tayogelinta aqoonta - regjeringen.no · 2014. 12. 1. · maaddooyinkan oo ka kooban saynis iyo...

12
TAYOGELINTA AQOONTA Warbixin ku socota ardayda iyo waalidiinta: Maxaa ku cusub waxbarashada dugsiyada hoose/ dhexe iyo dugsiga sare dayrta 2006? Somali

Upload: others

Post on 01-Feb-2021

26 views

Category:

Documents


1 download

TRANSCRIPT

  • TAYOGELINTA AQOONTAWarbixin ku socota ardayda iyo waalidiinta:Maxaa ku cusub waxbarashada dugsiyada hoose/ dhexe iyo dugsiga sare dayrta 2006?

    Somali

  • 2

    • Waxa aad tahay qofka ugu muhiimsan ee u taagan waxbaridda ilmahaaga.• Haddii aad la socoto xaaladda waxbarasho ee ilmaha, carruurtaada waxbarashadoodu way wanaagsanaaneysaa.• La socodka xaaladda ilmaha dhigta dugsiga dhexe waxa ay u muhiim tahay sida ilmaha dhigta dugsiga hoose.• Haddii aad carruurta kala hadasho xaaladda dugsiga, waxaad kobcinaysaa fi kirkooda iyo horumarka aqoontooda.• Waa muhiim in aad ka qayb qaadato qiimaynta waxbarashada ilmaha ee dugsiga.• Haddii ay carruurtu arkaan inaad la socoto xaaladdooda waxbarasho, waxay kordhinayaan dadaalkooda iyo xiisaha ay u hayaan dugsiga.• In aad ku qanacdo dowrkaaga iyo fursaddaada raadayneed waxa ay muhiim u tahay ilmahaaga.• Xidhiidhka fi ican ee aad la leedahay dugsigu, waxa uu raad ku samaynayaa natiijada waxbarashada ilmaha.• Haddii aad isbarataan waalidiinta kale, waxay keenaysaa wadashaqayn fi ican iyo carruurta oo si fi ican loola socdo.• Waalidku waa udub dhexaadka waxbarashada ilmaha.

    Salaan guddida waalidiinta ee dugsiyada hoose/ dhexe (FUG)

    WAALIDIINTA SHARAFTA LEH

  • 3

    Tayogelinta aqoontu waa dib u habayn cusub oo lagu sameeyey dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa sare. Dib u habayntani waxa ay keenayaa in wax ka bedel door ah lagu sameeyo nuxurka waxbarashada dugsiyada, qaab dhismeedkooda iyo agaasinkooda laga bilaabo fasalka koowaad ee dugsiga hoose ilaa fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare.

    Ujeeddada laga leeyahay Tayogelinta aqoontu waxa ay tahay in dhammaan ardaydu ay kobciyaan xirfadaha iyo aqoontooda asaasiga ah si ay si fi rfi rcooni leh uga qayb qaataan hawlaha bulsho aqooneedka ay la nool yihiin. Dugsiyada Norway waa dugsiyo loo siman yahay oo u furan cid kasta. Dhammaan ardayda oo dhammi waxa ay helayaan fursado isku mid ah oo ay ku horumariyaan awooddooda aqooneed. Tayogelinta aqoontu waxa uu qayb ka qaadanayaa in arday walba loo sugo waxbarasho ku habboon oo mudnaanta la siiyo waxbaridda ardayga.

    Dib u habayntani waxa ay bisha ogosto 2006 da u bilaabmaysaa ardayda dhigata fasalada 1. – 9. ee dugsiyada waxbarashada asaasiga ah iyo ardayda fasalka 1.aad ee dugsiga sare.

    Hoos waxa ku qoran isbedelada ugu muhiimsan ee dugsiyada Norway uu ku keenayo qorshaha Tayogelinta aqoontu:• Xirfad aqooneedka aasaasiga ah oo la xoojinayo ( eeg bogga 7.).• Barashada qoraalka iyo akhriska oo xoogga la saarayo laga bilaabo fasalka koowaad.• Qorshe cusub oo waxbarasho oo loo sameeyo dhammaan maaddooyinka oo ay ku caddahay ujeeddooyinka aqooneed ee ay tahay in ardaydu gaadho.• Qorshe cusub oo ku saabsan qaybinta maaddoooyinka iyo xiisadaha.• Qaab cusub oo loo sameeyo waxbarashada dugsiyada sare.• In dugsi waliba uu dooran karo sidii uu u shaqaynayo, buugaagta uu isticmalayo iyo weliba sida uu ardayda wax u barayo.

