xeerarka iskaashatada marwosom qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee...

13
CONTACTS Website: www.marwosom.com Email: [email protected] Mobile: +252 63 4709322 AMA +252 633519046 XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM MARWOSOM COOPERATIVE ARTICLES OF ASSOCIATION GACMO WADAJIR BEY WAX KU GOOYAAN TOGETHER WE CAN DO BETTER

Upload: phungbao

Post on 29-May-2018

270 views

Category:

Documents


9 download

TRANSCRIPT

Page 1: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

CONTACTS

Website: www.marwosom.com

Email: [email protected]

Mobile: +252 63 4709322 AMA +252 633519046

XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM MARWOSOM COOPERATIVE ARTICLES OF ASSOCIATION

GACMO WADAJIR BEY WAX KU GOOYAAN

TOGETHER WE CAN DO BETTER

Page 2: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

MARWOSOM COOPERATIVE

GACMO WADAJIR BEY WAX KU GOOYAAN

Qodobka 1aad

Magaca Shirkadda iyo xarunta guud

1. Magacu waa MarwoSom cooperative (Iskaashato Marwosom), waana nooca loo

yaqaan Cooperatives ama Iskaashatooyinka.

2. Iskaashato MarwoSom waxaa la aasaasay sannadka hijriga ah 1437 bisha Ramadaan

oo waafaqsan sannadka miilaadiga ah 2016 bisha 6aad.

3. Astaanta shirkaddu (logo) waa tan xagga sare ka muuqata

4. Iskaashatada MarwoSom waxay leedahay shakhsiyad qaanuuni ah (legal

personality). Magaceeda ayaa lagu dacweyn karaa ama kuna dacwoon kartaa.

5. Xarunta guud ee shirkadda waxay noqon doontaa magaalada Hargaisa.

6. Iskaashatadu waxa ay xarumo ku yeelan doontaa dhammaan magaalooyinka

muhiimka ah ee dalka iyadoo ilaalineysa sharciga islaamka iyo xeerarka ganacsiga ee

u yaalla meelahaas ay ka furanayso laamaha.

7. Hawl kasta oo loo qabanayo Iskaashatada waxaa lagu qaban doonaa magaca

Iskaashatada gudaha iyo dibaddaba, marka laga reebo wixii hawl ah ee maamulka

Iskaashatadu uu u idmado cid kale.

Page 3: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

Qodobka 2aad

Nooc-shirkadeedka

1. Waa nooca loo yaqaanno Iskaashatooyinka ama af carabiga lagu yiraahdo Al

tacaawuniyaat (cooperatives), masuuliyadda saamile kasta waxay ku xaddidan tahay

inta uu la eg yahay saamiga uu ku leeyahay shirkadda.

2. Marwosom Cooperative waxaa aassaasay shakhsiyaadka hoos ku qoran:

a- XXfarax Cabdillaahi Axmed (Guddoomiye) mobile: 0634709322

b- Sumiya Maxamed Axmed (Ku-xigeen) mobile: 0633519046

c- Saynab Ibrahim Cismaan (La taliye) mobile: 0634475873

d- XXXXCabdalla Sh. Maxammed (Xoghayaha guud) mobile: 06335

e-

Qodobka 3aad

Hadafka Iskaashatada

1- Iskaashatada Marwosom waa Iskaashato macaashka ay hesho si toos ah dib ugu

celin doonta saamilayaasha hadafkeeda ganacsina wuxuu ku salaysan yahay inay ka

shaqayso danaha iyo manaafacaadka xubnaha ka tirsan Iskaashatada iyo ummadda

kalaba islamarkaana shaqooyin ka abuurto dalka oo dhan.

2- Iskaashatadu waxay qorsheyneysaa inay qabato hawlo kala duwan oo ganacsi

iyadoo baaxadda hawlahaas ay ku xiran tahay tirada saamilayaasha ka soo qeyb geli

doona.

3- Iskaashatadu waxay hawleheeda u qeybin doontaa mashaariic, mashruuca ugu

horreeya waxaa la hirgelin doonaa – haddii allah uu idmo - muddo saddex bilood ah

gudahood, kadib marka la dhammaystiro hawlaha aasaaska iskaashatada.

4- Mashruuca koowaad ee shirkadda waxaa lagu magacaabay Marwosom Bakeries

oo shaqadiisu noqon doonto soo saaridda iyo qeybinta roodhida iwm.

