aqoonso xuquuqdaada aadaminimo · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu...

32
XAFIISKA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO Taxanaha 1aad Barnaamijka Wacyigelinta Dadka ee Xuquuqda Aadanaha Daabacaada 2aad ee 10ka Diseembar 2017

Upload: others

Post on 01-Feb-2020

12 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

1

XAFIISKA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO

Taxanaha 1aadBarnaamijka Wacyigelinta Dadka ee Xuquuqda Aadanaha

Daabacaada 2aad ee 10ka Diseembar 2017

Page 2: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado
Page 3: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

1

ARARBuug-yarahan oo lagu magacaabay Baro Xuquuqdaada Aadannimo oo ay soo saartay Hay’adda Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, waxaa ujeedadiisu tahay in dadka ku nool Puntland ay ka bartaan xuquuqaha aasaasiga oo qofku leeyahay taas oo uu ku helay jiritaankiisa aadaminimo. Xuquuqahaas waxaa lugu aqoonsaday axdiyo iyo heshiisyo caalami ah (conventions and treaties) oo ay isla wada oggolaaden dhammaan dawladaha aduunka iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa urur goboleedyada.

Sida la ogyahay kaddib marka ay dawladaha aduunka saxiixaan heshiisyadaas, waxay shuruucdaasi qeyb ka noqdaan xeerarka iyo qawaaniinta ka jira dalalkooda. Arrintaan waxaa ka dhalanaya waajib caalami ah oo ah inay dalalkaasi ilaalinayaan una hogaansamaan heshiisyadaas ay oggolaadeen, kuna dhaqmaan. Intaas dabadeed, haddii ay dhacdo in dal ku xadgudbo ilaalinta xeerarka caalaamiga ah wuxuu muteysanayaa la xisaabtan iyo in lagu cambaareeyo fagaarayaasha caalamiga ah.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka saxiixay heshiisyada caalamiga intooda badan. Sidaa darteed xuquuqahaan waxay ku xusan yihiin Dastuurka Kumeel Gaarka ah DFS ee 2012 iyo Dastuurka Dawlada Puntland ee aftida kooban lagu ansixiyey 2012 iyo xeerarka kale ee dalka.

Tusaale ahaan, Dastuurka Dawladda Puntland cutubkiisa labaad wuxuu dhigayaa xuquuqaha shakhsiga iyo kuwa bulshada ee madaniga, siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha. Sidoo kale isla cutubka labaad wuxuu xusayaa waajibaadka muwaadinka Puntland.

Sidoo kale waxaa ku jira Dastuurka Dawladda Puntland qodobo qeexaya dhismaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, kuwaasoo caddeynaya xilka iyo waajibaadka xafiisku ugu adeegayo dadka ku dhaqan Puntland si loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Page 4: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

2

Buug- yarahan waxaa loogu talagalay wacyigelin iyo baraarujin xuquuqaha uu leeyahay qof iyo bulsho waxaa kale oo uu xoogga saarayaa xuquuqda dadka eedaysan, kuwa xiran, iyo inta xukuman oo dhan. Waxaa loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan dhammaan dadka Puntland, ha ahaado sarkaal dawladeed, rayid, barakace iyo laaji’.

Gabagabada, waxaan ku faraxsanahay in Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha uu fursad u helay inuu guto waajibka dastuuriga ah ee Baridda Xuquuqda Aadanaha, waxaan rajaynayaa inaan helno dad iyo dawlad ku xisaabtema xuquuqdooda iyo waajibaadkooda.

Maxamed Yuusuf Cali

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland 1da Luulyo 2017

Page 5: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

32

1. Qeexid Xuquuqda Aadanaha Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha wuxuu ku qeexayaa

xuquuqda aadanaha qodobkiisa 1aad: “Aadanaha dhammaantiis wuxuu dhashaa isagoo xor ah kana siman xagga sharafta iyo xuquuqda, waxaa la siiyey caqli iyo damiir, waana in qof walba qofka kale uu ula dhaqmo si walaaltinimo leh”

Waxaan kaloon ku qeexi karnaa xuquuqda aadanaha sidan:1. Xaqa ammaanka iyo nolosha ee dadku u leeyihiin inaan la layn,

la xasuuqin, la jirdilin aan la kufsan. 2. Xaqa helidda garsoor cadaali ah, aanan layska xirin qofna

maxkamad la’aan ama in qofku la marsiiyo hannaan sharciga waafaqsan.

3. Xaqa xoriyadda iyo madaxbanaanida ee uu qofku aragtidiisa ku cabiro, dadkuna u shiraan si xor ah.

4. Xaqa ka qayb-qaadashada dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, in la doorto uu cidduu rabo doorto iyo in uu urur aasaaso.

5. Xaqa sharci u sinnaanta, qofna la takoorin, ama la duudsiin xaqiisa.

6. Xaqa helidda adeegyada asaasiga ah ee bulsho, waxbarasho, caafimaad, biyo iyo nolol.

7. Xaqa dadka la takooro ama la tunjilicsado in dowladdu ka ilaaliso xasuuq, dulmi, takoor, xaq duudsi iwm.

2. Taariikh Kooban Xuquuqda Aadanaha (Baaqyada, Xeerarka

iyo Tilmaamayaasha) Taariikhda casriga ee Xuquuqda Aadanaha waxay ku qotontaa

anxisinta Axdiga Qaramada midoobay ee lagu saxiixay magaalada San Francisco 26th June 1945 Kaas oo xusaaya in xoriyadaha asaasiga ilaalintooda ay tahay ujeedada loo sameeyey xeerka qaramada midoobay wuxuuna u qoran yahay sidan.

TAARIIKH IYO DULMAR KOOBAN XUQUUQDA AADANAHA IYO HAY’ADAHA DHAWRA

Page 6: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

4

“Waxaa lagu heshiiyey in la qiro jiritaanka xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado ama ha yaraado”

Cutubka 1aad: Ujeedooyinka iyo Mabaadii’da; Qod. 1, Xubinta 2 iyo 3, Cutubka IX: Qod. 55 iyo 56. Cutubka X: Cutubka 62 and 63.

