warsidaha aga€¦ · warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka,...

16
Ku soo Dhowaada Tirsiga 8aad ee Warsidaha AGA! Warsidaha AGA waa warside-xilliyeed ay soo saarto Akadeemiye- Goboleedka AfSoomaaligu (AGA), oo idiin soo gudbiya aqoon isugu jirta xog-wadaag, aqoon-wadaag iyo talo-wadaag. Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela- da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la socodsiiyo hawlaha muhiimka ah ee ku saabsan arrimaha kor ku xusan Warsiduhu wuxuu ururiyaa, kaydiyaana dhacdooyinka muhiimka ah iyo waxqabadka arrimaha kore. Wixii ah fikrado iyo talobixin ku saabsan sii hagaajinta, hannaaninta iyo ho- rumarinta warsidahan aad ayaan u soo dhoweynaynaa. Sidoo kale, gacmo furan ayaan ku soo dhowaynaynaa qoraallada ay soo gudbiyaan qalinleyda iyo ehelada Af-Soomaaligu. Warsidahani wuxuu ku soo baxaa nuqul daabacan iyo mid elektoroonig ah (eeg www.aga.so). Cinwaanka lagala soo xiriirayaa waa Email: [email protected] HADAFKAYAGU WAA HIILKA AFKA HOOYO IYO HAL-ABUURKIISA WARSIDAHA AGA AGA NEWSLETTER WAA WARSIDE-XILLIYEED KU HADLA CODKA AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA (AGA) A PERIODICAL NEWSLETTER PUBLISHED BY THE INTERGOVERNMENTAL ACADEMY OF SOMALI LANGUAGE GOOSANKA TIFAFTIRKA TUSMADA TIRSIGAN EREYGA TIFAFTIRKA Jaaw Nabadgelyo 2019, Bilasho Wacan 2020!B2 QORMOOYIN HORTABIN MUDAN Googaalaysiga iyo CarrabJalqinta….Bogga 3aad Ararta Tixda………….……….…...….Bogga 4aad WARARKA WAXQABADKA AGA Akadeemiyada AGA iyo Naadiga Banaadir oo si Wadajir ah u Qabtay Tababbar ku Saabsan Qoraal Curinta Toolmoon……..…….Bogga 6aad Wakiilka AGA ee Sweden oo ka Qeyb-galay Bandhig Buuggeed……………....….Bogga 6aad AGA oo Buugaag ugu Deeqday Maktabadda Shalanbood …………………...……..Bogga 7aad Masuuliin AGA oo ka qaybgalay kulanka dugsiga Capital Academy ee London …..…..Bogga 7aad Warsidaha AGA oo Laba Jirsaday! .Bogga 9aad Xusuus Prof. Maxamed Cali Kalaay IHN B 10aad WARAR KALE OO XUSID MUDAN Laascaanood oo Qabatay Bandhiggeedii Koo- waad ee Buugaagta …..……….....Bogga 11aad Senetor Samsam Daahir oo Wasaaradaha ku Boorisay Adeegsiga af Soomaali Tayaysan B 11 Xarunta Aw Jaamac oo Nayroobi ku Qabatay Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida B 12aad Carwo Buugeed Lagu Qabtay Magaalada Gothenburg ee Sweden………..…..Bogga 12aad KORORSO AQOONTAADA Tilmaamayaal……………………….Bogga 13aad SUUGAANTA & HALABUURKA Riyadii Luntay(Sheeko Gaaban)Bogga14-15 aad TIRSIGA 8 AAD , SANNADKA 2 AAD , OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 Tifaftiraha Sare Mustafa C.Fayruus Agaasimaha Axmed M.Dhicisow Agaasimaha Farsamada Axmed Faarax Saalax Kaaliyaha Farsamada Amiin Yuusuf Khasaaro Xoghayaha Titaftirka Saynab Xaaji Axmed Bahda tifaftirka Cabdullaahi Shiiqaalow Cabdiraxmaan Abtidoon Cabdullaahi sh. (Gacanka) Dayax Axmed Ilay Kala xiriir : [email protected] Facebook: @AkadeemiyeGoboleedka AfSoomaaliga Twitter:@somaliacademy Website :www.aga.so Ilaahay haw naxariistoProf Maxamed Cali Kalaay (1953-2019)

Upload: others

Post on 17-Aug-2020

2 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

Ku soo Dhowaada Tirsiga 8aad ee Warsidaha AGA!

Warsidaha AGA waa warside-xilliyeed ay soo saarto Akadeemiye-

Goboleedka AfSoomaaligu (AGA), oo idiin soo gudbiya aqoon isugu jirta

xog-wadaag, aqoon-wadaag iyo talo-wadaag.

Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-

da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha

dunida kala jooga la socodsiiyo hawlaha muhiimka ah ee ku saabsan

arrimaha kor ku xusan Warsiduhu wuxuu ururiyaa, kaydiyaana

dhacdooyinka muhiimka ah iyo waxqabadka arrimaha kore. Wixii ah

fikrado iyo talobixin ku saabsan sii hagaajinta, hannaaninta iyo ho-

rumarinta warsidahan aad ayaan u soo dhoweynaynaa.

Sidoo kale, gacmo furan ayaan ku soo dhowaynaynaa qoraallada ay soo

gudbiyaan qalinleyda iyo ehelada Af-Soomaaligu.

Warsidahani wuxuu ku soo baxaa nuqul daabacan

iyo mid elektoroonig ah (eeg www.aga.so). Cinwaanka lagala soo xiriirayaa waa Email: [email protected]

HADAFKAYAGU WAA HIILKA AFKA HOOYO IYO HAL-ABUURKIISA

WARSIDAHA AGA

AGA NEWSLETTER

WAA WARSIDE-XILLIYEED KU HADLA CODKA AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA (AGA)

A PERIODICAL NEWSLETTER PUBLISHED BY THE INTERGOVERNMENTAL ACADEMY OF SOMALI LANGUAGE

GOOSANKA TIFAFTIRKA

TUSMADA TIRSIGAN

EREYGA TIFAFTIRKA Jaaw Nabadgelyo 2019, Bilasho Wacan 2020!B2

QORMOOYIN HORTABIN MUDAN Googaalaysiga iyo CarrabJalqinta….Bogga 3aad

Ararta Tixda………….……….…...….Bogga 4aad

WARARKA WAXQABADKA AGA Akadeemiyada AGA iyo Naadiga Banaadir oo si Wadajir ah u Qabtay Tababbar ku Saabsan Qoraal Curinta Toolmoon……..…….Bogga 6aad Wakiilka AGA ee Sweden oo ka Qeyb-galay Bandhig Buuggeed……………....….Bogga 6aad AGA oo Buugaag ugu Deeqday Maktabadda Shalanbood …………………...……..Bogga 7aad Masuuliin AGA oo ka qaybgalay kulanka dugsiga Capital Academy ee London …..…..Bogga 7aad Warsidaha AGA oo Laba Jirsaday! .Bogga 9aad Xusuus Prof. Maxamed Cali Kalaay IHN B 10aad

WARAR KALE OO XUSID MUDAN

Laascaanood oo Qabatay Bandhiggeedii Koo-waad ee Buugaagta …..……….....Bogga 11aad

Senetor Samsam Daahir oo Wasaaradaha ku Boorisay Adeegsiga af Soomaali Tayaysan B 11

Xarunta Aw Jaamac oo Nayroobi ku Qabatay Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida …B 12aad

Carwo Buugeed Lagu Qabtay Magaalada Gothenburg ee Sweden………..…..Bogga 12aad

KORORSO AQOONTAADA Tilmaamayaal……………………….Bogga 13aad

SUUGAANTA & HAL’ABUURKA

Riyadii Luntay(Sheeko Gaaban)Bogga14-15 aad

TIRSIGA 8AAD, SANNADKA 2AAD, OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019

