isqorista barnaamijka xogta dheefta - migrationpolicy.org...caafimaad ” xaashida (jfs 07200) oo...

20
Si looga xoojiyo qoysaska Ohio jid-u-helidda loollammada kumeelgaarka Isqorista Barnaamijka & Xogta Dheefta

Upload: others

Post on 31-Jan-2021

2 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

  • Si looga xoojiyo qoysaska Ohio jid-u-helidda loollammada kumeelgaarka

    Isqorista Barnaamijka & Xogta Dheefta

  • 2

    Barnaamijka

    Isqorista

    Xogta Dheefta

    Shaxda Tusmooyinka

    Dulmar.................................................. 2

    Waa maxay jaadadka caawimo ee ay

    Qeybta Shaqada iyo Adeegyada Qoyska

    ee Ohio bixiso? ........................ 2

    Meelmarinta Codsiga—

    Sidee baan caawimo u codsadaa? ...... 3

    Dirir Guri .............................................. 3

    Su’aalaha aala la isweyddiiyo

    (FAQs) ee codsashada ku saabsan...... 4

    Barnaamijyada Medicaid iyo

    Adeegyo ............................................... 6

    Xuquuqaha iyo Waajibaadka................ 8

    Dulmar Buugyarahaani wuxuu ka koobmaa xog qiimo leh oo ku saabssan barnaamijyo ay bixiso

    Qeybta Shaqada iyo Adeegyada Qoyska ee Ohio. Waxay sharraxaysaa sida loo codsado

    barnaamijyada, waxa xog ah oo ay tahay inaad keento marka aad codsanayso, iyo waxa

    aad samaynayso haddii aad diiddo go’aammada laga sameeyay u-qalnaashahaaga.

    Waxay kaloo ka hadlaysaa: • Xaqa aad u leedahay in si caqligal laguula dhaqmo.

    • Xuquuqahaaga iyo waajibyadaada dheefsade ahaanYour. Seddexda bog ee ugu dambeeya buugyarahaan waxay ka koobmaan xaashiyo

    (fooman) la dalooliyay kuwaas oo aad jeexan karto adeegsan kartana: • JFS 07105/da—Codsi/Tixaalaha Weyddiinta Hubinta Dib-u-codsiga—Midkaani

    wuxuu muujiyaa caddaynnada laga yaabo in wakaaladda degmadaadu doonayso

    marka aad codsato ama dib u codsato dheefaha.

    • JFS 04196/da—Xaashida Warbixinta Isbeddelka Kaalmada Cunnada —Waxaad

    u adeegsan kartaa xaashidaan si aad uga warbixiso wixii isbeddela haddii aad

    qaadato Kaalmo Cunno.

    • JFS 07092/da—Ogeysiiska Dadka Codsanaaya ama ka qeyb galaaya Koowaadku

    Hawlaha ee Ohio oo ku saabsan Iskaashiga Wakaaladda Xoojinta Kaalmada

    Cunugga—Waa inaad saxiixdaa oo soo celisaa xaashidaan ama foomkaan haddii

    aad codsanayso helista kaalmo lacag-caddaana ee Kowaadku Hawlaha ee Ohio.

    Waa maxay jaadadka caawimo ee Qeybta Shaqada

    iyo Adeegyada Qoyska ee Ohio bixiso?

    Dhageysiyada Dawladda...................... 8

    Digniinta Ganaaxa Kaalmada

    Cunnad ............................................... 10

    Musuq ................................................ 10

    Xakamaynta Tayada ........................... 10

    Lanbarrada Badbaado Bulsheedka ... 11

    Xaaladda Socdaalka iyo

    Dhalashada ........................................ 12

    Xuquuqda Madaniga .......................... 12

    Ilo Waxtara ......................................... 14

    Qeybta Shaqada iyo Adeegyada Qoysku

    (ODJFS) waxay caawimo ku dhiibtaa: • Kaalmo lacag-caddaana

    • Daryeel cunug

    • Caawin cunug

    • Kaalmo cunno

    • Daryeel caafimaad Wakaaladaha aagga ee degmo walba

    waxay maar-eeyaan barnaamijyadaan.

    Wakaaladahaan waxaa ku jira:

    • Qeybta shaqada iyo adeegyada qoyska

    (CDJFS) ee degmada. Dadka qaar baa

    tan ugu yeera qeybta samafalka.

    • Adeegyada carruurta ee guud ee

    degmada (PCSA). Dadka qaab baa

    tan ugu yeera guddiga adeegyada

    carruurta.

    • Wakaaladda xoojinta kaalmada

    cunugga ee degmada (CSEA).

    Degmooyinka qaar, PCSA/du ama

    CSEA/du waa qeyb ka mid ah CDJFS.

    Waxaad xaq u leedahay inaad ka cod-

    sato caawimo wakaaladahaan degmada.

    Wakaaladda degmadu waxay go’aamin

    doontaa wixii caawimo ah oo aad heli

    karto, iyadoo lagu saldhig looga dhigay

    sharciga dawladda iyo fed-araalka,

    waxayna kuu abaabuli doontaa sidii aad u

    heli lahayd caawimadaas.

    Maxaa kaloo adeegyo ah oo diyaarsan?

    Adeegyada kale ee kaalmada ah oo di-

    yaarsan marka la sii maro ODJFS waa:

    • Adeegyo shaqosiin, sida tababarid iyo

    caawimo shaqo helitaan

    • Xaqdhabidda Shaqola’aanta

    • Adeegyo ka-caawin shaqo oo loo maro

    kahortagidda, Haynta iyo barnaamijka

    Kawarqabka (PRC)

    • Kaalmada hawlgabidda

    • Daryeel haye iyo kaalmo korin

    • Waxbarasho, Kasbasho iyo adeegyo

    Waalidayn (LEAP)

    • Adeegyada dibudajinta qaxootiga,

    kaalmo shaqosiin iyo xulitaan caafimaad

    • Adeegyo bulsheed kale

  • 3

    Meelmarinta Codsiga—Sidee baan caawimo u codsan karaa?

    Lacagta Caddaanka ah, Cunno iyo Kaalmo Caafimaad

    • Waxaad ka codsan kartaa waqti kasta

    intarneedka https://odjfsbenefits.ohio. gov.

    • Ama, waxaad buuxin kartaa “Codsiga Lacag-Caddaana, Cunno iyo Kaalmo Caafimaad ” xaashida (JFS 07200) oo aad u diri kartaa boosto ahaan wakaal- adda degmadaada, qof aahaan geyn kartaa ama fakis.

    • Waxaad kaloo buuxin kartaa codsiga adoo sii marinaaya mareegta Bangiga Dheefta Ohio ee aaggaaga. Bangiga Dheefta ee Ohio wuxuu caawiyaa kuwa dakhliga dhexe iyo hoose ee reer Ohio ah oo codsanaaya kaalmooyin hawl sida tixgelinno canshuur iyo dheefo guud, oo ay ku jiraan Kowaad Hawlaha ee Ohio, kaalmo Cunno iyo Medicaid. Si aad u hesho mareegta Bangiga Dheefta ee Ohio ee kuugu dhow iyo si aad xog dheeri ah u hesho, aad www. ohiobenefits.org ama wac 1-800-648-1176.

    Medicaid/ka: o Waxaad kaloo wici kartaa Khadka-

    Diirran ee Dheefsadaha Medicaid/ka Consumer ee 1-800-324-8680 (TDD: 1-800-393-3572) oo aad weyddiin kartaa codsi.

    o Waxaad qof ahaan caawimada ka heli karta bukaansocodyada aagga ama isbi- taallada.

    Buuxi codsiga sida ugu badan ee

    Oo suurtogal ah oo aad

    awooddo. Waxaad doonan

    kartaa saaxiib ama xigaal

    kaa caawiya buuxinta cod-

    siga. Waxaad kaloo caawin

    ka heli kartaa wakaaladda

    degmada ee aaggaaga. Ka

    dib markaad saxiixdo oo

    taariikhayso codsiga, waad

    diri kartaa, xitaa hadday

    tahay inaad xog kale soo

    aruuriso. Saxiixidda codsiga

    macnaheedu waa inaad

    u bixinayso xog saxan oo

    dhab ah sida ugu fiican oo

    aad u ogtahay kuwaas.

    Sidee baan u heli karaa xafiiska

    degmadayda?

    Waxaad ka heli kartaa cinwaanka iyo lanbarka

    taleefanka ee wakaaladda degmadaada

    http://jfs.ohio.gov/county/cntydir. stm ama

    adoo fiirinaaya buugga taleefanka ee qeybta

    taliska degmada. Wakaaladaha degmada qaar

    waxay leeyihiin meelo badan sidaas awgeed

    ka dhig hubaal inaad marka hore wacdo si

    aad u hesho meesha kuugu dhow. Saacadaha

    wakaaladda degmadu waa kale duwanaan

    karaan.

    Dirirta Guriga

    Dirirta gurigu waa marka qof reerkaaga

    ah uu dhaawaco qof-uun kaas oo ah ama

    ahaa waxlawadaage, afo ama sey, wiil-

    saaxiiba ama gabar-saaxiiba, ama qeyb

    reerkaaga ka mid ah ama qoyskaaga.

    Dirirta guriga waxaa ku jira wax ku dhu-

    fasho, dhaawicid, handadaad, ama cabsi

    lagu galinaayo iyadoo lagu soo dabaga-

    laayo ama laguu diidayo si xor ah inaad

    u dhaqdhaqaaqdo. Lagaa dooni maayo

    inaad uga warbixiso dir-irta guriga qeybta

    shaqada iyo adeegyada qoyska ee

    degmadaada. Xog kasta oo aad doorato

    inaad wadaagto waa qarsoodi. Hase

    yeeshee, wakaaladda degmada wuxuu

    sharcigu ka rabaa inay uga warranto

    kujawrfalka cunugga wakaaladda ade-

    egyada carruurta ee guud ee degmada.

    Waxaa dheeri ah, waxaad heli kartaa

    caawimo qarsoodi ah oo lacag-la’aana

    adigoo wacaaya Xayndaabka Dirirta

    Guriga ee ohio ee 1-800-934-9840.

    Waa maxay dhaafisyada dirirta guriga?

    Haddaad u qalanto Kowaad Hawlaha ee

    Ohio ama Kaalmo Cunno oo aad tahay

    mid dirir guri loogu jawrgalay, shuruudaha

    barnaamijyada qaar waa lagaa dhaafi

    karaa si ku meelgaara, taas macnaheedu

    uma qoolmi doontid inta u-dhaafistu

    socoto.

    • Hawl: Waxaa suurtogal ah in si ku-

    meelgaara lagaaga cududaaro shuruu-

    daha hawshaada haddii ay adiga ama

    carruurtaada gelinaayaan halista dirirta

    guriga, ama faragelinaayaan awood-

    daada ah inaad ka fogaato dirirta

    gurigao.

    • Caawin Cunug: Waxaa suurtogal ah

    in si ku-meelgaara lagaaga cududaaro

    inaad iskaashi la samayso xeerarka

    caawinta cunugga haddii wakaaladda

    xoojinta caawinta cunugg (CSEA)

    go’aamiso in iskaashigu uusan ahayn

    mid sida ugu fiican ugu adeegaya

    danaha cunugga ama u abuuraya dhib

    dheeri daryeelaha ama in cunugga ka

    baxsado dirirta guriga. Inta waqtigaan

    lagu jiro, waxaa lagaaga cududaari

    doonaa iskaashiga CSEA ee waal-

    idnimo samaynta ama xoojinta amar

    caawinin.

    • Soohdimaha Waqtiga: Kowaad Haw-

    laha ee Ohio waxay siisaa kaalmo

    lacag-caddaana qoysaska u qalma ilaa

    36 bilood. Hase yeeshee,waxaad kaloo

    u qalmi kartaa inaad hesho caawimo in

    ka badan 36 bilood haddii la’aanteeda

    awgeed ku gelin doonto ama cunug-

    gaaga gelin doonto halista dirirta

    guriga ama faragalinayo awooddaada

    ah inaad ka baxsato dirirta guriga.

    http://www/http://jfs.ohio.gov/county/cntydir

  • 4

    Su’aalaha Aala la Isweyddiiyo (FAQs) ee ku Saabsan Codsashada

    Waa sidee haddii aan caawin uga

    baahnahay codsashada adeegyada?

    Haddii aadan awoodin inaad dhammay-

    stirto xaashida ama foomka adiga laftaadu,

    waxaa laga yaabaa inaad u baahan tahay

    qof noqda wakiilkaaga fartoon (sharciyay-

    san).

    Wakiilka fartoon waa qof haysta og-

    golaanshahaaga ah inuu adiga kuu cod-

    sado dheefo. Waxaad magacaabi kartaa

    seygaaga ama afadaada, xigaal, ama

    saaxiib aad aamminsan tahay. Waxaad

    kaloo magacaabi kartaa garyaqaan ama

    hawlle bulsheed isbitaal, Waqti kasta wax-

    aad beddeli kartaa wakiilkaaga

    fartoon. Wakiilkaaga fartoon

    waa inuu jiraa 18 sano

    ama ka badan.

    Waa sidee haddii aan qabo

    hawlgabnimo isgaarsiineed?

    Kuwaas ah dhagoolayaal, dhib-maqalka

    ah, indhola’aan ama hadal kariwaa waxay

    adeegsan karaan taleefanka

    TTY/TDD so ay ula xiriiraan Adeegga

    Kaabinta Ohio ee 1-800-750-0750.

    Hubi inaad haysato lanbarka taleefanka

    wakaaladda aad rabto inaad wacdo inuu

    diyaar kuu yahay, si uu markaas qof

    jooga Adeegga Kaabintu u awoodo inuu

    ku caawiyo. Wixii su’aalo ah, faallooyin,

    dhibab ama sheegashooyin ku saabsan

    Adeegga Kaabinta Ohio, wac 1-800-325-

    2223 (TTY/TDD iyo cod).

    Waa side hadduusan English/ku ahayn

    afkayga kowaad?

    Hadduusan English/ku ahayn afkaaga

    kowaad, waxaad heli kartaa turjumaanid

    iyo adeegyo afnaqitaan. Xiriirka de-

    gmadaada weyddii caawin. Xiriirkaaga

    degmadu wuxuu adiga xog kugu siin karaa

    afkaaga (ha ahaato hadal ama qoritaane).

