wargayska ummadda 11-aad

8
Wargayka UMAMADDA Waa Wargays Madax banaan oo Kasoo Baxa Bosaso & Garowe TELL:090-7724437,EMAIL:[email protected], UMMADDA WAA WARGAYS TODOBAADLE,MADAXBANAAN OO KASOO BAXA GAROWE & BOOSAASO,PUNTLAND WARGAYSKA: Cadadkii 11-aad / Sanadka 1-aad / Sabti 15 Augt 2015 / Qiimaha 6,000 SSH Qoraaga Runta iyo Saxidda qaladka: waa hal kudhigga wargayska UMAMADDA ‘‘Waxaan ku Dadaalaynaa in Boosaaso Hesho Biyo ku filan’’Maarayaha guud ee Gumco. Maasha Allah:- Ari boowe waxaan maqli jiray Ra’iisul Wasaaraa la ridayaa,Mooshin baa laga keenay iyo Madaxweynahaa ka dambeeya,sow tan arrinkii dhinaca kale isu rogay Madaxweyne Xas- san Sheekh laftigiisi Qiil qiil kuma jiro,Xildhibaano Carooday oo Cu- durkii fahmay udaa. WAR DE BELO; Adeer ilayn War ma haysid miyaadan ogayn Xildhibaanada in waayadan ay Baddu ku kacsanayd oo meesha Shaah la’aan ka dhacday,ha sugi waayin in Odayga Xassan Sheekh ah uu Khasnada 2016-ka uu gacanta galiyo,oo inta uu ka wada qosliyo ay Guryahooda aadan. G obolka Mudug ayaa ah Gobol ku yaala Xuduud,waana meel xaalad dhib badan ay ka jirto,marka la barbardhigo Gobo- lada kale ee Puntland. (Eeg Bogga 3-aad) Laascaanood ma dhul ka tirsan Puntland,Mise magaalo Ol’ole Doorasho lagu galo! Dawladda Puntland oo markii ugu horaysay Hab Sharci ah u martay Kiis u dhexeeya Saxaafadda iyo Dawladda. H adalhaynta degmada Laascaanood iyo xu- suusteedu waxay timaada marka Ol’ole doorasho Madaxnimo ay timaado Puntland,waxaana soo ifbaxa Musharixiin bul- shada u sheega inay yihiin kuwii Dib-u-midayn la- haa Dhulka Puntland,kuna guulaysan lahaa dib uso celinta Laascaanood. Sanadkii 2007-dii ayay ahayd markii Maamulka Soomaaliland uu Puntland ka qabsaday degmada Laascaanood ee Gobolka Sool,waxaana Laascaa- nood ay gacanta Puntland ka maqan tahay muddo dhan Sideed sano. Puntland waxaa Madaxw- eyne ka ahaa Maxamuud Muuse Xirsi Cade xilliga ay Soomaaliland la wa- reegtay gacan ku haynta Laascaanood,waxaana Dawladdii Cade Muuse ay dhacday iyada oo laba sano ay gacanteeda ka maqan tahay degmada Laascaanood. (Eeg Bogga 2-aad) Sheeko Taxane ah:- Hadii Dhurwaa Xaakim laga dhigto Ari Xaq maleh . Bogga 5-aad Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo ka mid ahaa Saxaabada Rasuulka SCW (Eeg Bogga 6-aad) Wararkii Cayaaraha Caalamka (Eeg Bogga 7-aad) Xubinta Baro Dastuurka Dowladda Puntland (Eeg Bogga 3-aad) Mooshinka Baarlamanka Soomaaliya iyo Murugada Madaxweyne Xassan. X ildhibaano ka tiran Go- laha Baarlamanka Soomaaliya ayaa Guddoonka Baarla- manka 12/8/2015 u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxwey- naha Dawladda Fed- eraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Max- amuud. (Eeg Bogga 2-aad) Safarka Madaxwayne Gaas ee Mudug iyo Muranka Xuduudaha. D awladda Puntland ayaa lagu amaanay in markii ugu horaysay ay Waddo sharci ah u martay Kiis u dhex- eeyay Dawladda iyo bahda Saxaafadda,ka dib markii Dawladda Puntland dacwad ay ka qabtay War ay siidaysay Idaacadda Sahan ee Garowe ay u gudbisay Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobolka Nugaal. Sandihii la soo dhaafay. (Eeg Bogga 5-aad) M agaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ku nool dad aad u badan,waxaana waxyaabaha Aasaasiga ah ee bul- shadu ay u baahan tahay ka mid ah Biyaha. (Eeeg Bogga 4-aad) Xaggee maanta la geeyaa qofka ay Tiibiidu ku dhacdo? Q/2-aad (Eeg Bogga 6-aad) Sicirka Suuqa iyo Sarifka Lacagaha qalaad. (Eeg Bogga 3-aad) Musharaxa Duqa Degmadda Boosaaso Cumar Cabdullaahi Cismaan. (Eeg Bogga 4-aad) Ogeysiis Muhiim ah. Eeg Booga 4-aad

Upload: ahmed

Post on 15-Dec-2015

166 views

Category:

Documents


0 download

DESCRIPTION

Wargayska Ummadda Cadadkii 11-naad

TRANSCRIPT

Page 1: Wargayska Ummadda 11-Aad

Wargayka UMAMADDA Waa Wargays Madax banaan oo Kasoo Baxa Bosaso & Garowe TELL:090-7724437,EMAIL:[email protected],

UMMADDAWaa Wargays Todobaadle,Madaxbanaan oo kasoo baxa garoWe & boosaaso,PunTland

WARGAYSKA:

Cadadkii 11-aad / Sanadka 1-aad / Sabti 15 Augt 2015 / Qiimaha 6,000 SSH

Qoraaga Runta iyo Saxidda qaladka:waa hal kudhigga

wargayska

UMAMADDA

‘‘Waxaan ku Dadaalaynaa in Boosaaso Hesho Biyo ku filan’’Maarayaha guud ee Gumco.

Maasha Allah:-Ari boowe waxaan maqli jiray Ra’iisul Wasaaraa la ridayaa,Mooshin baa laga keenay iyo Madaxweynahaa ka dambeeya,sow tan arrinkii dhinaca kale isu rogay Madaxweyne Xas-san Sheekh laftigiisi Qiil qiil kuma jiro,Xildhibaano Carooday oo Cu-durkii fahmay udaa.

WAR DE BELO;Adeer ilayn War ma haysid miyaadan ogayn Xildhibaanada in waayadan ay Baddu ku kacsanayd oo meesha Shaah la’aan ka dhacday,ha sugi waayin in Odayga Xassan Sheekh ah uu Khasnada 2016-ka uu gacanta galiyo,oo inta uu ka wada qosliyo ay Guryahooda aadan.

Gobolka Mudug ayaa ah Gobol ku yaala Xuduud,waana

meel xaalad dhib badan ay ka jirto,marka la barbardhigo Gobo-lada kale ee Puntland.

(Eeg Bogga 3-aad)

Laascaanood ma dhul ka tirsan Puntland,Mise magaalo Ol’ole Doorasho lagu galo!

Dawladda Puntland oo markii ugu horaysay Hab Sharci ah u martay Kiis u dhexeeya Saxaafadda

iyo Dawladda.

Hadalhaynta degmada Laascaanood iyo xu-

suusteedu waxay timaada marka Ol’ole doorasho Madaxnimo ay timaado Puntland,waxaana soo ifbaxa Musharixiin bul-shada u sheega inay yihiin kuwii Dib-u-midayn la-haa Dhulka Puntland,kuna guulaysan lahaa dib uso celinta Laascaanood.

Sanadkii 2007-dii ayay ahayd markii Maamulka Soomaaliland uu Puntland ka qabsaday degmada Laascaanood ee Gobolka Sool,waxaana Laascaa-nood ay gacanta Puntland ka maqan tahay muddo dhan Sideed sano.Puntland waxaa Madaxw-eyne ka ahaa Maxamuud Muuse Xirsi Cade xilliga

ay Soomaaliland la wa-reegtay gacan ku haynta Laascaanood,waxaana Dawladdii Cade Muuse ay dhacday iyada oo laba sano ay gacanteeda ka maqan tahay degmada Laascaanood.

(Eeg Bogga 2-aad)

Sheeko Taxane ah:- Hadii Dhurwaa Xaakim laga dhigto Ari Xaq maleh. Bogga 5-aad

Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo ka mid ahaa Saxaabada

Rasuulka SCW(Eeg Bogga 6-aad)

Wararkii Cayaaraha Caalamka (Eeg Bogga 7-aad)

Xubinta Baro Dastuurka Dowladda Puntland (Eeg Bogga 3-aad)

Mooshinka Baarlamanka Soomaaliya iyo Murugada Madaxweyne Xassan.

Xi l d h i b a a n o ka tiran Go-

laha Baarlamanka Soomaaliya ayaa Guddoonka Baarla-manka 12/8/2015 u gudbiyay Mooshin ka

dhan ah Madaxwey-naha Dawladda Fed-eraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Max-amuud.

(Eeg Bogga 2-aad)

Safarka Madaxwayne Gaas ee Mudug iyo Muranka Xuduudaha.

Dawladda Puntland ayaa lagu amaanay

in markii ugu horaysay ay Waddo sharci ah u martay Kiis u dhex-eeyay Dawladda iyo bahda Saxaafadda,ka dib markii Dawladda Puntland dacwad ay ka

qabtay War ay siidaysay Idaacadda Sahan ee Garowe ay u gudbisay Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobolka Nugaal.Sandihii la soo dhaafay.

(Eeg Bogga 5-aad)

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ku

nool dad aad u badan,waxaana waxyaabaha Aasaasiga ah ee bul-shadu ay u baahan tahay ka mid ah Biyaha.

(Eeeg Bogga 4-aad)

Xaggee maanta la geeyaa qofka ay

Tiibiidu ku dhacdo?Q/2-aad

(Eeg Bogga 6-aad)

Sicirka Suuqa iyo Sarifka Lacagaha

qalaad.(Eeg Bogga 3-aad)

Musharaxa Duqa Degmadda Boosaaso Cumar Cabdullaahi

Cismaan.

(Eeg Bogga 4-aad)

Ogeysiis Muhiim ah.

Eeg Booga 4-aad

Page 2: Wargayska Ummadda 11-Aad

2 Wargayska UMMADDA Sabti Augt 2015Laascaanood ma dhul ka tirsan

Puntland,Mise magaalo Ol’ole Doo-rasho lagu galo!