Tifaftiraha Sare Mustafa C.Fayruus

Agaasimaha

Axmed M.Dhicisow

Agaasimaha Farsamada Axmed Faarax Saalax

Kaaliyaha Farsamada Amiin Yuusuf Khasaaro

Xoghayaha Titaftirka Saynab Xaaji Axmed

Bahda tifaftirka

Cabdullaahi Shiiqaalow Cabdiraxmaan Abtidoon

Cabdullaahi sh. (Gacanka) Dayax Axmed Ilay

Kala xiriir : [email protected]

Facebook: @AkadeemiyeGoboleedka

AfSoomaaliga Twitter:@somaliacademy

Website :www.aga.so

“Ilaahay haw naxariisto” Prof Maxamed Cali Kalaay

(1953-2019)

Page 2: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 2AAD

Waxaan laabnay bog ka mid ah sooyaalkeenna

taxanaha ah, oo ay ku xardhan yihiin garashadii

xilka & gudashadii waajibka ee 2019, amaba wixii

ilduuf & gaabin ahaa ee ay tahay in aan ka ga-

rowno soona kabno 2020. Markaan milicsanno

2019, wuxuu Akadeemiye-Goboleedka AfSoo-

maaliga (AGA) u ahaa sannad ay hawlo lagu

farxaa u qabsoomeen, qaar kale oo ay hi-

igsanaysayna ay awooddu gaasirtay; sannad wa-

tay dhacdooyin farxad & murugaba u lahaa bahda

afka & dhaqanka.

Sannadkan, masuuliin & waxgarad kala duwan

ayaa bogaadiyay waxqabadka ay AGA ugu jirto u

hiillinta afka hooyo. Waxaa ugu horreeya Mudane

Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee

JFS, oo si gaar ah ugu ammaanay tababbarrada

tayaynta adeegsiga afka ee ay siiso macallimiinta,

saxafiyiinta & qalinlayda soo koraya.

Waxaa AGA shahaado sharaf guddoonsiiyay

Naadiga Akhriska & Qoraalka Banaadir.

Guddoomiyaha naadiga, Md Khadar Cabdi Cab-

dillaahi, ayaa sheegay in ay AGA shahaadadaas

ku mutaystay dadaalkeeda hiilka afka hooyo &

taageerada ay la garab taagan tahay naadiyada,

gaar ahaan tababbarada.

Waxaa iyana xusid mudan, kaalintiisa hormuudni-

mo darteed, in Dr Maxamed Daahir Afrax, ay sha-

haado-sharafyo ku maamuuseen Ururka

Haweenka Soomaaliyeed ee UK iyo Ururka Ho-

rumarinta Dhaqanka & Af Soomaaliga (HADHSO).

Saaxiibbayaal waad ku mahadsan tihiin

ammaantiinna iyo bogaadintiinna, oo dhiirrigelin &

sahayba noo noqon doonta.

Akadeemiye-Goboleedku waxay kaalin mug leh ka

qaadatay carwooyinkii buugaagta 2019 ee lagu

qabtay Kismaayo, Garoowe, Baydhabo &

Muqdisho. Hoggaanka & hawlwadeennadeeduba

waxay ka qayb galeen doodaha, bandhigga dhi-

ganeyaasha & wacyigelintaba.

Waxaa sharaf kale ah in hoggaanka AGA ay ka

muuqdeen buugaagta la gardaadiyay sannad-

kan; haba ugu horreeyaan daabacaadda cusub

ee qisadii “Maana-faay”, ee uu qoray Dr Max-

amed Daahir Afrax, & Buugga “War Helaa Tala

Hela: Qaamuuska Siyaasiga Da’da Yar” oo ay

qortay Xildhibaan Maryan Cariif, oo ah

guddoomiye-ku-xigeenka AGA.

Waxaa isna ka mid ahaa buugga

“Haldoor:Taariikh-nololeedkii iyo Dhaxal-

cilmiyeedkii Shariif Saalax Maxamed Cali (1936

– 2014)” oo ay wada qoreen Mustafa Fayruus &

Cabdulqaadir (Maax), qaybna ka ah “Taxanaha

Darsida Afka iyo Suugaanta” oo ay soo saarto

Akadeemiye-Goboleedku.

Waxqabadka xusidda gaarka ah mudan waa dar-

dargelinta laamaha AGA ee Yurub, oo qayb ka

ahaa qorshayaasha loogu adeegayo ubadka

Soomaaliyeed ee qurbaha. Dr Maxamed Daahir

Afrax, Guddoomiyaha AGA, ayaa socdaal ku soo

kala bixiyay qaar ka mid ah laamaha AGA ee

Yurub. Sidoo kale, waxaa xarunta AGA ee

Muqdisho booqasho ku yimid masuuliinta AGA

ee Yurub, oo uu hoggaaminayay wakiilka AGA

ee Yurub mudane Cabdiraxmaan Maxamed Abti-

doon; ayna weheliyeen wakiilka AGA ee Sweden

& Scandenavia, mudane Xuseen Wadaad &

marwo Saynab Daahir oo ka tirsan AGA-UK.

Waa adduunyo & xaalkeede, sannadka 2019

waxaa godka Aakhiro u hoyday hal`abuur &

hawlwadeenno af Soomaaligu ku tiirsanaa.

Waxaa ka mid ah abwaannada Maxamuud Cab-

dulllaahi Ciise “Singub” & Saxardiid Maxamuud

“Jabiye”, iyo hawlwadeennadii Cabdullaahi Max-

amed Sheegow & Bare Sare Maxamed Cali Ka-

laay, iyo fannaankii Maxamed Warsa-

me “Tabantaabo”. Dhammaantoodba Ilaahay

haw naxariisto, jannadii Firdowsana ha ka wa-

raabiyo... Aamiin.

Jaaw nabadgelyo 2019! Bilasho wacan sannad-

ka 2020. Waxaad tahay bog kale oo ay tahay in

aan ku qorno dadaal kale oo loogu hiillinayo af-

keenna hooyo & hal`abuurkiisa. Soo dhowoow!

ERAYGA TIFAFTIRKA Jaaw Nabadgelyo 2019, Bilasho Wacan 2020!

Page 3: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

Googaalaysiga iyo carrabjalqintu waxay ka mid yihiin noocyada suugaanta carruurta ee soo ji-reenka ah. Labaduba waa ciyaarsuugaaneed ka mid ah hababka ay bulshadu ku barbaariso afka, dhaqanka iyo khayaalka ubadka soo koraya; iya-doo la huwinayo maaweelo iyo madadaalo soo jiidasho leh.

1. Googaalaysi

Googaalaysigu, ama diinley ama tiiley, waa hadal murtiyeed dahsoon, oo ku aroora sarbeebta, gaa-ban lehna qaafiyad la iskuna halxiraaleeyo.

Barbaarta beesha ayaa meel fagaare ah isugu yimaadda, sida ardaaga oo ay fiidkii ku wada caweeyaan iwm. Qofka xujada keenaya ayaa "googaa" yiraahda, sheegana hadal maldahan oo uu ku tilmaamayo waxyaabo deegaanka caan ku ah. Qofka xujada furaya ayaa "cigalle" ama "cadalle" yiraahda, markaasuu sheegaa waxa loo jeedo.

Tusaalooyinka googaalaysiga:

Googaa: xeradayadu waa wada ul oo ul la qaato ma leh! Cadalle: waa geesaha riyaha.

Googaa: hal madoobi hawd miratay! Cadalle: waa injirta.

Googaa: afar gammuun god ku wada yoontay! Cadalle: waa naasaha geela ama lo`da.

Googaa: dundun hoosteed duumo kugu legeday! Cadalle: waa hurdada.

Googaa: ul qurxoon qaadan waayay! Cadalle: waa maska.

Googaa: guntin macaan geed la fuul Cadalle: waa nafta.

Googaa: Wax so' leh,oo sar leh,oo suun leh,oo seedo leh,oo sanuun leh,oon nina sooryo ku deeqin

Cadalle: waa mijaha xoolaha.

Googaa: col ku dilay ciidan mood Cadalle: waa qodaxda

2. Carrab Jalqin

Carrab Jalqintu waa erayo ama weedh/weedho ay adag tahay in si degdeg ah ama si cad loogu dha-waaqo.

