xeerka ciqaabta · codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka...

179
1 XEERKA CIQAABTA

Upload: others

Post on 21-Jan-2020

10 views

Category:

Documents


2 download

TRANSCRIPT

Page 1: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

1

XEERKA CIQAABTA

Page 2: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

2

ARAAR

Waxaa sharaf wayn ii ah in aan xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo

ilaa haddana lagu dhaqmo, isagoo ka mid ah xeerarka Dalka.

Dhinaca kale, xeer ciqaabeed, waa xeerka jideeya falkasta oo Dembi

noqon kara iyo waxa lagu ciqaabayo qofka fal sharcigu Dembi u

aqoonsan yahay uu ku caddaado, taasoo ay waajib tahay in

muwaadinka ama qofkasta oo lagu dabaqayo xeerkan uu ku

baraarugsanaado, ogaado, aqoona u lahaado, isla markaana si fudud

u heli karo, una fahmi karo xeerka ciqaabta si uu uga digtoonaado

in uu ku dhaco fal Dembiyeed quusanunku ciqaab u dejiyay, balse

waxaa nasiib daro wayn ah in muddadii xeerkan ka dhaqangalay

Somalia kuna dhaqmaysay in aan marnaba dadka lagu dhaqayay aan

afkooda hooyo loogu soo bandhigin ee xeerkani ku qoraa afaf

shisheeye oo aanay dadka intiisa badani fahmayn aqoona u lahayn,

xataa hawl wadeenada Cadaalada iyo sharci fulinta ee ay ahayd in

ay dabaqaan intooda badan ku adkaanayso fahamkiisa iyo in ay si

haboon u dabaqaan, taasoo aad ka arki karto in iyadoo xeerka

ciqaabtu ka kooban yahay 565 qodob oo Dembiyada ku xusana yihiin.

Haddaba, markaan arkay dhibaatooyinka badan ee maalin walba lagala

kulmo dabaqaada xeerkan oo ay sababaha ugu wayn ka mid tahay

turjumaad la’aantiisa waxaan goostay in aan hawshan baaxada leh u

badheedho, waxaan ku dedaalay in aan inta aan kari karo ku tarjumo

luqad quununeed oo la fahmayo iyadoo aan ka duulayo macnaha

qodobka in uusan lumin ama is bedel ku iman, iyadoo ay yar tahay

eray bixinta quununeed ee afka Soomaaliga, taas oo aan caqabado

badan kala kulmay xagga eray bixinta quununka ee afka soomaaliga

oo aan eray bixin quununeed oo suggan oo laysku raacsan yahay loo

samayn.

Quununku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ay daruuriga tahay in

bulshada loogu bandhigo afkooda, oo ay waajib tahay in qofkastaa

fahmo, si uu u garan karo, waajibkiisa iyo xaqiisa; waxaan odhan

karaa ceeb iyo weji gabax ayay ku tahay aqoonyahanka guud ahaan

Page 3: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

3

iyo gaar ahaan aqoonyahanka quununka in muddo afartan sanno ka

badan lagu dabaqayay ama lagu xukumayay bulshadeena quunun aysan

aqoon oo aan marna afkooda loogu bandhigin

Inkastoo, garyaqaano badan loo bandhigay oo ay dib u sixid iyo dib

u eegis ku sameeyeen, haddana lama dhihi karo ceebo ama khaladaad

waa ka fayaw yahay, waxaase u furan aqoonyahan kasta oo qaanuuneed

ama qofkasta oo kale oo ay u muuqato dhaliilo ama ceebo ay

tarjumaadani leedahay ama wax aan sax ahayn in uu talooyinkiisa ku

biiriyo, iyadoo qoraalkani yahay daabacaadii ugu hoaraysay oo ay

khasab tahay in marar kale dib loogu noqdo, wixii ka soo baxa iyo

talo kasta oo la qaadan karona lagu biiriyo

Waxaan kaloo filayaa in tarjumaadani wax wayn ka tari doonto

iftiiminta, fahamka iyo dabaqaada Xeerkan ciqaabta oo si wayn u

saameeya cadaalada iyo garsoor xaqsoor ku dhisan, iyadoo haddiiba

ay tarjumaadan ka soo baxaan wax ka hor imanay ama aan la socon

Karin xeerka ciqaabta ee ku qoran afka Talyaaniga, loo noqonayo

kan asalka ah ee laga tarjumay oo ah ka ku qoran afka Talyaaniga,

iyadoo dhammaan kuwa ku qoran afafka Ingiriisiga iyo Carabiga ay

tarjumaad yihiin.

Ugu danbayn waxaan u mahad naqayaa garyaaqanadii ka qayb qaatay

dib u eegistiisa iyo dib u sixidiisa, waxaan kaloo u mahad naqayaa

cid kasta oo kale oo wax igu biirisay ama gacan ka gaysatay soo

saarista buuggan Xeerka Ciqaabta Guud ee Soomaaliga ah.

HORDHAC

Page 4: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

4

Xeerkan cusub ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, ee lagu ansixiyay Xeer baarlamaan Lr.5, ee 16kii Diisember 1962, wuxuuna dhaqangalay 3dii Abriil 1964, waa maxsuulkii deraasad taxadir leh. Garsoorka Maxakamadaha Soomaalidu, waxay diyaariyeen qoraal gacmeedkii ugu horeeyay ee dib u habaynta xeerka ciqaabta, sanadkii 1957, kaasoo ku salaysnaa xeerkii dhaqan galka ka ahaa koonfurtii Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray oo lagu sameeyay fududayn badan oo la xiriira dhaqanka Soomaalida iyo caadooyinka gudaha, isla markaana la siiyay nidaam cusub oo saamaynaysa Dembiga iyo ciqaabtaba. Laakiin curintaas lama sii dabagelin, iyadoo ay ka hor yimaadeen carqalado badan oo u badan arrimo siyaasadeed. Waxay ahayd uun wax yar ka dib madaxbaanidii Soomaaliya iyo is raacii laba qaybood Koonfurtii Talyaanigu gumaysan jiray iyo Maxmiyadii Ingiriiska ee Woqooyiga, ee Dastuurka ku midoobay, in isku dayadii iyo midayntii tamar lagu dhaqaajiyo hawlihii sharci dejineed, waa la dedejiyay intii u dhexaysay dhamaadkii 1961 iyo bilawgii 1962, dedejintaas oo uusan hadafkeeda keliya ahayn in si buuxda loo dhaqan geliyo ma’baadiida dastuurka, balse ay ku jirtay in la mideeyo labadii nidaam qaanuuneed ee lagaga kala dhaqmayay Woqooyiga iyo Koonfurta oo si ku meel gaara loogu daayay ku sii shaqaynta labadooda nidaam qaanuuneed sida uu jideeyay “Axdigii midawga” ee 31 jenaayo 1961, iyadoo dhaqan galkoodu ku xadidnaa dhulalka ay khuseeyeen. Si taas salka ku haysa waxaa la ansixiyay Xeer lr. 5, 30kii Jenaayo 1962, kaas oo loogu igmaday Xukuumada xeerka ciqaabta, xeerka habka ciqaabta iyo xeerka nidaamka garsoorka; iyadoo xeerka la raacayo waxaa la saaray guddi gaara oo aqoonyahano sharci oo soo diyaariya, iyadoo ay ansixinayeen guddi xeer dejineed oo uu Gudoominayay Wasiirka Cadaalada, kana kooban xubno baarlamaan iyo khabiiro, kuna jiraan dhammaan xubnihii guddiga gaarka ahaa ee garyaaqanada, kuwaas oo go’aankooda ay dawladu ku khasbanayd. Guddiga garyaqaanada ah waxaa lagu sharfay in uu gudoomiyo “Renato Angeloti”, oo ahaa Barre Jaamacadeed oo khabiir ku ah quusanunka ciqaabta, buuggaag badana ka qoray, waxayna diyaariyeen qoraal Talyaani

Page 5: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

5

iyo Ingiriisi ah oo ah Buuga I “Dembiyada guud ahaan”, Buugga II “Dembiyada gaar ahaan” iyo Buugga III “Gefafka ama Khilaafaadka gaar ahaan”. Xeerkani wuxuu ahaa mid salka ku haya Dastuurkii waqtigaa ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, dhaqanka ummadda Soomaaliyeed iyo weliba Diinta Islaamka; sidaas ayuuna xeerkii cusbaa ee Ciqaabtu ku dhaqan galay; kaas oo markii ugu horaysay ku soo baxay afka Talyaaniga, balse waqtiyo danbe loo tarjumay afafka Ingiriisiga iyo Carabiga, laakiin marna layskuma hawlin in afka hooyo loo tarjumo.

Page 6: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

6

XEERKA CIQAABTA

BUUGGA I

DEMBIYAD GUUD AHAAN

QAYBTA I

XEERKA CIQAABTA

Qodobka 1

Dembi iyo ciqaab waa in ay sharcigu si cad u dhigaa

Qofna laguma ciqaabi karo fal aan sharcigu si cad Dembi uga dhigin, lagumana ciqaabi karo

ciqaab aan si cad sharcigu u dhigin.

Qodobka 2

Wakhtiga uu dhaqan gelayo xeer ciqaabtu

1- Qofna laguma ciqaabi karo fal uusan sharciga dhaqan galka ahaa Dembi u aqoonsanayn

waqtigii falkaa la galay.

2- Qofna laguma ciqaabi karo fal sharciga danbe ee dhaqan galka noqday uusan Dembi u

aqoonsanayn, haddii horteed lagu caddeeyay, ama lagu xukumay, fulinta iyo

natiijooyinka ciqaabeed ee xukunkaa iyo ciqaabta waa la tirtirayaa.

3- Haddii sharcigu dhaqan galka ahaa wakhtigii Dembigaa la galay iyo sharcigan dambe is

khilaafsan yihiin, labada kan u danta ah eedaysanaha ayaa la dabaqayaa, haddii xukunka

iyo ciqaabtu aanay kama danbays noqon.

4- Xaaladaha gaarka ah ama xeerarka ku meel gaadhka ah, tilmaamaha labada farqadood ee

hore lama dabaqayo.

Page 7: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

7

Qodobka 3

Dadka lagu dabaqyo Xeer Ciqaabta

1. Haddii aan sharciga Qaranku ama kan Caalamiga ahi si ka duwan u sheegin xeerka

ciqaabta waxaa lagu dabaqayaa dhammaan muwaadiniinta iyo ajnebiga ku sugan dhulka

qaranka.

2. Xeerka ciqaabta waxaa kaloo lagu dhaqayaa muwaadiniinta iyo ajinebiga dalka dibediisa

ku sugan, waqti xadidan oo sharcigan ama xeerka Caalamiga ah ku dejiyay.

Qodobka 4

Muwaadinka Soomaaliyeed - Gayiga qaranka

1. Ujeedooyinka Xeerka Ciqaabta muwaadinka Soomaaliyeed waxa ka mid ah dadka ka

soo jeeda isirka ama jinsiyada doorasha ee goobo ka mid ah Dalka qaranka iyo dadka dal

laawayaasha ah ee degan Dalka qaranka.

2. Ujeedada xeerkan ciqaabta, Dalka qaranka waxaa ka mid ah carrada Jamhuuriyada iyo

goob kasta oo hoos timaadda awooda xukunka Qaranka. Maraabiibta qaranka,

dayuuradaha waxa loo aqoonsanayaa goobo ka mid ah Dalka qaranka meel kasta oo ay

joogaan, marka laga reebo kuwa xeerka Caalamiga ahi uu hoos geeyay sharci dibadeed.

Qodobka 5

Aqoon darada Xeerka Ciqaabta Qofna cudur daar kama dhigan karo aqoon darada xeerka ciqaabta.

Qodobka 6

Dembiyada lagu galo Dalka Qaranka

1. Qofkasta oo fal Dembiyeed ku gala dhulka Qaranka gudihiisa waxa lagu ciqaabayaa si

waafaqsan xeerkan ciqaabta.

2. Waxa loo qaadanayaa in fal Dembiyeedka lagu galay Dalka Qaranka gudihiisa marka

falka ama fal la’aanta Dembiga dhisayaa dhamaantiis ama qaybtiisu ay ka dhacdo ama

natiijada falka ama fal la’aanta Dembigu ay halkaa ka dhacdo.

Page 8: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

8

Qodobka 7

Dembiyada lagu galo dibada ee la ciqaabayo ka reebis la‟aan

Qof kasta oo ku gala Dembiyadan soo socda dal dibadeed waxa lagu ciqaabayaa si waafaqsan

Xeerkan ciqaabta:

a) Dembiyada lidka ku ah Shakhsigada Qaranka.

b) Dembiyada been abuurka calaamada qaranka ama isticmaalka calaamada qaranka oo

been abuura.

c) Dembiyada been abuurista lacagta qaranka ee sida sharciga ah loogu macaamilo dhulka

qaranka dhexdiisa.

d) Dembiyada ay galaan saraakiisha guud, iyagoo haya xilka qaranka oo ku takri falaya

awooda ama ku xadgudbaya xilkooda.

e) Dembi kasta oo kale oo xeerka ciqaabta ama Axdiyo Caalami ahi ka dhigay in lagu

dhaqo xeerka.

Qodobka 8

Dembiyada lagu galo dibeda ee xaalado gaara lagu ciqaabayo

1. Qof kasta oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobka 7aad, ku gala dhul dibadeed

Dembi ku lid ah qaranka ama lid ku ah muwaadin qaran, waxaa lagu ciqaabayaa xeerkan

ciqaabta marka ay jirto:

(a) In falka ama fal la’aanta uu Dembi u aqoonsan yahay xataa sharciga dalka lagu

galay.

(b) Dhibanuhu cabashadiisa gudbiyay, haddii uusan Dembiga qaranka oo kaliya uusan

ku

dhibanayn.

(c) Dembi falaha laga helay Dalka qaranka markii cabashada uu gudbinayay dhibanuhu

ama markii dacwada ciqaabta la dhaqaajinayay.

2. Qofkasta marka laga reebo xaaldaha ku xusan qodobka 7aad, ku gala Dembi aan siyaasi

ahaan dhul dibadeed, isagoo ku xadgudbaya dal shisheeye ama ajinebi, waxaa lagu

ciqaabayaa xeerkan ciqaabta marka:

(a) Falka ama fal la’aan Dembi looga aqoonsan yahay sharciga dalkaa Dembiga lagu

galay.

(b) Dhibanuhu cabasho sameeyay.

(c) Dembi falaha laga helay Dalka qaranka markii cabashada uu gudbinayay dhibanuhu

(d) Mastaafurinta aan la bixin ama aanay ogolaan Xukuumada dawlada Dembiga lagu

galay ama uu Dembi faluhu ka mid ka yahay.

(e) Dhaqaajinta dacwada ciqaabta ah uu amray Wasiirka cadaaladu.

3. Ujeedada xeerkan Dembi siyaasadeed waxa looga jeedaa Dembi kasta oo leh ujeedo

siyaasadeed qayb ahaan ama dhammaantiis.

Page 9: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

9

Qodobka 9

Xaaladaha aan la socod siin Karin dacwad ciqaabeed

Marka laga reebo xaaladaha ku qeexan Qodobka 7, dacwad ciqaab ah oo Dembi dibeda lagu

galay laguma socodsiin karo qof isla Dembigaa dibeda lagaga waayay si kama danbays ah ama

dibeda lagaga xukumay oo dhamaystay ciqaabtii xukunkaa ku qeexnayd.

Qodobka 10

Aqoonsiga xukun Dembi ciqaabeed oo dibadeed

1. Xukun ciqaabeed oo dibadeed lagu dhawaaqay Dembi la galay waxaa la

aqoonsan karaa:

(a) In ay ku dhisan tahay Dembi falaha oo caadayste ah ama ay ku dhisan

tahay natiijo kale oo xukun ciqaabeed ama loogu dhawaaqay in Dembi

faluhu yahay la qabsade ama shaqo ka dhigte Dembi.

(b) Marka xukunku ku saabsan yahay ciqaabaha kaabayaasha ah marka loo

eego xeerkan ciqaabta.

(c) Marka sida waafaqsan xeerka ciqaabta qofka la xukumay ama la sii

daayay uu masuul ka noqonayo tallaabooyin ammaan, haddii qofkaasi

uu ku sugan yahay Dalka qaranka.

(d) Halka xukunka dibadeed uu amray soo celin ama magdhaw khasaare

ama halka laga qadimay dacwad Dalka qaranka ujeedo ah helitaanka

soo celin ama magdhaw khasaare ama ujeedo kasta oo kale oo dabeecad

madani leh.

2. Xukunka dibadeed ee la aqoonsanayo waa in uu ka soo baxaa maamul garsoor oo

qaran shisheeye oo heshiis isu mastaafurin dhaqan gal ka yahay.

3. Haddii heshiiskaasi uusan dhaqan gal ahayn, xukunka shisheeye weli waa la

aqoonsan karaa haddii Wasiirka Garsoorku codsado. Codsigaasi lama huraan

maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad.

Qodobka 11

Mastaafurin

1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha iyo dariiqada sharcigu dhigayo ama looga

baahan yahay Axdiyada Caalamiga ah.

2. Gacan u gelin lama bixin karo haddii falku auusan Dembi ka ahayn xeerkan ciqaabta.

Page 10: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

10

3. Qofna laguma kelifi karo mastaafurin ama gacan ka gelin sabab Dembiyo siyaasadeed.

Qodobka 12

Xisaabinta iyo dhicista muddada

1. Marka xeerka ciqaabtu uu samaynayo raadayn ku xidhan dhicitaanka waqtiga, waxaa

lagu xisaabinayaa tuse taariikheedka caadiga ah.

2. Maalinta bilawga laguma darayo xisaabinta waqtiga.

Qodobka 13

Arrimaha lagu maamulayo in ka badan hal Xeer ciqaabeed ama in ka badan hal qodob qaanuuneed

Marka arrinta lagu maamulayo hal xeer ciqaabeed in ka badan ama in ka badan hal qodob

qaanuuneed oo isla xeerkaas ah, xeerka gaarka ah ama qodob gaarka ah ayaa mudnaanta ka

yeelanaya xeerka guud ama qodobka guud, haddaan si ka duwan loo sheegin.

Qodobka 14

Xeer ciqaabeedka gaarka ah Qodobada xeerkan waxa lagu dabaqayaa arrimaha hoos yimaada xeerarka kale ee ciqaabta

haddii kan dambe uusan wax taas ka duwan sheegin.

Page 11: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

11

QAYBTA 2AAD

DEMBIYADA

CUTUB I

DEMBIYADA LA GALO IYO DEMBIYADA LA ISKU DAYO

Qodobka 15

Dembiyada: Kala saarista Dembi iyo gefaf Guud ahaan xadgudubyada Dembi waxaa loo qaybiyaa Dembi iyo gef oo ku xidhan

noocyada kala geddisan ee dabeecada ciqaabeed ee uu u qeexayo xeerkan.

Qodobka 16

Dembiyada la galo

Haddii uusan xeerkan ciqaabtu si ka duwan u sheegayn Dembi waxaa loo aqoonsanayaa in la

galay marka falka ama fal la’aanta ka timi dhinaca Dembi falaha ay ka timaado natiijo wax

yeelo ama khatar ah oo ku xusan xeerkan.

Qodobka 17

Dembiyada la isku dayo Waxa loo aqoonsan karaa, in Dembi la isku deyay, marka falka ama fal la’aanta ka timi

dhinaca Dembi falaha ay iyadoo u dhiganta in natiijadu ka timaado aanay dhamaystirmin

ama aanay sababin natiijada.

Qodobka 18

Ka hortaga iyo falka ka toobad keenista ama ka hawl galka toobad keenista

1. Marka Dembi faluhu uu si ikhtiyaar ah uga hortago falka laguma ciqaabayo falkii

intuusan ka hotaga samayn, haddii aan falkaasi kelidii dhisayn Dembi ciqaabeed.

Page 12: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

12

2. Haddii Dembi faluhu markuu dhamaystiro falkiisa uu si ikhtiyaar ah uga hortago

natiijada, wuxuu masuul ka noqonayaa ciqaabta isku dayga Dembigaas oo hoos loo

dhigay sadex dalool hal ilaa kala badh.

Qodobka 19

Isku day falid Dembi aan suuragal ahayn

1. Isku day laguma ciqaabi karo marka ay jirto ku haboon la’aan ama jiritaan la’aan shayga

ah oo ay natiijadu aanay ahayn mid suuragal ah.

2. Marka falku ka kooban yahay tiirar Dembi kale dhisaya ciqaabta ku qeexan Dembiga la

galay ayaa la dabaqayaa.

3. Xaaladaha lagu xusay farqadda koowaad, Garsooruhu wuxuu amri karaa in eedaysanaha

la sii daayay, oo uu hoos yimaado tallaabooyin ammaan.

CUTUB II

TIIRARKA DEMBI DHISA

Qormada I: Tiirarka maadiga ah ee Dembiga

Qodobka 20

Falka iyo natiijada iyo sababta xiriirisa

1. Qofna lagu ciqaabimaayo fal ama fal la’aan uu sharcigu Dembi u arko, haddii natiijada

waxyeelada leh ama khatarta ah ee jiritaanka Dembigu ku xidhan yahay aanay ahayn

natiijada falkiisa ama fal la’aantiisa.

2. Marka uu jiro waajibaad sharci oo in laga hortago natiijada ah, ka hortagis la’aantu

waxay la mid tahay sababteeda.

Qodobka 21

Kulanka sababaha

1. Mar wada dhicitaanka sababo hore u jiray ama mar wada dhacay ama dusha ka yimi,

xataa haddii ay ka madaxbanaan yihiin falka ama fal la’aanta Dembi falaha, ma

reebayaan isku xidhnaanta falka fal la’aanta iyo natiijada.

Page 13: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

13

2. Sababaha dusha ka yimi waxay reebayaan oo keliya sababta isku xidhnaanta markay

sababahaasi keligood ku filan yihiin in ay xaqiijiyaan natiijada. Si kasta ha ahaatee

haddii falka ama fal la’aanta hore ee la sameeyay ay iyaga laftoodu dhisayaan Dembiga,

ciqaabta Dembigaa u dhigan ayaa la dabaqayaa.

3. Faqrada hore waxaa la dabaqayaa oo kale halka sababaha hore u jiray ama kuwa kulmay

ama kuwa dusha ka yimi ay ka kooban yihiin falal sharci daro ah oo qof kale.

Qodobka 22

Dembiyada lagu ciqaab muto jiritaan xaaladeed

Marka sharcigu u baahan yahay jiritaanka xaaladeed si falkaa ciqaab loogu muto, Dembi faluhu

wuxuu masuul ka noqonayaa Dembigaa xataa haddii uusan natiijada lama huraanka u ah

shardiga lagu ciqaab mudanayo uusan isagu doonin.

Qodobka 23

Tiirarka Dembiga ee nafsiga ah (psychological)

1. Qofna laguma ciqaabayo fal ama fal la’aan uu sharcigu Dembi u aqoonsan yahay, haddii

uusan ku samayn ogaansho iyo rabitaan.

2. Qofna laguma ciqaabayo fal ama fal la’aan uu sharcigu Dembi u aqoonsan yahay, haddii

uusan u samayn kas ama ujeedo Dembi, marka laga reebo xaaladaha Dembiyada lagu

galo kas dhaaf ama kuwa lagu galo kama’a ee sharcigan si cad ugu xusan.

3. Waxyaabaha ku saabsan gefafka, qofku wuxuu ka jawaabayaa falkiisa ama fal la’aantiisa

uu ku sameeyay ogaanshaha iyo rabitaanka ha ku sameeyo qasdi (kas) ama kama’a.

Qodobka 24

Dembiyada lagu galo kas, kas dhaaf ama kama‟a

1. Dembi:

(a) Waa kas marka natiijada waxyeelada leh ama khatarta ah ee ka timi falka ama

fal la’aanta uusan sii arki karayn oo uusan sii doonin Dembi faluhu in falkiisa ka

timaado natiijadaasi, sharcigu jiritaanka Dembiga ku xirayo dhacdadaas.

(b) Waa kas dhaaf marka natiijada waxyeelada leh ama khatarta ah ee ka timi falka

ama fal la’aanta ay ka culus tahay ta uu doonayay Dembi faluhu.

(c) Waa kama’a marka natiijada, xataa haddii hore loo sii arkayay uusan doonayn

Dembi faluhu ee ay ku timi taxadir daro, dhayalsi, xirfad la’aan ama ilaalin la’aan

sharci, xeer, amar ama tilmaamo.

Page 14: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

14

2. Faraqa u dhexeeya Dembiga lagu galo kaska iyo kama’a ee ku dhigan qodobka, waxaa

kaloo lagu dabaqayaa gefafka marka sharcigu natiijada Dembi ku xiray kala soocidaas.

Qodobka 25

Falalka si khalad ah loogu qaato dembi

Qofkasta oo gala fal aan Dembi dhisayn, iyadoo si khaldan loogu arko in uu fal Dembi yahay

lagu ciqaab mudan maayo.

Qodobka 26

Shilka awooda qofka ka baxsan ama lama filaan awoda ka baxsan Qof kasta oo fal ku gala si shil ah oo awoodiisa ka baxsan ama lama filaan ah oo awoodiisa ka

baxsan ciqaab ma mudanayo.

Qodobka 27

Khasbid jireed

1. Qof kasta oo gala fal uu ku qasbay qof kale in uu sidaa sameeyo, iyadoo loo adeegsaday

xoog jireed oo uusan caabbiyi karin, si kalena uusan uga baxsan Karin ciqaab mudan

maayo.

2. Qofka khasabka sameeyay wuxuu masuul ka noqonayaa falka uu sameeyay qofka la

khasbay.

Qodobka 28

Khaladka dhacdada

1. Dembi ma noqonayso fal uu qof sameeyay sababtoo ah isagoo ku khaldamay xaqiiqda

ama dhacdada sida falku Dembi ugu dhisan yahay. Si kasta ha ahaatee marka khaladka

lagu galo kama’a, falkuna uu dhisayo Dembi kama’a ah, ciqaabta ma reebayso.

2. Qaladka xaqiiqada ee keenaya fal dembi gaar ah, ma reebayo masuuliyad ciqaabeed,

marka falku keeno Dembi nooc kale ah.

3. Qaladka sharciga ee aan ahayn kan Xeerka Ciqaabta wuxuu reebayaa masuuliyada

ciqaabta, marka qaladka sharciga uu ka yimaado qalad xaqiiqo oo in falku Dembi ku

dhisan yhay.

Page 15: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

15

Qodobka 29

Khalad uu sababay khiyaamo qof kale Tilmaamaha qodobka hore waxaa kaloo lagu dabaqayaa qaladka xaqiiqda in falku Dembi ku

dhisan yahay ee ay sababto khiyaamo qof kale geliyay; xaaladan, si kasta ha ahaatee, qofka

qaladkaa geliyay ee ku khiyaameeyay kan falka sameeyay isagaa ka msuul noqonaya.

Qodobka 30

Dhaawaca qof gaara aan ahayn kii loola jeeday

1. Qof kasta, oo sabab qalad sida uu falkiisa u samaynayo ama sabab kale dhaawac ku

sababa qof kale oo aan ahayn kii loola jeeday dhaawca, Dembi faluhu wuxuu masuul ka

noqonayaa sidii qofkii uu falka ula jeeday oo kale oo uu doonayay inuu dhaawaco iyada

oo aan lagu xadgudbin tilmaamaha Qodobka 43aad ee ku saabsan xaaladaha cuslaynta

iyo khafiifinta Dembiga.

2. Halka Dembi faluhu qofkii uu dhaawaca la doonayay iyo mid kale oo uusan u jeedin uu

wada dhaawaco, wuxuu masuul ka noqonayaa ciqaabta Dembigaa u dhigan, marka loo

eego Dembi aad uga culus oo la kordhiyay ilaa kala badh.

.

Qodobka 31

Natiijo ka duwan tii uu doonayay Dembi faluhu

1. Marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobada hore, marka sabab qalad oo qaabka

Dembiga loo samaynayo ama sabab kale uu qofka falkiisu sababo natiijo ka duwan tii uu

doonayay, Dembi faluhu wuxuu ka jawaabayaa natiijada uusan doonin, marka uu falku

dhalinayo Dembi kama’a ah.

2. Haddii uu Dembi faluhu uu iyana sababo natiijadii uu doonay, waxaa lagu dabaqayaa

tilmaamaha lagu maamulo Dembiya wadarta ah.

Page 16: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

16

CUTUBKA III

DURUUFAHA CIQAABTA REEBA

Qodobka 32

Ogolaanshaha dhibanaha Qof kasta oo waxyeeleeya ama carqaladeeya xaq qof kale, isagoo qofkii sharci ahaan xaqaa

lahaa uu ogolaaday ciqaab ma mudanayo.

Qodobka 33

Isticmaal xaq ama gudasho waajib

1. Ma aha Dembi marka lagu sameeyo fal isticmaal xaq uu qofku leeyahay ama gudasho

waajib oo ka dhashay sharciga ama amar sharci ah oo sarkaal guud.

2. Haddii fal keenaya Dembi lagu galo amar sarkaal sare, sarkaalka amarka bixiyay ayaa

Dembiga ka masuul noqonaya. Qofka amarka fuliyay isaguna wuxuu masuul ka

noqonayaa Dembiga hadaanay qaladkiisu lahayn cudur daar macquul ah oo in uu

aaminsanaa in uu adeecayo amar sharci ah.

3. Qofkasta oo fuliya amar khalad ah lama ciqaabayo, marka uusan sharcigu u ogolaan inuu

su’aal ka keeno sharcinimada amarka.

Qodobka 34

Difaac Shakhsiga

Qof kasta oo fal sameeya, oo ay ku khasabay baahi is difaac naftiisa, ama difaac qof kale

xuquuqdiisa oo laga difaacayo khatar sugan oo keenaysa waxyeelo sharci daro ah, lama

ciqaabayo haddii is difaacu uu u dhigmayo waxyeelada iman lahayd.

Qodobka 35

Sharci u isticmaal hub

1. Iyadoo la raacayo tilmaamaha labada qodob ee aynu soo dhaafnay, sakraalka guud lama

ciqaabayo haddii, ula jeedadu ay ahayd fulinta xilka xafiiskiisa uu adeegsado ama amro

in la adeegsado hub ama khasab jireed oo kale, marka ay sidaa ku khasbtay baahi lama

Page 17: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

17

huraan ah, ama joojin xadgudub ama caabbi ka hor yimi maamulka ama ka hortag

baxsasho qof si sharci ah ugu xidhan ama loogu hayo Dembi.

2. Tilmaamaha farqada hore waxa kaloo lagu dabaqayaa qof kasa oo si sharci ah sakraal

guud uga codsaday inuu gacan siiyo.

3. Xaaladaha kale ee isticmaalidda hubka, ama falalka isticmaalka xoogga la ogol yahay

sharcigaa qeexi doona.

Qodobka 36

Xaalad Baahiyeed

1. Qof kasta, oo gala fal ay ku khasabtay xaalad deg-dega oo baahiyeed in uu ka

badbaadiyo naftiisa ama cid kale khatar taagan oo keenaysa waxyeelo culus oo jireed,

khatartaa oo uusan isagu si ikhtiyaarkiisa u sababin, si kalena uusan u baajin Karin, waa

lama ciqaabaan, iyadoo ay tahay in falku uu khatarta u dhigmayo, isla markaana uusan

qofkaan saarayn waajib quusanuni ah in uu naftiisa khatartaa u bandhigo.

2. Waxaa kaloo tilmaamaha faqrada hore lagu dhaqayaa halka ay xaalada abuurtay tahdiid

qof kale; xaaladdan si kastaba ha ahaatee, qofka qof kale ku khasba in uu falka sameeyo

ayaa masuul ka noqonaya falka qofkaasi sameeyay.

Qodobka 37

Dheeraad lagu galo kam‟a

Marka falalka ku xusan qodobada 33, 34, 35 & 36, xadka u dhigan baahida si kam’a ah looga

gudbo, oo falkuna dhisayo Dembiyada lagu galo kama’a, waxaa la dabaqayaa tilmaamaha

Dembiyada kam’a lagu galo.

Qodobka 38

U qaadashada Xaaladaha ciqaabta reeba Marka qof si khalad ah u qaato inay jiraan duruufaha ciqaabta reeba, kuwaa waxa loogu

xisaabinayaa si isaga u dan ah, laakiin marka khaladku uu sababo kama’a iyo marka falku

dhisayo Dembi kama’a ah masuuliyada ciqaabta ma reebayso.

Page 18: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

18

CUTUB IV

DURUUFAHA DEMBIGA

Qodobka 39

Duruufaha caadiga ah ee Dembiga cusleeya Duruufahani waa kuwa Dembiga cusleeya, halka aanay ahayn tiirarka iyaga dhisaya ama

duruufo gaara oo Dembiga cusleeya”

a) Marka loo dhaqmay quusasho ama dan la’aan.

b) Loo falo Dembiga, si loo galo ama loo qariyo Dembi kale ama si loo helo ama loo

badbaadsado si shakhsi ah ama ka faa’iidaysi ama ka samato bixid, Dembi kale.

c) Xaaladaha Dembiyada kam’a ah oo la sameeyo falka iyada oo la sii ogyahay dhacdada.

d) U dhaqanka si ka baxsan aadaminimada ama ula dhaqmida qofka si arxandaro ah.

e) Iyada oo laga faa’iidaysanayo duruufahaas wakhtiga meel ama qof si la isku hor taago

difaac shakhsi ama dadweyne.

f) Dembiyada uu galo waqtiga uu si rabitaan ah uga baxsanayay fulinta amar qabasho ama

amar xabsi gayn loogu soo saaray Dembi hore.

g) Xaaladaha Dembiyada lidka ku ah hantida, uu khasaare wayn soo gaadhsiiyay hantida

qofka dhibanaha ah.

h) Marka uu culusiyo ama isku dayo in uu culaysiyo cawaaqibka Dembiga.

i) Marka lagu galo falka ku takri fal awoodeed ama ku xadgudub waajib ka dhashay xil

xafiis dawladeed.

j) Marka falka laga galo sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl guud ama laga galo

Diblomaasi ama qunsul wakiil u ah Qaran ajanebi oo gudashada ama sabab shaqadooda

la xiriira.

k) Marka falka lagu galo ku xadgudubka maamulka ama xiriirka guriga ama ku

xadgudubka martabada xafiiska ama wada gudasho hawl ama wada deganaansho ama

marti gelin.

Qodobka 40

Duruufaha caadiga ah ee fududaynta Dembiga

1. Kuwan soo socdaa waa duruufo Dembiga khafiifiya, marka aanay ahayn tiirarka

Dembiga ama duruufo gaara oo Dembiga khafiifiya:

a) Marka falka loo sameeyo dano maadi ama damiir oo qiimo gaara oo bulsho leh.

b) Marka falka loo sameeyo xaalad cadho oo uu sababay fal sharci daro ah oo qof

kale.

c) Marka falka lagu galo saamayn shirar ama kulamo sharcigu mamnuucayo ama

maamulku, iyadoo aan Dembi faluhu ahayn la qabsade ama shaqo ka dhigte

Dembi.

Page 19: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

19

d) Marka Dembigu yahay kuwa hantida lidka ku ah oo Dembi faluhu u gaysto

hantida qofka dhinanaha ah khasaare la ilaawi karo.

e) Marka falka ama fal la’aanta Dembi falaha ay la socoto fal qasdi Dembi lagu

galay oo dhinaca dhibanaha ah uu ka qayb qaatay cawaaqibka natiijada.

f) Marka dhegaysiga dacwada ka hor Dembi faluhu si buuxda u bixiyay

magdhawgii khasaaraha ama marka ay soo celini suurtawday ama marka

dhegaysiga ka hor, marka laga reebo xaaladaha ku xusan faqrada ugu danbaysay

ee qodobka 18, uu si ikhtiyaarkiisa ah oo wax ku-ool ah u qaato talaabooyin uu

ku yaraynayo cawaaqibka waxyeelo ee Dembiga.

g) Duruuf kasta oo kale uu garsooruhu u arko inay suurta gal ka dhigayso in la

yareeyo ciqaabta.

2. Duruufaha khafiifinta ee ku xusan xarafka (g) ee faqradda koowaad waxaa loo

qaadanayaa hal duruuf oo ka barbar jiri karta mid ama ka badan duruufaha hore loo

sheegay.

Qodobka 41

Duruufaha maadiga ah iyo kuwa shakhsiga ah

Ujeedada xeerka ciqabta:

a) Duruufaha maadiga ahi waaa kuwa ku xidhan dabeecada, nooca, dariiqa, shayga,

waqtiga, goobta iyo cunsur kasta oo kale oo ku xidhan falka, culayska waxyeelada ama

khatarta ama duraafaha shakhsiyeed ama sifooyinka qofka dhibanaha ah.

b) Duruufaha shakhsiga ahi waa kuwa ku xidhan xadka qasdiga Dembi ama heerka kama’a

ama xaalada shakhsiga ah ama sifooyinka Dembiilaha, ama xiriirka ka dhexeeya

Dembiilaha iyo dhinaca dhibanaha.

Qodobka 42

Duruufaha aan la ogayn ama si khalad ah loo qaato

1. Haddii si kale uusan sharcigu sheegin, duruufaha cuslaynta iyo kuwa khafiifinta,

waxaa loogu xisaabinayaa hadba siday ugu lidka yihiin ama ugu danta yihiin

Dembi faluha, xataa hadii uusan ogayn ama uu si khalad ah u aaminsan yahay in

aanay jirin.

2. Haddii qofku uu si khalad ah u aaminsan yahay in ay jiraan duruufaha cuslaynta,

khafiifintu, loogu xisaabmaayo lidkiisa ama dantiisa.

Qodobka 43

Qiimaynta duruufaha khaladka ah ee ku saabsan waxyeelada Dembiga

Page 20: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

20

1. Xaalada khaladka dhibane ahaan duruufaha cuslaynta ee ku saabsan xaalada iyo sifaha

dhibanaha iyo xiriirka ka dhexeeya dhibanaha iyo Dembi falaha, si ku lid ah Dembi

falaha loogu xisaabinmaayo. Khaladka u qaadashada jiritaanka duruufaha khafiifinta ee

ku saabsan xaaladaha la soo sheegay, duruufaha iyo sifaha iyo xiriirka si ka soo

horjeeda, waa loogu xisaabinayaa sida danta u ah.

2. Tilmaamaha qodobkan laguma dabaqayo xaaladaha duruufaha khuseeya da’ada

dhibanaha.

CUTUB VI

DEMBIYADA KULMA

Qodobka 44

Hal Jebin oo lagu jebiyo hal ama ka badan oo qodob qaanuuneed ah fal ama falal kala duwan

Qofkasta oo hal fal ama fal la’aan ku jebiya dhawr qodob qaanuuneed ama sameeya jebino kala

duwan oo qodob qaanuuneed oo keliya, waxaa lagu ciqaabayaa Dembiyo kala duwan ee

sharcigu dhigay. Xaaladan ciqaabta lagu soo saarayo xukun keliya, waa la isu gaynayaa, inta uu

xadka ugu sareeya sharcigu u xadiday.

Qodobka 45

Dembiga xiriirsan

Qofkasta oo wax ka badan hal fal ama fal la’aan ku sameeya qasdi Dembi keliya oo uu galo

waqti ama waqtiyo kala duwan oo hal wax ka badan ku jebinayo hal qodob qaanuuneed oo

culays isku mid ah ama culaysyo kala duwan leh, wuxuu Dembiile ku noqonayaa Dembi

xiriirsan. Xaaladan ciqaabta la saarayaa waa jebinta ugu culus ee uu galay oo ciqaabteeda la

sadex laabay.

Qodobka 46

Dembi kakan

1. Tilmaamaha labada qodob ee hore, lama dabaqayo marka sharcigu u tixgelinayo tiirarka

dhisme ama duruufo cuslayn ee Dembi keliya, falalkaasi laftoodu way dhisi karaan

Dembi.

Page 21: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

21

2. Mar kasta oo sharcigu xadidayo ciqaabta Dembiga kakan, waxaa la raacayaa ciqaabta

Dembi kasta oo gaara oo falku dhisay, iyadoo aan laga gudbayn xadka ugu sareeya ee

ciqaabta qodobada 133, 134.

QAYBTA III

DEMBIILAHA IYO DHIBANAHA

CUTUB I

DEMBIFALE

QORMODO I: Masuuliyad Dembi

Qodobka 47

Kartida fahanka iyo xadgudubka

1. Qofna laguma ciqaabi karo fal Dembiyeed waqtigii uu galay uusan masuul Dembi ahayn.

2. Qofkasta oo leh kartida fahamka iyo xadgudubku waa masuul Dembi.

Qodobka 48

Ka dhigid qof karti laawe si loo geliyo Dembi

Qofkasta oo qof ka dhiga in uusan karti u yeelan fahamka ama xadgudubka uu samaynayo,

iyadoo ujeedadu tahay in lagu sababo in uu Dembi galo, wuxuu masuul ka noqonayaa Dembiga

uu galay qofkaa karti laawaha ah.

Qodobka 49

Ikhtiyaar isaga dhigid karti laawe faham iyo xadgudub

Qofkasta oo iska dhiga mid aan awood wax faham ama fulin lahayn, ujeedadiisa oo ah in uu

Dembi galo ama in uu cudurdaar naftiisa uga dhigo, wuxuu masuul ka noqonayaa Dembiga uu

galay ciqaabtana waa la kordhinaya.

Qodobka 50

Page 22: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

22

Dhinaansho maskaxeed oo dhamaystiran Qofkasta oo wakhtiga uu falka galay ahaa qof aan xiskiisu dhamayn sabab caruurnimo ama

xiseed ay daboolayd kartidiisa fahamka iyo xadgudubka, ma qaadayo masuuliyad Dembi.

Qodobka 51

Dhinaansho Maskaxeed oo qayb ah

Qofkasta, oo wakhtigii uu falka galay, sabab caruurnimo ama maskaxeed oo si balaadhan u

naaqusantay, iyadoo aanay daboolayn ama maqnayn awoodiisa fahamka iyo xadgudka wuxuu

masuul ka noqonayaa Dembiga uu galo, balse ciqaabta waa la yaraynayaa.

Qodobka 52

Xaaladaha caadifadeed ama kacsanaan Masuuliyada Dembi ma reebto mana khafiifiso xaalada caadifadeed ama kacsanaan.

Qodobka 53

Sakhrad ku timid shil ama si lama filaan ah

1. Qofkasta markuu falka galay aan lahayn kartida fahamka iyo xadgudubka, sabab

shakhradeed oo dhamaystiran oo ku timi shil ama lama filaan, ma noqonayo masuul

Dembi.

2. Haddii sakhradu aanay ahayn mid dhamaystiran, laakiin ay tahay mid yaraynaysa

masuuliyada ciqaabta, ciqaabta waa la dhimayaa.

Qodobka 54

Sakhrad ikhtiyaar ama kama‟a ah

Sakhrad aan ku iman shil ama lama filaan ma reebayso mana yaraynayso masuuliyada ciqaabta.

Qodobka 55

Sakhrada lala qabatimo

Page 23: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

23

1. Marka Dembiga lagu galo xaalad sakhrad oo sakhraan la qabatimay ciqaabta waa la

kordhinayaa.

2. Ujeedada xeerkan ciqaabta qofka la qabatima isticmaalka cabista khamriga ee si joogta

ah u sakhraansan waxaa loo aqoonsanayaa “sakhraan la qabatimay”.

Qodobka 56

Sakhrada ay keento dawooyinka maanka dooriya

Tilmaamaha qodobada (53, 54, 55), waxaa kaloo lagu dabaqayaa marka ay sakhrada keento

daawooyinka maanka dooriya.

Qodobka 57

Miyir beelka sakhradda ugu saraysa ee khamriga iyo maandooriyayaasha Xaaladaha falka lagu galo sakhrad aad u daran oo ay keentay khamri ama maandooriye,

tilmaamaha ay koobayaa qodobada 50 & 51 ayaa la dabaqayaa.

Qodobka 58

Xaaladaha dhega la‟aanta iyo qalbi la‟aan

1. Qof dhego la’ ama qalbiga la’ ee wakhtigii uu falka galayay aan lahayn kartida fahamka

iyo xadgudubka, ma qaadayo masuuliyad Dembi.

2. Haddii kartida fahamka iyo xadgudubku ay si wayn u naaqusto, laakiin aanay gebi ahaan

maqnayn ciqaabta waa la dhimayaa.

Qodobka 59

Dadka ay da‟doodu ka hoosayso afar iyo toban

Qofkasta oo wakhtigii uu falka galay aanay da’diisu buuxsamin afar iyo toban jir, ma qaadayo

masuuliyad Dembi.

Qodobka 60

Dadka da‟doodu ay ka yar tahay sideed iyo toban

1. Qofkasta oo wakhtigii uu falka galay da’diisu gaaray afar iyo toban jir, sideed iyo toban

jirna aan gaadhin, waa masuul Dembi haddii uu leeyahay kartida fahamka iyo

xadgudubka, balse ciqaabta waa la dhimayaa.

Page 24: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

24

2. Marka xariga lagu qaaday uu ka yar yahay shan sano, iyo xaaladaha ciqaabta ganaaxa

keliya, ciqaabaha kaabayaasha lama saarayo, ciqaabaha aadka u culus waxaa la saari

karaa oo keliya ka xanibaada xafiisyada dawlada waqti aan ka badnayn shan sano.

QORMO II: caadaysi, la qabsasho iyo xirfad ka dhigasho Dembi

Qodobka 61

Caadaysi

1. Caadayste waa qofka marka uu Dembi galo, hadana Dembi kale ku noqda.

2. Caadaystaha Dembiga waa lagu kordhinaya:

a) Marka Dembiga labaad uu kii hore la nooc yahay.

b) Marka Dembiga labaad la galo muddo shan sano gudahood laga soo bilaabo

dacwadii hore ee lagu xukumay.

c) Marka Dembiga labaad la galo, muddadii uu gudanayay xarigii hore ama ka dib

ama wakhtiga uu qofka Dembiga lagu xukumay uu si ikhtiyaar ah uga baxsaday

xarigii hore.

d) Marka ay jiraan in ka badan hal xukun ciqaabeed.

