qaab-hawleedka maaraynta khilaafaadka - ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. hal...

20
XAFIISKA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA Taxanaha 2aad Barnaamijka Daabicidda Buugaagta Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Daabacaada 1aad ee 10ka Diseembar 2017

Upload: others

Post on 03-Jan-2021

3 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

1

XAFIISKA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND

QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA

Taxanaha 2aadBarnaamijka Daabicidda Buugaagta Xafiiska Xuquuqda Aadanaha

Daabacaada 1aad ee 10ka Diseembar 2017

Page 2: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada
Page 3: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

1

Mahadnaq 2

ARAR 3

1. Hordhac 5

2. Ujeeddooyinka QAAB-HAWLEEDKAMaaraynta Khilaafka 5

3. Qeexidda iyo Marxaladaha Khilaafaadka 6

4. Dowrarka Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha uu ku

leeyahay Waqtiga Colaadaha ka dib. 8

5. Xog-ururinta Wadciga Khilaafka 8

6. Fahmidda Khilaafaadka iyo Saameeynteeda Xuquuqda Aadanaha. 9

7. Noocyada Khilaafaadka ee Jira iyo Sida Xafiisku uga Hawl-gelayo 10

8. Xirfadaha iyo Waxyaabaha kale ee Looga Baahan yahay Difaacaha

Xuquuqda Aadanaha 11

9. Falanqaynta iyo Warbixinta Khilaafaadka 11

10. Gabagabaynta iyo Talo-bixinta Qaabshaqeedka Maaraynta

Khilaafaadka 13

TIXRAACYO 14

TUSMO

Page 4: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

2

Mahadnaq

Waxaa mahad iska leh Allaah. Waxaa mutaystay mahadnaq Gudoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, mudane Maxamed Yuusuf Cali oo feker iyo waqti badan geliyey dib u eegista iyo sixidda buuggan.

Waxaan kaloo u mahad celinayaa Axmed Suleyman oo ah wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee fadhigiisu yahay Garowe oo farsamo ahaan iyo tixraacyada dukumentiga si weyn gacan uga geystay tayaynta buug-gacmeedkan.

Waxaan kaloo u mahadcelinayaa hay’adda Diakonia Sweden oo maalgelisay mashruucan iyo Marwo Sagal Xirsi oo ah maamulaha mashruucan oo fududeysay xagga maamulka mudadii lagu jiray macluumaad ururinta iyo qorista buugga.

Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa shaqaalaha xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland kaalinta ay ka qaateen macluumaad ururinta iyo xog-wadaagga.

Maxamed Maxamuud Axmed

Diyaariha Buug Gacmeedka QAAB-HAWLEEDKAu Maaraynta Khilaafaadka(Conflict Management Framework)

Garowe, 10ka Diseembar 2017

Page 5: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

32

ARAR

Buug-gacmeedkan waxaa lagu soo saaray iskaashi Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha- Puntland oo shaqaaleeyey xeel-dheere xuquuqda aadanaha iyo Hay’adda Diakonia oo maalgelisay Mashruuca.

Buug-gacmeedkan waxaa loogu talagalay in shaqaalaha goob-shaqo ay helaan tixraacyo ku haggaya hawlaha korjoogtaynta, baarista xadgudubyada xuquuqda aadanaha Puntland iyo qaab-shaqeedyo fududaynaya hannaanka u qareemidda xuquuqda aadanaha iyo maareeynta khilaafaadka ka dhasha ama keeni kara xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Puntland. Buuggan waxaa la waafajiyey falalka goob shaqo (field practices) ee difaacidda iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

Baahida buug-yarahan waxay ka dhalatay qiimeyn lagu sameeyey mugga awoodda (Capacity Assessment) ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Taas oo keentay in la dhiso mugga awoodda Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee xagga agabka haggayaal iyo qaab-shaqeedyo ay ku hawlgelayaan shaqaalaha goob-shaqo si loo xoojiyo waxqabadka Xafiiska, xogta la ururinayo iyo warbixinaha la soo saarayona u noqdaan kuwa tayaysan, isla markaasna waafaqi kara wadciga iyo xeerarka Puntland, Soomaaliya iyo halbeegyada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha oo ay Soomaaliya saxiixday ama ku biirtay.

