buuga ardayga/waalidka tennessee - mnps · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan...

91
Rocketship United Academy Buuga Ardayga/Waalidka Sannad Dugsiyeedka 2018-2019 Tennessee - MNPS 1

Upload: others

Post on 19-Dec-2020

10 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Rocketship United Academy Buuga Ardayga/Waalidka Sannad Dugsiyeedka 2018-2019 Tennessee - MNPS

1

Page 2: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

TUSMADA BUUGA

KU SAABSAN ROCKETSHIP 3

TAARIIKHDAYADA 4

HIMILADAYADA 4

QAABKAYAGA 5

MACLUUMAADKA XIRIIRKA 5

GOOBAHA DUGSIYADA 5

BARAHAINTERNETKA 6

OGOLAANSHAHA IYO IS-QORISTA 6

JADWALKA TAARIIKHDA IYO IMAANSHAHA 6

JADWALKA DUGSIGA 6

DAAHFURKA 7

SAACADAHA SHAQADA 7

IMAANSHAHA IYO GOYNTA 7

JOOJINTA DUGSIGA, BILAABIDA LA DAAHIYAY IYO HORE USII DEYNTA 7

HAWLGALLADA IYO AMMNIGA GOOBTA DUGSIGA 8

HABRAACYADA IMAANSHAHA IYO DIRIDA [ARDAYDA] 8

GAADIID QAADISTA BASKA 9

SII DEYNTA ARDAYGA 13

QAADIS DAAHSAN 14

GELITAANKA GOOBTA DUGSIGA IYO MARTIDA 14

LA SOCOSHADA ELEKTAROONIGA AH 14

HAYNTA [ILMAHAHA] EE QOYSKA 14

ANSIXINTA MUTADAWACA 15

SAFARADAWAXBARASHADA 15

CUNTOOYINKA DUGSIGA 15

TACLIINTA 16

MANHAJKA 16

SHAQADA GURIGA 17

REEBIDA IYO DALACSIINTA [ARDAY] 17

HAWLAHA HELIDA ILMAHA 17

DHAQANADA LA FILAYO IYO ANSHAXA 18

XEERARKA DHAQANKA EE ARDAYGA ROCKETSHIP 18

ANSHAXA ARDAYGA 18

GANAAXIDA AMA ERYIDA/CEYRINTA 19

KA HORTAGGA CAGAJUGLEYNTA 19

ANSHAXA LABISKA EE ARDAYGA 20

ALAABTA ARDAYGA 20

2

Page 3: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

ISTICMAALIDA TALEEFANKA 20

CAAFIMAADKA IYO BADBAADADA 21

DAAWO SIINTA 21

TALLAALADA 21

IMTIXAANADA IYO BAARITAANADA CAAFIMAAD 22

INJIRTA MADAXA 22

KAARARKA XIRIIRKA EE XAALADAHA DEGDEGA AH 22

QORSHAYAASHA BADBAADADA 22

HUBKA IYO HUBKA QARXA 23

DAROOGADA, KHAMRIGA IYO TUBAAKADA 23

BADBAADADA INTERNETKA 24

KU XADGUDUBKA IYO DAYACIDA CARUURTA 24

KA QEYBGALKA WAALIDKA 24

BALANQAADKA ROCKETSHIP 24

BALANQAADKA WAALIDIINTNA/MASUULIYIINTA 24

ISKAASHIGA WAALIDKA 25

BOOQASHOOYINKA GURIGA 25

FURSADAHA WAALIDKA EE GOOBTA DUGSIGA 26

OGEYSIINTA XUQUUQAHA IYO BALANQAADYADA 27

FERPA 27

WAXBARASHADA CARRUURTA BILAA HOYGA AH 29

HANAANKA CABASHADA 35

BAYAANKA TAKOOR LA’AANTA 38

SIYAASADDA FARAXUMEYNTA GALMADA EE ARDAYGA 39

QAYBTA 504 40

MAAMULIDA FURAN IYO SHIRARKA FURAN 41

LIFAAQA: SIYAASADAHA DUGSIGA 41

Siyaasadaha lagu xusay buugani waa kuwo lagu sameeyo dib u eegis joogta ah iyo ansixinta

guddiga. Rocketship ayaa ogeysiin doonta qoysaska haddii ay jiraan wax isbeddel ah oo lagu sameeyo mid ka mid ah siyaasadaha halkan ku jira.

KU SAABSAN ROCKETSHIP

Rocketship United Academy waa qayb ka mid ah Rocketship Education, oo ah shabekad dugsiyo hoose dhexe oo dadweyne oo jaartar ah kuwaas oo u adeega ardayda xaafadaha

dhaqaalaha hoose halkaas oo ay helida dugsiyo fiicani xadidan tahay. Waxaan aaminsan nahay in dugsiyada si dhab ah wax u badalaa ay sameeyaan waxyaabo ka badan

barista; waxay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay

dhiirigeliyaan bulshada. Rocketship waxay ku dadaaleysaa in ay haqab tiraan baahida gaarka ah ee mid kasta oo ardayda kamid ah iyagoo isticmaalaya isku jir ah waxbarashada caadiga

3

Page 4: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

ah, tiknoolajiyada la qabsiga, barida kalida ah, iyo fursadaha kobcinta. Si wadajir, waxaan u tirtiri karnaa faraqa guulgaarida ee cimrigeena.

TAARIIKHDAYADA

Sanadkii 1999, Aabe Mateo Sheedy, oo ahaa Baadirigii Sacred Heart Parish, ayaa abuuray

Deeqda Waxbarashada Juan Diego ee Jaamacada Santa Clara. Waxa uu la yaabay inuu ogaado in boqolaalka carruur ah ee kaniisaddiisu aanuu midkoodna la kulmin shuruudaha tacliimeed ee asaasiga ah iyaga ee xaq u siinaya inay galaan kulliyada magaaladooda ama jaamacad kale oo kasta oo heer sare ah. Aabe Mateo Sheedy wuxuu la xiriiray bulshadiisa waxaanuu bilaabay inuu abuuro qorshe kor loogu qaadayo fursadaha waxbarasho tayo sare leh ee Washington Guadalupe oo ah xaafad ku taala gudaha Greater San Jose. Nasiib darro, Aabe Mateo Sheedy wuxuu u dhintay si dhakhso badan, laakiin

dhaqdhaqaaqiisa [qorashaha waxbarashadu] wuu noolaaday. Sannadkii 2006, baadiriyiinta ayaa la xiriiray John Danner iyo Preston Smith oo ahaa laba ganacsade oo waxbarasho kuwaas oo sameynayay qaab dugsiyeedyo cusub oo loogu talogalay xaafadaha dakhliga

hoose. John Danner, oo hore u ahaa injineerka barnaamijyada koombuyuuterka ayaa xiiseynayay sida ay tiknoolajiyadu uga caawin karto inla shakhsiyeeyo

waxbarashada. Preston Smith wuxuu ahaa maamule da’ yar oo ka shaqeyn jiray dugsiga rajada weyn laga qabay ee San Jose kuwaas oo aqoonsaday saamaynta awoodsiinta macalimiinta iyo ka qeybqaadashiinta waalidku ay ku yeelan karto guusha ardayga. Dugsiga Hoose ee Rocketship Mateo Sheedy ayaa waxyar kadib la furay ardaydayaduna

waxay si degdeg ah u muujiyeen natiijooyinka xooga leh ee guulgaarida tacliimeed. Markii ay qoysas badani kusoo biireen liiska sugitaanka, waxaan ogaanay baahida loo qabo dugsiyo

tayo sare leh oo kale in loo dhiso bulshada San Jose iyo meelaha ka baxsanba. Dalabka Waalidka iyo abaabulka waalidka ayaa door xooggan ka ciyaaray furitaanka dugsiyada Rocketship ee cusub ee guud ahaan dalka daafahiisa. Maanta, Dugsiyada Dadweynaha ee Rocketship waa urur aan faa’iido doon ahayn oo howlgalliya dhamaan dugsiyada rocketship waxaana maamula Guddiga Agaasimayaasha. Waxaa jiro sadax iyo toban dugsi oo Rocketship ah oo ku yaalo California, kuwaas oo ay ku jiraan San Jose, Redwood City, Antioch, and Concord; labo ku yaala Nashville, labo Milwaukee, iyo laba ku yaala Washington, DC. Rocketship united Academy waa qayb ka mid ah Dugsiyada Dadweynaha ee Magaalo Weynta Nashville (MNPS) ee degmada Tennessee.

HIMILADAYADA

Himiladayada Rocketship Education waa in la tirtiro faraqa guulgaarida iyadoo la qalinjabinsiinayo dhamaan ardayda ama la gaarsiinayo heer ka sareeya heerka fasalka ee

akhriska iyo xisaabta. Ardayda Rocketship waxay baran doonaan in ay dedaalaan, wax ixtiraamaan, masuul noqdaan, muujiyaan u damqasho/naxariisasho iyo dheeganaadaan si ay u gaadhaan heer sare.

4

Page 5: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Ujeedada dugsiga geyntu waa in dhamaan ardayda ay bartaan inay si wanaagsan u

isticmaalaan maskaxdooda, jidhkoodu iyo quluubtoodu. Ardayda waxay sida uga wanaagsan wax uga bartaan dugsiyada si fiican looga yaqaano, halkaas oo ay filashooyinku sareeyaan,

taageeradu xoog badan tahay, codkooda iyo codadka waalidkoodna laga qiimeeyo. Himilada Rocketship United Academywaa in la aqoonsado dhamaan qiimayaashan iyo in la hubiyo in ardayda awood la siiyo si ay wax u bartaan, u hogaamiyaan, iyo ay u noqdaan xubno wanaagsan iyo wax soo saar leh oo kamid ah bulshada. Halkan Rocketship, himilooyinkayaga waxa kamid ah kuwan soo socda: ● Ardaydu waxay abuuri doonaan jacayl qoto dheer oo ay u qabaan waxbarashada. ● Rocketship waxay waalidiinta siin doonaan jid ay carruurtooda qaataan si ay u helaan

fursada ugu wanaagsan ee ay ku gali karaan kulliyad afar sanno ah. ● Rocketship waxay qalinjabiyayaasha ku dhiiri doonaan inay u noqdaan

hogaamiyeyaasha bulshadooda.

QAABKAYAGA

Qaabkayagu wuxuu ku saleysan yahay saddexdan tiir ee aasaasiga ah ee soo socda: 1. Macalimiin iyo hogaamiyayaal heer sare ahi waxay abuuraan dugsiyo wax

bedala. Rocketship waxay si qoto dheer u maalgashataa tababarka iyo horumarinta si loo hubiyo in macalimiinta iyo hogaamiyayaashu ay saamayn qoto dheer ku yeeshaan ardayda iyo bulshooyinka.

2. Ilmo kastaa wuxuu leeyahay baahiyo gaar ah. Rocketship waxay haqab tiraan bahiyahan iyagoo dib u habeynaya jadwalka ilmo kasta isticmaalayana isku-dar ka kooban waxbarashada caadiga ah, tiknoolajiyada iyo barida.

3. Waalidiin laga qeybqaadashiiyay [waxbarashada ilmahoodu] waa qeyb muhiim ka ah tirtirida faraqa guulgaarida. Rocketship waxay sameeyaan hogaamiyayaasha waalidka ee dugsiyada iyo bulshada si ay u noqdaan kuwo awood leh oo u dooda carruurtooda.

Waxbarasho ahaan, Rocketship waxay isticmaalaan waxa loogu yeero qaabka dugsiga ee

wareega halkaas oo ay ardayda ukala wareegaan fasalada isku dhafan ee akhriska-qoraalka

iyo xisaabta iyo Laabka Barashada, kaas oo ah qol weyn oo leh kombiyuutaro halkaas oo ay ardaydu wax ku bartaan iyagoo isticmaalaya barnaamijyada onlaynka ah ee xisaabta iyo akhriska-qoraalka iyo sidoo kale diirada saaraya xirfadaha muhiimka ah ee tiknoolajiyada

qoraalka sida [koombuyuuter] waxku qorida. Barayaasha ayaa jooga Laabka Barashada si ay ula socdaan horumarka ardayda ee waxbarashada onlaynka ah iyo si ay ardayda heerka

fasalka kadib dhacay ugula shaqeeyaan hab kooxo yar-yar ah. Ardaydu waxay sidoo kale helaan fursado ay tiknoolajiyada ugu isticmaalaaan fasaladooda.

MACLUUMAADKA XIRIIRKA

GOOBAHA DUGSIYADA

Rocketship United Academy Phone: (615) 712-7499 

Fax: (615) 250-9848 

5

Page 6: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

School Email: [email protected] 

School Leader Contact Info: Principal Tygima Steele, [email protected] 

School Leader Contact Info: Business Operations Manager Josh Rice, [email protected]   Haddii wicitaankaaga lagu diro duubista fariinta codka, fadlan nooga tag fariin waxaanan kugu soo celin doonaa 24 saacadood gudahood.

BARAHAINTERNETKA

Barta Internetka ee Rocketship Education waa rsed.org. Waxaad halkan ka heli kartaa warbixin guud oo ku saabsan Rocketship oo ay ku jiraan qaabkayaga waxbarasho, kooxdayada maamulka iyo dugsiyada kale shabekadayada. Rocketship United Academy waa rsed.org. Halkan waxaad ka heli kartaa macluumaadka

xiriirka ee shaqaalaha dugsiga; khayraadka waalidka oo ay ku jiraan nooc elektaroonik ah oo

buugan ah; jadwalada dugsiga; iyo qalabka kale ee macluumaadka ee ku saabsan dugsiga.

OGOLAANSHAHAIYO IS-QORISTA

Rocketship United Academy waa dugsiga jaartar ah. Dugsiyada jaartarku way ka madax banaan yihiin dugsiyada degmooyinka ee gudaha, balse waa inay ansixiyaan guddiga dugsiyada gudahu si loo furo. Dugsiyada Jaartarku waa dugsiyo dadweyne oo bilaash ah waxaanay u furan yihiin arday

kasta oo raba inuu galo. Waxay u ogolaadaa waalidiinta, ururada, iyo bulshooyinka inay dib usoo celiyaan, dib u hindisaan, iyo dib u firfircoonaysiiyaan nidaamkeena dugsiyada dadweynaha. Rocketship ardayda kama qaadi doonto wax tijaabo ama qiimeyn ah kahor aqbalaada iyo

is-qorista Rocketship. Rocketship uma xadidi doonto is-qorista iyadoo ku saleysan jinsiyada ardayga, midabka, diinta, asalka qaranka, luqadda lagu hadlo, awooda aqooneed ama ciyaareed, cabiraadaha guul gaarida ama awooda dabiciiga ah, ama xaaladiisa arday qaba baahiyo gaar ah. Fadlan eeg lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Ogolaanshaha iyo Is-qorista ee Rocketship.

JADWALKA TAARIIKHDA IYO IMAANSHAHA

JADWALKA DUGSIGA

[Haddi loo baahdo Ku Dar Macmuulaad ku saabsan TK]

Jadwalka Fasalada Barbaarinta Jadwalka Maalinta Caadiga ah: 7:45 am to 4:00 pm Dhamaan Thursdays waa jadwal maalmeed yar oo leh sii daynta 2:00 pm

6

Page 7: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Jadwalka Fasalada k-4 Jadwalka Maalinta Caadiga ah: 7:45 am to 4:00 pm Dhamaan Thursdays waa jadwal maalmeed yar oo leh sii daynta 2:00 pm Barnaamijyada Dugsiga kadib ayaa laga yaabaa inay helaan ardayda qaar. Macluumaadka ku saabsan fursadaha dugsiga kadib waxa lala wadaagi doonaa qoysaska xagaagan iyo bilowga sannad dugsiyeedka.

DAAHFURKA

Dugsi kasta oo Rocketship ahi wuxuu maalin dugsiyeedka ku bilaabaa daahfur, taas oo ah muddo waqti ah oo uu dugsiga oo dhami isugu imaado kagana wada hadlo diirada dugsiga

oo dhan. Inta lagu guda jiro Daahfurka, waxa laga yaabaa in dugsiga uu sidoo kale dalacsiiyo caadada arday guuleystay oo gaar ah, waxka baro habka nidaamka maamulka dugsiga ee cusub, ka hadlo horumarka ku aadan himilooyinka guulgaarida iyo kobcinta dhaqanka iyo

sharafta dugsiga. Dhamaan dugsigu oo ay ku jiraan shaqaalaha, waxaa sidoo kale laga yaabaa in ay bartaan hees ama wada jaasaan ama u dabaal dagaan guusha arday ama fasal gaar ah.

SAACADAHA SHAQADA

Xafiiska hore waxa la furaa 30 daqiiqo kahor bilowga dugsiga waxaana la xiraa 30 daqiiqo ka dib dhamaadka maalinta waxbarashada. Maalinta Caadiga ah: 7:30 am – 4:30 pm [Saacadaha Barbaarinta way duwanaan kartaa? TK] Maalinta ugu Yar: 7:30 am 2:30 pm [Saacadaha Barbaarinta way duwanaan kartaa? TK]

Xafiiska aasaasiga ahi waa uu xiran yahay maalmaha aanay ardaydu dugsi lahayn. Kuwaan waxa ka mid ah maalmaha fasaxa ah, naalmaha horumarinta xirfadeed ee shaqaalaha, maalmaha shirarka waalidka, fasaxa wakhtiga qaboobaha iyo fasaxa gu’ga.

IMAANSHAHA IYO GOYNTA

Soo daahida iyo maqnaanshuhu waxay dhaawici karaan horumarka waxbarasho iyo bulsheed

ee ardayga. Rocketship waxay sameeyaan dedaal kasta si loo xaqiijiyo in ardaydu aanay soo

daahin oo ay xaadir yihiin maalin dugsiyeed kasta. [Gobolka] Tennessee, ardayda waa inay tagaan dugsiga ugu yaraan 3.5 saacadood oo maalin dugsiyeed waxbarasho ah si loogu

tixgeliyo inay joogeen. Rocketship waa inay heshaa cadeymaha haboon saddex maalmood gudahood oo ka bilaabmaya maalinta uu ardayga kusoo noqdo dugsiga haddii kale maqanaashaha waxa loo tixgelin doonaa mid aan cudurdaar lahayn. Ardayda si joogto ah u maqnaada ama u jara waxa yeelan karaan cawaaqib, oo ay ku jiraan (laakiin aan ku xadidnayn) waxka qabasho, waayida mudnaanta safarada waxbarashada, iyo/ama haynta. Fadlan eeg lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Imaanshaha iyo Goynta Dugsiga ee Rocketship.

ISGAARSIINTA

Sanadkaani, dhamaan dugsiyada Rocketship waxay adeegsan doonaan qalab digniin bixiyo loogu tala galay in qoysaska gaarsiiyo fariimaha. Fariimahaas waxay noqon karaan macluumaad ku saabsan barnaamijyada dugsiga ee soo socda, ogaysiisyada degdega, arrimaha la xariiro xaadirada dugsiga, iyo walxaha kale oo dugsiga u arko inay muhiim tahay

7

Page 8: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

in qoysaska ogaadaan. Fariimahaan waxaa lagu soo diri doonaa Taleefanada gacanta, Email ama qaab cod ah ayaa taleefanka lagugu soo gaarsiin doonaa taleefanka aad dugsiga siisay in oo kaala soo xariiro. Fadlan la xariir dugsiga cunugaaga haddi aad rabtid inaa fariimahaani iska joojisid.

JOOJINTA DUGSIGA, BILAABIDA LA DAAHIYAY IYO HORE USII DEYNTA

Marar dhif ah, Rocketship waxay go'aansan kartaa inay wax ka bedalaan jadwalka caadiga ah ee maalinta dugsiga iyagoo dugsiga maalin xiraya, daahinaya wakhtiga bilowga maalin dugsiyeedka ama hore usii daynaya ardayda hal ama inka kabadan oo xaruun dugsi iyada oo ay sabab u tahay baraf, roob, cimilo xun, masiibooyin dabiici ah, ama xaalado kale oo degdeg ah. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka dhameystiran ee Siyaasada Xiritaanka Dugsiga Rocketship.

HAWLGALLADA IYO AMMNIGA GOOBTA DUGSIGA

HABRAACYADA IMAANSHAHA IYO DIRIDA [ARDAYDA]

Gaadiid Qaadista Dhamaan waalidiinta/masuuliyiinta ayaa ka mas'uul ah u helida gaadiidka keena iyo ka

qaada ilmahooda dugsiga. Intaa waxaa dheer, waalidiinta waa inay bixiyaan macluumaadka

xiriirka ee qof kasta oo awood loo siiyay inuu qaado ardayga. Waalidiinta/masuuliyiintu waa inay wargeliyaan xafiiska hore haddii ilmahoodu uu fasax u heysto inuu u lugeeyo guriga. Ardayda waxaa la siin doonaa doorashada ay ku heli karaan adeeg bas oo keena dugsiga una

qaada guriga. Fadlan la xiriir Maareeyaha Hawlgallada Shaqada haddii aad qabto wax su'aalo

ah oo ku saabsan gaadiid qaadista baska. Baratakoolkayaga baska ayaa hoos ku qoran. Keenida Ardayda waxa la keeni wakhtiga ay ugu horeyso 7:15AM. Haddii ilmahaaga la keeno wakhti danbe (after 7:45 AM) WAA inay marka hore tagaan xafiiska hore oo ay warqad ogolaansho ah ka qaataan Maareeyaha Xafiiska kahor inta aanay

tagin Daahfurka ama fasalka. Ardayda waxa diiwankayaga loogu qori doonaa mid habsan ah haddii uu isaga/iyadu imaado kadib 7:45 AM. Haddii ilmahaagu uu imaado 30 daqiiqo kadib bilowga dugsiga, ilmahaaga waxaa lagu

qorayaa mid soo daahay. Haddii ilmahaaga lagu qoray mid soo daahay, waxa laga yaabaa in laga qaado talaabooyinka anshaxa ee ardayda soo daahda. Wixii faahfaahin dheeraad ah fadlan ka eeg u Siyaasada Imaanshaha iyo Daahida [Dugsiga] ee dokumentigan. Qaadista

8

Page 9: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Haddii aad rabto inaad ilmaahaaga kahor 4:00 PM u qaado ballan ama sabab kasta oo kale, waxaad u baahan doontaa inaad iskuulka ogaysiiso 2 saac kahor inta aan iskuulka laga bixin. Haddii aad jeceshahay inaad ka bedesho ilmahaaga bas ka raacida gaadiidka, waa inaad ku wargelisaa xafiiska hore ama soo gudbinta isbeddelka PikMyKid App ilaa 2:00 pm maalmaha caadiga ah iyo 12:00 duhurnimo maalmaha ugu yar. Fadlan ogsoonow: Haddii ilmuhu ka baddalayo gaadhi raacida illaa baska, waxaa jira 24 saacadood oo soo noqod leh. Tani waxay siinaysaa shirkadda basaska fursad ay ku hubiso helitaanka ka hor inta ansaxin isbeddelka. Dhammaan isbeddelka lama bixin doono Kaarka Lugeeyaha/[gaadhi] Raacaha Bilowga sannad dugsiyeedka, waalidiinta/masuuliyiinta waxa la siiyaa a Kaarka Lugeeyaha/[gaadhi] Raacaha oo uu ku qoran yahay magaca, fasalka iyo qolka salka u ah ee

ardayga. Inta lagu guda jiro xilliga dirista, waalidka/masuulka (ama qofka kale ee loo idmay)

waa inay kaarkan tusaan shaqaalaha dugsiga si ay u qaadaan ilmaha. Haddii aad lumiso Kaarka Lugeeyaha/[gaadhi] Raacaha, shakhsiyaadka loo idmay waxa looga baahan doonaa inay kaar aqoonsi ah tusaan xafiiska aasaasiga ah si ay u helaan kaar qaadis oo kumeel gaar ah. Xusuusinada Waalidka/Masuulka ee Imaanshaha iyo Dirista

● Inay dhamaan wakhtiyada si xushmad iyo qadarin leh ula dhaqmaan dhamaan

qoysaska, ardayda iyo shaqaalaha kale ee Rocketship. Ha qaadin wax tallaabo oo khatar galin karta caafimaadka ama badbaadada qof kasta oo jooga goobta

dugsiga. Wixii dhaqan qas, ixtiraam daro iyo/ama aan badbaado lahayn ee dhaca inta lagu jiro imaanshaha iyo dirista waxay keeni kartaa in waalidka/masuulka uu waayo mudnaanta joogitaanka goobta dugsiga.

● Hala shirin macalimiinta ama hogaamiyayaasha dugsiga inta lagu jiro waqtiga imaanshaha iyo dirista, balse samayso ballan.

● Ha u ogolaan in ilmahaagu uu joogo dibada ama agagaarka goobta dugsiga. WAA INAAD soo gashaa goobta dugsigeena oo aad ilmahaaga ka saartaa goobta qaadista ee loo qoondeeyey.

● Marka laga reebo xaalado dhif ah oo gooni ah mooyee, xayawaanka looma ogola goobta dugsiga inta lagu jiro keenista iyo dirista. Haddii uu xayawaan kuugu jiro gaadhiga, waa inay marwalba ku jiraan gaadhiga dhamaan wakhtiyada inta aad joogto goobta dugsiga.

● Ardayda waa inay kaliya ka baxaan gaadhiga dhinaca rakaabka. ● Muuji kaarkaaga Lugeeyaha/[gaadhi] Raacaha marka aad qaadayso ilmahaaga. ● Fadlan xusuusnow inaad banaan ku filan u dhaxeysiiso gawaadhida si looga fogaado

isku dhac ● Fadlan HAKU hadlin ama wax haku qorin telefoonkaaga inta lagu jiro

waqtigan. Waxaan u baahanahay inaad awoodno inaan kaala xiriirno badbaadada carruurta.

Waalidiinta ku xadgudba sharciyada dugsiga ama khatar galiya caafimaadka ama badbaadada ardayda, shaqaalaha ama qoysaska kale ee Rocketship inta lagu guda jiro keenista ama qaadista waxay waayi karaan xuquuqdooda joogitaanka goobta dugsiga.

9

Page 10: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

GAADIID QAADISTA BASKA

Waa muhiim in dhamaan ardayda raacda basku ay aqbalaan iyo ay aqoonsadaan in adeegyada gaadiidka ay yihiin mudnaan taas oo kaliya sii socon doonta haddii habdhaqanka

ardayga ee baska dugsigu uu macquul iyo badbaado yahay. Mudnaantayada gaadiid qaadista ee koobaad waa in ardayda si badbaado leh loo keeno loogana qaado dugsiga si aan dib u

dhac lahayn. Ardayda Rocketship ee doorta inay baska dugsiga ku dhex sameeyaan dhaqano aan la aqbali karin waxay khatar aan la aqbali karin ku abuuraan naftooda iyo sidoo kale ta

ardayda kale, darawalka baska, dadweynaha wadada socda iyo dadka lugaynaya. Darawalka baska, isagoo la shaqeynaya macallimiinta Rocketship iyo Maareeyaha Hawlgallada Shaqada

ayaa ka mas'uul ah badbaadada iyo anshaxa ardayda baska raacda. Hogaamiyayaasha, macalimiinta iyo Maareeyaha Hawlgallada Shaqada ee dugsiga ayaa diyaar u noqon doona si ay darawalka baska uga caawiyaan ilaalinta anshaxa iyo kala horeynta wanaagsan wadooyinka baska iyaga oo isticmaalaya tallaabooyinka anshaxa ee ku haboon oo ay ka mid noqon karaan ganaaxida ama ka saarida joogtada ah ee mudnaanta baska. Rocketship waxay ka codsanaysaa dhamaan waalidiinta/masuuliyiinta in dib loo eego

baratakoolkan, kala hadlaan ilmahooda, waa inaad saxeexdaa cotractiga bas raacistat kahor inta aanay ka qeybqaadan gaadiid qaadista baska. Boosteejooyinka Baska/Baraha uu Basku Istaago Dhamaan waalidiinta waa inay joogaan boosteejada baska 10 daqiiqo ka hor waqtiga la

qorsheeyay ee subaxdii iyo galabtiiba (AM iyo PM). Qaadista subaxdii (AM) , ardayda waa inay ka baxsan yihiin gawaadhidooda oo ay taagan yihiin boosteejada baska marka uu basku

imaado. Taas macnaheedu waa in ardaydu ay diyaar u yihiin inay koraan baska marka

albaabka la furo (marka laga reebo marka uu roob weyni da’ayo). Waxa lagama maarmaan ah in ardayda u koraan basaska aan dib dhicin si ay u yimaadaan dugsiga si aan dib dhicin oo ay ugu ogolaato inay cunaan quraac. Boosteejooyinka Baska ee Bedalka Ah Darawalada basaska looma ogola inay ardayda dhigaan meel aan ahayn meeshii la qorsheeyay inay kaga dagaan baska. wadada loo sameeyay baska inuu maro Wadooyinka basaska si taxadar leh ayaa loo abuuray si loo kordhiyo [tirada]

raacitaanka. Iyada oo ku saleysan tan, ardayda kaliya waxa loo ogolyahay inay raacaan

wadada loo qoondeeyay. Ardayda looma ogola inay ka wareegaan bas oo ay u wareegaan mid kale sababo la xiriira jadwalka awgood. Dugsiyada uma ogolaan doonaan in arday uu

mar-mar ama si joogta ah bas kiisa ka duwan u raaco. Ardayda si ula kac ah isugu daya inay u raacaan si dhuumaalaysi u raacaan bas kale ayaa laga yaabaa inay waayaan mudnaanta raacitaanka baska. Dhamaan isbadalada lagu sameeyo wadooyinka waa in la sameeyaa iyadoo lasoo gudbinayo

foomka qoraalka ah ee "Bedalka Gaadiid Qaadista". Isbedel kasta oo wado lagu sameeyo

wuxuu qaadan doonaa 24 saacadood ka hor inta aan isbedalka la hirgelin. Dugsigu wuxuu u baahan doonaa waqti [ku filan] si uu u badelo qoondaynta kuraasta, liisaska baska ee darawalka iyo si uu isbedalka u wargeliyo xubnaha shaqaalaha. Nidaamka Baska ee Waalidka Ardayda

● Badbaadada arday kasta oo Rocketship dhigta ayaa ah himilada koobaad marka ay la

socdaan baska dugsiga. Iyadoo la raacayo [tan], Rocketship waxay waalidiinta/masuuliyiinta ardayda fasalada barbaarinta iyo 1aad uga baahantay inay

10

Page 11: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

qaataan foomka qaadista ee ay Rocketship bixisay ee maalin kasta galabtii la tusi doono darawalka si ay waalidiintu carruurtooda uga kaxeeyaan darawalka baska ama haddii aanuu waalidka/masuulku sidan kaarka ogolaanshaha waalidku wuxuu isticmaali karaa koodka afarta lambar ah (ee uu doortay waalidku). Rocketship ayaa darawaliinta basaska uga baahan inay hubiyaan in arday kasta uu kaxeeyay qofka weyn ee ku haboon. Tani waa arrin la xiriira badbaadada, wax ka reebis ahna lama sameyn doono.

● Waalidiintu/masuuliyiintu waa inay ixtiraamaan siyaasadayada iyagoo u

hogaansamaya Foomamkayaga Bas Qaadista ama siyaasada Pin. Waalidiinta aan ixtiraamin, kahor yimaada ama dhibaateeya darawalka baska sababtay doonto ha ahaatee waxay keeni karaan in ilmahoodu uu waayo mudnaanta baska.

o Haddii aad u baahan tahay Foomka Baska Qaadista oo kale fadlan la xiriir dugsiga.

o Dhamaan isbedalada gaadiid qaadista waa in loo gudbiyaa dugsiga iyadoo la

isticmaalayo "Foomka Bedalida Gaadiid Qaadista". Isbadel kasta oo lagu sameeyo wadada baska waxay qaadan doontaa 24 saac kahor intaanu isbedalku hirgelin.

o Haddii waalidka/masuulka uusan haysan summada saxda ah, ilmaha waxa lagu celin doonaa dugsiga.

● Haddii waalidka/masuulka aanuu galabtii joogin boosteejada baska, waxaan darawaliinta baska ku ammarnay inay la xiriiraan hagahooda oo ay u sheegaan magaca ilmaha iyo inay sii socdaan wadada. Hagahu wuxuu la xiriiri doonaa Isu-duwaha Basaska Dugsiga, kaas oo isku dayi doona inuu la xiriiro waalidka si uu ugu sheego sida uu u soo qaadi karo ilmahiisa (micnaha, kula kulan baska boosteejo kale ama kusoo noqo dugsiga kale).

● Waa muhiim in waalidiinta ay heystaan taleefan lambar oo sax ah si uu dugsiga waalidka ula xiriiri karo hab wakhtiga ku haboon.

● Haddii aadan joogin boosteejada baska ee ilmahaaga wakhtigii la qorsheeyay, waxa ay noqon doontaa masuuliyadaada inaad tagto boosteejada xigta ama boosteejada

baska ee ugu dambeysa si aad u gaadho baska. Waa muhiim in waalidiintu ay ogaadaan dhamaan wadada uu maro baska ilmahooda si ay u awoodaan inay si degdeg ah u tagaan boosteejada xigta ama ta ugu dambeysa ee wadada.

● Haddii aadan joogin mid kamid boosteejooyinka baska ee haray ee la qorsheeyay si aad u kaxeyso ilmahaaga adigoo isticmaalaya foomka qaadista ama koodkaada

afarta lambar ah, ardayga waxa lagu celin doonaa dugsiga: o Marka ugu horeysa ee ay tani dhacdo, Maareeyaha Hawlgallada

Shaqada ayaa ku siin doonaa digniin afka ah iyo xusuusinta xeerarka. o Marka labaad ee ay tani dhacdo, mudnaanta baska ilmaha ayaa lagala

noqon doonaa muddo hal maalin ah oo ka bilaabmaysa maalinta xigta. o Marka saddexaad ee ay tani dhacdo, mudnaanta baska ilmaha ayaa

lagala noqon doonaa muddo shan maalmood ah oo ka bilaabmaysa maalinta xigta.

o Marka afaraad ee ay tani dhacdo, ilmaha wuxuu waayi doonaa gebi ahaanba xuquuqdiisa baska inta ka harsan sannad dugsiyeedka.

11

Page 12: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

● Ardayda Rocketship ee fasalada 2aad, 3aad iyo 4aad ee baska la raaca walaalahooda ka yar waxa awood loo siiyay inay walaaladooda ka yaryar baska ka kaxeeyaan galabtii, haddii ay ku qoran yihiin liiska darawalka baska.

● Tan macnaheedu waxa weeyi maalin kasta ee kaliya ma ahan bilowga sannad

dugsiyeedka. Tani waa arrin la xiriira badbaadada wax ka reebis ahna lama sameyn doono.

● Si loogu daro liiska, waalidku waa inuu saxiixaa foomka ka dhaafitaanka ka lugeeyaha baska ee arday kasta oo u lugeynaya guriga (fadlan dhamaan walaalaha ku dar ka dhaafitaankaas).

Xeerarka Baska ee Ardayga ● Ku fadhi kursiga laguu qoondeeyay ● Isticmaal luqad wanaagsan ● Raac tilmaamaha marka ugu horeysay ee lagu siiyo ● Gacmaha, lugaha, iyo alaabtaada ku eekaysii naftaada mar walba ● U muuji xushmad ardayda, darawalka iyo baska mar walba Dadka waaweyn ee ardayda ka soo qaada Baska waxaa laga rabaa inay soo bandhigaan

lambarka PikMyKid ee dareewalka baska ama horjoogaha Baska Xeerarka Baska eeQoyska

● Haddii aad qaadaayso ardaygaaga, waa inaad heysata akaarka baska ama koodka 4-ta lambar ah ee loogu talogalay inaad u sheegto darawalka.

● Dhamaan waalidiinta waa inay joogaan boosteejada baska 10 daqiiqo ka hor waqtiga la qorsheeyay inuu basku istaago ee subaxdii iyo galabtiiba (AM iyo PM).

● Isticmaal luqad haboon oo noqo mid raaligeliya darawalka baska iyo rakaabka kale. Dambiyada baska Nooca 1 Nooca 2 Nooca3

Candhuufayn Aflagaado ama dhaqdhaqaaqyo jireed oo aan haboonayn

Dagaal

Qaylo xad-dhaaf ah Ku/ka tuurida shay kasta baska gudihiisa ama dibadiisa

Haysashada walax sharci darro ah ama hub.

Farakaciyaar Ka tagida kursiga/istaagida iyada oo aan wax ogolaansho ah laga heysan darawalka

Ka saarida daaqada qeyb kasta oo kamida jirka

Wax kasta oo si dhab ah khatar u geliya badbaadada ardayga, ardayda kale, darawalka baska, dadweynaha ama dadka lugaynaya.

Wax ku dhex cunista/ cabida/qashin ku tuurida baska

Jajabinta baska ama qalab kasta oo la xiriira baska

Ka gelida ama ka bixida albaabka xaaladaha degdega ah ee baska iyada oo aan la ogolaan

12

Page 13: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

(magdhabaa ayaa sidoo kale loo baahan doonaa).

Diidida inuu si sax ah qof ugu aqoonsado darawalka baska

Cagajuglaynta, hanjabaada ama dhibaateynta qof kasta oo baska saaran

Cawaaqibka Dambiyada Baska Dugsiga

Heerka dembiga

Dembiga 1aad Dembiga 2aad Dembiga 3aad Dembiga 4aad

Nooca 1 Digniin qoraal ah, milicsiga ardayga oo la saxiixay iyo raaligalinta ardayga

1-3 maalmood ganaaxa baska ah iyo shir waalidka lala yeesho ayaa loo baahan yahay

3-5 maalmood oo ganaaxa baska ah, iyo shir waalidka lala yeesho ayaa loo baahan yahay

Waayida mudnaanta baska inta ka hadhay sannad dugsiyeedka

Nooca 2 1-3 maalmood oo ganaax baska ah iyo shir waalidka lala yeesho ayaa loo baahan yahay

3-5 maalmood oo ganaax baska ah iyo shir waalidka lala yeesho ayaa loo baahan yahay

Waayida mudnaanta baska inta ka hadhay sannad dugsiyeedka

Nooca 3 Ilaa iyo oo ay kamid tahay waayida joogtada ah ee mudnaanta baska inta ka harsan sannad dugsiyeedka.

Marka [ardayga] lagu celiyo dugsiga

Digniin Qoraal ah

1 maalin oo ganaax baska ah

5 maalmood oo ganaax baska ah

Waayida mudnaanta baska inta ka hadhay sannad dugsiyeedka

Cawaaqibka Arrimaha [la xiriira] qofka weyn

Ilaa iyo oo ay kamid tahay waayida joogtada ah ee mudnaanta baska inta ka harsan sannad dugsiyeedka.

13

Page 14: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Ardayda jebisa xeerarka baska iyo baratakoolka Rocketship ayaa laga yaabaa inay sidoo kale la mariyo Siyaasadda Anshaxa Ardayga ee Rocketship.

SII DEYNTA ARDAYGA

Rocketship waxay sameyn doonaan dedaal kasta si loo xaqiijiyo in ardayda oo dhami ay guryahoodu u tagaan si badbaado leh marka ay maalin kasta ka tagaan dugsiga. Bilowga sanadka, waalidiinta/masuuliyiintu waa inay buuxiyaan Kaarka Lugeeyaha/[gaadhi] Raacaha ee ay soo bandhigi doonaan marka ay ilmahooda qaadayaan (kor lagu

sharaxay). Waalidiinta/masuuliyiintu waa inay sidoo kale buuxiyaan Kaarka Xidhiidhka Degdega ah oo ay ku jiraan magacyada shakhsiyaadka lala xiriiri doono haddii ay dhacdo xaalad degdeg ahi, haddii isku dayada lagula xiriirayo waalidka/masuulku ay guuldareystaan. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Sii Deynta Ardayga ee Rocketship.

QAADIS DAAHSAN

Himilada Rocketship waa inay ardayda u diraan si badbaado leh, fiican, oo xilkasnimo

leh. Waxaan fahamsanahay in xaaladaha degdega ah ee qoyska ee mararka qaar ay keeni karto in ilmaha xilli danbe dugsiga laga qaado, laakiin qoysaska si joogto ah ugu

guuldareysta inay ardayda u qaadaan si aan dib dhicin ayaa laga yaabaa in lagu sameeyo faragelin iyo ay [yeeshaan] cawaaqib. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Qaadista Daahsan ee Rocketship.

GELITAANKA GOOBTA DUGSIGA IYO MARTIDA

Halkan Rocketship, waxaan ku dadaalnaa inaan abuurno goobo dugsi oo soo dhaweeya qoysaska, mutadawiciinta iyo xubnaha bulshada iyadoo la sii wadayo sameynta jawi nabad

iyo xasilooni u leh ardayda iyo shaqaalaha. Dhamaan waqtiyada lagu jiro maalinta dugsiga, xafiiska hore ee dugsi kasta oo Rocketship ah ayay ka shaqeyn doonaan shaqaalaha

Rocketship. Dhamaan martidu waa inay si degdeg ah isaga diiwan geliyaan xafiiska hore marka ay yimaadana dhismaha dugsiga iyo waa inay iska diiwan geliyaan kahor inta aanay

bixin. Maamulaha ama qofka loo xilsaaray ayaa ogolaanshaha kala noqon kara shakhsi inuu joogo goobta dugsiga markasta oo ay jiraan sababo macquul ah kuwaas oo sheegaya in joogitaanka martida ee dugsigu ay faragelin karto ama ay faragelinayso si nabad leh u qabashada hawlaha dugsiga ama ay curyaamin karto ama ay curyaaminayso dugsiga, ardaydiisa, macalimiintiisa ama shaqaalahiisa kale. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Gelitaanka Dugsiga iyo Martida ee Rocketship.

LA SOCOSHADA ELEKTAROONIGA AH

La socoshada elektarooniga ah ayaa lagu isticmaali karaa goobaha dugsiyada Rocketship

haddii loo arko lagama maarmaan. Ku isticmaalka La socoshada elektarooniga dugsiyadayadu kaliya waa ujeedooyinka kaantaroolida tuuganimada, hubinta badbaadada ardayda iyo shaqaalaha Rocketship, iyo fudeydinta aqoonsashada shaqsiyaadka u dhaqma

14

Page 15: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

hab carqaladayn leh ama debmi sameeya. Rocketship waxay u hogaansami doontaa dhamaan sharciyada gobolka ee ku saabsan duubitaanka elektarooniga ah. Rocketship waxay codsanaysaa in wixii aan ahayn dhacdooyinka dugsiga ee loogu talogalay (sida ciyaaraha dugsiga, qalinjabinta iyo dhacdooyinka kale ee u furan bulshada Rocketship) ay waalidiinta iyo dadka kale ee jooga goobta dugsigu ka fogaadaan qaadida sawiro iyo ama duubista fiidiyowga/codka ardayda iyo shaqaalaha iyaga oo aan marka hore ogolaansho

qoraal ah ka helin waalidka ardayga. Haddii ay dhacdo in waalidka ama soo booqdaha goobta dugsigu uu qaado sawir arday, Rocketship waxay ka codsanaysaa inuu shakhsigu ka

fogaadu inuu sawirkaa soo dhigo akoontkiisa baraha bulshada. Sawirada noocan iyo duubista noocan oo kale ah waa kuwo carqalad ah waxaana aga yaabaa inay ku xadgudbeen sharciyada gobolka ee [waxyaabaha] gaarka ah.

HAYNTA [ILMAHAHA] EE QOYSKA

Rocketship waxay sameyn doontaa dedaal kasta si ay u hubiso u hoganaansanaanta [sharciga], ee dhinaca shaqaalaha dugsiga iyo sidoo kale waalidiinta/masuuliyiinta, ee leh

qabanqaabada haynta sharciga ah. Ammarada maxkamadda ee la cusboneysiiyay waa in

loogu keenaa Maareeyaha Xafiiska sida ugu dhakhsaha badan ee suurogalka ah. Dhamaan warqadaha loo keeno dugsiga waxay ahaan doonaan qarsoodi waxaana keliya heli doona

xubnaha shaqaalaha marka loo baahdo. Rocketship malaha xuquuqda ay ku xadidaan xuquuqda waalidka ardayga Rocketship iyada oo aan la helin ammar

Maxkamadeed. Haddii hal waalid aanuu rabin inuu waalidka/masuulka kale u oggolaado inuu ilmaha dugsiga laga saaro ama ilmaha dugsiga ku booqdo, Rocketship waa in loo keenaa ammarka Maxkamadeed ee yareynaya xuquuqda waalidka kale. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Haynta [ilmaha] ee Qoyska ee Rocketship.

ANSIXINTA MUTADAWACA

Maadaama ay Rocketship heegan u tahay xaqiijinta badbaadada dhamaan ardayda, waalidka, masuulka, ama xubinta qoyska ee doorta inuu ka mutadawaco gudaha ama dibada goobta dugsiga ee dhacdooyinka ay Rocketship maalgaliso waa inuu codsadaa inuu noqdo mutadawace oo uu maraa habraaca baaritaanka taariikhda ee loo baahan yahay in loo

sameeyo booskan mutadawacnimada. [Gobolka] Tennessee, dhamaan mutadawiciinta la filayo ee laga yaaboo inay dhexgalaan ardayda iyadoon la kormeerayn waa inay maraan habraaca baaritaanka taariikhda dembiga iyadoo la raacayo habraacyada ku xusan

siyaasadan. Tan waxaa ku jira shakhsiyaadka qorsheynaya inay si joogto ah uga mutadawacaan fasalada iyo shakhsiyaadka raba inay ilaaliyaan safarada waxbarashada. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Ansixinta Mutadawaca ee Rocketship.