    Maxaa dhacaaya ka dib markaan

    codsigayga dhiibo?

    Ka dib markaad keento codsigaaga, waxaa

    laga yaabaa in loo baahan yahay inaad

    iswaraysi la yeelato wakaaladda aagga.

    Waxaa dhici karta inaad middaan qof

    ahaan timaaddo, ama waxaa dhici karta

    in taleefanka lagu dhammeeyo. Haddii

    aad codsigaagii ku dhiibtay boostada,

    fakis ama e-mail, wakaaladda kuu sheegi

    doonta marka iswaraysiga lagu gooreeyay.

    Inta iswaraysigaagu socdo, arrin-sidahaa

    kuu sheegi doona haddii loo baahan

    tahay inaad keento waxyaalo dheeraad ah,

    sida shahaado dhalasho, caddayn

    dhaladnimo ama caddaynta cinwaankaaga.

    Arrin-sidahaa kuu sheegi doona wixii ku

    saabsan caawinta aad isku dayayso inaad

    hesho. Isagu ama iyadu wuxuu/waxay kuu

    sheegi doonaa (taa) waxa ay tahay inaad

    samayso si aad caawintaas u hesho.

    Haddii aadan iswaraysi u baahnayn,

    wakaaladda eegi doonta codsigaaga si ay

    u hubiso inuu dhan yahay, saxiixan yahay

    oo taariikhaysan yahay. Wakaaladda de-

    gmadaa kuu soo diri doonta warqad adiga

    (ama wakiilkaaga fartoon) lagu weyddii-

    naayo xog dheeri ah si markaas go’aan

    looga sameeyo dheefahaaga.

  • 5

    Haddii wakaaladdu ku weyddiiso xog dheeri

    ah, isku day inaad keento isla markiiba.

    Wakaaladdu xogta waxay u baahan tahay

    ka hor intaysan awoodin inay ku caawiso.

    Haddii aad dhib kala kulanto helitaanka

    xogta, weyddii wakaaladda caawinI.Hawl-

    sidahaagu wuxuu haystaa

    30 maalmood si uu go’aan uga gaaro

    arrinkaaga iyo 45 maalmood si uu adiga

    qoraal kuugu siiyo go’aankaas. Haddii aad

    u baahan tahay ka go’aangaarid hawlgab-

    nimo si aad dheefo u hesho, go’aankaasi

    wuxuu qaadan karaa ilaa 90 maalmood.

    Iyadoo ku xiran dheefaha aad qaadato,

    lix bilood kasta ama labo iyo toban bilood

    kasta waxaa la dhammaystiri doonaa

    eegista arrinkaaga.

    Arrin-Side baa kula soo xiriiri doona si loo

    ogaado haddii wax uun xog ah

    isbeddeleen. Waxaa dheer, waxaa lagaa

    dooni doonaa qaar isbeddelllo ah inaad ka

    warkeento haddii ay dhacaany. Wixii xog

    ah oo dheeri ah, u arag “Xuquuqaha iyo

    Waajibaadyada” ku qoran bogga 8aad.

    Kee baa i caawin kara haddii aan dhib

    qabo ama su’aal?

    Waqti kasta oo aad dhib ama su’aal qabto,

    la xiriir wakaaladda degmadaada. Haddii

    wali aad qabto dhibab ama su’aalo, wax-

    aad si toos ah kala xiriiri kartaa ODJFS/ta

    1-866-ODJFS4U (1-866-635-3748). Haddii

    aad qabto su’aalo ku saabsan Medicaid,

    ama haddii aad caawimo uga baahan

    tahay dhammaystiridda codsiga

    Medicaid, ka wac Dheefsadaha Medicaid

    ee Ohio Khadka-Diirran 1-800-324-8680

    (TTY: 1-800-292-3572).

    Bangiga Dheefta ee Ohio (OBB) wuxuu

    kaloo kaa caawin karaa codsiga tiro

    dheefaf, oo ay ku jiraan Kowaad Hawlo-

    Ohio, Kaalmo Cunno, iyo Medicaid. Wixii

    xog dheeri ah ka booqo mareegta OBB/da

    barta www.ohiobenefits.org.

    Sidee wakaaladdu u adeegsanaysaa

    xogtayda qof ahaaneed?

    Xogta aad siiso wakaaladda degmada waa

    qarsoodi. Waxaa laga yaabaa in xogtaada

    uu eego kaliya shaqaalah wakaaladda ee

    si firfircoon gacamta ugu haya arrinkaaga

    ama ka qeybgalaaya eegista maamulka

    tayada. Oggolaanshahaaga la’aantiis,

    wakaaladdu cid lama wadaagi karto

    xogaha soo aaddan:

    • Magacyo iyo cinwaanno

    • Adeegyada caafimaad ee la baxshay

    • Xaaladaha dhaqaale iyo bulsheed ama

    siyaalaha

    • Qiimaynta wakaaladda ee xogta qof

    ahaaneed

    • Xogta caafimaad, oo ay ku jiraan baari-

    taanno iyo taariikhdii hore ee cudur ama

    hawlgabnimo

    • Xog kastoo loo helay caddaynta u-

    qalmashada dakhliga iyo inta ay le’eg

    tahay kaalmada lagu siiyay

    • Xog kastoo la helay oo ku saabsan

    shirkadaha laga yaabo inay mas’uul ka

    yihiin kaalmaynta bixinta daryeelkaaga

    caafimaad.

    Si kastaba ha ahaaee, waxaa jira waqtiyo

    ay wakaaladdu oggolaansho u haysato

    cid-lawadaagga xogtaada. Middaani waxay

    dhacdaa marka wakaaladda aaggu ama

    ODJFS/du hubiyaan xogtaad bixiso. Waxaa

    tusaale ah, Waxaa suurtogal ah in wakaal-

    adda aaggu lanbarka Badbaado Bulsho

    adeegsato markay la xiriirayso wakaalado

    kale ama dad si loo hubiyo in xogtaadu

    saxan tahay iyo inaad u qalanto caawin.

    Halkaan waxaa ah sida ay suurtogal u

    tahay in ODJFS/du xogtaada cid la wadaa-

    gto:

    • Haddii qof soo Waco Waco wakaal-

    adda asagoo weyddiinaaya xog adiga

    kuugu saabsan, wakaaladdu waa inay

    adiga kaa haysataa ama foom xog-

    eedka siiddyan saxiixan ama ogeysiiska

    wakaalasho fartoon oo saxiixan ka hor

    intaan wax kastoo xogtaada ah cid lala

    wadaagin.

    • Waxaa suurtogal ah in ODJFS/du

    heshiisyo xog-wadaagod ah la gasho

    wakaalado kale oo u oggolaan doonaa

    ODJFS/da inay hesho ama bixiso Bad-

    baado Bulsheed, dakhli, u-qalmasho

    ama xog caymiseed caafimaad (loogu

    yeero u-qoolmidda dhinac-seddexaad).

    • Haday maxkamaddu ganaax ka soo

    saarto dhigaalka arrinkaaga, ODJFS/du

    waxay xogtaada siin doontaa maxkama-

    dda. Middaani waxay dhici kartaa marka

    ay baarisi kugu socoto, xukun-ku-fulin,

    ama lagugu eedeeyay dambi madani ah

    amaba dhibeeda oo la xiriira dheefaha

    ay bixiso ODJFS.

    • Marka ay jirto xaalad degdeg ah, had-

    dii uusan waqtigu u oggolaanayn in

    ODJFS/du hesho marka hore oggolaan-

    shahaaga, waa suurtogal in xogtaada

    la siiddaayo. Si kastaba ha ahaatee,

    ODJFS/du waa inay kuu sheegto haddii

    tani dhacdo .

    • Haddii aad ka hubisay santuuq codsiga

    barnaamijika la isku daray ee weyddii-

    naaya xog ku saabsan barnaamij kale,

    waa suurtogal in xogtaada lala wadaago

    barnaamijkaas.

    Middaan waxaa ku jiri kara kaalmo

    cunug, barnaamijkaHaweenka, Dhal-

    laanka iyo

    Carruurta (WIC) , Hey’adda Carruurta

    qabta Curyaannimo

    Caafimaad (BCMH),Cunug iyo Caafi-

    maad Hooyeed, iyo I Caawi aan Koree

    (HMG).

    Waqtiyada qaar wakaaladaha ka baxsan

    ODJFS/du waxay xogta kugu saabsan la

    wadaagi doonaan ODJFS/da si ay nooga

    caawiso go’aan ka gaarista ku saabsan

    dheefahaaga.Xogtaan waxaa loo adeeg-

    san karaa caddaynta u-qalmashadaada,

    si ayna u noqon inaad adiga qudhaadu

    keento warqado. Wakaaladahaan waxaa

    ku jira Qeybta Caafimaadka iyo Adeegyada

    Aadanaha ee U.S.,Maamulka Badbaado

    Bulsheedka, Qeybta Hantida ee U.S.,

    Qeybta Canshuuraynta ee Ohio, iyo

    Qeybta Caafimaadka ee Ohio.

    Waxaa muhim kuu ah inaad ogaato in

    ODJFS:

    • Kuuma soo diri doonto ii-maillo ama

    dhambaallo qoran iyadoo ku weyd-

    diinaysa xogtaada qof ahaaneed ama

    ku weyddiinaysa lanbarkaaga aqoonsi

    (PIN) ee gaarka ah.

    • Kuuma soo waci doonno si aan kuu

    weyddiinno xog qofeed aad hore noo

    siisay.

    • Kuuma soo diri doonto salaamo ciideed,

    ogeysiisyo dadweyne oo guud ama xog

    siyaasadeed (aan ka ahayn waxyaalaha

    diiwaangelinta codeeyaha).

    • Waligeed lama wadaagi doonto

    xogtaada shirkada ama tabin ku-

    suuqeeyaal.

    • Waxay ku siin doontaa xogta codeeya-

    hay iyo waxyaalaha diiwaangelinta

    markii aad codsato ama dib u codsato

    dheefo ama markii aad ka warkeento

    isbeddello la xiriira arrinkaaga.

    • Waa suurtogal inay kuu soo dirto xog la

    xiriirta caafimaadkaaga iyo sama-

    falkaaga , sida baaritaanno caafimaad

    oo lacag-la’aana, diyarsanaanta cunno

    dheeraad ah iyo dhawritaanka dheefsa-

    daha ee xogta.

    http://www.ohiobenefits.org/

  • 6

    Kale

    ilo

    Da

    kh

    li

    Barnaamijka Medicaid/ka iyo Adeegyo

    Medicaid/ka Ohio iyo barnaami-

    jyada la xiriira- Medicaid waxay

    dadka gaboobay u horseedaan

    halitaanka adeegyo daryeel caafi-

    maad, indhola’ ama hawlgabay;

    carruurta da’doodu tahay ilaa

    21sano; haweenka uurka leh; iyo

    qoysaska leh carruurta da’doodu

    tahay ilaa 19 sano.

    Jaadka Daboolista ee Medicaid Qoysas Dakhli-Hooseeya: Daboolitaanka daryeel caafimaad ee qoysaska leh carruur

    Hubitaan baa

    loo baahday

    Shuruudaha U-Qalmashada

    Marka Medicaid la codsanaayo

    Si aad u hesho nooc

    kasta oo Medicaid ah, waa

    inaad:

    • Dhiib lanbarkaaga Badbaado

    Bulsheed

    • Ku noolow Ohio gudaheeda

    • Ahow mid u dhashay U.S. ama

    shisheeye ku habboonaaday

    • Xaqa sii Ohio si aad u hesho

    kaalmo caafimaad iyo bixinnada

    daryeelkaaga caafimaad ee

    dhinac seddexaad

    • Ka caawi Ohio samaynta aab-

    bannimmada iyo u-helidda

    kaalmo caafimaad cunug kasta

    oo u-qalme-Medicaid ah

    • Ka caawi Ohio inay ogaato

    oo dabagasho qof kasta ama

    shirkaddii laga yaabo inay

    mas’uul ka tahay daryeelka

    caafimaadkaaga ama adeeg-

    yada

    • Codso oo yeel dheefo kaloo

    kasta oo ay tahay inaad hesho

    (sida Dakhli Badbaado oo ka-

    bmeeda, Caymiska hawlgabn-

    nimo Badbaado Bulsheedka

    ama Medicare)

    • Ka soo dhalaal dakhliga, isha

    iyo shuruudaha kale ee bar-

    naamijka

    • Dooro qorshe daryeel oo

    maaraysan haddeerba, haddii

    loo baahdo.

    Medicaid iyo Kale Barnaamijka Daryeelka Caafimaadka Waxaa dheer shuruudaha kale ee

    u-qalmashada, waxaad u baahan

    doontaa inaad ka soo dhalaasho

    shuruudaha isha iyo dhaqaalaha

    si aad Medicaid u hesho. Shaxda

    midigtu waxay muujinaysaa

    caddaymaha looga baahan yahay

    jaad kastoo daboolitaan ah.

    ka yar 19. X X

    Haweenka Uurka leh: Daboolista daryeel caafimaad ee haweenka inta uu jiro uurku iyo ka dib 60 maalmood ummulista X X

    Carruur: Daboolista daryeelka caafimaad ee carruurta da’doodu tahay ilaa 19 sano oo leh dakhliyo ka sarreeya 150% heerka saboolnimo ee fedaraalku wuxuu diyaar yahay X X kaliya haddii uusan qoysku haysan caymis caafimaad oo kale oo loo qaateen ah

    U-Qalmashada Filitaanka ah ee Carruurta: Markiiba, Dabool- daryeel caafimaad ee waqti-xaddidan ee carruurta da’doodu tahay ilaa 19 sano

    Kaalmada Caafimaad ee Qaxootiga (RMA): Daboolista daryeel caafimaad ee ee waqti- xaddidan ee qaxootiga. Barnaamijku wuxuu siiyaa xulitaan caafimaad iyo adeegyada X caafimaad oo kale shisheeyaha ku habboonaada.