Badiba waa erayo leh qaafiyad ama codad isu eg, lehna habdhac isku mid ah, lana soo celiyo iyagoo leh qaafiyaddii iyo habdhacii laakiin ka duwan er-ayadii hore!

Googaalaysiga iyo CarrabJalqinta

QORMOOYIN HORTABIN MUDAN

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 3AAD

Waa in qofku erayadaas uu dhowr jeer si degdeg ah ugu dhawaaqaa isaga oo iska ilaalinaya inuu khaldo ama ku hakado eray ama ka badan.

Carrabjalqintu waa ciyaarsuugaaned sare loogu qaadayo xirfadda dhawaaqa iyo wacyiga luqadeed ee ubadka soo koraya. Carrabjalqintu waxay carrabka u laylidaa inuu si sahlan ugu dhawaaqi karo erayo adag isaga oo aan khal-dayn.

Marka ubadka lagu sharibayo carrabjalqinta waxaa lagu bilaabaa kuwa sahlan, deedna kuwa ka adag ayaa loo sii gudbaa.

Tusaaleyaasha carrabjalqinta waxaa ka mid ah:

Gorey god gal, god diin gal, diin god gal, god gorey gal!

Cadow god gal, god ciil gal; ciil god gal, god baas gal!

Naayaa Taygaro dhiishii Turbado buji, Naayaa Turbado dhiishii Taygaro buji!

Caanaan cabboo timir biyo kama daba kabban karo!

Abtigay kol is wad kol i wad!

Shimbir suul guduud, habartey suul guduud!

Shimbiri dhal cas, hooyadey dhar cas!

Aabbo waa qofe qumbaha gufka saar!

Biciid barqin bilcil daaqay jilbo baldhaq!

Dameerkaygiiyoow ii suntanid iina sumadanid!

Kabtaan kabteedii ee kobtan tiilay, yaa kobtan ka qaadoo kobtaa geeyay.

Wanyohow ha ii soo labalugdambe dhuldhigasho gundhusleyne, reerkaad u soo labalugdambe dhuldhigasho gundhusleyn kartid u soo labalug-dambe dhuldhigasho gundhuslee!

Waxaan dhahay waan dhahay, waxaanan dhihin ma dhihin, ninkii dhaho waxaan wuu dhahay ii gee anaa dhihi ma dhihin, ha dhaho adaa dha-haye!

Gabagabadii, guud ahaanba suugaanta carruur-ta, oo ay ka mid yihiin googaalaysiga iyo carra-bjalqintu, waxay ku habboon tahay baahidooda, da'dooda, garaadkooda iyo waayo-aragnimadooda nolosha, marba bulshada ay ku dhex nool yihiin iyo casriga ay nool yihiin.

W.Q. Bare Sare Mustafa Fayruus

Page 4: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 4AAD

Ararta Tixda

Arartu waxay ka mid tahay rukunnada ay ku dhisan

tahay tixda Soomaalidu. Waxaa kale oo ka mid ah

dulucda iyo gunaanadka.

Ararta waxaan ku qeexi karnaa gogoldhig lagu fur-

furto ka hor inta aan loo gelin dulucda tixda.

Ararta hal`abuurku wuxuu u adeegsadaa laba

ujeeddo oo kala ah:

In uu ku soo jeediyo dareenka dadka iyo,

In uu ku heemaaliyo farshaxannimada tixda.

Jaadadka Ararta

Marka aan u kuurgalno maansooyinka, aratu waxay

leedahay noocyo ay ugu muuqdaan qaybahani:

Arar ammaan.

Arar sababayn.

Arar halqabsiyeed.

Arar hogatusaalayn.

Qaybahan qaarkood waxay sii yeelanayaan

faracyo.

1. Arar ammaan: waa jaadka loogu adeegsi ba-

dan yahay, sababba dhawr ah ba. Tusaale, arar

ammaan waxay hal’abuurada adeegsan jireen,

markay isu maansoonayaan dhexdooda. Sabab

kale oo arar ammaan ku badnayn, waa marka tol-

leysiga dawladnimada ka hor; isagoo gabyaaga

ararta ku muujinaya maansa heli ogaantiisa.

Tusaale: Gooni Xaaji Cabdi oo ku arartey:

Rag cayaayir iyo maanso waa, camalladiisiiye.

Ceynaanka anigow hayiyo, celiyihiisiiye.

Kol haddaan callaqo looma furo, cagaha dheeld-

heele.

Lix iyo toban halaan soo cayimey, ceynka ka

hingaagsha.

2. Arar Sababeyn: arar sababayn waxaa lagu

muujiyaa sababta keentay tixda marinteeda.

Maansayahanka ayaa ararta ku xuso sababta

keentay inuu mariyo tixdan. Xaaladaha badanaa uu

adeegsado maansayahan arar sababaynta, waxaa

ka mid ah: calaacalka, hogatusaalaha adduun,

waano, dardaaran ikk.

Tusaale: Xaaji Aadan Afqallooc oo ku arartey:

Ta’da gabey waa taan ka tegey, tan iyo waa

dheere.

Isticmaarku goortuu tagaan, teydii gaabsa-

daye.

Caawana ma tiriyeene, waa igu tahliigeene.

3. Arar halqabsiyeed: waa magacdhabid lagu

xuso tixda oo siyaabo kala duwan loogu

halqabsado. Siyaalaha halqabsiyada waxaan ku

soo ururin karnaa qoddobadan:

In uu ugu halqabsado sababeynta tixda.

In uu ugu halqabsado qaddarin.

In uu ugu halqabsado is ammaanid.

In uu ugu halqabsado inuu duro.

In uu ugu halqabsado dirasho.

In uu ugu halqabsado sagootin.

3.1 Arar Halqabsiyeedda Sababeynta.

Tusaale: Xaaji Cismaan Sharma’arke, oo ku ar-

artey:

Ta’da gabey Gurraasoow beryahan, daayey

tiriskeede.

Xalaan tow ka soo iri hurdada, goor dalool te-

gaye.

Waxaan tebayo mooyaane annoo, taahayaan

kacaye.

3.2 Arar Halqabsiyeedda Qaddarinta: oo

noqon karta laba xaaladood midkood oo kala ah:

Inuu ugu halqabsado dhalyo ama dhareer

wadaag ay yihiin.

Inuu ugu halqabsado u qirsanaan afmaalni-

madiisa.

Tusaale arar halqabsi qaddarin: Khaliif Shiikh

Maxamuud oo ku arartey:

Aw Muusoow deelleyda gabey, adi laguu daaye.

Adigaa dabuubtiyo tixaha, soo dabaalbaraye.

Deelqaaf la’aan waadigii, daadaheyn jiraye.

Page 5: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

3.3 Arar Halqabsi Ammaaneed: waxaa tusaale u

ah gabey uu tiriyey Salaan Carrabeey oo ku arartey:

Lukaansi gabey Faaraxow, laaki ma laheynne.

Laflaf iyo lahwiga loo tirshiyo, jarey lurkiisiiye.

La’da xarafka laankiyo ba’daan, looyar ku ahaaye.

Nin awowgii loox ugu dhigoo, liil gelshaan ahaye.

3.4 Arar Halqabsiyeedda Durid ah: Arar halqabsi

duriddu waxa uu maansayahanka ugu arartaa ruuxa

uu ku halqabsanayo, isu maansood hore ha ka

dhexeeyo ama markaa ha is qabtaane.

Laba sababba wuu ugu halqabsadaa: u qirsanaan

murti heli ogaan gabay iyo inuu liidayo maansa

gaabnidiisa. Tusaale: arar halqabsi u qirsanaan, Cali

Dhuux Aadan oo ku arartey:

Ba’da gabey Ismaaciil Miraa, buuni ku ahaaye.

Beydduu akhriyey ma oran, yaa beddela kaase.

Maantuuse runtii baalmarey, bilaha iideede.

Tusaale arar halqabsi liidid: Samatar Baxnaan oo ku

arartey:

Laaqsi gabey Salaanow adaan, leyli ku ahaannin.

Aan laaqin mooyee murtida, laaxin ka idleynin.

Oo weli la liicliicayaad, rag isku laashaaye.