Kulamo xog ururin iyo wada tashi ayaa lala yeeshay daneeyayaasha iyo bahwadaagta xuquuqda aadanaha ee Puntland muddada buug-gacmeedka xog ururintiisu socotay. Waxaa ka mid ah hay’adaha wadatashiga lala sameeyey; wakiilka xafiiska xuquuqda aadanaha ee quruumaha midoobay u fadhiya Garowe, maamulka hay’adda Diakonia ee Soomaaliya, garsoorka, booliiska, maamulada xabsiyada iyo maamulka iyo shaqaalaha hay’adda xuquuqda aadanaha.

Page 6: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

4

Waxaan ku rajaweynahay in uu buug-gacmeedkan uu noqon doono dhigaal aqooneed oo ay ka faaiideystaan dhammaan difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo inta jecel aqoonta.

Maxamed Yuusuf Cali

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Garowe, 10ka Diseembar 2017

Page 7: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

54

1. Hordhac Qaab-hawleedkan wuxuu ka caawinayaa xafiiska difaacaha

xuquuqda aadanaha Puntland iyo hay’adaha kale ee kala shaqeeya xushmeynta iyo difaacidda xuquuqda aadanaha inay yeeshaan qaabshaqeed lagu maareyn karo khilafaadka salka ku haya xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Wuxuu kaloo si kooban u soo bandhigayaa marxaladaha ay marto khilaafaadka iyo saamaynta ay ku yeelato xuquuqda aadanaha iyo muhiimada ay leedahay maaraynta khilaafaadka.

2. Ujeeddooyinka Qaab-Hawleedka Maaraynta Khilaafka Ujeeddooyinka qaab-hawleedka maaraynta is-maandhaafka

iyo khilaafaadka waa in adeegsadayaashu helaan qaab-shaqeed ay la socdaan habab iyo tabo ku saabsan barashada farsamooyinka maaraynta ismaandhaafyada, sida; wada hadalka iyo dhexdhexaadinta. Maadaama, difaacaha xuquuqda aadanaha u xilsaaran yahay ilaaalinta, u qareemidda iyo xoojinta xuquuqda aadanaha, isagoo la shaqaynaya, qaybna ka ah gaashaan-buurta xuquuqda aadanaha, wuxuu la kulmi karaa is-maandhaafyo iyo khilaafyo u baahan xirfado lagu maareeyo iyo qaabshaqeed la raaco.

Muhiimada uu leeyahay qaabhawleedkan maaraynta khilaafaadka waxaa ka mid ah;

Inuu hagaajiyo wadashaqaynta iyo isku xirka difaacayaasha xuquuqda aadanaha si loo fududeeyo ka horteggista iyo daaweynta khilaafaadka dhaliya ama dhalin kara xadgudubyo xuquuqda aadanaha.

inuu tilmaamo xirriirka ka dhexeeya maaraynta khilaafaadka iyo difaacidda xuquuqda aadanaha.

inuu muujiyo marxaladaha khilaafaadku maro iyo siyaabaha xuquuqda aadanaha u saameeyso.

Page 8: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

6

inuu si kooban u tilmaamo hawlaha, macluumaadka iyo xogta looga baahan yahay inay ku jirto falanqaynta khilaafaadka iyo warbixinada.

Qaab-hawleedkan waxaa adeegsan kara;

difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland

hay’adaha daneeya ilaalinta iyo xushmeynta xuquuqda aadanaha iyo shaqaalahooda

iyo dadweynaha

3. Qeexidda iyo Marxaladaha Khilaafaadka Is-maandhaaf ama khilaafka waa ku kala duwanaansho feker,

danta ama arrin. Maahmaah Soomaali ah ayaa waxay dhehaysaa “maan dad waa mudacyo afkood”. Maaraynta ismaandhaafka waa hannaan lagu xaddidayo dhinacyada xun ee is-maandhaafka, korna loogu qaadayo is-maandhaaf wanaagsan oo wax dhisaya. Ismaandhaafka wuxuu maraa dhawr marxaladood; marxaladda dahsoon, marxaladda muuqata, marxaladda karaar qaadashada, marxaladda ismariwaaga, marxaladda karaar-jabka, marxaladda wadahadalka iyo marxaladda nabadeynta.

