sidee baan ilmahayga ugu wixii dheeri ah ka raadso qori ... · adeegga inuu ku tuso, ama kuu sheego...

2
Sidee baan ilmahayga ugu qori karaa kindhaha? Haddii aad taqaanid adeega kindhaha caruurta aad jeclaan lahayd in ilmahaagu tago, waad la xiriiri kartaa si aad ugu qorto ilmahaaga. Badiba goleyaasha waxay leeyihiin Qorshaha Ku-qoritaanka Dhexe ee Kindhaha sidaas darteed waxaad la xiriiri kartaa golaha degaankaaga si aad ugu qorto barnaamijka kindhaha ee xaafaddaada ama weydii kalkaaliyaha caafimaadka hooyada iyo ilmaha ee xaafadaada. Badiba kindhaha waxay ku qoraan carruurta sanadka-dhexe ee sannadka soo socda. Badiba kindhaha waxay leeyihiin liiska sugitaanka sidaa daraadeed waa fikrad fiican inaad ilmahaaga ku qorto sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah si aad u hesho fursada ugu fiican ee aad u heli lahayd meel aad door bidayso. Wixii dheeri ah ka raadso WEBSITE-KA Ka raadso talooyin ku saabsan helitaanka kindhaha ee ku habboon qoyskaaga: www.education.vic.gov.au/parents/child- care-kindergarten/Pages/default.aspx Ka raadi kindhaha ee xaafadaada: www.education.vic.gov.au/findaservice/ Home.aspx TALEEFANKA Waqooyi-bari Victoria 1300 333 231 Woqooyi galbeed Victoria 1300 338 691 Koonfurta bari ee Victoria 1300 338 738 Koonfur galbeed Victoria 1300 333 232 Si aad u hesho caawimaad luqaddaada ah Wac Adeega Turjumidda Qoraalka iyo Tarjumida afeed ee Qaranka 131 450 Ka codso inay wacaan lambarkaaga gobolkaaga (kor ka eeg) Waxay ku jiri doonaan wicidda taleefanka wayna tarjumayaan. CARRUURTA KINDHAHA WAXAY JECELYIHIIN INAY WAX BARTAAN

Upload: others

Post on 20-Oct-2020

1 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

  • Sidee baan ilmahayga ugu qori karaa kindhaha?

    Haddii aad taqaanid adeega kindhaha caruurta aad jeclaan lahayd in ilmahaagu tago, waad la xiriiri kartaa si aad ugu qorto ilmahaaga. Badiba goleyaasha waxay leeyihiin Qorshaha Ku-qoritaanka Dhexe ee Kindhaha sidaas darteed waxaad la xiriiri kartaa golaha degaankaaga si aad ugu qorto barnaamijka kindhaha ee xaafaddaada ama weydii kalkaaliyaha caafimaadka hooyada iyo ilmaha ee xaafadaada.

    Badiba kindhaha waxay ku qoraan carruurta sanadka-dhexe ee sannadka soo socda. Badiba kindhaha waxay leeyihiin liiska sugitaanka sidaa daraadeed waa fikrad fiican inaad ilmahaaga ku qorto sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah si aad u hesho fursada ugu fiican ee aad u heli lahayd meel aad door bidayso.

    Wixii dheeri ah ka raadso

    WEBSITE-KA

    Ka raadso talooyin ku saabsan helitaanka kindhaha ee ku habboon qoyskaaga: www.education.vic.gov.au/parents/child- care-kindergarten/Pages/default.aspx

    Ka raadi kindhaha ee xaafadaada: www.education.vic.gov.au/findaservice/ Home.aspx

    TALEEFANKA

    Waqooyi-bari Victoria 1300 333 231 Woqooyi galbeed Victoria 1300 338 691 Koonfurta bari ee Victoria 1300 338 738 Koonfur galbeed Victoria 1300 333 232

    Si aad u hesho caawimaad luqaddaada ah

    • Wac Adeega Turjumidda Qoraalka iyo Tarjumida afeed ee Qaranka 131 450

    • Ka codso inay wacaan lambarkaaga gobolkaaga (kor ka eeg)

    • Waxay ku jiri doonaan wicidda taleefanka wayna tarjumayaan.