Qodobka 62

Awooda Garsooraha xaaladaha caadaysiga Ujeedada caadaystaha, marka laga reebo xaaladaha xukumada ciqaabta ee Dembiyada isku

nooca ah, garsooruhu wuxuu awood u leeyahay in uusan xisaabta ku darin Dembiyada hore ee la

galay ama gefafka ama Dembiyada kaska ah, kas dhaafka ah ama kama’a ah iyo gefafka.

Qodobka 63

Dembiyada isku nooca ah Ujeedada xeerkan ciqaabta, Dembiyada waxaa loo qaadanayaa kuwa isku nooca ah marka ay ku

saabsan yihiin jebin hal qodob qaanuuneed. Dembiyada isku nooca ah waxay kaloo noqon

karaan kuwo inkastoo lagu maamulayo qodobo kala gedisan oo xeerkan ah ama shuruuc kala

duwan ah, haddana leh dabeecad fal wada dhisaya ama sabab isku mid ah, soona bandhigaya

dabeecado aasaasi ah oo ka wada dhexeeya.

Qodobka 64

Dembi la qabsiga sharcigu citiqaado

Page 25: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

25

1. Qofkasta oo marka lagu xukumo xarig ciqaabeed oo waqti ka badan shan sano ah oo isu

gaynta sadex Dembi oo isku nooc ah oo aan lagu gelin kama’a, oo toban sano gudahood

gala Dembi kale oo la nooc ah oo aan lagu gelin kama’a, haddana toban sano gudahood

labadii Dembi ee hore gala Dembi kale waxaa loogu dhawaaqayaa la qabsade Dembi.

2. Muddada qofka la xukumay xabsi lagu hayay sababta xukunkaas ama muddada ay

saarayd talaabo ammaan kuma jirayaan ujeedada xisaabinta tobankaa sano ee lagu

sheegay faqrada hore.

Qodobka 65

Dembi la qabsiga Garsooruhu ku dhawaaqayo Marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobka hore, waxaa qofka loogu dhawaaqayaa la

qabsade Dembi, marka lagu xukumo laba Dembi oo aan lagu gelin kama’a, isla markaana uu

Garsooruhu xisaabta ku darsado dabeecada iyo culayska Dembiyadaas, waqtiga ay dhaceen,

qaab dhaqanka iyo dabeecada Dembi falaha iyo duruufaha kale ee lagu sheegay qodobka 110, in

Dembi faluhu yahay mid qabatimay Dembiyada.

Qodobka 66

La qabsade gefaf Qof kasta oo lagu xukumo xarig saddex gef oo isku nooc ah ee haddana lagu xukumo xarig gef

kale, oo isla noocii ah, waxaa loogu dhawaaqayaa la qabsade gefaf, markaas oo garsooruhu ku

xisaabtamayo dabeecadda iyo culayska Dembiyada, wakhtiga la galay falka, akhlaaqda iyo

dabeecadda nolosha ee Dembi falaha, iyo duruufaha kale ee ku xusan Qod 110, wuxuu ra’yiga

garsooruhu noqonayaa in Dembi faluhu la qabatimay Dembiyada.

Qodobka 67

Xirfad ka dhigte Dembi

Qof kasta oo gala fal, loogu aqoonsaday la qabatime Dembi ee lagu xukumo Dembi kale, waxaa

loo aqoonsanayaa xirfad ka dhigte Dembi ama xirfad ka dhigte gefaf, iyadoo loo eegayo hadba

sida uu yahay dabeecada Dembigu, akhlaaqda iyo hab dhaqanka Dembi falaha iyo duruufaha

kale ee ku xusan qodobka 110, waxaa jiraysa sabab loo rumaysto in dhaqan ahaan Dembiga ku

nool yahay, xataa iyadoo lagu qaadayo Dembiyadaas.

Qodobka 68

Page 26: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

26

Saamaynta dhamaadka Dembiga ama ciqaabta

1. Ujeedada caadaysiga iyo in qofka loo aqoonsado la qabatime ama shaqo ka dhigte

Dembi, waxaa xisaabta lagu darsanayaa xukumada Dembiyada ama ciqaabta dhamaata.

2. Tilmaamaha faqrada hore la dabaqimaayo marka raadka ciqaabeed ee xukunku u

dhamaaday.

Qodobka 69

Xukumada Dembiyo kala duwan ee hal xukun Tilmaamaha la xidhidha in qofka loo aqoonsado la qabsade ama xirfad ka dhigte Dembi waxaa

kaloo lagu dabaqayaa marka xukunka Dembiyo kala duwan loogu dhawaaqo hal xukun.

Qodobka 70

Saamaynta aqoonsiga qabatime ama xirfadle Dembi

1. Marka lagu daro kordhinta ciqaabta ee ku xusan caadaystenimda iyo cawaaqib kasta oo

kale oo ku cad qodob kale oo qaanuuneed, dhawaaqa in qofka loo aqoonsado qabatime

ama xirfadle Dembi, wuxuu kaloo la imanayaa talaabooyin ammaan.

2. Ku dhawaaqida in uu qof yahay qabatime ama xirfadle Dembi, waxaa la samayn karaa

waqti kasta xataa xariga marka la dhamaysto ka dib, laakiin marka lagu dhawaaqo

xukunka ka dib dhaqanka danbe ee Dembi falaha laguma xisaabtamayo, ciqaabta la

saarayna lama bedelayo.

3. Ku dhawaaqida in qofku yahay qabatime ama xirfadle Dembi waxay ku dhamaanaysaa

dib u dhaqan celin.

QORMO III: Ka qayb galka Dembi ee hal qof ka badan

Qodobka 71

Ciqaabta kuwa ka qayb qaata Dembi Marka hal qof in ka badani ay ka qayb qaataan Dembi isku mid ah, qof kastaa wuxuu masuul ka

noqonayaa ciqaabta Dembigaa sharcigu u dhigay, haddii aan si ka duwan loogu sheegin

qodobada soo socda.

Page 27: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

27

Qodobka 72

Dembi gelin qof aan masuul Dembi ahayn

Qof kasta oo geliya Dembi qof aan masuul Dembi ahayn ama aan ciqaab mudan Karin, marka la

eego xaaladiisa shakhsi ama kartidiisa Dembi gelid, wuxuu masuul ka noqonayaa Dembiga uu

qofkaasi galay, ciqaabtuna waa kordhaysaa.

Qodobka 73

Duruufaha cuslaynta

1. Ciqaabta la saarayo Dembiga la galo waa la kordhinayaa:

a) Marka in ka badan shan qof ay ka qayb qaataan gelida Dembiga, hadii si kale uusan

sharcigu u dhigin. (266, 305, 481).

b) Xaaladaha qofka marka laga reebo kuwa lagu sheegay xunbaha (c),(d) ee hoos ku xusan,

kaas oo kiciya ama abaabula ka qayb galka Dembiga ama jiheeya falka dadka Dembigaa

ka qayb qaatay;

c) Xaaladaha dadka iyagoo isticmaalaya awoodooda, jihayn ama kormeer ku sababa dad si

ay Dembi u galaan;

d) Xaaladaha dadka aan ku jirin xaaladaha lagu sheegay faqrada hore, ku sababa qof 18 jir

ka yar ama xiskiisu uusan dhamayn in uu Dembi galo;

2. Kordhinta ciqaabta ku xusan xuruufaha a), b) iyo c) ee faqrada qodobkan, waxaa lagu

dabaqayaa, marka mid kasta oo ka mid ah dadka Dembiga ka qayb qaatay aanay masuul

Dembi ahayn ama aanay ciqaab mudan Karin.

Qodobka 74

Ka qayb qaadashada Dembi kama‟a ah

1. Xaaladaha Dembiyada lagu galo kama’a, halka ay natiijada sababtay ka qayb galka hal

qof ka badan, qof kasta oo ka qayb qaatay wuxuu masuul ka noqonayaa ciqaabta

Dembigaa uu sharcigu u dhigay.

2. Ciqaabta waa lagu kordhinayaa qofka ku sababay kuwa kale in ay Dembiga ka qayb

galaan, marka ay jiraan xaaladaha ku sheegan qodobka 72 iyo xarfaha c) iyo d) ee

faqrada 1 aad qodobka hore.

Page 28: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

28

Qodobka 75

Duruufaha khafiifiya Dembiga

1. Marka garsooruhu u arko in uu kaalmo u fidiyo qof kasta oo Dembi ka qayb qaatay

Dembi sida ku dhigan qodobada 71 iyo 74, oo qayb yar ku lahaa diyaargarawga iyo

fulinta Dembiga, wuxuu dhimi karaa ciqaabta.

2. Tilmaamaha faqrada hore laguma dabaqayo xaaladaha lagu xusay qodobka 73.

3. Sidoo kale ciqaabta waa la dhimayaa xaaladaha qofka lagu sababay in uu Dembi galo

ama ka qayb qaato, marka ay jiraan xaaladaha ku xusan xarfaha c) iyo d) ee faqrada hore

ee qodobka 73.

Qodobka 76

Heshiis in la galo Dembi

1. Haddii aan sharcigu si ka duwan u sheegin, marka laba qof iyo ka badan ay ku

heshiiyaan in ay Dembi galaan oo aan Dembigaa la gelin, midkoodna laguma ciqaabayo

in ay ku heshiiyeen oo keliya. Inkastoo ku heshiinta in Dembi la galo uu garsooruhu ku

dabaqi karo talaabooyin ammaan.

2. Tilmaamahan waxaa kaloo lagu dabaqayaa xaalada dhiirigelinta in Dembi la galo,

marka dhiirigelinta sida uu yahay loo qaatay laakiin aan Dembiga la gelin.

3. Marka dhiirigelinta in Dembi la galo aan sideeda loo qaadan, dhiirigeliyaha wuxuu

mudan kartaa talaabooyin ammaan.

Qodobka 77

Dembiyada ka duwan kuwa qasdigoodu ahaa qof kasta oo ka qayb qaadanaya

1. Marka Dembiga la galay uu ka duwan yahay kii uu u jeeday qof kasta oo ka mid ah

kuwii ka qayb qaatay, xataa qofkaasi wuxuu masuul ka noqonayaa haddii natiijadu ahayd

cawaaqibka falkiisa ama fal la’aantiisa.

2. Marka Dembiga la galay uu ka culus yahay kii la doonayay ciqaabta waa la dhimayaa,

iyadoo loo eegayo in Dembi faluhu doonayay Dembi ka fudud.

Page 29: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

29

Qodobka 78

Bedelka dabeecada Dembiga ee uu keeno mid uun ka mid ah ka qayb qaatayaasha

Marka xaalada qofka ama sifaha Dembi falaha, ama xiriirka ka dhexeeya Dembi falaha iyo

dhibanaha uu bedelo dabeecada Dembiga mid ka mid ah ka qayb galayaasha, kuwa kalena

waxay ka jawaabayaan isla Dembigaa. Inkastoo marka Dembigaasi aad uga culus yahay uu

garsooruhu ka yarayn karo ciqaabta kuwa aan lahayn xaaladaha, sifaha iyo xiriirka la soo

sheegay.

Qodobka 79

Qiimaynta duruufta cuslaynta iyo fududaynta Dembiga

1. Duruufaha maadiga ah ee cuslaynaya ama fududaynaya ciqaabta, xataa haddii aanay

ogayn dhamaan kuwa ka qayb qaatay Dembiga, waxa loo xisaabinayaa lidkooda ama

dantooda.

2. Duruufaha shakhsiga ah ee kordhiya ciqaabta marka loo eego qof kasta oo ka mid ah

kuwa Dembiga ka qayb qaatay, waxaa loo adeegsanaya kuwa kale lidkooda, xataa haddii

aanay ogayn markii ay isaga Dembiga ku caawinayeen.

3. Duruuf kasta oo kale oo kordhisa ama dhinta ciqaabta waxa loo xisaabinayaa oo keliya

qofka iyadu ay saameyso.

Qodobka 80

Qiimaynta duruufaha reebaya ciqaabta

1. Duruufaha shakhsiga ah ee reebaya ciqaabta ee ku saabsan qof ka mida dadka ka qayb

qaatay Dembiga waxaa loo qiimaynayaa oo keliya qofka ay saamayso.

2. Duruufaha mawduuciga ah ee reebaya ciqaabta waxaa lagu dabaqayaa dhammaan kuwa

ka wada qayb qaatay Dembiga.

Page 30: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

30

CUTUBKA II

DHIBANAHA DEMBIGA

Qodobka 81

Xaqa samaynta ashkatada Marka laga reebo Dembiyada uu qaranku oogo, Dembi kasta waxaa lagu oogi karaa ashkatada

ama dalabka dhibanaha.

Qodobka 82

Adeegsiga xaqa dacwada (ashkatada) xaaladaha dadka karti laawayaasha ah

1. Marka dhinaca dhibanuha da’diisu ka yar tahay 14 sano ama uu karti laawe yahay sabab

naafo maskaxeed, xaqa ashkatada waxaa samaynaya wakiilkiisa sharciga ah.

2. Xaaladaha maqnaanshaha ama karti la’aanta wakiilka sharciga ama marka danaha

wakiilka iyo dhibanuhu iska hor imanayaan, waxaa samaynaya ashkatada wakiil gaar ah.

Qodobka 83

Ashkatada marka dhibanuhu hal qof ka badan yihiin

1. Dembiyada laga galo in ka badan hal qof waxa lagu dhaqaajinayaa ashkatada uu

sameeyo hal qof oo keliya.

2. Ashkatadu waxay u adeegaysaa sidii xaq lid ku ah dhamaan dadkii ka wada qayb qaatay

gelitaanka Dembiga.

Qodobka 84

Wakhtiga u xididan samaynta ashkatada Haddii aan sharcigu si ka duwan u sheegin, xaqa samaynta ashkatada lama adeegsan karo, ka dib

marka ay ka soo wareegto hal bil, waqtigii uu dhibanuhu ogaaday dhicitaanka Dembiga.

Page 31: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

31

Qodobka 85

Ka tanaasulka xaqa samaynta ashkatada

1. Xaqa samaynta ashkatada lama adeegsan karo, marka si cad ama si dahsoon uga

talaasulo qofkii lahaa xaqa samaynta ashkatada. Xaqa waxaa si dahsoon looga tanaasulay

marka qofkii lahaa samaynta xaqa ashkatada uu u dhaqmo si u muuqata rabitaan la’aanta

ashkatada.

2. Ka tanaasulidaasi waxay saamaynaysaa si iskeed ah, dhammaan dadka kawada qayb

galay gelitaanka Dembiga; iyadoo aan wax saamaynayn ah ku yeelanayn dhibane kasta

oo kale oo leh xaqa ashkatada.

Qodobka 86

Ka noqoshada ashkatada

Haddii aan sharcigu si kale u sheegin, ashkatada waxaa looga noqon karaa si cad ka hor intaan

Maxakamada derejada kowaad xukun ku dhawaaqin; marka ay jiraan ashkatooyin badan, ka

noqoshada uu sameeyo hal qof saamaynmayso ashkatooyinka kale.

Qodobka 87

Aqbalaada ka noqoshada ashkatada

1. Ka noqoshada ashkatadu wax saamayn ah ma yeelanayso, marka qofka ashkatadu ku

lidka tahay uu si cad u diido.

2. Ka noqosho u danta ah mid keliya oo ka mid ah kuwa Dembi kawa qayb qaatay waxay u

fidsanaanaysaa saamaynteedu dhamaantood. Laakiin saamayn kuma yeelanayso marka

loo eego qof kasta oo isagu diida.

3. Tilmaamaha Qodobka (82), ayaa la dhaqayaa, marka loo eego baaxada aqbalaada ka

noqoshada.

Qodobka 88

Shuruudaha ku saabsan ka noqoshada aqbalaada ama diidmada

Page 32: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

32

Ka noqoshada ashkatada ama aqbalaada ama diidmada laguma samayn karo qodobo ama

shuruudo.

Qodobka 89

Dembiyada kakan Xaaladaha lagu sheegay qodobka (46), ee oogista Dembiyada kakan, waxaa dhaqaajinaysa

dawlada marka midkasta oo Dembiyadaas ka mid ah tiirarka dhismahooda ama duruufta

cuslayntu ay yihiin kuwa ay waajib tahay in dawladu dhaqaajiso.

QAYBTA IV

CIQAABTA

CUTUB I

NOOCYADA CIQAABTA GUUD AHAAN

Qodobka 90

Ciqaabaha waaweyn

1. Ciqaabaha waaweyn ee u qoondaysan Dembiyada waxay noqonayaan:

a) dhimasho

b) xabsi daayin (madaxa ha ku furto)

c) xabsi

d) ganaax

2. Ciqaabaha waawayn ee u qoondaysan gefafka waxay noqonayaan:

a) xabsi

b) ganaax

Qodobka 91

Bayaaminta ciqaab madaxeedyada

Page 33: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

33

1. Ereyada “ciqaabta haynta” ama ciqaabta xoriyada qofka xayiraysa, waxa ku jiraya

xabsiga madaxaa ha ku furto, xabsiga Dembiyada iyo xabsiga gefafka.

2. Ereyada “ciqaabta maaliyadeed”, waxa ka mid ah ganaax Dembiyada iyo ganaaxa

gefafka.

Qodobka 92

Ciqaabaha faraca ah

1. Ciqaabaha faraca ah ee Dembiyadu waxay noqonayaan:

a) ka joojinta xafiisyada dadweynaha (101-102)

b) ka joojinta xirfad ama ganacsi (103,104)

c) ka reebida quusanuniga ah masuuliya shakhsi.

2. Ciqaabta faraca ah ee gefafku waa ka laalida adeegsiga xirfad ama ganacsi.

3. Xeerka Ciqaabta ayaa tilmaamaya xaaladaha ciqaabaha faraca ah ee Dembiyada la

dabaqyo, sidoo kale gefafka.

Qodobka 93

Dabaqaada ciqaabaha asalka ah iyo kuwa faraca ah Ciqaabaha waawayn (asalka), garsooraha ayaa saaraya qofka Dembiga lagu helo; ciqaabaha

faraca ah (kaabayaasha ah), waxay raacayaan adeegsiga sharciga ee cawaaqibka Dembiilenimo.

CUTUB II

CIQAABAHA UGU WAYN

Qodobka 94

Ciqaabta dilka Ciqaabta dilka waxa loo fulinayaa toogasho goob xeeran ama goob kale oo uu cayimo wasiirka

garsoorka iyo cadaaladu.

Qodobka 95

Page 34: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

34

Xabsiga madaxaa ha ku furto (xabsi daayin)

Ciqaabta xabsi daayinka ama xabsiga madaxaa ha ku furto ah, waxa lagu qaadanayaa xarun loo

qoondeeyay ujeedadaa, iyada oo la raacinayo shaqo khasab ah.

Qodobka 96

Xariga Dembiyada

Ciqaabta xariga Dembiyada waxay fidsan tahay xarig shan casho ilaa afar iyo labaatan sano

waxaa lagu qaadanayaa xarun loo qoondeeyay ujeeadadaas, iyada oo ay la socoto shaqo

khasaba.

Qodobka 97

Ganaaxa Dembiyada

1. Ciqaabta ganaaxa Dembiga waxay ka kooban tahay, ku bixin khasnada qaranka qadar

lacageed oo aan ka yarayn 10/= Sh.So. kana badnayn 50,000/= Sh.So.

2. Dembiyada ay soo jiitaan dan faa’iido, in kasta oo ciqaabta sharcigu u dhigay ay tahay

xarig kali ah, garsooraha waxa u furan dheeraad ahaan ganaax taxan 10/= Sh ilaa

20,000/= Sh.

4. Halka ganaaxa sharcigu u qoondeeyay Dembiga aanay ku haboonayn marka loo eego

heerka dhaqaale ee Dembi falaha, garsooruha waxa u banaan in uu kordhiyo qadarka

ganaaxa ilaa saddex laab.

Qodobka 98

Xabsiga gefafka

1. Ciqaabta xariga gefafku waxay fidsanaan kartaa shan casho ilaa saddex sano,

waxaana lagu qaadan doonaa xarun loo qoondeeyay ujeedadaas ama xarun gaar ah oo

ka mid ah xarumaha loo qoondeeyay in lagu qaato xariga Dembiyadda, iyo shaqo

khasab ah.

2. Qofka lagu xukumay xabsi, waxaa u furan in lagu shaqaaleeyo shaqo ka duwan ta

caadiga ah ee xaruntaa u qorshaysan, iyadoo loo eegayo wax qabadkiisa iyo

shaqooyinkiisii hore.

Qodobka 99

Page 35: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

35

Ganaaxa gefafka

1. Ciqaabta ganaaxa gefafka waxay ka kooban tahay ku bixin khasnada qaranka qadar

lacageed oo aan ka yarayn laba shilling kana badnayn toban kun oo shilling.

2. Halka ganaaxa sharcigu u qoondeeyay Dembiga aanay ku haboonayn marka loo eego

heerka dhaqaale ee Dembi falaha, garsooruha waxa u banaan in uu kordhiyo qadarka

ganaaxa ilaa saddex laab.

Qodobka 100

Xadaynta iyo isku qiyaasidda ciqaabta maaliyadeed

1. Xaaladaha ciqaabta maaliyadeed ay xadidan yihiin, kuwa ay u dhigmaana sharcigaa

dejiyay.

2. Isu dhignaanta ciqaabta maaliyadeed ma laha xad ugu sarayn ah.

CUTUB III

CIQAABAHA KAABAYAASHA

Qodobka 101

Ka reebista xafiisyada dawladeed

1. Ka reebida xafiisyada dawladu waxay noqon kartaa mid joogto ah ama mid waqtiile ah.

2. Hadaan sharcigu si kale u sheegin, ka reebida joogtada ah ee xafiisyada dawladeed,

waxay ka xayuubinaysaa qofka lagu xukumo:

a) Xaqa cod bixinta ama in la doorto, iyo xaq kasta oo kale oo siyaasadeed.

b) Xafiiskasta oo dawladeed iyo magacaabid kasta oo khasab ah oo shaqo qaran, iyo

xuquuq kasta oo la xiriira xilka sarkaal xafiis dawladeed ama qof u xirsaaran

shaqo qaran.

c) Xafiiska xanaanayn ama wakiil sharci, xataa ku meel gaadh ahaan, iyo xafiiskasta

oo kale oo xanaanayn ama wakiilnimo sharci.

d) Sharaf mac-had, maamuusyo ama abaal marino sharafeed

e) Gunnooyin, hawl gabyo iyo gunnooyin xafiisyo dawladeed ama xafiis guud.

f) Abaal marin kasta oo kale oo ka dhashay xafiisyo kasta, shaqo kasta, xil kasta,

awood kasta iyo maamuus kasta oo lagu sheegay faqradan.

g) Awood uu ku qabto ama helo xaq, xafiis, shaqo, xil, darajo, maamuus iyo abaal

marin ku xusan faqradda aynu soo dhaafnay.

Page 36: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

36

3. Ka reebista xafiisyada guud ee waqtiilaha ah waxay qofka lagu xukumay ka

xayuubinaysaa awooda inuu helo ku shaqeeyo ama ku naaloodo, muddada laga reebay,

xuquuqda aynu soo sheeganay ee xafiisyada, shaqooyinka, derejooyinka, mansabyada

iyo abaal marinaha. Muddada ka reebista waqtiilaha ah kama yaraan karto hal sanno

kama badnaan karto shan sano.

4. Xaaladaha ka reebistu ku xadidan tahay xafiisyo ama shaqo gaara sharcigaa qeexaya.

Qodobka 102

Xaaladaha xukunka ay weheliso ka reebista xafiisyada dadweynaha

1. Xariga xabsi daayinka iyo xariga Dembiyda muddo aan ka yarayn shan sanno,

waxaa wehelinaya ka reebista xafiisyada dadwaynaha. Xarig xabsi ee Dembiyada

muddo aan ka yarayn saddex sanno, waxaa wehelinaya ka reebista xafiisyada

dadweyne muddo shan sanadood ah.

2. Ku dhawaaqista in qof qabatime ama xirfad ka dhigte Dembi yahay, waxaa

wehelinaysa ka reebis xafiisyo dadwayne oo joogto ah.

Qodobka 103

Ka reebista xirfadaha ama ganacsiga Ka reebista xirfad ama ganacsi, waxay qofka lagu xukumay ka xayuubinaysaa, awooda in uu

adeegsado xiligaa ka reebista xirfad farshaxan, warshad, ganacsi iyo baaayac mushtar, marka loo

eego rukhsad kasta oo gaar ah, shahaado, amar bixinta liisanka loo baahan yahay, waxaana

wehelinaya burinta ruqsada, shahaado, amar bixin liisan. Muddada ka reebistu kama yaraan

karto bil, kamana badnaan karto shan sanno marka laga reebo xaaladaha sharcigu si cad u

qeexay.

Qodobka 104

Xukunka Dembiyada lagu galo Ku xadgudubka xafiisyada dadwayne ama ka reebista xirfad ama ganacsi

Xukunka qof kasta oo lagu helo Dembiyada ku tagri falka awooda ama ku xadgudubka

waajibaadka xafiisyada guud ama adeeg dadweyne, ama xafiisyo kasta oo ku cad faqradda

labaad (C) ee qodob 101 iyo meel kaga dhac xirfad, farshaxan, wax soo saar, ganacsi ama

waajibaad kasta oo ka kale oo la xiriira, waxaa wehelinaya ka reebis waqtiile ah oo xafiis

dadwayne ama xirfad, farshaxan, wax soo saar, ganacsiga ama baayac mushtar.

Page 37: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

37

Qodobka 105

Ka reebis qaanuuneed

1. Qof kasta oo lagu xukumay xabsi daayin wuxuu hoos imanayaa ka reebis qaanuuneed.

2. Qof kasta oo lagu xukumay xarig ciqaabeed oo muddo aan ka yarayn shan sano wuxuu

hoos imanayaa ka reebis qaanuuneed ee muddada ciqaabta.

3. Hadafka muujinta iyo maamulidda hantida iyo wakiil noqoshada taas la xiriira, waxaa

lagu dabaqayaa xeerarka madaniga ee khuseeya ka reebista qaanuuneed ee xafiisyada

dadwayne.

Qodobka 106

Xukumada Dembiyada lagu galo kama‟a

1. Tilmaamaha Qodobka 102 iyo faqradda labaad ee Qodobka hore looma dabaqayo

xaaladaha Dembiyada lagu galo kama’a

2. Tilmaamaha Qodobka 104 looguma dabaqayo xaaladaha Dembiyada lagu galo kama’a

halka ciqaabta la saarayaa ay ka yar tahay sadex sano ama marka la saarayo oo keliya

ciqaab maaliyadeed.

Qodobka 107

Ka laalista adeegsiga xirfad ama ganacsi

1. Ka laalista adeegsiga xirfad ama ganacsi qofka lagu xukumo waxay ka xayuubinaysaa

awooda adeegsiga mudo aan ka yarayn shan iyo toban casho kana badnayn laba sano

xirfad, farshaxan, ganacsi ama wax soo saar, kuwaas oo u baahan ruqsad, aqoonsi,

ogolaansho ama liisan.

2. Xukunka gefka lagu galo ku xadgudub xirfad, farshaxan, wax soo saar, ama ganacsi ama

kuwa lagu xadgudbo xilalka kuwaa ka dhashay, halka ciqaabta la saaray aaanay ka

yarayn xabsi sannad ah, waxa wehelinaya ka laalista xirfadahaas ama ganacsiga.

Qodobka 108

Xaalada qaanuuneed ee qof lagu xukumay dil Xaalada qaanuuneed ee qof lagu xukumay dil waxay la mid noqonaysaa ta qof xabsi daayin lagu

xukumay oo kale.

Page 38: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

38

CUTUB IV

DABAQAADA IYO BEDELAADA CIQAABTA

QORMO I: QODOBO GUUD

Qodobka 109

Awoodaha garsooraha ee saarista ciqaab: Xad

1. Xadka sharcigu dejiyay dhexdiisa, garsooruhu wuxuu dabaqayaa awoodiisa ciqaabta;

wuxuu iyadoo sababaysan uu adeegsan karaa awoodiisa.

2. Kordhinta yo dhimista ciqaabta garsooruhu ma dhaafinayo xadka ciqaab nooc kasta loo

dhigay, marka laga reebo xaaladdaha si cad sharcigu u qeexay.

3. Halka garsooruhu uu ku dhawaaqo ciqaab xarig muddo aan ka badnayn sannad, xariga ha

weheliso ama yaanay wehelin ciqaab maaliyadeed oo ku lid ah Dembi fale aan mar hore

lagu xukumin Dembi hore oo kas ah, garsooraha waxaa u furan, marka Dembiilu

codsado, iyadoo ku xisaabtamaysa duruufaha qodobka 110, in uu amro in xariga uu ugu

bedelo maaliyada u dhiganta si waafaqsan qodobka 112.

4. Maslaxada lagu sheegay faqrada hore, waxaa ku xidhan shardiga ah in waqti uu

garsooruhu cayimay dhexdiisa uu Dembi faluhu bixiyo qadarka maaliyadeed ee xariga

loogu bedelay, isla markaana guto waajibaadka madani ee in uu u magdhabo ama u

celiyo dhinaca dhibanaha.

Qodobka 110

Culayska Dembiga: Qiimaynta ujeedooyinka ciqaabta

1. Iyada oo la adeegsanayo awoodaha dheeraadka ah ee ku xusan Qodobka aynu soo

dhaafnay, garsooruhu wuxuu xisaabta ku darsanayaa culayska Dembiga, kuwaas oo laga

soo dheegay:

a) Dabeecada, Shakhsigadda, dariiqada (wasiiladda), shayga, wakhtiga, goobta iyo

xaalad kasta oo kale ee falka.

Page 39: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

39

b) Culayska wax yeeladda ama khatarta ay ku sababtay dhinaca dhibanaha ee ka

timid Dembiilaha.

c) Miisaanka qasdiga Dembiilaha, ama heerka Dembiilenimada

2. Garsooruhu sidoo kale wuxuu xisaabta ku darsanayaa kartida Dembiilenimo ee Dembi

falaha oo laga soo dheegtay:

a) Hadafkii Dembiilenimo ee Dembi falaha.

b) Diiwaanka Dembi ee Dembi falaha, iyo guud ahaan, akhlaaqda iyo nolosha

Dembi falaha ka hor Dembiga.

c) Akhlaaqdiisa wakhtigan ama Dembiga dabadeed.

d) Duruufaha shakhsiyeed, nololeed iyo bulsheed ee Dembi falaha.

Qodobka 111

Xisaabinta ciqaabta

1. Ciqaabta muddo wakhti ah waxaa lagu dabaqayaa maalmo, billo iyo sannado.

2. Xariga ciqaabta ee muddo wakhti ah laguma xisaabtamayo jar jarka maalinta iyo

ciqaabta maaliyadeed jar jarka Shilinka.

Qodobka 112

Isku dhignaanta ciqaabaha kala duwan Marka ay noqoto lagama maarmaan in la is leykeysiiyo ciqaabaha maaliyadeed iyo ciqaabta

xabsiga, xisaabtanka waxaa lagu fadhiisinayaa shan iyo labaatan shilin Soomaali (25/=) ama jar

jarkeeda ciqaabta maaliyadeed, maalintii, oo ah ciqaabta haynta ee Dembiyada fudud.

Qodobka 113

Roggida ciqaabta maaliyadeed

1. Ciqaabaha ganaaxa Dembi ama gef ee aan la fullin qofka oo aan awoodi Karin awgeed

waxaa loogu rogayaa xabsi (96 Pc) muddo aan ka badnayn saddex sano iyo xabsi (98 Pc)

muddo aan ka badnayn laba sano. Xaaladahan xadka u yar ee ciqaabta haynta aynu soo

sheegnay wey ka yaraan kartaa ta ku qeexan qodobadda 96, 93.

2. Qofka la xiray wakhti kasta wuxuu keeni karaa bedelka ciqaabta, isagoo bixinaya

qadarka lacageed ee laga rabay oo laga jarayo mudada uu xabsiga ku qaatay.

Page 40: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

40

Qodobka 114

Haynta xabsiga ka hor

1. Muddada haynta ee ka horaysay xukumada marka ay noqoto kama dambays waxaa laga

jarayaa muddada guud ee ciqaabta haynta ama qadarka ciqaab maaliyadeed ee la saaray

.

2. Ujeedada wax dhimista, xariga xukunka hortii waxaa loo tixgelinayaa xariga Dembiyada

iyo xariga gefafka.

Qodobka 115

Ciqaabta iyo haynta ka hor xukunka ee Dembiyada lagu galo dibada dalka Marka qofka dalka debadiisa dacwad loogu qaado ee hadana dacwada lagu qaado dalka

gudahiisa, ciqaabtu dibada uu ku soo qaatay iyo dabeecadii ay lahayd waa lagu xisaabtamayaa,

marka xariga dibedda lagu qaaday ay hayni ka horaysay, tilmaamaha Qodobka hore ayaa la

dabaqayaa.

Qodobka 116

Xisaabinta ciqaabaha kaabayaasha ah

Xisaabinta ciqaabaha waqtiilaha ee kaabayaasha ah (101,103,105,107 Pc) lagu xisaabtamayo

mudada wakhtiga ah ee qofka la xukumay uu ku jiray ciqaab hayn ah ama uu ku jiro talaabooyin

ammaan, sidoo kale laguma xisaabtamayo muddada uu si ikhtiyaarkiisa ah uga fakaday fulinta

ciqaabta ama talaabooyin ammaan.

QORMO II:DABAQAADA IYO BEDELAADA CIQAABTA MARKA AY JIRAAN WAX KA BADAN HAL DURUUF CUSLAYN AMA FUDUDAYN IYO XAALADA ISKU DAYGA DEMBIYADA

Qodobka 117

Dhimista ama kordhinta ciqaabta

1. Marka sharcigu dhigo kordhinta ama dhimista ciqaabta xad cayiman, kordhinta ama

dhimista waxaa lagu dabaqayaa wadarta ciqaabta ee garsooruhu saari lahaa marka aanay

jirin duruufaha keenay kordhinta ama dhimista.

2. Marka in ka badan duruuf culays ama duruuf khafiifin ay jirto, kordhinta iyo dhimista

ciqaabta waxaa lagu dabaqayaa wadarta ciqaabta ee ka yimi kordhintaas ama dhimistaas.

Page 41: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

41

3. Mar kasta oo duruuf sharcigu u dhigay ciqaab dabeecad ka duwan ama u xadiday

talaabooyinkeeda si ka duwan ciqaabta caadiga ah ee Dembi, kordhinta iyo dhimistu

duruufaha kale laguma dabaqayo ciqaabta caadiga ah ee Dembiga, waxaase agu

dabaqayaa ciqaabta u xadidan duruuftaas aan soo sheegnay.

4. Marka ay jiraan wax ka badan hal duruuf cuslayn oo ku jirta kuwa lagu xusay faqrada

3aad ee qodobkan, waxaa la dabaqayaa oo keliya ciqaabta duruufta ugu culus; laakiin

garsooruhu waa kordhin karaa.

5. Marka ay jirto wax ka badan hal duruuf khafiifin oo ku jirta kuwa lagu xusay faqrada

3aad ee qodobkan, waxaa la dabaqayaa oo keliya ciqaabta duruufta ugu fudud; laakiin

garsooruhu waa dhimi karaa.

Qodobka 118

Kordhinta ciqaabta marka hal xaalad cuslayn ay jirto

Marka ay jirto hal duruuf cuslayn keliya oo aan sharcigu ciqaab kordhinta xadidin, ciqaabta

Dembiga la galay waxaa la kordhin karaa ilaa sadex dalool, hal. Si kasta ha ahaatee ciqaabta

xariga ee Dembiyada sababta kordhinta awgeed lama dhaafin karo 30 sanno.

Qodobka 119

Dhimista ciqaabta marka hal duruuf khafiifin ay jirto

Marka ay jirto hal duruuf khafiifin keliya oo dhimista ciqaabta aan sharci xadidin:

a) Xabsi daayin ama xarig u dhexeeya 20 ilaa 30 sanno ayaa lagu bedelayaa ciqaabta dilka.

b) Xabsi 20 ilaa 24 sanno ah, ayaa lagu bedelayaa xabsi daayinka.

c) Ciqaabaha xariga ee kale waxaa la dhimayaa in aan ka badnayn saddex dalool hal dalool.

Qodobka 120

Xadaynta ciqaab kordhinta marka ay jirto in ka badan hal duruuf cuslayn Marka ay jiraan in ka badan hal duruuf cuslayn, ciqaabta la dabaqayo natiijada cuslaynta darteed

kordhinta kama badan karto saddex laab inta ugu saraysa ee sharcigu u qoondeeyay Dembigaas,

marka laga reebo xaaladaha lagu xusay faqradda 3aad ee Qodobka 117; isagoo aan sinaba uga

badnaan karin:

a) Soddon sanno, marka xarigu yahay mid Dembi.

b) Shan sano, marka xarigu yahay gefaf.

c) Boqol kun ama labaatan kun Somali shilling sida ay u kala dhigan yihiin, marka ganaaxu

yahay Dembi ama uu yahay gefaf ama saddex boqol oo kun ama lixdan kun oo shilin

Page 42: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

42

Somali ah sida ay ka yihiin, haddii garsooruhu ka faa’iidaysto awooda ku tilmaama

faqradda 3aad ee Qodobka 97 iyo faqradda 2aad ee Qodobka 99.

Qodobka 121

Xadaynta dhimista ciqaabta marka ay jirto hal duruuf khafiifin wax ka badan

1. Marka ay jirtaan in ka badan hal duruuf khafiifin, ciqaabta la dabaqayo natiijada duruufta

khafiifinta darteed kama yaraan karto:

a) Shan iyo toban sano oo xarig ah marka sharcigu tilmaamayo ciqaab dil ah oo ku

saabsan Dembi.

b) Toban sano oo xarig ah marka sharcigu tilmaamayo xabsi daayin oo ku saabsan

Dembi.

2. Ciqaabaha kale waa la dhimayaa; marka laga reebo xaaladaha ku tilmaaman faqradda

3aad ee Qodobka 117, ciqaabtu kama yaraan karto rubuc ama afar dalool oo hal dalool.

Qodobka 122

Xadaynta duruufaha kulma Haduusan si kale u sheegin Qodobka 13, halka ay duruuf cuslays weheliso duruuf kale oo

cuslays ama duruuf khafiifisa ay weheliso duruuf kale oo khafiifin, duruufaha cuslaynta iyo

khafiifinta keliya ee la imanaya culays badan ama khafiifin badan oo ciqaabeed sida ay isugu

xigaan ayaa lagu xisaabtamayaa siday lidka ugu yihiin ama danta ugu yihiin ayaa loo dabaqayaa,

hadday duruufahaasi la imanayaan culaysin ama khafiifin isku mid ah, cuslayn keliya ama

khafiifin keliya ayaa la saarayaa.

Qodobka 123

Kulanka duruuf cuslayn iyo duruuf fududayn

1. Marka duruuf cuslayn iyo duruuf fududayn ay kulmaan oo loo qaato in ka hore

daboolayo, lagu xisaabtamimaayo dhimista ay keeni lahayd duruufta fududayntu,

waxaana la dabaqayaa oo keliya kordhinta ay keentay duruufta cuslayntu.

2. Marka duruufta fududayntu ay hadhaynayso duruufta cuslaynta, laguma xisaabtamayo

kordhimaha ciqaabta ku xusan arrinta dambe, waxaana la dabaqayaa oo keliya dhimista

ciqaabta ee ay la timi duruufta fududayn.

3. Marka garsooruhu ku qiyaaso isu dhignaan duruufta cuslaynta iyo duruufta fududaynta,

waxaa la saarayaa ciqaab sidii aanay jirin wax duruuf cuslayn ah ama duruuf fududayn

ah.

Page 43: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

43

4. Tilmaamahan hore laguma dabaqayo xaalaha ku saabsan masuuliyada Dembiga ama

caadaysiga Dembiga ama duruuf kasta oo kale oo sharcigu u dhigay ciqaab dabeecad

ahaan ka duwan ama u xadidan tahay habab ciqaabeed oo ka duwan ciqaabta caadiga ah

ee Dembiga.

Qodobka 124

Kordhinta ciqaabta caadaysiga

1. Xaaladaha caadaysiga Dembiga ciqaabta waxaa la kordhinayaa ilaa lix dalool hal.

2. Marka caadaysiga ay weheliyaan xaaladaha lagu sheegay xarfaha (a), (b), (c) & (d) ee

faqrada 2aad ee qodobka 61, ciqaabta waxaa la kordhinayaa ilaa sadex dalool hal dalool.

3. Xaalada caadaysiga, marka shuruudaha ku xusan faqradda 2aad ee qodobka 61 uu jiro

ciqaabta waxaa la kordhinayaa saddex dalool hal dalool ilaa saddex dalool laba dalool.

Qodobka 125

Ciqaabta isku dayga Dembiga Qof kasta oo lagu helo in uu galay isku day Dembi waxaa lagu ciqaabayaa:

a) Xabsi labaatan ilaa sodon sanno ah, marka sharcigu Dembigaa u dhigay ciqaab dil ah.

b) Xabsi aan ka yarayn labaatan sano, meesha sharcigu Dembiga u qoondeeyay ciqaabta

xabsi daayin.

c) Xaaladaha kale oo dhan ee ciqaabta ay u qoondaysan fal Dembiyeedka la galay, waxaa la

dhimayaa sadex dalool, hal ama laba dalool.

QORMO III: DABAQAADA IYO BEDELAADA CIQAABTA XAALADA KULANKA DEMBIYADA

Qoddobka 126

Xukunka dhawr Dembi ee hal xukun keliya Marka, hal xukun Dembi fale lagu xukumayo wax ka badan hal Dembi, tilmaamaha qodobadan

soo socdaa la dabaqayaa.

Page 44: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

44

Qodobka 127

Kulanka Dembiyada lagu ciqaabayo xabsi daayin

1. Waxa la saarayaa gooni u xabsiyayn waqtiga maalintii, waqti aan ka yarayn hal sano

kana badnayn shan sanno, marka Dembi falaha lagu helo wax ka badan hal Dembi oo

midkasta ciqaabtiisu tahay xabsi daayin.

2. Marka Dembi falaha lagu helo Dembi ciqaabtiisu tahay xabsi daayin iyo hal Dembi ama

ka badan oo ciqaabtiisu tahay xarig, waxaa lagu xukumayaa xabsi daayin ay weheliso

gooni u xabsiyayn waqti maalmeedka muddo aan ka yarayn lix bilood kana yarayn afar

sanno.

Qodobka 128

Kulanka Dembiyo lagu ciqaabayo xarig ama ciqaab maaliyadeed oo isku nooc ah

1. Marka in ka badan hal Dembi oo lagu ciqaabi karo xabsi, xukun keliya ayaa lagu soo

saarayaa muddo u dhiganta wakhtiga guud ee ciqaabta la saari lahaa Dembi kasta

goonidiisa.

2. Marka ay kulmaan in ka badan hal Dembi, oo mid kasta lagu ciqaabi lahaa xarig aan ka

yarayn 24 sanno, ciqaabta xabsi daayin ayaa la saarayaa.

3. Ciqaabaha maaliyadeed ee isku nooca ah si buuxda ayaa loo wada saarayaa.

Qodobka 129

Kulanka Dembi lagu ciqaabayo xarig kala duwan

1. Marka in ka badan hal Dembi lagu ciqaabayo xabsi kala nooc ah, ciqaab kasta waxa loo

saarayaa si gooni ah iyadoo buuxda.

2. Xabsiga gefafka waxa la fulin doonaa marka u dambaysa.

Qodobka 130

Kulanka Dembiyo lagu ciqaabayo ciqaabo maaliyadeed oo kala duwan

1. Marka in ka badan hal Dembi lagu ciqaabayo ganaaxyo kala duwan ciqaab kasta oo

maaliyadeed gooni ayaa loo saarayaa iyadoo buuxda.

Page 45: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

45

2. Marka ciqaabta maaliyadeed aan si buuxda loo bixin, qadarka la bixiyay, ayaa loo

jarayaa ujeedada isku bedelka.

Qodobka 131

Ciqaabaha loo aqoonsado ciqaab kali ah, iyagoo ciqaabo kala duwan ah

1. Haddaan sharcigu si kale u dhigin ciqaabaha isku nooca ah ee la saaray sida waafaqsan

Qodobka 128 waxa loo qaadanayaa ciqaab kali ah dhammaan ujeedooyinka qaanuuneed.

2. Ciqaabaha kala nooca ah ee loo saaray si waafaqsan qodobada 129 iyo 130, waxa sidoo

kale loo qaadanayaa ciqaab keliya, dhammaan ujeedooyinka qaanuuneed, ciqaabta

gaarka ah ee noocyada culus ah. Iyadoo loo xisaabin doono ciqaabo kala duwan

ujeedooyinka fulintooda, tallaabooyinka ammaanka iyo ujeedo kale oo kasta oo sharcigu

qeexay.

3. Marka ciqaabta maaliyadeed la saaro iyadoo ku lamaan ciqaab kale oo nooc kale ah,

ciqaabaha waxa loo qaadanayaa ciqaabo kala gooni ah dhamaam ujeedooyinka

qaanuuneed.

Qodobka 132

Xadidaada ciqaabaha kaabayaasha ah Si loo xadido ciqaabaha kaabayaasha ah iyo cawaaqib kasta oo ciqaabeed oo xukunka Dembiga

ah, waxaa loo qaadanayaa Dembi ka gaara kan lagu helay Dembi falaha iyo ciqaaabta asalka ah

ee lagu qaadi lahaa mid kasta oo ka mid ah kuwaas hadddii aanay kulmin Dembiyadaasi.