SAFARADAWAXBARASHADA

Safarada waxbarashada waa dalxiisyada ka baxsan goobta dugsiga ee ay u nashqadeeyeen shaqaalaha Rocketship si ay u kaabaan manhajka iyo si ay ardayda u siiyaan kobcinta

waayo-aragnimada. Waxaan qiimaynaa fursadahan kobcinta iyo waxaanan ku dedaalnaa inaan xaqiijino in waayo-aragnimooyinkani ay yihiin kuwo ammaan ah, abaabulan iyo hufan,

15

Page 16: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

laga bilaabo bilowga ilaa dhamaadka. Marka loo baahdo, waalidiinta doonaya inay ilaaliyaan safarka waxbarashada waa inay u hogaansamaan dhamaan shuruudaha ansixinta mutadawaca iyo gaadiidka ee Rocketship. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Safarada Waxbarashada ee Rocketship

CUNTOOYINKA DUGSIGA

Foomamka Qadada Bilaashka ah iyo Ta Qiimaheeda Hoos Loo Dhigay Dhamaan qoysaska waa inay buuxiyaan oo ay soo gudbiyaan foomka cadaynta dakhliga inta

lagu guda jiro [wakhtiga] jihaynta. Maadaama uu dugsiga ka qaybqaato Barnaamijka Qadada ee Caalamiga ah, dhammaan carruurta waxa loo ogolaan doonaa inay u qadeeyaan si lacag la'aan ah. Quraac Dugsigayagu wuxuu ka qeybqaataa quraacda caalamiga ah, taasoo la micno ah in arday kasta

oo jooga dugsigu uu heli doono cunto. Daraasado ayaa muujiyey in ardaydu cuna quraacdu ay tamar badan leeyihiin, si wanaagsan dugsiga ku sameeyaan iyo ay caafimaad badan wax u

cunaan dhamaan maalintii. Ardayda loogama baahna (qasab maaha) inay cunaan quraacda uu dugsigu bixiyo. Fadlan eeg lifaaqa si aad u heshid nuqulka siyaasada cuntada oo dhameystiran. Haddi aad qabtid suaalo ama walaac ku saabsan qarashka quraacda dugsiga ee cunugaaga, fadlan la xariir maamulaha howlaha gacansiga ee dugsiga. Xasaasiyadaha Cuntada Haddii uu ilmahaagu qabo xasaasiyad cunto ama cuntada laga xadido,

waalidiinta/masuuliyiintu waa inay shaqaalaha dugsiga la socodsiiyaan. Xaaladaha qaarkood, waxaa laga yaabaa inay suurtogal tahay in la tixgeliyo baahiyaha cunto ee ilmaha ee dalbashada qadada Rocketship, laakiin qoraalka dhakhtarka ayaa loo baahan

doonaa. Waalidiinta/masuuliyiintu waa inay la shaqeeyaan Maareeyaha Hawlgallada Shaqada si ay u sameeyaan qabanqaabin. Cuntada Laga Keeno Guriga Rocketship waxay la shaqeysaa iibiyaha cuntada ee maxaliga ah si ay ardaydeena Rocketship

maalin kasta u siiyaan qado caafimaad leh . Ardayda waxa loo ogol yahay inay cuntada u gaar ah oo qado ama nususaace ah guriga kasoo qataan, laakiin cuntooyinka nafaqadoodu hooseyso lagama ogola goobta dugsiga. hadii ardaygu wadan cunto isku dheeli tiran ,waxa lasiin doona cuntada dugsiga oo loo raacin doona tii uu guriga kala yimid. Cuntooyinka aan LA OGOLEYN (ee laga yaabo in lala wareego):

● Jibis (haddii ay la socdaan qado buuxda mooyee, micnaha., ay la socdaan saanwiij, miro, khudaar, iwm)

● Buskud ● Xanjo ● Nacnac ● Cuntada Degdega ah ● Soodhe

16

Page 17: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Cuntooyinka lagu dhiirigelinayo:

● Salladh ● Kaarootka Caleenta Seleri ● Tufaax la jarjaray iyo subagga looska ● Miraha iyo khudaarta Darayga ah ● Miro dhan ● Baakadaha cuntooyinka fudud oo caafimaad leh

HOGAAMIYAHA DUGSIGA : LAGU DARO SHARCIYADA ISKUULKA AMA XEERARKA CUNTADA GURIGA LAGA KEENO SANAD GUURADA AMA XAFLADAHA KALEBA WAA INAY NOQDAAN CUNTO CAAFIMAAD LEH KALIYA)waxa ansixiyay maamulka iskuulka.

TACLIINTA

MANHAJKA

Ardayda waxa loosoo bandhigi doonaa manhaj si fiican loo diyaariyay oo ay ku jiraan akhriska, qoraalka, horumarinta luqada Ingiriisida, xisaabta, sayniska iyo tiknoolajiyada iyo

cilmiga bulshada. Ardaydu waxay sidoo kale qaadan doonaan Waxbarashada Jirdhiska iyo koorsooyinka kobcinta sida farshaxanka, muusikada, tiyaatarka ama beer falida. Manhajka Rocketship ayaa raaca dhamaan heerarka hawlqabadka gobolka looga baahan yahay ee ay tahay in ardaydu ay yaqanaan iyo ay awoodaan inay sameeyaan heer kasta oo

fasal. Tan waxa ka mid Heerarka Manhajka Midaysan ee Gobolka ee Ingiriisida/Sancada Luqada, Horumarka Luqada Ingiriisida, iyo Xisaabta. Macalimiintu waxay isticmaali doonaan qiimeyn joogta ah si loo cabiro sida wanaagsan ee ay

ardayda u horumarayaan xagga aqoonta. Rocketship waxay sannad walba fasalada lagu dabaqi karo ka qaadaan tijaabooyinka uu gobolka uga baahan yahay. Waxaan aqoonta ku saabsan xirfadaha ardayga u isticmaalnaa si aan u qaabeyno waxbarashada guud ee fasalka, shaqada kooxaha yaryar, iyo barid kooxaha yar. Annagoo Isticmaalayna xogta shakhsiga ah ee ardayga, waxbarashada ayaa lala beegsan karaa si si fiican wax looga qabto baahiyaha shaqsiga ah ee ardayga. Macalimiintu waxay ardayda iyo waalidiinta si joogto ah u siin doonaan warcelin ku saabsan

hawlqabadka ardayga. Macalimiintu waxay inta badan guriga u soo diraan shaqada si waalidiinta/masuuliyiinta u saxiixaan, iyo macalimiinta ayaa la xiriiri doona waalidiinta/masuuliyiinta haddii ay arkaan hoos u dhac weyn oo hawlqabadka waxbarashada ama xirfad gaar ah oo u baahan tababar dheeraad ah oo lagu sameeyo dugsiga iyo

guriga. Waalidiinta/masuuliyiintu waxa kale oo ay si joogto ah u heli doonaan warbixinada

horumarka iyo kaararka warbixinta. Waa in aad si xor ah ula soo xiriirtaa mid ka mid ah macalimiinta ilmahaaga haddii aad rabto inaad kala hadasho wax ku saabsan horumarka ilmahaaga.

SHAQADA GURIGA

Waalidiinta iyo ardayda waa in ay fishaan shaqo guri fiidka maalin kasta oo todobaadka kamida (kuma jiraan maalmaha dhamaadka todobaadku). ardayga aan H/w dhamaystirin waxa uu dhamayn doona waqtiga ciyaarta, amaba waxa loo sheegi doona in lagu reebo

17

Page 18: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

iskuulka waqtiga la baxayo (Effort academy). waalidiintu waa inay saxeeexaan habeen kasta H/w . akhrinta 20 daqiiqo habeen kasta waa wax laga filaayo ardayga.

REEBIDA IYO DALACSIINTA [ARDAY]

Qaabka waxbarida ee Rocketship ayaa waxa loo agaasimay si qorshaha waxbarashada ee arday kasta uu u noqdo mid u gaar ah si loo tixgeliyo kala duwanaanta shaqsiga ah iyo si loo

dalacsiiyo tacliinta iyo koritaanka bulshada. Marka ardayga laga diiwaangeliyo

Rocketship, dugsiyada caadiyan ma sameyn doonaan go'aano si ay ugu ogolaadaan arday

cusub oo Rocketship dhigtaa inuu ku reebanaado ama is-dalacsiiyo fasal. Dugsiyada waxaa laga filayaa inay dhamaan ardayda qoraan heerka fasalka ee xiga kadibna ay ardayda si

ujeedo leh ugu qiimeeyaan hadba sida loogu baahdo. Intaas waxaa dheer, [Rocketship] waxay aaminsan tahay in reebida kaliya la isticmaali karo xaalado dhif iyo gaar ah, marka qoyska ardayga hore loo ogeysiiyay ee ay si buuxda u taageersan yihiin go'aanka ku reebida [fasalka]. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasadda Reebida iyo Dalacsiinta [Arday] ee Rocketship.

HAWLAHA HELIDA ILMAHA

Waxaan naga go'an aaminsanaanta in dhamaan ardaydu ay baran karaan iyo in la siiyo fursad loo siman yahay si ay u noqdaan xubno ka qeybqaata jawiga tacliimeed iyo bulshada. Rocketship Education waxay ardayda naafada ah siisa waxbarasho dadweyne, lacag la'aan ah oo haboon sida ay dhigayaan waajibaadka gobolka iyo federaalku. Si uu ugu qalmo adeegyada waxbarashada khaaska ah, ilmahu waa inuu yahay da'da dugsiga, u baahan yahay waxbarid gaar loo nashqadeeyay, oo uu buuxiya shuruudaha xaq u yeelashada ee mid ama inka badan ah naafooyinka hore loogu xusay Xeerka Horumarinta Waxbarshada Shaqsiyaadka Naafada ah. Rocketship waxay leeyihiin nidaamka hore u jira oo dugsiga ka caawiyo go'aaminta haddii uu ardaygu naafo yahay. Kuwaas waxaa ka mid foomka gaarka ah ee "Hel Ilmaha" kaas oo ay buuxiyaan waalidiintu kadib marka ay [ilmahaooda] ka diiwaangeliyaan dugsi Rockethip ah. Tani waxa sidoo kale ka mid ah Kooxda Barashada Ardayga (SST), ama u gudbinta hore, oo ah nidaam ay kooxaha dugsigu ku falanqeeyaan xogta si ay u aqoonsadaan ardayda tacliin ahaan ama bulsho ahaan halgamaya waxaanay sameeyaan faragelin si ay u taageeraan ardayga. Rocketship waxay leeyihiin faragelino dheeraad ah oo ku saleysan cadaymo oo la siiyo ardayda u baahan; kuwaas waxa kamid ah waxbarashada kala duwan ee fasalka faragelinada dheeraadka ah ee laabka waxbarashada iyo fasalka labadaba. Kooxaha Dugsiga ayaa la socda horumarka ilmo kasta adeegyada faragelinta si ay u awoodaan inay u aqoonsadaan arday kasta oo aanay waxba u tarin faragelintu. Ardayda in ku filan aanay wax u tarin faragelinta u gudbinta hore ayaa loo gudbiyaa heer taageero oo xoogan, taas oo ay ka mid noqon karaan qiimeyn rasmi ah oo lagu ogaado haddii ardaygu uu u qalmo inuu helo adeegyada waxbarashada khaaska ah isagoo ah ilmo naafo ah.

18

Page 19: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

DHAQANADA LA FILAYO IYO ANSHAXA

XEERARKA DHAQANKA EE ARDAYGA ROCKETSHIP

Badbaadada iyo anshaxa ardayga ayaa saldhig u ah waxka barashada Rocketship. Rocketship waxay dhamaan ardayda ka filaysaa inay u dhaqmaan hab kobcisa jawi badbaado iyo soo dhaweyn u leh ardayda kale, shaqaalaha Rocketship iyo xubnaha bulshada. Xeerarka Dhaqanka ee Rocketship waxa ka mid ah waxyaabahan soo socda ee laga filayo ardayda Rocketship ee aan laga gorgortami doonin: ● In la fuliyo Balanka la isla dhigtay ee hormuudnimada Rocketship ● In la raaco Qiyamka wanaagan ee Rocketship: sida Ixtiraamka, Mas'uuliyadda, ku Hal

adaygga, Damqashada, mahadcelin.] ● In la dhaqan galiyo waxyaabaha ay Rocketship aaminsanyiin: Anigu waxaan ahay Arday Rocketship ah markaan guriga, dugsiga, iyo bulshada joogo Waxaan ixtiraamaa naftayda, deriskayga, iyo deegaankayga Waxaan qaadaa mas'uuliyada waxbarashadayda iyo falalkayga Waxaan leeyahay u damqasho, [waxaanan] taageeraa dadka kale ee baahan Waxaan muujiyaa hindise aan ku xaliyo dhibaatooyinka aan arko Waanan u adkaystaa gaadhida heerka sare. Si wadajir ah, waxaanu u wada nahay Ardayda Rocketship.

ANSHAXA ARDAYGA

Rocketship waxay kor uqaadaa dabeecada wanaagsan ee dugsiga dhexdiiisa waxaanay ujeedadoodu tahay abuurida jawi waxbarasho oo joogto ah, la saadaalin karo, wanaagsan oo badbaado leh. Waxaan si cad u qeexaynaa dhaqanka la filayo iyo cawaaqibka, waxaan abuurnaa nidaamyada aqoonsashada iyo xoojinta dhaqanka wanaagsan, waxaanan ardaydayada siino waxbarashada bulshada iyo shucuurta. Ardayda waxa laga qaadi doonaa tallaabo anshaxa ah haddii ay ku lug yeeshaan dhaqan la mamnuucay inta ay joogaan hantida[dhismaha] dugsiga, marka ay ka qeybgalayaan hawl uu dugsigu maalgaliyay ama marka gaadiidka ay la socdaan ee ay tagayaan ama ka imanayaan goobta dugsiga Rocketship. Waxa kale oo laga yaabaa in ardayda laga qaado tallaabo anshaxa ah dhaqanada ka baxsan goobta dugsiga haddii ay carqalad weyn ku abuurto jawiga dugsiga ama ama ay farageliso kartida ay ardayga kale kaga qaybqaataan barnaamijka dugsiga. Fasalada Rocketship waxay isticmaalaan nidaamyo maareyn oo kala duwan si ay wax uga qabtaan arrimaha habdhaqanka. Kuwaas waxa ka mid noqon kara nidaamyada shaxda kaararka midabada-ku-suntan iyo cawaaqib kale oo heerar leh. Haddii ardayga aanay waxba u tarin taageerooyinka dhaqanka wanaagsan ama nidaamyada maareynta fasalku, Rocketship waxay qaadi kartaa tallaabo anshax ah oo badel ah oo dugsiga dhexdiisa ah. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Anshaxa

Ardayga ee Rocketship.

GANAAXIDA AMA ERYIDA/CEYRINTA

19

Page 20: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Waxaan aaminsanahay in ardaydayada sida ugu fiican loogu adeego marka ay joogaan dugsiga maalin walba. Si kastaba ha ahaatee, waxaan aqoonsannahay in xaalado ay dhici karaan marka arday uu sameeyo dembi dhaqan oo aad u daran taas oo dhalin karta in ardayga la ganaaxo ama la eryo. Ardayga waxaa laga yaabaa in anshax la mariyo, la ganaaxo ama la eryo iyadoo ay sabab u tahay dhaqan xumo mamnuuc ah haddii falka uu la xiriiro hawl dugsiga ama imaanshaha dugsiga ah oo ka dhacaysa dugsiga Rocketship ama dugsiga kale oo kasta ama dhacdo uu dugsiga maalgaliyay wakhtigay doonto ha ahaatee. Fadlan eeg Lifaaqo si aad u hesho Siyaasada Ganaaxida iyo Eryida ee Rocketship.

SIYAASADA CAGAJUGLEYNTA,TAKOORIDA, DHIBAATEYNTA IYO CABSI GELINTA

Cagajugleyntu waxay saameyn xun ku leedahay bulshanimada, jirka, nafta iyo saameynta tacliimeed ee gardaroolayaasha, dhibanayaasha iyo daawadaayasha. Ku cagajugleynta Rocketship gudaheeda ayaa si adag loo mamnuucay oo aan loo dulqaadan doonin. "cagajugleynta" waxa ka mid ah takoorka; dhibaateynta, cabsi gelinta iyo cagajugleynta ku salaysan naafanimada, jinsiga, aqoonsiga jinsiga, muujinta jinsiga (lab/dhedig), asalka qaranka jinsiyada (madow/cadaan iwm), ama qoomiyadda, diinta, ama sifooyinka la ogyahay. Intaa waxaa dheer, Rocketship mamnuucayaa ka aargoosiga dadka soo sheega dhacdooyinka cagajugleynta. Rocketship waxay baaritaan ku sameyn doontaa dhacdo kasta oo cagajugleyn oo lasoo sheegay. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Ka Hortaga Cagajugleynta ee Rocketship.

ANSHAXA LABISKA EE ARDAYGA

Labiska ardayga waxay ka caawiyaan yareynta carqalada maalin dugsiyeedka, horumarinta ixtiraamka uu naftiisa iyo dadka kale u hayo ardaygu iyo si loo kobciyo niyada dugsiga/bulshada. Dhamaan ardayda waxaa laga filayaa inay maalin walba dugsiga usoo xirtaan labiska Rocketship. Labiska Rocketship wuxuu ka kooban yahay surwaal kaaki ah (surwaal, surwaal gaaban, direys, toob ama haaf gaaban) iyoshaati purble ah kaliya. Ardayda aan si joogta ah dugsiga ugu iman labiska waxay waayi karaan mudnaano. Intaa waxaa dheer, Rocketship waxay la xiriiri kartaa waalidka/masuulka ardayga si ay ugala hadlaan xadgudubka xeerka labiska. dhammaan ardayga dirayska waxayka gadaanayaan dukaanka onlineka ah ee www.rocketshipunited.essentialfan.com ardaygu waxa uu dooran karaa inay ka hoos gashadaan shaatiga funaanad gacma dheera ah laakin waa inay noqoto madaw ama cadaan, ama purble kaliya. ardayga waxa kale oo uu dooran karaa inay ka hoos gashadaan surwaal goonada ama toobka hase ahaate waa inay noqdaan midabka purble ka , caddaan ,ama madaw kaliya.

20

Page 21: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Ardayga looma ogola inay soo xirtaan bulukaati ama dahab ama walxo ku abuuraya mashquul ilmaha wax baranaya, waxa kale oo ilmaha laga rabaa inay sudhaan jaakada ama koodhka ee aan ahayn midabka purble ka meelaha loogu talo galay in la sudho. kabaha Rocketship waxay ardayga laga rabaa inay soo xirtaan kabaha midabka madaw, cadaan, ama bunni kaliya. lama ogola kaba taayirro leh ama laydh bixinaya.

ALAABTA ARDAYGA

Ardayda looma ogola inay waxyaabahan keenaan dugsiga:

● Xanjo ● Jibista, nacnaca ama cuntada kale ee nafaqadu ku yar tahay

● Soodhe ● Koofiyadaha

● Telefoonka gacanta ● Walax kasta oo sharci darro ah

● Hubka iyo hub carruurtu ay ku ciyaarto ● Alaabta lagu ciyaaro ama caruusadaha

● Gaymta gacanta ama wax kasta oo kale oo elektaroonig ah oo lagu ciyaaro

● Qalabka elektarooniga ah ee shakhsiga ah (micnaha., iPad, iPod, mp3 player)

●Kabriidka ama wax kasta oo kale oo olola

ISTICMAALIDA TALEEFANKA

Ardaydu inta lagu jiro dugsiga ma isticmaali karaan taleefanka gacanta ama qalabka kale ee elektarooniga ah ee shakhsiga ah. Ardayda ma isticmaali karaan taleefan kasta oo uu dugsigu leeyay iyaga oo aan fasax ka helin macalin. Ardayda kaliya waxa loo ogolaan doonaa inay isticmaalaan taleefanka dugsiga haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah ama si ay waalidka/masuulka u wargeliyaan baahi khaas ah. macalinka waa inuu lambarka u garaacaa ardayga. Ardayda isticmaala taleefanka iyaga oo aan fasax ka helin macalin waxa la marin doonaa habraacyada anshaxa.

CAAFIMAADKA IYO BADBAADADA

DAAWO SIINTA

Rocketship waxa ka go’an inay taageerto caafimaadka ardayda iyo inay haqab tirto baahiyaha ardayda xaalado caafimaad leh, iyadoo raacaysa sharciyada iyo xeerarka gobolka. Kahor inta aan daawo lagu keydin ama lagu siin Rocketship dhexdeeda, waalidka/masuulka ardaygu waa inuu buuxiyaa oo uu soo gudbiyaa foomka ogolaanshaha daawo siinta. Waalidiintu/masuuliyiintu waa inay la xiriiraan Maareeyaha Xafiiska si ay u helaan

21

Page 22: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

nuqul kamid ah foomkan. Daawo kasta oo lagu kaydin doono Rocketship waa in ay ku jirtaa baakada asliga ah ee soo saaraha oo si haboon loo calaamadiyay. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Daawo Siinta ee Rocketship.

TALLAALADA

Si loo xaqiijiyo jawi waxbarasho oo badbaado leh oo loogu talogalay dhamaan ardayda, Rocketship waxay raacdaa heerarka caafimaadka ee uu hore u sameeyay Gobolka Tennessee. Ardaydu dugsiga ma iman doonaan ilaa iyo inta la helayo dhamaan diiwaanada loo baahan yahay. Xaalada tallaalka ee dhammaan ardayda ayaa dib loo eegi doonaa xilliyada qaar. Ardayda aan la kulmin tilmaamaha Tennessee ayaa laga saari karaa dugsiga ilaa inta shuruudaha la buuxinayo. Ardayda qaaday cudur faafa ee aan laga tallaalin ayaa laga saari karaa dugsiga si ikhtiyaar u ah dugsiga. Waaxda Caafimaadka ee Tennessee ayaa u baahan in dhamaan ardayda is-qoraya fasalada barbaarinta iyo ardayda cusub ee is-qoraya heerarka fasalada ee Tennessee ee aan ahayn fasalada barbaarintu, ay helaan tallaaladan soo socda:

● Diptheria-Tetanus-Pertussis (Gawracatada) ● Poliomyeliti (Dabaysha): qaadashada u dambeysay waa in la qaatay dhalashadii 4aad

ama intii ka danbeysay ayaa loo baahanyay ● Hepatitis B (Cagaarshawga B) (HBV) ● Hepatitis A (Cagaarshawga A): wadar laba qaadasho ah, oo ugu yaraan loo

dhaxeysiiyay lix bilood ● Measles (Jadeecada), Mumps (Qaamo), Rubella (Jadeecada Rubeela) (Laba qaadasho

oo mid kasta ah, sida caadiga ah loo wada qaato sida MMR) ● Varicella (Feyruska Busbuska) (laba qaadasho, ama taariikh cudurka ah)

Sida waafaqsan sharciga Tennessee, ardayga Rocketship ayaa laga dhaafi karaa shuruuda shahaadada tallaalka ee Tennessee haddii:

● Dhakhtar loo idmay uu sheego in tallaalada qaar si caafimaad ahaan ah looga dhaafay sababtoo ah khatarta laga qabo inay waxyeelo soo gaarto. Tallaalada kale weli waa loo baahan yahay. Sababta caafimaad ee ka dhaafida looma baahna in la bixiyo.

● Waalidka/masuulka ardayga uu keeno bayaan saxiixan oo lagu adkeeyey ciqaabta been abuurka kaas oo sheegaya in tallaalka uu khilaafayo caqiidada diinta ama dhaqanka qoyska.

IMTIXAANADA IYO BAARITAANADA CAAFIMAAD

Sida waafaqsan xeerarka Tennessee, ardayda fasalada K, 2 iyo 4 waxaa looga baahan yahay inay maraan baaritaanadan soo socda ee dugsiga ugu yaraan hal mar inta lagu jiro sannad dugsiyeedka:

● Arraga ● Maqalka ● Dhiig karka ● Tusmada Cufka Jirka

Waalidiinta/masuuliyiinta aan doonayn in carruurtooda laga baaro wixii walaacyo caafimaad ah waxay xaq u leeyihiin inay diidaan baarista. Dhamaan diiwaanada caafimaadka ee

22

Page 23: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

ardaygu waxay noqon doonaan kuwo qarsoodi ah iyada oo la raacayo sharciyada federaalka iyo gobolka ee diiwaanka ardayga.

INJIRTA MADAXA

Haddii ardayga looga shakiyo inuu qabo injirta madaxa (micnaha., cuncun joogto ah ama dareen jidhidhico oo timaha ah), kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga ama shaqaalaha dugsiga ee tababaran ayaa baari kara timaha ardayga looga shakisan yahay injirta ama qandhicilka (ukunta injirta). Xaaladaha qaarkood, qofka shaqaalaha ah ayaa sidoo kale baari kara xubnaha kale ee qoyska ardayga. Haddii ardayga madaxiisa laga helo injir nool, ardayga waa in si dhakhso ah guriga loogu diraa iyadoo waalidka loo dirayo macluumaad la xiriirka sida loo daweeyo iyo tallaabooyinka kaantaroolida. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho

nuqulka Siyaasada Injirta Madaxa ee Rocketship.

KAARARKA XIRIIRKA EE XAALADAHA DEGDEGA AH

Inta lagu jiro xaggaaga, waalidka/masuuliyiinta ayaa buuxiya oo soo gudbiya Kaarka Xiriirka/Ogolaanshaha Qaadista. Kaarka waxaa lagu keydiyaa feylka dugsiga ee Xafiiska Hore. Kaarkani waxa ku qoran magacyada iyo lambarada taleefanada ee shakhsiyaadka lala xiriiri karo haddii ilmo uu leeyahay xaalad degdeg ah ee waalidka/masuulka ilmaha aan la xiriiri karin.

QORSHAYAASHA BADBAADADA

Badbaadadu waa mudnaanta koowaad. Si loo hubiyo in shaqaalahayaga iyo ardaydayadu ay u ogaadaan waxa la sameynayo haddii ay dhacdo xaalad degdeg ahi, waxaan raacnaa jadwal adag oo tababarka shaqaalaha ah, kulamada kooxda badbaadada, dhex lugeynta goobta dugsiga iyo tababarada badbaadada. Dugsi kastaa wuxuu ku qalabeysan yahay Qorshaha Badbaadada iyo Caafimaadka oo faahfaahsan kaas ay ku jiraan qorshayaasha jawaab celintayada degdega ah, oo ay kamid yihiin qorshayaasha dhulgariirka, dabka, cimilada xun, iyo [xaaladaha] alaababada la xiro. Goobaha Daad-gureynta Aasaasiga ah iyo Labaad Dugsigayagu wuxuu leeyahay laba goobood oo daadgureyn. Goobtayada daad-gureynta ee aasaasiga ahi [gudubka wadada loo yaqaan Gibson parkinka xigta]. Waxaan u isticmaali doonaa goobta daad-gureynta marka ay ammaan tahay in lagu nagaado goobta dugsiga. Goobtayada labaad ee daad-gureyntu waxa ay ku taalaa [banaanka xiga bangiga regions ka] (hoos ka eeg khariidada). Haddii ay musiibo ka dhacdo goobta dugsiga ama goobta dugsigu aanay ammaan ahayn sababo jira awgood, waxaan u daad-gureyn doonaa goobtan. Inta lagu guda jiro diris degdeg ah, waxa laga yaabaa in aan waalidiinta ka codsano inay nagula kulmaan goobta daad-gureynta ee labaad. Fadlan baro goobtan si aad u ogaato meesha aad tagi doonto haddii ay dhacdo diris degdeg ahi. goobta koowaad

23

Page 24: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

24

Page 25: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

goobta labaad

Xaaladaha Degdega ah Si aan goobtayada dugsiga uga dhigno mid ammaan ah inta lagu jiro xaalad degdeg ah, waxaan u baahan nahay qoysaska si ay u fahmaan waxyaabahan soo socda:

● Haddii ay dhacdo xaalad degdeg ahi, waxaan qoysaska macluumaadka kula wadaagi doonaa nidaamkayaga wicitaanka otomaatika ah. Fadlan hubi in macluumaadkaaga xiriirka ee ku jira nidaamkayagu uu sax yahay.

● Haddii ay jirto dhacdo ka dhacday meel u dhow dhismaha dugsigayaga, fadlan guriga joog oo tilmaan ka sug madaxda dugsiga. Waxaan u baahan nahay in dadweynahu in aanay usoo dhawaan [dugsiga] inta aan goobta dugsiga ka dhigayno ammaan iyo aan tirinayno dhamaan ardayda. Marka ay ammaan tahay inaad timaado dugsiga waan kulasoo xiriiri doonaa.

● Kadib marka ay dhacdo xaalad degdeg ahi, waxaa laga yaabaa inaan u baahano inaan bedalno habka aanu ardayda u dirno. Waxa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad keento kaar aqoonsi oo sawir leh oo ay dheertahay kaarka Lugeeyaha/[gaadhi]

25

Page 26: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Raacaha ee ilmahaaga. Fadlan hogaanka dugsiga ka sug tilmaamaha kahor intaanad iman goobta dugsiga.

● Haddii goobta dugsigu aanay ammaan ahayn, waxaa laga yaabaa inaan ardayda ka dirno goobahayaga daad-gureynta ee labaad (ka baxsan goobta dugsiga). Waa muhiim inaad ogaatid meesha goobta daad-gureynta ee labaad ay ku taalo (fiiri kor).

HUBKA IYO HUBKA QARXA

Rocketship Education waxay goobta dugsiga, basaska, hawlaha ka baxsan goobta dugsiga ee dugsiga la xiriira ama uu dugsigu maalgaliyay ka mamnuucday hubka, hubka iska yeelyeelka ah ama walxaha khatarta ah noocay doonaan ha ahaadaane.

DAROOGADA, KHAMRIGA IYO TUBAAKADA

Rocketship Education waxa ka go’an inay goobaha dugsiga ka ilaaliyaan khamriga, tubaakada, iyo daroogooyinka sharci darrada ah. Ha ku cabin [tubaako] goobta dugsiga hana keenin dugsigayaga nooc kasta oo khamri ama walxaha sharci darrada ah. Haddii ardayga lagu helo isagoo haysta daroogo, khamri ama tubaako, isaga/iyada waxa lagu sameyn doonaa anshax marin iyo ganaax ama eryid sida ay dhigayso siyaasada anshaxa ee Rocketship.

BADBAADADA INTERNETKA

Rocketship waxay isticmaashaa tiknoolajiyad waxbarasho oo sare si ay u taageerto barashada shakhsiga ah ee dhamaan ardayda. Rocketship waxay raacdaa shuruudaha iyo xeerarka federaalka ee hore loogu dhigay Ka Dhowritaanka Internetka ee Carruurta (CIPA). Nidaamka Internetka ee Rocketship wuxuu ku kooban yahay ujeedooyinka waxbarasho. Hawlaha la aqbali karo waxaa kamid ah hawlaha fasalka iyo cilmi baarista tayada sare. Kombiyuutarada Rocketship maaha kuwo loogu talogalay in loo isticmaalo ujeedooyin madadaalada haddii uu si gaar ah u ogolaado xubin shaqaale kamid ah mooyee taas oo waafaqsan xeerkan. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqul Siyaasada Badbaadada Internetka ee Rocketship.

KU XADGUDUBKA IYO DAYACIDA CARUURTA

Dhamaan shaqaalaha dugsiga waxa loo xilsaaray inay soo sheegaan xadgudubka iyo/ama dayacaada la tuhmo. Soo waramayaasha la xilsaaray waxa laga rabaa inay si dhakhso ah usoo sheegaan si xun ula dhaqmida ilmo marka ay heystaan sabab macquul ah oo ay ku rumaysan yihiin in ilmaha 17ka sanno jirka ah ama ka yar ee ay u yaqaanaan si xirfadnimo ama shakhsi ah la waxyeeleeyay ama uu halis ugu jiro in loo waxyeeleeyo si - jir ahaaneed, galmo ahaaneed ama dayacaad - iyo in daryeelaha uu sameeyay waxyeelada ama uu qaadi lahaa tallaabooyinka looga hortago in ilmaha la waxyeeleeyo. Qof kasta oo jooga goobta shaqada xitaa kormeeraha ha ahaadee, looma ogola inuu cabudhiyo, bedalo ama tafatiro warbixin xadgudub ah. Soo waramaha la xilsaaray ee ku guuldareysta inuu soo sheego dhacdooyinka la tuhunsan yahay ee ku xadgudubka ama dayacida ilmaha waxay mari doonaan ciqaab sida waafaqsan sharciga Tennessee.

26

Page 27: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

KA QEYBGALKA WAALIDKA

BALANQAADKA ROCKETSHIP

Balanqaadka Rocketship - Halkan Rocketship, waxaan si buuxda qoysaska iyo ardayda ugu balanqaadaynaa waxyaabahan soo socda: ● Waxaan abuuri doonaa meel badbaado leh oo wax lagu barto. ● Waxaan ixtiraami doonaa asalka, dhaqanka, iyo shakhsiyada ilmo kasta. ● Waxaan si joogta kaagala xiriiri doonaa wax ku saabsan horumarka iyo baahida gaarka ah

ee ilmahaaga. ● Waxaan dhamaan ardayda u qaban doonaa filasho sare. ● Waxaan u shaqeyn doonaa si adag si aan ilmahaaga uga caawino inuu dareemo guul iyo uu

kordhiyo dareenkiisa qiimaha-nafta. ● Waxaan ilmahaaga siin doonaa saldhiga tacliinta iyo awooda garashada wixii sax ah iyo

wixii khalad ee ay u baahan yihiin si ay ugu guulaystaan kuliyada iyo inta kale ee noloshooda.

● Waxaan taageero siin doonaa adiga iyo ilmahaaga markaa aad go'aansanayso jidka ugu wanaagsan ee waxbarashada kadib ka qalinjabinta Rocketship.

BALANQAADKA WAALIDIINTNA/MASUULIYIINTA

Balanqaadka Waalidiinta/Masuuliyiinta - Waxaan si buuxda Rocketship ugu balanqaadaynaa hababkan soo socda: ● Waxaan mar walba u caawin doonaa ilmahayaga sida ugu fiican ee aan ognahay,

waxaanan samayn doonaa wax kasta oo ay qaadato si isaga/iyada uu wax u barto uguna diyaargaroobo kulliyada iyo nolosha anagoo taageerayna iyo ku dhiirigelinayna inay u hogaansamaan "balanqaadkooda heer sare [gaadhida]"

● Waxaan hubin doonaa in ilmahayagu uu maalin kasta dugsiga yimaado waqtiga dugsiga .

● Waxaan sameyn doonaa qorshaha in ilmahayagu uu joogo dugsiga ilaa iyo dhamaadka maalinta dugsiga iyo in lasoo qaado marka ay maalinta dugsigu dhamaato.

● Waxaan raaci doonaa dhamaan xeerarka imaanshaha iyo qaadista iyo habraacyada baarkin-gareynta iyo bas raacista.

● Waxaan xaqiijin doonaa in ilmahayagu uu raaco xeerarka labiska Rocketship. ● Waxaan xaqiijin doonaa in ilmahayagu akhriyo ama loo akhriyo habeen kasta. ● Waxaan hubin doonaa shaqada guriga ee Ilmahayaga habeen kasta, waxaan saxiixi doonaa

ajandahiisa/ajandaheeda, iyo waxaan si taxadar leh u akhrin doonaa una saxiixi doonaa (haddii la codsado) dhamaan waraaqaha ee uu dugsigeenu guriga usoo diro.

● Waxaan si joogto ah ula kulmi doonaa macalimiinta si aan ugala hadalno horumarka ilmahayaga iyo waxaan taageeri doonaa shaqadooda si ay ilmahayaga uga caawiyaan inuu aad u fiicnaado.

● Waxaan ka qayb qaadan doonaa hawlaha badan ee dugsiga oo ay ku jiraan kulamada waalidk /qoyska, habeenka bandhiga, kulamada bulshada, habeenada guriga furan, shirarka, iwm. sida macquulsan ee suurto gal ah.

● Waxaan ku dedaali doontaa inaan saacado badan oo iskaashi ku tabarucno bulshada dugsiga sida ugu macquulsan ee suurto gal ah.

● Annaga ayaa ka mas’uula dhaqanka ilmahayaga ee maaha dugsiga.

27

Page 28: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

ISKAASHIGA WAALIDKA

Waalidiinta hawlani waxay laf dhabar u yihiin habsami u socodka Rockteship isla markaana waxay qayb laxaad leh ka qaataan hammiga muddada dheer ee guusha ardayda Rockteship. Marka si firfircoon loogu daro ee looga qeybqaadashiiyo barashada dugsiyadeena iyo ardaydooda, waalidiintu waxay noqdaan kuwo ku dhafan bulshada dugsiga. iskaashi firfircoon oo ka dhaxeeya qoysaska iyo macalimiinta iyo shaqaalaha Rocketship waxay faa’ido u leedahay ardaydeena Rocketship marka ay waalidkood ku arkaan goobta dugsiga, iyo qoysasku waxay helaan faham qoto dheer oo ku saabsan qaabka Rocketship iyo waxaa u taagan yihiin inay guriga ku xoojiyaan qiimayaasha aasaasiga ee Rocketship. Rocketship waxay qoysaska ka codsanaysaa inay ka qeybqaataan 30 Saacadood oo Iskaashiga Waalidka ah qoyskiiba iyagoo taageeraya hawlaha dugsiga ee kala duwan. Ka qeybqaadashada Saacadaha Iskaashiga ee Waalidka ayaa lagu dhiirigelinayaa, laakiin MAAHA shuruud. Haddii qoysaska aanay sameyn 30 Saacadood ee Iskaashiga Waalidka sannad kasta, ma jiri doonaan wax cawaaqib ah. Fadlan eeg Lifaaqa si aad u hesho nuqulka Siyaasada Iskaashiga Waalidka ee Rocketship.

BOOQASHOOYINKA GURIGA

Daraasado ayaa muujiyey in ka qeybgalka waalidka ee micnaha lehi ee waxbarashada caruurtoodu ay saamayn fiican ku yeelan karto horumarka ardayga. Booqashada guriga waxay waalidiinta iyo macalimiinta ka caawiyaan inay isu yimaadaan iyagoo ah shuraako siman si ay u sameeyaan xiriir is aaminaad leh oo ay xudun u tahay waxbarashada ardaygu, si ay u sameeyaan himilooyinka ilmaha shakhsiga ah iyo ay u sameeyaan xiriir waalid-macalin iyo si ay u maalgashadaan qoysaska bulshada Rocketship. Arday kasta oo Rocketship dhigtaa wuxuu booqashada guriga ka heli doonaa macalimiintiisa asaasiga ah ee fasalka inta lagu guda jiro bilowga sannad dugsiyeed kasta. Macalimiinta ayaa la xiriiri doona qoysaska si ay hore ugu sameeyaan ballanka booqashada guriga. Booqashooyinka gurigu caadiyann waa ilaa hal saac. Waxa dhaca inta lagu guda jiro booqashada guriga waxay ku kala duwanaan karaan sida ay waalidka iyo macallinka ay doorbidayaan, laakiin caadiyan booqashada guriga waxa ka mid ah:

● Dejinta himilooyinka wada shaqeynta leh ee tacliinta iyo shakhsiga ah ee ardayga ● Ka wada hadlida rajooyinka riyoonka ardayga (iyo qoyska) ● Ka wada hadlida xiisayaasha ardayga ee gudaha iyo dibada fasalka labadaba ● Ka wada hadlida wax ku saabsan isgaarsiinta la doorbidayo inta lagu jiro sannad

dugsiyeedka ● Sharaxaad ku saabsan siyaasadaha iyo habraacyada Rocketship ee ay waalidiintu

su’aalo ka qabaan. ● Ka hadalida wax ku saabsan taariikhda Rocketship iyo himilada shabakada iyo

dugsiga ● Wada sheekaysi ku saabsan sababta ay qoysku u doorteen Rocketship, muddada ay ku

noolaayeen ay bulshadooda, iwm ● Martiqaadka dhacdo ka qabsoomaysa dugsiga oo soo socota (micnaha., Habeenka Ku

Noqoshada Dugsiga, Kulanka bulshada) ● Sheeko ku saabsan taariikhda macalinka ●

28

Page 29: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Booqashooyinka guriga waxaa sidoo kale ka mid noqon kara fiirinta qeybaha guriga, oo ay ku jiraan meesha uu ilmuhu ku qaban doono shaqada guriga, bandhig uu sameeyo ardaygu; cunto la wadaago; iyo tusida-iyo-ka-sheekaynta shay qadiimi ah oo muhiim u ah (micnaha., sawir, koob, shaatiga uu jecel yahay).

FURSADAHA WAALIDKA EE GOOBTA DUGSIGA

Waxaan bixinaa fursado badan oo kala duwan oo aad ugu lug yeelan karto waxbarashada ilmahaaga . Kuwaan waxa ka mid ah (balse kuma koobna):

● Hagida. Ka hor inta aanuu dugsigu bilaabmin sannad kasta, waalidka wuxuu heli doonaa martiqaadka hagida. Dhamaan waalidiinta waa inay kasoo qeybgalaan dhacdadan.

● Shirarka. waalidka/masuulku waa inuu kasoo qeybgalaa shirarka si uu ula kulmo macalimiinta si ay u eegaan warbixinta horumarka ardayga iyo/ama kaarka warbixinta.

● Habeenada Bandhiga. Dhamaan waalidiinta masuuliyiintu waa inay kasoo qaybgalaan Habeenka Bandhiga ee la qorsheeyay. Haddii aadan iman karin, wakiil qoyska ah ayaa buuxin kara booskaaga. Intii ay socdaan kulamadani, waalidiintu waxay haystaan fursadaha bandhigyada ardayga waxaanay ogaan doonaan waxa uu ilmahoodu bartay 9-12 toddobaad ee la soo dhaafay.

● Kulamada Bulshada. Dhamaan waalidiinta/masuuliyiinta ayaa lagu martiqaadayaa si xoog lehna loogu dhiirigelinayaa inay kasoo qaybgalaan kulamada bulshada ee la qorsheeyay. Kulamadani waxay kaa caawin doonaan inaad ka warhayso wax ku saabsan habraacyada iyo siyaasadaha dugsiga iyo inaad si firfircoon ugu lug yeelato in loo horumariyo himilada dugsiga.

● Shirarka Waalidka/Qoyska. Dhamaan waalidiinta/masuuliyiinta ayaa lagu martiqaadayaa si xoog lehna loogu dhiirigelinayaa inay kasoo qeybgalaan kulamada Waalidka/Qoyska ee la qorsheeyay si ay u ilaaliyaan doorka firfircoon [ee ay kaga jiraan] waxbarashada ilmahooda. Kulamada waxay u furan yihiin dhamaan qoyska caadiyana waxay qabsoomaan maalmaha toddobaadka dhamaadkiisa ama habeenada toddobaadka.

● Kooxaha Hogaanka ee dugsiga. Tani waxay ka mid noqon kara kooxda Hogaanka Waalidka, Golaha Rugta Dugsiga, ama kooxaha kale ee waalidka laga abaabulay dugsiga.

OGEYSIINTA XUQUUQAHA IYO BALANQAADYADA

FERPA

Xeerka Xuquuqda Waxbarashada Qoyska iyo Asturnaanta ( "FERPA") wuxuu waalidiinta iyo ardayda da'doodu tahay ama ka weyn tahay 18 sanno jir ( "ardayda u qalanta") siiyaa xuquuqo gaar oo la xiriira diiwaanka waxbarashada ee ardayga. Xuquuqahani waxay kala yihiin:

(1) Xuquuqda lagu fiirin karo laguna eegi karo diiwaanada waxbarasho ee ardayga 5 maalmood kadib maalinta uu Dugsiga helo codsiga fiirinta. Waalidka ama ardayga xaqa u lehi waa inuu maamulaha dugsiga ama qofka loo xilsaaray u gudbiyaa codsi qoraal ah oo tilmaamaya diiwaanada ay jecelyihiin inay fiiriyaan. Sarkaalka Dugsiga ayaa qorsheyn doona sida lagu heli lahaa oo wargelin doona waalidiinta ama ardayda u xaqa u leh waqtiga iyo goobta diiwaanada lagu fiirin karo.

29

Page 30: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

(2) Xaqa lagu codsan karo in wax ka badel lagu sameeyo diiwaanada waxbarashada ee ardayga ee uu waalidka ama ardayga xaqa u lehi aaminsan yahay in aanay sax ahayn, marin habaabin yihiin ama haddii kale ay xadgudub ku yihiin xuquuqda asturnaanta ee ardayga sida uu dhigayo FERPA.

(3) Waalidka ama ardayga xaqa u leh ee raba inay dugsiga ka codsadaan in wax laga badelo diiwaanka waa inay qoraal u diraan maamulaha dugsiga ama qofka loo xilsaaray, kaas oo si cad u sheegaya qaybta kamidka ah diiwaanka ee ay doonayaan in la badelo, iyo qeexaya sababta loo badelayo. Haddii dugsigu uu go'aansado in aanuu waxba ka badelin diiwaanka sida ay u codsadaan waalidka ama ardayga xaqa u lehi, Dugsiga wuxuu wargelin doonaa waalidka ama ardayga xaqa u leh go'aanka iyo xaqa ay u leeyihiin dhagaysi ku saabsan codsiga saxida. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habraacyada dhegeysiga ayaa waalidka ama ardayga xaqa u leh la siin doonaa marka la wargelinaayo xaqa ay u leeyihiin dhageysiga.

(4) Xaqa uu ku bixin karo ogolaansho qoraal ah kahor inta aanu Dugsigu siidayn macluumaadka shakhsi ahaan la aqoonsan karo ( "PII") ee diiwaanada waxbarashada ardayga, marka laga reebo ilaa xadka ay FERPA awood u siisay siidaynta iyada oo aan ogolaansho la haysan. Halka ka reebis ee u fasaxaya siidaynta iyada oo aan ogolaansho la haysan, waa siidaynta loo siidaayo saraakiisha dugsiga ee leh dano waxbarasho oo dhab ah. Sarkaalka Dugsigu waa shaqsi u shaqeeya dusgiga sida maamule, kormeere, macalln ama xubin ka tirsan shaqaalaha taageerada (oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo qeybta sharci fulinta) ama qof u adeegaya Guddiga Dugsiga. Sarkaalka Dugsiga ayaa sidoo kale waxa noqon kara mutadawac ama qandaraasle ka baxsan dugsiga, kuwaas oo adeeg shaqo hay'adeed u qabta [dugsiga] taas oo uu dugsigu haddii kale isticmaali lahaa shaqaalahiisa gacanta tooska ah ku haya isticmaalka iyo ilaalinta PII-da diiwaanka waxbarashada, sida qareen, tafatire, la taliye caafimaad ama daaweeye; waalid ama arday u mutadawacaya sidii guddi rasmi ah, sida gudiga anshaxa ama cabashada; ama waalid, arday, ama mutadawace kale oo Sarkaalka Dugsiga ka caawinaya qabshada howshiisa ama howsheeda. Sarkaalka Dugsigu wuxuu leeyahay dano waxbarasheed oo dhab ah haddii sarkaalku uu u baahan yahay inuu dib u eego diiwaanka waxbarasho si uu u guto masuuliyadda shaqadiisa/shaqadeeda Marka la codsado, Dugsigu wuxuu diiwaanka waxbarashada si ogolaansho la’aan ah ugu sii deyn doonaa shaqaalaha dugsiga degmo kale ee uu ardaygu rabo inuu is-qoro ama uu mar hareba isqoray haddii sababta siidayntu tahay ujeedooyinkae diiwaan gelinta ardayga ama badelashada.

(5) Xaqa aad cabasho kaga xareysan karto Waaxda Waxbarashada ee Maraykanka taas oo la xiriirta ku guuldareysiga Dugsiga ee u hogaansamo shuruudaha FERPA. Magaca iyo cinwaanka Xafiiska maamusha FERPA waa:

Xafiiska U Hogaansanaanta Siyaasada Qoyska Waaxda Waxbarashada ee US

400 Maryland Avenue, SW Washington, DC 20202

30

Page 31: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

FERPA waxay fasaxaysaa ka sii deynta PII diiwaanka waxbarashada ee ardayga, iyada oo aan ogolaansho laga helin waalidka ama ardayga xaqa u leh, haddii ay sii deyntu la kulanto xaaladaha gaarka ee ku qoran §99.31 ee nidaam sharciyeedyada FERPA. Marka laga reebo usii deynta saraakiisha Dugsiga, sii deynta la xiriirta in qaar ka mid ah ammarada maxkamadeed ama ammarada maxkamadeed ee si sharci ah loosoo saaray, usii deynta macluumaadka hagayaasha iyo usii daynta waalidka ama ardayga xaqa u leh, §99.32 ee ka mid ah xeerarka FERPA waxay u baahan tahay in dugsiga uu qoro siidaynta. Waalidiinta iyo ardayda xaqa u leh waxay xaq u leeyihiin inay dib u eegaan diiwaanka siideynta. Dugsiga ayaa PII ka sii deyn kara diiwaanka waxbarashada ee ardayga isagoon hore u helin ogolaanshaha qoraalka ah ee waalidka ama ardayga xaqa u leh -

(1) Saraakiisha kale ee dugsiga, oo ay ku jiraan macalimiinta, gudaha hay'ada ama

machadka waxbarashada kuwaas oo uu dugsigu go’aamiyay inay leeyihiin dano waxbarasheed oo dhab ah. Tani waxaa ka mid ah qandaraaslayaasha, la taliyayaasha, mutadawaciinta ama dhinacyada kale ee uu dugsiga u shaqaaleysiiyay adeegyada ama shaqooyinka machadka , marka shuruudaha ku qoran §99.31 (a) (1) (i) (B) (1) - (a) ( 1) (i) (B) (2) lala kulmo. (§99.31 (a) (1)).