    Kaalmada Caafimaad ee Degdegta ah ee Shisheeye (AEMA): Daboolista daryeelka caafimaad ee daaweynta ee xaaladaha caafimaad ee degdegta ah ee dadka qaarka ka soo baxa shuruudaha Medicaid oo aan ahayn shuruudaha dhaladka. X X X

    Kaalmada Caafimaad ee Kalaguurka (TMA): Laba iyo toban bilood oo daboolis daryeel caafimaad oo joogto ah. X

    Carruur Daryeelsan/Markii Hore Carruur Haye oo Daryeelsan: Daboolista daryeel caafimaad ee carruurta ku jirta hay nee wakaaladda adeegyada carruurta dadweynaha, oo hela daryeel haye ama kaalmo koritaan oo hoos yimaada Cinwaanka IV-E, ama ka X hela kaalmo koritaan fedaraalka ama dawladda . Barnaamijku wuxuu kaloo daboolaa dadka ka weynaaday daryeelka haynta oo maalmihii dhalashadoodu gaareen 18aad, ilaa ay ka noqdaan 21 sano jirro.

    U-Qalmashada Joogtaysan ee Carruurta: Laba iyo toban bilood oo u-qalmasho joogto ah baa diyaar u ah cunug kasta oo gaaray ilaa 19 sano kaas oo hela Medicaid X

    Da’aha Dadka Waaweyn ee 19 iyo 20 jirka ah: Daboolista daryeelka caafimaadka ee qofafka jira 19 iyo 20 sano. Qoo- X Ka dakhligiisa baa suurtogal ah in loo adeegsado go’aaminta u-qalmashada.

    Gaboobay, Indhala’ ama Hawlgabay (ABD): Daboolista daryeelka caafimaad dadka ugu yaraan jira 65 sano iyo qofafka da’ kastaba ha jiraana indhola’ ama hawlgabay Waxaad laga yaabaa inay tahay inaad “kharashka dhinto” ilaa “Heerka Baahi Medicaid” si aad u X X X hesho Medicaid. (Wixii xog dheeri ah oo ku saabsan hawlgabnimada kharash-dhimista, arag bogga 7.)

    Barnaamijka Kaalmada Doorka ee Medicare (MPAP): Barnaamijyada Medicaid oo caawiya bixinta kharashyada Medicare. • Kafaa’iidaysiga Medicare ee Kuhabboonaadaha (QMB): Wuxuu bixiyaa qeybta A iyo B ee

    doorarka, lagajareennada, la-bixinnada iyo la-caymiska. • Kafaa’iidaysiga Medicare ee dakhli-hooseeye la Soocay (SLMB): Wuxuu bixiyaa qeybta B X X X

    ee doorarka kaliya. • Qofka Kuhabboonaanaya(QI): Wuxuu bixiyaa Qeybta B ee doorarka kaliya. • Qofka Hawlgabay ee ah Kuhabboone Shaqaynaya (QWDI): Wuxuu bixiyaa qeybta B

    ee doorarka kaliya.

    Iibsi-ga Medicaid ee shaqaale leh Hawlgabnimooyin (MBIWD): Daboolista daryeel caafimaad ee qofaf hawlgabay oo shaqaynaaya da’ahoodu yihiin 16 ilaa 64 sano. Haddii dakhligaagu ka sarreeyo qaddarka qaarkiis, waxaa suurtogal ah inaad u baahan tahay X X X inaad bixiso door si aad hesho MBIWD

    Kabista Dawladda ee Degaanka (RSS): Barnaamijka siinta lacag-caddaana oo kabmo ah gaboobaha, indhola’aha ama dadka hawlgabka oo u baahan heer dhawrsoon oo daryeel caafimaad ah hadba sidii uu u go’aanshay bixiyaha daryeelka caafimaad. RSS/tu waxay X X X caawisaa sidii loo bixin lahaa kharashyada nolosha dhismayaasha daryeel degaaneed qaarkood.

    Daryeel Muddo-Fog ama Adeegyo Dhaafis: waxay diyaar u yihiin qofafka qaba baahiyo daryeel oo gaara, hadba siduu u go’aamiyo daryeel bixiyuhu. X X X

    Barnaamijka Daryeelka Kuwadajir ee waayeelka (PACE): Barnaamijka “daryeel dhammaan” waxaa wada Medicare iyo Medicaid ee degmooyinka Hamilton iyo Cuyahoga iyo meelaha X X ku meersan.

    Mashruuca Naaska iyo Kansarka Ilmomareenka (BCCP): Daboolis daryeel caafimaad ee haweenka qaarkood kuwaas oo u baahan daaweynta naaska ama kansarka ilmomareenka, xaaladaha kahor-kansareedka naaska ama ilmomareenka. Haweenkaan waa inay u xushay X barnaamijka BCCP Qeybta Caafimaadka Ohio ka hor codsashada Medicaid/ka BCCP.

  • 7

    Adeegyada Daryeellada Caafimaad ee

    ay Dabooshay Medicaid

    Medicaid/shu waxay dabooshaa adeegyo

    badan. Waxaa laga yaabaa inaad u baaha-

    to inaad bixiso lacag la-bixina. Uma jiraan

    shuruudo lacag la-bixin haweenka uurka

    leh iyo carruurta. Adeegyada qaarkood oo

    laga yaabo inaad hesho waa:

    • Booqashooyin Takhtar

    • Baaritaanno Ilkood iyo Nadiifin

    • Qorshaynta Qoyska

    • Adeegyo-Laxiriira Uurka

    • Daawooyin Qoritaan

    • Baaritaan Sheybbaar iyo Raajooyin

    • Baaritaanno Indhood oo Joogta iyo

    Muraayo-indhood

    • Adeegyo Maqlitaan

    • Baaritaanno Qanjir-rageedka (da’aha

    50aad ama ka weyn)

    • Marinta Pap/Baaritaannada Miskaha

    • Adeegyada Caafimaadka Guriga

    • Daryeel Isbitaal

    • Tallaallada Flu/ga

    • Daryeelka Bulshada iyo Guriga ee

    Muddo-Dheer

    • Daryeelka Guri Kalkaalin ama Dhismaha

    Daryeelka Dhexaadka ah (ICF)

    • Baaritaannada Cunug-Wacnaanta ee

    dhawaan-dhaladka ilaa sannadka 20,

    oo ay ku jiraan tallaallo, oo loo maro

    barnaamijka Caafimaadhubinta.

    Waxyaalaha Kale ee aad u Baahan tahay

    inaad ka Ogaato Medicaid

    Xogta ku saabsan mid kastoo dulucyaan

    ama haddii aad qabto su’aalo, fadlan la

    hadal arrin wadahaaga ama ka wac Dheef-

    sadaha Medicaid ee Ohio khadka-diirran

    1-800-324-8680 (TDD: 1-800-292-3572).

    Kacaawinta Qaansheegyada Waqtigood

    Gudbay:

    Haddii aad isu keentay qaansheegadyo

    caafimaad xilli ka horreeya seddex bilood

    ka hor intaadan codsan Medicaid, waxaa

    suurtogal ah in Medicaid/tu awooddo inay

    kaa caawiso bixintooda. ula xiriir Qeybta

    Shaqada iyo Adeegga Qoysaska ee de-

    gmadaada wixii xog dheeri ah.

    Dhinkharash: Dadka qaar oo da’doodu ka

    weyn tahay 65 sano ama ah kuwo ind-

    hola’ ama ah hawlgab waxaa suurtogal ah

    inay yihiin kuwo leh dakhliyo aad ugu sar-

    reeya inay Medicaid ku helaan. Hadday ku

    sugan yihiin xaaladdaan, Medicaid waxay

    bixisaa barnaamij loogu yeero “dhinkharas”

    oo suurtogal ah inay kuu oggolaato inaad

    u adeegsato kharashyadaada caafimaad

    ama aad lacag siiso

    Medicaid si aad kaarka Medicaid u hesho.

    ula xiriir qeybta shaqada iyo adeegyada

    qoyska degmadaada wixii xog dheeri ah.

    Haddii aad hawlgabnimo qabto: had-

    dii aad caawimo u baahan tahay oo

    aad caddaynayso inaan hawlgabnimo

    qabto, qeybta shaqada iyo adeegyada

    qoyska ee degmadaada baa caawimo

    awoodda. Shaqaalaha halkaas jooga baa

    awooda inay kaa caawiyaan buuxinta

    foomamka iyo codsiyada, samee ballamo

    takhtareedset,waxayna adiga ku siinaysaa

    gaadiid ku geeya kaana keena ballam-

    mada takhtarka. kala xiriir wakaaladda

    degmadaada wixii xog dheeri ah.

    Gunnooyin: Haddii aad u baahan tahay

    Medicaid oo aad haysato gunnooyin

    (dakhli sannadle ah) kasta, Waa inaad u

    magacawdo dawladda Ohio sidii faa’iidle

    xusuusiye ah oo meesha kowaada (haddii

    aadan lahayn lammaane ama cunug yar).

    Baxnaanada Moodka: Haddii aad hesho

    Medicaid ka dib markaad 55 sano jirsato

    ama marka lagaa soo qaado mid si joogto

    ah u hey’adoobay, ka dib dhimashadaada

    Medicaid waxay goobi doontaa in dib

    loo bixiyo adeegyadii adiga lagu siiyay.

    Medicaid waxay ka aruurin doontaa deyn-

    taan hantiguriyeed ama hantiqofeedka

    (sida gurigaaga, xisaabaha bangigaaga,

    meeldhigyada, dardaarannada, caymiska

    nolosha, hawlgariisiga, istoogagga iyo

    boonanka).

    Waxaa laga yaabaa in baxnaanada mood-

    ku noqoto mid daahday amase aysan wax

    dhicin haddii aad haysato:

    • Lammaane nool

    • Cunug nooloo ilaa 21 sano jir ah

    • Indhoole nool ama cunug hawlgaba oo

    da’ kasta jira kaas oo kula nool adiga

    • Walaal nool ama cunug kaas oo

    gurigaaga laguugu daryeelo

    • Helay kaliya Barnaamijka Kaalmada ee

    Doorka Medicare Premium Ka dib Janu-

    ary 1, 2010

    Xitaa haddii aan midna kuwaan

    loo qoolmin, wuxuu ku

    doodi karaa dhaxla-

    haagu in baxnaaninta

    moodku u keeni karto

    dhibaatooyin culus isaga

    ama iyada.

    Xafiiska Garyaqaanka

    Guud baa maamula

    baxnaaninta moodka.

    Wixii xog dheeri ah, kala

    xiriir Qeybta Baxnaan-

    inta Moodka Medicaid

    For more information,

    150 E. Gay St., 21st

    Floor, Columbus, Ohio

    43215-3130.

    Lawadaagga Ohio Caymiska Daryeelka

    Muddada-Dheer: Shirkadaha caymiska

    muddada-dheer waxay hadda awoodaan

    inay bixiyaan siyaasado hoos imaanaya

    Barnaamijka Caymiska Lawadaagga

    Daryeelka Muddada-Dheerku habboon.

    Caymiska lawadaaggu wuxuu bixiyaa

    caymiska daryeelka muddada-dheer, helaa

    dheefaha siyaasadda oo dhawraa qaddar

    hantiyo ah oo u dhigmaaya haddii u baa-

    han yihiin inay codsadaan Medicaid.

    Adiga kaliya ayaa go’aamin karaa had- dii

    caymiska daryeelka muddada-dheer adiga

    kugu qumman yahay. U booqo

    www. ltc4me.ohio.gov wixii xog dheeri ah.

    Dheefta Daawo Qoritaanka ee Qeybta D

    ee Medicare: Haddii aad haysato daboolis-

    ta Qeybta D ee Medicare, Medicaid kaama

    bixin doonto daawooyinka qoritaanka,

    si kastaba ha ahaatee, waxaad codsan

    kartaa “Caawin Dheeraada,” waana bar-

    naamij Medicare leedahay kaas caawiya

    dadka dakhliga kooban iyo waxayna iluhu

    bixiyaan kharashyada barnaamijka daawo

    qoritaanka ee Medicarewill, sida doorarka,

    lajarayaasha iyo lacayminta.Haddii la

    helo inaad u qalanto Kaalmo Dheeraada,

    ma noqon doonto inaad bixiso lajare,

    waxayna la-bixintaadu noqon doontaa

    mid la dhimay. Wixii xog dheeri ah, wac

    1-800-MEDICARE (633-4227) ama booqo

    www.medicare.gov.

    Ladhaafayaalka Ku Qotoma Bulshada iyo

    Guriga: ladhaafayaalka-ku-qotoma

    bulshada iyo guriga waxay caawiyaan

    dheefsadayaasha u-qalmay- Medicaid ee

    ku sugan guriga intii la aadi lahaa guriga

    kalkaalinta, isbitaal ama dhismaha dadka

    qaba hawlgabyo horumarineed. Qofafka

    isqoray barnaamijyada lad-

    haafe ee waxaa suurtogal ah

    inuu helo kalkaalin, adeegyo

    daaweyn xirfadaysa iyo nolol

    maalmeed. Wixii xog dheeri

    ah, booqo http://jfs.ohio.gov/

    ohp/ consumers/HCBS.stm.

    http://www/http://www.medicare.gov/http://jfs.ohio.gov/

  • 8

    Xuquuqaha iyo Waajibaadyada

    Barnaamijyada Lacag-Caddaana

    Haddii aad ka hesho kaalmo lacag-

    caddaana Kowaad Hawlaha Ohio, Kaalmo

    Dhaqaaleedka Hawlgabka ama barnaami-

    jyada Kaalmada Lacagta-Caddaanka ah

    ee Qaxootiga, waa inaad u warbixisaa

    wakaaladdaada 10 maalmood gudahood

    haddii:

    • Haddii aad u guurto cinwaan kale.

    • Qof kuu soo guuro ama kaa guuro.

    • Isha dakhliga xubin reerka ah (la kasba-

    day ama aan la kasban) kor u kaco ama

    hoos ugu dhaco ilaa $50.

    • Cunug dugsiga ka saaqido .

    • Uu isbeddel ka jiro waajibaad sharci-

    yeedka lagu bixiyo amarka kaalmada

    cunugga.

    • Xubin reerka ahi uur yeelato ama uur

    dhammaado.

    • Xog la xiriirtay maqnaansho aabbe ay

    isbeddasho.

    • Isbeddello dhanka abaabulka nolaanta

    aabbe mid yar.