    WAA MAXAY TAYOGELINTA AQOONTU?

  • 4

    TAYOGELINTA AQOONTA WAXA LOO FULINDOONAA SIDAN

    Sannad dugsiyeedka 2006 – 2007Fasalada 1. – 9. ee dugsiyada hoose/dhexe iyo fasalka 1aad eedugsiga sare (sannadka ugu horeeya ee dugsiga sare) waxay isticmaali doonaan buugaag cusub iyo hab cusuboo wax loo baraayo iyadoo loo samaynayo maaddooyincusub iyo qeybinta xiisadaha oo wax laga bedeli doono. Fasalka 8 aad waxaa lagu darayaa luqad cusub oo ajnebi. Dugsigu waxa uu ardayda dugsiyada dhexe u fi din doonaa barnaamij waxbarasheed ay kala dooran karaan.

    Sannad dugsiyeedka 2007 – 2008Qorshe-waxbarasheedyo cusub ayaa laga dhaqan gelinayaa fasalka 10.aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka Vg2 (sanadka labaad ee dugsiga sare).

    Sannad dugsiyeedka 2008 – 2009Qorshaha ballanqaadka aqoonta ayaa lagu fulinayaa fasalka Vg3 ( sannadka ugu danbeeya ee dugsiga sare ). Dhammaan dugsiyada dhexe waa in ay u diyaariyaan ardayda dugsiyada dhexe barnaamij-maadeedyo ay kala doortaan.

    Waalidiinta - Waa qayb muhiim ah:

    Waalidiinta…• Waxa ay masuuliyadi ka saaran tahay waxbarashada ubadkooda.• Waxa ay ka qayb qaadanayaan wadashaqaynta dugsiga ama goobta waxbarasho.• Waxa ay ka qayb qaadanayaan xidhiidhka laba geesoodka ah ee la xidhiidha xiisaha ilmaha ee waxbarasho, kobcinta aqoontiisa iyo xidhiidhkiisa bulsho.

    Dugsiga iyo goobta tababarashadu waa in ay diyaariyaan habka wadashaqaynta dugsiga –guriga oo ay sugaan masuuliyadda waalidka ka saaran arrimaha waxbarashada ilmaha. Guriga waa in loo diraa warbixinta ku saabsan ujeedooyinka ay tahay in laga gaadho barashada maaddooyinka, qaabka waxbaridda loo fulinayo, habkee waxbaridda loo raacayaa iyo qiimaynta horumarka aqooneed ee ilmaha. Waxaa kale oo uu dugsiga sameyn doonaa in ay waalidka ka qeyb geliyaan wadahalada iyo doodaha ku saabsan xaaladda dugsiga. Ka qayb qaadashada waalidka waxaa habeynaaya guddiga dugsiga ee ay waalidiintu doortaan (FAU) iyo golaha wadashaqaynta ee dugsiga (SU), iyaga oo wadashaqayn kala samaynaya guddida waalidiinta ee dugsiyada waxbarashada asaasiga ah (FUG).

  • 5

  • 6

    QORSHE-WAXBARSHEED CUSUB OO LOOGU TALA GALAY DHAMMAAN ARDAYDA

    Qorshahan cusub ee Tayogelinta aqoonta waxaa uu kusaabsan yahay dhammaan dugsiyada waxbarashada asaasiga ah. Waxaa kale oo la dejiyey qorshe cusub oo loogu tala galay dhammaan dugsiyada deegaanada maamul ee Samaha oo idil.

    Qorshahan cusubi waxa uu ka koobanyahay:

    • Qeybta guudQaybta guud waxa ay si qoto dheer u qeexaysaa aragtida nololeed ee bulshada oo gundhig u noqonaysa waxbaridda. Qaybtii guud ee qorshe-waxbarasheedka hadda jira sideedii ayaa loogu darayaa qorshaha Tayogelinta aqoonta ee dugiysada waxbarashada asaasiga ah iyo dugsiga sareba.

