si aad internet-ka uga codsato booqo: tilmaamo loogu https ......qaab ama luqad kale ah, wac...

2
Waa maxay SNAP? Barnaamijka Gargaarka Nafaqada Dheeraadka ah (SNAP), oo hore loogu yaqaanay Barnaamijka Kaarka Cuntada, wuxuu taageero ka geystaa: • Dadka dakhligoodu hooseeyo in ay gataan cuntada ay u baahan yihiin si ay u noqdaan kuwo caafimaad qaba; • Caawinta dukaamada degaanka iyo xoojinta dhaqaalaha degaanka; • Dhiiri-gelinta bulsho caafimaad leh oo degan; • Fidinta gargaarada cuntada lagu helayo kaarka caadiga ah (debit card). Haddii la codsado waxaa la helayaa dukumeentiga oo ah noocyo kale oo loogu talagalay dadka naafada ah ama ku qoran luqad aan ahayn af Ingiriiska iyadoo loogu talagalay dadka aan ku hadlin luqadda af Ingiriiska. Si aad u codsato daabacaadan oo qaab ama luqad kale ah, wac 503-378-3486 ama fax u dir 503-373-7690 ama email u dir [email protected]. USDA waa kuwo bixiya fursado laga wada siman yahay dadkana shaqaaleeya. SM DHS 9213 (rev 2/2017) CUNIDA SAXDA AH MARKA AY LACAGTU YAR TAHAY Tilmaamo loogu tala galay Dadka Waaweyn ee Naafada ah BARNAAMIJKA GARGAARKA NAFAQADA DHEERAADKA AH (SNAP) Si aad internet-ka uga codsato booqo: https://apps.state.or.us/connect www.snap.oregon.gov Ama wac 2-1-1

Upload: others

Post on 26-Mar-2021

2 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Si aad internet-ka uga codsato booqo: Tilmaamo loogu https ......qaab ama luqad kale ah, wac 503-378-3486 ama fax u dir 503-373-7690 ama email u dir SNAP.policy@state.or.us. USDA waa

Waa maxay SNAP?Barnaamijka Gargaarka Nafaqada Dheeraadka ah (SNAP), oo hore loogu yaqaanay Barnaamijka Kaarka Cuntada, wuxuu taageero ka geystaa:

• Dadka dakhligoodu hooseeyo in ay gataan cuntada ay u baahan yihiin si ay u noqdaan kuwo caafimaad qaba;

• Caawinta dukaamada degaanka iyo xoojinta dhaqaalaha degaanka;

• Dhiiri-gelinta bulsho caafimaad leh oo degan;

• Fidinta gargaarada cuntada lagu helayo kaarka caadiga ah (debit card).

Haddii la codsado waxaa la helayaa dukumeentiga oo ah noocyo kale oo loogu talagalay dadka naafada ah ama ku qoran luqad aan ahayn af Ingiriiska iyadoo loogu talagalay dadka aan ku hadlin luqadda af Ingiriiska. Si aad u codsato daabacaadan oo qaab ama luqad kale ah, wac 503-378-3486 ama fax u dir 503-373-7690 ama email u dir [email protected].

USDA waa kuwo bixiya fursado laga wada siman yahay dadkana shaqaaleeya.

SM DHS 9213 (rev 2/2017)

CUNIDA SAXDA AH MARKA AY LACAGTU YAR TAHAY

Tilmaamo loogu tala galay Dadka Waaweyn ee Naafada ahBARNAAMIJKA GARGAARKA NAFAQADA DHEERAADKA AH (SNAP)

Si aad internet-ka uga codsato booqo: https://apps.state.or.us/connect

www.snap.oregon.gov Ama wac 2-1-1

Page 2: Si aad internet-ka uga codsato booqo: Tilmaamo loogu https ......qaab ama luqad kale ah, wac 503-378-3486 ama fax u dir 503-373-7690 ama email u dir SNAP.policy@state.or.us. USDA waa

WAXAA SUURAGAL AH IN AAD HESHO GARGAARO CUNTO HADDII UU DAKHLIGAAGU KA YAR YAHAY:

Tirada Guriga Dakhliga Bishii

1 $1,860

2 $2,504

3 $3,149

4 $3,793

5 $4,437

6 $5,082

Ku dar $645 qof kasta oo dheeraad ah.

Tilmaamaha dakhliga waxaa la cusboonaysiiyay sanadkii mar.

Hantida sida guri ama gaari loo xisaabin maayo dadka intooda badan.

Sideen u isticmaalaa gargaarada cuntada?Oregon, dadku waxay gargaarkooda cuntada bishii ku helaan kaarka cayrta. Waxaad u isticmaali kartaa sida kaarka bangiga ee caadiga ah oo kale marka aad joogto meesha dukaankaaga lacagta laga bixiyo. Kaarkaaga waxaa la socon doona nidaamka loo isticmaalayo.

Ma u qalmaa? Xog ku saabsan gargaarada SNAP• Waxaa suurta gal ah inaad u qalanto

haddii aad la nooshahay dad kale.

• Waad heli kartaa gargaarada cuntada xataa haddii aad qaadato gargaarada laga helo Social Security-ga ama hawl-gabnimada.

• Gargaaradaada waxaa lagu kaydin karaa kaarkaaga gargaarka cuntada ilaa mudo 12 billood ah.

• Waxaa jira gargaaro cunto oo ku filan qof walba oo u baahan.

• Qaarka mid ah dadka waaweyn (ee da’doodu tahay 60 iyo ka weyn) waxay heli karaan shatiga suuqa beeralayda (farmers’ market vouchers) wax lagaga gato.

• Helida SNAP waxay kaa dhigaysaa in aad u qalanto gargaaro kale (sida Barnaamijka Taageerada Telefoonka ee Oregon).

• Helida SNAP waxay lacagahaaga cashuurta federaalka dib ugu soo celisaa Oregon.

Sideen u codsadaa?Haddii aad leedahay naafanimo ama ay ugu yaraan da’daadu tahay 60 jir, waa in aad:

• Ka codsato xafiiska adeega bulshada ee degaankaaga.

• Codsato in gurigaaga la soo booqdo ama telefoon ahaan lagugu waraysto.

Waraysigaaga SNAP, waxaa lagaaga baahnaan doonaa in aad keento:• Aqoonsiga (sida liisanka gaariga lagu

wado);

• Lambarada Social Security-ga qofkasta oo aad u dalbayso;

• Cadaynta dakhliga;

• Cadaynta kharashyada caafimaad ee jeebkaaga aad ka bixiso.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan wac 2-1-1 ama booqo website-ka 211info.org.