Qodobka 133

Xadka kordhinta ciqaabaha asalka ah

1. Marka ay jirto kulanka Dembiyada lagu sheegay qodobka 128, ciqaabta lagu saarayo

qodobkaas, kama badnaan karaan shan laabka kan ugu culus ciqaabaha wadajira,

markastana lama dhaafin karo:

(a) Sodon sanno xariga Dembiyada

(b) Lix sanno xariga gefafka

(c) 150,000 Sh.So.ganaaxa Dembiyada iyo 30,000 Sh.So. ganaaxa gefafka iyo 400,000 Sh.So.

ganaaxa Dembiyada iyo 80,000 Sh.So. ganaaxa gefafka, marka garsooruhu ka

faa’iidaysanayo

awoodaha ku xusan faqrada sadexaad ee qodobka 97 iyo faqrada labaad ee qodobka 99.

Page 46: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

46

2. Marka ay jirto kulan Dembiyeed sida ku sheegan qodobka 129, wartiga xarig ee la

saarayaa kama badnaan karo sodon sanno. Qurubka ciqaabeed ee ka dheeriga ah xadkaa

xaalad kasta waxaa laga jarayaa xariga gefafka.

3. Marka ciqaabta maaliyadeed loo rogayo xarig ee uu iska bixin kari waayo Dembi faluhu,

muddada xarigu kama badnaan karto afar sanno xariga Dembiyada iyo sadex sano xariga

gefafka

Qodobka 134

Xuduuda kordhinta ciqaabta kaabayaasha ah Xadka ugu sareeya ee ciqaabaha kaabayaasha ah ee waqtiilaha ah, wadartoodu kama badnaan

karto xuduudan soo socota:

(a) Toban sanno xaaladaha ka reebida xafiisyada guud ama ka reebida xirfad ama farshaxan.

(b) Shan sanno xaaladaha ka laalista adeegsiga xirfad ama farshaxan.

Qodobka 135

Ciqaabaha lagu soo saaro xukuno kala duwan Tilmaamaha qodobada hore ayaa la dabaqayaa, marka qofka xukunka ka dib, isla qofkii lagu

qaado Dembi kale oo uu galay ka hor ama ka dib xukunka ama marka isla qof keliya wax ka

badan hal xukun lagu qaado.

CUTUB V

FULINTA CIQAABTA

Qodobka 136

Xarumaha gaarka ah ee lagu qaato xariga

1. Xariga Dembiyada, waxaa lagu qaadanayaa marka ay suuragalka tahay xarumo u

gaara ah nooc kasta oo Dembiileyaashan ka mid ah:

(a) La qabatimaha iyo xirfadlaha Dembi.

(b) Dadka lagu xukumay ciqaab la dhimay sabab xis dhinaan darteed ama ah

dhegoole ama ma hadle ama si xun ugu sikhraansan khamri ama maandooriye

ama qabatime maandooriye ama qof qabatimay maandooriye kale.

Page 47: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

47

2. Marka hal Dembiile uu wada leeyahay duruufo shakhsiyeed oo kala duwan,

garsooruhu wuxuu go’aansan karaa in uu xariga ku qaato xarun gaara; go’aankaasna

waa la bedeli karaa fulinta xariga dhexdeeda.

3. Ciqaabta gefafka marka ay suurtawdo, waxaa lala qaadan karaa Dembi falayaasha la

soo sheegay ama la qabatimayaasha iyo xirfadlayaasha gefafka, ciqaabo gaara ayaa

xarumahaa ciqaabeed ee gaarka ah lagu qaadanayaa.

4. Haweenka waxay xariga ku qaadanayaan xarumo ka gaara kuwa raggu ku qaataan.

Qodobka 137

Xariga da’yarta

1. Ilaa ay gaaraan 18 sano, caruurtu waxay inta suuragalka ah, ku qaadanayaan xabsiga

xarumo ka go’an kuwa ay isticmaalaan dadka waawayni, ama goobo gooni ah oo

xarumahaas ka mid ah. Haddii saacadaha aan loo qoondayn shaqada, waxa la siinayaa

amaro gaar ah oo loola jeedo dib u dejinta maskaxdooda.

2. Waxaa kale oo, inta suuragalka ah loo astaynayaa xarumo gaar ah xaaladaha ku xusan

faqradda 1aad (a) iyo (b) ee Qodobka hore.

Qodobka 138

Kormeeridda fulinta ciqaabaha

Fulinta ciqaabaha waxaa kormeeraya garsooraha awooda u leh.

Qodobka 139

Guno siinta kuwa lagu xukumo shaqada ay qabtaan

Xarumaha xabsiga lagu qaato waxaa laga siinayaa shaqada ay qabtaan gunno.

Qodobka 140

Dib u dhigista khasabka ah ee fulin ciqaabta

1. Fulinta ciqaabta, aan ahayn ciqaabta maaliyadeed waxaa dib loogu dhigayaa:

Page 48: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

48

a) Marka ciqaabta la saaray haweenay uur leh;

b) Marka ciqaabta la saaray haweenay umushay sanad wax ka yar horteed;

c) Marka arji cafis ah la gudbiyay arrinka ku saabsan xukun dil ah;

2. Xaaladaha lagu sheegay faqrada kowaad (b) ee qodobkan, dib u dhigida waa laga

noqonayaa marka ilmuhu dhinto ama loo dhiibo qof aan hooyadii ahayn ama dhaliinka ay

ka soo wareegtay laba bilood oo kale.

Qodobka 141

Dib u dhigista ikhityaariga ee fulinta ciqaabta

1. Fulinta ciqaabta waxa furan in dib loo dhigo:

a) Marka arji codsi cafis la soo gudbiyo, oo fulinta ciqaabta oo aan loo baahnayn

iyada oo la raacay Qodobka hore

b) Marka qofka lagu fulinayo ciqaab xoriyadiisa xadidaysa ay xaaladiisu tahay mid

si wayn jidh ahaan u naafaysan;

2. Xaaladaha ku xusan faqradda 1aad (a), fulinta ciqaabta dib looma dhigi karo muddo ka

badan isu gayn 6 bilood oo laga soo tiriyo maalinta xukunku kama danbays noqday,

xataa haddii la cusboonaysiiyay arjiga cafiska.

Qodobka 142

Xis la‟aanta kedis dusha ugaga timaada qofka xukuman

1. Marka qof lagu xukuman ciqaab xadidaysa xoriyada shakhsiga ah ka hor ama fulinta

ciqaabta dhexdeeda ay ku timaado xis dhinaansho, garsooruhu markuu u arko in

xaaladaasi ay hakinayso fulinta ciqaabta, wuxuu soo saarayaa waraaq uu dib ugu dhigayo

fulinta ciqaabta ama uu ku laalayo, iyadoo loo dirayo xarun daryeel, cisbitaal ama goob

xanaano.

2. Tilmaamaha hore waxaa kaloo lagu dabaqayaa, marka sabab xis dhinaansho qofka ku

xukuman dil loogu diro xarun daryeel.

3. Marka sababahan lagu daryeelay ay meesha ka baxaan, waxaa laga noqon karaa dib u

dhigida ciqaabta, waana la fulinayaa ciqaabta.

Page 49: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

49

QAYBTA 5aad

BAABA’A DEMBIGA IYO CIQAABTA

CUTUB I

DHAMMAADKA DEMBIGA

Qodobka 143

Dhimashada Dembiilaha xukun ka hor Dhimashada Dembiilaha ka hor xukunku waxay dhamaynaysaa Dembiga.

Qodobka 144

Cafis

1. Cafis Dembi wuxuu dhamaynayaa Dembiga, marka ciqaabta la soo saaray waxay

dhamaynaysaa fulinta ciqaabta iyo ciqaabaha kaabayaasha ah.

2. Marka ay Dembiyo kulmaan, cafiska waxa loo cuskanayaa Dembiga gaarka ah ee la

siiyay.

3. Dhammaadka Dembiyada ay keento saamaxaadu waxay ku xadidan tahay Dembiyada la

galay iyo kuwa laga garsoorayay maalinta la soo dhigo Golaha sharci dejinta sharciga

awooda lagu siinayo Madaxwaynaha soo saarista cafiska iyo saamaxaada.

4. Cafiska waxaa lagu xidhi karaa shuruudo iyo waajibaadyo.

5. Cafiska laguma dabaqayo caadaystaha, xaaladaha ku xusan faqradda 2 ee Qodobka 61

ama qabatimaha iyo xirfad ka dhigtaha Dembi ee ku xusan qodobada (64,65,67 XC),

haddii aan wareegtadu si kale u dhigin.

Qodobka 145

Ka noqoshada ashkatada Xaaladah Dembiyada lagu dhaqaajiyo dalabka dhibanaha, marka laga reebo in xukunku kama

danbays noqdo, ka noqoshada ashkatada ama dhimashada dhibanuhu waxay dhamaynaysaa

Dembiga.

Page 50: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

50

Qodobka 146

Raaligelinta gefafka Marka gefafka sharcigu u qeexay ciqaab ganaax ah, Dembiiluhu haddii uu ogolaado ka hor

bilawga dacwada bixinta sadex dalool ciqaabta ugu saraysa ee Dembiga iyo weliba kharashka

dacwada, waxay dhamaynaysaa Dembiga.

Qodobka 147

Saamaxaad Garsoor ee dadka ka yar 18 jir ama ka wayn 70 jir

1. Marka, Dembiga uu galo qof da’diisu ka yar tahay 18 jir ama ay ka wayn tahay 70 jir oo

ciqaabta lagu qaadayaa ay tahay ugu badnaan sadex sano ama ciqaab maaliyadeed ama

labadaba, garsooraha waxaa u furan inuu ka hakado in uu galiyo xabsi oo uu siiyo

saamaxaad garsoor, isagoo maanka ku haya duruufaha lagu sheegay qodobka 110, oo uu

aqoonsan yahay in aan Dembi faluhu Dembi kale gelayn. Saamaxaada garsoor waxay

dhamaynaysaa Dembiga.

2. Saamaxaad garsoor lama bixin karo hal mar wax ka badan.

CUTUB II

BAABA’A CIQAABTA

Qodobka 148

Dhimashada Dembiilaha xukunka ka dib

Dhimashada Dembiilahu, waxay dhamaynaysaa ciqaabta.

Qodobka 149

Naxariisashada iyo saamaxaada

1. Naxariisashada ama saamaxaada, waxay keenayaan raxmad dhamaan ama qayb ciqaabta

la saaray, waxaanay u bedeli kartaa noocyo kale oo ciqaab ah oo uu sharcigu xadeeyay,

ma tirtirayo ciqaabaha kaabayaasha ah, marka laga reebo in wareegtadu si ka duwan u

sheegto, sidoo kale ma tirtirayso cawaaqibka kale ee xukunka ka dhashay.

Page 51: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

51

2. Marka ay jirto kulan Dembiyo, naxariista waxaa la dabaqayaa oo keliya hal mar, ka dib

marka ciqaabaha la isu wada geeyo, sida waafaqsan qodobada lagu maamulo kulanka

Dembiyada.

3. Marka la eego naxariista tilmaamaha sadexda faqradood ee ugu danbeeya qodobka 144

ayaa la dabaqayaa.

Qodobka 150

Xukun ka laalid shuruudaysan

1. Marka Dembiiluhu uusan caadayste ahayn, isagoo ku xisaabtamaya duruufaha ku xusan

qodobka 110, oo haysta sabab uu ku rumaysto in Dembi falaha uu dhaqankiisu hagaagi

doono mustaqbalka, markuu ku dhawaaqayo xukunka ciqaabta ah ee xarig aan ka

badnayn lix bilood ama ciqaab maaliyadeed oo keliya ama labadaba ama ciqaab

maaliyadeed oo u rogmi kara ciqaab xarig oo waqti la mid ah, wuxuu amri karaa in la

laalo fulinta ciqaabta.

2. Laalista ciqaabtu waxay ku xidhan tahay shuruudahan soo socda:

(a) In aan Dembi faluhu muddo shan sano ah uusan gelin Dembi ama gefaf

dabeecadiisu la nooc tahay kan lagu xukumay;

(b) In Dembi faluhu muddo uu cayimay garsooruhu uu fuliyo waajibaad madani ah

oo uu ku magdhabayo ama ugu cawil celinayo dhibanaha

3. Marka shuruudahaa la oofiyo ciqaabtu way dhamaanaysaa.

Qodobka 151

Sii dayn shuruudaysan Qof lagu xukumay xabsi daayin ee qaatay ugu yaraan shan iyo labaatan sanadood, ama qofka

lagu xukumay xabsi ee qaata kala badh (nus) ciqaabtii ama ugu yaraan afar dalool saddex, haddii

uu yahay cadayste, waxaa la siin karaa siidayn shuruudaysan, iyadoo ay tahay in uu si joogto ah

u muujiyo cadayn dhaqan wanaag.

Qodobka 152

Dib u dhaqan celin

Dib u dhaqan celintu waxay dhamaynaysaa ciqaabaha kaabayaasha ah iyo cawaaqib kasta oo

ciqaabeed oo ka dhashay xukunka, haddii aan sharcigu si kale u sheegin.

Page 52: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

52

Qodobka 153

Shuruudaha dib u dhaqan celinta

1. Dib u dhaqan celin waxaa la bixin karaa marka shan sano ay ka soo wareegto fulintii

xukunka asalka ah ama sabab kasta oo kale ay u dhamaatay, oo qofka la xukumay uu si

dhab ah oo joogto u cadeeyay dhaqan wanaag.

2. Muddadu waa toban sanno xaalada caadaystaha, sida lagu sheegay faqrada 2aad ee

qodobka 61.

3. Sidoo kale muddadu waa toban sano xaaladaha la qabatimaha iyo xirfadlaha Dembi.

Qodobka 154

Ka noqoshada amarka dhaqan celinta Amarka dib u dhaqan celinta, waa laga noqonayaa marka qofka la dhaqan celinyaa galo Dembi

kale oo aan kama’a ahay shan sanno gudahood, oo ciqaabta la saaray tahay ugu yaraan sadex

sanno ama ciqaab xarig oo aad u culus.

Qodobka 155

Dib u dhaqan celinta xaaladaha xukumada dibedeed Qodobada la xiriira dib u dhaqan celinta ayaa lagu dabaqayaa xukumada dibedeed ee loo

aqoonsado si waafaqsan qodobka 10.

CUTUB III

QODOBO GUUD

Qodobka 156

Saamaynta sababaha baaba‟a Dembiga ama ciqaabta

Hadaan sharcigu si kale u sheegin, sababaha baabi’inta Dembiga ama ciqaabtu, waxay

saamaynayaan oo keliya dadka sababta baaba’u la xiriiro.

Page 53: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

53

Qodobka 157

Wax ka badan hal sabab baabi‟in

1. Baaba’a Dembiga ama ciqaabtu wuxuu dhaqan gelayaa waqtiga ay sababtaasi muuqato.

2. Marka sabab dhamaynaysa Dembiga iyo sabab dhamaynaysa ciqaabta ay kulmaan,

waxaa mudnaanta yeelanaysa sababta dhamaynaysa Dembiga, xataa haddii ay mar danbe

muuqato.

3. Marka in ka badan hal sabab oo dhamaynaysa Dembiga ama ciqaabta ay soo baxaan

waqtiyo kala gedisan, sababta hore waxay dhamaynaysaa Dembiga ama ciqaabta, kuwa

danbena, waxay tirtirayaan raadadka aad weli dhamaan ee cawaaqibka dacwad qaadista.

4. Marka in ka badan hal sabab ay isku mar muuqdaan, ta ugu dan badan ayaa

dhamaynaysa Dembiga ama ciqaabta, xaaladan qodobada hore ayaa lagu dabaqayaa

marka la eego saamaynta cawaaqibka aan ku dhamaan sababtaa ugu danta badan.

QAYBTA VI

CIQAABAHA MADANI

Qodobka 158

Cawil celinta iyo magdhowga khasaaraha

1. Dembi kasta waxaa ka imanaya waajibaad cawil celin la xiriira sharciga madaniga.

2. Dembi kasta oo ay ka timaado khasaare hantiyeed ama khasaare kale, waxaa ka imanaya

waajibaad in ay magdhaw sameeyaan Dembi falaha ama qof kale oo marka la eego

xeerka madaniga masuul ka noqonaya falkaa.

Qodobka 159

Masuuliyada Wadajirka ee ku saabsan waajibaadka Dembi Dadka lagu xukumo hal Dembi ama Dembi isku mid ah, waxay masuul uga noqonayaan wadajir

in ay sameeyaan soo celin ama magdhaw, si waafaqsan xeerka madaniga.

Page 54: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

54

Qodobka 160

Saamaynta waajibaadka madani ee dhamaadka Dembiga ama ciqaabta

Dhamaadka Dembiga ama ciqaabta ma keenayso dhamaadka waajibaadka madani ee ka dhashay

Dembiga.

QAYBTA VII

TALAABOYIN AMMAAN

CUTUB I

TALLAABOOYIN AMMAAN OO SHAKHSI AH

QORMO I: QODOBO GUUD

Qodobka 161

Ku Cadayn qodobo qaanuuneed

Qofna lama hoos gayn karo tallaabooyin ammaan oo aan si cad sharciga ugu cadayn, lamana

marin karo tallaabooyin ka baxsan xadka sharcigu qeexay.

Qodobka 162

Dabaqaada tallaabooyinka ammaan

1. Tallaabooyinka ammaan, waxaa lagu maamulayaa sharciga dhaqangalka ah waqtiga

tallaabooyinkaa la amrayo.

2. Marka quusanunka dhaqangalka ah wakhtiga la fulinayo tallaabooyinka ammaanka uu ka

duwan yahay, quusanunka waqtiga la amray waxaa la dabaqayaa kan hore marka uu

isagu aad danta u yahay.

Page 55: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

55

Qodobka 163

Dadka lagu dabaqayo tallaabooyinka ammaan

1. Tallaabooyinka ammaan waxaa lagu dabaqayaa oo keliya dadka bulshada khatarta ku ah

iyo dadka gala falalka sharcigu Dembi u yaqaan.

2. Xeerka ciqaabtu wuxuu dhigi doonaa xaaladaha tallaabooyinka ammaan lagu dabaqi

karo dadka bulshada khatarta ku ah, iyadoo loo tixgelinayo fal aan sharcigu Dembi u

aqoon.

3. Tallaabooyinka ammaan waxaa kaloo lagu dabaqayaa dadka ajinebiga ah ee Dalka

qaranka degan.

Qodobka 164

Khatar ku ah bulshada

1. Ujeedada Xeerka Ciqaabta, qof waxaa loo qaadanayaa in uu khatar ku yahay bulshada,

xataa bulshada oo aan u haysan, xataa isagoo aan ahayn mid masuuliyad Dembi qaada

ama la ciqaabi karo, uu galo falalka lagu xusay qodobka hore, oo haddana uu u dhaw

yahay in uu gelayo fal kale oo sharcigu Dembi u aqoonsan yahay.

2. Qofka waxaa ku suurayn kara in uu khatar ku yahay bulshada garsoorha, isagoo ku

salaynaya duruufaha ku xusan qodobka 110.

3. Xaaladaha si cad ugu qeexan qof sharcigaa u aqoonsanaya in uu khatar ku yahay

bulshada.

Qodobka 165

Amarka Garsoorha

1. Tallaabooyin ammaan waxaa amri kara garsooraha, isagoo ku amaraya xukunka ciqaabta

ama siidaynta ee qofka ay khusayso.

2. Tallaabooyinka ammaan waxaa kaloo lagu amri karaa amarada ku ku xiga ee:

a) Xaalada xukunka ciqaabta, waqtiga fulinta ciqaabta dhexdeeda ama waqtiga uu

qofkaasi si ikhtiyaari ah uga fakaday fulinta ciqaabta.

b) Xukunka siidaynta marka loo qaato in qofku ku yahay bulshada khatar oo uusan

dhamaan waqtiga ugu yar ee tallaabooyinka ammaan.

c) Wakhti kale oo kasta xaaladaha si gaara sharcigu u qeexayo.

Page 56: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

56

Qodobka 166

Dabaqaada ku meel gaadhka ah ee tallaabooyinka ammaan

1. Wakhtiga baadhista ama dacwad qaadista, garsooruhu wuxuu amri karaa in qofka ka yar

sideed iyo toban jir, ama qofka maskaxdiisu aanay dhamayn, ama sakhraan caadaystay

ama qof ku walfay isticmaalidda walxaha maanka dooriya, ama qofka xaaladiisu heer

xun oo miyir doorsoon ku timid khamri ama walxaha maanka dooriya, uu si meel ku

gaadh ah ugu diro xarun toosin, ama xabsiga waalidda, ama cusbitaal ama guri kalkaalin

caafimaad.

2. Garsooruhu waa ka noqon karaa amarkaas marka ay la noqoto qofkasi uusan hadda ka

dib khatar ku ahayn bulshada.

3. Muddada ku meel gaadhka ah ee fulinta tallaabooyinka ammaan waxaa laga jarayaa

waqtiga tallaabooyinka ammaan ee lagu xukumayo.

Qodobka 167

Ka noqoshada tallaabooyinka ammaan

1. Tallaabooyinka ammaan lagama noqon karo, haddii aanay ka suulin qofkaa lagu dabaqay

khatarnimadiisii bulshadu.

2. Ka noqoshada lama amri karo ilaa uu dhamaado waqtiga la mid ah waqtiga ugu yare e

sharcigu u dhigay tallaabooyinkaa ammaan uu dhamaado.

Qodobka 168

Dib u eegista xaaladaha dadka loo aqoonsaday khatar bulsho

1. Marka muddada ugu yaraan ee sharcigu u dhigay tallaabo ammaan kasta ay dhamaato,

Garsooruhu wuxuu dib u eegayaa xaaladihii qofkaas la saaray tallaabada ammaan, si loo

hubiyo in qofkaasi weli bulshada khatar ku yahay iyo in kale.

2. Marka ay muuqato in qofkaasi weli bulshada khatar ku yahay, garsooruhu wuxuu

xadidayaa wakhti dib u eegis dheeraad ah; si kasaba ha ahaatee, markay caqli gal tahay,

in la rumaysto in khatartii suushay, garsooruhu markasta xaalada dib buu u eegi karaa.

Page 57: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

57

Qodobka 169

Saamaynta baaba‟a Dembiga iyo ciqaabta

1. Baaba’a Dembigu wuxuu reebayaa dabaqaada tallaabooyinka ammaan, wuxuu

joojinayaa fulintooda.

2. Baaba’a ciqaabtu waxay reebaysaa dabaqaada tallaabooyinka ammaan, marka laga reebo

kuwa sharcigu ogolaaday waqti kasta, laakiin ma reebayso kuwa hore uu garsoore u

amray, ee talaabooyin kaabis ah u ah xukun xarig oo waqti ka badan toban sanno.

3. Marka sabab naxariisasho ama saamaxaad, xukun dil ama xabsi daayin aan la fulinayn,

qofka la xukumay waa la siidaynayaa, iyadoo la korjoogtaynayo muddo aan ka yarayn

sadex sano.

Qodobka 170

Fulinta tallaabooyinka ammaan

1. Tallaabooyinka ammaan ee la amro, iyagoo ka dheeraada xariga, waxaa la fulinayaa

marka xariga la dhamaysto ama haddii kale uu dhammaado.

2. Tallaabooyinka ammaan ee la amray, iyagoo ka dheeradaa ciqaab kale oo aan ahayn

xarig, waxaa la fulinayaa marka xukunku kama danbays noqdo.

3. Tallaabooyinka ammaan ee aan dabeecad hayn lahayn, ee la amro iyagoo weheliya

talaaboyin ammaan oo dabeecad hayn leh, waxaa la fuliyaa marka la dhamaysto kuwa

dabeecada haynta leh.

Qodobka 171

Dhawris la‟aanta tallaabooyinka ammaan

1. Marka qofka la saaray tallaabooyin ammaan uu si ikhtiyaar ah uga fakado fulinteeda,

muddada ugu yar tallaabooyinka ammaan waxay dib uga bilaabanayaan maalinta ay dib

ugu bilaabmaan.

2. Tilmaamaha hore laguma dabaqayo qofka la geeyay cisbitaal maskaxeed, Cisbitaal ama

xarun kalkaalin.

Page 58: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

58

QORMO II: QODOBO GAAR AH

Qodobka 172

Noocyada tallaabooyinka ammaan marka loo eego dadka

1. Tallaabooyinka ammaan marka loo eego dadka waxaa loo qaybiyaa, tallaabooyin

ammaan oo dabeecad hayn leh iyo kuwo aan dabeecad hayn lahayn.

2. Tallaabooyinka ammaan ee dabiicada hayn leh waxay noqonayaan:

a) Gayn cusbitaal, ama xarun kalkaaliye caafimaad

b) Gayn cusbitaal waalida lagu daweeyo

c) Gayn xarun dhaqan celin

3. Tallaabooyinka aan lahayn dabiicad hayn waxay noqonayaan:

a) Dul ka ilaalin bilays

b) Dal ka saarid ama masaafurin ajinebi

4. Marka sharci dhigo tallaabooyin ammaan, iyada oo uusan sheegin nooceeda, garsooruhu

wuxuu amri karaa in la hoos geeyo dul ka ilaalin bilays.

Qodobka 173

Gaynta cusbitaal ama guri kalkaaliye caafimaad

1. Qofka lagu xukumo Dembi aan ahayn mid lagu galay kama’a, ee ciqaabta looga dhimo

sabab xis dhinaansho ama sakhraamid xun ee khamro walxa maanka dooriya ama isagoo

ah dhegoole iyo dhegoole ma hadle ah, waxaa la gelinayaa cusbitaal ama xarun

kalkaaliye caafimaad muddo aan ka yarayn hal sano, marka ciqaabta ugu yare ee

sharcigu dhigay aanay ka yarayn shan sanno.

2. Marka ciqaabta sharcigu dhigay ay tahay dil ama xabsi daayin ama ciqaab xarig oo aan

ka yarayn toban sanno, tallaabooyinka ammaan ee la amrayaa waxay noqonayaan muddo

aan ka yarayn sadex sanno.

3. Marka, ciqaabta loo qoondeeyay Dembi kasta uu yahay xabsi iyo marka ay u muuqato

qofka la xukumay uu khatar ku yahay bulshada waxa la geynayaa cusbitaal ama xarun

kalkaaliye caafimaad, muddo aan ka yarayn lix bilood, si kastaba ha ahaatee, garsooraha

wuxuu amar ku bixin karaa in la hoos geeyo dul ka ilaalin bilays, halkii laga gaeyn lahaa

goobaha kor ku xusan, haddaan ciqaabta loo dhimin sakhrad xun khamri ama walxaha

maanka dooriya.

4. Marka la geeyo cusbitaal ama xarun kalkaalin caafimaad ee la amray, tallaabooyin kale

oo ammaan oo dabeecad hayn leh laguma dabaqayo.

Page 59: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

59

Qodobka 174

Fulinta amarka gaynta qofka cusbitaal ama xarun kalkaalin caafimaad

1. Amarka geynta qof cusbitaal ama xarun kalkaalin caafimaad, waxaa la fulinayaa ka dib

xukunka xadaynaya xorriyadda shakhsiga ah marka la dhamaysto ama haddii kale uu

dhammaado.

2. Garsooruhu, si kastaba ha ahaatee, isagoo eegaya xaalad kasta oo gaar ah oo xis

dhinaansho, qofka lagu xukumay, wuxuu amri karaa horteed ama dabadeed xariga

xaddidaya xorriyada shakhsiga ah.

Qodobka 175

Qabatimaha Sakhrada

1. Marka aan loo baahnayn tallaabo kale oo ammaan oo leh dabiicadda haynta in la amro,

qofka lagu xukumay xarig Dembi oo uu ku galay isagoo sakhraansan, marka sakhradu

tahay qabatimid ama mid Dembi galista keentay saamaynta walxaha maanka dooriya

isticmaalisteed, kuwaas oo uu ku walfay, waxaa la geynayaa cusbitaal ama xarun

kalkaalin caafimaad muddo aan ka badnayn lix bilood.

2. Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha Dembiyada xariga lagu xukumay muddo aan ka yarayn

saddex sano, waxaa la saari karaa Dembi falaha dulka ilaalin bilays, halkii laga gayn

lahaa cusbitaal ama xarun kalkaalin caafimaad.

Qodobka 176

Ku daawaynta xarunta waalida

1. Xaalada siidaynta, sabab xis dhinaansho, ama ku sakhrad culus ee khamri ama

maandoriye kale, ama dhego la’aan ama dhegoole ma hadle ah, Dembi falaha waxa la

geynayaa xarunta waalida muddo aan ka yarayn laba sano, iyadoo gefaf ama Dembi

kama’a ah, ama Dembi kale oo sharcigu u qoondeeyay ciqaab maaliyadeed ama xarig

muddo aan ka badnayn laba sanno, xukunka sii daynta lagu wargelinayo bilayska.

2. Muddada ugu yar ee ku haynta xarunta waalida waa toban sano, marka sharcigu dhigayo

ciqaabta dilka ama xabsi daayin; shan sano haddii sharcigu dhigayo ciqaab xarig oo

muddo aan ka yarayn toban sano.

3. Marka qof la geeyay xarunta waalida laga rabo in uu qaato xukun xadaynaysa xoriyada

shakhsiga ah, fulinta xukunkaa dib ayaa loo dhigayaa ilaa dhamaadka muddada la

geeyay xarunta waalida.

Page 60: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

60

4. Tilmaamaha qodobkan waxaa kale oo lagu dhaqayaa dadka lagu sii daayay sabab

da’dooda ah, marka ay galaan falal sharcigu u aqoonsan yahay Dembi, marka jiraan

duruufaha ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan.

Qodobka 177

Gayn xarun dhaqan celin

1. Marka qof da’diisu ka yar tahay afar iyo toban jir, uu galo Dembi, isagoo dabeecad

khatar leh, garsooruhu, isaga oo si gaar ah u eegaya culayska falka iyo xaaladaha

dhaqameed ee qoyska soo koriyay da’ yaraha waxaa u furan, inuu amro in la geeyo meel

dhaqan celineed muddo aan ka yarayn laba sano.

2. Marka Dembiga lagu ciqaabayo dil, ama xabsi daayin ama xabsi aan ka yarayn saddex

sanno, oo uusan Dembigu ahayn kama’a, da’yaraha waxaa la amrayaa in la geeyo xarun

dhaqan celin, muddo aan ka yarayn saddex sanno.

Qodobka 178

Dul ka ilaalin bilays

1. Boolisku waxay samaynayaan dul ka ilaalin, dadka la hoos geeyay dul ka ilaalin bilays.

2. Garsooruhu wuxuu dejinayaa tilmaamaha suurtagelinaysa dadka la hoos geeyay dul ka

ilaalinta bilayska si ay uga joojiyaan gelintaanka Dembi kale, tilmaamahaa dib waa u

bedeli karaa ama u xadayn karaa garsooruhu.

3. Dul ka ilaalinta bilayska waxaa loo fulinayaa hab u fududayn shaqo, oo qofka dib ugu

soo celinaya la midawga bulshada.

4. Marka qofka la hoos geeyo dul ka ilaalin bilays, ma dhamaanayso in ka yar sannad.

Qodobka 179

Xaaladaha la amri karo dul ka ilaalin bilays Marka lagu daro xaaladaha ay dulka ilaalinta bilayska lagu amri karo qodobo gaara oo

qaanuuneed, waxaa kaloo la amri karaa:

a) Xaaladda xukun xarig oo waqti ka badan hal sanno ah.

b) Xaaladda xeerkani u jidaynayo in la amro tallaabooyin ammaan fal uusan sharcigu

Dembi u aqoonsanayn.

Page 61: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

61

Qodobka 180

Xaaladdaha dul ka ilaalinta bilayska ay waajib tahay in la amro Dulka ilaalinta bilayska waxaa la amrayaa:

a) Marka ciqaabta la saaray ay tahay xarig aan ka yarayn toban sanno, xaaladan

tallaabooyinka ammaan kuma dhammaanayso waqti ka yar sadex sanno.

b) Marka qofka la xukumay loo ogolaado siidayn shuruudaysan.

c) Iyo xaalad kale oo kasta oo sharcigu qeexay.

Qodobka 181

Ka mastaafurinta ajanabi gayiga qaranka Ka mastaafurinta qofka ajinebiga ah Dalka qaranka, waxaa amri kara garsooraha, marka qofka

ajinebiga ah lagu xukumay xarig aan ka yarayn, toban sanno iyo xaalad kasta oo kale oo

sharcigu si cad u sheegay.

CUTUBKA II

TALLAABOOYIN AMMAAN EE HANTI KU SAABSAN

Qodobka 182

La wareegis La wareegid waxay noqonaysaa tallaabo ammaan oo ku saabsan hantida, taas oo lagu dari karo

kuwa xeerkan ku qeexan ama qodobo qaanuuneed oo gaar ah.

.

Qodobka 183

Xaaladaha la wareegista la dabaqayo

1. Xukunka Garsooruhu wuxuu amri karaa la wareegida walxaha loo adeegsaday ama la

doonayay in loo adeegsado gelitaanka Dembiga ama walxaha midhaha ama faa’iidada

Dembiga ah.

2. La wareegid waxaa la amrayaa:

a) Walxaha noqonaya abaal marinta Dembiga.

Page 62: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

62

b) Walxaha loo sameeyay, loo adeegsaday, gacanta loogu haystay, loo haystay, loo

meelaystay in ay Dembiga dhisaan, xataa haddii aan xukun ciqaab ah lagu

dhawaaqin.

3. Tilmaamaha faqrada 1 iyo (a) laguma dabaqayo marka alaabtaas uu iska leeyahay qof

aan ka qayb qaadan Dembiga.

4. Tilmaamaha faqrada 2 (a), laguma dabaqayo marka alaabta uu leeyahay qof aan ka qayb

qaadan Dembiga; iyadoo samaynteeda, lahaansheheeda, xafidaadeeda ama fogaynteeda

ay ku timi ogolaanshaha maamulka awooda u leh.

Page 63: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

63

BUUGA 2AAD

Dembiyadda

QAYBTA 1

DEMBIYADDA LAGA GALO SHAKHSIGADA QARANKA SOOMAALIDDA

CUTUB I

DEMBIYADA LAGA GALO, QARANKA SOOMAALIDA OO AH SHAKHSIGAD CAALAMI

AH

Qodobka 184

Isku dayga ku lidka ah wadajirka, madaxbanaanida iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed (Khiyaamo Qaran)

Qof kasta gala fal si toos ah ugu bandhiga Dalka Qaranka ama qayb ka mid ah, aayo ka talinta

qaran shisheeye ama in uu shiikhiyo madaxbanaanida ama kala furfuro midnimada qaranka,

waxaa lagu ciqaabayaa dil.

Qodobka 185

Muwaadinka qaata hub ku lid ah Qaranka Soomaaliyeed

1. Muwaadin qaata hub ku lid ah qaranka, ama ka shaqeeya ciidan qaran ay dagaal ku wada

jiraan qaranka Soomaaliyeed, waxaa lagu ciqaabayaa xabsi daayin. Marka uu hayo jago

taliye sare ama uu leeyahay door hogaamin, waxaa lagu ciqaabayaa dil.

2. Qofkasta oo wakhti colaadeed oo Dalka qaranka ee dal cadow ah, gala fal ay ku

khasabtay waajibaad ka dhashay shuruucda qarankaasi, ma mudanayo ciqaab.

3. Ujeedada xeerka ciqaabta, weedha “dal dagaal kula jira qaranka” waxaa ku jira urur

siyaasadeed oo in kastoo uusan u aqoonsanayn qaranka Soomaaliyeed qaran loola

macaamilo kuwo ka horjeeda.

Page 64: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

64

Qodobka 186

Sir doonka lala shaqeeyo dal shisheeye ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed

1. Qofkasta u qabta hawl sirdoon dal shisheeye oo dagaal kula jira qaranka Soomaaliyeed

ama dad cadaawe ku ah qaranka ama gala falal ujeedadaas leh, waxaa lagu ciqaabayaa

xarig aan ka yarayn toban sano.

2. Marka dagaalku yimaado waxaa la saarayaa ciqaab dil ah, marka colaadu faaftona waxaa

la saarayaa ciqaab xabsi daayin ah.

Qodobka 187

Falalka cadownimo ee ku lidka ah qaran shisheeye oo u bandhiga qaranka Soomaalida khatar dagaal

1. Qofkasta oo ogolaansho la’aanta dawladda, sameeya ciidamayn ama gala falal kale oo

cadowtinimo oo ku lid ah qaran shisheeye si uu qaranka Soomaaliyeed ugu bandhigo

khatar dagaal, waxaa lagu ciqaabi doonaa xabsi shan sano ilaa laba iyo toban sanno,

haddii dagaal dhashana waxaa ciqaabtu noqonaysaa xabsi daayin.

2. Haddii falkaa colaadeed uu noqdo mid keenaya oo keliya xumaynta xiriir dawlad

shisheeye, ama qaranka Soomaaliyeed iyo muwaadiniintiisa u bandhigo meel kasta oo ay

degan yihiin khatar aargoosi, ciqaabtu waxay noqonaysaa xabsi laba ilaa sideed sanno

ah. Marka ay dhasho kala goosiga xiriirka diplomaasi, ama aargoosi dhaco, ciqaabtu

waxay noqonaysaa xabsi saddex ilaa toban sanno ah.

3. Dembiga sare ku xusan, waxaa lagu ciqaabayaa codsiga Wasiirka cadaalada iyo

garsoorka.

Qodobka 188

Sirdoon lala yeesho ajanebi ujeedo si qaranka Soomaaliyeed uu u noqdo dhexdhexaad ama dagaal u galo

Cidkasta oo ajanabiga ula xiriirta shaqo sirdoon ah oo ku wajahan in ay qaranka

Soomaalida dagaal galiyaan amase dhexdhexaad ka dhigaan, waxa lagu ciqaabayaa xarig

shan sanno ilaa shan iyo toban sanno.

Page 65: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

65

Qodobka 189

Muwaadinka musuqmaasuq la gala shisheeye

1. Muwaadinka xataa si dadban u qaato ama uga hela shisheeye balanqaad ama

lacag ama faa’iido kale oo naftiisa ah, ama dad kale, oo aqbala ballanqaad

noocaas ah oo loola jeedo fulin fal lid ku ah danaha qaranka, waxaa lagu

ciqaabayaa haddaan falku dhalin Dembi ka culays badan, xarig saddex sanno ilaa

toban sanno ah iyo ganaax 5,000 So.Sh. ilaa 10,000 So.Sh. ah.

2. Shisheeyaha bixiya ama ballan-qaada lacagta ama faa’iidada kale, wuxu

mudanayaa ciqaab la mid ah.

3. Ciqaabta waa la kordhinayaa:

(a) Marka falka la galo waqti dagaal

(b) Marka lacagta ama faa’iidada la bixiyay ama la ballanqaaday ujeedo

dacaayadeed oo loo adeegsanayo warbaahin qoraal ah.

Qodobka 190

U danaynta cadowga wakhtiga dagaalka Qofkasta oo wakhti dagaal u qabta hawl sirdoon shisheeye si uu ugu daneeyo hawlgalada

milateri ee cadowga, isagoo ku dhaawacaya qaranka Soomaaliyeed, ama hadii kale khatar ku

gelinaya hawlgallada milateri ee qaranka Soomaaliyeed, ama gala falal kale oo ku wajahan

ujeedadaas, waxaa lagu ciqaabayaa xabsi aan ka yarayn toban sano; marka uu ujeedadiisa

gaadhona waxaa lagu ciqaabayaa dil.

Qodobka 191

Taakulo siin cadaw

1. Qofkasta oo wakhtiga dagaal, siiya xataa si dadban qaran kasta oo cadow ah taakulayn

ama alaabooyin kale oo loo istimcali karo waxyeelida qaranka Soomaalida waxaa lagu

ciqaabayaa xabsi aan ka yarayn shan sanno.

2. Tilmaamaha qodobkan hore laguma dabaqayo ajinebiga ku gala falkan dalka dibediisa.

Page 66: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

66

Qodobka 192

Ka qayb qaadashada siin maal loogu danaynayo cadaw

1. Qof kasta oo wakhtiga dagaalka ka qayb qaata bixin maal ama lacag, isagoo ugu

danaynaya dawlad cadaw cadaw ah ama fududayn u sameeya hawlgal, arrinkaa ku

saabsan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn 5 sanno.

3. Tilmaamaha qodobkan hore laguma dabaqayo ajinebiga ku gala falkan dalka dibediisa.

Qodobka 193

La ganacsiga cadow Muwaadinka ama shisheeyaha ku nool Dalka qaranka oo wakhtiga dagaalka marka laga reebo

xaaladaha ku xusan Qodobka 191, la ganacsadda xataa si dadban qaran cadow ah, si kasta oo ay

ahaato la noolaan kara qof kasta oo ku nool Dalka dawlad cadaw ah, waxaa lagu ciqaabayaa

xarig laba iyo toban sanno iyo ganaax u dhigma shan laab qiimihii badeecadda iyo xaalad kasta

aan ka ayrayn 10,000 oo Somali shilin.

Qodobka 194

Ku guuldaraysiga fulin qandaraasyo taakulayn wakhtiga dagaalka

1. Qofkasta oo wakhtiga dagaalka aan fulin dhamaan ama qayb ahaan, waajibaad ka

dhashay qandaraas inuu keeno badeeco ama shaqo uu la galay qaranka ama hay’ad

dawladeed ama shirkad gudanaysa shaqo dadweyne ama adeegyo dadweyne oo baahi

guud oo ay u bahan yihiin ciidamada qalabka sida ama dadweynaha, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig saddex ilaa toban sano iyo ganaax u dhigma saddex laab qiimaha

alaabta ama shaqadda ay ahayd in la keeno ama la qabto, iyo xaalad kasta aan ka yarayn

10,000 So Sh.

2. Marka gudasha la’aanta dhammaan ama qayb ahaan ay ku timaado kama’a, ciqaabta

waxaa la dhimayaa ilaa kala badh.

3. Tilmaamaha hore waxaa kaloo lagu dabaqayaa sii-qadaraasaha, dilaaliinta iyo wakiilada

qaybiyayaasha, markasta oo jebinta waajibaadkooda qandaraas ay ku sababaan gudasha

la’aanta qadaraaska taakulaynta.

Page 67: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

67

Qodobka 195

Khiyaamaynta taakulaad keenida waqtiga dagaalka

Qofkasta oo wakhti dagaal, khiyaamo ka gala fulinta qandaraas alaabooyin taakulayn ama

fulinaya waajibaadka qandaraasyada kale ee ku xusan Qodobka aynu soo dhaafnay, waxa lagu

ciqaabayaa xarig aan ka yarayn toban sanno iyo ganaax u dhiganta shan laab qiimaha alaabta

ama shaqada ee ay ahayd in la keeno ama la qabto si kastana aan ka yarayn 20,000 shillin.

Qodobka 196

Burburinta ama lug jiidka shaqooyinka ciidanka

1. Qofkasta oo burburiya ama ku sameeya kharbudaad shaqo hakin ah, dhamaan ama qayb

ahaan, xataa si ku meel gaara, maraakiib dayuurado, tareeno, wadooyinka, hawl hagaajin

ama rakibid qalab ah ama bakhaaro ama hawlo kale oo milateri ama shaqooyin la xiriira

ciidamada qalabka sida ee qaran, waxa lagu ciqaabayaa xarig aaan ka yarayn sideed

sanno.

2. Ciqaabta dilka ayaa lagu qaadayaa:

a) Marka falku lagu galo danaha qaran dagaalka ku la jira qaranka Soomaaliyeed

b) Marka falku si culus u saameeyay ama wax u yeelay diyaargarawga iyo kartida

dagaal ee qaranka ama hawlgalkiisa milateri.

Qodobka 197

U fududayn kama‟a ah

Marka fulinta Dembiyada ku xusan qodobada hore laga dhigo suuragal ama loo fududeeyo si

kama’a qofka gacanta ku haya ama xafidaya ama kormeerkeeda leh alaabta halkaa lagu sheegay

qofkaa waxaa lagu ciqaabayaa hal ilaa shan sanno.

Qodobka 198

Qarsashada, been abuurka iyo xadida dhukumenti waraaqo ah oo khuseeya ammaanka qaranka Soomaaliyeed

1. Qofkasta oo dhamaan ahaan ama qayb ahaan qariya, burburiya, been abuura, xada ama

xayirta, leexiya xataa si ku meel gaadh ah, waraaqo iyo dhukumantiyo ku saabsan

ammaanka qaranka ama arrimo kale oo siyaasada gudaha ama danaha caalamiga ah ee

qaranku leeyahay, waxa lagu ciqaabayaan xarig aan ka yarayn sideed sanno.

Page 68: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

68

2. Ciqaabta dilka, waxa lagu qaadayaa marka falku si khatara u saameeyay diyaargarowga

iyo kartida qaranka ee dagaalka ama hawlgalada ciidamada.

Qodobka 199

Fidinta warka ku saabsan nabadgalyada qaranka

1. Cid kastoo hesha warka danta u ah nabadgalyada qaranka ama siyaasada, iyo danaha

gudaha ama caalamiga ah ee qaranka oo ahayd inay sir ahaato waxa lalgu ciqaabayaa

sadex sanno ilaa toban sanno.

2. Ciqaabta dilka ayaa la saarayaa marka uu falku si xun u saameeyo diyaargarowga iyo

kartida qaranka ee dagaalka iyo hawlgallada milateri.

3. Ujeedada timaamaha qaybtan, warka loogu talogalay in uu sir ahaado danaha

siyaasadeed ee qaranka, waxaa ku jiraya, wararka ku qoran waraaqaha xukuumada ee

aan la daabicin sababo la xiriira dabeecada siyaasada gudaha iyo tan caalamiga ah ee

qaranka.

