jameecatul-tabliiq: dheef iyo dhibaato · bixiyaan islamarkaana siiyaan bulshooyinka caalamka guud...
TRANSCRIPT
Faallo: Jamaacatul Tabliiq: Dheef Iyo Dhibaato
W/Q: Mufakkir Mohamed Abdirizak Said SAMIIK
Daraasad Fikri-Baarid
07th December, 2014
1
2
3
4
Marka aan ka hadlayno jamaacadda tabliiqa, waxaa xusid mudan oo inaad maanka ku hayso ay
tahay akhriste, jamaacadda waxaa lagu aas-aasey oo lagu yagleelay sida aynu u tagi doono
wadanka Hindiya; halkaas ayaa mabaadiida, manhajka iyo afkaarta ay kooxdani aaminsantahay
lagu naqshadeeyey. Waxaa hubaal ah ama inta badan dhallinyarta tabliiqa ee Soomaaliya, maba
yaqaaniin dhaqdhaqaaqan ay ka tirsanyihiin saldhiga caqiido, manhaj iyo afkaar ay ka duulaan;
aqoon aad iyo aad u sareysana uma leh.
Kutubta iyo risaalooyinka culimada tabliiqu qoraan Somaaliya masoo gaaraan, maktabadaha
buugaagta lagu iibiyo iyo kuwa la daalac-daba ka heli-meysid; natiijadu waxey noqotay in
walaalaha Soomaaliyeed ee tabliiqa taageersan, kana mid ah xarakadani, waxbadan iney ka
ogeyn, bal xattaa la dhihi karo jaahil ayey ka yihiin jamaacadan mabaadiida, usuuliyaatka,
caqaa’idka iyo falsafadda ay ku dhisantahay.
Marka aan ka hadlayno dheefta iyo dhaliilaha aan jamaacadan u tiirin doono; waxaan diiradda
iyo miisaanka aan saarayaa jamaacada tabliiqa ee macruufka ah ee Hindiya dhiddibada loogu
taagey; kutubta iyo risaalooyinka ay qoreen ayaan ictimaadi-doonaa, sidoo kale, qoraallada kale
ee maqaallada u badan ee baraha internet-ka ku qoran, ayaan sidoo kale ictimaadiyaa. Akhriste
waxaa suuragala in qoraalkan aad ku aragto anoo doodaya oo fekerkayga dhiibanaya iyo anoo
soo gudbinaya dood anigu fekerkeeda aan lahayn eegga laga tago in afkooda ku hadlayo; waxaa
sidoo kale arki kartaa anigoo naqdinaya misana daliilkeeda saaraya; iyo suuragalnimada meelo
aad moodo inaan xoogga saaray kuna dheeraaday.
Maqaalkan, xusidda tixraacyada oo kolka la qorayo siyaallo kala gedisan loo qoro, ayna ugu
muhiimsantahay in qoraalka lagu dhex xuso ama banaanka looga saaro; waxaan go’aansaday in
dhammaan maraajicda tixraacyada ee qoraalkan kusoo gudbiyo xagga dambe. Maqaalkan, mid
mudan oo faa’iido badan weeye in bulshadu akhristaan oo aan hubo macluumaaad iyo xogog
dhammeystiran oo cilmiyeysan inay ku duuganyihiin; waana mid ka dheer buun-buunin, been-
sheegid, been-abuur, koox-nacayb iyo koox jacayl; walaalka maqaalkan qoray waa mid kamida
basharka, khaladaad iyo wanaagba qoraalkani wuu yeelan karaa, eeddaas waxaa dhabarka u
ridan doona qoraaga maqaalkan; website-ka lagu faafiyey eeddaas dhaliil iyo xisaabtoona kuma
leh. Wixii dhaliil, ammaan ama talasoo-jeedin ah, waxaad iigu soo hagaajin kartaan Emailkayga:
اب رض هللا عنه قال: سمعت رسول هللا صلى هللا عن أمر المؤمنن أب حفص عمر بن الخطه وسلم قول :عل
ما لكل امرئ ما نوى، فمن كانت هجرته إلى هللا ورسوله فهج ) ات وإن ما األعمال بالن رته إن
صبها أو ا ه إلى هللا ورسوله، ومن كانت هجرته لدن نكحها فهجرته إلى ما هاجر إل ( امرأة ..رواه البخاري و مسلم ف صححهما ..
بـــــــــــــسم اهلل الرحـمــــن الــرحيــم؛ و الــحمد و الشـــكر هلل
5
Ayadoo burburkii khilaafaddii Cuthmaaniyiinta, dhibaatooyin iyo fasahaad nooc walba laga
dhaxlay, muslimiinta waxaa soo food-saarey sooyaal cusub oo u baahan aqoon, xaddaarad iyo
waayo-aragnimo. Fasaadka iyo fitnadu waxey gashay albaab walba oo ummadda diinteeda iyo
dhaqankeeda ah, jeeroo wax walba qaldameen oo la mano beddelay. Dhallinyartii muslimiinta
waxey si toosa u aqbaleen mabaadiida, afkaaraha, aydhiyoolajiyada, dhaqanka iyo qiyamka reer
galbeed. Waxey ka tageen diintoodii oo ah diimaha dunida maanta ta ugu qiimaha iyo qaayaha
mudan, sidoo kale dhaqankii ayaa gadaal laga tuuray oo laga haajirey.
“Buugga Kobocii Islaamiyiinta Soomaliya, ee uu Cabdishakuur Mire Aadam * Cobol* qoray,
cutubka IV, cinwaanka Milicsiga Islaamiyiinta Soomaaliya, qaybtiisa Jamaacatul tabliiq, wuxuu
kaga hadlay taariikhda, manhajka, afkaarta iyo caqiidada ay kooxdani aaminsantahey si guud.
Wuxuu sidoo kale kaga hadlay dheefta iyo dhaliilaha kooxdan”. Faalladani, waxey si cilmiyeysan
oo kooban diiradda u saaraysaa ka hadalka wanaaga iyo soo bandhigidda dhaliilaha loo hayo
walaalahan (Tabliiqa) iyo nasaa’ix aan u jeedinayo (Inshaa-Allaahu). jamaacatul tabliiq, waxey
kamid tahay jamaacaadka islaamiga ee maanta ka jira saaxadda dacwada Islaamiga iyo
baraaruga Islaamka, dhammaadkii qarnigii 19aad ama bilowgii qarnigii 20aad ayey kusoo biirtay
maslaxa dacwada; taariikh ahaanna ku aadan 1345dii Hijriyadda, ku beegan 1926dii Miilaadiga,
waxey labo sanno uun ka horeysey ta’siiskii jamaacatul Ikhwaanul-Muslimiin. Waxaana kooxdan
aas-aasey shiikh caan ka ahaa xilligaas dalka Hindiya guud ahaan, Kandahla gaar ahaan, Sheekh
Maxamed Ilyaas Al-kandahlawi (AUN).
Sida culimadii la xilliga ahaa cadeenayaan, wadaadkaasi (Sh. Ilyaas *AUN*) wuxuu ahaa caalim
kamida culimadii ugu waaweyneyd ee Hindiya xilligaas; aqoon durugsanna u lahaa madhabta
Xanafiga - mid kamida madaahibta afarta ee fiqhiga - waxey culimadu intaas raaciyaan inuu
xaadiri jiray xalaqaadka cilmiga ee masaajiddada. Dariiqooyinka suufiyadda ayaa wakhtigaas ku
xoog badnaa oo saamayn ku lahaa baladkaas, taasina waxey keentay in shiikhu caqiidada iyaga
ka qaato, caqiidadaasoo ah: “Maaturiidiyada iyo Ashaacirada”, illaa afar kooxood oo waaweyn
oo suufiyo ah ayaa ka jiray dalkaas oo kala ahaa: Al-jishtiyya, Al-qaadiriyya, Al-sahruuradiyyah
iyo Al-naqshabandiyyah. Waxeyna kutubta tarjamadu sheegaan in wadaadka tabliiqa aas-
aasey, dariiqada jishtiga/jishtiyya kamid ahaa; caqiidadiisuna aheyd Maaturiiddiyya.
Sh. Maxamed Ilyaas Binu Maxamed Ismaaciil Binu Xusayn Binu Muhyu-diin Binu Maxamed
Alkan-dahlawi AUN (1303H-1364H/1885M-1944M) wuxuu ku dhashay sida kutubta taariikhda
sheegaan Kandala/Kandahla; tacliintiisii ugu horeysay halkaas ayuu ku qaatey, dabadeed wuxuu
u socdaaley caasimadda “Dalhi” halkaasoo uu ka galay madrasad magaceedu ahaa “Diyuuband/
oo aheyd mid kamida madrasadaha ugu waaweyn ee qaaradda Aasiya ee lagu barto ديوبند
madhabta xanafiga. Waxaa la aas-aasey 1283 Hijiyadda, ku beegan 1867 miilaadiga. Wuxuuna
aqoonta ka qaatey culimo farabadan oo uu kamid ahaa walaalkii oo hal sanno uun ka weynaa,
magaciisuna ahaa Shiikh Maxamed (AHU).
6
Culimada kale ee uu ka qaatey cilmiga waxaa kamid ahaa: Shiikh Rashiid Axmed Al-Kankoohi/
Sh. Khaliil Axmed Al-sahaar, iyo Sh. Maxamuud Xasan. Labadaas caalim ee dambe ,الكنكوهي
waxey kamid ahaayeen culimadii ugu waaweynaa ee madarasadaas uu shiikhu kasoo aflaxey.
Waxeyna wadaadka (Sh. Ilyaas AUN) la sugay in macallimiintiisu u badnaayeen kuwo caqiidada
Maaturiiddiyada iyo Ashaacirada haysta; madhabta Xanafiyadda fiqhi ahaan u haysta; waxeyna
kaga tageen raad dheer oo illaa hadda sida qoraxda u muuqda.
Shiikh Ilyaas (AUN) wuxuu si weyn uga dhiidhiyey burburka, fitanka, fasaadka iyo inxiraafka ku
dhacay muslimiinta guud ahaan, dhallinyarada gaar ahaan. Wuxuu arkay sida xun ee ba’an ee
dhallinyaradu ay uga carareyso kheyrka (xalaqaadka cilmiga) iyo masaajidada, ayna ku yaaceyso
daawashada aflaamta, cayaaraha iyo sida fudud ee ay u qaateen dhaqammada, mabaadiida iyo
afkaaraha gaalada. Waxey taasi keentay oo soo dedejisay in uu aas-aaso koox ka shaqaysa soo
hanuuninta dadkaas lunsan ee xaaladda mugdiga, nolol xumida iyo niyad-jabka iyo rajo-la’aanta
lanool; kooxdaaso loo bixiyey eeggii dambe magaca: Tabliiq. Maadaama shaqadoodu ahayd in
ay dhallinyarta aakhiro xasuusiyaan, adduunyada qaadatayna ka furfuraan oo waano, wacdi iyo
war ay ku daldalaan, taasoo ayaga lagu tashkiilinayo laguna baraarujinayo; magacbixinta waxaa
la sheegaa (Tabliiq) inay halkaas kasoo firjeeddo.
Wadaadku wuxuu magaaladii u dhashay (Kandahla) ka bilaabey wacdi diineed xambaarsan
baraarujin, dhallinyaro badan ayaa Allaah (SWT) kusoo hadeeyay; waxey ardadiisii kula taliyeen
inuu dhaq-dhaqaan weyneysiiyo, kana dhigo koox waddamada muslimiinta ka hanaqaada.
Walow la sheego inuu shiikhu kayara caga-jiidayey fekraddaas, haddana, ugu dambeyntii wuu
aqbalay, wuxuuna kooxda (Tabliiqa) u sameeyey usuul labaatan ah, oo ka kooban shan meelood
mid kastaba afara, iyo sifaad laga rabo qofka daaciga ah oo lix ah, waxayna yihiin:
Kalimatul-Towxiid: qirista inaanu jirin Allah xaq lagu caabudo aan ka
ahayn Allaha weyn, ee unkay todobada samaawaad, dhulal iyo
makhluuqaadka kala gedisan. Nebi Maxamed (NNKH) yahey ergey iyo
nebi alle soo dirsadey oo xambaarsanaa risaalada Islaamka iyo kitaabka
faaruuq.
Oogidda salaada iyadoo khushuuc lagu lifaaqinayo.
Cilmi iyo Digri.
Karaameynta Muslimiinta.
An-niyyah/Al-Ikhlaas
Wakhti qeybin/khuruuj fii sabiili-laah.
7
Shiikhu wuxuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay faafinta dacwada islaamiga, isagoo safaro
badan ku kala bixiyey gobolo waaweyn oo ku yaal wadanka, iyo dalal badan oo qaaradda Aasiya
u badan; wuxuuna geeriyooday 1364tii hijriyada, ku began 1933 Miilaadiga (Allaah SWT ha u
naxariisto). Markii ugu horeysay oo kooxo tabliiqa ay ka baxaan dalka Hindiya tagaana dalal kale
waxey aheyd qiyaastii 1313 Hijriyada, ku beegan 1882 Miilaadiga.
Waxaa lasoo naqliyaa safaro kala duwan oo ay galeen dhallinyaro kooxdan ku abtirsata in ay la
kulmeen oo lagu qaabilay maraakisyo aqoonta diimaha iyo dhaqamada aadanaha lagu gorfeeyo
oo lagu baadho. Maadaamay dhallinyartu sidan sahay aqooneed oo mug iyo miid leh, inbadan
oo soo laabatay, waxey noqdeen kuwo gaaloobay, faasiqoobay iyo mooryaan dib ugu laabtay
shaqooyinkoodii hore ee laga soo tashkiiliyey. Taas, dhabarjab iyo niyadjab ayey ku noqotay oo
inbadan ay aad u saameesay, hoggaankii xarakada.
Tijaabadaas kadib, hogaanku wuxuu qaatay amar ah, in la joojiyo safarada dacwadda ee lagu
aadayo dhulalka gaalada; keliya in lagu ekaado waddamada muslimiinta ee ay muslimiinta uun
ku noolyihin. Waxaa laga cabsi qabey in sidii jameecooyinkii hore ee baxay ee dalal kala duwan
safaro dacwadeed ugu tagey sida, kuwo reer galbeed, bariga Aasiya iyo magaaladaTalaabiib oo
kale iney kuwani (Kuwa Cusub) iyaguna gaaloobaan, ama faasiqoobaan oo diinta si aayara uga
baxaan. Go’aankaasi wuxuu noqday mid waagaas la mahadiyey, yacni lasoo dhaweeyay.
Iskusoo gunaanadoo, 50-kii sanno ee nolosha muslimiinta ugu dambeysay, tabliiqu waxey
noqdeen jamaacadda ugu dhex-galka fiican ama saameynta badan dhammaan qaybaha iyo
muuqaallada kala duwan ee nolosha umamka muslimiiinta. Waxaa lagu yaqaanaa inay leeyihiin
awoodda dhex-galka bulshada, iyo sida loogu milmo qaybaha bulshada oo dhan sida: culimo,
waxgarad, aqoonyahanno, dhallinyaro, haween iyo ragba.
Taariikhyahannada maanta jooga waxey isku raacsanyihiin, jamaacadda tabliiqu inay tahay ta
ugu atbaacada/taageerayaasha badan marka loo eego ama la bar-bar dhigo jamaacaadka kale
ee saaxadda ka howlgala. Waxey sidoo kale hoosta ka xariiqeen, “30 sanno oo dambe haddii ay
sii jiraan, dacwadana sii wadaan, xaqiiqatan inay noqon doonaan jamaacadda bilaa shakki ugu
taageerada badan”.
Diinta islaamka, qaybta xukunka ashqaasta iyo kooxaha, marka qof ama jamaaco la xukumayo,
laguma xukumo wanaaga iyo acmaasha wanaagsan ee ay sameeyaan; laakiin waxaa lagu
xukumaa manhajka, afkaaraha iyo caqiidada ay aaminsanyihiin, iyo qoraallada ay qoraan
culimadooda caamiliinta ah. Qaacidaas fiqiga ah inagoo ka duuleyna, dad badan ayaa aaminsan
in tabliiqu yihiin kooxda ugu badan ee soo hanuunisa dadka ugu badan; laguna yaqaano acmaal
wanaagsan, markaa waxey ku doodaan: “waa xaqdaro in jamaacadda la dhaliilo ama bidco iyo
shirki lagu sifeeyo. Sidaasna lagu xukumo”.
