fahmida dimashada iyo ku-deeqidda death booklet_somali.pdf · ah fakadaha wadnaha iyo unugyada kale...

13
Fahmida dimashada iyo ku-deeqidda

Upload: others

Post on 14-Jan-2020

23 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

1

Fahmida dimashada iyo ku-deeqidda

2 3

Fahmida dimashada iyo ku-deeqidda H

© Organ & Tissue Authority 2014

Telefoon: 02 6198 9800 Faagis: 02 6198 9801 [email protected] www.donatelife.gov.au

addii aad akhrinayaso buugan yar waxaa laga yaabaa sababtu inay tahay qof aad jeceshahay in uu dhintay, ama la rajeenayo in uu u dhinto si dakhsa ah. Waxa laga yaabaa in lagu weydiiyo in aad ka

fikarto ku deeqidda xubin iyo unugyadaunugyada. Tani waa fursad muhiim ah qaalina ah taasoo caawin karta dad kale oo u baahan ku-tallaalidku-beerid (transplant).

oysaska qaar ayaa ka wada-hadla ku-deeqidda xubnaha iyo unugyada kuwaasoo mar hore gaaday doonista qofkooda ay jeclaayeen. Qoysas kale kuwaas oon ka wada hadlin ku-deeqida axay u baahan yihiin go’aan ku saabsan in ay qof ay jecelyihiin noqdo ku-deeqe. Buugan yari uxuu ku siinayaa macluumaad kaa caawinaya adiga iyo qoyskaaga inay go’aan ka gaaraan ku-

eeqidda taas oo ku haboon adiga iyo qofka aad jeclayd.

axa jira dad badan oo ku caawin kara adiga iyo qoyskaaga inta howshan socoto. Marka lagu aro kooxaha daawaynta iyo kalkaaliyeyaasha waxaa laga yaabaa inaad hore u kulanteen haqaalaha kale ee caawimadda ee isbitaalka jooga sida shaqaalaha bulshada, daryeeleyaasha adaada iyo ku takhasusayaasha ku-deeqidda xubnaha iyo ku unugyada. Dad kaasi halkan ayey

ugu diyaar yihiin in ay ku caawiyaan kuna siiyaan maclumaad dheeraad ah.

axaa muhiim ah in aad ogaato in ku-deeqidu socon karto oo keliya haddii uu ogalaansho bixiyo ofka bukaan-socodka ah, qoyska qofka bukaan-socodka ah ama dowlad-goboleedyada qaarkood arkaal magacaaban ee isbitaalka haddii la heli waayo qoyska.

Qowwd

Wdswk

WqS

Fahmida dimashada iyo ku-deeqidda

4

Ku-deeqidda xubnaha iyo unugyada waxa ka mid ah ka-jarida xubnaha iyo unugyada qof dhintay (kudeeqe) iyo ku-tallaalidda qof kale kaas oo, xaaladaha qaarkood, aad u xanuunsan ama dhimanaya (qaate). Xubnaha la-tallaali karo waxaa ka mid ah wadnaha,

sambabada, beerka, kelyaha, xiidmaha iyo xameetida. Unugyada la tallaali karo waxaa ka mid ah fakadaha wadnaha iyo unugyada kale ee wadnaha, lafaha, seedaha, xuubabka, maqaarka, iyo qeybab ka mid ah indaha sida wiilka iyo xaydhka indhaha.

Buugan yari wuxuu ku siinayaa macluumaad ku saabsan ku-deeqidda xubnaha iyo unugyada, iyo muuqaalka jidheed ee fahamka macnaha dhimashada. 5

Dhimashada waa in la ogaadaa ka hor intaysan ku-deeqidu dhicin.

Waxaa lagu ogaan karaa dhimashada laba siyood:

� Dhimashada maskaxda waxay dhacdaa markii maskaxdii qofku si joogto ah shaqada u joojiso.

� Dhimashada wadnaha waxay dhacdaa markii wadnaha qofku si joogto ah shaqada u joojiyo.