5- Iskaashatadu waxay magacyo u bixin doontaa dhammaan mashaariicda ay bilaabi

doonto. Dhammaan mashaariicdaas waxay si toos ah uga tirsanaan doonaan

Marwosom Cooperative.

Page 4: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

6- Iskaashatada waxaa u bannaan inay ku iibiso jumlad iyo tafaariiqba wax

soosaarkeeda iyo waxyaabaha ay soo iibsato labadaba.

7- Hadafka Iskaashatadu waxaa wax ka baddeli kara Guddiga Agaasinka (Board of

Directors) ka dib markay afti ka qaadaan ugu yaraan 2/3 saamileyda Iskaashatada.

Qodobka 4aad

Raasumaalka Iskaashatada

1- Saamiyada Iskaashatadu yeelan doonto waa kuwo furan qiimaha halkii saami waa 5

usd ah qofkuna wuxuu ku darsan karaa inta uu awoodo bil walba 10, 15, 20…. sidaa

darteed raasumaalka guud ee shirkaddu wuxuu noqonayaa tirada saamilayaasha oo

lagu dhuftay inta saami ee ay iibsadaan.

2- Lacagta bil walba uu bixinayo saamiluhu khasab ma aha in ay isku mid ahaato ee

waxaa muhiim ah inaysan ka yaraanin xadka ugu hooseeya.

3- Haddii uu saamiluhu uu awoodi waayo bilaha qaarkood inuu wax ku darsado wax

dhib ah malaha waxay saameyn ku yeelanaysaa uun tirada saamiyada uu ku

leeyahay iskaashatada.

4- Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee

Iskaashatada.

5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka Board of

Directors-ku ay cod ogolaansho ka helaan ugu yaraan 2/3 saamilaaysha

Iskaashatada.

Qodobka 5aad

Caddaynta saamiyada saamilaha (Shahaado)

1- Qof kasta oo Iskaashatada ku leh saami waxa uu xaq u leeyahay in la siiyo shahaado

(certificate) taas oo caddeyn doonta isugeynta saamiyada uu Iskaashatada ku

leeyahay, shahaadada waxaa saxiixi doona agaasinka shirkadda.

Page 5: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

2- Saamiluhu wuu wareejin karaa ama iibin karaa saamiyadii uu lahaa waxaana ay si

rasmi ah ugu wareegi doontaa iibsadaha oo Iskaashatadu ay u samayn doonto

shahaado cusub.

3- Saamilaha go’aansada inuu iibiyo ama wareejiyo dhammaan ama qayb ka mid ah

saamiyadii uu Iskaashatada ku lahaa waa inuu bil ka hor qoraal ogeysiis ah u soo

qoraa maamulka Iskaashatada si loo ansixiyo xubinta cusub ee ku soo biireysa

Iskaashatada.

4- Haddii shahaadadu ay lunto ama ay googo’do Iskaashatadu waxay samayn doontaa

beddelkeeda (duplicate).

5- Iskaashatadu waxay diiwaangelin (registration) ku samayn doontaa milkiyadda ama

lahaanshaha saamilayaasha iyo isbedelada ku dhaca lahaanshahaas si uu u noqdo

diiwaankaasu meesha laga eegayo haddii uu dhoco muran ku saabsan lahaanshaha

ama milkiyadda saamiyada.

Qodobka 6aad

Mudada jiritaanka Iskaashatada

1- Mudada ay jiri doonto Iskaashatadu ma xadidna.

Qodobka 7aad

Maamulka Iskaashatada iyo qaab-dhismeedkeeda

Gudiga agaasinka Iskaashatada (Board of Directors)

1- Saamilayaasha Iskaashatadu waxay si xor ah u dooran doonaan Guddiga agaasinka

Iskaashatada (Board of Directors)

2- Gudiga agaasinku waxay iska dhex dooranayaan Guddoomiyaha (president), ku-

xigeen ka guddoomiyaha (vice president), iyo Xoghayaha guud (Secretary general).

3- Mudada xilka ee madaxda Iskaashatada waxaa lagu caddeyn doonaa xeer

hoosaadyada Iskaashatada.

Page 6: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

4- Guddoomiyaha Golaha agaasinka (Head of Board of Directors) iyo xubnaha Golaha

agaasinka (Members of board of directors) waa la casili karaa haddii ay sidaa isla

gartaan 2/3 saamilayaasha Iskaashatada.

