waxaa jira kaalmeyn bilaash ah lacag · waa sidan habkaad u dalban kartid habka ugu dhaqsiyada...

2
Buuxi Codisga Bilaashka ah ee Gargaarka Ardayga Qaranka (FAFSA) MA U BAAHANTAHAY LACAG AAD ISKAGA BIXISO KULLIYADA? www.FAFSA.ed.gov HALKAN KA BILAAW HORAY U SII SOCO GARGAARKA ARDAYGA QARANKA WAXAA JIRA KAALMEYN BILAASH AH KHADKA SHABAKADA www.fafsa.ed.gov “kaalmo” Markaad gujiso ama aad riixdo kaalmo bog kasta oo mid ah codsigaaa FAFSA-da waxaad heleysaa kaalmeyn dheeraad ah.Sidoo kale waxaad gujin karta kaalmo toos ah (live help) si aad si toos ah ula hadashid wakiilka u adeega rukunka(customer service representative) khadka shabakada inta u dhaxeeyso 8:00 am ilaa iyo saqda dhexe wakhtiga Bariga. Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah, aad khadka shabakada www.federalStudentAid.ed.gov/pubs . Tusahan wuxuu daloobayaa mawduucyo oo kala duwan oo ku saabsan sidii aad u diyaarin laheyd in aad dib u dhiibto amaahda kulliyadda. TELEFOONKA Wac 1-800-433-3243 ama 1-800-730-8913 haddii maqalkaada gaaban yahay inta u dhaxeyso 8:00 am ilaa saqda dhexe wakhtiga bariga. QOF AHAAN Si toos ula hadal la taliyahaaga dugsiga sare ama la xiriir xafiiska gargaarka dhaqaalaha ee kulliyadaada ama dusigaaga mihmadda. www.FAFSA.ed.gov

Upload: others

Post on 28-Dec-2019

8 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: WAXAA JIRA KAALMEYN BILAASH AH LACAG · Waa sidan habkaad u dalban kartid Habka ugu dhaqsiyada badan ee dalabka waa adeegsiga khadka shabakada AMA Aad ka dibna soo rog (Download)warbixinta

Buuxi Codisga Bilaashka ahee Gargaarka Ardayga Qaranka (FAFSA)

MA U BAAHANTAHAY

LACAGAAD ISKAGA BIXISO KULLIYADA?

www.FAFSA.ed.gov

HALKAN KA BILAAWHORAY U SII SOCOGARGAARKA ARDAYGA QARANKA

WAXAA JIRA KAALMEYN BILAASH AH

KHADKA SHABAKADAwww.fafsa.ed.gov “kaalmo” Markaad gujiso ama aad riixdo kaalmo bog kasta oo mid ah codsigaaa FAFSA-da waxaad heleysaa kaalmeyn dheeraad ah.Sidoo kale waxaad gujin karta kaalmo toos ah (live help) si aad si toos ah ula hadashid wakiilka u adeega rukunka(customer service representative) khadka shabakada inta u dhaxeeyso 8:00 am ilaa iyo saqda dhexe wakhtiga Bariga.

Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah, aad khadka shabakada www.federalStudentAid.ed.gov/pubs . Tusahan wuxuu daloobayaa mawduucyo oo kala duwan oo ku saabsan sidii aad u diyaarin laheyd in aad dib u dhiibto amaahda kulliyadda.

TELEFOONKAWac 1-800-433-3243 ama 1-800-730-8913 haddii maqalkaada gaaban yahay inta u dhaxeyso 8:00 am ilaa saqda dhexe wakhtiga bariga.

QOF AHAANSi toos ula hadal la taliyahaaga dugsiga sare ama la xiriir xafiiska gargaarka dhaqaalaha ee kulliyadaada ama dusigaaga mihmadda.

www.FAFSA.ed.gov

Page 2: WAXAA JIRA KAALMEYN BILAASH AH LACAG · Waa sidan habkaad u dalban kartid Habka ugu dhaqsiyada badan ee dalabka waa adeegsiga khadka shabakada AMA Aad ka dibna soo rog (Download)warbixinta

MACLUUMAAD KALE OO FAA’IDO BADAN

RAADSO/CODSO PIN-ka GARGAARKA ARDAYGA QARANKAPIN-ka wuxuu kuu fududeynayaa in aad ku saxiixdo FAFSA-daada khadka shabakada PIN-ka wuu faa’ido badan yahay sababtoo ah waxaa loo adeegsan karaa in aad ku gashid shabakada (web)FAFSA-da iyo in aad ku hagaajisid wixii khaladaad ah ee ku jira macluumaadka FAFSA-da. Ka dalbo PIN-kaaga www.pin.ed.gov . Haddii aad ku qoreysid codsigaaga FAFSA-da macluumaad ku saabsan waalidkaa,waa inuu saxiixaa codsigaaga mid ka mid ah waalidkaa, marka walidkaa waa iney dalbadaan PIN-kiis ama PIN-keeda.