    • Mabaadi’da waxbaridda Mabaadi’du waxa ay qeexayaan masuuliyadda ka saaran mulkiilayaasha dugsiyada (degmooyinka iyo gobolada) sidii ay ardayda ugu fi din lahaayeen waxbarasho isu dhammaystiran sida ay farayaan xeerarka jiraa iyada oo waxbaridda la waafajinayo baahiyaha iyo awoodaha qofeed. Mabaadi’dani waxa ay khusaysaa dhammaan maaddooyinka iyo heerarka dugsiyada waxbarashada asaasiga ah. Dugsiga iyo goobta tababarashadu waxa ay ka masuul yihiin kobcinta aqoonta gundhigga ah ee ardayda dugsiyada iyo kuwa tababarashada xirfadeed ku jira: Aqoonta xidhiidhka bulsho iyo dhaqan, xiisaynta waxbarashada. In ardaygu qayb ku yeesho go’aan qaadashada iyo wadashaqaynta waalidku iyana waa mabaadi’ kale oo muhiim u ah waxbaridda.

    Tabbeelaha waxbariddu (læringsplakat) isna waxa uu ku jiraa mabaadi’da waxbaridda, waxana uu soo koobaa waajibaadka gundhigga u ah dugsiyada iyo goobaha tababarashada.

    • Maaddooyinka- iyo qaybinta xiisadaha Dugsiyada hoose ee waxbarashada asaasiga ah (fasalada 1. – 7.) iyo dugsiyada dhexeba (fasalada 8. – 10.) maadooyinka iyo xiisadahaba waa loo qorsheeyaa. Mulkiilayaasha dugsiyada (degmo iyo gobolba) ayaa ka masuul ah in ay xiisadaha u qaybiyaan fasalada kala duwan. Qaybinta maaddooyinka iyo xiisadaha dugsiyada sare iyaga waxa loo qaybiyaa sannad sannad. Si loo kordhiyo fursadda in arday walba loo helo waxbarasho ku habboon heerkiisa, waxa degmooyinka iyo gobolada loo ogol yahay in ay si kale u isticmaalaan 25% saacadihii loo qorsheeyey maaddo walba. Si kale u bedelka isticmaalka saacadahan waxa keliya oo lagu dhaqaaqi karaa haddii la fi layo in ay keenayso in ay u fi ican tahay ardayga oo sidan lagu gaadhayo ujeeddadii la rabay. Ujeeddooyinka ku qeexan qorshe-waxbarasheedka lagama gudbi karo xataa haddii dhan kale loo leexiyo qayb ka mid ah saacadihii maaddada. Si kale u isticmaalka saacadaha maaddada waa in lagala tashadaa waalidka, waana in ay ogolaadaan ardayga iyo waalidka labaduba.

    • Qorshe-waxbarasheedka maaddooyinka Waxa loo diyaariyey qorshe-waxbarasheed cusub dhammaan maaddooyinka dugsiyada waxbarashada asaasiga ah iyo maaddooyinka la wadaago ee dugsiyada sare. Maaddooyinka barnaamijka (programfag) ee dugsiyada sare iyaga waxa la dejinayaa mar dambe.

  • 7

    WAXYAABO CUSUB OO LAGU SOO KORDHIYEY QORSHE-WAXBARASHEEDKA MAADDOOYINKA

    Aqoon xirfadeedyo asaasi ahTayogelinta aqoontu waxa ay xambaarsan tahay in dugsigu u mudnaanta siiyo kobcinta aqoonta xirfadeed ee asaasiga ah ee maaddooyinka oo dhan. Arrintani waxa ay lagama maarmaan u tahay sii wadashada waxbarashada sare. Aqoon xirfadeedyada asaasiga ahi waa:

    • In ardaygu uu luqada ku hadli karo• In ardaygu uu wax akhriyi karo• In ardaygu uu wax xisaabin karo• In ardaygu uu wax qori karo• In ardaygu uu adeegsan karo qalabyada loo adeegsado waxbarasha sida (kombiyuutarada)

