Shire - WordPress.com...3 w. a hire ragoonaya gawaari qaali ah, ku raaxaysanaya hoteello qaali ah. Qofku maba aha midkii aad shalay taqaanney -faaanka, isla waynida,

4 w.www.buuh.net

Ul qalloocani hoos toosan ma yeelato!

Maanta waxaan gaarnay heer magaca Soomaaliya lala xiriiriyo musuqmaasuq. Waxaan gaarnay heer wixii ka dambeeyey 2007-dii aan ku mitidnay sidaan u haysan lahayn koobka musuq-maasuqa caalamka. Heerka aan gaarnay waxaa si fiican looga daalacan karaa tirakoobyada iyo shaxaha is bar-bar-dhigga caalamka ee ay soo saaraan: hey’adda la dagaallanka mu-suqmaasuqa, taxanaha dawlad wanaagga iyo kan dawladaha fashilmay. Meesha, liiska musuq-maasuqa iyo taxanaha dawla-daha fashilmay, laga soo bilaabo markii liiskaas iyo taxanahaas la bilaabay, Soomaaliya ay ahayd waddanka ugu horreeye, liiska dawlad wanaagga waxay ahayd waddanka ugu hooseeya.

Waxaa sidoo kale la yaab leh, meesha waddammo badan oo ay soo wajaheen duruufo la mid ah kuwa soo wajahay Soomaaliya, sida Libeeriya iyo Ruwaanda, ay asbaabo la xiriira hoggaan wa-naagsan oo garasho iyo dareen bini’aadam leh, ay isbeddello la taaban karo ka sameeyeen dhanka musuqmaasuqa iyo dawlad wanaagga, maantana yihiin bidhaan hummaagooda lagu hirto, Soomaaliya, asbaabo la xiriira hoggaan xun, maalinba maalinta ka dambaysa waxay ku sii fogaanaysaa bohol dheer oo ka soo bixiddeedu u baahan doonto baraarug umaddeed, garasho-dheeri hoggaan iyo gurmad caalami ah.

Waxay na badeen waxay na bareen baa ka daran! Gaajadda, faqriga, umul raaca hooyooyinka, carruurta u sa-qiiraysa biyo la’aan iyo tallaal la’aan, jirrooyinka ka dhashay sunta lagu aasay Soomaaliya, dayaca iyo daryeel li’ida ka muuqda xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada, bur-burka ka muuqda kaabayaasha dhaqaala-ha sida waddooyinka, dekadaha, garroommada diyaaradaha iyo xarumaha muhiimka ah, waxaa ka daran dhaqanka xun ee dad-keennu aqbaleen. Waa dhaqan-ka, meeshii la ceebayn lahaa, laga fogaan lahaa, ummadda laga dhex sooci lahaa dadka ku dul nool dhiigga ummadda, dadka dalkii iyo dadkii iibsaday, kooxda aan waxba hanbayn, dadkii oo dhammi wanaag iyo qurux u arkeen.

Waa dhaqangaddoon, waayo, anigu waxaan u soo joogey seben, mana foga sebenkaasi, tuuggu uusan ku dhiirran in uu dadka dhex maro, iska daa in uu dhex fariisto ama la soo dhoweeyee. Maantana wax-aan joogaa seben qofka lagu qiimeeyo baaxadda hantida uu dhacay, culayska dhibta uu u geystey dadkiisa iyo dalkiisa; dhumucda ceebta iyo sumcad xumada uu dhabarka u saaray magaca ummaddiisa.

Malahayga, waxaa sax ah maah-maahda tiraahda, ul qalloocani hoos toosan ma yeelato.

Ninkii ballankaaga qaadayKa baaqday xilkaad u dhiibtayKa baydhay ujeedadaadaKu boobay adoo sabool ahKu wiirsaday baaba’aagaAdoo bogan waayey taadaNinkii u buseelay raaxoHuwaday bulbushii libaaxaBuruudkiyo shaashka qaatayU booday cirkaa dusheennaBilkeeday laboontidiisaBuurtuu koray waarin maysoHeddiisana baajin maysoKub iyo bawduu ka jabi

Hadraawi

Gaajadda, faqriga, umul raaca hooyooyinka, carruurta u saqiiraysa biyo la’aan iyo tallaal la’aan, jirrooyinka ka dhashay sunta lagu aasay Soomaaliya, dayaca iyo daryeel li’ida ka muuqda xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada.....

Saciid Cali Shire

waa qoraaga, cilmibaare iyo la-tali-ye. Buugaagta saciid qoray waxaa ka mid ah:

Furaha GanacsigaHoggaamiye iyoBangiyada Islaamka

Buugaagtaas waxaa laga dalban karaa:

t. 44 (0) 7838236171e. [email protected]

Page 5: Qalinkii: Saciid Cali Shire - WordPress.com...3 w. a hire ragoonaya gawaari qaali ah, ku raaxaysanaya hoteello qaali ah. Qofku maba aha midkii aad shalay taqaanney -faaanka, isla waynida,

w.www.buuh.net5

Saciid Cali Shire

Mustaqbalka naftaada, qoyskaaga, shirkaddaada iyo shaqadaaduba waxay, maanta, ku xiran yihiin heerka aqoontaada......

Saddexda buug ee Furaha Ganacsiga, Hoggaamiye iyo Bangiyada Islaamku waa saddex buug oo, idanka Eebbe, kuu fududaynaya sidaad u gaari lahayd hammigaaga, himilooyinkaaga iyo hiraalkaaga. Ka dalbo Buuh Publications:t. 44 (0) 7838236171e. [email protected] w. www.buuh.net