Jamciyadda Qarmada Midoobay waxay u xilsaartay arimaha xuquuqda aadanaha Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada (ECOSOC)

Guddiga ECOSOC waxay aasaaseen Komishanka Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Commission)

Komishanka waxaa loo diray diyaarinta Xeerka Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.

Guddiga waxay diyaariyeen Baaqa iyo Heshiisyada kala ah (UDHR, ICCPR and ICESCR).

Jamciyadda Qarmada Midoobay waxay aqbashay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha 10kii Diseembar 1948 (30 Qodob)

Jamciyadda Qarmada Midoobay waxay ansixisey Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda 16kii Diseembar 1966 (53 Qodob). Dhaqan-Galay 23kii Maarso 1976

Jamciyadda Qarmada Midoobay waxay ansixisey Heshiiska Caalamiga Ee Xuquuqda Dhaqaalaha, Arimaha Bulshada iyo Dhaqanka 16kii Diseembar 1966 (22). Dhaqan-Galay 23kii Maarso 1976

Jamciyadda Qarmada Midoobay waxay ansixisey Sharciga caalamiga ah ee xaaaladda dagaalka Agoosto 1949

Jamciyadda Qarmada Midoobay waxay ansixisey Heshiiska Caalamiga ee Ciribtirka Dhammaan Noocyada Cunsuriyadda Isirka (Qoomiyadda). 21kii Diseembar 1965 (25 qodob). dhaqan galay 4tiiJanaayo 1969

Jamciyadda Qarmada Midoobay waxay ansixisey Heshiiska Tirtiridda Dhammaan Qaababka Takooridda Haweenka 18kii

Page 7: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

54

Diseembar 1979 (30 qodob) dhaqan galay 3dii Sebteembar 1981.

Jamciyadda Qarmada Midoobay waxay ansixisey Heshiiska ka Hortaga Jirdilka iyo Ciqaabaha kale ee Arxan-darada ama Banii’aadnimada ka baxsan 10kii Diseembar 1984 (33 qodob) dhaqan galay 10kii Diseembar 1987.

Jamciyadda Qarmada Midoobay waxay ansixisey Heshiiska Xuquuqda Carruurta Nofeembar 1989 (54 qodob) dhaqan galay 2dii Sebteembar 1990.

3. Hay’adaha Caalamiga ah ee u xilsaaran Xuquuqdan Aadanaha Golaha Arimaha Bulshada iyo Dhaqaalaha (1945) Guddiga Xuquuqda Aadanaha (1945) Daladda Hay’adaha Wadaniga (1991) Guddiga Hagidda Caalamiga ee Hay’adaha Wadaniga ee

Dhawrista iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha (1993) Golaha Xuquuqda Aadanaha (April 2006) Office of the High Commissioner for Human Rights Guddiga Xuquuqaha Dhaqaalaha, Bulshada iyo Dhaqanka Guddiga Xuquuqda Aadanaha Guddiga Tirtirista kala Sooc Sooca ku saleysan Qoomiyad (isirka) Guddiga Tirtirista Takoorka Haweenka Guddiga ka Hortaga Jirdilka Guddiga Xuquuqaha Carruurta

4. Noocyadda iyo Kala-Hormarinta Muhiimadda ku Salaysan Qarniga 17, 18, 19, 20aad Xuquuqda Madaniga Xuquuqda Siyaasadda Xuquuqda Bulshada & Dhaqaalaha Xuquuqda Dhaqanka Xuquuqda la xiriirta Horumarka

Page 8: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

6

5. Hanaanka Dhawrista Xuquuqda Aadanaha ee Qaaradaha/Gobolka Yurub

Heshiiska Yurub ee Xuquuqda Aadnaha 1950 (Axdiga Yurub ee

Xuquuqda Aadanaha 1948) Golaha Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (La tirtiray) Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (1998)

Ameerika

Heshiiska Ameerika ee Xuquuqda Aadanaha (Heshiiska San Jose, Costa Rica) 1969

Golaha u dhaxeeya Ameerika ee Xuquuqda Aadanaha Maxkamadda u Dhaxeysa Ameerika ee Xuquuqda Aadnaha

Afrika Axdiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadka (Heshiiska

Banjul, Gambia) 1981 Golaha Afrika ee Xuquuqda Aadanaha 1987 Maxkamadda Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadka 1998

(2004).

6. Taariikh Kooban Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha Sanadkii 1946dii ayaa Golaha arimaha Bulshada iyo Dhaqalaha

(Economic and Social Council) ayaa ka baaraandegay arinta Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee qaran. Waxaana dalalka laga codsaday inay sameeyaan Guddi ama Kooxo arimaha xuquuqda aadanaha ee maxaliga.

Sanadku markuu ahaa 1978dii ayaa Gudida Xuquuqda Aadanaha (Commission on Human Rights) waxay qabatay aqoon isweydaarsi kaas oo ay ka soo baxday tilmaamayaal qabyo-qoraal ah oo tibaaxaya shaqooyinka iyo qaab-dhismeedka Hay’adda. Markii danbe Golaha iyo Shirweynaha Qaramada Middoobay way

Page 9: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

76

ansixiyeen tilmaamayaasha, waxaana laga codsaday dalalka inay ka unkaan Hay’addaha xuquuqda aadanaha meelaha aysan ka jirin. Xoghayaha qaramada midoobe waxaa laga codsaday in uu warbixin arintaas ka soo gudbiyo.

Sanadku markuu ahaa 1991dii waxaa la qabtay siminaarkii ugu horeeyey oo loo qabto Hay’addaha xuquuqda aadanaha dhowra iyo horumariya kaas oo ka dhacay Paris. Waxyaabaha ka soo baxay waxaa ugu muhiimsan Mabaadi’da la xiriirta Sifada Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee qaran.