(2) Saraakiisha dugsi kale, nidaam dugsi kale ama machad waxbarasho sare halkaas oo uu ardaygu doonayo ama uu ugu talogalay inuu is-qoro ama uu mar horeba is-qoray haddii sii deyntu ay tahay ujeedooyin la xiriira diiwaangelinta ama bedalashada ardayga, iyadoo ku xiran shuruudaha §99.34. (§99.31 (a) (2)).

(3) Wakiilada ammarka ka heysta Janaraalka La Socoshada ee Maraykanka,

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, Xoghayaha Waxbarashada ee Mareykanka, ama Maamulka waxbarashada ee Gobolka ama gudaha, sida hay'ada waxbarashada Gobolka ee waalidka ama ardayga xaqa u leh Gobolkiisa (SEA). Sii deynta hoos timaada qodobkan ayaa la sameyn karaa iyadoo ku xiran shuruudaha §99.35, oo xidhiidh la leh hubinta ama qiimeynta barnaamijyada waxbarashada ee ay taageerayaan Gobolka iyo Federaalku ama fulinta ama u hogaansanaanta shuruudaha sharciga Federaalka ee la xiriira barnaamijyadaas. Hay'adahani waxa laga yaabaa inay PII dheeraad ah siiyaan hay'adaha dibada ee ay ugu talagaleen inay noqdaan wakiiladooda ammarka u haysta inay sameeyaan hubinta, qiimeynta, ama fulinta ama u hogaansanaanta hawl iyaga oo wakii ka ah. (§§99.31 (a) (3) iyo 99.35).

(4) La xidhiidha gargaarka dhaqaalaha ee uu ardaygu dalbaday ama uu ardayga helay, haddii macluumaadka loo baahan yahay si loo ogaado xaq u yeelashada gargaarka, loo ogaado xaddiga [lacagta] kaalmada ah, loo ogaado xaaladaha gargaarka, ama loo dhaqangaliyo shuruudaha iyo xaaladaha gargaarka. (§99.31 (a) (4)).

(5) Ururada qiimeynta si ay u fuliyaan hawlaha qiimeynta. (§99.31 (a) (7)).

(6) Waalidka ardayga xaqa u leh haddii ardayga uu ku tiirsan yahay ujeedooyinka cashuuraha IRS. (§99.31 (a) (8)).

(7) Si loogu hogaansamo ammarada maxkamadeed ama ammarada maxkamadeed ee si sharci ah loo soo saaray. (§99.31 (a) (9)).

(8) Saraakiisha ku haboon ee xaaladda degdega ah ee caafimaadka ama badbaadada, ee hoos yimaada §99.36. (§99.31 (a) (10).

31

Page 32: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

(9) Macluumaadka uu Dugsigu u qoondeeyey inuu yahay "macluumaadka hagaha" ee hoos yimaada §99.37. (§99.31 (a) (11)). "Macluumaad Hagaha" waa macluumaadka aan guud ahaan loo arkin inuu waxyeelanayo ama ku duulaayo asturnaanta, haddii la sii daayo. Go'aankiisa u gaarka ah waxa laga yaabaa inuu shaaciyo macluumaadka hagaha isaga oo aan ogolaansho hore oo qoraal ah ka haysan waalidka. Dugsiga ayaa macluumaadkan soo socda u qoondeeyey inuu yahay macluumaadka hagaha:

● Magaca ardayga ● Cinwaanka Ardayga ● Taariikhda iyo meesha dhalashada ● Taariikhda xaadiritaanka (imaanshaha) ● Shahaadooyinka, [shahaado] sharafyada, iyo abaalmarintala helay

Haddii aadan rabin in Dugsigu uu sii daayo macluumaadka hagaha iyaga oo aan ogolaansho hore oo qoraal ah kaa haysan, waa inaad dugsiga wargelisaa waqtiga diiwaangelinta ama dib-u-diiwaangelinta.

WAXBARASHADA CARRUURTA BILAA HOYGA AH

Xeerka Caawinta [Carruurta] Bilaa Hoyga ah ee McKinney-Vento ( "Xeerka McKinney-Vento") waa sharci federaal ah kaas oo hubiya in xuquuqaha waxbarashada iyo ilaalinta carruurta iyo dhalinyarada bilaa hoyga ah. (42 USC 11431 et seq.) Fadlan lifaaqa ka eeg siyaasada Rocketship oo dhameystiran, waxaa la qoray ayadoo la raacayo sharuudaha xeerka Mckinney-vento.

HANAANKA CABASHADA

Rocketship waxay qiimeysaa walaacyada waalidiinteena, shaqaalaheena, ardaydeena iyo dhamaan bulshadeena waxaanay u qaadataa dhamaan walaacyada iyo cabashooyinka si dhab ah. Hanaanka cabashada Rocketship wuxuu tilmaamayaa tilaabooyinka la qaadayo markii la buuxinaayo cabashada, siyaasada oo dhameystiran waxaa laga heli karaa lifaaqa.

BAYAANKA TAKOOR LA’AANTA

Rocketship ma takoorto arday ama shaqaale iyadoo ku saleysan naafinimada, jinsiga, aqoonsiga jinsiga, muujinta jinsiga, dhalashada [qaranka], jinsiyada ama qowmiyada, diinta, jinsiga soo jiita [lab/dhedig/khaniis/labadaba], ama dabeecad kasta oo kale iyadoo ku saleysan xaqiiqda ama sida loo arko. Rocketship waxay u hogaansantay dhamaan qodobada sharciyada federaalka ee la xiriira ardayda naafada ah, oo ay ku jiraan, laakiinse aan ku xadidnayn, Qaybta 504 ee Xeerka Baxnaaninta ee 1973, Title II Xeerka [Dadka] Maraykanka Naafada ah ee 1990 ( "ADA"), iyo Xeerka Horumarinta Waxbarashada Shakhsiyaadka Naafada ah ee 2004. Rocketship waxa ka go'an inay bixiyaan jawi shaqo iyo waxbarasho oo ka xor ah dhibida sharci darada ah ee hoos timaada Title IX (jinsiga [lab/dhedig), Title VI (jinsiyada, midabka,

32

Page 33: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

ama asalka qaranka), iyo Qaybta 504 iyo Title II ee ADA. Rocketship waxay mamnuucday faraxumaynta iyo dhibida ku saleysan uurka, dhalmada ama xaaladaha caafimaad ee la xiriira, jinsiyadda, diinta, caqiidada, midabka, jinsiga, aqoonsiga jinsiga, muujinta jinsiga, asalka qaranka ama isirka ama naafonimada jirka ama maskaxda, xaalada caafimaad, xaalada guurka, da'da, jinsiga soo jiita [lab/dhedig/khaniis/labadaba], ama wax kasta oo kale oo uu ilaaliyo sharciga federaalka, gobolka, degaanka, qaynuunka ama xeerku. Rocketship ma ogola ama uma dulqaadato dhamaan noocyada dhibaataynta, oo ay ku jiraan cagajugleynta, takoorida, ama cabsi gelinta uu sameeyo shaqaale kasta, qandaraasle madax-bannaan ama qof kale oo ay Rocketship la shaqeyso, ama arday ama mutadawac kale oo kasta. Tani waxay khusaysaa dhamaan shaqaalaha, ardayda ama mutadawaciinta iyo xiriirada booska ay doonaan ha hayaan ama jinsiga ay doonaan ha ahaadaane. Rocketship waxay si dhakhso ah oo fiican u baari doontaa cabasho kasta oo dhibaatayn waxaanay qaadi doontaa tallaabada lagu saxayo ee habboon, haddii ay u qalmaan.

QAYBTA 504

Rocketship waxay aqoonsan tahay mas'uuliyadeeda sharciga ah si ay u hubiso in qofka u qalma ee naafada ah, iyadoo ay ku saleysan naafanimadiisa aan laga saarin ka qaybqaadashada, loo diidin faa'iidooyinka ama aan lagu takoorin barnaamij kasta [oo ay bixiso] Rocketship Education. Arday kasta oo qaba naafanimo si ujeedo leh loo aqoonsaday taas oo xadida howlaha noloshiisa ee weyn isla markaana ay ka mid yihiin, balse aan ku xadidnayn waxbarashada ayaa xaq u leh qaabilaadaha Rocketship. Waalidka/masuulka ardayga lagu tuhmo inuu baahan yahay ama uu u qalmo qaabilaadaha hoos yimaada Qaybta 504 ayaa waxa laga yaabaa in loo gudbiyo qiimeynta maamulaha dugsiga. Nuqul kamid ah siyaasadaha iyo nidaamyada Rocketship ee Qaybta 504 ayaa la heli karaa marka la codsado.

LIFAAQA: SHARCIYADA DUGSIGA

SIYAASADA OGOLAANSHAHA GELIDA IYO IS-QORISTA Dugsiyada Rocketship waa lacag la'aan, waana dugsiyo dadweyne oo u furan is-qorista carruurta Tennessee. Siyaasadani waxay ka hadlaysaa balanqaadyada ogolaanshaha gelitaanka; habraacyada codsiyada, bakhtiyaa nasiibka iyo liiska sugida iyo hanaanka diiwaangelinta oo ay ku jiraan shuruudaha da'du.

I. Balanqaadyada Ogolaanshaha Gelida

Rocketship ma maamuli doonaan tijaabo ama qiimeyn kasta oo ardayga lagu sameeyo kahor inta aan la aqbalin iyo aan la qorin Rocketship. Rocketship is-qorista kuma xadidi doonto iyadoo ku saleysan jinsiyada, midabka, diinta, asalka qaranka, luqada lagu hadlo, awooda aqooneed ama ciyaaraha fudud, cabiraadaha guusha awoooda dabiiciga ah ama xaaladiisa sida arday qaba baahiyo gaar ah.

II. Codsiga iyo Bakhtiyaa Nasiibka

Rocketship waxay codsiyada aqbali doontaa inta lagu guda jiro muddada la xayeysiiyay ee ay sannad kasta furan tahay is-qorista sannad dugsiyeedka soo socda. Iyadoo la tixraacayo Xeerka SBE 0520-14-01-.04, muddadan koowaad ee codsigu waa inay ugu yaraan socotaa 30 maalmood. Haddii, dhamaadka mudada koowaad ee codsiga, tirada ardayda u qalanta ee raadinaya inay galaan [dugsigu] ay ka badato awooda dugsiga ama awooda heer fasal, kadib diiwaangelinta waxa lagu go'aamin doonaa iyadoo ku saleysan bakhtiyaa nasiib la sameyn doono toddoba maalmood oo kaalandar gudahood oo ka bilaabmaysa marka uu xidhmo xiliga koowaad ee codsigu. (Rule 0520-14-01-.04 (3) (b)).

33

Page 34: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Inta lagu guda jiro bakhtiyaa nasiibka waa in doorashooyinkan soo socda lagu dabaqaa sida uu waajibinayo TCA § 49-13-113 (b) (2):

(1) Ardayda sannad dugsiyeedkii hore dhigan jiray dugsi dadweyne oo isu badelay dugsi dadweyne oo jaartar ah;

(2) Ardayda dhigata dugsi jaartar ah oo heshiis la leh Rocketship ama barnaamij pre-K ah oo ay hawlgeliso Rocketship (haddii ay khuseyso)

(3) Ardayda degan aagga adeega Ha'yada Waxbarashada ee Deegaanka (LEA) ee uu dugsiga Rocketship ku yaalo ee aan qornayn dugsiyada dadweynaha

Iyadoo ku xiran shuraadaha kor ku xusan, Rocketship waxay awoodi doontaa doorbidida: (1) Walaalaha ardayda hore u qoran (2) Carruurta macalimiinta Rocketship, xubnaha shaqaalaha, ama xubnaha Guddiga oo aan ka

badnayn 10% ama 25 arday hadba kii yar. Ardayda u qalma inka badan hal koox oo doorbidid waxa loo tixgelin doonaa qayb ka mid ah doorbidida ugu sareysa ee ay u qalmaan. Ardayda hadda ka diiwaangashan dugsiyada Rocketship uma baahna inay dib u codsataan haddii ay sii joogi doonaan isla dugsiga Rocketship [ee ay hadda dhigtaan]. Ardayda doonaya in ay ka wareegaan hal dugsi oo Rocketship ah una wareegaan dugsi kale oo Rocketship ah waa inay dib u galaan bakhtiyaa nasiibka waxaanay heli doonaan isla mudnaanta iyo doorbidida kor ku xusan. (Rule 0520-14-01-.04) (2)))

III. Liiska Sugitaanka

Dhamaadka qori tuurka dadweynaha, Rocketship waxay ogeysiin doontaa qoysaska dhamaan codsadayaasha si ay u wargeliyaan xaaladooda aqbalaada. Dhamaan ardayda aan la siin gelitaan iyadoo ay sabab u tahay baaxada [dugsiga/fasalka] ayaa la siin doonaa fursad ay magacooda ugu dari karaan liiska sugitaanka oo ukala horeeya sida ay qori tuurka ugusoo koaa hor baxeen. Liiskan sugitaanku wuxuu ardayda u saamixi doonaa fursada ay isku-qori karaan haddii ay dhacdo inay meeli banaanaato inta lagu jiro sannad dugsiyeedka. Marka uu galo liiska sugitaanka, ardayga wuxuu ku jiri doonaa ilaa isaga/iyada uu helo boos ama waalidka/masuulka uu qoraal ahaan ku xaqiijiyo in ardayga aanuu wixii immika ka danbeeya rabin inuu kusii jiro liiska sugitaanka. Liiska sugitaanku uma gudbi doono sannad ilaa sannad. Haddii qoysaska ku jira liiska sugitaanka loosoo bandhigo boos, waa in ay aqbalaan booskaas laba toddobaad gudahood. Haddii qoys uu diido ama uu ku guuldareysto inuu soo jawaabo laba toddobaad gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda soo bandhigida, waxa laga yaabaa in ilmaha laga saaro liiska sugitaanka ama la dhigo kaalin hoose oo kamid ah liiska sugitaanka. Haddii arday horay u dhigan jiray Rocketship uu ka baxay oo uu doonayo inuu ku soo noqdo mar kale isla dugsigaas, dugsiguna uu qaatay inta uu arday aadan karay heerkaas ah, ardaygaas waxaa lagu dari doonaa liiska sugitaanka sida arday kasta oo doonaya inuu ku soo biiro .

IV.Is-qorista Inta lagu guda jiro hanaanka codsiga, waalidiinta waxaa laga filayaa inay si sax ah u sheegaan da'da iyo heerka fasalka ilmahooda ee hadda (meesha ay ku haboon tahay) iyo sannad dugsiyeedka soo socda. Marka laga aqbalo Rocketship, dhamaan ardayda waxa la qori doonaa heerka fasalka ee ku xiga heerkooda fasalka ee hadda. Ardayda waxa kaliya la galin doonaa doonaa fasal barbaarin oo ku meelgaar ah, fasalka barbaarinta iyo fasalka koowaad iyadoo la raacayo shuruudaha da'da ee loo baahanyay ee lagu qeexay xagga hoose ee siyaasadan. Dugsiyada si caadiga ah ma sameyn doonaan wax ku celin ama boodsin ah inta lagu jiro hanaanka is-qorista. Waalidiinta looma ogola inay kaligood qaataan go’aanada ku celinta ama boodsiin ah inta lagu guda jiro hanaanka codsiga. Ardayga laga soo eryay machad kale oo waxbarasho ayaa laga yaabaa in loo ogolaado gelitaanka dugsi Rocketship ah iyadoo ah ikhtiyaarka maamulaha dugsiga isagoo [go’aankiisa] ku saleynaya xaalad-xaalad, sida si dheeraad ah lagu sheegay Siyaasada Ganaaxida iyo Eryida ee Rocketship.

34

Page 35: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

V. Hanaanka Diiwaangelinta

Marka la sameeyo qori tuurka xulashada ogolaanshaha gelitaanka, hanaanka diiwaangelinta waxa ka mid noqon doona kuwan soo socda:

● Cadeynta Tallaalka, sida waafaqsan Siyaasadda Tallaal Goboleedka ee Rocketship. ● Sahanka Luqadda Guriga; ● Buuxinta Foomka Macluumaadka Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaad ● Cadeynta shuruudaha da'da ugu yar (micnaha., shahaadada dhalashada), sida hoos lagu

sheegay; Rocketship waxay si adag u dareensan tahay in guusha ardaydu ay u baahan tahay ballanqaadka ardayda iyo waalidku ee himilada iyo aragtida dugsiga. Inta lagu guda jiro diiwaangelinta dhamaan waalidiinta/masuuliyiinta waxaa laga codsan doonaa inay saxeexaan Warqada Ballanqaadka taas oo tilmaamaysa inay fahmeen falsafada, barnaamijka,\ iyo siyaasadaha mutadawaca ee Rocketship. Ardayda looma diidi doono gelitaanka ama lagama saari doono [dugsiga] haddii uu waalidka/masuulka ku guuldareysto inuu saxeexo Warqada Balanqaadka.

VI.Shuruudaha Da’da Sida waafaqsan sharciga Tennessee, dhamaan ardayda galaysa fasalka barbaarinta ee Rocketship waa inay ahaadaan 5 sanno jir marka ay taariikhdu tahay ama kahor Ogoosto 15 ee sanad dugsiyeedka hadda. SIYAASADA IMAANSHAHA IYO GOYNTA DUGSIGA Soo daahida iyo maqnaanshahu waxay dhaawici karaan horumarka waxbarasho iyo bulshonimo ee ardayga. Rocketship waxay sameysaa dedaal kasta oo suurogal si ay u xaqiijiso in ardaydu ay yimaadaan wakhtiga loogu talogalay oo ay maalin kasta joogaan dugsiga. Siyaasadani waxay waxka qaban doontaa maqnaashaha cudurdaarashada leh iyo kuwa aan lahayn, imaanshaha habsanka leh iyo bixitaanada hore iyo qeexitaanada iyo cawaaqibka goynta. Siyaasadu waxay khuseeysaa dugsiyada Rocketship ee gobolada oo dhan, marka laga reebo qeexitaanada iyo cawaaqibka goynta kuwaas oo waafaqsan sharciyada gobolka ay qoran yihiin. I. Maqnaashaha Cudurdaarka Leh iyo Kuwo Aan Lahayn Dhamaan ardayda waxa laga filayaa in aanay soo daahin iyo ay xaadir yihiin maalin dugsiyeed

kasta. [Gobolka] Tennessee, ardayda waa inay tagaan dugsiga ugu yaraan 3.5 saacadood oo

maalin dugsiyeed waxbarasho ah si loogu tixgeliyo inay joogeen. Ogeysiiska sax ah iyo/ama

cadaymo ayaa looga baahan yahay ardayga dugsiga ka maqnaada si diiwaanka imaashaha ardayga loogu calaamadin doonaa inuu cudurdaartay. Rocketship waa in ay helaan cadeymaha habboon saddex maalmood gudahood maalinta uu ardaygu uu soo noqdo haddii kale maqnaanshaha waxaa loo tixgelin doonaa mid aan cudurdaar lahayn. Maqnaanshaha Cudurdaarka leh Shaxdan hoose ayaa sharaxaysa nooca ogeysiiska iyo/ama warqadaha looga baahanyay maqnaanshaha cudurdaarka leh. Ogeysiisyada waa in la keenaa saddex maalmood gudahood marka dugsiga lagu soo soo laabto.

Sababta Maqnaanshaha Cadaymaha loo Baahan Yahay Qoraalada kale

Xanuunsasho. Ogeysiis qoraal ah oo ka socda waalidka/masuulka. Qoraalka dhakhtarka ayaa loo baahan yahay wixii saddex ama in ka badan

35

Page 36: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

maalmood oo xanuunsasho oo isku xigta ah.

Geeri qoyska ku dhacday Ogeysiis qoraal ah oo ka socda waalidka/masuulka.

Fasax/Munaasibad Diimeed Ogeysiis qoraal ah oo ka socda waalidka/masuulka ilmaha.

Ka saarid ay sabab u tahay karantiil, cudur faafa, caabuq, cayayaan ama xaalad kale oo u baahan in ardayda kale laga saaro sababo caafimaad aawadood.

Sida ay faraan waaxda caafimaadka ee deegaanku.

Waalidka/masuulka oo u shaqeeya ciidamada qalabka sida.

Ogeysiis qoraal ah oo ka socda waalidka/masuulka. Maqnaanshaha dheer cadeymo dheeraad ah ayaa laga yaabaa in loo baahdo.

Hal maalin oo geynta [ciidanka] ah; hal maalin soo celinta ah; ilaa 10 maalmood marka xubinta adeega la siiyo fasax nasasho oo ku meel gaar ah.

Ganaax sharci ah. Cadeynta ganaaxa iyadoo la raacayo Siyaasada Ganaaxa ee Rocketship.

Ka muuqasho maxkamadeed. Cadeynta Maxkamadda.

Sababaha kale (micnaha., ballan dhakhtar, xaaladaha degdega ah, hawlaha manhajka ka baxsan)

Ogeysiis qoraal ah oo ka socda waalidka/masuulka. Codsiyadan waxa lagu ansixin doonaa ikhtiyaarka maamulaha.

Maqnaanshaha Aan Cudurdaarka Lahayn Qaar ka mid ah maqnaanshaha ayaa laga yaabaa in aan loo tixgelin kuwo cudurdaar leh, xitaa hadii la helo cadeymaha ku haboon. Waxaa ka mid ah kuwan laakiin kuma xaddidna intan soo socota: ballamada aan cadeyn lahayn, maalmaha xanuunsashada ee aanuu waalidku wargelin dugsiga, seexasho xad dhaaf ah, mushkiladaha baabuurka, jarida fasalada, haynta dhallaanka iyo isfasaxida wakhti ka baxsan wakhtiga nasashada dugsiga ee la qorsheeyay. Maamulaha ayaa isagoo la tashanaya kormeerahiisa/kormeeraheeda ayaa marka loo baahdo ayaa ikhtiyaar u leh inuu go’aansado haddii uu maqnaanshaha cudurdaar leeyahay ama aanuu lahayn. Ogeysiinta Waalidiinta Maqnaanshaha aan Cudurdaarka lahayn Rocketship waxay sameyn doontaa isku dayo macquul ah iyo dedaal leh si ay si shaqsi ah ula xiriirto waalidka/masuulka ardayga isla maalintaas iyo mar kasta oo uu ardaygu sameeyo maqnaansho aan cudurdaar lahayn oo leh dabagal maalinle ah markii loo baahdo.

36

Page 37: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

II. Tagista Inta Lagu Guda Jiro Maalinta [Dugsiga] Xaaladii doontaa ha jirtee ardayna looma ogola inuu tago guriga isagoo haysan ogolaanshaha waalidka ama masuulka. Waxaan filaynaa in waalidiinta/masuuliyiintu ay sameyn doonaan dedaal kasta si ay ballanada uga dhigaan dugsiga kadib. Si kastaba ha ahaatee, haddii ay ballan dhacayo inta lagu jiro maalinta dugsiga oo aan laga fursan karin, ardaygu waa inuu keenaa warqad uu saxeexay waalidka/masuulku bilowga maalintaas taas oo ay ku qoran tahay sababta maqnaanshaha qaybta ah, marka uu ka baxi doono dugsiga iyo waqtiga la qiyaasay ee uu ardayga kusoo laaban doono dugsiga. Haddii ardaygu uu leeyahay ballan dhakhtar, ardaygu waa inuu dhakhtarka kasoo qaataa warqad marka uu soo laabanayo. Mar kasta oo ay suurtagal tahay, ardayda waxa laga filayaa inay kusoo laabtaan dugsiga kadib ballankooda. Bixitaanada hore ee ay sabab u yihiin waxyaabo aan si toos ah ugu lug lahayn ardayga (micnaha., ballanka qof kale oo qoyska kamid ah) ayaan guud ahaan la ogolayn laakiin waxa lagu ansaxin karaa ikhtiyaarka maamulaha. Ardayda ku xanuunsada dugsiga waa inay tagaan xafiiska oo ay joogaan dugsiga ilaa waalidka/masuulka ilmahu uu imanayo ama uu ardayga siiyo fasax uu kaga tago goobta dugsiga sida waafaqsan Siyaasadda Sii Deynta Ardayda ee Rocketship. Haddii waalidka/masuulka uu imaado [dugsiga] si uu ilmahiisa guri hore u geeyo oo ay 10 daqiiqo ka hadhsan tahay waqtigii dirista caadiga ah ee la qorsheeyay, ardayga looma ogolaan doono in hore loo sii daayo, waalidka/masuulkana waxa lagu codsan doonaa inay ka qaybqaataan hanaanka dirista ee joogtada ah . III. Fasaxyada Rocketship waxay fasaxyo ku dartay jadwalkeeda dugsiga. Fasaxyada qoyska waa in la qorsheeyaa taariikhahan gudahooda. Ardayda qaadata waqti dheeraad ah oo fasax ah ooma ballanqaadin [fursadaha] dib u barashada duruustii dhaaftay ama buundooyin. IV. Maqnaanshaha iyo Goynta Joogtada ah Soo Daahida Soo Noqnoqota Soo daahida soo noqnoqota waxay keeni kartaa in wax laga qabto qoysaska. Kadib marka ay ardayga u ururaan shan soo daahid (oo cudurdaar leh ama aan lahayn ), qoyska waxa laga codsan doonaa inay ka qaybgalaan Kulanka Imaanshaha La Filayo ee lagu qabanayo dugsiga. Kadib marka ay ardayga u ururaan toban soo daahid (oo cudurdaar leh ama aan lahayn), qoyska waxa laga codsan doonaa inay ka qaybgalaan kulan ay la qaadanayaan Hogaamiyaha Dugsiga iyo inay saxiixaan heshiiska imaanshaha. Maamulahu ayaa ikhtiyaar u leh inuu marar dhif ah ka tanaasulo waxka qabashada loo baahanyay taas oo ku xidhan duruufaha. Haddii waalidka/masuulka sharciga ahi aanuu iman ama uu diido inuu ka qaybgalo kulanka imaanshaha marka waqti ku filan la siiyay, qorshaha faragelinta ayaa laga yaabaa in weli la ansixiyo. Nuqul ka mid ah heshiiska ayaa loo diri doonaa guriga ardayga ee faylka ugu qoran. "Imaansho La’aanta” Haddii arday uu maqnaado 10+ maalin dugsiyeed oo isku xigta oo aanuu dugsiga la socodsiin sababta maqnaanshahiisa; Rocketship-na aanay awoodin inay la xiriirto waalidka/masuulka ardayga kadib markii ay sameeyeen dadaalo macquul ah oo wanaagsan, Rocketship waxay ardayga ka saari doontaa liiska ardayda booskiisana/booskeedana waxa la siin doonaa arday ku jira liiska sugitaanka. Maqnaanshaha daba dheeraaday,waxa laga yaabaa in la helo Barasho Madax banaan] waxaana diyaarin doona maamulaha.

37

Page 38: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Haddii arday uu ku guuldareysto inuu imaado inta lagu jiro toddobaadka kowaad ee waxbarashada sannad dugsiyeedka oo dhan; qoyskuna uusan hore u wargelin Rocketship, waxa laga yaabaa in ardayga uu lumiyo kursigiisa/kursigeeda dugsiga waxaana la galin doonaa liiska sugitaanka. Habraacyada Goynta

1-3 maqnaansho oo aan cudurdaar lahayn

Dugsigu ayaa bixin doona waxka qabasho si loo ogaado sababta maqnaanshaha aan cudurdaarka lahayn. Dugsigu waa inuu diiwaangeliyaa dedaalada uu sameeyo ee uu si shakhsi ugula xidhiidhayo waalidka ardayga.

5 maqnaansho oo aan cudurdaar lahayn

· Rocketship ayaa guriga u diri doona ogaysiis qoraal ah oo ku saabsan imaanshaha waajibka ah. Maamulaha ayaa sidoo kale sameyn doonaa kulan uula yeesho waalidka/masuulka ardayga si ay uga wada hadlaan sababta uu ardayga u maqnaa iyo si uu u helo heshiis afka ah si loo hagaajiyo imaanshaha. · Maamulaha waxaa looga baahan yahay inuu magacyada dhamaan ardayda gooyay usoo sheego sarkaalka imaanshaha. Shantii maqnaansho ee kasta waa in lasoo sheegaa. (TCA § 49-6-3007 (e)) Haddii saddex maalmood gudahood ka dib marka la helo ogeysiiska uu ilmahaagu sii wado inuu dugsiga ka maqnaado cudurdaar la'aan, Rocketship ayaa imaanshaha sharci darrada ah u warbixin doona Isku-xidhaha Maxkamada ee Dugsiyada Dadweynaha Magaalo Weynta Nashville, kuwaas oo laga yaabo inay qaadaan tallaabo sharci ah. (TCA § 49-6-3007 (e))

10+ maqnaansho oo aan cudurdaar lahayn

Rocketship ayaa imaanshaha sharci darada ah u warbixin doona Isku-xidhaha Maxkamada ee Dugsiyada Dadweynaha Magaalo Weynta Nashville, kuwaas oo laga yaabo inay qaadaan tallaabo sharci ah. (TCA § 49-6-3007 (e))

Dhamaan dedaalada waxka qabashada waa la diiwaangalin doonaa. SIYAASADDA XIRITAANKA DUGSIGA Marar dhif ah, Rocketship waxay go’aansan karaan inay wax ka bedalaan jadwalka caadiga ah ee maalin dugsyeedka iyagoo hal maalin xiraya dugsiga, goor danbe bilaabaya maalin dugsiyeedka ama hore usii daynaya ardayda hal ama dhowr xarumood oo dugsi iyadoo ay sabab u tahay baraf, roob, cimilo ba'an, masiibooyin dabiici ah ama xaalado kale oo degdeg ah. Rocketship waxay aqoonsan tahay in xidhitaanka dugsiga ama yaraynta maalinta waxbarashadu ay carqalad ku tahay ardayda, shaqaalaha iyo qoysaska waxaanay kaliya go'aankan qaadan doonaan marka ay lagama maarmaan u tahay badbaadada bulshada dugsiga. Mar kasta oo ay suurtagal tahay, Rocketship waxay qoysaska iyo shaqaalaha siin doontaa ogeysiiska go'aanka oo hordhac ah ama go'aanka suurtagalka ah ee lagu gaabinayo maalinta waxbarashada ama lagu xidhayo dugsiga. Siyaasadani waxay ka hadlaysaa habraacyada xidhitaanka dugsiga ee ay sabab u yihiin xaaladaha cimilada iyo xaaladaha kale ee halista ah, habraaca ogeysiiinta qoysaska xidhitaanka dugsiga; iyo saamaynta ay xiritaanka dugsiga ku yeelan karto jadwalka waxbarashada ee gobolka kasta.

I. Xaaladaha Cimilada

38

Page 39: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Dhamaan dugsiyada Rocketship ee gobol gaar ah ku yaala ayaa isku duba ridi doona go'aanka lagu xidhayo dugsiga, ardayga xilli hore lagu sii deynayo ama in duruufo cimilo awgeed dugsiga lagu bilaabayo xilli ka dambeysa xilligii caadiga ahaa ee maalintaas. Haddii hore loo sii ogyay in cimilo qallafsani soo fool leedahay, waa in dhamaan maamulayaasha dugsiyada Rocketship ay mar walba feejignaadaan. Dugsiyada Rocketship iyo kooxaha hawlgalinta ee dugsiyada ayaa ka mas’uul ah in ay u kuur galaan xaaladaha cimilada isla markaana ay si wada jir u falanqeeyaan in dugsiga la xidho iyo in kale. Go'aanka lagu gaadhayo in dugsiga loo xidho duruufo cimilo awgeed waxa gaadhaya xubnaha matalaya maamulayaasha iyo/ama kooxaha hawlgalinta dugsiyada. Guud ahaan, dugsiyada Rocketship waxay go'aanada oo kale u indhayn doonaan si heer dagmo ah haddii dugsiga loo xidhayo ama xilli hore loo xidhayo duruufo cimilo awgeed. Dugsiyada Rocketship waxay hadba intii suurogal ah xilli hore qoysaska ku soo wargalinayaan haddii dugsiga la xidhayo ama xilli dambe la bilaabayo haddii duruufo cimilo jiraan, go'aanka oo si guud loo sheegi doono. Hadba markaay suuro gal tahay, Rocketship waxay ku dadaadi doontaa in qoysaska soo wargaliso ilaa by 6:45 a.m. Go'aannada lagu gaadhayo in ardayda hore loo sii daayo duruufo cimilo awgeed waxa loo eegi doonaa si guud, hadba intii suurogal ah, ugu yaraan hal saac ka hor inta aan sii daynta xilligeedii ka horraysa. Dugsiyadu waxay u baahan karaan inay wax ka yara bedalaan habraaca sii daynta ardayda ama faaruqinta goobta haddii xaalad deg-deg ahi ku soo korodho goobta dugsiga.

II. Xaaladaha Kale ee Khatarta ah Haddii goobta dugsiga laga dareemo xaalad khatar ah oo aan la saadaalin karin (sida qasabad gaas sii daynaysa am dab ka holcay meel), Maamulaha dugsigaasi ayaa ka mas’uul ah inuu wargaliyo kormeeraha isla markaana waa inuu kormeeraha ka caawiyaa go'aanka uu ka gaadhayo in dugsiga la xidho ama ardayda la sii daayo ama dugsiga la bilaabo xilli ka dambeysa xilligii caadiga ahayd. Sida ugu suurtogalsan marka ay jiraaan xaaladahan oo kale ee la qaadanayo go'aanno wax ka bedalaya jadwalkii dugsiga waa in Maamulaha dugsigu la tashadaa isla markaana ogolaansho ka helaa kormeerihiisa iyo waliba Kooxaha Hawlgalinta ee Rocketship. Maamulaha dugsiga ayaa ka mas’uul ah in uu ogeysiiyo waalidka, shaqaalaha, kuwa iibinaya iyo inta kalaba (sida isku-duwayaasha barnaamijyada dugsiga kadib) isagoo kaalmo ka helaya shaqaalaha dugsiga iyo waliba haddii loo baahdo Kooxaha Hawlgalinta ee Rocketship. Go'aankan oo kale waxa lagu faafin karaa e-mail ama taleefan ama iyadoo idaacadda ama TV-ga laga sheegayo ama iyadoo farriimo ogaysiis ah oo mar u wada dhacaya qoysaska oo dhan. Haddaba qoysaska ayaa ka mas’uul ah in dugsiga ay siiyaan meesha rasmiga ee lagala sii xidhiidhayo si si fudud loogu soo gaadhsiin karo isbedalada ku yimaada jadwalka dusiga.

III. Tixgelinada Jadwalka Waxbarashada Xeerka gaarka ee gobolka la joogo ayaa hagaya inta maalmood ee dugsiga la dhiganayo sannadkii ee ay xaq u leeyihiin. [Gobolka] Tennessee xeerku wuxuu dhigayaa in 180 maalmood dusiga la dhigto sannadkii (T.C.A. § 49-6-3004(a)(1)). Haddiiba maalin la joojiyo, xilli dambe la bilaabo ama xilli hore la sii daayo ardayda, waxa suurogal in ah in Rocketship ay hoos uga dhacdo maalmaha ugu yar ee dugsiga (180 maalmood), haddii ay xaaladaasi dhacdo waxa lagu dari doonaa ama la isticmaali doonaa maalmo dheeraad ah.. Guddoomiye ku Xigeenka Guul-gaarida oo kaashaynaya Dugsiyada iyo Kooxaha Hawlgalinta ayaa ka mas’uul ah inuu go'aan ka qaato dib habaynta jadwalka waxbarasho ee dugsiga haddii maalin la joojiyo ama dugsiga la xidho isaga oo ay hagayaan xeerarkan soo socdaa:

● Dugsiyada Rocketship waa in ay ku dhaqmaan tirada ugu yar ee maalmaha waxbarasho ee sannadlaha ah.

● Dugsiyada Rocketship waa in ay buuxiyaan shuruudaha daqiiqadaha waxbarsho ee maxalliga ah.

● Dugsiyada Rocketship waa in ay ujeeddadoodu noqotaa sidii ay abuuri lahaayeen nidaam waxbarasho oo isku xidhan, oo u yaalla toddobaadyo aan kala go’ lahayn hadba intii suurogal ah.

39

Page 40: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Hadba intii suurogal ah, dugsiyadu waa in qoysaska iyo shaqaalaha la wadaagaan maalmaha la soo badayo bisha Abriil horraanteeda sannad walba, si ay qoysaska iyo shaqaaluhuba usii qorshaystaan isbedal kasta oo ku yimaadda jadwalka waxbarsho. SIYAASADA SII DEYNTA ARDAYGA Dugsiyada Rocketship waxay sameeyaan dedaal kasta si ay u hubiyaan in dhamaan ardaydu ay guryahooda ku laabtaan iyagoo badqaba marka ay maalin walba dugsiga ka tagaan. Siyaasadani waxay taabanaysaa dirista ; karaka xaaladaha degdega ah, oggolaanshiya la siiyo qofka carruurta sii kaxayn kara; dirista degdega ah; gadiid qaadista ardayda iyo badbaadinta ardayda.

I. Kaararka Lugeeyaha/[gaadhi] Raacaha Marka sannadka waxbarasho ee dugsiga la bilaabayo ama ka horba, waalidku/masuulku waa in la siiyaa kaarka lugeeyaha/[gaadhi] raacaha oo uu ku cadyahay magaca ardayga, fasalkiiga iyo fasalka salka u ah. Waalidka/masuulka ama cida kale ee loo ogolaaday in ilmaha uu qaado dugsiga (hoosta ka eeg) waa in ay kaarka tusaan shaqaalaha dugsiga wakhtiga dirista. Haddii waalidka/masuulka ama cida kale ay soo illowdo kaarka lugeeyaha/[gaadhi] raacaha si uga baxaan dugsiga, waxay u baahanayaan in iska hubiyaan xafiiska hore isla markaana ay qaataan kaarka lugeeyaha/[gaadhi] raacaha oo cusub ama ogolaansho kumeel gaadh ah.

II. Kaararka Xaaladaha Degdega ah Bilowga sannad dugsiyeed kasta, waalidku waa inay soo buuxiyaan isla markaana keenaan dugsiga meesha Lagala soo xidhiiyo xaaladaha degdega ah si loo galiyo faylka dugsiga yaalla. Waalidiinta/masuuliyuunta waxa laga codsan doonaa in ay soo gudbiyaan magacyo kale oo lala soo xidhiidho kari haddii xaalad degdeg ahi dhacdo oo la heli kari waayo waalidka/masuulkii ku qornaa. Qofka kasta oo ku qoran liiskan la soo wacayo xaaladaha degdega ah ee waalidka/masuulka ilmuhu ansixiyay ayaa loo aqoonsan karaa inuu ilmaha ka qaadi karo dugsiga haddii aanu waalidku/masuulku si kale sheegin. Wakhti kaste sanadka, waalidka/masuulku wuxuu codsan karaa in la cusboonaysiiyo karaka xaaladaha degdega ah. Markii la cusboonaysiiyo kaarka xaaldaha degdega ah, kuwii horay lama adeegsan doono.

III. U Ogolaanta in ay Cid [Kale] Soo Qaadaan Ilmaha Waalidiintu/masuuliyiintu waxay u ogolaan karaan dugsiyada Rocketship in carruurtooda ay raacin karaan cid kale kadib marka ay buuxiyaan qaybta "Ogolaansho siinta Qaadida" ee kaarka Kaarka Xiriirka Xaaladaha Degdega ah. Waalidiinta/masuuliyiinta waxa laga codsanayaa in soo qoraan magaca, taleefanka iyo xidhiidhka qofkaasi la leeyahay ilmaha la qaadayo, si loogu ogolaado in ilmaha la raacin karo. Waalidka/masuulku wuxuu bedali karaa qaybta "Ogolaansho siinta Qaadida" xilli kasta oo u baahdo isagoo soo booqanaya xafiiska hore ee dugsiga. Shaqaalaha Rocketship waxay [kaar] aqoonsi ah weydiin karaan qofka loo ogolaaday inuu ilmaha sii kaxayn karo marka ay ilmaha ka laga sii daayo dugsiga. Waalidiinta/masuuliyuuntu waxay u ogolaan karaan Rocketship in qaraabadu ay qaadi karaan ilmahooda haddii uu yaryahay (da'dadoou u dhaxayso 14-18 sanno jir) iyagoo buuxinaya foomka Ogolaansho siinta Qaadida iyo Ka Dhaafida Sii deynta Ilmo yar. Nuqul kamid ah kaarka Qaadida oo ay ku lifaaqan tahay ogalaansho siinta in ilmaha yar ee qaraabadu uu kaxayn karo waa in loo daabacaa qofka qaraabada ah ee aan qaangaarin, qaraabaduna waa inay ogolaanshahooga soo qaataan maalin walba oo ay ilmaha ka sii kaxaynayaan dusgsiga. Sidoo kale aqoonsiga qofka waa loo baahanyahay. Rocketship waxay aqoonsantayin mararka qaar ay dhici karto in qof aan ku jirin liiska xaaladaha degdega ahi uu u baahan karo in uu ilmaha ka qaado dusgiga. Haddii xaaladan naadirka ah oo kale ay dhacdo, waa in waalidku/masuulku uu soo wacaa dugsiga isla markaana uu shaqaalaha dugsiga ku wargeliyaa in maanta uu ilmaha sii qaadi doono qof kale. Hadddiiba ay dhacdo in ilmaha uu sii qaadayo qof aan hore ugu jirin liiska dadka lala soo xidhiidho xaaladaha degdega ah isla markaana dugsiga aan hore loola soo xidhiidhin, markaa dugsigu wuxuu u baahanayaa in uu taleefan kula xidhiidho waalidka/masuulka si loo sii daayo ilmaha. Qofka qaadaya ilmahu waa in uuu aqoonsi sawir ah keenaa ka hor inta aanuu ilmaha dugsiga kala bixin. Intaa waxa dheer, waa haddii ay macquul noqotee, waa in waalidiintu/masuuliyiintu soo raaciyaan qofka ay u ogolaadeen inuu ilmaha sii kaxeeyo ogeysiis saxeexooga wata oo ay ku sheegayaan in maalintaa uu qofkaasi ilmaha soo qaadayo.

IV. Dirista Xaaladaha Degdega ah

40

Page 41: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Haddii ay dhacdo xaaladaha degdega ah ee dirista ardaydu, waa in waalidiinta/masuuliyiintu ay hogaanka dugsiyada ka sugaan wixii tilmaamo ah ka hor inta ayna ilmahooga dugsiga ka kaxayn. Hogaanka dugsiga ayaa waalidiinta/masuuliyiinta la wadaagi doona hadba xogta ugu dambaysa ee sida loo diri doono ardayda iyadoo la raacayo habka wicidda degdega ah. Waalidiinta/masuuliyiintu waxay filan karaan hadba meesha laga kaxaynayo iyo hanaankiisa oo ka duwanaan doona maalmihii caadiga ahaa. Waalidiinta/masuuliyiinu waa in ay soo diyaarsadaan sawir muujinaya aqoonsigooda marka ay ilmahooda ka kaxeynayaan dugsiga kadib xaalad degdeg ah. SIYAASADA QAADISTA DAAHSAN Himilada Rocketship waa inay ardayda u diraan si badbaado leh, fiican, oo xilkasnimo leh. Waxaan fahamsanahay in xaaladaha degdega ah ee qoyska ee mararka qaar ay keeni karto in ilmaha xilli danbe dugsiga laga qaado, laakiin qoysaska si joogto ah ugu guuldareysta inay ardayda u qaadaan si aan dib dhicin waxay kharash ku joogtaa dugsiga, culaysna ku haysaa shaqaalaha dugsiga, isla markaana ay khakhal ku riddaa habsami u socodkii maalinlaha ahaa nolol maalmeedka ardaydayada.

I. Ogeysiinta Dugsiga Waalidiinta/masuuliyiinta waxa laga filayaa in ay carruurtoodau diyaariyaan sidii loo sii qaadi lahaa xilligii loogu tala galay wakhtiga kala dirista ardayda. Iyadoo taasi jirto, haddana waxa aan garwaaq sannahay in ay jiri karaan duruufo aan la saadaalin karin oo waalidka/masuulka ku qasbi kara in uu xilli dambe ardayga dugsiga keeno (tusaale ahaan cilad gaadhiga ku timaada, wadada oo saxmad ah, hawlo xaga shaqada ka soo kordhay). Markay ay xaaladahani oo soo kordhaan, waa in waalidka/masuulka ilmuhu la soo hadlaan shaqaalaha dugsiga una sheegaan in maalintaa ilmaha goor dambe la soo qaadayo. Waalidka/masuulka waxa wali laga dalbanayaa inay marka dusgsiga soo gaadhaan si ay ilmaha doonayaan in ay buuxiyaan Warbixinta Dhacdada Soo Qaadidda Daahsan, sida ku cad qaybtan hoose.

II. Qaadista Daahsan Shaqaalaha dugsigu waxay isku dayi doonaan in la soo xidhiidhaan waalidka/masuulka ilmaha haddii ilmaha lagaga tago goobta dugsiga marka dirista ardaydu ay dhamaato isla markaana aanuu waalidku soo wargelin dugsiga sida uu dhigayo qodobka sare. Shaqaaluhu sidoo kale waxa la soo xidhiidhi doonaan liiska magacyada lala soo xidhiidhayo marka xaalad degdeg ahi soo korodho. Waalidka/masuulka (ama cidda kale ee loo ogolaaday, iyadoo la raacayo siyaasada sii daynta ardayga ee Rocketship) ee u yimaada si uu u qaado ilmaha kadib markii qaadistii ardaygu dhamaatay waxa uu u baahanayaa inuu buuxiyo Warbixinta Dhacdada Soo Qaadida Daahsan isla markaana uu u dhiibo shaqaalaha sii ilaalinayay ilmahooda ka hor inta aanu ka bixin goobta dugsiga. Warbixinadan waxa la galinayaa fayl dugsiga yaalla oo lagu kaydiy sababaha keenay in ilmaha goor dambe la qaado maalintaa.

III. Qaadis Aad u Daahsan Haddii ardaygu wali uu joogo goobta dugsiga wax hal saac ka badan xilligii ardayda la sii daayay isla markaana waalidka/masuulka ardaygu aanu shaqaalaha la soo xidhiidhan, sida ku xusan qodobka labaad ee sare, Rocketship waxay u qaadanaysaa in qoyskii xaalad degdeg ahi ku dhacday iyo in oo awoodin in oo ardayga soo qaado. Maamulaha dugsiga ama xubin kale oo kamid ah maamulka dugsiga ayaa la wargelin doona maamulka deegaanka ( Boolis ama CPS), isla markaana la hadlaya dadkii ku qornaa liiska lala hadlayo xaaladaha degdega ah haddii aanay hore sidaa sameyn. Maamulaha ama qof kale oo loo xilsaaray ayaa ilmaha u dhiibi doona shakhsiga ogolaanshaha u haysta [inuu kaxeeyo ilmaha] ama ku wareejinaya ciidanka booliska.

IV. Qaadista Daahsan Ee Soo Noqnoqota Rocketship waxay raaci doontaa tallaabooyin adag ka qaadan doonaan qoysaska si joogto ah carruurtooda dugsiga uga qaada goor dambe, sida ku xusan hoosta:

Qaadis Daahsan (dhacdo kasta)

Waa in la buuxiyaa Warbixinta Dhacdada Soo Qaadida Daahsan ka hor inta aan laga bixin goobta dugsiga, sida kor lagu soo xusay

Qaadista Daahsan ah ee Soo Noqnoqota (saddex dhacdo)

Waa in waalidka/masuulku uu ka soo qayb galaa kulamada lala qaadanayo Hogaanka Dugsiga si dib loogu eego Warbixinta Dhacdada Soo Qaadidda Daahsan, halkaana lagu abuuro heshiis iyo qorshe lagaga hortagayo in goor dambe ilmaha la qaado mustaqbalka. Waxa suurogal ah in Hogaanka Dugsigu uu qoyska u diro xarumaha talo bixinta maxalliga ee kheyraadka goynta.