    • Xubin reerka ahi ku xadgudubto xaalad

    xabbismagaale iyo wacad maxkam-

    adeed.

    • Xubin reerka ahi noqoto dambiile baxsi

    ah.

    Barnaamijka Kaalmo Dhaqaaleedka Hawl-

    gabka kaliya, waxaad kaloo warbinaysaa

    haddii:

    • Qiimaha waxaad haysato (hantiyahaa-

    ga) isbeddesho, sida haddii lacagta aad

    ku haysato bangiga, istoogagga iyo boo-

    nanka, ama qiimaha lacagta-caddaanka

    ah ee caymiskaagu isbeddelaan, ama

    haddii aad iibiso ama wareejiso cinwaan

    guri ama goob.

    • Xubin reerka ahi hesho lacag duuduub

    ah.

    Kaalmo Lammaaneedka iyo Cunug iyo

    Kowaad Howlaha Ohio

    Haddii aad hesho dheefaha Kowaad

    Hawlaha Ohio dheerina yihiin kaalmo

    lammaaneed ama cunug, dhammaan ama

    qeyb ahaan lacagaha cunuggaaga ama

    kaalmo lammaaneedka waxaa ceshan

    doona dawladda si ay ugu daboosho khar-

    ashka dheefaha Kowaad Hawlaha Ohio.

    Dawladdu ma ceshan doonto qaddar ka

    badan lacagta Kowaad Hawlaha Ohio.

    Haddii aad si toos uga hesho kaalmo

    waalid maqan inta aad ka qeybgalayso

    Kowaad Hawlaha Ohio, waa inaad kaal-

    mada u leexisaa wakaaladda xoojinta kaal-

    mada cunugga ee aaggaaga. Sharddigaani

    wuxuu dhaqangalayaa bilawga bisha ee ku

    aaddan taariikhdii laguu ansaxiyay inaad

    hesho kaalmada Kowaad Hawlaha Ohio.

    Kaalmo kastoo aad hore u heshay waxaa

    la tixgelin doonaa marka la go’aaminaayo

    inta Kowaad Hawlaha Ohio oo suurtogal

    ah inaad u qalanto inta lagu jiro dhawrkii

    bilood oo hore ka dib codsigaaga.

    Haddii aad bilawdo in ka qeybgasho

    Kowaad Hawlaha ohio ka dib October 1,

    2009, oo lagu siiyay goor-dhaafkii cunug-

    gaaga kaalmadii lammaanahaaga oo

    aruurtay ka hor billihii aad bilawday inaad

    hesho Kowaad Hawlaha Ohio, waxaa

    laguu oggolaan doonaa inaad haysato

    qaddarkaas.

    Kaalmada Cunnada

    Haddii aad codsanayso ama dib u codsa-

    nayso dheefaha Kaalmada Cunnada, oo

    duuduubka dakhligaaga billihu ka badan

    yahay duuduubka xadka dakhliga billaha

    ah ee mugga reerkaaga (sida lagu muuji-

    yay ansaxidda Kaalmadaada Cunno ama

    isbeddel ogeysiisas), waa inaad dhabtaas

    uga warbixiso wakaaladda degmadaada.

    Waxaad haysataa 10 maalmood ka dib

    maalinta u dambaysa ee bishii markii hore

    isbeddelku ka dhacay. Shuruudo waxbix-

    ineedku waxay ku taxan yihiin “Kawarbixin-

    ta Isbeddelka Kaalmo Cunno” foomka (JFS

    04196). Isbeddelka waxaa warkiisa u ku

    keeni karaa foomkaan, taleefan, qaab ellak-

    trooni ah ama qof ahaan xubin reerka ah.

    Si aad ugu hesho dhimitaan kharashyada

    soo aaddan, waa inaad u wargeysaa bix-

    isaana caddaymo:

    • Kiradaada ama lacagta billaha ee guriga

    lagu yeesho

    • Kaabaha iyo/ama kharashyada gab-

    baadka iyo/ama kharashyada gabbaadka

    • Kharashyada Caafimaadka (haddaad

    tahay mid gaboobay ama hawlgaba)

    • Kharashyada daryeelka kutiirsanaha

    • Cunug laguu xilsaaray sharci ahaan

    ama kaalmo caafimaad oo la siiyay

    xubin aan reerka ahayn.

    Haddii aad gabto inaad ka wargeyso ama

    caddayso mid kastoo ka mid ah kuwa kore

    waxaa loo arki doonaa sidii hadal uu shee-

    gay reerkaagu oo oranaaya inaad doonayn

    dhimitaanka kharashka.

    Kaalmada Caafimaadka

    Dawladda Ohio waxay bixisaa kaalmo

    caafimaad iyadoo sii marisa barnaamijka

    Medicaid, Barnaamijka Caymiska Caafi-

    maadka Carruurta, Barnaamijka Kaalmada

    Doorka ee Medicare iyo barnaamijka Kaal-

    mada Caafimaadka ee Qaxootiga. Iyadoo

    ku xiran hadba barnaamijkaad codsato,

    waxaad u baahan doontaa inaad arrin

    sidahaaga siiso waraaqaha kale duwan iyo

    xogta. Guud ahaan waa inaad:

    • Sii arrin sidahaaga dhammaan warqadi-

    hii la codsaday.

    • Ka yeel arrin sidahaaga mid og isbeddel

    kasta ee reerkaaga ka jira oo saamayn

    kara u-qalmashadaada, 10 maalmood

    gudahood markii isbeddeladaas aad

    ogaatay.

    • Iskaashi la same codsiga, dib-u-codsiga,

    tafatiridda iyo hawlaha xakamaynta

    tayada.

    • Dooro qorshe daryeel maaraysan, had-

    dii lagaa rabo, sida ugu dhoqso badan.

    Haddii aad uga baahan tahay caawin cod-

    sashada ama dib u codsashada kaalmo

    caafimaad, weyddii arrin sidahaaga inuu

    ku caawiyo. Waxaad kaloo la hadashaa

    arrin sidahaaga haddii aad u baahan tahay

    caawinta helitaanka warqado lagu saleeyo

    go’aaminta u-qalmashada.

    Dhagaysiyada Dawladda

    Waa sidee haddii aanan oggolayn wixii

    ku dhacay arrinkayga?

    Waxaad weyddiisan kartaa dhagaysashad

    dawladda:

    • Haddii aadan oggolayn tillaabo ama

    go’aan ku saabsan arrinkaaga.

    • Haddaad u malaynayso in wakaaladda

    degmadu aysan samayn wax ay ahayd

    inay samayso.

    Waa maxay dhagaysashada dawladdu?

    Dhagaysiga dawladdu waa kulan dhex-

    mara adiga, arrin sidahaaga iyo sarkaal

    dhagaysi oo ka socda Qeybta Shaqada iyo

    Adeegyada Bulshada ee Ohio. Dhagaysiga

    wakiilka wakaaladda degmadu wuxuu

    sharraxi doonaa tillaabooyinkii ay wakaal-

    addu qaadday or qorshayaasha la rabo

    in laga qaado arrinkaaga. Waxaad fursad

    u heli doontaa inaad sharraxdo sababta

    aadan u oggolayn.

    Waad keensan kartaa dhagaysiga dad kale

    oo magacaaga ku hadla, sida saaxiibbo,

    xigto, markhaati ama garyaqaan. Haddii

    aad u baahan tahay caawimo sharciyeed

    lacag-la’aana, la xiriir xafiiska Kaalmo Shar-

    ciyeedka ee aaggaaga. Haddadan aqoon

    lanbarka taleefanka, 1-866-LAW-OHIO (1-

    866-529-6446), lacag-laawe, ama ka raadi

    tusaha Kaalmo Sharciyeedka http://www.

    ohiolegalservices.org/programs. Sidee u weyddiistaa dhagaysi

    dawladeed?

    Haddii aad rabto dhagaysi dawladeed,

    iimayl ugu dir weyddiintaada Hey’adda

    Dhagaysiyada ee Dawladda ee BSH@jfs.

    ohio.gov; wac

    http://www/http://www/

  • 9

    1-866-635-3748, khiyaar 1, lacag-laawe;

    ama fakis ugu dir codsigaaga 614-728-

    9574. Waxaad kaloo weyddiisan kartaa

    dhagaysi qoraal ahaan:

    Dhagaysiyo Dawladeed, Qeybta Shaqada

    iyo Adeegyada Qoyska ee Ohio

    P.O. Box 182825,

    Columbus, Ohio 43218

    Haddii aad ogeysiis ka hesho wakaaladda

    degmadaada oranaysa inay qorshaynayso

    hoos u dhigid ama joojinta dheefahaaga,

    waxaad ogeysiiska laftiisa u adeegsan

    karta codsiga dhagaysiga dawladda.

    Tilmaamaha sidaas lagu sameeyo waxaa

    laga heli karaa ogeysiiska. Hawlyaraan ku

    buuxi xogta la weyddiistay waxaad foomka

    u dirtaa cinwaanka lagu siiyay.

    Ka hubi taariikhda dirista ogeysiiska. Waa

    inaad ku codsataa ogeysiiska 90 maal-

    mood gudahood laga bilaabo maalintaas

    dirista.

    Haddii dheefahaaga la dhimay ama la

    joojiyay oo aad weyddiisato dhagaysi 15

    maalmood laga bilaabo taariikhda dirista

    ogeysiiska, dheefahaagu waxay ku sug-

    naan doonaan qaddarkii hore ilaa dhagay-

    siga wax lagu go’aamiyo. Si kastaba ha

    ahaatee, Kaalmada Cunnada waa suurta-

    gal inay sii socoto haddii ay tahay dham-

    maadkii xilligii shahaadaynta Kaalmada

    Cunnada.

    Ma jiraa daw kale oo cillad wax looga

    qabto?

    Ku yeelashada shir aan rasmi ahayn

    wakaaladda degmada aalaa waa daw

    dhoqso leh oo cillad jirta wax looga qabto.

    Shirka gudahiisa, hawlle degmada ah baa

    fiirin doona arrinkaaga wuuna saxi karaa

    gefaf walba. Waad waci kartaa wakaaladda

    si aad u weyddiisato shir degmadeed.

    Haddaan cilladda wax looga qaban shirka,

    waxaad wali weyddiisan kartaa dhagaysi

    dawladeed.

    Dhagaysiga Kahor

    Waxaad yeelan kartaa qof kale oo yimaada

    dhagaysiga si uu adiga arrinkaaga u

    matalo. Midkaani wuxuu noqon garyaqaan,

    saaxiib, xigaal ama qof kale oo khibrad

    u leh wixii ku saabsan xuquuqda kaal-

    mada dadweynaha. Haddii aadan aadayn

    dhagaysiga, qofka kuu hadlaya adiga waa

    inuu kaa keenaa hadal qoran oo oranaaya

    isaga ama iyadu waa wakiilkaagii.

    Haddaad u doonayso caawimo sharciyeed

    dhagaysiga, waa inaad samaysaa abaab-

    ullo dhagaysiga ka hor. La xiriir barnaami-

    jka Gargaar Sharciyeedka si aad u ogaato

    inaad u qalanto caawin lacag-la’aana.

    Haddii aadan aqoon sida loola xiriiro

    xafiiska Gargaar Sharciyeedka, wac

    1-866-LAW-OHIO (1-866-529-6446),

    lacag-laawe, ama Ka baar tusaha Gargaar

    Sharciyeedka http://www.ohiolegalser-

    vices.org/ programs. Haddii aad rabto in

    loo diro ogeysiiska dhagaysiga qareen-

    kaaga, waa inaad He’adda Dhagaysiga

    Dawladda siisaa qareenkaaga magaciisa

    iyo cinwaankiisa .

    Maxaa ka dhaca dhagaysiga dawladda?

    Markii aad weyddiisato dhagaysiga daw-

    ladda, Hey’adda Dhagaysiga Dawladdu

    waxay kuu soo diri doontaa ogeysiis shee-

    gaya taariikha, waqtiga iyo meesha dhagay-

    siga. Dhagaysiga waxaa lagu qaban karaa

    taleefan ama qof ahaan qeybta shaqada

    iyo adeegyada qoyska ee degmadaada.

    Haddii aadan aadi karin wakaaladda de-

    gmadaada, dhagaysiga waxaa lagu qaban

    karaa meel kale, suurtagal gurigaaga.

    Haddii aad doorbidayso dhagaysi taleefan,

    waxay tahay mas’uuliyaddaada inaad la

    xiriirto hey’adda Dhagaysiyada Dawladda si

    aad u weyddiisato dhagaysi taleefan kahor

    taariikhda gooreynta dhagaysiga

    Marka dhagaysiga, adiga, wakiilka de-

    gmada iyo sarkaalka dhagaysiga dawladda

    way kulmi doonaan si ay uga hadlaan

    arrinkaaga. Arrin sidahaaga baa shar-

    raxi doona tillaabada wakaaladda. Waad

    sharraxi kartaa sababta aadan u oggolayn.

    Sarkaalka dhagaysigu wuxuu dhagaysan

    doonaa labada dhinacba, waa suurtogalna

    in su’aale weyddiiyo wuuna duubi doona

    wadahadalka. Dhagaysiga ka dib waxaa

    la soo saarayaa go’aan, waxaad ka heli

    kartaa nuskhada lacag-la’aana oo duubista

    ah He’adda Dhagaysiga Dawladda haddii

    aad la xiriirto.

    Kahor iyo inta dhagaysigu socdo, waxaad

    fiirin kartaa galka arrinkaaga iyo caddayn

    kastoo kale oo ay wakaaladdu hayso. Wax-

    aad kaloo eegi kartaa xeerarka loo adeeg-

    saday go’aaminta arrinkaaga. Wakaaladdu

    waxay kuu samayn doontaa nuskhado

    lacag-la’aana si ay kaaga caawiso u-

    diyaargarowga dhagaysiga. Haddii aad

    u baahan tahay nuskhado, fadlan wac

    wakaaladda kahor dhagaysigaaga.

    Wacad-sharciyayn

    Waxaad weyddiisan karta taliska dhagay-

    siga inay warqadaha u yeelaan wacad-

    sharciyayn ama marag kuwaas oo haddii

    kale aan diyaar ahayn haddana taasi

    waxay muhim u tahay arrinkaaga. Waa in-

    aad weyddiisataa wacad-sharciyaynta ugu

    yaraan shan maalmood kahor taariikhda

    dhagaysiga oo aad sheegtaa magaca iyo

    cinwaanka qofka ama warqadda aad doon-

    ayso in la wacad sharciyeeyo.

