studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa...

22
studera.nu Af-Soomaali Waxbarashada Tacliinta Sare ee Sweden dhexdeeda Dad badan ayaa waxay ku fekiraan in ay helaan heer tacliin ee waxbarasho sare ah, laga bilaabo ardayda dhammaynaysa waxbarashadooda dugsiyada sare kuwaasoo jecel in waxbarashadooda ay sii wataan, dadka qaangaarka ah ayaa iyaguna jecel in ay bartaan wax cusub iyaga oo qaadanaya koorsooyin masaafo ama meel kale laga qaadanayo. Tacliinta Sare waa wax mirodhal u ah horumarka shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka dhaqamada, iyagoo sare u qaadaya fursaddahooda tartanka loogu jiro dunnida maanta sii kordhaysa ee suuqa caalamka. Buug yarahan dhexdiisa, waxaa ku qoran macluumaad ku saabsan waxbarashada laga helo heerka jaamacaddaha ee Sweden ka jira. Halkan, waxaad oggaan kartaa wax badan oo ku saabsan jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacadda, koorsooyinka iyo barnaamijyada, socodsiinta arjiga, taageerada dhaqaale inta waxbarashada aad ku jirto, macluumaad waxtar leh oo ku saabsan deegaanka iyo shaqada ee waxbarashada ka dib.

Upload: others

Post on 01-Feb-2020

2 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

Af-SoomaaliWaxbarashada Tacliinta Sare ee Sweden dhexdeeda

Dad badan ayaa waxay ku fekiraan in ay helaan heer tacliin ee waxbarasho sare ah, laga bilaabo ardayda dhammaynaysa waxbarashadooda dugsiyada sare kuwaasoo jecel in waxbarashadooda ay sii wataan, dadka qaangaarka ah ayaa iyaguna jecel in ay bartaan wax cusub iyaga oo qaadanaya koorsooyin masaafo ama meel kale laga qaadanayo. Tacliinta Sare waa wax mirodhal u ah horumarka shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka dhaqamada, iyagoo sare u qaadaya fursaddahooda tartanka loogu jiro dunnida maanta sii kordhaysa ee suuqa caalamka.

Buug yarahan dhexdiisa, waxaa ku qoran macluumaad ku saabsan waxbarashada laga helo heerka jaamacaddaha ee Sweden ka jira. Halkan, waxaad oggaan kartaa wax badan oo ku saabsan jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacadda, koorsooyinka iyo barnaamijyada, socodsiinta arjiga, taageerada dhaqaale inta waxbarashada aad ku jirto, macluumaad waxtar leh oo ku saabsan deegaanka iyo shaqada ee waxbarashada ka dib.

Page 2: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

Tacliinta waxbarashada jaamacaddaha qof kasta ayaa heli karaJaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacadda Swedish waxay u furan yihiin qof kasta oo jecel in ay sii wataan waxbarashadooda. Tiro badan oo bulshada ka mid ah ayaa jaamacad waxbarasho u taga inta ku jiraan noloshooda. Qaar badan ayaa si toos ah tacliin waxbarasho sare u raadsada marka dugsiga sare ay soo dhammayaan, inkastoo qaar kalena ay doortaan in ay marka koowaad shaqeystaan ama dibadda u safraan ka hor inta jaamacad aysan bilaabin. Inta badan ardayda ay da'doodu udhaxeyso 20 iyo 25 sanno jir, inkastoo qaarna ay da'daas ka wayn yihiin.

Jaamacaddaha Sweden ayaa aad unoqonayaa kuwa ay dhigtaan arday dhaqamo­kala­duwan ka soo kala jeeda. Ardayda badan oo ajaanib ah ayaa Sweden u yimaada barnaamijyo waxbarasho oo dhowr ah. Bee'ayd ay sugan yihiin dhaqamo­kala­duwan oo laga bixiyo tacliin sare ayaa ah meel la jeclaysto ee goob waxbarasho.

Xaqiiqda & Tirada Tacliinta Sare ee Sweden• Inta arday ee sannad kasta wax ka barta Sweden dhexdeeda: 357,000• Tirada barnaamij ee bixiya shahaadada bajaloorka iyo heerka mastareedka: in

ka badan 4,000• Tirada barnaamijyada Ingiriiska lagu dhigo ee heerka baajaloorka iyo

maastareedka: in ka badan 700• Boqolkiiba oo ah dadka Swedish ka ah ee ay da'dood udhaxays0 30­34 ee ugu

yaraan haysta laba sanno oo ah waxbarasho sare waa: 47.5• Tirada ugu badan oo ah deeqda ardayda waqti buuxa dhigta sannadkiiba uu

heli karo (waa isku jir deeqo iyo dayn): 90,240 SEK• Boqolkiiba arji­qortayaalka haweenka ah ee markii ugu horeysay soo dalbaday

2012:58• Tirada ardayda cusub ee shisheeyaha ah 2011­2012: 13,100• Tirada arday ee masaafo fog waxbarashada ku qaata: 68,000• Tirada ardayda samisteerka dayrta 2012 shahaadada ugu sareysa ee

jaamacadda ku jira: 19,000• Tirada ardayda ee waxbarashada dibad u aadda 2011­2012: 27,700• Heerka baalgamuundada ee ardayda soo dhammeeyay waxbarashada dugsiga

sare kaliya: 7.3• Heerka baalgamuundada ee ah ardayda halay heer waxbarasho sare: 4.8 %

Page 3: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

Waxbarashada afka Swedish ama Ingiriiska?