3.5 Arar Halqabsiyeedda Dirashada: Jaadkan

ararasho aad ayey ugu badan tahay maansada Soo-

maaliyeed. Tixda, jaad kastooy ahaataba, ma noqoto

arar la’aan halqabsi. Haddaan magac gaar ah lagu

xusin, waxaa lagu saleeyaa magac guud. Tusaale

ahaan sida: Ragga bixitimayoow... iwm.

Arar halqabsiga dirashada, wuxuu maanseeyuhu ugu

arartaa la dardaaranka ruux uu igmadey inuu ka war-

geeyo. Tusaale aan u soo qaadano gabey uu tiriyey

Saalax Maley Direy oo ku arartey:

Xuseenow arlada Hoobiyaad, aad is leedahaye.

Ayaan iyo labaa kaaga hadhey, imitinkii meyle.

Waa amar Ilaah iyo shil yimid, waxaad ku ooshaaye.

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 5AAD

3.6 Arar Halqabsiyeedda Sagootinta:

Tusaale aan u soo qaadano gabey uu tiriyey

Xuseen Dhiqle. Isagoo ku saleynaya magac

guud, wuxuu yiri:

Socdaalladatan joogow beraad, socod

damceysaane.

Safaryahow salaama e haddaad, saaka

naga guurto.

Sangootigii iyo haddey sooryo idin raacdo.

Saraaryeelan meel simman bannaan,

suudi iyo guure.

Jidku waa sursuure haddii, Eebbe idin

saabsho.

Sabadii baddii waxaad u dhixi, laba

siddeedaade.

4. Arar hogatusaaleyn: jaadkan, wuxuu

maansayahanku ku saleeyaa waaya-

arragnimadiisa, arragtidiisa garasho.. iwm.

Si uu ugu qiratusaaleyo waxa markaa taa-

gan. Tusaale: gabey uu mariyey Ismaaciil

Mire oo ku arartey:

In kastuu kabtiyo ama kallaho, ama kur dheer fuulo.

Bad kalluun ku jira key tahay, amase koob shaaha.

Kulligood addoomaha Rabbow, qeybshey kibistiiye.

Nin waliba wixii loo katibey, waa la kulan-siine.

Ninna innaanu soo kororsanaheyn, kaa ha-la ogaado!

Gabagabadii, jaadadkaa ararasho ee aan

soo iftiimiyey, marka laga tago, waxaa jira

qaybo kale oo u baahan in si qotadheer oo

cilmiyeed loo sii darso.

W.Q. Bare

Cabdulllaahi Sh. Cabdi (Gacanka)

Waa Kuma Cabdullaahi Gacanka? Waa suugaanyahan waaya-araga. Afmaal hiba u leh haltirinta maansada.

Weriye suugaan ururiye ah. Soo saara barnaamijyada la xiriira dhaqanka, hid-daha afka iyo hal'abuurkiisa. Bare. Xeeldheere ka tirsan AGA.

Page 6: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

Tababbar ay si wadajir ah u soo

qabanqaabiyeen Akadeemiye-Goboleedka

AfSoomaaliga (AGA) iyo Naadiga Akhriska iyo

Qoraalka Banaadir ayaa 4-5/11/2019 waxaa la-

gu qabtay magaalada Muqdisho.

Tababbarka waxaa bixiyay, Macallin Mustafa

Cabdullaahi Feyruus iyo Macallin Cabdullaahi

Sheekh Aadan (Gacanka) oo labaduba ka tirsan

AGA.

Tababbarka oo socday laba maalin, ayaa waxaa

ka faa’idaystay in ka badan konton arday.

Casharrada tababbarka ayaa kale ahaa: qoraal-

ka toolmoon iyo qorista sheeka faneedda.

Tababbarkan ayaa la xiriira, tababbarro ay AGA

horay u qabatay ee cinwaankoodu ahaa

“Tababbar-xirfadeedka Qoraal-curinta tool-

moon.”

Gabagabadii ayaa ardaydii ka faa’idaystay tab-

abbarka la siiyay shahaadooyin. Tababbarka

waxaa soo xiray guddoomiyaha Naadiga Ba-

naadir, Md Khadar Cabdi Cabdillaahi.

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 6AAD

WARARKA WAXQABADKA AGA AGA iyo Naadiga Banaadir oo Tababbar wada Qabtay

Munaasabadda maalinta macallinka oo lagu

mataaniyay bandhig-buugeed ayaa lagu qabtay

magaalooyinka Eskilstuna iyo Katrineholm ee dal-

ka Sweden.

Wakiilka AGA Sweden mudane Xuseen Maxamed

Cabdulle (WADAAD), oo munaasabaddaas ka

hadlay ayaa ugu horreyn hambalyo iyo bogaadin

diray macallinka Soomaaliyeed. Waxaa uu u

rajeeyay horumar iyo guul.

Sidoo kale, Xuseen Wadaad waxa uu meesha ka

sheegay, muhiimadda ay leedahay ilaalinta afka

iyo dhaqanka. “U hiillinta afka hooyo waa in loo

wada guntado, waayo, afku waa jiritaanka um-

madda” ayuu yiri.

Goobta waxaa lagu soo bandhigay tiro buugaag

ku qoran af Soomaali.

Waxaa loo asteeyay 21 Noofambar ee sannad

kasta in lagu maamuuso “maalinta macallinka

Soomaaliyeed”.

Meesha waxaa laga qaaday heeso ay qaadaysay

Elisabeth Ask.

Wakiilka AGA ee Sweden oo ka

Qaybgalay Bandhig Buugeed

Af Soomaaliga Wuxuu ka mid Yahay Afafka Xuduudaha ka Gudba

Prof Cabdulqaadir Ruumi, wakiilka AGA ee UK, ayaa 28/9/2019, warbixin uu ka jeeday Carwada Buugaagta iyo Fanka Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Gothenburg ee dal-ka Sweden, ka sheegay horumarka u samaynayo af Soomaali-ga. “Nasiib wanaag af Soo-maaliga waxaa loo aqoonsaday, inuu ka mid yahay afafka loo yaqaan Cross-Border Lan-guages ee looga hadlo Geeska Africa” ayuu yiri Prof Ruumi.

Page 7: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 7AAD

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)

ayaa 11/12/2019 buugaag ugu deeqday makta-

badda magaalada Shalanbood.

Cabdisalaan Warsame oo ka mid ah guddiga

buugaag ururinta maktabadda Shalanbood, kana

socday qaybta Muqdisho, ayaa soo booqday

xafiiska Akadeemiye-Goboleedka (AGA).

Buugaagta Haldoor iyo Maana-faay ayay AGA

ugu deeqday maktabadda.

Saynab Xaaji oo ka mid ah hawlwadeennada

AGA, ayaa guddoonsiisay Cabdisalaan

buugaagta iyo nuqullo ka mid ah Warsidaha

AGA.

Baryihii danbe waxaa soo kordhayay, unkidda

maktabado laga furayo magaalooyinka dalka.

Magaalooyinka, Garbahaarrey, Caabudwaaq,

Cadaado, Baledweyne iyo Baydhabo ayaa laga

furay maktabado akhris.

Maktabadahu waxay ka mid yihiin, xarumaha

aqoon faafinta ee kobciya garaadka bulshada.

Waddankeenna dhismaya, wax uu aqoon uga

baahi badan ma jirto.

Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, ayaa soo

qabanqaabiyay 8/12/2019, xaflad shahaado lagu

guddoonsiiyay, Ismahaan Cabdi-kaafi Guuleed

(Arraweelo) oo ka tirsan golaha.

Guddoomiyaha Golaha Abwaannada, Xirsi-dhuux

Maxamed, oo munaasabadda furay, ayaa sheegay

inay Ismahaan samaysay isxilqaan weyn ay ugu

gurmatay shacabka reer Baledweyne.

