warbixinta maamulka maaliyadda 2018... · 2019-07-15 · xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax...

10
Guddiga Maamulka Maaliyadda Mey 2018 Warbixinta Maamulka Maaliyadda

Upload: others

Post on 18-Jan-2020

4 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Warbixinta Maamulka Maaliyadda 2018... · 2019-07-15 · Xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax soo gadidda ah ee cusub loo sameeyo si waafaqsan sharuudaha kumeel gaarka ah ee wax

Guddiga Maamulka MaaliyaddaMey 2018

Warbixinta Maamulka Maaliyadda

Page 2: Warbixinta Maamulka Maaliyadda 2018... · 2019-07-15 · Xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax soo gadidda ah ee cusub loo sameeyo si waafaqsan sharuudaha kumeel gaarka ah ee wax

Cover image: Money stacks. © Tristam Sparks

Design: DLD, [email protected]

Page 3: Warbixinta Maamulka Maaliyadda 2018... · 2019-07-15 · Xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax soo gadidda ah ee cusub loo sameeyo si waafaqsan sharuudaha kumeel gaarka ah ee wax

Guddiga Maamulka Maaliyadda (FGC) waxaa lagu hirgaliyay horraantii 2014 heshiis ay wada galeen Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), deeqbixiyeyaal iyo Hayadaha Maaliyadda ee Caalamiga ah (IFIs) si uu u bixiyo fagaare wada hadal iyo talo ku saabsan arimaha maamulka maaliyadda. Xubnaha FGC waxaa laga soo xulaa hayadaha Soomaalida iyo shiriigyada caalamiga ah. FGC waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Maaliyadda. Xubnaha kale ee FGC waxaa kujira Maamuleha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraatka Badda oo ciyaaraya meeqaamkiisa uu ku leeyahay Xogheynta Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, wakiilo ka socda Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Baarlammaanka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dawladda. FGC wuxuu leeyahay afar xubnood oo caalami ah oo u fariista sidii wafuud oo kale ayagoo matalaya Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF), Bangiga Aduunka1, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB)2 iyo shiriigyada deeqbixiyeyaasha3.

FGC waxaa la hirgaliyay kadib markii uu iscasilay Maamulihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Yusur Abraar, dabayaaqadii 2013, kadib markii ay yimaadeen walaacyo ku saabsan sida ay Dawladdu u maareysay hanti maqneyd oo lasoo helay iyo sidii uu ahaa qandaraas DFS ay la gashay shirkad arimaha sharciga ka shaqeysa oo Mareykan ah, si ay uga caawiso hannaanka soo celinta hantida. FGC waxay markii hore diiradda saartay Maamulka Bangiga Dhexe, soo celinta hanti maqan iyo wax u soo iibinta dawladda iyo heshiisyada tixgalinta gaarka ah leh. Ayadoo ka jawaabaysa baahi soo baxaysay ayaa FGC waxay intaas ka dib bilowday dusha kala socdo sida ay DFS ay u hirgalinayso isbadallada maareynta maaliyadda (PFM) marka laga hadlayo Barnaamijka Dusha Kala Socodka Shaqaalaha IMF (SMP). Waxay sidoo kale talo ka bixisaa arimaha gaarka ah ee maareynta maaliyadda ee saamaynta kuyeelata maamulka guud sida qarashka ay bixiso ama ku baxa waaxda ammaanka, maareynta dakhliga kasoo xarooda kheyraatka dabiiciga ah, badbaadinta hantida dadweynaha iyo maaliyadda federaalka.

Ilaa waqtigii si buuxda loo hirgashay Qodobka Wax Soo Iibinta, FGC waxaa DFS ay awood u siisay inuu dib u eegid kusameeyo kana talo baxsho dhammaan qandaraasyada iyo heshiisyada leh tixgalinta gaarka ah ee qiimehoodu ka sarreeyo shan milyan oo doolar ($5m)4. Wuxuu sidoo kale taageeraa shaqada Guddiga Qaran ee Wax Soo Iibinta ee Kumeel Gaarka ah (INPB), kaasoo ah guddi DFS ay awood usiisay inuu ansixiyo dhammaan heshiisyada leh tixgalinta gaarka ah iyo qandaraasyada qiimehoodu ka badan yahay $2m. Ogolaanshaha hadda ee FGC wuxuu ku eg’yahay dhammaadka Juun 2018. Dib usoo cusbooneysiintiisa waxaa ay ku imaaneysaa wada hadal dhexmara Dawladda imaan doonta iyo beesha caalamka.