8
Waxaan leeyahay: Waa run in walaaluhu acmaal wanaagsan leeyihiin, laakiin dhaqankii selefka
iyo manhajkii saxaabada (RDC) marka laga duulayo, marka qaacidadaas fiqhiga laga duulayo,
laguma xukumo jamaaco iyo afraadba dhaqanka iyo acmaasha wanaagsan ee ay qabtaan, ee
walaale waxaa lagu xukumaa manhajka, caqiidada iyo fekradaha ay aaminsanyihiin. Muhiimadu
waxay tahay, magacyadu xaqiiqada ma beddalaaan. Haddii magacaagu yahay magac wacan
ama aad samayso xarako magaceedu tahay aayad qur’aana, laakiin, acmaasha la qabanayo ay
tahay mid kharriban; magacu marnaba kaa difaaci maayo inaad kharriban tahay.
Firqooyinkii soo marey diinteena, oo ay ugu horreeyaan Khawaarij, Shiico, Muctazilo, Qadariyo,
Jahmiyyo, Murji’o iyo Suufiyiinta dhammaantood wanaag iyo khaladaad way leeyihiin; kawaran
haddii aan dhahno wanaagooda aan xukunno, xumaantoodana aan ka dheeraano?. Waxaan
leeyahay: Waxey sitoosa uga soo horjeeddaa caqiidada firqada “Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca ee
Mas’aa’’ilka Al-asmaa Wal-axkaam”, wixii faah-faahinna ugu laabo kutubta caqiidada iyo firaqa
ka faallooda.
Waxaad maqashaa waxbadan iyadoo la leeyahey dawaa’ifta shiicadu waa gaalo, ama culimo
badan oo selefkii kamida ay gaaleysiiyaan iyagoo aan kala qaadin caalim iyo caammiba; wax
badan baad aragtaa iyadoo Maaturiiddiya iyo Ashaaciro lagu xukumo firqooyinka leexday ee
baadilka ku sugan, su’aashu waxey tahay wanaag ma leh miyaa dhammaan kooxahan??? Haa
wanaag way leeyihin, laakiin, xukumku wuxuu ku dhacayaa maxaad aaminsantahey?
Gaalladu, waxbadan baan aragnaa iyagoo muslimiinta caawinaya, siyaasad ahaan, dhaqaalle
ahaan iyo mujtamac ahaanba, hay’ado samafal ayey leeyihiin, mucaawanooyin ayay maanta
bixiyaan islamarkaana siiyaan bulshooyinka caalamka guud ahaan, muslimiinta gaar ahaan,
akhriste kawaran haddii aan dhahno gaaladu waa niman fiican, oo dadka ayay caawiyaan oo u
samafalaan??? kawaran hadaan gaalada ku xukumno acmaasha wanaagsan ee ay sameynayaan
walow dano gaar-ahaaneed ay ka leeyihiin? Waxaan leeyahay: Xukumku wuxuu ku dhacayaa
caqiidada iyo waxa ruuxu ama jamaacadu ictiqaadsanyihiin; Jamaaco marka la qiimeynayo ama
la xukumayo, waxaa diiradda la saaraa maxaa manhaj u ah??? Yaase cullimo iyo hogaan u ah???
Waayo, afraada waxaa lagayaabaa in nooc walba laga helo; laakiin, manhajka ay ku socoto iyo
cidda culimada u ah baa la qiimeeyaa.
Markaan ka nimaano wanaaga tabliiqa iyo acmaashooda qiimaha badan, maxey aaminsanyihiin
walaaluhu oo manhaj, caqiido iyo aydhiyoolajiyad u ah??? Waa maxay falsafadda ay dadka ugu
baaqaan si taageerayaal ay u helaan??? Ma is weydiisay horta walaal su’aalahan??? Dulucda
faalladani, waa inaan dulmar ku sameeyo wanaaga iyo dhaliilaha loo hayo kooxdan, iyo talooyin
(nasaa’ix) inaan u soo jeediyo; naqdigayga iyo radigaygu inta badan waxaan kaga kaaftoomayaa
in walaalku ugu laabto kitaabada laga qoray ee lagu radiyey guud ahaan, kitaabka (“Al-qowlul
Baliiq fit-Taxdiiri min Jamaacatit-Tabliiq” ee uu qoray Alcallaamah Sheekh Xamuud binu-
Cabdillaahi Binu-Xamuud At-tuweejari”) gaar ahaan.
9
Wanaaga ay leeyihiin walaaluhu waxaa kamida, Allaah SWT wuxuu qaluubtooda, niyadooda iyo
dadaalkooda kusoo hanuuniyey kumannaan dhallinyaro muslimiin ah; kuwaasoo nolosha gebi-
ahaamba ka dhacay, kuna sugnaa xaallado ay geeridu uugu iman lahayd loonna cabsi qabay;
waxey si fudud uga dhex-siibeen xaalladii nolol-xumidda, rajo la’aanta, murugada iyo silica ay la
noolaayeen; waxeyna u xawileen Allah SWT iyo inay bahda muslimiinta kusoo laabtaan, salaada
tukadaan, digriga iyo khushuucda badiyaan; waa arrin wanaag iyo farxad mudan oo ay tahay in
lagu taageero laguna hambalyeeyo jamaacatul-tabliiq. Maashaa-Allaah.
Sidoo kale, wanaagooda waxaa kamida inay leeyihin sifaad wanaagsan oo ay naadir tahay cidda
yeelan kartaba; waxaa kamida sifada dulqaadka, oo aad moodo dhammaantood inay kawada
simanyihiin; waxeyna kamid tahay sifooyinka Eebe (SWT) la weydiisto uuna jecelyahey ruuxa
leh; waxaa kaloo kamida sifada tawaaduca (isdul-dhiga), oo ay wallaahi iyaduna yartahay cidda
maanta laga helo tilmaantaas, axaadiith badan ayaa labadaas sifo ku yimid, oo Suubanaheenu
(NNKH) kula dardaarmayo muslimiinta inay yeeshaan, Alle (SWT) weydiistaan, wuxuuna noo
cadeeyay inay kamid tahay sifooyinka lagu yaqaano adoomada wanaagsan, rabbina jecelyahey.
Waxey la yimaadaan acmaal wanaagsan oo salaad, sadaqo, digri iyo wanaaag farid iskugu jira;
waxey safaro ugu socdaalaan tuulooyinka iyo degmooyinka ay dacwadu ku yartahay, lagana heli
karo ruux Soomaaliyeed ama muslimiinta kamida oo kelmada towxiidka mooyaanee, diintu wali
soo gaarinba. Wanaagooda waxaa kamida, sida fudud ee ay markiiba qaybaha bulshada u dhex-
galaan, u ta’thiiriyaan, quluubtoodana aakhiro u xasuusiyaan, “badanaa mid naar gali-lahaa oo
Allaah (SWT) daraadood kaga badbaadiyey caradiisa iyo cadaabkiisa”.
Burburkii Soomaaliya (1991- ), dhaq-dhaqaaqyada islaamiga ah ee Soomaaliya kajira, waxey ku
milmeen qabyaaladdii anaanniyadda wadatay ee dadka iyo dalka burburisay. Sida xaqiiqadu
tahay, jamaacadda keliya ee ka badbaaday burburkii iyo fashilkii siyaasadeed ee jamaacaadka
kale ku yimid waa “jamaacada tabliiqa”, xarakaadka kale sida: Al-ittixaad Al-Islaami, Al-Islaax
iyo xarakaadkii kaleba waxey dhex-dabaaleen qabyaalladii dalka ka hanaqaadey, ee waxkasta
qiimo dhac iyo quursi ku keentay.
Saxwada islaamiga, jamaacadda keliya ee ku fiican sida nafta loo tarbiyeeyo (Tazkiyeeyo) oo loo
jeclaysiiyo aakhiro, adduun jacaylkana laga saaro waa kooxda tabliiqa. Majirto jamaacad kale,
oo xoog saarta tarbiyeynta nafta/nufuusta, in lagu tarbiyeeyo in adduun jacaylka iyo geeri
nacaybka laga suuliyo; in badan oo taageerayaashooda eeggaad wajiyadooda daawato waxaad
ka fahmaysaa salaad badnidooda, calaamada sujuudda iyo nuurka ka bidhaamaya owgeed.
10
Wanaagooda lama soo koobi karo, laakiin intaasi dulmar guud ayey inoo ahayd. Waxaynu u
gudbeynaa qaybta labaad ee dulucda faalladeena, oo ah maxey walaaluhu ku khaldameen? Sida
aan soo sheegnay, hoggaamiyaha aas-aasey dhaq-dhaqaaqan wuxuu caqiiido ahaan haystay
caqiidooyinka Ashaacirada iyo Maaturiiddiyadda guud ahaan, Maaturiiddiyadda gaar ahaan,
dalabatul-cilmiga ama ardayda cilmiga sharciga barataa markiiba si fudud way fahmi karaan
wayna garan karaan, khaladaadka waaweyn ee labadaas madhabood ceegaaga.
Waxaynu si yar oo kooban u leenahay, kutubta caqiidooyinka marka aan cuskano, labadan
madhabood waxey kamid yihin kuwa inxiraafey ee caqiidada Ahlu-Sunna Wal-jamaaca sitoosa
uuga horyimid; waxey aaminsanyihiin khuraafaad, bidco iyo afkaaro sitoosa uga hor-imanaaya
nusuus cadcad oo shareecadda kamida. Anigoo aan rabin inaan ku dheeraado, tusaale ahaan
waxey aaminsanyihiin qur’aanku inuu makhluuq yahay, Ahlu-Sunnuhu waxey aaminsanyihiin in
qur’aanku kalaamkii Alle SWT yahay, kalaamkuna sifo sifooyinkiisa kamida yahay, islamarkaana
xaq maaha in la dhaho sifooyinka Eebe (SWT) waa makhluuq.
Tusaalaha labaad, waxey shaki geliyaan towxiidka Al-asmaa Wal-sifaat, sifooyinka Allaah (SWT)
ayey kala qaybiyaan una kala qaybiyaan illaa habab kala duwan; waxey hoosta ka xarriiqaan
sifooyinka Allaah (SWT) inay kamid yihiin kuwo caqligu aqbali karo iyo kuwo aannu aqbali Karin;
waxey dhahaan Allaah gacmo maleh, mar dambana waxey dhaheen gacmihiisu way qalloocaan;
walaal waadna ogtahay in Allaah (SWT) qur’aankiisa kariimka ah ku dhex-sheegay inuu gacmo
leeyahay, siduu doonana wax u bixiyo: ( بل داه مبسوطتان كف نفق مل شاء ). Ahlu-Sunnuhu waxey si
cad u sheegaan oo aaminsanyihiin in Allaah (SWT) sifaadkiisa aan shaki, tashbiih iyo ta’wiilba la
gelin-karin, sida ay yihiinna loo aqbalo/qaato. Haddii sifooyinka qaar ee bani-aadamku leeyahey
iyo kuwo Eebe (SWT) ay isku magac noqdaan, waxey leeyihiiin: Waxaanu leenahay magac ahaan
ayey iskaga mid yihiin ee macno ahaan iskaga mid maaha.
Tusaale fudud, basharku wax buu arkaa, Allaah (SWT) isaguna waxbuu arkaa; aragtida Allaah
(SWT) lama mid aha aragtida bashariyadda, waxeyna daliishadaan aayadda qur’aanka ee ah:
( ء كمثله لس مع وهو ش البصر الس ) “Allaah (SWT) shey lamida ma jiiro, waa ka wax maqla,
arkana”. Sidoo kale basharku waxbuu maqlaa Allaahna (SWT) waxbuu maqlaa sow maahan???
waxaanu leenahey: Maqalka Rabbigeen waa ka duwan-yahey maqalkeena, cilmigiisa cilmigeena
waa ka duwanyahey, aragtidiisa aragtideena way ka duwantahey, gacantiisu gacanteena way ka
duwantahay. Taasi waa caqiidada runta ah ee Ahlu-Sunnah Wal-jamaaca, towxiidka Al-asmaa
Wal-sifaat.
11
Tusaale saddexaad, “wuxuu nebigeenu (NNKH) xadiith sugan noogu sheegay, in habeenka
qaybtiisa dambe uu Allaah (SWT) samaa-ud-dunyaa u soo dego islamarkaana dhaho, yaa wax I
weydiisanaya oo aan siiyaa?? Yaa dambi dhaaf dalbaya oo aan u dambi dhaafaa?? iyo keebaa I
baryaya oo aan ka aqbalaa??”. Aayado farabadan oo qur’aanka ku sugan iyo axaadiith badan oo
kani kamid yahay, culimada fiqhigu waxey kala baxaan istinbaadooyin iyo fiqhiyaat. Waxaana
kamida, in Allaah (SWT) ku suganyahay toddobada Samaawaad korkooda, si kale, carshiga
samaawaadka korkiisa; waxaa kaloo xadiithkaa ku cad Allaah SWT inuu dhaq-dhaqaaq sameeyo,
maadaama xadiithku cadeynayo oo sugayo inuu Allaah (SWT) kor kasoo degayo, samaa-ud-
dunyaana imaanayo.
Waxey suufiyiintu aaminsayihiin in Allaah (SWT) meel walba joogo, kor iyo hoos, waqooyi iyo
koonfur, bari iyo galbeed, bad iyo berriba. Waxey aaminsanyihiin caqiido ah”in Allaah (SWT) iyo
makhluuqaadkiisu isgaleen oo ay isku milmeen; waana caqiido baadila oo gaalnimo ah.
Waxaanu leennahay: Allaah (SWT) meel walba waa joogaa, laakiin cilmigisa ayuu ku joogaa.
Allaah (SWT) wuu na maqlaa oo cilmigiisa ayuu nagu maqlaa; wuu na arkaa oo cimigiisa ayuu
nagu arkaa. Akhriste, kuwani waxey kamid yihiin caqiidooyinka baadilka ah ee Ashaaciradu iyo
Maaturiidiyadu aaminsanyihiin, kuwo ka daran kuwan ayey aaminsanyihiin, faalladeyduna
maaha inaan dhammaan ka hadlo oo naqdiyo, waxaad ugu laaban kartaan kutubta caqiidada
iyo firaqa ka faallooda.
Mar hadey Tabliiqu labadaas madhabood caqiido ahaan u ictiqaadsanyihiin, macnaheedu waa
inay aaminsanyihiin baadilka, bidcada iyo khuraafaadka ku dhexjira madaahibtaas aan soo
xusnay; tani waa mid kamida dhaliilaha ugu waaweyn ee lagu haysto jamaacatul tabliiq. Sida
aynu wada ognahey, afar madhabood ayaa jira, oo xoogga saara ka hadalka iyo naqshadeynta
masaa’ilka cilmiga fiqhiga, waxeyna kala yihiin: Shaaficiyadda, Xanaabiladda, Maalikiyadda iyo
Xanafiyadda.
Waxaad ogsoonaataa akhriste, muslimiintu waxey leeyihin hal diin, masaadirteedu ay tahay:
kitaabka, sunnada iyo ijmaaca culimada. Hal dariiq oo ah dariiqii suubanaheena (NNKH),
saxaabbada iyo taabicinta. Hal madhab oo ah tii rasuulka (NNKH). Afartan madhabood waxey
furfuraan oo dadka fahamsiiyaan oo ka dhaadhiciyaan halkaas madhab ee aynu leennahay oo
ah tii suubanaheena (NNKH); waxaad kaloo ogaataa inuu Shaafici Shaaficiyya ahayn, Maaliki
Maalikiyya ahayn, Abuu-Xaniifah Xanafiyya ahayn, Axmed Binu Xambal Xambaliyya ahayn;
waxaa dhammaan afartan madhabood faafiyey ardeydoodii; iyagu meynan faafin. Waxaad
kaloo ogaataa, mid kasta oo afartan kamida Iijaabiyaat iyo Salbiyaaat (Sax iyo Khaladaad) ayey
leedahay. Kitaabka, sunnada iyo ijmaaca ayaa ah kuwa keliya ee aan khaldamin.
12
Waxey afarta caalimba isku raaceen, hadii qawlkooda iyo naska (Aayadda iyo Xadiithka) is
khilaafaan, in naska la qaato oo qawlkooda la tuuro. Waxaana hadalkaa aad ugu cel-celin jiray
Sh. Maxamed Idriis (shaafici AUN). Waxey sidoo kale dhihi jireen, hadii xadiithku saxeex noqdo
waa madhabkayga, sida Shaafici (AUN) uu yidhi. Waxaan halkaa ka fahmaynaa in kitaabka iyo
Sunnadu tahay ta keliya ee loo tacasubayo; madaahibta taqliidkooda iyo tacasubkoodu waa
baadil iyo xaaraam.