Jaamacaddaha Swedish waxay bixiyaan kummanaan koorsooyin iyo barnaamijyo oo lagu bixiyo luqadda Swedish ka, iyo luqadda Ingiriiska. Ardayda aan weli si wanaagsan aan u baran heerka la isaga baahan yahay ee af Swedish ka (Swedish 3, heerka Swedish lagu dhiggo iskuullada sare ee 3 sanno) ayaa waxay baran karaan koorsooyinka luqadda Ingiriiska lagu bixiyo. Soo galootiga Swedish ka (SFI) ma ahan shuruudda tacliinta waxbarashada sare. Dhammaan koorsooyinka lagu bixiyo luqadda Swedish oo qoran waxaad ka heli kartaa bogga internetka Antagning.se. Koorsooyinka waad isku barbardhigi kartaa adiga oo isticmaalaya barta "Jämför utbilding" (waa afka Swedish ka kaliya) ee bogga studera.nu. Universityadmissions.se waxaa ku qoran koorsooyinka lagu bixiyo luqadda Ingiriiska oo dhammaystiran. Fadlan waxaad oggaataa in koorsooyinka lagu bixiyo luqadda Ingiriiska lagu dhigto shuruudaha ugu yar ee luqadda Ingiriiska. Wax badan oo ku saabsan shuruuddaha laga isaga baahan yahay ee waxbarashada waxaad ka heli kartaa Antagning.se, Universityadmissions.se, ama bogga internetka ee jaamacadda koorsada bixinaysa.

Page 4: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

Jaamacad ama kulliyad jaamacad?

Sweden waxaa ku yaalla in ka badann 50 xarumood oo waxbarasho sare laga bixiyo ­ laga bilaabo Kiruna oo ah dhanka waqooyi ilaa Malmö oo ah dhanka koonfur. Iskuulladan badankoodu waa iskuul dadwayne, taasoo micnaheedu ah waxaa iska leh dawladda. Sidoo kale qiyaastii waxaa jira ilaa iyo toban iskuullo oo (gaar) loo leeyahay oo bixiya barnaamijyo oo loo oggol yahay in ay bixiyaan shahaadooyinka maadooyin dhowr ah. Jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacadda waxa ay helaan oggolaansho ku aadan shahaadooyinka barnaamijyada ay bixiyaan waxay oggolaansho ay ka helaan hay'ad ka tirsan dowladda Swedish hay'addaasoo loogu yeero Mas'uulka Tacliinta Waxbarashada Sare ee Swedish [Swedish Higher Education Authority]. Waaxda waxay si joogto ah ay u baartaa xarrumaha waxbarashada sare iyo barnaamijyadooda si tayadooda loo hubiyo. Barnaamijyada baaritaanka ku baaso kaliya ayaa loo oggolaadaa in ay bixiyaan shahaadooyinka.

Waxaa dhici karta in buug yarahan aad ka aragto kalmadaha sida jaamacad uu isticmaalyo kalmada (universitet) iyo jaacad kulliyad (högskolan). Sweden waxay leedahay jaamacaddo iyo kulliyado jaamacaddaha labadaba labaddoodaba waxa ismadooriyaan marka laga hadlayo tayo. Faraqa u dhaxeeya ayaa wuxuu yahay jaamcad markastaaba waxay bixisaa waxbarashada shahaada sare ee (PhD) oo ay siiso ardayda dhammaystay shahaadadooda koowaad, halka kulliyaddaha jaamacaddaha aysan shahaadadaasi bixin karin. Si kastaba ha noqotee,

Page 5: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

kulliyaddaha jaamacaddaha qaar ayaa haysta oggolaansho qaar oo u oggolaada in ay bixiyaan shahaadooyin sare oo cilmi baaris gaar ah. Kalmadda xarumaha waxbarashada sare (higher education institution [HEI] waxaa loola jeedaa jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacaddaha labadaba.

Buug yarahan, mar marka qaar waxay isticmaalaynaa kalmadda jaamacaddaha goorta aan ka hadlayno jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacaddaha labadaba ­ fadlan ogsoonow.

Su'aasha ay inta badan ay ardaydu badankooda iswaydiiyaan ayaa waxay tahay middee fiican jaamacad ama kulliyadaha jaamacad. Suurtogal ma ahan in su'aashan laga jawaabo oo waxay ku xiran tahay waxa aad adiga ay kula tahay ee kuu wanaagsan. Waxyaabaha xisaabta lagu darsado ayaa ah iyadoo la eego barnaamijyada ay bixiso xajmiga jaacadda, goobta ay ku taallo, bee'ayda, iyo waxyaabo kale oo adiga kuu muhiim ah.