5- Maamulka Iskaashatadu wuxuu mas’uul ka yahay fulinta go’aanda Golaha agaasinka

ee la xiriira hawlaha Iskaashatada.

6- Maamulka Iskaashatadu waxay u xilsaaran yihiin socodsiinta hawl maalmeed ka

Iskaashatada sida wax soo saarka, wax soo iibinta, wax sii iibinta, qorsheynta,

xisaab xidh ka iyo dhammaan warbixinnada (reports) ka loo baahan yahay ee

Iskaashatada.

7- Dhammaan xubnaha maamulka iyo kuwa goluhu waxay xaq u leeyihiin inay qaataan

tababarro la xiriira hawlaha laga sugayo inay qabtaan si hawlaha Iskaashatadu ay

ugu socdaan sidii loogu tala galay.

8- Waxaa Iskaashatada u bannaan inay ay u idmato hawleheeda kala duwan ciddii u

leh aqoonta loo baahan yahay sida maamulayaal iyo xisaabiyayaal khibrad leh iyo

xirfadlayaal kalaba oo iyagu mushaar ku qaadanaya hawsha loo idmaday.

Qodobka 8aad

Masuuliyadda iyo awoodda Golaha agaasinka (board of directors) iyo guddoomiyaha

golaha

1. Goluhu wuxuu mas’uul ka yahay dejinta qorshayaasha mudada dheer ee lagu

gaarayo hadafka shirkadda.

2. Guddoomiyaha iyo ciddii uu u idmado waxay matalayaan shirkadda gudaha iyo

dibeddaba

3. Guddoomiyuhu waa shir guddoonka Golaha

4. Goluhu wuxuu dabagal ku samaynayaa fulinta go’aamada ee maamulka shirkadda

Page 7: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

Qodobka 9aad

Kulamada Golaha agaasinka

1. Kulanka goluhu wuxuu dhici doonaa afartii biloodba mar.

2. Kulan Ku wuxuu qabsoomi karaa marka ay goob joog ahaadaan kala badh iyo hal

xubnaha Golaha agaasinka.

3. Marka ay jirto xaalad deg deg ah waxaa la qaban karaa kulan aan caadi ahayn.

4. Sannad xisaabeed kasta marka uu dhammaado waxaa qabsoomi doona shir

sannadeed waxaana ka soo qeyb geli doona dhammaan saamilayaasha

Iskaashatada. Kulankaas waxaa loogu yeedhi doonaa (Kulanka guud).

5. Kulanka guud waxaa lagu soo bandhigi doonaa warbixin ku saabsan halka ay

marayso xaaladda dhaqaale ee Iskaashatada iyo istaraatiijiyadda mustaqbalka dhow

iyo kan fog ee Iskaashatada.

6. Kulanka guud ee saamileyda wuxuu qabsoomayaa marka ay soo xaadiraan 51%

saamilayaasha Iskaashatada

Qodobka 10aad

Xuquuqda saamileyda

1. Saamiluhu wuxuu xaq u leeyahay in si rasmi ah loogu marti qaado kulanka guud ee

sannadlaha ah.

2. Saamiluhu wuxuu leeyahay cod talo-bixineed.

3. Saamiluhu wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xisaab-xidh sax ah oo ku saabsan

saamiyadiisa gaarka u ah dhammaadka sannad kasta

4. Saamiluhu wuxuu xaq u leeyahay in loo sheego marka la iibinayo saamiyo guud,

haddii aanu jirin qodob sharci ah oo ka reebaya.

Page 8: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

5. Saamilaha waxaa uu leeyahay mudnaanta koowaad haddii uu doonayo inuu

shaqaale u noqdo Iskaashatada waase haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xidhan

shaqadaas iyada ah.

6. Saamile kasta wuxuu xaq u leeyahay in lala socodsiiyo faa’iidada saafiga ah ee uu

helay sannadkaas isla markaasna isagaa ikhtiyaar u leh inuu qaato iyo in uu dib ugu

iibsado saamiyo cusub.

Qodobka 11aad

Lataliye Sharci ah (Legal/professional advisor)

1. Iskaashatadu waxay yeelanaysaa la taliyeyaal sharci ah oo si joogta ah ugala

taliya Iskaashatada dhammaan wixii ku saabsan sharciyada Iskaashatooyinka.