Jamaacatul Tabliiq, madhabkooda fiqhiga waa Xanafi, inkastoo ay qarsadaan, waxeynu lawada
soconaa inay jiraan masaa’il aan lasoo koobi Karin oo aad iyo aad u badan oo Abuu-Xaniifa iyo
ardadiisii ku khaldameen; wuxuuna sharcigu yahay In barii laga noqdo, kitaabka iyo sunnadana
la qabsado oo la ictimaado. Hadey madhabtooda fiqhiga Xanafi tahay, macnuhu waa in Mas’aail
badan oo asaleynka kasoo horjeeda ku dhaqmaan, sida uu taqriiriyo mid kamida culimadooda
ugu waaweyn (Sh-Khaliil) oo sunanka Abii-Daa’uud sharrax ku leh. Tani waxey kamid tahay
khaladaadka ay ku dhaceen walaaluhu, iyagoo aad iyo aad ugu tacasuba madhab kamida afarta
madaahibood; iyadoo taqliidku iyo tacasubku aynu soo sheegnay iney baadil iyo xaaraam tahay.
Dhaqanka 40kii sanno ee u dambeeyay walaalaha lagu bartay waxaa kamida, si ay jamaacadu u
hesho taageerayaal badan in hadba meesha ay joogaan madhabta lagaga dhaqmo ictimaadaan,
waxey qadiyadani ka tarjumeysaa aragti yarida iyo manhaj xumidda jamaacada haysata, illaa iyo
1345 hijriyadda. Waxey intabadan iyagu xooga saaraan sidii ay taageerayaal cabsan fekerkooda
iyo aydhiyoolajiyadooda u heli lahaayeen; laakiin ma eegaan inay noqdaan jamaaco ku dhisan
afkaaro cayiman, manhaj qeexan iyo usuuliyaad la wada fahmi karo. Tanina waa mid kamida
gefefka waaweyn ee ay sameeyeen; in la radiyana u baahan.
Khaladka saddexaad, jamaacooyinka kale waxey leeyihiin manhaj dhammeystiran oo loogu soo
hagaagi-karo marwalba sida: Jamaacada Ikhwaanul-Muslimiin; Jamaaca Islaamiyya (Abuu-
Aclaa Al-Mowduudi); jamaacada Taxriir; jamaacada At-takfiir Wal-hijrah; iyo jamaacooyinka
Selefiyiintaba. Tabliqu iyagu manhaj cilmiyeysan oo si guud iyo si kooban uga hadla mabaadida
iyo usuusha xarakadu ku dhisantahay majiro, waxeyna culimadu sheegaan: “waxaa manhaj u ah
meesha ay joogaan manhajka lagaga dhaqmo” taasina, hubaashii, waxey si cad u muujineysaa
in jamaacadu ay khaladaadka inta badan ay galeyso ay ugu wacantahay iyadoo bilaa manhaj ah,
bey’aduna ay saameynayso.
Waxeynu kor kusoo sheegnay in Sh. Ilyaas (AUN ka tirsanaa suufiyiinta, afartoodii dariiq mid
kamida oo magaceedu tahay Jishtiyya, waxaa culimada diintu isku raaceen/raacsanyihiin in
dariiqadaas ay kamid tahay kuwa ugu lunsan, ugu baadiyeysan, uguna inxiraafka badan marka
xittaa loo fiiriyo dariiqooyinka kale ee ay kuwada jiraan bahweynta suufiyiinta/suufiyada.
Dariiqadaas ayaa hoggaamiyihii dhiddibada u aas-aasey jamaacaddan ka tirsanaa; waxeyna
jamaacadu si cad oo aan mugdi iyo shubho ku jirin u aaminsanyihiin, waxey rumeysan yihiin
kooxdaas aynu xusnay.
13
Sh. Albaani *AUN*, muxadithkii reer Shaam iyo caalamka islaamkaba, isagu wuxuu jamaacadan
ku tilmaamay inay yihiin (Suufiyya casriyyah), wuxuuuna u cuskaday, mabaadida iyo usuusha ay
suufiyaddu aaminsantahay guud ahaan, jishtiyya gaar ahaan aaminsantahay ayey iyaguna ku
qanacsanyihiin oo ictiqaadsanyihiin si dhaba. Jamaacada waxaa siweyn uga muuqda midabada
suufiyiinta marka la joogo jaanibka cibaadada (Zuhdiga) iyo mucaamalaadka. Tasawufka ayaa
sidoo kale si muuqata u hirgaliyaan. Taasina waa mid kamida waxyaalaha sababay in jamaacadu
ay masaa’il badan oo caqiido ah ku khaldamaan; bidco farabadan la yimaadaan; shirkiyaad iyo
khuraafaad lagu dhex arko cibaadadooda iyo camalkooda.
Kelmada towxiidka ee ah (ال إله إال هللا) marka ay fasirayaan, waxey u qeexaan labo macno oo
kala ah: Macno iyo Ujeeddo (qasdi). Waxey dhahaan macnaha kelmadda towxiidku waxa weeye
(majiro Allaah xaq lagu caabudo aan ka ahayn Allaha weyn ee keliga ah), ujeeddaduna waxa
weeye (in qofku qalbigiisa yaqiinta xun ee ashyaada ka saaro, geliyana yaqiinta wanaagsan ee
Allaah (SWT)/ القلب على األشاء وإدخال القن على هللاإخراج القن الفاسد من ) Tafsiirkaas
dambe hadii la qabto, waxa weeye: (in ruuxu yaqiinsado jiritaanka Allaah (SWT) keliya, ee
uusan yaqiisan wax kaleba). Waxaanu leenahay; oo lama yaqiinsanayo jiritaanka malaa’igta
miyaa? Jiritaanka basharka iyo jinka miyaa? Jiritaanka ambiyadii iyo rusushii guud ahaan, nebi
Maxamed (NNKH) gaar ahaan miyaa? jiritaanka kutubtii iyo suxufiyadii guud ahaan, kitaabka
faaruuq gaar ahaan miyaa? Jiritaanka maalinta aakhiro miyaa? Jiritaanka qadarka, kheyrkiisa iyo
sharkiisa miyaa? Jiritaanka jannada iyo naarta miyaa? Jiritaanka geerida miyaaa? Jiritaanka
makhluuqaadka kale miyaa? Lixdii arkaan ee Iimaanka, mid keliya ayaa laqirayaa oo la yaqiin-
sanayaa miyaa? Oo shanti kale waa laga tagayaa miyaa?
Waxey walaaluhu ku andacoodaan (doodda tabliiqa): “sidaad ogtihiin waxkasta oo koonkan
dulsaaran waxey leeyihiin ujeedo loo abuuray oo ka dambeysa, hadii aynu garano ama jaahil ka
ahaano, Allaah SWT shey ma abuurin ciyaar-ciyaar iyo dheel-dheel. Anagu marka aan sharxayno
kelmada towxiidka, dadka qaar waxey na dhahaan waxaad dhahdaan macnaha ayaa ah: {in
qalbiga yaqiinta xun ee ashyaada lagasaaro, oo lageliyo yaqiiinta saxda ee rumeynta Allaah
(SW)} ee waxaanu leenahay: anagu waan kala qaadney, oo waxaanu nidhi, macne iyo qasdi
ayaa kalmada kujira, macnahu waa {ال معبود بحق إال هللا} qasdiguna waa: (القن الفاسد إخراج
(.هللامن القلب على األشاء وإدخال القن على
14
Doodda Ahlu-sunna Wal-jamaaca: Waxey ku doodaan kelmada towxiidka maqsadkeedu waa
macnaheeda, ama maqsadka iyo macnuhu marka si qotodheer kelmada loo eego waa isku mid:
(Maqsadkeedu: Waa in la nafyo/inkiro dhammaan cibaadoooyinka kale ee aan ka ahayn ta
cibaadada Alle; cibaado walba oo loo tiiriyo cid aan Alle (SWT) ahayn waa cibaado-daaquutiyya,
iyo in la sugo Allaah kelinnimaddiisa (SWT), taas ayaa ah maqsadka kelmadan, ee maaha in Alle
(SWT) keliya la yaqiinsado. Waxaadna moodaaa in Tabliiqu weedhaas aysan ka fiirsan; Si fiicana
aysan u dhuuxin fasiraadda iyo sharraxaadda culimadii selefka ee maaddada Towxiidka.
Kelmada towxiidka, waxey ka koobantahay labo qaybood: nafyi iyo ithbaat. Taasoo ah, in la
inkiro dhammaan cibaadooyinka kale ee aan Alle SWT loo tiirin ee daaquutiga ah; islamarkaana
la qiro inaanu jirin Alle xaq lagu caabudo oo aan ahayn Allaha toddobada samaawaad, dhulal iyo
makhluuqaadka unkay. Maqsadka kelmada sida culimadu sheegeen waa macnaheeda, mana
jiro farqi u dhaxeeya maqsadka iyo macnaha kelmadan; ciddii sidaas tiraahda daliil, burhaan iyo
xujjo adag ayaa laga rabaa/doonayaa. Dacwadii ambiyada markay ummadihii loo diray ay u
qeexayeen kelmadan maqsadkeeda, waxey ugu qeexeen macnaheeda; xaqiiqadu walaalayaal
taas weeeye, ee maaha qaabka khaldan ee jaahilnimada ay tabliiqu ku sharxeen.
( هو الباطل وأن ما دعون من دونه)ذلك بأن هللا هو الحق .
وحددوا هللا واجتنبدوا الطدا وت ، أي : / } ولقد بعثنا ف كل أمة رسوال أن اعبددوا هللا واجتنبدوا الطدا وت(اتركددددددددددددددددددوا عبددددددددددددددددددادة الطددددددددددددددددددا وت ، وابتعدددددددددددددددددددوا عنهددددددددددددددددددا " .
Waxaad moodaa in jamaacaddu aysan aqoon durugsanba u lahayn caqiidada islaamka iyo
towxiidkaba, aysan akhrisan kutubta caqiidada iyo towxiidka. Fekradan waa fekrad shaydaan,
waana fekrad suufiyo. Waana mid kamida nawaaqidda diinta looga baxo ( ناقض من نواقض
waana kelmad gaalnimo ah, laakiin annagu ma gaaleysiinayno jamaacadda, laakiin waan (اإلسالم
uga digeynaa khatartan iyo jariimadan weyn, ay maalin walba taageerayaashooda ku shubaan
.(سبحان أهلل)
Tabliiqu, iyadoo aynnu u tageynu masaa’isha lagu heysto iney kamid yihiin aqoonyarida, iyo
diidmada ay diidaan/inkiraan towxiidka in saddex loo qaybiyo ama ku dhegsanaanta towxiidka
rubuubiyadda keliya; ayaad moodaa in tafsiirkaas uu malaha waafaqayo towxiidka iyagu ay had
iyo jeer ka hadlaan oo ay aad iyo aad u aaminsanyihiin (Towxiidul-Rubuubiyya). Waxey halkaa
ka dhalaaliyeen, ruuxa/qofku waa inuu yaqiinsado keliya In Allaah (SWT) yahay ka wax bixiya
(arzaaqa), wax dila, wax nooleeya, wax ilaaliya ama wax maqla. Haa, intaasba wuu yahay oo cid
diidan oo islaam sheegata majirto; laakiin, kaasi maahan ka ruuxa ka dhigaya mu’min dhaba.
15
Culimada casrigan oo ay ugu horreeyaan: Sh/Mufti Albaani (AUN), Sh/Mufti Cutheymin (AUN),
Sh/Mufti Fowzaan (AUN), Sh/Mufti Maxamed Ibraahim Aala-shiikh (AUN), Sh/Mufti Tuweyjin
(AUN), iyo caalimka umadda ee casrigan Sh/Mufti Cabdicasiis Binu-Baaz (AUN), dhammaantood
way radiyeen wayna naqdiyeen acmaasha iyo afkaarta qaldan, iyo tafaasiirta iyo sharraxaada
baadilka ah, ee tabliiqu nusuusta ku macneeyaan. Dalabatul-cilmiga waxaan u sheegayaa inay
duruusta culimadaas iyo fataawidooda ku aadan jamaacada, dib u mulaaxadeeyaan. Waxaana
leenahay, jamaacadu way ku khaldantahay tafsiirkaas, waxeyna cadeysay halka aqoontoodu
gaarsiisan tahey si guud, caqiidada iyo towxiidka si gaar ahaaneed.
Hadaan intaas kaga baxo tafsiirka kelmada towxiidka, waxaan dhallinyarada ugu baaqayaa inay
akhristaan kutubta caqiidada guud ahaan, kutubta lagu radiyey jamaacadan gaar ahaan. Intaas
dabadeed, masaa’isha kale ee walaalaha lagu haysto waxaa kamida, in saddexdii qaybood ee
towxiidka ay mid keliya qaateen oo dabaqeen; labadii kalena ka tageen. Muxaadaraadkooda,
marka wadaad tabliiq ah bulshada wacdinayo, wuxuu kala hadlaa inuu xasuusiyo Allaah (SWT)
jiritaankiisa, dabadeed wuxuu xoogga saaraa inuu ku dul akhriyo towxiidul-rubuubiya, oo ah: (In
Allaah (SWT) loo sugo afcaashiisa sida: Abuurka, waynidiisa, arsaaqda, nolosha, geerida, iyo
wixii la halmaala/ (توحيد الربوبية: هو توحيد اهلل بأفعاله من الخلق والرزق واإلحياء واإلماتة ونحو ذلك، waligaa ma
maqleysid, wadaad iyaga ah oo bulshada ku baraarujinaya inay afcaashooda ilaahay (SWT) u
sugaan/ :هو إفراد اهلل بالعبادة من صالة وصوم وحج وزكاة ونذر وذبح ونحو ذلكوتوحيد األلوهية .
Sidaynu ognahay dacwadii ambiyada, ummadda waxey kala hadli jireen in Allaah (SWT) keliya
caabudaan, oo ay ka haajiraan oo ka tagaan ilaahyadan kale ee ay sokadii baadilka ku
caabudayaan (Shirkiga iyo noocyadiisa/midabadiisa), waa taas walaal macnaha iyo maqsadka
kelmada towxiidka loola jeedo. Bal diinta halaga soo helo nebi ama rasuul, umadiisa towxiidul-
rubuubiya ugu yeedhay, waligaa ma soo helaysid ( ىأتحد ), wax kale dhaafoo, Allaah (SWT) ayaa
qur’aankiisa ku sheegay, inay gaaladu qirsanyihiin towxiidul-rubuubiyya iyo jiritaankiisa, laakiin
ay jaxdinayaan/inkirayaan aayaadkiisa iyo kutubtiisa; aakhirana cadaabka ku waarayaan.
د من رب السماوات السبع ورب العرش العظيم * سيـقولون لله قل أفال تـتـقون * قل من بي قل }{ حرون ملكوت كل شيء وهو يجير وال يجار عليه إن كنتم تـعلمون * سيـقولون لله قل فأنى تس
[68-68املؤمنون/]
16
قل لمن األرض ومن فيها إن كنتم تـعلمون * سيـقولون لله قل أفال تذكرون * قل من رب }العرش العظيم * سيـقولون لله قل أفال تـتـقون * قل من بيد ملكوت كل السماوات السبع ورب
{ شيء وهو يجير وال يجار عليه إن كنتم تـعلمون * سيـقولون لله قل فأنى تسحرون
.[68-68املؤمنون/]
{ ولئن سألتـهم من خلقهم ليـقولن الله } ، [ 87الزخرف/ ]
، [ 9الزخرف/ ] { ن خلقهن العزيز العليم ولئن سألتـهم من خلق السماوات واألرض ليـقول }
ت قل من يـرزقكم من السماء واألرض أمن يملك السمع واألبصار ومن يخرج الحي من المي } . [ 31يونس/ ] { ويخرج الميت من الحي ومن يدبـر األمر فسيـقولون الله
.[10إبراهيم/ ] { قالت رسلهم أفي الله شك فاطر السماوات واألرض }
[ 14النمل/] ها أنفسهم ظلما وعلوا } قنتـ { وجحدوا بها واستـيـ
{ علمت ما أنزل هـؤالء إال رب السماوات واألرض بصآئر قال لقد } [102اإلسراء/]
{ ل ال يوقنون أم خلقوا من غير شيء أم هم الخالقون * أم خلقوا السماوات واألرض ب } [36-35الطور/]
Sida walaalayaal aayaadkan iyo aayaad kaloo badan oo qur’aanka kujira, wuxuu Allaah SWT uga
hadlay in mushrikiintu (gaaladu) ay qirsanyihiin jiritaankiisa iyo Rabbinimadiisa; laakiin, waxey
inkirsanyihiin ilaahnimadiisa iyo in cibaadada asaga keligii loo saafi-yeelo. Gaalo meel walba oo
ay joogaan, Allaah (SWT) jiritaankiisa shaki mageliyaan; diinta kiristaanka iyo ta yuhuuddu way
qirsanyihiin, kuwa kalenna way qirsanyihiin sida rabbigeen *Tabaaraka Watacaalaa* noogu
sheegay kitaabkiisa hanuunka badan.