1 Waxaa maalgalisa Qasnada Bangiga Aduunka ee Shiriigyada Badan. Qasnadu waxay leedahay deeqbixiyeyaal toban ah oo wax u uruursha –hadii aad dooneyso faahfaahin dheeraad ah eeg: http://somaliampf.org/development-partners

2 FGC waxaa uu sugayaa soo magacaabida wafdi cusub oo kasocda AfDB 3 Waxaa deeq bixiyeyaasha magacooda asagoo ku hadlaya maalgaliya Midowga Yurub 4 Eeg Lifaaqa1 si aad u aragto liiska dhammaan qandaraasyada DFS ee FGC uu dib u eegida ku sameeyay laga soo

bilaabo 2014

01

Guddiga Maamulka Maaliyadda Kusaabsan Guddiga Maamulka Maaliyadda

Kusaabsan Guddiga Maamulka Maaliyadda

Page 4: Warbixinta Maamulka Maaliyadda 2018... · 2019-07-15 · Xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax soo gadidda ah ee cusub loo sameeyo si waafaqsan sharuudaha kumeel gaarka ah ee wax

1 La dagaalanka amni darrada

4 Samaynta koboc

dhaqaale iyo shaqo abuur loo dhan yahay ka wada fa’iideysigiisa

2Dhisidda nidaam

macquul ah oo ah dawlad federal ah

5 Siinta muwaadiniinta

adeegyada lagama maarmaanka ah

3 Helidda maaliyad

waadha

6 U awood siinta

maalgalinta soo kabashada iyo horumarka mudada dheer

Maamul maaliyadeed oo wanaagsan wuxuu lagama-maarmaan u yahay hannaanka dhismaha Dawladda Soomaaliya. Soomaaliya waxaa ay hadda wajahaysaa caqabadaha soo socda ee aasaasiga ah ee ah dhanka dhismaha Dawladda:

Musuq-maasuq awood ka helay maamul xumo dhanka maaliyadda ah wuxuu aad hoos ugu dhigi karaa awoodda Dawladdu u leedahay inay wax ka qabato caqabadaha hortaagan Dhismaha Dawladda. Musuq dawladda, hadii loo arko inuu jiro iyo hadii uu dhab yahayba, wuxuu dib u xoojinayaa sinnaan la’aanta iyo xaq darrada Dawladda, wuxuu dhimaa awoodda dawladdu u leedahay inay qabato hawlaheeda ugu muhiimsan wuxuuna si xun u saameeyaa rabitaanka qeybaha saddexaad (deeqbixiyeyaasha iwm) ay kula shaqeynayaan Dawladda. Taas waxaa kasoo horjeeda, maamul maaliyadeed oo wanaagsan waxaa la filayaa inuu gacan ka geysto dib u xoojinta sharcinimada Dawladda, inuu awood siiyo samaynta nidaam dawladeed oo federal ah oo macquul ah, inuu sare u qaado xasilloonida, inuu albaabada u furo deymaha oo la dhimo iyo inuu awood siiyo helitaanka qulqul maaliyadeed (macnaha in la helo lacago wax lagu qabto markii loo baahdo) taasoo u wanaagsan dib u dhiska dalka.

02

Warbixinta Maamulka MaaliyaddaMey 2018

Soo Koobidda Guud

Soo Koobidda Guud

Page 5: Warbixinta Maamulka Maaliyadda 2018... · 2019-07-15 · Xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax soo gadidda ah ee cusub loo sameeyo si waafaqsan sharuudaha kumeel gaarka ah ee wax

Lawareegidda maamulka Dawladda Federaalka ah ku jiray Maarso 2017 waxuu abuuray hakad waqti hore ah oo ku yimid isbadallada maamulka maaliyadda, inta ka qeyb galeyaasha cusubi ay baranayaan arimaha ayna go’aaminayaan iyo waxyaabaha ay ahmiyadda siinayaan. Maamulka cusub waa in lagu mahadiyo hawlkarnimadiisa xooggan ee uu ku hirgalinaayo siyaasadaha iyo isbaddalada asagoo hoos imaanaya Barnaamijka Dusha Kala Socodka Shaqaalaha IMF (SMP), kuwaasoo uu kala wareegay maamulkii hore, iyo horumarka uu ka gaaray hiigsashada yoolashiisa.