Hadalhaynta degmada Laas-caanood iyo xusuusteedu

waxay timaada marka Ol’ole doo-rasho Madaxnimo ay timaado Puntland,waxaana soo ifbaxa Mush-arixiin bulshada u sheega inay yihiin kuwii Dib-u-midayn lahaa Dhulka Puntland,kuna guulaysan lahaa dib uso celinta Laascaanood.Sanadkii 2007-dii ayay ahayd markii Maamulka Soomaaliland uu Puntland ka qabsaday degmada Laascaanood ee Gobolka Sool,waxaana Laascaa-nood ay gacanta Puntland ka maqan tahay muddo dhan Sideed sano.Puntland waxaa Madaxweyne ka ahaa Maxamuud Muuse Xirsi Cade xilliga ay Soomaaliland la wareegtay gacan ku haynta Laascaanood,waxaana Dawladdii Cade Muuse ay dhacday iyada oo laba sano ay gacanteeda ka maqan tahay degmada Laascaa-nood.Sanadkii 2009 intii uu socday Ol’olihii Doorashadda Madaxnimada Punt-land ayaa Musharixiinta Puntland ee waqtigaas ay khudbadahooda Baal wayn kaga qoreen inay ka go’an tahay Dib-u-so celinta Laascaanood.Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa ka mid ahaa Musharixiintii Madaxweyne Cade Muuse ku dhaliilay inuu ga-canta ka bixiyay Dhul ka tirsan Puntland,wuxuuna Farole uu ba-lan qaaday inuu soo celin doo-no magaalada Laascaanood,hasa yeeshe Madaxweyne Farole kuma guulaysan inuu fuliyo balantii uu qaaday,waxaana waqtiga xilhayn-tiisa ay dhamaatay iyada oo gacanta Puntland ay ka maqan tahay degma-da Laascaanood.5-sano oo uu Xukunka hayay Dr. Farole marna dadka reer Puntland kuma riyoon in Dawladiisu ay Dib-u-so celinayso dhulka ka maqan ga-canta Dawladda,sabab kasta hala-haate.Ol’olihii doorashadda Madaxn-imada ee sanadka 2014-ka.Ol’olihii doorashadda ee saandkii 2014-ka waxaa mar kale ay Mush-arixintu bulshada soo xasuusiyeen Laascaanood,waxaana Musharax kasta uu sidii hore si la mid ah ba-lanqaaday inuu dib u Midayn doono Dhulka Puntland.Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ka mid ahaa Musharixiinta sida wayn Madaxweynihii hore ee Puntland Farole ugu dhaliilay inuu ku guulda-raystay soo celinta Laascaanood.Khudbadii Madaxweyne Gaas uu jeediyay sanadkii 2014-ka ee uu uga hadlay Laascaanood ayaa wuxuu ku sheegay in Laascanood aan Faataxo lagu qabsan,isla markaana aan lagu soo celin Karin Faataxo,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa’’…..Walaa-layaal dhulka maqan waa boog ku taal Puntland waa dhaawac ku yaal qof kasta oo Puntland ku nool ,beel beel kama qabsan ee maamulbaa maamul ka qabsaday,dhulku beel gaar ah kama maqna,faataxo lagu-ma qabsan,faataxana kusoo laaban maayo,wixii siyaasad ku salaysan siyaasad baan ku maaraynaynaa wixii xoog looga maarmi waayana waxaa lagama maarmaan ah Punt-land inay fuliso waajibkii loo ig-maday ee dastuuriga ahaa,waxaa dadka Sool,Sanaag iyo Cayn lagu

hoday haykal dowladnimo, Puntland waxay ku fashilantay waajibaadkee-dii dastuuriga ahaa,waajibaadkeeda koowaad ee dowladnimadda Puntland waa inay difaacdaa nafta,maalka iyo sharafta muwaadinka Puntland,Dib usoo celinta dalka maqan waxaa lagu maaraynayaa talo guud si ma-suuliyadeeda loo wada qaato cid gaar ahna aan lagu halayn’’.Muddo ku dhow laba sano mar-na la isma waydiin arrimaha Laascaanood,waxaana hadalhayn-teeda iyo Xusuusteedu ay hartay markii uu dhamaaday Ol’olihii doora-shadda ee socday.Dastuurka Puntland.Dastuurka Dawladda Puntland ayaa waxaa ku qoran in Laascaanood ay ka mid tahay Dhulka Puntland,isla markaana wuxuu Dastuurku qeex-ayaa innaan lagu Xadgudbi Karin dhulka Puntland.Qodobka 7-aad ee Dasuur-ka Puntland.-Dhulka iyo Soohdimaha.1-Dhulka Puntland wuxuu ka kooban yahay Gobolada Bari,Nugaal,Sool,Cayn,Karkaar,Mudug,Sanaag iyo Hay-land.2-Midnimada dhulka Puntland waa lama taabtaan,laguma xadgudbi karo,lamana kala qaybin karo.Qodobada sare ee Dastuurka ayaa muujinaya in waajib saaran ay tahay Dawladda inay illaaliso,ayna difaac-do dhulka Puntland,isla markaana ay ka jawaabto Xadgudubka lagu sa-meeyo dhulkeeda.Guddoomiyaha Baarmanka Daw-ladda Puntland Siciid Xassan Shire oo Wargeyska Ummadda uu wax ka waydiiyay arrimaha Laascaanood ayaa sheegay in arrintu ay tahay ar-rin u taal Dawladda Puntland,uuna filayo inay wax ka qabato.Bulshadda reer Puntland ayaa qaba in qayb ka mid ah Aasaasayaashii Puntland ay maqan tahay,sidaa dar-teedna aysan Puntland dhamaystir-nayn.Dawladda Puntland ee iminka talada haysa ayaa looga fadhiyaa inay ka jawaabto dareenka shacabka,ayna illaaliso Dastuurka,isla markaana ay dib uso celiso dhulka maqan,xilli Madaxweynuhu uu horay u balan qa-aday inuu dib uso celinayo dhulka ka maqan gacanta Dawladda.Siyaasiyiinta Sool iyo Cayn.Siyaasiyiinta Gobolada Sool iyo Cayn ayaa qayb ka ah maqnaanshaha Laacaanood,iyagoo aan isku aragti ka ahayn arrimaha Laascaanood iyo Masiirka guud ee Gobolada Sool iyo Cayn.Waxaa jira Siyaasiyiin kaso jeeda Sool iyo Cayn,kuwaas oo kala tirsan Puntland iyo Soomaaliland.Waxaan tusaale fudud uso qaadan karanaa Saleebaan Ciise Axmed Xa-gla toosiye oo mar ahaa Musharax Puntland ah sanadkii 2009,hadana ah Wasiir ka tirsan Soomaaliland.Sido kale Maxamed Cabdi Xaabsade ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta Sool iyo Cayn ee xilalka Wasiir kaso qabtay Puntland iyo Soomaaliland,waxaa kale oo jiraa Hogaamye dhaqameed-ka Sool iyo Cayn oo iyana ku kala qaybsan arrimaha Sool iyo Cayn.Inkasta oo kala qaybsanaanta aan kor ku xusnay ay jirto,hadana ar-rintaasi meesha marna kama saa-rayso waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Dawladda Puntland inay fuliso si dib loogu helo dhulka ka maqan gacanta Puntland.

Mooshinka Baarlamanka Soomaa-liya iyo Murugada Madaxweyne

Xassan.

Xildhibaano ka tiran Golaha Baar-lamanka Soomaaliya ayaa Gud-

doonka Baarlamanka 12/8/2015 u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dawladda Federaal-ka Soomaaliya Xassan Sheekh Max-amuud.Mudanayaasha Baarlamanka ee gud-biyay Mooshinka ayaa tiradoodu ay gaaraysaa 115 Xildhibaan,taasi oo ka badan Kooramka loo ogol yahay inay Mooshinka gudbiyaan,waxaa Sharcigu ogol yahay Xildhibaanada Mooshinka gudbin kara ay yihiin 92 Xildhibaan,arrintan ayaa ka dhigan in Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne Xassan Sheekh uu he-lay in ka badan Kooramka uu u baah-naa.Xildhibaanada Mooshinka keenay ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh ku Eedeynaya inuu ku fashilmay hawli-hii loo igmaday,isla markaana uu ku kacay khayaamo Qaran.Mooshinka ayaa bilowday ka dib markii 29/7/2015 ay Madaxda Fed-eraalku sheegen in dalka aysan doo-rasho ka dhici Karin,hasa yeeshe illaa iyo hadda lama yaqaan cida gadaal ka taagan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya.Inkasta oo Mooshin kan dhigiisa ah ay hadda ka hor Xildhibaana-du sidan oo kale Madaxweynaha uga keenen,hadana wuxuu ku dhamaaday fashil,waxaana dadka u dhuundaloolay Mooshinkaa ay sheegaan in Madaxweynuhu uu fur-furida Xildhibaanada u adeegsaday lacago.Xildhibaanada oo la hadlay Sax-aafada ayaa sheegay in Ol’olaha Mooshinka ay soo wadeen muddooy-inkii ugu dambeeyay,uuna ku dhow yahay inuu guulaysto.“Mooshinkan wax badan laga soo shaqeynayay, lix bilood ayaa waxaa wadnay wada tashi Baarlamaanka gudihiisa ah iyo xubnaha kala duwan ee bulshada, waxaa isla garanay in-aan la sixi karin Madaxtooyada waxa ka socda, muddo saddex sano isku daynay, waxaa isla garanay in la kee-no Mooshin lagu xayuubiyo awooda Madaxweynaha”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh oo la hadlay Idaacadda BBC-da.Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa shee-gay inay hayaan cadaymo badan oo muujinaya in Madaxweynuhu uu ku Xadgudbay Dastuurka dalka,uuna ku dhaqaaqay Musuqmaasuq iyo far-agalin uu ku sameeyay Hay’adaha Dawladda.“Cadeymo badan ayaa u heynaa

oo uu Madaxweynuhu ku xadgud-bay sida dastuurka ama xuquuqda aas aasiga bani’aadanimo, inay ku dhaqaaqeen musuq maasuq in fara gelin lagu sameeyo hey’adaha dastu-urka ee loo baahnaa inay ka madax banaanaadaan, sida xukuumadda iyo garsoorka, awoodii fulinta ayay Madaxtooyada qaadatay”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.Mooshinka laga gudbiyay Madaxw-eyne Xassan Sheekh ayaa ka koo-ban sagaal Bog oo ay ku qoran yihiin Eedeymo waawayn oo loo jeediyay Maadxweynaha Soomaaliya.Maadxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay Mooshinka ayaa sheegay in-aysan waqtigan ku haboonayn in Mooshin laga keeno,xilli buu yiri ay Dawladdu hawlo muhiim ah hayso. ‘’Markii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay talada qabatey san-nadkii 2012-ka, gacanta dowladda waxaa ku jirey degaanno kooban, haatanna waxaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xoogagga AMISOM ay ku guda jiraan soo dhicinta goobaha yar ee weli ay ku harsan yihiin kooxda Al Shabaab. Baarlamanka iyo laamaha kale ee dastuuriga waxay qabteen hawlo badan oo la taaban karo, guulaha la gaareyna waxaa sal u ah wadajirka iyo wadashaqeynta hay’adahaasi. Waqtiga inoo harey aad buu u koo-ban yahay, waxaana baarlamanka iyo xukuumadda horyaalla hawlo muhiim u ah meel marinta Hiigsiga 2016. Waqtigaasi yar ee aan hay-sano kuma filna inaan isqabqabsi iyo waxyaabo aan dan u ahayn shacabka ku mashquulno’’ ayuu yiri Madaxw-eynaha.Magaalada Muqidsho ayaa waxaa ka socda Ol’ole laba dhinac ah oo iska soo horjeeda.Xog uu helay Wargeyska Ummad-da ayaa sheegaya in Rag ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya ay dur-ba bilaabay Ol’ole ay ku fashilinayaan Mooshinka,kuwaas oo adeegsanaya Lacag iyo balanqaadyo Jagooyin.Dhinaca kalena Xildhibaanada Mooshinka hogaaminaya ayaa iyana wada Ol’ole ay ku doon-ayaan in Mooshinkoodu uu ku guulaysto,waxaana socda dadaalo iska soo horjeeda.Dad badan ayaa iswaydiina-ya Mooshinku ma noqon doona dhamaadka kursiga Madaxweyne Xassan Sheekh,mise wuxuu noqon doona mid fashulo ku dhamaada sida kuwii ka horeeyay?.