17
Tabliiqu, mas’aladan aad iyo aad bay ugu khaldameen, waxeyna khilaafeen hadyigii iyo sunnadii
ambiyada (SWC), manhajkii iyo dacwadii rususha, iyo madhabkii selefka. Waxeyna qaateen
madhab iyo manhaj uu Sh. Ilyaas (AUN) uu dejiyey, eegga ma Sh. Ilyaas (AUN) hadyigiisii baanu
raacnaa/tadbiiqinaa, mise hadyigii iyo dariiqii ambiyada iyo rususha (Billaahi Caleykum? Waa
su’aal u baahan inay dadku iyo walaaluhu ka jawaabaan, si cilmiyeysan oo la fahmi karana uga
jawaabaan?
Masaadirta shareecada, oo kitaabka iyo sunnadu ugu horeeyaan, markii uu Allaah (SWT) ka
hadlayey oo uu soo naqlinayey qisaskii ambiyada iyo qoomamkii loo diray dhexmaray; waxey
ambiyadu lahaayeen: (Qowmkaygiyow Allaah SWT keliya caabuda; cid aan Allaah SWT ahaynna
ha caabudina). Laguma hayo diinta, meel ay ambiyadu (SWC) ku lahaayeen: (Qowmkaygiyow
ilaahay jiritaankiisa qira, afcaashiisana u suga), bal masaadirtii way taalaaye’, ee kasoo hela
walaalayaal *Billaahi Caleykum * ( ىأتحد ).
بلكم لعلكم تـتـقون * الذي جع } ل لكم يا أيـها الناس اعبدوا ربكم الذي خلقكم والذين من قـالسماء ماء فأخرج به من الثمرات رزقا لكم فال تجعلوا لله األرض فراشا والسماء بناء وأنزل من
{ أندادا وأنتم تـعلمون
.[ 22، 21البقرة/ ]
{ رسوال أن اعبدوا الله واجتنبوا الطاغوت ولقد بـعثـنا في كل أمة }
[ 36النحل/ ]
بلك من رسول إال نوحي إليه أنه ال إله إال أنا فاعبدون } { وما أرسلنا من قـ
. [ 25األنبياء/ ]
18
{ يا قـوم اعبدوا الله ما لكم من إله }
[ 85، 73، 65، 59األعراف/ ]
راهيم إذ قال } { لقومه اعبدوا الله واتـقو وإبـ
. [ 16العنكبوت/ ]
{ قل إني أمرت أن أعبد الله مخلصا له الدين }
.[ 11الزمر/ ]
{ واعبدوا الله وال تشركوا به شيئا وبالوالدين إحسانا }
[ 36النساء/ ]
Adilooyinka qur’aanka saasey akhriste u cadeeyeen, in manhajkii iyo hadyigii ambiyadda (SWC)
uu ahaa inay dadka ugu yeeraan, “inay ka tagaan shirkiga iyo cibaadooyinka daaquutiga ah,
ilaahey keliyana ay caabudaan oo waxidaan”. Dacwaddoodu waxey ku qotontay macnaha
xaqiiqiga ah ee kelmada towxiidka, oo ah: towxiidul-cubuudiyya ama towxiidul-uluuhiyya.
Waxey rusushu kusoo celcelin jireen sida qur’aanku nooga waramay, inay Allah (SWT) keliya
caabudaan oo afcaashooda u tiiriyaan, kana dheeraadaan cibaadooyinka Alle sokadii la caabudo
ee diin kabaxa iyo shirkiga ah.
Sidii aynu soo sheegnay, macnaha iyo maqsadka kelmadaasi waa isku mid, lama kala saari karo,
ruuxii kala saaraa wuxuu ka horyimid istidlaalka Ahlu-Sunnuhu wax u daliishadaan, tabliiqu,
inbadan oo ayaga kamida fiqhul-istidlaal mayaqaaniin; markaasaad arkaysaa iyagoo aayado
boosaskoodii kasoo raray, boosas ay lahaynna dhigay, taasina waa khaladaadka lagu haysto,
ee aqoonyariddu sababtay, iyo ogaalka ay iyagu u lahayn fiqhiga nusuusta (فقه النصوص).
19
العبادةإالاهلل،والتزامذلك:معىنشهادةأنالإلوإالاهلل االعتقادواإلقرار،أنواليستحقوال منكان(فالإلو)عملبو، كائنا إثبات(إالاهلل)نفيالستحقاقمنسوىاهللللعبادة
الكلمةإمجاال للعبادة،ومعىنىذه إالاهلل:الستحقاقاهللوحده حبق (ال)وخرب.المعبودا(حبق):جيبتقديره خالف ىذا ألن مبوجود؛ تقديره اهللوالجيوز غري فاملعبودات لواقع،
موجودةبكثرة؛فيلزممنوأنعبادةىذهاألشياءعبادةهلل،وىذامنأبطلالباطلوىومذىب...وقدفسرتىذهالكلمةبتفسرياتباطلة.أىلوحدةالوجودالذينىمأكفرأىلاألرض
Fadiilatul-Shiikh Samaaxatul-Mufti Saalax Fowzaan, sidaas ayuu u tacriifiyey kelmada toxiidka,
waxaad arkaysaa qaar badan oo tabliiqa culimadooda waaweyn kamida, oo kelmadaas u
tacriifinaya sidatan: ( كل معبود بحق أو باطل هو اهللأن: / معبود إال اهلل ال } halkii ay ku qeexi lahaayeen: ) ال معبود
(بحق إال هللا taasina Sh. Fowzaan aad iyo aad ayuu uga hadlay risaaladiisa ee cinwaankeedu yahay
Dalabatul-cilmiga waxaan ka codsanayaa inay risaaladaas akhristaan, si ay u .(عقدة التوحد)
fahmaan caqiidada towxiidka waxey tahay. Aqoonyari iyo jaahilnimo wayn ayaa keenaysa in
kelmaddaas sidaas aan soo sheegnay ee mafhuumka khaldan iyo caqiidada xun ku dhisan lagu
qeexo/tafsiiro (سبحان هللا).
Iskusoo duuboo, waxaan leeyahay: jamaacadda tabliiqa baxthi iyo taxqiiq dheer uma laha
masaa’isha ama usuuliyaadka waaweyn ee diinta sida culuumta caqiidada iyo towxiidka, iyadoo
aqoontoodu saas tahay, see bay ku noqon-karaan ducaad umadda dariiqa toosan ugu yeeraya?!
Masaa’isha lagu haysto ee caqiidada ah, intan uun maaha, ee waa kuwii ugu muhiimsanaa, bal
asaa-siyaatkii iyo halbowlihii diinta ah.
Inbadan oo iyaga kamida, mayaqaaniin mafhuumka towxiidku waxa uu yahay, shuruuddiisa iyo
arkaantiisa; saddexda qaybood ee towxiidka loo qaybiyo waxey yihiin, see bay dadka towxiidka
ugu yeeri karaan haddii iyaguba towxiidka ka khaldanyahay oo in loo saxo ay tahay?! Waa su’aal
muhiima oo inay ka jawaabaan ay tahay? Ummadda halkii ay ahayd inay towxiidka Uluuhiyada
ugu yeedhaan, ayey Rubuubiyada baddelkeeda ugu baaqayaan; halkii ay ahayd in macnaha iyo
maqsadka kelmadda is waafajiyaan oo isu geeyaan ayey kala saarayaan; ma dhihi karnaa oo ma
awoodnaa billaahi calaykum kuwaasi waa ducaad, bulshada hanuunka iyo dariiqa toosan ugu
yeera??? Jawaabta akhriste adaan kuu daynayaa.
20
Mas’alada kale ee walaaluhu ku khaldameen waxaa kamida, mas’alada cilmiga, barashadiisa iyo
fadligiisa. Tabliiqa, agtooda cilmiga shardi iyo muhiimad uguma fadhiyo, aad iyo aad bayna u
dayaceen, bal way la dagaalamaan. Maadaama aynu muslimiin nahay, diinteenu maxey ka tiri
cilmiga barashadiisa iyo fadligiisaba. Jawaabta: Diinteenna aad iyo aad ayey uga hadashay bal
waa waajib inuu qofku cilmi yeesho, aayaad badan iyo axaadiith badan baa kusoo arooray
cilmiga dalabkiisa, barashadiisa iyo fadligiisaba. Cilmigu, waa jaahilnimada cagsigeeda/kasoo
horjeedkeeda.
[.9]الزمر: }قل هل يستوي الذين يـعلمون والذين ال يـعلمون إنما يـتذكر أولو األلباب{
[.11]المجادلة: أوتوا العلم درجات{ والذين }يـرفع الله الذين آمنوا منكم
مشركين{}قل هذ سبيلي أدعو إلى الله على بصيرة أنا ومن اتـبـعني وسبحان الله وما أنا من ال [.108]يوسف:
[.18]آل عمران: والمالئكة وأولو العلم قائما بالقسط{}شهد الله أنه ال إله إال هو
يقول: سمعت النبي صلى اهلل عليه وسلم يقول: "من يرد اهلل به -بحديث معاوية رضي اهلل عنه خيرا يفقهه في الدين، وإنما أنا قاسم واهلل يعطي ولن تزال هذ األمة قائمة على أمر اهلل ال يضرهم
1037 . ومسلم7312, 3116, 71متفق عليه: روا البخاري " من خالفهم حتى يأتي أمر اهلل
حديث أبي هريرة رضي اهلل عنه أن رسول اهلل صلى اهلل عليه وسلم قال: "ومن سلك طريقا يلتمس ,2646. والترمذي 2699فيه علما سهل اهلل له به طريقا: صحيح: روا مسلم
21
Diinta islaamku sidaas ayey waxkasta u bayaanisay, ayna u cadeysay. “Miyey simanyihiin qofka
nool iyo kan dhintay, ka wax maqla iyo dhagoolka, ka wax arka iyo indhoolaha, sidaas ayey
diinteenu ugu tusaalaysay farqiga wayn ee u dhaxeeya jaahilnimada iyo aqoonyahannimada
(qofka cilmiga leh iyo qofka jaahilka ah)”. Allaah (SWT) wuxuu yidhi:”Miyey siman yihiin kuwa
aqoonta leh iyo kuwa jaahiliinta ah, kuwa cilmiga iyo aragtida u saaxiibka ah ayaa garanaya
jawaabta?” cilmigu waa nuur uu qofku kaga baxo dulmiga iyo mugdiga, una baxo laydhka iyo
ileyska; ka baxo gumeysiga una baxo madaxbannaanida.
Diinteenu walaalayaal manzilo/boos wacan ayey dhigtay cilmiga, Allaah SWT iyo nebi Maxamed
(NNKH) aad iyo aad bay u ammaaneen cilmiga iyo ahlul-cilmigaba. Allaah SWT wuu ka caroodaa
addoon isaga caabudaya oo jaahilnimo ku caabudaya; ma garanaysaa akhriste farqiga caalimka
iyo caabidka/zaahidka u dhaxeeya? Jawaabta: wax kale maahee ee waa cilmiga walaale.
Shaydaanka dunida ugu weyn ee Ibliis ayaa mid kamida shaqaalihiisa weydiiyey su’aal, war Ibliis
markuu caalim dhinto aad iyo aad baad u murugootaa, marka caabid dhintana kaama qasna,
maxey xaqiiqada sababtu tahay? Ibliis oo layaabsan aragti yarida iyo aqoon yarida ka su’aasha
weydiinaya, wuxuu ugu jawaabey laba su’aalood baan kuu dhiibayaa, ee labadaas Nin (ninkaas
caalimka ah iyo ninkaas caabidka ah) u tag oo soo su’aal, haye buu yiri oo wuu dhaqaajiyey.
Caalimkii buu u yimid, wuxuu weydiiyey: Allaah ma awoodaa inuu samaawaadka iyo dhulalka
intuu isku laab-laabo inuu ukun/beed dhexdeeda geliyo? Caalimkii: “Haa, Allaah (SWT) wuu
awoodaa .. Haa Allah (SW) waa awood badane”. Su’aashii labaad buu weydiiyey: Caalim: Allaah
ma awoodaa inuu abuuro Allaah kale si uu dunida ula maammulo, oo tasarrufaadkeeda wax ku
yeesho? Caalimkii wuxu uugu jawaabey: “Maya, waa mustaxiil, waana wax aan dhici Karin”.
Caabidkii buu u yimid, wuxuu weydiiyey: Allaah ma awoodaa inuu samaawaadka iyo dhulalka
intuu isku laab-laabo inuu ukun/beed dhexdeeda geliyo? Caabidkii: “Maya, May, May Allaah
(SWT) ma awoodo”. Su’aashii labaad buu weydiiyey: Caabid: Allaah ma awoodaa inuu abuuro
Allaah kale si uu dunida ula maammulo, oo tasarrufaadkeeda wax ku yeesho? Caabidkii: “Haa,
Haa, Haa. wuu awoodaa, wuxuu daliishaday aayaadkan ( / فعال لما ردإن هللا على كل شى قدر )”.
Kii Ibliis shaqaalaha u ahaa, ee labada qofood (caalimka iyo caabidka) su’aalaha weydiinayey
jawaabtii buu qaaday oo macallinkiisii Ibliis u geeyay, Ibliis wuxuu u sharxay farqiga labadan
ruux, kadibna wuu ku qancay. Culimadu waxey dhahaan, ninkii caabidka ahaa labajeerba wuu
gaaloobay, waa marka kowaadee, Allaah (SWT) awooddiisii ayuu inkiray ama shakki galiyey,
wuxuuna ku dhacay gaalnimada nooceeda loo yaqaano (كفر الشك). Waa marka labaadee,
towxiidkii ayuu buriyey, maadaama uu aaminsanaa dunida hal ilaah bay leedahay, kaasina waa
Allaha weyn; wuxuu halkan ku taqriiriyey in dunidu Allaah kale yeelan karto. Walaale, waa kaa
farqiga u dhaxeeya Caalimka iyo Caabidka.
22
Mas’alada uu sheydaankii gartay, bay walaaluhu (tabliiqu) wallaahi garan-waayeen, markaasey
isugu baxeen jaahiliin, aan diintaba waxba ka garaneynin, aayado kooban iyo axaadiith qaliila
mooyaanee. Tabliiqu, atbaacdooda qofkii ay ku arkaan inuu risaalo akhrisanayo ama xalaqaadka
cilmiga xaadirayo, waxey u diraan khuruuj 40 casho iyo 4bilood ah, si ay uga xaasidaan inuu
Allaah (SWT), nebigiisa (NNKH), iyo diinta macrifo iyo aqoon dhab ah ugu yeesho. Wallaahi waa
xaasidnimo daahirtay iyo cadowtinimo gundheer, oo maalinta aakhiro la weydiin-doono iyaga.
Waxaan aragtidayda u maleeyay, inay ka baqayaan haddii cilmi uu yeesho inuu iyaga radiyo, oo
jamaacadooda isaga baxo, akhriste ma iila qabtaa aragtidayda?
Cilmiga sida aynu soo sheegnay waa nuur, xukumkiiisana waa waajib. Ruuxu inuu diintiisa barto
guud ahaan, inta waajibka ku ah gaar ahaan waa waajib sharciyya, oo aakhiro la weydiin doono.