Marxaladda dahsoon (latent conflict): waa marka ay jirto kala maan duwanaansho u dhexeysa dhinacyada laakiin aanu dhinacna sababin inuu la yimaado fal xaalada wax ka bedeli kara. Kala maan duwanaanshaha awoodda, dhaqaalaha, kala duwanaanshaha danaha ama qiyamka waxay qarxin karaan marxaladda dahsoon.

Marxaladda muuqata (manifest conflict): markii marxaladda dahsoon muddo huursanaanto, isla markaas ay soo muuqdaan cabashooyin iyo jahwareer, dhacdo xoog leh ayaa sababi karta qarax is-maandhaafkii dahsoonaa u bedeli kara khilaaf muuqda.

Page 9: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

76

Marxaladda karaar-qaadashada (escalation conflict): waa marka awoodda iyo itaalka loo adeegsanayo hurinta khilaafaadka ay aad u soo xoogeysato xaaladuna rabshado (violence) isu bedesho.

Marxaladda ismariwaaga (deadlock): waa marka khilaafku gaaro halka ugu saraysa ama xaaladdu gaarto meeshay waddadu ku soo xirmayso. Waxay dhinacyadu ku khasban yihiin inay garwaaqsadaan sii socoshada khilaafka in aan dhinacna guul ku heleyn. Marxaladan waxyaabaha keena inta badan waxaa ka mid ah; xeeladihii la adeegsanayey oo aan guuleysan, dhaqaalihii khilaafaadka hurinayey oo joogsada, dhinacyada oo waaya taageerada ay u baahnayeen ama kharashka ku baxaya oo aad u bata.

Marxaladda karaarjabka (de-escalation): waa marka xaaladda khilaafku hoos u dhacdo, xaajaduna noqoto mid falmaysa. Dhinacyadu waa inay garwaaqsadaan in isbedel ku yimi danaha dhinac walba ka lahaa inuu ka gaaro khilaafaadka. Waxaa hoos u dhacay dhiiladii loo hayey colaada. Dhinac walba wuxuu rabaa in khilaafka laga xaallo.

Marxaladda wadahadalka (dispute settlement): Waxaa dhammaaday karaarkii khilaafka, dhinacyadu waxay diyaar u yihiin inay ka xaalaan khilaafka. Waxaa meel laysla dhigay xalka laga qaadan lahaa khilaafka. Waxaa muuqatay in xaaladii degtay.

Marxaladda nabadaynta (peace-building): markii khilaafkii xalkiisa laysla meel dhigo, waxaa ka dhasha heshiis nabadeed oo macnihiisu yahay in khilaafkii iyo colaadii dhammaadeen. Waxaa la kala saxiixdaa qoraalo heshiis. Heshiisyada la gaaro waxa lagu fuliya marxalada nabadaynta.

Page 10: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

8

4. KaalimahaXafiiskaDifaacahaXuquuqdaAadanahauukuleeyahay Waqtiga Colaadaha ka dib.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha wuxuu dowr muhiim ah ku leeyahay xallinta khilaafaadka iyo nabadaynta si loo helo jawi lagu xaqiijin karo xushmeynta, difaacida iyo fulinta xuquuqda aadanaha ee Puntland iyadoo la raacayo qawaaniinta iyo xeerarka dawladda Puntland, Soomaaliya iyo Caalamka.

Kaalimaha xafiiska waxaa ka mid ah;

Kor u qaadida daddaalada wadahadallada dhinacyada khilaafka ka dhexeeyo si waafaqsan xallinta khilaafaadka xuquuqda aadanaha.

Xoojinta dadaalada hannaanka nabadaynta wakiilada qaybaha bulshada si bulshadu awood ugu yeelato xaqiijinta xushmeynta iyo illaalinta xuquuqda aadanaha.

Dhiirigelinta dadaal kasta oo wax looga qabanaayo waxyaabaha aasaaska u ah arrimaha xuquuqda aadanaha ee dhalin kara khilaafaad.