Page 3: Wargayska Ummadda 11-Aad

3Wargayska UMMADDASabti 15 Augt 2015

Safarka Madaxwayne Gaas ee Mudug iyo Muranka Xuduudaha.

Gobolka Mudug ayaa ah Gobol ku yaala Xuduud,waana meel

xaalad dhib badan ay ka jirto,marka la barbardhigo Gobolada kale ee Puntland.

Dawlad kasta oo jirta waxaa soo foodsaara Caqabado kala duwan haddii ay ahaan lahayd burbur dhaqaale,amni daro,shaqo la’aan baahsan,waxana Madaxda Daw-laddu ay raadiyaan xalka Caqabada iyaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa lagu amaani karaa in Daw-ladiisu ay guul wayn ka gaartay ar-rimaha amniga,waxaana ay xal u he-shay in la qaado Isbaarooyin badan oo yaalay wadada isku xirta Gaalka-cyo iyo Buntinle,waxaa la isu ceshay Gawaari ay kala haysteen bulshadda Mudug,halka amaanka Gobolka uu noqday mid la isku halayn karo.

Dawladda ayaa ku guulaystay dhismaha Golayaasha deegaanka degmooyinka Mudug,waxaana sa-maysay Kormeel iyo booqashooyin joogto ah.

Degmooyinka Gobolka ayaa waxaa ka socda hormar dhinacyo badan leh,waxaana arrimahaasi ay ka mid yihiin waxyaabaha lagu amaani karo Dawladda Puntland.

Hasa yeeshe waxaa jira dhaliilo aan xal loo helin oo bulshadda ku dhaqan Gobolka Mudug ay u tiiri-nayaan Dawladda Puntland,waxaana dhaliisha ugu wayn ay uga imanay-saa Dawlaada Siyaasadda Dawladda ee Xuduudaha Gobolka Mudug.

Gobolka Mudug ayaa waxaa sheeg-tay inuu ka tirsan yahay maamulka Galmudug,arrintaas oo keentay khi-laaf soo kala dhexgalay Puntland iyo Dawladda Federaalka,oo Puntland ay sheegtay inay gadaal ka taagan tahay maamulka Galmudug.

Marka laga yimaado dhaliilaha iyo Cambaaraynta Puntland,hadana bulshada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug kuma qancin Siyaasadda ay Dawladdu ku wajahday Gobolka Mu-dug.

Khilaafka Madaxweyne Gaas iyo Islaam Bashiir.Wargeyska Ummadda ayaa helay xog ku saabsan khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweynaha Dawlad-da Puntland iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle,waxaa khilaafka keenay Islaan Bashiir oo aan ku qancin Si-yaasadda Dawladda ee ku aadan Gobolka Mudug.

Khilaafka islaan Bashiir iyo Madax-weyne Gaas soo kala dhexgalay ayaa keenay in Madaxweynuhu uu 3.Aug.2015 uu safar ku tago deg-mada Burtinle,halkaas oo uu ku-lan horudhac ah kula qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Dr. Cabdiweli Gaas iyo Islaan Bashiir ayaa wada qaatay kulan uu Al-baaba-du u xiran yahay,waxaana kaso bax-ay in hogaanka dhaqanka Mudug oo Islaanku hogaaminayo iyo Madax-weyne Gaas ay kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo,waxaana Madaxweynaha laga dalkaday inuu la yimaado Siyaasad cad oo ku saa-bsan Xuduuda Puntland ee Muranka la galiyay.

Inkasta oo kulanka Burtinle laga gaaray wuxuun isfaham ah,hadana Hogaanka dhaqanka Mudug waxay doonayaan inay ogaadaan qaabka ay u dhigan tahay Siyaasadda Gaas ee Mudug.

Gobolku Xaalad Gaar ah ayuu ku jiraa!Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Gaas 11.8.2015 Safar ku ta-gay magaalada Gaalkacyo,wuxuuna sheegay in Gobolku uu xaalad gaar ah ku jiro.

Dr. Gaas ayaa sheegay inuu la kul-mi doono qaybaha kala duwan ee bulshada inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo,waana Safarkii labaad ee uu ku tagay Gaalkacyo mudadii uu xilka hayay,wuxuu ka Cudur daar-tay inuu Gobolka ka maqnaa muddo badan.

‘’Socdaalkayagu wuxuu ku waja-han yahay Gobolka Mudug,innaan aragno,u kuurgalno,kormeerno xaaladiisa amni,dhaqaale,mida Ijti-maaciga ah,dadku waxa ay ku su-gan yihiin baahiyahooda,noloshooda,aragtidooda iyo fikirkooda Dawliga ah intaba innaan aragno ayaan u nimid’’Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuu intaas ku daray‘’….Muddo waan joogayaa Gobolka,maadama aan waqti badan ka maqnayn,halkan waxaan imi sanadkii laso dhaaf-ay bishii April,waxaana kaso wa-reegtay muddo dhan 1-sano iyo dhowaad,Dawladdu waa joogtay waa imaanaysay,Wasiiro iyo Xildhibaano Gobolka lagama maqnayn,laakiin anniga shaqsiyan waan ka cudur daaranayaa mudada aan Gobolka ka maqnaa,dabcan hawlo Qaran iyo meelo kale ayaan ku maqnayn’’.

Mar uu ka hadlayay xaaladda Gobol-ka Mudug ayaa wuxuu yiri‘’…..Gobolku xaalad gaar ah ayuu ku jiraa,marka in loo yimaado oo dadka wixii wannaag iyo dhib ah in lala qaybsado ayaa muhiim ah,ururada bulshada iyo maamulka waan is

arki doona,waana booqan doona degmooyinka kale ee Gobolka ka tir-san’’.

Maadxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri‘’……Xaaladda waan u kuur galaynaa,wixii baa-hiyo ah ee Dawladdu waan u kuur galaysaa,wixii aan ka qaban karnona waan ka qabanaynaa,Safarka wax-aan Safarku inuu noqdo Safar khayr qaba,Safar guul ah oo Dawladda iyo dadkeedu isku bartaan,kuna wada hadlaan,waan idiin ka mahad naqay-naa soo dhoweynta aad noo samay-seen’’.

Ujeedada 2-aad ee Safarka.Ujeedada labaad ee Safarka Maadxweyne Gaas ayaa ah ka qayb galka shiweynaha wadatash-iga Puntland,kaas oo dhici doona dhamaadka bishan.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa sheegay in shiweynaha Wa-datashiga Puntland loo qaybiyay afar qaybood,kuwaas oo kala dhici doona magaalooyinka Gaalkacyo,Garowe iyo Qardho.

Shirweynaha kowaad oo dhexmari doona qayabaha bulshada ayaa dhamaadka bishan ka dhici doona magaalada Gaalkacyo,wuxuuna no-qonayaa shirweynaha ugu wayn.

‘’Shirka hadda meel fiican buu marayaa,bishan dhamaadkeeda ayaa la isugu imanayaa,waxbaan ka badalnay qaabkiisa illaa afar shir baan ka dhignay,shirka ugu horeeya wuxuu ka dhici doona Gaalkacyo waxaa ka qayb gali doona qay-baha bulshada,wuxuuna noqonayaa shirka ugu wayn’’Ayuu yiri Madaxw-eynaha Puntland.

Mar uu ka hadlayay waxyaabaha shirka diirada lagu saari doono ayaa wuxuu yiri‘’….Waa shirkii wada tashiga Puntland oo looga had-layay Puntland hormarkeeda,Geedi socodkeeda,Hiigsigeeda iyo Mus-taqbalkeeda iyo innaan ogaano meesha aan ka nimi iyo meeshaan u socono’’.

Shirka xigga oo dhexmari doona Isi-mada Puntland ayaa ka dhici doo-na magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar,halka shirka sad-dexaad oo dhexmari doona Qurba-joogta Puntland uu ka dhici doono magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Shirka afraad oo kulmin doona guud ahaan ayaa isna ka dhici doona magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Kulamada ay yeelanayaan Madaxw-eynaha iyo bulshadda Mudug ayaa dadweynaha reer Puntland ay Il-gaara ku hayaan natiijada kaso bixi doonta.

Dad badan ayaa iswaydiinaya Daw-laddu mala iman doonta Siyaasadda cad oo ay ku wajahayso Xuduudaha Puntland ee Muranka ku jira,sida ay ka dalbadeen hogaanka dhaqanka Mudug,Madaxweyne Gaas xal ma u heli doona Xaaladda Xuduudaha Mudug,Xaggeese saldhigan doonaa Muranka Mudug.

Su’aalaha sare iyo kuwo badan oo ay iswaydiinayaan bulshaddu waqtiga iyo Waayaha ayaa ka jawaabi doona.