Waxaa muhiim ah in aad fahamto faraqa u dhexeeya dhimashada maskaxda iyo dhimashada wadnaha. Sida uu udhinto qofku waxay saamaysaasida howl-socodsiinta ku-deeqidda u dhacayso iyo kuwa ay noqonayaandeeqidda xubnaha iyo unugyada lagu deeqayo.

6

Dhimashada maskaxdaDhimashada maskaxdu waxay timaadaa marka ay maskaxdu si xun u dhaawacanto oo ay guud ahaan iyo joogto ahaan u istaagto shaqadeedii.Tani waxay ay dhici kartaa marka uu madaxa ka gaadho daawac halis ah, dhiig ku furma maskaxda sida faaliga ama dhiig-baxa, caabuqa maskaxda ama buro, ama maskaxdoo heli weyday ogsagiin (oxygen).

Sida qeybaha kale ee jirka, markii maskaxda dhaacwac gaadho wey barartaa. Maskaxdu waxay ku jirtaa sanduuq adag, lafta madaxa, taasoo sida caadiga ah ka ilaalisa halista hase ahaatee waxay Kaloo xadidaa inta ay maskaxdu fidi karto marka ay bilowdo inay bararto. Tani way ka duwan tahay qeybaha kale ee jirka, sida dhaawac gaara canqowga, taas oo sii bararta xad la’aan. Haddii ay maskaxdu sii bararto, cadaadiska baa ku badanaya lafta madaxa taasoo keenaysa saamayn waxyeello joogto ah.

Bararku wuxuu cadaadis saaraa jiridda maskaxda, halkaas oo maskaxdu kaga xidhan tahay xanguulaha dhabarka ee qaybta hoose ee laqunta. Jiridda maskaxdu waxay qabataa shaqooyin badan oo lagama maarmaan u ah nolosha oo ay ku jiraan neefsashada, wadna garaaca, cadaadiska dhiigga iyo heerkulka jidhka.

7

Marka uu bararka maskaxda sii bato, cadaadiska gudaha lafta maskaxdu wuu sii kordhaa ilaa la gaaro meel ay xididdada dhiigga oo aadaya unugyada maskaxda ay xannibnaan. Ugu dambayntii dhiigga, ay ogsajiintu ku jirto wuxuu joojinayaa inuu maskaxda gaadho. (Fiiri sawiraka 1). La’ aanta dhiigga iyo ogsijiinka unugyada maskaxdu wey dhintaan. Ayagoo ka duwan unugyada kale ee jidhka, unugyada maskaxdu dib uma kori karaan mana soo noqon karaan. Haddii unugyada maskaxada dhintaan, markaas maskaxda qofku mar dambe ma shaqeynayso, qofkuna wuu dhintay, taaso loo yaqaan ‘dhimashada maskaxda’.

Normal brain Swollen brain

Skull Skull

Brain stemCerebellum

Blood flow to the brainSpinal cord

Subarachnoidspace

Subarachnoidspace

Brain stemCerebellum

Blood flow to the brainSpinal cord

8

Maskaxda iyo jirida maskaxda waxay qabtaan shaqooyinka muhiimka ah ee jidhka, sida neefsashada. Marka ay qofka dhaawac ka soo gaadho maskaxda, waxaa lagu xidhaa qalab lagu magacaabo neef-siiye (ventilator), kaas oo si aan dabiici ahayn ku wareejiyaa Ogsijiinka samamboda. Ka dibna ogsijiinka waxaa ku buufiya jidhka intiisa kale. wadnaha. Garaacista wadnuhu kuma xidhna maskaxda, hase ahaatee waxa maamula xawaareeyaha dabiiciga ah ee wadnaha kaasoo sheqeeya markuu helo ogsijiin.

Marka qalabka neefsashadu (ventilator) uu siinayo ogsajiinta jirka, xabadka qofka waa sii wadaa inuu kor iyo hoos u kaco taaso siinaysa muqaal neefsasho, wadnahoodu wuxuu sii wadaa inuugaraac sameeyo waana diiran yahay marka la taabto. Calaamadahaasi waxay sii adkaynayaan fahanka dhimashada maskaxda. Si kasta ha ahaatee, xataa sii wadida hawo-siinta,wadnuhu ma sii wadayo inuu si joogto ah u garaaco ugu dambayntana waa joojinayaa shaqada.