Tir badan oo ah jaamacado iyo kulliyaddaha jaamacaddaha ayaa ku taqasusa waxbarasho gaar ah, sida maadooyinka farshaxanka ama maadooyinka ingineering. Barnaamijyada kale ee la bixiyo ee xirfaddo kala dhowr ah. Xusuusnow in tayada waxbarashada oo si joogto ah ay uqiimayso Waaxda Waxbarashada Sare ee Swedish [Swedish Higher Education Authority].

Sidoo kale waxaa jira shirkaddo waxbarasho oo gaar loo leeyahay oo Sweden ka howlgallo. Iyaguna badanaaba jaamacaddo iyo kulliyado jaamacad ayay isku magacaabaan, haddana ma soo buuxiyaan heerka waxbarashada. Inta badanba lacag waxbarasho ayay dad ku soo dalacaan. Macluumaadka ku qoran buug yarahan ma soo qaadannayo iskuullada noocan oo kale ah. Taa waxaa raacsan, macluumaad ku saabsan shirkaddahan waxbarashada gaarka ah kama helaysid studera.nu, Antagning.se ama Universityadmissions.se.

Page 6: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

Koorsooyinka iyo barnaamijyada

Waxbarashada jaamacaddahaaga waxay ka koobnaan doontaa qeybo casharbixin oo koorsooyin loogu yeero. Wadankan Sweden, waxaad dooran kartaa in aad qaadato koorsooyin gooni ah oo adiga iskaa isugu gaysnayso shahaado, ama waxaad dooran kartaa barnaamij waxbarasho oo jaamacadda ay horeyba u go'aamisay koorsooyinka ay ka koobnaan doonto. Barnaamijyada waxbarashada oo dhan shahaado ayay kuu horseedayaan, halkaasoo lagaa doonayo in aad doorato koorsooyinka gaar ah oo sax kuu ah si aad isugu gayso oo shahaado aad u hesho.

Goorta laguu oggolaado in barnaamij aad ka qaadato, waa hubaal in boos lagaaga qabto dhammaan koorsooyinka barnaamijkas la socda. Haddii aad qaadanaysid koorsooyinka ay ku jiraan koorsooyinka kala dhowr ah, waa in aad dalbataa oo laguu koorso kasta laguu oggolaadaa inta waxbarashadaada aad ku jirto. Sidaas darteed, haddii koorsooyin aad isku darayso adiga oo shahaado tiigsanaya oo aadanna ka qeyb ahayn barnaamijka, ma jirro wax hubaal oo ah in boos laguu celin doono koorso kasta.

Waxaad isku qori kartaa waqti buuxa [full­time] ama waqti nus ah. Haddii aadan karin ama aadan jeclayn in aad u guurto magaalo ama degmo kale oo aad raadsato jaamacad ama kulliyad jaamacad, waxaad dooran kartaa waxbarashada masaafadda. Tani waxay micnaheedu tahay waxaad dhiggan kartaa adiga oo

Page 7: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

guriga jooga ama jooga meel magaaladaada dhexdeed ah. Xarrumaha waxbarashada waxaa dhigta arday oo lataliyayaal xirfad shaqo ayaa jooga oo talo iyo taageeraba ku siin kara. Koorsooyinka qaar oo masaafo laga barto waxay kaaga baahan yihiin in aad iska soo xaadiraso kullamo dhowr oo jaamacadda lagu qabanayo, halka kuwa kalena aysan qaban. Waxaad raadsan kartaa koorsooyinka meel ka baxsan lagu barto oo aan doonayn in kullan la soo xaadiro ama aan la soo xaadarin ka eeg boggooda oo ah Antagning.se iyo Universityadmissions.se, ama koorsooyin dhowr ah isku barbardhig oo ka eeg studera.nu adiga oo isticmaalaya "Jämförutbildning". Adeeggan af Swedish kaliya ayaa lagu bixiyaa.

Saxida iyo buundooyin koorsooyinkaDhammaan koorsooyinka iyo barnaamijyada tacliinta sare ayaa waxay bixiyaan buundooyin waxbarasho. Hal­samister oo waqti buuxa oo waxbarasho ah 30 buundooyin oo sannad dugsiyeed buuxa waxaad ku helaysaa 60 buundo. Barnaamijyada ayaa inta badan ah kuwo seddex sanno ah (180 buundooyin) ee heerka shahaadada bajaloorka iyo hal ama laba sanno (60 ama 120 buundooyin) ee heerka shahaadada mastereedka.

Si loo qiimeeyo howsha iyo hurumarka ardayga, macalinka koorsada dhiga ayaa wuxuu bixiyaa imtixaannaad. Imtixaannada waxay isugu jiraan kuwo waqti la isu qabto iyo kuwo qoraal ah, kuwo guriga lagu soo dhammaystiro, ama mid af ah. Sidoo kale ardayda waxaa looga baahan yahay in ay soo dhammaystiraan oo ay soo gudbiyaan laylisyada shaqsi iyo kuwa kooxa ee loo diray. Laabs, shaqooyinka koox iyo warqaddaha waxbarasho ayaa sidoo kale ah shuruudaha ay koorsooyinka dhowr ah la iska doonayo.