Xubintii Baro Dastuurka Dow-ladda Puntland

Todobaad kasta waxaan akhristay-aasha Wargeyska Ummadda aan uso Bandhignaa Barnaamij taxane ah oo aan ugu magacdarnay Baro Dastu-urka Dawladda Puntland,waxaana Barnaamijka aan ugu tala galnay in dadweynuhu ay wax ka bartaan Das-tuurka Puntland.Todobaadkan waxaan ku eegay-naa qodobada 14-aad,15-aad iyo 16-aad,kuwaas oo ka hadlaya;-1-Xoriyadda Fikirka.2-Aasaasida iyo ka mid noqoshada ururada bulshada.3-Xorriyadda dhaqdhaqaaqa.-Qodobka 14-aad.-Xoriyadda Fikirka.1-Qof kasta xor buu u yahay fi-kraddiisa waana soo Bandhigi karaa,faafreeb horudhac ah waa ree-bban yahay.2-Qofku waxaa uu fikraddiisa ku cab-biri karaa qaab hadal,Saxaafadeed,qoraal,muuqaal,suugaan,iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waaf-aqsan.-Qodobka 15-aad.- Aasaasida iyo ka mid noqoshada ururada bulshada.1-Qofku wuxuu Xaq u leeyahay inuu aasaaso,ka mid noqdo ama ka qayb qaato hawlaha ururada dhaqan-dhaqaale,bulsho,isboorti iyo Cilmi,hadaan sharci ka reebin.2-Aasaasidda ururadu waa inay waaf-aqsan yihiin qaanuunka dalka iyo da-naha Ummadda Puntland..3-Waxaa reebban ururada leh dabee-cad Ciidan ama Qabiil.Qodobka 16-aad.-Xorriyadda dhaqdhaqaaqa.1-Qof kasta waxa uu u Madaxban-naan yahay inuu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu rabo iyo inuu dalka ka baxo kuna soo laabto goortii uu doono.2-Sharci iyo Xeer hoosaadyo u gaar ah ayaa caddeyn doona xadaynta Xaqa dhaq-dhaqaaqa.

Sicirka iyo Suuqa iyo Sarifka lacagaha

qalaad1. Lacagta.2. 100=2200,000.3. 100 Euro=105 USD.4. 100 Itoobiyaan=100,000 Shillin

Soomaali ah.5. 100 Riyaal Sucuudi=25 USD.6. Raashinka.7. Burka=24.5 USD.8. Sokorta=26 USD.9. Bariis 25 USD.10. Saliid 28.5 USD.11. Foostar 45 USD.12. Caanaha Amis 73 USD.13. Sareenka 25 USD.14. Digirta 60 USD.15. Galay 25 USD.16. 7 UP 8 USD.17. KooKo 12 USD.18. Shaani 8 USD.19. Jiimo 6.5 USD.20. Biyo Al-raxmo 4.5 USD.21. Raani Tufaax 9.5 USD.

Page 4: Wargayska Ummadda 11-Aad

4 Wargayska UMMADDA Sabti 15 Augt 2015

Magaalada Boosaaso ee xarun-ta Gobolka Bari ayaa waxaa

ku nool dad aad u badan,waxaana waxyaabaha Aasaasiga ah ee bul-shadu ay u baahan tahay ka mid ah Biyaha.

Qofka ku nool Boosaaso waa uga baahi badan yahay dhinaca biyaha qofka ku nool degmooyinka kale ee Puntland,waxaana bilaha u dhex-eeya May illaa Septembar oo ah xilliyada ay Boosaaso Cimiladeedu kulushahay ay dadku si aada u istic-maalan Biyaha.

Biyaha ayaa waxaa qaar ka mid ah xaafadaha Boosaaso uso dhaan-sha Booyado,kuwaas oo aan nasiib u yeelan biyaha ay bixiso shirkad-da Gumco oo Biyo siisa inta badan Xaafadaha Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaan illaa iyo hadda helin Biyo ku filan,waxaase jira dad dadaal ugu jira sidii Boo-saaso ay isku filnaansho uga gaari lahayd dhinaca biyaha.

Shirkadda Gumco ayaa dadaal ugu jirta sidii loo heli lahaa biyo ku filan xaafadaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Maareeyaha guud ee Shirkad-da Gumco Cali Mire Cartan,ayaa Wargeyska Ummadda uga wara-may biyaha ay shirkaddu si-iso magaalada,baahiyaha biyo ee jira iyo hiigsiga shirkadda ee Mustaqbalka,wuxuuna ka jawaabay cabashadda qaar ka mid ah bulshad-da ku dhaqan Boosaaso.

Cali Mire Cartan ayaa sheegay in Shirkadda Gumco la Aasaasay sanadkii 2000,wuxuu sheegay in lagu bilaabay saddex Ceel,hasa yeeshe buu yiri shirkaddu waxay qo-day 49 Ceel,waxaana ka shaqeeya toban Ceel oo kaliya.

‘’Biyaha magaalada magaala-da ku jira 6,800 oo Guri ayay ku jiraan,waqtiyada kulaylaha waxaa suura gal ah in meelaha qaar ay Bi-yuhu ku yaraadaan’’Ayuu yiri.

Maareeyaha guud ee Shirkadda Gumco Cali Mire Cartan ayaa shee-gay in biyaha ay bixiso shirkaddu ay horseeden in Boosaaso ay ka bad-baado Cudurada ka dilaaci jiray biyi-hii horay loo isticmaali jiray.

‘’Magaalada Boosaaso qofka jooga wuxuu u bahan yahay Afar jubaar inta uu u baahan qofka ku nool magaalooyinka kale,waa suura gal in qofku uu maalintii u baahdo biyo badan uu cabo iyo kuwo uu ku qobaysto,waxaan wadnaa sidii loo heli lahaa Ilo kale oo Biyood oo magaalada ah’’Ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray‘’…..Si fiican bay uga faa’iidaysteen Biyaha dadw-eynaha ku nool magaalada,wxaan dhihi karaa 49% dadka ku nool magaalada waxay ku xiran yihiin biyaha qasabadaha,maalin kastana

waa sii kordhayaan’’.

Wargeyska Ummadda ayaa way-diiyay Maareeyaha shirkadda Gumco cabashadda qaar ka mid ah bulshad-da Boosaaso ay ka qabaan lacagta ay shirkaddu ka qaado,wuxuuna ku jawaabay‘’……Cabashada Bini’aadamku waa joogto,haddii Bini’aadamka Malab la siiyo wax-aa suuragal ah inay ka cawdaan Malabka,waana walaalo cabashada iyo Bini’aadamka,laakiin sida aan isleenahay 1.3 shan fuusto oo biya ah aad bay u jaban tahay’’.

Maareeyaha guud ee Shirkadda Gumco Cali Mire Cartan ayaa shee-gay inay wadaan qorshe ay ku doon-ayaan inay ku helaan Ilo biyoodyo kale,si loo dhamaystiro baahiyaha biyo ee bulshadda ku dhaqan Boo-saaso ay qabaan.

.

Mar uu ka hadlayay Khidmadaha la-cageed ee ay Shirkaddu ka dhinto xarumaha bulsho ee muhiimka ah ayaa wuxuu yiri‘’…..Masaajidada,Iskuuladda,Cisbitaalada,MCH-yada ,Isteeshinada iyo wixii la mid ah shirkaddu waxay bixisaa 45% waa biyo badan,wixii kale ee magaalada ahna wax bay ka qabataa,Ganacsigu ma aha wax la boobayo waa baahi qof qabay iyo qof ay u muuqatay oo wax kala Iibsanaya’’.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd,ma jiraan xarumo aad biyaha bilaash ku siisaan,ayaa wuxuu yiri ‘’Wax bilaash la yiraah-do ma jiraan,haddii aad tiraahdo halkaa qasabad waa bilaash,waxaaa laga yaaba in maalintii oo dhan ay soconayso,haddii aad bilaasha u bixiso Biyo waxaa imanaya in 30% ay biyo helaan,waxa bilaashka la yiraahdo Xad ma yeeshaan’’.

Cali Mire Cartan ayaa sheegay in Shirkadda ay ka hawlgalaan Todo-baatan shaqaale ah,wuxuuna shee-gay in dadku aysan wada haysan biyo ku filan guud ahaan magaalada Boosaaso.

Ugu dambayntii wuxuu yiri‘’….Wax-aan dadka ugu baaqayaa in Biyaha la illaashado,dadka ay hadda biyuhu ugu jiraan waa dad nasiib leh,waa inay Illaashadaan’’.

Musharax Cumar Cabdullaahi Cismaan oo u taagan Qaba-shadda Duqa D/Boosaaso

Ogeysiis.Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari waxa ay ogeysiinaysaa dhamaan dadwaynaha ku dhaqan magaaladda Boosaaso iyo Nawaaxi-geeda:• Inay soo sheegaan waxii

amaanka khalkhal gelin kara.• In aylasoo xiriiraan Telphone-

ka Lambarkiisu yahay 090-6000030, mar walbana waa heegan ciidamada amaanka oo ka jawaabidoona xog iyo xaal walba.

‘‘Waxaan ku Dedaalaynaa Sidii Boosaaso Biyo kufilan u Heli lahayd” waxaa sidaas yiri...

Magaalada Boosaaso ee xarun-ta Gobolka Bari ayaa waxaa

todobaadyadii ugu dambeeyay ka socday Ol’ole balaaran oo loogu di-yaargaroobayo Doorashadda duqa degmada Boosaaso iyo Xulista Xild-hibaanada Golaha deegaanka.Warar horu-dhaca oo uu helayo Wargeyska Ummadda ayaa shee-gaya in inta badan ay beeluhu soo xuleen Xildhibaanada u ma-talaya Golaha deegaanka degmada Boosaaso,arrintaas oo horseed u ah talaabada loogu diyaargaroobayo doorashadda Duqa degmada Boo-saaso iyo Ku xigeenkiisa.Waxaa jira Musharixiin isu diyaarina-ya qabashada xilka duqa degmada Boosaaso, iyaga oo sheegay in ujee-dadoodu ay tahay inay Isbadal sa-meeyaan.Cumar Cabdullaahi Cismaan Cu-mar Sadiiq oo ka mid ah Mushar-ixii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay inuu u taagan yahay duqa degmada Boosaaso,ayaa dhowaan soo gaa-ray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,ka dib safar uu kaga yimi wadanka Maraykanka.Wargeyska Ummadda ayay u suura gashay inuu waraysi gaar ah la yee-sho Musharax Cumar Cabdullaahi Cismaan,kaasi oo nooga waramay hankiisa Musharaxnimo,waxyaabaha uu doonayo inuu qabto haddii loo doorto duqa degmada Boosaaso iyo rajada uu ka qabo inuu ku guulaysto jagadaas. ‘’Bulshadu aad ayay iiso dhoweeyen,meel kasta waa la iga hadal hayaa,wayna og yihiin Bu-shadu in aan wax badan dalka ka soo qabtay ,taasi ma aha wax lagu riyooday ee burburkii ka dib waxaan ku jiray shan oday oo Booaaso loo dhiibay oo illaa 1993-dii maamulayay,Rugta Ganacsiga anniga ayaa Aasaasay,anniguu no-qday Guddoomiyihii ugu horeeyay Rugta Ganacsiga ,dadku boqolkiiba Sagaashan iyo Sideed aad ayay iso dhoweeyen’’Ayuu yiri.Musharax Cumar Cabdullaahi Cis-maan ayaa ku dhaliilay maamulka Dawladda hoose inay ku shaqeeyaan xarun aan dayactirnayn,isla markaa-na tayaynta xarunta Dawladda hoose ay ka doorteen inay ku shaqeeyaan Guryo gaar loo leeyahay.‘’Dawladda hoose daartii Talyaan-igu dhisay ayaa wali dhisan,waa baaba’san tahay qolkii loogu tala galay in Xildhibaanadu ku shi-raan oo laba kursi oo kaliya ayaa yaala,maamulku Guryo kale ayay dhisteen oo ay ku shaqeeyaan,halka xaruntii waa dayacan tahay’’Ayuu yiri Cumar Cabdullaahi Cismaan.Wuxuu intaas ku daray‘’…..Wax-aan rabaa innaan sameeyo oo IL-LAAHAY igu ogyahay innaan wax qabto,kaligay wax ma qaban karo haddii aysan ila shaqayn Xild-hibaanada iyo shacabka,waxaan rabaa in Canshuurta la qaado sida loogu tala galay loo isticmaalo’’Musharax Cumar Sadiiq ayaa balan qaaday in dadweynaha ku dhaqan Boosaaso looga faa’iidayn doono Canshuuraha laga qaado,wuxuuna sheegay inuu abuuri doono ILO kale oo dhaqaale. ‘’Waxaan doonayaa innaan abuuro ILO kale oo dhaqaale oo aan ahayn Canshuuraha Dawladda hoose ay qaado,waxaan rabaa in qaybaha