Ismahaan oo ka hadashay xafladda, ayaa ka ma-

hadcelisay dhiirrigelinta ay u sameeyeen Golaha

Abwaannada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa xafladda ka hadlay gud Ku-

xigeenka golaha abwaannada Axmed Saciid,

agaasimaha Radiyow Kulmiye (KNN) Burhaan Diini

Faarax, Seynab Xaaji Axmed oo ka socotay AGA

iyo Madaxa barnaamijka Haldoor Dayax Axmed

Ilay oo dhammaan bogaadin iyo mahadcelinba u

jeediyay Ismahaan.

Waxaa shahaada Ismahaan guddoonsiiyay Gudd

Golaha Abwaanada, Abwaan Xirsi-dhuux.

AGA iyo Golaha Abwaannada waa bahwadaag, u

midoobay hiilka afka, dhaqanka, suugaanta iyo

hal’abuurka Soomaaliyeed.

AGA oo Buugaag ugu Deeqday

Maktabadda Shalanbood

Masuuliin AGA oo ka Qaybgalay

Xaflad Golaha Abwaannadu ku

Bixinayay Shahaado Sharaf

Himilada AGA (Vision) Af Soomaaliga oo halista ka badbaada,

adeegsigiisa la xoojiyo lana saxo, laga dhigto nabad-side walaaleeya Soomaalida

iyo idil ahaanba ummadaha Geeska Afrika.

Page 8: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 8AAD

Masuuliin ka tirsan Akademiye-Goboleedka

AfSoomaaliga (AGA) 11/10/2019, ayaa ka

qaybgalay kulan aqooneedka dugsiga sare ee

Capital Academy ee ku yaal magaalada Lon-

don. Kulankan oo si heer sare ah lo soo

agaasimay waxaa loogu talaggalay ardayda iyo

waalidiinta dugsiga.

Wakiilka Akadeemiye-Gobleedka Qaaradda

Yurub Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon iyo

xubno ka tirsan AGA-UK ayaa ka qaybgalay

kulanka uu soo qabanqaabiyay dugsiga sare ee

Capital Academy.

Saynab Aaden Sharci Daahir oo ka tirsan

maamulka AGA-UK lahaydna kaalinta isku xirka

AGA iyo Capital Academy, ayaa waxay ka

warbixisay sababihii loo asaasay Akademiye-

Goboleedka AfSoomaaliga iyo hawlaha ay

qabato. Waxay ku dhiirrigelisay dhallinyarada in

ay ku dadaalaan barashada afka hooyo.

Saynab oo iyadaba ah macallimad dugsi sare

wax ka dhiga, ayaa ardayda ku dhiirrigelisay in

ay waxbarashada ku dadaalaan, si ay aaya fii-

can u helaan.

Sidoo kale, hal’abuur Cabdirashiid ina Caws-

gurow oo ka tirsan AGA-Kenya, ayaa kulanka

ka tiriyey maanso ka hadlaysa waxa bul-

shadeenna u ah baadisooca.

Maxamed Cabdullaahi Cartan ka tirsan AGA, ayaa

u soo bandhigay cashar dhallinyaradii iyo waalidi-

intiiba, halka ay Soomaalidu ka soo jeeddo, dha-

qanka iyo dabeecadaha u gaarka ah ee lagu ya-

qaan Soomaalida, taariikhdoodii iyo bulshooyinkii

uu ganacsigu kala dhaxayn jiray sida Faraaciintii,

Shiinihii iyo Giriiggii hore.

Shirkadaha LoohPress iyo Galool Somali ayaa

waxay soo bandhigeen qaar ka mid ah buugaagta

ay soo saareen iyo buugaag kale oo ay qoreen

qorayaal Soomaaliyeed.

Baar Xirsi oo ka tirsan dugsiga City Academy ayaa

ka warbixisay, sidii loo soo qabanqaabiyey ku-

lankaas, waxayna u sheegtay waalidiintii iyo arday-

dii kulanka joogtay, inay la socdaan kulamo kale

oo dhawaan iyo mustaqbalkaba uu qaban doono

dugsiga. Waxayna hambalyo iyo mahadnaq u soo

jeedisay AGA-UK kuna ammaantay waxqabadka

ay bulshada u hayaan.

Ugu dambeyntii, maamulaha dugsiga sare ee Cap-

ital Academy, ayaa u mahadnaqay ka soo

qaybgalayaashii, ballanqaadayna inay wadi

doonaan kulammadan oo kale, si loo xoojinayo

afka dhaqanka iyo sooyaalka Soomaaliyeed.

Maamuluhu wuxuu ka codsaday AGA in ay bar-

naamijyo kale la abaabulaan dugsiga.

Masuuliin AGA oo ka Qaybgalay Kulanka Dugsiga Capital Academy ee London

Page 9: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 9AAD

Warsidaha AGA oo Laba Jirsaday!

Waxa farxad noo ah inuu laba jirsaday Warsidaha

AGA oo la bilaabay Janaayo 2018.

Waa warside-xilliyeed ay soo saarto Akadeemiye-

Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), soona baxa sad-

dexdii biloodba mar. Warsidahu, wuxuu ku soo

baxaa laba nuqul, mid warqad daabacan ah iyo mid

electronic ah.

Warsidaha AGA ujeeddooyinka loo asaasay waxaa

ka mid ah: in uu ehelada afka, hal`abuurka, dhaqan-

ka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida

kala jooga, la socodsiiyo hawlaha muhiimka ah ee

ku saabsan arrimaha afka hooyo.

Warsiduhu wuxuu ururiyaa, kaydiyaana dhacdooyin-

ka muhiimka ah iyo waxqabadka afka hooyo iyo

hal’abuurkiisa.

Maxay aqoonyannada ka yiraahdeen?

Aqoonyahanno badan oo isugu jira siyaasyiin iyo

waxgarad ayaa ka hadlay Warsidaha AGA. Xildhi-

baan Maxamed Cumar Dhalxa, ayaa caddeeyay

inuu ku faraxsan yahay tayada iyo quruxda uu lee-

yahay Warsidaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoo-

malaiga (AGA).

“Aniga, xildhibaan ahaan aad baan u taagearayaa in

la helo warisde u gaar ah arimaha afka, dhaqanka,

suugaanta iyo hal’abuurka, waxaana ku talinayaa in

la badiyo caddadka laga soo saaro warsidaha.”

ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa oo hoosta ka xariiqay in

uu qoraallo la soo wadaagi doono warsidaha.

Sidoo kale, Xildhinbaan Khaalid Macow ayaa

sheegay in horumar ballaaran oo lagu faani

karo uu sameeyay warsidaha ku hadla codka

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga

(AGA).

Xildhibaanka oo ka mid ah akhristayaasha

Warsidaha AGA ayaa caddeeyay, inuu war-

sidaha ka helo macluumaad isugu jira aqoon,

dhaqan, suugaan iyo hal’abuur waxtar u leh

ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu iftiimiyay

inay Akademiye-Goboleedku mudan tahay, in

lagu bogaadiyo soo saarista warsidahan dhax-

algalka ah.

Dhanka kale, qorayaal, dhallinyarada jecel

akhriska iyo qoraalka, abwaanno, suxufiyiin iyo

macallimiin ka mid ah bahda waxbarshada

ayaa sheegay, inuu yahay warisidaha isha ay

kala socdaan waxqabadka Akadeemiye-

Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).

Muddadii labada sanno ahayd ee uu soo jirey

Warsidaha AGA, waxa uu sameeyay horumar

lagu faani karo. Ammaan iyo bogaadina waxaa

mudan AGA iyo Goosanka tifaftirka warsidaha.

Page 10: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 10AAD

Ilaahay haw naxariisto marxuum Prof Maxamed

Cali Kalaay, wakiilkii Akadeemiye-Goboleedka

AfSoomaaliga ee K/Galbeed, aasaasihii

Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya iyo wasiirkii

hore ee tacliinta sare. Marxuumku waxbarashada

hawl fiican ayuu ka qabtay.

Bare Sare Maxamed Cali Axmed oo loo yaqaanay

“Kalaay” wuxuu ku dhashay magaalada Baydhabo

sannadkii 1953; wuxuuna ku geeriyooday isla

Baydhabo waaberigii Jimcaha 8/11/2019.