Tusaale: salaadda axkaamteeda, shuruuddeeda, arkaanteeda, hay’aatkeeda, waqtiyadeeda,
dahaaradeeda, sunankeeda, keyfiyaatkeeda, waxyaallaha buriya iyo ijtihaadkeeda inuu barto
waa waajib. Culimada diinta labo ayey u kala qaadaan, qayb waajib ku ah (Sida: Weysada,
Dahaarada, Salaadda, Soonka, Caqiidada iyo towxiidka iyo IWM) waxey dhahaan waa waajib
sharciya oo laga rabo qofka muslimka ah, xatta gaalka soo islaama markuu kelmada towxiidka
ku dhawaaqo ayey ku waajibeysaa.
Qaybta labaad, waa qayb xukun ahaan fardul-kifaaya ah, laakiin qofka ay ku waajibeyso markay
dan ama baahi ka gasho. Tusaale, inaad barato axkaamta usrada/qoyska waajib kuguma aha,
laakiin markaad damacdo inaad guursato waajib bay kugu noqotay; inaad barato tarbiyada
carruurta iyo hababka kala duwan ee loo tarbiyeeyo waajib kuguma aha, laakin markaad caruur
aabo ama hooyo u noqoto, ayey kugu waajibeysaa. Qofkii isagu guud ahaan diinta barta,
maanshaa-allaah, isagu waa Nin nin katagey, waa ruux Alle (SWT) fadli badan ku leh, hadii uu ku
dhaqmo cilmigiisa oo uu tadbiiqiyo, ikhlaas iyo mutaabacana raaciyo.
Haddaba, tabliiqu cilmigaas aan soo aragney fadligiisa agtooda waxba kama aha, bal way ku
faanaan iney cilmi lahayn. Haddaadan cimi lahayn bulshada maxaad u sheegi? Haddaadan cilmi
lahayn Alle (SWT) maxaad ku caabudi, ma jaahilnimo? Haddaadan cilmi lahayn, seebaad daaci u
noqon? Waa su’aalaha walaaluhu ay illaa hadda kajawaabi kari la’yihiin, Allaah SWT cilmiga ha
jeclaysiiyo, hana soo hanuuniyo, waa walaalaheen oo aan hanuunka la jecelnahay.
23
Markaan leeyahay, jamaacada acmaasheeda khuraafaad, bidco, shirkiyaat iyo baadi badan baa
ku sugan, sow ma ogid inay u geyneyso cilmi-yaraanta iyo manhaj la’aanta, jamaacad dhan oo
dadka ku mideysan bilaa manhaj iyo aqoon yihiin, xaqiiqdii waa jamaaco mugdi iyo baadil dhex-
dabaalaneysa. Jamaacada, waxaad ku arkaysaa mid suufiya, selefiya, shiiciya, ama ikhwaaniyya,
afartaas kooxood sida xaqiiqadu tahay hal koox kuma kulmi karaan; hadey sidaas tahay, maxay
ugu kulmeen? Jawaabta= Waxey ugu kulmeen: jamaacadan ayaa ah bilaa-manhaj iyo madhab,
oo hadba meesha ay joogaan madhabta iyo manhajka lagaga dhaqmo ayey ku dhaqmaan,
laakiin, haddey manhaj mabaadi iyo usuuliyaat ku dhisan yeelan lahaayeen, waxey noqon
lahaayeen jamaacad dadkeedu koobanyahay, waana sababta maanta taageerayaashooduna usii
badanayaan, marba marka ka dambaysa.
Kadib burburkii khllaafadii Cuthmaaniyiinta, waxaa aas-aasmey dhaqdhaqaaqyo islaamiya oo
ujeeddadoodu ahayd laba hadaf: (1) in lasoo nooleeyo dhaqankii iyo diintii islaamka, korna
loo qaado barashada qaybaha kala duwan ee culuumta iyo macrifada, dibna loo soo nooleeyo
meeqaamkii iyo sumcadii waynayd ee muslimiintu waagii hore ku lahaayeen duniddan iyo
bulshooyinka ku noolba. (2) Qodobka labaad: Soo celinta khilaafadii iyo midowgii muslimiinta
oo ay reer-galbeedku iyo kuwo Carab ku abtirsadaa ay shirqooleen; labadan qodob hubaashii
waxay ahaayeen kuwo sar-sare oo culeyskooda iyo dhibaatadooda wata.
Koox walba waxbay ku ijtihaadeen, koox waxey ku ijtihaadey inay iyadu ka shaqayso fidinta
dacwada iyo tarbiyeynta bulshada; koox kalena ka qayb-galka siyaasadda iyo dooroshooyinka;
kuwo kalena jihaadka iyo la dagaallanka cadowga diinta iyo muslimiinta; kuwo kalena furida
maraakiiz cilmi oo xal loogu raadiyo mashaakilka adduunyada oo dhan ka aloosan. Haddaba,
tabliiqu, waxay iyagu ku ijtihaadeen sida la ogyahay inay dadka dacwada nabdoon gaadhsiiyaan,
kuna tarbiyeeyaan diinta iyo dhaqanka/akhlaaqda wanaagsan.
Walaaluhu mowduucaas weyn ayey qoorta ku qaateen, faniga dacwada iyo faniga daacinimada
waa labo fani oo cul-culus oo maanta lagu daraasadeeyo jaamacaadka islaamiga; kuuliyadda
Ad-dacwah Wad-daacii. Labadan fanni waxey u baahanyihiin aqoon badan iyo aragti dheer, iyo
sifaad looga baahanyahay qofka daaciga noqonaya. Haddaba, aan is weydiinee tabliiqu aqoon
baaxad weyn iyo aragti diiineedoo qotodheer ma u leeyihiin funuuntan: caqiidada, towxiidka,
masaa’ilka fiqhiga iyo funuunta kale ee diinta? Jawaabta, akhriste waa adiga, anigu ka jawaabi
maayo.
24
Kooxdani, sideynu soo sheegnay manhaj cilmiyeysan oo barnaamijkooda dacwada haga ma leh,
hadba meeshay joogaan manhajka lagaga dhaqmo ayaa iyaga manhaj u ah, mana aha koox si
toos ah oo sugan manhajka salafka ugu sugan: caqiido ahaan, fiqhi ahaan iyo istidlaal ahaanba.
Waxaana kooxda si cad oo muuqata cibaadooyinkooda iyo mucaamalaadkoodaba uga muuqda
dhaqanka iyo afkaarta suufiyadda. Caqiidadoodu waa caqiidadii suufiyiinta (Maaturiiddiyya iyo
Ashaacirah) aaminsaneyd, habka ay u zuhdiyaan waa habkii suufiyadda (التصوف), bidcooyinka
iyo shirkiyaadka lagu haysto waa kuwa aalaaba lagu haysto suufiyiinta xadgudbay (الغالة السوفه).
Si kooban, jamaacadan waa jamaaco suufiyiin ah; waa suufiyiintii oo hab kale loo naqshadeeyay
loona abaabulay; waa suufiyiin dadbadan oo diinta qaarna qaadanaya qaar kalena ka tagaya;
suufiyyah casriyah weeye, siduu callaamah Albaani AUN inoo sheegay.
Tabliiqu, taageerayaashooda kuma waaniyaan inay diinta bartaan, oo jeclaysiiyaan barashada
cilmiga sharciga ah, taas beddelkeeda way uga digaan waxayna jeclaysiiyaan khuruujka iyo in
isagoo jaahil ah dadka soo hanuuniyo oo daaci sifaadkii laga doonayey leh noqdo!!!!!! Layaabku
iyo anfariirku wuxuu yahay: see buu ruux jaahil ah ruux kale dariiqa toosan ugu sheegi karaa,
haddiiba isagu kaga mudan-yahay in loo sheego?!!!
Taageerayaashooda waxey u laqimaan oo u akhriyaan dhowr risaallo oo aan buur-buurnayn,
caqiidada iyo manhajka selefkana aanba waafaqsanayn; bidcada, khuraafaadka iyo shirkiga ka
buuxa aad dhagaha qabsanayso hubaashii. Anigoo khuruuj ku joogay Qardho, baan la kulmey
nin 15 sanno iyaga la socday, markii dambe Jaamacadda Madiina Al-islaamiyah, kuuliyadda As-
shareecah kasoo qalin-jabiyey, wuxuuna igu yiri “15sanno ayaan nimankan la socday, qur’aanka
10-ka juz ee hoose (Camma Illaa Naas) xattaa sifiican uma xafidsanayn, iyaguna way i dhaafin-
waayeen halkaas; salaadda iyo masaa’ilkeeda ijtihaadiga ah uma baxsanayn, anigana iima
baxsanayn waagaas, 12 risaalo oo bidco iyo shirki ceegaago ayey ii laqimeen; fanniga dacwada
iyo daacinnimadana waxba kama yaqaaniin”, waa taas xaqiiqada tabliiqa!!!
Kitaabada waxey akhriyaan labadan kitaab: (راض الصالحن & صور من حاة الصحابه) sidoo kale,
waxay akhriyaan kitaab magaciisu yahey (فضائل األعمال) oo agtooda saxeexul-bukhaari uga dhigan
iyo kitaab kale oo magiciisu yahey (المهند). Sidoo kale, qasiidooyinka ay akhriyaan waxaa kamida:
qasiidada burdiga, qasiidada hamziyada iyo qasaa’id kaloo badan oo shirkiga, khuraafaadka iyo
bidcada ku jira aad wallaahi la yaabayso. Ardaydooda ma baraan kutubta caqiidada, xadiithka
iyo tafsiirka qur’aanka.
25
Qaarkood markey masaajiddada ka kacaan, oo dhowr axaadiith oo Riyaadul-Saalixiinka ku jira
akhrinayaan; wallaahi waad yaabaysaa sida ay carabiga u ja-jabinayaan dhawaaq ahaan, nin
higgaadii carabiga aan lasoo barin oo aan kicin Karin jumlada, ayaa raba inuu axaadiith kugu dul
akhriyo kadibna kuu sharxo!!!!! Waxyaalaha kale ee lagu haysto waxaa kamida, qof caami ah oo
shalay ay majliska qaadka lagu cuno ama meel kaloo kasii xun kasoo qabteen, ayey dhahayaan
Shiikh maanta adigaa ku qoran bayaanka ee dadka wacdi; ma beeneyn karaan oo tiro 10 jeer ka
badan aniga ayaa indhahayga ku arkay.
Masjid caan ah oo magaciisa la dhaho *Masjidul-Raxmah* oo ku yaala magaalada Laascaanood,
6th September, 2005, salaadii casar kadib, ayaa iyaga mid kamid ah baa kacay, wuxuuna yiri:
“Liibaanteena adduunyo iyo teenna aakhiro waxay kujirtaa inagoo kitaabka rabbigeen qaadana,
taasina dadaal iyo juhdi dheeraad ah bay inooga baahantahay, kolkaa walaalayaal markaynu
sunnaysano, bayaan ayeynu leennahay, aynu kawada faa’ideysano walaalayaal”.
Markii la sunnaystay kadib, shiikh baa kacay oo na wacdiyey “Markuu suuratal-casri, iyo labada
aayadood ee suuratul cimraan ku jira akhriyey (Kuntum kheyra ummatin iyo Wal-takum
minkum) iyo 3 xadiith oo Riyaadul-Saalixiinka ku jira oo labo daciif yihiin; ayuu garan-waayey
waxkaloo uu ku daro, markaasuu yiri: War walaalayaal iiga raali ahaada aqoon ma lihi maalin
dhoweyd ayey majliska qaadka iiga soo qabteen”, qisadani been-abuur, mala-awaaal iyo ku tira-
kuteenna maaha; xaqiiqo iyo mid runta ku qotonta weeye. Dad badan ayaa qisooyin tanoo kale
lamida haya oo goob-joog u ahaa.
Mas’alada kale ee lagu haysto walaaluhu waxay tahay: isu dheelli-tir la’aanta iyo dhaqan gelinta
labadan qodob “ والنه عن المنكرأألمر بالمعروف ”/faridda wanaagga iyo reebidda xumaanta.
Waxyaallihii Allaah (SWT) reer Israa’iil ku dhalleeceeyay waxaa kamid ahaa, in kitaabkii lagu soo
dejiyey qayb ka rumeeyeen oo dabaqeen, qayb kalena ka tageen. Labadaas qodob waa laba
qodob oo diinta boos weyn uga jira, bal caqiidada islaamka iyo iimaaniyaadka ayey soo hoos-
galaan. Qofkii qayb tadbiiqiya qayb kalena ka taga, waa khiyaano iyo dambi culus oo ciqaab
adag gaarsiisan.
Walaalaha tabliiqu, iyagu waxey dadka ku waaniyaan oo marwalba ay faraan khayrka, iimaanka
iyo waxkasta oo wanaagsan, waxaan leeyahay maanshaa-Allaah. Allaah SWT haka abaal-mariyo
ajarkaas ay shaqeysanayaan, Aamiin. Laakiin, balaayadu halkay ka timid akhriste? Waxey ka
tageen waajibkii labaad, ee ahaa reebidda xumaanta.
26
Tirooyin badan oo khuruuuj ah baan la baxay, kutubo badan bay nagu dul akhriyeen, kutubada,
risaalooyinka iyo maqaallada ay qoraan baan akhristaa, muxaadarooyinkooda iyo bayaanaadka
ay soo saaraan baan aad u dhageystaa oo dheehdaa; hal maalin ma akhrin, mana maqal hadal
ay leeyihin oo ay ku reebayaan xumaan, kuna naqdiyaan ama ku radinayaan. Waligaa tabliiq
xumaan reebaya, khuraafaad, dhaqan-xumo, bidco, iyo shirkiyaad radinaya ma arkaysid, waa
habeenkii xalayoo tagay. Bal soo hel?
Bidcooyinka, khuraafaadka iyo shirkiyaadka suufiyiintu sameeyaan ma radiyaan, maxay walaale
radiyaan iyagii ayaa suufiyo shaatiga laga beddelay ah. Wali hal kitaab oo caalim culimadooda
kamida qoray ama hal muxaadaro oo uu toos ugu radiyey bidco ama shirki ma arag (way ii
laabantahey), iyagu xagga wanaaga ayey u leexdeen oo reebidda xumaanta manhajkaba uguma
jirto ( هللا سبحان ), waa diintii oo ay qayb qaateen, qayb kale ka tageen. Xattaa tan wanaagga
ayaysan sifiiican u wada qaadan oo u dhaqangelin oo khaladaad aad iyo aad u badan ayay ayagu
sameeyaan. Mid kamida culimadooda ugu waaweyn ee Soomaaliiya ayaan su’aashaa weydiiyey,
wuxuu iigu jawaabey sidatan:
“Annagu jamaaco Islaamiyya oo wanaaga ka shaqaysa baan nahay, muhiimaddayadu waa inaan dadka diinta jeclaysiino oo masaajidada kusoo xidhno; haddaanu qadaayaatka siyaasiga, khilaafiga, madaahibta, iyo xarakaadka ka hadalno sumcaddayada iyo taageerayaashayada ayaa hoos u dhacaysa, waa inaanu dhammaantayo kawada shaqayno hanuuninta umadda iyo baraarujinteeda”. Waxaa halkaa ka muuqata in jamaacadu bilaa manhaj, usuul iyo madhab ay tahay. cid kastana
ay ku jirto hadday suufiyiin, selefiyiin, taxriiriyiin iyo ikhwaaniyiinba yihiin. Waxaa sidoo kale
jawaabta shiikha macno ahaan ku jirta oo ku cad, shaqadoodu inay tahay inay dadka wanaaga
jeclaysiiyaan, xumaantana aysan ka reebin; sidoo kalena, hadday jamaacadu manhaj yeelatana
inay kala yaacayaan oo ninba xarakadii uu ka tirsanaa awal uu ku laabanayo.
Bidcooyinka lagu yaqaanno tabliiqa waxaa kamida: inay akhriyaan ducooyin aan kitaabka iyo
sunnada kusoo aroorin, sidoo kale inay ducooyinka tiro u cayimaan sida: 100 jeer, 200 jeer, 300
jeer, 400 jeer, 500 jeer iyo 600 jeer; diintana aan asal iyo raad ku laheyn. Culimo waaweyn oo
sacuudiga iyo duwalka khaliijka ka baxay oo iyaga khuruuj u raacay, si ay u tadbiiqiyaan fatwadii
Sh. Ibnu-Baaz (AUN) ugu fasaxay “ciddii aqoon iyo aragti dheer caqiidada u leh inay khuruujka la
bixi karaan kooxdaas, si iyaga acmaashooda iyo camalkooda u radiyaan uguna nasteexeeyaan,
dacwadoodana ula kaa shaataan soo hanuuninta bulshada qafladu haleeshay, maadaama iyagu
(Tabliiqu) howlahooda ku firfircoon yihiin”, ayaa kusoo arkay waxyaallo ay aad iyo aad iyo aad
ula yaabeen, lana anfariireen.