Lawareegidda ku jira maamulka wuxuu abuuray fursado dib loogu eego caqabado dhanka maareynta maaliyadda oo dhowr ah, ayadoo la adeegsanayo muraayado cusub. Maamulka cusub ayaa gaaray go’aan waqti hore, si uu dib ugu eego dhammaan qandaraasyada Dawladda ee jira, asagoo doonaya inuu dib wada-

4Xoojinta aaminaadda lagu qabo wax usoo iibinta dawladda iyo heshiisyada leh tixgalinta gaarka ah

FGC-kii 2017 wuxuu tilmaamay todoba caqabadood oo istaraatiiji ah oo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) ay u baahan tahay inay wax ka qabato si ay u xoojiso maamulka maaliyadda:

5Xoojinta maareynta qarashka baxaya

1Isku-raacidda hab macquul ah oo ku saabsan federaalnimada maaliyadda

6Horumarinta waaxda maaliyadda

2U maareynta kheyraatka dabiiciga ah si hufan oo siman

7Kordhinta helitaanka maalgalinta dibadda ka timaadda

3Dakhli in laga dhex abuuro dalka gudihiisa

03

Guddiga Maamulka Maaliyadda Soo Koobidda Guud

Page 6: Warbixinta Maamulka Maaliyadda 2018... · 2019-07-15 · Xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax soo gadidda ah ee cusub loo sameeyo si waafaqsan sharuudaha kumeel gaarka ah ee wax

xaajood uga galo ama uu u joojiyo hadba sidii munaasab ah. Sidoo kale ayaa waxaa uu xoojiyay wadahadalka u dhexeeya Dawladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya (FMS) kaasoo ku saabsan federaalnimada. Sidaasi oo kale, sharcinimada siyaasadeed ee kumeelgaarku siiyay maamulka cusub waxay awood u siisay inuu abuuro awood ka dambeysa ajendeha sharciga ah ee DFS iyo in lala xiriiro canshuur bixiyeyaasha.

Guulo la taaban karo oo la gaaray sanadkii na soo dhaafey ayaa waxaa ka mid ah: meelmarinta Sharciga Qaran ee Isgaarsiinta, kaasoo wadada u xaaraya in la xadeeyo qeybtaas iyo in canshuuro laga qaado hawlaha isgaarsiinta; heshiis dhexmaray Dawladda Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada kaasoo ku saabsan hannaanka kumeel gaarka ah ee loogu talogalay kalluumeysiga ruqso (shati) siintiisa; heshiis ku saabsan sidii loo qaadi lahaa canshuuro isku mid ah oo laga qaadayo badeecooyin gaar ah Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleedyo intaba; dib u eegidda iyo joojintii ku xigtay ee dhowr heshiis oo tixgalin gaar ah leh oo lala galay dhaqaalaha sida gaarka ah loo leeyahay looguna talo galay soo uruurinta dakhliyo aanan canshuur ahayn, kadib markii laga fakaray inay ka baaqsadeen inay bixiyaan wax u qalma lacag; ballaarinta canshuurta federaalka inta ay dhan tahay ayadoo lagu ballaarinayo canshuurta waxyaabaha la iibinaayo; iyo, in la sameeyo diiwaan galinta baayometerigga ah (aqoonsi la galiyo faraha) ee ilaa 5,000 oo askari oo ka tirsan Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA), taasoo hordhac u ah sidii mushaarkooda toos loogu soo shubi lahaa bangi.