Marxuumku waxbarashadiisa asaasiga iyo dugsiga

sareba wuxuu ku qaatay magaalada Baydhabo

muddadii 1964 – 1975; halka tacliintiisa

jaamacadeedna uu ku qaatay Kulliyadda Warba-

rashada Lafoole, oo uu ka qalinjebiyay sannadkii

1980.

Marxuumku sooyaalkiisa shaqo inta badan wuxuu

ka soo shaqeeyay waxbarashada, macallinnimo

iyo maamul heerar kala duwan ah.

Ugu horaynba wuxuu shaqada ka bilaabay

Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta, ka-

gana soo shaqeeyay macallin iyo maamul heerar

kala duwan ah laga bilaabo bilawgii 1980aadkii ilaa

1991.

Wuxuu noqday Wasiirka Hiddaha iyo tacliinta sare

ee TFG muddadii u dhexaysay Diisambar 2000 -

Febraayo 2002.

Wuxuu ka shaqeeyay aasaasidda Jaamacadda

Koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo, wuxuuna

noqday guddoomiyihii koowaad, oo uu ahaa

muddadii u dhexaysay Agoosto 2008 ilaa Sebtem-

bar 2017.

Waxaa kale oo marxuumku ka shaqeeyay arri-

maha gargaarka, horumarinta iyo nabadda ee Go-

bollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Wuxuu kala shaqeeyay guddiyo, hay`ado waddani

ah, hay`ado caalami ah, hay`ado UN; oo uu ka soo

qabtay xilal fulin iyo latalin intaba ah, muddadii u

dhexaysay 1992- ilaa hadda.

Bare Sare Maxamed Cali Kalaay wuxuu ka mid

ahaa odayada iyo hawlwadeennada Akadeemiye-

Goboleedka AfSoomaaliga (AGA); wuxuu ahaa

wakiilkeeda Baydhabo laga soo bilaabo Luulyo

2015 ilaa geeridiisii.

Marxuumka Ilaahay haw naxariisto, oo ha u nuuri-

yo xabaasha.

Akadeemiye-Goleedka AfSoomaaliga (AGA),

ayaa 21/10/2019, qabatay xus xusuus ah ay ku

maamuusaysay, Alla ha u naxariiistee wakiilkii

AGA Baydhabo, Prof Maxamed Cali Kalaay.

Munaasabadda oo ujeedadeedu ahayd duco iyo

xusuus ayuu furay guddoomiyaha Akadeemiye-

Goboleedka AfSoomaaliga, Dr Maxamed Daahir

Afrax. Waxa uu ka tacsiyaynayay geeridii ku tim-

id wakiilkii AGA ee K/Galbeed, isaga oo Alle uga

barayay in uu jannadiisa ka waraabiyo.

“Prof Maxamed Cali Kalaay, waxa uu ahaa

aqoonyahan qaali ah oo wax badan u soo qabtay

ummaddiisa, waxaana lagu xasuusan doonaa

kaalintii uu ku lahaa daryeelka iyo hiilka afka

hooyo” ayuu yiri Dr Afrax.

Prof Mustafa Cabdullaahi Fayruus oo ay marxu-

umka ka wada tirsanaayeen Akadeemiye-

Goleedka, ayaa munaasabadda ka jeediyay

taariikh-nololeedkii marxuumka. Waxa uu faah-

faahiyay heerarkii kale duwanaa ee uu soo

maray marxuumku.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud,

Eng Saalax Sheekh Cusmaan; La-taliyaha

Wasaaradda Waxbarashada, Dr Cabdishakuur

Sheekh Xasan Fiqi; Guddoomiyaha Golaha

Abawaannada Soomaaliyeed, Abwaan Xisri-

dhuux; Agaasimaha Wakalaadda Wararka Soo-

maaliyeed iyo wargeyska dalka, Cali Cabduqaa-

dir Aadan iyo Prof Fawsi Cabdinuur Maxamed oo

ka tirsan Golaha Aqoonayahannada Koonfurta

Soomaaliya, saaxiib dhawna la ahaa marxuumka

iyo Guddoomiyaha naadiga Hillin-hayaan

Cabuqaadir Axmed Jubba oo iyaguna halkaas ka

hadlay ayaa ka tacsiyeeyay geerida Prof Max-

amed Cali Kalaay.

Xus iyo Xusuus Prof. Maxamed Cali

Kalaay IHN Marxuum Maxamed Cali Kalaay

Taariikh Nololeed Kooban

Page 11: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 11AAD

WARAR KALE OO XUSID MUDAN

Laascaanood oo Qabatay Bandhig-geedii Koowaad ee Buugaagta

Bandhigga Caalamiga ee buugaagta Laas-

caanood oo si heer sare ah loo soo agasimay

ayaa 12/12/2019 lagu soo xiray magaalada Laas

-Caanood ee Gobolka Sool.

Bandhig-buugeedkan oo ay qabanqaabadiisa iyo

fulintiisaba lahaayeen ururka dhallinyarada Mid-

sool oo ah urur dhallinyaro oo ay ku midaysa-

nyihiin bahda qalinlayda iyo hal’abuurka ee ka

dhisan magaalada Laascaanood, ayaa waxaa

maalgalisay hay`adda waddaniga ee SVO.

Bandhigan oo muddo saddex maalin ah ka

socday garoonka Cabdi Bile Cabdi ee magaala-

da Laascaanood, waxaa kasoo qaybgalay

siyaasiyiin, qorayaal, ehelada afka, dhaqanka iyo

suugaanta, aqoonyahanno, fanaanniin iyo marti

sharaf badan.

Abwaan Yuusuf Shaacir, Abwaan Laabsaalax,

abwaan Hurre walanwal, Abwaan Maxamed

dheere, Abwaan Cismaan Cabdinuur, Abwaan

Cali Food iyo abwaanno kale ayaa ka mid ahaa

martida bandhigga.

Waxaa sidoo kale bandhigga lagu casuumay

qorayaal iyo dad magac ku dhex leh bahda qal-

inlayda iyo hal’abuurka iyo kooxda ciyaaraha

dhaqanka Sooyaal Darwiish.

Bandhigga ayaa si qurux badan ku soo

dhammaaday.

Senetor Samsam Daahir oo Wasaar-adaha ku Boorisay Adeegsiga

Af Soomaali Tayaysan

Fadhi uu yeeshay golaha Aqalka sare ee Baarla-

maanka Federaalka Soomaaliya 24/10/2019, kuna

saabsanaa ansixinta dakhliga sannadka soo

socda oo ay soo diyaarisay wasaaradda maali-

yadda, ayaa lagu dhaliilay hab qoraalka ay

wasaaraddu u soo diyaarisay sharciga.

Senetor Samsam Daahir Maxamuud, oo ka mid

ah xubnihii Aqalka Sare ee soo akhriyay sharciga

kaalin firfircoonna ka qaatay wax ka qabashada

arrintaas ayaa ka falcelisay.

Xildhibanaddu, waxaa ay wasaaradda maaliyadda

iyo dhammaan hay’adaha kale ee dawladda u soo

jeedisay in ay hindise-sharciyeedyada inta aysan

hor keenin baarlamaanka, ku soo dadaalaan

turxaan bixinta iyo tifaftirka qoraalkooda.

Waxaa ay xildhibaanadda Samsam kula talisay

wasaaradaha in ay arrintaasi kala kaashadaan

Akadeemiye-Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA)

oo ah xarun-cilmiyeedda u xilsaaran horumarinta,

cilmiyaynta iyo tayeynta af Soomaaliga.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoo-

maaliga, Dr Maxamed Daahir Afrax, wuxuu maga-

ca AGA hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa Sen-

ator Samsam Daahir Maxamuud, indheergaradni-

mada iyo u damqashada afka hooyo.

Page 12: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 12AAD

Toddobaadka dhaqanka Soomaalida, ay soo

qabanqaabisay xarunta Dhaqanka Awjaamac Cu-

mar Ciise ayaa 18-20/10/2019, lagu qabtay

magaalada Nayroobi.

Sannadkan oo barnaamijka halhays looga dhigay

“Wada shaqayn”, ayaa si qurux badan u dhacay.