Buundooyinka ardayda waxaa lagu saleeyaa natiijada howshooda. Waxaad xaq u leedahay in imtixaannada aad dib u qaadato, laakin 5 jeer kama badnaan karto. Mar marka qaarkood, ardayda rafcaan ayay ka qaadan karaan buundada la siiyay ee imtixaan ay qaateen. Macluumaad badan oo ku saabsan imtixaannada iyo buundooyinka waxaad ka heli kartaa studera.nu.

Noocyada shahaadoGoorta aad dhammaystirto waxbarashadaada, waxaad waydiisan kartaa in shahaado lagaa siiyo jaamacadda ama kulliyadda jaamacadda ee halka aad wax ka baratay. Waxaa jira seddex nooc oo shahaado ah ee la bixiyo: guud, maadooyinka aadaabta iyo xirfadleyaal.

Waxaa jira laba nooc oo ah shahaadooyin guud ee heerka waxbarashada hore ee Jaamacadda: Shahaado jaamacad oo (2 sanno) ah iyo Shahaadada Bajaloorka oo (3 sanno) ah. Waxaa intaa dheer, waxaa jira laba nooc oo qallinjebin ah shahaadada heerka (qeybta labaad): Shahaado Mastar (1 sanno) iyo Shahaado Mastar oo (2 sanno) ah.

Page 8: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

Barnaamijyada bixiya shuruuddaha xirfaddo qaar ee uhorseeda in la bixiyo shahaado xirfadle. Tusaalooyinka barnaamijyada oo kale waa sida kalkaalisannimada, ingineering iyo cilmi­nafsiga.

Page 9: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

La taliyaha iskuulka

Waa wadada ugu wanaagsan oo caawinaad u heli karto oo ah su'aallahaaga ku saabsan waxbarashada jaamacadda aad la taliyaha iskuulka aad kala hadasho. Haddii aad dhigato Swedish upper secondary school [dugsiga sare] ee (jimicsiga), la taliyaha iskuulka waxaad kala xiriiri kartaa iskuulkaaga. Ardayda wax ka barta dugsiga sare ee folk (folkhögskolan) ama barnaamijyada waxbarashada qaangaarka ee dowladda hoose ayaa sidoo kale waxay leeyihiin la taliye iskuul. Jaamacad iyo kulliyad jaamacad kasta ayaa sidoo kale leh adeegyada la talinta oo ay ardayda ugu talagaleen. Adeegyada "Jämfor utbildning" ee ku qoran studera.nu (af Swedish kaliya) waxaa ku qoran macluumaadka aad kula xiriiri karto adeegyada la taliyaha ee jaamacaddaha aad adigu danaynayso.

Page 10: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

Xaq u yeelashada waxbarashada

Si jaamacadda ama kulliyadda jaamacadda loo dhigto, waa in aad soo buuxisaa shuruuddaha guud iyo shuruuddaha gaarka ah ee la isku qoro koorsooyin ama barnaamijka adiga aad dalbatay.

Shuruuddaha lagu galo ee guudDhammaan koorsooyinka iyo barnaamijyada waxaa jira shuruuddo qaar oo aassaasi ah. Haddii aad leedahay waxbarasho diyaar­gareyn ee dugsiga sare (gymnasieexamen) oo aad ka qaadatay dugsi sare ee Swedish (gymnasium) ama barnaamijka waxbarashada dadka qaangaarkah ee degmada, waxaad soo buuxisay shuruuddaha guud ee lagu galo ee waxbarashada sare ee Sweden dhexdeeda. Xitaa ardayda leh xirfad ama tababar ka haysta dugsi sare oo Swedish ama barnaamijka waxbarashada dadka qaangaarka ee keenay buundada (A­E) ee Swedish ama Swedish sida luqad labaad oo kale 2 + 3 iyo luqadda Ingiriis 6 waxay buuxiyeen shuruuddaha guud ee lagu galo waxbarashada tacliinta sare. Haddii ay kaa dhimman tahay xirafadda Swedish ama Ingiriiska, waa in aad barataa koorsooyinkan oo aad ku baastaa.

Page 11: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

Haddii waxbarashada dugsiga sare aad ku soo dhammaysatay wadan kale oo waxbarashada dugsiga sarena aad soo dhammaysay wadankaaga, waxay u badan tahay Sweden dhexdeeda aad uqalanto haddiiba aad ka soo baxdo shuruuddaha afka Swedish ka, Ingiriiska iyo xisaabta.

Sidoo kale xaq u yeelashada waxaa kaloo ku aad ku heli kartaa adiga oo u mara wax loogu yeero 'reell kompetens' ama waxbarasho hore. Macluumaad dheeraad oo ku saabsan qiimayn barasho hore waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee iskuul kasta.