Mabaadi’da Paris (Paris Principles) waxaa loo aqoonsaday inay yihiin miqyaaska Hay’adaha xuquuqda aadanaha dhanka sumcada iyo sharciyadda (legitimacy and credibility).

Shirweynihii aduunka ee xuquuqda aadanaha ee ka dhacay Vienna 1993dii wuxuu ahaa marxaladii kalaguurka ee hey’daha xuquuqda aadanaha ee qaran. Waxaa markii ugu horeysan la ictiraafay Hay’adaha qaran ee waafaqsan Mabaadi’da Paris, iney yihiin kuwa sida dhabta uga shaqeeya dhowrista iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

Sanadku markuu ahaa 2005 ayaa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (UN Commission on Human Rights) qaraarka lambarkiisu yahay 2005/74 ku qirtay in loo baahan yahay in dhamaan Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee qaran in ay ay waafaqaan mabaadi’da Paris ee dalbaya in hey’adauhu noqdaan kuwa madaxbanaan.

7. Dawrka Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Caalamiga Dabagal heshiisyada Diyaarin warbixin xiliyeed Talo siin iyo taageerid

Page 10: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

8

8. Waa maxay Hay’adda Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Hay’adda Qaran ee Xuquuqda Aadanaha waa hey’ad dowli ah

oo leh mas’uuliyad dastuuri ama/iyo mas’uuliyad Xeer oo ay ku dhowraan ayna ku taabageliyaan xuquuqda aadanaha.

Hay’adda xuquuqda aadanaha waxay ka mid tahay Hay’adaha dowladda, dowladda ayaana miisaaniyad siisa.

9. Dawrka Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaran Sida ay tilmaamayaan mabaadi’da Paris howlaha iyo shaqada

Hay’adda qaran ee xuquuqda aadanaha waxay u dhigantaa MAS’UULIYAD, micnaheedu yahay Hay’adaha WAAJIB bay ku tahay fulinta howlaha loo igmaday waxaana ugu waaweyn:

Taaba gelinta Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Promotion): Hindisida jawi lagu ilaaliyo xuquuqda aadanaha oo ay ugu horeyso wacyigelinta, kor-u-qaadida aqoonta bulshada, tababaro, sinaan, isqadarin iyo qoraalo iyo saxaafada.

Ilaalinta iyo Dhowrista Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Protection): Qabashada cabashooyinka, baaridda xadgudubyada iyo falalka ka dhanka ah xuquuqda qofka iyo bulshada, eedaynta danbiilayaasha maxkamadaha hortooda, matalida dulmanayaasha iyo u kuurgelidda xaaladda xuquuqda aadanaha guud ahaan.

10. Soomaaliya iyo Hay’adda Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Dastuurka ku-meel Gaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka

ee Soomaaliya ee la ansixiyey 1da Agoosto 2012 wuxuu ku xusayaa CUTUBKA LABAAD: XUQUUQDA ASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA. Wuxuu ka kooban yahay cutubkaan 33 qodob.

Dastuurka ku-Meel Gaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ee la ansixiyey 1da Agoosto 2012 wuxuu ku xusayaa

Page 11: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

98

CUTUBKA TOBNAAD: GUDDIYADA MADAXA BANNAAN. Qodobka 111B. Guddiga Xuquuqda Aadamiga.

Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya wuxuu ansixiyey Xeerka Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Madaxweynaha wuu saxiixey, waxaa la rajaynayaa guddiga in la magacaabo xiliga ugu dhaw.

11. Hay’adda Madaxabanaan ee Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Hay’adda Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waa hey’ad dawli

ah oo madaxbanaan lehna xasaanad dastuuri ah iyo qaanuun u gaar ah hagideeda.

Dastuurka Dowladda Puntland ee Soomaaliya ee la ansixiyey 2012 kii wuxuu ku xusayaa Madaxa II XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO DAMMAANAD-QAADKA QOFKA.

12. Dastuurka iyo Xuquuqda Aadanaha Dastuurka Puntland ee golaha wakiiladu ansixiyeen June 2009,

aftidana loo sameeyey sanadkii 2012. Waxaa ku xusan 35 qodob oo kala ah 12aad ilaa 47aad,

waxayna qeexayaan xuquuqda dastuuriga ah ee dadku leeyihiin. Xuquuqda Aasaasiga Ah iyo Damaanad-qaadka Qofka waxay ka

kooban tahay: Xuquuqda shakhsiga iyo laalideeda Xuquuqda bulshada. Xuquuqda siyaasada ee muwaadinka

iyo waajibaadkiisa.

13. Dhismaha Hay’adda Madaxabanaan ee Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Dastuurka: Sharciyada iyo Aasaaska Xafiiska Difaacaha

Xuquuqda Aadanaha Puntland Hay’adda Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxay

sharciyadeeda ku qotontaa Dastuurka Puntland Qaybta 5aad,

Page 12: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

10

xubinta 4aad, qodobada 116aad, 117aad, 118aad, 119aad waxayna u qoronyihiin sidatan:

Qodobka 116aad: Xafiiska Difaacaha iyo Taabbagelinta Xuquuqda Aadanaha (Qeexid)

Qodobka 117aad: Magacaabidda Difaacaha Qodobka 118aad: Awoodaha iyo Xilalka Difaacaha

Xuquuqda Aadanaha Qodobka 119aad: Xil Ka Qaadista Difaacaha Xuquuqda

Aadanaha

14.Xeerka Hagaaya Xafiiska Difaacaha Xuquuqda AadanahaPuntland Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxaa

shaqadiisa haga xeer u gaar ah: Magaca Xeerka: Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

Puntland Xeer Lambar: 11 Taariikhda golaha wakiiladu ansixiyeen: 26/11/2011 Taariikhda Madaxweynuhu saxiixay:06/12/2011 Qodobada xeerku ka kooban yahay:21 qodob

Qodobka 11–aad ee Xeerka Ujeedada Xafiiska Difaacaha

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda aadanaha iyo Wakiiladiisa Gobollada, waxaa loo dhisay dhowrista xaquuqda aadanaha.