Waxaa barnaamijka ka soo qaybgalay xubno ka

socday baarlamaanka Kiiniya, qunsulka safaar-

adda Soomaalida, masuuliin ka socday gobollada

kala duwan ee Soomaalidu degto, sida:

Mandheera iyo gobolla kale, wakiillo matalayey

ganacsatada, aqoonyahaanno, dhallinyaro,

haween, fannaaniin iyo dadwayne aad u badan.

“Sannadkan waxaa ahmiyadda la siiyay is-

dhexgalka bulshada, dhiirrigelinta dhallinyarada,

soo bandhigidda hiddihii iyo agab dhaqameedkii

Soomaalida.” ayuu yiri Maxamed Cirro oo

dhinaca kale caddeeyay, in halkaas lagu soo

bandhiggay in ka badan seddex boqol oo buug

iyo warsidayaal.

Bandhig buugeed si heer sare ah loo soo

agaasimay, ayaa dhawaan lagu soo xiray

magaalada Gothenburg ee waddanka Sweden.

Carwadan oo socotay 27-28/9/2019, ayaa lagu

soo bandhigay daraasado ka hadlaya hodantini-

mada afka Soomaaliga, kaalinta uu qoraalku ka-

ga jiro horumarinta afka iyo sidii la isaga

kaashan lahaa hiilka iyo daryeelka afka hooyo.

Martida carwad buugeedka, waxaa ka mid ahaa:

Prof Cali Jimcaale Axmed, Dr Xuseen Cabdulle

(Wadaad), Cabdullaahi Hanti-wadaag, Cabdu-

qaadir Ruumi iyo fannaaniin dhawr ah oo ay ka

mid ahaayeen: Bashiir Cali Xuseen, Kooxda

Dhaanto iyo Elizabeth Ask.

Waxaa carwada lagu soo bandhigay buugaag ay

ka mid ahaayeen: Gaso, Ganuun iyo Gasiin; Go-

dob iyo Gallad; Bidhaamiye; Calaf iyo Nasiib;

Maana-faay; Gacal iyo Gayaan iyo buugaag kale

oo qiima badan.

Xarunta Aw Jaamac oo Nayroobi ku Qabatay Toddobaadka

Dhaqanka Soomaalida

Carwo Buugeed Lagu Qabtay Magaalada Gothenburg ee Sweden

Buugaag Cusub oo Lagu soo Bandhigay Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Baydhabo

Caabudwaaq: Barnaamijka qoraaga iyo buugga ayaa magaalada Caabudwaaq ku soo bandhigay 23/9/2019 buugga “Nolol iyo Jacayl” ee ay qortay Farxiya Muxudiin Yuusuf “Lama-Filaan”. Baydhabo: daahfurka buugga “Soomaaliya iyo Dawladnimada Maxaa Kala Haysta” oo uu qoray Aways Cabdullaahi Ibraahim ayaa 18/10/2019 lagu qabtay magaalada Baydhabo. Bandhigan oo ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Baydhabo ayaa si fiican u dhacay. Bandhigyada buugaagta waxay ka mid yihiin dadaalada aqooneed ee lagu kobcinayo akhriska iyo aqoonta.

Page 13: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 13AAD

KORORSO AQOONTAADA AFKA HOOYO

Tilmaame (tilmaamayaal) waa erayo magaca ka

raaca xagga dambe, oo tilmaama rugtiisa. U fiirso

labadan tusaale:

1- Faarax, qaado qalinkaas (qalin+kaas)

2- Faarax, qaado qalinkan (qalin+kan)

Erayga “qalin” labada tusaale waxaa kala raacay

laba dibkabe oo tilmaamaya qalin yaalla meel

cayiman marka loo eego hadlaha. “Kaas” wuxuu

tusayaa meel ka durugsan hadlaha, halka “kan”

tusinayo meel u dhaw hadlaha.

Timaamayaashu waxay leeyihiin qaab labeed iyo

mid dhaddigeed, waxayna la mid noqdaan caynta

magaca ay raacaan; labka waxay yeeshaan cod-

ka “K”, dhaddiggana codka “T”. Tusaale:

Ninkan naagtan

Ninkaas naagtaas

Marka ay tilmaamayaashu dibkabayaan magaca

waxa iyagana ku dhaca is beddel codeed.

Waxana ugu wacan hadba codka uu ku

dhammaado magacu. Tusaale:

B. Sartan ayaa cusub.

T. Buuggaas baa fiican.

J. Daartaas Cali baa leh.

X. Qolkan ayaa ka wayn qolkaas.

KH. Ha xirin irriddan.

D. Fur gasacan.

R. Furahan iyo ushan Geeddi baa leh.

Tilmaamayaashu markay raacayaan magacyada

wadarta ah, isma beddelaan tiro ahaan balse,

waxay waafaqaan hadba sida ay noqoto caynta

wadareed tusaale:

Ninkan Nimankan

Naagtaas Naagahaas

Dawadaas Dawooyinkaas

Barahan Barayaashaas

Tilmaamayaal (Naxwe)

Si aan u helno sifaynta tilmaamayaasha oo

dhan waa in aan ku kordhinnaa laba tilmaame

oo kale, kuwaas oo ku kala duwan masaafada

qofka ama shayga laga hadlayo oo uu ku jiro

hadlaha:

Keer, teer iyo koo, too

Tilmaamayaashani waxay muujiyaan magaca ay

gadaal ka raacaan in uu yahay wax ama qof ka

fog hadlaha. “Keer” iyo “teer” waxay sheegaan

fogaansho dhexdhexaad ah, “koo” iyo “too”

waxay iyaguna sheegaan fogaansho sii durug-

san. Tilmaamayaashan waxay intuba qabtaan

shaqadii labadii hore oo kale.

Guud ahaan tilmaamayaashu waxay noqona-

yaan lix tilmaame; saddex lab iyo saddex dhad-

dig; waana kuwan:

Lab: Kan (dhow), keer (dhexe), koo (fog)

Dheddig: Tan (dhow), teer (dhexe), too (fog)

Tilmaamayaashu faahfaahin kale ayay magaca

ku kordhiyaan, waxaa tilmaamayaal

(demonstratives) loo yiri maadaama ay bartil-

maamaan qof ama shay go’an, iyagoo muujina-

ya marka laga eego rugta hadluhu uu joogo.

Waxaa soo koobtay Macallin Dayax Axmed

Barashada Naxwaha Af Soomaaliga,

Abdalla Omar Mansur & Annarita Puglielli,

bb. 51-53

Page 14: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 14AAD

"Ee aayo gabadhu waa ayo.” ayuu si lama filaan

ah u wayddiiyay Cosob. "Waa gabadh ina

Dhamac la yidhaahdo.” ayay Cosob ugu hal-

celisay. "Janno gashadu Jaah qurxoonaa!" ayuu

si beraad la' u yiri.

Cosob baa inta wajigiisa eegtay ka hubsatay

malaheeda. "Gabadha ma damac baa kaa ga-

lay?”

"Awowgeed la gubtu, ma wax damac rag ka geli-

waayaa! Midho dhafaruureed ayaaba la

moodaaye". ayuu kula kaftamay.

Cosob baa u sheegtay waxay ka garanaysay

Ladan, una raacisay in aabbaheed Dhamac aan

laga marin geela xaggiisa. Iyadoo si dadban ugu

sheegaysa Geeddi, inuu geel badan iska diyaari-

yo, si uu u helo gabadha.

Geelisuu ku fikiray. In Ladan geel iyo ka badanba

istaahisho ayuu isku guubaabiyay. Maanka ayuu

ka qorshaystay arrinta ugubka ku ah.

‘Waa curad ninkii dhalay, laga siiyo cuudoo

Waa curad ninkii dhalay, mahad looga celiyee.’

ayuu cod hoose isugula heesay.

Markuu cabbaar fikiray, wuxuu go’aansaday inuu

Ladan u geed fariisto. Aabbihii Rooble ayuu farriin

u diray oo garab iyo gacanba weyddiistay.