2. La taliyaha dhinaca shareecada islaamka ah wuxuuna noqon doonaa

Sheekh Maxamed Cali Jaamac

3. La taliyayaasha dhinacyada hawlaha kale ee farsamo ee Iskaashatada, waxaa

lagu dooran doonaa aqoonta iyo khibradda ay u leeyahiyiin hawshaas iyada ah.

Qodobka 12aad

Sannad maaliyadeedka Iskaashatada

1. Sannad maaliyadeedka (financial year) Iskaashatadu wuxuu ka billaabmaa bisha

Dulqicdah – bisha 11aad ee hijriga- waxaanu ku dhammaadaa bisha Shawwaal.

2. Saannad maaliyadeed kasta waxaa la keeni doonaa warbixinta maamulka

Iskaashatada, xisaabaadkeeda, faa’iido iyo khasaare, warbixinta hanti dhawrka

Iskaashatada. Warbixinnada waxaa loo gudbin doonaa saamileyda ugu yaraan 10

cisho ka hor shirka sannadlaha ah.

3. Sannad kasta waxay Iskaashatadu u gudan doontaa zakada waajibka ah ee islaamka

si waafaqsan shareecada islaamka.

4. Waxaa Iskaashatada u bannaan in % kiiba in ka mid ah faa’iidada guud ay ku

taageerto dacwadda islaamka ah sida dhisidda masaajidda iyo goobaha lagu

daryeelo agoonta iwm.

Page 9: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

Qodobka 13aad

Dabagalka xisaabaadka iyo maaliyadda (auditing)

1. Golaha agaasinku (board of directors) waxa ay magacaabi doonaan hanti-dhawre

(auditor) baadha isla markaana xaqiijiya xisaab-xidhka iyo warbixinnada maaliyadeed

ee Iskaashatada.

2. Si hanti-dhowrku u gutaan hawshooda waa inuu jiraa nidaam xisaabeed (accounting

system) sax ah oo la raad raaci karo.

3. Hanti dhawruhu waa inuu noqdaa qof ka madax bannaan maamulka Iskaashatada

oo isla markaana aan wax dan ah oo gaar ah ka yeelan Karin hawsha loo idmaday.

Qodobka 14aad

Qeybsashada faa’iidada iyo khasaaraha

1. Kadib marka la soo bandhigo xisaab-xidhka oo la ogaado in faa’iido la helay waxaa

khiyaar la gelin doonaa saamilaha in uu qaato faa’iidada qeybtiisa iyo inuu ku iibsado

saamiyo cusub.

2. Boqolkiiba in go’an ayaa laga jari doonaa faa’iidada saafiga ah ee Iskaashatada si

loogu daboolo kharajyada kala duwan ee Iskaashatada.

3. Waxaa faa’iido qeybsigu noqon doonaa bisha u danbeysa sannad maaliyadeedka

(financial year)

4. Saamile walba wuxuu heli doonaa faa’iido u dhiganta tirada samiyada uu ku

leeyahay Iskaashatada ee hawl gashay muddo faa’iido looga xisaabin karo.

5. Khasaaraha waxaa isagana lagu qeybsan doonaa tirada saamiyada uu saamile walba

leeyahay.

6. Abaal marinta la siin karo cidda mutaysata ee qabatay shaqo dheeraad ah waxaa

go’aamin doona golaga agaasinka (board of directors)

Page 10: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

Qodobka 15aad

Xalinta Khilaafaadka

1. Haddii khilaaf yimaado waxaa loo dhammeeynayaa si hoose iyadoo loo saarayo

guddi dhexdhexaad ah haddii loo baahdo.

2. Haddii labadaa qaab ay shaqayn waayaan waxaa lama huraan noqon doonta in lagu

kala boxo maxkamadda shareecada islaamka.

Qodobka 16aad

Habka anshax marinta

1. Qofkasta oo ka tirsan saamilayaasha ama maamulka Iskaashatada oo ku kaca

waxyaabo ka dhan ah Iskaashatada iyo hadafkeeda waxaa xukun anshax marin ah

ka qaadaya guddi uu magacaabayo Golaha agaasinka ee shirkadda.