41

Page 42: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Qaadista Daahsan oo Caado Noqota (lix dhacdo)

Warqad ayaa loo diri doonaa waalidka/masuulka ardayga oo lagu sheegayo taariikhda, waqtiga iyo goobta uu kula kulmayo hogaanka dugsiga. Waalidka/masuulka waxa saaran inuu soo xaadiro kulanka uu la leeyahay Hogaanka Dugsiga isla markaana uu saxeexo heshiis dhigaya inuu ilmaha soo doonayo xilligii loogu tala galay.

Qaadista Daahsan ee Joogtada ah (more than six occurrences)

Waxa suurogal ah in waalidka/masuulka la siiyo tababar ay siinayaan Kooxda Tageerada Ardayga, oo ka kooban ugu yaraan Maamulaha, Maareeyaha howlaha Ganacsiga, iyo maareeyaha xafiiska.. Waxa kale oo suurogal in maamuluhu la xidhiidhi karo xarunta Adeegyada Daryeelka Carruurta, haddii uu arko inay muhiim tahay.

SIYAASADA GELITAANKA DUGSIGA IYO MARTIDA Rocketship waxay ku dedaashaa sidii ay abuuri lahayd goob dugsi oo soo dhawaysa qoysaska, mutadawaciinta iyo xubnaha kale ee bulshada iyagoo ku dedaalaya inay jawi ammaan iyo xasilooni leh u joogtaynaya ardayda iyo shaqaalaha. Siyaasaddani waxay taabanaysaa maamulka meelaha laga soo galo dugsiga; hanaaanka ay isku diiwaan galinayaan martida dugsigu; hanaanka la raacayo marka goobta dugsiga la soo booqanayo; iyo sida qof looga eryayo goobta dugsiga. “Xayndaab” (Campus) siyaasaddatan waxaa lagu qeexayaa dhamaan dibedda iyo gudaha dhismaha, marka lagu daro dhismaha dugsiga , halka baabuurta la dhigto, garoonka ciyaaraha , meesha dadku maraan, iyo qaaroodka sare(Daaradda).

I. Goobahah laga soo galo Xarunta Xubin loo carbiyay shaqada oo ka mid ah shaqaalaha Rocketship ayaa goor walba joogi doona xafiiska soo dhawaynta, iyo dhamaan goobaha xakamaeysan ee laga soo galo dugsiga,i kaas oo ka mid ah dugsiyada Rocketship. Waa masuuliyada koowaad ee Maareeyaha Xafiiska Dugsiga inuu hubsado in mar walba qof joogo xafiiska soo dhawaynta ee dugsiga. Haddiiba ay u suurtoobi waydo in Maareeyaha Xafiisku uu joogi kari waayo xafiiska soo dhawaynta, waa in uu qof kale oo ka mid ah shaqaalaha Rocketship u diraa in uu halkaa sii joogo. Qof aan ahayn shaqaalaha Rocketship lagama codsan karo in uu sii istaago xafiiska soo dhawaynta dugsiga. Albaabada soo galaya dhismaha dugsiga oo dhan waa in ay xirnaadaan , waana in ay qufulnaadaan waqti kasta, waana in ay furan oo kali ah xubno shaqaale idman.

II. Iska Taagnaan/Sugid Bilaa Ujeedo ah Maaha in waalidiinta/masuuliyiinta ama martida kale, oo ay ku jiraan carruurta kale ee aan dhigan dugsigu si bilaa ujeeddo ah iskaga dhex taagnaadaan dhismayaasha dugsiga, ha noqoto goobaha baabuurta la dhigto iyo hareeraha dugsigaba. Waxaa ka mid ah caruurta shaqaalaha dugsiga ee dhigto dugsiyada kale. Goobaha baabuurta la dhigto waxa loo adeegsadaa in lagu dejiyo isla markaana laga qaado ardayda iyo inta ay shaqadu socotoba. Waxa laga filayaa in waalidiinta/masuuliyiinta ardaygu ay kasoo baxaan goobta dugsiga kadib marka ay danahoogii ka dhammaystaan dugsiga ama marka ay keenaan carruurtooda. Haddii uu waalidku/masuulku xiiseeyo in soo booqdo dugsiga si uu u soo indha-indheeyo habsami u socodka waxbarashada, waa in uu u hogaansamaa qodobadan hoos ku qoran, ee loo dajiyay in lagu xaqiijiyo bad qabka ardayga iyo shaqaalaha si loo dhimo khalkhalka soo gaadhi kara nidaamka baxbarasho ee socda.

III. Diiwaangelinta iyo Warqada Ogolaanshaha/Calaamada Martida

● Dhamaan martida dugsiga (oo ay ku jiraan shaqaalaha waxbarsho ee Rocketship ee heer gobol iyo heer qaran) waxa laga rabaa in iska diiwaan galiyaan Xafiiska Hore isla marka ay soo galaan dhismaha dugsiga ama guud ahaan saacadaha ay shaqadu socoto.

● Maamulaha ama cid kale oo uu loo xilsaaray ayaa xaq u leh in uu diido in la diiwaan galiyo qof dibadda ka imanaya haddii uu u hayo sabab macquul ah oo ay kamid noqon karto in imaatinka qofkaasi uu khalkhal galin karo dusiga, ardayda, barayaasha, ama shaqaalahaba; taas oo dhaawac soo gaadhsiin karta hantida ama keeni karta qeybinta ama adeegsiga walxo sharci darro ama mamnuuc ah.

42

Page 43: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

● Martida cid kale isku soo ekaysiiyaa ama xidhan dhar qarinaya wajigooda looma ogolaan doono inay soo galaan goobta dugsiga iyagoon heshiis hore ka aysan maamulka dugsiga.

● Kadib marka qofku iska diiwaangaliyo Xafiiska Hore, haddii qofkaasi aanu ahayn shaqaalaha Rocketship waxa la siinayaa Warqada Ogolaanshaha/Calaamada Martida taas oo ay tahay in uu mar walba muujiyo inta uu dhex joogo goobta dugsiga. Shaqaalaha heer gobol/qaran ee Rocketship ("Shabakada Taageerada" iyaga waxa la siin doonaa aqoonsi gaar ah oo ay ka helayaan Waaxda Maaraynta Shaqaalaha Rocketship. Shaqaalaha Shabakadda Taageerada waa inay calaamadooda ku dhajiyaan dharkooga inta la dhex joogo goobta dugsiga mar walba. Haddii Shaqaalaha Shakabada Taageeradu ay soo illoobaan calaamadooda, waxay u baahanayaan in uu Calaamada/warqada soo booqdayaasha ka soo qaataan xafiiska soo dhawaynta.

● Dhamaan martida marka ay baxayaan waa inay saxeexaan in ay ka baxeen goobta dugsiga. ● Marti kasta waa inuu marka la weydiiyo muujiyaa aqoonsigiiga gaarka ah. ● Maamulaha ama qofka loo xilsaaray ayaa ogolaanshaha kala noqon kara martida, xataa

haddii uu martidu xaq u leeyahay inuu iman karo goobta dugsiga, waa markasta oo uu maamulku arko sababo macquul ah oo sheegaya in imaatinka soo booqduhu uu khalkhal galin karo habsami u socodka anshaxa guud ee hawlaha dugsiga, ardayda, barayaasha, ama shaqaalahaba.

● Maamulaha ama qofka loo xilsaaray ayaa codsan kara marti isdiiwaan galin kari waayay ama loo diiday inuu isdiiwaan galiyo inuu iskaga baxo goobta dugsiga. Marka marti loo sheego inuu dugsiga ka baxo, maamulaha ama qofka loo xilsaaray martida wargeliyaa in haddii marka dambe uu isku dayo inuu dugsiga soo galo isaga oo aan soo buuxin shuruudaha laga rabo, waxaa la wargelinaa booliska asaga/ayada waxaa lagula xisaabtamaa inuu ku kacayo fal dambiyeed ammar diidis ah.

IV. Qabanqaabinta Booqashada Goobta Dugsiga

Booqashooyinka saacadaha dugsiga ee aan ahayn kuwa Shabakada Taageerada ama xubnaha kale ee shaqaalaha Rocketship waa in hore loola qabanqaabiyaa macalinka iyo maamulaha (ama qofka loo xilsaaray). Shirarka macalinka waa in la qabanqaabiyaa iyadoo balan hore loo sameynayo waana in la qabtaa inta lagu jiro wakhtiga aan waxbarashadu socon. Waalidka/masuuliyiinta doonaya inay soo booqdaan fasalka inta lagu jiro saacadaha dugsiga waa inay haystaan ogolaansho ka helaan macalinka fasalka iyo maamulaha ama qof loo xilsaaray. Qalabka electronic ah ee wax lagu dhageysto ama wax lagu duubo ee laga yaabo in ay isticmaalaan ardayda iyo booqdeyaashu ee gudaha fasalka waa mumnuuc haddii aan fasax qoraal ah laga haysanin macallimiinta iyo maamulaha. Tan oo aan loo hoggaansamin waxay ka dhigan tahay ku xadgudub siyaasaddan, lagana yaabee in ay tani keento in booqduhu uu waayo xuquuqdiisa/deeda ah in ay/uu yimaado xayndaabka sida ay qabto qaybtan kore III.

V. Shaqsiyaadka Laga Mamnuucay Goobta Dusgiga Rocketship waxay aqoonsan tahay inay dhici karaan xaalado laga yaabo inay lagama maarmaan u noqota in maamulaha iyo/ama kormeeraha Maamulaha uu shaqsi ka mamnuuco inuu soo galo goobta dugsiga Rocketship. Xaaladaha noocan oo kale ah waxaa kamid ah shaqsi sameeya rabshad, hanjabaad rabshadeed, dhibaatayn ama dhaqan kasta oo kale oo uu maamulaha u arko in ay carqalad gelinayso jawiga waxbarasho. Falalka noocan oo kale ahi waxay u hogaansami doonaan waxyaababa khuseeya ee uu sharciga gobolku u baahanyay. Ka mamnuucidu waxay gaar u tahay goob kasta oo dugsi Rocketship ah iyo hawlaheeda la xiriira. Maamulayaasha ayaa guud ahaan awood u leh inay mamnuucaan qof carqalad gelinaya [dugsiga], balse waa inay raacaan baratakoolada gudahaha ee Rocketship una hogaansamaan dhamaan sharciyada gobolka. Maamulaha ayaa laga yaabaa in uusan shaqsi ka mamnuucin meel ka baxsan goobtiisa dugsiga ee gaarka ah, haddii ogolaansho gaar ah aanuu siin Agaasimaha Dugsiyada ama waaxda sharciga. Waa mas'uuliyada Maareeyaha Hawlgalada Shaqada, Maareeyaha Xafiiska, iyo ammaanka dugsiga inay:

● markasta isticmaalaan xaqiijinta aqoonsiga sawirka leh si loo hubiyo in shaqsiyaad laga mamnuucay in aanay soo gelin dhismaha.

43

Page 44: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

● qoraan iyo ay joogteyaan hanaanka dugsiga ee qaadista, keenista iyo wixii kale ee cadeyn ah ee la xiriira ogeysiiska mamnuucida ee yaala miiska hore.

● go’aansadaan waqtiga dhacdada iyagoo la kaashanaysa Maamulayaasha, haddii booliiska maxaliga ah lala xiriiri doono.

● hayaan liiska saxda ah ee hadda ee shakhsiyaadka la siiyay ogeysiiska mamnuucida. ● hirgeliyaan ogeysiiska mamnuucida iyagoo shaqsiyaadka dhismaha iyo dhulka dugsiga uga

saaraya si nabad, xasilooni iyo habsami leh. ● in aanay shaqsiyaadka laga mamnuucay ugu saarin dugsiga iyagoo isticmaalaya luqad, cod

ama ficil dagaal ah. ● la xiriiraan waaxda bilayska ee maxalliga ah haddii ay dhacdo inuu shaqsigu sameeyo iska hor

imaansho jidheed (dagaal) ama uu diido inuu u hogaansamo ogeysiiska mamnuucida. VI. Diiditaanka Ka Bixida Goobta Dugsiga Qof kasta oo diida in uuiskaga baxo dugsiga kadib marka uu Maamuluhu ka dalbado sidaa, ama qofka iska soo gala goobaha dugsiga ay ka mid yahiin (Parking, gegida ciyaaraha,meelaha socodka, iyo dhismayaasha dugsiga) isaga oo aan ogolaanshiyo haysan sida siyaasaddani dhigayso, waxa suurtogal ah in la mariyo xeerarka fal dambiyeedka ee la xidhiidha iska soo galida qasabka ah ee sharciga baal marsan. Anshaxa kale ee noocan ah ee uu ku kaco soo booqduhu waxa suurogal ah in uu dugsigu ka qaato go'aan ka mamnuucaya soo booqdaha in uu mar dambe soo galo dugsiga ama dib usoo soo xaadiro hawlaha dugsiga ka socda ujeedaduu doono ha lahaadee, taas oo ku xidhan muddada hore loo ansixiyay. Maamulaha ama cida kale ee loo xilsaaray ayaa ka mas’uul ah inay booliska ka dalban karaan in ay tallaabo ka qaadaan soo booqde kasta oo ku xadgudba qodobbada siyaasadani ay dhigayso. SIYAASADA HAYNTA [ILMAHA] EE QOYSKA Waxay Rocketship dedaal kasta u gali doontaa sidii loo raaci lahaa haynta [ardayga] ee sharciga ah ee dhinacyada shaqaalaha dugsiga iyo waliba waalidiinta/masuuliyiinta. Siyaasaddani waxay ka hadlaysaa diiwaanka haynta; sii daynta ardayga ee loo dhiibayo waalidka haya; xuquuqda waalidka aan hayn ardaygu; iyo doorka ay Rocketship ka qaadanayso khilaafaadka la noolaanshaha qoyska ee ardayga.

I. Qeexitaanno : Sida siyaasadani ujeedo, dugsiga Rocketship wuxuu raacayaa qeexitaanadan soo socda: "Amar Maxkamadeed": waa ammar ka soo baxay maxkamad kadib markii la maray habraaca dacwadaha si loo kala xaddido xuquuqda haynta ee labada dhinac. Ammarka maxkamaddu wuxuu caadiyan sheegayaa xuquuqda sharciga ah ee haynta ee la siiyay waalid kasta. "Wada hayn Wadaag ah": labada waalidba waxay xaq u leeyihiin inay [ardayga] hayn karaan. "Haynta Sharciga ah": Waalidka leh Haynta Sharciga ah waa ka iska leh xuquuqda go'aan gaadhida barbaarinta ilmaha. Go'aannada noocan oo kale ah waxay ku lug yeeshaan waxbarashada ilmaha, diintiisa iyo daryeelka caafimaadka. "Waalidka aan lahayn xaqa haynta [ilmaha]": Waa waaalidka aan xaqa u lahayn in ilmuhu la noolaado. "Haynta Qudh ahaaneed": Waa haynta [ilmaha ee] jidh ahaaneed ee keenaysa in uu waalidku xakameeyo halka ilmuhu ku noolaanayo iyo cidda daryeelaysaba.

II. Diiwaanada Haynta Waxay Rocketship ku dedaalaysaa in ay joogtayso diiwaanka haynta ee arday walba oo sax ah oo mar walba ah kii ugu dambeeyay. Waa mas’uuliyadda waalidka/masuulka ardayga inuu u sheego Maareeyaha Xafiiska Rocketship hadba ammarada maxkamada saxda ah ee sheegaya cida iska leh xuquuqda haynta ilmaha. Ammarka Maxkamadda ee u Dambeeya waa in loogu keenaa Maareeyaha Xafiiska sida ugu dhakhsaha badan. Dhamaan xogta loo dhiibo dugsiga waxa loo ilaalinaya si qarsoodi ah, waxaana heli kara kaliya shaqaalaha dugsiga marka ay u baahdaan. Haddii aanu jirin Ammar Maxkamadeed, waxay Rocketship ka soo qaadaysaa in waalidka kala tagay ama is furay uu ka dhaxeeyo heshiiska wada haynta wadaaga ah ee ilmaha. [Gobolka] Tennessee sida uu dhigayo xeerka T.C.A. 36-2-303, hooyada ku dhasha ilmaha sifo aan guur ahayn iyada ayaa iska leh xaqa haynta ilmaha (sharci ahaan iyo qudh ahaanba) waa marka wali aan labada waalid is guursan, haddii uusan jirin Ammar Maxkamadeed oo garsoore soo saxeeyay mooyaane.

44

Page 45: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Haddii aanu jirn Ammar Maxkamadeed ama caddayn muujinaysa in waalidka loo ogolaaday in uu ilmaha korsado oo lagu cadeeyay xaqa uu u leeyahay haynta ilmaha, looma tix galin doono waalidka ilmaha korsanaya [ee aan dhalin] in uu leeyahay Xuquuqda Sharci iyo ta Qudheed ee ilmaha. Haddii aan cadayn noocaas oo kala ah aan la helina, waxay Rocketship u qaadan doontaa in walaalaha, edooyinka/habaryaraha, adeerada/abtiyaasha, ayeeyooyinka/awoowyaasha, ilma adeerada/ilma abtiyaasha iyo kuwa kalaba midkoodna aanu xaq u lahayn in Ilmaha hayo Sharci ahaan iyo Qudh ahaan toona.

III. Sii Daynta Ardayga Waalidka/masuulka xaqa u leh Haynta Qudheed ee ilmaha ama haysta xuquuq hayneed oo gaar ah oo uu ku helay Ammar Maxkamadeed oo gaadhsiisan in ilmuhu la joogi karo saacadaha dugsiga ka dib, wuxuu ardayga ka qaadi karaa dugsiga isla markaana wuxuu Rocketship u ogolaan karaa in ardayga ay raacin karaan cid kale oo uu u ogoaaladay isagu/iyadu; iyadoo ay taasi jirto; haddana dhamaan hawlahaasi waxay ku xidhan yihiiin in ay waafaqaan Ammarka Maxkamadda. Marka sannad dugsiyeedku bilaabmayo, waxa waalidiinta/masuuliyiinta laga codsan doonaa in ay soo buuxiyaan Foomka Ogolaanshaha Sii Daynta Ardayga. Waxa u banaan waalidka/masuulka mar walba iska leh xuquuda Haynta Qudheed ee ilmaha in uu cida uu rabo ku soo daro Foomka Ogolaanshaha Sii Daynta Ardayga. Xaq uma laha Rocketship in iyagu ay xadidaan xuquuqda waalidka ee ardayga dhigta Rocketship haddii aanu jirin Ammar Maxkamadeed. Haddii hal waalid aanu rabin uu waalidka/masuulka kale u ogolaado in uu ilmaha dugsiga ka kaxeeyo ama uu ku soo booqdo dugsiga, markaa Rocketship waa in loo keenaa Ammar Maxkamadeed oo xadidaya xuquuda waalidkaa kale.

IV. Xuquuqda Waalidka Aan Hayn Ilmaha Baadhista Diiwaannada Dhamaan waalidiinta, iyadoo aan la eegayn xuquuqda haynta ilmaha, waxay xaq u leeyihiin in ay baadhan karaan diiwaanada waxbarasho ee ilmahooga, in kasta oo aanay ku samayn karin wax ka bedal, nuqulna ayna ka qaadi karin, haddii aanu jirin Ammar Maxkamadeed oo xaddidaya xuquuqda waalidka ee arrimahaa la xidhiidha. (Baadhis kasta oo diiwaannada la baadhayaa waa inay waafaqsan tahay siyaasadaha Diiwaannada Ardayga Rocketship ee heer gobol ee FERPA.) Booqashada Dugsiga Waalidiinta aan lahayn xuquuqda Haynta Qudheed ee ilmahu kama kaxayn karaan ilmahooga fasalka uu dhiganayo ama kuma soo booqan karaan dugsiga haddii aanu ogolaansho ka sidan waalidka iska leh xuquuqda haynta ilmaha ama aanuu sidan Ammar Maxkamadeed.

V. Doorka Rocketship ee Khilaafaadka Haynta [ilmaha] Waa siyaasadda dugsiyada Rocketship in ay dhexdhexaad ka ahaato khilaafaadka haynta ilmaha ee u dhaxeeya xubnaha qoyska ardayga dhigta dugsiyada Rocketship. Sidaa daraadeed, barayaasha, maamulka iyo shaqaalaha dugsiyada Rocketship waxay iska jirayaan in ay qaadaan tallaabo u ekaanaysa inay u xagaliyanayaan waalid gaar ah ama xubin kale oo qoyska kamid ah. Waxyaabahaasi waxa ka mid noqon kara, balse aan ku koobnayn, inay u adeegaan ama warqad taageero ay u sameeyaan dhinac ay dacwad maxkamadeed u socoto. Iyadoo qodobku sidaa dhigaya, haddana Rocketship waxay u hogaansami doontaa waxyaabaha ay ka dalbato Maxkamadaha heer gobol iyo heer degmo. Waxay Rocketship dhaqangalin doontaa Ammar Maxkamadeed kasta oo dugsiga loo soo jeediyo. Haddii maxkamaddu codsato in ay xog ka hesho barayaasha, maamulka iyo shaqaalaha Rocketship, waxay dhamaan u hogaansamayaan codsigaasi isla markaana waxay bixinayaan uun xogta ay iyagu ka war hayaan. Rocketship waalidna ka dafiri mayso xuquuqda waalidnimo ee uu ku helay Ammar Maxkamadeed ee muujinaysa rabitaanka Gobolku uu ku xadidayo xuquuqda waalidka. SIYAASADA ANSIXINTA MUTADAWACA Waalidiinta hawlani waxay laf dhabar u yihiin habsami u socodka Rockteship isla markaana waxay qayb laxaad leh ka qaataan hammiga muddada dheer ee guusha ardayda Rockteship. Marka si firfircoon looga qeybqaadashiiyo hawlaha dugsiga iyo habraaca waxbarasho ee Rockteship, waalidiintu waxay noqdaan kuwo ku dhafan bulsho waynta dugsiga. Waxay Rockteship waalidiinta ka dalbanaysaa in sannadkiiba ogu yaraan muddo 20 saacadood oo Wada Shaqaynta Waalidka ah ay

45

Page 46: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

galiyinaan taageerida iyo ka qayb galidda hawlaha ka socda dugsiga. (Wixii faahfaahin dheeraad waxa ad ka eegtaa Siyaasada Iskaashiga Waalidka ee Rockteship.) Saacadaha Iskaashiga Waalidka siyaabo kala duwan ayaa lagu xaqiijin karaa oo ay ka mid yihiin in uu waalidku ka mutadawaco gudaha ama dibada dugsiga. Maadaama Rocketship ay ka go'antahay inay ilaaliso bad qabka dhamaan ardayda, waalidiinta, masuuliyiinta ama xubnaha kale ee qoyska ee doorta inay ka mutadawacaan gudaha ama dibada dugsiga ee xafladaha Rocketship ay maalgalisay waa inay soo codsadaan inay noqdaan mutadawac, isla markaana ay dhamaan soo maraan baadhitaanka taatiikhdiisa gaarka ah sida waafaqsan siyaasadan. Siyaasadani waxay tilmaamaysaa jagooyinka mutadawaca ah ee u baahan soo baadhida tariikhda qofka dhanka dambiyada; heerarka adeega mutadawac; habraaca loo marayo soo baadhida saxda ah; iyo ganaaxyada ka dhalan kara haddii uu qofku bixiyo macluumaad been abuur ah.

I. Baadhitaanada Taariikhda Fal dambiyeedka ee Waajibka ah Iyadoo la tixraacayo xeerka T.C.A. § 49-5-413, dhamaan mutadawaciinta la macaamili doona ardayda iyadoo aan cid kale kormeerayn waa inay soo maraan baadhitaannada fal damiyeedka iyadoo la raacayo habraacyada ku xusan siyaasaddan. Waxa ku jira shakhsiyaadka qorshaynaya in si joogto ah uga mutadawacaan fasalada dhexdooda iyo shakhsiyaadka kale ee xiisaynaya inay ka qayb qaataan safarada waxbarasho ee dugsiga. Laakiin shakhsiyaadka kale ee ardayda la yeelanaya xidhiidh guud oo cid kale kormeerayso loogama baahna in soo maraan baadhitaanka fal dambiyeedka. Sida ay siyaasadani ujeedana, erayga "kormeeridda" waxa looga jeedaa kormeeridda iyo indho ku haynta uu mar walba shaqaale kale isha ku haynayo mutadawac kasta oo ka soo gudbay baadhitaanka fal dambiyeedka. [Sida uu dhigayo qodobka] (T.C.A. § 49-5-413(d)(5)(A)). Waxa ka mid ah shakhsiyaadka fasalada soo booqanaya si ay buug ugu akhriyaan ardayda ama macalinka ka caawiyaan mashruuc uu fulinayo.

II. Luminta Xilka Mutadawacnimada Iyadoo la raacayo xeerka (TCA § 49-5-413 (d) (3) (B)), Rocketship qofna u ogolaan mayso inuu ku shaqeeyo xilka mutadawaca iyada oo aan la kormeerayn haddii qofkaasi lagu soo eedeeyay mid kamid ah fal dambiyeedyadan soo socda:

● Fal dembiyeed galmo sida ku qeexan T.C.A. § 40-39-202; ● Fal dembiyeedyada gafka ah, fal dambiyeedka dilka, afduubka iyo xabsi sharci darrada ah,

dhaca, fal dambiyeedka galmada, ku xadgudubka asturnaanta qofka, argagixisada ama fal dambiyeed kasta oo ku qeexan title 39, chapter 13

● Dab hurin ama gubid arxan daran sida ku qeexan T.C.A. § 39-14-301 iyo 302 ● Budhcadnimada ama budhcadnimo arxan daran sida ku qeexan T.C.A. § 39-14-401-404 ● Ku xadgudubka caruurta, dayacidooda, ama khatar galintooda sida ku qeexan T.C.A. §

39-15-401 iyo 402 ● Samaynta, iibinta, ama haysashada walxaha la kantaroolo sida ku qeexan T.C.A. § 39-17-417 ● In carruurta la siiyo hubka qori-gacmeedka ah sida ku cad T.C.A. § 39-17-1320 ● Iyo faldambiyeed kasta oo hub la xidhiidha sida cad qodobka title 39, cutubka17, qaybta13

Shakhsiyaadka magacyadooda la galiyay liiska dadka nugul ee gobolka ama diiwaanka fal dambiyeeddada galmo looma ogola in ay noqdaan mutadawacayaal aan la kormeerayn sida ku cad T.C.A. § 49-5-413 (e) (7). Haddii mutadawac lagu helo mid ka mid ah fal dambiyeedyada sare kadib markii la soo dhameeyay baadhitaanka fal dambiyeedka, waa in qofkaasi Rocketship ku soo ogaysiiyaa muddo hal toddobaad ku siman markii lagu helay. (T.C.A. § 49-5-413(d)(3))

III. Habraacyada Baadhitaanka Taariikhda Iyadoo la raacayo T.C.A. § 49-5-413 (a), baadhitaanka taariikhda qofka waxaa ka mid ah faraha iyo diiwaanka qaranka ee dembiyada. Soo hubinta taariikhda qofka waxa laga heli karaa iyada oo loo marayo Xafiiska Dambi Baadhista ee Tennessee.

46

Page 47: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Mutadawaciinta carruurta la yeelanaya xidhiidh toos ah looma ogolaan doono inay bilaabaan hawsha mutadawacnimada ee aan la kormeerayn Ilaa inta Rocketship ku qancayaan natiijooyinka baadhitaanka dhanka fal dambiyeedyada ee qofka oo waafaqsan siyaasaddan. (T.C.A. § 49-5-413 (d) (3) (A))

IV. Muddada uu Qaadanayo Baadhitaanku Inkastoo ay Qaybta III ee kor ku xusani ay sidaa dhigayso, haddana mutadawacu wuxuu adeegsan karaa isla baadhitaankaa dhanka ammniga ahaa muddo laba sannadood ah.

I. Shuruudaha Mutadawaciinta Da’da Yar. Mutadawaciinta da'da yar KALIYA WAXAY ka shaqayn karaan xilal aan u saamaxayn in ay ardayda kali kula noqdaan haddii aanu jirin kormeere ka socda Rocketship. Mutadawaciinta da'da yar uma bixi karaan safarada waxbarasho. Maamulaha dugsiga ayaa awood buuxda u leh inuu aqbalo ama diido mutadawaca da'da yar. Waxa looga baahanayaa mutadawaca da'da yar inuu soo buuxiyo shuruudahan:

● Codsi ay soo saxeexeen mutadawaca da'da yar iyo waalidkiisuba/masuulkiisuba ● Arday ka qalinn jabiyay Rocketship wuxuu u baahanayaa inuu dugsiga hadda dhigto ka soo

qaato warqad soo jeedin ah iyo waliba warqad kale oo soo jeedin ah oo uu ka soo qaadanayo mid ka mid ah barayaashiisii Rocketship ama madaxda dugsiga.

SIYAASADA SAFARADA WAXBARASHADA Safarada waxbarashada waa dalxiisyada ka baxsan goobta dugsiga ee ay u nashqadeeyeen shaqaalaha Rocketship si ay u kaabaan manhajka iyo si ay ardayda u siiyaan kobcinta waayo-aragnimada. Waxaan qiimaynaa fursadahan kobcinta iyo waxaanan ku dedaalnaa inaan xaqiijino in waayo-aragnimooyinkani ay yihiin kuwo ammaan ah, abaabulan iyo hufan, laga bilaabo bilowga ilaa dhamaadka. Siyaasadani waxay daboolaysaa qodobada ay kamid yihiin ansixinta hore ee ogolaanshaha ardyadu u haystaan inay safarada waxbarasho u baxaan; warqadda shuruudaha ogolaanshaha; cida raacaysa, gaadiidka, ka soo noqoshada safarada waxbarashada iyo habdhaqanada laga filan karo ardayda iyo waxyaabaha ka dhalan kara.

I. Ansixinta Hore Macallimiinta doonaya in ay abaabulaan meel siyaaro lagu tago waa in ay u soo dugbiyaan codsi qoraal ah maamulaha. Codsigan waa in ay la socdaan taariikh/waqti ee safarada meesha, qorshaha gaadiid lagu tagayo lagagana soo laabanayo meesha , qorshe kormeer, ( tusaale: tirada xubno shaqaale dheeraad ah iyo/ ama horjoogeyaasha), iyo sababta. Waa in maamulaha dugsigu ama kalkaaliyaha maamulaha ugu yaraan saddex toddobaad ka hor qaab qoraal ah ku sii ansixiyaa safarada waxbarasho ee maalinimada la baxayo. Safarada waxbarasho ee gobolka lagaga baxayo ama kuwa habeenkii la dhaxayana waa in ugu yaraan laba bilood ka hor qaab qoraal ku sii ansixiyaa maareeyaha maamulku. Mar alla marka codsi safar waxbarasho la soo ansixiyo, waa masuuliyada Maamulaha dugsiga ama Kalkaaliyaha Maamulaha inuu isha ku hayo isku dubaridka hawlaha safarkaas waxbarasho.

II. Waraaqaha Ogolaanshaha Waa in ardaygu soo gudbiyaa warqada ogolaanshaha oo uu soo saxeexay waalidkiisu ama masuulkiisu si uu uga qayb qaato safarka waxbarasho. Waraaqaha safarada waxbarasho waa in laga sameeyaa foomamka Safarada Waxbarasho ee Rocketship Education. Maamulaha ama Kakaaliyaha Maamulaha oo hawsha safarka dusha kala socda ayaa markaa horaba hubinaya in waraaqaha socdaalka ay yihiiin kuwii ku haboonaa marka dambana uu soo saxeexi doono waalidka ama masuulka ilmuhu. La aqbali maayo oggolaanshaha afka kaliya ah si looga qayb qaato safarada waxbarasho.  Maamulaha ama Kalkaaliya Maamulaha ee hawsha u xilsaaran ayaa sidoo kale dib u eegaya liiska ardayda safarada baxa iyo shaqaalaha dusiga, sii loo xadido ardayda sida joogtada ah ugu baahda daawayn inta lagu guda jiro safarka. Iyadoo lala kaashanayo kalkaaliyaha caafimaad, Hoggaamiyaha Dugsigu wuxuu hubsanayaa in hal qof oo ka mid shaqaalaha dugsiga oo safarka baxaya soo qaadi doono dawooyinka loo baahanyahay, isla markaana si fiican loogu soo 

47

Page 48: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

tababaray sidii uu bixin lahaa dawooyinka iyo diiwaangalinta sidii loo bixiyay dawooyinkaasi oo loo raacay hab waafaqsan Siyaasada Daawo Siinta ee heer gobol ee Rocketship.  Kaliya Ardayda Rocketship ee warqadda ogolaanshaha oo dhaqan gal ah haysata ayuunbaa bixi kara safarada waxbarasho. Macallimiintu waa in ay haystaan dhamaan warqadaha fasaxa inta lagu jiro siyaarada, waana in ay ku haystaan warqadaha fasaxa gal ka dib kolka uu dhamaato siyaarada meeshu.   

III. Raacayaasha  Sidoo kale Raacayaashu waa inay ogolaansho haystaan si loo waafaqo Siyaasada Ansixinta Mutadawaca heer gobol ee Rocketship. Maamulaha ama ku xigihiisa oo kormeeraya siyaarada meesha waa in ay hubiyaan in dugsigu raaco borotokoolka gudaha si loo hubiyo xaaladda oggolaanshaha ee dhamaan raacayaashu.Raacayaashu ma soo kaxaysan karaan carruur kale, (sida carruurta kale ay walaalaha yihiin ardaygan socdaalka gaaban baxaya) iyagoon ogolaansho hore ka haysan maamulaha ama kaaliyaha maamulaha.  

IV. Gaadiid Qaadista Dhamaan shaqaalaha Rocketship (barayaasha iyo madaxda dugsiga) iyo waalidiinta ardayda soo raacaysaba waxa laga filayaa in ay ardayda la raacaan gaadiidka ay safarka waxbarasho ku tagayaan haddii aanay hore u helin qoraal u ogolaanaysa inay soo kaxaystaan gaadiidkooda gaarka ah. Haddii gaadiid kale looga baahdo safarka waxbarasho waxa keenaysa Rocketship. Sidoo kale haddiiba shaqaalaha ama waalidiintuba socdaalka gaaban u soo kaxaystaan gawaadhidooda waa inay la jaan qaadaan Siyaasada Darawalada Shaqaalaha Rocketship iyo Waalidka. Haddii xubinta shaqaalaha ka tirsan oo abaabulaya siyaarada meesha uu rabo in ay ardaydu u lugeeyaan ama ay raacaan gaadiidka dadweynaha meesha siyaarada tafaasiisha qabanqaabadan waa in lagu daraa codsiga hore oo loo gudbiyay maamulaha ama kaaliyaha maamulaha. Maamulayaasha ama maamule ku-xigeennadu iyaga ayay ka go’aa in ay oggolaadaan isticmaalka gaadiidka dadweynaha, ama in la lugeeyo. Arrimaha ay tahay in la tixgeliyo oggolaansho waxaa ka mid ah masaafada/waqtiga ay ardaydu safrayaan, day’da ardayda, xilliga/jawiga ita lagu jiro safarka iyo sababta loo isticmaalayo dariiqadan safarka   

V. Ka Soo Noqoshada Safarada Waxbarasho Marka la soo dhamaysto safarka waxbarasho, dhamaan ardayda waxa lagu soo celinayaa goobta dugsiga waxana guryahooga loogu kala diri doonaa si waafaqsan siyaasadda dirista ardayda. Dhamaan raacayaasha iyo ardaydaba waxa laga filayaa inay ku soo laabtaan marka hore dugsiga, kana qaybqaataan dirista ardayda. Xaalado gaar ah daraadeed, waxa la ogolaan karaa in raacayaasha iyo ardaydu toos uga soo hoydaan goobta socdaalka lagu tagay, waxay ku xidhantahay ogolaanshaha Maamulaha ama Kalkaaliyaha Maamulaha ee kormeeraya hawsha socdaalka gaaban. Haddii arday u baahdo in laga soo qaado goobta socdaalka lagu tagay ka hor inta aanuu dhamaan socdaalku xanuun ama xaalad kale oo gaar ah daraadeed, waxa la sii dayn karaa ardayga haddii kormeeraha shaqaaluhu uu waalidkiisa/masuulkiisa la xidhiidhay isla markaana uu waalidkiisu/masuulkiisu sii qaadayo ama uu u soo dirayo qof kale oo hore loogu ogolaaday in uu qaadi karo oo da'diisu ka wayntahay 18 sanno jir. Qofka kasta oo ogolaansho haystaa waa inuu soo muujiyaa aqoonsigiisa kahor inta aanuu ardaga kaxayn. Shaqaalaha kormeeraya hawsha safarka waxbarasho waa inay la xidhiidhaan Maareeyaha Xafiiska Dugsiga ayna hubsadaan in ay ardayga si habooon looga saaray maalintaasi.  

VI. Hab Dhaqanka Ardayga Ardayda waxa anshax marin ahaan looga reebi karaa socdaalka gaaban. Ardayda waxa laga filayaa inay si heer sare ah u joogteeyaan hab dhaqanada wanaagan ee la jaanqaadaya Siyaasadad Anshaxa Ardayda ee Rocketship inta lagu gudo jiro safarada waxbarasho. Ardayga waxa laga reebi karaa safarada waxbarasho ee hadda taagan ama kuwa mustaqbalka haddii hab dhaqankiisu xumaado.  

VII. Habeen u Dhixidda Goobta Dugsiga  

48

Page 49: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Adayda xiisaynaysa in goobta dugsiga habeenka ku qaataan, waa in ay helaan ansixin hore isla markaana ay buuxiyaan shuruudaha Ogolaanshaha Habeen Dhixidda.   Siyaasadda Cuntada  Codsi cunto lacag la’aan ah iyo cuntada qiimaheeda la yareeyay Rocketship wuxuu ka qayb qaataa barnaamijka qaranka ee cunto siinta dugsiyada , wuxuuna cunto ugu deeqaa qoysas xaq u yeeshay cunto jaban ama lacag la’aan ah. Qoysaska oo dhan waxaa lagu dhiirrigelinayaa in ay u soo dirsadaan codsi la xiriira cunto lacag la’aan ah iyo mid jaban marka laga bilaabo toddobadka koowaad ee dugsiga. Qoysasku waxay waqti kasta soo diran karaan codsi cusub haddi is beddel ku dhaco qoyska dakhligiisa ama tirada xubnaha qoyska. Warqadda codsiga waxaa laga heli karaa dugsigaada xafiiska laga soo galo ama bogga internet ka www.mymealtime.com iyada oo la soo raacinaayo nambarka aqoonsiga ardayga.   Siyaasadda Khrashka Cuntada  Qoysaska waxaa laga filayaa in ay bixiyaan lacag la xiriirta cuntooyinka ardayga si nidaamsan oo joogto ah , mooyi haddii ay xaq u yeeshaan cunto lacag la’aan ah. Inta lagu jiro toddobaadka hore ee dugsiga, ardayda aan wali soo dhamaystirin codsiyadooda la xiriira cunto lacag la’aan ah iyo iyo mid qiimaheeda hooseeyo waxaa loo oggolaan doonaa in ay helaan quraac iyo qado si ay aysan u rabshin adeegga cuntada , waxaana loo oggolaan doonaa in ay soo gudbiyaan codsi cunto. Ardayda aan haysanin lacag ay ku gataan cunto waxaa loo oggolaan doonaa kharash ah ilaa $25. Waalidka waxaa lagu ogeysiin doonaa telefoon ama warqad guri kharashka naaquska ah , waxaana laga filayaa in ay si degdeg ah u bixiyaan sidaas darteed ilmahoodu wuxuu sii wadan karaa inuu wax ka cunista dugsiga. Waqti kasta waalidku waxay soo diri karaan codsi la xiriira cunto lacag la’aan ah iyo mid qiimaheedu jaban yahay haddii ay qoyska la soo gudboonaato dhibaato.  Ardayga oo wax loo qiimeeyo Bareeska Ardayda 

o Ardayga aan u qalmin cunto lacag la’aan ah ama qi imaha cuntada oo hoos loo dhigo waa

in uu bixiyaa $3,00 qadada. o Ardayga u qalma cunto qiimaheedu jaban yahay waa in uu bixiyaa $0.40 qadada. o Quraacdu ardayda oo dhan waxay u tahay lacag la’aan.

Kala doorashada lacag bxinta

o Waalidku waxay ku bixin karaan lacag caddaan ah ama waxay isticmaali karaan kaararka

Bankiyada si u bixiyaan lacagta cuntada maalin kasta waxayna ku bixinayaan irdka xafiiska

o Waalidku lacagta cuntada waxay ku bixin karaa bogga interterka www.mymealtime.com, ayagoo adeegsanaayo kaararka bankiyada

o Waalidka waxaa maalin kaste loo soo sheegi doonaa haddi haraaga xisaabtooda hooseeyo, waxaana wargalin doono xafiiska diiwaangeliyaha.

Oraahda kala Sooc laanta Ayadoo la raacaayo sharciyada iyo xeerarka Fedraalka ee xuquuqda madaniga iyo Waaxda Beeraha Maraykanka ee (USDA), USDA wakaaladaheeda, xafiisyada iyo shaqaalaha, iyo hay’adaha ka qayb qaadanaya ama maamulaya barnaamijyadda USADA waxaa ka reebban kala sooc ku salaysan isir, midab, asal jinsiyadeed, jinsi(lab ama dhedig), naafonimo, da’, aano hore ama ka aarsi hore oo la xiriirra dhaqdhaqaaq xuquuq madani ee barnaamijka kasta ama dhaqdhaqaaq kasta oo ay hirgelisay ama ay maalgelisay USDA. Dadka naafada ah oo u baahan si kale oo ay kula xiriiraan macluumaadka la xiriira barnaamijkaan (tusaale, Luqada Braille oo ah habka wax lagu gaarsiiyo dadka aan indhaha lahayn, calaamado

49

Page 50: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

ballaaran, aaladda wax maqalka, Luqada Tilmaamta (dhagoolyaasha) waa in ay la soo xiriiraan wakaaladda( State or local) halka ay ka dalbadaan gargaarka. Dadka dhagoolayaasha ah ama maqalku ku adag yahay, ama aan awoodin hadalka waxay la soo xiriiri karaan USDA iyaga oo u soo maraya adeegga federaalka ee Relay oo ku heli karaan Qadkaan 800 877 8339. Intaas waxaa dheer in macluumaadka barnaamijka lagu heli karo luqado aan ahayn Ingiriis. Haddii aad soo diraysid dacwad la xiriirta kala sooc, waxaad soo buuxisaa formka dacwadda ee kala sooca ee barnaamijka USDA(AD-3027) laga helo bogga internetka eehttp://www.ascr.usda.gov/complaint_filing_cust.html iyo xafiiska kasta ee USDA, ama warqad u soo qor USDA, kuna sheeg warqadda dhamaan macluumaadka lagu dalbaday foomka. Si aad u dalbato nuqul ka mid ah foomka dacwadda wac 866-632-9992. Foomkaada oo buuxsan ama warqad u soo dir USDA cinwaanada (1) boosto: US. Department of Agriculture, (2) Fax(202) 690-7442(3) email: [email protected]   SIYAASADDA REEBIDA, DARDARGELINTA, IYO DALACSIINTA [ARDAY]  Qaabka waxbarida ee Rocketship ayaa waxa loo agaasimay si qorshaha waxbarashada ee arday kasta uu u noqdo mid u gaar ah si loo tixgeliyo kala duwanaanta shaqsiga ah iyo si loo dalacsiiyo tacliinta iyo koritaanka bulshada. Sidoo kale, waxaannu rumysannahay in reebida kaliya la adeegsan karo xaaladaha dhifta ah ee qoyska ardayga la siiyay ogaysiis muddo ku filan kahor isla markaana ay taageero buuxda la garab taagan yihiin go'aanka reebida ardayga. Siyaasadda reebida, dardargelinta iyo dalacsiinta [arday] ee Rocketship waa siyaasad dabacsan taas oo ogolaanaysa in ardayga kalidii lala dhaqmo isla markaana talo soo jeedinta lagu saleeyo xogta iyo baahiyaha gaarka ah ee ardayga. Ujeedada siyaasaddani waxay tahay in kooxaha dugsiyada ka shaqeeya la siiyo qaab tixgalinayo reebida, dardargelintaiyo dalacsiinta [arday] ee la jaanqaadaysa falsafadayada waxbarasho. Intaa waxa dheer, habraacyada loogu tala galay in lagu hubsado in ardaygu helayo taageerada waxbarasho ee uu u baahanyahay si uu sannadaha soo socda u xaqiijiyo faa’iido waxbarsho oo ballaadhan. Siyaasaddani waxay wax ka qabanaysaa mabaadiida hagista taas oo sheegi doonta joogitaanka , dallacsiinta iyo dedejinta go’aannada; tixgelinnada in Rocketship uu isticmaali doono horumarinta iyo dardargelinta ardayda; iyo tixgelinno joogitaanka , oo ay ka mid yihiin taariikhda aqoonsiga , arrimaha horseedaya joogitaanka , habka joogitaanka iyo codsiyo( lagu daro ardayda leh IEPs), qorshayaalka joogitaanka iyo baahida diiwaangelinta.   

I. Mabaadii’da Hagida ee La Xidhiidha Reebida, dardargelinta iyo Dalacsiinta [Arday] Dhamaan dugsiyada Rocketship waxa laga filayaa inay u hogaansamaan xeerka hoos ku qoran markay ay qaadanayaan go’aanada ku saabsan reebida, dardargelinta iyo dalacsiinta [arday].  

● Ardaydu way ku kala duwanyihiin heerka horumarkooda. Arrimaha saamaynta ku yeelan kara horumarka ardayga waxa ka mid ah da’da ay jiraan, xirfadaha isgaadhsiinta, awoodda aqooneed, bislaanshihiisa bulsho, jidheed iyo masxkaxeedba, imaanshaha dugsiga, kartida garashada, iwm 

● Carruurta qaarkood waxay ka faa’idi karaan waqti dheeraad ah oo ay ku helaan heer gaar ah ama fasal gaar ah oo la siiyo, haddii uu manhajku ku habboonyahay baahidooda isla markaana la waafajiyo filkooda ay bulsho ahaan la jaanqaadi karayaan.  

● Carruurta gudashadoodu ay tahay heerar sare oo ka sareeyso asaagooda ay isku da’da yihiin waxay ka faa’iideysan karaan in loo dedejiyo heerka fasalka ku xiga.  

● Kooxaha dugsiyadu waa inay aad uga digtoonaadaan marka la soo bandhigayo talooyinka ku saabsan ku reebida [fasal] si loo hubiyo in ku reebidaasi ay tahay faragalinta ugu haboon.Dareenka bisaylka iyo tixgelin la qabsiga/dhexgalka bulshada waa in la qiimeeyaa marka la tixgelinayo haddii ay tahay in uu ardaygu joogo meeshisii ama la dedejiyo.    

● Barayaashu waa inay tixgeliyaan baahida waxbarasho ee ilmaha marka la go'aaminayo habka dalacsiintiisa. Madaxda dugsigu waa in ay ka fiirsadaan arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin hawlqabadkiisa guud iyo koboca uu muujiyay kahor inta aan laga go'aan 

50

Page 51: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

qaadan dalacsoomtiisa in ardaygu tacliin ahaan diyaar u yahay inay u dalacsiiyaan heerka fasalka xiga iyo in kale. 