    Waa side haddii aan gefo dhagaysiga?

    Haddii adiga ama wakiilkaaga fartoon aad

    imaan waydaan dhagaysiga, Hey’adda

    Dhagaysiga Dawladdu waxay kuu soo diri

    doontaa ogeysiis burin ah.

    Haddii aad doonayso inaad sii waddo

    weyddiintaada dhagaysiga, waa inaad la

    xiriirtaa hey’adda 10 maalmood gudahood

    sharraxdaana sababta la imaan weyday

    dhagaysiga. Taliska dhagaysigu wuxuu

    go’aamin doonaa inaad haysato sabab wa-

    naagsan iyo in kale. Haddii aad wici waydo

    10 maalmood gudahooda oo aad muujin

    weydo sabab wanaagsan. Dhagaysiga waa

    la burin doonaa, waxaadna lumin doontaa

    dhagaysiga. Wakaaladda degmadu waxay

    ku socon doontaa qorshihii ay rabtay inay

    fuliso. Haddii aadan waafaqsanayn burinta,

    ogeysiiska burinta wuxuu sharraxi doonaa

    sida aad u weyddiisan karto garnaqsi

    maamuleed.

    Goormaan heli doonaa go’aanka

    sarkaalk?

    Dhagaysiga ka dib, sarkaalka dhagaysigu

    wuxxu u eegi doonaa arrinkaaga si caqligal

    ah oo quluud leh. Wuxuu ama waxay gaari

    doonaa (taa) go’aan ku qotoma:

    • Xogtii la dhiibay intii uu dhagaysigu

    socday

    • In xeerarka si saxan loogu dhaqmay

    Haddii dhagaysigaagu ku saabsanaa

    dheefaha Kaalmada Cunnada, waa inaad

    heshaa go’aan qoran 60 maalmood

    gudahood laga soo bilaabo taariikhdii aad

    weyddiisatay dhagaysiga. Dhammaan

    barnaamijyada kale, waa inaad heshaa

    go’aan 90 maalmood gudahood.

    Fulista

    Haddii go’aanka dhagaysigu amro in la

    kordhiyo dheefaha Kaalmada Cunnada,

    waa inaad heshaa kordhinta 10 maalmood

    gudahood laga soo bilaabo taariikhda

    go’aanka. Haddii go’aanka dhagaysigu

    amro in la yareeyo dheefaha Kaalmada

    Cunnada, waa inaad heshaa qaddarka

    yaraaday bisha xigta, mar kasta oo aad

    si caadi u hesho dheefo. Dhammaan

    barnaamijyada kale, wakaaladdu waa inay

    tillaabo ka qaaddo go’aanka la amaray

    15 maalmood gudahood la soo bilaabo

    taariikhdii go’aanka la soo saaray, mar

    walbana 90 maalmood gudahood laga soo

    bilaabo maalintii weyddiisashada dhagay-

    sigaaga. Haddii aad ku heli weydo dhoqso

    dheefihii dhagaysiga lagu go’aamiyay, la

    xiriir Hey’adda Dhagaysiyada Dawladda.

    Waa sidee haddii aanan oggolaan

    go’aanka?

    Haddii aadan waafaqin go’aanka dhagay-

    siga, waxaad weyddiisan kartaa garcelin

    maamuleed. ogeysiiska go’aankii oo qoran

    oo ka imaanay sarkaalka dhagaysigu

    wuxuu kuu sheegi doonaa sida aad u

    codsan karto garcelin maamuleed. had-

    dii aadan oggolaan go’aanka garcelinta

    maamul, waxaad weyddiisan kartaa eegi-

    taan garsoor. Eegitaan garsooreedku waa

    gar ku celin maxkamadeed.

  • 10

    Digniinta Ganaaxa Kaalmada Cunnada

    Si aad u hubiso in reerkaagu yahay mid u

    qalma helana qaddar saxan oo ah

    dheefaha Kaalmada Cunnada, fedaraal,

    dawlad iyo saraakiisha aaggu waxay hubin

    doonaan xogtaa bixisay. Xogta waxaa lagu

    hubin doonaa iyadoo la adeegsanaayo

    dakhliga dawladda iyo habka caddaynta

    u-qalmashada, hababka jimaynta kom-

    buyuutarka ee kale, eegitaanno barnaamij,

    iyo hantidhawrro. Waxaa kaloo suurtogal in

    xogta qaar loo diro Adeegyada Socdaalka

    iyo Dhalashada U.S. (USCIS)

    Si aad u aragto in xogtaad dhiibtay saxan

    tahay. Xogta ku saabsan qofafka aan dhi-

    ibayn lanbarrada Badbaado Bulsheedka

    lalama wadaagi doono USCIS.

    Waxaa kaloo suurtogal ah in xogtaad dhi-

    ibtay ay hubiyaan barnaamijyada gargaar-

    ka fedaraalka ee kale iyo barnaamijyada

    dawladda ee fedaraalku gargaaro, sida

    Barnaamijka Qadada Dugsi Qarameedka,

    Kowaad Hawlaha Ohio, iyo Medicaid.

    Haddaad dhiibtay xog khadan oo kas ah,

    waxaa dhici karta in laguu diido dheefaha

    Kaalmada Cunnada, iyo iyadoo laga yaabo

    in tillaabo sharciyeed adiga kaa dhan.

    Haddii laguu soo saaray qaddar dheef ah

    oo ka weyn intaad mudnayd, waxaa kaloo

    suurtogal ah inaad qaddarkaas aan ahayn

    inaad qaadato aad soo celiso.

    Haddii dheefo Kaalmo Cunno oo dheeraad

    ah lagu siiyay, xogta lagu sheegay codsi-

    gaaga, oo ay ku jiraan dhammaan lanbar-

    rada Badbaado Bulsho, baa laga yaabaa

    in lagu xiriiriyay wakaaladaha dawladda

    iyo fedaraalka ee kale, sidoo kale wakaala-

    daha aruurinta gaarka ah, ee tillaabada

    aruurinta sheegasheeyinka Dheeri-Bixinta.

    Xubin kastoo ka mid ah reerkaaga oo si

    kas ah u jabiyay mid kastoo xeerarka soo

    aaddan ah wuxuu mudan dooaa ganaax:

    • Ha bixin xog beena, ama ha qarin xog,

    si aad u hesho ama ay kuugu sii

    socdaan dheefaha Kaalmada Cunnada.

    • Ha ka ganacsan ama ha ha iibin

    dheefaha Kaalmada Cunnada.

    • Wax ha ka beddelin mid kasta oo

    warqad oggolaansho ah si aad u hesho

    dheefo Kaalmo Cunno oo aan laguugu

    talagelin inaad hesho.

    • Do not use someone else’s Food As-

    sistance benefits for your household.

    • Ha u adeegsan dheefaha Kaalmada

    Cunnada si aad ugu iibsato waxyaalo

    aan sharciga waafaqsanayn, sida cab-

    bitaanno khamri iyo tubaako. Ganaaxyada waxaa ku jira:

    • Dhacdada 1aad — Aan u qalmay

    Kaalmo Cunno muddo 12 bilood ah

    • Dhacdada 2aad — Aan u qalmayn

    Kaalmo Cunno muddo 24 bilood ah

    • Dhacdada 3aad — Si joogto ah aan u

    qalmayn Kaalmo Cunno. Waxaa dheer, Maxkamad baa qofka ka

    reebi karta barnaamijka muddo 18 bilood

    oo dheeri ah. Iyadoo ku xiran qaddarka

    dheefo ah oo meesha ku jira, waxaa suur-

    togal ah in qofka la ganaaxo ilaa $250,000,

    xabbis 20 sano ah loo diro, ama labadaba. Xubin kastoo reerkaaga oo maxkamadda

    gudaheeda looga helo dambiga iibinta

    ama soo-iibsasho qoryo, saanad ama ama

    qarxayaal oo ku doorsanaysa dheefaha

    Kaalmada Cunnada waligeed ma heli

    doonto dheefaha Kaalmada Cunnada mar

    dambe. Xubin kasta oo reeraaga ka mid

    ah oo maxkamadda gudaheeda looga

    ogaal u bixisay xog la xiriirta aqoonsiga iyo

    degganaansha si ay u hesho dheef mid

    ka badan isla markiiba ma awoodi doonto

    inay hesho dheefaha Kaalmada Cunnada

    muddo 10 sano ah.

    Waxaa suurtogal ah inaan hubinno

    dhigaallada Ohio iyo dhigaallada dawla-

    daha kale si aan u aragno haddii mid uun

    reerkaaga ka mid ah uu hore u jabiyay

    xeerarka Kaalmada Cunnnada mana aha

    inuu helo dheefaha Kaalmada Cunnada

    sababtoo ah isagu/iyadu ma dhammaysan

    fulintii xilligii u-qalmasho-la’aanta ee xeer-

    arka jabintooda.

    Musuq

    Waxaa laga yaabaa inaad hesho caawin

    aan laguugu talagelin:

    • Haddii aadan run ka sheegin qudhaada.

    • Haddii aadan wakaala-dda degmadaada

    u sheegin isbeddellada arrinkaaga

    saamaynaya. Isbeddelladaada ka war-

    keen 10 maalmood gudahood.

    Haddii aad hesho caawimo aysan ahayn

    inaad hesho:

    • Waxaa laga yaabaa in lagugu amro

    inaad soo celiso.

    • Waxaa lagugu eedayn karaa musuq.

    • Waxaa laga yaabaa adoo xor ahaa in

    xabsiga laguu diro.

    • Waxaa laga yaabaa in lagaa joojiyo

    inaad mustaqbalka caawimo hesho. .

    Si aad dheeri u barato, weyddii ar-

    rin sidahaaga ee qoraalka JFS/da ee

    08100—“Ohio way ku adag tahay Musuqa

    Samafalka.”

    Bixinta xog kastoo la weyddiisto, oo uu helo dambiga iibinta ama soo-iibsashada ku jiro lanbarka Badbaado Bulsheed ee

    xubin kasta oo reerka ka mid ah, waa

    isxilqaan. Hase yeeshee, gabidda inaad

    bixiso xogtii lagu weyddiiyay si loo habeeyo

    u-qalmashadaada kaalmada waxay keeni

    doontaa diiditaan ama dhimista dheefaha

    Kaalmada Cunnada reerkaaga. Gabidda

    bixinta lanbarka Badbaado Bulsheedka

    wuxuu keeni doonaa diiditaanka dheefaha

    Kaalmada Cunnada ee qof kastoo gabay in

    bixiyo lanbarka. Lanbar kasta oo la bixiyay

    waa la adeegsan doonaa waxaana loo fey-

    di doonaa si la mid ah sidii lanbarrada xub-

    naha reerka ee u qalmay. Xogtii lagu aru-

    urshay codsiga waa suurtagal in loo feydo

    saraakiisha xoojinta sharciga ujeeddada

    oo ah in la qabto qofafkii fakaanaayay si ay

    sharciga uga baxsadaan.

    waxyaalaha xakamaysan (daawooyinka

    sharcidarrada ah ama daawooyinka

    qaarkood oo qorista takharku loo baahan

    yahay ) oo ku doorsanaaya dheefaha Kaal-

    mada Cunnada. Ma ahaan doono mid hela

    dheefaha Kaalmada Cunnada muddo 24

    bilood ah xadgudubka kowaad iyo si joogto

    ah xadgudubka labaad. Xubina kastoo

    oo reerkaaga ka mid ah oo lagu xukumo

    maxkamadda sharciga sababtoo ah wad-

    wadka dheefaha Kaalmada Cunnada oo

    qiimo ahaan dhan wadar qaddarkeedu ya-

    hay $500 ama ka badan waligiis ma ahaan

    doono mid awooda inuu helo dheefaha

    Kaalmada Cunnada mar dambe.

    Xubin kastoo reerkaaga ka mid ah oo lagu

    helo inay samaysay qiraal been ah ama

    Xakamaynta Tayada

    Arrimo ayaa si filiqsan looga doortay

    dalkoo dhan si loo hubiyo inay dadku u

    qalmaan kaalmooyinka ay helaan iyo inay

    helaan qaddar saxan. Waa iskaashi sa-

    maysaa haddii arrinkaaga la eegayo.

  • 11

    Lanbarrada Badbaado Bulsheedka

    Waa inaad siisaa wakaaladda de-

    gmadaada lanbarka Badbaado Bulsheed,

    ama cod-sataa lanbar, qof kasta oo

    cod-sanaaya inuu helo kaalmo. Waxaa su-

    urtogal ah inaadan u baahan inaad bixiso

    xogtaan xaaladaha oo dhan. Aruurinta

    xogtaan, oo uu ku jiro lanbarka xubin kasta

    oo reerka ah, waxaa lagu taliyay iyadoo la

    raacayo Sharciga Dheefinta iyo Cunnada

    ee 2008, sidii loo kabay

    7 U.S.C. 2011-2036, Qeybta 1137(a) ee

    Sharciga, 42 C.F.R., 435.910, iyo xeerarka

    5101:1-1-03 iyo 5101:1-3-09 ee Afgaradka

    Maamulid ee Ohio.

    1) lanbarka waxaa loo adeegsan doonaa si

    loo barbardhigo xogtii aad bixisay xogta uu

    hayo fedaraalka kale, dawladda, iyo

    talisyada aagga; hababka iskujimanta kom-

    buyuutarka, iyo eegisyada barnaamijka

    ama hantidhawrradu si loo hubiyo inaad u

    qalanto barnaamijyada kaalmada dadw-

    eynaha. Ilaa xadka sharciga fedaraalku

    oggolyahay, waxaa kaloo loo adeegsan

    doonaa si uu u kaaliyo go’aaminta u-

    qalmashada ee barnaamijka fedaraalka

    ama dawladda ee kastoo kale kuwaas

    oo bixiya lacag-caddaana ama kaalmo

    nooc-yahayba ama adeegyo toos u aada

    qofaf oo ku qotoma baahi ama ujeed-

    dada dhawrista carruurta. Xogtaan waxaa

    kaloo loo adeegsan doonaa si loola socdo

    fulinta xeerarka barnaamijka iyo maaraynta

    barnaamijka.