Qaar ka tirsan arimaha maamulka maaliyadda ayaa awooddoodu daciiftay intii lagu jiray kumeel gaarka. Horumar yar ayaa laga gaaray horumarinta awoodda wax usoo gadida dawladda iyo hirgalinta xaalado loogu talo galay si wax ku ool ah in loo hirgasho Qodobkii Wax Soo Iibinta ee 2016. Waxaa jiray hakad ah dhanka hirgalinta tillaabooyinkii wax soo iibinta ee kumeel gaarka ahaa si loo hago wax u soo iibinta dawladda ilaa laga gaaro waqtiga sida wax ku oolka ah oo buuxda uu ushaqeynaayo Qodobka Wax Soo Iibinta. Sidoo kale waqti ayaa ay qaadatay in badbaadinta hantida dawladdu ay hesho dareen ballaaran waxaana jira waxyaabo badan oo ubaahan in la qabto si arinkaasi looga dhigo mid nool.

Horumarka kuwajahan maamul maaliyadeed oo intii hore ka xooggan mar walba maahan mid isku toosan. Joojintii aan caadiga ahayn iyo dib ubixintii qandaraaska uu taliyaha SNA ku sameeyay qandaraaskii raashinka SNA, Abriil 2017 waxay ahayd dib u dhac weyn oo ku yimid sharuudahii maamulka cusub. Wasaaradda Maaliyaddu waxay intaasi kadib samaysay dib u eegid dhanka sharciga ah taasoo go’aamisay in joojinta iyo dib ubixinta qandaraasku uu ahaa mid khalad ah, oo Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada ayaa go’aan ku gaaray in qandaraaska dib loo soo dhajiyo. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ayaanan wali la hirgalin. Mid ka mid

04

Warbixinta Maamulka MaaliyaddaMey 2018

Soo Koobidda Guud

Page 7: Warbixinta Maamulka Maaliyadda 2018... · 2019-07-15 · Xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax soo gadidda ah ee cusub loo sameeyo si waafaqsan sharuudaha kumeel gaarka ah ee wax

ah imtixaanada waaweynaa ee maamulka maaliyadda ee 2018 wuxuu ahaanayaa ilaa xad inta Dawladda Federaalka ah ay u keeni kadho kala dambeyn intii hore ka badan iyo hufnaan waaxda ammaanka iyo bixinta kharashaadka.

Intaasi si ka ballaaran, inkastoo ay jiraan dhiiranaan siyaasadeed oo heer sare ah oo lagu xoojinaayo qandaraasyada Dawladda iyo meelmarintii Qodobkii Wax Soo Iibinta ee 2016, awoodda wax soo iibinta iyo fahamka hannaanka jira ee wax soo iibinta waxay yihiin kuwo xadidan qeybaha Dawladda oo dhan. Guud ahaan, dejinta qaab shaqo oo sharci iyo hirgalinta siyaasado munaasab ah waxaa ay ka dhigan tahay tillaabooyin hore oo ku wajahan xoojinta maamul maaliyadeed oo intii hore ka xooggan. Hirgalin wax ku ool ah ayaa loo baahan yahay si qaababkaasi shaqo iyo siyaasadahaasi ugu guuleystaan ujeedkooda loo qasday.

Inkastoo heerka wadahadalka u dhexeeya Dawladda Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada federaalka qeybta ka ah ee kusaabsan federaalnimada uu yahay mid wax dhiirigalinaaya, awoodda siyaasadeed ee haatan jirta ee ku wajahan gaaridda heshiis guud oo kusaabsan wadaagidda dakhliga DFS iyo Dawlad Goboleedyada waxay u baahan tahay xoojin farsamo oo wanaagsan. Mabaadii heer sare ah oo kusaabsan dakhli wadaagid waa in la isku raaco ka hor inta aanan laga baaraandagin boqolkiiba inta saamiyadu (sheerarku) noqonayaan.

DFS tobanka ahmiyadood ee ugu waaweyn 2018 waxay diirada saarayaan tillaabooyin mudo gaaban oo awood usiin doona Dawladda Federaalka ah inay taageerto ajandeheeda dhismaha dawladda ayna taageerto dhiiranaanteeda sii socota ee lagu dhimaayo xaddiga maareyn xumada dhaqaalaha dawladda. Hirgalintooda wax ku oolka ah waxaa ay qeyb ka ahaan doontaa dhiiranaanta siyaasadeed ee heerka ugu sarreeya; awoodda Dawladda Federaalka ah oo sii siyaadeysa si nidaam wax ku ool ah loogala shaqeeyo Dawlad Goboleedyada ajendeha la isku raacay ee maamulka maaliyadda; isku xir intii hore ka badan oo u dhexeeya hayadaha dawliga ah ee federaalka; sii socodka isbadalka dhaqan ee lagu badalaayo dhaqamadii halka meel ay go’aan ka gaaraysay qandaraaska; iyo la shaqaynta bulshada ganacsatada ah. Arimaha maamulka maaliyadda waa in sidoo kale meeqaam wadahadal oo gaar ah ay kulahaadaan wadahadallada dastuurka ee socda ee diiradda lagu saarayo federaalnimada maaliyadda iyo wadaagidda dhaqaalaha.