Qodobka 200

Basaasnimada siyaasadeed ama milateri

1. Qofkasta oo daboolka ka qaada, ujeedo basaasnimo siyaasadeed ama milateri, war, danta

nabadgelyada qaranka ama danaha siyaasadeed ee gudaha ama caalamiga ee qaranka

looga dhigay in uu sir ahaado, waxa lagu ciqaabayaa xabsi aan ka yarayn shan iyo toban

sano.

2. Ciqaabta dilka ayaa la saarayaa marka:

(a) Falka loo galay danaha qaran dagaal kula jira qaranka Soomaaliyeed.

(b) Halka falku si aad u culus u waxyeeleeyay diyaargarawga ama kartida dagaal ee

qaranka ama hawgalkiisa milateri.

Qodobka 201

Basaasnimo khusaysa warar aan faafintooda la ogolayn

1. Qofkasta oo ujeedo dano basaasnimo siyaasadeed ama milateri u hela warar hay’adii

awooda u lahayd reebtay faafintooda, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn toban

sanno.

2. Ciqaab xabsi daayin ah ayaa la saarayaa marka falka loo galay danaha qaran dagaal kula

jira qaranka Soomaaliyeed.

Page 69: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

69

3. Ciqaabta dilka ayaa lagu qaadayaa marka si aad u culus falku u waxyeeleeyay

diyaargarawga iyo kartida dagaal ee qaranka ama hawlgalkiisa milateri.

Qodobka 202

U fududayn kama‟a ah

1. Marka fulinta mid kasta oo ka mida Dembiyada ku xusan qodobada 198, 199, 200 iyo

201 laga dhigo suuragal ama uu si kama’a ah u fududeeyo qofka gacanta ku hayay

waraaqaha ama dhokumentiga hayay warka, waxaa qofkaa lagu ciqaabayaa xarig hal

sanno ilaa shan sanno ah.

2. Xarig saddex ilaa shan iyo toban sano ayaa la saarayaa marka si aad u culus falku u

waxyeeleeyay diyaargarawga iyo kartida dagaal ee qaranka ama hawlgalkiisa milateri.

3. Ciqaab la mid ah ayaa saarayaa marka fulinta falka aynu soo sheegnay suuragal laga

dhigo, ama uu fududeeyo si kama’a qofka haya ama kormeerideeda leh goobahaa ha

ahaato dhulka, biyaha ama cirka, taas oo ay mamnuuc tahay in la galo danta milateriga

qaranka awgeed.

Qodobka 203

Dhuumasho ku kelida aagaga milateri iyo haysashada cudurdaar la‟aan ee qalab basaasnimo

1. Qof kasta oo:

a) Tuugo ama khiyaamo ku gala goobaha, dhul, biyo, cir, laga dhigay mamnuuc

gelidooda danta milateri ee qaranka awgeed.

b) Meelaha aynu soo sheegnay ama kuwa u dhow, oo si kaddis ah loogu arko isagoo

ku haysta cudurdaar la’aan qalab basaasnimo oo ay suuragal tahay in lagu galo

mid ka mid ah Dembiyada ku xusan qodobada 199,200 iyo 201.

c) Marka kedis loogu arko cudurdaar la’aan dhokumenti ama dariiq kale oo ku

haboon in lagu gudbiyo wararka lagu xusay qodobka 199, waxaa lagu ciqaabayaa

hal ilaa shan sanno.

2. Marka falkasta oo ka mid ah kuwa lagu sheegay xarfaha hore la galo waqtiga dagaalka,

ciqaabta la saarayaa waxay noqonaysaa sadex sanno ilaa toban sanno.

Page 70: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

70

Qodobka 204

Faafinta sirta qaranka

1. Qof kasta oo faafiya war leh dabeecad sireed ee ku cad qodobka 199, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig aan ka yarayn shan sanno.

2. Haddii falka la galay wakhti dagaal, ama si xun u sameeyay diyaargarawga iyo kartida

dagaal ee qaranka, ama hawlgalkiisa ciidan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn

toban sanno.

3. Haddii Dembi faluhu falka u galay arrimo basaasnimo siyaasadeed ama ciidan, xabsi

daayin ayaa la saarayaa xaaladda ku cad faqrada koowaad ee qodobkan; iyo ciqaab dil ah

faqrada labaad.

4. Ciqaabaha ku muujisan timaamaha hore, waxaa sidoo kale lagu qaadaya qofka helay

warka.

5. Haddii falka lagu galay si kama’a ah, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig lix bilood ilaa

laba sanno, xaaladaha faqrada koowaad ee qodobkan, ama saddex ilaa shan iyo toban

sanno xaaladdaha ku cad faqrada labaad.

Qodobka 205

Dabool ka qaadida war la mamnuucay fidintiisa

1. Qofkasta oo daboolka ka qaada war maamulka awooda u leh uu mamnuucay fidintiisa,

waxaa lagu ciqaabayaa xarig muddo aan ka yarayn sadex sano.

2. Haddii falka la galo wakhti dagaal ama si culus uu u waxyeeleeyo diyaargarowga ama

awooda qaranka ee dagaal ama hawlgallada milateri, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig

muddo aan ka yarayn toban sano.

3. Marka Dembi faluhu fal u galo ujeedooyin siyaasadeed ama kuwo basaasnimo milateri,

ciqaabtu waxay noqonaysaa, muddo aan ka yarayn 15 sano, xaaladaha ku xusan faqradda

1aad ee qodobkan iyo ciqaabta dilka xaaladaha ku xusan faqrada 2aad.

4. Ciqaabaha ku muujisan timaamaha hore, waxaa sidoo kale lagu qaadaya qofka helay

warka.

5. Haddii falka lagu galay si kama’a ah, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig lix bilood ilaa

laba sanno, xaaladaha faqrada koowaad ee qodobkan, ama saddex ilaa shan iyo toban

sanno xaaladdaha ku cad faqrada labaad.

Page 71: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

71

Qodobka 206

Ka faa‟iidaysiga sirta qaranka

1. Sarkaalka guud ama qofka u xilsaaran hawl qaran oo naftiisa ama cid kale uga

faa’iideeya, hal abuur ama daahfur cilmiyeed ama hal abuur wershedeed, kaas oo

uu ku ogaaday sabab xafiiskiisa la xiriira ama xilkiisa oo loogu talagalay in ay sir

ahaato, danta nabadgalyada qaranka awgeed, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka

ayrayn shan sano iyo ganaax aan ka yarayn 10,000 oo shillin Somali ah.

2. Marka falka loo galo danta qaran dagaalka kula jira qaranka Soomaaliyeed, ee ay

si halis ah u waxyeelayso diyaargarowga iyo kartida qaranka ee dagaalka, ama

hawlgalada milateri, Dembi falaha waxaa lagu ciqaabayaa ciqaab dil ah.

Qodobka 207

Daacad la‟aanta maamulida arrimaha qaranka Qofkasta oo qaranka Soomaaliyeed u xilsaaro maamulida arrimo qaran oo dibeda ah oo

khiyaameeya aaminidii, waxaa lagu ciqaabayaa xarig muddo aan ka yarayn shan sanno, marka

falkaasi uu aad u xumeeyay danta qaran.

Qodobka 208

Jebin siyaasadeed

1. Qofkasta oo wakhti dagaal fidiya ama xiriiriya been, buunbuuniya ama fidiya marin

habaabin ama war, kaas oo abuuri kara argagax shacbi ama niyad jab, ama haddii kale

yaraynaya adkaysiga ummadda ee cadowga, ama wax kasta oo kale sameeya wax

dhaawacaya danta ummadda waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn shan sanno

2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig aan ka yarayn shan iyo toban sanno:

a) Marka falka lagu galay hab dacaayadeed ama is gaadhsiin lagu hagaajinayay

askarta.

b) Marka falka la galay yahay natiijo sirdoon cadaw.

Qodobka 209

Dhiiri gelinta askarta ee amar diidada sharciga

1. Qofkasta oo ku dhiirigeliya ciidanka in ay sharciga diidaan ama ay jebiyaan dhaarta ama

waajibaadka anshax ciidan ama waajibaadkooda kale ee la xiriira xaaladooda ciidan, ama

Page 72: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

72

askarta horteeda dhiirigeliya fal sharciga ku lid ah, dhaarta, anshaxa ama waajibaadka

kale ee ciidan, waxaa lagu ciqaabayaa marka falku uusan ka dhalan Dembi aad u culisi

xarig hal ilaa sadex sanno.

2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig laba ilaa shan sanno ah, marka falka lagu galo meel

fagaare ah.

3. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka falku dhaco wakhti dagaal.

4. Ujeedada Xeerka Ciqaabta, waxaa loo tixgelinayaa Dembiga fagaare lagu galay marka

falka lagu galo:

a) Hab saxaafadeed, ama siyaabo kale oo dacayaad ah.

b) Goob fagaare ah ama goob u furan dadweynaha ama in ka badan hal qof.

c) Shir, marka dabeecada goobta lagu qabtay ama tirada dadka ama ujeedada ama

hadafka u muuqda shir aan gaar ahayn.

Qodobka 210

Curyaaminta dhaqaale

1. Qofkasta oo wakhti dagaal adeegsada si toos ah in uu hoos u dhigo heerka sarifka, ama

saameeya suuqa badeecadaha iyo saamiyada ama gaarka ah si loo liiciyo caabbiga

ummadda ee cadowga, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn shan sanno iyo

ganaax aan ka yarayn 10,000 oo Sh. Somali ah.

2. Marka Dembigu yahay natiijo sirdoon ajinebi, ciqaabtu kama yaraanayso toban sanno

iyo Shan iyo toban sano marka Dembiga la galay uu yahay natiijo sirdoon cadow.

Qodobka 211

Dembiyada lidka ku ah dawlad is bahaysi ah Ciqaabaha ku xusan Qodobka 190 iyo qodobadda ka dambeeya, waxaa lagu dabaqayaa oo kale

marka Dembiyadaas laga galo iyadoo lagu xumaynayo dawlad ajinebi ah oo is bahaysi la ah ama

ay iska kaashanayaan dawlada Soomaaliyeed ujeedooyinka dagaal.

Qodobka 212

Hawlo qaranka lid ku ah oo muwaadin ka sameeyo dibeda Muwaadinka dalka dibediisa, la wareega, gaadhsiiya dadka, ku tidhi ku teen ama warar been ah,

la buunbuuniyay ama marinhabaabin ah, kuwaas oo ku saabsan xaalada gudaha ee dalka, si uu u

Page 73: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

73

laciifiyo sumcada qaranka ee dibeda ama si uun hababkaas ugu dhaqma, si uu u waxyeeleeyo

danaha qaranka, waxaa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn shan sano.

Qodobka 213

Ururo minjo xaabin

1. Qofkasta oo ku nool ga’yiga qaranka ee kiciya, dhisa, abaabula ama u hogaamiya ururo

ujeedooyinkaas, si uu xoog ugu unko kelitalisnimo dabaqad bulshada ka mid ah ugu

taliyaan kuwa kale ama inay xoog waxyeello uga gaysataan dhaqaalaha iyo nidaamka

bulsho ee qaranka, waxaa lagu ciqaabayaa xarig shan ilaa laba iyo toban sanno ah.

2. Qofkasta oo ku nool ga’yiga qaranka ee kiciya, dhisa, abaabula ama u hogaamiya urur

ujeedadiisu tahay in uu xoog ku qabsado hay’adaha siyaasadeed iyo sharci, wuxuu

mudanayaa ciqaabtaas oo kale.

3. Qofkasta oo ka qayb qaata ururadda ku xusan faqradaha aynu soo dhaafanay, waxaa lagu

qaadayaa xarig hal sanno ilaa sadex sanno ah.

4. Ciqaabta waa la kordhinayaa, xaalada qofku dib u dhiso, xataa magac ama qaab been ah,

ururada aynu soo sheegnay ee baabi’intooda la amray.

Qodobka 214

Ururada Qaran dumiska ah

1. Qofkasta marka laga reebo kuwa qodobka hore, dalka gudihiisa, kiciya, dhisa ama

jiheeya ururo looga jeedo in lagu hanto hawlo ku wajahan lidka midnimada qaranka,

waxaa lagu ciqaabayaa hal ilaa sadex sanno.

2. Qofkasta oo ka qayb galay ururada ku xusan faqrada aynu soo dhaafnay waxa lagu

ciqaabayaa xariga lix bilood ilaa laba sano ah.

3. Ciqaabta waa la kordhinayaa, xaalada qofku uu dib u dhiso, xataa magac ama qaab been

ah mid ka mid ah ururada kor lagu xusay oo la amray baabi’intooda.

Qodobka 215

Kacdoonka iyo Dacaayada qaran dumiska ah

1. Qofkasta oo gayiga qaranka gudihiisa, sameeya dacaayad danteedu in lagu meeleeyo

xoog kelitalisnimo dabaqad bulsho ka qabsanayso kuwa kale ama ay ku kacayaan

dabaqad bulsho ama danteedu tahay in lagu kaco si xoog ah nidaamka dhaqaale ama

bulsho ee qaranka ama lagu samaynayo dacaayad lagu burburinayo hay’adaha

Page 74: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

74

siyaasadeed iyo sharci ee qaranka, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa shan

sanno.

2. Haddii dacaayada loo sameeyo si loo baabi’iyo ama loo burburiyo deganaanta

qaranka, ciqaabtu waxay noqonaysaa Lix bilood ilaa laba sano.

3. Qofkasta oo amra falalka aynu ku xusanay faqradda hore isna wuxuu hoos imanayaa

ciqaab la mid ah.

Qodabka 216

Aqbalaad abaalmarin ama faa„iidooyin dal cadaw ah

Muwaadinka ka aqbala dawlad dagaal kula jirta dawlada Soomaaliyeed, shahaado

waxbarasho, abaal marin sharafeed, ama abaalmarin kale oo guud ama hawlgab ama faa’iido

kale oo ku lifaaqan shahaadooyinkaa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah.

CUTUB II

DEMBIYADA LAGA GALO QARANKA SOOMAALIDA SHAKHSIGADEEDA GUDAHA

Qodobka 217

Iskuday lidku ah nidaamka dastuuriga ah

Qof kasta oo gala fal ujeedadiisu tahay bedelaada dastuurka iyo qaabka dawladeed hab

uusan dastuurku fasaxin, waxa lagu ciqaabayaa xabsi daayin.

Qodobka 218

Isku dayga lidka ku ah xubnaha dastuuriga ah

1. Qof kasta oo isku daya inuu dilo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda (70 Const)

Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaaha ama Gudoomiyaha Maxkamadda

Sare, marka Maxakamada Sare tahay Maxakamada Dastuuriga ah ama Maxakamada

Sare ee Cadaalada, waxaa lagu ciqaabayaa, marka uusan ka dhalan falka Dembi aad

uga culus xabsi daayin. 2. Qofkasta oo waxyeeleeya ammaanka ama xorriyada shakhsi ee Shakhsigaadka lagu

sheegay faqrada hore, waxaa lagu ciqaabayaa marka falka uusan ka dhalan Dembi

aad uga culus xariga shan sanno ilaa shan iyo toban sanno.

3. Qofkasta oo gala fal si toos ah uga horjoogsanaya hawlahooda dastuurka ama

sharcigu u xilsaaray M/waynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, xukuumadda ama

Page 75: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

75

Maxakamada Sare oo u dhisan sidii Maxakamad Dastuuri ah ama Maxakamada Sare

ee Cadaaladda, waxaa lagu ciqaabayaa marka falka uusan ka iman Dembi aad uga

culus xarig aan ka yarayn toban sanno.

Qodobka 219

Cambaaraynta Ummadda ama Qaranka

1. Qofkasta oo goob fagaare ah ku ceebeeya ummadda Soomaalida ama qaranka ama

calanka wadanka ama astaanka ama xubnaha dastuuriga ah ama ciidamada qalabka sida

ee qaranka waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa sadex sanno ah.

2. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka falka ku xusan faqradda hore uu galo muwaadin ama

ajinebi dal shisheeye gudihii.

Qodobka 220

Ceebaynta sharafta iyo sumcada Madaxa Qaranka

Qofkasta, oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobadda hore, fagaare ka ceebeeya

sharafta iyo karaamada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ama saara canaanteeda ama

ma’suuliyadeeda falalka dawladda (76 Const), waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa

sadex sanno ah.

Qodobka 221

Kacdoon hubaysan oo ka horjeeda awooda qaranka

1. Qofkasta oo kiciya kacdoon hubaysan oo ka horjeeda awooda qaranka, waxaa lagu

ciqaabayaa, xabsi daayin, marka kacdoonka hubaysani dhaco waxaa lagu ciqaabayaa Dil.

2. Qofka ka qaybgala kacdoon hubaysan ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig sadex sanno ilaa

shan iyo toban sanno.

3. Kacdoonka waxaa loo qaadanayaa in uu hubaysan yahay xataa marka hubka lagu

qarsaday ama la soo dhigtay meel.

Qodobka 222

Burburin dhac iyo xasuuq

Qofkasta oo ujeedo isku day ku lid ah nabadgelyadda qranka gala falal uu si toos ah ugu

qaadayo burburin hantiyeed, dhac ama xasuuq Dalka qaranka gudihiisa ama qayb ka mid ah,

waxaa lagu ciqaabayaa Dil.

Page 76: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

76

Qodobka 223

Dagaal sokeeye

Qofkasta oo sameeya fal ku wajahan inuu ka kiciyo dhulka qaranka dagaal sokeeye, waxaa

lagu ciqaabayaa xabsi daayin, marka dagaal sokeeyo dhaco ciqaabtu waxay noqonaysaa Dil.

Qodobka 224

Maroorsiga awooda siyaasadda iyo hogaaminta milateriga

1. Qofkasta oo maroorsada awooda siyaasadda ama adkaysta isagoo adeegsanaya

sharcidarro, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix sanno ilaa shan iyo toban sanno ah.

2. Qofkasta oo si sharcidarro ah ula wareega hogaamin sare ee milateri, waxaa la

saarayaa ciqaabtaas oo kale.

3. Marka falka la galo wakhti dagaal, Dembi falaha waxaa lagu ciqaabayaa xabsi

daayin, ciqaabta dilka waxaa la saarayaa marka falku si wayn u dhaawaco

maxsuulka hawlgallada milateri.

Qodobka 225

Diiwaan gelin aan la ogolayn ama hubayn u adeegaysa dal shisheeye

Qofkasta, oo gayiga qaranka gudihiisa, isagoo aan ogolaansho ka haysan xukuumadda

diiwaangeliya ama hubeeya muwaadiniin, isagoo u adeegaya dal shisheeye ama u

danaynaya, waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex sanno ilaa lix sanno.

CUTUB III

DEMBIYADA KU LIDKA AH XAQA SIYAASADEED EE MUWAADINTIINTA

SOOMAALIDDA

Qodobka 226

Isku dayga ku lidka ah xuquuqda siyaasadeed ee muwaadinka

Qofkasta oo xoog ama tahdiid ama khiyaamo isku hortaaga dhamaan ahaan ama qayb ahaan

adeegsiga xaquuqdiisa siyaasadeed ama qof kale ku cadaadiya inuu u adeegsado hab ka soo

horjeeda rabitaankiisa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa shan sanno ah.

Page 77: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

77

CUTUB IV

DEMBIYADDA KU LIDKA AH QARAMO SHISHEEYE, MADAXDOODA IYO

WAKIILADOODA

Qodobka 227

Isku day lidka ah madaxda iyo wakiiladda wadamadda shisheeye

1. Qofkasta oo ga’yiga qaranka gudihiisa, isku daya inuu dilo madax dal shisheeye, waxaa

lagu ciqaabayaa, marka falku uusan keenin Dembi aad uga culus xarig muddo aan ka

yarayn labaatan sanno, marka Dembi faluhu isku dayo inuu dhaawaco ammaanka ama

xorriyadda shakhsiga ah ee madaxweyne dal shisheeye, ciqaabtu waxay noqonaysaa

xarig sadex sanno ilaa toban sanno ah.

2. Tilmaamaha faqradda hore, waxaa lagu dabaqayaa marka falka laga galay wakiiladda

wadamada shisheeye ee ay ogolaatay dawladda jamhuuriyadda Soomaalidu (75 Const)

inay yihiin madax dipmomaasiyiin ah oo fulinaya shaqadooda.

Qodobka 228

Ku keenida khatar calan ama astaan dal shisheeye

Qof kasta oo gayiga qaranka gudihiisa meel fagaare ah ama meel u furan dadweynaha, ku

cambaareeya calanka ama astaanta dawlad dal shisheeye, oo si waafaqsan sharciga gudaha

ee qaranka Soomaalida oo loo isticmaalo calan ama astaan rasmi ah, waxaa lagu ciqaabayaa

xarig ilaa laba sanno ah.

Qodobka 229

Xaalada isku mid ahaanshaha

Tilmaaha labadan qodod ee hore waxaa la dabaqayaa oo keliya, marka si la mid ah

quusanunka dalka shisheeye uu ilaalintaas u dammaanad qaadayo madaxa qaranka

Soomaaliyeed iyo calanka.

Page 78: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

78

CUTUB V

TILMAAMO GUUD OO LA XIRIIRA QODOBADA CUTUBKA HORE

Qodobka 230

Ku dhiirigelinta gelitaanka Dembiyada ku xusan cutubka I & II

1. Qofkasta oo ku dhiirigeliya qof inuu galo mid ka mid ah Dembiyada, ku xusan

cutubyada kowaad iyo labaaad ee qaybtan oo aan ahayn kam’a, kuwaas oo sharcigu u

dhigay ciqaab dil ah ama xabsi daayin ama ciqaab xarig, waxaa lagu ciqaabayaa,

haddii aan dhiirigelinta la qaadan ama haddii la qaato balse Dembi uusan dhicin xarig

ilaa sideed sanno ah. 2. Ciqaabta la dabaqayaa xaalad kasta, waa in ay ka yar tahay, kala badh, ciqaabta

xeerku u dhigay Dembiga la dhiirigeliyay.

Qodobka 231

Dhiirigelin iyo ku boorin Dembi oo fagaare ah

1. Qofkasta oo goob faraage ah, ka dhiirigeliya gelitaanka Dembiyada ku xusan

qodobada hore, waxaa lagu ciqaabayaa falkaa dhiirigelinta ah oo keliya xarig

sadex sanno ilaa laba iyo toban sanno.

2. Ciqaabtaas oo kale ayaa lagu dabaqayaa qofkasta oo fagaare ka booriya

gelitaanka Dembiyada lagu sheegay qodobada hore.

Qodobka 232

Ku heshiin mu‟aamarad siyaasadeed

1. Marka laba qof iyo in ka badan ku heshiiyaan in ay galaan Dembiga ku xusan qodobka

230, qofkasta oo heshiiskaa ka mid noqday waxaa lagu ciqaabayaa, haddii aan Dembiga

la gelin xarig hal ilaa lix sanno ah.

2. Ciqaabta la dabaqayaa markasta waa in ay ka yar tahay kala badhka ciqaabta sharcigu u

dhigay Dembiga la sheegay.

Page 79: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

79

Qodobka 233

Urur mu‟aamarad siyaasadeed

1. Marka sadex qof iyo in ka badan u ururaan ujeedo gelitaanka Dembiga ku xusan

qodobka 230, kuwa kiciyay, dhisay, abaabulay ama jiheeyay ururkaa, waxaa lagu

ciqaabayaa falkaas oo keliya xarig shan sanno ilaa laba iyo toban sanno ah.

2. Falka ka qayb galka ururka oo keliya, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig laba ilaa

sideed sanno ah.

3. Ciqaabtu waa kordhaysaa haddii ururka looga dan leeyahay gelitaanka laba ama ka

badan Dembiyada kor ku xusan.

Qodobka 234

Samaynta iyo ka qayb qaasahada koox hubaysan

1. Marka ujeedo gelitaanka Dembiyada ku xusan qodobka 230, loo sameeyo koox

hubaysan, kuwa kiciyay, dhisay, abaabulay ama jiheeyay, waxaa lagu ciqaabayaa,

falkaa oo keliya xarig shan ilaa shan iyo toban sanno ah.

2. Ka qayb qaadashada kooxda hubaysan oo keliya ciqaqabtu waxay noqonaysaa sadex

ilaa sagaal sanno.

Qodobka 235

Mu‟aamarad: ciqaab ka reebid

1. Xaaladaha ku xusan Qodobka 232 iyo 233, ciqaab lama saarayo kuwa ka hor gelitaanka

Dembiga heshiiska loo galay oo kooxda hubaysan loo dhisay iyo ka hor xidhista ama

bilawga dhegaysiga dacwada ciqaabta ah:

a) Kala dira ama si uun u keena baaba’a ururka

b) Ka aan ahayn kiciyaha ama abaabulaha ee ka noqda heshiiskii gelitaanka

Dembiga ama ururka la dhisay.

Page 80: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

80

Qodobka 236 Koox hubaysan: Ka reebis ciqaab

1. Xaaladaha ku xusan Qodobka 234, ciqaab lama saarayo kuwa ka hor gelista Dembiyada

loo sameeyay kooxda hubaysan iyo ka hor amarka madaxda ama booliska ama wax yar

ka dib raacista amaradaas:

(a) Baabi’ya ama si kasta oo kale uu keena kala dirista kooxda hubaysan;

(b) Isagoo aan ahayn kiciyaha, hogaamiyaha kooxda hubaysan ama is

dhiiba, iyagoo aan xoog la iman, wareejiya ama dhiiba hubkiisa.

2. Sidoo kale wax ciqaab ah la saarimaayo, qofka si uun uga hortaga gelitaanka Dembiga

loo dhisay kooxda hubaysan.

Qodobka 237

Wakhtiga dagaalka

Ujeedooyinka Xeerka Ciqaabta, weedha “wakhtiga dagaal” waxaa ku jira,muddada khatarta

dhow ee dagaal, marka dagaal ka dambeeyo.

Qodobka 238

Duruufaha fududaynta falalka muhimada yar

Ciqaabta Dembiyada lagu sheegay qaybtan waa la dhimayaa, halka sababta dabeecada,

nooca, habka, hab dhaqanka ama duruufaha falka ama sabab fududaanta dhaawaca ama

waxyeelada ama khatarta dhibanaha ay muhimadeedu fududahay.

Qodobka 239

Eriga ajanabiga

Shisheeye lagu xukumay xabsi Dembi ka mid ah kuwa ku xusan qaybtan waa laga eryayaa

dalka

Page 81: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

81

QAYBTA II

DEMBIYADA LIDKA KU AH MAAMULKA GUUD

CUTUB I

DEMBIYADA SARAAKIISHU KA GALAAN MAAMULKA GUUD

Qodobka 240

Qeexid

Ujeeda xeerka ciqaabta:

a) “Sarkaal guud” waxaa loola jeedaa: “Qofkasta oo si joogto ah ama si waqtiyaysan oo mushar, gunno ama abaalgud ama tabaruc ama waajib saran dartii u gudanaya hawl guud oo xeer-dejineed, maamul ama garsoor ama danta qaranka ah ama hay’ad kale oo dawladeed

b) “Qofka u xilsaaran hawl guud” waxaa loola jeedaa: “Qofkasta oo aan ahayn sarkaalka guud ee lagu sheegay faqrada hore ee qodobkan oo si joogto ah ama si waqtiyaysan, isagoo mushahar ama gunno ama abaalgud qaadanaya ama gudanaya waajibaad saaraa uu qaranku ama hay’adihiisa dawladeed u xilsaareen gudashada hawl dan guud ah”

c) “Qof fulinaya hawl baahi guud” waxaa loola jeedaa: “Qofkasta oo rayida oo ku shaqaysanaya mihnad sharci ama caafimaad ama mihnadkasta oo kale oo ku shaqaysigeeda uu sharcigu ku xiray heer aqooneed oo cayiman ama gudanaya hawl la cadeeyay in baahi guud tahay”.

Qodobka 241

Xatooyo

1. Sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawl guud ee sabab xafiiskiisa ah ama

shaqadiisa ah ku haya ama kaga masuul ah lacag ama hanti guurto ah ama ma guurto ah

oo maamulka guud leeyahay oo ku tagri fala ama u leexiya si uu isagu dantiisa ugaga

faa’iidaysto ama uga faa’iideeyo qof sadexaad isagoo aan awood sharci u lahayn, waxaa

lagu ciqaabayaa xarig sadex sano ilaa toban sano ah iyo ganaax aan ka yarayn 1,000

So.Sh.

2. Qofka si kama danbays ah loogu helo Dembiga ku xusan faqrada hore, waxaa si joogto

ah looga reebayaa xilkasta oo xafiis maamul Dawladeed; balse marka si kasta ha ahaatee

duruuf Dembiga fududaysa awgeed la saaro Dembiilaha ciqaab ka yar sadex sano, ka

reebistu, waxay noqonaysaa mid waqtiyaysan.

Page 82: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

82

Qodobka 242

Aamin daro lagu waxyeelayo qof rayid ah

1. Sarkaal dadweyne ama qof lagu aaminay xil dadweyne lunsada ama si uun u

leexsada lacag ama hanti kale oo ma guurto ah oo uusan maamulka dawladeed

lahayn, oo uu ku hayo sabab xafiiskiisa ah ama xilkiisa ah, isagoo uga faa’iidaynaya

naftiisa ama qof sadexaad, waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex sanno ilaa sideed

sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 1,000 So. Sh.

2. Tilmaaha faqradda 2aad ee qodobka 241, ayaa lagu dabaqayaa Dembiga qodobkan.

Qodobka 243

Xatooyo faa‟iido lagaga qaadanayo khalad qof kale

Sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawl guud ee isaga oo fuliyana xilkiisa ama

shaqadiisa, faa’iido kagaga qaata qof kale si khalad ah, isagoo naftiisa u helaya ama

haysanaya ama cid kale, lacag ama faa’iido kale, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa

saddex sanno ah iyo ganaax 500 ilaa 1,000 shilin So. ah.

Qodobka 244

Baadid uu sameeyo Sarkaal guud

1. Sarkaalka guud ee isagoo ku xadgudbaya jagadiisa rasmiga ah ama xilalkiisa ku

qasba ama ku dirqiya qof uun in uu siiyo ama u balanqaado isaga ama qof sadexaad

lacag ama faa’iido kale, waxa lagu ciaaqbayaa xarig afar sanno ilaa laba iyo toban

sanno iyo ganaax aan ka yarayn 3,000 oo So. Shilin ah. 2. Tilmaamaha faqrada 2aad ee qodobka 241, ayaa lagu dabaqayaa Dembiga qodobkan.

Qodobka 245

Musuq maasuqa samaynta hawl rasmi ah

1. Sarkaal guud ee isagoo gudanaya hawl ku saabsan xafiiskiisa u qaata naftiisa ama cid

sadexaad qadar lacaga ama faa’iido kale, abaal gud ahaan oo uusan xaq u lahayn ama

ogolaada ballan qaad qadar lacaga ama faa’iido kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig

ilaa sadex sanno ah iyo ganaax 500 ilaa 10,000 So. shilin.

Page 83: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

83

2. Marka sarkaalku ku helo abaal marin, hawl uu hore u qabtay oo xafiiskiisa ah waxay

ciqaabtu noqonaysaa xarig ilaa hal sanno ah iyo ganaax ilaa 3,000 So.Sh. ah

Qodobka 246

Musuq maasuqid samayn fal khilaafsan xilka xafiiska

1. Sarkaalka guud ee isagoo diidaya ama daahinaya in uu qabto falka xilka xafiiskiisa

ah ama samaynta fal khilaafsan xilka xafiiskiisa uga hela naftiisa ama cid sadexaad

qadar lacag ah ama faa’iido kale ama aqbala balanqaadkeeda, waxaa lagu ciqaabayaa

xarig laba ilaa shan sanno ah iyo ganaax 3,000 ilaa 20,000 kun Sh So ah.

2. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka falku keenayo:

(a) Bixinta shaqada dawlada, mushaharooyinka, hawlgabka ama abaal marinta

ama gunnooyinka heshiisyada la xiriira danta dawlada ee sarkaalku ka tirsan

yahay.

(b) U danaynta ama ku xadgudubka dhinac dacwad madani, ciqaabeed ama

maamul.

3. Marka falku keeno xukumida qofka ciqaab xabsi daayin ah ama xarig ah ciqaabtu

waxay noqonaysaa xarig lix ilaa labaatan sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 25,000

Sh.So. Marka falku sababo xukun dil ah, ciqaabtu waxay noqonaysaa xabsi daayin.

4. Marka sarkaalka guud uu qaato lacagta ama faa’iidada kale, si uu u sameeyo fal

khilaafan xilka xafiiskiisa ama diidida ama daahinta fal xilka xafiiskiisa ah, ciqaabtu

waxay noqonaysaa xarig hal ilaa sadex sano ah iyo ganaax 1,000 ilaa 10,000

sh.so.ah.

Qodobka 247

Musuq maasuqa qofka loo xilsaaray hawl guud

1. Tilmaamaha qodobada 245 iyo 246 waxa lagu dabaqayaa marka falka uu galo qof loo

xilsaaray hawl guud.

2. Xaaladan ciqaabta waxaa la dhimayaa xad aan ka badnayn sadex dalool hal dalool.

Qodobka 248

Ciqaabta dadka bixiya ama balan qaada lacagta ama faa‟iidada

Ciqaabta ku xussan qodobada 245 iyo 246 iyo 247 waxa kaloo lagu qaadayaa qofka siiya

ama u balan qaada lacag ama faa’iidada sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawsha

guud.

Page 84: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

84

Qodobka 249

Dhiirigelin musuq maasuq

1. Qofka u fidiya ama u balan qaada lacag ama faa’iido kale hadal ahaan oo uusan

yeelin sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawsha guud si uu ugu booriyo

samaynta hawl xilka xafiiskiisa ah, wuxuu mudanayaa ciqaabta ku xusan faqrada

hore ee qodobka 245, oo la dhimay sadex dalool hal, marka fidinta ama balanqaadka

aan la ogolaan. 2. Marka fidinta ama balanqaadka loo sameeyo si loogu booriyo sarkaalka guud ama

qofka u xilsaaran hawsha guud si uu u diido ama u daahiyo fal xilka xafiiska ah ama

in uu sameeyo fal khilaafsan xilka xafiiska, Dembi faluhu wuxuu mutaysanayaa

ciqaabta ku xusan faqrada kowaad ee qodobka 246, oo la dhimay sadex dalool hal

marka aan la aqbalin fidinta ama balanqaadka.

Qodobka 250

Ku xadgudub xafiis xaaladaha aan sharciga lagu cadayn

Sarkaalka guud ee ku xadgudba awoodaha ka dhashay xilka xafiiskiisa gala falka aan qodob

gaara oo qaanuuneed Dembi u aqoon, iyadoo ujeedadiisu tahay in uu dhib ku soo gaadhsiiyo

qof uun ama faa’iido kaga helo qof uun waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah iyo

ganaax 500 ilaa 10,000 So.Sh.ah.

Qodobka 251

Dan shakhsi ee hawl xafiis

Sarkaalka guud ee si toos ah ama isagoo u maraya dhexdhexaadiye ama fal khiyaamo ah, ka

qaata dan gaara hawl maamulka guud ee uu u shaqeeyaa leeyahay waxa lagu ciqaabayaa

xarig lix bilood ilaa shan sano ah iyo ganaax 1,000 ilaa 20,000 Sh.So ah.

Qodobka 252

Ka faa‟iidaysi hal abuur ama daahfur lagu ogaaday sabab xafiiska ah

Sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawl guud ee u adeegsada danihiisa ama danaha qof

sadexaad, hal abuur saynis ama daahfur cilmiyeed ama maado wershadeed oo uu ku ogaaday

ama ku helay sabab xafiiskiisa ah ama shaqadiisa, taasoo loogu talogalay in ay sir ahaato,

waxaa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa shan sanno ah.

Page 85: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

85

Qodobka 253

Dabool ka qaadida siraha rasmiga ah

Sarkaalka guud ama qof loo xilsaaray hawl guud, kaas oo isagoo ku xad gudbaya waajibkiisa

xafiiskiisa ama shaqadiisa ama si uun ugu gefaya jagadiisa, daahfura war rasmi ah oo loogu

talogalay in ay sir ahaato ama si uun u fududeeya in daahfuro, waxaa lagu ciqaabayaa xarig

lix bilood ilaa sadex sanno ah; haddii fudaynta dabool ka qaadistu ahayd kama’a ciqaabtu

waxay noqonaysaa xarig ilaa hal sanno.

Qodobka 254

Kicin ku dheeldheelid iyo ceebayn hay‟adaha, sharciga iyo nidaamka maamul

Sarkaalka guud ama qof loo xilsaaray hawl guud, kaasoo isagoo gudanaya waajibkiisa ku

dhaliya ku dheeldheelid hay’adaha dawliga ah ama khilaafid shuruucda ama nidaamka

dawliga ah ama waajibaadka ka dhashay xilkiisa ama shaqadiisa ku kaca fal khilaafsan

sharciga ama amarada maamulka ama waajibaadka la soo sheegay, waxaa lagu ciqaabayaa

marka falku uusan ahayn Dembi qodob kale oo qaanuuneed xarig ilaa hal sanno ah iyo

ganaax ilaa 2,000 Sh.So ah.

Qodobka 255

Dhaafista ama diidista qabasho hawlo rasmi ah

1. Sarkaalka guud ama qof loo xilsaaray hawl guud ee si khaldan u diida ama dhaafa

ama u daahiya in uu qabto waajib xilkiisa ama shaqadiisa ka dhashay, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah ama ganaax ilaa 10,000 Sh.So ah. 2. Marka sarkaalka guud uu yahay Garsoore ama sarkaal xeer ilaalinta guud, waxaa loo

qaadanayaa in ay tahay dhaafid ama diidid ama daahin, marka ay jiraan shuruudaha

lagu oogi karo dacwad madani ah oo isaga lid ku ah.

Qodobka 256

Wadajir uga joogsashada xafiisyada dadwaynaha, shaqooyinka ama adeegyada

1. Marka sadex ama ka badan oo saraakiil guud ah ama u dad u xilsaaran hawl guud in

ka badan ama dad rayid ahi oo aan ahayn kuwo ka mid ah ama shaqo ku leh ururada

adeega guud ama adeega baahi guud ama shaqaalaha adeega guud ama adeegyada

baahi guud, ee wadajir uga joogsada shaqada ama adeegyada ama hawsha ama u

Page 86: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

86

qabta waajibaadkooda hab ay ku khalkhal gelinayaan socodkeeda ama nidaamkeeda

caadiga ah, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah.

2. Kuwa kiciyay, hogaamiyay ama abaabulay waxaa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa

shan sanno.

3. Ciqaabtu way kordhaysaa marka falka:

(a) Uu ku sal leeyahay ujeedo siyaasadeed

(b) Uu sababo isu soo bax dadwayne, xasilooni daro ama mudaharaad

Qodobka 257

Hakinta adeeg dadweyne ama adeeg adeeg baahi guud

1. Marka qofka gudanaya hawl khusaysa adeeg guud ama adeeg baahi guud uu

carqaladeeyo ama hakiyo hawshii hay’adaas hab uu ku khalkhal gelinayo habsami u

socodka hawshaa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa hal sanno iyo ganaax

aan ka yarayn 5,000 sh. Som.

2. Hogaamiyayaasha, kiciyayaasha iyo abaabulayaasha, waxaa lagu ciqaabayaa xarig

sadex ilaa todoba sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 10,000 Sh.So.

3. Faqrada ugu danbaysa ee qodobka hore ayaa lagu dabaqayaa Dembiga qodobkan.

Qodobka 258

Ku guuldaraysi fulin waajibaad xilli joojin shaqo guud ama hakin adeeg guud

Sarkaalka guud ama qofka u xilsaaran hawl guud ama adeeg baahi guud ee wakhtiga la

gelayo midkasta oo ka mid ah Dembiyada ku sheegan qodobada hore oo uusan ka qayb

qaadanayn ee diida ama ka joogsada dedaalkiisa socodsiinta hawsha uu u xilsaaraa ama in uu

sameeya waxyaabha lama huraanka u u ah socodsiinta hawsha ama adeega, waxaa lagu

ciqaabayaa ganaax ilaa 5,000 Sh.So. ah.

Qodobka 259

Ka tegid hawl xafiis guud, adeeg ama shaqo

1. Sarkaalka guud ama qof u xilsaaran hawl guud ama qof rayidka ah ee aan ka mid

ahayn ama aanay khusaynin qabashada adeeg guud ama adeeg baahi dadwayne ama

shaqaale ay khusayso qabashadda adeeg guud ama adeeg baahi dadwyane, ee iskaga

taga xafiiskiisa, adeega ama shaqada, iyadoo ujeedadiisu tahay inuu khalkhal geliyo

socodka iyo caadinimada adeegaa ama hawshaa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix

Page 87: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

87

bilood ah ama ganaax ilaa 5,000 so. Sh ah.

2. Ciqaabtaas oo kale, waxaa lagu dabaqayaa qofkasta oo ujeedadaas isagoo aan ka

joogsan shaqadii xafiiska ama adeegii, u fuliya waajibaadkiisa si uu ku

carqaladaynayo socodka iyo caadinimadeeda. 3. Ciqaabtu waa kordhaysaa markay ka timaado waxyeelo guud ama gaar ahaaneed.

Qodobka 260

Xaaladaha aan ciqaabta lahayn

Qof kasa oo gala falalka ku xusan qodobadda 256,257,258, and 259, isagoo gudanaya xaqa

banaanbaxa habka uu u sheegay sharciga shaqadu, ciqaab ma mudanayo.

Qodobka 261 Qaadista ama waxyeelaynta hanti xayiraadi saaran tahay

1. Qofkasta oo ujeedadiisa keliyahi tahay inuu uga faa’iideeyo hantiile hantidiisii la

xayiray, ee iyadoo lagu aaminay ama ilaalinaya qaada ama qariya ama burburiya ama

khasaare u gaysta ama sababa in ay sii xumaato waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilooda

ilaa afar sanno iyo ganaax 500 ilaa 5,000 Sh.So. 2. Marka qaadistu, ama qarinta ama burburinta ama khasaarinta ama xumaynta uu sababo

hantiilaha alaabta la xayiray oo isagana lagu aaminay ciqaabtu waxay noqonaysaa sadex

bilood ilaa laba sanno iyo ganaax 300 ilaa 3,000 Sh.So ah.

3. Marka falka uu galo hantiiluha aan isaga loo dhiibin hantida xayiran ciqaabtu waxay

noqonaysaa xarig ilaa hal sanno ah iyo ganaax ilaa 3,000 Sh.So ah.

Qodobka 262

Ku xadgudubka kama‟a ah ee waajibaadka ka dhashay xafidaada hantida xayiraad la saaray

Qof kasta oo ay gacantiisa ku jirto hanti xayiraad la saaray oo si kama’a ah u sababa

burburkeda xumaanteeda, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood iyo ganaax ilaa 3,000

Sh.So. ah.

Page 88: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

88

CUTUB II

DEMBIYADA LIDKA KU AH MAAMULKA GUUD

Qodobka 263

Xoog ku isticmaal ama tahdiid sarkaal guud

1. Qofkasta oo ku isticmaala xoog ama tahdiida sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl

guud si uu ugu qasbo inuu sameeyo fal lid ku ah waajibaadkiisa, ama inuu ka joojiyo

qabashada fal waajibaadkiisa xafiis ah, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa shan

sanno ah. 2. Marka falka loo galo si loogu qasbo mid ka mid ah dadka hore aynu u sheegnay inay

qabtaan fal ku saabsan xilka xafiiskiisa ama xilkiisa ama in lagu saameeyo dariiqo kale

ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig lix bilood ilaa sadex sanno ah.

Qodobka 264

Caabbiyid sarkaal guud

Qofkasta oo ku isticmaala xoog ama tahdiid sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl guud si

uu isaga hortaago waqti uu hawsha xilka xafiiskiisa ama shaqadiisa gudanayo ama is

hortaaga qofkasta oo loogu yeedhay in uu kaalmo u fidiyo kuwaas, waxa lagu ciqaabayaa

xarig lix bilood ilaa shan sanno ah.

Qodobka 265

Xooga ku isticmaal ama tahdiid xubin siyaasadeed, maamul ama garsoor

1. Qofkasta oo ku isticmaala xoog ama tahdiid xubin sharci dejin, maamul ama garsoor

ama kuwa iyaga metela ama hay’ad kasta oo dawladeed oo si wadar ah u shaqaysa, si

uu uga joojiyo qayb ahaan ama dhammaan xataa waqtiile ha ahaatee ama si uun u

carqaladeeyo gudashada hawshooda waxa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa todoba

sanno ah, haddaan falku keenin Dembi ka culays badan.

2. Qofkasta oo falka u gala si uu u saameeyo wadajirka go’aan qaadashada ee ku

saabsan gudashada hawl guud ama hawl baahi guud, marka hadafka go’aan

qaadashadu yahay maamul ama gudasho adeeg, wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo

kale

Page 89: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

89

Qodobka 266

Duruufaha cuslaynta

1. Ciqaabta ku xusan saddexda qodob ee aynu soo dhaafnay, waa la kordhinayaa marka

xoogga ama tahdiida loo adeegsado hub ama qofku uu is qariyay ama in ka badan

hal qof ay wada fuliyaan ama xiriir qarsoodi ama qaab dahsoon ama xoog cabsi gelin

oo ka timi urur sir ah, ururkaasi ha jiro ama yuusan jirine. 2. Marka xooggaa ama tahdiida ay sameeyaan shan qof wax ka badan oo wadajira oo

isu raacay in ay hub adeegsadaan, xataa mid iyaga ka mid ahi ha sitee ama in ka

badan toban qof xataa yaanay hub isla raacine, xaaladaha ku xusan faqrada koowaad

ee Qodobka 263, qodobka 264 iyo qodobka, 265 waxa ciqaabtu noqonaysaa sadex

ilaa shan iyo toban sanno, xaaladaha ku xusan faqrada 2aad ee Qodobka 263, xarig

laba ilaa sideed sanno ah.