    2) Lanbarka Badbaado Bulsheedka waxaa

    loo adeegsan doonaa markii lala xiriirayo

    qofaf habb-oon ama wakaalado si loo

    go’aamiyo u-qalmashada iyo si loo hubiyo

    xogt-aad u bixisay barnaamij kaalmo kast

    Barnaamijyadaan waxaa ku jira, oo aan ku

    koobnayn, Kowaad Hawlaha Ohio, Medic-

    aid, Kaalmo Cunno, Kaalmo Dhaqaaleed

    Hawlgabnimo, Barnaamijka Qadada Dugsi

    Qarameedka, bar-naamijyada wakaaladda

    adeegyada carruurta dadweynah, iyo

    Kahortagga, haynta iyo barnaamijyada

    Kawarqabka. Xog-ta la hubinaayo waxaa

    ku jiri kara dakhli, shaqaalayn hadda

    ah amah ore, ilaha dhaqaalaha, xaqdh-

    abidda, dheefaha hawlgabnimada, ama

    dheefaha kaloo la midka ah iyo barnaami-

    jyo . Xogtaani waa suurtogal in saamayso

    u-qalmashada reerka-aga iyo heerka

    dheefah. Haddii aad bixiso xog been ah,

    waa suurtogal in tillaabo sharciyeed kaa

    dhan ah la qaado.

    3) Qofafka raba inay helaan dheefaha

    Medicaid waa inay bixiyaan lanbarka

    Badbaado Bulsheedka ama ay mid

    codsadaan. Qofafka ka tirsan isla ree-rka

    oo aan doonayn inaan helaan dheefaha

    Medicaid maahan inay bixiyaa lan-

    bar. Haddaadan doonayn inaad hesho

    dheefaha Medicaid laakiin aad u bixisay

    lanbarka Badbaado Bulsheedka si isx-

    ilqaana, lanbarkaaga waxaa loo adeegsan

    doonaa si loo hubiyo dakhliga. Waxaa

    kaloo suurtogal ah in loo adeegsado si

    loola xiriiro caymisyada caafimaadka ee

    kale si markaas loo saha-miyo in daboolka

    caafimaad ee kale diyaar u yahay inuu

    bixiyo dhammaan ama qeyb ahaan qaan-

    sheegyadaada caafimaad.

    4) Mid kastoo ka mid ah

    reerkaaga oo doonaya

    inuu helo Kaalmo Cunno

    waa inay bixiyaan lan-

    barradooda Badbaado

    Bulsheed. Waxaa lanbar-

    rada loo adeegsan doonaa

    si loo hubiyo aqoonsiga

    xubnaha reerka, looga

    hortago kaqeybgelitaan

    labo jeerle ah iyo si sahlan

    u samaynta isbeddello tiro

    badan. Haddii aad codsato

    ama aad qaadato dheefaha

    Kaalmada Cunno, oo aad

    ku jimaysan tahay

    lanbarkaaga Badbaado

    Bulsho oo la helo inaad

    amar u qabasho dambi cu-

    lus ku jirto ama aad ku gef-

    san tahay xabbismagaalo

    ama xornimo-xaddidan,

    waxaa suurtogal ah in cin-

    waankaaga hadda ah la siiyo wakaaladaha

    xoojinta sharciga ee ku habboon.

    Haddii qof kastoo ka mid ah reerkaaga

    uusan doonayn inuu bixiyo xog ku saabsan

    lanbarkiisa ama keeda, qofkaas waxaa su-

    urtogal ah in looga talagalo “ma-codsade.”

    Middaan macnaheedu waa qofkaas looma

    tixgelin doono sidii codsade mana u qalmi

    doono dheefaha Kaalmada Cunnada.

    Xubnaha reerka “Ma-codsade” waxaa wali

    laga rabaa inay ka jawaabaan su’aalaha

    saamaynta ku leh u-qalmashada ee

    xubnaha reerka “codsade”, sida xogta

    ku saabsan dakhliga, ilaha, xaaladda

    haleelaha iyo Kugefitaannada Barnaami-

    jka ee Ulakaceedka ah. Dakhliga iyo ilaha

    dhammaan xubnaha reerka “ma-codsade”

    waa in la tixgeliyaa marka la go’aaminaayo

    u-qalmashada reerka iyo heerka dheefta.

    5) Qof walba oo qoyskaaga ah oo doon-

    aaya inuu helo Kowaad hawlaha Ohio iyo

    dheefaha Kaalmada Dhaqaalaha Hawlgab-

    nimada waa inay bixiyaan lanbarradooda

    Badbaado Bulsheed. Waxaa suurtogal ah

    ina lanbarkaaga ay adeegsadaan wakaala-

    daha adeegyada carruurta ee dadweynaha

    si ay ugu adeegaan qoyskaaga iyo si ay

    u hubiyaan dheefaha ama adeegyada.

    Haddii aad codsatay ama aad qaadato

    Kowaad Hawlaha Ohio, Kaalmo Dhaqaal-

    eedka Hawlgabnimada, ama kahortagga,

    Haynta iyo adeegyada kawarqabka, oo

    oo ku jimaysan lanbarkaaga Badbaado

    Bulsheed oo la helo inaad ku jirto amar

    qabasho dambi culus ama aad u gefsan

    tahay xabbis-magaalo ama xornimo-

    xaddidan, waxaa suurtogal ah in cin-

    waankaaga hadda ah la siiyo wakaaladaha

    xoojinta sharciga ee ku habboon. Waxaa

    kaloo lanbarkaaga Badbaado Bulsheed

    loo adeegsan karaa ujeeddo baaritaanno,

    maxkamadaynno, iyo dambiyeed ama tabo

    madaniyeeda kuwaas oo ku jira xayndaab-

    ka waajibaadyada rasmiga ah ee wakaala-

    daha xoojinta sharciga.

    Waxaa laga yaabaa inaan go’aansanno in

    qaar ka mid ah xubnaha qoyskaaga aysan

    u qalmin dheefo sababtoo ah, tusaale

    ahaan, ma laha xaaladdii socdaal ee la

    rabay, xubnaha kale ee qoysku way sii

    qaadan doonaan dheefaha.

    6) Dheefaha caafimaadka iyo lacagta

    caddaanka ah ee Barnaamijka Dibuda-

    jinta Qaxootiga, uma baahnid inaad bixiso

    lanbarka Badbaado Bulsheedka. Waxaa

    suurtogal ah in wakaaladda degmadu ku

    codsato lanbarka Badbaado Bulsheed,

    laakiin wakaaladdu waa inay kuu sheegtaa

    sida ay u adeegsanayso lanbarka. Bixinta

    lanbarku waa isxilqaan.

  • 12

    Dhalashada iyo

    Xaaladda Socdaalka

    Waa inaad bixisaa caddaynta dhalashada

    iyo xaaladda socdaalka ee qof walboo

    reerkaaga ka mid ah kaas oo doonaya inuu

    kaalmo helo.

    Medicaid

    Qofafka doonaaya inay helaan dheefaha

    Medicaid waa inay bixiyaan xogta ku saab-

    san dhalashadooda ama xaaladdooda

    socdaal. Haddii aad cunug u codsan-

    ayso, waa inaad bixisaa xog ku saabsan

    dhalashada ama xaaladda socdaal ee

    cunugga. Qofafka ka wada tirsan hal reer

    oo aan doonayn inay helaan dheefaha

    Medicaid uma baahnaa inay bixiyaan xog

    ku saabsan dhalashadooda ama xaaladda

    socdaal. Qofafka u codsanaaya shisheeye

    kaalmada caafimaad ee degdegta ah uma

    baahna inay bixiyaan xog ku saabsan

    dhalashadooda ama xaaladda socdaal.

    Kaalmada Cunnada

    Dhammaan qofafka ka tirsan reerkaaga oo

    doonaaya inay helaan Kaa-lmo Cunno waa

    inay bixiyaan xog ku saabsan dhalasha-

    dooda ama xaaladda soc-daal. Haddii

    mid kastoo oo ka tirsan reerkaaga uusan

    doonayn inuu bixiyo xog ku saabsan

    dhala-shadiisa (deeda) ama xaaladda,

    qofkaas waxaa loo qaadan karaa ma-cod-

    sade. Middaan macnaheedu waa qofkaasi

    looma tixgelin doono sidii codsade mana u

    qalmi doona Kaalmada Cunnada. Xub-

    naha reerka ee ma-codsadaha waxaa wali

    laga rabaa inay ka jawaabaan su’aalaha

    saamaynaya u-qalmashada ee xubnaha

    qoyska codsadaha, sida ilaha, xaaladda

    haleelaha, iyo Gefitaannada Barnaamijka

    Ulakaseedka ah. Dakhliga iyo ilaha dham-

    maan xubnaha reerka ee ma-codsadha

    waa in la tixgeliyaa marka la go’aaminaayo

    u-qalmashada reerka iyo heerka dhee-fta.

    Xubnaha kale ee reerku waxay wali awoodi

    doonaan inay helaan Kaalmo Cunno

    hadday u qalmaan dheefaha.

    Kowaad Hawlaha Ohio, Kaalmo

    Dhaqaaleedka Hawlgabnimada iyo

    Barnaamijka Dibudajinta Qaxootiga

    Qof kastoo qoyskaaga ka tirsan oo doon-

    aaya inuu helo Kowaad Hawlaha Ohio,

    Kaalmo Dhaqaaleedka Hawlgabnim-ada,

    ama dheefaha caafimaadka ama lacag

    caddaana oo hoos taga Barnaamijka

    Dibudajinta Qaxootiga waa inay bixiyaan

    xog ku saabsan socdaalkooda ama xaal-

    adda dhalasho. Waxaa suurtogal ah inaan

    xubnaha qoyskaaga qaar go’aaminno

    inay u qalmaan dheefo sababtoo ah,

    tusaale ahaan, ma haystaan xaaladd=

    socdaal oo sax ah. Haddii taasi dha-cdo,

    waxaa suurtogal ah in xubnaha kale ee

    qoysku wali dheefo qaataan haddii kale

    oo ay u qalmaan. Haddii aad doonayso

    inaad ogaato in xubnaha kale ee qoysku u

    qalmaan Kowaad Hawlaha Ohio, Kaalmo

    Dhaqaaleedka Hawlgabnimada, ama lacag

    caddaana ama dheefo caafimaad oo hoos

    taga Barnaamijka Dibudajinta Qaxootiga,

    waxaad u baahan tahay inaad bixiso xog

    ku saabsan dhalashadooda iyo xaaladda

    socd-aal.

    Xuquuqaha Madaniga

    Qofafka u qalma inay ka helaan adeegyo,

    ama dheefin barnaamijyada ay maalgeliso

    Qeybta Shaqada iyo Adeegyada Qoyska

    ee Ohio waxaa ilaaliya sharciyo kale

    duwan, xeerinno,xeerar iyo siyaasado ka

    dhan ah takooritaanka sharcidarrada ah oo

    ku qotoma isir, midab, diin, hawlgabnimo,

    da,’ jinsi, janjeer-itaan galmeed, katirsan-

    aan siyaasadeed iyo asal dhalasho.

    Cinwaanka VI ee Xeerka Xuquuqda

    Madaniga ee 1964 wuxuu kuu og-

    golaanayaa in adiga lagu weyddiiyo xog

    qoleedka iyo isireedka. Uma baahnid inaad

    bixiso xogtaan. Si kastaba ha ahaatee,

    dhiibista xogtaan waxay ka caawin doontaa

    Xuquuqda Madaniga ee fedaraalka in

    sharcigii la raa-cay. Haddii aadan doonayn

    inaad bixiso xogtaan, ma saamayn doonto

    arrinkaaga.

    Wakaalado Diimeedka

    Qeybta shaqada iyo adeegyada qoy-ska

    ee degmadu waxay la leedaha heshi-

    isyo wakaalado kale si loo siiyo adeegyo

    qoysaska laga yaabo inay helayaan ade-

    egyo kaalmo shaqo oo loo dhexmaro bar-

    naamijka Kahortagga, Haynta iyo Kawar-

    qabka, ama ugu adeega sidii goobo shaqo

    waalidiinta helaaya Kowaad Hawlaha

    Ohio. Adeegyada qaar ama goobo shaqo

    waxaa laga yaabaa inay yihiin wakaalado

    diimeedyo, sida kaniisado. Haddii aadan

    doonayn inaad u aaddo wakaalad diimeed

    adeegyo ama shaqo, ka yeel in arrin sida-

    haagu ogaado.

    Waa maxa takooritaan?

    Takooritaanku waa fal toos ah, ha ahaado

    ulakac ama yuusan ahaane, kaasi

    wuxuudadka u keenaa dhaqan aan loo sin-

    nayn. Kuwaas codsanaaya ama hela-aya

    adeegyo ay maalgelisay Qeybta Shaqada

    iyo Adeegyada Qoyska looma takoori karo

    isirkooda, midab, diin, hawlgabnimo, da,’

    jinsi ama asal qarameed:

    • Looma diidi karo ama daahin karo

    adeeg kasta, gargaar ama dheef kale.

    • Looma gelin karo go’doomin ama

    dhaqan quus ah ee barnaamij.

    • Looma siin karo adeeg si xaqiraad ah

    ama habab kajajabin ah.

    • Looma siin karo adeegyo iyadoo la

    adeegsanaayo xeerar du-wan si loo

    go’aansado kan heli doona caawin.

    • Looma xaddidi karo adeegsiga dhis-

    mayaasha, qolalka ama meel kale si

    iyaga u diidaysa kaqeybgelitaan ama

    gelitaan.

    • Looma diidi karo inay helaan adeeg

    sababtoo ah dhismayaasha ama aqal-

    ladu si muuqata uma geli karaan kuwa

    qabo hawlgabnimo ama sababtoo ah

    ma jiro hab isga-arsiin oo meelmara oo

    lala yeesho adeeg bixiyaha.

    Erayada furaha ah waa “sababtoo ah.”

    Haddii laguu diido ama lagaa daahiyo

    adeeg loo siman yahay—oo aad u malay-

    nayso sababtu waa isirkaaga, midab, diin,

    hawlgabnimo ama asal qarameed—waxaa

    laga yaabaa in lagu mariy-ay takooritaan

    aan sharci ahayn.