● Sida lagu qeexay Siyaasadda Ogolalanshaha [ardayda cusub] ee Rocketship, sida caadiga ah dugsiyadu waa in aanay markaa qaadan go'aannada ku saabsan reebida ama dalacsiinta inta lagu jiro is qorista.. Dugsiyada waxa laga filayaa inay qoraan dhamaan ardayda cusub heerka fasalka xiga ee soo socda ka dibna ardayda ay u qiimeeyaan hadba sida loogu baahdo. 

● Ardayda waxaa loo tixgelinayaa joogitaan ama dedejin ee heerarka fasalka sida soo socota :  

o Inta u dhaxaysa heerarka 1 iyo 2 o Inta u dhaxaysa heerarka 2 iyo 3 o Inta u dhaxaysa heerarka 3 iyo 4 o Inta u dhaxaysa 4 iyo 5 o Inta u dhaxaysa 5 iyo 6

  

II. Tixgelinnada Dalacsiinta [Ardayga]  Ardayda sida fiican u dhamaystirata sharuudaha heerka fasalka waxaa loo tixgelin doonaa in ay gudbi karaan fasalka kan ku xiga. Sharuudaha ka midka ah in ardagyu ku guulaystay dhamaysirka fasalka waxa ka mid ah Celceliska darajooyinkiisa, Celceliska guud ee qiimeynta MAP NWEA ee Akhriska iyo Xisaabta, dhibcaha kuwaa u dhigma ee muujinaya qiimaynta heerka aqooneed ee ardayga iyo/ama qiimeynta gobolka AMA qiimaynta muujinaysa koboca aqooneed ee ugu yaraan hal sanno oo qiimaynahaas ka mid ah. Ardayda waxaa loo tixgelin doonaa in ay gudbi karaan markaay si joogto ah dugsiga u yimaaddan oo ay 90% soo xaadiraan dugsiga, oo aan maqnaansho lahayn, sida ku qeexan Siyaasadda Imaanshaha iyo Goynta ee Rocketship. Ardayda ka qaybgalaya waxbarasho gaar ah waxa loo tixgelin doonaa inay gudbi karaan marka ay muujiyaan koboc aqooneed oo ku filan yoolka waxbarsho ee sannadlaha ah ee Barnaamijka Waxbarasho ee Keli-kelida ah. Rocketship ardayna ka gudbin mayso ama ka dalacsiin mayso fasalka uu hadda dhigto kahor dhamaadka sannad dugsiyeedka. Intaa waxaa dheer, Rocketship waxay u hogaansami doontaa dhamaan shuruudaha da'da ee u yaala gobollada.  

III. Tixgelinnada Reebida [Ardayga]  Aqoonsiga Hore  Ardayda waxa loo aqoonsan doonaa in ay halis ugu jiraaan in fasalka lagu reebo inta hore ee sannad dugsiyeedka hadba sida ay macquul u noqoto.  Waalidka waa in la ogeysiiyaa ugu dambayn sannad dugsiyeedka badhtamihiisa mar allaala marka ardayga loo aqoonsado in uu halis ugu jiro in lagu reebo fasalka. Marka ardayga la reebayo waalidku wuxuu ka qayb qaadan doonaan hannaanka go'aan qaadashada, sida xaggan hoose ay dheeraad ugu qeexantahay.   Qoddobada dib loo eegayo marka ardayga la reebayo  Waa in la tixgaliyaa tilmaamahan soo socda ee hanashada aqooneeed marka la qaadanayo go'aanka reebida ardayga: ● Dhibco joogta ah siiba afar meeloodow meesha ugu hoosaysa qiimaynta (tusaale ahaan 

imtixanaadka gobolka, NWEA, xisaabta ama buundooyinka ELA). ● Qofka oo ku fashilma inuu sameeyo horumar aqoomeed oo ku filan marka loo eego faciisa 

(tusaale ahaan xogta muujinaysaa in heerka aqooneed ee ardaygu ka hooseeyo celceliska heerka ardayda [kale]). 

● Qofka oo ku fashilma inuu horumar ku filan ka sameeyo yoolalka shakhsiga ahaa ee u yaallay kadib marka loo helo cadaymo ku salaysan in loo sameeyay wax ka qabasho ku 

51

Page 52: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

haboon, oo loo fuliyay si daacadnimo u dheehantahay sidii loo daaawayn lahaa mushikilada ardayga haysatay. 

● Ardayga oo aan u bislaan bulsho ahaan ama dareen ahaan marka la barbardhigo faciisa, taas oo sababi karta waxyeellaynta tacliinta ardayga, habdhaqankiisa, iyo / ama horumarka dareenkiisa bulsho. 

Maqnaansho xad dhaaf ah (micnaha., in ka badan 20).  Waa in tilmaamahani ahaadaan kuwa cad cad ka hor inta aan ardayga loo tixgalin in la reebayo.   Habraacyada Reebidda [Ardayga]   Si loola socdo horumarka ardaygu samaynayo waxa la adeegsan doonaa noocyo kala duwan oo qiimeyn ah (NWEA, qiimeynta gobolka oo dhan, qiimaynta bartilmaameedyada, xogta la socodka harumarka ardayga, iwm). Shaqaalaha dugsiga ayaa waalidka wargelin doona marka uu ardaygu halis ugu jiro in la reebo, Waalidiinta waa in la lala socodsiiyaa xaaladda halista ah ee uu ku jiro ardaygu hadba sida ugu dhakhsaha badan, muddo aan ka dambayn 60 maalmood ka hor dhamaadka sannad dugsiyeedka.  Haddii la isla garto in ardayga la reebo, Kooxda Waxbarida Ardaygu waa inay isu yimaadaan oo ka kooban ugu yaraan Hogaamiyaha Dugsiga, baraha fasalka ardayga, qofka takhasuska u leh nidaamka waxbarasho ee keli-kelida ah, iyo waalidka/masuulka ardayga.  Kooxda Waxbaridda Ardaygu waa inay u tashadaan si waafaqsan mabaadii'da guud ee kor ku cad isla markaana waa inay gaadhaan go'aan ay isku raacsan yihiin. Maamulaha ayaa awood u leh in uu ansixiyo go'aanka kama dambaysta ah ee ardayga lagu reebayo.  Waalidka ardayga ee loo sheegay in ilmihiisa la reebayo waxaa la siin doonaa cadaynta muujinaysa ujeedada loo reebayo ardayga iyo talo soo jeedinta lagu saleeyay iyadoo la adeegsanayo Foomka Soo Jeedinta Reebida [Ardayga]. Waalidiintuna waa inay soo xaqiijiyaan inay oggolyihiin soo jeedinta reebidda ardayga kahor dhamaadka sannad dugsiyeedka, iyagoo si qoraal ah ugu soo gudbiyanaya foomka talo soo jeedinta reebida [ardayga]. Waalidiinta ardayga lagu reebayo fasalada barbaarinta carruurta (xannaanada) waa in ay soo buuxiyaan Foomka Heshiiska Sii Wadidda Xanaanada iyo waliba Foomka Talo Soo Jeedinta Reebida [Ardayga].  Ardayda xannaanada oo dhamaystay hal sano oo xannaano ah waxaa loo oggolaan doonaa fasalka koowaad haddii aysan waalidka/ xilqaadaha iyo Rocketship isku raacin in uu ardaygu sii waato xannaanada wax aan ka badnayn hal sano oo dheeraad ah. Mar kasta oo uu ardaygu sii wato xannaanada hal sano oo dheeraad ah, Sarkaalka Madaxa Fulinta wuxuu hubin doonaa heshiis , ay saxiixeen waalidka/ xilqaadaha kaas oo sheegaya in ardaygu uu sii wadan doono xannaanada in aan ka badnayn hal sano dugsiyeed dheeraad ah.  Ardayda Afka Ingriiska Bartaha Afka Ingiriiska , go’aanka joogitaanka wuxuu ku salaysnaan doonaa heerka ardaygu uu ku bartay afka Ingiriiska halkii laga eegi lahaa heer fasal ee xirfadda afka Ingiriiska ama in uu ku guuleysto xirfad heer akademik ah   

I. Tixgelinta Dedejinta Dedejintu waa hab ardayda horay loogu marinayo ee heer dedejin ah oo aysan soo arkin badankoodu oo laga yaabee in la tixgeliyo marka ay ardaydu muujiyaan gudasho si fiican uga sarraysa heerka fasalka. Hab Raaca Dedejinta Way dhici kartaa in ay soo jediyaan dedejin arday bare, talo bixiye, ama waalidka .xilqaade haddii ardaygu uu uga heer sarreeyo fasalka xagga akhriska iyo/ ama xisaabta Ardayga laga soo jediyay dedejin wuxuu qaadan doonaa NWEAMAP ama qiimeyn dowlad kale ee

52

Page 53: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

heerka fasalka kaas oo loo soo jeediyay/ isga ama iyada. Haddii la tixgelinayo dedejin, Kooxda waxbarashada Ardayda(SST) ayaa shir loogu yeerayaa kaas oo ugu yaraan ka kooban Maamulaha, Hoggaamiyaha Dugsiga, Macalinka Fasalka Ardayga, shakhsi ku takhasusay waxbarashada iyo waalidka ardayga/xilqaadaha. Kooxda Waxbarashada Ardaydu way tashan doonaan si ay dib ugu eegaan gudashada ardayga sida ay qabaan mabaaddiida hagista oo kor lagu xusay, waxayna gaari doonaan go’aan dhamaan la isku raacsan yahay. Kooxda Waxbarashada Ardayda waa in ay tixgeliyaan tilmaameyaasha soo socda marka ay go’aanka qaadanayaan oo ah haddii ardayga loo dedejinayo fasal heer kale:

● Heer sare heerka fasalka ee howsha dugsiga, sida howl fasal, kediska, imtixaanno, iyo mashaariic.

● In uu keeno 99% ee imtixaanka dowladda, ● In uu keeno 75% ee heerka qiimeynta ee heerka fasalka oo ardayga loo soo jeedinayo ee

dedejinta( sida NWEAMAP, xisaabta ama ELA ee heer qiyaasta). ● Horumarsanaanta aadaabta, iyo/ama caadifada bulshonimo.

Maamulaha ayaa sameyn doona go’aanka ugu dambeeya ee dallacsiinta kaas oo ku salaysan soo-jeedinta Kooxda waxbarashada Ardayda(SST). Waalidka ardayga oo laga tixgelinayo dallacsiinta waxaa la siin doonaa caddayn muuqata oo taageeraysa soo-jeedinta dedejinta. Waalidku waa in uu ku waafaqaa qoraal heshiiskooda ee soo-jeedinta ee dedejinta inta aan la gaarin dhamaadka sanad dugsiyeedka.

II. Ardayda Leh IEP (Barnaamijka Waxbarasho ee La Shakhsiyeeyay) Go’aammada lagu gaadhayo dalacsiinta ama reebida ardayda ee leh IEP waxa wada gaadhaya kooxda Barnaamijka Waxbarasho ee La Shaksiyeeyay iyagoo raacaya qodobada uu dhigayo nidaamka waxbarasho ee barnaamijkaasi, isla markaana adeegsanayo dhamaan xogta la heli karo isla iyagoo la tashanaya waalidka ardayga. Laguma talinayo in ardayda barnaamijkaa leh lagu reebo mid ka baxsan nidaamkaasi la shakhsiyeeyay. 

III. Codsi go’aan joogitaan ama dedejin Maamuluhu waa in uu qoraal ugu sheegaa waalidka/.xilqaadaha ee xuquuqdooda ah in ay codsadaan go’aanka joogitaanka ama dedejinta. Waalidku waa in ay ugu soo gudbiyaan maamulaha codsi qoraal ah toban(10) maalmood gudahood ee go’aanka. Codsiga waxaa dhegeysan doona u Qaybsane Guddiga Maamuleyaasha(Board of Directors). Guddiga Arrimaha Academiga , iyo haddii ay suurto gal tahay Guddiga Arrimaha Akademiga naf ahaantiisa, iyo mar kale haddii la codsado, kaas oo tixgelin doona macluumaadka ay keenaan waalidku, soo-jeedinta Kooxda Waxbarashada Ardayda, iyo macluumaad kasta oo kale oo uu la wadaago maamuluhu. U qaybsanaha go’aankiisu waa ka ma dambays.    Qorshayaasha Wax Lagaga Qabanayo Reebida [Ardayga]   Waa in Kooxda Waxbarida Ardaygu (SST) ay qorshe wax ka qabasho u dajisaa ardayda la reebayo kaas oo si faahfaahsan u sharaxaya wax ka qabashada xaaladda ardayga iyo taageerada dheeriga ah ee ardayga loo fidinayo iyadoo la adeegsanayo jaantuska diyaarsan ee “Qorshaha Wax ka qabashada Reebida [Ardayga]”.  Sannad dugsiyeedka xiga, madaxda dugsiyada ayaa ka mas’uul ah inay sii wadaan ka warhaynta koboca aqooneed ee ardayda la soo reebay iyagoo la kulmaya Kooxda Waxbaridda Ardayga si ay wax uga bedali karaan qorshaha wax ka qabashada reebida [ardayga] marka loo baahdo.  Dokumentiyada (waraaqaha caddaynta) 

53

Page 54: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

 Dhamaadka sannad dugsiyeedka, waa mas’uuliyada maamulaha in lahelo dokumantiyada/waraaqaha ay ku kaydsanyihiin xogtan soo socotaa: 

● Magaca ardayga; ● Sababta loo cuskaday reebida ardayga; ● In hore maamuluhu usii sheegay in ardaygu halis ugu jiro in la reebo iyo in kale; ● In maamuluhu ogeysiis qoraal ah hore ugu diray waalidka ardayga muddo ku siman 

60 maalmood ka hor maalinta ugu dambaysa ee sannad dugsiyeedka waxbarasho.  SIYAASADA ANSHAXA ARDAYGA  Badqabka, nidaamka iyo anshaxa ardaygu waa waxyaabaha aasaasiga u ah nidaamka waxbarasho ee Rocketship. Rocketship waxay ka filaysa dhamaan ardayda oo dhan in ay u dhaqmaan hab keenaya in wax lagu barto jawi nabad iyo soo dhaweyn u leh ardayda kale, dhamaanba shaqaalaha Rocketship iyo xubnaha kale ee bulshada.  Ardayda waxa laga qaadi doonaa tallaabo anshax marin ah haddii ay ku lug yeeshaan habdhaqan la mamnuucay inta uu dugsiga joogo, marka lagu gudajiro waxqabadyada dugsigu maalgaliyay ama wado, ama marka la joogo meelaha lagu sii yara nasto marka la tagayo ama laga soo noqonayo xarunta dugsiga Rocketship. Ardayda waxa kale oo laga yaabaa in tallaabo anshax marin ah lagu qaado dhaqammada ardayga ee dugsiga dibaddiisa ka dhaca taas oo carqalad ku abuuri karta deegaanka dugsiga ama faragalin ku samayn karta kartida arday kale uu kaga qaybqaadan lahaa barnaamijyada dugsiga.  Qaar ka mid ah xadgudubyada edbinta waa si dhab ah in ay keeni karto arday ganaax iyo/ama eryida. Liiska xadgudubyada waxaa laga heli karaa joojinta Rocketship iyo Siyaasadda Eryida, oo ay la socdaan habraacyada in Rocketship qaadi doono markii la tixgelinayo hakin ama eryitaan ardayga. Siyaasaddani waxay qeexaysaa Caqiido Rocketeer ah in aan ku filan ardayda in ay raacaan; filashooyinka ardayda; tusaale u ah dhaqanka mamnuuc in hoos gelin doonaa ardayga ficil edbin dugsi-ku, iyo tallaabada edbinta Rocketship qaadan kartaa jawaab u xadgudubyada dabeecadda. Waxay khusaysaa dugsiyada Rocketship gobolada oo dhan.  

I. Xeerka Anshaxa ee Ardayga   Xeerka Anshaxa ee Rocketship waxa ka mid ah kuwan soo socda oo ah kuwa la filayo in aan ardaydayadu marnaba gorgortan ka galin: 

● In la fuliyo Ballanka la isla dhigtay ee hormuudnimada Rocketship. ● In la raaco Qiyamka wanaagan ee Rocketship: sida Ixtiraamka, Mas'uuliyadda, ku Hal 

adaygga, Damqashada, iyo tan shanaad oo u gaar ah goobta dugsi kasta gaar loogu doortay. 

● In la dhaqan galiyo waxyaabaha ay Rocketship aaminsanyiin: Anigu waxaan ahay Arday Rocketship ah markaan guriga, dugsiga, iyo bulshada joogo Waxaan ixtiraamaa naftayda, deriskayga, iyo deegaankayga Waxaan qaadaa mas'uuliyada waxbarashadayda iyo falalkayga Waxaan leeyahay u damqasho, [waxaanan] taageeraa dadka kale ee baahan Waxaan muujiyaa hindise aan ku xaliyo dhibaatooyinka aan arko Waanan u adkaystaa gaadhida heerka sare. Si wadajir ah, waxaanu u wada nahay Ardayda Rocketship. 

  

II. Anshaxa Mamnuuca ah   Dhamaan anshaxyada soo socda Rocketship waa ka mamnuuc, ardayga ku kacana waxa lagu qaadi doonaa tallaabo anshax marin ah. 

● Ficil kasta oo muujinaya takoorid, kadeedid/daandaansi, cabsi gelin, ama xoog sheegasho cagajugleyn 

● Diidmo (oo ay ka mid yihiin, laakiin aan ku koobnayn, diidmada raacintaanka tilmaamaha, diidmada in loo xulo xubin shaqaalaha ka mid ah, xubin shaqaale ah oo laga ordo, hadal ku celinta xubin ka mid ah shaqaalaha). 

● Dagaal, ama ku qaybqaadasha habdhaqan cabsi galinaya nabadgelyada qof kale ama dadka kale. 

54

Page 55: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

● Khalkhal galinta hawlaha dugsiga. ● Ku ciyaarida luuqyada la maro ama musquluha/suuliyada dhexooda. ● Been u sheegidda xubin ka mid ah shaqaalaha. ● Xatooyada hantida. ● Waxyeelo loo geysto huntida guud, ay ka mid tahay (kumbiyuutarada) ● Khiyaamada waxbarasho, oo ay ku mid tahay qishka ama sheegashada shaqada qof 

kale. ● Kicinta ama isku dayga kicinta dadka kale si ay rabshad ama carqalad u abuuraan. ● Gacan ka hadal ama isku dayga gacan ka hadal rabshad u gaysanaya qof kale. ● Ku kicida ficil xun, ama ku hawlanaanta waxyaabo dibjirno ah. ● Duubista ama sawirista ardayda ama xubnaha kale ee shaqaalaha ah iyaga oo aan is 

ogayn. ● U adeegsiga kombiyuutarada hawlo aan la xidhiidhin dugsiga, oo ay ku jiraan la 

daawashda ama gelitaanka mareegaha mamnuuca ah. ● Adeegsiga taleefannada gacanta ama qalab kale oo isgaarsiineed oo elekoroonik ah oo 

lagu adeegsado dugsiga gudihiisa, inta lagu jiro saacadaha waxbarasho ama inta lagu jiro hawlaha kale ee dugsiga, marka laga reebo ogolaansho gaar ah oo dusha ka eegayo xubin shaqaale ah. 

● Fasax la'aan ka bixidda fasalka, dhismaha dugsiga, dhulka dugsiga, ama hawlaha kale ee dugsiga. 

● Qofka oo si ula kac ah u bedala, u foojariyeeya, u burburiya, ama been abuur uga sheeg dokumenti.waraaqo rasmi ah (oo ay ka mid yihiin soo wicidda gambaleelka teefanka dabka ee 9-1-1). 

● Ku xadgudubka joogtada ah ee Xeerka Labiska Rocketship. ● Ku xadgudubka Anshaxa Waxbarashada ee Rocketship, sida kor lagu soo sharaxay. 

 III. Tallaabooyinka Anshax Marinta Ee Dugsiga Dhexdiisa  

 Rocketship waxay ku tiirsantan tahay siyaasad firfircoon oo taageeraysa ka hortaga leh si kor loogu qaado dhaqanka wanaagsan ee dugsiga. Waxayna Rocketship dugsiyada oo dhan ka fulisay Xayndaabka ee Taageeridda iyo Iyo Faragalinta Habdhaqanka Toolmoon. Ujeeddada ugu muhiimsan ee xayndaabkaasina waa in la abuuro jawi waxbarasho oo joogto ah, la saadaalin karo, wanaagsan isla markaana ammaan ah. Waxuu xayndaabkaasi si cad u qeexayaa wax dhaqannada la filan karo iyo cawaaqibta ka dhalan karta, hababka loo aqoonsanayo iyo siyaabaha dhaqan galinayo hab dhaqannada wanaagsan, go'aan qaadashada xogta ku salaysan, nidaamyada taageero ee kala jaadka ah, iyo hirgelinta manhajka waxbarasho ee dareenka bulsho u muhiimka ah.  Sidoo kale fasalada Rocketship waxay isticmaalaan noocyo kala duwan oo nidaamyada maamulka fasalada ah oo kula tacaalaan habdhaqannada kala duwan. Kuwaas oo ay ka mid oqon karaan nidaamyada adeegsada shaxda midabbada ku suntantanyihiiin iyo waxyaabaha kala dhalan kara.  Marka ay dhacdo in kaabayaasha Xayndaabka Taageeridda iyo Iyo Faragalinta Habdhaqanka Toolmoon iyo nidaamyad maaaraynta fasalladu ku filnaan waayaan in laga hor tago ku xad gudubka anshaxa, ama ku xad gudubka anshuxu uu yahay mid aad u khatar ah oo keensanaya in laga sii qaato anshax marineed oo dheeri ah, markaa Rocketship waxay qaadanaysaa tallaabo anshax marineed oo dugsiga dhexdiisa ah. Tallaabooyinkani waxay ku xidhanyihiin hadba sida uu yahay xaaladda dambigu oo ay ka mid noqon karaan, balse aan ku koobnayn, qodobbada soo socdaa: 

● Ardayga oo markaaba loo diro xafiiska maamulaha dugsiga. ● Ardayga oo fasalka laga saaro, ama si ku meel gaadh ah fasal kale loogu wareejiyo. ● Waalidka/masuulka ardayga oo la waco ama warqad ama e-mail loo diro.  ● In la qaban qaabiyo shir ay ka wada qayb galayaan ardayga, waalidka, baraha, iyo/ama 

maamulka. ● Fulinta qorhse habdhaqan oo ardayga u gaar ah.  ● In xubin shaqaalaha kamid ahi ardayga siiyo kulanno talo bixin ah ● Ardayga oo loo diro guddi dhexdhexaad ah 

55

Page 56: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

● Ardayga oo laga dalbado in soo dhamaystiro curis  ● Ardayga oo laga dalbado in uu soo dhamaystiro curis hab dhaqankiisa ku saabsan. ● Ardayga oo laga dalbado in uu qaado tallaabooyin uu kaga hortagayo mushkilada ama 

kuu yaraynayo (Tusaale ahaan in ardaygu hagaajiyo wax uu jabiyay) ● Ardayga oo loo diro Kooxda Teegarada Ardayga. ● Ardayga oo laga mamnuuco in uu ka qayb qaato hawlaha ka baxsan manhajka 

waxbarsho ama scodaallada gaagaaban. ● Ardayga oo waqti dheeri ah fasalka lagu sii hayo xilliyada la qadaynayo, ama marka 

fasallada laga rawaxo. ● Ardayga oo lagala wareego waxyaabaha aan meesha ku habboonayn ee xeerarka 

jabinaya.  Lama ogola in ardayna jidh ahaan loo ciqaabo anshax marin daraadeed. Jidh dilku wuxuu koobsanayaa dhib jidh ahaaneed oo u kas ah, ama iyadoo sabab loo noqdo in ardayga soo gaadho dhibaato jodh ahaaneed. Iyadoo la tixraacayo ujeedada siyaasaddan, Jidh dilka kuma jiraan in xubin shaqaalaha ka mid adeegsado awood uu dhibaato kaga difaacayo arday, shaqaale kale, ama qof kale ama uu hantida dugsiga ka difaacaya in dhaawac soo gaadho. (Sidoo kale waxa aad eegtaa Siyaasadda Rocketship’s ee Xakamaynta iyo Takooridda ee heer gobol)  Sida kor lagu sharaxay, xadgudubyada daran ee halis galiya badqabka ama caafimaadka ardayda shaqaalaha ama dadka kale ayaa laga yaabaa inay sababaan ganaax ama erydi sida lagu tilmaamay siyaasada Ganaaxida iyo Eryida ee Rocketship.  

IV. Ganaaxa [Ardayga] ee Dugsiga Dhexdiisa  Ganaaxa ardayga ee dugsiga gudihiisa ayaa ah dariiqo la adeegsan karo halkii ardayga dibada loo eryi lahaa. ganaaxa ardayga ee dugsiga gudihiisu waxay ardayga u ogolaanaysaa in xaadiriska jooge loo qoro, isla markaana uu fursad u helo in laylisyada fasalka ka qaato. Inta ganaaxaas lagu guda jiro, ardaydu waxay soo dhamaystiri karaan layliska laga rabo iyagoo fadhiya meel ka baxsan fasalka. Ganaaxa dugsiga dhexdiisa looguma talogalin in ay muddo dheer sidaa ku socoto oo ay ardaygii ka daahiso fasaladii sida joogtada ah u socday.  Ganaaxa dugsiga dhexdiisa waxa la adeegsanayaa marka ardaygu ku kaco hab dhaqan mamnuuc ah oo fasalka muuqaal ahaan iyo jawi ahaanba ka dhigay mid aan ku haboonayn ardayda, ama si xun u wax yeeleeya fasalka ama khalkhaliya hawlaha dugsiga u sodca; Maamulaha kaliya ama Kalkaaliyaha Maamulaha ama cid kale oo loo xil saaray ayaa ardayga ku ganaaxi karta dugsiga dhexdiisa. Maamulahu ama Kalkaaliyaha Maamulahu waa in uu marka hore ansixin ka helaa kormeeraha ardayga. Ardayga lagu ganaaxo dugsiga dhexdiisu waa in la siiyaa warqad ay ku qoran tahay muddada dugsiga dhexdiisa lagu ganaaxay, maalinta ay bilaabmayso iyo inta ay soconayso. Maamulaha ayaa awooda iska leh in uu xaddido muddada ardayga la ganaaxayo iyo waxa uu qabanayo.  Maamuluhu wuxuu ardayga dugsiga dhexdiisa ku ganaaxi karaa mar allaala marka xad gudubka la soo sheego. Maamuluhu wuxuu hubsanayaa: 

● Ardayga dugsiga dhexdiisa lagu ganaaxaa waa in uu helaa jawi wanaagsan oo badqaba oo lagu ganaaxo 

● Waa In ardayga si haboon loo kormeeraa inta uu ganaaxaku jiro ● Ardayga dugsiga dhexdiisa lagu ganaaxay waxaa loo ogolyahay in uu ka soo shaqeeyo 

laylisyada fasalka isagoo halkiisa jooga. ● Dhamaan hawlaha fasalka ardaygu uu helayaa, haddii uu u baahdana kaalmo aqooneed 

waa loo fidinayaa, waxyaabaha uu ardaygu ka shaqeeyayna waxa loo gaynayaa macallinka fasalka dhigaya 

● Ardagyu waa in uu helaa dhammaan hawlaha la xidhiidha qiyamka aqooneed haddii shaqada baraha fasalka aan la helin, ama uu waayay waqti uu siiyo ardayga dugsiga dhexdiisa lagu caydhiyay. 

Intaa waxa dheer, barayaasha fasaladu waxay: ● Casharrada fasalka lagu bixiyay waa inay la jaan qaadi karaan inta dhaaftay ardayga 

lagu dhex ganaaxay dugsiga. 

56

Page 57: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

● Waa in ardayga in xaadiriska jooge loo qoraa. Halkan kama iman doonto ganaax ardayga maqnaansho lagu ganaaxayo maadaama dugsiga dhexdiisa lagu ganaaxay. 

● In baruhu qiimeeyo shaqada ardaygu soo qabtay intii uu ku dhex jiray caydhinta dugsiga dhexdeeda ah isla markaana uu darajadiisa ku helo shaqadiisa. 

● Waa in la hubsadaa in ardaygu xaq u leeyahay in uu darajooyiinka xaadiriska helo iyo sidoo kale darajooyinka uu ku helo shaqadiisa. 

Waa in waalidka/masuulka ardayga lala socodsiiya in ardayga lagu dhex ganaaxay dugsiga mar allaala marka la mudeeyo ganaaxa. Maamuluhu waa inuu taleefan kula xidhiidhaa waalidka/masuulka, ama uu kulan gaar ah la qaataa. Haddii la heli kari waayo waalidka/masuulka, waa in maamulaha dugsigu ama cid kale oo loo u xilsaaray e-mail u dirtaa waalidka.  SIYAASADA GANAAXIDA IYO ERYIDA  Marka uu dugsiga dhexdiisa ku dhaco ku xad gudub anshax, Maamulayaasheena ayaa waxa laga filayaa in ay ka fal celiyaan arrinkaasi iyagoo raacaya Siyaasada Anshaxa Ardayga, taas oo dhiirigalinaysa waxka qabashada toolmoon isla markaana sheegaysa tallaabooyinka anshax marineed ee la qaadan marka ay tahay dugsiga dhexdiisa. In ardayga wax barashada laga hakiyo waxa kaliya oo la adeegsan karaa marka aradygu si fool xun ugu xad gudbo habdhaqanka, oo markaa hakinta loo cuskan karo tallaabada ugu dambaysa ee la qaadi karo, waayo waxa aannu aaminsannahay in ardaydayda si wacan loola dhaqmo inta ay dugsiga dhex joogaan. Talo bixinta ku aaddan in ardayga dugsiga laga eryo waa in aan lagu dagdagin marka laga reebo xaalado aad u ba'an, maxaa yeelay siyaasaddayadu waxay u adeegsaysaa arday wal oo dhigta dugsiyada Rocketship.  Haddii ay xaaladu sii gaadhsiisan tahay in Maamuluhu dareemo in ardayga dugsiga laga ganaaxo ama uu ku taliyo in guud ahaanba la eryo, siyaasaddn waxa loo qoray in ay hagitaan u noqoto geeddi socodka hawshaasi. Siyaasada waxa loo qoray si waafaqsan xeerarka iyo xeer nidaamiyayaasha heer fadaraal iyo heer gobol. Waxay salka u dhigaysaa hakinta iyo eryidaa ardayga; hanaanka loo marayo; joogtaynta diiwaanka anshax marinta; xaquuqda racfaanka ee ardayga; dhaqan celinta iyo u qorista ardagya; iyo hab raacyada gaarka ee hakinta waxbarsho iyo eryidda ardayda naafada ah.  

I. Sababaha keena Ganaaxida iyo Eryida  [Gobolkan] Tennessee, iyadoo ay ku xidhantahay ikhtiyaarka maamulaha oo la tashanaya maareeyihiisa, ardayda waxa laga yaabaa in dugsiga laga ganaaxo haddii ay ku kacaan dambiyada soo socda:  

● Ku xadgudubka ula kaca ah ee joogtada ah ee xeerarka dugsiga;  

● Anshax aan haboonayn ama fool xun ama luqad ciyaala suuqnimo ah;  

● Rabshadaynta ama hanjabaad ka dhan ah qof kasta oo shaqaale ah ama qayb ka ah dugsi dadweyne;  

 ● Dhaawac u kas ah ama xaasidnimo ku dheehantay oo lagula kaco hantida gaarka uu 

dugsigu u leeyahay, ama hantida uu iska leeyahay qof kasta oo dhigta ama lagu meeleeyay dugsiga; 

 ● Hurinta, ku talo bixinta ama ku dhiirigalinta dadka kale inay gaystaan mid kamid ah 

falalka kor ku lagu soo xusay;  

● Calaamadaynta, ama xoqida iyo burburinta hantida dugsiga;  

● Haysashada bastooladaha, qoryaha ama hub kale oo lala dhex joogo hantida dugsiga, 

57

Page 58: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

 ● Haysashada middi/toorray iyo hub kale, sida ku qeexan xeerka hantida dugsiga 

dhexdiidaT.C.A. § 39-17-1301; ● Weerarida maamulaha dugsiga, macalinka, darawalka baska dugsiga ama 

shaqaalaha kale ee dugsiga ama sin oo ciyaala suuqnimo ku dheehantahay oo loola hadlo ama loogu hanjabo; 

 ● Adeegsiga sharci darada ah ama haysashada barbital-ka, ama daroogo magaca 

wayn, sida ku qeexan T.C.A. § 53-10-101;  

● Hal arday ama wax ka badan oo weerar ku qaada arday kali ah inta dugsiga la dhex joogo ama inta lagu gudo jiro hawlaha dugsiga ee ay ka mid yihiin safarada lagu tagu tagayo ama lagaga imanayo dugsiga ama waxqabadyada dugsiga; 

 ● Cabsi galinta, oo ay ka mid noqon karto war been ah oo ku saabsan adeegsiga 

bambada, miinada, qalab kale oo qarxa ama dilaa ah, sida hubka kiimikada ah, hala joogo dugsiga dhexdiisa ama ha lagu guda jiro munaasabad dugsigu leeyahaye; 

 ● Hab dhaqanka kasta oo waxyeelayn kara anshaxa wanaagsan ee dugsiyada 

dadweynaha dhexdooda; iyo  

● Hab dhaqanka fal dembiyeedka keena ee ardaygu ka sameeyo dugsiga dibaddiisa ee keenaysa in ardayga lagu soo oogo dacwad fal dambiyeed, oo marka dambe keeni karta sii joogida ardayga ee dugsigu khatar ku noqoto qof ama hantida dugsiga ama carqaladayn karta hanaanka waxbarashada dugsiga. 

 Iyadoo la raacayo xeerarkaTennessee, dembiyada qaarkood waxaa loo tixgeliyaa "in loo dulqaadin karin marna" taas oo keenaysaa in ardayga degdeg dugsiga looga eryo: 

● Ardayga la sheego in uu hub usoo qaatay dugsiga ama si sharci darro ah ula soo galo dugsiga dhexdiisa, sida ku qeexan 18 U.S.C. § 921 waa in la eryo muddo aan ka yarayn hal sannad dugsiyeed, marka laga reebo Guddida Agaasimaasha oo wax ka yara baddala xaaladdaasi, iyagoo xaalad walba gaar u eegaya. 

● Ardayga si fool xun ugu xadgudba macalinka, maamulaha, madaxda ama cid kale oo ka mid shaqaalaha Rocketship sida ku qeexan T.C.A. § 39-13-102. 

● Ardayga haysta ama sifo aan sharci ahayn u sita dawo oo ay ku jira kuwa mamnuuca ah, sida ku sida ku qeexan T.C.A. § 39-17-403 dhex § 39-17-415, waxyaabaha macnuuca ah waxa qeexaya xeerka T.C.A. § 39-17-454, ama maandooriye halis ah, sida ku qeexan T.C.A. § 53-10-101, waa in markaaba ardaygaa la eryaa muddo aan ka yaryan hal sannad dugsiyeed, marka laga reebo Guddida Agaasimaasha oo wax ka yara baddala xaaladdaasi, iyagoo xaalad walba gaar u eegaya. 

 II. Habraacyada Ganaaxida 

 Eryida ardayga waxa la dhaqangalin karaa iyadoo la raacayo habraacyadan soo socda:  Shir Marka laga reebo xaaladaha degdega ah, ardayga maaha in aan dugsiga laga ganaaxo ilaa inta lagala talinayo anshax xumada uu sameeyay, su'aalana laga waydiinayo, loona oggolaanayo inuu sharraxaad ka bixiyo anshax xumada uu u kacay.  Ogeysiinta Waalidka/Masuulka Marka ardayga dugsiga laga ganaaxayo, haddii aanay ahayn in dugsiga lagu dhex ganaaxayo, waa in maamuluhu muddo ku siman 24 saacadood gudahood ah ku ogaysiiyaa waalidka/masuulka ardayga iyo agaasimaha dugsiga ama qofka ka wakiil ah agaasimaha, ogaysiiskaa oo ay ku jiraan: 

58

Page 59: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

 ● Ganaaxidu waa inay noqotaa muddo aan ka badnayn 10 maalmood; ● Sababta ardayga dugsiga looga hakinayo; ● Shuruudaha ku xidhan in ardayga dib loo qoro, taas oo ku xidhnaan karta in dhinacyada 

kala midkood codsado kulan uu la qaato waalidka, ardayga iyo maamulaha  Waqtiga uu Ganaaxu Ku Egyahay Ganaaxa ardaygu waa in ayna marnaba ka badan 10 maamlood. Haddi ay muddada hakintu ka badato 5 maalmood, waa in uu maamuluhu dajiyo qorshe wax loogu tala galay hagaajinta habdhaqank ardayga.  Xuquuqda Ardaygu Leeyahay inta lagu jiro Ganaaxa Waa in aan loo diidin ardayga la ganaaxay fursada uu u leeyahay inuu galo imtixaanada billaha ah iyo kuwa simistarkaba ama imtixaannada darajooyinka ku jira ama in uu soo dhamaystiro laylisyadii dhaafay intii uu ganaaxa ku jiray.  

III. Ganaaxa Ka Badan 10 Maalmood; Xidhidda iyo Eryida  Ganaaxa ama Eryida Ka Badan 10 Maalmood Haddii marka ganaaxu dhaco uu maamuluhu go'aamiyo in dambigaasi uu keensan karayo hakin                         ka badan 10 maalmood ama eryidba, markaa qofka waxa u banaan in ardayga la ganaaxi karo                               shuruud la'aan muddo kooban kaliya, ama sida ay dhigayaan shuruudaha macquulka ahi, ama                         wuxuu soo jeedin karaa in ardayga la eryaba.  Awood wareejin Awooda buuxda ee Guddida Agaasimayaasha Waxbarasho ee Rocketship "Guddi" ayaa waxa la                       siiyay Guddida Arrimaha Waxbarasho, oo ah Guddi ka mid guddida hore " Guddi Hoosaad".                           Guddi Hoosaadku waxay ka koobnaanayaan saddex Agaasime oo Guddida hore ku jira.  Racfaanka  Haddii Maamulaha ama Kalkaaliyaha Maamuluhu uu go'aamiyo in ardayga sameeyay dambiga keenanaya in la hakiyo in ka badan 10 maalmood ama la eryaba, markaa maamuluhu waa inuu isla markaa ogeysiis qoraal ah u diraa waalidka ama masuulka ardayga iyo ardayga laftiisaba oo ku cadaynayo xaqa ay u leeyihiin in racfaan ka qaadan karaan hawsha.  Racfaanka waan in lagu soo gudbiyo qoraal ama af ahaanba, muddo ku beegan shan cisho oo ka bilaabmaysa markii ogaysiiska la helay, waxaana soo gudbin kara waalidka ama masuulka ardayga, ama ardayga laftiisa ama cid kale dugsiga wax ka dhigta oo shaqaale ka oo shati ka haysta dugsiga waa haddii uu ardaygu codsade’e.  Racfaanka laga qaadanayo go'aankii maamulaha ama kalkaaliyaha maamulaha waa in loo gudbiyaa guddida dhagaysiga dacwadaha anshaxa ee ay soo magacaabeen Guddida Arrimaha Waxbarashadu. Guddida Dhagaysigu waa in ay ka koobnaadaan ugu yaraan Hal shaqaale shati leh ku jira dugsiga.  Dhagaysiga racfaanka waa in lagu qabtaa muddo aan ka badnayn 10 maalmood marka uu bilaabmo hakinta ardayga ama soo jeedinta eryidiisu. Guddida dhagaysiga dacwadaha anshaxu waa in ay ogeysiis qoraal ah oo ay ku sheegayaan goobta iyo goorta dhagaysigu dhacayo u diraan waalidka ama masuulka ardayga, ardayga laftiisa, iyo masuulka bixiyay ammarka ganaaxa. Haddii uu shaqaale codsado in dhagaysto dacwadd isagoo ka wakiil ah ardayga, markaa in ogeysiiska isna loo diraa.  Kadib marka la dhagaysto racfaanka, guddida dhagaysiga dacwadaha anshaxa waxa u banaan inay sii maamulaha go'aankiisa ku raacaan, ama in ay laalaan go'aanka si shuruud la'aan ah, ama hadba sida ugu macquulsan in ardayga la eryo, ama in ardayga la dugsiga laga hakiyo muddo go’an.  

59

Page 60: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Qoraal Ka Samaynta Dhagaysiga Racfaanka Waa in sarkaalka dhagaysanaya racfaanka ama guddidu ay mar walba qoraal ku hayaan sidii dhagaysigu u dhacay, oo ay ku jirto soo koobid guud oo ku saabsan sababaha loo cuskaday xoojinta go'aanka la qaatay. Dhinac walba waa in loo sheegaa xaqa uu u leeyahay in helo nuqul ka midh qoraalka dhammaystiran oo ku saabsan dhagaysiga racfaanka.  Racfaan Ka Sii Qaadashada Go’aanka Guddida Dhageysiga Dacwadaha Anshaxa  Ardayga ama Maamulahu wuxuu Madaxwayne Ku xigeenka Dugsiyada ka codsan karaa in dib u eegaan go'aanka guddida muddo ku siman shan maalmood gudahood. Haddii muddadaa laga habsaamo, sidaa ayuu go'aankaasi kama dambays ku yahay.  Madaxwayne ku Xigeenaka Dugsiyadu wuxuu dib u eegi doonaa racfaanka, muddo ku siman shan maalmood oo ka bilaabmaysa maalintii uu helay codsiga, markaa wuxuu sii adkayn karaa go'aankii hore ama wuxuu shuruud la'aan u laali kara go'aankii hakinta ama eryidda ama hadba sida kale uu arko in ay macquul tahay. Haddii Madaxwayne ku Xigeenka Dugsiyadu doorto in sii ayyido go'aankii Maamulaha ee hore, ardaygu wuxuu shan maalmood gudahood ku codsan karaa in Guddida Amuuraha Waxbarashadu dib u eegaan arrinkiisa. Haddii uu muddadaa racfaanka loo qabtay dhaafana, go'aanku sidaa ayuu ku yahay kama dambays.  Guddida Amuuraha Waxbarshadu iyagoo ka shidaal qaadanaya dib u eegidda qoraalka laga sameeyay racfaanka waxay yeeli karaan codsiga dhagaysi kale ama way diidi karaan ama waxay sii adkayn karaan go'aankii hore ee ay qaateen guddida dhagaysiga dacwadaha anshaxu, hasoo dhagaysato ama yayna soo dhagaysan guddida hore; iyadoo guddidaasi ayna sii samaynayn ganaax dheeraad ah oo ka adag kii ay guddidii hore ee anshaxu soo samaysay haddayna hore u helin fursad ay dacwadda ku dhagysan ka hor guddida anshaxa.  Haddii guddidu aqbasho in ay dhagaystaan dacwadda ka dib codsiga ka yimid ardayga, Inkastoo ay jiraan xeerarka dhagaysiga dacwada ee dadka u furan ee ku jira Title 8, Chapter 44, ama xeer kale oo kaa ka soo horjeeda, waa in kal fadhiyada dhagaysigu ay dadka ka xidhnaadaan, haddii uusan ardaygu ama waalidka/masuulka ardaygu codsi qoraal ku soo gudbin in dhagaysigu furnaado shan maalmood gudahood kadib markii uu helay ogaysiiska dhagaysiga dacwada. Dhagaysigu waa in uu ku qabsoomaa muddo aan 21 maalmood aan ka badnayn markii ay guddidu heleen codsiga dib u eegista go'aanka.  Haddii Guddidu ay dacwadda dhagaysigeeda ka dhigaan mid dadka u furan halkii ay ka xidhnayd ka dib codsiga ardayga ka yimid, markaa waa in Guddidu aanay shaqo kale qaban ama aanay falanqaynin dacwadda ama aanay cod u qaadin, laakiin kaliya waa in ay dhagaystaan uun racfaanka.  Tallaabada ay qaadayaan Guddida Amuuraha Waxbarashadu way in ay noqotaa mid kama dambays ah.  Waraaqaha Anshax Marinta Dugsiyada Rocketship waa inay ilaaliyaan waraaqaha lagu qoro ganaaixda iyo eryida ardayda ee dugsiyada Rocketship. Dhaqan celinta iyo Dib u Qorista  Marka uu soo baxo amarka eryidu, waa in ardayga la eryay la siiyaa qorshe dhaqan celineed, oo ay sameeyaan Guddida Amuuraha Waxbarashada oo la kaashanaya shaqaalaha Rocketship, taas oo ay ku jiri karaan, balse aan ku koobnayn, in si kal gal ah dib loogu eego lana qiimeeyo in ardayga dib loo aqablo. Qorshaha dhaqan celinta waa in uu ku koobnaadaa muddo aan ka badnayn hal sanno maalintii ardayga la eryay marka uu ardayga dib loo xaaladdiisa si dib loogu soo celiyo dusiga Rocketship. Go'aanka dib u soo celinta ardaygii laga eryay dugsiga Rocketship waa in guddidu gaadhaa kadibna lagu xijisiiyaa kulan ay wada yeelanayaan Maamulaha, ardayga iyo waalidka ama cid kale u matalaysa si caddeeyaan in ardaygu si wanaagsan u soo dhammaystay qorshihii dhaqan celinta iyo in kale isla markaana ay kala sheegaan in ardaygu khatar ku hayn karo dadka kale ama khalkhalin karo jawiga guud ee dugsiga. Ka dib kulankaa waa in Maamuluhu talooyin u soo 

60

Page 61: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

jeediyaa Guddida. In ardayga dib loo aqbalaa waxay ku xidhantahay hadba awoodda RSED ee marka uu ardaygu soo dalbado in dib loo qoro. Go'aanka lagu gaadhayo in dib loo soo celiyo ardayga laga eryay dugsi kale, waa in dugsiga demgadu am dugsi kale oo madax bannaan Maamuluhu ka aqbalaa, kadibna lagu xijisiiyaa kulan ay wada yeelanayaan Maamulaha, ardayga iyo waalidka ama cid kale u matalaysa si caddeeyaan in ardaygu si wanaagsan u soo dhammaystay qorshihii dhaqan celinta iyo in kale isla markaana ay kala sheegaan in ardaygu khatar ku hayn karo dadka kale ama khalkhalin karo jawiga guud ee dugsiga. Sidoo kale waa in Maamuluhu u fiirsadaa in ardaygu soo dhammaystay in uun wax qorshe dhaqan celineed oo lagu horumarinayo hab dhaqankiisa oo dugsigii hore soo siiyay in in kale. Ka dib kulankaa waa in Maamuluhu soo jeediyaa talooyin la xidhiidha go'aankiisa. In ardayga dib loo aqbalaa waxay ku xidhantahay hadba awoodda RSED ee marka uu ardaygu soo dalbado in dib loo qoro.  