SI AAD U DALBATO FAFSA-da DIYAARSO MACLUUMAADKALOO BAAHANYAHAY SIDA

➤ Nambarka social security-gaaga iyo kan waalidkaa haddii ku qoreysid FAFSA-da macluumaad ku saabsan waalidkaa

➤ Nambarka ruqsada wadida, haddii aad leeydahay ➤ Nambarka diiwaangelinta ogolaanshaha joogista U.S.A haddii aadan aheyn

muwaadin U.S.A ➤ Macluumaadka ku saabsan canshuurta qaranka ama waraaqaha canshuur

soo celinta sida W-2-gaaga, kan wadaagaaga haddii aad guursatay yo kan waalidkaa haddii aadan ka madax banaaneyn waalidkaa.

➤ Xus dakhliga aan la canshuurin sida wax dheefka hawl gabka (social security benefits) , kaalmada aan joogtada aheyn ee qoysaska tabaaleysan(TANF), iyo macluumaadka la xiriiro keydkaaga bangiga maalgelintaada, ganacsigaaga iyo hantida beerahaada iyo kuwaa waalidkaa haddii aadan ka madax baaneyn waalidkaa.

KA DIGTOONAAW DHAMAADKA WAKHTIGAWaa in aad dirtaa codsigaaga ka hor dhammaadka wakhtiga codsiga, taasina waxay ku xirantahay kulliyadaada iyo halka aad ku nooshahay. Gobalada iyo dugsiyada wakhtigooda dhammaadka had iyo jeer weey ka horeeyaan kan Qaranka(Federal).

LA SOCO FAFSA-DAADACodsigaaga waa la fal-gelin doonaa, waxaadna heli doontaa Warbixinta Gargaarka Ardayga (Student Aid Report) oo laguugu soo diri doono E-mail-kaada ama santuuqa boostadaada. Waa in aad naqtiintaa warbixintaada gargaarka ardayga , saxdaana wixii qalad ah ama u baahaan cusbooneysiin. Diritaanka codsigaaga ka dib, haddii aadan jawaab ka helin xafiiska FAFSA-da muddo saddex sitimaan ah, aad shabakada www.fafs.ed.gov ka dibna dooro “ Fiiri xaalada FAFSA-da la diray (Check the status of a submitted FAFSA) ama waxaad waci kartaa 1-800-4-FED-AID.

HALKAN KA BILAAWWaa in aad buuxisaa, dirtaana Codsiga Bilaashka ah ee Gargaarka Ardayga Qaranka (FAFSA) si aad u dalbato Gargaarka Ardayga Qaranka kulliyada ama dugsiga mihnada.

Waa sidan habkaad u dalban kartid

➤ Habka ugu dhaqsiyada badan ee dalabka waa adeegsiga khadka shabakada www.fafsa.ed.gov

AMA

➤ Aad www.FederalStudentAid.ed.gov ka dibna soo rog (Download)warbixinta PDF-ka ee codsiga bilaashka ah ee gargaarka ardayga qaranka (FAFSA)

AMA

➤ Wac 1-800-4-FED-AID weeydiina waraaqda codsiga

HORAY U SII SOCOXafiiska gargaarka dhaqaalaha wuxuu adeegsadaa warbixinta uu ka helo (FAFSA) si uu u cadeeyo in aad xaq u leedahay in aad heshid cawinaada dhaqaale ee ardayga la siiyo, amaahda iyo barnaamijka shaqo-waxbarasho. Sidoo kale gobalada iyo dugsiyada waxay adeegsadaan wararka ay ka helaan (FAFSA) si ay u ogaadaan in aad ku haboon tahay in lagu siiyo cawinaad kale. Marka hubso in aad buuxisid (FAFSA) xitaa haddii aad u maleeyneysid in aadan heli Karin deeqda qaran.

HALKAN KA BILAAWHORAY U SII SOCOGARGAARKA ARDAYGA QARANKA