Ilaalinta Xaquuqda Muwaadiniinta. Xafiiska xuquuqda iyo taaba gelinta xuquuqda aadanaha waxaa

lagu maamulayaa dhammaan hawlaha la xiriira gafka/gafafka, gaboodfalada iyo tacadiyada laga galo xuquuqda aadanaha.

Ilaalinta xoriyaadka asaasiga ah ee muwaadinka sida ku cad shareecada islaamka iyo dastuurka Puntland.

Xafiiska xuquuqda aadanaha wuxuu dhawraa, ilaaliyaa, difaacaana xadgudubyada xorriyaadka iyo xuquuqda aadanaha.

Page 13: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

1110

Wuxuu ka jawaabaa cabashooyinka muwaadiniintu u soo gudbiyaan.

Wuxuu baaritaana ku sameeyaa cabashooyinka, natiijada baaristana wuxuu u gudbinayaa hay’adaha ay khusayso, iyadoo natiijada warbixinta iyo xalkeedaba loo marayo hay’adaha Dawladda sida ay u kala sarreeyaan.

Qodobka 118aad ee Dastuurka Awoodaha iyo xilalka difaacaha xuquuqda aadanaha Awoodaha iyo xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu waa:

Ka hortegidda xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha, isagoo talabixin siinaya hay’adaha waddaniga oo ay arrintu khuseyso.

Ku wacyi galinta dadweynaha iyo masuuliyiinta dawladda muhimadda ay leedahay dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee ku cad Dastuurka iyo sharciyada Puntland, isla markaasna ku xusan Axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah.

Inuu daafaco xuquuqda aadanaha ee Dastuurka iyo shuruucda kale ay qeexayaan.

Inuu baaro cabashooyinka ay muwadiniinta ama ururada Bulshada ka sheeganayaan xuquuqdooda bini’aadanimo, uuna gaarsiiyo hay’adaha dawliga ah iyo kuwa wadaniga ah natiijada baaristiisa, isagoo raacinaya talo soo jeedintiisa la xiriirta damanaad qaadka xuquuqda aadanaha.

Inuu taageero dadka lagu sameeyo xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ka dhanka ah uuna ka difaaco maxkamadda horteeda ama si guud.

Magacaabidda guddiyo gaar ah oo gacan ka siiya gudashad a xilkiisa.

Kormeeridda goob kasta oo lagu sameeyo ama la tuhunsan yahay in lagu gabood-falo Xuquuqda Aadanaha.

U ololaynta dib u habeynta sharciyada iyo hab-dhaqanka maamulka si kor loogu qaado dhawrista iyo qaddarinta Xuquuqda Aadanaha.

Soo saarista warbixin sanadeed la xiriirta xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Puntland.

Page 14: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

12

U bandhigidda Golaha Xukuumadda talooyinka ku aaddan mashruuc sharci oo khuseeya Xuquuqda Aadanaha.

Gudashada xilalka kale ee sharciyada Puntland siiyaan xafiiskaas.

15. Xuquuqda Aadanaha iyo Shareecada Islaamka Islaamku wuxuu u yimi in uu dadka ka saaro mugdiga, uuna u saaro

iftiinka. Islaamku waa diin iyo dawlad hagta cibaadada qofka iyo akhlaaqiyaadkiisa, sidoo kale dejisa nidaamka xukun iyo maamul ee bulsho.

Islaamku wuxuu xifdiyey Xuquuqda Aadanaha, iyadoo uu ka dhigay mas’uuliyad shakhsi ah oo qofkasta gooni u saaran, sidoo kale dhowrista xuquuqda aadanaha waa mas’uuliyad mujtamaca iyo dowladda u gudubta, waajibna ah inay dhowraan.

Qur’aanka: Suratu Al-Xujraat, Suratu Al-Israa, Suratu Al-Xadiid,

Suuratu Al-Maa’idah. Axaadiista Rasuulka SCW: Xadiiska Xajatu-Al-widaac, Xadiska Al-

Muslim Akhul Muslim, laa yadlimuh, walaa yakhduluh.

Maqaasidda Shareecadda: Diintu waxay ilaalisay 5 waxyaalood: Diinta/Caqiidada Nafta/Jiritaanka Maalka/Dhaqaalaha Caqliga/Caafimaadka Nasabka/Sharafta Baaqa Qaahira ee Wadamada Islaamka

Dhanka nidaamka casriga ee loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha waxaa wadamada Islaamka hagaya Baaqa Qaahiro (Cairo Declaration on Human Rights in Islam Adopted and proclaimed by Organization of Islamic Conference resolution 217 A (III) of adopted on 5 August 1990) kaas oo ka kooban 25 qodob.

Page 15: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

1312

Baaqa Qaahiro: Waxaa gogoldhig u ah in Ummadda Islaamku tahay tan ugu fiican bulshooyinka…Xuquuqaha asaasiga iyo xoriyaadku yihiin qayb ka mid ah mabaadi’da islaamka.

Baaqa Qaahiro wuxuu 25ka qodob ku dabrayaa in wax walba oo la xiriira xuquuqda aadanaha loo maraayo sida Shareecada Islaamka qabto.

Page 16: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

14

XUQUUQAHA MADANIGA (SHAKHSIGA)

Sinaanta Dhammaan dadku waa u siman yahay Sharciga. Qofna laguma takoori karo midabka, diinta, dhalashada, jinsiyadda, hantida, fikradda uu aaminsan yahay, siyaasadda, afka iyo isirka. Dastuurka ayaa dammaanad qaadaya xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

(Dastuurka Puntland Qod. 12aad)

Xorriyadda fikirka Qof kasta xor buu u yahay fikraddiisa waana soo bandhigi karaa. Faafreeb horudhac ahi waa reebban yahay. Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.