    Aqoon xirfadeedyadani waxa ay ku dhexjiraan qorshe-waxbarasheedyada maaddooyinka. Sidaa darteed waxa dhammaan macalimiinta ay masuuliyadi ka saaran tahay in ardaydu ay kobciyaan aqoon xirfadeedkooda asaasiga ah marka ay baranayaan maaddooyinka kala duwan. In culayska la saaro barashada akhriska iyo qoraalka laga bilaabo sannadka koowaad ee waxbarashada dugsiga hoose/dhexe waxa ay qayb ka tahay qorshahan Tayogelinta aqoonta. Barnaamijkan cusub waxa uu si cad u qeexayaa waxa laga fi layo in ardaydu ay barato sannad walba. Qorshe-waxbarasheedku marka uu arday walba si cad ugu qeexo waxa laga fi layo, waxa ardaygii ku dhalanaysa yididiilo uu ku higsado yoolkiisa. Ardaydu waxa ay iyaga oo heerar kala duwan ah gaadhi doonaan ujeeddooyinkii ay higsanayeen. Arday kasta waa in sida ugu heer sarraysa loogu dhiiri geliyaa gaadhitaanka ujeeddada uu higsanayo iyada oo la

    siinayo waxbarid ku habboon. Haddii arday uu ka heer hooseeyo oo aanu si fi ican ula socon karin waxbarashada caadiga ah, waxa uu xaq u yeelanayaa in la siiyo waxbarasho gaar ah (spesialundervisning).

    Luqo ajnebi ama ku talaxtag (fordypning) luqoLaga bilaabo sanad dugsiyeedka 2006 – 2007 waa in ay dhammaan ardayda fasalada 8.aad qaataan luqo ajnebi oo cusub oo ay ku darsanayaan ingiriisada ama waa in ay ku talaxtag (fordypning) ku sameeyaan luqooyinka saamaha, norwejiga ama ingiriisida.

    Barnaamij maaddo oo doorasho ah (programfag til valg)Si ardayda dugsiyada dhexe dhadhamo hordhac ah looga siiyo maaddooyinka lagu barto dugsiyada sare, ayaa waxa dugsiyada dhexe lagu soo rogay barnaamij maaddo oo la dooranayo. Nuxurka barnaamij-maaddeedku waxa uu ku salaysnaan doonaa duruufaha hoose ee deegaanka, iyada oo wadashaqayn lagala samaynayo dugsiyada sare iyo shirkadaha deegaanka. Waxbaridda barnaamijkani waxa uu ka dhici karaa dugsiga debediisa. Waana hab ardayda u fududaynaya in ay helaan meel ay ka duulaan marka ay dooranayaan waxa ay ku baranayaan dugsiga sare iyaga oo ka shiidaal qaadanaya waxa ay jecel yihiin iyo waayo-aragnimadooda.

    Dhammaan qorshe-waxbarasheedyada cusub waxa aad ka heli kartaa baraha internett ka ee agaasinka waxbarashada:www.utdanningsdirektoratet.no/lk06

  • 8

    Dugsiyada sare waxaa wax laga bedelayaa magacyadamaaddooyinka qaarkood, sida maaddooyinka la isugu dhafayo iyo aagagga waxbarasho laga bilaabo sannad-dugsiyeedka 2006. Wixii markii hore loo yaqaanay “aagagga waxbarasho” (studieretninger) waxa loo bixinayaa “barnaamijyo waxbarasho” (utdanningsprogrammer), isla markaana wixii markii hore la odhan jiray “maaddooyinka aagagga waxbarasho” (studieretningsfag) waxa hadda loo bixinayaa “barnaamij maaddo” (programfag). Ardaydu waxa ay marka hore dooran doonaan oo codsan doonaan barnaamij waxbarasho, ka dibna waxa ay sii dooran doonaan barnaamij maaddo.

    Mashruuc ku talaxtag waxbarasho xirfadeed Ka dib markii la sameeyey qorshaha Tayaynta aqoonta iyo qorshe-waxbarasheedyada cusub, ayaa la soo saaray mashruucan ku talaxtagga barnaamij-waxbarasheedyada xirfadeed ee dugsiga sare. Mashruucan oo ay ardaydu ku talaxtegi doonto maaddo xirfadeed oo ay xiisaynayaan. Mashruucan ku talaxtagga xirfadeed waxa la fulin karaa iyada oo wadashaqayn lala samaynayo shirkadaha deegaanka si ardaygu uu isaga oo ku jira heerarka hore ee waxbarashadiisa uu wax uga ogaado xirfadaha jira iyo shirkadaha lagu tababaran karo.