bulshada la tashto oo aan samaysto Guddo wannaagsan oo ka talo qaato’’Ayuu yiri.Mar uu a hadlayay waxyaabaha uu dalka ku arkay ka dib markii uu dib ugu soo laabtay ayaa wuxuu yiri‘’…..Waxaan ku farxay Boosaaso oo dariiqyo loo sameeyay wallow ay tahay Barnaamijka JPLG,caqabadu waa Waddooyinka Baakin looma samayn,waxaa la ii sheegay in maa-linkasta dad wax ku gaaraan tara-afik na maleh’’.Wargeyska Ummadda ayaa Musha-raxa waydiiyay,waxa uu ka aamin-san yahay Lacagaha Laaluushka loo baxsho marka la galayo Ol’ole doorasho,wuxuuna ku jawaabay‘’…..Lacag Laaluush ah oo la qaato waa xaaraan,wax fiican ma aha,wixii bixiyana Aakhiro iyo Adduun waa eedayaa,dadku waxay jecel yihiin inta badan in wax la qabto,waxaa kalsoonida la igu siinayaa waa wax qabadkayga,dadka Xildhibaanada ah waxaan ku waaninayaa inay cod-ka siiyaan cidii wax u qabanaysa oo aysan siin cid lacag la Ordaysa oo doonaysa inay cunaan Canshuurta bari soo baxda’’.Dadka kaso qaxay Koonfurta Soomaaliya ee ku nool Puntland ayaa wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono baahiyaha ay tabayaan oo ay ugu horayso dhinaca Adeegga Aasaasiga ah. ‘’Dadka soo Barakacay meesha la dajiyay Caafimaadkeeda ma wannaagsana,waxaan marka hore u samaynayaa Nidaam,waxan u sa-maynaynaa Musqulo Nadiif ah iyo Adeegyada kale ee ay u baahan yihiin,waxaan u abuuraynaa Wax-barasho wannaagsan’’Ayuu yiri.Taariikhdiisa oo kooban.Cumar Cabdullaahi Cismaan wux-uu Dugsiga sare kaga bxay Raage Ugaas sanadkii 1972-dii,halka sanadkii 1973-dii uu galay Xalane.Ka dib wuxuu Macalin ka noqday degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan,waxaana tababarkiisa Ma-calinimo ka dib uu galay Jaamacad-da Ummadda ee Gahayr.Ka dib markii uu dhameeyay Jaamacadda wuxuu ka shaqo bi-laabay Warshaddii Sokorta ee Mareerey,ka dibna wuxuu la shaqo bilaabay shirkad Talyaani ah oo uu Injineer u ahaa.Sanadkii 1985-tii ayuu bilaabay Ganacsiga,gaar ahaan Xoolo Dhoo-fin iyo soo dajinta Badeecadda.Markii ay dhacday Dawladdii dhexe ee Soomaaliya wuxuu ka mid ahaa shan Oday oo dalka Maamulayay,ka dibna wuxuu Aasaasay Rugta Gnac-siga oo uu ka noqday Guddoomiye.Cumar Cabdullaahi Cismaan wux-uu ka mid ahaa Aasaasayaashii Puntland,wuxuuna goob joog ka ahaa shirarka lagu dhisay Puntland.2000 wixii ka dambeeyay wuxuu sii watay hawlihiisa Ganacsi,wuxuuna ka shaqo bilaabay dalka Itoobiya oo uu muddo ka shaqaynayay.Sanadihii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa dalka Maraykanka,wuxuuna door ka qaatay oo Aasaasay Shirkad Ganacsi oo dadweynaha Soomaaliy-eed ay ku Midaysan yihiin.Cumar Cabdullaahi Cismaan maanta waa Musharax u taagan jagada duqa degmada Boosaaso,wuxuuna rajo wannaagsan ka qabaa in loo dooran doono duqa degmada Boosaaso.

Page 5: Wargayska Ummadda 11-Aad

Sabti 15 Augt 2015 Wargayska UMMADDA 5Barnaamij Taxane ah Siiradda Nabigeeda SCW.

MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCWQ/2-aad

Dawladda Puntland oo markii ugu horaysay Hab Sharci ah u martay Kiis u

dhexeeya Saxaafadda iyo Dawladda.Dawladda Puntland ayaa lagu

amaanay in markii ugu horay-say ay Waddo sharci ah u martay Kiis u dhexeeyay Dawladda iyo bahda Saxaafadda,ka dib markii Dawladda Puntland dacwad ay ka qabtay War ay siidaysay Idaacadda Sahan ee Garowe ay u gudbisay Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobolka Nugaal.Sandihii la soo dhaafay ma dhici ji-rin in Dawladda Puntland ay sidan oo kale Wado sharci ah ay u marto Kiisaska caynkan oo kale ah,waxaa dhici jirtay in Warbaahinta ama Wari-yaha ay Dawladdu u aragto inuu War khaldan ka sheegay Dawladda loso diri jiray Askar,isla markaana jirdil iyo xarig lagula kici jiray,halka Warbaa-hintana la xiri jiray.Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa Idaacadda Maxkamadda dere-jada koowaad ee gobolka Nugaal gaysay Eedeyn ka dhan ah Idaacad-da Sahan,waxaana Eedeynta loo haystay Idaacadda ay ahayd inay baahisay;1-In dowlada Puntland dhaqaale daro soo food saartey taasna ay keentey in munaasabada 1 August baaqato.2-In madaxtooyada Puntland ku baxo kharash farabadan.3- In kharash badan lagu soo kireey-ey fanaaniin ka qayb gala xuska mu-naasabada 1 August. 4-In kooxda Al-shabaab raadineyso fursado ay ku weerarto degaanada Puntland.Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa Idaacadda Sahan u qabtay Qa-reen u dooda,waxaana Maxkamadda goob joog ka ahaa Faysal Khaliif Bare oo ah Guddoomiyaha ururka MAP.Xeer illaaliyaha Maxkmadda ayaa sheegay in kiiska dhagaysigiisa dib loo dhigay,isla markaana ka dalbaday in Dawladdu ay la timaado Eedeymo macquul ah.Gudoomiyaha Suxufiiyiinta Puntland ee MAP, Faysal Khaliif Barre,ayaa soo dhoweeyay hannaanka ay Kiiska u martay Dawladda Puntland.

‘’Ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa waxay dhamaantood ku faraxsan yihiin isla markaasina ay soo dhawaynayaan in xukuumadda Puntland ay qaadato go’aan qaan-gaarnimo ah oo cabasha ay ka qa-baan saxaafada u gudbiyaan hab sharciga waafaqsan ayna ku kal-soonaadan sharciga Puntland’’Ayuu yiri Faysal Khaliif Bare.Wuxuu intaas ku daray‘’….Waxaan doonaynaa maanta innaan qiimayno Cadaaladda Puntland si aan Ummad-deena u ogaysiino,waxaan doon-aynaa in Xukuumadda Eedeynta ka imanaysaa ay noqoto mid ku qotonta Qawaaniinta iyo Shuruucda dalka u yaala oo aysan noqon mid loogu Cagajuglaynayo’’.Faysal Khaliif ayaa iswaydiiyay xilliga ay Dambi noqotay Eedeymaha ay Dawladdu soo Bandhiggtay,waxaana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yiri‘’….Waxaan la yaabana-hay goorta ay dambi noqotay in la yiraahdo dhaqaalaha Puntland waa xun yahay,Madaxtooyadda Puntland dhaqaale badan ayay isticmaasha,waan soo dhowaynayaa in shuruucda dalka lagu kala baxo’’.Dawladda uu hogaanka u hayo Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa qaaday talaabo wannaagsan oo Dimuqraadiyad ay ku dheehan tahay,xilli talaabdan oo kale aysan horay u qaadin Xukuumadihii ka horeeyay.Waxaa xusid mudan in uu jiro xeer ay siwada jira looga shaqeeyay Daw-lada iyo warbaahinta balse dawladu wax ka badalid ku samysay warbaa-hintuna ka qayliyeen inkasta oo uu socdo rajada soo celinta xeerkaasi oo la filaayo in uu hagi doono habka sharci ee Dawlada iyo Warbaahinta Si kastaba aha ahate,Waxaa muuqa-naya in Dawladdu ay hirgalisay qodobka Dastuuriga ah ee sheegaya in Rayid iyo Mas’uul uu Sharcigu ka sareeyo’’.