Sidee ku ogaadaan dhaqaatiirtu in maskaxda qofku dhimatay?Dadka aadka ugu xanuunsan isbitaalka waxaa si joogtoah ula socdo khabbir cafimaad iyo kooxaha kalkaalisooyinka oo si dhow u ilaaliya isbadalka iyo xaaladooda. Waxa jira dhowr isbadalada jidheed oo ku yimaada marka ay maskaxdu ay dhimato. Kuwaas waxaa ka mid ah marka la waayo in wiilka indhaha uu xaasaasi ku noqdo ilayska, kariwaayana inuu neefsado la’aanta qalabka neefsashada, iyo yaraanta garaacista wadnaha, cadaadiska dhiigga iyo heer kulka jidhka.

Marka ay koox caafimaad eegto isbadalkaas waxay sameeyaan tijaabada dhimashada maskaxda si ay u hubiyaan inay maskaxda joojisay shaqada iyo in kale.

Labo dhatar oo sare ayaa sameynaya tijaabooyin cafimaad oo isku mid ah sariirta agteeda. Dhaaaatiirta samaynaysa tijaabo dhimashada maskaxda waxay eegayaan inuu leeyahay qofku arimahan:

� inuu ka falceliyo tijaabo xanuun leh;� inuu ka falceliyo wiilka indhaha ilayska;� falcelis ilbiriqsi ah marka indhaha laga taabto;� dhaqdhaqaaqa indhaha marka biyo baraf qaboob ah lagu shubo godka dhagaha;� falcelis qufac ah ama af-xirid ah marka gadaasha hunguriga la taabto; iyo� awooda inuu qofka neefsado marka laga furo qalabka neefsashada .

Haddii aanu qofku muuin dareen falcelis ee dhammaan tijaabooyinkaas oo dhan, taa macneheedu waxa weeye shaqadii maskaxda oo joogsatay qofkuna wuu dhintay. In kastoo uu qofku dhintay wadnuhu wali wuu garaacaya waayo ogsagiintu wali wadnaha ayey gaadhaysaa iyadoo la kaashanaysa qalabka neefsashada.

9

10 11

Waxaa jira kara wakhtiyo markaas qofka dhaawaciisu inaanu u awoodi karin in lagu sameeyo tijaabooyinka dhimashada maskaxda. Tusaale, dhaawac halis ah oo ka gaadhay wajigu in ay adkaato in loo dhawaado indhaha ama dhagaha. Xaaladahas oo klae, tijaabooyinka sawir caafimaad ayaa lagu sameeyaa si loo hubiyo in wax dhiigi ay ku socdaan maskaxda. Kuwaas waxaa ka mid ah tijaabooyin sida midabeenta xiddidada dhiigga ee maskaxdaku yaal (skaanka cerebral angiogram ama cerebral perfusion). Shaqaalaha isbitaalku waxay kaloo bixiyaan macluumaad dheeraad ah haddii tijaabooyinkaan ay laga mamaarmaan yihiin.

Maxaa dhacaya ka-dib dhimashada maskaxda marka la xaqiijiyo?Marka la xaqiijiyo dhimashada maskaxda, qofka bukaan-socodka ah wuxuu ku sii xidhnaanayaa qalabka neefsashada ilaa inta kooxda caafimaadka ay kala hadlayaan qofka qoyskiisa talaabooyinka xiga. Kuwaasna waxaa ka mid ah doonistii qofka dhintay, fursadda ku-deeqidda xubnaha iyo unugyada iyo wakhtiga laga furayo qalabka neefsashada.