Shuruuddaha gaarka ah ee lagu galoKoorsooyinka badankood, ardayda waxaa looga baahan yahay in ay soo bandhigaan aqoon hore. Tan waxaa loogu yeeraa xaq u yeelasho gaar ah Tusaale waxaa noqon kara barnaamijka injineerin ka, halkaasoo ardayda loogu baahan yahay in uu soo dhammaystay koorsooyinka xisaabta ee heerka sare iyo koorsooyinka sayniska kale. Koorsooyin iyo barnaamijyo qaar, tusaale ahaan maadooyinka farshaxanka, waxaa dhici karta in loo baahdo imtixaan gaar ah ama waayo aragnimo qoraal ah.

Ka waran haddii aanan ka soo bixi karin shu-ruuddaha?Haddii aadan ka soo bixin shuruuddaha lagu galo ee gaarka ah ama midda guud, waxaa jira qaabab lagu heli karo. Macluumaad dheeraad waxaad ka heli kartaa iskuullada sare, xafiisyada waxbarashada dadka qaangaarka ah ee degmada iyo iskuullada sare ee [folk high schools]. Sidoo kale la taliyaha iskuulka ayaad kaalmo ka heli kartaa. Ka eeg folkhogskola.nu, studera.nu ama bogga internetka ee degmada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Imtixaanka [Swedish Scholastic Aptitude Test]Haddii aad ka soo baxdo shuruuddaha lagu galo, fursadda ah in laguu oggolaado kor ayaad u qaadi adiga oo gala Imtixaanka Swedish Scholastic Aptitude Test. Imtixaankan oo caamka ah sideed qeybood ayaa loo qeybiyay oo waxaa ku jira 160 su'aalood oo laka dooranayo. Maadooyinka oo dhan aannan ka ahayn garashada aqriska Ingiriiska waa luqadda Swedish ka, sidaa­awgeed wax wanaagsan in aad ka taqaano luqadda Swedish ayaa la iska doonaayaa. Maadooyinka la isku imtixaanno waa: xisaabta;barbardhigga xisaabta; taswiirro wax lugu bayaaninayo, shaxan iyo qariido; macluumaad ku filan; fahamka aqriska Ingiriiska; fahamka aqriska Swedish; kalmaddaha Swedish ka; iyo jumlad dhamaystirka.

Imtixaanka sannadkii laba jeer ayaa la qabtaa oo ilaa i inta aad jeceshahay ayaad gali kartaa. Natiijadaada imtixaanka ilaa iyo 5 sanno ayay jiriyaan. Waad dalban kartaa oo waxaad dhammaystir kartaa meelaha koorsooyinka iyo barnaamijyada

Page 12: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

iyadoo lagu salaynayo fasaladaada iyo natiijooyinka imtixaanka, sidaa­awgeed wax kaa lumaayo ma jiro oo imtixaanka gal. Macluumaad ku saabsan imtixaankan oo (Swedish) ah, oo ay ku jiraan dukumentiyada arjiga, kala soo bax www.hogskoleprov.nu . Macluumaad ku qoran af Ingiriis oo imtixaanka ku saabsan, fadlan ka eeg studera.nu.

Page 13: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

Dalbashada tacliin sare

Guddiga Tacliinta Sare ee Swedish [Universitets­ och högskolerådet](UHR) iyadoo ay kaashanayaan jaamacaddaha Swedish iyo kulliyada jaamacadda ayaa mas'uul ka ah oggolaanshaha qaadashada koorsooyinka iyo barnaamijka. Ardayda waxay jaamaddaha Swedish iyo kulliyaddaha jaamacaddaha waxay ka codsan karaan boggaga Antagning.se (koorsooyinka iyo barnaamijyada Swedish la isku barro) iyo Universityadmissions.se (koorsooyinka iyo barnaamijyada Ingiriiska la isku barro).

Haddii aqoonsiga aad ilaalisay, oo aadan shaacin faahfaahinta shaqsi ama ay jiraan sababo kale internetka kama buuxin kartid, UHR ayaad kala xiriiri kartaa wixii caawinaad ah. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heli kartaa studera.nu iyo Antagning.se.

Macluumaad ku saabsan socodsiinta arjiga, shuruuddaha xaq u yeelashada iyo dalabyada socodsiinta waxaa laga heli karaa Antagning.se af (Swedish) ah ama Universityadmissions.se af (Ingiirska). Halkaas, waxaad ka baari kartaa koorsooyin iyo barnaamijyo, samayso koonto isticmaale, arjigaaga oggolaanshaha soo gudbi, oo natiijooyinkaaga oggolaanshaha soo gudbi. Fadlan waxaad oggaataa in Universityadmissions.se yahay bog loogu talagalay inuu buuxiyo baahida ardayda caalamiga; hase­yeeshee, waxaad heli kartaa macluumaad oggolaansho ee la xiriira oo ku qoran Ingiriiska iyo buug ku qoran koorsooyinka iyo barnaamijyada lagu bixiyo luqadda Ingiriiska oo bogga internetka ku qoran.