    CARRUURTA KINDHAHA WAXAY JECELYIHIIN INAY WAX BARTAAN

  • Waa maxay Kindhaha?

    Kindhaha waa barnaamij waxbarasho oo loogu talagalay carruurta ka hor intaysan bilaabin dugsiga. Barnaamijyada kindhaha waxaa lagu baraa bareyaasha shahaado leh. Kindhaha marku joogo ilmahaagu wuxuu horumarin doonaa xirfado muhiim ah si ay uga caawiso isku diyaarinta dugsiga.

    Maxuu barnaamijka Kindhaha muhiim ugu yahay ilmahayga?

    Carruurta tagta kindhaha waxay yeeshaan xirfado aasaas u ah waxbarashada mustaqbalka, sida akhrinta, barashada xisaabinta iyo aqoonsashada lambarada iyo sida loo xalliyo masalooyinka. Ilmahaagu wuxuu wax ku baran doonaa ciyaarta, taas oo cilmi-baaristu muujineyso inay tahay habka ugu wanaagsan oo wax lagu baro carruurta yaryar.

    Kindhaha marku joogo ilmahaagu wuxuu yeelan doonaa saaxiibo cusub wuxuuna dhisayaa isku-kalsooni iyo madaxbannaani.

    Yaa bixiya barnaamijyada Kindhaha?Barnaamijyada kindhaha waxaa laga heli karaa xaruumaha daryeelka maalmeed ee dheer intooda badan iyo sidoo kale adeegyada kindhaha standalone-ka ah.

    Sidee baan ugu doori karaa ilmahayga kindhaha ugu fiican?Way fiicantahay in la hubiyo haddii adeeggu uu bixiyo kindhaha ay dawladdu maalgeliso – eeg shahaadada ‘Funded Kindergarten’ oo lagu soo bandhigay adeegga.

    Dawladu waxay qiimaysaa tayada dhammaan kindhaha caruurta iyo adeegyada daryeelka maalmeed ee dheer ayadoo la raacayo nidaamka lagu magacaabo Qaab-dhismeedka Tayada Qaranka waxayna siineysaa adeeg kasta darajada tayada. Dhamaan adeegyadu waa inay muujiyaan darajadooda. Waad weydiisan kartaa adeegga inuu ku tuso, ama kuu sheego darajada ay heleen.

    Sida ugu fiican ee lagu hubsan karo in adeeggu uu ku habboon yahay qoyskaaga waa inuu la booqdo adeegga daryeelka maalmeed ee dheer ama kindhaha, u fiirso oo la hadal bareyaasha si aad u fahamto waxa uu barnaamijka kindhaha uu siin karo ilmahaaga.

    Ka waran haddii ilmahaygu uusan weli ku hadli karin Ingiriisiga?Bareyaasha kindhaha waxay ku daraan dhammaan carruurta barnaamijka, sidaas darteed carruurta aan ku hadlin Ingiriiska waxay heli doonaan fursado la mid ah si ay u ciyaaraan ama wax u bartaan sida kuwa kale. Qaar ka mid ah kindhaha qaarkood ayaa sidoo kale leh barayaal laba luqoodle ah kuwaas oo bixin kara caawinaad dheeri ah oo loogu talagalay.

    Waa imisa qiimaha kindhaha?Dawladdu waxay siisaa maalgelin dhammaan caruurtu inay dhigtaan 15 saacadood oo kindhaha ah toddobaadkii sannadka dugsiga ka horreeya. Adeegyada intooda badani waxay ka qaadaan khidmadda marka lagu daro maalgelinta dawladda.

    Qoysaska qaarkood ayaa laga yaabaa inay helaan kabitaan si ay uga caawiso kharashka dheeraadka ah, tusaale ahaan qoysaska haysta kaararka daryeelka caafimaadka ama fiisooyinka bani’aadamnimada. Kala hadal adeega kindhaha caruurta wixii macluumaad dheeraad ah.