IV. Habraacyada Gaarka ah ee Ganaaxida ama Eryida Ardayda Naafada ah  Adeegyada Muddada Ganaaxa Ardayda la ganaaxay muddo ka badan 10 maalmood oo kamid ah sannad dugsiyeedka waa inay helaan adeegyada u saamaxaya inay ka qaybgalaan manhajka waxbarsho ee guud, inkastoo ay haddana ay si kale tahay, haddana waa in ay hore ugu socdaan inay gaadhaan yoolalkii loo dajiyay in ardaygu gaadho ee IEP; isla markaana ay helaan qiimayn shaqaynaysa oo lagu sameeyo habdhaqan isla markaana lagu lafa guro; iyo wax ka qabashada iyo hagaajinta habdhaqankooga, kuwaas oo loogu talo galay inay xalliyaan xadgudubyada anshaxa si ayna u soo noqnoqon taas oo kale. Adeegyadan waxa lagu bixin karaa nidaam waxbarasho oo kooban.  Habraacyada Go’aaminta Dhowritaanka/Muujinta Waa in 10 maalmood gudahood lagu bedalaa go’aanka lagu qaatay in wax laga bedalo ilmaha naafada ah ee ku xadgudbay anshaxa dugsiga. “Bedalka Meelaynta" waxa ka jira talo soo jeedinta eryida ama ganaaxida ka badan 10ka maalmood. Rocketship, waalidka, iyo xubnaha kale ee ku jira kooxda IEP waxay dib u eegi doonaan xogta la xidhiidha faylka ardaygaasi, oo ay ku jirto IEP-da ardaygaas, kormeerida barayaasha iyo xog kasta oo waalidka la siiyay oo la xidhiidha: 

● Haddii anshaxa la jabiyay uu sabab u ahaa naafanimada ardayga ama uu ku lahaa xidhiidh toos ah oo muuqda; 

● Haddii anshaxa la jabiyay ay sabab u ahaayeen Nidaamka Waxbaasho ee Keli-kelida ah oo ay ku fashilmeen hay'adda waxbarasho ee maxalliga ah 

  Haddii Rocketship, waalidka, iyo xubnaha kale ee ku jira Kooxda IEP ay go'aamiyaan in qodobkaa hore ku dabaqmi karo ilmaha, markaa waa in ay anshaxa u go'aamiyaan inuu yahay habdhaqankaasi mid kamid ah habdhaqanada naafonimada ilmaha. Haddii Rocketship, waalidka, iyo xubnaha kale ee ku jira Kooxda IEP ay go'aamiyaan anshaxaasi in uu yahay mid kamid ah habdhaqanada naafonimada ilmaha, markaa waa in ay kooxdu: 

(1) sameeyaan qiimayn anshax oo shaqaynaysa ama ay lafa guraan habdhaqanka noocaas ah, isla markaana ay dajiyaan qorshe wax lagaga qabanayo xaaladda ilmahaasi, waa haddii aanuu dugsigu mar hore qiimayntaa u samaynin ee keenaysa in aan la badalin go'aankii hore looga qaatay waxa ardaygu sameeyay; 

(2) Haddii qorshaha wax ka qabashada hab dhaqanka la sameeyay, waa in ay dib u eegaan qorshahaasi haddii uu ilmuhu hore u lahaan kan oo kale, isla markaana wax ka baddalanaa haddii loo baahdo, si uu ula tacaalo hab dhaqankan; iyo 

(3) ardayga ku celiyaan meeshii laga soo saaray, haddii aanuu waalidka iyo dugsiguba aqbalin in wax ka bedal lagu sameeyo qorshaha wax ka qabashada habdhqanka ardayga. 

 Haddii dugsiga, waalidka iyo xubnaha kale ee ka tirsan kooxda IEP ay isla gartaan inay habdhaqanka ardaygu ku kacay aanuu ahayn mid ka marag kacaya naafannimada ardayga isla markaana anshaxaa laga hadlayaa aanu ahayn fashil ka yimid IEP, markaa wuxuu ku dabiqi karaa ardayga naafada isla ganaaxyada ardayda kale lagu qaadayo iyo isla muddada uu qaadanayay sida ay dhigayaan habraacyada loo marayo ardayda aan naafada ahayn.   Inta Lagu Guda Jiro Hawsha Racfaan Qaadashada 

61

Page 62: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Waalidka ilmaha naafada dee aan ogolaanin go'aanka la xidhiidha ganaaxa ama dugsigu rumaysanyahay in haddii ilmaha lagu hayo meesha la dhigay ay suurto gal tahay in dhaawac ilmaha ka soo gaadho ama cida kalaba, markaa wuxuu codsan karaa in maamulku dib u dhagaystaan xaaladda iyadoo la kaashanayo Qeybta Waxbarashada Gaarka ah ee Xafiiska Dhagaysiga Dacwadaha Maamulka.  Marka la codsado racfaanka dib u eegista go'aanka ardayga laga qaatay ee ay soo codsadeen waalidka ama dugsiga laftiisu, waa in ardaygu sii wataa waxbarashada ku meelgaadhka ah ee dadban inta go'aanku wali laalanyahay ee laga gaadhayo dhagaysa xaaladdiisa ama ilaa ay dhamaanayso muddadii 45 maalmood ahayd ee la siiyay in ardaygu sii wadan karo waxbarashada ku meelgaadhka ah ee dadban, hadba labada kii soo horreeya, waa haddii aan waalidka iyo dugsigu ayna ka heshiin hawshee.  Xaaladaha Gaarka ah  Shaqaalaha Rocketship waxay tix galin gaar ah siin karaan xaalad gaar ah, iyagoo hadba xaalad eegaya, marka ay xadidayaan in go'aanka laga qaatay ardayga naafada ah sidiisa lagu fuliyo in wax laga bedalo. Maamulaha ama cida kale ee loo xil saaray wuxuu ardayga ka saari karaa waxbarshada ku meelgaadhka ah ee dadban muddo aan ka badnayn 45 maalmood, isagoo iska dhaafaya in muuqaalka ardaygu ka marag kacayo naafanimada ardayga, xaaladaha uu: 

● Ardaygu sito ama uu wato hub, sida ku qeexan 18 USC 930, oo uu usoo qaato dugsiga, agagaarka dugsiga, ama meel dugsiga hawli uga socotay; 

● Ardaygu haysto ama isticmaalo daroogooyinka sharci darrada ah, ama uu iibiyao ama uu dalbado walxaha la kantaroolo, marka uu ardaygu joogo dugsiga, agagaarka dugsiga, ama meel dugsiga hawli uga socotay; ama 

● Ardaygu dhaawac jidheed oo halis u gaysto qof inta dugsiga la joogo, agagaarka dugsiga, ama meel dugsiga hawli uga socotay; sida ku qeexan 20 USC 1415 (k) (7) (D). 

 Goobta Waxbarashada Ku Meel Gaadhka ah ee Dadban Goobta uu ardaygu ku dhiganayo Waxbarasho ee Dadban ee ku meel gaadhka waa inay go’aamiyaan kooxda IEP. Habraacyada Loo Marayo Ardayda Wali Aan u Qalmin Adeegyada Waxbarshada Khaaska ah  Ardayga aan loo aqoonsan in uu yahay qof naafo ah iyadoo la raacayo IDEIA ee ku xadgudbay nidaamka anshaxa ee dugsiga waxay sii adkayn kartaa go'aannada maamulku hore uga qaateen sida ku cad xeer hoosaadkan, kaliya waa hadii Rocketship ay hore u ogayd in ardaygu aanu naafo ahayn kahor intii aanuu anshax darada samayn.  Waxa Rocketship u haysanaysaa in ardaygu naafo yahay haddii xaaladahan oo kale ay jiraan:  

● Waalidka/masuulka uu cabashadiisa ku muujiyay qoraal ahaan, ama af ahaan haddii aanu waalidka/masuulku anuu garanayn sida wax loo qoro ama uu leeyahay naafanimo u diidaysa inuu wax qoro, cabashada wuxuu u gudbinayaa kormeerayaasha Rocketship ama maamulka dugsiga, ama cid kale oo ka mid ah macalimiinta ilamaha, taas oo sheegaysa in ardaygu uu u baahanyahay waxbarashada khaaska ah ama adeegyada la xidhiidha.  

● Waalidku uu codsaday in qiimayn lagu sameeyo ardayga.  ● Macalinka ardayga ama cid kale oo ka mid ah shaqaalaha Rocketship, uu ka 

waramay warwarka ay ka qabaan habdhaqanka ardayga waxay u gudbin karaan fikirkooga Agaasimaha ama Waxbarashada Gaarka ah ama kormeerayaasa kale ee Rocketship.  

Haddii uu dugsigu ogaa ama uu ogaan lahaa in ardayga naafada ahi uu ku jiro ka mid ah saddexda xaaladood ee kor lagu xusay, ardayga waxa u banaan inuu soo bandhigo in uu xaq u leeyahay xuquuqda carruurta naafada ah ee u qalma IDEIA, oo ay ku jirto xaqa u leeyihiin inay joogaan.  Haddii dugsigu aanu waxba ka ogayn naafanimada ardayga, waa in hore loogu socdaa anshax marinta la soo jeediyay. Dugsiga waxa saaran in ay sameeyaan qiimayn degdeg ah waa hadii ay walidiintu dalbadaane, si kastaba ha ahaatee ardaygu waa inuu sii wadaa hadba nidaamka waxbarsho ee ay Rocketship go’aamiso inta la sugayo natiijada ka soo baxaysa qiimaynta.  Rocketship waa in aan loo arkin inay aqoon u lahaayeen in ardaygu naafo yahay haddii waalidka aanuu ogolaan in qiimayn la sameeyo, uu diiday adeegyada ama haddii ardayga lagu qiimeeyay in aanu u qalmin xaaladdaasi. 

62

Page 63: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

 SIYAASADA CAGAJUGLEYNTA,TAKOORIDA, DHIBAATEYNTA IYO CABSI GELINTA   Cagajugleyntu waxay ku leedahay dhibanaha iyo inta agjoogtaba waxyeello bulsho, jidheed, maskaxeed iyo aqooneed. Iyada oo laga falcelinayo kordhinta wacyigalinta dadweynaha ee cagajugleynta carruurta iyo saamaynta caafimaad ee aadka u xun ee ka dhalan karta, ku dhowaad dhamaan gobollada oo dhami waxay ansaxiyeen sharciga ka-hortaga cagajugleynta carruurta ee dugsiyad ka dalbanaya in ay dajiyaan siyaasadaha wax lagaga qabanayo isla markaana lagaga hortagayo cagajugleynta carruurta. Siyaasadda Rocketship waxa loo qoray si waafaqsan xeerarka iyo xeer hoosaadyada Tennessee ee ka xidhiidha hawshan. Waxay ka hadlaysaa qeexida cagajugleynta iyo dhibaateynta, waxyaabaha ka dhanka ah cagajugleynta; habraacyada ka warbixinta dhacdooyinka cagajugleynta, habraacyada dhacdada loo baadhayo; iyo ganaaxyada, hagaajinta iyo racfaan qaadashaa.  

I. Qeexitaano Iyadoo la tixraacayo xeerka T.C.A. § 49-6-4502, "dhibaateynta, ka cabsiin, ama cagajugleynta" waxaa loola jeedaa fal kasta oo si xoogan u carqaladeeya faa'iidooyinka waxbarasho ee ardayga, fursadihiisa ama waxqabadkiisaba; iyo: 

● Haddii uu falku ka dhaco dugsiga gudihiisa, ama hawl kasta oo dugsigu qabanayay dhexdeeda, agabka dugsiga dushiisa ama gaadiidka, ama boosteejooyinka rasmiga ah ee baska, falkaasi wuxuu leeyahay saamayn ah: 

▪ Dhaawac jidheed oo ardayga soo gaadha ama dhaawacaya hantida ardayga; ▪ Ardayga si kas loogu cabsi galinayo dhaawac jidheed oo ardayga soo gaadha 

ama dhaawacaya hantida ardayga; ▪ Ardayga ama ardayda ku keenaya dareen cabsi leh iyo daganaansho la'aan ah; 

ama ▪ Abuurista jawi waxbarasho oo colaadeed 

● Haddii falku ka dhaco goob ka baxsan dugsiga ama ka baxsan hawl dugsigu maalgaliyay, oo si toos ama si dadban ardayga loola beegsaday arday oo sameysay jawi waxbarasho oo calaadeed amaba abuuraysa khalkhalin ku keenaysa jawiga waxbarasho ama hanaanka waxbarasho guud ahaan. 

 "Cagajugleynta Internetka” waxa loola jeedaa cagajugleynta la isu mariyo qalabka elektarooniga ah dhexdiisa. "Qalabka elegtarooniga ah" waxaa ka mid ah, balse kuma koobna, teleefannada, telefoonka gacanta ama qalab kale oo isgaadhsiineed oo bilaa xadhig ah, kalkaaliyaasha digital-ka ah ee qofka, kombiyuutarrada, boostada elektoroonigga ah, fariimaha degdega ah, fariimaha qoraalka ah iyo baraha internetka.  

II. Waxyaabaha Ka Dhanka Ah Cagajugleynta  Iyadoo la tixraacayo T.C.A. § 49-6-4503 (a), falalka dhibaateynta, cabsi galinta, ama cagajugleynta, oo ay ku jiraan cagajugleyntu la isku mariyo agabka elektoroonigga ah, oo ay ku kacaan dhalinyarada, ama mutadawaciintu, ama shaqaale, waxaa ka mamnuuc ah: 

● In ay ka dhacaan Rocketship iyo agagaarkeeda, at xafaladaha ay Rocketship soo qaban qaabisay, garoonnada Rocketship, gaadhi kasta loo isticmaalo hawlo Rocketship leedahay, boosteejooyinka ardayga Rocketship ku sugaan basaska, adeegsiga qalabka elektorooniga ah ee Rocketship iska leedahay, ama ay soo kiraysato Rocketship, ama loo adeegsanayo hawlo Rocketship ay wadato; iyo 

 ● Meel kasta oo ay ka socoto shaqo aan la xidhiidhin Rocketship, iyadoo la adeegsanayo 

qalabka elektorooniga ah, oo ay Rocketship leeyahay ama soo kiraysatay , haddii falka dhibaateynta, cabsi galinta, ama cagajugleynta ahi uu jawi colaadeed ku abuurayo hay'adda dhibanaha ama markhaatiyaasha, ama ku xadgudba xuquuqdooda inta ay Rocketship dhex joogaan, ama ay khalkhal galiyaan habsami u socodka hawlaha Rocketship. 

 

63

Page 64: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

III. Soo Sheegida Dhacdooyinka Cagajugleynta ama Aargoosashada  Rocketship waxay dhamaan shaqaalaha ama mutadawaciinta ka rajaneysaa inay ka soo sheegaan dhacdooyinka cagajugleynta ama aargoosashada ay u joogeen ama lagu soo wargaliyay. Shaqaaluhu waa inay isla markaaba ay maamulaha warbixinta u diraan, si uu uga diyaariyo warbixin qoraal ah oo ku saabsan dhacdada cagajugleynta ah.  Dhallinyarada, waalidiinta, masuuliyiinta iyo bulshadaba waxay Rocketship ku dhiiir galinaysaa inay soo sheegaan dhacdo kasta oo cagajugleyn ah oo ay joogeen ama loo soo sheego. Warbixinta waxa loo soo sheegi karaa Maamulaha Dugsiga, ama waxay ku ridi karaan sanduuqa fariimaha aan la garanayn cida ku riday fariinta ee ku yaala xafiiska xagga hore ee dugsiga.  Warbixinada cagajugleynta ay soo gudbiyaan dhalinyarta, waalidiinta, masuuliyiinta iyo bulshadu waxay noqon kartaa mid aan la garanayn cida soo sheegtay, laakiin Rocketship go'aan kuma qaadan karto warbixinta aan la garanayn cida soo dirtay, in kastoo warbixintaa cida soo dirtay aan la garanayni ay keeni karto in la sameeyo baadhitaan lagu soo heli karo xog lagu go'aan qaadan karo. (T.C.A. § 49-6-4503(b)(5)) Dhammaan warbixinada afka ah ee dugsigu helo waxa loo bedali doonaa qoraal waxana la galin doonaa xog keydka Rocketship, sida faahfaahinta hoose ku xusan.  Sida ku cad xeerka T.C.A. § 49-6-4503(b)(5), Rocketship waxay ku dedaali doontaa in foomka lagu soo warbixinayo uu ku qornaado dhawr luqadood isla markaana xogta la soo sheegayo lala wadaago dhalinta ku xidhan Rocketship iyadoo da'da loo eegayo. Xogta ku saabsan sida warbixinta cagajugleynta loo soo samaynayo waxa loo diri doonaa dhalinta iyo qoysaska iyadoo loo marinayo habka fariimaha ee Rocketship. Maamulaha dugsiguna mar walba waxa uu diyaar u yahay inuu gacan siiyo qofka doonaya inuu ka warbixiyo dhacdo cagajugleyn ah. Warbixinaha cagajugleynta ee aanuu Maamuluhu helin ayaa maamulaha loo diri doonaa muddo ku siman maalin kaliya gudaheed markii warbixinta la helay ama in sameeyo warbixinta qofka shaqaalaha ah ee ka soo warbixiyay dhacdada hore.  

IV. Mamnuucida Aargoosashada Shaqaalaha dugsiga, ardayga, mutadawaca goob jooge ka ahaa ama xog lagu kalsoonaan karo ka haya in arday lagu hayo fal dhibaateyn, cabsi galin, ama cagajugleyn ah, ama cagajugleyn elektoroonig ah, waxa lagu dhiirigalinayaa inuu ka soo warbixiyo falkaasi sida ay dhigayso siyaasadani. Shaqaalaha dugsiga, ardayga, ama mutadawacu uma banaana inuu qayb ka noqdo fal aargsoosasho ah oo ka dhan ah dhibane, markhaati, ama cid kale oo haysa xog la isku hallayn karo oo ku saabsan falka dhibaateynta, cabsi galinta, ama cagajugleynta. (T.C.A. § 49-6-4505(a)). Intaa waxa dheer shaqaalaha dugsiga ee markaaba ka soo warbixiya fal kasta oo dhibaateyn, cabsi galin, ama cagajugleyn ah, ama cagajugleynta elektoroonigga ah, ee u soo gudbiya saraakiisha ku haboon ee dugsiga isagoo raacaya habraacyada ay siyaasadani dhigayso, wuxuu xasaanad buuxda ka haystaa wax kasta oo ka dhasha dhaawaca falkaasi gaysto ee ka dhasha fashilka ku dhaca in wax laga qaban waayo falkii laga soo warbixiyay. T.C.A. § 49-6-4505(c)).  

V. Xog Ururinta Dhamaan dugsiyada Rocketship ee ku yaala Tennessee waxay ururin doonaan xogta ku saabsan dhacdooyinka laga soo warbixiyay ee cagajugleynta, waxayna xogta oo la isku keenay siinayaan waaxda waxbarashada sida waafaqsan T.C.A. § 49-6-4503(c): 

● Magaca dhibanaha, qofka la cagajugleeyay, iyo cid kasta oo markhaati ah.  ▪ Ciwaanka ama meesha laga helayo dhibanaha, qofka la cagajugleeyay, iyo 

markhaati kasta  

● Sifooyinka khuseeya dhibanaha qofka la cagajugleeyay, iyo markhaati kasta oo ay ka mid yihiin: 

▪ Dhacdooyin hore oo la xidhiidhay dhibanaha ama qofka la cagajugleeyay ▪ Xidhiidhka uu dhibanaha, qofka la cagajugleeyay, iyo markhaati kasta la lahaa 

dhacdada ( tusaale ahaan ma ardaybaa, ma shaqaalaa, ma iskaa wax u qabsaa)  

● Nooca ay tahay dhacdada cagajugleynta ahi 

64

Page 65: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

▪ Xaggee ayay dhacdadu ka dhacday ▪ Goorma ayay dhacdadu dhaacday ▪ Cagajugleyn noocee ah ayay ahayd ( jidheed, odhaah ah, elektoroonig ah, ama 

mid xidhiidh, iwm) ▪ Maxaa keenay dhacdada cagajugleynta (heer bulsho, muuqaalka qofka, isir, 

hanaan galmo, iwm.) ▪ Meesha ma joogay kormeerka qof weyn ahaa ▪ Duruufta dhacdada 

 Rocketship waxay kaliya isku dayi doontaa sidii ay usoo ururin lahayd macluumaadkaasi, mar haddii aysan khatar galinayaan ammaanka dhibanaha iyo markhaatiyaasha, waxayna u ogolaanaya warbixinada cagajugleynta ee ka imanaya dadka aan shaqaalaha ahayn in loo sameeyo si qarsoodi ah.  

VI. Baadhista Dhacdooyinka Cagajugleynta  Iyadoo la tixraacayo xeerka T.C.A. § 49-6-4503 (b) (6), waxay dugsiyada Rocketship ee Tennessee raaci doonaan habraacyada hoos ku xusan marka ay baadhitaan ku samaynayaan warbixinta dhibaateynta, cabsi galinta, cagajugleynta, ama cagajugleynta elektorooniga ah.  Ka hor inta aan baadhitaanka lagu samayn dhacdo, Maamulaha dugsigu waa in uu qaadaa tallaabooyin lagu xaqiijinayo badbaadada dhibanaha warbixinta dhacdada lagu sheegay. Tallaabooyinkan waxay ahaanayaan kuwo loo jaangooyey inay dhibanaha usoo celiso dareenkii ammaan ee uu qabay isla markaana laga ilaaliyo in dhacdo dheeraad ahi ku dhacdo haddii ay muhiim noqoto. Tusaalayaasha tallaabooyinkaasi oo kale waxa ka mid ah in xubin ka tirsan shaqaalaha loo diyaariyo in dusha kala socdo in dhibbanuua ku jiro xaalad “ammaan ah", in wax laga baddalo jadwalka si loo yareeyo helitaanka dhibbanaha lagu eedeeyey ama loo sameeyo qorshe ammaan iyadoo lala tashanayo dhibanaha. Marka baadhitaanka la soo gabagabeeyo, waa in hadba sida loo baahdo tallaabooyin dheeraad ah la qaadaa si loo hubiyo ammaanka dhibanaha si ayna ugu dhicin dhacdo kale oo dheeraad ah oo cagajugleynta ama aargoosasho ah.  Mar Allaala markaa warbixinta cagajugleynta ay soo gaadho hay'adda, waa in kooxaha xigana uu Maamuluhu ku wargaliyaa hadba sida loogu baahdo, mar haddii aanay aanay jirin baahi sharci oo lagama maarmaan ahina, waa in uu ogolaansho qoraal ah ka helaa waalidka ama masuulka ka hor ogeysiinta kooxaha xiga.  

● Waalidiinta iyo masuuliyiinta: Rocketship waxay waalidka ama masuulka ogeysiin doontaa dhibanayaasha, dadka la cagajugleeyay, iyo haddii ay haboon tahay markhaatiyaasha ka warbixin doona nooca ay ahayd dhacdada cagajugleyntu iyo habraacyada iyo tallaabooyinka la qaado si looga fal celiyo dhacdada. Maamulaha dugsiga ayaa go'aan ka gaadhi doona hadba marka waalidka ama masuulka la ogaysiin doono, baadhitaanka dhacada ka hor ama ka dib. 

 ● Hay'adaha sharci fulinta: Haddii Rocketship ay go'aamisoin dhacdada laga soo 

warbixiyay ay ku lug yeelan karto fal dembiyeed ama bilowga fal dambiyeed, waa in macluumaadka ku saabsan dhacdadaa la gaadhsiiyaa hay’adaha sharci fulinta ee ku haboon. Iyadoo ay qayb ka tahay marka go’aankan la gaadhayo, Maamulaha wuxuu xiisayn karaa in uu la tashado sarkaal ka tirsan sharci fulinta ama la taliye xagga sharciga ah. Waxa lala xidhiidhi karaa hay'adaha sharci fulinta kaliya haddii dhammaan xalalka kale ee jira la wada tijaabiyay. 

 Rocketship waxay kooxahan dhacdooyinka ku wargelin doontaa keliya hadba inta sharcigu ogolyahay. Ogeysiinta waxaa loo samayn samaynayaa kaliya si loo hubiyo in adeegyada la siinayo dhibanayaasha iyo dadka loo cagajugleeyay looga ilaaliyo ka waxyeelo dheeraad ah oo soo gaadha. Rocketship waxay dedaal kasta u gali doontaa sidii si ay u ilaalin lahayd qarinta dadka soo sheegay dhacdooyinka cagajugleynta.  Maamulaha dugsiga ayaa ka masuul ah baadhitaanka warbixinaha cagajugleynta. Baadhitaanka dhacdada waxaa lagu bilaabi doonaa muddo aan ka badnayn hal maalin ka dib marka 

65

Page 66: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

maamulahu helo warbixinta cagajugleynta wuxuuna ku soo gaba gabeyn doonaa baadhitaankiisa ugu dambayn 30 maalmood kadib marka uu helay warbixinta noocan oo kale ah. Iyadoo qayb ka ah baadhitaanka, Maamulahu wuxuu waraysi la yeelan doonaa dhinacyada ku lugta leh warbixinta ee ay ka midka yihiin dhibanayaasha, dadka la cagajugleeyay, markhaatiyaasha, shaqaalaha, waalidiinta ama masuuliyiinta.  Maamulaha Dugsiga wuxuu sii qarin doonaa hadba intii suurtogal ah dhinacyada ay khusayso warbixintu, waana qayb kamid ah baadhitaanka, wuxuuna ku wargelin doonaa dhamaan dhinacyada ay khuseyso inuu mamnuuc yahay aargoosiga laga aargoosanayo cida warbixinta samaysay. Diiwaan qoran oo ku saabsan habka baadhitaanku u dhacay waa in la hayo oo qayb ka noqon kara xog hayaha cagajugleynta si loo helo sawir guud oo ku saabsan habdhaqanada cagajugleynta ah ee ka dhaca Rocketship. Meelaha laga maarmaanka ah, qodobada lagu sameyn doonaa si ka mid ah talo ah ee taliye sharci. Haddii loo baahdana, waxa lala tashan karaa la taliye sharci.  Marka la baadhayo dhacdo cagajugleyn ah, Maamulahu wuxuu hubsan doonaa in dhacdada la soo sheegay ay tahay mid cid lagu waxyeeleynayo, astaanna u ah cagajugleynta, halkii ay u muuqan lahayd isku dhac laba dhinac ah. Sidaa daraadeed marka maamulahu isku dayayo in uu baadhitaan ka sameeyo dhacdo la soo sheegay waa in uu isku dayaa in uu xaddido habka uu dhibanuhu xidhiidhka ula lahaa dhacdadaa isagoo waraysi la leeyanaya dhibanaha, isla markaana ka ilaalinaya dhacdooyinka mustaqbalka. Haddii dhibanuhu uu sheegi waayo macluumaad ku filan ama macluumaad yar oo ku saabsan qaabkii loosoo afjari lahaa dhacdadaasi, ama wax looga qaban lahaa dhacdooyinka mustaqbalka, macluumaadkaasi waxaa loo qaadan doonaa kuwo dhaqan gal ah, in kasta oo aan caddayn buuxda loo hayn in dhacdadaa la soo sheegay ay ahayd dhacdo cagajugleyn ah.  Maamulaha ayaa loo daayay go'aan ka qaadasha in dhacdooyinka la soo sheegay yihiin dhacdo cagajugleyn ah iyo in kale. Go'aannadan waxa la qaadan doonaa iyadoo la tixgelinayo guud ahaan xaqiiqooyinka iyo duruufaha ku xeeran dhacdadaasi. Haddii uu Maamulahu go'aamiyo in dhacdo cagajugleyn ahi ay dhacday, markaa waa in ay qaadaan tallaabooyin lagaga fal celinayo dhacdadaasi si looga hortago soo noqnoqshada dhacdadaasi iyo soo celinta ammniga dhibbanaha. Maamuluhu waa in uu ka warbixiyaa dhacdo kasta oo la ogaado in ay tahay kala soocid ama anshax darro ku salaysan xubno dabaqad ilaalsan, oo ay la jirto natiijadii baaritaanka oo ku hagaagsan: [email protected] ee 24 dhamaystirkii baaritaanka.   Haddii maamuluhu go'aamiyo in loo baahan yahay taageero dheeraad ah si ay u sameeyaan baadhitaan dhamaystiran oo loo simanyahay wuxuu la xidhiidhi karaakooxda sharciga ee Rocketship, iyo/ama sarkaalka ka hortaga magaalada.   

VII. Xayiraadda  Dugsiyada Rocketship waxay aqoonsanyihiin si xayiraaddu noqoto qorshe wax ku ool ah oo lagaga hortagayo cagajugleynta, waa in si joogto ah loo dabaqaa, si caddaalad ah oo loo simanyahay. Si taas loo gaadho, Rocketship Education waa inay xaqiijiyaan in shaqaalahu raacaan tilmaamahan hadba intii suuragalnimada ugu dhow, iyagoo muujinaya dabacsanaan si loola qabsado xayiraadda, iyadoo la eegayo hadba xaaladda qofkaasi. (T.C.A. § 49-6-4503 (b) (8)). Intaas waxaa sii dheer, si loo hubiyo in loo simanyahay xayiraadaha, waa in la qaadaa tallaabooyin lagu saleynayo sida loo go'aaminayoyo nooca gafka, taariikhda anshax ee dhalinyarada dhacdada ku lugta leh, iyo xaaladda da'da iyo koboc ee dhallinyarada ka lugta leh dhacdada. Fal celinnada laga bixinayo dhacdooyinka cagajugleynta waxa ka mid noqon kara, balse aan ku koobnayn: 

● Canaan ● U diididda mudnaanaha Rocketship ● Mamnuucida ka qeybgalka waxqabadyada Rocketship ee ikhtiyaariga ah ● U diididda adeegyada Rocketship 

66

Page 67: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

● Ganaaaxida ama eryidda, iyadoo la raacayo Siyaasadda Ganaaxida iyo Eryidda ee Rocketship 

 Xayiraadaha waxa lagu dabiqi doonaa hal maalin gudaheed marka uu soo baxo go'aanka sheegaya in dhacdadu ahayd mid cagajugleyn ah, haddii aanuu racfaan ka qaadan qofka lagu eedeeyay inuu sameeyay cagajugleyntu muddo ku siman inta lagu cadeeyay qaybta Rafcaanka ee Siyaasadan gudaheeda. Si loo hubiyo in dhacdo cagajugleyn ahi aanay u noqon dhibaato soo noqnoqota, Rocketship mar kasta waxay u gudbin doontaa dhibanayaasha iyo kuwa cagajugleynta samaynaya ee ku lugta leh dhacdadan adeegyada keenaya in xayiraad la saaro kuwa ku kacaya cagajugleynta.   Isla xayiraadahaasi ayaa la dabiqi doonaa marka qof lagu helo in qof kale ku been abuurtay oo uu ku eedeeyay in sameeyay dhibaateyn, cabsi galin, cagajugleyn ama cagajugleynta elektorooniga ah, iyadoo loo adeegsanayo fal rogaal celin ah ama aargoosi ah ama loo adeegsanayo cabsi galin, cagajugleyn ama cagajugleyn elektoroonig ah. (T.C.A. § 49-6-4503 (b) (10)). Rocketship ma aqbali doonto adeegsiga xeeladaha ciqaab marinta ah ee la xidhiidha siyaasadaha "dulqaad la'aanta" marka ay ay dabbaqayaan xayiraadda la xidhiidha dhacdada cagajugleynta. Rocketship waxay u sheegi doontaa dhallinyarada la soo xidhiidha Rocketship, waxyaabaha ka dhalan kara ka qayb qaadashada dhaqanka cagajugleynta.  

VIII. Racfaanka  Dhinacyada ku qanci waaya natiijada baadhitaanka cagajugleyntu waxay racfaan u qaadan karaan Madaxweyne ku-xigeenka Dugsiyada Rocketship. Rafcaankan waa in lagu soo gudbiyaa ugu dambayn 30 maalmood kadib markii uu soo baxay go'aanka hore. Marka la helo racfaanka, Madaxweyne ku-xigeenka Dugsiyadu waa in uu sameeyaa baadhitaan labaad muddo ku siman 30 maalmood gudahood oo ka bilaabanta makrii uu racfaanku soo gaadhay. Soddonkan maalmood waxaa laga yaabaa 15 maalmood oo dheeri ah haddii uu Madaxweyne ku-xigeenka Dugsiyadu sameeyo qoraal uu ku sheegayo sababaha loogu baahan yahay waqti dheeraad ah oo ay ku qabtaan baadhitaanka.  

IX. Daabacida iyo Macluumaadka Xiriirka Siyaasadan waxa la galin doonaa barta interneetka ee Rocketship. Siyaasada, iyo hadba da'da ku haboon, waxa sannad kasta loo qaybin doonaa dhalinyarada iyo waalidiinta xidhiidhka la leh Rocketship, isla markaana Rocketship waxay xoogga saari doontaa in siyaasadu khusayso ka qaybgalka hawlaha kale ay Rocketship waddo. Maamulaha dugsi kasta oo ka mid ah dugsiyada Rocketship ayaa mas'uul ka ah isku dubaridka dedaalka ay Rocketship kaga hortagayso cagajugleynta. Dhamaan su'aalaha, fal celinta iyo dareenada kale ee ku saabsan siyaasadda cagajugleynta iyo dedaalada ka cagajugleynta ee Rocketship waxa wax laga waydiin karaa Maamulaha dugsiga. (T.C.A. § 49-6-4503 (b) (11).   ANSHAXA LABISKA EE ARDAYGA 

Labiska ardayga waxay ka caawiyaan yareynta carqalada maalin dugsiyeedka, horumarinta ixtiraamka uu naftiisa iyo dadka kale u hayo ardaygu iyo si loo kobciyo niyada dugsiga/bulshada. Siyaasaddani waxay ka hadlaysaa Shuruudaha Anshaxa Labiska ee Rocketship; ku xadgudubka anshaxa labiska, iyo waxyaabaha kala dhalan kara haddii ardaygu u hoggaansami waayo anshaxa labiska.   

I. Shuruudaha Anshaxa Labiska   hamaan ardayda waxa laga filayaa inay maalin kasta dugsiga usoo xidhaan labiska Rocketship. Labiska Rocketship wuxuu ka koobaan yahay surwaal kaaki ah (surwaal, surwaal gaaban, direys, toob ama haaf gaaban) iyo shaati cad ama buluug-guduud ah. Ardaydu waxay sidoo kale soo xidhan karaan garamaanta raqabada leh ama kuwa bilaa raqabada ah ee Rocketship, kuwaas oo laga iibsan karo iibiyaha la qoondeeyay. Maamulaha dugsi kasta ayaa ikhtiyaar u leh inuu dugsigiisa u sameeyo labis u gaar ah oo waafaqsan siyaasadan. Waa in badhaamada 

67

Page 68: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

shaadhadhka la xidhaa markasta, kuwaas oo ay Rocketship u tixgeliso inay yihiin “u labisashada guusha”.  Ardaydu waa inay sidoo kale soo xidhaan kabo qufulan (tusaale, baabuudh). Kabaha sandhalka looma tixgeliyo inay yihiin kuwo ammaan ah ama ku haboon dugsiga.  

II. Ku Xadgudubka Anshaxa Labiska  Waxyaabaha soo socda waa loo qaadan karaa inay yihiin ku xad gudub lagu samaynayo anshaxa labiska lagamana ogola goobaha dugsiyada Rocketship:  

● Dharka gaagaaban ee bawdada badhtankeeda ka sii gaaban ● Dharka hablaha ee sidoolayasha ah (ee ka yar laba inji, ama ballaca "credit card") ● Garamaanta gaagaaban (ee ay kamidka yihiiin garamaan cadcad ee ku dhajisan ee 

dharka laga hoos xidho) ● Dharka iyo labiska kale ee yaryar ee kicin kara dareen galmo ● Labiska ardayga loogu malayn karo in uu tagayo meel ahayn dugsi, ama aflgaado soo 

jiidi kara, xumaan ka marag kaca, ku caan ah daroogada, khamriga, sigaarka, budhcada (siiba garamaanta cascas iyo kuwa buluuga ah) ama ku sita summada xabsi iska leeeyahay. 

● Labiska uu ku xardhanyahay qoraal yasaya shakhiyaad ama kooxo. ● Daloosashada keeni karta khatar badbaado lama aqbalo karo; laakiin dhagaha la xidho 

ee xajmigoodu macquul yahay waa la aqbali karaa.  ● Kabaha dhaadheer ee dhulka ka sareeya wax kabadan 2.5 inji. ● Nigisyada ama dharka laga hoos xidho dharka ee muuqda ● Shaadhadhka ama garamaanta muujinaya caloosha inta feedhaha ka hoosaysa. ● Surwaallada dabada laga si daayo. ● Surwaallada iyo jiinisyada ogaan loo jeexjeexay ● Kabaha buudhka ah ee aan xadhkahooda la xidhin ● Masarrada, maryaha madaxa lagashto marka dhakhtarada la joogo, taakooyinka 

madaxa, maryaha sida cimaamadda loo xidho, koofiyadaha kala duwan (kuwa dhaxanta, kubadda gacanta, iwm). 

● Muraayadaha ama koofiyadaha bal-balaadhan lama xidhan karo inta la joogo dhismaha dugsiga, laakiin waa la xidhan karaa dibada si la iskaga ilaaliyo kullayla qorraxda. 

 III. Waxyaabaha Ka Dhalan Kara Ku Xad Gudubka Anshaxa Labiska  

 Ardayda aan sida joogta ah dugsiga ugu iman iyagoo ku labisan balcadkoodii waxay lumin karaan mudnaanta ay siiso Siyaasada Anshaxa Ardayga ee Rocketship. Intaa waxa dheer, Rocketship waxay la xidhiidhi doontaa waalidka/masuulka ardayga si ay ugala hadasho ku xadgudubka uu ilmihiisu ku hayo anshaxa labiska.   SIYAASADA DAAWO SIINTA   Rocketship waxaa ka go'an taageerida caafimaadka ardayda iyo haqab tirida baahiyaha ardayda leh xaalado caafimaad, iyaga oo raacaya sharciyada Tennessee. Siyaasadani waxay ka hadlayaa shuruudaha ardayda u baahan inay qaataan daawo inta lagu jiro maalinta dugsiga, oo ay ku jiraan dukumentiyada iyo tababarka shaqaalaha ee loo baahanyay. Siyaasadu waxay sidoo kale ay ka hadlayaa isticmaalka daawada si loo daaweeyo xaaladaha caafimaad ee loogu tala galay oo ay ku jiraan xiiqda, xasaasiyadaha nafta halista geliya, suuxdinta iyo sankarowga iyo sidoo kale falcelinta Rocketship ee xaaladaha caafimaad ee degdeg ah .   I. Foomka Daawo Siinta   Kahor inta aan daawo lagu keydin ama lagu siin Rocketship dhexdeeda, waalidka/masuulka ardaygu waa inuu buuxiyaa oo uu soo gudbiyaa foomka ogolaanshaha daawo siinta.  Foomka Daawo Siinta waa inay ku jiraan:   

68

Page 69: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

● Ogolaansho caafimaad oo qoraal ah oo uu saxiixay dhakhtar caafimaad oo rukhsad heysta, kaas oo sheegaya:        

▪ Magaca ardayga;        ▪ Macluumaadka xiriirka degdega ah ee ardayga waalidka/masuulka;        ▪ Macluumaadka xiriirka ee dhakhtarka caafimaad ee rukhsada heysta ee 

ardayga;        ▪ Magaca, ujeedada iyo qiyaasta laguu qoray daawada;        ▪ Inta jeer ee dawada la qaadan doono;        ▪ Dhibaatooyinka suurogalka ah ee daawada sida ku qoran qoraalka;        ▪ Xaaladaha dawada la qaadan karo karaa ama ay waajib tahay inla qaato;        ▪ Tilmaamaha gaarka ah ama habraacyada xaaladaha degdega ah;        ▪ Xaalada daawo isa-siinta, xaqiijinta in ardayga la baray farsamada ku haboon ee 

isa-siinta daawada eyna muujisay awooda uu si wax ku ool ah daawada isu-siin karo.        

  ● Ogolaansho qoraal ah oo uu saxiixay waalidka/masuulka ardaygu kaas oo sheegaya: 

▪ In shaqaalaha tababaran ama wakiilka dugsiga uu ardayga siin karo daawo sida waafaqsan dhamaan shuruucda iyo xeerarka Tennessee ee lagu dabaqi karo; ama 

▪ Xaalada daawo isa-siin, ardayga wuxuu heysan karaa isna siin karaa daawo marka uu joogo Rocketship, hawlaha ay Rocketship-maalgaliyo iyo marka uula socdo gaadiidka ay Rocketship maalgaliso; iyo        

▪ in magaca ardayga loo qaybin karo shaqaalaha dugsiga ee ku haboon, sida uu go'aamiyey Maamulahu.          

  ● Qiritaan qoraal ah oo sheegaya in qof kasta oo gacan ka qaadanaya daawo isa-siinta 

ardayda ama fulinaya habraacyada daryeelka caafimaad oo ay ku jiraan daawo siintu maxkamada sharciga ah horteeda mas’uul kagama noqon doono wixii dhaawac ah ee ka dhasha taageerida macquulka ah iyo miyir qaba ee isa-siinta daawooyinkaas ama hawlqabadka habraacyada daryeelka caafimaad ee macquulka ah oo ay ku jiraan daawo siinta, haddii la sameeyay iyadoo la raacayo Siyaasadan. (TCA § 49-50-1602 (a) (3))        

  Ka dib isla marka uu dhaco isbedel ku saabsan caafimaadka ama daaweynta ardayga, waalidka/ masuulku waa inuu Rocketship usoo gudbiyaa Foomka Daawo Siinta ee Wax Laga Bedalay. Dhamaan Noocyada Daawo Siinta waa in loo cusboonaysiiyaa ugu yaraan si sannadle ah.   Arday kasta oo qaba xanuunada raaga ama muddada dheer ah wuxuu yeelan doonaa Qorshaha Caafimaadka ee Gaarka ah (IHP) ee dib loo eego ugu yaraan sannad kasta. IHP waxa ku jiri doona dhamaan macluumaadka la xidhiidha xaalada ardayga iyo sidoo kale aqoonta ardayga ee ku saabsan xaaladiisa/xaaladeeda, awooda is-daryeelka ee ardayga iyo wixii isbedalo ah ee loo baahan yahay si kor loogu qaado barashada ardayga iyo si looga hortago xaaladaha degdega ah. IHP waxay ansixin doonta kalkaaliso diiwaan-gashan.   II. Ka Taageerida Arday Daawo Isa-siinta   Marka la helo cadeyn ku haboon sida ku cad siyaasadan, ardayda waxay haysan karaan oo ay isa-siin karaan daawo marka ay joogaan goobta dugsiga. Tan waxa kamid ah daawooyinka lasoo qoray sida, qiyaasta mitirka daawada neef-dabcisada ee arday kasta oo qaba xiiq. (TCA § 49-50-1602 (c))   Iyadoo la tixraacayo TCA § 49-50-1602 (a) (1), shaqaalaha Rocketship ayaa ardayda ka caawin kara isa-siinta daawada sida ay dhigayaan shuruudahan soo socdaa: 

● Ardaygu waa inuu awood u leeyahay inuu isa-siiyo daawooyinka loo qoray iyo kuwa aan loo qorin marka uu helo taageero; 

● Xaalada ardayga ee daawada loogu amray ama loogu qoray, waa inay ahaataa mid xasiloon,        

● Daawo isa-siinta waa in si fiican loo qoraa;        

69

Page 70: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

● Waalidka/masuulka ardayga waa inuu shaqaalaha dugsiga siiyaa ogolaansho qoraal ah si ay uga taageeraan isa-siinta aawada, sida in dheeraad ah loogu tilmaamay Qaybta II ee kore; iyo        

● Taageerida daawo isa-siintu waa inay caadiyan kamid noqdaan keydinta iyo qaybinta aan dib dhcin ee daawada.        

● Tilmaamaha hore loogu xusay siyaasadan waa in la raaco.          

Daawooyinka waa in ay ku xadidnaadaan kuwa loo baahan yahay inta lagu jiro saacadaha dugsiga iyo lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo diiwaangelinta iyo imaanshaha ardayga ee dugsiga. Ardaygu waa inuu awoodaa inuu ogaado daawadiisa/daawadeeda iyo cadeeyaa sababta daawada loo isticmaalayo. Shakhsiyaadka ka taageeraya isa-siinta daawadu waa inay la socdaan sida uu ardaygu isu-siinayo daawada AMA marka ay dhacdo xaalada arday karti garasho leh laakiin jir ahaan aan awood lahayn, uu sameeyo qaybtaas isa-siinta daawada kaas oo ardayga aanuu jidh ahaan awoodi karin. Waalidka/masuulka ayaa mas’uul ka noqon doona inuu dhamaadka muddada daaweynta wixii daawo ah ee aan la isticmaalin ka saaro dugsiga. Marka ay muddada daawada dhamaato ama ay dhacdo, Rocketship ayaa wargelin doonta waalidka/masuulka oo ka codsan doonta in daawada lasoo doonto. Ka dib marka la bixiyo ogeysiis sax ah, haddii daawada aan la soo doonan 14 maalmood gudahood, daawada waa la burburin doonaa sida waafaqsan borotokoolka deegaanka ee maxalliga ah iyada oo uu kormeerayo maamulahu, uu qorayo iyo uu markhaati ahaan u joogo ugu yaraan hal kale xubin oo kamid ah shaqaalaha dugsiga. III. Habraacyada Daawo Siinta iyo Daryeelka Caafimaadka   Daawo Siinta   Ujeedada daawo siinta ee marka dugsiga la joogo waa in ilmaha laga caawiyo inuu ahaado xaalada ugu fiican ee caafimaad si kor loogu qaado waxbarashada/waxbarshadeeda. Daawooyinka waa in lagu xadidaa kuwa loo baahan yahay inta lagu jiro saacadaha dugsiga iyo lagama maarmaanka ah si uu ardaygu u helo barnaamijka waxbarasho.   Dhamaan daawooyinka lasoo qoray ee lagu siiyo dugsiga waxay la kulmi doonaan shuruudahan soo socda: 

● Waa inuu si shakhsi ugu qoray daawo qore rukhsad heysta iyadoo ku saleysan sida ay go'aamisay xaalada caafimaad ee ardaygu.        

● Waa in dugsiga la keenaa iyadoo ku jirta kartoonkii asalka ahaa ee farmasiiga lagaga soo qaaday kaas oo muujinaya magaca ilmaha; lambarka [daawo] qoritaanka; magaca daawada iyo qiyaasta, habka loo qaadanayo ama tilmaamaha kale; taariikhda, magaca [daawo] qoraha rukhsada heysta; Magaca, cinwaanka iyo lambarka taleefanka farmasiiga.        

● Waa inay leedahay Foomka Daawo Siinta oo qoraal ah (lagu sharaxay Qaybta II ee kor ku xusan).        

● Waa in la cusbooneysiiyaa ugu yaraan sannad kasta.        ● Waa inay yeelataa ogolaansho qoraal ah oo uu bixiyeen [daawo[ qoraha rukhsada heysta 

iyo waalidku marka ay jiraan isbedalo lagu sameeyay dawada la qoray (micnaha., isbedalka wakhtiga, qiyaasta qaadashada, ku daris, joojinta).        

Dhamaan daawooyinka aan dhakhtar qorin ee lagu bixiyo dugsiga waa in lagu keenaa iyagoo leh qoraalkooda asalka ah oo ay ku taxan yihiin maadooyinka, jadwalka qaadashada iyo magaca ilmaha. qiyaasta kasta waa in la qoraa. Shaqaalaha dugsiga waa in AANAY ardayda siin daawooyinka aan la qorin ama daaweynta/is-daaweynta jirka (micnaha., dhib-dhibicda qufaca, shaaha dhirta) haddii ardaygu uu heysto 

● qoraal ka socda bixiyaha daryeelka caafimaadka ee ammarka heysta kaas oo qoray isticmaalka daawaynta, oo ay ku jiraan xadiga ama qaadashada la siin doono iyo habka iyo wakhtiyada la siinayo; IYO                

●      Bayaan qoraal ah ka socda waalidka/masuulka kaas saamaxaya isticmaalida daaweynta marka dugsiga la joogo.      