(Dastuurka Puntland Qod.14aad)

Aasaasidda iyo kamid noqoshada ururada bulshada Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu aasaaso, ka mid noqdo ama ka qayb qaato hawlaha ururada dhaqan-dhaqaale, bulsho, Isboorti iyo cilmi, haddaan sharci ka reebin. Aasaasidda ururadu waa inay waafaqsan yihiin qaanuunka dalka iyo danaha ummadda Puntland. Waxaa reebban ururada leh dabeecad qabiil ama ciidan.

(Dastuurka Puntland Qod. 15aad)

Xorriyadda DhaqdhaqaaqaQof kasta waxa uu u madaxbannaan yahay inuu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu rabo iyo inuu dalka ka baxo kuna soo laabto goortii uu doono.

(Dastuurka Puntland Qod. 16aad)

Lahaanshaha hantiyeed Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, u maamusho, ugana faa’iideysto si sharciga waafaqsan. Sharciga ayaa qeexaya

Page 17: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

1514

duruufaha iyo habraaca lagu xaddidi karo xaqa shakhsiga ee la xiriira hantidiisa. Xorriyadda wax soo saarku way bannaan tahay, waxaase shardi u ah in wax soo saarayaashu ay oofiyaan shuruudaha sharci iyo maamul ee dalka u degsan. Qofna lagama qaadi karo khidmad/kharash, hantidiisana lalama wareegi karo iyadoo aan loo cuskan sababo sharciga waafaqsan.

(Dastuurka Puntland Qod.17aad)

Nolasha qofka iyo nabagelyeynta jirkiisa Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay noloshiisa marka laga reebo qof lagu fuliyey xukun maxkamadeed oo kama dambays ah. Qof kastawaxa uu xaq u leeyahay nabadgelyada jirkiisa iyo sharaftiisa. Waxaa reebban denbiyada laga galo xaqa nolosha iyo nabadgelyada qofka, sida xasuuq, jirdil, xarig iyo dil aan sharciga waafaqsanayn.

(Dastuurka Puntland Qod.18aad)

Madaxbannanida qofkaQofna madaxbannaanidiisa lagama qaadi karo, xannibaad kasta oo lagu sameeyana waa inay sharciga ku caddahay. Addoonsiga iyo ka-ganacsiga dadku way reebban yihiin. Madaxbannaanida qofka waxaa shardi u ah in aaney ka hor imanayn Shareecada Islaamka, xeerarka, anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qof kale.

(Dastuurka Puntland Qod.19aad)

Ammaanka hoyga Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda. Ma bannaana baaridda, basaasidda iyo gelidda hoyga amar Garsoore oo sababaysan la’aantiis, haddii aanu gelin hoyga qof dembiile ah oo boolisku ku raad-joogo ama aanu isla wakhtigaas fal-dembiyeed ka dhacayn hoyga dhexdiisa.Waxaa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo degganaha amarka Garsooraha inta aan lagu dhaqaaqin baarista, baarahana waxaa ka reebban ku xad-gudubka sharciga.

(Dastuurka Puntland Qod. 21aad)

Page 18: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

16

Xorriyada isgaarsiinta Qofna lama faragelin karo xiriirkiisa isgaarsiineed iyo qoraalladiisa gaarka ah, marka laga reebo xaaladaha sharcigu banneeyo baaritaankooda, dabagalkooda, ama dhegaysigooda.Marka taas lagu tallaabsanayo waa inuu jiraa amar garsoore oo sababaysan.

(Dastuurka Puntland Qod. 23aad)

BannaanbaxyadaMuwaadin kasta oo Puntlandar ah waxa uu xor u yahay in uu abaabulo, ka qaybqaato bannaanbaxyo ku salaysan hab nabadgelyo, sharcigana waafaqsan. Bannaanbaxyada waxaa lagu joojin karaa sababo lid ku ah Diinta Islaamka, caafimaadka, anshaxa, amniga iyo xasilloonida dalka.

(Dastuurka Puntland Qod. 24aad)

Page 19: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

1716

XUQUUQAHA BULSHADA

Xuquuqda Qoyska Qoysku waa aasaaska bulshada, oo ka bilowda nin iyo haweenay qaan gaaray oo si sharciga waafaqsan isku guursaday iyo carruurtooda, sharciga ayaana dammanad qaadaya sugnaantiisa.

(Dastuurka Puntland Qod. 30aad)

Xuquuqda carruurta Carruur waxaa loola jeedaa qof kasta oo toban iyo shan sano (15) ka yar. Ilmuhu waxa uu xaq u leeyahay nolol, magac, jinsiyad, korriimo, waxbarasho iyo daryeel caafimaad. Waxaa reebban shaqada wax u dhimaysa carruurta noloshooda, caqiidadooda, dhaqankooda, korriimadooda iyo waxbarashadooda. Waxaa reebban in la soo rido ilmaha caloosha hooyada ku jira, haddii aanay jirin xaalad adag oo hooyada nolosheeda khatar gelineysa, uuna caddeeyo dhakhtar aqoonteeda leh.

(Dastuurka Puntland Qod. 31aad)

Waxbarashada Qof kasta xaq ayuu u leeyahay inuu waxbarasho helo. Horumarinta iyo baahinta waxbarashadu waa waajib saaran dawladda. Dawladda ayaa u xilsaaran ciribtirka akhris/qoris la’aan. Waxbarashada aasaasiga ah ee carruurtu waa khasab, Dawladda ayaana u xilsaaran helitaanka agabka iyo hawlwadeennada waxbarashada. Marka ay duruuftu saamaxdo, dawladdu waxa ay kor u qaadeysaa heerka waxbarashada khasabka ah. Barashada iyo tarbiyadda diinta Islaamku waa dariiqad aasaasi ah, dhammaan heerarka waxbarashada hoose, dhexe iyo sare. Qofka qaangaarka ahi waa u madaxbannaan yahay doorashadiisa waxbarasho iyo xirfadeed, Dawladdana waxaa waajib ku ah dhiirrigelinta waxbarashada dadka waaweyn iyo tan haweenka.