Page 14: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

Sannadka arjiga laba samister ayaa loo qaybiyaa. Samisterka dayrta wuxuu bilawdaa bisha Agoosto/Seteember oo wuxuu dhammaadaa bartamaha bisha Janaayo. Samisterka xiling gu'a wuxuu bilawdaa bartamaha bisha Janaayo oo wuxuu dhammaadaa bisha Juun. Waqtiga kama dambayska arjiga waa:

• Ardayda caalamiga ah koorsooyinka iyo barnaamijyada afka Ingiirska lagu bixiyo(dhammaan ardayda oo dhan ayaa dalban kara haddii ay doonayaan), Janaayo 15 eesamisterka xiliga dayrta iyo Agoosto 15 ee xiling gu'a

• Dadka Sweden degan ama wadamada EU/EES ee koorsooyinka iyo barnaamijyadalaga bixiyo afka Swedish ka iyo luqadda Ingiriiska (fadlan ogsoonow in koorsooyinqaar ee la bixiyo horraanta qeybta hore aan la bixin waqtigan), Abriil 15 ee xiligadayrta iyo Oktoobar 15 ee xiling gu'a.

Haddii aad jeceshahay in aad dhigata inta lagu jiro xiliga xagaaga, jaamacaddaha waxay bixiyaan koorsooyinka gaa­gaaban oo waqtiyo kala duwan ah. Mudada arjiga ee koorsooyinka xiliga xagaaga waa Maarso 15.

Page 15: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

Taageero dhaqaale

Tacliinta Sare ee Sweden dhexdeeda waa bilaash oo wax qarash ah lagama qaadayo muwaadinniinta wadamada EU/EES ama Switzerland. Shaqsiyaadka degnaansha ku leh Sweden sababo aan ka ahayn waxbarasho ayaa iyaguna sidoo kale bilaash u ah qarashka lagu barto. Tacliinta shahaadada ugu sareyso qof kasta waa u bilaash.

Adiga arday ahaan, weli waxaad u baahnaan doontaa lacag aad isaga bixiyo qarashka qutul­yoonka, sida cuntada, hoyga iyo qoraallada koorsada iwm. Dariiqa ugu caamka ah oo ay ardayda kaalmo ku hali karaan inta lagu jira waxbarashadooda ayaa ah in deeq waxbarashada ay ka dalbadaan Guddiga Qaranka ee Kaalmada Ardayda (Centrala studiestödsnämnden, CSN). Kaalmada ardayda waxay ka kooban tahay deeqda ardayda oo aan lagaaga baahnayn in aad dib u bixiso iyo daynta ardayda oo la iska doonayo in dib loo bixiyo. Waxaad dalban kartaa oo kaliya deeqda haddii aad leedahay dhaqaale kale. Kaalmo waad u heli kartaa haddii waxbarashadaada ay tahay [part­time].

Kaalmada loogu talagalay waxbarashada jaamacadda waxaa la heli karaa ugu badnaan 240 todobaad. Kaalmada ardayda waxaad heli kartaa ilaa iyo aad ka gaarto da'da 56 sanno jir, laakin xuquuqda in aad lacag ammaahsan karto waxay ku eg tahay maalintii ay 47 sanno kuu gasho.

Page 16: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

Xaq u yeelashadaada kaalmada ardayda wax saamayn kuma yeellan doonto inta lacag ee koontada bangiga kugu jiro ama daqliga qoyskaaga soo gasha. Hase­yeeshee, xad ayaa jira oo ah inta lacag ee aad kasban karto inta lagu jiro kaalandarka nus ee sannadkii inta aad ku jirto waxbarashada ka hor inta aysan saamayn ku yeellan kaalmada ardayda ee ay dhici karta in aad hesho. Uma baahnaan doonto in aad noo fidiso nooc kasta damaanad ah ee dayntaada ah, laakin samister kasta waa in aad keentaa buundooyinka gaar ah si aad kaalmada ardayda aad u hesho.

Xeerar gaar ah ayaa ku qabanaya haddii aadan haysan dhalashada Swedish ka. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee CSN's waa www.csn.se .

Dib u bixinta dayntaDib u bixinta daynta waxay kuu bilaabmaysaa lix bilood ka dib marka waxbarashada ay kuu dhammaato markii ugu dambaysay ee daynta lagu siiyay. Lacagta aad dib u bixinayso waxay ku xiran tahay inta lacag ee aad ammaahatay, sicirka dulsaarka iyo da'daada. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dib u bixinta waxaad ka heli karaa CSN' boggeeda internetka.

Deeqda-waxbarashada iyo qarashka hoygaWadankan Sweden, ma jiro deeq­waxbarasho oo badan oo ay dalban karaan ardayda ku jira tacliinta waxbarashada, deeqada waxbarashada ee jirtana ma ahan mid ku filan qofka inuu masaruufto. Xaqiiq dii, ardayda reer Sweden kaalmada ardayda ayay qaataan halka ay ka qaadan la'haayeen deeq­waxbarasho. Maktabbadaha dadwaynaha ayaad ka helaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan halka deeq­waxbarasho aad ka dalban karto. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heli kartaa studera.nu.