70

Page 71: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

  Habraacyada uu Sameeyo Xirfadle Caafimaad oo Rukhsad Heysta   Sharciga Tennessee ayaa u baahan in daryeele caafimaad oo rukhsad heystaa uu sameeyo wixii habraac daryeel caafimaad ah ee aanuu ardaygu karti u lahayn ama aanuu awoodin inuu sameeyo. Habraacyada waa in la qoraa oo ay waafaqsanadaan tilmaamaha xanaanada caadiga ah. Warqadaha waa inay ku jiraan magaca hanaanka, magaca qofka fulinaya habraaca, taariikhda, wakhtiga, natiijooyinka habraaca ama sababta habraaca loo joojiyay. Ammarada [daawo] qoraha ogolaanshaha waalidka ayaa loo baahan yahay si loo sameeyo daryeel caafimaad oo kasta oo uu xirfadle caafimaad oo rukhsad heystaa uu ku sameynayo goob dugsi.  Habraacyada uu Sameeyo Shaqaale Taageerid oo aan Rukhsad Heysan Hawlaha caadi ahaan loo arko inay yihiin "hawlaha nolol maalmeedka" uma baahna inuu sameeyo xirfadle daryeel caafimaad oo rukhsad heystaa. Hawlaha ay samayn karaan shaqaale taageerid oo aan rukhsad heysan ama kaaliyayaasha barida waxa kamid noqon kara, laakiin kuma xadidna kuwan soo socda: musqul galida; qubaysiga, xafaayada gasashada, labiska, quudinta, meelaynta; codsashada iyo saarista qalabka difaaca iyo taageerida; qorida qaadashada iyo saarida; calaamadaha muhiimka ah. Guud ahaan, ammarada dhakhtarka iyo ogolaanshaha waalidka looguma baahna hawlaha nolol maalmeedka, inkastoo qaar ka mid ah hawlaha ay u baahan karaan qiimaynta kartida oo ay sameyso kalkaaliso diiwaangashan ama daaweeye. IV. Isticmaalka Daawooyinka iyo Habraacyada Xaaladaha Degdega ah ee La Qoondeeyay Waxa shuruudaha kor ku xusan dheer, sharciga Tennesee waxa ku jira shuruudaha gaarka ah ee isticmaalka daawooyinka loogu talogalay in lagu daweeyo qaarka kamid ah xaaladaha caafimaad ee dugsiyada, oo ay ku jirto (sida hoos lagu qeexay, siday u kala horeeyaan) daawada xiiqda, daawada suuxdinta (qalalka), ibinfarayn iyo daryeelada la xiriira sonkorowga/macaanka. Daawada Xiiqda/Neefta Iyadoo la tixraacayo TCA 49-50-1602 (c), Rocketship waxaa looga baahan yahay inay ogalaato heysashada iyo isa-siinta daawo la qoray, qiyaasta mitirka ee daawada xiiqda/neefta ee arday kasta oo qaba xiiq/neef haddii waalidka ama masuulka ardaygu uu (A) dugsiga u keeno ogolaansho siinta qoraalka ah ee ardayga haysta iyo isa-siiya daawada xiiqda/neefta, iyo (B) uu keeno bayaan qoraal ah oo ka socda xirfadlaha daryeelka caafimaadka kaas oo sheegaya in ardayga uu qabo [cudurka] xiiqda/neefta oo lagu amray inuu isa-siiyo daawada loo qoray, qiyaasta mitirka ee daawada xiiqda/neefta. Bayaanku waa inuu sidoo kale sheegaa macluumaadkan soo socda:

● Magaca iyo ujeedada daawada; ● Qiyaasta loo qoray; ● Waqtiga ama waqtiyada daawada xiiqda si joogto ah loo qaadan doono, sidoo kale dhamaan

xaaladaha dheeraadka ah ee daawada la isticmaali doono, iyo ● Dhererka waqtiga loogu talagalay in la isticmaao daawada la qoray;

Bayaanadan ayaa lagu keydin doonaa feylka xafiiska dugsiga ee kalkaalisada caafimaadka ama

maamulaha dugsiga. Rocketship ayaa waalidka ama masuulka ardayda la socodsiin doonta in dugsiga, shaqaalhiisa iyo wakiiladiisu aanay qaadi doonin wixii mas’uuliyad ah ee ka timaada dhaawac kasta oo soo gaara ardayga ama qof kasta oo kale oo haysta ama isa-siiya daawada xiiqda. Waalidka ama masuulka ardaygu ayaa saxiixi doona bayaan cadeynaya in marka laga reebo xaaladaha dayacaada dugsiga ama shaqaalaha, in dugsiga aanuu qaadi doonin wax masuuliyad ah iyo in waalidka ama masuulka aanuu wax magdhow ah weydiin doonin dugsiga iyo shaqaalihiisa kuwaas oo ah sheegashooyinka ka dhan ah dugsiga ee la xiriira haysashada ama isa-siinta daawada xiiqda. Ogolaanshaha isa-siinta daawada la qoray, qiyaasta mitirka ah ee daawada xiiqda wuxuu noqon

71

Page 72: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

doonaa mid shaqeynaya [dhamaan] sannad dugsiyeedka la bixiyay waana in la cusboonaysiiyaa sannad dugsiyeed kasta oo ku xiga kadib marka la fuliyo shuruudaha qeybtan. Rocketship ayaa laga yaabaa inay la laabato ama joojiso mudnaanta heysashada ama isa-siinta [daawada] haddii uu ardaygu si khaldan u isticmaalo daaawada ama uu dadka kale siiyo daawada. Daawooyinka Suuxdinta (qalalka) Iyadoo la tixraacayo TCA § 49-50-1602 (g), xubno ka tirsan shaqaalaha Rocketship ayaa laga yaabaa inay ku tabarucaan inay siiyaan daawooyinka suuxdiinta - ee ay kamidka yihiin diazepam gel - arday ku jira xaalad degdeg ah sida waafaqsan IHP-da ardayga. Mutadawac kasta oo [daawo siinayaa] waa inay tababartay kalkaaliso diiwaan-gashan oo u shaqeysa ama qandaraas kula jirta Rocketship. Rocketship uma baahan doonaan ama kuma khasbi doonaan xubin shaqaalaha kamida oo kasta inuu u adeego/shaqeeyo si mutadawace ahaan. Go’aanka haddii xubin kamid shaqaalaha Rocketship loo ogalaanayo ama loo diidayo inuu u adeego mutadawace ahaan si uu u bixiyo daawada suuxdinta ayay si sannadle ah u sameyn doonaan Maamulayaashu iyagoo la tashanaya kormeerayaashooda. Go'aankan waxaa lagu saleyn doonaa baahida ardayda ka diiwaan gashan goobta dugsiga inta lagu jiro sannad dugsiyeedka. Tababarka looga baahan yahay ee lagu sameeyay siyaasadan waa in loo sameeyaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurogalka ah haddii ay Rocketship go'aansato inay u ogolaadaan shaqaalaha mutadawaca ah inay bixiyaan daawooyinka suuxdinta waana in lagu celiyo ugu yaraan sannad walba haddii goobta dugsigu ay u baahdaan mutadawaciin. Ka hor inta aanuu wax daawo suuxdin ah shaqaalaha dugsiga ee mutadawaca ahi ama kalkaalisada dugsigu ee xaalad degdeg ahi siin ardayga, waalidka/masuulka ardaygu waa inuu keenaa ogolaansho qoraal ah si loo siiyo daawada dugsiga taala iyadoo la raacayo Qaybta I ee siyaasadan. Sida looga baahanyay TCA § 49-50-1602 (g) (10), kalkaaliyaha caafimaadka ee dugsiga ama Maareeyaha Xafiiska ayaa ugu yaraan hal bil kahor ogeysiin doona waalidka/masuulka ardayga taariikhda ay dhacayaan wixii daawo ah ee lagu keydiyo dugsiga. Ugu yaraan hal shaqaale oo dugsiga ah waa inuu u adeegaa markhaati ahaan dhacdo kasta oo uu mutadawace tobabarani uu daawada suuxinta ku bixinayo marka lagu jiro xaalad degdeg ah, haddii aan markhaati la heli karin waqtiga xadidan ee daaawo siinta mooyee. Haddii kalkaalisada dugsiga laga heli karo goobta [dugsiga], oo ay awoodo inay kusoo gaarto ardayga waqtiga xadidan ee daawo siinta, kadib waa inay kalkaalisadu siisaa daawada. Iyadoo la tixraacayo TCA § 49-50-1602 (g) (11), waalidka/masuulka ardayga ee dugsiga siiyay ogolaanshasha qoraalka ah si loo siiyo daawada suuxdinta waa inay la socodsiiyaan Maamulaha ama kalkaalisada dugsiga haddii daawada suuxdinta ama daawo gaar ah oo lasoo qoray ama ka ama daawooyinka aan dhakhtarku qorin - sida lagu sheegay IHP-da ardayga, - la siiyo ardayga marka aanuu joogin dugsiga. Ogeysiiskan waa in la bixiyaa kahor ama bilow maalinta dugsiga ee xigta ee daawo siinta. Ibinfarayn (Epinephrine) Sida uu dhigayso TCA § 49-50-1602 (e) (1), ardayga qaba anafalasis (anaphylaxis) wuxuu xaq u leeyahay haysashada iyo isa-siinta daawada anafalasis (anaphylaxis) marka uu dugsiga joogo, haddii shuruudahan soo socda la buuxiyo:

● Daawada anafalasis (anaphylaxis) ayaa loo qoray ardayga sida ka muuqata qoraalka qorista daawada ee ku taala daawada;

● Daawo isa-siinta waxa loo sameeyaa iyadoo la raacayo daawo qorista ama tilmaamaha dhakhtarka ardayga ama bixiye daryeel caafimaad oo rukhsad haysta; iyo

● Waalidka/masuulka ardaygu uu u keenay dugsiga ogolaansho qoraal ah iyada oo la raacayo Qaybta I ee xeerkan.

● Waalidka/masuulka ardaygu uu u keenay dugsiga bayaan qoraal ah oo Rocketship iyo shaqaalaha ka furanaya masuuliyada wixii dhaawac ah ee yimaada daawo isa-siinta ardayga

72

Page 73: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

marka uu joogo hantida dugsiga ama meel hawl uu dugsigu maamulayo, marka laga reebo xaaladaha ula kaca ama dhaqan xumada badheedhka ah.

● Dhakhtarka ardayga ama bixiye kale oo rukhsad daryeel caafimaad heystaa uu bixiyo bayaan qoraal ah oo saxiixan kaas oo taageeraya ogaanshaha anaflagsis (anaphylaxis); tilmaamaya wixii cunto ama walxo kale ah ee uu ardaygu ka xasaasiyoodo, qeexayaa wixii taariikh hore anaflagsis (anaphylaxis) ah; liis gareynaya wixii daawo ah ee loo qoray ardayga si looga daaweeyo anaflagsis (anaphylaxis) oo faahfaahinaya habraacyada xaaladaha degdega ah ee haddii ay dhacdo falcelin, liis gareynaya calaamadaha iyo astaamaha falcelinta, qiimeynaya u diyaarsanaanta ardayga ee isa-siinta ee daawada loo qoray, sheegayana liiska cuntooyinka badelka ah ee laga yaabo inay siiyaan shaqaalaha adeega cuntada ee dugsiga.

Iyadoo la tixraacayo TCA 49-50-1602 (f) (2), dugsiyada Rocketship ee Tennessee waxay awood u leeyihiin inay dugsiga ku heystaan irbadaha otomaatika ah ee ibinfarayn (epinephrine) si irbadaha loogu mudi karo arday kasta oo la rumaysan yahay inuu qabo xasaasiyad khatar galinaysa nolosha ama falcelin anafalasis (anaphylaxis) ah. Dhakhtarka ayaa irbadaha otomaatika ah ee ibinfarayn (epinephrine) ku qori kara magaca Rocketship Education ee lagu heyn doono si loogu isticmaalo dugsiyada marka loo baahdo. Iyadoo la tixraacayo TCA 49-50-1602 (f) (2) (E), dhakhtar kasta ibinfarayn (epinephrine) u qora dugsiga mas’uul kama noqon doono haddii ay ardayga soo gaadho dhibaato ay sabab u tahay siinta ibinfarayn (epinephrine), haddii dhakhtarka uu daawada usoo qoray isagoo si ula kac ah aan u tixgalin badbaadada [daawo qaataha] mooyee. Marka ardaygu aanuu heysan irbadaha otomaatika ah ee ibinfarayn (epinephrine) ama warqada loogu qoray ibinfarayn (epinephrine), kalkaalisada dugsiga ama shaqaale kale oo tababaran isticmaali kara sahayda dugsiga ee irbadaha otomaatika ah si ay ugu jawaabaan falcelinta anafalgsis. Haddii ardayga ay soo gaarto waxyeelo ay sabab u tahay daawo siintaasi, kalkaalisada dugsiga ama shaqaalaha tababarani mas'uul kama noqon doono wixii dhaawac ah haddii kalkaalisada caafimaadka ama shaqaalaha daawo siinta ibinfarayn (epinephrine) uu si ula kac aanuu u tixgalin badbaadada [daawo qaataha] mooye. Tababarka waa inuu sameeyaa xirfadoole daryeel caafimaad oo rukhsad heysta sida waafaqsan tilmaamaha ay hore u dhigtay Waaxda Waxbarashada ee Tennessee. Go'aanka haddii irabaha otomaatika ah ee ibinfarayn (epinephrine) lagu keydin doono goobaha dugsiyada Rocketship ee Tennessee waxa sameyn doona Madaxweyne Ku-xigeenka Hawlgallada. Go'aanka ayaa dib loo eegi doonaa ugu yaraan si sannadle ah. Daryeelka Sankorowga (macaanka) Iyadoo la tixraacayo TCA § 49-50-1602 (d), xubno ka tirsan shaqaalaha Rocketship ayaa ku tobaraci kara inay taageeraan ardayda sankorowga qaba iyadoo la raacayo IHP-da ardayga. Taageerida noocan oo kale ahi waxay dhici kartaa oo keliya haddii waalidka/masuulka ardayga iyo kooxda daryeelka caafimaadka shakhsiga ah ee ardaygu ay sameeyeen qorshaha maareynta caafimaad kaas oo ay ku taxan yihiin adeegyada caafimaadka ee uu u baahan yahay ardaygu marka uu dugsiga joogo iyo haddii uu saxiixo dhakhtarka, kalkaaliyaha caafimaad ama kaaliye dhakhtar ee ardaygu. Waalidka/masuulka waa inuu sidoo kale buuxiyaa dhamaan dukumentiyada laga rabo ee hoos yimaada Qeybta I ee siyaasadan. Mutadawac kasta oo taageera daryeelka sankarowga waa inay tobabartay kalkaaliso diiwaangashan oo u shaqeysa ama heshiis kula jirta Rocketship. Rocketship ugama baahan doonto ama ma khasbi doonto xubin kamid ah shaqaalahu inuu u adeego mutadawac ahaan.

Go'aanka lagu ogalaanayo shaqaalaha Rocketship uu u adeego mutadawac ahaan si uu u caawiyo daryeelka sankarowga ayay maamulayaashu u samayn doonaan si sannadle ah iyagoo la tashanaya kormeerayaashooda. Go'aanka waxaa lagu salayn doonaa baahida ardayda ka diiwaangashan dugsiga inta lagu jiro sannad dugsiyeedkaas. Tababarka loo baahan yahay lagu sheegay xeerkan waa in loo sameeyaa sida ugu dhakhsaha badan haddii Rocketship ay go'aansadaan inay shaqaale mutadawac ah u ogolaadaan inuu bixiyo daawada suuxdinta waana in ugu yaraan lagu celiyo sannad walba haddii haddii uu dugsigu uusii wado inuu u baahdo mutadawaciin la qoondeeyay Haddii kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga ay joogto goobta dugsiga oo la heli karo, kadib wa inay kalkaalisadu bixisaa taageerida sonkorowga halkii ay bixin lahaayeen mutadawiciinta tababarani. Intaa

73

Page 74: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

waxaa dheer, kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga ayaa leh mas'uuliyadda koowaad ee maareynta dhamaan diiwaanada caafimaadka ee ardaygu. Sida uu dhigayo TCA § 49-50-1602 (d) (7), marka la helo codsiga qoraalka ah ee waalidka/masuulka, iyo haddii lagu daray qorshaha maamulka caafimaadka iyo IHP ee ardayga, ardayga qaba sonkorowga waxa loo ogolaan karaa inuu sameeyo hubinta sonkorta dhiigga, isa-siiyo insuliin, daaweeyo hypoglycemia iyo hyperglycemia iyo haddii kale uu ka qaybgalo daryeelka iyo maareynta sonkorowga ardayga ee dugsiga iyo waa in loo ogolaadaa inuu heysto dhamaan sahayda la socoshada iyo daaweynta lagama maarmnka ah. Gargaarka Degdega ah Rocketship waxay keydsan doontaa waxyaabaha gargaarka degdega ah qaarkood. Shaqaalaha Rocketship ayaa ugu yaraan sannad kasta heli doona tababarka gargaarka degdega. kicinta

Shaqaalaha dugsiga waxaa loo tababaray lagana filayaa inay ka jawaabaan xaaladaha degdega ah iyagoon takoor sameynayn. Haddii ardayga ama xubin shaqaalaha ahi uu u baahan yahay dib u soo kicinta, shaqaalaha ayaa sameyn doona dedaal kasta si ay dib ugu kiciyaan isaga/iyada. Xubnaha shaqaalaha ah waxa ka mamnuuc ah inay aqbalaan ama raacaan amarrada waalidka ama caafimaad "Dib ha u kicin". Shaqaalaha dugsiga waa in aan la dhigin xaaladaha go’aanshashada haddii amarrada caynkaas ah la raaci doono, tilmamaaha caynkaas ahna waa in aan loo sheegin shaqaaalaha.

V. Shaqaleysiinta iyo Tababarka Dhamaan tababarka shaqaalaha dugsiga ee bixinaya taageerida daawooyin isa-siinta waa inay sameysaa kalkaaliso diiwaangashan oo ka shaqeysa ama heshiis kula jirta Rocketship. Tababarka shaqaalaha dugsiga taageerida iyo daawooyin isa-siinta waa in loogu celiyaa si sannadle ah.. VI. Keydinta Daawooyinka Dhamaan daawooyinka arday kasta waa in lagu lagu ridaa weel aan dilaac lahayn waana in lagu keydiyaa goob ammaan ah ama xiran. Daawooyinka waa in aan la keydin inka badan taariikhda ay dhacayso ama dhamaadka sannad dugsiyeedka, hadba kii soo horeeya. Helitaanka daawooyinka iyo furayaasha kabadhka daawooyinka waa in lagu xadidaa shaqaalaha dugsiga ee u idman inay bixiyaan daawooyinka. Daawooyinka Degdega ah waa in lagu keydiyaa meel ammaan ah oo si diyaar ah looga heli karo s aan dib dhicin,isticmaalka degdegga ah. Iyadoo la tixraacayo TCA 49-50-1602 (f), haddii uu dugsigu hayo irbadaha otomaatika ah ee ibinfarayn (epinephrine), waa inay yaalaan meelo ammaan ah oo aan xidhnayn. VII. Ilaalinta Diiwaanada Qaadasho kasta oo daawo waa in la qoraa, oo ay ku jiraan taariikhda, soo noqnoqoshada, waqtiga, qiyaasta, habka loo qaatay iyo saxiixa qofka ardayga ka taageeraya isa-siinta daawada. Haddii ay dhacdo in qiyaasta aan loo siin sidii loogu talogalay (micnaha [daawo] qaadasho la seegay), ama khalad kale oo daawo qaadasho uu dhacay waa in la buuxiyaa Foomka Khaladka Daawo-Siinta. Waa in la ogeysiiyaa kalkaalisada dugsiga iyo waalidka/masuulka ardayga haddii ay dhacdo khaladka daawo siintu. VIII. Si Xun u Isticmaalida Ardayga daawo isku-siiya ujeedo ahaan is daaweyntiisa/daaweynteeda gaarka ah marka uu joogo dugsiga, hawl uu dugsigu maalgaliyay, ama marka uu saaranyay gaadiidka dugsiga maalgaliyo waxa la

marin doonaa tallaabo anshax ah iyada oo la raacayo Siyaasadda Anshaxa Ardayga ee

74

Page 75: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Rocketship. Tallaabadan anshaxa ee noocan oo kale ah ma xaddidi doonto mana yareyn doonto helitaanka uu ardayga helo daawadiisa loo qoray. Rocketship waxay waalidka/masuulka ardayga si degdeg ah u ogeysiin doontaa tallaabo kasta oo anshax ah oo lasoo rogay. IX. Xadidaadda Mas'uuliyadda Sida waafaqsan sharciga Tennessee, shaqaalaha tobabaran ee dugsiga ee mutadawaca ah ee bixinaya daawada sida hoos timaada siyaasadan iyo sidoo kale wixii kalkaaliso diiwaangashan ee bixisa tababarka daawo siinta daawooyinkaas iyo Guddiga ogolaanaya tababarkaas maxkamada sharciga ah horteeda mas’uul kagama noqon doonaan wixii dhaawac ah ee ka dhasha taageerida macquulka ah iyo miyir qaba ee siinta daawooyinkaas, haddii la sameeyay iyadoo la raacayo siyaasada iyo tilmaamaha ay sameeyeen waaxaha caafimaadka iyo waxbarashada oo ansixiyeen guddiyada ama wakaaladaha sharciyeed ama maamul. SIYAASADA INJIRTA MADAXA Injirta madaxu waa cayayaan dulin ah waxaa laga helaa madaxa, sunnayaasha iyo baalasha indhaha dadka ay saameysey. Injirta madaxa waxaa lagu faafiyaa xiriirka tooska ah ee timaha qofka qaba waxaanay inta badan ku faaftaa dugsiyada hoose. Siyaasadan waxa loo abuuray si loo yareeyo halista ka dilaaci karta injirta madaxa ee dugsiyada Rocketship. Siyaasadu waxay ka hadlaysaa baratakoolada baaritaanka; ogsiinta qoyska; iyo habka uu ardaygu qabaa ugu laaban karo dugsiga. I. Baaritaanka Haddii ardayga looga shakiyo inuu qabo injirta madaxa (micnaha., cuncun joogto ah ama dareen jidhidhico oo timaha ah), kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga ama shaqaalaha dugsiga ee tababaran ayaa baari kara timaha ardayga looga shakisan yahay injirta madaxa gasho ama qandhicilka. Xaaladaha qaarkood, qofka shaqaalaha ah ayaa sidoo kale baari kara xubnaha kale ee qoyska ardayga. II. U Dirista Guriga ee Ardayga Haddii ardayga madaxiisa laga helo injir nool, ardayga waa in si dhakhso ah guriga loogu diraa iyadoo waalidka loo dirayo macluumaad la xiriirka sida loo daweeyo iyo tallaabooyinka kaantaroolida. Wixii maqnaansho ah ee la xiriira injirta madaxa waxa loo qaadan doonaa maqnaansho cudurdaar leh sida waafaqsan Siyaasada Imaanshaha iyo Goynta ee Rocketship III. Ogeysiiska Soo-Gaadhista [Injirta] Haddii ay jiraan laba ama inka badan oo ardayda fasal dhigata oo ay saameysay [injir], Rocketship waxay dhamaan guriga waalidiinta/masuuliyiinta fasalkaas u diri doontaa ogeysiiska soo-gaadhista [injirta] oo ay la socoto macluumaad ku saabsan injirta madaxa. Rocketship waxay dhowri doontaa asturnaanta ardayda loo aqoonsadey inay injirta madaxa leeyihiin eelaga saaray imaanshaha. IV. Ku Laabashada Dugsiga Rocketship waxay waalidiinta/masuuliyiinta ardayda ay injirtu saamemysay siin doontaa tilmaamo ku saabsan sida loo sameeyo baaritaanka daweynta ka danbeeya ee carruurtooda. Waalidiinta/masuuliyiintu waxa laga yaabaa inay ilmahooda dib ugu diraan dugsiyada marka ay aaminsan yihiin in timaha ilmahoodu aanay lahayn injirta madaxa. Waalidiinta waa in aaanay ilmaha ka joojin dugsiga inka badan inta lagama maarmaanka ah, caadiyan, wax aan ka badnayn saddex maalmood. Maqnaansho kasta oo ka bata muddo saddex maalmood wuxuu u baahan doonaa qoraalka dhakhtarka [si loo cadeeyo]. Haddii qoysku aanay awoodin inay helaan qoraalka dhakhtarka, qoyska waa inay sameeyaan ballan ay kula kulmaan dugsiga si ay ugala hadlaan dhererka maqnaanshaha. Dugsiga wuxuu ikhtiyaar u leeyahay inuu cudurdaaro maalmo dheeraad ah haddii shaqaalaha dugsigu ay go’aansadaan in tani ay lagama maarmaan tahay. Kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga ama xubnaha kale ee shaqaalaha ee tobabaran ayaa dib u baari doona timaha ardayga marka

75

Page 76: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

uu soo laabto. Haddii uu ardaygu aanuu injirta madaxa ama ugxan ah, ardayga wuxuu kusoo noqon karaa dugsiga. SIYAASADA BADBAADADA INTERNETKA EE ROCKETSHIP Rocketship waxay ku dadaaleysaa inay tiknoolajiyada uga faa'iidaysato waxbarashada sare si ay u taageerto barashada shakhsiga iyo ay u fudeydiso falanqaynta xogta dhameyskatiran. Rocketship waxay ku dhaqantaa shuruudaha iyo tilmaamaha hore loogu dhigay Xeerka Ka Ilaalinta Internetka Carruurta (CIPA) (47 USC § 254 (h)). Siyaasadan waxa loo qoray si waafaqsan CIPA waxanay qeexaysaa qeexitaanada la xiriira; Ujeedada waxbarasho ee nidaamka Internetka Rocketship; tallaabooyinka ilaalinta tiknoolajiyada; u isticmaalida shabakada si aan haboonayn; kormeerka iyo la socodka; tababarka, tallaabooyinka anshax marinta iyo masuuliyada si xun u isticmaalida.

I. Qeexitaanada

"Qof aan qaangaarin" waxaa loola jeedaa qof kasta oo ka yar da'da 17 sanno jirka. "Tallaabooyinka Ilaalinta Tiknoolajiyada" waxaa loola jeedaa tiknoolajiyad gaar ah oo xidha ama shaandheysa ka isticmaalida Internet ee muuqaalada [loo arko] inay yihiin

● fisqi, sida ereygaa loogu qeexay 18 USC § 1460, ● Filimada xunxun ee carruurta [laga duubay], sida ereyga loogu qeexay 18 USC § 2256, ama ● Halis ku ah dadka aan qaangaarin, sida ereyga loogu qeexay xagga hoos.

"Halis ku ah dadka aan qaangaarin" waxaa loola jeedaa sawir, fayl sawir muuqaal ah ama muuqaal kale oo

● loo qaaday si guud ahaaneed lana xiriira dadka aan qaangaarin, soo jiidanaya xiiso gelin qaawanaan ama galmo,

● u muujinaya, sharaxaya ama matalaya hab qayaxan oo xun marka la eego waxa ku haboon ● dadka aan qaan gaarin, fal galmo oo dhab ah ama la matalay ama taabasho galmo oo dhab ah

ama la matalay ama ficilo shaxaarinimo ama soo bandhigida xubnaha taranka, iyo ● loo qaaday si guud, ay ka maqan tahay qiimaha suugaaneed, farshaxan, siyaasadeed ama

seyniseed ee ay u leedahay dadka aan qaangaarin. "Fal Galmeedka" iyo "taabasho galmeedku" waxay leeyihiin macneyaasha lagu qeexay 18 USC § 2246. II. Ujeedo Waxbarasho

Nidaamka Internetka ee Rocketship ayaa wuxuu ku xadidan yahay ujeedooyin waxbarasho. Hawlaha la aqbali karo waxaa ka mid ah hawlaha fasalka iyo cilmi baarista tayada sare. Ma aha in kombiyuutarada Rocketship loo isticmaalo ujeedooyin madadaalo haddii si gaar ah uu u ogolaadao xubin kamid ah shaqaaluhu mooyee sida waafaqsan siyaasadan. III. Tallaabooyinka Ilaalinta Tiknoolajiyada

Ilaa iyo xadka la isticmaali karo, tallaabooyinka ilaalinta tiknoolajiyada ayaa la isticmaali doonaa si loo joojiyo ama loo shaandheeyo Internetka, ama noocyada kale ee isgaarsiinta elektirooniga ah iyo helitaanka macluumaadka aan haboonayn. Gaar ahaan, sida ay CIPA u baahan tahay, Waa in la isticmaalaa xanibida muuqaalada aan dhameyskatirnayn ee loo arko fisqi ama filimada qaawan ee carruurta [laga duubo], ama wax kasta oo kale oo loo arko in ay waxyeelayn karto carruurta aan qaangaarin. Iyadoo la sameynayo kormeerka shaqaalaha , tallaabooyinka ilaalinta tiknoolajiyada ayaa laga xiri karaa dadka waaweyn ama carruurta aan qaangaarka ahayn kaliya haddii ay [u isticmaalayaan] cilmi baaris dhab ah ama ujeedooyinka kale ee sharciga ah. IV. Isticmaalida aan Haboonayn ee Shabakada

Iyadoo la raacayo CIPA, isticmaaladan soo socda ee nidaamka internetka Rocketship ayaa loo arkaa kuwo aan aqbali karin:

● Isticmaalka aan la ogoleyn, oo ay ku jirto wax “jabsiga”. Tan waxa kamid ah ka gelitaanka akoontka qof kale iyo helitaanka faylasha qof kale; sameynta isku dayo kas ah oo lagu carqaladeynayo nidaamka kombiyuutarka, baabi'inta xogta iyadoo la faafinayo fayrusyada kombuyuutarka; iyo dejisashada barnaamij koombuyuuter (software) iyada oo aan ogolaansho cad laga haysan xubin shaqaalaha ah. Ardayda Rocketship waa inay isla markiiba wargeliyaan macalinka haddii ay aqoonsadeen dhibaato ammaan oo suurogal ah.

76

Page 77: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

● Sii dayn aan la ogolaan, isticmaalka, iyo faafinta macluumaadka aqoonsiga shakhsiga ee la khuseeya carruurta aan qaangaarin. Tani waxaa ka mid ah soo dhigida macluumaadka xiriirka shakhsiga ah ee ardayga (micnaha., magaca, cinwaanka iimaylka, cinwaanka guriga, lambarka telefoonka, cinwaanka dugsiga) iyada oo loo marayo iimayl ama iyada oo loo marayo baraha internetka dalbada macluumaadka shakhsiga ah, shabakadaha xiriirka bulshada, iyo qolalka sheekaysiga ee internetka.

● Hawlaha sharci darada ah. Tani waxaa ka mid ah iyadoo internetka loo isticmaalo hawlaha sharci darada ah, oo ay ku jiraan laakiinse aan ku xadidnayn, diyaarinta iibinta daroogo ama iibsiga khamri, ka qeybqaadashada hawlaha burcada ama halis galinta nabadgelyada qof kale.

● Dhaqanka internetka ee aan haboonayn. Tani waxa ka mid ah isticmaalida waxyaabaha fisqiga, anshax xumada ah, adeegsiga ereyo xunxun, edaab xumo/darro, ka cadheysiin, hanjabaad, ama isticmaalida luqad qadarin la’aan ah marka internetka lagu jiro; ka qeybqaadashada hawlaha weerarka shakhsiga ah ama cagajugleynta internetka dhexdiisa, oo ay ku jiraan waxyeelaynta ama takooridu; iyo si ula kac ah ama si taxadir la'aan ah usoo dhigida baraha internetka macluumaad been ah ama sharaf rid ah oo ku saabsan qof ama urur.

● Qishka. ● Isticmaalida wax aan haboonayn. Tan waxaa ku jira waxyaalaha loogu talagalay dadka

waaweyn ama ah anshax xumo ama fisqi (micnaha., filimada qaawan), ee u ololeeya sharci darada ama falalka khatarta ah ama waxyaalaha u ololeeya rabshada ama takoorida.

V. La Socoshada iyo Kormeerida Waxay noqon doontaa mas'uuliyada dhamaan xubnaha kooxda dugsiyada Rocketship inay baaraan, kormeeraan iyo ay la socdaan isticmaalka haboon ee internetka sida waafaqsan siyaasadan, CIPA, Xeerka Ilaalinta Internetka Carruurta Xaafada iyo Xeerka Ilaalinta Carruurta Qarniga 21aad. Habraacyada xirida ama waxka bedalida tallaabooyinka ilaalinta tiknoolajiyadu waxay noqon doontaa mas'uuliyada Madaxweyne ku-xigeenka Dugsiyada Rocketship ama wakiilkiisa/wakiilkeeda uu u xilsaaray. VI. Tobabarka Agaasimaha Shaqada Rocketship ee Gobolka ama wakiilka loo xilsaaray ayaa tobabarada ku haboon da'da siin doona ardayda isticmaala qalabka Internetka ee Rocketship. Tababarka la siinayo loo qaabeeyn doonaa si kor loogu qaado balanqaadka Rocketship ee:

● Heerarka iyo isticmaalka la aqbali karo ee adeegyada isticmaalka Internetka sida ku xusan xeerkan.

● Badbaadada Ardayga ee la xiriira badbaadada Internetka, [isticmaalida] dhaqan haboon inta uu ardaygu isticmaalayo shabakadaha xiriirka bulshada, iyo qolalka sheekaysiga iyo ka wacyigelinta cagajugleynta internetka iyo falcelinteeda.

● U hogaansanaanta shuruudaha E-Rate ee Xeerka Ka Dhowritaanka Internetka ee Carruurta ( "CIPA").

Ka dib marka la helo tababarkan, ardayga wuxuu qiran doonaa inuu isagu/iyadu helay tababarka, uu fahmay iyo uu Ogolaaday inuu raaco qodobada siyaasadaha isticmaalka la aqbali karo ee Rocketship. VII. Tallaabooyinka Anshaxa

Diiwaanada la hayo iyo la socodka shabakada [internetka] ayaa keeni karta in la ogaado in ardaygu uu ku xadgudbay Siyaasadda iyo/ama sharciyada. Haddii uu jiro tuhun macquul ahi, Rocketship waxay samayn doontaa raadinta hawlaha Internetka ee ardayga. Waalidka/masuulka ardayga ayaa codsan kara inay arkaan hawlahaas. Ardayda lagu helo inay ku xadgudbeen siyaasadan ama sharciyada kale ee khuseeya ayaa anshaxa la marin doonaa iyada oo la raacayo Xeerka Anshaxa eeRocketship. Rocketship waxay si buuxda ugala shaqeyn doontaa mas'uuliyiinta maxalliga ah ama federaalka baaritaan walba oo la xidhiidha hawlaha sharci darada ah iyada ee lagu sameeyay shabakada [internetka] ee dugsiga. VIII. Mas'uuliyada

77

Page 78: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Rocketship Education mas'uul kama aha waajibaadka dhaqaale ee ka yimaada u adeegsiga nidaamka internetka dugsiga si sharci darro ah. Waalidka/masuulka ardayga ayaaa dhaqaale ahaan mas'uul ka ah wax kasta oo waxyeelo ah oo ku timaada nidaamka Internetka ee Rocketshop taas oo ay keentay si xun u isticmaalida ula kaca ah ee ardayga . SIYAASADA ISKAASHIGA WAALIDKA

Waalidiinta hawlani waa tiir asaasi ah oo ka mid ah qaabka Rocketship waana u muhiim guusha wakhtiga fog ee ardaydeena Rocketship. Marka si firfircoon loogu daro ee looga qeybqaadashiiyo barashada dugsiyadeena iyo ardaydooda, waalidiintu waxay noqdaan kuwo ku dhafan bulshada dugsiga. Iskaashi firfircoon oo ka dhaxeeya qoysaska iyo macalimiinta iyo shaqaalaha Rocketship waxay faa’ido u leedahay ardaydeena Rocketship marka ay waalidkood ku arkaan goobta dugsiga, iyo qoysasku waxay helaan faham qoto dheer oo ku saabsan qaabka Rocketship iyo waxay u taagan yihiin inay guriga ku xoojiyaan qiimayaasha aasaasiga ee Rocketship. Nidaamkani wuxu qeexayaa balanqaadka 30ka saacadood ee la soo jeediyay; siyaabaha aad u isticmaali karto saacadaha; kormeerka iyo raadraaca saacadaha; iyo shuruudaha ansixinta.

I. Ballanqaadka Sodonka Saacadood ah Rocketship waxay qoysaska ka codsanaysaa inay ka qeybqaataan 30 Saacadood oo Iskaashiga Waalidka ah qoyskiiba iyagoo taageeraya hawlaha dugsiga ee kala duwan. Ka qeybqaadashada Saacadaha Iskaashiga ee Waalidka ayaa lagu dhiirigelinayaa, laakiin MAAHA shuruud. Haddii qoysaska aanay sameyn 30 Saacadood ee Iskaashiga Waalidka sannad kasta, ma jiri doonaan wax cawaaqib ah.

II. Isticmaalida Saacadaha Iskaashiga Waalidka Waalidiinta waxay Saacadahooga Iskaashiga u isticmaali karaan mid kamid ah noocyadan ka qeybqaadashada ee soo socda:

● Guul-gaarida Tacliinta (micnaha., guri la booqashada macalimiinta /hogaamiyayaasha dugsiga, shirarka macalimiinta, shaqo guri u qaadashada si aad u caawiso macalinka fasalka, caawinta Maareeyaha Xafiiska)

● Bulshada Dugsiga micnaha., ka qaybgalka shirarka bulshada, caawinta dhacdooyinka khaaska ah)

● U doodista Waxbarashada (micnaha., ka qaybgalka shirarka Hogaanka iyo Waalidka ama dhagaysiyada dugsiga)

Rocketship waxay xaqiijin doontaa in fursadaha Saacadaha Iskaashiga Waalidku ay dhacaan maalin dugsiyeedka iyo saacadaha ka danbeeya ama maalmaha dhamaadka toddobaadka si ay ugu haboonaato jadwalka shakhsiga ah ee qoysaskeena. Qoysaska waxay qaraabadooda (micnaha., ayeey/awoow, eedo ama habaryar/adeer ama abti, ilma adeer ama ilma abti, walaalo, iwm.) ka qaybqaadashiin karaan hawlaha dugsiga oo ay heli karaan Saacadaha Iskaashiga Waalidka.

III. La Socoshada iyo Raadraaca Saacadaha Rocketship waxay si taxadar leh u raadraacdaa iyo u kormeertaa Saacadaha Iskaashiga Waalidka inta lagu jiro sannad dugsiyeed kasta. Haddii waalidka/xubinta qoysku uu saacadaha ku qaato isagoo la shaqeynaya macalinka fasalka, macalinka ayaa ka mas’uul ah raadraaca waqtiga. Haddii waalid/xubinta qoysku uu ka shaqeeyo xafiiska dugsiga, isaga/iyada waa inuu iska qoraa Maareeyaha Xafiiska isagoo isticmaalaya habka elektarooniga ama warqada ah ee dugsiga. Haddii waalidka/xubinta qoysku uu ka qeybgalayo kulan ama dhacdo (ka qabsoomaysa gudaha dugsiga ama meel ka baxsan), Rocketship ayaa siin doonta waraaqda isqorista. Xubinta waalidka/qoysku waa inuu isqoraa. Maareeyaha Xafiiska dugsiga ayaa ka mas’uul ah gelinta [xogta] saacadaha iskaashiga ee khuseeya. Rocketship ayaa hirgelin doonta nidaam lagu keydiyo xogta iskaashiga. Dugsi kasta wuxuu bixin doonaa la socodsiin si ay qoysaska uga caawiso la socoshada saacadahooda. Waalidiinta/qoysasku waxay sidoo kale xogtan wakhti kasta ka codsan karaan Maareeyaha Xafiiska.

78

Page 79: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

IV. Shuruudaha Ansixinta Mutadawaca

Badbaadada ardayda Rocketship ayaa marwalba mudnaanta koobaad leh. Sidaas darteed, waalid, mas'uul, ama xubin kasta oo qoyska kamid ah kuwaas oo doorta inay ka mutadawacaan dhacdooyinka ay maalgeliyeen Rocketship ee ka qabsoomaya gudaha ama dibada goobta dugsigu waa inay codsadaan inay noqdaan mutadawaciin (tabarucayaal), ka qeybqaadashadana waxa la dhiirigeliyay kaliya marka isaga ama iyada uu/ay ka gudbo baaritaanka taariikhda. Si kastaba ha ahaatee, hawlaha kale ee Saacadaha Iskaashiga Waalidka, sida ka qeybgalida shirarka bulshada, uma baahna baaritaanka taariikhda. Wixii macluumaad dheeraad ah, ka eeg Siyaasada Ansixinta Mutadawaca Rocketship ee gobolka.  SIYAASADDA GAADIIDKA   Siyaasaddan waxaa la qoray qaab waafiqsan Qaanunka Tennessee ee (T.C.A.49-6-21) waxaan loo sameeyay in lagu ilaaliyo nabadgelyada iyo ammaanka ardayda raacda, lana soo noqota basaska dugsiga   

I. Soo Gudbin Cabasho Rocketship wuxuu si dhab ah u qaataa dhamaan welwelka iyo dacwadaha la xiriira ammaanka basaska dugsiga . Ardayda, waalidka, barayaasha , shaqaalaha iyo xubnaha bulshada oo doonaya inay si rasmi ah u soo gudbiyaan dacwad la xiriirta ammaanka basaska dugsiga waxay soo buuxin doonaan foomka dacwadda , oo laga helo halka laga soo galo xafiiska dugsiga.Foomka cabashada waxaaa loo soo celinayaa kormeeraha gaadiidka.  Intaas waxaa dheer in bas dugsi kasta oo u shaqeeya Dugsiyada Rocketship uu ku qalabeysan yahay nambar telefoon ee dhinaca dambe si loogu soo gudbiyo dacwadaha. Dacwado kasta oo ku yimaada khadka telefoonkan waxaa si degdeg ah loogu gudbin doonaa kormeeraha gaadiidka.   

II. Baaritaanka Dacwadaha Marba hadduu dacwoode u soo soo gudbiyo foomka dacwadda oo buuxsan kormeeraha gaadiidka , waxaa la qaadayaa baaritaan sida ay qabaan hababka soo socda: 

(1) Kormeeraha Gaadiidka ee magacaaban isaga oo aan dhinacna u janjeerin wuxuu bilaabi doonaa baaritaan 24 saac gudahooda ilaa markii uu helay dacwadda. Tan waxaa ka mid noqon karta inuu wareysto marqaatiyaal, helo wax dokumenti ah oo habboon, iyo in dhinacyadu la yimaadaan caddayn, iyo sida ay la noqoto kormeeraha gaadiidka in ay tahay wax loo baahan yahay oo haddana habboon. Dhamaan dokumentiga la xiriira baaritaanka waxaa loo arkayaa in ay yihiin qarsoodi heer sare ah, waana in aan loo muujin ama aan lagala doodin ka qaybgale kasta oo ay la jiraan dad aan si toos ah lug ugu lahayn dacwadda ama habka go’aan qaadashada. 

 (2) Ilaa 48 saac gudahood marka la helo dacwadda, kormeeraha gaadiidku wuxuu u soo 

gudbinayaa warbixin hordhac ah maamulaha dugsiyada oo ay la jirto taariikhdii iyo waqtigii la helay dacwadda, nuskhad ama dacwaddii oo kooban, wadaha baska dugsiga oo ku lug lahaa, iyo haddii ay jiraan dacwado hore ama tallaabo aadaabeed laga qaaday wadaha. 

(3) 60 maalmood ee maalmaha dugsiga gudahood ilaa markii la helay dacwadda ,maamulaha gaadiidku wuxuu u soo gudbin doonaa warbixin ka ma dambays ah maamulaha dugsiyada, iyada oo qoraal ah, oo ay ka mid tahay wixii lagu ogaaday baaritaanka, iyo haddii uu wax tallaabo ah qaaday kormeeraha gaadiidku oo jawaab u ah dacwadda.  

III. Ogeysiiska Sannad laha ah Siyaasaddan waxaa loola wadaagi doonaa waalidka iyo ardayda sannadkiiba mar, iyada oo loo 

79

Page 80: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

soo marinayo kitaab yaraha ah Waalid/Arday kitaab gacameed..  

IV. Kormeeradda Kormeeraha Gaadiidku wuxuu ku dhaqaaqi doonaa kormeero ugu yaraan saddex biloodba mar, wuxuuna ku dhaqaaqi karaa kormeer aan la sii sheegin haddii ay la noqoto mid loo baahan yahay oo habboon. Kormeerka xisaabeedka waxaa la qaadayaa sida uu qabo hubinta dabagalku. Taxanahan hubineed waxaa ka mid ah ururinta iyo hagaajinta diiwaangelineed ee soo socda: 

● Kormeerka iyo dayactirka basaska; ● Warqadaha wadayaasha basaska oo ay ka mid yihiin raadraac hubineed, diiwaangelinta 

caafimaad iyo dibu eegista gudashada(howl gudashada); ● Diiwaangeinta tababarrada wadayaasha; ● Dacwadaha la soo gudbiyay iyo wax diiwaangelin ah oo la xiriira baaritaankii 

dacwadahaas;  WAXBARASHADA CARRUURTA HOY LA’AANAT AH IYO DHALLINYARADA EE XEERKA (McKINNEY-VENTO)  Xeerka Kaalmeynta Hoy laaweyaasha ee (“The McKinney-Vento Act’’) waa sharci federal ah oo xaqiijinaaya in carruurta iyo dhallinyarda ay haysato ho la’aantu ay helaan xaq waxbarasho iyo daryeel.(42 U.S.C.11431 et seq.) Siyaasaddan waxaa la qoray iyada oo la raacayo sharuudaha hoos imanaysa xeerka McKinney-Vento. Sharcigan wuxuu ka hadlayaa in a helo qeexid habboon; xiriiriyaha Rocketship u qaybilsan hoy laaweyaahsa; in si guud loo hubiyo wixii la xiriira waxbarashada carruurta iyo dhallinyarada aan ahysanin hoy; habka loo aqoonsan lahaa,loogana warbixin lahaa; doorashada dugsiga; ku soo biirista iyo diiwaangelinta; xaqa gaagiidka; iyo xallinta muranka la xiriira habka ku soo biirista. I. Qeexitaanno   “Carruurta iyo dhallinyarada hoyga la’ ‘’ waxaa loola jeedaa carruur iyo dhalinyaro aan haysanin degaan nidaamsan , oo go’an oo ay habeenkii galaan, waxaana ka mid ah carruur iyo dhallinyaro oo:  

● Ku nool goob deganaansho habeenkii oo aasaasi ah taas oo ku taala meel gaar ah ama dadweyne balse aan loogu talagalin ama caadiyan aan loo isticmaalin hoy hurdo oo bini aadam, sida baabuurta, jardiinooyinka, meelaha dadweynaha, guryaha laga guurey ama guryaha liita (tusaale ahaan, dhismayaasha ay dawladu go’aamisay inay yihiin kuwo aan lagu noolaan karin ama geerashyada), saldhigyada basaska ama tareenada ama goobaha kale ee la midka ah. Go'aansashada haddii nidaamka guryaha loo arko inuu yahay mid "liita, dugsiga ayaa laga yaabaa inuu tixgeliyo haddii ay meesha ka maqan yihiin mid ka mid ah waxyaabaha aasaasiga ah sida biyaha, korontada, ama kulayliyaha, cayayaanka ama caaryada, aan lahayn qayb ka mid ah shaqeynta aasaasiga ah sida jikada ama musqusha, usoo bandhigaya khataro aan macquul ahayn dadka waaweyn, carruurta, ama dadka naafada ah. ama haddii kale lagu qeexo "liita" sida hoos timaada xeerarka guryaha la dago.       