Haddii qoysku ogolaado ku-deeqidda, wax kastoo oo suuragal ah waa la sameenaya si loo hubiyo in la fuliyo doonistaas. Wakhtiyadu way kala duwan yihiin sida xaaladahu u kala duwan yihiin. Waxay qaadan kartaa 24 saacadood in la sameeyo maamulka lagamamaarmaan ah si loo sameeyo ku-deeqidda. Qofku wuxuu ku sii xidhnaanayaa qalabka neefsashada ah inta lagu jirowakhtiyadaas oo dhan si loo joogteeyo ogsajiinka iyo dhiiggu inay ku wareegaaan xubnaha. Xaaladaha qaarkood waxaa lagamamaarmaan ah in dawooyin la siiyo si loo hubiyo in xubnuhu ku haboon yihiin ku-deeqid. Haddii ay cadaato inaysan xubnuhu ku haboonaynku-deeqidda, wali waxaa suuragal ah ku-deeqidda indhaha, wadnaha, lafaha, unugyada iyo maqaarka.deeqidda.

Marka la diyaarinayo ku-deeqidda, qofka waxa loo wareejinayaa qolka qalliinka si loogu sameeyo qaliin xubnaha lagaga saarayo. Qalabka neefsashada waa laga furayaa inta qalliinka socdo.

Haddii aan ku-deeqidda la ogolaan, dhakhtarku ayaa qoyska kala hadla ka furida qalabka neefsashada. Marka laga furoqalabka neefsashada, wadnaha qofka ayaa joojinaya garaacista ogsajiin la’aan, jirkuna wuxuu noqonaya qaboob iyo midabkoo isbadala waayo dhiigga ayaan ku wareegayn jirkiisa.

Daryeel iyo ixtiraam ayaa markasta la muujinayaa inta nolosha dhammaanayso, ayadoon loo eegayn in ku-deeqid jirto iyo in kale.

12 13

Dhimashada wadnaha Dhimashada wadnaha waxay timaadaa marka qofku joojiyo neefsiga wadnuhuna joojiyo garaaca. Taasi waxay ku timaadaa xanuun deg deg ah ama shil, ama marka ugu dambaysaxanuun raagey. Waxay kaloo ku timaada marka qofka madaxa dhaawac halis ahi ka gaadho dhaawacaas oo aan maskaxda u keenin inay dhimato, hase ahaatee uu qofka halis u yahay inaanu saani u neefsanin joogtaynin garaaca wadnaha iskiis. Inta wakhtigaa lagu jiro qalabka neefsashadu si ku meel gaar ah ayuu neefsashada u wadaa si u joogteeyo garaacista wadnaha dhiigana ku wareejiyo jirka oo dhan.

Xaladahaan oo kale, joojinta daaweynta waxtarka ah waxa keliya oo la sameeyaa markii sii-wadida daaweyntu aanay keenayn wax rajo bogsood ah, dhimashadana laga kaaftoomi karin qofkuna uu ku jiro dhamaadka noloshiisa. Mudnaantu waxay tahay daryeelida dhimashada (palliative care) taaso yaraysa xanuunka fududaysana daryeelka dhammaadka nolosha. Joojinta daaweynta waxtarka ah mar kasta waxaa lagala hadlaa lana waafaqaa qoyska (iyo bukaan-socodka hadday suurtagal tahay). Marka go’aan kaas la gaadho oo kaliya, ayaa laga hadli karaa ku-deeqidda ka dib dhimashada wadnaha.

Maxaa dhacaya ka dib markay dhaqatiirtu ogaadaan in wadnaha bukaan-socodku joojiyey garaaciddii?Marka dhaqaatiirtu ogaato in ku sii-wadida daaweynta ee qalabka neefsashadu aanay waxba tarayn qofka, waxay kala hadlaaan qoyska qofka talaabooyinka xiga oo la qaadi karo ayna ka mid yihiin doonista qofka dhammaadka noloshiisa iyo ka qaadida waxyaalaha aan u shaqaynayn sida qalabka neefsashada. Marka laga furo qalabka neefsashada, neefsashada qofku ma geynayso ogsijiinka wadnaha.

Wadnuhu wuxuu joojinayaa garaaca waayo ma sii helayo ogsajiin ka dibna dhammaan xubnaha kale ee jirku shaqada wey joojinayaan oo ay ka mid tahay maskaxda markaasna qofku wuu dhimanayaa.