Ka dib markii go’aankii Waliid la isku raacey waxay bilaabeen sidii ay ku dhaqan gelin lahaayeen wax-ayna isku qeybiyeen waddooyinkii Makka soo gelayeye si qof walba oo soo mara ay ugu digaan arrinta uu wata Nabiga SCW iyagoo ku sheega-ya saaxir. Sidoo kale waxay ka had-layeen meelihii ay dadka xujeda ihi isugu imaanayey. Dadkii arrimahas aadka uga qeyb qaateyna waxaa ka mid ahaa Abii-lahab oo Nabiga scw adeerkiis ahaa wuxuuna samaynay-ey ninkaasi intuu Nebiga SCW daba galo ayuu cid kastoo Nabiga SCW u tago oo xaqa gaarsiiyo isagoo ka daba hadlaya ku lahaa “ha u rum-eynina waa beenlowe, diintiisii buu ka iishee”, qureyshna jidadkii Makka iyo meel walba intey tagaan ayey la-hayeen ‘iska jira waa saaxir dadkii kala geeyaye” laakiin arrintoodaasi waxay noqotay dacwo oo dad badan oo aan ogeyn Nabi Maxammed SCW dacwada uu wato ayaa ogaadey, ci-dohoodiina gaarsiiyey Nabiga cusub oo soo baxay. Qureysh weli ma gaarin iney ga-can ula tagaan Nabiga SCWiyo dadkii raacsanaa laakiin waxay ku jireen dacaayad iyo jeesjees iyo in dadka lagu diro oo la yiraahdo iska jira. Si-doo kale waxay mararka qaarkood Rasuulka SCW u soo bandhigayeen fikrado ay ku leeyihiin Ilaahaaga iyo diintaada qaar ka soo tanaasul oo ka soo dabac annaguna qaar baan ka tanaasuleynaaye. Waxay kaloo sam-eynayeen iney Rasuulka SCW rag u soo diraan oo dhahaan “haddaad madaxtinnimo rabto madax baan kaa dhiganeynaa, haddaad maal rabto waan kuu ururineynaa ilaa aad no-qoto kan noogu taajirsan, haddaad jirran tahay maalkayaga ayaannu kugu bixineynaa ilaa aad ka caafi-maaddo, haddaad gabar rabto gab-dhaha qureysheed tan ugu quruxda badan ayaannu ku siineynaa” hase yeeshee arrimahaas oo dhan lagama yeelin. Ka dib markey arkeen in Nabi-yullaahi Maxammed SCW diintiisa iyo dacwadiisa marna ka tanaasuleyn, shirkigooda iyo khuraafaadkoodana uusan ka aamuseyn ayey waxay aad u kordhiyeen dacaayadohoodii kala duwanaa maxaa yeelay Rasuulka SCW gacan ulama aysan tegi karin oo Abii-dhaalib ayey uga baqaayeen. Dacaayadohoodu waxay u qeyb-sanaayeen dhowr qeybood oo kala ahaa:1) Rasuulka oo ay ku jeesjeesaan, xaqiraan, caayaan, ku oriyaan, wax kastana dhahaan. Arrimahaasna Al-lah isagoo tilmaamaya wuxuu ku soo dejiyey aayado kala duwan, waxaana ka mid ah:((WAXAY DHEHEEN KAN QUR’AANKA LAGU SOO DAJINAYOW ADIGU WAAD WAALAN TAHAY)), (Suuratul-Xijir:6)Sidoo kale Allaah isagoo inooga war-ramaya markay muslimiinta ku jees-jeesayaan wuxuu yir:((KUWII DAMBAABAY WAXA AY AHAAYEEN KUWA KU QOSLA KU-WII XAQA RUMEEYEY, HADDAY SOO MARAANA WAY IS QANJARUU-FAN JIREEN, MARKAY EHELKOODA U LAABTAANA WAXAY AY LAABAN JIREEN IYAGOO (MUSLKIMIINTA) KU RAAXAYSANAYA, MARKAY MUMI-NIINTA ARKAANA WAXAY DHAHAAN WAA BAADIYEYSAN YIHIIN, LOOMA-NA DIRIN IYAGA IN AY (MUSLIMIIN-TA) ILAALIYAAN))2. Waxaa ka mid ahaa dacaayadihii iyo been abuurashadii ay Rasuulka iyo qur’aanka ka fidin jireen iney

dhahaan “waa been uu abuurtey ama dad kale ayaa soo baray” arrintaasna Allaah oo tilmaamaya wuxuu yiri:3. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dacaayadihii ay qur’aanka iyo Ra-suulka SCW kula dagaallami jireen iyagoo raba iney dadka u tusiyaan inuu Nabigu SCW wato sheekooyinkii ummadihii hore laga soo guuriyey in nin la oran jirey Nadir binu Xaarith uu aadey Faaris uuna soo bartey ta-ariikhdii boqorradii Faaris ka dibna uu Makka ku soo laabtey, wuxuuna ninkaaas samayn jirey markii Rasu-ulka SCW meel ka istaago oo dadka dacwada gaarsiyo ayuu ka daba hadli jirey oo keeni jirey sheekooyinkaas dhihina jirey “Maxammed igama sheeko qurxoona”. Qureysh markey arkeen ineysan nooc walba oo dacaayad iyo xumaan ah waxba ku qaadi karin ayey waxay bilaabeen wada hadallo ay rabaan iney isugu soo dhowaadaan iya-ga iyo Nabiga SCW oo isna xoogaa soo dabco iskana daayo diinta uu ku adag yahay iyana iiney tooda ka soo dabcaan oo meel dhexe la isugu yimaaddo waxna la wada qeybsado. Hase yeeshee Allaah subxaanahu watacaalaa oo had iyo jeer Rasuulka SCW tarbiyeynayey ayaa soo dejiyey aayado uu ku tilmaamayo inaan xaqa iyo baadilku wax wada qeybsan karin iyo inaan xaqu marna tanaasul og-goleyn. Wuxuu yiri Allaah: ((WAXAAD DHAHDAA GAALOOY, MA CAABU-DAYO WAXAAD CAABUDAYSAAN, IDINNA MA CAABUDAYSAAN CIDDA AAN CAABUDAYO, MANA CAABU-DIN WAXAAD CAABUDEEN, IDIN-KUNA MA CAABUDAYSAAN CIDDAAN CAABUDAYO, DIINTIINAAD LEEDIHI-IN ANNA DIINTAYDAAN LEEYAHAY)), (Suuratul-Kaafiruun).Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waxy-aalahay Rasuulka SCW u soo bandhi-gi jireen oo ay rabeen in la isugu soo dhowaado in qaar odeyaashoodii ka mid ahaa ay Rasuulka SCWu soo jeediyeen in ilaahiisana sannad la caabudo, kuwoodana sannad la caabudo hase yeeshee Allaah ayaa soo dejiyey jawaabtii loogu jawaabi lahaa ehlu-baadilka.Wuxuuna yiri: ((WAXAY JECELYIHIIN IN AAD U SOO DABACDO OO AY SOO DABCAAN)), (Suuratu-Qalam: 9) Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay waxba ku qaadi waayeen; dac-wadii islaamkuna ay dhowr sano soo socotey, dadkii raacayeyna ay marba marka ka dambeysa sii siyaadayeen, ayey waxay saareen guddi ka koo-ban 25 nin oo ka mid ahaa odey-aashii qureysheed waxayna madax uga dhigeen Abii-lahab, waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan wixii Maxammed iyo asxaabtiisa lagula dhaqmi lahaa. Abii-lahab iyo ragii-sii waxay soo go’aamiyeen in dadka Maxammed raacey gacan loola tago oo la ciqaabo. Dhibkii gacanta ay-aana halkaas ka bilaabmay oo aad ayaa dhib loogu geystey Nabiga SCW iyo asxaabtiisa haba u sii darnaadeen dadkii masaakiinta ahaa ee qabiilka yar ka dhashay ama addoomada ahaa ee Nabiga raacay sida Bilaal, Suheyb iyo reer aala Yuusir iwm. Nabiga SCW isaga dhib badan oo loo geysan la-haa waxaa looga baqayeey adeerkiis Abii-dhaalib iyo shacabka laftooda oo uu sumcad weyn ku lahaa oo qof walba ka xishoonayey inuu gacan ula tago, hasa yeeshee sidaas oo ay tahay haddana dhib wayn ayaa ku dhacayey.

Sheeko Taxane ah:- Hadii Dhurwaa Xaa-kim laga dhigto Ari

Xaq maleh.Akhristow marka aad maqasho Dhur-waa ama Waraabe waxaa kuu soo baxaya mid ka mid ah Habar Dugaag, kaasoo waxyeeladiisa iyo dhagarti-isu ay aad ubadan tahay waxaana si fiican usii garanaya qofkii uu oo xoolo ka war jeefay isla markaasna waxaa maskaxdaadu xusuusanaysaa Hilib jacaylkiisa, Hunguri xumadiisa, guuraha habeenimo, lafalafaysiga jabadyada iyo iyo orka iyo qaylada uu habeenkii banaanada ka darooryo.

Sideedaba marka Habar dugaag dib loo eego waxaa la tilmaamaa in Libaaxu uu yahay Boqorka ha-bar dugaag oo dhan, in kastoo ay-san jirin cid si cad u tilmaami karta waqtiga, goobta iyo goorta la door-tay, balse malahayga waxay ila tahay in magacaasi uu ku raacay awoodda alle siiyey, adadayga, miisaanka, geesinimadda, burjiga, xishoodka, iyo garashada uu gaarka kaga noq-day bahwadaagtiisa ay wadaagaan magaca habar dugaag.

Waxaa la tilmaamaa libaaxa ama aar-ka qofba siduu u yaqaan inuu xaga hilibka cunistiisa ka badsado bahala-da kale iyadoo la sheego inuu halkii mar uu cuni karo inta u dhexaysa 50-

60kgr oo hilib ah, waxaana ka caa-gan inuu dibnihiisa saaro hilib uusan isagu diloon ma lafalafaysto oo raqda baanka taal iyo qurunka midna ilki-hiisa mageliyo.

XAGA LAXAALISTA:- libaaxu wuxuu caan ku yahay laxaalidda dadka gaar ahaan kuwa ay isku mutaan cidlada hadaysan iyagu markaas dagaal ula socon oo aysan weerarin waxayna sheeko ku maqlay ama dad arintaas arkay igu yiraahdeen markuu arko qof keliya oo cidla maraya jeenigiisa ayuu dhulka ku xarxariiqaa taas oo ula jeedo axdi iyo wacad dhigasho.

XAGA GARASHADA:- waxaa la til-maamaa in libaaxa uu yahay ba-halka keliya ee ah idil habar dugaag marka indha lasaaro baabushiisa, quwadiisa, dhegtaaduna ay maqasho cidiisa sida onkodka lamoodo geesi kasta ay xaadu dhaqaado oo uu jiriri-coodo.

Astaamahan iyo kuwo kaloo ka sii badanba waxay keeneen in libaaxu uu habar dugaag dhexdooda uu kala baxo magaca ah Boqorka ha-bar dugaag oo cid kaloo holisaba la-waayo, in kastoo mar mar dhifa la sheego in dhurwaaga oo badanaaba hunguri xumo eeda uu ku goobto amaba isugu tago balse lama sheego guul daro libaax oo dhurwaa ku geer-aaro. La soco qaybta Labaad.