5. Xog-ururintaXaaladdaKhilaafka Markii khilaafku soo muuqdo, wuxuu abuuraa jahwareer, waxaa

la arkaa isku dhacyo dhinacyada ah. Welwel iyo go’aammo aan haboonayn ayaa la gaaraa. Hadaba, si wadciga loo qiimeeyo, waa in la ururiyo xog ku saabsan taariikhda khilaafka, waxyaabihii muuqdey oo dhacay iyo sida ay wax u abaabulan yihiin. Ogow khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada ku jira khilaafaadka waa ku kala duwan yihiin saameeyntooda tooska iyo natiijada uga soo baxaysa khilaafaadka, waana kuwo iska soo horjeeda. Qaybaha labaad waa kuwo aan si toos ah isaga soo horjeedin, saameeynta ay isku leeyihiin aad

Page 11: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

98

uma weyna. Sababaha iyo cawaaqibta ka soo baxda khilaafaadka marmarka qaarkood lama kala saari karo in khilaaf sababtiis ay noqoto cawaaqibka khilaaf kale. Isbarbardhiga fikradaha iyo qiyamka, danaha iyo ahdaafta oo lagu kala duwan yahay waxay sabab u noqdaan khilaaf. Xogta la ururinayo waxaa kaloo ka mid ah isbedelka ku dhacaya khilaafaadka, xilalka iyo shaqooyinka socda, xiriirada ka dhexeeya dhinacyada, shuruucda iyo xeerarka lagu xadiddayo khilaafka, qaadista khariidad ku tusinaysa jihooyinka iyo meelaha bar-tilmaameedka.

6. FahmiddaKhilaafaadkaiyoSaameeynteedaXuquuqdaAadanaha.

Rabshadaha iyo colaadaha waxay ka dhashaan khilaafaad waqtigii ku haboonayd aan lagu xallin, taas oo horseedda xadgudubyo aad u daran oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, sida; dil, kufsi, jirdil, boob iyo burburin hanti, xasuuq, barakicin iyo gabood falo kale oo aad u tira badan. Xadgudubyadaas waxaa qofka lagula kacaa, iyadoo laga soo horjeedo qofka diintiisa, jinsiga uu yahay, fikrada siyaasadeed ee uu haysto ama qabiilkiisa, iwm.

Xallinta khilaafka waa qaab wanaagsan oo lagu wajaho dejinta khilaafaadka taagan iyo ka hortagga kuwo mustaqbalka dhici kara. Su’aashu waxay tahay sidee ayey xuquuqda aadanaha ugu wanaagsan tahay xallinta khilaafaadku; illaalinta iyo difaacidda xuquuqda aadanaha waxay keentaa caddaalad. Caddaaladdu waxay horseedaa xasilooni iyo nabad ku wada noolaanshaha waqtiga dheer ee mustaqbalka ummadda. Xalka siyaasadeed ee saldhig looga dhigo xuquuqda aadanaha wuxuu gacan ka geysan karaa mustaqbal waara. Waxaa kaloo lagu ogaan karaa waxyaabaha sababa xadgudubyada iyo sida loo wajihi karo xalkeeda.

Marka la eego halbeegyada xuquuqda aadanaha waxay kaa caawini karaan inay ku siiyaan tusayaal (indicators) muujinaya markii ay dawladdu gabto (ka baaqsato ama horistaagto) inay difaacdo

Page 12: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

10

xuquuqda koox ka mid ah bulshada. Markii kooxdaasi dalbadaan xuquuqdooda, sida; caafimaadka, waxbarashada, xuquuqaha madaniga iyo kuwooda siyaasadeed, dawladduna aanay wax ka qaban, waxay ku tusaysaa khilaaf muuqda. Xuquuqda aadanaha waxay abuurtaa hab lagu xallin karo khilaafka muuqda waqtiga dhow iyo waqtiga dheerba. Waxay kaloo abuurta jawigii laysugu xirmi lahaa, iyadoo dhexdhexaad ka ah dhinacyada iska soo horjeeda.