Qodobka 267

Hakin xafiis guud ama adeeg ama adeeg baahi guud

1. Qofkasta oo marka aan qodob kale uusan quusanunku u samayn, hakiya ama

carqaladeeya habsami u socodka xafiis ama adeeg guud ama adeeg baahi

guud waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah. 2. Hogaamiyaasha, kiciyayaasha iyo abaabulayaasha waxaa la saarayaa ciqaab

xarig ah oo hal sanno ilaa shan sanno ah.

Qodobka 268 Cay sakraal guud

1. Qofkasta oo ceebeeya sharafta iyo sumcada sarkaal guud isagoo jooga sabab

gudashada xilkiisa la xiriira, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa laba sanno.

2. Ciqaabtaas oo kale waxaa lagu dabaqayaa xaalada uu qofku falka ku galo xiriir

telefoon ama xiriir telegaram ama qoraal ama sawir ku socda sarkaalka guud sabab

xilkiisa la xiriira. 3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig hal ilaa sadex sanno marka falku ku saabsan

yahay gelitaan fal cayiman.

4. Ciqaabta waa la kordhinyaa marka falka lagu galo xoog ama tahdiid ama falka lagu

galo goob ay joogaan hal qof wax ka badan.

Page 90: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

90

Qodobka 269

Aflagaado Xubin Siyaasadeed maamul ama Garsoor

1. Qofkasta oo ceebeeya sharafta iyo karaamada xubin sharci dejin, maamul ama

garsoor ama cid iyaga metelaysa ama hay’ad dawladeed oo u shaqaysa si wadajir ah,

joogitaanka xubintaas ama wakiiladeeda ama kulankooda wadajirka waxa lagu

ciqaabayaa lix bilood ilaa sadex sanno. 2. Ciqaabtaas oo kale waxaa lagu dabaqayaa xaalada uu qofku falka ku galo xiriir

telefoon ama xiriir telegaram ama qoraal ama sawir ku socda xubintaas sabab xilkiisa

la xiriira.

3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig hal ilaa sadex sanno marka falku ku saabsan

yahay gelitaan fal cayiman.

4. Tilmaamaha faqrada ugu danbaysa ee qodobka hore ayaa lagu dabaqayaa Dembiga

lagu sheegay qodobkan.

Qodobka 270

Aflagaado Garsoore dhegaysi dacwadeed ku jira

1. Qofkasta oo ceebeeya sharafta iyo karaamadda garsoore dhegaysi dacwadeed ku

guda jira waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa afar sanno. 2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig laba sanno ah marka Dembigu ku saabsan yahay

fal cayiman.

3. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka falka lagu galo xoog ama tahdiid.

Qodobka 271

Dembiga lidka ku ah maamulka ee waxyeelayn tigidho

Qofkasta oo calaamad uu ku cambaaraynayo maamulka burburiya, jeexa ama si kale uga dhiga

mid aan waxtarayn ama si uun uga dhiga macno la’aan ogaysiisyada ama sawir gacmeedyada

lagu dhegiyay ama lagu soo bandhigay amarada maamulka, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix

bilood ilaa hal sanno ah ama ganaax ilaa 5,000 Sh.So. ah.

Page 91: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

91

Qodobka 272

Iska dhigida inuu saamayn ku leeyahay sarkaal guud

1. Qof kasta oo iska dhiga inuu raadayn ku leeyahay sarkaal guud ama qof u xilsaaran

hawl guud oo ku hela ama sababa in lagu siiyo ama loogu balanqaado lacag ama

faa’iido kale, taasoo la xiriira xiriirkiisa wanaagsan ee sarkaalka guud ama qofka

hawsha guud u xilsaaran waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa shan sanno ah iyo

ganaax 3,000 ilaa 20,000 Sh. Som. Ah. 2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig laba ilaa lix sanno ah iyo ganaax 5,000 ilaa

30,000 Sh.So. ah, marka Dembifaluhu qaato ama sababo in la siiyo ama loo

balanqaado naftiisa ama cid kale lacag ama faa'iido kale iyadoo loola jeedo inuu ka

iibinayo dantaas, sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl guud ama abaal marin u

siinayo.

Qodobka 273

Iska wadis shaqooyinka guud

1. Qof aksta oo iskii u wata shaqo guud waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah.

2. Sarkaalka guud ee hela amarka war gelinta ee lagaga joojinayo ama lagaga hakinayo

shaqooyinkiisa ama hawl gudashadiisa ee iska wata hawshaas, wuxuu mudanayaa

ciqaabtaas oo kale.

Qodobka 274

Ku xad gudub mihnadeed

Qof kasta oo si ku xadgudub ah isaga isticmaala hawl mihnadeed oo looga baahan yahay

aqoon gaar ah oo shahaadadeed, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ama ganaax

1,000 ilaa 5,000 So. Sh.

Qodobka 275

Masaxaada astaamaha qaranka

1. Qofkasta oo masaxa astaam qaran oo loo dhejiyay tilmaan kasta oo uu jideeyay

qodob qaanuuneed ama amar maamul oo loola jeedo hubinta, xafidaada ama

dhowrsanaanta ama aqoonsiga walax, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa

sadex sanno ah iyo ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh. Som.

2. Marka Dembiiluhu yahay qofka xafidaya ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig sadex

ilaa shan sanno ah iyo ganaax 3,000 ilaa 30,000 Som. Sh.

Page 92: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

92

Qodobka 276

Fududayn kama‟a ah

Marka masaxaada astaanta suuragal laga dhigo ama si uun uu u fududeeyo si kama’a ah

qofka xafidaada walaxda lihi, kaas waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 500 ilaa 10,000 sh. Som

ah.

Qodobka 277

Ku xadgudubka walxaha xafidaada guud

Qofkasta oo ka qaada meesheeda, burburiya, khasaariya oo sababa in ay xumaadaan qalab

Dembi, waraaqo dhokumenti ama hanti kale oo guurta ah oo lagu hayay xafiis guud ama uu

hayay sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl guud, waxaa lagu ciqaabayaa, haddii falku uusan

keenayn Dembi ka culays badan xarig hal sanno ilaa shan sanno ah.

Qodobka 278

Iibinta walxo daabacan oo la amray in la xayiro

Qofkasta oo iibiya, qaybiya ama meelo ku dhejiya fagaarayaal dadweyne ah ama u furan

dadweynaha, qoraalo, sawiro madaxdu amartay xayiraadooda, waxaa lagu ciqaabayaa

ganaax ilaa 5,000 oo sh. Som.

Qodobka 279

Faro galinta xaraashyadda

1. Qofkasta oo si xoogga ama cabsi galin ah ama bixin hadiyad, ballan qaad, khiyaamo

ama si kale oo khiyaamo ah u horjoogsada ama khalkhaliya tartanka naado xaraash

guud ama iib rayid ah oo gaara, isagoo ka wakiil ah maamulka guud ama kala dira

tartamayaasha, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah iyo ganaax 1,000 ilaa

10,000 sh. Som.

2. Marka Dembiiluhu yahay qofka quusanun u magacaabay ama maamulku u

magacaabay in uu masuul ka noqdo xaraashkaas ama iibkaas waqtiga xarigu wuxuu

noqonayaa sadex ilaa shan sanno iyo ganaax 5,000 ilaa 20,000 sh. Som.

3. Ciqaabta ku xusan qodobkan waxa lagu dabaqayaa marka iibinta gaarka ah uu ka

socdo qof rayid ah, oo uu kormeerayo sarkaal guud ama qof si sharci ah awood loogu

siiyay, laakiin ciqaabta waxaa la dhimayaa ilaa kala badh.

Page 93: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

93

Qodobka 280

Jebinta qandaraasyada heshiisyada guud ee alaab keenida

1. Qof kasta oo jebiya waajibaad ka dhashay heshiis keenid oo lala guntay qaranka ama

hay’ad guud ama ku saabsan gudasho adeeg guud ama gudasho adeeg baahi guud oo

ku guuldaraysta in uu keeno dhammaan ama qayb ka mid ah alaabtii ama adeegii

hay’ada guud ama ama adeega guud waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah

iyo ganaax aan ka yarayn 1,000 So. Sh. 2. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka keenida alaabtu ay xiriir la leedahay kuwan:

(a) Cunto ama dawo, ama alaabooyin ama adeeg loola dan leeyahay dhulka,

biyo, hawada, taarar ama telephoono isgaadhsiineed.

(b) Qalab ama adeegyo loola dan leeyahay hubayn ama qalab uu leeyahay

ciidamada qalabka sida ee qaranka.

(c) Qalab ama adeegyo loola dan leeyahay inay ka hor tagaan khatar loo siman

yahay ama masiibo guud.

3. Marka falka lagu galo kama’a ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa hal sano ama

ganaax 500 ilaa 20,000 sh. Sh.

4. Tilmaamaha kor lagu sheegay waxaa kaloo lagu dabaqayaa sii qandaraasayaasha,

dilaaliinta iyo kuwa wakiilada u ah alaab keenayaasha markay dadkaasi jebiyaan

waajibkoodii qandaraas ee ay sababto in lagu guuldaraysto alaab keenida.

Qodobka 281

Khiyaamadda alaab keenidda dadweynaha

Qof kasta oo sameeya khiyaamo isaga oo fulinaya alaab keenidda qandaraasyo ama fulinta

mid kasta oo ka mid waajibaadka qandaraas ee aynu ku xusnay Qodobka aynu soo

dhaafnay waxaa lagu ciqaabayaa xabsi hal ilaa shan sanno iyo qanaax aan ka yareyn

10,000 So.Sh.

QAYBTA III

Page 94: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

94

DANBIYADDA LAGA GALO MAAMULKA GARSOORKA

CUTUB I

DEMBIYADA LIDKA KU AH SOCODKA CADDAALADA

Qodobka 282

Ka tegista ama dib u dhiga sarkaal guud ama qof u xilsaaran hawl guud bixinta war Dembi

1. Sarkaalka guud ama qofka loo xilsaaray hawl guud ee ka diida ama dib u dhiga

bixinta warka Dembiga ee hay’ada garsoorka ama maamul kale oo ay waajib ku

tahay inuu waregliyo saraakiishaa dhicitaanka Dembiga, kaas oo uu ku ogaaday

sabab shaqadiisa ama hawshiisa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah ama

ganaax 300 ilaa 5,000 Sh.So. 2. Faqrada hore lagu dabaqimaayo xaalada diidmada bixinta warka Dembiga ku saabsan

Dembiyada lagu oogayo dalabka dhibanaha.

3. Marka diidmada ama daahinta bixinta warku ay la xiriiro Dembi lid ku ah

Shakhsigada qaranka, ciqaabtu waxay noqonaysaa lix bilood ilaa sadex sanno.

Qodobka 283

Sheegid la‟aanta muwaadinka ee war Dembi

Muwaadinka ogaada Dembi lid ku ah Shakhsigada qaranka, kaas oo quusanunku u dhigay

ciqaab dil ah ama xabsi daayin oo aan si degdeg ah ugu sheegin masuuliyiinta ku xusan

qodobka 282, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno iyo ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh.So.ah.

Qodobka 284

Ka baaqashada hawl wadeed caafimaad sheegida war Dembi

1. Qofka isagoo fulinaya shaqo caafimaad kaalmeemay ama gacan siiya xaalado u

muuqda in uu yahay tiir Dembi oo ay tahay in qaranku oogo, oo ka baaqda ama

daahiya u sheegida masuuliyiinta ku xusan qodobka 282, waxaa lagu ciqaabayaa

ganaax ilaa 5,000 Sh.so. ah.

2. Faqradan hore la dabiqimaayo marka sheegidu ku keenayso qofka la kaalmaynayo in

lagu oogo Dembi ciqaaba.

Page 95: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

95

Qodobka 285

Diidista adeeg waajib sharci

1. Qofkasta oo hay’ad garsoor u magacowday khabiir, turjumaan ama haye shay

xayiraad la geliyay oo si khiyaamo ah kaga baaqsada gudashada hawshiisa ama

waajibkiisa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax 300 ilaa

5,000 Sh.So.ah.

2. Ciqaabtan oo kale ayaa la saarayaa qof kasta oo hay’ad garsoor ugu yeedhay in uu

sameeyo mid waajibaadyadaas ka mid ah oo diida in uu bixiyo macluumaadka isaga

khuseeya ama in uu guto dhaarta ama in uu guto hawshaas.

3. Faqrada hore waxaa kaloo lagu dabaqayaa qofka loogu yeedhay inuu ka hor bixiyo

cadayn hay’ad garsoor ama qofkasta oo kale oo loogu yeedhay gudashada

hawlgarsoor.

Marka Dembiiluhu yahay khabiir ama turjumaan ciqaabta waxaa wehelinaysa ka reebbid

mihnad ama farsamo.

Qodobka 286

Dembi dhoobdhoobid

Qof kasta oo ashkato ku socodsiiya hay’ad garsoor, ama hay’ad kale oo waajibaadkeedu yahay

in ay taas hore ogaysiiso, xataa magac la’aan ama magac been ah, isagoo been ku dacwoonaya

in Dembi laga galay, dhoobdhooba raad Dembi oo lagu qanci karo in dacwad ciqaaba la oogo,

waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa sadex sanno ah.

Qodobka 287

Eedayn been ah

1. Qof kasta oo ashkato, xataa magac la’aan ama magac been ah ku socodsiiya hay’ad

garsoor ama hay’ad kale oo xilkeedu yahay in ay gaadhsiiso ku eedeeya qof uu og

yahay in uu Dembilaawe yahay gelitaan Dembi ama dhoobdhooba in qofkaasi ku

xadgudbay raad Dembi, waxaa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa lix sanno ah.

2. Ciqaabta waa la kordhinayaa haddii Dembiga qofka lagu eedeeyay uu yahay Dembi

uu sharcigu u dhigay ciqaabta ugu badan xarig toban sanno ah ama ciqaab aad u

culus.

Page 96: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

96

3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig afar ilaa laba iyo toban sanno, marka been

eedayntu keento in qofkaa lagu xukumo ciqaab xarig oo ka badan shan sanno; xarig

lix ilaa laba iyo toban sanno marka been eedayntu keento xukun xabsi daayin ah iyo

ciqaab xabsi daayin ah, marka been eedayntu keento xukun dil ah.

Qodobka 288

Been isku eedayn

Qofkasta oo hadal qoraal, xataa ha adeegsado xiriirka magac la’aan ama magac been ah,

midkasta oo ka mid ah hay’adaha lagu sheegay qodobka hore ama qiraal hay’ad garsoor

horteed naftiisa kaga eedeeya Dembi uu og yahay in uusan gelin ama Dembi ay galeen dad

kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa sadex sanno ah.

Qodobka 289

Dhoobdhoobid ama isku eedayn gef

Ciqaabta ku xusan qodobada aynu soo dhaafnay waa la dhimayaa marka dhoobdhoobida

ama isku eedayntu ay la xiriiro fal sharcigu u arko gef.

Qodobka 290

Been ku dhaarasho dhinac dacwadeed

1. Qofkasta oo dhinac ka ah dacwad madani ah oo been ku dhaarta waxaa lagu ciqaabayaa

xarig lix bilood ilaa sadex sanno.

2. Xaalada dhaarta Maxakamadu soo jeediso, Dembiilaha lama ciqaabayo haddii

dhanbaalka beenta ah uu ka noqdo ka hor intaan dacwada xukun kama danbays ahi ka

soo bixin.

3. Ciqaabta waxa wehelinaya ka reebbida xafiisyada guud.

Qodobka 291

Marag beenaale

Qofkasta oo isagoo cadayn ka bixinaya Maxakamada horteeda la suggo in ay been tahay ama

dafira wax run ah ama qariya dhamaan ahaan ama qayb ahaan wixii uu ogaa ee ku saabsanaa

xaqiiqada la xiriira wixii la waydiiyay waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa sadex sanno

ah.

Page 97: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

97

Qodobka 292

Been ka sheegid ra‟yi ama tarjumaad

1. Khabiirka ama tarjumaanka ay hay’ada garsoorku magacawday ee bixiya ra’yi ama

tarjumaad khaldan, ama sugga xaqiiqooyin aan waafaqsanayn runta, wuxuu

mutaysanayaa ciqaabta ku sheegan qodobka hore.

2. Xukunka waxaa wehelinaya ka reebbista xafiisyada guud, ka reebbista xirfad ama

farshaxan.

Qodobka 293

Khiyaamo garqaadis

1. Qofkasta oo dacwad madani ama maamul dhexdeed, isagoo ujeeda in marin uu

habaabiyo garsoore , si khiyaamo ah u bedela xaalada goob, shay ama qof, waxaa

lagu ciqaabayaa marka uusan falku keenayn Dembi kale oo qodob qaanuuneed, xarig

lix bilood ilaa sadex sanno.

2. Isla qodobkan waxaa lagu dabaqayaa dacwad ciqaabeed dhexdeeda ama ka hor; balse

ciqaabta waa la reebay xaalada ay tahay in dacwada lagu dhaqaajiyo codsiga

dhibanaha marka dhibanuhu uusan codsigaa gudbin.

Qodobka 294

Duruufaha cuslaynta

Xaaladaha ku xusan saddexda qodob ee aynu soo dhaafnay, ciqaabta waxay noqonaysaa

xarig hal ilaa shan sanno ah, marka falku keeno xarig aan ka badan shan sanno; xarig sadex

ilaa laba iyo toban sanno ah, marka falku keeno xarig ka badan shan sanno iyo xarig lix ilaa

laba iyo toban sanno marka falku keeno ciqaab xabsi daayin ah; marka falku keeno ciqaab

dil ah, ciqaabtu waxay noqonaysaa xabsi daayin.

Qodobka 295

Dib uga noqosho

1. Xaaldaha ku xusan qodobada 291, 292 Dembiilaha lama ciqaabayo hadii markay

socotay dhegaysiga dacwadu, isagoo gudanaya waajibaadkaas uu ka noqdo wixii

beenta ahaa kuna bedelo runta, inta aan la gaadhin xidhista waydiimaha bilowga ah

Page 98: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

98

ama intaan la soo saarin go’aanka dacwada lagu oodayo ama intaan dhegaysiga

dacwada la xidhin ama aan beentaa darted dacwada dib loogu dhigin. 2. Marka beenta la sheego dacwad madani ah dhexdeeda, Dembiilaha lama ciqaabayo

haddii uu warbixinta beenta ah dib uga noqdo oo runta daahfuro ka hortaan intaan

dacwada xukun kama danbays ahi ka soo bixin.

Qodobka 296

Ku tiirsanaansho

1. Qofkasta oo siiya ama u ballan qaada lacag ama faa’iido kale qof markhaati ah,

khabiir ah ama tarjumaan ah si uu ugu soo jiito inuu bixiyo marag fur been ah, ra’yi

ama tarjumad been ah, marka aan la aqbalin bixinta ama balanqaadka wuxuu

mudanayaa ku xusan qodobadda 291,292 oo la dhimay badh ilaa sadex dalool laba.

2. Tilmaamahan waxaa la dabaqayaa marka bixinta ama balanqaadka la ogolaado,

laakiin war bixinta beenta ah aan la samayn.

3. Xukunka waxaa wehelinaya ka reebbista xafiisyada guud.

Qodobka 297

Kaalmaynta qof la tuhunsan yahay

1. Qofkasta oo marka la galo Dembi ka mid ah kuwa sharcigu u dhigay ciqaab dil ah

ama ciqaab xabsi daayin ah ama xarig isagoo aan ka qayb galayaasha ahayn oo ku

caawina qof uun in uu ka baxsado baadhista maamulka ama in uu ka baxsado baadhis

(feteshaad) lagu samaynayo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa afar sanno ah,

xaaladaha Dembiga uu sharcigu u dhigay ciqaab aan ahayn kuwa kor ku xusan ama

xaaladaha gefka ganaax ilaa 5,000 Sh.So.ah.

2. Tilmaamaha qodobkan waxaa lagu dabaqayaa marka qofka la caawiyay aan la

eedayn Karin ama uusan gelin Dembiga.

Qodobka 298

Kaalmada la xiriira walxaha Dembiga

1. Qofkasta oo aan ka mid ahayn ka qayb qaate Dembi, kana mid ahayn xaaladaha lagu

sheegay qodobka 504 ee kaalmeeya qof si uu u helo wax soo saarka, midhaha ama

faa’iidada Dembiga, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa shan sanno ah xaalada

Dembiga iyo ganaax 500 ilaa 10,000 som. Shilin xaaladaha gefafka.

Page 99: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

99

2. Tilmaamaha faqrada ugu danbaysa ee qodobka hore waxaa kaloo lagu dabaqayaa

qodobkan.

Qodobka 299 Daacad darro qareen ama la taliye farsamo

1. Qareen ama la taliye farsamo oo aan daacad u noqon waajibaadka xirfadiisa,

kuna keena waxyeelo danaha dhinaha uu ka daafacayo ama ka caawinayo ama ka

metelayo hay’ada garsoorka horteeda, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa

sadex sanno iyo ganaax aan ka yarayn 5,000 som. Sh.

2. Ciqaabta waa la kordhinayaa:

(a) Marka Dembiiluhu falka ku galo, isagoo la heshiiyay dhinaca ka soo

horjeeda

(b) Marka falka lagu galo si loo dhaawaco qof eedaysan.

3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig sadex ilaa toban sanno ah iyo ganaax aan ka

yarayn 10,000 Som. Shilin, marka falka loo galay waxyeelada qof ku eedaysan

Dembi uu sharcigu u dhigay ciqaab dil ah ama xabsi daayin ama xarig muddo ka

badan shan sanno.

Qodobka 300

Falalka kale ee khiyaamada aaminaada wakiilada sharci iyo wakiilada farsamo

1. Qareenka ama la taliyaha farsamo ee dacwad qaadista Maxkamada horteeda marka

lagu dhexjiro u dhiga aqoontiisa xirfadeed ama taladiisa si uu ugu faa’iidaynayo

dhinaca dacwada kaga soo horjeeda ama xataa dhinac sadexaad, waxaa lagu

ciqaabayaa marka falku uusan keenayn Dembi ka culus xarig lix bilood ilaa saddex

sanno iyo ganaax aan ka yarayn 1,000 So. Shs.

2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa hal sanno ah iyo ganaax ilaa 5,000 So. Sh,

marka qareenka ama la taliyuhu ka dib marka uu difaacay, taageeray ama uu metelay

dhinaca uu xilqaado isagoo la tashan dhinacaa isla dacwadii in uu ka difaaco ama uga

shaqeeyo dhinacii ka soo horjeeday.

Qodobka 301

Garyaqaanka iska dhigaya mid saamayn leh

Qareenka iska dhigaya inuu saamayn ku leeyahay garsooraha ama xafiiska xeer ilaalinta

Page 100: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

100

guud, ama marag, khabiir ama turjumaan, ee qaata ama sababa in la siiyo lacag ama faa'iido

nooc kale isaga ama qof sadexaad ama loo balan qaado isada ama qof sadexaad ee

macmiilkiisa, taasoo uu uga jeedo in uu kaga faa’iidaysto garsooraha ama xafiiska xeer-

ilaaliyaha guud ama khabiirka ama tarjumaanka ama uu ugu abaal gudo, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig laba ilaa sideed sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 10,000 sh. Som.

Qodobka 302

Ka joojin xafiis guud

Ku xukunka Dembiyada ku xusan Qodobka 299, faqradda 1aad iyo Qodobka 300 iyo

Qodobka 301, waxaa wehelinaya ka reebbista xafiisyada guud.

Qodobka 303

Xaaladaha aan ciqaab mudanayn

1. Xaaladaha ku xusan qodobadda 282,283,284,285,286,291,292,293 iyo 297, qofka ku

gala falka iyadoo ay ku khasabtay baahi daruuri ah oo naftiisa ama xigta dhow oo

kaga timid khatar aan la baajin karayn oo dhaawacaysa xorriyadda ama sharafta,

lama ciqaabayo.

2. Xaaladaha ku xusan qodobada 291,292, ciqaab lama saarayo marka falka uu galo

qof, sharci ahaan aan loogu yeedhi Karin markhaati khabiir ama turjumaan, ama

looga digay xaqa uu leeyahay inuu ka joogsado bixinta cadaynta, ray’iga ama

turjumaanimadda.

Qodobka 304

Qeexida xigta dhow

1. Ujeedada Xeerka Ciqaabta “xigta dhow”waxay tahay: asalka, faraxa, xaaska ama

sayga, walaalka, walaasha, adeerka, eedada, habaryarta, abtiga, inaabtiga, inaadeerka,

habarwadaaga iyo xididka ilaa derejadaa.

2. Si kasta ha ahaatee, xididku kuma jiraan xigtada dhaw, marka guurkii xididnimaasi

ka dhalatay la tirtiray ama la fasakhay sabab uun.

Page 101: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

101

CUTUB II

DEMBIYADA LIDKA KU AH AWOODA GO’AANKA GARSOORKA

Qodobka 305

Fakasho

1. Qofkasta oo si sharci ah loo qabto ama loogu xidho Dembi ee baxsada (fakada), waxaa

lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah.

2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa sideed iyo toban bilood ah marka Dembiiluhu ku

galo falka xoog ama baqo gelin qof kale, ama uu jabiyo, iyo xarig laba ilaa shan sanno

ah, marka xoogga ama tahdiida lagu galo hub ama in ka badan hal qof oo wada jir u gala.

3. Tilmaamahan waxaa lagu dabaqayaa oo kale qofka xukuman ee loo ogolaaday in

xabsiga dibediisa ka shaqeeyo.

4. Marka qofka fakaday uu isagu isu dhiibo gaadhka ka hor xukunka, ciqaabta waa la

dhimayaa.

Qodobka 306

Kaalmayn fakasho

1. Qofkasta oo sababta ama taban taabisa fakasho qof si sharci ah loo xiray ama

sharcigu u xiray Dembi, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa shan sanno ah.

2. Marka falka loo galay si loogu faa’iideeyo qof ku xukuman dil ama xabsi daayin,

ciqaabtu waxay noqonaysaa sadex ilaa toban sanno.

3. Ciqaabtu waa kordhaysaa marka Dembiiluhu si uu falka u sameeyo, adeegsado mid

ka mid ah hababka ku xusan faqradda 2aad ee Qodobka aynu soo dhaafnay ee 305.

4. Ciqaabta waa la dhimayaa marka Dembiiluhu yahay xigto dhaw.

5. Xukunka xaalad kasta waxaa wehelinaysa ka reebbista xafiisyada guud.

Page 102: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

102

Qodobka 307

Fal ilaaliye oo kama‟a ah

Qofkasta oo sabab xafiiskiisa ku haya, xataa ku meel gaadh qof loo qabtay ama u xidhan Dembi

oo si kama’a ah u sababa baxsashada qofkaa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah

ama ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh.Som. ah.

Qodobka 308

Fulin la‟aan kas ah ee amar Garsoore

1. Qofkasta, oo si ay uga baxsato gudashada waajibaad madani oo ka dhashay xukun

ciqaab ah ama marxalada baadhista ee garsoorka hortiis ee ku sameeya hantidiisa

ama hanti cid kale dhalanrog ama ku sameeya khiyaamo ama isla shaygii ku sameeya

fal khiyaamo ah, waxaa lagu ciqaabayaa, marka uu diido amar fulin xukun xarig ilaa

sadex sanno ah ama ganaax 1,000 ilaa 10,000 som. Sh.ah.

2. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa qofka ka warwareega fulinta amar garsoor madani

oo ku saabsan hayn qof yar ama qof karti laawe ah ama loo qeexay tallaabooyin

taxadir ilaalinta hanti, gacan ku hayn ama dayn.

3. Dembiilaha waxaa lagu ciqaabayaa oo keliya ashkatada dhibanaha

Qodobka 309

Dhawris la‟aanta ciqaabaha kaabayaasha ah

1. Qofkasta oo hesha xukun ku saabsan ka reebbis xafiis guud ama ka reebbis ama ka

laalis mihnad ama farsamo oo jebiya waajibaadkii ku gudo jiray ciqaabtaa waxaa

lagu ciqaabaya xarig ilaa hal sanno ah iyo ganaax 500 ilaa 10,000 Som. Sh.

2. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa qofka ku xadgudba waajibaad ka dhashay laalis ku

meel gaara ee ka reebbista xafiisyada guud ama mihnad ama farsamo.

Qodobka 310

Fududaynta dhawris la‟aanta ciqaabta

Page 103: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

103

1. Qofkasta oo aan ka qayb gelin Dembiga ee ku caawiya qof uun in uu ka fakado fulin

xukun, waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex bilood ilaa shan sanno ah, marka xukunku

yahay Dembi iyo ganaax 500 ilaa 10,000 Sh.So. Marka xukunku yahay gef.

2. Tilmaamaha faqrada 4aad ee qodobka 306 ayaa lagu dabaqayaa qodobkan.

Qodobka 311

Fududaynta dhawris la‟aanta tallaabooyinka ammaan ee haynta

1. Qofkasta oo sababa ama fududeeya fakashada qof la saaray tallaabooyin ammaan oo

hayn ah ama qariya qof fakad ah ama si uun ugu kaalmeeya ka fakashada

Baaritaanka maamulka waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah. Tilmaamaha

faqrada 4aad ee qodobka 306 ayaa lagu dabaqayaa qodobkan.

2. Haddii baxsigu ku dhacay kama’a qofka sabab xafiiskiisa ah u lahaa ilaalinta qofka la

saaray tallaabooyinka ammaan, xataa si ku meel gaara, Dembiilaha waxaa lagu

ciqaabayaa ganaax ilaa 10,000 Sh.So.ah.

CUTUB III

GACAN KU FUSASHO XAQ SHAKHSI

Qodobka 312

Ogolaansho la‟aan ku adeegsi xuquuq shakhsi

1. Qofkasta oo ujeedo ah in uu adeegsado xaq uu ku doodayo, halkay suuragal u ahayd

in uu u dacwoodo hay’ada garsoorka oo gacmihiisa sharciga ku qaata kuna isticmaala

xoog qof ama hanti, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ama ganaax ilaa

4,000 So. sh.ah.

2. Qofkasta oo ujeedo ah in uu adeegsado xaq uu ku doodayo, halkay suuragal u ahayd

in uu u dacwoodo hay’ada garsoorka oo gacmihiisa sharciga ku qaata kuna isticmaala

tahdiid ku lid ah qof ama hanti, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama

ganaax ilaa 2,000 Sh.So.ah.

Page 104: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

104

QAYBTA IV

DEMBIYADA KU LIDKA AH SHUCUURTA DIINIGA AH IYO DHAWRISTA QOFKA GEERIYOODA

CUTUB I

DEMBIYADA LIDKA KU AH DIINTA QARANKA IYO NOOCYADA KALE EE

CAABUDAADA

Qodobka 313

Ceebaynta Diinta Qaranka

1. Qofkasta oo si fagaare ah diinta Islaamka u ceebeeya, waxaa lagu ciqaabayaa xarig

ilaa laba sanno ah.

2. Qofkasta oo si fagaare ah u caaya diinta islaamka, isagoo ku ceebaynaya qofka

aaminsan ama goob ama shay loo qoondeeyay caabudaad, wuxuu mudanayaa

ciqaabtaas oo kale.

Qodobka 314

Khalkhal gelinta hawlaha diiniga ah

Qofkasta oo hakisa ama khalkhal galisa hawlaha diiniga ah ama Allah caabud meel loogu tala

galay ujeedadan ama meel fagaare ah ama meel u furan dadweynaha, waxaa lagu ciqaabayaa

xarig ilaa laba sanno ah.

Qodobka 315

Dembiyada lidka ku ah qaabka cibaadada qaranku ogol yahay

Qofkasta oo fulisa falalka ku xusan 313,314 oo lid ku ah diinta ay ogoshahay dawladda

qaranka, waxa lagu ciqaabayaa si waafaqsan tilmaamaha qodobada aynu soo sheegnay.

Page 105: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

105

CUTUB II

DEMBIYADA LIDKA KU AH XUSHMADA MAYDKA

Qodobka 316

Ku xadgudubka ama ceebaynta xabaalaha iyo khalkhal gelinta aaska iyo hawlaha aaska

Qofkasta oo ku xadgudba ama ceebeeya xabaal ama aas ama shay loogu talogalay xushmada

maydka ama khalkhal geliya ama is hortaaga aaska ama hawlaha aaska waxaa lagu ciqaabayaa

xarig ilaa laba sanno ah.

Qodobka 317

Ceebaynta maydka

Qofkasta oo ceebeeya, qaab dila, waxyeela ama sameeya fal xumaynaya ama anshax xumo

ku ah, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa sadex sanno ah.

Qodobka 318

Bur burinta qarinta ama meel ka qaadista maydadka Qofkasta oo burburiya, qariya ama meesheeda ka qaada jidh mayd ama qayb ka mid ah waxa

lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah.

Qodobka 319

Isticmaan sharci daro ah oo jidh mayd Qofka googooya ama si sharci daro ah u isticmaala jidhka maydka ama qayb ka mida waxa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah.

Page 106: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

106

QAYBTA V

DEMBIYADA LIDKA KU AH NIDAAMKA GUUD

Qodobka 320

Ku boorrin Dembi gelid Qofkasta oo si fagaara ah, ugu boorriya qof kale inuu galo mid ama in ka badan Dembi waxaa

lagu ciqaabayaa falka ku boorrinta keliya:

(a) Xarig hal ilaa shan sanno ah marka boorrintu tahay gelitaan Dembi;

(b) Xarig ilaa hal sanno ah, ama ganaax ilaa 2,000 Sh.so.ah, marka boorrintu tahay gelitaan gef.

Qodobka 321

Ku boorrin in sharciga laga horyimaado

Qofkasta oo si fagaare ah ugu boorriya dad kale in ay khilaafaan sharciga la xiriira nidaamka

guud ama kiciya nacayb dabaqadaha bulshada dhexdeeda, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix

bilood ilaa shan sanno ah.

Qodobka 322

U midoobid Dembi gelid

1. Marka saddex qof ama in ka badan ay u midoobaan ujeedo gelitaan wax ka badan hal

Dembi, kuwa kiciyay, dhisay ama abaabulay ururkaas, waxaa lagu ciqaabayaa falkaas oo

keliya xarig sadex ilaa todoba sanno ah.

2. Ciqaabta falka ka qayb galka ururka kaligeed waa xarig hal sanno ilaa shan sanno ah.

3. Hogaamiyayaashu waxay mudanayaan ciqaab la mid ah kuwa kiciyay.

4. Marka dadka ururay ay hubaysan yihiin, isugu soo baxaan dhulka miyiga ah ama

dariiqyada, waxaa la saarayaa xarig shan ilaa shan iyo toban sanno ah.

5. Ciqaabtu waa kordhaysaa marka tirada dadka isku ururay tahay 10 qof ama in ka badan.

Page 107: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

107

Qodobka 323

Tallaabooyin ammaan Xaaladaha xukunka Dembiga ku xusan qodobka hore, markasta waxaa la amrayaa tallaabo

ammaan.

Qodobka 324

Burburin iyo dhaca

1. Qofkasta oo marka laga yimaado xaaladaha ku xusan qodobka 222, gala fal burburin iyo

dhac ah waxa lagu ciqaabayaa xarig sideed ilaa shan iyo toban sanno ah.

2. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka falka lagu galo hub, waxyaabaha qarxa ama cuntada

qasacadaysan goobaha lagu hayo, lagu iibiyo ama lagu kaydiyo.

Qodobka 325

Ku cabsi gelinta dadwaynaha walxaha qarxa

Qofkasta oo ujeedo keliya oo ah in uu abuuro cabsi khalkhal dadwayne sababa qarax,

bambooyin ama mashiinada qarxa ama walxaha kale ee qarxa, waxaa lagu ciqaabayaa,

marka uusan dhalin falku Dembi ka culus xarig lix bilood ilaa sadex sanno ah.

Qodobka 326

Cabsi galin dadweyne

Qofkasta oo cabsi galiya si uu u galo Dembi lid ku ah nabadgalyada dadweynaha ama falal

burburin ah ama dhac ah si uu u sababo cabsi dadweyne waxa lagu ciqaabayaa xabsi ilaa hal

sanno.

Qodobka 327

Siin maamulka qaylodhaan been ah

Qofkasta oo ku dhawaaqaya masiibo aan jirin, shilal ama khatar, siiya qaylodhaan maamulka

ama hay’adaha ama dadka hawsha qaran xilqaaday, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal

sanno ah ama ganaax ilaa 6,000 Sh.So. ah.

Page 108: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

108

Qodobka 328

Daabacaad ama faafin ama fidin warar been ah oo buunbuunsan, dhiilo leh khalkhal gelin kara daganaanshaha dadweynaha

Qofkasta oo daabacda ama faafisa warar been ah oo buunbuunsan ama dhiilo leh, si loo

khalkhaliyo deganaanshaha guud, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax

ilaa 3,000 Sh.So.ah.

QAYBTA VI

DEMBIYADA LIDKA KU AH DEGANAANSHAHA DADWEYNAHA

CUTUB I

DEMBIYADA KHATAR GELINAYA DEGANAANSHAHA DADWEYNAHA EE XOOGGA

Qodobka 329

Xasuuq

1. Qofkasta oo marka laga yimaado xaaladaha ku xusan qodobka 222, isagoo qasdigiisu

yahay in uu sababo dil, gala fal lagu khatar gelinayo degaanshaha guud, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa shan iyo toban sanno; marka falku keeno dhaawac jireed ee qof uun

waxay ciqaabtu noqonaysaa xabsi daayin, marka falku keeno dhimasho qof uun waxay

noqonaysaa ciqaab dil ah.

2. Weedha “khatar gelin deganaanshaha guud”waxaa looga jeedaa in loo bandhigo

dadwaynaha khatar dhimasho ama dhaawac jireed.

Qodobka 330

Sababid aafo Qofkasta oo sababa dab ama fatahaad, degid markab ama shay kaloo sababeeya, burburiya

dayaarad ama burburiya alaab kasta oo kale oo loo adeegsado gaadiid dadwayne, dumiya dhisme

ama masiibo kale sababa oo khatar gelinaysa deganaanshaha guud, waxa lagu ciqaabayaa, marka

falku uusan dhalin Dembi ka khatar badan xarig sadex sanno ilaa toban sanno.

Page 109: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

109

Qodobka 331

Diidmo sharci daro ah ee dhigid ama qaadid calaamadaha taxaddirka shilalka

Qofkasta oo ka taga in uu meel dhigo mashiino, qalab ama calaamado baaq u ah inay ka digaan

aafo, shilal ama ka qaada meesheedii ama wax yeela kuwaas, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal

ilaa shan sanno ah.

Qodobka 332

Isku dayga khatar galinta deganaanta guud Qofkasta oo marka laga reebo waxyaabaha ku xusan sadexda qodob ee hore, sameeya falkasta

oo khatar galinaaya xasiloonida guud, waxa lagu ciqaabayaa xarig sanad ilaa shan sanno ah.

Qodobka 333

Sababid carqaladayn ilaalinta xasiloonida guud Qof kasta oo xaalad aafo qariya ama ka dhiga mid aan waxtar lahayn, qalab kasta oo loogu

talogalay horjoogsi, badbaado ama gargaar ama wax kale oo carqaladaynaysa ama taako ku

noqonaysa hawlgalkaas, waxa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa todoba sanno ah.

CUTUB II

DEMBIYADA KHATARGELINTA XASILOONIDA GUUD EE KHIYAAMADA

Qodobka 334

Faafin xanuuno

Qofkasta oo faafiyo cuduro, isagoo fidinaya geermis cudur sababe, waxa lagu ciqaabayaa xabsi

daayin, marka falka ay dhimasho qof ka timaado ciqaabtu waa dil.

Qodobka 335

Wasakhaynta biyaha iyo cuntada Qofkasta oo wasakheeya biyo ama walax kasta oo cunto ahaan loo isticmaalo, ka hor

qaybinteeda ama aanay gaadhin cida isticmaalaysa waxa lagu ciqaabayaa xarig aan ka yarayn

Page 110: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

110

shan iyo toban sanno, marka falkaa ay ka timaado dhimashada qof uun ciqaabta dilka ayaa la

saarayaa.

Qodobka 336

Asal doorinta iyo wax kale u ekaysiin cunto

1. Qofkasta oo asal dooriya ama wax kale u ekaysiiya walax loo isticmalo cunto ahaan, ka

hor qaybinteeda ama inta aanay gaadhin cidii isticmaalaysay, taasoo ka dhigaysa mid

khatar ku ah caafimaadka dadweynaha, waxa lagu ciqaabayaa xarig sadex ilaa toban

sanno ah.

2. Ciqaabta waa la kordhinayaa, marka shay dawo ah la wasakheeyo ama la asal dooriyo

ama wax kale loo bedelo.

Qodobka 337

Asal doorinta ama waxkale u ekaysiinta walxaha kale oo xumaynaya caafimaadka dadwaynaha

Qoskasta oo u asal dooriya ama wax kale ugu ekaysiiya walax kasta oo loogu talogalay iib hab

ay khatar ugu noqonayaan caafimaadka guud, marka laga reebo xaaladaha lagu sheegay

qodobada la soo dhaafay, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa shan sanno ah ama ganaax aan ka

yarayn 3000 sh. Som.

Qodobka 338

Iibinta cunto la asal dooriyay ama wax kale loo ekaysiiyay Qofkasta oo aan qayb ka ahayn Dembiyada lagu shegay qodobada, (334, 335, 336, 337 XC) oo

u haysta iibin ama u soo bandhiga iibin ama ugu qaybiya macaamiisha biyo ama walax ama

alaab uu sumeeyay ama la asal dooriyay ama wax kale u ekeesiiyay qof kale, si khatargelinaysa

caafimaadka dadwaynaha, wuxuu mudanayaa ciqaabaha lagu sheegay qodobadaas siday isugu

xigaan.

Qodobka 339

Iibinta cunto sumaysan

1. Qofkasta oo u haysta iibin, u soo bandhiga iibin ama u qaybiya si loo isticmaalo, alaab

loogu talogalay cunto, oo aan la asal doorin, wax kalena loo ekaysiin, laakiin

khatargelinaysa caafimaadka dadweynaha, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa

sadex sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 500 sh. Som.

Page 111: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

111

2. Ciqaabta waa la dhimayaa haddii qofka alaabta iibsaday ama helay uu ogaa

dabeecadeeda sunnimo.

Qodobka 340

Iibinta iyo qaybinta daawooyinka dhacay

Qofkasta oo iibin u haysta ama iibin u soo bandhiga ama qaybiya dawooyin dhacay ama

xumaaday, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa sadex sanno iyo ganaax aan ka ayrayn

1000 sh. Som.

Qodobka 341

Qaybinta dawooyin qaab ay khatar u gelinayaan caafimaadka dadweynaha Qofkasta oo ku hawlan xataa isagoon awood loo siin inuu ka ganacsado daawooyin u qaybiya

tayo ahaan ama tiro ahaan si aan la socon Karin warqad dhakhtar ama si ka duwan sida la

sheegay ama lagu heshiiyay, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa laba sanno ah iyo

ganaax 1,000 ilaa 10,000 sh. Som.

Qodobka 342

Ganacsiga maan-dooriyaha

1. Qofkasta, oo marka laga reebo kuwa sharcigu ogol yahay ka ganacsada maandooriye

ama u haysta si uu u iibiyo, ama u qaybiyo ama cid kale u haya waxa lagu ciqaabayaa

xarig sanad ilaa sadex sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 1,000 Sh.So.ah.

2. Ciqaabta waa la kordhinayaa haddii mid ka mida alaabooyinkaas laga iibiyo ama loo

gudbiyo qof ka yar 18 jir ama qof maskaxdiisu ay dhiman tahay, ama qof ku walfay

isticmaalka maandooriyaha.

Qodobka 343

Hooy siinta isticmaalidda maan-dooriyaha

1. Qofkasta oo aan ka mid ahayn Dembiga ku xusan Qodobka aan soo dhaafnay ee

isticmaala ama u ogolaada in lagu isticmaalo maandooriyaha meeshiisa kulan si fagaare

ah ama meel dadweyne u furan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilod ilaa laba sanno ah

iyo ganaax 500 ilaa 2,000 Sh.So.ah.

2. Qofkasta oo gala meeshaa isagoo ujeeda isticmaalid maandooriye, wuxuu mudanayaa

xarig ilaa lix bilood ah iyo ganaax 1,000, ilaa 5,000 sh. Som.

Page 112: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

112

CUTUBKA III

DEMBIYADA KAMA’A AH EE KHATAR GELINTA XASILOONIDA GUUD

Qodobka 344

Dembiyada kama‟a ah ee ku hawlanaanta khasaaraha Qofkasta oo si kama’a ah u sababa dab ama aafo kale oo ku xusan cutubka I aad ee qaybtan

waxa lagu ciqaabayaa xarig sannad ilaa shan sanno ah.

Qodobka 345

Dembiyada kama‟a ah ee ku hawlanaanta khatarta

1. Qofkasta oo fal ama fal la’aan kama’a ah, ku abuura ama sii wada khatar ama aafo,

waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah.

2. Muddada xabsigu kama yaraanayso hal sanno marka Dembiiluhu uu jabiyo amar gaara

oo ay bixiyeen maamulku oo in uu joojiyo isticmaanla maandooriyaha.

Qodobka 346

Diidis ama qaadis kama‟a ah ee calaamadaha ilaalinta masiibooyinka iyo shilalka

Qofkasta oo si kam’a ah u diida in uu u dhigo goob ama ka qaada, ama ka dhiga mid aan

waxtarayn qalab ama alaab oo loogu talogalay badbaado ama gargaar waqti shil ama lagaga

hortegayo, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ama ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh. Som.