W/Q:Jamaal Farax Adam

Page 6: Wargayska Ummadda 11-Aad

6 Wargayska UMMADDA Sabti 15 Augt 2015

Taariikhdii

Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktu-um oo ka mid ahaa Saxaabada

Rasuulka SCW.Waa kuma saxaabiga isaga dar-

tiis Nebiga looga canaantay toddobo samo korkood, canaan-taasoo ahayd tii ugu adkeyd uguna xanuunka badnayd?!!. Waa kuma saxaabiga isaga dartiis uu malakul-Jibriil (cs) ugu soo daadegay qal-biga Nebigeenna Muxammed (scw) isagoo xagga Rabbi(sw) ka waday waxyi qur’aan ah. Saxaabigaas qi-imahaas iyo maamuuskaas weyn lihi waa Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktu-um, kaasoo ahaa kii u addimi jiray Rasuulka (scw). Cabdullaahi Ibnu Maktuum Ilaah ka raalli noqdee, wuxuu ahaa reer Makaad, wuxuuna ka dhashay qabi-ilka Qureysh. Wuxuu Rasuulka (scw) la ahaa xidid, maxaa yeelay afadii uu Rasuulka (scw) qabay ee la oran jiray Khadiija Bintu Khuweylid ayaa waxay ahaayeen ilmo abti iyo ilmo eeddo laxmi ah. Cabdullaahi Ibnu Maktuum aabihiis waxaa la oran jiray Qays Binu Zeyd, hooyadiisna Caati-ka Bintu Cabdillaahi, waxaana loogu yeeri jiray Ummu Maktuum, maxaa yeelay waxay Cabdullaahi dhashay isagoo indho daboolan oo indho la’. Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu la kowsaday kolkii uu Nuur-ka Islaamka ka bishay magaalada Makka, isagoo uu Eebbe (sw) ku if-tiimiyay laabtiisa hanuunka iimaan-ka iyo islaamka, wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee qa-ata diinta Islaamka. Islaamidda uu Cabdullaahi soo islaamay wuxuu kala kulmay jirdil iyo dhibaato, taasoo uu ka siyaadsaday ku sugnaasho iyo ku adkeysi uu ku adkeysto qanaacadiisa Islaamka. Hagardaamo iyo dhibaa-tooyin fara badan ayuu kala kul-may gaaladii Qureysh, hase ahaa-tee waxaasoo dhibaato ah ma ayan tabardareynin oo ma daciifin iimaan-ka iyo xamaasadda Cabdullaahi ee uu Islaamka u hayay. Balse, waxay arrimahaasi oo dhammi u kordhisay inuu sii qabsado ku dhaqanka kita-abka Alle, dhinaca kalena uu koro-sado aqoonta la xiriirta guud ahaan shareecadda Islaamka iyo sidoo kale inuu u jiheesto xaggaa iyo ku camal-falka hanuunka Rasuulka (scw). Jaceylka Cabdullaahi uu u qabay Ra-suulka (scw) iyo dadaalka uu ugu ji-ray barashada iyo xifdinta qur’aanka kariimka ahba waxay gaartey, inuu fursad kasta uu u maro sidii uu ar-rintaas uga faa’iideysan lahaa. Dhi-naca kale, wuxuu Rasuulka (scw) aad iyo aad ugu dadaali jiray sidii ay u soo islaami lahaayeen madaxda qureysh, sidaa darteed ayaa maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu Rasuul-ka (cw) la kulmay qaar ka mid gaala-dii sida aadka ah u cadaadin jirtay muslimiinta, sida Cutba Binu Rabiica iyo walaalkiis Shayba Binu Rabiica iyo Camr Binu Hishaam, loona yiqi-innay Abuu Jahal iyo Umayata Binu Khalaf iyo Waliid Binu Al-Muqiira oo ahaa Khaalid Binu Waliid aabihiis. Markey arrintu halkaas mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) bilaabay inuu u jeediyo gaaladii wacdi, isla markaasna uu u soo bandhigo bal

inay soo islaamaan., isagoo aad ugu rajo weynaa Rasuulka inay soo is-laamaan, ama haddii kale ay jooji-yaan dhibaatada ay muslimiinta ku hayaan. Isagoo Rasuulka (scw) sii wato hadalka, ayaa waxaa u yimid Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo markaas ka dalbayay Rasuulka inuu u akhriyo aayad qur’aan ah, isagoo leh: “Rasuulkii Alloow waxaad i bartaa qaar ka mid ah wixii uu Eebbe (sw) ku baray”. Hase ahaatee, Rasuulka ma uusan dhugan xaggiisa oo wuu ka jeestay oo weji kuduudiyay, isagoo u leexday dhinacii ay jireen kooxdii uu la hadlayay ee qureysh, wuxuuna sidaas u sameenayay isagoo ku rajo weynaa bal inay soo islaamaan, oo markaasna islaamkooda ay diinta Is-laamka u keento cisso iyo taageera-da dacwada Rasuulka (scw). Hadalkii uu Rasuulka (scw) u jeedinayay ni-mankii qureysh maba uusan dham-maynin, mana doonin inuu aado reerkiisa, jeer uu Alle qabtay qaar ka mid aragtadiisa, wuxuuna dareemay dareen ah sida isagoo la garaacayo madaxiisa oo kale. Intaa dabadeed, wuxuu Alle korkiisa ku soo dejiyay aayadahan qur’aanka ah ee ku jira biloowga suuradda Cabasa: “Wejiguu uruuriyay oo jeestay (waa Nebiga), inuu u yimid kii indhaha la’aa darteed. Maxaad ka ogtahay inuu u dhow yahay inuu hanuuno oo daahir noqdo. Ama uu waansa-mo, oo markaas waanadu anfacdo. Ruuxii is deeqtoonaysiiya, Ma diga ayaa u bambixi, Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin. Ruuxiise kuu yimaada isagoo degdegi, Oo Eebbe ka cabsanaya, Miyaad ka shuqloomi, Sidaas ma ahan ee aayaduhu waa waano, Ruuxii doona wuu ku waa-no qaadan, waxayna dhex ahaatay xaashiyo sharaf leh (looxal-maxfuud-ka), lana koryeelay oo la daahiriyay, ayna ku jiraan gacmo kuwo sufaro ah (malaa’igta), kuwaasoo sharaf iyo dhego nuglaan leh”. Waa lix iyo toban aayadood oo uu la soo degay malaga Jibriil (cs), isagoo ku tuuray qalbiga Nebi Muxammad (scw), aayadahaasoo ku saabsanaa arrintii Cabdullaahi Ibnu Ummi Mak-tuum, waana aayado la aqrin doono laga soo bilaabo xilligii ay soo degeen ilaa iyo maalinta aynu hadda joogno. Sidaas ayaana loo aqrin doonaa ilaa uu inta Alle ka dhaxlayo dunida iyo waxa dul-saaran dhammaanteed. Wixii maalintaas ka danbeeyay, wux-uu Rasuulka (scw) ahaa kii aad u maamuusa oo u qaddariya Cabdul-laahi kolkuu u yimaado. Wuu soo dhoweyn jiray haddii uu u yimaado, arrimahiisa ayuu la socon jiray, wixii uu u baahan yahayna wuu u fulin jiray. Taasina la yaab ma lahayn, maxaa yeelay isaga daraadiis ayuu Eebbe (sw) uga soo canaantay Rasu-ulkiisa toddobo cir korkood, canaan tii ugu adkeyd, uguna qallafsanayd. Gaaladii Qureysh markii ay mar kale soo laba-kacleeyeen dhibaata-dii ay ku hayeen Rasuulka (scw) iyo mu’miniinta,

Xubinta Caafimaadka:-Xaggee maanta la geeyaa qofka ay

Tiibiidu ku dhacdo?Q/2-aad

KAASI WAA GEEL EE REER-KA INTIISI KALE SIDEE U NOOSHAHAY?.Reerka intiisa kale wax badan kama duwna tii geel jiraha oo howsha xooluhu sidi ayaa loo raaco,loona waraabsho ,waxaa se asal guuray dhaqanki cuntada ee lagu yiqiin reer miyiga oo aha caano ,hilib iyo sub-ag.Reer guuraagii hore guryohooda waxay ku haysan jireen keyd ka kooban hilib iyo subag oo ay nolos-hooda ku dhawraan jiren xilliga adag (jilaalka ama abaari jirto) martidana way ka soori jireen.Markii neefki iyo wixii kaso baxaayey magaalada loo iib geeyey oo baris,baasto, bur iyo saliid lagu so bedelay, gurigi baadiye wuxuu noqday sabool aan dad laga soori Karin kowi lahaan ay qatan yi-hiin.Guryihii miyiga oo sabool noq-day waxay raad xun ku yeelatay inta ariga raacda oo ah carrur iyo dumar, waxaana isu raacay hawl ah xoolo raac iyo cuno yari ,nasiib daro jirta waxay tahay odagii reerku tuulada ayuu qaad u raadsaday .Tusaale:ilma yar(toban jir)ama haween uur leh oo subaxdi ari la foofa maalinta inteeda badan qatan ama waxa yar hela fiidkiina bariis caad oo saliid lagu darau cuna(meelaha qa-arkood xayr lagu iidaamay),meelaha qaarkood waxaa carrurtaas la siiya xilyada qaarkood wax bur-dambas la yiraahdo ,halkaas waxaa ka dha-shay cuduro aan laga aqoon miyiga sida: tibiida,dhimashadda haweenka uurka leh .

HOOYADI AMA CARRURTI MIDKOOD AYAA TIBII KU DHACDAY XAGEE LA GEY-NAYA?.Dowladdi soomaalida ee daryeelka fidi jirtay labaatan iyo shan sano ka hor ayeey burburtay,waagaas waxaa jiray xarumo dadka tibiida qaba lagu daaweeyo si looga dhex saaro bul-shada inteeda kale.

Maanta arirkaasi ma jiro ee qofka reer guraaga ah oo tiibi ku dhaca-do waxaa la geeya guriga eheladii walaal.adeer, abti oo magaalada ku yaal.Guurigaas ay ku nool yihiin currur ,hooyadood iyo aabihi reerka uu shaqynayeey ayaa waxaa la dhex keenaya qof tiibi qaba oo aad iyo aad ugu liita(qof maliil ah),halkaas waxaa lagu fidmeeyey reer dhan oo dhaqna.Tibiido waa cudur la isu gudbiyo oo qufaca iyo hindhisada qofka cudurka qaba ayaa sida cu-dursidihii, una gudbiya inta caafi-maadka qabta .Tibiida waxaa u nug-nugul dadka intiisa tabarta yar sida:carrurta,hooyada uurka leh ,dadka inta deda ah iyo dadka na-faqada xun ama cudurada so jiitama qaba. Bulshada magaalada ku nool inteeda badani carrurta ma talaas-haan .tiibiidu waxay ku jitra cudu-rada laga hortegi karo oo waxay leedahay talaat currurta la siiyo marku dhashoba intaanu dadbadan la kulmin(isla maalinku dhasho ayaa la talaala)marka qof tiibi qaba lagu daaweeyo gurigi ay carruri aan ta-laalayni joogto waxaa halis la geli-yeey caafimaad ki carrurtaas oo dhan,hooyadi iyo aabihi reerka xoo-ga u ahaa.Halis kale waxay tahay kuwi baadiyaha jiray lama yaqaan inta markaas cudurki (TIBIIDI) soo hayso, lakin aanay ka muuqan ca-laamadihi cudurku, kadibna cudurki soo ridayo oo siddi oo kale isla gu-rigu loo keenayo.Habkaas waxaa si fudud u faafay cudurki tibiida oo reerki gurigooda qofka jiran lagu daaweeyey qaybtood waxaa ku dha-cay CudurkiArrintani waa wax nolosheena oo dhaan saamayn weyn ku leh loona bahan yahay in deg deg ah wax loo-ga qabto,waana xill si good bulsha-da oo dhan saaran gaar ahaan daw-lada looga bahan yahay in qorshe u yeelato.