Haddii dhaqaatiirtu rajeynayaan inuu qofku joojinayo neefsashada kuna dhimanayo 90 daqiiqo gudahooda marka laga furo qalabka neefsashada, waxaa markaas jiri karta fursad in la sameeyo ku-deeqidda xubnaha iyo unugyada.

Ku-deeqidda ka dib dhimashada wadnaha waxa keliya oo ay suurtagal tahay muddada 90 daqiiqo gudahooda, sababtoo ah marka laga furo qalabka neefsashada ogasajiinka iyo dhiiggu way joojinayaan inay ku wareegaan jirka. Xubnaha iyo unugyaduna ka dib waxay bilaabi doonaan in ay sii hallaabaan waayo waxay u baahan yihiin dhiig iyo ogsajiin si ay ugu sii haboonaadaan ku-deeqid.

14

Haddii qoysku ogolaadaan ku-deeqidda, wax kastoo suuragal ah waa la sameyn doonaa si loo hubiyo fulinta doonistaas. Si kasta ha ahaatee, waxaa aad u adag in la saadaaliyo wakhtiga saxa ah qofka iay ku qaadanayso inuu dhinto marka laga furo qalabka neefsashada iyo daawooyinka kale ee caawinaya. Bukaan-socodyada qaarkood waxay ku dhintaan 10 ama 20 Daqiiqo, ku-deeqiduna waxaa laga yaabaa inay suuragal tahay. Qaar kalena ma dhintaan saacado ka dib. Haddii ay sidaasi dhacdo, ku-deeqidda xubnuhu suuragal maaha, hase ahaatee ku -deeqidda isha, wadnaha, lafta iyo unugyada maqaarku weli waa suuragal.

Haddii aanu qoysku ogolaan ku-deeqidda, dhaqtarku wuxuu qoyska kale hadlayaa ka furista qalabka neefsashada. Marka qalabka neefsashada qofka laga furo, wadnaha qofku wuxuu joojinayaa garaaca ogsajiin la’aan darteed, jirkooduna wuu qaboobiayaa midabkuna wuu isbadalayaa sababtoo ah dhiiggu kuma wareegayo jirka.

Daryeel iyo ixtiraam ayaa la joogtaynayaa inta lagu jiro dhammaadka nolosha, ayadoon loo eegayn inay jirto ku-deeqid iyo in kale

15

Habka ocodsiinta

ku-deeqidda iyo maclumaad dheeraad ah

16 17

Marka la socodsiiyo ku-deeqidda, qofka dhintay waxaa loo wareeyinayaa qolka qalliinka si loo qalo. Xaga hoose waxaa ku xusan maclumaad dheeraad ah oo ku saabsan socodsiinta kudeeqidda.

Maxaa ka mid ah qalliinka ku-deeqidda?Qalliinka ku-deeqidda waxaa loo sameeyaa daryeel la mid ah sida qalliinada kale, jirka qofkana mar kasta waxaa loola dhaqmaa si ixtiraamaa iyo sharaf leh. Qalliinka waxaa fuliya dhaqaatiirta qalliinka oo xirfad sare leh iyo xirfad-yaqaanada caafimaadka. Dhaqaatiir takhasus gaar leh iyo kooxdooda ayaa loog yeedhaa isbitaalo kale si ay u fuliyaan qalliinka.

Sida qalliinada kale, dalool qaliin ayaa lagu sameeyaa si loo soo saaro xubnaha, daloolkana markaa ka dib waa la xidhayaa waxaana lagu daboolayaa faashad. Ayadoo ku xidhan hadba xubnaha ama unugyada lagu deeqay, qalliinku wuxuu qaadan karaa in lagu dhamaystiro 3 ilaa 8 saacadood.

Maxaa dhacaya qalliinka ka dib?Qalliinka ka dib, xubnaha lagu deeqay waxa laga qaadayaa qolka qalliinka ilaa isbitaalka ku-tallaalid lagu samayn doono ku-tallaalid. Haddii ay doonayaan qoysku in ay arkaan qofkoodii ay jeclaayeen qalliinka ka dib, waa loo diyaarinayaa.