Qodobka 347

Dembiyadda kama‟a ah ee lidka ku ah caafimaadka guud

1. Qofkasta, oo si kam’a ah u gala falalka ku xusan qodobada 334 iyo 335, waxa lagu

ciqaabayaa:

a) Xarig saddex ilaa laba iyo toban sanno ah, kuwa ciqaabtoodu tahay dil;

b) Xarig hal ilaa shan sanno ah, kuwa ciqaabtoodu tahay xabsi daayin;

Page 113: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

113

c) Xarig lix bilood ilaa sadex sanno ah, kuwa ay ciqaabtu tahay xarig muddo qeexan

ah;

2. Marka Dembiyada ku xusan qodobada 336, 337, 338, 340 iyo 341 lagu galo kama’a,

waxa lagu ciqaabayaa ciqaabta midkasta u dhigan oo la dhimay lix dalool hal ilaa

sadex dalool hal.

QAYBTA VII

DEMBIYADA LA XIRIIRA MEEL KAGA DHACA KALSOONIDA GUUD

CUTUB I

BEEN ABUURKA LACAGTA, SAAMIYADA,DAMMAANADAHA IYO TIGIDHADA

Qodobka 348

Been abuurida lacagta, isticmaalka ama soo gelinta dalka lacag been abuur ah, fal ku lug lahaansho

1. Kuwa soo socda waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex ilaa laba iyo toban sanno ah iyo

ganaax 5,000 ilaa 30,000 som. Sh. ah:

a) Qofkasta oo been abuura lacagta dalka ama lacag shisheeye oo ah mid si sharci ah looga

isticmaalo gudaha iyo dibadba.

b) Qofkasta oo si kasta u bedela qiimaha runta ah ee lacagta, si ay u yeelato muuqaalka ama

qiimo sarraysa, ama hoos u dhiga qiimaheeda;

c) Qofkasta oo aan ka mid ahayn kuwa been abuurista ama bedelaada, laakiin iskaashi la

leh qofka falka galay ama si dhexdhexaadin ah, u keena gayiga qaranka lacag been abuur

ah ama la bedelay, ama haysta, kharashgareeya, ama suuq gelinteeda ka shaqeeya.

d) Qof kasta oo suuq geliya, wax ku iibsada ama si uun uga qaata lacagtaas been abuurka ah

ama bedelan qofka been abuuray ama mid dhexdhexaadiye ah.

2. Ciqaabta waa la kordhaysaa marka falku keeno qiimaha lacagta qaranka oo hoos u

dhacda ama aamminaadeeda gudaha ama dibadda si xun u saameeyo.

Qodobka 349

Soo gelinta lacag been abuur fal ku lug lahaansho la‟aan Qofkasta, oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan Qodobka hore, keena Dalka qaranka, wax ku

iibsada, ama haysta lacag been abuur ah ama mid la beddelay, isagoo ula jeeda in in uu suuqa

Page 114: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

114

geliyo, wuxuu mudanayaa ciqaabta ku xusan qodobka aynu soo dhaafnay, oo hoos loo dhigay

saddex dalool hal dalool ilaa kala badh ama nus.

Qodobka 350

Isticmaalid lacag been abuura oo lagu helay niyad sami Qofkasta oo isticmaala ama si kale suuqa geliya lacag been abuur ah ama mid bedelan, isaga oo

ogsoon inay tahay lacag been abuur ah, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ah ama/iyo

ganaax ilaa 10,000 sh. Som.

Qodobka 351

U dhignaanta dammaanaha ee lacagta

1. Ujeedada Xeerka Ciqaabta, dammaanaduhu waxay u dhigmaan lacagta.

2. Ujeedada Xeerka Ciqaabta “dammaanadahu” waxaa looga jeedaa, marka lagu

daro kuwa sharci ahaan lagu macaamilo sida lacagta, shahaadooyinka, foojarada,

tigidhada, haystaha ay xukuumadu u soo saartay, iyo dhukumenti kasta oo si

sharci ah loogu macaamilo oo ay soo saartay hay’ad awood sharci u leh in ay

sidaa yeesho.

Qodobka 352

Been abuurista, tigidhada, dal soo gelinta, iibinta, haysashada ama suuq gelinta tigidho been abuura

1. Tilmaamaha qodobada 348,349 iyo 359, waxa kaloo lagu dabaqayaa been abuurida ama

bedelaada tigidhada iyo soo gelinta dhulka qaranka ama iibinta, haysashada iyo suuq

gelinta tigidho been abuura, ciqaabta xaaladkasta waxaa la dhimayaa sadex dalool hal.

2. Xeerkan waxaa looga jeedaa “tigidh” tigidhada waraaqaha, tigidhada qabashada

qoraalada, tigidhada boosta iyo waraaqaha kale ee sharci gaar ahi ka dhigay in ay kuwaa

u dhigmaan.

Qodobka 353

Been abuurka waraaqaha loogu talogalay in lagu sameeyo dammaanadaha ama tigidhada

Qofkasta oo been abuura waraaqaha rasmiga ah loogu talogalay in lagu sameeyo dammaanadaha

ama tigidhada ama haysta ama dejiya, waxaa lagu ciqaabayaa hadii uusan dhalin falku Dembi ka

culus xarig laba iyo lix sanno iyo ganaax 3,000 ilaa 10,000 so. Shilling.

Page 115: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

115

Qodobka 354

Samaynta ama haysashada qalab, waraaqaha loogu talogalay samaynta dammaanadaha iyo tigidhada ama haysashada qalabka lagu been abuuro

lacagta ama tigidhada ama waraaqahaa laga sameeyo Qofkasta oo sameeya, iibsada, haysta ama dejiya waraaqaha laga sameeyo tigidhada ama

dammaanadaha ama qalab loogu talogalay oo keliya buun abuurid ama bedelaad lacag, tigidho

ama waraaqaha laga sameeyo tigidhada ama dammaanadaha, waxaa lagu ciqaabayaa hadii falka

uusan ka dhalan Dembi ka culays badan xarig hal sanno ilaa shan sanno iyo ganaax So. Shilling

1,000 ilaa 5,000, ah.

Qodobka 355

Been abuurida shatiyada gaadiidka dadweynaha

Qofkasta oo been abuura ama bedela shatiyada (tigidhada) gaadiid dadweynaha, ama isagoo aan

ka qayb qaadan been abuurida ama bedelaada, iibsada, haysta ama suuqa geliya, shatiyadaas la

been abuuray ama la bedelay, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah iyo ganaax so. Sh

100 ilaa 2,000.

Qodobka 356

Ka reebanaanta ciqaabta

Qofkasta oo gala mid ka mid ah falalka ku xusan qodobada aynu soo dhaafnay ee ku guulaysta

inuu baajiyo been abuurka lacagta, bedelaada, soo saarista ama suuq gelinta walxaha ku xusan

qodobada aynu soo sheengay, inta aanay maamulka u xilsaarani ka war helin, ciqaab ma

mudanayo.

Qodobka 357

Isticmaalida tigidho la been abuuray ama la bedelay

1. Qofkasta oo aan ka qayb qaadan been abuurka ama bedelaada ka dhiga in la isticmaalo

tigidhada la been abuuray ama la bedelay, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno

ah iyo ganaax ilaa 5,000 shilin So.ah.

2. Marka tigidhada lagu helay si niyad sami ah, ciqaabta ku xusan qodobka 350, waxaa la

dhimayaa ilaa sadex dalool hal.

Page 116: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

116

Qodobka 358

Isticmaalida shatiyada gaadiidka dadwaynaha oo la been abuuray Qofkasta oo aan qayb ka ahayn been abuurka ama doorinta, ka dhiga kuwo la isticmaalo

shatiyada gaadiid kasta oo dadwayne, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama

ganaax 100 ilaa 2,000 Sh.So.ah; marka tigidhka lagu helay niyad sami, waxaa la saarayaa

ganaax keliya oo ilaa 300 Sh.So.ah.

Qodobka 359

Isticmaalka calaamada tigidhka ama shatiga la isticmaalay iyo isticmaalkooda

1. Qofkasta oo ka tirtira ama si uun uga dhiga mid aan muuqanay tigidhada ama shatiyada

gaadiidka dadwaynaha calaamada muujinaysa in la isticmaalay oo markaa isticmaala

ama ka dhiga in la isticmaalo, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax

100 ilaa 2,000 shilin So.ah.

2. Qofkasta oo aan ka qayb qaadan bedelaada ee ka dhiga in la isticmaalo tigidho ama

shatiyo la bedelayka, wuxuu mudanayaa ciqaabtaas mid la mid ah; marka walxahaa lagu

helo niyad sami, waxaa la saarayaa gaaax ilaa 300 Sh.So.keliya.

CUTUB II

BEEN ABUURIDA ASTAAMAHA, QALABKA AMA CALAAMADA SUGGIDA,

TASDIIQINTA AMA AQOONSIGA

Qodobka 360

Been abuurka astaanta qaranka ama isticmaalka astaan been abuura Qofkasta oo been abuura astaanta qaranka ee loogu talogalay in lagu dhejiyo dhukumentiga

xukuumada ama isagoo aan ka qayb qaadan been abuurka, ka dhiga in calaamad been abuura

ay dadka kale isticmaalaan, waxa lagu ciqaabayaa xarig sadex ilaa lix sanno ah iyo ganaax

1,000 ilaa 20,000 Sh.So.ah.

Page 117: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

117

Qodobka 361

Been abuurida astaamaha kale ee qaranka ama qalabka loogu talogalay suggida iyo ansixinta iyo istcmaalida astaamahaa iyo

qalabkaa la been abuuray 1. Qofkasta oo been abuura astaanta hay’ad guud ama xafiis guud ama isagoo aan ka qayb

gelin been abuurka ka dhiga in la isticmaalo astaan been abuura, waxa lagu ciqaabayaa

xarig hal ilaa shan sanno ah iyo ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh.So.ah.

2. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa, qof kasta oo been abuura qalab kale oo loogu

talogalay suggid ama xaqiijin ama isagoo aan ka qayb qaadan ka dhiga kuwo la

isticmaalo qalabkaas.

Qodobka 362

Been abuurida muuqaalka suggida ama tasdiiqinta guud Qofkasta oo hab ka duwan kuwa lagu sheegay qodobada hore been abuura muuqaalka

suggida ama tasdiiqinta guud ama isagoo aan been abuurida ka qayb qaadan isticmaala

qalabka xambaarsan muuqaal been abuurida, wuxuu mudanayaa ciqaabta ku qeexan labada

qodob ee hore sida ay isugu xigaan oo la dhimay ilaa saex dalool hal.

Qodobka 363

Si xun u adeegsiga qalab sax ah

Qofkasta oo hayay astaamo sax ah ama qalab sax ah oo loogu talogalay suggid ama ansixin,

oo u isticmaala si uu ku dhibaataynayo cid kale ama si uu ugaga faa’iidaynayo naftiisa ama

qof kale, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah iyo ganaax ilaa 3,000 Sh.so.ah.

Qodobka 364

Isticmaalida ama haysashada cabir ama miisaan calaamad been ah 1. Qofkasta oo si uu wax ugu yeelo cid kale ka dhiga mid la isticmaalo cabir ama miisaan la

been abuuray ama la bedelay calamadiisii sharciga ahayd ama cabir ama miisaan si uun

loo bedelay, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax 5,000 Sh.So.ah.

Page 118: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

118

2. Ciqaabtaas la mid ah ayaa la saarayaa qofka hawl ganacsi ama dukaan dadwaynaha u

furan, ku haysta cabir ama miisaan calaamadiisii sharciga ahayd la been abuuray ama la

bedelay ama miisaan ama cabir si uun loo bedelay.

3. Ujeedada Xeerka Ciqaabta cabirka iyo miisaanka waxa ku jira qalabka nooc kasta ee loo

isticmaalo cabirka ama miisaanka.

Qodobka 365

Been abuurka, doorinta ama isticmaalka calaamadaha Aqoonsiga xarfaha qoraalka ama shaqada farshaxan ama wax soo

saarka warshadeed 1. Qofkasta oo been abuura ama bedela calaamadaha ganacsiga ama aqoonsiga ee dalka

ama dibeda ee qoraal ama farshaxan ama wax soo saarka wershadeed, ama isaga oo aan

qayb ka ahayn been abuurida ama bedelaada, ka dhiga in la isticmaalo calaamadaha la

been abuuray ama la bedelay, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah iyo ganaax

ilaa 20,000 Sh.So. ah.

2. Qofkasta oo been abuura ama dooriya summadaha, naqshadaa wershadeed, moodeelada

wadaniga ah ama shisheey ama isagoo aan ka qayb qaadan been abuurid ama doorinta u

isticmaala si uu uga faa’iidaysto been abuurka ama doorinta summadahaa, naqshadahaas

ama moodeelada wuxuu mudanayaa ciqaab la mid ah.

3. Tilmaamaha hore waxa la dabaqayaa haddii qofku u idman ilaalinteeda uu raacay

tilmaamaha loo dhigay ee sharcigu wadaniga ah ama axdiyada caalamiga ah ee ilaalinta

qoraalada, farshaxanka ama wax soo saarka warshadeed.

CUTUB III

BEEN QORAALKA DHUKUMENTIGA

Qodobka 366

Been qoraalka dhokumentiyada guud ee sarkaal guud

Sarkaalka guud ee isagoo gudanaya waajibaadkiisa, sameeya dhamaan ahaan ama qayb

ahaan, dhukumantiyo been ah ama dooriya dhokumanti sax ah waxa lagu ciqaabayaa xarig

hal sanno ilaa sideed sanno ah.

Page 119: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

119

Qodobka 367

Been Qoraalka shahaadooyinka maamul ama ogolaanshaha ee uu sameeyo sarkaal guud

Sarkaalka guud ee isagoo gudanaya waajibaadkiisa, been qora ama dooriya shahaadooyin

maamul ama ogolaansho, ama hab been qoraala ama doorin u sababa in aanay yeelan

shuruudihii looga baahnaa saxnimadeeda, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa hal

sanno ah.

Qodobka 368

Been qoraalka nuqulada asalka ah ee dhukumenti guud ama gaara iyo cadaynta nuxur dhukumenti ee sarkaal guud

1. Sarkaalka guud ee isagoo gudanaya waajibaadkiisa dhalanroga nuqul dhukumenti guud

ama gaar ah, una soo saara qaabkii sharciga ama soo saara nuqul dhukumenti guud ama

gaar ah oo ka duwan asalka, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa lix sanno ah.

2. Haddii been qoraalka uu galo sarkaal guud ansixinta nuxurka dhukumenti guud ama gaar

ah, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig hal ilaa laba sanno ah.

Qodobka 369

Ansixin been ah oo dhukumenti guud oo uu sameeyo sarkaal guud

Sarkaalka guud ee marka uu qaabaynayo ama qabanayo dhukumenti, isagoo gudanaya

waajibaadkiisa, si been ah u cadeeya fal uu sameeyay ama ka dhacay hortiisa, ama sugga

sida uu u helay cadayn uusan ku samayn isagu ama diida cadayn uu sameeyay ama bedela

cadayn uu sameeyay, ama si uun cadayn been ah ka sheega xaqiiqda dhukumentiga loogu

talogalay in uu cadeeyo runta, wuxuu mudanayaa ciqaabta ku xusan qodobka 366.

Qodobka 370

Cadayn been ah oo shahaadooyinka maamul ama ogolaanshaha ee uu sameeyo sarkaal guud

Sarkaalka guud ee isagoo gudanaya waajibaadkiisa, si been ah u cadeeya cadayn maamul

ama ogolaansho, xaqiiqda dhukumentiga loogu talogalay in uu u cadeeyo runta, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig saddex bilood ilaa laba sanno ah.

Page 120: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

120

Qodobka 371

Cadayn beena oo uu bixiyo qof gudanaya hawl baahi guud

1. Qofkasta oo gudanaya hawl caafimaad ama mid sharciyeed ama adeeg baahi guud oo

kale, ee si been ah u cadeeya xaqiiqo dhukumenti, dhukumentigaas oo loogu talogalay in

uu cadeeyo runta, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sano ah ama ganaax 500 sh. Som

ilaa 5,000.

2. Ciqaabtaas ayaa lala dabaqayaa marka falka loo galo macaash ka raadin.

Qodobka 372

Cadayn been ah oo uu bixiyo qof rayid ah Marka mid ka mid ah falalka ku xusan qodobada 366,367 ama 368 uu galo qof rayid ahi,

ama sarkaal guud oo aan gudanayn xilkiisa, ciqaabta ku xusan qodobada aynu soo sheegnay,

waxa hoos loo dhigayaa saddex dalool, hal dalool.

Qodobka 373

Cadayn been ah oo dhukumenti guud uu ka bixiyo qof rayid ahi

1. Qofkasta oo cadayn been ah siiya sarkaal guud, si loo geliyo dhukumenti guud, xaqiiq

loogu talogalay in dhukumentigaasi cadeeyo runta, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba

sanno ah.

2. Mudada xarigu kama yaraan karto saddex bilood xaaladaha cadaynta beentu la xiriiro

xaalad qofeed.

Qodobka 374

Been ka sheega diiwaanada iyo ogaysiimaha

Qofkasta oo uu xeerku ku waajibiyay in uu xafido diiwaan, u furan baadhis madaxda ay

khusayso ama in uu siiyo madaxdaas hawlgaladiisa khuseeya wershedaha, ganacsi ama

hawlgal mihnadeed ee qora ama ogolaada in la qoro been xogeed, waxa lagu ciqaabayaa

xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax ilaa 3,000 sh. Som.

Page 121: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

121

Qodobka 375

Been ka sheegid cadaymo gaar ah 1. Qofkasta oo ujeedo in uu u xaqiijiyo naftiisa ama cid kale faa’iido ama in uu dhibaato ku

gaadhsiiyo cid kale, ka dhiga dhamaanteed ama qayb ka mid ah cadayn uu qof bixiyay

mid beena ama bedela, cadayn sax ah oo qof bixiyay, waxaa lagu ciqaabayaa, hadii uu

adeegsado ama ogolaado in cid kale adeegsato xarig lix bilood ilaa saddex sanno ah.

2. Gelinta dheeraad been ah cadayn sax ah, ka dib marka qoraalka la xidho, waxaa loo

qaadanayaa wax ka bedel.

Qodobka 376

Been qoraal waraaq cadaan lagu saxeexay: dhukumenti gaara

1. Qofkasta oo ujeedo ah in uu naftiisa ama cid kale u xaqiijiyo faa’iido ama in uu

dhibaato ku gaadhsiiyo cid kale, ka dhiga in si khaldan loo adeegsado waraaq

cadaan loogu saxeexay oo uu gacanta ku hayay, xaqna u lahaa ama ay waajib ku

ahayd in uu buuxiyo, oo ku qora ama ogolaada in lagu qoro qoraalka gaar ah oo

raad sharci leh, wax ka duwan wixii waajib ku ahayd ama uu ogolaanshaha u

haystay in uu ku qoro, waxaa lagu ciqaabayaa, hadii uu adeegsado ama ogolaado

in cid kale adeegsato xarig lix bilood ilaa saddex sanno ah.

2. Waraaqda saxeexuhu ka tegay meel banana oo kasta oo ay ahayd in uu buuxiyo,

waxaa loo qaadanayaa in cadaan lagu saxeexay.

Qodobka 377

Been qoraal waraaq cadaan lagu saxeexay: dhukumenti guud

Sarkaalka guud ee khalad ku sameeya waraaq cadaan lagu saxeexay, taasoo uu gacanta ugu

hayay sabab xafiiskiisa ah, taas oo uu xaq u lahaa ama ay waajib ku ahayd buuxinteedu, oo ku

qora ama sababa in lagu qoro dhukumentigaa guud wax ka duwan, wixii ay waajibka ahaa ama

loo ogolaa in uu ku qoro, wuxuu mudanayaa ciqabta ku xusan qodobada 369 370, siday isugu

xigaan.

Qodobka 378

Page 122: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

122

Isticmaal dhukumenti been ah 1. Qofkasta oo aan ka qayb qaadan been qoraalka, oo isagoo og isticmaala dhukumenti

been ah, waxaa lagu ciqaabayaa ciqaabta ku xusan labada qodob ee hore (366,377) oo la

dhimay sadex dalool hal.

2. Xaaladaha cadaymaha gaarka ah uu qofku falka ku gelayo, wuxuu ciqaab mudanayaa oo

keliya haddii uu falka uu sameeyay ula jeedo inuu ku danaysto ama qof kale ugu

daneeyo ama cid waxyeelo ugu gaysanaayo.

Qodobka 379

Qarinta iyo baabi‟inta dhukumenti dhab ah 1. Qofkasta oo dhamaantood ama qayb ahaan, burburiya, cagta saara ama qariya

dhukumanti guud ama mid gaar ah, wuxuu mudanayaa siday u kala khuseeyaan

ciqaabaha ku xusan qodobada 366, 367, 372, ama 375, sida waafaqsan timaamaha halkaa

ku dhigan.

2. Tilmaamaha faqrada labaad ee qodobka hore ayaa lagu dabaqayaa qodobkan.

Qodobka 380

Dhukumanti u dhigmaa dhukumenti guud ujeedada ciqaabta 1. Marka been qoraalka ku sheegan qodobada hore, uu la xiriiro qoraal gacmeed dardaaran,

biil wax is dhaafsi ama agab kale oo gorgortan, ciqaabta ku xusan qodobka 375, halka

been qoraalka cadaymaha gaarka ah, waxaa la dabaqayaa ciqaabaha ku xusan faqrada

1aad ee qodobka 366 iyo qodobka 372 sida ay u kala khuseeyaan.

2. Xaaladaha been qoraalka ama bedelaada dhukumentiga la soo sheegay, qofka

isticmaalay ee aan ka qayb qaadan been qoraalka, wuxuu mudanayaa ciqaabta ku

sheegan qodobka 378, isticmaalka dhukumanti guud oo been ah.

Qodobka 381

Nuqulada rasmiga ah ee asalku maqan yahay Ujeedada qodobada hore dhukumentiga guud iyo cadaymaha gaarka ah, waxaa ku jiraya asalka

dhukumentiga iyo nuquladooda la ansixiyay, marka sida sharciga ah ay gelayaan halkii nuqulada

asalka ah ee maqan.

Page 123: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

123

Qodobka 382

Been qoraalka uu galo qof loo xilsaaray hawl guud Tilmaamaha qodobada hore ee ku saabsan falalka beenta ah ee ay galaan saraakiisha guud,

waxaa kaloo lagu dabaqayaa dadka loo xilsaaro hawl guud iyo saraakiisha hay’ad kasta oo qaran

oo la xiriira dhukumentiga ay soo saaraan iyagoo xilkooda gudanaya.

CUTUBKA IV

QOF ISKA DHIGID

Qodobka 383

Qof iska dhigid Qofka kasta oo ujeedo inuu ku daynaysto ama cid kale u daneeyo ama cid ku waxyeeleeyo,

khiyaameeya isagoo si sharci darro ah qof iska dhigaya, ama isagoo isaga ama qof kale ku

sheegaya magac kale oo beena, martabad kale ama awood kale oo sharcigu siinayo raadayn

qaanuuneed, marka aan falku dhalinayn Dembi kale oo ka culus, waxaa lagu ciqaabayaa xarig

ilaa hal sanno ah.

Qodobka 384

Cadayn ama dhanbaal been ah oo la siiyo sarkaal guud

1. Qofkasta oo si been ah ugu sheega sarkaal guud, dhukumentiga guud dhexdiisa,

aqoonsigiisa, mansabkiisa ama awoodiisa oo beenna ama cid kale, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa sadex sanno ah.

2. Qofkasta oo gala fal caddayn loogu talogalay in dib loogu soo saaro dhukumenti guud,

wuxuu mudanayaa ciqaab la mid ah.

3. Muddada xarigu kama yaraanayso hal sanno:

a) Xaalada cadaymaha dhukumentiga aqoonsiga;

b) Marka cadaynta beenta ahi ku saabsan tahay aqoonsigiisa, martabadiisa ama

derajadiisa shakhsi oo uu sameeyo qof eedaysane ka ah Maxakamad horteed ama

Page 124: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

124

marka natiijada cadaynta beenta xukun ciqaaba garmaqalkiisa uu ku galo magac

been ah.

Qodobka 385

Hadal qoraal been ah oo ku saabsan aqoonsiga iyo derejada qof ahaaneed

Qofkasta oo marka laga reebo kuwa ku xusan qodobada hore ee la waydiiyo aqoonsigiisa ama

derajadiisa kale ee qof ahaaneed ee naftiisa ama qof kale ee siiya cadayn aan run ahayn sarkaal

guud oo xilkiisa gudanaya, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah ama ganaax ilaa 5,000

Sh.So.ah.

Qodobka 386

Xidhashada darajo ama billad

1. Qofkasta oo si qalad ah u labisata si fagaare ah labiska ama calaamado kale oo u gaara

sarkaal guud ama mansab ama mid sharci dajineed, ama mid maamul, ama mid garsoor

ama mid mihnadeed taas oo u baahan ruqsad gaara oo looga helo maamulka guud ee

awooda u leh, waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 1,000 ilaa 10,000 Sh.So.ah.

2. Ciqaabtaas oo kale ayaa la saarayaa qofka huwada billad aqooneed, billad sharaf, ama

shahaado, derejo ama astaamo ama arrimo kale oo abaal marin guud ama awood kasta oo

uu leeyahay xafiis kasta, jago kasta iyo aqoon kasta oo uu ku xusan faqrada aynu soo

dhaafnay.

QAYBTA VIII

DEMBIYADA LAGA GALO DHAQAALAHA QARANKA, SANCADA IYO GANACSIGA

CUTUB I

DEMBIYADA LIDKA KU AH DHAQAALAHA DALKA

Qodobka 387

Burburinta alaabta caydhin ama beeraha ama wershadaha, kuwa wax lagu soo saarayo

Qofkasta oo si uu u burburiya alaabta cadhin ama ta beeraha ama ta wershadaha ama qalabka

wax soo saarka sababta wax yeelo khatar ah oo gaara wax soo saarka wadaniga ama kala go’

Page 125: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

125

badeecada caadi loo isticmaalo waxa lagu ciqaabayaa xarig sadex sanno ilaa laba iyo toban

sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 2,0000 Sh So.

Qodobka 388

Cudur ku faafinta dhirta iyo xoolaha Qofkasta oo si uu ugu fidiyo cuduro dhirta iyo xoolaha, ku waxyeeleeya beeraha iyo

xoolaha, waxa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa shan sanno ah.

Qodobka 389

Khiyaamo kor u qaadida ama hoos u dhigida qiimaha suuqa dadweynaha

1. Qofkasta oo ujeedo khalkhal gelin suuqa gudaha, saamiyada ama badeecadaha, daabaca

ama si kale u faafiya warar been ah, buunbuunsan oo dhiilo leh, ama hawlgeliya si kaloo

khiyaamo ku jirto oo keenaysa inay sababto hoos u dhac ama kor u kac qiimaha

badeecada ama saamiyada, kuwaas oo ah kuwa liisaskoodu ay ku jiraan isku bedel ka

lacagta qalaad ama ah kuwa lagu gorgortamo waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa sadex

sanno iyo ganaax aan ka yarayn 3,000 Sh.So.

2. Marka kor u kaca qiimaha alaabta ama saamiyadu uu dhaco ciqaabta waa la kordhinayaa.

3. Waa la labanlaabayaa ciqaabta marka:

a) falka uu galo qof muwaadin ah ujeedo uu ugu danaynayo shisheeye;

b) marka natiijada falku keeno hoos u dhac qiimaha lacagta dalka ama korodhka

badeecadu ku yimado isticmaalka guud;

4. Ciqaabta ku xusan qodobada hore waxaa lagu dabaqayaa marka falka lagu galo dibeda, si

loogu waxyeeleeyo qiimaha lacagta qaranka ama saamiyada qaranka.

5. Xukunku wuxuu saamayn doonaa ka reebbista xafiisyada guud.

Qodobka 390

Xidhista iyo shaqo joojinta 1. Shaqaalaha, marka laga reebo xaaladaha sharcigu ogolaaday, joojiya dhammaan ama

qayb ahaan hay’adiisa ama xafiiskiis, waxa lagu ciqaabayaa ganaax aan ka yarayn

1,0000 Sh.So.

Page 126: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

126

2. Shaqaalaha, marka laga reebo xaaladaha sharcigu ogolaaday, wadajir uga joogsada

shaqadooda ama gudashada hawshooda, si ay u khalkhalgeliyaan socodkeeda ama

caadinimadeeda, waxa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 1,000 Sh.So.ah.

Qododbka 391

Degista amar la‟aan ee goob beereed ama wershedeed iyo curyaamin

1. Qofkasta oo ujeedadiisa keliya tahay in uu carqaladeeyo ama is hortaago habka shaqada

ee caadiga ah, ee qabsada, ama dega meel ka mid ah dhul beereed ama wershadeed oo

cid kale leedahay, ama la wareega mishiino, qalab ama adeeg loogu talogalay waxsoo

saar beereed ama wershadeed oo cid kale leedahay, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa

saddex sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 1,000 So. sh.

2. Qofkasta oo wax yeelaya dhismayaal loo isticmaalo beeraha ama wershadaha ama alaab

kale oo ku xusan tilmaamaha hore, marka falku uusan dhalinayn Dembi ka culays badan

xarigu wuxuu noqonayaa ilaa lix bilood ilaa afar sanno iyo ganaax aan ka yarayn 5,000

Sh. So.

Qodobka 392

Ciqaabaha kaabayaasha ah

Xukunka mid kasta oo ka mid ah Dembiyada lagu soo sheegay labada qodob ee hore, waxa

la xiriiraya ka reebbista xafiisyada guud, iyo ururada shaqaalaha muddo aan ka yarayn shan

sanno.

CUTUB II

DEMBIYADA LIDKA KU AH WERSHADAHA IYO GANACSIGA

Qodobka 393

Farogelinta xorriyada sancada iyo ganacsiga Qofkasta oo xoog ku isticmaala alaab ama khiyaamo si uu uga hor joogsado ama u khalkhal

geliyo dhaqanka warshadeed ama ganacsi, waxa marka dhibanuhu ashkatoodo lagu

ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno iyo ganaax 1,000 ilaa 2,000 sh. Som.

Qodobka 394

Khiyaamada ku lidka ah wershadaha wadanka

Page 127: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

127

Qofkasta oo iib u soo bandhiga ama si uun u geliya, suuqyada wadaniga ah iyo kuwa

shisheeye, wax soo saarka warshadeed oo been abuur ah ama la bedelay magacyada,

muuqaalka ama astaanta, taasoo waxyeelo u gaysata wershadaha wadanka, waxa lagu

ciqaabayaa xarig sannad ilaa shan sano ah iyo ganaax aan ka yarayn 5,000 sh. Som.

Qodobka 395

Khiyaamada hawlaha gaancsiga 1. Qofkasta oo ku guda jira hawl ganacsi, ama dukaan u furan dadwaynaha, u keena

macaamiisha shay halkii shay kale, ama shay ka duwan kii asalka ahaa, ishii soo saartay,

tayada ama tirada, shayga la sheegay ama lagu heshiiyay, waxaa lagu ciqaabayaa marka

uusan falka ka dhalan xarig ilaa laba sanno ah ama ganaax ilaa 20,000 sh. Som.

2. Xaaladda alaabta qiimaha badan, ciqaabtu waxay noqonaysaa ilaa saddex sanno ama

ganaax aan ka yarayn 1,000 sh. Som.

Qodobka 396

Wax soo saar cunto aan asal ahayn oo loo iibiyo asal Qofkasta oo iib u soo bandhiga ama ka ganacsada wax soo saar cunto aan asal ahayn, waxaa

lagu ciqaabayaa, marka uusan falku dhalin Dembi ka culus, ilaa lix bilood ama ganaax ilaa

10,000 sh. Som.ah.

Qodobka 397

Ku iibinta wax soo saar wershadeed calaamad been ah Qofkasta oo iib u soo bandhiga ama qaab kale suuqa u soo geliya hawl qoraal ama farshaxan

ama wax soo saar wershadeed oo leh calaamad ganacsi ama calaamad kale oo wadani ama

shisheeye, kuwaasoo suurtogal ka dhigaysa, inay khalado iibsadaha isagoo u haysata kuwii runta

ahaa ama meeshii runta ahayd, tayadii runta ahayn ama shaqadii ama wax soo saarkii runta

ahayn, waxaa lagu ciqaabayaa marka falku uusan dhalin Dembi ka culays badan xarig ilaa hal

sanno ah iyo ganaax ilaa iyo 10,000 Sh.So.

Page 128: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

128

QAYBTA IX

DEMBIYADA LIDKA KU AH DAMMIIRKA IYO ANSHAXA

CUTUB I

DEMBIYADA GALMADA EE KHASABKA

Qodobka 398

Kufsi

1. Qofkasta oo xoog ama tahdiid galmo ula sameeya qof kale oo jinsi ahaan ka duwan,

waxa lagu ciqaabayaa xarig shan ilaa shan iyo toban sanno ah.

2. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa, qofkasta oo qof jinsi ka duwan galmo la sameeya,

kaas oo aan lahayn awood uu ogolaansho ku bixiyo ama qof uu Dembiiluhu qof kale

isugu sheegay ama isaga dhigay.

3. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa sarkaalka guud, ee isaga oo ku xadgudbaya awoodiisa

u galmooda qof jinsiga kale ah oo la xiray ama la hayo, oo uu hayo sarkaalkaasi sabab

xafiiskiisa awgeed oo lagu aaminay isaga oo fulinaya amar madaxeed.

4. Ujeedada Xeerka Ciqaabta dhexgalida xubinta taranka ee labka la geliyo xubinta taranka

ee haweenka ayaa noqonaysa xiriir galmo.

Qodobka 399

Fal salaaxid ah oo xoog lagu galay

Qofkasta oo ku dhaqma xaaladaha ku xusan qodobka hore, ku sameeya salaaxid qof jinsi ka

duwan ah, oo aan ahayn xiriir galmo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa shan sanno ah.

Qodobka 400

Galmo aan dabiici ahayn oo lagu galo xoog Marka falalka ku xusan qodobada, 398, 399 lagu galo qof isla jinsigiisa ah ama qof jinsi ka

duwan meel aan ahayn dabiici, ciqaabta waa la kordhinayaa.

Page 129: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

129

Qodobka 401

Af duub ama haysasho qof ujeedo guur ama salaax

1. Qofkasta oo si xoog ah, tahdiida ama khiyaamo u af-duuba ama u haysta qof ujeedo kufsi

(398) ama salaax, waxaa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa shan sanno ah.

2. Qofkasta oo si xoog ah, tahdiida ama khiyaamo ah u af-duuba ama u haysta qof ujeedo guur

qof aan guursan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa sadex sanno ah.

3. Qofkasta oo af-duub u haysta ama haysta qof aan awoodi karayn in uu rabitaan bixiyo

ujeedo kufsi ama salaax ama guur, waxaa lagu xukumayaa xarig hal ilaa sadex sannoah.

CUTUB II

DEMBIYADA LIDKA KU AH DHAWRSANAANTA IYO SHARAFTA GALMADA

Qodobka 402

Falalka anshax xumada

1. Qofkasta oo meel fagaare ah ama goob u furan dadwaynaha ku gala fal anshax xumo ah,

waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa sadex sanno ah.

2. Marka falka lagu galay si kama a ah oo taxadirdaro ah, ciqaabta waxay noqonaysaa 300

ilaa 3,000 sh,so.

Qodobka 403

Faafinta iyo daabacaada anshax xumada

1. Qofkasta oo ujeedo iibin ama qaybin ama bandhig dadwayne, sameeya, soo geliya

Dhulka Qaranka, iibiya, haysta, ama dibada u dhoofiya ama suuqa geliya, waraaqo,

sawiro, muuqaalo ama walxo kale oo anshax xumo ah, dabeecada ay doonto ha lahaatee,

waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex bilood ilaa sadex sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn

1,000 Sh.So.ah.

2. Qofka ka ganacsada xataa qarsoodi, walxaha lagu sheegay faqrada hore ama qaybiya

ama u soo bandhiga fagaare, wuxuu mudanayaa ciqaab la mid ah.

3. Ciqaabtan, waxaa iyana lagu dabaqayaa xaalada qofku:

Page 130: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

130

a) Uu isticmaalo dariiqo xayaysiis ah oo loola jeedo inay xoojiso fidinta ama iibinta

alaabooyinka ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan.

b) Bixiyo muuqaal masrax dadweyne ama filim oo lagu muujiyo ama riyaawado fagaare,

taas oo leh dabeecad anshax xumo.

4. Xaalada lagu xusnay xarafka (b) ee faqrada aynu soo dhaafnay ciqaabta waa la

kordhinayaa, marka uu baal maro mamnuucida madaxda.

Qodobka 404

Qeexida falalka iyo walxaha anshax xumada ah

Ujeedada xeerka ciqaabta, falalka iyo walxaha waxaa loo qaadanayaa in ay yihiin anshax

xumo, marka ay rayiga guud ku tahay anshaxa fool xumo.

Qodobka 405

Dhilaysi

1. Qofkasta oo ku dhaqma dhilaysi noocuu doono ha noqdee, waxa lagu ciqaabayaa xarig

laba bilood ilaa laba sanno iyo ganaax 100 ilaa 2,000 Sh. Som.

2. Marka falka uu galo qof guri leh (guursaday), ciqaabta waa la kordhinayaa.

Qodobka 406

U jiidista falal fool xun

1. Qof kasta oo meel fagaare ku jiida inuu falal fool xun ka sameeyo xataa si dad dadban

waa la ciqaabi markuusan falku ahayn midDembikhatar ah keenaya waa xabsi ilaa 1 sano

ama ganaax ilaa 2000 Sh. Som.

Qodobka 407

Ku dhiirin, ku kaalmayn iyo ka faa'iidaysi dhilaysi

1. Qofkasta oo ku dhiirigeliya qof kale in uu galo dhilaysi ama ku kaalmeeya nooc uun ugu

fududeeya dhilaysi, ama dhammaan ama qayb ahaan ka faa'iidaysta habka dhilaysiga,

wuxuu mudanayaa ciqaabta ku xusan faqrada 1aad ee qodobka 405.

2. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka:

a) Falku lid ku yahay qof aan awood u lahayn inuu ogolaansho biixyo;

Page 131: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

131

b) Dembiiluhu yahay tafiirta (asalka) faraca, sayga, xaaska, walaasha, walaalka ama

masuulka xanaano ee qofka;

c) Falka uu lid ku yahay qof lagu aaminay Dembiiluha inuu daryeelo, wax barro,

tilmaamo, kormeero ama xafido.

Qodobka 408

Ku qasbid dhilaysi

1. Qofkasta oo si xoog ah ama cabsi gelin ah ugu qasba qof kale inuu galo dhilaysi, waxa

lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa lix sanno iyo ganaax 5,000 sh. Som ilaa 15,000 sh. Som

ah.

2. Marka mid ka mid ah xaaladaha ku xusan faqrada labaad ee Qodobka hore jirto ciqaabta

waa la kordhinayaa.

Qodobka 409

Galmada isku jinsiga Qofkasta oo la sameeya galmo qof kasta oo ay isku jinsi yihiin waxaa lagu ciqaabayaa, marka

falku uusan dhalinayn Dembi ka culus xarig saddex bilood ilaa saddex sanno. Marka uu yahay

salaaxid oo aan ahayn galmo, ciqaabta waa la dhimayaa ilaa saddex dalool hal dalool.

Qodobka 410

Tallaabooyinka ammaan Tallaabooyin ammaan ayaa la marin karaa xariga Dembiyada ku xusan qodobadda 407,408,409.

CUTUB III

DEMBIYADA KALE EE LIDKA KU AH ANSHAXA GUUD

Qodobka 411

Qaybinta ama iibina sharaab lagu sakhraamo

1. Qofkasta oo iibiya ama u qaybisa mawaadiniinta Soomaaliyeed ama qof Muslim ah oo

muwaadin shisheeye ah, sharaab lagu sakhraamo oo kasta, waxa lagu ciqaabayaa xarig

ilaa saddex bilood ah ama ganaax ilaa 1,000 sh. Som.

Page 132: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

132

2. Marka sharaab lagu sakhraamo laga iibiyo ama lagu faafiyo dad da’doodu ka yar tahay

14 sano ama qof qaba cudur maskaxeed ama ah mid xaalad maskaxeed oo dhiman leh oo

ah nooc kasta oo maskax dhinaansho ah, ciqaabta waa la kordhinayaa.

Qodobka 412

Isticmaalida sharaabka lagu shakhraamo

1. Marka laga reebo xaaladaha qodobada la soo dhaafay muwaadin Soomaali ah, ama

ajnebiga Muslimka ah oo isticmaala qaab kasta ha ahaatee mid ka mid ah sharaabka lagu

shakhraamo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa afar bilood ah iyo ganaax ilaa 1,000 So.

Sh.ah.

2. Marka falka lagu galo meel fagaare ah ama lagu galo meel u furan dadweynaha, ciqaabta

waa la kordhinayaa.

Qodobka 413

Sakhraanimo

1. Qofkasta, oo meel fagaare ah ama meel u furan dadweynaha ku sugnaada xaalad bandhig

sakhraanimo, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa saddex bilood ah ama iyo ganaax ilaa

2,000 sh. Som.ah.

2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig saddex ilaa lix bilood marka falka uu galo qof hore

loogu cadeeyay Dembiyo lid ku ah nolol bani’aadan ama ammaanka oo aan kama’a

ahayn.

3. Ciqaabta waa la kordhinayaa marka sakhraanimadu ay tahay mid la caadaystay.

Qodobka 414

Ku sababid qof kale shakhraanimo

Qofkasta, oo marka laga reebo xaalada ku xusan qodobka 411, ee meel fagaare ah ama meel u

furan dadweynaha, ku sababa sakhraanimo dad kale, isagoo siinaya sharaab lagu sakhraamo,

waxa lagu ciqaabayaa ilaa lix bilood ah ama ganaax ilaa 2,000 Sh.S0.ah.

Page 133: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

133

Qodobka 415

Siin sharaabka lagu shakhraamo qof sakhraansan

1. Qofkasta oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobada 411 iyo 414, u keena

sharaab lagu sakhraamo qof ku jira xaalad sakhradeed oo muuqata, waxa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah.

2. Marka Dembiiluhu yahay kan haya goob dadweyne oo lagu iibiyo cuntada iyo sharaabka

xukunka waxaa wehelinaya in ruqsada laga laalo.

Qodobka 416

Samaynta ama ka ganacsiga alkahoolka waxyaalaha loogu talogalay in laga sameeyo ee sharcidarada ah

1. Qofkasta, oo aan dhowrin sharciga ama amarada maamulka ee soo saara, soo geliya

gayiga qaranka, u haysta ujeedo iib, ama iibiya, khamri ama sharaab kale oo alkahool ah

waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa hal sanno ah ama ganaax 500 ilaa 5,000 sh. Som.ah.

2. Ciqaabtaas mid la mid ah ayaa la saarayaa qofkasta oo kale oo isagoo aan dhawrin

sharciga ama amarada maamulka, soo saara ama soo galiya gayiga qaranka alaabooyin

loola jeedo in lagu diyaariyo khamri.

Qodobka 417

Qeexid

Ujeedooyinka Xeerkan Ciqaabta “Sharaab alkahoolik ah” waxa loola jeedaa sharaabkasta oo

alkohol leh oo qiyaastiisa isbiirto dhab ahaan ka sarayso 3%.

Page 134: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

134

QAYBTA X

DEMBIYADA LIDKA KU AH SINJIGA AADAMAHA

Qodobka 418

“Soo ridid uur ogolaansho la‟aan

1. Qofkasta oo sababa in qof haween ah uur ka soo rido iyadoo aan ogolaan, waxa lagu

ciqaabayaa xarig saddex ilaa todoba sanno ah.

2. Ciqaabtaas mid la mid ah ayaa la saarayaa qofkasta oo sababa in uu uur ka soo rido qof

haween ah oo aan awodin in ay ogolaansho bixiso, marka ogolaanshaha lagu sameeyo

qasab, cabsi gelin tahdiid ama ku boorin khiyaamo ku jirto.

Qodobka 419

Ilmo ka soo ridid la ogolaaday

1. Qofkasta oo ku sababa haweenay ilmo ka soo ridid ay ogolaatay, waxaa lagu ciqaabayaa

xarig hal ilaa shan sano ah.

2. Ciqaabtaas la mid ah ayaa la saarayaa haweenayda ogolaata ilmo ka soo ridida ama si

uun iyadu u sababta.

Qodobka 420

Ku boorrin ilmo iska soo ridid Qofkasta oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobka hore, ku boorriya haweenay uur leh

in ay gasho ilmo iska soo ridid, iyadoo uu u maamulayo dariiqada ay ku fulinayso, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa laba sanno ah.

Qodobka 421

Geerida ama dhaawaca haweenayda

1. Marka falka ku xusan qodobka 418, uu keeno dhimashoda haweenayda, ciqaabta la

saarayaa waxay noqonaysaa waa xarig toban ilaa shan iyo toban sanno ah. Marka falku

sababo dhaawaca haweenayda, ciqaabta la saarayaa waxay noqonaysaa xarig saddex ilaa

sideed sanno ah.

Page 135: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

135

2. Marka falka ku xusan faqradda 1aad ee Qodobka 419 keeno dhimashada haweenayda

ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig afar ilaa sideed sanno ah; marka dhaawac yimaado,

ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig laba ilaa lix sanno ah.

Qodobka 422

Uur iska soo ridid sabab sharafeed

Marka mid ka mid ah qodobada ku xusan 418, 419, 420, iyo 421 lagu galo, iyadoo loola jeedo

dhowrista qofka sharaftiisa ama qof qaraabo dhow ah, ciqaabta halkaa ku xusan waxaa la

dhimayaa kala badh ilaa sadex dalool laba.

Qodobka 423

Ka dhigid qof karti laawe taran 1. Qofkasta oo ka dhiga qof lab ama dhedig oo ogolaaday mid karti laawe taran ah, waxaa

lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa laba sanno ah iyo ganaax 1,000 ilaa 5,000 Sh.

So.ah.