(Dastuurka Puntland Qod.32aad)

Page 20: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

18

Caafimaadka Waa mas’uuliyadda Dawladda in ay daryeesho caafimaadka guud ee dadweynaha, ka hortag iyo daaweynba, gaar ahaan carruurta iyo haweenka. Dawladdu Puntland waxay ogoshahay adeegga caafimaad ee gaarka ah, furashada rugo caafimaad iyo cusbitaalo. Adeegyada gaarka ah ee caafimaadka waxaa nidaaminaya xeerka, waxaana kormeeraya Xukuumadda

(Dastuurka Puntland Qod. 33aad)

Agoomaha, curyaamada, garaad dhimanka iyo dadka gaboobeyAgoonta, curyaamiinta, garaad-dhimanka, dadka gaboobey iyo qof kasta oo aan is daryeeli karin, cid daryeeshaana aanay jirin, dawladda ayay waajib ku tahay in ay daryeesho. Dawladdu waa in ay dhiirrigelisaa, samaysaana hay’ado gargaara iyo xarumo lagu xannaaneeyo dadka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan

(Dastuurka Puntland Qod. 34aad)

Xuquuqda Haweenka Dawladda waxaa waajib ku ah horumarinta iyo dammaanad qaadka xuquuqda haweenka si waafaqsan diinta Islaamka Haweenku waxay xuquuqda kala siman yihiin ragga, marka laga reebo wixii ALLAAH u kala gaar yeelay.

(Dastuurka Puntland Qod. 35aad)

Xuquuqda Dhalinyarada Dawladdu waxay ahmiyad gaar ah siineysaa daryeelka, barbaarinta, horumarinta dhalinyarada iyo isboortiga.

(Dastuurka Puntland Qod. 36aad)

Xuquuqda Shaqaalaha Waxaa reebban shaqo khasab ah, haddii aan qaanuunku si kale u tilmaamin. Shaqaale kasta waxa uu xaq u leeyahay mushahar u dhigma shaqada uu qabto iyo maalin nasasho ah toddobaadkiiba, fasax sannadeed, fasaxa ciidaha ee qaanuunku jideeyay. Haweenka waxaa

Page 21: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

1918

intaas u dheer fasaxyada dhalmada iyo naas-nuujinta. Shaqaalaha fasaxa ku jira waxba iska dhimi mayaan xuquuqdooda mushaar. Dawladdu waa in ay daryeeshaa shaqaalaha jir ahaan iyo damiir ahaanba. Shaqaaluhu waxa ay xaq u leeyihiin in ay cabashadooda ku muujiyaan bannaanbax ama shaqo-joojin si xeerka waafaqsan. Ciidammada qalabka sida shaqa joojin ma samayn karaan. Shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaashuba waxay xaq u leeyihiin iney yeeshaan ururro maareeya una dooda danahooda.

(Dastuurka Puntland Qod. 37aad)

Page 22: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

20

XUQUUQAHA SIYAASADDA

Waajibaadka Muwaadinka1. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah: b. Dhawridda diinta Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka iyo

kuwa caalamiga ee aan ka hor imaanayn sharciga. t. Adkaynta midnimada ummadda iyo ilaalinta jiritaanka qarannimada

Puntland. j. Codbixinta xilliyada doorashooyinka. x. Bixinta canshuuraha ku waajibay.kh.) Ka qaybgalka difaaca Puntland markii loogu yeero ama ay la soo

gudboonaato. 2. Sharciga ayaa qeexaya ciqaabta lagu mutaysanayo gudasho la’aanta

waajibaadka ku xusan qodobkan.(Dastuurka Puntland Qod. 40aad)

Xuquuqda MuwaadinkaMuwaadin kasta oo da’adiisu gaartay siddeed iyo toban (18) sano, wuxuu xaq u leeyahay: b. Inuu ka qayb-galo hawlaha doorashooyinka iyo inuu cod bixiyo. t. Inuu sameeyo ama ku biiro urur ama xisbi siyaasadeed. j. In uu xilliyada doorashada u tartamo xilalka dalka, haddii uu

shuruudaha buuxiyo.(Dastuurka Puntland Qod. 41aad)

Xaqa Bandhigidda Cabashada1. Muwaaddin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu cabashadiisa

qoraal ugu diro Madaxweynaha, Baarlamaanka, Xukuumadda, iyo madaxda kale ee dawladda.

2. Xafiiska uu qoraalka cabashadu u socdo waa inuu ka jawaabo (30) beri gudahood.

(Dastuurka Puntland Qod. 42aad)

Page 23: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

2120

Hakinta Xuquuqda Siyaasadeed iyo Xil-qabasho ee MuwaadinkaXuquuqda muwaadinka waa la hakin kara haddii ay dhacdo: In qofka maxkamadi ku rido xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo ah noocyada lagu lumiyo xuquuqda siyaasadeed iyo xil qabasho ee ku cad xeerka ciqaabta. In qofku yahay garaad-dhimman, ama Maxkamadi caddayso inaanu gudan karin xilkiisa.

(Dastuurka Puntland Qod. 43aad)

Doorashooyinka1. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha doorashada wuxuu xaq u

leeyahay inuu wax dooran karo lana dooran karo.2. Xubnaha Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka waa

mansabyada dadweynuhu tooska u dooranayaan.3. U codaynta mansabyadaas waa inay u dhacdaa si caddalad iyo

xor ah oo waafaqsan nidaam sharci ah oo ay maamulayso hay’ad madaxbannaan oo leh awood Dastuuri ah.

4. Codbixintu waxay noqonaysaa mid caam ah, dadku u simanyahay, shakhsi ah, qarsoodi ah, waxaana reebban in qof lagu farageliyo doorashada meesha uu codka marinayo.