Qofka miyuu muuqaalkiisu isbadalaya?Marka qofku dhinto, waxa caadi ah inuu muuqaalkiisu isbadaloo, jirkiisuna wuu qaboobayaa, maaddaama dhiigga iyo ogsajiintu aysan ku wareegayn jirka. Si kastaba ha ahaatee, qalliinka ku-deeqidu kuma sameeyo isbadal weyn muuqaalka qofka. Daloolka qalliinka ee la sameeyey mudadii qalliinka lagu jirey waa la xidhayaa waana la owdayaa sida qalliinada kale kamana muuqanayso dharka qofka hoostiisa.

Miyey saameyn ku yeelanaysaa aasida qofka?Ku deeqidda xubnaha iyo unugyadu wax saameyn ah kuma yeelanayso diyaarinta aasida qofka. Arkidda jirka iyo naxashka aaska oo furan waa suurtagal. Haddii koronarka (Coroner) loo baahdo inuu baadho, diyaarinta aasida dib bay u dhacaysa.

18 19

Goorma ayaa baarista korornarka (Coroner) loo baahan yahay?Dhimashooyinka qaarkood, sida dhimashadu aan caadiga ahayn ama marka sababta dhimashada aan la garanahayn, ayaa sharcigu u baahdaa inuu baarokorornarka dowlad-gobaleedka ama teritooriga. Xaaladahaas oo kale, waxa laga yaabaa in loo baahdo baarista atoobsiga korornarka. Shaqaalaha isbitaalka ayaa kala hadlaya qoyska arintaasi haddii ay soo baxdo.

Badi xafiisyada Korornarka dowlad-gobaleedka iyo teratooriyada waxay siinayaan la xiriir qareenada kuwaas oo bixiya macluumaad faahfaahsan iyo tageero markii loo baahdo baarista koronar.

Qoysku miyey badali karaan fikirkooda ku-deeqidda?Haa. Qoysku waxay badali karaan fikirkooda ku-deeqidda ilaa inta qofka loo qaadayo qolka qalliinka.

Waa maxay ra’yiga diimeed ee la xiriidha ku deeqidda?Badiba diimaha waayen way taageeraan ku-deeqidda xubnaha iyo unugyada. Haddii qoyska ay hayaan su’aalo ay jecel yihiin inay ka hadlaan, shaqaalaha isbitaalka, ayaa siin kara macluumaad dheeraad ah, kana caawin kara la xidhiidhka hogaamiye diimeed.

Qoyska qofka miyaa laga filayaa inay bixiyaan qarashka ku deeqidda?Maya. Ma jiro wax qarash lacageed oo la weydiinayo qoyska ka dib marka la caddeeyo dhimashada qofka.

Xubnahee ama unugyadee lagu deeqayaa?Shaqaalaha isbitaalku wuxu qoyska kala hadlayaa xubnaha ama unugyada ay suurtagal tahay lagu deeqo. Taasi waxay ku xiran tahay da’da qofka, taariikhda caafimaad, iyo xaaladaha uu ku dhintay. Waxaa qoyska la weydiin doonaa inay xaqiijiyaan xubnaha iyo unugyada ay ogol yihiin in lagu deeqo. Waxa la weydiin doona inay saxiixaan foomka ogolaanshaha oo faahfaahinaya maclumaadkan.

Qoysku qofku miyey go’aan ku leeyihiin qofka qaadanya xubnaha ama unugyada?Maya. Siinta xubnaha ama unugyada waxaa go’aaminaya kooxda ku-tallaalidda iyagoo raacaya hab maamuuska qaraneed1. Kuwaas waxay ku xidhan yihiin dhowr shuruudood oo kala duwan oo ay ka mid yihiin, liisaska sugida iyo qofka aadka ugu haboon, si loo hubiyo natiijada ugu wanaagsan ee ku-deeqidda.