    Waxaa jira farqi u dhexeeya diidmo shar-

    ciya iyo diidmo aan sharci ahayn ama ka

    daahin dhe-efo iyo/ama adeegyo. Waxaa

    laga yaabaa ina qofaf loogu diido dheefo

    iyo/ama adeegyo haddii ay ka soo bixi

    waayeen shuruudihii u-qalmashada. Mid-

    daani maaha sharcidarro ama takoorid.

    Qofaf qaba Hawlgabnimo

    Dhammaan qofafka qab hawlgabnimooyin

    waxaa laga ilaaliyay takoor-itaan sharcidar-

    ro. Dagalaynta caqligalka ee kuwa qaba

    hawlgabnimo waxaa ku jiri kara waxyaalah

    sida:

  • 13

    • Dib u habaynta aaladaha jira iyo/ama

    saldhigyada tababarista

    • Bixinta aalado gaar ahaaneed (tusaale

    ahaan, faro jaad-ballaran ah ee shaa-

    shadaha kombuyuutarka)

    • Dib-u-dhigidda ama dib-u-meelaynta

    casharrada ama adeegyada kale ee

    tababaridda

    • Beddelaadda qaab muuqaaleedka sal-

    dhigyada tababaridda

    • Dib-u-dhisidda hannaanka/heemaalka

    • Beddelaadda saacadaha tababaridda

    • Hubinta in hab-baahineed isgaarsiin oo

    meelmar ah uu u diyaarsan yahay kuwa

    leh maqlid xaddidan, arag iyo/ama

    hadal.

    Farsamooyinka dagalaynta ee kor ku

    sheeggan loolama jeedo inay dhammaan-

    dhan yihiin..Qof kastoo qaba hawlgabnimo

    waa gooni wuxuuna yeelan doonaa baahi-

    yiisa (deeda) goonida ah.

    Sida Sheegashada loo Xareeyo

    Haddii aad rumaysan tahay in laguudaahi-

    yay ama laguu diiday adeegyo sababtoo

    ah isirkaaga, midab, diin, hawlgabnimo,

    da,’ jinsi, janjeeritaan galmo ama asla qar-

    ameed, waa inaad sheegashadaada ku

    xaraysaa 180 maalmood gudahood laga

    bilaabo maalintii dhacdada ama dhaqanka.

    Haddii aad su’aalo ka qabto sida

    sheegasho loo xareeyo, ka wac ODJFS/

    da Hey’adda Xuquuqda Madaniga, lacag-

    laawe

    1-866-227-6353 ama u qor xafiiska

    cinwaanka hoos lagu muujiyayor. Haddii

    aad u baahan tahay caawimo sharciyeed

    lacag-la’aana ama talo, wac 1-866-LAW-

    OHIO (1-866-529-6446), lacag-laawe, ama

    ka baadigoob tusaha Gargaar Sharci-

    yeedka http://www. ohiolegalservices.

    org/programs. Sheegashooyinka la xiriira

    dhacdooyin takooritaan la isku eedeeyay

    waa in loo diraa 180 maalmood gudahood

    laga bilaabo maalintii dhacdada:

    • Qeyba Shaqada iyo Adeegyada Qoyska,

    Xafiiska Shaqaalaha iyo Adeegyada

    Ganacsiga ee Ohio

    Hey’adda Xuquuqaha Madaniga

    30 E. Broad Street, 30th Floor

    Columbus, Ohio 43215-3414

    Taleefan: (614) 644-2703 ama Lacag

    laawe 1-866-227-6353

    TTY maqlid xun: 1-866-221-6700

    Fakis: (614) 752-6381

    ODJFS/du way baari doontaa she-

    egashadaada. Haddii la go’aansado in

    tak-ooritaan dhacay, wakaaladdu waxay ku

    dhaqaaqi doontaa inay saxdo. Waxaad ka-

    loo la xiriiri kartaa xafiisyada soo aaddan:

    • Xafiiska Xuquuqaha Madaniga,

    Qeybta Caafimaadka iyo Adeegyada

    Aadanaha ee U.S

    200 Independence Ave. SW

    Washington, D.C. 20201

    1-800-368-1019

    • Qeybta Shaqaalaha ee U.S.

    Xarunta Xuquuqaha Madaniga

    200 Constitution Ave.

    Room N-4123

    Washington, D.C. 20210

    (202) 693-6500

    Wac 1-877-889-5627 haddii aad qabto

    dhib xagga maqlidda ama hadalka ah.

    http://www/

  • 14

    Ilo Waxtara

    • Barnaamijyada ODJFS: http://jfs.ohio.gov/ ama wac 1-866-ODJFS4U (1-866-635-3748)

    • Si aad uga codsato intarneedka ama isbeddello uga warbixiso Kowaad Hawlaha Ohio, Kaalmo Cunno

    iyo/ama Medicaid: http://odjfsbenefits.ohio.gov

    • Khadka-Diirran ee Dheefsadaha Medicaid: 1-800-324-8680

    • Wakaaladaha degmada: http://jfs.ohio.gov/county/County_Directory.pdf

    • Bangiga Dheefaha ee Ohio: www.ohiobenefits.org

    • Maamulka Badbaado Bulsheedka: http://www.ssa.gov ama 1-800-772-1213

    • Medicare: http://www.medicare.gov ama 1-800-MEDICARE

    • Xaqdhabidda Shaqola’aanta: www.unemployment.ohio.gov ama 1-877-644-6562 (OHIOJOB).

    • Ohio’s Best Rx: http://www.ohiobestrx.org/ ama 1-866-923-7879

    • Adeegyada Carruurta: http://jfs.ohio.gov/families/protective_services/index.stm ama 1-866-635-

    3748, Khiyaar 2

    • Isu-Qor Codayn: http://www.sos.state.oh.us/SOS/voter/RegisteringToVote.aspx

    • Women, Infants and Children (WIC): http://www.odh.ohio.gov/odhPrograms/ns/wicn/wic1.aspx or

    (614) 644-8006.

    • Hey’adda Carruurta qaba Curyaannimooyin (BCMH): http://www.odh.ohio.gov/odhPrograms/cmh/

    cwmh/bcmh1.aspx ama 1-800-755-4769.

    • I Caawi aan Koree: http://www.ohiohelpmegrow.org/ ama (614) 644-8389

    • Xukuumadda Ohio www.ohio.gov

    John R. Kasich, Taliyaha Dawladda Ohio

    Michael B. Colbert, Maamule

    Qeybta Shaqada iyo Adeegyada Qoyska ee

    Ohio

    JFS 07501-SOM (Rev. 10/2012) Shaqobixiyaha Fursad Siman iyo Adeeg Bixiye

    http://jfs.ohio.gov/http://odjfsbenefits.ohio.gov/http://jfs.ohio.gov/county/County_Directory.pdfhttp://www.ohiobenefits.org/http://www.ssa.gov/http://www.medicare.gov/http://www.unemployment.ohio.gov/http://www.ohiobestrx.org/http://jfs.ohio.gov/families/protective_services/index.stmhttp://www.sos.state.oh.us/SOS/voter/RegisteringToVote.aspxhttp://www.odh.ohio.gov/odhPrograms/ns/wicn/wic1.aspxhttp://www.odh.ohio.gov/odhPrograms/cmh/http://www.ohiohelpmegrow.org/http://www.ohio.gov/

  • JFS 07105-SOM (Rev. 7/2013)

    Qeybta Adeegyada Qoyska iyo Shaqooyinka ee Ohio LIISKA WAXYAABAHA LA ISKA DOONAYO CODSIGA / DIB U SOO CODSASHADA

    Magaca Qoyska la caawiyo Taariikhda Codsiga Lambarka dacwadda Taariikhada Wareeysiga / Taariikha 2-aad ee Ogaysiiska

    Qaar ka mid ah u qalmida waa in la eega ka hor inta aanay Qeybta Adeegyada Qoyska iyo Shaqooyinka Degmadu eegin u qalmidaada ___________________________. Ka fiiri hoos dokumeentiga aad u baahan tahay inaad keento:

    Cadeeynta loo baahan yahay: Mudada wakhtiga: Shahaadada dhalashada/Cadeeynta dhalashada /Cadeeynta Sharciga Daganaanshaha (Shahaadada dhalashada, baasaboor ama dokumeenti u dhigma) Kaarka ceymiska caafimaadka (Boga kore iyo ka dambe koobigooda) Cadeeynta daqliga (koobiga jeega, waraaqaha canshuurta, waraaqad bixin ah, masaariifta caruurta)

    Shahaadada Guurka Waraaqada caafimaadka oo uu dhaqtarku soo buuxiyay Cadeeynta Uurka (oo ay ku yaaliin inta caruur ee uurka ku jirta) cadeeynta wixii caruur ah/kugu tiirsankharashka

    xanaanadoodaxiranaadaha Wixii cadeeyn ah ee masaariifta caruurta aan kula noolayna Cadeeynta wixii qarash ah ee ku baxa qofkii curyaan ah ama dadka waayeelka ee ay da’doodu gaarayso 60 jirka (oo ay ku jiraan daawooyinka loo soo qoro)

    Cadeeynta aqoonsiga (lisenka baabuurka, aqoonsiga gobolka, baasaboorka)

    cadeeynta qiimaha hada ee saamiyada, shahaadada keydsiga, ceymiska nafta, dhaxalka, iwm

    Cadeeyntii ugu danbeeysay ee wixii xisaab bangi ah (Jeega, Kredit Union-ka, keydka)

    Ijaarka/Rasiidka lacag bixinta guriga Xaquuqda iyo Masuuliyada Cadeeynta tagitaanka iskuulka Kaarka Sooshaal Sekuritiga (ama wixii cadeeyn ah ee codsashadiisa) ee:

    Shahaadada lahaanshada baabuurka Qidmada Shaqo la’aanta/cadeeynta ceymiska shaqooyinka Koobiga biilka korontada, biyaha, gaaska, iwm Wax Kale, cadee:

    Haddii aadan awoodin inaan keento mid ka mid ah cadeeymahaas kore, waxaa laga yaaba inaanu ku caawin karno. Fadlan sida ugu dhaqsaha badan ila soo xariir haddii aadan heli karin cadeeymahaas.

    Waxaa qasab ah inaad noo keento cadeeymahaas kor ko qoran inta ka horaysa _____________________. Haddii aadan keenin cadeeymahaas laga codsaday ilaa iyo taariikhdaas, codsigaada waxaa laga yaaba in la diido ama caawinaadaha hada ku socda waxaa laga yaaba in la joojiyo.

    U soo celi cadeeymaha:

    . Magaca maamulaha kiiska Taariikhda Degmada Lambarka Telefoonka

    Ciiwaanka

    Magaalada Gobolka Zip kode

    E-Mail Lambarka Fakiska

  • JFS 04196 -SOM (10/2012) Page 1 of 2

    Qeybta Adeegyada Qoyska iyo Shaqooyinka ee Ohio

    SOO SHEEGITAANKA ISBEDELKA CAAWINAADA CUNTADA

    Waxaa soo buuxinaya Maamulaha Kiiska

    Magaca Lambarka Kooxda Lacaaawiyo

    Ciiwaanka Wadada Taariikhda Waraaqda Isbedelka loo Keenay Kooxda Caawinaada

    Magaalada, Gobolka, Zip kod-ka Magaca maamulaha Kiiska Taariikhda la helay

    Telefoonka Telefoonka Maamulaha Kiiska Faakiska Maamulaha Kiiska

    Hadii aad qaadato caawinaada cuntada waxaa qasab ah inaad soo sheegto hadii: Uu daqligaada guud ee bishii uu kor u dhaafo xadka daqliga guud ee bishiiba loo ogol yahay cabirka kooxda caawinaada. Ka fiiri shaxda hoos ku qoran:

    2013 Shaxda Tixraaca Daqliga Guud ee Bishii ee Caawinaada Cuntada (laga bilaabo Oktoobar 2012)

    130% FPG

    1 2 3 4 5 6 7 8 9 10

    $1211 $1640 $2069 $2498 $2927 $3356 $3785 $4214 $4643 $5072

    Daqliga guud ee bishii waxaa loola jeeda dhamaanba daqliga ku soo gala canshuurta ka hor (Tusaale ahaan: Mushahaarka, tabarucaadka caruurta, deeqda dadwaynaha, tabarucaadka tabaalaysan (SSI), Lacagta Shaqo la’aanta, lacagta hawlgabka, lacagta waayeelka , lacagta ciidamada caawinaada curyaanimada) ee aad heshay mudada kooxda caawinaada canshuurta ka hor ama inta aan waxba laga jarin.

    Lagaagama baahna inaad soo sheegto wixii kale isbedel ah xaga caawinaada cuntada ilaa iyo inta aad ka helayso dib u soo codsashada ama dib u cadeeynta. Midaani waxba kama ay badelayso soo sheegitaanka barnaamijyada kale. Haddii caawinaada qoyskiinu uu qaato uu ku jiro qof curyaan ah ama waayeel ah oo aad horay u dhaaftay xadka daqliga guud ee bishii ee kooxda caawinaada waxaa kaliya oo laga doonaya inaad soo sheegto isbedelka adiga kugu yimid oo kaliya.

    Xasuusnow: Haddii aad badashid u soo sheeg maamulaha kiiskaada sida ugu dhaqsaha badan. Haddii uu maamulaha kiiskaadu uusan hayn ciiwankaada oo sax ah, ma aad heli doontid warbixinada loo baahan yahay si ay kugu sii socoto caawinaadu.

    FIIRI ISKUGEYNTA DAQLIGAADA GUUD BIL WALBA DHAMAADKEEDA

    Daqliga Shaqeeyso (Tusaale ahaan.Shaqada, xoogsiga) Daqliga aadan shaqeyn (Tusaale ahaan SSI, Tabarucaadka masaariifta caruurta)

    Sitimaanka 1-aad $ Sitimaanka 1-aad $

    Sitimaanka 2-aad $ Sitimaanka 2-aad $

    Sitimaanka 3-aad $ Sitimaanka 3-aad $

    Sitimaanka 4-aad $ Sitimaanka 4-aad $

    Sitimaanka 5-aad $ Sitimaanka 5-aad $

    Iskugeynta: $ Iskugeynta: $

    Isku Dar iskugeynta cadadka dhamaanba lacagta aad shaqeeysay iyo mida aadan shaqeeyn

    Iskugeynta daqliga aad shaqeeyso:

    Iskugeynta daqliga aadan shaqeyn:

    Daqliga guud ee bishiiba:

    ______________

    + ______________

    = ______________

    Iskugeyntani ma ka badan tahay xadka daqliga guud ee bishii ee qoyska tiradiina oo kale leh? Haa –Waa inaad midaas u soo sheegtaa maamulaha kiiskaada oogu danbeyn maalinta 10-aad ee bisha uu

    isbedelkaasi dhacay markii ugu horeeyay. U isticmaal boga 2 inaad ku soo sheegto daqligaada cusub.