Farriintu markay gaadhay Rooble; kamana

xumaan, kumana farxin. Wuxuuse shuruud uga

dhigay inuu sugo wakhtiga roobku da'o. Isagoo ku

halqabsanaya oraahdii ahayd "Aabbo dayrta soo

socota hadday wanaagsanaato anaa guursanba

adiga daaye; haddayse xumaato macal hooyadaa

baa la furi.” Geeddina waa ku dagay farriinta

aabbihii, isagoo niyadda ka sawirtay sida dayrta

loo barwaaqoobi doono.

Waxay ahayd xilli lagu jiro abaar. Roobkii horee

gu'ga biyihii kaydka ahaa ee balliyada galay iyo

daaqii uu dhulka kasoo saarayba gabaabsi yihi-

in. Reer Rooble, waa reer ladan marka la eego

nolosha baadiyaha. Meesiyada xoolaha noocya-

diisa kala duwan buu Ilaahay ugu deeqay reer-

ka. Kedinno geel ah, tirooyin adhi ah iyo lo' tiro

beeshayba way leeyihiin; ase kalsooni badan

lo'da kuma qabaan hadday abaartu jabi waydo.

***

Geeddi Rooble, waa curadka reer Rooble. Mar-

ka loo eego dhego nugaylka uu aabihii u leeya-

hay iyo baarrinimada shinkeed dhaaftay ee uu

hooyadii Sabaad u hayo, waxay sabab u

noqotay, inay reerku Geeddi ka jeclaadaan

ubadkooda. Baarrinimada ka sokow, Geeddi

waa wiil karti iyo dadaal la gaar noqday.

Sidaasdarteed, reerku waxay uga nasteen ma-

suuliyadda xoolaha.

***

Geeddi, isagoo carro Ciideed geela geeyay,

ayuu maalin tagay magaalada Wardheer. Ward-

heer waxa uu kula kulmay Ladan oo iyadana u

soo dukaamaysi doonatay magaalada. Ladan,

waa gabadh Ilaahay qurux u dhaliyay, qotonka

jooggeeda, dhex-yaraanteeda, midabkeeda

masciideedka u eg iyo qorqornaateedaba. Arag-

tida Ladan saamayn weyn ayay ku yeelatay

Geeddi. Waxay gilgishay dareenkiisa. Geeddi,

weligii niyadiisa kuma soo dhicin arrin guur.

Laakiin, aragtidii Ladan ka dib, wax weyn ayaa

iska beddelay. Markay Ladan baxday ayuu

Geeddi wareysi Ladan ku saabsan la galay

Casob.

SUUGAANTA & HAL’ABUURKA Riyadii Luntay (Sheeko Gaaban)

Page 15: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 15AAD

‘Dardaaran habeen, kallahaad arooryaad buu

leeyahay.’ Markii waagu dillaacay ee la kala

gartay qof iyo geed, ayay isu yimaadeen

Geeddi iyo aabihii. Talo, toosin iyo tusaaleyaal

badan ka dib, aabbihii wuxuu ugu dambayn ku

waafaqay inuu si qurux badan uga xoolo bixin

doono, haddii gabadhaas reerkoodu u oggo-

laadaan. Inuu magaalada Wardheer horta tago,

oo ka soo iibsado alaab la xidhiidha dadabgalka

ayuu go’aansaday. Tulud ka mida geela ayuu

soo kaxaystay Geeddi. Dadkii oo aan weli soo

toosin ayuu jarmaaday. Wuxuu sii socdaba

waxuu gaadhay meeshii uu soo qasdiyay.

Socdaalka waxaa ku weheliyay labo barbaar oo

ilmo-adeeradii ah. Judhiiba wuxuu abbaaray

meheraddii Cosob. Cosob dukaankeeda waxa

uu Geeddi ka ahaa macaamiil, markii danbana

waaba sii jeclaaday, markay qaraaba dhaw

noqdeen Cosob iyo Dhamac. Meheradda

markuu soo galay ayay Cosob war dhiillo leh ka

hor keentay.

"War Geeddi, gabadhii aad caashaqsanaydna

waa la guursadayee ma ogtahay."

"Yaaaaah!" ayuu si naxdini hadhaysay ugu ja-

waabay.

"War gabadhii la soo doon, la bixi, la guursay,

imikana waa nin marwadiisa.”

Ad’adayg uu u dhashay iyo noloshii qal-

lafsanayd ee geel jirinimo ee uu ku noola ayuu

ku caymaday ee istaagguu ka dhici lahaa.

Dhidid badan baa qooyay. Nabar naxdimeed

ayuu ku noqday hadalkii Cosob. Riyadii uu

dayrta la sugayaa hortiisa ku hallawday. Haba

rumaysan lahaayaa riyada! Haba caashaqin

lahaayaa Ladan! Haba u iman lahaayaa Cosob!

Isagoo miyir-qab iyo waalli u dhexeeya, kabna

laallaadinaya midna lulaya ayuu toos ugu

laabtay dhabbadii uu soo qaaday ee reerkooda

ku qummanayd.

W.Q

Khaalid Cismaan Mahad

Wuxuu diyaar u galay siduu geela u gayn lahaa

meel daaqsi leh. Isagoo sugi la’ dayrta iyo

goortay Ladan kulmi doonaan.

Wakhtigu waxa uu isguraba, durba waxaa la

gaadhay dayrtii. Roobkii u horreeyayna waxaa

lagu sheegay meelo ka mida deegaanada ka ag

dhaw geela. Goor habeen badh ah oo la hurdo,

waa ka gud-gude qabsaday. Habeenkii oo dhan

wuxuu jir ku hayoba waabarigii ayuu ka qaaday.

Niyadda Geeddi iyo deegaankaba waa qa-

boobay. Riyada qalbigiisa inay rumoobi doonto

ayuu ku tashaday.

***

“Laba kale bariday kala war la’.” bay ahayd

maahmaahduye. Ladan geesteeda waxay sheeka

-wadaag ahaayeen Cali oo ay isku ollog yihiin.

Ladan, inkastay Geeddi isku deegaan yihiin,

maalin kaliyana magaalada ku aragtay, haddana

war umay hayn qorshihiisa. Cali bay ka heshay

oo ay iska fahmeen dhallinyada deegaankeeda

ah. Markii danbana isla gaareen ilaa heer guur.

Galabtii danbe ayuu Cali u soo geed fariistay

Ladan, geel bandanna ka keenay. Sidii caadada

ahaydna lagu siiyay qalbi saafi ah. Aroos si fiican

loo gangaamay ayaa loo dhigay Ladan iyo Cali,

oo lagu sagootiyay.

***

Geeddi, wuxuu u soo jeedsaday dhankii

reerkooda, si uu geelu inta barwaaqada ah reerka

isaga ag’joogo isna hawlaha ka qabyaysan u

dhamaysto. Wuxuu ka fikirayaa hadba tirada geel

iyo gamaan iyo qoriba leh ee uu ka bixin doono

gabadha uu caashaqsan yahay.

Geeddi geelii wuxuu soo gaadhsiiyay reerka.

Mashxarad badan baa lagu soo dhaweeyay.

Farxad iyo raynrayn badan ka dib, gabalkii

markuu dhacay ayaa dhaanto farxadeed la

qabsaday. Geeddi iyo aabihii waxay ku bal-

lameen in barri ay wada tashan doonaan, waa

san haddii uu u baryo.

Page 16: WARSIDAHA AGA€¦ · Warsidahan ujeeddooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah in uu ehela-da afka, hal`abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la

OKTOOBAR– DIISAMBAR 2019 WARSIDAHA AGA BOGGA 16AAD

Hawlaha Akadeemiye-Goboleedka

Hawlaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu waxaa ka mid ah:

Taxanaha Darsidda Afka iyo Suugaanta Soomaalida

Aqoonisweydaarsiyo iyo Dood-Cilmiyeedyo

Kobcinta iyo Tayaynta Adeegsiga Afka Hooyo

Madasha AGA ee Horumarinta Afka Hooyo

Munaasabado & Kulammo Guud

Cilmibaarista iyo Daraasaadka

Warbaahinta & Wacyigelinta

Tababarro Xirfadeed

Lafaguridda Buugga