27
Waxaa kamida: Waxey dhaheen waxaad arkaysaa, mid habeenkii qaybtiisa dambe kacaya oo
aakhrinaya (ال إله) 600 jeer, halkeebay ducadaasi shareecada islaamka uga soo aroortay??? Iska
dhaaf inay shareecada ku soo aroortee, hadii kalmadaas la xukumo waxey noqonaysaa inaad
taqriirineyso inaanu dunida ilaahba kajirin, duniduna bilaa ilaah tahay; waa kelmad gaalnimo ah
oo ay cadahay gaalnimadeedu. Anigoo yar oo walaalahay la ciyaaraya ayaan kelmada towxiidka
ku dhawaaqey, markaasaan dhahay “Laa Ilaaha "anigoo raba inaan sii raaciyo “Illa-laah” ayuu
awowgay (AUN) oo aan shiikh ahayni maqlay, iiguna yidhi “Awoowe, sidaas ha dhihin ee waa
gaalnimo kelmadaad tiriyeee” intaan yaabay, ayaan ku idhi “Awoowe, haye, u noqon-maayo”.
Kelmadii uu awoowgay gartay, ayey tabliiqu ka dhigayaan duco asaleynka kusoo aroortay oo
sharciya, Allana ugu dhowaanayaan!!! Waxyaalaha kale ee culimadu kusoo aragtay waxaa
kamida, mid ku cel-celinaya kelmaddan (إال هللا) 500-400 jeer, taasina goormay diinta kusoo
aroortay waamba yaabsanahee??? Mid kale oo kelmaddan ku cel-celinaya (أهلل أهلل) 600 jeer
maalintii, taasina ma duco nebigeenu (NNKH) noo jideeyay miyaa??? Waxay kaloo soo arkeen
kuwo ku subcinaya kelmaddan (هو هو هو هو) 300 jeer, iyaduna ma duco Ahlul-Xadiithku soo
weriyeen miyaa oo diinteenna ku sugan???!!!!! Kuwan ooo dhan waa bidcooyinka ay Tabliiqu la
yimaadeen, intan oo keliya maahee waxaan usoo qaatey tusaale ahaan.
Qasaa’iddii aan soo magacawnay shirki iyo gaalnimo aan caadi ahayn baa ka buuxa, waxayna
kaga dayadeen Suufiyiinta xadgudbay, shareecada islaamka, “Ninkii gaalnimo ku dhawaaqa,
ama ictiqaadiya ama sameeya wuu ku gaaloobayaa ayey fuqahadu diin ahaan u aaminsantahay,
waana ijmaac; hadeysan maanic gaalnimadaas u diidayaa meesha oollin”. Haddaba, acmaasha
wanaagsan ee tabliiqu hadh iyo habeen sameenayaan, shirki, khuraafaad iyo bidco ayaa ka
buuxa, ilaaheyna khuraafaadka, bidcada iyo shirkiga ma aqbalo. Bal waa lagu gaaloobaa waana
lagu naar gala qaarkood.
Ixtifaalka mowliidka oo bidco ah, qasiidooyinka la akhriyaanna shirki iyo gaalnimo badan ka
buuxdo bay iyaguna akhriyaan, mar horaan soo sheegay in jamaacadan suufiyo qarsoon tahay.
Waxaa la Ii xaqiijiyey aniga (Xog aan ku kalsoonahay), Shiikh Ibnu-Baazna (AUN) loo xaqiijiey in
mid kamida xarrumahooda ugu waaweyn ee dalka Hindiya, ahna markazka ay kasoo faafeen
tabliiqu asal-ahaanba oo magiciisa la dhaho *Nidaamud-diin* afar qubuurood ku aasanyihiin,
haddana, layaabku, waa inay ku tukadaan salaada. Salaadaas lagu tukado markazka/masjidka
dadku ku dhex aasanyihiin inay sax iyo khalad tahay midkeed ayaa Muftigii hore ee Sacuudiga
Sh. Ibnu Baaz (AUN) la weydiiyey: hoosta ayuu ka xarriiqay inaanu Allaah SWT aqbalayn, salaad
ansaxdayna aysan aheyn.
28
Sidoo kale, waxaa jamaaco ka timid Pakistan oo Hindiya soo martay ii xaqiijeen in Tabliiqu, ay
siyaartaan qabriga amiirkooda (Sh. Ilyaas *AUN*) islamarkaanna baryaan, wax ka raadiyaan,
kuna tukadaan; waa wixii aannu suufiyiinta kula dagaalameynay. Qaar badan oo iyaga kamid ah
qubuuraha ayey u tuugsi iyo miciin tagaan, islamarkaanna wax ay ku sheegaan siyaaro iyo zako
uruurin u diyaariyaan.
Jamaacadan cilmiga diinta ayaa aad iyo aad ugu yar, waxeyna taasi u geysay inay khaladaad
waaweyn oo dhanka caqiidada, fiqhiga, cibaadaadka iyo mucaamalaadka ku dhacaan. Tabliiqu,
sidoodaba kama hadlaan sinnaba masaa’isha khilaafiga ah, xurgufta iyo loollanka madaahibta
u dhaxaysa, masaa’isha ijtihaaddiga ah, dhaliilaha xarakaadka islaamiga iyo siyaasaddaba.
Taasina waxey kasoo horjeedaa si toos ah qawaacidda Ahlu-sunnaha, waayo, diinteenu waa diin
dhammeystiran oo hodon ah kana hadasha, dhammaan qaybaha kala geddisan ee saameeya
nolosha: Siyaasadda, dhaqaallaha, arrimaha bulshada iyo masiirka ummadda adduunyo iyo
aakhiro. Diinta iyo siyaasadda oo la kala fogeeyo, waa mabda’a ay ku dhisantahay nadaamka
“Calmaaniyadda/laadiiinta”.
Sideedaba qofku waxa uu rumeysan-yahay (Hadday diin Islaam, Kiristaan, Yuhuud, Majuus iyo
Hinduusam tahay) iyo lix mabaadi makala baxaan, lamana kala saari-karo, ruuxii kala saara waa
jaahil caammi ah oo waallan, mabaadiidaas waxaa kamida: Diinta iyo Siyaasadda, Diinta iyo
Dhaqaallaha (Dhaqaalo bilaa caqiido ah dunida kama jiro), Diinta iyo Dhaqanka, Diinta iyo
Xaddaarada, Diinta iyo Akhlaaqda iyo ugu dambeyn Diinta iyo Mucaamalaadka.
Mid kamida culimadooda ugu waawen, sunanka Abii-Daa’uud kana sharrax ku leh, magaciisuna
yahey *Alcalllaamah Khaliil Axmed As-sahaaranfuuri* kitaabkiisa *Al-Muhannad/المهند* wuxuu
ku dhex-sheegay “Allaah baa mahad leh, aniga, mashaa’ikhdeenna iyo jamaacadayadaba oo
dhan, waxaanu ku dayanaa Abii-Xaniifah masaa’ilka furuuciga ah *fiqhiga ah*, Abii-xasan Al-
ashcari iyo Abuu-Maansuur Al-maaturiidiyyi dhanka masaa’ilka caqiiddada ah, annagu (Tabliiqa)
waxaana u nisba sheegannaa afarta dariiqood ee suufiyiinta ee ugu sarreeya/waaweyn oo ah:
Al-jishtiyya, Al-qaadariyya, Al-naqshabandiyya iyo As-Sahruuradiyya”. Kitaabkaas caalimkoodu
qoray, waxaa muqaddimo ku leh in ka badan 65 caalim oo culimada tabliiqa ugu waaweyn ah.
Dalabatul-cilmiga, waxaan ka codsanayaa inay raadiyaan kitaabkaas, ayna sifiican u dhuuxaan
nuxurka iyo murtida uu kitaabkaas xambaarsanyahay.
29
Caalimkoodaa callaamiga, wuxuu si cad u taqriiyey in jamaacada tabliiqu, masaa’ika furuucda
ah ay kaga daydaan Abii-Xaniifah, yacni masaa’isha fiqhiga ah waxaan ka qaadannaa madhabta
Xanafiyadda, waa innagii horay u soo sheegnay inay u tacasubaan madhabtaas; sidoo kale
caalimku wuxuu sheegay, in caqiidada kooxdoodu tahay Ashaaciro iyo Maaturiidiyyo, halkaasna
waxaa ku cad jamaacadu iney tahay suufiyah-casriyah; wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay
inay u nisba sheegtaan yacni ku abtirsadaan afarta dariiq ee waaweyn ee suufiyadda. Haddaba,
aan is weydiinee sow ismay waafaqin wuxuu Callaamah Sh. Albaani AUN ku sheegay Tabliiqa
iyo caalimka Tabliiqa markuu kooxdooda qeexayey wuxuu ku tilmaamay? Jawaabta waa
adiga, aniga maaha???
Hadalka Shiikh Khaliil AUN wuxuu daliil cad u yahay xukumkii culimadu ay saareen kooxdan;
waxaan leeyahay: anigu maan xukumin ee iyaga ayaa is xukumay, noo sheegayna inay suufiyiin
yihiin, caqiidadooduna Ashaaciro iyo Maaturiidiyo tahay, kuna abtirsadaan itijaaha afarta dariiq
ee suufiyiinta ugu waaweyn ee baadilka, khuraafaadka iyo shirkiyaatka lagu yaqaano, dariiqa Al-
Jishitiyya gaar ahaan. Waa taas xaqiiqada jamaacadan. Culimadooda iyo hogaamiyayaashoodii
ugu waaweynaa ee soo marey sida: Sh. Maxamed Ilyaas, Sh. Maxamed Yuusuf, Sh. Maxamed
Zakariya iyo Sh. Nimcaan Xasan *amiirka hadda haysta kii ka horreeyay*, ayaa dhammaantood
qiraya waxyaalahan aynnu jamaacada ku durnay. Waxey dadka beeco iyo balan kaga qaadaan
afartaas dariiqood ee suufiyiinta.
Sidaas daraadeed, waxaan ictiqaadsanahay in walaaluhu (Tabliiqu) suufiyyah-casriyyah yihiin,
suufiyaduna way noocyo badantahay, waana mid kamida noocyadaas. Hadii lay weydiiyo oo la
igu dhaho, maxaad walaalaha suufiyiin ugu sheegtay? Waxaan ku jawaabayaa: iyaga ayaa
kutubtooda ku qoray si cadna u sheegay iney u nisba sheegtaan afarta dariiqood ee suufiyiinta
ugu ilxaadka, baadilka, khuraafkaadka iyo shirkiga badan; iyaga ayaa sheegtay iney madaahibta
Ashaacirada iyo Maaturiidiyadda, caqiido ahaan u aaminsanyihiin.
Masaa’isha kale ee lagu haysto kooxdan waxaa kamida, waxay dhallinyarada jeclaysiiyaan una
xayeysiiyaan tegida iyo aaditaanka Pakistan iyo Bangladheesh, umana xayeysiiyaan inay lacagta
ku tagayaan waddamadaas kusoo xajiyaan, ama ay cilmi ku bartaan oo madrasad/jaamacad
islaamiya ku galaan. Waxaan rabaa inaan soo naqliyo labo khabar. Khabarka hore: Aniga oo ku
dhex-sugan Masjid magaciisu yahay *Hijrateyn* ee ku yaalla Magaalada Hargeysa, jamaaco
tabliiq ah ayaa masjidka maalin isniin ah nagu soo booqatay, wacdi dineed ayey noo galeen,
markii baraarujintii dhammaatay ayey na weydiiyeen “Yaa diyaar u ah inuu khuruuj nala baxo?”
dadkii ayaa ka gaabsaday oo aamus ka simmay, kuna dhici waayay inay dhahaan annagaa diyaar
ah, waxeyna dhaheen “Mustaciddiin”, waxaanu dhahnay annaguna mustaciddiin”.
30
Kadib aniga iyo dhowr wiil oo aan saaxiibo nahay bay noo yimaadeen, waxey nagu dhaheen
khuruuj nala baxa, waanu ka cudur-daaranay, kadib waxey nagu dhaheen waligiin khuruuj ma u
baxdeen, wiil annaga naga mida oo aan ku tuhmayno aqoonyari, kana mid ah dadka aan diinta
aqoonta buuxda u lahayn baa ku jawabey: “Haa, 10 jeer oo mid saddex casho ah baan baxay”,
intay qosleen oo farxeen bay ku dhaheen: Maashaa-Allaah, caadi ma tihid, ma 10 jeer oo min
saddex casho ah baad baxday, Shiikh baad tahay waadba noo dhuumatay.
Wiilka maxaad aaminsantahay meysan weydiin??? Heerka aqoontiisa diineed iyo mustawihiisa
cilmiyeed meysan baarin??? keliya 10 jeer oo min saddex casho oo uu baxay ayey ku siiyeen
Ijaazo aan caadi ahayn, markiiba way salaameen wayna u hambalyeeyeen; walibana, waxey u sii
raaciyeen inuu Shiikh yahay, billaahi caleykum ma 10 jeer/3 casho ah baa Shiikh lagu noqdaa???
Halkaa, si fudud waxaad ka garanaysaa aqoonyarida tabliiqa haysata iyo sida ay dhallinyarta u
jeclaysiiyaan inay khuruuj baxaan; iyagoo cilmiga iyo fadligiisa aan jeclaysiin.
Shanta salaadood ee waajibka ka sakow, salaad kaloo la tukado waxaa ugu fadli badan Salaatul-
leylka, iyadana waxaa kasii fadli badan cilmiga barashadiisa iyo ruuxu intuu salaadaa tukan
lahaa inuu cilmiga daalacdo. Cilmigaa fadligaa leh, agtooda waxaa kala weyn khuruujka baadilka
ah ee siday u dhigeen baadilka ku ah. Waxey dhalinyarada u qurxiyaan inay lacag urursadaan oo
ijtimaaca weyn ee waddamada Aasiya ka qayb-galaan, ma jeclaysiiyaan inay lacag u urursadaan
si ay sacuudiga u tagaan oo usoo xajiyaan, Allaahna (SWT) dunuubtooda (Siqaarka ah) u dhaafo.
Ijtimaaca ayaa kala weyn xajka, oo aynu ognahay inuu yahay rukniga shanaad ee shanta arkaan
ee diintu ku dhisantahey (سبحان هللا). Tabliiqu inta badan waxaa lagu yaqaannaa inaysan xajka
tegin, masaa’ilka lagu haysto ayay kamid tahay (سبحان هللا).
Khabarka labaad: Aniga oo ku dhex sugan Masjid magiciisu yahay *Ibraahim* oo ku yaalla
magaaladda Boosaaso, 31th january 2013, salaaddii subax kadib, waxaa masjidka Marti ku ahaa
jamaaco tabliiqa oo Beledwayn ka timiday, markey na wacdiyeen kadib, aniga iyo dhallinyarada
xaafada qaar kamida ayey noo yimaadeen. Waxey nagu dhaheen: “waxaan rabnaa in aan Allaah
(SWT) dartiis isku barano, anagu walaalihiin oo Beledwayn idin kaga yimid baan nahay, waxaana
halkan u nimid inaan ka shaqayno shaqada ugu qaaliyeysan/muhiimsan ee qofka muslimka ah
laga doonayo inay noqoto shaqadiisa koowaad. Kaftan iyo iswareysi kadib, waxey aniga si toosa
ii weydiiyeen, waligaa khuruuj ma baxday??? haa baan ku iri, imisa ayaad baxday buu igu soo
celiyey? tirooyin badan, imisaa ugu badan oo aad baxday? waxaan ugu jawaabey, tirada idin ku
sarreysa baan baxay, ma 4 bilood baad kawadaa buu iigu yiri? haa baan ku iri. Wuu yaabay!!!!!!