2. Qofka bixiya ogolaanshaha in naftiisa lagu sameeyo, wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo

kale.

Qodobka 424

Duruufaha cuslaynta iyo ciqaabaha kaabayaasha ah

1. Marka qofka lagu helo mid ka mid ah Dembiyada ku xusan faqrada 1aad ee qodobka 418

iyo qodobka 419, 421 iyo faqrada 1aad ee qodobka 423, lagu galo iyadoo la gudanayo

mihnad caafimaad, ciqaabta waa la kordhinayaa.

2. Xaalada ku noqnoshada ka reebbida mihnada caafimaad, waxay noqonaysaa joogto.

Page 136: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

136

QAYBTA XI

DEMBIYADA LIDKA KU AH QOYSKA

CUTUB I

DEMBIYADA LIDKA KU AH AKHLAAQDA YO DHOWRSANAANTA QOYSKA

Qodobka 425

Guur sharcidarro ah Qofkasta oo gala heshiisa guur, marka la eego xaaladiisa qofnimo uusan guurkaasi xalaal ahayn,

waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa saddex sanno ah.

Qodobka 426

Sinada

1. Qofkasta oo ku xidhan guur sharci ah ee xiriir galmo la sameeya qof aan ahayn xaaskiisa

ama saygeeda, waxa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba sanno ah; ciqaabtaas mid la mid ah

ayaa la saarayaa qofka la samaynayay xiriirka galmo.

2. Dembiga waxaa lagu oogayaa dalabka dhibanaha.

Qodobka 427

Galmada muxaramka

1. Qofkasta oo xiriir galmo la sameeya qof kale oo ay xaaraan ka tahay in ay is guursadaan

xaaladiisa/deeda Shakhsigadeed, waxa lagu ciqaabayaa xarig laba ilaa shan sanno ah.

2. Ciqaabta waa la kordhinayaa xaaladaha xiriirka ah ee galmada muxaramka.

Page 137: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

137

CUTUB II

DEMBIYADA LIDKA KU AH XAALADA QOYSNIMO

Qodobka 428

Asal doorinta ama qarinta gelinta diiwaanada madani

1. Qofkasta oo sababa in ay galiyaan diiwaanada madani dhalasho aan jirin, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig hal sanno ilaa shan sano ah.

2. Qofkasta oo qariya ilmo dhashay, is hortaaga in magaciisa la galiyo diiwaanada madani,

waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa100 sh. Som.ah.

Qodobka 429

Bedelaada diiwaan gelinta madani

1. Qofkasta oo isku bedesha ilmo caruur ah oo dhashay ama bedesha diiwaan

gelintiisa, waxa lagu ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa hal sanno ah.

2. Muddada xarigu waxay noqonaysaa lix bilood ilaa laba sanno, qofkasta oo u

samaynaya shahaadad dhalasho ilmo dhashay oo bedela diiwaan gelinta la xiriira

dhalshada ilmahaa.

Page 138: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

138

CUTUB III

DEMBIYADA LIDKA KU AH MASUULIYADA QOYSNIMO

Qodobka 430

Ku xadgudubka waajibaadka qoysnimo

1. Qofkasta oo ka baaqsada waajibaadka la xiriira masuuliyada waalidnimo, xanaaneeye

ama guur, waxa lagu ciqaabayaa, marka falku uusan dhalinayn Dembi ka culus, xarig

ilaa hal sanno ah iyo ganaax 1,000 ilaa (10,000 sh. Som.ah.

2. Ciqaabtaas oo kale ayaa lagu dabaqayaa qofka si xun u isticmaala ama musrifa saamiga

uu leeyahay ilmo yar ama qof gacanta lagu hayo.

Qodobka 431

Ku xadgudubka habka saxitaanka ama edbinta

1. Qofkasta oo ku xadgudba tallaabooyinka saxitaan ama edbin oo waxyeelaynaysa qof

hoos yimaada masuuliyadiisa ama lagu aaminay isaga ujeedo wax barasho, jihayn,

daawayn maamulid ama xafidaad, ama wax qabasho aqooneed ama farsamo waxa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah; marka uu falku keeno khatar cudur jidh ama

maskaxeed.

2. Marka falku keeno dhaawac, ciqaabta ku xusan Qodobka 440, hoos ayaa loo dhigayaa

saddex dalool, hal dalool, marka dhimasho timaadona ciqaabtu waa xarig saddex ilaa

sideed sanno ah.

Qodobka 432

Si xun ula macaamilka carruurta iyo xubanaha qoyska

1. Qofkasta oo aan ahayn kuwa ku xusan Qodobka hore ee si xun ula dhaqma xubnaha

qoyska ama qof ka yar 14 sanno, ama qof uu masuul ka yahay ama qof lagu aaminay

ujeedo ah, wax barasho, jihayn, daawayn, maamulid, ama xafidaad, ama qabasho xirfad

ama farsamo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig sannad ilaa shan sanno ah.

2. Marka falku keeno dhaawac culus ama aad u culus, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig

laba ilaa sideed sanno ah, marka dhimasho timaado ciqaabtu waa xarig toban ilaa shan

iyo toban sanno ah.

Page 139: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

139

Qodobka 433

Haysasho qof aan lahayn awood sharci

1. Qofkasta oo xoog ku qabsada qof ka yar 14 sanno, ama qof maskax ahaan aan dhamayn

kana qaata waalid, gudanaya masuuliyadii waalidnimo, ama xanaaneeye ama mid lagu

aaminay, ama xayira qofkaas si ku lid ah rabitaanka dad aynu soo sheegnay waxaa lagu

ciqaabayaa dalabka waalidka gudanaya masuuliyada waalidnimo, ilaaliyaha ama lagu

aaminaha, xarig hal sanno ilaa saddex sanno ah.

2. Qofkasta oo xoog ku qabsada qof yar oo 14 sanno jir, ogolaansho la’aanta qofka yar,

ujeedo aan ahayn salaaxid, guur, wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo kale, marka uu

dalbado waalidka adeegsanaya masuuliyada waalidnimo, xanaaneeyaha ama lagu

aaminaha.

QAYBTA XII

DEMBIYADA LIDKA KU AH QOFKA IYO AMMAANKA SHAKHSIGAADKA

CUTUB I

DEMBIYADA LIDKA KU AH NOLOSHA IYO AMMAANKA SHAKHSIGAADKA

Qodobka 434

Dil Qofkasta oo sababa dhimashada qof, waxaa lagu ciqaabayaa dil

Qodobka 435

Dilka ilmo dhashay sabab sharaf

1. Qofkasta oo sababa dhimashada ilma dhashay isla waqtiga uu dhashayba ama ilmo aan

dhalan waqtiga uu dhalanayo, ujeedo ah badbaadinaya qof sharaftii ama asalkiisa ama

faraciisa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig toban sanno ilaa shan iyo toban sanno ah.

2. Isla ciqaabtaas ayaa la saarayaa qofkasta oo caawiyay gelitaanka Dembiga.

Qodobka 436

Page 140: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

140

Dhimasho lagu sababo ogolaanshaha qofka

1. Qofkasta oo dhimasho ku sababa ogolaanshaha qofkaa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig lix

ilaa shan iyo toban sanno ah.

2. Dembiilaha waxaa lagu ciqaabayaa Dil, marka falka lagu galo:

(a) Qof da’diisu ka yar tahay 18 sanno;

(b) Qof xiskiisu dhiman yahay

(c) Qof ogolaanshaha ku siiyay Dembiilaha, khasab, tahdiid, u soo jeedin ama

khiyaamo.

Qodobka 437

Isku day is dilid Qofkasta oo isku daya in uu naftiisa ku sababo dhimasho, isagoo samaynaya fal ku filan in uu

sababo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa shan sanno ah ama ganaax ilaa 10,000 Sh.So.ah.

Qodobka 438

Ku boorrin ama ku kaalmayn is dil

1. Qofkasta oo qof kale ku boorriya ama ku gargaara in uu is dilo ama si uun ugu

fududeeya in uu sameeyo is dilis, waxaa lagu ciqaabayaa marka is dilku dhaco, xarig

shan ilaa toban sanno ah. Marka aan is dil dhicina, waxaa lagu ciqaabayaa xarig hal ilaa

shan sanno ah, iyadoo ay tahay in isku daygu keeno dhaawac culus ama aad u culus oo

shakhsiyeed.

2. Ciqaabtu waa kordhaysaa, marka qofka la boorriyay ama la gargaaray uu hoos yimaado

dadka lagu sheegay xubnaha (a) & (b) ee faqrada 2aad ee qodobka 436. Si kasta ha

ahaatee marka qofkaa la soo sheegay uu ka yar yahay 14 jir ama uusan awoodin in uu

ogolaaansho bixiyo, waxaa la dabaqayaa tilmaamaha Dembiga dilka (434).

Qodobka 439

Gacan saar

1. Qofkasta oo qof kale gacan saara oo aanay ka iman dhaawac jireed ama maskaxeed,

waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu ashkatoodo, xarig ilaa lix bilood ah ama ganaax

ilaa 3,000 Sh.So.ah.

Page 141: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

141

2. Tilmaamaha sare lama dabaqayo marka sharcigu u arko falka tiirarka dhismaha Dembi

ama duruufo cuslayn Dembi kale.

Qodobka 440

Dhaawac

1. Qofkasta oo qof ku sababa dhaawac ay ka timaado waxyeelo jireed ama maskaxeed,

waxaa lagu ciqaabayaa xarig sadex bilood ilaa sadex sanno ah.

2. Dhaawaca waxaa loo aqoonsanayaa mid culus, waxaana lagu ciqaabayaa xarig sadex ilaa

todoba sanno ah marka:

(a) Falku keeno xanuun khatar geliya nolosha qofka la dhaawacay ama xanuun ama

karti la’aan ka horjoogsata gudashada shaqadiisa caadiga ah muddo ka badan

afartan casho;

(b) Falku keeno karti daro joogto ah oo dareeme ama xubin;

(c) Marka qofka la dhaawacay yahay haweenay uur leh oo falku keeno in dhalmadu

soo hormarto;

3. Dhaawac waxaa loo aqoonsanayaa mid aad u culus, waxaana la saarayaa ciqaab xarig oo

ah lix ilaa laba iyo toban sanno marka:falku keeno:

(a) Xanuun habaal ama ugu dhowaan aan la dawayn Karin;

(b) Lumin dareeme

(c) Lumista xubin ama waxyeelo ka dhigta xubintaas mid aan waxtar lahayn ama

lumis xubin ama lumis isticmaalkeeda ama lumen awoodii ay dib ugu abuurmi

lahayd ama ku adkaansho daran oo joogto ah ee hadalka ah;

(d) Qaabdaro ama foolxumo joogto ah oo wejiga ah;

(e) Wax qaadis kari la’aan qofka dhaawacmay ah.

Qodobka 441

Dil Kas Dhaaf ah

Qofkasta oo fal toos ah ku gala Dembiyada lagu sheegay Qod: 439, 440 ee sababa dhimasho qof

kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig toban ilaa shan iyo toban sanno ah.

Qodobka 442

Dil ama Dhaawac waalidku sababay

1. Marka Dembiyada lagu sheegay qodobada 434, 436, 440 & 441, ay galaan waalidku

ciqaabta ku xusan qodobadaas waxaa loo bedelayaa sidan:-

a) Ciqaabta dilka waxa hoos loogu dhigayaa xarig toban ilaa shan iyo toban sano ah.

Page 142: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

142

b) Ciqaabta xariga waxa hoos loo dhigayaa saddex dalool hal ilaa badh.

2. Waalidka gala Dembiyada ku xusan qodobka 439 ciqaab ma mutaysanayo.

Qodobka 443

Dil ama Dhaawac sabab sharafeed

1. Qofkasta oo hela ooridiisa ama saygeeda, inantiisa ama walaashii oo sino (galmo xaaraan

ah) samaynaya oo cadho deg-deg ah oo sharaftiisa ama sharafta qoyskiisa ku gala Dembi

sababa dhimashada oorida ama sayga, inanta ama walaasha waxa lagu ciqaabayaa xarig

toban ilaa shan iyo toban sano ah, isla ciqaabtaas waxa la saarayaa qofka duruuftaas oo

kale ku sababa dhimashada qofkii galmada Xaaraanta ah la samaynayey oorida,

saygeeda, inantiisa ama walaashii.

2. Marka Dembiiluhu duruuftaas oo kale ku sababo dhaawac dadkaas la soo sheegay

ciqaabta ku xusan qodobka 440, waxaa hoos loo dhigayaa saddex dalool hal. Marka

dhaawacaasi keeno dhimasho ciqaabtu waxay noqonaysaa laba sano ilaa saddex sano.

3. Marka isla xaaladaas qofku ku galo dadkaas la soo sheegay Dembiga ku xusan qodobka

439 ciqaab ma mutaysanayo.

Qodobka 444

Safayn

1. Qofkasta oo ka qayb qaata dagaal safayn ah waxa lagu ciqaabayaa xarig hal sano ah ama

ganaax ilaa 1000 Sh.So. ah.

2. Halka inta dagaalku socday qof ku dhinto ama qof dhaawac ka soo gaadho, ciqaabta

falka ka qayb-qaadashada safaynku wuxuu noqonyaa xarig saddex bilood ilaa shan sano

ah. Isla ciqaabtan waxaa la dabaqayaa haddii dhimashada ama dhaawacu yimaado

markiiba ka dib safaynka isagoo natiijadii safaynka ah.

3. Ciqaabta ku xusan labada qodob ee hore waa la kordhinayaa marka safaynka ay

sababtay:-

a) Sabab Siyaasadeed.

b) Qabyaalad u dhexaysa kooxo isireed.

Qodobka 445

Page 143: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

143

Dil Kama‟ ah

1. Qofkasta oo kama’ taxadar darro ah ku sababa dhimasho qof kale waxaa lagu ciqaabayaa

xarig lix bilood ilaa shan sano ah.

2. Marka qof ka badani dhinto ama qofna dhinto mid ama kuwo kale dhaawacmaan waxaa

la dabaqayaa tilmaamaha qodobka 441, balse qaybtu ma dhaafi karto isugayn (12) laba

iyo toban sano

Qodobka 446

Dhaawac Taxadar darro ah

1. Qofkasta oo kama’ taxadar-darro ah ku sababa dhaawac qof kale waxa lagu ciqaabayaa

xarig ilaa saddex bilood ah ama ganaax ilaa 5,000 Sh.So. ah.

2. Marka dhaawacu uu culus yahay ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig hal bil ilaa Lix bilood

ah ama ganaax 2,000 – 20,000 Sh,So. Ah.

3. Marka dhaawacu aad u culus yahay ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig saddex bilood ilaa

Laba sano ah ama ganaax 5,000 – 20,000 Sh. So. Ah.

4. Marka dhaawacu yahay wax hal qof ka badan waxaa la dabaqayaa qodobka 441, balse

isugeynta ciqaabta xarig ma dhaafi karto Shan sano.

5. Xaalada ku xusan faqrada hore ee qodobka waxaa lagu oogayaa dacwada dalabka

dhibanaha.

Qodobka 447

Dhimasho ama Dhaawac Natiijo Dembi kale

Xaaladaha aan ahayn kuwa ku xusan qodobka 441, markasta oo dhimashada ama

Dhaawacu ay ku yimaadaan fal Dembi kale uu Dembiiluhu doonay isagoo aan doonin

natiijada waxaa la dabaqayaa tilmaamaha qodobada 445, 446, balse ciqaabtu way

kordhaysaa.

Qodobka 448

Dayacaad qof yar ama qof aan karti lahayn

1. Qofkasta oo dayaca ilmo ka da’ yar 14 jir ama qof aan karti lahayn oo loo ilaalinayey

naftiisa xaaladdiisa dhammaystir la’aanta caqliyeed ama jireed ama da’ weynaantiisa

ama sabab kale, marka qofkaa loogu xilsaaray ilaalin, ama xanaano, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig lix bilood ilaa Shan sanno ah.

Page 144: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

144

2. Qofkasta oo ku daayaca dal shisheeye muwaadin Soomaali ah oo ka yar 18 jir oo uu u

xilsaarnaa ilaalintiisa dalkaas, sabab shaqo darteed wuxuu mudanayaa isla ciqaabtaas.

3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa hal ilaa lix sanno marka falkan uu dhaawac ka yimaado iyo

Saddex ilaa Siddeed sanno marka dhimasho ka timaado.

4. Ciqaabtu way kordhaysaa markay falka ay galaan Waalid, ubad, xanaaneeye, Oori, Say

ama waalidka ama ubadka dabiiciga ah.

Qodobka 449

Tuurid Ilmo cusub oo dhashay sabab sharafeed

1. Qofkasta oo tuura ilmo cusub oo markaa dhashay isagoo dhawraya sharaftiisa ama

sharafta asalkiisa ama faraciisa waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex bilood ilaa Hal

sanno ah.

2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa Lix bilood ilaa Labo sanno marka uu falka ka yimaado

dhaawac iyo Labo ilaa Shan sanno markay falka ka timaado dhimashada ilmuhu.

3. Duruufaha lagu sheegay qodobka 39 Dembigan ma culaynayaan.

Qodobka 450

Caawimo u fidin la‟aan

1. Qofkasta oo hela ilmo lumay ama la tuuray oo ka yar 10 jir amaba qof kale oo aan

awoodi Karin in uu naftiisa maamulo sabab dhamaystir la’aan caqliyeed ama jireed ama

da’weynaan ama sabab kaleba oo aan markiiba ku wargelin maamulka waxaa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa Saddex bilood ama ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.

2. Qofkasta oo hela jidh aadami oo u muuqda in naftu ka baxday ama dhaawacan ama

khatar ku sugan oo aan u fidin caawimada uu u baahan yahay ama aan markiiba ku

wargelin maamulka wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo kale.

3. Halka falka Dembiilluhu sababo dhaawac ciqaabtu way kardhaysaa, marka uu dhimasho

sababona ciqaabtu way labanlaabmaysaa.

CUTUB II

Page 145: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

145

DEMBIYADA LIDKA KU AH SHARAFTA

Qodobka 451

Af-lagaado

1. Qofkasta oo ku af-lagaadeeya sharafta iyo sumcadda qof kale eray ama ficil joogidiisa

ama qoraal ama sawir ama xiriir telefoon ama telegram waxaa lagu ciqaabayaa marka uu

dhibanuhu dalbado xarig ilaa Hal sanno ah ama ganaax ilaa 1,000 Sh So. ah.

2. Ciqaabtu waxay kordhaysaa ilaa labanlaab:-

(a) Marka af-lagaadada lagu sameeyo meel uu joogo hal qof ka badan ama hab ay si

toos ah ugu ogaan karaan.

(b) Marka af-lagaadadu ahayd tilmaamid arrin cayiman.

(c) Marka ay af-lagaadadu ku waajahan tahay si toos ah qoomiyadda, asalka bulsho

ama qoyska dhibanuhu ka tirsan yahay.

(d) Halka af-lagaadada lagu galay eray, fal, qoraal ama sawir ama xiriir is-

gaadhsiineed oo caadada bulsho si toos ah cadho ugu abuuri karta dhibanaha,

xataa haddii aanay cadhadaas abuurin si gaar ah dabeecad culays u leh.

3. Dacwadda waxaa oogaysa dawladda marka ay jiraan xaaladaha ku xusan xarafaha (c) &

(d) ee faqradda hore.

4. Marka af-lagaadada laysu celiyey Maxkamaddu waxay caddayn kartaa in midkood ama

labaduba aanay ciqaab mutaysanayn in kasta oo dhinacyada midkood dacwad soo

gudbistay.

Qodobka 452

Ceebayn

1. Qofkasta oo xaalad aan ahayn kuwa ku xusan qodobka hore, isagoo la xiriiraya wax ka

badan Hal qof ku dhawaaca sumcadda qof kale waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu

dalbado xarig ilaa Hal sanno ah ama iyo ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.

2. Ciqaabta waxaa la kordhinayaa ilaa labanlaab marka ay jiraan xaaladaha lagu sheegay

xarafaha (b), (c) & (d) ee faqradda 2aad ee qodobka hore.

3. Marka falka lagu galay warbaahin ama qaab kale oo faafin ciqaabtu waxay noqonaysaa

Lix bilood ilaa saddex sanno ama ganaax aan ka yarayn 4,000 Sh. So. ah.

Page 146: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

146

Qodobka 453

Caddaynta Rumta

1. Xaaladaha lagu sheegay labada Qod: 451, 452, marka Dembigu ku saabsan yahay

tilmaamid dhacdo gaar ah caddayta dhacdadaas waa laga ogol yahay Dacwadda ciqaabta

dhexdeeda, iyadoo ay tahay in dhibanuhu si cad u dalbado intaan dhegaysiga dacwaddu

bilaabmin.

2. Xaalad kasta Dembiiluhu wuxuu xaq u leeyahay cadaynta runnta:-

(a) Marka dhibanuhu yahay sarkaal guud, dhacdada lagu tilmaamayna ay la xiriiro

gudshada hawsha sarkaalkaas.

(b) Marka dhacdadaasi lagu sheegay ay la xiriiro dacwad ciqaab ah ama anshax oo

dhacdadaas ay dhibanaha ku oogan tahay oo la xiriira dhacdada lagu sheegay ama

sugayso in la dhegaysto ama ay bilaabmayso.

3. Halka runta dhacdadaas lagu caddeeyey dhibanaha Dembi faluhu waa lama ciqaabaan.

Qodobka 454

Kicin

Qofkasta oo ku sameeya falalka ku xusan Qod: 451, 452 cadho ay sababtay fal shacidarro ah

oo dhinaca kale la yimi oo ka dib uu falku yimaado ciqaab ma mutaysanayo.

CUTUB III

DEMBIYADA LIDKA KU AH XORIYADDA SHAKHSI

QORMADA 1aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH SHAKHSIGADA AADAMAHA

Qodobka 455

Adoonimo u qabsasho

Qofkasta oo adoonimo ama xaalad la mid ah u qabsada qof kale waxaa lagu ciqaabayaa

xarig Shan sanno ilaa labaatan sanno ah

Page 147: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

147

Qodobka 456

Ka ganacsi adoonsi

Qofkasta oo ka ganacsada qaab uun adoonsi ama qof la mid ah xaalad adoonsi waxaa

lagu ciqaabayaa xarig shan sanno ah ilaa labaatan sanno ah

Qodobka 457

Iibinta iyo iibsiga Adoomaha

Qofkasta oo xaalad aan ahayn ta ku xusan qodobada hore iibiya ama wareejiya qof

xaalad adoonimo ku jira ama xaalad la mid ah ama u qaata gacan ku hayn ama iibsiga

ama qabsada qofka xaaladaa ku sugan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex ilaa laba iyo

Toban sano ah.

Qodobka 458

Xoog ku qabsasho

Qofkasta oo qof kale ku qasba in uu awoodiisa hoos keeno si uu si dhamaystiran xoog

ugu haysto waxaa lagu ciqaabayaa xarig Shan ilaa Shan iyo Toban sanno ah.

QORMADA 2aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH XORIYADDA SHAKHSIGA AH

Qodobka 460

Xayirasho Qof

Qofkasta oo qof kale ka xayuubiya xorriyadiisa shakhsi waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix

ilaa saddex sanno ah

Qododobka 461

Xarig sharcidarro ah

Sarkaalka guud ee marka laga reebo xaaladaha sharcigu ogol yahay xariga qofka, ama

haya masuuliyada xabsi, ee halkaa ku haya qof isagoo aan helin amar ka yimi haya’ada

awooda u leh, ama sabab macquula ah daahiya fulinta ciqaabta ama tallaabooyin

ammaan, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah.

Page 148: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

148

Qodobka 462

Ku xadgudubka maamulka ee qof xidhan ama la hayo

1. Sarkaalka guud ee ku fuliya tallaabooyin qalafsan oo uusan sharcigu ogolayn qof xidhan

ama la hayo ama si waqtiyeysan loo hayo ama uu u xilsaaran yahay in uu ku fuliyo amar

maamul awood u leh, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah.

2. Ciqaabtan oo kale waxaa la saarayaa sarkaalka guud ee isagoo huwan xilka xafiiskiisa ee

hay’ad maamul oo qofkaas haysa marka uu falkan sameeyo.

Qodobka 463

Baadhis & fatashaad qof oo gardarro ah

Sarkalka guud ee isagoo ku xadgudbaya awooda ka dhalatay xilkiisa ee qaada baadhis ama

fatashaad waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal sanno ah

QORMADA 3aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH XUQUUQDA SHAQADA

Qodobka 464

Shaqo Ku Khasab

Marka laga reebo xaaladaha millateri ama madani ee baahida deg-dega ah ama xaaladaha

kale ee sharcigu si cad u sheegay shaqada khasabka ah, qof kasta oo ku qasba qof kale shaqo

ama adeegsada qof shaqo lagu khasbay marka uusan falku dhalin Dembi ka culus, waxaa

lagu ciqaabayaa xarig Lix billood ilaa Shan sanno ah iyo ganaax 5,000 Sh. So. Ah.

Qodobka 465

Ku xadgudubka xuquuqda in shaqaaluhu ku biiraan ama ka qaybgalaan ururo shaqaale

1. Qofkasta oo isagoo adeegsanaya xoog ama tahdiid ku qasba qof shaqaale ah in uu ku

biiro shaqaale hal ama ka badan ah ama ka hortaga ku biiristooda, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa Afar sanno ah iyo ganaax ilaa 10,000 Sh. So. ah.

2. Isla ciqaabtaas waxaa la saarayaa marka xoogga iyo tahdiida loo adeegsado in qof lagu

qasbo in uu ku biiro Urur shaqaale ama laga hortago in uu ku biiro Urur shaqaale.

Page 149: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

149

QORMADA 4aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH XORRIYADDA DAMIIRKA

Qodobka 466

Khasbid Shakhsi

Qofkasta oo isagoo adeegsanaya xoog ama tahdiid ku qasba qof kale in uu qabto fal ama

uu ka joogsado fal sharci ahaan uu isagu u door lahaa, waxaa lagu ciqaabayaa haddii

uusan ka dhalan Dembi ka culis, xarig ilaa Saddex sanno ah.

Qodobka 467

Khasab ama tahdiid loo adeegsado in lagu sababo gelid Dembi

1. Qofkasta oo isagoo adeegsanaya xoog ama tahdiid ku khasba ama ku sababa qof kale in

uu galo fal Dembiyeed, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Shan sanno ah.

2. Ciqaabtu way kordhaysaa marka ay jiraan duruufaha ku xusan Qodobka 266.

Qodobka 468

Tahdiid

1. Qofkasta oo ku tahdiida qof kale dhibaato sharci darro ah, waxaa lagu ciqaabayaa marka

dhibanuhu dalbado ganaax ilaa 500 Sh. So. ah.

2. Marka tahdiidu ay culus tahay ama lagu sameeyo mid ka mid ah xaaladaha ku xusan

qodobka 266, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa Hal sanno ah, waxaana oogeysa

dawladda.

Qodobka 469

Xaalad karti darro oo lagu dhaliyo xoog

1. Qofkasta oo boorin maandoorin ama siin isbiirto ama walxaha maanka dooriya qof kale

uga dhiga mid aan rabitaan lahayn ama awoodi Karin in uu rabitaankiisa cabbiro waxaa

lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal sanno ah.

2. Rabitaan bixinta lagu sheegay qodobka 436 (2) ma reebayso masuuliyadda ciqaabta.

3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa Shan sanno ah:

(a) Marka Dembiiluhu ku dhaqmo shayga sababay in Dembiga la galo.

Page 150: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

150

(b) Marka qofka laga dhigay karti-laawaha uu xaaladaas ku galo fal sharciga Dembi

ku ah.

QORMADA 5aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH DHAWRSOONAANTA HOYGA.

Qodobka 470

Ku xadgudubka dhawrsanaanta Hoyga

1. Qofkasta oo gala guri uu qof kale degan yahay ama meel kale ama meel kasta oo si gaar

ah loo degan yahay rabitaan la’aanta qofka xaqa u leh in uu iska hortaago ama ku galo si

qarsoodi ah ama khiyaamo ah, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah.

2. Qofkasta oo ku negaada goobahaa la sheegay isagoo aan si cad u helin rabitaanka qofka

leh xaqa iska hortaaga, ama ku hakada si qarsoodi ah ama khiyaamo ah wuxuu

mudanayaa isla ciqaabtaas.

3. Dembigan waxaa lagu dhaqaajinayaa dalabka dhibanaha.

4. Ciqaabtu waxay noqonaysaa Hal sanno ilaa Shan sanno waxaana oogaysa dawladda

marka falka lagu galo xoog lid ku ah shayga ama dadka ama marka Dembiiluhu si furan

u hubaysan yahay.

Qodobka 471

Ku xadgudub dhawrsanaanta hoyga oo uu galo sarkaal guud

1. Sarkaalka guud ee isagoo ku xadgudbaya awoodda shaqadiisa ka dhalatay gala ama ku

negaada meelaha lagu sheegay qodobka hore, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Hal ilaa Shan

sanno ah.

2. Marka xadgudubku uu yahay gelintaanka meelaha la soo sheegay iyadoo aan la

ilaalinayn qaababka sharciga ku qeexan, ciqaabtu waxay noqonysaa ilaa Hal sanno.

Page 151: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

151

QORMADA 6aad: DEMBIYADA LIDKA KU AH SIRTA.

Qodobka 472

Joojinta tuurista iyo qarinta qoraalada xiriirka

1. Qofkasta oo ogaada nuxurka qoraalo lagu xiriiro oo xidhan oo aan isaga ku socon ee

tuura, ama leexiya qoraalo lagu xiriiro oo lingaxan ama furan isagoo ujeedadiisu tahay in

uu nuxurkeeda ogaado ama qof kale gaadhsiiyo ogaanshaha nuxurkeeda ama tirtira ama

baabi’iya qoraaladaas dhammaantood ama qayb ka mid ah waxaa lagu ciqaabayaa haddii

aan falkaas loo aqoonsan Dembi qodob kale oo sharci, xarig ilaa Hal sanno ah iyo

ganaax 300 – 5,000 Sh. So. ah.

2. Halka Dembiiluhu isagoo aan niyad wanaagsanayn uu furto dhammaan ama qayb ka mid

ah qoraalo xiriir nuxurkooda, waxaa lagu ciqaabayaa marka falku dhibaato sababo,

marka uusan falkaasi dhisayn Dembi ka culus, xarig ilaa Saddex sanno ah.

3. Dembigan waxaa lagu dhaqaajinayaa dalabka dhibanaha.

4. Ujeedada tilmaamaha qodobada qormadan erayga “qoraalo lagu xiriiro” waxaa ku jira

Waraaqaha, Telegaraamada iyo Telefoonada.

Qodobka 473

Khiyaamo ku ogaanshaha, hakinta, iyo joojinta xiriiro telegram, telifoon ama wada sheekaysi

1. Qofkasta oo dariiq khiyaamo ah ku ogaada nuxurka xiriir telegaraam oo aan isaga ku

socon ama wada-sheekaysi telefoon oo dad kale ama jara (hakiya) ama ka hortaga

kuwaas oo kale waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 100 – 3,000 Sh. So. ah.

2. Halka Dembiiluhu isagoon niyad wanaagsanayn uu furto dhammaan ama qayb ka mid ah

nuxurka wada xiriir ama wada sheekaysi, marka falka uu sababo dhibaato, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah.

3. Dembiga waxaa lagu oogayaa dalabka dhibanaha.

Qodobka 474

Furashada nuxurka qoraalo xiriir

1. Qofkasta oo aan ka mid ahayn xaaladaha lagu xusay Qod: 472, si khaldan u ogaada

nuxurka qoraalo xiriir oo aan isaga ku socon, taasoo loogu talo galay in ay sir ahaadaan,

furta qoraaladaas dhammaan ama qayb ka mid ah, isagoo aan niyad wanaagsanayn

Page 152: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

152

waxaa lagu ciqaabayaa marka falku sababo dhibaato, xarig ilaa Lix bilood ah ama iyo

ganaax 1,000 – 5,000 Sh. So. Ah.

2. Dembigan waxaa lagu dhaqaajinayaa dalabka dhibanaha.

Qodobka 475

Joojinta, Jeexista, iyo baabi‟inta qoraalo xiriir oo uu galo qof ka Shaqeeya hawlaha boostada, Telegaraamada ama Telefoonada.

1. Qofka ka shaqeeya hawlaha boostada, telegaraamada ama telefoonada ee isagoo ku xad-

gudbaya mansabkiisa gala mid ka mid ah falalka lagu xusay faqradda 1aad ee Qod: 472

waxaa lagu ciqaabayaa, xarig Lix bilood ilaa Saddex sanno ah.

2. Halka Dembiiluhu isagoo aan niyad wanaagsanayn uu furto dhammaan ama qayb ka mid

ah nuxurka qoraalo xiriir, waxaa lagu ciqaabayaa haddii uusan falka ka dhalan Dembi ka

culus, xarig Lix bilood ilaa Shan sanno ah iyo ganaax 300 – 5,000 Sh. So. Ah.

Qodobka 476

Furashada nuxurka qoraalo xiriir oo uu sameeyo qof Ka shaqeeya hawlaha Boostada, Telegaraamada iyo Telefoonada

Qofkasta oo ka shaqeeya hawlaha boostada, telegraamada ama telefoonada ee

masuuliyadiisa ku ogaada nuxurka qoraalo xiriir oo furan ama xiriir telegaraam ama

wada sheekaysi telefoon, ama u fura qoraaladaas, isagoon ka niyad wanaagsanayn qof ka

duwan kii qoraalku u socday ama ka duwan kuwii xiriirka ama wada hadalku

dhexmaray, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix bilood ilaa Saddex sanno ah

Qodobka 477

Furashada nuxurka dhukumenti Sir ah

1. Qofkasta oo si khaldan u helay ogaanshaha nuxurka qoraalo kalsooniyeed ama

dhukumenti guud ama gaar ah oo loogu talo galay in ay sir ahaadaan, kuwaas oo aan

ahayn qoraalo xiriir oo la faafiyay, isagoon ka niyad wanaagsanayn ama u adeegsada in

uu ka faa’iidaysto ama cid kale uga faa’iideeyo waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex

sanno ah ama iyo ganaax 1,000 – 10, 000 Sh. So. Ah.

2. Dembigan waxaa lagu dhaqaajinayaa dalabka dhibanaha.

Page 153: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

153

Qodobka 478

Faafinta Sir Mihnadeed

Qofkasta oo ku ogaaday sir sabab martabadiisa ah ama xafiiskiisa ama mihnadiisa ah

ama xirfadiisa ah oo faafiya isagoon niyad wanaagsanayn ama u adeegsada ka

faa’iideysigiisa ama uga faa’iideeya qof kale, waxaa lagu ciqaabayaa marka falku sababo

dhibaato xarig ilaa Hal sanno ah ama iyo ganaax 300 – 3,000 Sh. So. ah.

Qodobka 479

Faafinta Sir Saynis ama Wershadeed

1. Qofkasta oo ku ogaada sabab mihnadiisa ama xirfadiisa ah war loogu talo galay in uu sir

ahaado oo la xiriira daahfur saynis ama cilmiyeed oo faafiya ama u isticmaala ka

faa’iideysigiisa ama ka faa’iideysashada cid kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Labo

sanno ah.

2. Dembigan waxaa lagu oogayaa dalabka dhibanaha.

QAYBTA XIII

DEMBIYADA LIDKA KU AH HANTIDA EE LOO MARO XOOGGA

CUTUB I

DEMBIYADA LIDKA KU AH HANTIDA EE LOO MARO XOOGGA

Qodobka 480

Tuugo

1. Qofkasta oo ujeeddo ah in uu u helo macaash xaqdarro ah naftiisa ama cid kale, qaata

hanti guurto ah oo cid kale, isagoo ka xayuubinaya gacan ku hayntii ciddaas, waxaa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah iyo ganaax 300 – 5,000 Sh. So. ah.

2. Ujeedada xeerka Ciqaabta tamarta korontada iyo tamarta kale ee qiimo dhaqaale leh

waxaa loo qaadanayaa in ay ku jiraan hantida guurtada ah.

Page 154: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

154

Qodobka 481

Xaaladaha cusleeya Dembigan

1. Ciqaabtu waxa noqonaysaa xarig Hal sanno ilaa Lix sanno ah iyo ganaax 1,000 – 10,000

Sh. So. ah.

(a) Marka Dembiiluhu si uu u galo falka uu galo ama ku negaado dhisme ama meel

kale oo loogu talo galay degsiimo.

(b) Marka Dembiiluhu adeegsado xoogid shayga ah ama ku kasbado si khiyaamo ah.

(c) Marka Dembiiluhu sito hub ama mukhaadaraad xataa yuusan isticmaaline.

(d) Marka lagu galo dhufsasho ama ka dafid hantida guurtada ah ee gacanta qofka.

(e) Marka ay falka galaan tiro ka badan Saddex qof ama Hal qof oo iska dhigay

sarkaal guud ama sarkaal u xilsaaran hawl guud.

(f) Marka falka lagu galo xamuulka gaadiidka ee safarka ama istaamada, ama

barxadaha huteelada la seexdo ama meelaha kale ee laga cunteeyo ama wax laga

cabo.

(g) Marka falka lagu galo hanti guurto ah ee xafiisyada guud ama shirkadaha ama

hanti kasta oo guurto ah oo xayiran ama la socota ama loo soo bandhigay sabab

baahi deg-deg ah, kastamada ama hanti mas’uuliyad guud ama loo qoondeeyey

adeeg guud, isticmaal guud, difaac ama cibaado.

(h) Marka falka lagu galay Saddex neef ama ka badan oo lo’ ah oo laysugu geeyey

daaq ama xero ama waraab xataa haddii aan la wada xerayn.

2. Marka ay kulmaan Labo iyo ka badan duruufahan ama mid ka mid ah ama kabadani iyo

mid ama ka badan kuwan ku xusan Qod: 39, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig Saddex

sanno ilaa Toban sanno ah iyo ganaax 2,000 – 15,000 Sh. So. ah.

Qodobka 482

Tuugo lagu ciqaabo dalabka dhibanaha

1. Xaaladda Lagu xusay qodobka 480, muddada ciqaabtu wuxuu noqonaysaa ilaa Hal

sanno ama ganaax dhan 2,000 Sh.So.ah, waxaana lagu oogayaa dalabka dhibanaha;

a) Marka dhaqanka Dembiiluhu ahaa ujeeddo isticmaal keliya oo waqtiyeysan ee

hantida guurtada la qaatay, hantidana la soo celiyey isla markiiba isticmaalka ka

dib.

b) Marka falka lagu galay hanti guurto ah oo qiimo yar, taas oo ay keliftay baahi

deg-deg ah.

c) Marka falku ku kooban yahay urursi, gurasho ama xaabid beer aan dhammaan

laga safayn midhaha.

2. Qodobkan lagu dabaqi maayo haddii ay kulmaan duruufaha ku xusan faqradaha a), b), c)

& d) ee Qod: 481 midkood.

Page 155: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

155

Qodobka 483

Qaadasho hanti guurto ah oo wada-jir loo leeyahay

1. Sheerlaha, Saamilaha ama Dhaxal-laha si uu ugu helo faa’iido xaqdarro ah naftiisa ama

cid kale, qaata guurto lala leeyahay, isagoo ka qaadaya qofkii hore gacanta ugu hayey,

waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Laba sanno ah ama ganaax dhan 1,000 – 10,000 Sh.

So.ah.

2. Qofka ku gala falkan guurto bedelmi karta, lama ciqaabayo marka qiimaha shaygu uusan

ka badnayn saamigiisa.

Qodobka 484

Budhcadnimo

1. Qofkasta oo ujeeddo in uu u helo naftiisa ama cid kale faa’iido xaqdarro ah, qaab qasab

ama haddidaad ah qof kale kaga qaata hanti guurto ah oo qof kale, isagoo ka qaadaya

gacan ku haynteedii waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex sanno ilaa Toban sanno ah iyo

ganaax 8,000 – 20,000 Sh. So.ah.

2. Qofkasta oo isticmaalaya qasabka ama haddidaada ka dib marka uu qaatay si uu isaga

ama cid kale ugu negeeyo gacan ku haynteeda ama in isaga ama ciddaa kale kaga

baxsato ciqaabta waxaa uu masuul ka noqonayaa ciqaabtaas oo kale.

3. Ciqaabtu waxay kordhaysaa Saddex dalool hal (⅓) ilaa badh (½).

a) Marka qasabka ama tahdiida lagu galay hub.

b) Marka qasabku keenay in uu qof ka dhigo mid aan karti u lahayn ogolaansho.

Qodobka 485

Dirqiyid

1. Qofkasta oo qaab qasab ah (xoog ah) ama tahdiid ah qof ugu dirqiya in uu sameeyo ama

samayn waayo (ka joogsado) fal si uu taas uga helo naftiisa ama cid kale faa’iido

xaqdarro ah ama u gaadhsiiyo dhibaato cid kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex

ilaa Toban sanno ah iyo ganaax 5,000 – 20,000 Sh. So. ah.

2. Ciqaabtu way kordhaysaa Saddex dalool hal (⅓) ilaa badh (½) marka ay la kulanto

xaaladaha lagu sheegay faqradda ugu dambaysa ee qodobka hore.

Page 156: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

156

Qodobka 486

U xidhasho qof ujeeddo budhcadnimo ama dirqiyid

1. Qofka qof u xidha ujeeddo in uu uga helo naftiisa ama cid kale macaash xaq-darro ah

qiimaha siideyntiisa waxaa lagu ciqaabayaa xarig Siddeed ilaa Shan iyo Toban sanno ah,

iyo ganaax 10,000 – 20,000 Sh. So. ah.

2. Xarigu wuxuu noqonayaa Labo iyo Toban ilaa Siddeed iyo Toban sanno haddii

Dembiiluhu gaadho hadafkiisa.

Qodobka 487

Durkin ijaar

Qofkasta oo ujeeddo mulkiyid dhamman ama qayb, ka qaada (ka kaxeeya) ama bedela xuduuda

(ijaarka) ma guurto qof kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex sanno ah iyo ganaax ilaa

10,000 Sh. So. ah.

Qodobka 488

Furuurid daad & bedelaad muuqaal goobeed

Qofkasta oo si uu naftiisa ama cid kale ugu helo faa’iido xaqdarro ah u leexiya (faruura) biyo

caam ah ama gaar ah ama bedela muuqaal hanti qof kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa

Saddex sanno ah iyo ganaax ilaa 10,000 Sh. So. ah.

Qodobka 489

Ku Xadgudub dhul ama dhisme

1. Qofkasta oo si gardarro ah ugu xadgudba (gala) dhul ama dhisme guud (Dawladeed) ama

gaar loo leeyahay oo cid kale leedahay, isagoo uga dan leh in uu qabsado ama si kale

macaash uga helo, waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu dalbado xarig ilaa Labo

sanno ah ama ganaax 1,000- 10,000 Sh. So. ah.

2. Labada ciqaaboodba waa lagu dabaqayaa, dacwadana waxaa oogaysa dawladda, marka

falka ay galaan in ka badan shan qof, kuwaas oo ugu yaraan mid si furan u hubaysan

yahay ama in ka badan toban qof, xataa yaanay hubaysnaanine.

Page 157: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

157

Qodobka 490

Xoog ku carqaladayn gacan ku hayn hanti ma guurto ah

1. Qofkasta oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobadan hore ku carqaladeeya xoog

ku waajahan qofka ama tahdiid gacan ku haynta nabadeed ee hanti ma guurto ah, waxaa

lagu ciqaabayaa xarig ilaa Labo sanno ah ama ganaax 1,000 – 3,000 Sh. So. ah.

2. Falka waxaa loo qaadanayaa in lagu galay si xoog ah ama tahdiid ah markay galaan dad

ka badan 10 qof.

Qodobka 491

Khasaareyn hanti

1. Qofkasta oo bur-buriya, qiimo-tira, daadiya ama ka dhiga dhammaan ama qayb ahaan

wax aan wax tarayn hanti ma guurto ah ama guurto oo qof kale, waxaa lagu ciqaabayaa

marka dhibanuhu dalbado xarig ilaa Hal sanno ah iyo ilaa ganaax 3,000 Sh. So. ah.

2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa Lix bilood ilaa Saddex sanno waxaana oogaya qaranka

marka falka lagu galo:-

a) Xoog ama haddidaad qofka lid ku ah;

b) Loo shaqeeye shaqo xaaladda shaqo xidhid ama shaqaale xaaladaha shaqo ka

fadhiisi ama xaaladaha mid kasta oo lagu sheegay qodobada 256, 257, iyo 259;

c) Dhismeyaal guud ama dhismeyaal loogu talo galay isticmaal guud ama Cibaado

Diineed ama hantida guurtada ah ee lagu sheegay xarafka (g) ee Qod: 481.

d) Shaqo looga jeedo waraab.

e) Shaqo talaal dhir, khudrad, dhirayn, looxaan kaymo ama dhir barbaarin looga

jeedo ama ujeedo dib u dhirayn.

Qodobka 492

Xadgudub xayawaan

1. Qofkasta oo geliya ama ku nageeya xoolo (xayawaan) daaqa ama seeraha hanti qof kale

waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 100 ilaa 1,000 Sh. So. ah.

2. Marka aan loogu xeray xoolaha xero ama raacid ee looga jeedo daaq keliya hantida

qofka kale ciqaabtu waxay noqonaysaa ilaa Hal sanno ama ganaax 200 – 2,000 Sh. So.

ah.

3. Marka Dhul badan la daaqay ama la waxyeeleeyey dhulkaas, oo ay ka timi xoolahaas la

geliyey ama lagaga tegay Dembiilaha waxaa lagu ciqaabayaa ilaa Labo sanno iyo ganaax

500 – 5,000 Sh. So. ah.