Ardayda looga baahan yahay in ay iska bixiyaan lacagta waxbarashada ee wadankan Sweden waxay dalban karaan deeq­waxbarasho iyagoo u mara Swedish Institute, iyo jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacaddaha. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heli kartaa Studyinsweden.se.

Haddii aad tahay waalid leh carruur ay da'doodu udhaxayso 18 iyo 28 sanno jir oo daqligoodana hooseeyo, waxaad dalban kartaa lacagta hoyga. Macluumaad badan waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee Xafiiska Caymiska Bulshada ee [Swedish Social Insurance Office] oo ah www.forsakringskassan.se.

Shaqada inta waxbarashada ay socotoWaxaa muhiim ah in aad xusuusato in waxbarashada ay waqti u baahan tahay. Waxbarashada waqtiga buuxa ah [full­time] waxay la mid tahay sida adiga oo shaqeeya shaqo waqti­buuxa ah, tusaale ahaan, todobaadkiiba 40 saacaddood.

Page 17: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

Ardayda qaar waxay shaqeeyaan waqti nus ah inta ay waxbarashadoodu ku jiraan; hase­yeeshee, goorta aan fasalka lagu jirin, waqtigaaga badankiisa waa in aad gelisaa in iskaaga ama asxaabtaada aad isla dhigataan aad isla barataan casharka la idin siiyay.

Qarashka MaciishadaMiisaaniyadda soo socda ee loogu talagalay ardayda labka ah iyo kuwa dheddigga ah waxaa isku soo ururiyay Hay'adda Macmiilka ee Swedish [Swedish Consumer Agency] (Konsumentverket). Kuwan waa qiyaas kaliya; qof kasta wuxuu leeyahay karti uu ku kaydsado waxyaabo kala duwan, tusaale ahaan cunto. fadlan ogsoonow in waxyaabaha ku kaca ay caado ahaan in magaalooyinka wa wayn sida Stockholm ama Gothenburg ay aad uga badnaan karto, oo ayna jirto in meelaha fog ee Sweden dhexdeeda ah ay ka sii yaraan karto.

Qiyaasaha la soo qaatay ee bishiiba oo Swedish kronor ah (SEK).Rag Dumar

Cuntada 2,380 1,790

Nadaafadda shaqsi 380 510

Dharka iyo kobaha 590 600

Waqti­firaaqada 620 620

Telefoonka gacanta 230 230

Agabyada sida xaashida musqusha, iwm 100 100

Isgaarsiinta, oo ay ku jiraan internetka iyo shatiga TVga 600 600

Caymiska guriga 90 90

Kirada 3,500 3,500

Korontada 250 250

Buuggaagta iskuulka iyo suugaanta 750 750

Gaadiidka dad­weynaha 510 510

Isu­geyn 10,000 9,550

Page 18: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

Hoyga ardayda

Waxaa jira dhowr hoy oo kala duwan ee ay ardayda heli karaan. Haddii laguu oggolaado in aad koorso ama barnaamij aad ka qaadato jaamacad ku taala halka aad degan tahay, halka aad degan tahay ayaad sii degnaan karta. Iqtiyaarka kale ayaa waxay tahay waxaad kiraysan karta guryaha ay ardayda degan yihiin ama hoolka ardayda ayaad qol ka kiraysan kartaa. Haddii aad degan tahay hoolka ardayda, qol adiga gooni kuu ah ayaa lagu siin doonaa oo meelaha kushiinka ayaad arday kale aad la wadaagi doontaa.

Noocyada hoy ee ay ardaydu heli karaan waxay ku xiran tahay halka ay jaamacaddu ku taal. Barta ugu wanaagsan ee aad ka heli karto macluumaad ku saabsan waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee jaamacadda aad qorshaynayso in aad dhigato. Hoyga ardayda ­ iyo macluumaadka ku saabsan ­ waxaa bixin kara iskuulka, Ururka Ardayda, ama shirkaddaha hoyga gaarka ah.

Helida bar lagu noolaado inta waxbarashada lagu jiro ayaa ah mid culus. Waxaa aad muhiim u ah in raadinta waqti hore la bilaabo, gaar ahaan haddii aad waxka baranayso magaalo wayn ama degmo. Halkan studera.nu, macluumaad dheeraad ah ee sida loola xiriiro waxaad ka heli kartaa dhammaan jaamacaddaha iyo kulliyaddaha jaamacaddaha ee wadanka Sweden, iyo sidoo kale macluumaad ku saabsan hoy hubaal ah.

Page 19: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

Shaqada waxbarashadaada ka dib

Barta ugu wanaagsan oo laga heli karo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shaqooyinka iyo xiradda, saadaasha shaqooyinka, iyo waxbarashada ay uga baahan yihiin xafiiska Adeegyada Shaqada Dad­weynaha Swedish. Boggooda, http://www.arbetsformedlingen.se/ , waxaa ku qoran macluumaad badan oo waxtar u ah baaritaanka macluumaadka shaqooyinka iyo shaqsiyaadka shaqo raadiska ku jira. Bogga studera.nu waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan saadaasha suuqa ee barnaamijyada waxbarasho ee dhowr ah.