1 Transplantation Society of Australia and New Zealand Organ Transplantation from Deceased Donors: Consensus Statement on Eligibility Criteria and Allocation Protocols. www.tsanz.com.au/organallocationprotocols/index.asp

20 21

Xubnaha qofka ma hubaalbaa in la-tallaalayo?Haddii qoysku ogolaado ku-deeqidda, wax kastoo suragal ah waa la sameynayaa si loo hubiyo in la fuliyo doonista. Si kasta ha ahaatee, mudada kudeeqidda mararka qaar kood waxaa cadaata in xubnaha lagu deeqey inay caafimaad ahaan ku haboonayn ku-tallaalid. Shaqaalaha isbitaalka ayaa kala hadli doona qoyska haddii arintaasi soo baxdo.

Ku-tallaalid had iyo jeer ma lagu guulaystaa?Australia waxaa caalamka looga aqoonsaday ku guulaysiga ku-tallaalidda iyo mudada ugu dheer ee u noolaado qofka helay xubinta. Sida qalliinada kale waxaa jira khataro la xidhiidha qalliinka ku-tallaalidda. Si kasta ah ahaatee, badiya dadka helay xubin waxay aad uga faa’iidaystaan ku-tallaalidku waxaanay siin kartaa firfircooni noloshooda.

Qoysku miyuu maclumaad ka heli doona qofka ka faa’idaystey ku deeqidda?Sharciga Australia wuxuu xadidayaa ogaanshaha maclumaadka aqoonsiga ay wadaagaan qoysaska ku-deeqaha iyo kuwa qaataha. Si kasta ha ahaatee, shaqaalaha ku-deeqidu waxay siin doonaan maclumaad joogtaha ee xubnaha iyo unugyadala beeray, iyo horumarka qaataha xubinta. Qoyska ku-deeqaha iyo qof ku-tallaalidda helay waxay isu qori karaan warqado aan magac lahayn iyagoo sii marinaya heyadaha ku-deeqidda ee dowlad gobaleedka iyo teritoriyada.

Waa maxay adeegyada taageeridda ee ay heleyaan qoysaska ku-deeqahu?Shaqaalaha ku-deeqidu waxay joogtaynayaan xidhiidhka qoyska waxayna siinayaan taageero iyo maclumaad. Heyadaha ku-deeqidda ee dowlad-gobalyeedka iyo teritooriyada waxay siinayaan taageero samarsiin iyo mid daryeel.

Waxaad ka helaysaa xidhiidhkan oo tafatiran hayadaha ku-deeqidda dowlad gobaleedka iyo teritooriga xaga dambe ee buugan yar.

22 23

XiriirkaOrgan and Tissue Authority DonateLife NT DonateLife TASLevel 6, 221 London Circuit 1st Floor, Royal Darwin Hospital Hobart Corporate CentreCanberra City ACT 2600 Rocklands Drive, Tiwi NT 0810 Level 3, 85 Macquarie Street Phone: 02 6198 9800 Phone: 08 8922 8349 Hobart TAS 7000Fax: 02 6198 9801 Fax: 08 8944 8096 Phone: 03 6270 2209 [email protected] [email protected] Fax: 03 6270 2223

[email protected] ACT DonateLife QLD

Canberra Hospital, Building 6, Level 1 Building 1, Level 4, Yamba Drive, Garran ACT 2605 Princess Alexandra Hospital DonateLife VICPhone: 02 6174 5625 199 Ipswich Road, Level 2, 19–21 Argyle Place South, Fax: 02 6244 2405 Woolloongabba QLD 4102 Carlton VIC [email protected] Phone: 07 3176 2350 Phone: 03 8317 7400

Fax: 07 3176 2999 Fax: 03 9349 [email protected] NSW [email protected]

Level 6, 4 Belgrave Street, Kogarah NSW 2217 DonateLife SAPhone: 02 8566 1700 Level 6, 45 Grenfell Street, DonateLife WAFax: 02 8566 1755 Adelaide SA 5000 Suite 3, 311 Wellington Street, [email protected]. Phone: 08 8207 7117 Perth WA 6000nsw.gov.au Fax: 08 8207 7102 Phone: 08 9222 0222

[email protected] Fax: 08 9222 [email protected]

Fahmida dimashada iyo ku-deeqidda

24

www.donatelife.gov.au

Somali