5. Sharciga ayaa xadidaya aagagga doorashooyinka ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka. Tirada kuraasta uu gobol ku yeelanayo Golaha wakiillada iyo xubnaha golayaasha degmooyinka waxay ku xirnaanaysaa hadba inta uu le’eg yahay dadweynaha ku nool gobolka ama degmada.

6. Taariikhda ay qabsoomeyso doorashadu waxaa goynaya Guddiga doorashada, waase in aaney noqon laba bilood ka yar ama afar bilood ka badan dhammaadka muddada golayaasha wakiillada iyo deegaanka markaas xilka haya.

7. Inta aan la gudo gelin doorashooyinka waa inuu jiro sharci gaar ah oo lagu hagayo arrin kasta oo la xariirta doorashada.

(Dastuurka Puntland Qod. 44aad)

Page 24: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

22

Dadka aan is-sharrixi karin1. Dadka ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee aan hawlgabka

ahayan iyo garsoorayaashu, xubin kama noqon karaan xisbiyada siyaasadda, isumana sharrixi karaan doorashooyinka.

2. Hawlwadeennada dawladda isma sharrixi karaan, haddii aanay iska casilin xilalka ay hayaan. Sharciga doorashada ayaa sheegaya wakhtiga kama dambaysta ah ee ay tahay inay is casilaan, haddii ay doonayaan inay tartanka doorashooyinka ka qaybgalaan.

(Dastuurka Puntland Qod. 45aad)

Page 25: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

2322

XUQUUQAHA DACWADDA, EEDAYSANAHA, XUKUMANAHA IYO XIRITAANKA

Xaqa dacwadda iyo is-difaaca Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu dacwad Xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u leh. Qof kasta waxaa uu xaq u leeyahay inuu iska difaaco maxkamadda horteeda. Qof kasta oo aan iska difaaci karin maxkamadda horteeda, ama aan karin inuu qareen qabsado, dawladda ayay waajib ku tahay in ay u qabato qareen difaaca. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya sida uu caddaalad ku helayo qofkii aan awoodin bixinta ajuurada maxkamadaha.

(Dastuurka Puntland Qod. 25aad)

Dembiga iyo Ciqaabta Ciqaabta dembi waxay ku koobnaanaysaa qofka geystay fal-dembiyeedka. Qofna looma qaban karo, xiri karo, loomana ciqaabi karo fal markii uu galay aan dembi ku ahayn sharciga. Ciqaab aan maxkamadi go’aamin cidna laguma fulin karo.

(Dastuurka Puntland Qod. 26aad)

Xuquuqda Eedeysanaha1. Eedaysanaha waxaa loo aqoonsan yahay dembilaawe ilaa si Xeerka

waafaqsan maxkamadi ugu xukunto gelid denbi.2. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in la dhawro nabadgelyadiisa

iyo sharaftiisa aadaminnimo.3. Eedaysanaha laguma hayn karo meel aan Xeerku bannayn.4. Eedeysane kasta waa in 48 saacadood gudahood lagu hor-geeyo

maxkamad. 5. Eedaysanaha waa in maxkamadda awoodda u lihi si tifaftiran ugu

akhrido uguna macnayso dembiga lagu soo oogey. 6. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa,

qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa, waana la damiinan karaa haddii sharcigu oggol yahay.

Page 26: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

24

7. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu qareen difaaca qabsado. 8. Eedaysanaha laguma khasbi karo qirashada dembiga loo haysto.

(Dastuurka Puntland Qod. 27aad)

Xuquuqda qofka xukuman 1. Qofka ay maxkamadi xukuntay oo xiran waxa uu xaq u leeyahay

ilaalinta nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa aadaminnimo.2. Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan

eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa.3. Qofka maxbuuska ahi waxa uu xaq u leeyahay daryeel caafimaad,

cunto iyo waxbarasho.4. Qofka maxbuuska ah waxaa lagu dhaqayaa xuquuqda caalamiga ah

ee maxaabiista.5. Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu Rafcaan ka qaato

xukunkii maxkamaddu ku ridday.(Dastuurka Puntland 28)

Markii Qof la xidhayo 1. Xidhitaanku waa in uu raaco qaabka uu sharciga jideeyay. Qofka ay

tahay in la xidho waa in loo sheegaa in la xidhayo, iyo sababta loo xidhayoba.

2. Haddii qofka la xidhayaa: a) xoog kala hor yimaado xidhistiisa; b) isku dayo in uu baxsado (fakado), Qofka fulinaya xidhitaanku wuxuu isticmaali karaa dhamaan

qaababka sharciga ah ee lagama maarmaanka u ah si uu u meel mariyo xidhitaanka.

3. Qofka la xidhay lama saari karo xadidaad badan oo aan ahayn tii lagama maarmaanka u ahayd si looga hortago in uu baxsasho (fakado).

4. Haddii si dhamaystiran loo hubo in xadhigaasi ahaa mid gaf loo sameeyay, qofka la xidhay si degdeg ah ayaa loo sii daynayaa.

(XHC 28 - 29)

Page 27: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

2524

Galitaanka guryahaBoolisku iskama geli karo guryaha fasax maxkamadeed la’aan hadii aysan jirin xaalado gooni ah. Xaaladdaas waxay tahay hadii ay jirto xaalad degdeg ah iyo in hadii amar maxkamadeed la raadsho aan laheli kareyn ayado laga gaashamanayo qofku in uu baxsado. Haddii qofka masuulka ka ah goobtu uu diido ogolaanshaha galitaanka noocan ah, xoog ayaa lagu galayaa.

(XHC 30)

Qofka la xidhayo Boolisku isaga oo aan haysan amar maxkamadeed wuxuu baaritaan kusamayn karaa qof la xidhayo. Boolisku wuxuu qabanayaa qalab kasta oo laga helo qofka la xidhayo, kaaso cadayn noqon kara.