2. Xukunka anshax marinta ah wuxuu yeelan karaa qaabkan soo socda:

a- In digniin la siiyo lana garowsiiyo dambigiisa.

b- in laga qaado magdhaw u dhigma waxyeeladii uu geystay

c- in xannibaad (suspension) laga saaro maalgashiga Iskaashatada muddo go’an

d- In laga saaro Iskaashatada

e- Saamilaha laga saaro Iskaashatada waxa uu xaq u leeyahay inuu helo faa’iidadii

saamigiisa muddadii ka horreysay xilligii laga saaray Iskaashatada.

Qodobka 17aad

Ka bixidda Iskaashatada iyo iibinta saamiga

1. Qofkii doonaya inuu saamiyadiisa kala boxo Iskaashatada waa inuu codsi qoraal ah

ku soo gudbiyaa laba bilood ka hor xisaab-xidhka guud ee sannadka

2. Sida ka muuqata qodobka sare saamiluhu lama bixi karo saamigiisa inta lagu jiro

sannad xisabeedka.

Page 11: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

3. Saamile kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu iibyo dhammaan ama qeyb ka mid ah

saamiyadii uu ku lahaa Iskaashatada, wuxuuse marka hore u bandhigayaa

saamilayaasha Iskaashatada hore ugu jiray.

4. Haddii la waayo cid Iskaashatada ka tirsan oo iibsata saamiyada iibka ah waa in

saamiluhu keenaa cid iibsaneysa oo uu maamulkuna ogolaaday inay shirkadda ku

soo biiri karaan.

5. Dhammaan saamilayaasha Iskaashatada waxay xaq u leeyihiin in lagu war geliyo

saamiyada iibka ah

6. Haddii ay maxkamadi xukun xayiraad ah saarto mid ka mid ah saamilayaasha oo

laga xayiro isticmaalka hantidiisa deyn lagu leeyahay darteed, wuxuu Golaha

agaasinku go’aan ka gaadhayaa xubin nimada qofkaa xayiraadda la saaray.

Qodobka 18aad

Baabi’inta shirkadda

1. Haddii uu burbur ku yimaado Iskaashatada sababtuu doono ha lahaadee waxay

noqoneysaa in si rasmi ah loo baabi’iyo Iskaashatada sida in laga saaro

diiwaanka xukuumadda lana xidho xisaabaadka bangiyada.

2. Xaaladda korku xusan marka ay dhacdo waxaa waajib ah in la qeybiyo hantida

soo hartay ee Iskaashatada iyadoo qeybtana lagu saleyn doono tirada

saamiyada.

Qodobka 19aad

Marjiciyadda sharciga ah iyo luqadda heshiiska

1. Luqadda koowaad ee heshiiskan waa afka soomaaliga.

2. Marjaca sharciga ah ee Iskaashatada waa shareecada islaamka

3. Sharcigan wixii fasiraad dheeraad ah ee uu u baahdo waxaa loola noqonayaa

sharciyaqaanada iyadoo lala kaashanayo la taliyaha sharciga ee shirkadda

Page 12: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

Qodobka 20aad

Aasaasayaasha iyo Liiska Xubnaha Joogtada ah

Aasaasayaasha Iskaashatada

1- Farax Abdillaahi Axmed

2- Sumaya Mohamed Ahmed

3- Saynab Ibrahim Osman

4- XXCabdiraxmaan Cumar

Saxeexa Xubnaha Joogtada ah

1-Naciima Cabdi Cismaan ……………………………….

2-Muna Jaamac Baxnaan ………………………………..

3-Faaduma Cabdi Cismaan ………………………………..

4-Caasha Faarax Ducaale ……………………………….

5-Saynab Cabdillahi Axmed ………………………………

6-Saynab Ibrahim Cismaan ……………………………….

7-Sahra Xasan Xaashi ………………………………

Page 13: XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee Iskaashatada. 5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka

XEERARKA ISKAASHATADA

Nidaamka kala sarreynta maamulka sare ee Iskaashato Marwosom

Ilaah baa mahadleh isagaana wakiil inooga ah waxaan saxeexeyno iyo heshiiskaba.

Waxaad Iskaashatada kala soo xiriiri kartaan:

Website: www.marwosom.com Email: [email protected]

Mobile: +252 63 4709322 AMA +252 633519046

Board Of Directors

Executive comittee

Executive Directors

Secretary General

Marketting Manager

Sales Assistant Manager

Finance Manager

Accountant Cashier

Operations Manager

Personnel Manager