    Tusaale ahaan:: Haddii daqligaada guud ee bisha Oktoobar 2012 uu ka badan yahay xadka daqliga guud ee bishii ee kooxda caawinaada ee qoyskiina oo kala ah, waxaa qasab ah inaad u soo sheegto maamulaha kiiskaada oogu danbeeyn Nofember 2012.

    Maya – Ma aha adigu inaad waxba sameeyso.

    HADDII AAD QABTO WAX SU’AAL AH, FADLAN LA XARIIR MAAMULAHA KIISKAADA

  • JFS 04196-SOM (10/2012) Page 2 of 2

    Bogaan ku soo celi maamulaha kiiskaada haddii u daqliga qoyskiinu ka badan yahay xadka daqliga guud ee bishiiba ee kooxda cawinaada ee tiradiina oo kale.

    Waa maxay daqligaada guud ee bishii? $

    Isbedelada aad soo sheegtay ma yihiin kuwo dhaafaya bishii aad

    soo sheegtay? Haa Maya

    Haday maya tahay, ku macnee halkaan:

    Xasuusin: Haddii aad hayso cadeeynta daqligaada cusub fadlan u soo dir koobiyada sida koobiga jeega, waraaqda lacag bixinta, waraqad ay shaqadaadu soo qortay, amarka maxkamada ee masaariifta caruurta, iwm. mamulaha kiiskaada

    Si aad u hesho in laga dhaafo qarashyadaan soo socda waxaa qasab ah inaad u soo sheegto oo u keento cadeeyn maamulaha kiiskaada: sida qarashka ijaarka ma lacagta guriga, kharashka korontada, biyaha, iwm, iyo/ama qarashyada kale ee hoyga, qarashka caafimaadka, masaarifta caruurta ee ay maxkamadu fartay haddii uu qof qoyska ka tirsani bixiyo. Haddii aad keeni weydo cadeeynta qarashyadaas waxaa loo arkayaa inaadan doonayn in laga dhaafo qarashyadaas.

    Fadlan aqri digniinta ganaaxa ee hoos ku qoran ka hor inta aadan saxiixin, taariikhda ku qoran, oodan dib aadan u soo celin.

    DIGNIINTA GANAAXA

    Warbixinta aad ku bixiso foomkaan waxaa lagu sameeyn doona baaritaan xaga dowladaha Federaalka, Gobolka, iyo degaankaba. Haddii laga helo wax warbixin ah oo qalad ah, waxaa laga yaaba in lagu diido caawinaada cuntada, iyo/ama lagugu qaado talaabo xaga sharciga ah oo ah bixinta warbixin qaldan. Haddii uu qoyskiinu qaato caawinaada cuntada, waxaa qasab ah inuu raaco sharuucda hoos ku qoran. Qofkii ka tirsan qoyskiina ee si ula kac ah u jabiya sharciyadaas waxaa laga joojin karaa Barnaamijka Caawinaada Cuntada muddo gaaraysa 12 bilood marka koowaad, 24 bilood marka labaad, iyo in si joogto ah looga wada joojiyo marka sadaxaad; ganaax gaaraya $250,000, xabsi gaaraya 20 sanadood, ama labadaba; iyo in maxkad federaal ah lala tiigsado, Maxkamadu waxay kaloo kaa joojin kartaa barnaamijka Caawinaada Cuntada 18 bilood oo dheeraad ah.

    Qofkii lagu helo isagoo ka ganacsanaya caawinaada cuntada Federaalka, gobolka, ama maxkamada degaanka ayaa mamnuuci karta muddo gaaraysa 24 bilood danbiga koowaad iyo in si joogto ah looga joojiyo marka labaad wixii quseeya ku gadashada muqaadaraadka caawinaada cuntada, iyo in si joogto ah looga joojiyo caawinaada cuntada wixii danbi ah ee la xariira ku iibsashada hubka, rasaasta, ama waxyaabaha qarxa caawinaada cuntada ama ka ganacsashada caawinaada cuntada oo gaaraysa $500 ama ka badan. Qofkii lagu helo inuu been abuurasho xaga aqoonsiga ah sameeyay isagoo ujeedadiisu tahay inuu labo meelood oo kala duwan ka qaato caawinaad isla hal mar waxaa laga mamnuuci karaa inuu helo caawinaada cuntada muddo gaaraysa 10 sanadood.

    Ha bixin warbixin been ah ama ha joojin inaad bixiso warbixinta saxda ah si ay kugu sii socoto caawinaada cuntada. Haka ganacsan, ama gadin caawimaada cuntada, kaarka ogolaanshada, ama wixii kale ee dokumeenti ah. Waxba ha ka badelin kaarka ogolaanshada, ama wixii kale ee dokumeenti ah taasoo kugu keeni karta inaadan helin caawimaada . Ha u isticmaalin caawimaada cuntada inaad ku soo iibsato waxyaabaha aan loo ogolayn, sida cabitaanka aalkolada, tubaakada, qalabka xaashida, cuntada xayawaanka, saabuunta iyo alaabta kale ee wax lagu nadiifiyo. Ha isticmaalin qof kale caawinaada cuntadiisa adigoo u isitmaalaya qoyskiina.

    SAXIIXAADA: Waan fahmay ciqaabta ka iman karta soo sheegid la’aanta warbixinta. Waxaan kaloo fahmay waa inaan dib u soo celiyo caawinaada cuntada aan qaatay ka dib markii aan u soo sheegi waayay isbedelka xaaladeeyda maamulaha kiiskayga Haddii la i weydiiyo, anigu waxaan ogolaaday inaan keeno cadeeymaha isbedelada aan soo sheegay. Jawaabahayga ku qoran foomkaan waa kuwo sax ah oo aan u soo buuxiyay inta aan ka ogohay. Saxiixaada Taariikhda Lambarka Telefoonka

  • JFS 07092-SOM (Rev.10/2011) Bog 1 ee 2

    Qeybta Shaqada iyo Adeegga Qoyska ee Ohio

    OGEYSIISKA QOFAFKA CODSANAAYA AMA KA QEYBGELAAYA KOWAAD

    HAWLAHA OHIO (OWF) EE KU SAABSAN ISKAASHIGA WAKAALADDA XOOJINTA

    KAALMADA CUNUGGA (CSEA)

    Waxaa lagaa rabaa, iyadoo sharddi u ah u-qalmashadaada OWF, inaad iskaashi kala sameyso

    wakaaladda xoojinta kaalmada cunugga (CSEA) yagleelidda aabbanimada ama kaalmo ka-keenidda

    waalidka (dada) maqan.

    Dheefaha Iskaashiga

    Iskaashigaad la samayso CSEA waxaa laga yaabaa inuu cunuggaaga u keeno dheefaha soo socda:

    • Helitaanka aabbe maqan.

    • Si sharci ah u-yagleelidda aabbanimada cunuggaaga.

    • Yagleelidda amarka kaalmada cunuggaaga.

    • Xoojinta amarka kaalmada cunuggaaga.

    • Suurtagalnimada in lacagbixinno kaalmeedku ka sare maraan deeqda kaalmadaada guud.

    • Suurtagalnimada in cunuggaagu (carruurtaadu) helo xuquuqaha Badbaado Bulsheed mustaqbalka,

    ciidammeed, ama dheefo kale.

    Maxaa loola jeedaa iskaashi?

    Iskaashiga CSEA/da, waxaa suurtogal ah in lagu weyddiiyo waxyaalaha soo socda mid ama ka badan:

    • Magaca aabbaha cunug kastoo codsanaaya ama ka qeybgelaaya OWF;

    • Dhiib xogtaad hayso si aad u caawiso in la helo goobta aabbaha maqan;

    • Caawi si sharci ahaan loo go’aamiyo kuu yahay aabbuhu;

    • Caawi si loo helo lacagaha kaalmada ah ee adiga kuu bislaaday ama cunuggaaga u bislaaday;

    • U imow CSEA/da ama maxkamadda, haddii loo baahdo, si aad u dhiibto xogta ku saabsan aabbaha

    cunuggaaga.

    Iskaashiga kaalmada cunuggu waa ka qeyb heshiiska karti-qofeedka. Markii adiga ama xubin kastoo ka tirsan

    kooxdaada kaalmadu gabo ama diido iskaashiga CSEA/da, waxaad lagu marin doonaa jaadka cunaqabatay ee

    soo socda:

    • Diidmada ama gabitaanka hore, waxaan joojin doonnaa OWF/taada muddo hal bil ah;

    • Diidmada labaad ama gebitaanka, waxaan joojin doonnaa OWF/taada muddo seddex bilood ah;

    • Marka seddexaad ama gabitaanka xiga waxaan joojin doonnaa OWF/da muddo lix bilood ah.

    Ma u haysataa sabab wanaagsan iskaashi-la’aanta?

    Haddii iskaashiga CSEA/da aysan danaha ugu fiican ugu jirin cunugga ama adiga kuu samaynaayo dhib dheeri

    ah ama cunugga u samaynaayo si looga fakado dirir guri, waxaad weyddiisan kartaa u-dhaafitaanka arrin fiican.

    Haddii lagu siiyo u-dhaafitaanka arrin fiican, ma ahaan doonto inaad iskaashi la samayso CSEA/da.

    Sababaha Codsashada U-Dhaafitaanka Arrin Wanaagsan

    Waxaad codsan kartaa u-dhaafitaanka arrin fiican ee shardiga iskaashiga markii:

    • Adigu ama cunuggu uu ahaado mid u qoolan dirir guri oo uusan iskaashigu ahayn danta ugu fiican ee cunugga

    ama uu adiga kuu samaynaayo dhib dheeri ah ama cunugga uu u samaynaayo si looga fakado dirir guri;

    • Tabaha korinta sharciyeedka ee cunuggu waxay yihii kuwo ku laalan maxkamadda horteeda iskaashiguna ma

    ahaan doono danaha ugu fiican ee cunugga;

    • Korinta cunuggu waxay hoos taal tixgelin firfircoon iskaashiguna ma ahaan doono danaha ugu fiican ee

    cunugga; ama

    • Cunuggii waa la qariyay sababtoo ah faraxumayn ama kufsi awgood iskaashiguna ma ahaan doono dhanaha

    ugu fiican ee cunugga.

  • JFS 07092-SOM (Rev.10/2011) Bog 2 ee 2

    Warqad Qoran

    Waxay tahay mas’uuliyaddaada inaad siiso CSEA/da warqad qoran 45 maalmood gudahood ee codsashada

    u-dhaafitaanka arrin wanaagsan si markaas CSEA/du u awooddo go’aaminta in aad haysato arrin wanaagsan

    oo aad ku diiddo iskaashi.

    Warqadda qoran waxaa laga yeeli karaa mid kastoo ka mid ah kuwaa soo socda:

    • Maxkamad, boolis, ama dhinac xukuumeed kale, gabbaad, sharciyeed, diimeed, caafimaad, ama

    waxyaqaan kale kaasoo aad ka raadsatay kaalmo la xiriirta lafalgalidda dirir guri, CDJFS, ama qof kale oo

    og dirirta guriga, haddii sababtaada sheegashada arrin wanaagsan uu dirir guri awgeed yahay.

    • Maxkamad, garyaqaan, wakaaladda adeegyada cunugga, ama wakaaladda adeegyo bulsheedka taas oo

    muujinaysa tabaha korin sharciyeedka cunuggu ay u yihiin kuwo ku laalan maxkamadda horteeda, ama

    korinta cunuggu hoos taal tixgelin firfircoon , oo iskaashigu uusan ahaan doonin danaha ugu fiican ee

    cunugga.

    • Waxyaqaan caafimaad, wakaaladda xoojinta sharciga, ama wakaaladda dhigaallo nololeedka oo hubisa in

    cunuggii loo qarshay sabab la xiriirta faraxumayn ama kufsi oo iskaashigu uusan ahaan doonin danaha ugu

    fiican ee cunugga.

    Haddii sababta sheegashadaada arrin wanaagsan uu yahay in adiga ama cunuggu u qoolmay dirir guri oo

    aadan heli karin warqad qoran, CSEA/du waxay adiga kaa yeeli kartaa hadal qoran.

    ********************************************************************* Fadlan hubi kuwa soo aaddan oo aad qoolmi karto.

    Waan akhriyay, ama waa la ii akhriyay, waana fahmay qoraalka danaynaaya dawga aan u leeyahay inaan

    ka sheegto arrin wanaagsan diidmadayda inaan iskaashi la sameeyo CSEA/da.

    Waxaan rabaa inaan weyddiisto CSEA/da u-dhaafitaanka arrin wanaagsan.

    Magaca buuxa oo daabacan ee qofka codsanaaya u-dhaafitaanka arrin wanaagsan Arrin/cat/seq

    Saxiixa Codsadaha/kaqeybgalaha Taariikh

    Saxiixa Shaqeeyaha Taariikh

    Ma doonaysaa inaan annagu kuu soo dirno dhammaan warqadaha iyo isdhaafisyada adiga oo ku saabsan

    dirirta guriga ee cinwaanno kale duwan ama aan kaa soo wacno lanbar taleefan kale duwan si aan u dhawrno

    nabdoonaantaada?

    HAA MAYA

    Haddii aad doonayso, fadlan ku dhig cinwaanka aad rabto inaan annagu ku dirno xogta ku saabsan codsigaaga

    u-dhaafitaanka dirirta guriga hoos,

    Cinwaanka isrogay

    Cinwaanka Jidka

    Magaalo/Dawlad/Afgarad Boosto

    Lanbarka taleefanka isrogay (ku dar afgaradka meesha)