31
Ammaan iyo faan aan la yaabay ayuu iigu hambalyeeyay, wuxuuna ii sheegay inaan ahay nin
iimaankiisu dhisanyahay oo qawwi ah, islamarkaana daaci weyn oo dacwada aqoon durugsan u
leh, wuuxu sii raaciyey oo aan xasuustaa; waad qalin-jabisay!!!!. Tabliiqu waxaa caado iyo curfi
u ah iney dadka khuruujka iyo ijtimaaca jeclaysiiyaan, cilmiga iyo xajka ka aamusaan, oo waliba
iska fogeeyaan. (سبحان هللا). Qof caammi ah oo laga yaabo inuu dhowr casho khuruuj la baxay bay
ka dhigayaan derejo iyo mansab weyn oo uu gaadhey!!!!. Iyaduna waa masaa’isha waaweyn oo
Ahlul-Cilmigu ku haysato.
Wakhtiga ayey qaybiyaan, waxeyna ka dhigaan shey diin ah oo suubanaheenu (NNKH) jideeyay.
Waxey dhahaan asbuucii maalin kabax, bishii saddex maalmood kabax, sanadkii 40casho kabax,
cimrigaagana 4bilood oo khuruuj ah ka bax, ilaahey (SWT) wuu kuu dambi dhaafayaa!!!. Haddey
dhahaan waxaan wakhtiga u qaybiney sabab manhaj iyo qudrada bashariyadda owgeed ee diin
iyo caqiido nagama aha, qiil waa loo heli karaa; laakiin, haddey diin ka dhigtaan oo sidaas u
taqriiriyaan waa bidco aan shey la huwiyo lahayn, “shey aad diin ka dhigato diintana xujjo iyo
daliil adag ku lahayn, waa bidco cad”.
Qadiyadaas waxey u daliishadaan afar axaadiith. saddex kamida, xaqiiqdii daciif iyo mowduuc
aan la cimaamadin weeye, xadiithka afraad waa qawl laga soo wariyey saxaabi weyn oo jaliil ah
(maaha xadiith nebiga *NNKH* laga weriyey) waana qawl saxeex ah, laakiin khaladku wuxuu ka
yimid, waa inagii soo sheegnay in iyagu (Tabliiqu) aysan aqoon durugsan u lahayn fiqhul-nusuus,
fiqhul-istidlaal iyo qawaacidda iyo usuusha Ahlu-Sunnuhu wax u daliishadaan. Xadiithka afarad
wuxuu ahaa, saxaabigaas jaliilka ah (Cumar Binul-Khadaab *RC*) ayaa doonayey inuu ogaado
tirada ugu badan ee haweentu ninkeeda sugi karto, baahi ahaan, su’aashaas ayuu dadka si guud
ugu bandhigay, dumarka gaar ahaan; waxeyna tiradu noqotay celcelis 4 bilood, waxey markaa
iyagu na leeyihiin halkaas ayaan ka daliishanaynaa, khuruujka afarta bilood iyo in ayaamaha la
qaybiyo.
Waxaan leeyahay: Waad gefteen, istidlaalkiinu waa qiyaas, qawaacidda fiqhiga waxaa kamida
ama hadaan si kale u dhaho, culimadu waxey isku raacsanyihiin in cibaadadu towqiifi tahay,
hadii aad dooneyso inaad cibaado jideyso waa inaad la timaadaa daliil cad oo aayad iyo xadiith
ah, xittaa ijmaaca culimada marka baabkan la joogo saameyn kuma leh, qiyaaskuna cibaadada
ma galo, ee masaa’isha kale buu galaa.
32
Waxaan leeyahay: Cibaadadu waa towqiifi, lakaalaya daliil nas ah oo sugan *aayad iyo xadiith*
oo sheegaya tirooyinka aad cayimteen sida: hal maalin, saddex maalin, afartan casho iyo afar
bilood, waxaan idin leeyahay: kuma dhacdaan inaad keentaan ( ىأتحد ). Hagaag! waxaan ku
jawaabayaa: wakhtiga oo la qay-qaybiyo oo diin iyo sunno laga dhigo shareecada islaamka asal
iyo raad kuma leh; waana mid kamida bidcooyinka waaweyn ee aan idiin ku haysanno. Haddii
aad tiraahdaan caqiido iyo cibaado nagama ahee, ee qofku hadba awooddiisu inta ay la egtahey
buu kala dooranayaa ayaamahaas, ee wax caqiido shuqul ku leh maaha; waxaan idiin leeyahay:
Maxaad kutubtiina ugu qorteen oo aad u tiraahdeen “caqiidooyinkayaga waxaa kamida inaan
wakhtiga qaybino, ayaamo u qaybino”? ka jawaaba su’aashaa idinkoo mahadsan.
Khaladaadka kale ee lagu haysto waxaa kamida walaalaha, waxey aaminsanyihiin haddiii qof-
qof loo hagaago, in bulshadu hagaagayso, qaaciidadaas waa qaacido sax oo wanaagsan, laakiin
macnaha ay ka wataan waxey tahay: Haddii bulshada wanaaga lagala hadlo, oo la jecleysiiyo
laguna soo cel-celiyo, in marka dambe wanaagu faafayo sharka iyo xumaantana yaraanayo,
taasina waxey si cad ugasoo horjeeddaa Usluubkii, hadyigii iyo sunnadii ambiyadu dacwada ay
umamka ku gaarsiin-jireen (SWC).
Adiga waxaa lagu amray inaad wanaaga umadda farto, xumaantana ka reebto, dacwadaas cidii
kusoo hanuunta Allaah (SWT) ayaa hanuuniyey adigu maadan hanuunin; cidii ka dhega-adaygta
oo qaadanweyda xisaabtaada maaha. Sooyaalka diinta bal halaga soo helo ambiyo ama nebiyo
qoomamkoodii wanaaga uun kala hadlay, oo yiri hadaad wanaaaga kala hadashaan xumaantana
iyagaa iska suulin doona. Waxaan leeyahay: Waa qiil daciif ah oo bidca ah oo jamaacaddu ku
baneysanayso diinta qayb inay ka qaatan, qayb kalena ka tagaan, (Wanaag faridda iyo Xumaan
Reebidda).
Culimadoodu waxey kusoo sugaan in taqliidka madaahibta uu sharci yahay uuna bannaanyahay,
Abuu-xaniifana uu yahay afarta Imaam (Xaniifa, Maaliki, Shaafici iyo Xambal) kii ugu aqoon,
waayo-aragnimo, caqli iyo xikmad badanaa, waxeyna ugu yeedhaan sifadan ah “Caalimkii
Weynaa/The Great Scholar”. Waxey sidoo kale inkiraan oo diidaan Ijtihaadka, iyagoo dhaha
ijtihaad maanta ma furna, cid xaq u leh inay ijtihaado maanta maba jirto. Waxaa kooxdan laga
dhex arki karaa inuu ku badanyahay tacasubka iyo jacaylka xad-dhaafka ah ee atbaacdoodu ay
iyaga u hayso. Xattaa kuwan Soomaalida, muxaadaraadka culimadooda uun ayay dhagaystaan
sida Sh. Ismaaciil, Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi, Sh. Xuseen Cali, Sh. Mahad, Sh. Kiinyaawi, Sh.
Saciid Yaxye AUN iyo Sh. Cabdixakiin Sh. Cali Suufi. Ma dhagaystaan muxaadaraadka kale ee
culimada kale.
33
Qof tabliiq ah baad mas’alo munaaqasho kala geli, wuxuu ku dhahayaa: “Inakeen markazka
beynu tagayna oo Shiikh hebel oo caalim weyn ah, caamil cilmigiisa ku dhaqmayna ah baan kuu
geynayaa”, hadii aad tiraahdo war walaal adigu mas’aladan iigala dood, oo hadaan khaldanahay
iiga qanci, haka sugin waa habeenkii xalayoo tagay inuu wax ku fahamsiiyo ama kaa qanciyo,
maxa yeelay; qur’aanka 10 suuradood iyo dhowr aayadood oo Albaqra, Alcimraan, Ibraahim, iyo
Xadiid kujira ayuu yaqaannaa, xadiithkana 14 axaadiith oo sunanka iyo saxeexaynka ku jira ayuu
yaqaanaa, hadii uu u bato dhowr risaalo oo iyagu qoreen oo bidco, shirki iyo khuraafaad badani
ku jiro ayuu yaqaannaa; markaa miyuu awooddaa inuu ku qanicyo haddii isaga xaaladiisu, xujjo
iyo burhaan kuugu qanciyo lahayn? Jawaabta adiga ayaan kaaga tagay akhriste.
Waxey aaminsanyihiin tasawufku inuu yahay dariiqa ugu dhow uguna saxsan ee lagu heli karo
“dhadhanka iyo macaanka iimaanka ee qalbiga/ حالوة اإليمان في القلوب . Taasina waa waxyalaaha
waaweyn ee aan ku haysanno ayna kasoo koobiyeeyeen suufiyiinta xadgudbay. Culimo ay ugu
yeeraan “Ahlul-Tasawuf” oo uu kamid yahey: Sheekh Cabdulqadir Jeylaani (AUN), Shiikh As-
sahruuradiyyi, Shiikh Abuu-maasuur Al-maaturiidiyyi iyo Shiikh Jalaalul-diin Ar-ruumiyyi ayey
caabudaan oo qabrigooda baryaan, qasiidooyinka baadilka iyo shirkiga ka buuxana u akhriyaan.
Masaa’isha kale ee lagu haysto waxaa kamida, aayaadka iyo axaadiithka kusoo arooray jihaadka
ayey u xawilaan khuruujka, fadliga mujaahidka iyo jihaadkana waxey u xawilaan shaqsiga iyaga
kamidka ah ee khuruujka la-baxa!!!!!!!!! Waa mas’alo ta’wiil baadila ay saareen, waa innagii soo
sheegnay iney aqoon yaryihiin, baxthi iyo daraasad dheerna aysan u lahayn culuumta Xadiithka,
Fiqhiga iyo Caqiidada. Jihaadkana waxey u yaqaaniin khuruujka keliya.
Quluwiga ba’an ee jamaacadan kujira waxaa kamida, sida culimadoodu bayaanaadkooda iyo
risaalooyinkooda ku cadeeyaan, camalka keliya ee jannada lagu galaa waa khuruujka oo iyagu
agtooda ay ka dhigaan fursad dahabi oo cid kale aysan haysan iyaga mooyaanee!!!!! Tafsiirkaasi
wuxuu sitoosa uga hor-imaanayaa oo uu jaxdinayaa aayaad iyo axaadiith badan oo sheegaya
sifooyin iyo acmaalo tira beel ah oo jannada lagu galo. Waxay si toosa u beeninayaan aayaad &
axaadiith badan oo ku yimiday acmaal kala geddisan oo qofku hadduu qabto u sahlaya inuu galo
jannada.
Waxey daliishadaan axaadiith xukunkoodu daciif ah, mana-yaqaaniin oo aqoon hufan uma leh
musdalaxaadka cilmiga xadiith-ka, iyo xukumka axaadiith-ta ay daliishanayaan. Kitaabka ugu
badan ee ay masaajiddada aalaa ku akhriyaan waa “Riyaadul-Saalixiin/Imaamu-Nawawi(AHU)”,
sideynu ognahay 20+ axaadiith oo daciif ah ayaa ku jira kitaabkaas, dadka axaadiith-taas ayey u
akhriyaan ((سبحان هللا)). Culimo badan oo macruuf ka ah caalamka islaamka guud ahaan, waxey
ku eedeeyaan iney afkaaraha ka qaataan jameecatul-nuur oo dalka Turkiga ka dhisan. Kutubta
34
iyo risaalooyinka ay qoraan waxaa aad iyo aad uga buuxa oo aad la yaabeysaa axaadiith daciif
ah, iyo atharo badan oo aanba sugnayn.
Waxeynu soo gaadhney dulucdii saddexaad ee qoraalkeena, waxaan rabaa inaan nasaa’ix iyo
talooyin u jeediyo walaalaha (tabliiqa). Marka hore, aad iyo aad waxaan ku hambalyeynaynaa
sida firfircoon ee ay shaqadooda diyaarka ugu yihiin aalaaba, meelwalba iyo marwalba. Waxaan
walaalahayga aan jeclahay eegga hore ugu baaqayaa inay kitaabka iyo sunnada u soo laabtaan,
oo ay si qotodheer u daraasadeeyaan funuunta caqiidada, towxiida, fiqiga iyo cibaadaadka guud
ahaan; funuunta dacwada iyo daacinnimadana gaar ahaan.
Marka labaad, waxaan ku talinayaa culimada, mufakkiriinta iyo aqoonyahannadooduba waa
inay kawada shaqeeyaan sidii jamaacadan manhaj cilmiyeysan oo si waafiya u qeexan loogu
sameyn lahaa. Marka saddexaad, jamaacadu taqliidka iyo tacasubka madhabta xanafiyada waa
inay iska daayaan oo ay ka dheeraadaan. Kalaamka Allaah SWT, sunnada iyo ijmaaca ummadda
waa iney u tacasubaan.
Jamaacadu waa inay daraaseeyaan, aqoon iyo baxthi dheeraada u yeeshaan fanniga towxiidka,
maadaama dacwadoodu ku socoto fannigaas, bulshada marka hore waa inay Allaah (SWT)
jeclaysiiyaan, oo uga waramaan weynidiisa iyo nimcooyinka uu nagu galadeystay, marka labaad
waa iney ummadda ugu yeedhaan towxiidul-cubuudiyyah/towxiidul-uluuuhiyyah, bulshada waa
iney ugu baaqaan inay ka dheeraadaan dhammaan noocyada iyo midabbada kala geddisan ee
shirkiga, Allaah (SWT) keliyana waa iney caabudaan, afcaashoodana waa iney u sugaan. Dadka
waa iney baraan magacyada iyo tilmaamaha rabbi, iyo sifo walba macnaheeda iyo xikamka ku
duugan.
Sigaara walaaluhu waa inay daraasad ku sameeyaan manhajkii dacwada ee saxaabigii weynaa
ee jaliilka ahaa, Mucaad Binu Jabal (RC). Mucaad (RC) wuxuu ahaa daaci weyn oo macruuf ah
islamarkaana kamid ahaa saxaabadii uu nebigu (NNKH) iyagoo nool ku yidh “waan ku jeclahay”
hadduu nebigu (NNKH) ku jeclaado, Allaahna (SWT) wuu ku jeclaanayaa. Saxaabigaas wuxuu
kamid ahaa ducaaddii kala duwanaa ee suubanuhu (NNKH) u direy beledyada kala duwan ee
bannaanka ka ahaa caasimaddii muslimiinta, Madiina Al-munawwara.
Yemen ayuu daaci ka ahaa mudooyin badan, Nebigu (NNKH) kahor intuusan saxaabigan Yemen
u dirin, wuxuu siiyey manhaj cilmiyeysan oo dacwadeysan kaasoo hagidoona dacwadiisa marka
uu reer Yemen u tago. Maadaama tabliiqu rabaan iney ducaad noqdaan, falsafaddooduna
dacwada ay saldhig u tahay, waa inay raacaan manjahkii nebigu (NNKH) u dejiyey saxaabigaas,
waa inay aqoon xeeldheeri ku jirto, aragti dheer iyo waayo-aragnimo u yeeshaan daraasaddaas
qiimaha badan. Sideynu ognahay, saxaabigaas maalinta aakhiro, cid allaale cidii culimo sheegata
isaga ayey ku daba-fayli doonaan, maanshaa-allaah. Wuxuuna maalinta aakhiro yahay “Sayidka/
35
Caalimka dhammaan culimada” fadligaasna wuxuu ku gaadhey dacwadiisii oo mira dhashay, iyo
sida uu aqoon iyo aragti buuxda ugu lahaa faafinta dacwada iyo baraarujinta ummadda.
Jamaacadu, Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca si sugan waa iney uga mid ahaadaan, caqiido ahaan, fiqhi
ahaan, cibaado ahaan, qawaacid ahaan, usuuliyaat ahaan, istidlaal ahaan iyo istinbaad ahaan.
Dhammaan bidcooyinka, khuraafaadka iyo shirkiyaatka ay ku jiraan waa inay Allaah (SWT) uga
soo toobo celiyaan oo dambi dhaaf dalbadaan, taageerayaashoodana waa inay ku tarbiyeeyaan
manhajka iyo madhabta selefkii naga horreeyay.
Cilmiga waa inay laazimaan, si wanaagsan waa inay u aqbalaan in cilmigu nuur iyo ifiin yahay,
jaahilnnimaduna mugdi iyo baadil tahay. Taageerayaashooda waa inay jeclaysiiyaan barashada
cilmiga, dhaqankiisa iyo fadligiisaba. Waa inay bilaabaan inay atbaacdooda u akhriyaan kutubta
caqiidooyinka, fiqhiga iyo tafsiirka kalaamka Eebe (SWT). Waa inay furaan maraakiz cilmiyeed
oo qayb muuqata uga qayb-qaata saxwada islaamiga iyo baraarujinta ummadda diinteeda iyo
dhaqanka wanaagsan. Waa inay soo saaraan arday culimo isku bedesha, Ahlul-Xadiith ah, Ahlul-
Tafsiir ah, Ahlul-caqiida ah.