Haddii waxbarashada aad ku soo dhammaysay wadan kale, waxaa kuu qiimayn kara Guddiga Tacliinta Sare ee Swedish. Haddii waxbarasho jaamacad aad ka dalbatay wadankan Sweden dhexdiisa, buundooyinkaaga duga sare iyo waxbarashada sare waa la qiimayn doonaa marka la eegayo xaq u yeelashadaada in aad qaadan karto koorsooyinka ama barnaamijyada aad dalbanayso. Sidoo kale waxaad dalban kartaa qiimayn gooni ah ee aqoontaada shaqo aad raadinayso darteed. Qiimaynta waa mid muhiim u ah adiga iyo shirkadda aad ushaqayso goorta aad dalbanayso shaqada. Marka laga hadlao xirfaddaha u baahan Macluumaad dheeraad ah waxaa ka heli ka heli kartaa bogga internetka ee Guddiga Tacliinta Sare ee Swedish www.uhr.se .

Page 20: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

Qaababka kale ee waxbarashada

Waxaa jira dalabyo kale oo ay ardayda ku wadan karaan waxbarashadooda dugsiga sare ka dib. Waxbarashada Tababarka Dugsiga Sare (Yrkeshögskolan) waxay isku jiraan waxbarashada maadooyinka tiirootikalka ah iyo kuwa maadada ah oo wada shaqayn dhow aad la samaysaa shirkaddaha iyo hay'addaha. Waxaa la bixiyaa barnaamijyada marka ay jiraan dalabyo awood xirfadeed ee maadooyinkaas. Macluumaad dheeri ah waxaa laga heli karaa www.yrkeshogskolan.se.

Sidoo kale ardayda koorsooyinka iyo barnaamijyada waxay ka baran karaan dugsiga sare ee folk. Qiyaas ahaan Sweden waxaa ka jira 175 oo ah dugsiyada sare ee folk, ayaa dadka qaangaarka ah siiyo waxbarasho maadooyinka qaar ah. Iskuullada sare ee folk ayaa ardayda ka caawiyo in ay udiyaariyaan jaamacadda, ama shaqsiyaadka siiya macluumaad ku saabsan barnaamijyo dheeraad ah oo ay daneeyaan. Si aad waxbadan aad uga oggaato booqo www.folkhogskola.se .

Page 21: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

studera.nu

Waxbarashada dibadda

Jaamacadda Swedish ka badankood heshiisyo ayaa waxay la leeyihiin jaamacaddo shisheeye ee laga qaato barnaamijyo kala duwan ee waxbarasho. Inta aad ku guddi jirto waxbarashadaada dibadda ayaa waxaa loo qiimeeyaa in ay tahay adiga oo ku jira barnaamikaaga Swedish ka oo buundada ay ku siiyaan jaamacaddahaasi waa laguu xisaabayaa marka aad soo laabato.

Si aad uga qaybqaadato barnaamijka waxbarashada dibadda, waa in laguu oggolaadaa jaamacad Swedish ah ama kulliyada jaamacad oo, badanaaba, waa in aad Sweden dhexdheeda ku dhammaysaa oo aad haysataa tiro buundooyin ah inta aadan u ambabixin waxbarashadaada wadan kale.

Ardayda waxay isticmaali karaan deeqda la siiyay iyo daynta ay ka heleen CSN in ay dibadda wax ku soo bartaan. Inta badan, ardayda ayaa sidoo kale xaq u yeesha in ay helaan deeq­waxbarasho oo dheeraad ah. Waa in aad ula xiriirtaa isuduwaha caalamiga oo jaamacaddaada jooga si aad wax badan uga oggaato. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada dibadda ayaa waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee studera.nu.

Erasmus+

Page 22: studera · shaqsi, iyo taasoo sidoo kale sare u qaadaysa qiimaha shaqsigu uu ku yeellanayo suuqa shaqada. Waxaa sare u kaca ardayda xirfaddahooda ee dhanka luqadda iyo isdhexgalka

Barnaamijyada ardayda la isdhaafsado ee ugu wayn ayaa waxaa loogu yeeraa Erasmus+, waa barnaamijka waxbarashda Middowga Yurub ee Yurub dhexdeeda ah. Erasmus+ waxay ardayda ay siisaa fursaddo ay 3 ­ 12 bilood ay wax ku soo bartaan jaamacad ku taala wadanka kale oo Yurub ku yaala. Ardayda Erasmus ma bixiyaan qarashka waxbarashada ku baxa oo deeq­waxbarasho ayaya helaan oo ah 315 ama 375 oo euro ah bishiiba. Ardayda Erasmus+ waxay baran karaan shahaadada koowaad ee jaamacad, maastaradka ama heer shahaada ugu sareysa.

Wax badan oo ku saabsan barnaamijka Erasmus+ waxaad ka oggaan kartaa studera.nu.