7. NoocyadaKhilaafaadkaeeJiraiyoSidaXafiiskuugaHawl-gelayo

Khilaafaadka waxay noqon karaan kuwa salka ku haya; amni, siyaasad, arrimo bulsho, dhaqaale iyo dhaqan ama fikir. Arrimahaas wajihidoodu waxay ku xiran tahay daraasaad laga sameeyo door-jilayaasha (actors) iyo wacyiga jira (context). Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu xoogga saaraa inuu daraasaad ku sameeyo cabashooyinka ugu badan ee ka yimaada qaybaha bulshada Puntland, wuxuu abaabulaa shirar loogu qareemayo wax ka qabashada iyo ka horteggida khilaafaadka salka ku haya xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Xafiisku wuxuu awoodda saarayaa;

Tababarada, waxbarashada iyo wacyi gelinta dadweynaha; waa in bulshada iyo wakiiladooda la siiyo tababaro, kulan-hawleedyo iyo dood-wadaagyo ku saabsan ka hortegidda iyo daweynta waxyaabaha hoos u dhigaya xushmeynta, illaalinta iyo fulinta xuquuqda aadanaha, iyadoo si gaar ah loogu eegayo kuwa u nugul xadgudubyada xuquuqda aadanaha; haweenka, carruurta, dadka soo barakacay, qaxootiga, naafada, dadka la faquuqo iyo dadka laga tira-badan yahay.

Baarista Xadgudubyada; waxay sahashaa si wax looga qabto khilaafyada jira ama looga hortago arrimo dhalin kara khilaaf ama colaad.

Page 13: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

1110

Korjoogteynta arrimaha xuquuqda aadanaha; si loola socdo waxna looga qabto dhacdooyinka keeni kara dhibaatooyin ama colaad waqtiyada ay dhacayaan.

Talasiinta xukuumada Puntland; ujeeddadu waa si ay dawladdu mas’uuliyadeeda u qaadato in dadka lagu xakameeyo is-xaq-dhawrka iyo ilaalinta xuquuqdooda si loo siman yahay.

8. Xirfadaha iyo Waxyaabaha kale ee Looga Baahan yahay DifaacahaXuquuqdaAadanaha.

Waa in la adeegsado istiraatijiyado kala duwan si looga mira-dhaliyo dadaalada xallinta khilaafaadka, loona helo agabka, dhaqaalaha iyo xirfadaha looga baahan yahay difaacayaasha xuquuqda aadanaha si ay u maareeyaan khilaafaadka. Istiraatijiyadaas waxaa ka mid ah; wadahadal, dhexdhexaadin, maslaxo, dheggaysi, xog-warraysi dadweyne, baaris, kulan-hawleedyo wacyigelin ah, u qareemid, tiiraanyo bixin caddaalad ah iyo xoojinta dadaalada nabaddaynta bulshada. Haddaba, difaacayaasha xuquuqda aadanaha waa inay hanan karaan adeegsiga istiraatiyadahaas. Xirfadaha iyo agabka laga rabo difaacayaasha xuquuqda aadanaha waxaa kaloo ka mid ah:

adeegsiga qalabka iyo aaladaha wax lagu qoro/duubo,

aqoon fiicanna ka haystaan xuquuqda aadanaha,

xog iyo aqoon dheeraad ah u leh bulshada iyo bay’adda,

aqoon u leh arrimaha xasaasiga ah ee dhaqanka.

9. Falanqaynta iyo Warbixinta Khilaafaadka Falanqaynta khilaafaadka waxaa saldhig u ah in la hayo macluumaad

ceeriin (primary data) iyo kuwo la soo xigtay (secondary data), isla markaasna la soo xusho aaladihii lagu falanqayn lahaa, iyadoo loo eegayo qaabhawleedkan soo socda:-

Page 14: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

12

Ujeeddada laga leeyahay xogta maaraynta khilaafaadka.

Heerka khilaafaadka; heer bulsho, heer degmo, heer gobol, heer Puntland ama heer Federaal.

Dadka iyo hay’adaha adeegsanaya qaabshaqeedka maaraynta khilaafaadka.

Kutalagalka falanqaynta dhacdada tiro iyo tayo ahaan (Qualitative and quantitative).

Dariiiqa la adeegsanayo: xog-ururinta goobaha (site visits) iyo xog-urinta gorfaynta fadhiyada (sessions).