Culimadii Islaamka ee casrigan maxey ka dhaheen Jamaacatul-tabliiq. Muxadithkii mujaddidka
ahaa ee casrigan, Sh. Samaxatul-Mufti Maxamed Naasirul-diin Albaani *AUN* wuxuu yidhi:
“Tabliiqu kuma taagna/sugna manhajka Kitaabka Eebe SWT iyo Sunnada Nebigeena (NNKH) iyo
fahamka Selefkeena Saalixa ah. Haddii arinku sidaas oo kale yahay, lama raaci karo, waayo
wuxuu ka hor-imaanayaa manhajka dacwada ee selefkii saalixa ahaa”.
Caalimkii waynaa ee ummaddan Sh. Samaaxatul-Mufti Cabdicasiis Ibnu Baaz (AUN) wuxuu
isaguna iftooday “Qofkii dadka diinta ugu yeera, waa gaadhsiiye (tabliiq), Rauulkeena Maxamed
(NNKH) ayaa yidhi: *dadka iga gaadhsiiya walow aayadba ha ahaatee*, hase ahaatee kooxda
Tabliiqu waxey ku dhaqmaan khuraafaad, bidco iyo shirkiyaat. Sidaas darted lama raaci karo,
qofka diinta yaqaanna kuna toosan mooyee, garanaya caqiidada saxda ah ee Ahlu-Sunna Wal-
jamaaca ay haystaan, si diinta uu u baro dadka, lana kaashado wixii wanaag ah (Iyaga). Maxaa
yeelay howlahooda (Tabliiqu) way ku firfircoonyihiin. JamaacadaTabliiqu waxey u baahanyihiin
in ay ka kororsadaan barashada diinta culimada towxiidka iyo sunnada ku toosan. Allaah SWT
Waxaan ka dalbaynaa inuu diinta dhammaan dadka fahamsiiyo kuna sugo”.
Muftigii hore ee bilaadul-xarameynka *Sacuudiga* ahna qaadigii hore, Sheekh Samaaxatul-
Mufti Maxamed Binu Ibraahiim Aala-shiikh AUN, isaguna wuxuu yidhi “Jamaacadan wax khayr
ah maleh, waana jamaaco bidco iyo dalaal (ضالل) ku sugan, dacwadoodu waa dacwadii dadka
loogu yeerayey bidcada iyo shirkiga, inshaa-allaahu waxaanu u istaagaynaa inaanu raddino oo
baadilkooda iyo shubahaadkooda ummadda ka qabano”.
36
Al-faqiih Sheekh Samaaxatul-Mufti Cabdirizaak Cafiif (AUN) isaguna wuxuu yidh “ Iyagu waa
bidcoolayaal, waxeyna xarifeen nusuustii, waana asxaabta duruqa suufiyiinta, khuruujkooda fii
sabiili-laah maaha, ee fii-sabiili Ilyaas weeye; dadka uguma yeedhaan kitaabka iyo sunnada,
waxey dadka uugu yeedhaan shiikhooda Ilyaas (AHU), ammaa khuruujka uu qofku qasdiyo inuu
diinta islaamka ku faafiyo waa jihaad fii sabiili-laah, khuruujka tabliiqu (Kay Baxaan) maaha
khuruujkii saxeexa ahaa, anigu wakhti dheer baan aqaaney tabliiqa, waa bidcoolayaal meel
walba oo ay joogaan; waxey (Tabliiqu) joogaan Masar, Israa’iil, Maraykanka iyo Sacuudiga,
dhammaantood dacwada Sh. Ilyaas (AUN) ayey dadka ugu yeedhaan”.
Duu-duub ahaan, culimadii casrigan dhammaantood waxey jamaacada ku idlaaqeen inay
jamaaco suufiyya tahay; jamaaca bidco, khuraafaad iyo shirkiyaat ummadda ugu yeedha tahay;
jamaaco aan kitaabka iyo sunnada ku sugnayn tahay; jamaaco cilmi yari iyo aragti dheer oo
caqiido lahayn tahay. Dhammaan fataawooyinkaas waxey daliil iyo burhaan cad-cad u yihiin
dhaliishii faraha badnayd ee aan tabliiqa u soo jeediyey. Culimadii caamiliinta ahaa, waa taas
fataawidoodii iyo aragtidii ay kooxdan ka rumaysnaayeen intaysan dhiman.
Gunaanadkii iyo gebagebadii, waxaan leeyahay walaaluhu waa inay Allaah (SWT) ka baqaan,
cilmiga Allaah (SWT) (Qur’aanka), Cimiga rasuulka (NNKH) (Sunnada) iyo Cilmiga taariikhda,
siiradda iyo manhajka iyo madhabta selefka waa inay macrifo, aqoon buuxda iyo aragti dheer u
yeeshaan. Waa inay walaaluhu ka tanaazulaan tafaasiirta iyo shuruuxda qaldan ee ta’wiilka iyo
cilmi-yarida ku dhisan ee masaa’ilka waaweyn ee diinta.
Waxaan rajeyn doonaa, risaaladan inay noqon doonto mid wax badan iftiimisa, dalabatul-
cilmigana ka caawisa barashada xaqiiqada jamaacatul tabliiq; iyagana waxaan u rajeynaynaa
inay noqdaan koox ku sugan oo haysata hadyigii iyo sunnadii ambiyadii, saalixiiinta iyo Ahlul-
cilmiga. Umaddana, waxaan u rajeynayaa inay kooxda ka caawiyaan soo hanuuninta kuweenna
nolosha adduunyo iyo ta aakhiraba ka dhacay; dhammaantayo waxaa waajib inagu ah oo waliba
ay tahay inaan iska kaashano, faafinta dacwada iyo hanuuninta kuwa halawsan ee baadilka iyo
mugdiga dhex-ceegaaga.
Ugu dambayntii, wixii aan saxay Allaah (SWT) ayaa mahaddaas iska leh, isagaana igu toosiyey,
wixii aan khalday waa aniga iyo shaydaanka, Allaah (SWT) ayaan uga soo laabanayaa, waxaana
weydiisanayaa inuu i cafiyo, jannadiisa fardowzana I geliyo, naxariista iyo raali-ahaanshaha Alle
(SWT) baan dalbayaa, cadaabka iyo caradiisana waan ka megen-galayaa, dhammaanteen Allaah
(SWT) jidka toosan ha inagu hadeeyo, muslimnimada iyo iimaankana ha inagu dilo, Aamiin.
37
……………………………………………………………………………………………………………………………………………………
:الكتب مراجع
رأي آخر في جماعة التبليغ ـ سعد الحصين، بحث مقدم إلى ندوة اتجاهات الفكر اإلسالمي المعاصر ـ البحرين ـ م .1985هـ/1405
. –رحمه اهلل -ـ القول البليغ في جماعة التبليغ ، للشيخ حمود التويجري
ـ حقيقة الدعوة إلى اهلل تعالى وما اختصت به جزيرة العرب، سعد بن عبد الرحمن الحصين، تقديم الشيخ صالح بن فوزان .الفوزان.
.م1984هـ/1405ـ 1وة ـ الكويت ـ ط ـ الطريق إلى جماعة المسلمين، حسين بن محسن بن علي بن جابر ـ دار الدع
ـ جماعة التبليغ عقيدتها وأفكارها مشايخها، ميان محمد أسلم الباكستاني، وهو بحث مقدم لكلية الشريعة بالجامعة اإلسالمية هـ .1396/1397بالمدينة المنورة ـ للعام الدراسي
/ الشيخ خليل أحمد السها رنفوري. - المهند على المفند
م.1974هـ/ 1394ـ 3مشكالت الدعوة والداعية، فتحي يكن ـ مؤسسة الرسالة ـ بيروت ـ لبنان ـ ط ـ ـ السراج المنير، الدكتور تقي الدين الهاللي.
ـ الدعوة اإلسالمية فريضة شرعية وضرورة بشرية، الدكتور صادق أمين ـ جمعية عمال المطابع التعاونية ـ عمان ـ األردن م . 1978
م.1983هـ / 1403ـ 2حياة الصحابة، الشيخ محمد يوسف الكاندهلوي ـ دار القلم دمشق ط ـ .م1983هـ/1403ـ 1ـ الموسوعة الحركية، فتحي يكن ـ دار البشير ـ عمان ـ األردن ـ ط
38
Tixraacyada Kale
1. http://www.saaid.net/feraq/mthahb/9.htm
2. http://ar.wikipedia.org/wiki/%D8%AC%D9%85%D8%A7%D8%B9%D8%A9_%D
8%A7%D9%84%D8%AA%D8%A8%D9%84%D9%8A%D8%BA
3. http://en.wikipedia.org/wiki/Tablighi_Jamaat
4. http://islamqa.info/ar/8674
5. https://www.youtube.com/watch?v=uUmEGeUTkTc
6. https://www.youtube.com/watch?v=dBydPhJ9l3U
7. https://www.youtube.com/watch?v=8NGF9M1dFs0
8. http://www.sh-emam.com/show_fatawa.php?id=619
9. http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id
=158143
10. http://www.sudanile.com/index.php/2008-05-19-17-39-36/252-2-9-7-9-2-3-
0/49074-cC2A22a
11. http://ar.islamway.net/lesson/11587/%D8%AC%D9%85%D8%A7%D8%B9%D8
%A9-%D8%A7%D9%84%D8%AA%D8%A8%D9%84%D9%8A%D8%BA-
%D9%88%D8%A7%D9%84%D8%AF%D8%B9%D9%88%D8%A9
12. https://ahmadtrini.wordpress.com/2011/03/10/%D9%81%D8%AA%D8%A7%D9
%88%D9%89-%D8%A7%D9%84%D8%B4%D9%8A%D8%AE-
%D8%A7%D9%84%D8%B9%D8%AB%D9%8A%D9%85%D9%8A%D9%86-
%D9%81%D9%8A-%D8%AC%D9%85%D8%A7%D8%B9%D8%A9-
%D8%A7%D9%84%D8%AA%D8%A8%D9%84%D9%8A%D8%BA/
13. https://www.facebook.com/pages/%D9%85%D8%A4%D8%B3%D8%B3-
%D8%AC%D9%85%D8%A7%D8%B9%D8%A9-
%D8%A7%D9%84%D8%AA%D8%A8%D9%84%D9%8A%D8%BA-
%D8%A7%D9%84%D8%A5%D9%85%D8%A7%D9%85-
%D9%85%D8%AD%D9%85%D8%AF-
%D8%A5%D9%84%D9%8A%D8%A7%D8%B3-
%D8%A7%D9%84%D9%83%D8%A7%D9%86%D8%AF%D9%87%D9%84%D
9%88%D9%8A-1303-1364%D9%87%D9%80-%D8%B1%D8%B6%D9%8A-
%D8%A7%D9%84%D9%84%D9%87-
%D8%B9%D9%86%D9%87/141447476044657
14. https://www.facebook.com/pages/%D8%AC%D9%85%D8%B9%D9%8A%D8%A
9-%D8%AC%D9%85%D8%A7%D8%B9%D8%A9-
%D8%A7%D9%84%D8%AA%D8%A8%D9%84%D9%8A%D8%BA-
%D9%88%D8%A7%D9%84%D8%AF%D8%B9%D9%88%D8%A9-
%D8%A7%D9%84%D9%89-%D8%A7%D9%84%D9%84%D9%87-
%D8%A8%D8%A7%D9%84%D9%85%D8%BA%D8%B1%D8%A8/3019779965
66770
15. https://twitter.com/islamy1974
16. http://www.alathary.net/vb2/forumdisplay.php?24-%CD%DE%ED%DE%C9-
%CC%E3%C7%DA%C9-%C7%E1%CA%C8%E1%ED%DB
39
17. https://www.google.dj/url?sa=t&rct=j&q=&esrc=s&source=web&cd=22&cad=rja&
uact=8&ved=0CFYQFjALOAo&url=http%3A%2F%2Fwww.al-
tawhed.net%2Fbooks%2FDownload.aspx%3FID%3D407&ei=jaaBVI2KCMeVaqPSgt
AB&usg=AFQjCNHOvdioo2WmG0eNzmgyS0gNc6wtZQ&sig2=XfNQowiGLphmd9_x3F
6b7Q&bvm=bv.80642063,d.d2s
18. http://www.qataru.com/vb/showthread.php?t=20203
19. http://www.muslm.org/vb/archive/index.php/t-147723.html
20. http://www.binatiih.com/go/
21. http://ar.miraath.net/audio/995
22. http://www.haddady.com/ra_page_views.php?id=168
23. https://uqu.edu.sa/page/ar/199450
24. http://ar.alnahj.net/cat/section/59
25. http://www.ahlalhdeeth.com/vb/showthread.php?t=87503
26. https://archive.org/details/Alqawl.albalegh.fi.altahzer.mn.gamet.altablegh
27. http://www.alwafd.org/%D8%AD%D9%88%D8%A7%D8%B1%D8%A7%D8%A
A-%D9%88%D9%85%D9%84%D9%81%D8%A7%D8%AA/98965-
%D8%AC%D9%85%D8%A7%D8%B9%D8%A9-
%D8%A7%D9%84%D8%AA%D8%A8%D9%84%D9%8A%D8%BA-
%D8%A7%D8%B9%D8%AA%D8%B2%D9%84%D8%AA-
%D8%A7%D9%84%D8%B3%D9%8A%D8%A7%D8%B3%D8%A9-
%D9%81%D8%A7%D8%B9%D8%AA%D8%B2%D9%84%D9%87%D8%A7-
%D8%A3%D9%85%D9%86-
%D8%A7%D9%84%D8%AF%D9%88%D9%84%D8%A9
DHAMMAAD
فتوى فضلة الشخ عبدالرزاق عفف رحمه هللا
بعظمة هللا؟ فقال الشخ: )) الواقع أنهم مبتدعة : عن خروج جماعة التبلغ لتذكر الناس -رحمه هللا -سئل الشخ
محرفون وأصحاب طرق قادرة وغرهم، وخروجهم لس ف سبل هللا، ولكنه ف سبل إلاس، هم ال دعون إلى
الكتاب والسنة ولكن دعون إلى إلاس شخهم ف بنجالدش. أما الخروج بقصد الدعوة إلى هللا فهو خروج ف سبل هللا
لس هذا هو خروج جماعة التبلغ. وأنا أعرف التبلغ من زمان قدم، وهم المبتدعة ف أي مكان كانوا هم ف مصر، و
.(( وإسرائل وأمركا والسعودة، وكلهم مرتبطون بشخهم إلاس
1/174فتاوى ورسائل سماحة الشخ/ عبد الرزاق عفف ) ] ) ]
40
Ddd
==========================
W/Q: Mufakkir Mohamed Abdirizak Said “SAMIIK”
Independent Researcher
Facebook Account:
https://www.facebook.com/Samiik10
Facebook Page:
https://www.facebook.com/pages/Mufakkir-Mohamed-
Samiik/543082142505150?ref=bookmarks
Personal Blog:
http://samiik.wordpress.com/
وقهح حهر وهىا عهى اناس ، ا أزحى انساح ، انههى إنك أشكى ضعف قىذ
أد زب انسرضعف ، وأد زت ، إنى ي ذكه ؟ إنى تعد رجه ؟ أو إنى عدو
يهكره أيسي ؟ إ نى ك تك عه غضة فال أتان ونك عافرك ه أوسع ن ، أعىذ
اخسج ي أ ذزل تتىز وجهك انري أشسقد نه انظهاخ ، وصهح عهه أيس اندا و
.غضثك أو حم عه سخطك ، نك انعرثى حرى ذسضى ، وال حىل وال قىج إال تك .
أمتك ناصيتي بيدك ماض في حكمك ، عدل في اللهم إني عبدك ابن عبدك ابن قضاؤك أسالك بكل اسم هو لك سميت به نفسك أو أنزلته في كتابك ، أو علمته أحدا من خلقك أو استأثرت به في علم الغيب عندك أن تجعل القرآن ربيع قلبي ،
" ونور صدري وجالء حزني وذهاب همي