W/Q: Dr:Shaandhaye

Microsoft oo siidaysay Windows 10

Shirkadda microsoft waxay maa-lintii arbacada 29.07.2015 si

rasmi ah u sii daysay windows 10 oo waxbadan la sugayay si uu u no-qdo tirsigii kii ugu casrisanaa uguna dambeeyay taxanihii windows-ka.waxay shirkadda microsoft sheeg-tay in windows 10 laga heli karo 190 dawladood oo daafaha caalamka ah, ayagoo si lacag la’aan ah ugu dalac-siin doona windows 7 iyo 8 ka ay ho-rey u isticmaalayeen 10.windows kaan ayaa si isku mid ah loogu shubi karaa uguna shaqeenaya mobile-lada, tablet-ka iyo computer da, waana qorshe ay shirkaddu uga gol’leedahay inay uga hortagto sal balaarsiga ay wadaan Shirkadaha Apple iyo Google.

waxay microsoft loolan adag kula jir-taa nidaamka iOS ee raacsan Apple, iyo Android oo ay leedahay Google oo qayb libaax ku leh suuqa Mobile-da smart-ga ah iyo sidoo kale tablet-yada.Microsoft ayaa sheegtay in 2 maal-mood gudohood uu helay windows10 (14 million) oo downloads. intaas aan soo sheegay markaad akhriso waxaa hubaal ah inaad jeclaanaysid windows 10, waxa ugu horeeya oo dibaaqaaga ku soo dha-cayana ay noqonayso su’aashaan “Sidee computer-keyga ugu shubtaa windows 10” su’aashaas jawaabtee-du waa: “la soco cadadka xiga ee Wargeysak UMMADDA”.

Page 7: Wargayska Ummadda 11-Aad

Sabti 15 Augt 2015 Wargayska UMMADDA 7

Bogga Cayaaraha

Wararkii ugu dambayay ee Cayaaraha Manchester City oo doonaysa Pedro xili Dhigeeda Man United ay Rajo ka

Qabtay

Kooxda Manchester City ayaa soo cusboonaysiisay rabitaankeeda xi-

diga kooxda Barcelona ee Pedro Rodri-guez kaas oo mustaqbalkiisa Kooxda Barcelona uu soo xumaanayo. Pedro ayaa shaaca ka qaaday inuu Bar-celona ka tagayo kadib markii uu kur-siga kaydka ka galay kooxda Barcelona tan iyo markii weeraryahanadda MSN ay isla qabsadeen.Messi,Suares iyo Naymer ayaa jaanta isla helay xili cayaareedkii hore,waxana ay tasi sahashay in kursiga kaydka lagu ilaawo cayaryahano uu ka mid yahay Pedro Rodriguez.Pedro ayaa ah ciyaartoyga ugu koobab-ka badan ciyaartoyda ay isku da’da yihiin,waxana uu koobkii ugu damayey lugtiisa ku qaaday Finalkii ay 5 gool iyo 4 gool kaga qaadeen koobka kooxda Sevilla.

Iyada oo muddo Pedro lala xidhiidhi-nayay kooxda Manchester United isla markaana la sheegay in Van Gaal uu xi-dig si wayn u doonayo ayay Manchester City doonaysaa inay saxiixa Pedro kula tartanto kooxda ay dariska yihiin isla markaana ay sida wayn u xifiltamaan ee Man United.Pedro ayaa lagu iibsan karaa 22 milyan oo gini, laakiin Barcelona ayaa doonay-sa in lacagta hal mar oo kaliya la siiyo maadaama oo ay waayayso xidig muhi-im u ah kooxda.Man United ayaa doonaysa in Pedro uu buuxiyo booskii uu baneeyay Di Maria

oo ku biiray PSG, waxaana la aaminsan yahan in 28 jirkani uu heshiis shaqsi ah la gaadhay Man United.Balse Pedro ayay ciyaartoy badani uga digeen inuu Van Gaal kooxdiisa ku bi-iro kaas oo kursiga kaydka dhigay la-bada goolhaye ee ree Spain ee Valdes iyo De Gea. Van Gaal ayay dhawaan isku dhaceen Victor Valdes waxaana la sheegay in garamaanta ama maaliya-daha Valdes laga saaray qolka labiska kooxda kowaad ee Man United iyada oo la geeyay qolka labiska juniorka United.Aritan ayaa ka caraysiisay ciyaartoyda Spain ka soo jeeda ee Man United ka tirsan.Agaasimaha ciyaraha Manchester City ee Txiki Begiristain oo hore uga soo shaqeeyay Barcelona isla markaana ay Pedro si fiican isku yaqaanaan ayaa la sheegay in uu xaalada Pedro si dhaw ula socdo. Dhanka kale kooxda Man City ayaa ka walwalsan inay 46 ka milyan ee ay ku dalbatay Kevin De Bruyne ay guulaysan waydo.

Warkaan ayaa la filayaa in uu saamayn wayn ku yesho kooxda man united oo horay u shaacisay rabitaanka cay-aaryahankaan.Man United ayaa aad ugu baahan laacib ka cayaaro baalasha,kaasi oo aad u doonayso in ay ku hilmaanto laacibkii dhowaan uga wareegay kooxda PSG De Maria.

Liiska 10ka Cayaaryahan ee Da’da ah oo ugu qaalisan.

Bastian Schweinsteiger ayaa ku biiray liiska 10ka ciyaraya-

han ee ugu qaalisan ee ciyaar-toyda da’dooda ay 30 sanno jirka tahay amaba ka weyn.

Xiddiga Jarmalka ayaa heshiis 14 milyan ginni ah uga soo wareegay Bayern Munich isagoo ku biiray Manchester United, waxaana uu liiska ka soo galay kaalinta 7aad.

Waxa uu wax lagu qoslo ku til-maamay in la soo dhaafay waq-tigiisii uu ugu fiicnaa, qaar badan oo ka mid ah liiskaan ayaana sidaasi soo sameeyay.

Liiska waxa uu u qoranyahay si-dan:

10. Petr Cech, £10.9m

Kooxda uu ka tagay: Chelsea

Kooxda uu ku biiray: Arsenal

Da’da uu jiray markii uu waree-gayay: 33

Sannadka uu wareegay: 2015

9. Fernando Redondo, £11m

Kooxda uu ka tagay: Real Madrid

Kooxda uu ku biiray: AC Milan

Da’da uu jiray markii uu waree-gayay: 31

Sannadka uu wareegay: 2000

8. Angelo Peruzzi, £12.5m

Kooxda uu ka tagay: Inter Milan

Kooxda uu ku biiray: Lazio

Da’da uu jiray markii uu waree-gayay: 30

Sannadka uu wareegay: 2000 m

7. Bastian Schweinsteiger, £14m

Kooxda uu ka tagay: Bayern Mu-nich

Kooxda uu ku biiray: Manchester United

Da’da uu jiray markii uu waree-gayay: 30

Sannadka uu wareegay: 2015

6. Zlatan Ibrahimovic, £14.7m

Kooxda uu ka tagay: AC Milan

Kooxda uu ku biiray: PSG

Da’da uu jiray markii uu waree-gayay: 30

Sannadka uu wareegay: 2012

5. Jeremy Mathieu, £15.8m

Kooxda uu ka tagay: Valencia

Kooxda uu ku biiray: Barcelona

Da’da uu jiray markii uu waree-gayay: 30

Sannadka uu wareegay: 2014

4. Claude Makelele, £16.8m

Kooxda uu ka tagay: Real Madrid

Kooxda uu ku biiray: Chelsea

Da’da uu jiray markii uu waree-gayay: 30

Sannadka uu wareegay: 2003

3. Diego Milito, £20m

Kooxda uu ka tagay: Genoa

Kooxda uu ku biiray: Inter Milan

Da’da uu jiray markii uu waree-gayay: 30

Sannadka uu wareegay: 2009

2. Samuel Eto’o, £22m

Kooxda uu ka tagay: Inter Milan

Kooxda uu ku biiray: Anzhi Makhachkala

Da’da uu jiray markii uu waree-gayay: 30

Sannadka uu wareegay: 2011

1. Gabriel Batistuta, £25m

Kooxda uu ka tagay: Fiorentina

Kooxda uu ku biiray: AS Rom

Da’da uu jiray markii uu waree-gayay: 31

Sannadka uu wareegay: 2000

Kulanka Asbuuca oo Maalinta Axadda ah ku qorshaysan Chelsea iyo

Manchester City

Xiddigaha kooxda Manchester City ayaa sheegay in kulanka axada ee

ay la leeyihiin kooxda ay horyaalka Premier League ku xafiiltamayaan inuu yahay kulan aad u muhim ah,ayna doonayan in ay muujiyaan awood.

Kooxda ka dhisan ka waqooyi galbeed England ayaa ku dhameysatay kaa-linta labaad xilli cayaareedkii hore, iyagoo sideed dhibcood ka danbeeyay

Blues oo horyaalka qaadatay.

Kooxda Man City ayaana ku bilaabatay horyaalka Sanadka iyagoo ah koox aad fiican madaama ay 3-0 kaga badiyeen West Brom halka Chelsea ay barbaro 2-2 kala kulantay Swansea City.

Qaar ka mid ah cayaar-yahanada ko-oxda Man City oo saxaafada la had-lay ayaa qiray in kooxda Chelsea ay tahay koox aad u adag oo aan la loodin Karin,balse ay doonayaan in ay awood soo ban dhigaan dhankooda.

Cayaarta oo ah mid adag waxa ay ku qorshaysan tahay in ay ka dhacdo ga-roonka wayn ee Ethihad Stadium ee ay ku cayaarto kooxda Manchester City.

Kooxda Chelsea kulankaan waxaa ka maqan gool hayahooda kowaad ee kooxda,kaasi oo karaka casaanka ah qaatay kulankii ay kooxdu bar bar dhaca la gashay kooxda Swansea City, waxaana laga diiday rafcaan ay dam-ceen in ay ka qaataan kaarkaas.

Page 8: Wargayska Ummadda 11-Aad

8 Wargayska UMMADDA Sabti 8 Augt 2015

Bogga Xayaysiiska