    QAAB CUSUB OO LOO DHIGAY WAXBARASHADA DUGSIGA SARE

    Barnaamij-waxbarasheedyo loogu diyaar garoobo waxbarasho sare (Studieforberedende utdanningsprogrammer)(waxay ku siinaysaa aqoon waxbarasho oo aad ku geli karto jaamicadaha iyo mac-hadyada sare):• Takhasus waxbarasho (Studiespesialisering) oo waagii

    hore la odhan jiray “Aagga waxbarasho ee maaddooyinka aqoonta guud, dhaqaalaha iyo maamulka (Studieretning allmenne, økonomiske og administrative fag), maaddooyinkan oo ka kooban saynis iyo xisaab, luqooyin, Farshaxan iyo farsamo gacmeed, cilmiga bulshada iyo dhaqaalaha

    • Maaddada ciyaaraha• Maaddada musiga, qoob ka ciyaarka iyo jilidda

    riwaayadaha

    Barnaajim-waxbarasheedyo xirfadeed (Yrkesfaglige utdanningsprogrammer)(Waxa ay ku siin karaan aqoon waxbarasho marka aad qaadato sannad kale oo dheeraad ah ”Påbyggingsår på Vg3”):• Dhisme – iyo qalabfarsameedyo• Farshaxan iyo farsamo gacmeed• Maaddada elektarooniga• Caafi maadka- iyo arrimaha bulshada• Warbaahinta iyo isgaarsiinta• Isticmaalka deegaanka• Baar (restaurantl) iyo cunto• Adeegga iyo gaadiidka• Farsamo iyo wax soosaar warshadeed

    Laga bilaabo sannad dugsiyeedka 2006 waxaa waxbarashada dugsiyada sare laga bixin doonaa 12 barnaamij-waxbarasheed

  • 99

  • 10

    Su’aalaha ku saabsanwaxbarashada, waxbaridda ku habboon arday walba ama habka qorshahan looga dhaqan gelinayo dugsiyada waxa lagala xidhiidhi karaa macalimiinta ama maamulaha amaba haddii loo baahdo xafi isyada degmooyinka iyo gobolada ay dugsiyadu ka tirsan yihiin. Xafi iska gobolka (Fylkesmannen) ayaa leh ka war haynta, isla markaana ka baaraan degaya cabashooyinka ka yimaadda waxbarashada dugsiyada waxbarashada asaasiga ah, isagana waa lala xidhiidhi karaa.

    Warbixino laga heli karo internett ka:Warbixino faahfaahsan oo ku saabsan tayogelinta aqoonta ayaad ka heli kartaa barahan internet ka: www.kunnskapsloeftet.no

    Warbixinada ku saabsan waxbarashada asaasiga ah oo luqada samaha ku qoran waxad ka heli kartaa:www.oahpponeahtta.no

    Barta internett ka ee agaasimka waxbarashada ee ardayda, macalimiinta iyo hoggaanka dugsiga, waalidiinta iyo ciddii kale ee danaysa dugsiga iyo waxbarashada: www.skolenettet.no

    Warbixino ku saabsan guddiyadawaalidiinta ee dugsiyada hoose/dhexe(FUG). Waxaad ka heleysaancinwaankan: www.foreldrenettet.no

    YAAD LA XIRIIREYSAA HADDII AAD QABTO SU’AALO KU SAABSAN ARRIMAHAAN?

    Dhammaan dugsiyada hoose/dhexe iyo ka sareba waxay leeyihiin sharciyo u gaar ah sidii loo qiimeyn lahaa ardeyda waxbarashadooda. Qiimeyntaasi waxay ku qeexan tahay sharciyada loogu tala galey waxbarshada. Sharciyadan waxa ku qeexan goorta ardayga la siinayo qiimayn aan lahayn buundo iyo goorta la siinayo qiimayn buundo wadata. Qiimaynta wadata buundooyinka waxa ku jira natiijooyinkii laga soo ururiyey tijaabooyinkii sannadka dhexdiisa laga qaaday ardayga iyo natiijada imtixaanka ugu dambeeya. Qorshe-waxbarasheedka maaddo walba waxa ku qeexan qodobo ku saabsan natiijooyinka la ururiyey ee maaddada iyo xeerarka u yaalla imtixaanka kama dambaynta ah ee maaddada.