05

Guddiga Maamulka Maaliyadda Soo Koobidda Guud

Page 8: Warbixinta Maamulka Maaliyadda 2018... · 2019-07-15 · Xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax soo gadidda ah ee cusub loo sameeyo si waafaqsan sharuudaha kumeel gaarka ah ee wax

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

Tobanka ahmiyadood ee ugu sarreeya Maamulka Maaliyadda sanadka soo socda

Dhammaystirka diiwaan galinta iyo koontooyinkooda bangi in loogu shubo mushaaraatka dhammaan ciidamada ammaanka, oo ay ku jirto lacag loogu talo galay in lagu soo gado raashin fareesh ah (‘iidaan’)

In dib loogu soo dhajiyo qandaraasyadii raashinka ee SNA iyo waaxda Xabsiyada si waafaqsan sharuudaha wax soo iibinta iyo hirgalinta qaab xooggan oo lagu xaqiijiyo keenitaanka raashinka

In dib looga wada xaajoodo heshiisyadii Dekedda (Al Bayrak) iyo Garoonka Diyaaradaha (Favori), xalna laga gaaro qandaraasyada kale ee soo haray ee maamulo hore laga dhaxlay (Baska Garoonka Diyaaradaha ee Sahel, Dekedda Qalalan ee Simatech (Simatech Dry Port), Baasaboorada, Fiiseyaasha)

Xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax soo gadidda ah ee cusub loo sameeyo si waafaqsan sharuudaha kumeel gaarka ah ee wax soo iibinta

In la galo heshiis u dhexeeya DFS iyo Dawlad Goboleedyada kaasoo ku saabsan mabaadii’da taageeridda wadaagidda dakhliga

Casriyeynta qaabka shaqo ee sharciga iyo maamulka ee loogu talo galay dhakhliga berriga (dhulka) ayadoo lala tashanaayo Dawlad Goboleedyada iyo ganacsatada

In lagula heshiiyo Dawlad Goboleedyada Qorshe Furdo Casriyeyn ah (canshuurqaad custom) kaasoo uu ku jiro geedi socod loogu talogalay isbaddalka qidmad (tariff) ku fadhisan tirada iyo tayada abeecadda

Dhisidda sootabin (soo gudbin) aasaasi ah oo kusaabsan ka faa’iideysiga ugudbinta iyo in la isku raaco ejeeddo aas-aas ee qoondaynta ugudbinta dhowlad Goboleedyada iyo Banaadir

In la dajiyo liis buuxa oo ah hantida Dawladda Federaalka ah iyo in la bilaabo in dib u eegid lagu sameeyo dhammaan heshiisyada kireynta hantida dawladda iyo wixii la fogeeyay (oo agab laga baxay ah) laga soo bilaabo 2012

Hirgalinta wajiga hore ee isbaddalka lacagta dalka lagu samaynayo

06

Warbixinta Maamulka MaaliyaddaMey 2018

Soo Koobidda Guud

Page 9: Warbixinta Maamulka Maaliyadda 2018... · 2019-07-15 · Xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax soo gadidda ah ee cusub loo sameeyo si waafaqsan sharuudaha kumeel gaarka ah ee wax
Page 10: Warbixinta Maamulka Maaliyadda 2018... · 2019-07-15 · Xaqiijinta dhamman in qandaraasyada wax soo gadidda ah ee cusub loo sameeyo si waafaqsan sharuudaha kumeel gaarka ah ee wax

Warbixinta Maamulka MaaliyaddaGuddiga Maamulka MaaliyaddaMey 2018