Page 158: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

158

Qodobka 493

Gelin khaldan oo hanti oodan

Qofkasta oo gala hanti qof kale oo ka deyran silig, deyr ama nooc oodeed oo joogto ah, iyadoo

aanay jirin baahi ku qasabtay waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu dalbado ganaax ilaa

1,000 Sh. So. ah.

Qodobka 494

Dilid ama dhaawicid Xayawaan

1. Qofkasta oo aanay baahiyi ku qasbin oo dila, naafeeya ama dhaawaca qiimaha xayawaan

qof kale leeyahay waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu dalbado xarig ilaa Hal sanno

ah ama ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.

2. Marka lagu galo falka Saddex ama ka badan neef oo lo’ ah, kuwaas oo laysugu keenay

xero ama raacid (daaq).

Qodobka 495

Xumayn ama wasakhayn hanti Marka laga reebo xaaladaha loogu sheegay qodobka 491, qofkasta oo xumeeya ama fadareeya

hanti ma guurto ah ama guurto oo qof kale leeyahay, waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu

dalbado ganaax ilaa 1,000 Sh. So. ah.

CUTUBKA II

DEMBIYA LIDKA KU AH HANTIDA EE KHIYAAMADA

Qodobka 496

Khiyaamo

1. Qofkasta oo si khaldid ama u ekaysiin ugu hogaamiya qof kale khalad si uu ugu kasbado

naftiisa ama qof kale macaash khaldan ama ugu dhibaateeyo qof kale waxaa lagu

ciqaabayaa xarig Lix bilood ilaa Saddex sanno ah iyo ganaax 500 – 10,000 Sh. So. ah.

2. Ciqaabtu waa Hal sanno ilaa Shan sanno iyo ganaax 3,000 – 15,000 Sh. So. ah.

a) Haddii falka lagu galo si loogu xumeeyo qaranka ama hay’ad dawladeed ama

mawduuc lagu xaqiijinayo in qof laga reebo shaqo milateri.

Page 159: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

159

b) Haddii falka lagu galo iyadoo lagu riixayo qofka dhibanaha khatar khayaali ah,

ama aaminsiin khaldan oo ah in uu guto amar maamul.

Qodobka 497

Khiyaamo Musalafnimo

Qof kasta oo isagoo qarinaya xaaladdiisa musalaf (kicitaan) gunta heshiis waajibkiisa uu uga

jeedo in uusan fulin, waxaa lagu ciqaabayaa marka heshiiskaasi fuli waayo ee dhibanahu

dalbado xarig ilaa Labo sanno ah ama ganaax ilaa 5,000 Sh. So. ah.

Qodobka 498

Jeeg xisaabtiisu madhan tahay

Qofka bixiya Jeeg uusan kharashkiisa (lacagtiisa) haysan ama aanay ku filnayn ama la baxa

qayb ama dhammaan xisaabtii (lacagtii) Jeega uu bixiyey ka dib marka uu bixiyo, taas oo ka

dhigaysa in aanay lacagtii ku qornayd Jeega ku filaan ama la helin, waxaa lagu ciqaabayaa

haddii uusan ka dhalan Dembi ka culusi, ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.

Qodobka 499

Burburin khiyaamo ah oo qofku hantidiisa ku burburiyo ama khiyaamo uu isku dooriyo

1. Qofkasta oo si uu naftiisa ugu xaqiijiyo ama qof kale qadar dhaqaale oo caymis shil ka

dhashay, u bur-buriya, u iibiya, u daadiya ama u qariya wax hantidiisa ah oo uu isagu

iska leeyahay waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix bilood ilaa Saddex sanno ah iyo ganaax

ilaa 10,000 Sh.So.ah.

2. Qofkasta oo ujeedadaas dhaawaca naftiisa ama sii culaysiya (sii wayneeya) dhaawaca ka

soo gaaray shil wuxuu mutaysanayaa ciqaabtan oo kale.

3. Haddii Dembiiluhu hadafkiisa gaadho ciqaabtu way kordhaysaa.

4. Tilmaamaha qodobka waxaa lagu dabaqayaa, haddii falka lagu galo dibedda, iyadoo lagu

waxyeelaynayo caymis Somaliyeed, kaas oo hawl ganacsi ka wada dhulka Dawladdaa,

laakiin Dembiga waxaa lagu ciqaabayaa dalabka dhibanaha.

Page 160: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

160

Qodobka 500

Saamayn aan loo baahnayn oo qof karti laawe ah

Qofkasta oo si uu ugu xaqiijiyo faa’iido hadafkiisa ama cid kale macaash kaga hela

baahidiisa, caadifadiisa, khibrad la’aantiisa qof ka yar 14 sanno ama ka faa’iideysta

xaaladda dhinnaanshihiisa caqli, (nusqaantiisa caqli) ee qof kale xataa xaaladdiisa

dhinnaansho yaan la soo saarin ama lagu dhawaaqin, isagoo ku caddaadinaya in uu

sameeyo fal qaanuuneed oo waxyeelo u keenaysa qof kale ama cid kale waxaa lagu

ciqaabayaa xarig laba sanno ilaa lix sanno ah iyo ganaax 2,000 – 20,000 /= Sh.So.ah.

Qodobka 501

Ribbo

1. Qofkasta oo marka laga reebo xaaladaha ku xusan qodobka hore kaga faa’iideysata qof

kale xaalad baahiyeed oo ay qofkaas ku sababtay dayn qaadasho lacageed ama hanti kale

oo guurto ah in uu siiyo ama u ballanqaado isaga ama cid kale nooc kasta ama wax kasta

oo dulsaar ribbo ah ama macaash kale, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Labo sanno ah

iyo ganaax 1,000 – 20,000 /= Sh.So.ah.

2. Marka laga reebo xaaladaha faqradan hore, qofkasta oo la kulma qof ku sugan xaalad

baahi lacageed ama baahi hanti kale oo guurto ah ka xaqiijiya qofkaa hibo ama ballan-

qaad ama dulsaar kale oo ribbo ah oo ku yimi gorgortan wuxuu mudanayaa ciqaabtaas

oo kale.

Qodobka 502

Aamin Darro

1. Qofkasta oo si uu kasbado macaash xaq-darro ah, isu lahaysiiya lacag ama hanti kale oo

guurto ah oo cid kale leedahay oo uu isagu gacanta ku hayey, gacan-ku-hayntaasi waxay

doonto ha noqotee waxaa lagu ciqaabayaa marka dhibanuhu dalbado, xarig ilaa Saddex

sanno ah iyo ganaax ilaa 10,000 /= Sh.So.ah.

2. Makra falka lagu galo hanti daruuri ahaan loo dhigtay ciqaabtu way kordhaysaa.

3. Dacwadda waxaa oogaysa Dawladda marka ay jiraan duruufaha faqradda hore ama mid

ka mid ah duruufaha ku qeexan xubinta (m) ee qodobka 39.

Page 161: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

161

Qodobka 503

Is lahaysiin shay lumay, khasnad la helay Ama shay lagu helay khalad ama fursad

1. Ciqaab Hal sanno ah ama ganaax 300 – 3,000 /= Sh.So.ah. Waxaa la saarayaa marka

dhibanuhu dalbado qof ksata oo:-

a) Hela lacag ama hanti guurto ah oo qof kale ka luntay oo aan raacin tilmaamaha

Xeerka Madaniga ee kasbashada lahaanshaha hanti guurto ah oo la helay;

b) Yeesha hanti guurto ah oo gacantiisa ku soo gashay khalad ama si fursad ah;

c) Hela khasnad, yeesha dhammaanteed ama qayb saamigii uu lahaa mulkiilaha

dhulka.

2. Xaaladaha ku xusan xarfaha (a) & (b) ee faqradda hore, haddii Dembiiluhu uu garanayo

mulkiilaha hantida uu yeelanayo, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa Labo sanno ah

iyo ganaax 3,000 Sh. So. ah.

Qodobka 504

Tuug kalkaal

1. Qofkasta oo aan ka qayb qaadan Dembiga oo si uu naftiisa ama cid kale ugu kasbo

faa’iido xaqdarro ah, isagoo og in hantidaa la soo xaday oo iibsada, qabta, qariya lacag

ama hantida Dembiga lagu galay ama si uun uga qayb qaata iibinta, hanashada ama

qarinta, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Lix sanno ah ama ganaax ilaa 20,000/= Sh. So.

ah.

2. Tilmaamaha qodobkan waxaa la dabaqayaa marka Dembiga hantidaa ama lacagtaa lagu

galay ama qofka galay uu yahay qof aan la eedayn Karin ama qof aan la ciqaabi Karin.

Page 162: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

162

BUUGA III

GEFAFKA

QAYBTA I

GEFAFKA LA XIRIIRA NIDAAMKA & XASLOONIDA GUUD

Qodobka 505

Dhawrid la‟aanta Amarada Maamul

Qofkasta oo ku guuldaraysta in uu dhawro amar si sharci uu u siiyey maamul guud oo

danta caddaaladeed, ammaanka guud, nidaamka guud ama fayo-dhawrka ah, waxaa lagu

ciqaabayaa, marka uusan falkaas ka dhalan Dembi ka culus, xarig ilaa Saddex bilood ah

ama iyo ganaax 3,000 Sh. So. ah

Qodobka 506

Diidmo bixinta tilmaamaha aqoonsiga shakhsi Qofkasta oo uu ka codsaday sarkaal guud oo xilkiisa gudanaya oo diida in uu siiyo

tilmaamaha ku saabsan aqoonsiga shakhsi, xaaladda shakhsiyeed ama martabada shaqo,

waxaa lagu ciqaabayaa, xarig ilaa Hal bil ah ama ganaax ilaa 1,000/= Sh. So. ah

Qodobka 507

Diidmo fidin kaalmo xaalad kacdoon

1. Qofkasta oo xaalad kacdoon, aafo guud ama khatar caam ah ama waqti Dembi dhacayo

diida sabab quman la’aanteed in uu fidiyo caawiyo ama kaalmo ama bixiyo war ama

tilmaan uu ka codsaday sarkaal guud ama qof u xilsaaran adeeg bulsho oo xilkiisa

gudanaya, waxaa lagu ciqaabayaa, xarig ilaa Saddex bilood ah ama iyo ganaax 3,000/=

Sh. So. ah.

2. Marka Dembiiluhu bixiyo war ama tilmaamo aan sax ahayn waxaa lagu ciqaabayaa xarig

ilaa Lix bilood ah ama iyo ganaax ilaa 6,000 /=Sh. So. ah.

Page 163: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

163

Qodobka 508

Dhisme koox hubaysan oo aan looga dan lahayn Dembi gelid

Qofkasta oo ogolaansho la’aan abuura koox hubaysan oo aan Dembi gelid looga dan lahayn,

waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal sanno ah.

Qodobka 509

Oohin & dhawaaqa dhiilada leh

Qofkasta oo kulan aan gaar ahayn ee sida ku tilmaaman xarafka (c) ee faqradda (4) ee Qod:

209, meel fagaare ah, bulshada u furan ama loo bandhigay si guud ka sameeya dhawaaq

dhiilaysan ama baroorta ama oohin dhiilaysan la yimaada, waxaa lagu ciqaabayaa marka

uusan falka ka dhalan Dembi ka culusi, xarig ilaa Hal sanno ah.

Qodobka 510

Kulan baroor

1. Qofkasta oo ka qayb qaata kulan baroor oo Toban qof iyo wixii ka badan, waxaa lagu

ciqaabayaa falka ka qayb galka xarig ilaa Hal sanno ah.

2. Halka dadka kulanka ka qayb galay ay hubaysan yihiin ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig

aan ka yarayn Lix bilood.

3. Qofkasta oo ka hor amar ay bixiyeen maamulku ama si taas ku haboon uga noqda (ka

taga) ciqaab ma mudanayo.

Qodobka 511

Oohinta & wararka kartida u leh carqaladaynta xasiloonida guud ama gaarka ah

Qofkasta oo ujeeddo ah in uu ku iibiyo ama ku faafiyo meel fagaare ah ama si caam ah u

furan ama fagaare ama goob u bandhigan bulshada ku dhawaaqa ama ku qayliya warar laga

yaabo in ay carqaladeeyaan xasiloonida guud ama gaar ahaaneed, waxaa lagu ciqaabayaa

ganaax ilaa 1,000 Sh. So. ah.

Page 164: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

164

Qodobka 512

Carqaladaynta deegaanka ama nasashada Shakhsigaadka

1. Qofkasta oo isaga oo adeegsanaya qaylo ama dhawaaq ama si khaldan u isticmaalaya

dhawaaq ka soo baxaya qalab ama calaamado cod dheer ku waas oo carqaladaynaya

deegaanka iyo nasashada ama si guud u soo bandhiga ama isugu soo ururiya waxaa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa Saddex bilood ah ama iyo ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.

2. Ganaax 1,000 – 5,000 Sh.So.ah, ayaa la saarayaa qofka isticmaala mihnad ama farsamo

buuq leh, isagoo ka madax adaygaya mamnuucid kasta oo ku jirtay qodob qaanuuneed

ama amar maamul.

Qodobka 513

Kharbudaada & carqaladaynta shaqsiyaadka

Qof kasta oo meel fagaare ah ama meel si caam ah u furan ama dariiq telefoon isagoo aan

wax ujeeddo ah lahayn ku sameeya kharbudaad ama carqaladayn qof kale waxaa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah ama iyo ganaax ilaa 5,000 Sh. So. ah

Qodobka 514

Ku xadgudub kalsoonida guud ee bulshada

Qof kasta oo isagoo doonaya in uu majarahabaabiyo xataa yuusan ka helin abaal-gude, ku xad-

gudba kalsoonida guud ee bulshada, waxaa lagu ciqaabayaa, marka falkaasi keeno in uu

carqaladeeyo nidaamka guud, xarig ilaa Saddex bilood ah ama ganaax ilaa 10,000 Sh. So. ah.

Qodobka 515

U isticmaalid khaldan ee farshaxan qoraal

Qofkasta oo isticmaala, isaga oo aan ruqsad maamulka ka haysan ama isaga oo aan ilaalin

tilmaamaha sharci, farshaxan qoraal, farshaxanka dhagaxaanta, sawirada kamarada ama

farshaxan kale oo daabacaad ah ama dib u soo saarid makaanikeed ama kiimikaad oo dhawr

nuqul ah, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa lix bilood ah ama/iyo ganaax 300 – 5,000 Sh.So.ah.

Page 165: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

165

Qodobka 516

Si khaldan u iibinta, faafinta daabacadda qoraal & sawirada

1. Qofkasta oo meel fagaare ah ama goob dadwaynaha u furan ku iibiya ama ku faafiya

ama dariiq kasta ku wareejiya qoraalo ama sawiro isagoon aan haysan ogolaanshihii

sharci ee ay u baahnaayeen waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 500 Sh. So. ah.

2. Qofkasta oo isagoo aan ruqsad ka haysan maamulka meel fagaare ah ama meel si caam u

furan ama u bandhigan ku dejiya qoraalo ama sawiro ama ku sameeya si widh-widhaya

ama dhalaalaysa oo ay wax ugu gudbin karaan bulshada ama hab uun soo bandhigaya

qoraalo iyo sawiro, wuxuu mudanayaa isla ciqaabtaas.

Qodobka 517

Baabi‟inta & fujinta qoraalada

1. Qofkasta oo fujiya jeexa ama si uun uga dhiga wax tar la’aan qoraalo ama sawiro uu

maamulku dhejiyey, waxaa loogu ciqaabayaa ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.

2. Marka qoraladaas ama sawiradaas ay u dhejiyeen Shakhsigaad rayid ah qaab sharcigu u

ogolaaday ciqaabtu waxay noqonaysaa ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.

Qodobka 518

Ogolaansho la‟aanta & mamnuucidda shirkadaha ganacsi & meheradaha ganacsiga guud

1. Qofkasta oo ogolaansho la’aanta maamulka ama caddeyn qoraal ah la’aanteed marka

ogolaansho ama caddeynta loo baahan yahay fura ama ka shaqaysiiya shirkad ganacsi,

meherad ganacsi, meherad adeeg ganacsi oo lacag ka qaata ama kireeya ama bukaan ku

daweeya waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix bilood ah ama ganaax ilaa 5,000 Sh. So. ah.

2. Marka liisanka la diiday, lala noqday ama la laalay ciqaabta xariga ah iyo ganaaxa waa la

wada saarayaa.

3. Marka ruqsada la helay balse aan la fulin tilmaamaha kale ee sharciga ama maamulku u

dhigay ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa Saddex bilood ama ganaax ilaa 3,000 Sh.

So. ah.

Page 166: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

166

Qodobka 519

Bandhig caam ah ama madadaalo ruqsad la‟aan

1. Qofkasta oo meel fagaare ah ama goob dadwaynaha u furan bandhig ku qabta ama

madadaalo noocay doonaan ha noqdaane ama fura kilaabo ama meelo lagu jaaso ama

hoolal ruwaayado lagu dhigo, isagoo aan wax ruqsad ah haysan waxaa lagu ciqaabayaa

ganaax 100 – 5000 Sh.So. ah.

2. Marka ruqsadda la diiday, laga noqday ama la laalay ciqaabtu waxay noqonaysaa ilaa

Hal bil.

Qodobka 520

Bandhig khaldan oo fal looga Jeedo in dib loogu soo saaro sawir filim

1. Qofkasta oo sababa in uu ku soo bandhigo meel fagaare ah ama meel si caam ah u furan

fal looga jeedo in dib loogu soo saaro sawir filim, isagoo ka hor ogeysiin ka siin hawsha

maamulka waxaa lagu ciqaabayaa 1,000 – 5,000 Sh. So. ah.

2. Qofkasta oo ku sameeya, ku soo saara ama ka dhoofiya dhulka Qaranka ama wax kasta

oo ku saabsan sawir filim, isagoo aan ka hor ogeysiin maamulka wuxuu mudanayaa

ciqaabtaas oo kale.

3. Marka lagu galo falalka ku xusan faqradaha qodobkan iyadoo la jebinayo mamnuucidda

maamulka, ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig Hal sanno ah.

Qodobka 521

Qabasho khaldan oo bandhig tiyaatar ama sawir filimeed

1. Qofkasta oo meel fagaare ah kaga maansooda bandhig suugaaneed ama sameeya jilitaan

tiyaatar nooca uu doono ha noqdee, iyadoo hore wax ogeysiin ah looga siin maamulka,

waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah ama ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.

2. Qofkasta oo sababa in la dhigo meel fagaare ah muuqaal filimeed aan la soo faaf-reebin

wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo kale.

3. Marka falka lagu galay iyadoo la jebinayo mamnuucid maamul ciqaaba xariga iyo

ganaaxa waa la wada saarayaa.

4. Falka waxaa loo aqoonsanayaa in fagaare loogu galay marka ay jiraan xaaladaha lagu

sheegay xarafaha (b) & (c) ee faqradda 4aad ee Qod: 209.

Page 167: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

167

Qodobka 522

Khalad u isticmaalka hawsha shaari-shaariyeynta

1. Qofkasta oo qabta hawl shaari-shaari isagoo aan ruqsad ka haysan maamulka ama isagoo

aan ilaalin xeerarka kale ee sharcigu u qeexay, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa laba

bilood ah ama ganaax 50 -1,000 Sh. So. Ah.

2. Waalidka ama xanaaneeyayaasha ku shaqaysiiya shaari-shaari ilma yar oo da’diisu 14

sanno ka yar tahay wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo kale, marka uusan wax ruqsad ah u

haysan ama uusan ilaalin tilmaamaha kale ee sharcigu u dhigay.

3. Ciqaabtu waxay noqonaysaa Hal bil ilaa Afar bilood oo xarig ah ama ganaax 100 – 2,000

Sh. So. Ah.Iyadoo dabagal bilaysna la amrayo :-

a) Marka falka la galo iyadoo la jebinayo mamnuucidda maamulka.

b) Marka qofka shaari-shaariyaynaya ogolaansho la’aan hore loogu xukumay xarig

ciqaabeed oo ka dhasha Dembi aan kama’ ahayn.

Qodobka 523

Dewersi

1. Qofkasta oo aan ahayn qof ku sugan xaalad baahiyeed culus oo meel fagaare ah ama

meel si caam ah u furan ka dewarsada waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex bilood

ah.

2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig Hal bil ilaa Lix bilood ah marka :-

a) Falka lagu galo qaab naxdin leh ama werwer leh.

b) Uu qofku iska dhigo qof dhiman xis ahaan ama xanuun qaba.

c) Uu adeegsado hab khiyaamaysan oo dareenka dadka kale kicinaysa.

QAYBTA II

Page 168: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

168

GEFAFKA KHUSEEYA BADBAADADA GUUD

Qodobka 524

Ku guuldaraysiga haynta iyo ilaalinta xayawaanka

1. Qofkasta oo si furan uga taga oo aan ka ilaalin ka hortaga ku haboon ee khatarta

xayawaan uu gacanta ku hayo ama u xilsaaran xanaanadooda qof aan khibrad u lahayn,

waxaa lagu ciqaabayaa, xarig ilaa sadex bilood ah ama ganaax ilaa 3,000 Sh.So.ah.

2. Ciqaab la mid ah ayaa la saarayaa qofkasta oo:-

(a) Qofka meel furan kaga taga xayawaan aan xidhnayn oo loo adeegsado waraabka,

xamaalka ama tartanka ama si uun uga taga ilaalin la’aan, xataa iyagoon lumayn

ama u xidha ama u kaxeeya hab ay u khatar gelin karaan xasiloonida guud ama u

xilsaara qof aan khibrad lahayn;

(b) U carriya ama ugaga cadhaysiiya hab ay khatar ugu noqon karaan ammaanka

Shakhsigaadka.

Qodobka 525

Ku guuldaraysiga dhigista ama ka qaadista calaamadaha ama hababka Taxadirka

1. Qofkasta oo ka taga in uu dhigo calaamado ama tilmaamo ilaalin oo sharciga ku dhigan

ama maamulku dhigeen si dadku khatar ugaga joogsado, meel si caam ah loo maro,

ama ka qaada calaamadaha ama xayndaabyada la soo sheegay ama damiya nalal

calaamad ahaan loo shiday, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex bilood ah ama ganaax

ilaa 5,000 Sh. So. ah.

2. Halka uusan falku dhalin Dembi ka culus ciqaabtaas waxaa la saarayaa qof kasta oo ka

qaada tilmaamo ama calaamado ka baxsan kuwa faqradda hore ku xusan oo looga

jeedo adeeg guud ama adeeg baahi guud ama nalalka hagidda oo loo isticmaalayo

iftiimin caam ah.

Qodobka 526

Tuurida walxo khatar ah

Page 169: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

169

Qofkasta oo meel si caam ah loo maro ama meel gaar ah oo dad kale la isticmaalaan ku tuura

ama ku shuba shay awooda in dadka uu ku dhaawaco ama ay ku kufaan ama ku siibtaan ama

xaaladaha aan sharcigu ogolayn soo daaya neef, bukhaar ama qiiq laga yaabo in uu dhibtaas oo

kale keeno waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal bil ah ama ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.

Qodobka 527

Meel dhigid shay khatar ah

Qofkasta oo aan u samayn ka hortag ku haboon oo dhiga ama laalaadiya shay hadduu ku

soo dhaco meel si caam ah loo maro ama meel gaara oo dad kale la isticmaalo dadka

dhaawici kara ama ay ku kufi karaan ama ku siiban karaa waxaa lagu ciqaabayaa ganaax

ilaa 1,000 Sh. So. ah

Qodobka 528

Dumin dhis ama dhisme kale

1. Qofkasta oo ka qayb qaata qorshaynta ama shaqada la xiriira dhismaha ama dhis kale oo

ka dib soo duma khaladkiisa dartiis, waxaa lagu ciqaabayaa ganaax aan ka yarayn 1,000

Sh. So. ah.

2. Marka falka dumintu khatar ku sababo dad ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig ilaa Lix

bilood ama ganaax aan ka yarayn 3,000 Sh. So. ah.

Qodobka 529

Ku guuldaraysiga hagaajinta dhisme khatar ugu jira dumis

1. Mulkiilaha dhisme looga baqayo dumis ama qofka ay hore ugu waajibtay in uu ka

hortago ama ilaaliyo dhismahaa, kaas oo ku guuldaraysta in uu ka qabto shaqadii loo

baahnaa in uu khatarta ka joojiyo waxaa lagu ciqaabayaa marka uusan falku dhalin

Dembi ka culus, ganaax aan ka yarayn 1,000 Sh. So. ah.

2. Qofkasta oo masuuliyadaas oo kale saarnayd ee ku guuldaraysta in uu joojiyo khatarta ka

imanaysa dumista dhismaha wuxuu mutaysanayaa ciqaabtaas oo kale.

3. Haddii qof uu khatar ku galo cawaaqibka falka lagu xusay labada faqradood ee hore,

ciqaabtu waxay noqonaysaa ilaa Lix bilood ama ganaax aan ka yarayn ilaa 3,000 Sh. So.

ah.

Page 170: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

170

Qodobka 530

Samaynta & ka ganacsiga walxaha qarxa

Qofkasta oo ruqsada maamulka la’aanteed ama digniinta la qeexay la’aanteed, sameeya ama

dalka soo geliya ama jumlad ahaan u haysta ama iibiya ama dhoofiya walxaha qarxa ama

waxa laga sameeyo oo uu uga jeedo isku dhafkeeda ama samaynteeda waxaa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah iyo ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.

Qodobka 531

Ku guuldaraysiga sheegitaanka walxaha qarxa

1. Qofkasta oo ka joogsada in uu maamulka u sheego in uu haysto walxaha qarxa noocay

doonaan ha ahaadaan ama walxaha ololka sameeya, kuwaas oo khatar ah marka loo eego

tayadooda ama tiradooda, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Afar bilood ah ama ganaax

ilaa 3,000 Sh. So. ah.

2. Qofkasta oo degaankiisa ku ogaada in ay yaaliin walxaha qarxa ee ku guuldaraysta in uu

maamulka u sheego wuxuu mudanayaa ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.

3. Marka la jebiyo amar maamulku si sharci ah ugu bixiyay in muddo cayiman lagu dhiibo

waxyaabaha qarxa ciqaabtu waxa noqonaysaa Hal bil ilaa Hal sanno ama ganaax 3,000

Sh. So. ah.

Qodobka 532

Duruufaha Cuslaynta

Ciqaabta gefafka ku xusan labada qodob ee kan ka horeeya way kordhaysaa marka :-

a. Uu falkaa galo qof ka mid ah dadka uu sharcigu ka mamnuucayo in ruqsada la siiyo

ama

b. Marka loo diiday ama lagala noqday.

Qodobka 533

Furista sharcidarada ah ee fagaarayaasha daawashada ama madadaalada

Page 171: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

171

Qofkasta oo fura ama furnaansho ku nageeya meelaha fagaarayaasha daawashada ama

raaxaysiga, isagoon dhawrin xeer nidaameedka maamulka ee lagu ilaaliyo

degenaanshaha guud, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah iyo ganaax aan ka

yarayn 1,000 Sh. So. ah.

QAYBTA III

GEFAFKA LA XIRIIRA KA HORTAGA NOOCYO DEMBIYO GAAR AH

Qodobka 534

Gelid amar La‟aan goobaha geliddooda la mamnuucay danaha milateri ee qaranka

Qofkasta oo gala meelaha gelitaankooda loo mamnuucay danaha melateri ee qaranka awgeed,

haddii uusan falkaa ka dhalan Dembi ka culus, waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex bilood, ilaa

Hal sanno ah ama ganaax 3,000 Sh. So. ah.

Qodobka 535

Haysashada cabbire ama miisaan sharcidaro ah

1. Qofkasta oo isagoo gudanaya hawl ganacsi ama meherad wax iibisa oo si caam ah u

furan haysta cabbire ama miisaan ka duwan ka sharcigu qeexay ama ku shaqaysta cabbir

ama miisaan isagoo aan dhawrin tilmaamaha sharci, waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 100

– 2,000 Sh. So. ah.

2. Marka Dembiilaha hore loogu xukumay mid ka mid ah Dembiyada lidka ku ah hantida,

kalsoonida guud, dhaqaalaha guud warshedaha ama ganacsiga ama Dembi kale oo la

dabeecad ah, waxaa la saari karaa dabagal boolis.

Qodobka 536

Diidmada lacagta sharciga ah

Qofkasta oo diida in uu qiimaheeda ku qaato lacagta sharciga ah ee qaranka waxaa lagu

ciqaabayaa ganaax ilaa 3,000 Sh. So. ah.

Qodobka 537

Ku guuldaraysiga gudbinta lacag loo aqoonsaday foojari

Page 172: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

172

Qofkasta oo marka uu helo lacag foojari ah ama wax laga bedelay oo aan qiimaheedu ka yarayn

20 Sh. So. oo aan Saddex casho gudahood laga soo bilaabo markay soo gashay ugu gudbin

maamulka isagoo caddaynaya ilihii ay ka soo gashay haddii uu og yahay waxaa lagu ciqaabayaa

ganax ilaa 1,000 Sh. So. ah

Qodobka 538

Daabacaadda ogolaansho La‟aanta ee dhukumenti iyo warar ku Saabsan dacwad ciqaab ah oo socota

Qofkasta oo marka sharcigu mamnuucay daabaca dhammaan ama qayb, xataa si kooban

nuxurka ama dhukumentiga qaybta ka ah dacwad ciqaabeed ama magacyada iyo hadalada gar-

soorayaal ka caddeeyey go’aan ka qaadashada dacwad ciqaab ah waxaa lagu ciqaabayaa ganaax

ilaa 1,000 Sh. So. ah.

Qodobka 539

Xafidasho la‟aan hub

Qofka waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 1,000 Sh. So. Ah, xataa ruqsad ha u haysto in uu hub

qaatee markuu:-

a) U gudbiyo hubka ama u ogolaado in uu qaato qof ka yar da’da 14 jir ama qof kasta

oo aan karti u lahayn ama khibrad u lahayn.

b) Dhayalsada in uu ka xafido ama uga hortegi waayo si ku filan in ay helaan hubka

dadka lagu sheegay xarafka hore.

c) Uu ku qaato hub culus meel dad isugu yimi ama ku soo ururay.

Qodobka 540

Qaraxa iyo holac khatar Leh

1. Qofkasta oo isagoo aan maamulka ruqsad ka haysan, meelaha la degan yahay ama

agagaarkooda ama wadooyinka ama hareerahooda ku qarxiya hub ama ku hakiya

dabshidid ama ku tuura gumacooda ama hawada u dira baloomo olol leh ama guud ahaan

sameeya holac ama qarax khatar leh waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 1,000 Sh. So.

Ah.

2. Marka falka lagu galo goob dadku isugu yimaadeen ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig

ilaa Hal bil ah.

Qodobka 541

Hubka

Macnaha Xeerka Ciqaabta “Hub” Waxaa Looga Jeedaa:-

Page 173: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

173

a) Hub qarxa in wax kasta oo loogu talo galay in uu qofka dhaawaco;

b) Qalab kasta oo weerar oo qaadashadiisu reeban tahay ama lagu qaadan karo oo keliya

sabab caqli gal ah.

c) Bambooyinka iyo wax kasta oo ay ku jiraan wax qarxa iyo walxaha qiimaha sunta

ama qiiqaha indhaha.

Qodobka 542

Haysasho sabab la‟aan ee furayaal ama waxyaabaha qufalada lagu jebiyo

Qofkasta oo hore loogu xukumay Dembi lagu raadinayey macaash xaq darro ah ama gefaf la

xiriira ka hor tagga Dembiyada hantida lidka ku ku ah, ama dewersi ama la saaray tallaabooyin

ammaan shaqsi, ee haysta furayaal la bedelay ama been ah ama dhab ah ama qalab loo

adeegsado in qufulada lagu furo ama lagu jebiyo ee caddayn kari waaya sabab maangal ah oo uu

u haystay waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix bilood ilaa Labo sannaodood ah.

Qodobka 543

Haysasho sabab La‟aan waxyaabo qiimo leh

Qofkasta oo ku sugan xaaladaha lagu sheegay qodobka hore ee lagu arko isaga oo haysta lacag

ama shay kale oo qiimo leh ama shay uusan haysan Karin qof xaaladdiisa ah oo kari waaya in uu

muujiyo sharcinimada uu ku haysto waxaa lagu ciqaabayaa xarig Saddex bilood ilaa Hal sanno

ah.

Qodobka 544

Haysasho sabab la‟aan ee xoolo

Qofkasta oo lagu helo in uu haysto Geel, Lo’ama Baqalo, looga shakiyo in la soo xaday oo

sababayn Kari waaya sharci ku haysashadiisa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal sanno ah

ama ganaax ilaa 1,000 Sh. So. ah

Qodobka 545

Sheegid la‟aanta hanti la soo xaday

Qofkasta oo hela ama iibsada shay ka mid ah hanti la soo xaday ama si uun gacantiisa ay u

soo gasho, isaga oo aan ogeyn meesha laga keenay ee u sheegi waaya isla marka uu ogaado

maamulka waxaa lagu ciqaabayaa xarig Lix bilood ah ama iyo ganaax 5,000 Sh. So. ah

Page 174: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

174

Qodobka 546

Ka iibinta ama gudbinta furayaal ama wax qufulada lagu furo ama jebiyo of aan la garanayn

Qofkasta oo ku sameeya furayaal tilmaantay doonaan ha lahaadaane codsiga qof aan ahayn kii

lahaa ama gacanta ku hayay meesha ama shayga loogu talo galay in lagu furto ama aan Wakiil u

ahayn qofkaa ama ku shaqaysanaya xirfada dahablaha ama xirfad la mid ah oo gudbiya ama

iibiya, qalab waxa ay doonaan ha noqdeene qufulada lagu jebiyo ama ku haboon in quful lagu

furan karo, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah iyo ganaax 100 – 1,000 Sh. So. ah

Qodobka 547

Furasho ogolaansho la‟aan ee goob ama shay

Qofkasta oo adeegsanaya xirfada dahablaha ama mid la mid ah oo fura quful ama shay kale oo

ilaalin ahaan loogu dejiyey meel ama shay kale kuna fura codsiga qof uusan u garanayn in uu

yahay qofkii lahaa ama gacanta ku hayey meesha ama shayga ama iyaga ka Wakiil ahaa waxaa

lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex bilood ah iyo ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah

Qodobka 548

Iibsiga alaab tuuggo looga shakiyey

1. Qofkasta oo iibsada ama hela si kasta oo uu ku helo’e, alaab tayadooda ama xaalada

qofka sita ama qiimaha looga shakiyi karo in ay tuuggo tahay, isagoo marka hore xaqiijin

in qofka sitaa yahay kii sharci ahaan u lahaa ama gacanta ugu hayay waxaa lagu

ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah ama ganaax aan ka yarayn 100 Sh. So. ah.

2. Qofkasta oo u hawl gala alaabtaas la soo sheegay in uu ka iibsado ama ka helo cid kale

waxaa la saarayaa ciqaabtaas oo kale.

Qodobka 549

Ku guuldaraysasho ku hayn ama hayn ogolaansho la‟aan qof xiskiisu dhiman yahay ama da‟yar goobaha lagu hayo dadka dhiman ama lagu

dhaqan-celiyo

1. Qofkasta oo amarka ama ogolaanshaha maamulka la’aantiisa meelaha dadka xiskoodu

dhiman yahay lagu daaweeyo qof xiskiisu dhiman yahay ama qof da’yar ka qaata

Page 175: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

175

goobaha guud ee lagu dhaqan-celiyo, waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 300 – 3,000 Sh. So.

ah

2. Waxaa ciqaabtaas oo kale lagu dabaqayaa markasta oo aan loo baahnayn ogolaansho,

qofka ka hela qof xiskiisu dhiman yahay xarumaha lagu xannaaneeyo dadka waalan ee

ka baaqsada in uu booliska ku wargeliyo.

3. Qofkasta oo isagoo aan ku dhaqmayn tilmaamaha sharci xarumaha la soo sheegay ka

fura ama ka siidaaya qof waalan oo si sharci ah ugu xidhnaa ama loogu hayey waxaa la

saarayaa ciqaab xarig oo ilaa Lix bilood ah ama ganaax 300 – 5,000 Sh. So. ah

Qodobka 550

Ku guuldaraysasho ku hayn xannaano gaar ah ama ku hayn ogolaansho la‟aan ee xannaano gaar ah qof xiskiisu dhiman yahay

1. Qofkasta oo xaalad aan ahayn kuwa lagu sheegay faqradda 2aad ee qodobka hore, ee

ogolaansho la’aan ku haya xannaano qof xiskiisu dhiman yahay, waxaa lagu ciqaabayaa

xarig ilaa Saddex bilood ah ama ganaax 200 – 2,000 Sh. So. ah.

2. Qofkasta oo ku guuldaraysta in uu dhawro waajibaadka ka dhashay xannaanada lagu

sheegay qodobka hore wuxuu mudanayaa ciqaabtaas oo kale

Qodobka 551

Maamul ogeysiin la‟aanta baxsiga qof xiskiisu dhiman yahay ama Da‟yar

1. Sarkaalka guud ama qofka shaqaalaha ka ah xarun fulinaysa ciqaab ama tallaabooyin

ammaan ama shaqaale ka ah xarun lagu xannaaneeyo dadka xiskoodu dhiman yahay ama

xarun dhaqan celin kaas oo ka joogsada in uu ogeysiin deg-deg ah ka siiyo maamulka

baxsashada ama dhicista qof halkaa ku xidhanaa ama lagu hayey waxaa lagu ciqaabayaa

ganaax 200 – 2,000 Sh. So. ah.

2. Isla tilmaamahan waxaa lagu dabaqayaa qofkasta oo sharciga ama amar maamul u

xilsaaray ujeeddada ilaalinta ama kormeerka.

Qodobka 552

Sheegid la‟aanta waali khatar ah

1. Qofkasta oo ka shaqeeya mihnadda caafimaadka oo uu la kulmo ama baadha qof xiskiisu

dhiman yahay oo ay u caddaato ama uga shakiya in qofkaasi khatar ku yahay naftiisa

ama dadka kale ee aan u sheegin arrinta hay’adda garsoorka, waxaa lagu ciqaabayaa

ganaax 300 – 3,000 Sh. So. ah.

Page 176: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

176

2. Ciqaabtaas oo kale waxaa la dabaqayaa marka qofka uu la kulmay ama uu baadhay ay

saamaysay doorin khatar ah oo ay sababtay isbiirto ama walax kaloo maandooriye ah.

QAYBTA IV

GEFAFKA LA XIRIIRA DAMIIRKA & KARAAMADA

Qodobka 553

Qabashada Ciyaarta Yaa Nasiib Qofkasta oo meel fagaare ah ama meel si caam ah u furan ama kilaabada gaarka ah ee nooc

kasta ka qabta ama ku fududeeya qabashada ciyaarta yaa-nasiib waxaa lagu ciqaabayaa xarig

Lix bilood ilaa Hal sanno ah iyo ganaax aan ka yarayn 2,000 Sh. So. ah

Qodobka 554

Duruufo Cuslayn Ciqaabta Dembiga ku xusan qodbkan hore waa la labanlaabayaa :-

a) Marka Dembiiluhu uu furo ama abuuro hoy ciyaareed;

b) Marka hanti badan lagu kala helayo ciyaarta;

c) Marka dadka ciyaaraya ay ku jiraan ciyaal ka yar 14 sanno.

Qodobka 555

Ka qayb qaadashada ciyaarta Yaa-Nasiib

1. Qofkasta oo meel fagaare ah ama meel si caam ah u furan ama kilaabada gaarka ah

noocay doonaan ha ahaadaane, isagoo aan qayb ka ahayn gefka ku xusan Qod: 553 lagu

qabto isagoo ka qayb qaadanaya ciyaarta Yaa-nasiib waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa

Lix bilood ah ama ganaax ilaa 5,000 Sh. So. Ah.

2. Ciqaabta waa la kordhinayaa :-

a) Marka la ogaado si kedis ah Baaritaan lagu sameeyey guri-ciyaareedka ama

xarunta guud;

b) Marka lagu ciyaarayo hanti badan;

Page 177: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

177

Qodobka 556

Tiirarka aasaasiga ah ee ciyaarta Yaa-Nasiib; Hoy ciyaareedka

Ujeedada qodobada hore ciyaarta Yaa-nasiib waxaa looga jeedaa:-

a) Ciyaarta Yaa-nasiib waa tan lagu ciyaaro walax wax lagu helayo oo fursada

guulaysiga ama khasaaridu ay ku xidhan tahay nasiib.

b) Guri ciyaareedku waa meesha dadku ku kulmaan si ay ugu ciyaaraan ciyaarta

Yaa-nasiib xataa shayga haw kala duwanaado qaabka uu doonee.

Qodobka 557

La wareegid.

Xaaladaha lagu xusay Qod: 553, 554 & 555 waxaa kaloo lala wareegayaa lacagta la kala

helayo ama la dhigtay iyo qalabka ciyaarta lagu fulinayo ama lagu ciyaarayo.

Qodobka 558

Qabashada Sharcidaroda ah ee ciyaarta aan ahayn Yaa-Nasiib

1. Qofkasta oo loo ogolaaday in uu haysto aqal Bilyaardi oo u ogolaada ciyaar aan

ahayn Yaa-nasiib, laakiin maamulku reebay in halkaa lagu ciyaaro waxaa lagu

ciqaabayaa ganaax ilaa 1,000 Sh. So. Ah.

2. Xaaladaha lagu sheegay xarfaha (c) & (d) ee Qod: 554 ciqaabtu waaxay noqonaysaa

xarig ilaa Saddex bilood ah ama ganaax 500 – 5,000 Sh. So. Ah.

3. Qofka lagu qabto isagoo ciyaartaa ka qayb galaya ciqaabtu waxay noqonaysaa

ganaax ilaa 500 Sh. So. ah.

Qodobka 559

Caqiido cayga & falalka xadgudubka ah ee ku waajahan Maydka

1. Qofkasta oo si fagaare ah u ceebeeya caqiidada isagoo adeegsanaya hadalo weerar ah

iyo cay Illaahiisa cibaadooyinka qof lagu aasay diinta qaranka waxaa lagu

ciqaabayaa ganaax 100 – 3,000 Sh. So. Ah.

2. Qofkasta oo falkan hore ku gala qof dhintay wuxuu mudanayaa ciqaabtaas.

Page 178: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

178

Qodobka 560

Ka ganacsiga qoraalka iyo sawirada iyo walxo ka soo horjeeda karaamada guud

Qofkasta oo u soo bandhiga aragtida dadweynaha ama meel fagaare ah ama dadweynaha u furan

u keena iib ama qaybin qoraalo ama sawiro ama walxo kale tilmaan ah oo ceebaynaysa

karaamada bulshada waxaa lagu ciqaabayaa ganaax 100 – 1,000 Sh. So. ah.

Qodobka 561

Falal ka soo horjeeda karaamada guud “Hadal qadaf ah”.

1. Qofkasta oo meel fagaare ah ama meel dadweynaha u furan kaga dhaqma falal ka soo

horjeeda karaamada Madaxweynanaha waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Hal bil ah

ama ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.

2. Qofkasta oo meel fagaare ah ama meel dadweynaha u furan kaga hadla hadalo

karaamada bulshada lid ku ah waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 500 Sh. So. ah.

Qodobka 562

Ku dhaqanka fal axmaqnimo ah xayawaan

1. Qofkasta oo si axmaqnimo ah kula dhaqma xawaan ama iyadoo aanay lama huraan

ahayn ku qabta shaqo xad-dhaaf ama jidh dil ama ku qabta shaqo aan ku haboonayn

caafimaadkooda ama da’dooda waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 3,000 Sh. So. Ah.

2. Qofkasta oo xataa ha looga jeedo ujeeddo cilmiyeed ama waxbarasho meel fagaare

ah ama meel si caam ah u furan ku sameeya xayawaan nool tijaabo taas oo keenta

yaq-yaqsi waxaa uu mudanayaa ciqaabtaas oo kale.

3. Ciqaabtu way kordhaysaa halka xayawaanka loo adeegsanayay ciyaar ama bandhig

guud ee ay keento jidh-dil ama fal axmaqnimo.

Page 179: XEERKA CIQAABTA · Codsigaasi lama huraan maaha haddii aqoonsiga loo arko ujeedada ku cad xarafka (d) ee faqrada 1aad. Qodobka 11 Mastaafurin 1. Mastaafurin waxa la samayn karaa xaaladaha

179

QAYBTA V

GEFAFKA LIDKA KU AH CAAFIMAADKA BULSHO

Qodobka 563

Daaweyn Sababta in qofku xiskiisa lumiyo

1. Qofkasta oo qof kale ku rida isagoo ogolaaday xaalad miyir doorsoon ama

sakhraamin ama ku sameeya daaweyn uu luminayo garaadkiisa qofkaa waxaa lagu

ciqaabayaa marka falkaasi qofka ku keeno in uu khatar galo noloshiisu xarig Hal bil

ilaa Lix bilood ah ama iyo ganaax 300 – 5,000 Sh. So. Ah.

2. Qodobkan la dabaqi maayo marka falka lagu galo ujeeddo sayniseed ama

daaweyneed ama marka qofka galay uu ku shaqaynayey mihnada caafimaadka.

Qodobka 564

Ku xadgudub maandooriye

Qofkasta oo meel fagaare ah ama meel dadweynaha u furan ama kilaabada gaarka loo

leeyahay noocay doonaan ha ahaadaane, lagu qabto xaalad caqli oo dheeli-tir la’aan ah oo ay

ku sababtay maandooriye uu isticmaalay, waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Lix bilood ah

ama ganaax ilaa 2,000 Sh. So. ah.

Qodobka 565

U dhiibis caruur walxo sun ah ama khatar leh

Qofkasta oo loo ogolaaday in uu iibiyo ama ka ganacsado daawooyin ee u dhiiba caruur

ka yar 14 jir walxo sun ah ama maanka doorinaya xataa hadday tahay qoraal dhakhtar

waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 5,000 Sh. So. ah.