● Ku nool albeerkooyinka, hudheelada la seexdo, goobaha guryaha la riixo (kuma jiraan isjiidka ama guryaha guurguura ee yaala meelaha lagu baarkin gareeyo guryaha guurguura), ama taandhooyinka iyadoo ay sabab u tahay la’aanta qaabilaado kale oo ku filan.       

●  La jooga qof kale iyadoo ay sabab u tahay waayida guri, darxumo dhaqaale, ama sabab la mid ah. 

● Ku nool hoy degdeg ama kumeel gaarka ah.       

● Lagaga tago isbitaalada.       

● Carruurta reer guuraaga ah ee u qalma sida bilaa hoynimada, sababtoo ah waxay ku nool yihiin xaaladaha kor lagu sharaxay.       

80

Page 81: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

● Dhalinyarada aan la wehelin waxa ka mid ah dhalinyarada aanay hayn waalidka ama masuulku.       

● Ilmaha ama dhalinyarada aan la wehelin ayaa loo tixgelin doonaa bilaa hoy, ilaa iyo inta ay isaga/iyadu uu ku noolyahay xaalada kor lagu sharaxay.       

II. Isku-xidhaha [dadka] Bilaa Hoyga ah ee La Qoondeeyey Isku-xidhaha [dadka] bilaa hoyga ah ee Rocketship Education wuxuu u adeegaa ardayda Rocketship ee dhamaan gobolada. 

Isku-xidhaha Hadda Almeta Rogers 

2526 Dickerson Road Nashville, TN 37207 

[email protected] 615-650-5560 

Isku-xidhaha [dadka] bilaa hoyga ah waxa looga baahan yahay inuu: ●  Hubiyo in carruurta iyo dhalinyarada bilaa hoyga ah la aqoonsado iyadoo loo 

marayo shaqaalaha dugsiga, booqashooyinka iyo isu-duwidda hay'adaha iyo wakaaladaha kale.       

●  Hubiyo in ardayda bilaa hoyga ah ay is qoraan oo ay helaan fursado buuxda oo loo siman yahay si ay ugu guuleystaan dugsiyada Rocketship.       

●  Hubiyo in qoysaska, carruurta iyo dhallinyarada bilaa hoyga ahi ay galaan iyo ay helaan adeegyada waxbarasho ee ay u qalmaan.       

● Hubiyo in qoysaska, carruurta iyo dhalinyarada bilaa hoyga ahi ay helaan u gudbinta caafimaadka, caafimaadka ilkaha, caafimaadka maskaxda, iyo adeegyada xudgubuka isticmaalka mukhaadaraadka, adeegyada guryaha iyo adeegyada kale ee ku haboon.       

● Hubiyo in waalidiinta iyo masuuliyiinta la wargeliyo fursadahaha waxbarasho iyo waxyabaaha la xiriira ee u diyaarka ah carruurtooda oo la siiyo fursado macno leh oo ay kaga qaybqaataan waxbarashada carruurtooda.       

● Hubiyo in ogeysiiska dadweynaha ee xuquuqda waxbarasho ee ardayda bilaa hoyga ah lagu faafiyay meesha carruurta iyo dhalinyarada ay ku helaan adeegyada waafaqsan Xeerka McKinney-Vento.       

● Hubiyo in khilaafaadka is-qorista loo dhex-dhexaadiyo iyadoo la raacayo qodobada xalinta khilaafaadka.       

● Hubiyo in waalidka/masuulka ilmaha, dhalinta, ama dhalinyarada aanay cidi wehelin, si buuxda loogu wargeliyay dhamaan adeegyada gaadiidka iyo laga caawiyo helitaanka adeegyada gaadiidka, haddii la heli karo oo ay macquul tahay.       

● Hubiyo in shaqaalaha dugsigu ay helaan horumarinta xirfadeed iyo taageerada kale.       

● In dhalinyarada aan cidi wehelin laga caawiyo qaadashada go’aamada meeleynta/is-qorista.       

● Hubiyo in dhalinyarada aan cidi wehelin isla markiiba la qoro dugsiga iyadoo ku xiran xalinta khilaafaadka dhici kara ee is-qorista ama meelaynta dugsiga.       

● Laga caawiyo carruurta iyo dhalinyarada aan haysan tallaalada ama tallaal ama diiwaanada caafimaadka, si ay u helaan tallaalada loo baahan yahay, ama tallaalka ama diiwaanka caafimaadka       

● Lala shaqeeyo oo la isu-duwo isu-duwayaasha iyo shaqaalaha gobolka iyo bulshada iyo shaqaalaha dugsiga ee ka masuulka ah bixinta waxbarashada iyo adeegyada la xidhiidha ee carruurta iyo dhallinyarada bilaa hoyga ah.         

III. Balanqaadyada Guud Rocketship waxay bixisaa balanqaadyadan guud ee soo socda: ●  Carruurta iyo dhalinyarada bilaa hoyga ah waa in aan lagu takoorin dugsi ama 

barnaamij gaar ah oo ku saleysan xaaladooda hoy la’aanta waana in aan la sinaba loo canbaareeyn.       

●  Carruurta iyo dhalinyarada bilaa hoyga ah waa in la siiyaa adeegyo u dhigma kuwa ay helaan ardayda kale ee dugsigu oo ay ku jiraan adeegyada gaadiidka, iyo barnaamijyada waxbarashada ee ardaydu la kulmaan shuruudaha xaq u yeelashada, sida adeegyada hoos yimaada Title 1 ama barnaamijyada gobolka iyo 

81

Page 82: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

degmada ee la midka ah; barnaamijyada loogu talagalay ardayda naafada ah; barnaamijyada loogu talagalay ardayda af Ingiriisidoodu xadidan yahay, barnaamijyada waxbarashooyinka xirfada ama farsamada; barnaamijyada ardayda hibada iyo fahmada badan, iyo barnaamijyada nafaqada dugsiga.       

●  Carruurta iyo dhalinyarada bilaa hoyga ahi waxay heli doonaan lacagta (loogu talogalay iyaga) heerka maamulka ee degmada ee u adeegista ardayda bilaa hoyga ah.       

●  Rocketship ayaa ardayda bilaa hoyga ah siin doonta helitaanka waxbarashada iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka u ah ardayda si ay u gaaraan heerarka tacliimeed ee adag sida ardayda kale.       

●  Rocketship ayaa siin doonta iyo soo dhajin doonta ogeysiisyada xuquuqda waxbarasho ee caruurta iyo dhalinyarada bilaa hoyga.       

 IV. Aqoonsashada iyo Soo Sheegida Rocketship waxay aqoonsiga ardayda bilaa hoyga ah iyo baahiyahooda waxbarasho ee gaarka ah ku dari doontaa shaqada la beegsaday si ay kor ugu qaado guulaha dhamaan ardayda. Carruurta iyo dhalinyarada bilaa hoyga la aqoonsan doonaa iyada oo loo marayo: 

● Hanaanka codsiga ee is-qorista (is-aqoonsashada)       ● Talooyinka shaqaalaha dugsiga       ● Hawlaha Isku-xidhka ee hay'adaha iyo wakaaladaha kale       

  Rocketship waxay u hogaansami doontaa dhamaan shuruudaha soo sheegida ee federaalka, gobolka, degmada, iyo ururinta xogta kale ee ku saabsan carruurta iyo dhallinyarada bilaa hoyga ah. Qalabka ayaa la siin doonaa ardayda iyo waalidiinta isagoo ku qoran luqad ay si fudud u fahmi karaan qoysaska iyo ardaydu. Haddii ardayda ama qoysaska aanay awoodin inay wax akhriyaan, waan in la bixiyaa taageero dheeraad ah si loo sharaxo xuquuqda ardayga.   

V. Xulashada Dugsiga Ardayda bilaa hoyga ah waxay xaq u leeyihiin inay ka dhex xushaan dugsiyadan soo socda: 

● Dugsiga uu isaga/iyada wax ka baran jiray markii uu sida rasmiga hoy u heystay (dusgiga asalka ah)       

● Dugsiga uu isagu/iyadu markii ugu dambeysay uu qornaa (Dugsiga Asalka ah)       ● Dugsiga ku yaala aagga meesha uu ardayga hadda ku nool yahay (Dugsiga Goobta 

Degenaanshaha)        

VI. Is-qorista iyo Diiwaanada Ardayda bilaa hoyga ah ayaa la aqoonsan karaa waqtiga diiwaangelinta (iyada oo loo marayo is-warbixinta). Maadaama ay dhamaan dugsiyada Rocketship yihiin dugsiyo jaartar ah oo madax bannaan, sidaas daraadeedna ay yihiin dugsiyo doorasho halkii ay degmadu dugsi ku meelayn lahayd, go'aamada meeleynta waxay gebi ahaanba ku salaysan yihiin keliya codsiga waalidka iyada oo loo marayo hanaanka codsiga. Si loo helo gelitaan dugsi oo loo siman yahay, qorshaha qorista ardayda ee sannadlaha ah ayay ku jiri doonaan dedaalada lagula xiriirayo qoysaska, carruurta, iyo dhalinyarada bilaa hoyga ah iyadoo loo marayo dhacdooyinka dadweynaha ee bilaashka ah, xarumaha bulshada, iyo bixiyeyaasha adeegyada [dadka] bilaa hoyga ah ee maxaliga ah.   Dhalinyarada bilaa hoyga ah laguma takoori doono hanaanka codsiga. Carruurta iyo dhalinyarada bilaa hoyga ah waxaa loo ogolaan doonaa inay codsadaan diiwaangelinta iyada oo la raacayo siyaasadaha diiwaangelinta Rocketship ee hadda xitaa haddii waalidka/masuulka aanuu awoodin inuu dugsiga u keeno diiwaanada sida caadiga ah looga baahan yahay is-qorista sida diiwaanka tacliinta hore, shahaadada dhalashada, diiwaanka caafimaadka, cadaynta degenaanshaha, ama waraaqo kale. Qofka loo xilsaaray Rocketship ayaa isla markiiba la xiriiir doonaa dugsigii ugu dambeeyey ee ardayga si uu u helo diiwaanada khuseeya. Haddii uu ardaygu u baahan yahay inuu helo tallaal ama aanuu haysan tallaalka ama xogaha kale ee caafimaad, qofka loo xilsaaray ayaa waalidka/masuulka u gudbin doona isku-xidhaha [dadka[ bilaa hoyga ah. Isku-xidhuhu ayaa 

82

Page 83: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

waalidka/masuulka ka caawin doona inuu loo helo tallaalada loo baahan yahay ama diiwaanada ardayga.   Marka ay timaado xaalada dhalinyarada aan la wehelin, Isku-xidhaha [dadka] bilaa hoyga ah ee loo qoondeeyey ayaa ka caawin doona hanaanka is-qorista. Dhalinyarada aan la wehelin ayaa si degdeg ah loo qori doonaa haddii boos la heli karo, xitaa haddii aan la awoodin in la bixiyo [boos] dugsiga diiwaanka haya ayaa sida caadiga ah looga baahan yahay diiwaangelinta (sida kor ku xusan), inkastoo ay jirto la'aanta kormeerida iyo ogolaanshaha waalidka ama mas'uulka sharciga ah ama "Awooda qareenimada" ee qofka weyn ee kormeeraya.  Iyadoo la tixraacayo siyaasadaha is-qorista Rocketship ee hadda iyo xeerarka gobolka ee ku saabsan dugsiyada jaartarka ah, haddii heerka fasalka ee uu ilmaha ama dhalinta bilaa hoyga ahi uu dalbaday uu leeyahay codsi ka badan boosaska diyaarka ah, bakhtiyaa nasiib guud ayaa dhici doona si loo ogaado is-qorista sannad dugsiyeedka soo socda. Mudnaanta "ku nool gudaha degmada" ee “gudaha gobolka" (iyadoo ku xiran nooca dugsiga uu ardayga codsatay) ayaa lagu dabaqi doonaa inta lagu guda jiro bakhtiyaa nasiibka dhalinyarada bilaa hoyga ah ee isku sheega inay yihiin bilaa hoy inta lagu guda jiro hanaanka codsiga si aan loo takoorin carruurta ama dhalinyarada bilaa hoyga ah iyadoo ay sabab u tahay la'aanta guri joogto ah. Haddii ilmuhu ama dhalintu uu codsado gelitaanka [dugsiga] kadib bakhtiyaa nasiibka guud ee sannadlaha ah, isaga ama iyada waxaa la qori doonaa liiska sugida ee ukala horeeya sida loo helay codsiyada, xitaa haddii aanuu codsiga dhameystirnayn dhamaystirnayn waqtiga soo gudbinta.  Diiwaan kasta oo qarsoodi ah oo caadiyan uu keydiyo dugsigu, oo ay ku jiraan tallaalada ama diiwaanada caafimaadka, diiwaanada tacliinta, shahaadooyinka dhalashada, diiwaanada masuulka, iyo qiimaynta adeegyada ama barnaamijyada gaarka ah ee ilmo ama dhalinyar kasta oo bilaa hoy ah ayaa la keydin doonaa si diiwaananada loo helo si aan dib dhicin, marka uu ilmuhu ama dhallinyaradu uu galo dugsi cusub ama dugsiga degmada.   Macluumaadka ku saabsan xaalada nolosha ee ardayga ee ay hayso Rocketship ayaa ah qayb kamid ah diiwaanka ardayga, iyadoo ku xiran ilaalinta Xeerka Xuquuqda Waxbarashada Qoyska iyo Asturnaanta (FERPA). Guud ahaan, FERPA waxay dugsiga ka mamnuucday inay diiwaanka ardayga ka bixiyaan macluumaadka shaqsiga ee la garan karo ( "PII) iyaga oo aan haysan ogolaanshaha waalidka. Hal ka reebis oo xeerkan guud ah ayaa ah macluumaadrogerska uu dugsigu u qoondeeyay inuu yahay "macluumaadka hagaha" taas oo ah macluumaadka aan guud ahaan aan loo tixgelin inuu waxyeelaynayo ama duulaan ku yahay asturnaata haddii la shaaciyo. Si kastaba ha ahaatee, macluumaadka ku saabsan xaalada nolosha ee ardayga looma tixgelinayo inuu yahay macluumaadka hagaha waana in la siiyaa ilaalin la mid ah ta PII-da kale ee aan hagaha loogu talogalin.   

VII. Gaadiid Qaadista Sida uu dhigayo Xeerka McKinney-Vento, Rocketship waa inay carruurta iyo dhalinyarada bilaa hoyga ah siiyaan adeegyo u dhigma kuwa ay helaan ardayda kale ee dugsiga ay xusheen, oo ay ku jiraan gaadiid qaadistu. Intaa waxaa dheer, waa in dugsiyadu ay bixiyaan gaadiid qaadista ardayda bilaa hoyga ah ee tagista ka imaanshaha dugsiga asalka ah, haddii la macquul tahay. Rocketship waxay - meesha ay macquul tahay - marka uu codsado waalidka/mas'uulka iyo/ama meesha ay ugu jirto danaha ugu wanaagsan ee ilmaha ama dhallinta bilaa hoyga ah, siin doontaa gaadiid qaadista ardayda ay haysato guri la’aantu si loo hubiyo in ardayda ay awoodaan in ay sii joogaan dugsiga Rocketship ee ay doorteen muddada ay bilaa hoyga yihiin. Rocketship ayaa laga yaabaa inay la shaqeyso degmada ay dhalinyaradu degan yihiin ama wakaaaladaha kale si ay u bixiyaan adeegyada gaadiid qaadista.   VIII. Hanaanka Xalinta Khilaafaadka Is-qorista 

  Habka Xallinta   

83

Page 84: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Sida uu u baahanyay 42 USC § 11432 (g) (1) (C), dugsiyada waa inay sameeyaan oo ay hirgeliyaan habraacyada qoraalka ah ee helida iyo xallinta cabashooyinka tuhunka ah ee ku xadgudubka sharciga ee la xiriira is-qorista iyo meelaynta dugsiga sida hoos timaada Sharciga McKinney-Vento. Isu-duwaha Gobolka ee Waxbarashada Carruurta bilaa hoyga ah iyo Barnaamijka Dhalinyarada ayaa gargaar farsamo siin doona kooxaha xiiseynaya sida ay u codsadaan iyo sida loogu baahdo.   Haddii uu khilaafku ka yimaado is-qorista ama meelaynta dugsiga: 

1. ilmaha ama dhalinyarada waa in isla markiiba la qoraa dugsiga uu codsaday shakhsigu ama hay'ada soo gudbinaysa cabashadu;       

2. waalidka/masuulka ardayga/ardayda uu saameeyay [khilaafku] waa in la siiyaa faahfaahin qoraal ah oo ku saabsan go'aanka dugsiga ee doorashada ama is-qorista, oo ay ku jirto xuquuqda waalidka, mas'uulka, ama qofka dhalinyarada ah inay racfaan kaga qaadan karaan go'aanka,       

3. ilmaha, dhallinyarada, waalidka, ama qofka ilmaha masuulka ka ah waa in loo diraa Isku-xidhaha Waxbarashada [Dadka] Bilaa Hoyga ah ee McKinney-Vento si uu ula shaqeeyo, kaas oo sida ugu degdega badan ee suurogalka ah u qaadi doona hanaanka xallinta khilaafka marka uu helo ogeysiiska khilaafka; iyo       

4. haddii ay dhacdo xaalada qof dhallinyaro ah oo aanay cidi wehelin, isku-xidhaha [dadka] bilaa hoyga ah ayaa xaqiijin doona in dhalinyarada isla markiiba la qoro dusgi inta la sugayo xalka khilaafka.       

  Hanaanka Xallinta Khilaafaadka ee Rocketship Khilaafaad ayaa ka dhex dhici kara dugsi Rocketship ah iyo arday bilaa hoy ah ama waalid/masuul bilaa hoy ah taas oo ku saabsan, is-qorista ama gaadiid qaadista iyo waxyaabo kaleba. Marka la gaadho wakhtigaas, isku-xidhaha waxbarashada [dadka] bilaa hoyga ah ayaa isla markiiba ku lug yeelan doona [arrinka], Rocketship-na waa inay raacdaa habraacyo ay ku jiraan tallaabooyinkan soo socdaa: 

(1) Ardayga waa in loo ogolaadaa inuu wax ka dhigto ama is-qoro dugsiga cabaqada galinaya xaqa uu ardayga wax kaga dhiganayo ilaa iyo go'aan kama dambays ah laga gaadhayo khilaafka. Dugsiga cabaqada galinaya [waxka dhigashada ama is-qoristu] waa inuu bixiyaa adeegyada gaadiid qaadista iyo adeegyada kale ee uu u baahan yahay ardaygu ilaa iyo inta khilaafka la xalinayo.    

(2) Hanaanka xalinta khilaafku wuxuu bilaabmaa wakhtiga uu dugsigu caqabad galiyo xaquuqda uu waalidka ama masuulka ama marka ay dhacdo xaalada qof dhallinyaro ah oo aan cidi wehelin, uu ilmo ama qof dhalinyar ah ku qoro dugsiga, uu sii wado qornaanta dugsiga, ama uu sii wado helitaanka adeegyada sida kaalmada gaadiid qaadista.    

(3) Marka Rocketship ay caqabad galiso diiwaangelinta ama adeegyada ilmaha ama dhalinyarada aan cidina wehelin, Rocketship waa inay:    

●  waalidka, masuulka, ama dhalinyarada aan cidi wehelin siisaa ogeysiiska caqabada siisa iyada oo loo marayo waxbarashada [dadka] bilaa hoyga ah, maalinta cabaqada [ay dhacdo].       

●  waalidka, masuulka, ama dhalinyarada aan cidi wehelin siisaa ogeysiiska xaqa ay racfaan kaga qaadan karaan caqabada. Ogeysiiskan waa inuu ku jiraa foomka uu buuxin doono waalidka, mas'uulka, ama dhalinyarada aan cidina wehelin haddii isaga ama iyadu ay go'aansadaan inay racfaan ka qaataan go'aanka Rocketship.       

(4) Isku-xidhaha Waxbarashada [dadka] bilaa hoyga ah ayaa waalidka, mas'uulka, ama dhalinyarada aan cidi wehelin siin doona ogeysiiska qoraal ah oo cad, kuna qoran af si sahlan loo fahmi karo kaas oo faahfaahinaya nidaamka xalinta khilaafka.    

(5) Rocketship waxay heli doontaa saddex maalmood oo shaqo si ay dib ugu eegaan go'aankooda hordhaca ah oo ay ku qaataan go’aanka kama dambaysta ah ee booska la qaadanayo (micnaha., haddii ay sii wadi doonaan inay cabaqad galiyaan xaqa ardayga ee ah in la qoro). Go'aanku waa inuu sheegaa dhamaan macluumaadka dhabta ah ee ay ku salaysan tahay sharciga taageeraya.      

84

Page 85: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

HANAANKA CABASHADA 

  Rocketship waxay qiimeysaa walaacyada waalidiinteena, shaqaalaheena, ardaydeena iyo dhamaan bulshadeena waxaanay u qaadataa dhamaan walaacyada iyo cabashooyinka si dhab ah. Waa in la isticmaalaa habraacyada soo socda ee cabashada si loo hubiyo in cabashooyinku ay helaan tixgelin buuxda.   

I. Isticmaalka Hanaanka Cabashada Hanaanka cabashada ee Rocketship waa in loo isticmaalaa sidan soo socota:   

(1) si loola macaamilo cabashooyinka iyo walaacyada ku saabsan jawiga waxbarasho, nidaamyada shaqaaleysiinta ama khilaafaadka gudaha;    

(2) si loo eedeeyo xadgudubyada sharciga federaalka ama gobolka ama dugsiga jaartarka ah;    

(3) si loo xaliyo cabashooyinka takoorka iyo dhibaateynta ku saleysan jinsiyada, midabka, asalka qaranka, jinsiga, naafonimada, da'da, diinta, xaalada guurka, muuqaalka shakhsi ahaan, nooca jinsiga, aqoonsiga ama muujinta jinsiga [lab/dhedig iwm.], xaaladda qoyska, masuuliyada qoyska, xiriirka siyaasadeed, isha dakhliga, ama ahaanshaha nooc kale oo la ilaaliyo oo uu dhigay sharciga federaalka ama gobolka.    

  II. Yaa Soo Gudbin Kara Cabasho 

Habraacyada hoos lagu sheegay ayay isticmaali karaan soo dacweeyayaasha shaqaalaha, ardayda, waalidiinta ama martidu.   

III.   Qarsoodiga   

Dhamaan cadeymaha iyo macluumaadka la xiriira baaritaanka la sameeyay iyadoo ay sabab u tahay cabashadu waxa loo tixgeliyaa inay yihiin kuwo qarsoodi ah oo aan la sheegi karin ama qof ku lug leh [cabashadu] aanuu kala hadli karin qof aan ku lug lahayn cabashada ama hanaanka go’aan qaadashada. 

IV. Cabashooyinka Aan Rasmiga Ahayn   

Sababtoo ah badi dhibaatooyinka waxa lagu xalin karaa in walaaca lagala hadlo qof kale, soo dacwoodayaasha waxaa lagu dhiirigelinayaa in ay walaacooda ama cabashadooda si degdeg ah oo daacad ah ugala hadlaan kormeerahooda, macalinka ardaygooda ama maamulaha dugsiga. Qofka soo dacwoodaha ah loogama baahna inuu cabashadiisa/cabashadeeda kala hadlo qofka dhibaateeyay ee lasoo dacweeyay ama lasoo eedayay cayn kasta ama sabab kasta oo ay doonto ha ahaatee kahor inta aanay bilaabin cabasho rasmi ah.   

V. Hanaanka Cabashada ee Ku Saabsan Habraacyada, Dhaqanada iyo Siyaasadaha Goobta Dugsiga 

  Cabashooyinku waa inay raacaan hanaanka hoos ku xusan marka ay doonayaan in ay soo gudbiyaan cabasho rasmi ah oo ku saabsan waxyaabaha ku qoran (1) iyo (2) ee lagu qeexay Qaybta kore. Hanaankan waxa heli kara cabashooyinka ka dhanka ah shaqaalaha, ardayda, waalidiinta, ama soo booqdayaasha.   

(1) Buuxi Foomka Cabashada ee laga heli karo xafiiska hore ee dugsiga. Soo dacwoodayaashu waa inay foomka cabashada ku qeexaan dabeecada cabashada iyo tallaabo kasta oo la qaaday ilaa hadda si loo xaliyo arrinta. Foomka Cabashada waa in loo gudbiyaa maamulaha dugsiga. Foomamka Cabashada waa in la soo gudbiyaa 90 maalmood gudahood marka aad arrinka mawduuca cabashada ah ay kugu dhacdo.    

  

85

Page 86: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

(2) Maamulaha ayaa si aan dib dhicin u bilaabi doona baadhitaan ku filan, la isku halayn karo, oo dhexdhexaad ah. Tani waxa kamid noqon doona wareysiyada lala yeesho markhaatiyada, helitaanka wixii dukumiinti ah ee khuseeya, iyo u ogolaanshaha inay dhinacyadu soo bandhigaan cadaymo. Dhamaan warqadaha la xiriira baaritaanka waxaa loo tixgeliyaa kuwo qarsoodi heer sare ah oo aan la muujin ama aanuu qof ka qeybqaata dacwadu kala hadlin dadka aan si toos ah ugu lug lahayn hanaanka cabashada ama go'aan-qaadashada.      Baaritaanka waxa lagu soo gabagabeyn doonaa 10 cisho oo maalmaha dugsiga oo ka bilaabmaya maalinta cabashada la helo haddii ay "xaalado aan caadi ahayn" qiil u noqdaan jawaabta deg-dega ah mooyee. Xaddiga waqtiga la siiyo xaalad aan caadi ahayn ayaa la go'aamin doonaa iyadoo sal looga dhigayo kiisaska shakhsiga. 

  (3) Maamulaha ayaa diyaarin doona warbixinta kama dambays ah oo ay la socoto 

tallada lagu xalinayo cabashada. Warbixinta kama dambeysta ah ayaa ay ku qornaan doonaan magaca qofka soo gudbiyay cabashada, nooca cabashada, baaritaanka kooban, xalka lagu taliyey, iyo sababaha lagula taliyay [xalkaas].    

  (4)  Haddii qofka cabanayaa uusan ku qanacsaneyn jawaabta maamulaha, isagu/iyadu 

wuxuu racfaan u dhiiban karaa kormeeraha tooska ah ee Maamulaha. Waa in dhamaan rafcaanadu qoraal ahaadaan oo ay ku jiraan sababta racfaanka. Racfaanka waa in loo gudbiyaa qeybta ku habboon 10 maalmood oo dugsi gudahood oo ka bilaabmaya marka la helo jawaabta.    

(5) Kormeeraha maamulaha ayaa samayn doona baaritaan marka uu helo racfaanka. Hanaankan waxa ka mid noqon kara wareysi lala yeesho go’aan qaataha si loogala hadlo caqligalnimada [go’aanka]. Kormeeraha ayaa soo saari doona xal qoraal ah 10 maalmood gudahaood oo ka bilaambaya maalinta la helo racfaanka.    

    

(6) Haddii soo dacweeyuhu aanuu ku qanacsanayn xalka kormeeraha, isagu/iyadu wuxuu racfaan kama dambays ah u gudbin karaa Madaxweyne ku-xigeenka Dugsiyada. Madaxweyne ku-xigeenka Dugsiyada ayaa samayn doona baaritaan kadib marka uu helo racfaanka. Hanaankan waxa ka mid noqon kara wareysi lala yeesho go’aan qaataha si loogala hadlo caqligalnimada [go’aanka]. Madaxweyne ku-xigeenka Dugsiyada ayaa soo saari doona xal qoraal ah 10 maalmood gudahaood oo ka bilaambaya maalinta la helo racfaanka.     

Haddii cabashada asalka ah ay ku saabsan tahay Maamulaha dugsiga, waa inay cabashooda ka bilaabaan iyagoo u gudbinaya kormeeraha tooska ah Maamulaha sida ku cad Talaabooyinka 4-5 ee kor ku xusan. Rafcaanka ayaa u tagi doona Madaxweyne ku-xigeenka Dugsiyada sida ku cad Tallaabada 6. 

  (7) Haddii soo dacweeyuhu aanuu ku qanacsanayn xalka Madaxweyne ku-xigeenka 

Dugsiyada, soo dacweeyuhu wuxuu rafcaan u dhiiban karaa Xafiiska Dugsiyada Jaartarka iyo Dugsiyada Gaarka ah (OCPS) ee Dugsiyada Dadweynaha Magaalo-Weynta Nashville (MNPS) oo ah awooda jaartarka [bixisa]. La soco racfaanada loo gudbiyo MNPS waxay ku kooban yihiin xadgudubyada sharciyada lagu dabaqi karo ama heshiiska jaartarka ee u dhexeeya MNPS iyo Rocketship iyo inay tahay ikhtiyaarka OCPS haddii ay rabaan inay xalliyaan racfaanka.      

  VI. Hanaanka Cabashada ee La Xiriirta Takoorka iyo Dhibaataynta 

  Haddii ay dhacdo in xalka aan rasmiga ahayni aanuu guuleysan, soo dacwoodayaashu waa inay raacaan habka hoos ku xusan haddii ay doonayaan in ay soo gudbiyaan cabasho rasmi ah oo ku saabsan shayga (3) ee lagu qeexay Qaybta I ee kore (micnaha., takoorka ama dhibaataynta ku saleysan xubinimada fasal la ilaaliyo). Hanaankan waxa heli kara cabashooyinka ka dhanka ah shaqaalaha, ardayda, waalidiinta, ama soo booqdayaasha. 

86

Page 87: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

  (1)  Buuxi Foomka Cabashada ee laga heli karo xafiiska dugsiga ama kheyraadka 

aadanaha. Soo dacwoodayaashu waa inay Foomka Cabashada ku qeexaan dabeecada cabashada iyo tallaabo kasta oo la qaaday ilaa iyo hadda si loo xaliyo arrinta. Foomka Cabashada waa in loo soo gudbiyaa waaxda Kheyraadka Aadanaha ee Rocketship . Foomamka Cabashada waa in la soo gudbiyaa 90 maalmood gudahood marka arrinta mawduuca cabashadu ay kugu dhacdo.    

  (2) Wakiil ka socda Kheyraadka Aadanaha ayaa si aan dib dhicin u bilaabi doona 

baadhitaan ku filan, la isku halayn karo, oo dhexdhexaad ah. Tani waxay ka mid noqon doona wareysiyada lala yeesho markhaatiyada, helitaanka wixii dukuminti ah ee khuseeya, iyo in loo ogolaado inay dhinacyadu soo bandhigaan cadaymo. Dhamaan warqadaha la xiriira baaritaanka waxaa loo tixgeliyaa kuwo qarsoodi heer sare ah oo aan la muujim ama ama aanuu qof ka qeybqaata dacwadu kala hadlin dadka aan si toos ah ugu lug lahayn hanaanka cabashada ama go'aan-qaadashada.    

   Baaritaanka waxa lagu soo gabagabeyn doonaa 10 cisho oo maalmaha dugsiga oo ka bilaabmaya maalinta cabashada la helo haddii ay "xaalado aan caadi ahayn" qiil u noqdaan jawaabta deg-dega ah mooyee. Xaddiga waqtiga la siiyo xaalad aan caadi ahayn ayaa la go'aamin doonaa iyadoo sal looga dhigayo kiisaska shakhsiga.  

  (3) [Waaxda] Kheyraadka Aadanaha ayaa diyaarin doona warbixinta kama dambays ah 

oo ay la socoto tallada lagu xalinayo cabashada. Warbixinta kama dambeysta ah ayaa ay ku qornaan doonaan magaca qofka soo gudbiyay cabashada, nooca cabashada, baaritaanka kooban, xalka lagu taliyey, iyo sababaha lagula taliyay [xalkaas].    

  (4)  Haddii soo dacweeyuhu uusan ku qanacsaneyn jawaabta [waaxda] Kheyraadka 

Aadanaha, isagu/iyadu wuxuu racfaan u dhiiban karaa Guddiga Dib u Eegista ee ka kooban ugu yaraan saddex xubnood oo dhexdhexaad ah oo ku jira Kooxda Hogaanka Sare ee Rocketship.  

  (5) Guddiga Dib u Eegista ayaa samayn doona baaritaan kadib markay helaan 

racfaanka. Hanaankan waxa ka mid noqon kara wareysi lala yeesho go’aan qaataha si loogala hadlo [caqgligalnimada] go’aanka. Guddiga Dib u Eegista ayaa soo saari doona xal qoraal ah 10 maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa marka la helo racfaanka.   

  (6) Haddii soo dacweeyuhu aanuu ku qanacsanayn xalka guddiga Dib u Eegista, soo 

dacweeyuhu wuxuu rafcaan u dhiiban karaa Xafiiska Dugsiyada Jaartarka iyo Dugsiyada Gaarka ah (OCPS) ee Dugsiyada Dadweynaha Magaalo-Weynta Nashville (MNPS) oo ah awooda jaartarka [bixisa]. La soco racfaanada loo gudbiyo MNPS waxay ku kooban yihiin xadgudubyada sharciyada lagu dabaqi karo ama heshiiska jaartarka ee u dhexeeya MNPS iyo Rocketship iyo inay tahay ikhtiyaarka OCPS haddii ay rabaan inay xalliyaan racfaanka.   

  VII. Mamnuucidda Aargoosiga 

Rocketship kama aargoosan doonto qof kasta oo soo gubiyey cabasho waafaqsan siyaasadan, ama qof kasta oo ka qaybqaata dacwadaha la xiriira siyaasadan. Intaa waxaa dheer, Rocketship uma dulqaadan doonto qaab kasta oo aargoosi ah oo ka dhan ah qof kasta oo sameeya warbixin iimaan wanaagsan leh ama cabasho ku saabsan falalka uu u gartay inay yihiin dhibaatayn, takoorid ama walaac, ama kuwa ka shaqeeya baaritaanada dhibaataynta, takoorka, ama walaaca. Qof kasta oo lagu helo inuu sameeyay nooc kasta oo aargoosi ah ayaa la marin doonaa tallaabooyinka anshaxa ee habboon.   

87

Page 88: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

VIII. Wax ka Badelida Rocketship ayaa ansixin karta ama waxka badeli karta habraacyada la xusay ee kiis gaar ah haddii waxka bedalidu ay u wanaagsan tahay oo aanay ku xadgudbayn xuquuqda hanaanka ama soo dacwoodaha ama siyaasadaha Rocketship. 

  IX. Macluumaadka Xiriirka Macluumaadka xiriirka maamulaha dugsiga waxaa laga heli karaa barta internetka ee dugsiga.   Macluumaadka xiriirka ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dugsiyada waa sidan soo socota: Jaclyn O'Brien Madaxweyne Ku-xigeenka Dugsiyada 350 Twin Dolphin Drive, Suite 109 Redwood City, CA 94065 [email protected] 

X. Sixitaanada Kale Hanaanka cabashadu kama mamnuucayso soo dacwoodahu inuu sheegashooyinka ka gudbiyo golayaasha kale ilaa xadka uu ogol yahay sharciga gobolka iyo federaalua. 

TITLE IX POLICY – Cinwaan IX Siyaasad Cinwaanka IX ee dib u habaynta waxbarashada ee 1972 wuxuu sheegayaa, “ Ma jiro qof… wax ku salaysan jinsi , lagu seejin karo inuu ka qayb galo , oo laga reebo wax dheef, ama u furan kala soocid wax kasta oo hoos yimaadda barnaamijka waxbarashada ama dhaqdhaqaaq uu ku helayo kaalmo maaliyadeed ee federal ah." Rocketship waxa ka go'an inay bixiyaan jawi shaqo iyo waxbarasho kaas oo qof kaste lagula dhaqmaayo ixtiraam iyo sharaf. Arday iyo shaqaale kaste wuxuu xaq u leeyahay in oo wax ku barto ama ku shaqeeyo jawi xor ka ah takoorka sharci darrada ah. Ma jiri doono arday Rocketship dhigto ama qof u shaqeeyo in laga reebo ka qayb gal, ama loo diido dheef, ama lagu takooro barnaamijyada ama howlaha waxbarashada Rocketship ayadoo lagu saleynaayo jinsiga, aqoonsiga jinsiga, muujinta jinsiga. 

I. Ardayda oo si Siman Loo La Dhaqmo Xagga Barnaamijyada Waxbarashada Iyo 

Dhaqdhaqaaqyada 

Sida hoos imanaysa cinwaanka IX, Rocketship wuxuu xaqiijinayaa in ardayda si siman loo la dhaqmo xagga barnaamijyada waxbarashada iyo dhaqdhaqaaqyada, wuxuuna caddeynayaa in jinsi iyo sinnaan jinsi in lagu dhaqaaqi doono jihooyinka soo socda: 

● Barnaamijyo iyo Dhaqdhaqaaqyo:- ○ Ardaydu waxay helayaan fursado xuquuq loo siman yahay ee waxbarasho ee 

dugsigooda. ○ Ardayda la ma seejin karo ka qayb galka , in loo diido dheef, ama ay u 

furnaadaan anshax darro ama qaabab kale kala soocid wax ku salaysan jinsi, qaab jinsi, , ama jinsi(lab, dhedig) ee barnaamij kasta ama dhaqdhaqaaqyo. 

● Helitaanka waxbarashada iyo koorska ○ Ardayda lagu ma laguma qasbi karo iyo/ ama loo ma diidi karo inay koors ku 

biiraan sabab jinsi darteed, qaab jinsi, ama jinsi(lab, dhedig). ○ Waxbarashda koorsyaasha oo dhan iyo fasallada waa in la wada dhigtaa(rag iyo 

dumar) ○ Qaybaha dugsiyada hoose iyo kuwa sare ee waxbarashada taas oo ku saabsan 

waxbarashada jinsiga (galmada) waxaa lagu qaban karaa xisas kala gaar ah ee wiilasha iyo gabdhaha. 

○ Ardayda waxay xaq u leeyihiin in la qiimeeyo darajaadkooda iyada oo aan loo eegin jinsi ahaan, qaab jinsi, ama jinsi ( lab, dhedig) 

○ Qalabka waxbarashada iyo buugaagta waa in aysan ka koobnaan arrimo muujinaya ka soo horjeed dad sabab jinsi darteed, qaab jinsi, ama jinsi ( lab, dhedig). 

88

Page 89: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

○ Qalabka waxbarashadu iyo buugaagtu waa in ay muujiyaan sawir sax ah ee dhaqan, isir, jinsi iyo jinsiyaad kala duwan ee bulshadeenna.  

○ Ardayda waxaa la siinayaa talooyin iyo hanuunin taas oo aan ahayn kala soocid. ● Waxbarashada Jirdhiska 

○ Dhamaan xisaska waxbarashada jir dhiska waa in hal meel lagu wada qaataa(wiilal iyo gabdho. 

○ Ka qaybgal gaar ah waxbarasho dhaqdhaqaaq jimicsi ama ciyaaro, haddii looga baahdo arday hal jinsi ah , waa loo heli doonaa jinsi kasta oo arday ah. 

○ Waxbarashada iyo imtixaanka dhamaan xisaska waxbarashada jir dhiska waa in ay noqotaa mid hal meel lagu wada qaato. 

○ In ay ardaydu isku raacaan koox koox xagga awoodda waa la oggol yahay. Si kastaba , koox kasta ee arday ah inta lagu jiro dhaqdhaqaaqa waxabarashada jimicsiga ah waa in ay socotaa , si basar ah, oo loo beddelo dhaqdhaqaaqa qayb kastaba, waana in aysan yeelan saameyn kala soocid ah.  

○ Ardayda waa in loo qiimeyaa heerar guud oo ah gudasho shakhsi ah, iyada oo aan loo eegin jinsi. 

● Ciyaaraha Fudud ○ Dugsiyadu waxay dhamaan ardayda siinayaan fursado siman in ay ciyaaraan 

ciyaaro. ○ Qalabka iyo saadka, jadwallada carbinta ciyaaraha, miisaaniyadda, tababarka, 

gunnooyinka safarka, qalabka , ii dhehda, adeegga ciyaaraha iyo tababarka loogu deeqo kooxaha waa in ay noqdaan kuwo isku dhigma ee fursadda ciyaaraha fudud ee xubnaha labada jinsi, iyada oo aysan dhicin sinnaan la’aan iyo miisaan la’aan. 

● Anshax Darro Jinsi ○ Anshax darro jinsi oo ka timaadda shaqaalaha dugsiga, ama ardayda waa qaab 

jinsi iyo kala soocid jinsi, waana reebban yahay. ○ Shaqaalaha dugsigu waa in ay ka jawaabaan sheegashooyinka anshax darro 

jinsi. ● Dhaqdhaqaaqyada ku dheeraadka ah manhajka, barnaamijyo iyo naadiyo 

○ Ka qaybgelitaanka dhamaan dhaqdhaqaaqa ku dheeraadka ah manhajka, barnaamijyo iyo naadiyada ardayda waxay u noqon doonaan diyaar ardayda oo dhan iyada oo aan la eegin jinsi, qaab jinsi jinsi ahaan, aqoonsi isir kooxeed, asal, meesha uu qofku ka soo jeedo, asal jinsiyadeed, diin, midab, naafonimo dhanka maskaxda ama jirka. 

○ Dhamaan ardayda naadiga waa in ay u sinnaadaan gaarista iyo fursad wacan in ay la kulmaan. 

○ La ma oggola in dhaqdhaqaaqa dheeraadka ku ah manhajka , barnaamij, ama naadi in lagu astaameeyo ama jadwal looga dhigo natiijo la xiriirta in arday loo kala saaro si ku salaysan jinsi, qaab jinsi, jinsi ahaan, aqoonsi isir kooxeed, dhalasho, farac, asal jinsiyadeed, diin, midab, naafonimo xagga maskaxda ama jirka. 

Cinwaan IX Ma Khuseeyo kuwa soo socda ● YMCA, YWCA, Boy Scouts, Girl Scouts, Camp Fire Girls, and voluntary youth service 

organizations. ● YMCY, YMCA, Wiilasha tababaran (Scouts), Gabdhaha tababaran(Scouts), xirada 

gabdhaha dabka, iyo ururrada adeegga dhalinyarada is-xilqaantay. Dhaqdhaqaaqa Aabbe-wiil iyo Hooyo-gabar- taas oo ku xiran in dhaqdhaqaaq u dhigma la siiyo 

ardayda jinsiga kale 

II. Isku Duwaha Cinwaan IX  

89

Page 90: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

Dowrka Isku Duwaha Cinwaanka IX ee dacwadaha jinsi kala qoqobidda iyo/ ama anshax darro jinsi iyo waliba in la siiyo kaalmo dugsiyada si loo hubiyo daacadnimo. Bixintaas waa in loo sameeyaa si ay u fududeyso awoodda ardayda ay xaddadan tahay ama aan ku hadli karin Ingiriiska in ay gaaraan Isku Duwaha Cinwaanka IX iyo in ay soo gudbiyaan dacwad.  Isku duwaha Cinwaanka IX wuu la xiriiri doonaa, wuxuuna hubin doonaa in shaqaalaha , ardayda iyo waalidkaba la ogeysiiyo siyaasadda Rocketship oo dalbaysa in la hirgeliyo is-qadderin iyo in la is dhowro, iyo waliba siyaasadda Rocketship oo la xiriirta kala soocd la’aan iyo anshax darro jinsi.  Isku-duwaha Cinwaanka IX wuxuu si degdeg ah uga jawaabi doonaa dacwad kasta ee jinsi kala faquuq iyo/ anshax darro jinsi , tallaabo ayuuna qaadi doonaa si uu wax uga qabto dhaqankaas, iyo waliba in uu gacan siiyo , macluumaad iyo khiyaar ee ardayda oo la xiriira jinsi kala faquuqid iyo / ama anshax darro jinsi. Tan waxaa ka mid noqon karta in lagu kaalmeeyo in ay soo gudbiyaan dacwad rasmi ah sida uu qabo goosanka V ee hoose. Isku-duwaha Cinwaanka IX wuxuu u gudbin doonaa guddoomiye kuxigeenka xafiiska shaqaalaha si degdeg ah dacwad kasta oo ku saabsan kala soocid ama anshax darro jinsi oo uu lug ku leeyahy shaqaale.  Sannad dugsiyeedka 2018- 19, Isku-duwahu Cinwaanka IX waa Kenzier Kilb, maamulaha mashruuca sharciga iyo addeecidda:  Attn: Title IX Coordinator 350 Twin Dolphin Drive, Suite 109 Redwood City, CA 94065 877-806-0920 [email protected]   III. Ogeysiin Oraahda Rocketship ee kala faquuqid la’aanta iyo siyaasadda anshax darro jinsi waxaa la siin doonaa dhamaan shaqaalaha Rocketship si ku salaysan sannad walba ee bilowga sannad dusiyeed kasta. Dhamaan ogeysiisyada loo baahan yahay ee kala faquuqid la’aanta ee ku socota waalidka iyo ardayda waxaa lagu xusi doonaa kitaab gacameedka waalidka/ardayda. Dhamaan dugsiyada waxaa laga doonayaa in ay u qaybiyaan kitaab gacameed waalidka/ardayda dhamaan ardayda sannadkiiba iyo arday kasta bilowga waaqtiga ku biirista. 

III. Qarsoodi iyo Ka aarsi la’aan-  

Dacwadaha la xiriira faquuqid iyo anshax darro jinsi waxaa wax looga qaban doonaa hab qarsoodi ah si loo qadderiyo khusuusiyaadka dhinacyada oo dhan sida ugu kaamilsan ee suurta galka ah. Dedaal kasta ayaa la sameyn doonaa si loo xaddido u qaybinta macluumaadka kuwa u baahan in ay ka ogaadaan hab socodka warbixinta iyo habka baaritaanka ee Rocketship. Rocketship u ma dalqaadano ka aarsi lid ku ah qof kasta oo dacwad soo gudbiya ama ka qayb galaya habka baaritaanka dacwada. Qarsoodinimadan iyo baahida ah ka aarsi la’aan waxay u gudbayaan dhamaan dhinacyada ku lug leh.  V Habka socodka Dacwada  Dacwad aan rasmi ahayn Xal aan rasmi ahayn ee kala soocidda ardayda iyo dacwado anshax darro jinsi waa in lagu hagaajiyaa halka dugsigu dhaca. Dacwoodayaasha waxaa lagu dhiirrigelinayaa in ay ka doodaan welwelkooda ama ay si degdeg ah oo cad ugu dacwoodaan kormeerahooda tooska ah, baraha ardayda, ama maamulaha dugsiga. Dacwoodaha looga ma baahna inuu kala doodo anshax xumaha ama dhib wadaha dacwadiisa qaab kastaba ama sabab kasta ka hor inta uusan soo gudbin dacwad rasmi ah.Macluumaadka habkan si guud waa loo dhaafin karaa haddii uu dacwooduhu sheego laga dacwoode dowr leh ama ay dacwadu sheegayso fal kala soocid ballaaran ah ee dugsiga ka jirta. Xaaladahaas oo kale, dacwooduhu wuxuu bilaabi karaa dacwad rasmi ah. Dacwado Rasmi ah  Dacwado rasmi ah oo la xiriira arday kala faquuqid iyo anshax darro jinsi waxaa wax looga 

90

Page 91: Buuga Ardayga/Waalidka Tennessee - MNPS · 2020. 10. 15. · barista; w axay awood siiyaan macalimiinta, ka qeybqaadashiiyaan waalidiinta, iyo waxay dhiirigeliyaan bulshada. R ocketship

qaban doonaa sida ay qabaan siyaasadaha dacwadaha ee Rocketship.           

91