(XHC 31)

Wargelin xarig la sameeyeySarkaal kaste ee Boolis ee saldhig xukuma wuxuu sida ugu dhaqsiiya badan ku wargelinayaa xeerilaalinta ama qaadi maxkamadeed ee awood u leh, qof kasta oo la soo xiray iyo qof kasta oo la sii daayey markii la soo xiraya dabadeed, taas oo ka dhacday xeendaabka sharci (jurisdiction) ee sarkaalka boolis.

(XHC 33)

Xiritaan amar Maxkamadeed la’aantiiQofka waxaa lagu xiri karaa amar maxkamadeed la’aantii haddii dembi isagoo faraha kula jira lagu helo. Qofkaas waa in muddo aan kabadnayn 48 saac garsoore lugu horgeeyo.

(XHC 39)

Fulinta amarka Baadhista iyo xayiraaddaBaarista iyo xayiraadda laguma fulin karo guryaha khaaska loo degan yahay waqtiyada udhexeeya 6da maqribnimo. ilaa 7da aroornimo haddii aysan jirin xaalad lama huraan ah amase qofka soo saaray amarka uusan amrin in waqti walba la fulin karo.

(XHC 56)

Page 28: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

26

Kusiideynta Dammaanad1. Ku siidaynta damiinku waa: a) Ka joojinta qofka xidhan ama eedaysanaha Amar Qabasho Maxkamadeed iyadoo loo tixraacay farqada 2 (a) ee Qodobka 601; b) Siidaynta qofka sifo sharci ah loo xidhay

2. Siidaynta damaanadeed waxa lagu waajibin karaa: a) Fulinta hanti dabar looga dhigay i) ruuxa eedaysanaha ah, ama ii) dad kale, ama iii) labadaba, qofka eedaysanaha ah iyo dad ka kale wadajir ahaan, muhiimad gaar ah awgeed si loo hubiyo in eedaysanuhu hor imanayo Maxkamadda awooda u leh. b) Shuruud kasta oo kale oo Maxkamad u aragto in ay ku filan tahay.3. Marka laga reebo xaaladaha xeerkani si kale u nidaamiyay, damiinka lama bixinayo xaaladaha uu yahay amarka qabashada Maxkamadu yahay khasab. (XHC 59)

Qofka Garaad dhimanka ah marka uu dembi galoQofka dhagoolka ah amase nacaska ah oo aan fahmi karin dembiga marka uu geliyay, looma qaban karo dembigaas.

( Q.48 –XCS)

Xaqa saxaafada Saxaafadda iyo warbaahinta xorta ahi waa ay ka madaxbannaan yihiin faragelin dawladeed, waxayna u hoggaansamayaan sharciga oo keliya.

(Dastuurka Puntland Qod 22aad)

1Xaaladaha damiinka la ogolaaday, damiinka waxa lagu dabri kara: a) Dhawrista amarka lagu ogolaanayo damiinka oo uu weheliyo amarka qabashadu, ama b) Marxalad kasta oo hadhay dhegaysiga dacwada si waafaqsan tilmaamaha farqada 2 ee

Qodobka 59.

Page 29: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

2726

Xaaladaha Degdegga ah1. Haddii ay dalka ka dhacaan dagaallo,weerar lagu soo

qaado,gadood, masiibooyin dabiici ah, cudurro faafa iyo xasilloonida dalka oo qalalaaso ku dhaco dammaanadaha ku cad qodobbada,14,16,21,22,23 iyo 24 si ku meel gaar ah waa loo laali karaa. Laalidda xuquuqda ku xusan qodobka 24 laguma dabbaqi karo kulamada iyo bannaanbaxyada diimeed,dhaqan iyo isboorti.

2. Xaaladda degdegga ah waxaa lagu soo rogi karaa dalka oo dhan ama qaybo ka mid ah.

3. Golaha Xukuumadda oo keli ah ayaa soo rogi kara xaalad degdeg ah.

4. Xaaladda degdegga ah kama ay badan karto 30 beri, haddiise ay weli taagan yihiin xaalaadihii khasbay Golaha Wakiillada oo keli ah ayaa cusboonaynsiin kara muddo aan 30 beri ka badnayn.

5. Haddii ay suulaan duruufihii kalifay xaaladda degdegga ah ama aan Golaha Wakiilladu cusboonaysiin taagnaanmayso.

(Dastuurka Puntland Qod 29aad)

Magangelinta siyaasadeed & isu-celinta eedaysaneyaasha/denbiilayaashaQofka shisheeyaha ah oo weydiista Dawladda Puntland magangelyo siyaasadeed waa la siin karaa, haddii uu buuxiyo shuruudaha u dhigan magangelinta, iyada oo la tixgelinayo heshiisyada caalamiga ee aan ka hor imaanayn shareecada islaamka. Waxaa reebban in muwaaddin Puntland ah, ama qof soomaali ah oo puntland ku nool loo gacan geliyo dal kale. Puntland way u gacangelin kartaa dalkii uu ka soo baxsaday denbiile ama eedaysane shisheeye ah haddii uu jiro heshiis isu-celin oo u dhexeeya Puntland iyo dalka weydiistay celintiisa/celinteeda. Qofna looma dhiibi karo arrimo siyaasadeed awgood.

(Dastuurka Puntland Qod. 20aad)

Page 30: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

28

Notes

Page 31: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

28

Page 32: AQOONSO XUQUUQDAADA AADAMINIMO · ah ee aadanaha, sharafta iyo qiimaha qofka beni’aadamka ahi uu leeyahay, iney ka siman yihiin xuquuqda raga iyo haweenka iyo waddamada ha weynaado

30

Cabashooyinka iyo wixii war ah waxaa lagu soo aadinayaaDifaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Telefoon: +252907794509, +252661114444Email: [email protected]

[email protected] [email protected]

Garowe, Puntland, Soomaaliya