    ITijaabooyinka guud ee waddaniga ah iyotijaabooyinka baadhitaanka Ujeedada laga leeyahay tijaabooyinka guud ee wadaniga ahi waa in la qiimeeyo in dugsiyadu ku guuleysteen in ay horumariyaan aqoon xirfadeedka asaasiga ah ee ardayda. Tijaabada guud ee la qaadayaa waxa ay noqonaysaa mid

    heer sarraysa, natiijada ka soo baxdana waxa loo Adeegsan doonaa horumarinta tayada dugsiyada, waxa kale oo adeegsan doona mulkiilayaasha dugsiyada, gobolada iyo heer qaranba. Laga bilaabo sannad dugsiyeedka 2007 waxaa ardeyda dhigata fasalada 5.aad iyo 8.aad laga qaadi doonaa tijaabooyinka luqadaha ingiriisiga, norweejiga iyo xisaabta. Natiijada ka soo baxda tijaabadaasi waxa lagu hubin doonaa in aqoon xirfadeedka asaasiga ah ee ardayda fasaladaasi ay waafaqsan tahay ujeedadii ku qeexnayd qorshe-waxbarasheedka fasalada 4.aad iyo 7.aad. Natiijaduna waxa ay diyaar u noqon doontaa dadka ku hawlan sugidda iyo horumarinta tayada dugsiyada, laakiin waxa laga fogaan doonaa in loo isticmaalo in dugsiyada loo kala sarraysiiyo sida ay u kala natiijo fi icnaadeen. Waxa kale oo la fulin doonaa tijaabo akhris oo qasab ah oo laga qaadayo ardayda fasalada 2.aad sannad dugsiyeedka 2006 – 2007. Muddo ka dibna waxa la fulin doonaa tijaabo xisaabta iyo fahanka tirade ah.

    QIIMAYNTA ARDAYDA

  • 11

  • 12

    Des

    ign:

    Tank

    • T

    rykk

    : ww

    w.k

    ursiv

    .no

    Published by:

    Ministry of Education and Research

    Additional copies may be ordered from:

    Government Administration Services

    Kopi- og distribusjonsservice

    www.publikasjoner.dep.no

    E-mail: [email protected]

    Fax: + 47 22 24 27 86

    Publication number: F-4209 Somalisk

    Design: Tank

    Printed by: Kursiv Media AS - 11/2006

    Impression 400

    /ColorImageDict > /JPEG2000ColorACSImageDict > /JPEG2000ColorImageDict > /AntiAliasGrayImages false /CropGrayImages true /GrayImageMinResolution 300 /GrayImageMinResolutionPolicy /OK /DownsampleGrayImages true /GrayImageDownsampleType /Bicubic /GrayImageResolution 110 /GrayImageDepth -1 /GrayImageMinDownsampleDepth 2 /GrayImageDownsampleThreshold 1.50000 /EncodeGrayImages true /GrayImageFilter /DCTEncode /AutoFilterGrayImages true /GrayImageAutoFilterStrategy /JPEG /GrayACSImageDict > /GrayImageDict > /JPEG2000GrayACSImageDict > /JPEG2000GrayImageDict > /AntiAliasMonoImages false /CropMonoImages true /MonoImageMinResolution 1200 /MonoImageMinResolutionPolicy /OK /DownsampleMonoImages true /MonoImageDownsampleType /Bicubic /MonoImageResolution 1200 /MonoImageDepth -1 /MonoImageDownsampleThreshold 1.50000 /EncodeMonoImages true /MonoImageFilter /CCITTFaxEncode /MonoImageDict > /AllowPSXObjects false /CheckCompliance [ /None ] /PDFX1aCheck false /PDFX3Check false /PDFXCompliantPDFOnly false /PDFXNoTrimBoxError true /PDFXTrimBoxToMediaBoxOffset [ 0.00000 0.00000 0.00000 0.00000 ] /PDFXSetBleedBoxToMediaBox true /PDFXBleedBoxToTrimBoxOffset [ 0.00000 0.00000 0.00000 0.00000 ] /PDFXOutputIntentProfile (None) /PDFXOutputConditionIdentifier () /PDFXOutputCondition () /PDFXRegistryName () /PDFXTrapped /False

    /Description > /Namespace [ (Adobe) (Common) (1.0) ] /OtherNamespaces [ > /FormElements false /GenerateStructure false /IncludeBookmarks false /IncludeHyperlinks false /IncludeInteractive false /IncludeLayers false /IncludeProfiles false /MultimediaHandling /UseObjectSettings /Namespace [ (Adobe) (CreativeSuite) (2.0) ] /PDFXOutputIntentProfileSelector /DocumentCMYK /PreserveEditing true /UntaggedCMYKHandling /LeaveUntagged /UntaggedRGBHandling /UseDocumentProfile /UseDocumentBleed false >> ]>> setdistillerparams> setpagedevice