Waxyaabaha bud-dhigga ah: joogteynta dadaalada shabakadaha maxaliga (local network) iyo shabakad leh takhasus gaar ah (specialized network) ee falanqaynta khilaafaadka.

Haddii la sameeyo xog ururin iyo falanqayn dhab ah ee khilaafaadka dhici kara iyo meelaha ay ka dhici karaan, iyadoo la adeegsanayo shabakadaha maxaliga ah iyo shabakad leh takhasus gaar ah, waxay fududaysaa in warbixinta falanqaynta khilaafaadka ay ku jiraan xogtaan:-

Waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafku, sida; siyaasad, amni, arrima bulsho, dhaqaale.

Door-jilayaasha: danahooda, xiriirkooda, awooddooda, dannayntooda maaraynta khilaafaadka iyo waxyaabaha dhiirigelinaya.

Awoodda dhaqdhaqaaqa jira: halka wax u socdaan waqtiga dheer, in arrintu dhalin karto qarax iyo karaar qaadasho khilaaf, ogaanshaha awoodda la hayo ee lagu maarayn karo khilaafka iyo mustaqbalka sida ay xaaladdu noqon karto

Page 15: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

1312

Soo jeedinta waxyaabaha laga qabanayo maaraynta khilaafaadka: sida; tababarada, waxbarashada iyo wacyi gelinta dadweynaha, baarista Xadgudubyada, wadahadal, maslaxo ama tiiraanyo bixin, talo siinta xukuumada, iwm.

10.GabagabayntaiyoTalo-bixintaQaabshaqeedkaMaarayntaKhilaafaadka

Xuquuqda aadanaha iyo maaraynta khilaafyada waa kuwa isku xiran oo iskaabaya. Marxalado kala duwan ayuu khilaafaadku maraa, marxalad walba waxay leedahay astaamo u gaar ah, saameeyn gaar ah ayeyna ku yeelanaysaa xuquuqda aadanaha. Waxayna u baahan tahay in khilaaf walba la ogaado marxalada uu joogo goor hore, si wax looga qabto khilaafaadka keena xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Arrintaas awgeed, waa in xaaladaha khilaafaadka lagu hayo korjoogtayn iyo daraasaad joogto ah, loona sameeyo qaab-shaqeed lagu xallin karo noocyada iyo marxaladaha khilaafaadka dhalin kara ama dhaliya xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Talo-bixinta maaraynta khilaafaadka waxaa ka mid ah;

1. Fahmida wacyiga iyo xasaasiyaadka khilaafaadka siyaasadeed, dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ee jira si aan dhibaato loo soo kordhin (do no harm).

2. Wanaajinta xiriirada wada shaqayneed ee bah-wadaagta xuquuqda aadanaha heerarkooda kala duwan (building working relations among partners).

3. Kor u qaadista xirfadaha iyo aqoonta difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee arrimaha la xiriira maaraynta khilaafaadka.

4. Samaynta daraasaad joogto ah oo lagula soconayo xaaladaha khilaafaadka iyo xallintooda.

Page 16: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

14

1. Conflict management framework, Wikipedia (https://en.wikipedia.org/wiki/Conflict_management) August 2017

2. National Human Rights Institutions, Conflict Management and Peacebuilding in Africa

3. Human Rights Institutions “History, Principles, Roles and Responsibility”, professional training series No. 4(rev.1)

4. Christopher Moore. The Mediation Process: Practical Strategies for Resolving Conflict. (Jossey-Bass Publishers, 2003)

5. William Ury. The Third Side: Why We Fight and How We Can Stop. (Penguin Books, 2000)

TIXRAACYO

Page 17: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

14 15

Notes

Page 18: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

16

Notes

Page 19: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

16

Page 20: QAAB-HAWLEEDKA MAARAYNTA KHILAAFAADKA - Ophrd...khilaaf meel aan wax ka jirin kama bilaabmo. Hal khilaaf ayaa kulansan karaa ama saameeyn ku yeelan kara khilaafyo kale. Dhinacyada

18

Cabashooyinka iyo wixii war ah waxaa lagu soo aadinayaaDifaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland

Telefoon: +252907794509, +252661114444Email: [email protected]

[email protected] [email protected]

Garowe, Puntland, Soomaaliya